25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Saciid DENI oo soo gaaray Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee uu kal hore iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa madaxweynaha kasoo horeeyay Wafdi hordhac u ahaa, kuwaasi oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiisha hab maamuuskiisa iyo Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa hore u shaaciyey in uu ka qeyb-galayo shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuuna taageero ballaaran u muujiyey Rooble oo ay si weyn isku hayaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug iyo HirShabelle oo sida la filayo ayaguna qeyb ka ah shirka Rooble ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, oo dib u sixid loogu sameynayo doorashooyinka socda, kadib markii ay mucaaridka si weyn uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Shirkaan ayaa waxa illaa hadda si cad u diiday ka qeyb-galkiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, oo asagu qeyb ka ahaa Golaha Wada-tashiga Qaranka, wuxuuna dhinaca saaray madaxweynihii hore.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo qorshuhu ahaa in uu furmo 27-kii bishaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii uu madaxweynihii hore Farmajo uu isku dayay in uu fashilayo, inkasta oo uu ku guul-dareystay.

Si kastaba, waxaa kusoo aadaya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo inta badan ka qeyb-galayaan madaxda ku bahoobay, xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo khilaaf u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Wasiirka Amniga oo sheegay inuu tallaabo ka qaadayo saraakiishii joojiyay dibadbaxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay falkii Maanta lagu joojiyey banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah, kaasoo looga soo horjeeday afgambigii la sheegay inuu isku dayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ku sameyn doonaan sida ay wax u dhaceen, waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas uu sheegay in uu u xaqiijinayo in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay Shacabka in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada lana aqbali karin wax rabshada ah.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Cabdullaahi ayaa yimid kadib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ay sheegeen in taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Kaniif iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ay joojiyeen dibadbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macallin Fiqi.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna farriin u diray ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii takiska,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ciidamada Booliska ayaa dhowr jeer oo kala duwan waxay horey u hor istaageen banaanbaxyo looga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxay Mareykanka maanta kala hadleen R/W ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee, xilli ay kasoo dartay xiisada ka taagan dalka.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada-hadleen xaaladihii u dambeeyay ee dalka, amniga iyo doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbatay in xiisadda siyaasadeed ee dalka la dejyo, islamarkaana la dadajiyo doorashooyinka.

Dalalka taageera Soomaaliya ayaa xilligan culeys siyaasadeed saaraya madaxda sare ee dalka, si sax looga gaaro khilaafyada siyaasadeed ee soo laab laabtay, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dhameystirka doorashooyinka dalka oo dhowr jeer muddo dhaafay.

Dowladda Mareykanka ayaa kal hore si buuxda u taageertay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dagaal culus kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

Mareykanka ayaa rumeysan in Rooble uu yahay mas’uul keliya ee xilligan dalka ka saari kara xaalada kala guurka, asaga oo sheegay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Sawirro: Ciidamo kala eryey shacab dhigayey dibad-bax ka dhan ah FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta kala eryey dad shacab ah oo isku soo baxay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Muqdisho, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

Dadweynahan ayaa dhigayey dibad-bax looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, gaar ahaan tallaabad isku dayga Afgembi oo uu qaaday, balse guul darreystay, waxaana kala dareeriyey ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxa ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaan siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka, sida Axmed Macalin Fiqi oo kasoo muuqday banaanbaxa oo sidoo kale lagu taageerayey Rooble.

Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay tallaabada ay qaadeen ciidamada ayaa sheegay in amarka lagu joojiyey dibad-baxooda uu ka so baxay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyaiyo taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

“Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ” Waxaa muuqata nimankaas in weli la shaqaynayaan rajiimkii waqtigu ka dhamaada, ayna dhegaha ka furaysteen baaqii raysulwasaaraha,”.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna farriin u diray ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii takiska,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeya Farmaaho iyo Rooble oo saameeyey doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Beesha caalamka oo shir la yeelaneysa Farmaajo, una gudbineysa farriin ah inuu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ayaa la filayaa in gelinka dambe maanta ay kulan gaar ah la yeeshaan madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo kaas oo ku qabsoomay aalada fogaan araga, sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu soo qaban-qaabiyey xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, isla-markaana looga hadlayo xaaladda cakiran ee Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Caasimada Online in Beesha Caalamka Farmaajo la wadaagi doonto farriintii ugu dambeysay ee ku aadan xiisadda taagan, gaar ahaan inuu faraha kala baxo arrimaha doorashooyinka oo uu mas’uulka ka yahay Rooble.

Cadaadiska Beesha Caalamka ee la saarayo Farmaajo ayaa lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda hareysay Villa Soomaaliya ee saameysay hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Beesh Caalamka ayaa kulanka Farmaajo, kadib la xiriiri doonto ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay kala hadli doonto sii wadista doorashada Golaha Shacabka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa horey u shaaciyey in aan la aqbali karin xiisadda taagan, waxayna soo dhoweysay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu iclaamiyey Rooble.

Sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka ayaa sheegay inay tahay in la dhammeystiro doorashada, lana dadajiyo kuraasta ka harsan baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli Villa Soomaaliya ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, kaas oo saameyn siyaasadeed ku yeeshay dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Xuseen Ceydiid: Farmaajo dagaal wax loogama qaadayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xuseen Faarax Ceydiid ayaa sheegay in Farmaajo uu doorasho ku yimid, doorashana uu ku baxi doono, balse dagaal aan waxaba looga qaadi doonin, sida hadalkiisa uu u dhigay.

Xuseen ayaa sheegay in arrinta hadda taagan aan la dhihi karin khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, balse ay iska tahay caadooyinka shaqada socota markaas.

Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa sheegay in khilaafkaan iyo cakirnaantaan doorashada ay tahay mid horay loo sii filaayey, kadib markii dowlad goboleedyadu ay si xun u maareeyeen doorashadii Aqalka Sare oo ay sameeyeen waxa uu ugu yeeray Malxiis.

“Mas’uuliyiintii hoggaanka doorashada loo dhiibay oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu horeeyo waxay daahinayaan doorashada, shaki badan ayey arrintaas gelisay aduun weynaha, shacabka Soomaaliyeed iyo musharaxiinta,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in mas’uulidda jiitanka doorashada uu leeyahay Ra’iisul Wasaare Rooble, “Waxaan leenahay xabad lama qaadan karo Madaxweynaha, loomana qaadan karo, Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Farmaajo yahay Madaxweynaha dalka oo qori iyo eedeyn aan looga saari doonin madaxtooyada, isla markaana aysan hadooneyn in la dhexgalo waxyaabaha ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

“Farmaajo qori isagoon qaadan Farmaajo wixii uu tabanaayo in warqadka wiifto ah uu ku soo saaro xaquu u leeyahay, Ra’iisul wasaarahaa laga rabaa inuu u tago oo dhaho Madaxweyne maxaad uiga rabtaa?” ayuu yiri.

Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa shaaciyey in shalay uu u tegay Madaxweynaha, “Shalay waxaan u tegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuu igu yiri ila taliya maxaan sameeyaa, berri waxaan la balansanay ra’iisul wasaaraha waan u sheegeynaa, qaladka jira iyo xalkiisa,” ayuu yiri Xuseen.

Xuseen Ceydiid ayaa Farmaajo aad ugu amaanay inuu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo nin aad u wanaagsan uu ku sifeeyey, isagoo sharaxay sababaha.

“Ra’iisul wasaaraha dhamaanteen waa naga qabiirsan yahay waa nin Soomaaliya mudo dheer kasoo shaqeynayey, waxuu ogyahay shacabka dhibaatada heysata, nasiib weyn ayaan leenahay, Farmaajana waa noogu hiiliyey inuu soo doorto nin Habargidir ah oo Sacad ah, anigu aad ayaan u aqaan Rooble waa nin culumo ah,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in Rooble markii uu xanaaqo uusan wax badan xeerin oo talaabadii uu doono uu qaadan karo, “Arrintaasna kuma jirto siyaasadda,” ayuu yiri waxuu sheegay in Rooble uu yahay nin aan xakameyn karin xanaaqiisa.

Xuseen Ceydiid ayaa dowladda ka dalbaday in doorashada ay masuulka ka tahay ay dedejiso, “Waxaan ka digaa in aan nala kala qeybin, in wasiir ciidan soo abaabulo oo yiraahdo hala weeraro madaxtooyada suurta gal ma ahan.”

Hoos ka daawo wareysigaan uu Xuseen siiyey TV-ga Shabelle

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Farmaajo oo xoqday kaarkii uu ku bixi lahaa markan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ugu dambeyntii si aan ka fiirsi laheyn u xoqday kaarkii uu ku bixi lahaa, kadib daan-daansi muddo socday oo uu waday.

Farmaajo ayaa markii uu muddo xileedkiisi sharciga ahaa uu dhamaaday billaabay inuu sameysto muddo kororsi sharci darro ah oo dalka geliyay dagaal horleh, kaasi oo uu markii dambe uu si qasab ah uga laabtay.

Tan iyo markaas, waxa uu Farmaajo bilaabay daan-daansi siyaasadeed oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Rooble oo asagu loo igmaday in dalka uu ka saaro xaalada kala guurka, islamarkaana loo igmaday arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Daan-daansiga Farmaajo oo marba marka kasii dambeysay isa-soo tarayay ayaa ugu dambeyntii gaaray in uu Rooble uu ka hor istaago in uu tago xafiiskiisa, kadib markii uu soo saaray qoraal sharci darro ah oo uu shaqada uga joojinayo.

Tallabooyinkii dambe ee aan ka fiirsiga laheyn ee uu qaaday Farmaajo, oo ay ugu dambeysay middii uu awoodda ciidan ugu adeegsaday xafiiskii Ra’iisul Wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay tahay middii uu ku bixi lahaa.

Farmaajo oo asagu aaminsan in uu dalka uu ku maamuli karo awood ciidan ayaa xilligan wajahaya culeyskii ugu adkaa tan iyo markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa, waxaana billowday abaabul cusub oo ka dhan ah rabitaanadiisa, kaasi oo dib loogu soo nooleeyay ciidankii Badbaado Qaran ee kal hore ku qasbay inuu ka laabto muddo kororsigii sharci darada ahaa ee uu sameystay.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ciidanka Badbaado Qaran aysan markan dib u laaban doonin illaa madaxweynihii hore laga soo saaro Villa Somalia.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in xiisadda hadda jirta uu Farmaajo ku baxayo, maadama uu si ka fiirsi laheyn u xoqday kaarkii ugu dambeeyay, muddo laga indho saabanayey ficiladiisa guracan.

Si kastaba, waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho soo galay ciidanka Badbaado Qaran, oo hadda ku sugan meel aan ka fogeyn Villa Somalia oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Yaasiin Farey oo warixin yaab leh kasoo saaray xaaladda Sheekh Mukhtara Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey aya si deg deg ah uga soo jawaabay warbixintii uu ka codsaday wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.

Yaasiin Farey ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican, wuxuuna tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan ciidamada Dowladda.

Yaasiin ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay bil kasta uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow lacag gaareyso illaa 7 kun oo dollar.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, islamarkaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa,” ayuu Yaasiin Farey ku yiri qoraalka.

Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan, islamarkaana uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa caafimaad.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in sababta uu Roobow u xiran yahay inay tahay maadaama uu kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab, islamarkaana uusan buuxin shuruudaha looga baahnaa dadka kasoo baxaya kooxdaas ee isku soo dhiibayo Dowladda.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda Yaasiin Farey

 

Maxkamadda Yurub oo guul taariikhi ah u gacan gelisay hooyo Soomaali ah + Sababta

0

Strasbourg (Caasimada Online) – Hooyo Soomaali ah ayaa guul taariikhi ah ka gaartay dowladda Norway kadib markii Maxkamadda sare ee xuquuqda aadanaha ee Yurub ay xukuntay in mas’uuliyiinta Norway ay ku xadgudbeen xuquuqdeeda kadib markii ay si qasab ah uga qaadeen wiilkeeda, kuna wareejiyeen qoys Kirishtan ah si ay u daryeelaan. 

“Aniga iyo macaamilkeygaba waxaan ku faraxsannahay xukunkan aqlabiyadda ah,” waxaa sidaas tiri Anna Lubin oo ah qareenka Mariya Abdi Ibrahim. 

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha, The European Court of Human Rights (ECHR) ayaa go’aankan gaartay Jimcihii, ayada oo xukmisay in canug Muslim ah aan la hoos geyn karin daryeelka qoys aamisan diin ama dhaqan ka duwan kiisa.  

Go’aanka ayaa soo geba-gebeeyey dacwad ay xareysa Mariya Abdi Ibrahim oo 11 sano kahor tagtay Norway kadib markii ay kasoo qaxday Soomaaliya. 

Markii uu wiilka Mariya ahaa 10 bilood jir, Adeegga Daryeelka Caruurta Norway ayaa ka bixiyey gacanteeda, ayaga oo ku eedeeyey dayacaad iyo ku-xadgudub. Waxaa canuga kadib la wareegay qoys Kirishtan ah oo kadibna jaray xiriirkii kala dhaxeeyey hooyadiisa.

Kadib markii ay ku guul-dareysatay isku day ay ku joojin laheyd in canuga laga qaato, Mariya oo hadda 28 jir ah ayaa codsatay in loo dhiibo qoys Soomaali ama Muslim ah, hase yeeshee Maxkamad Norway ah ayaa diiday codsigaas. Mariya ayaa dooneysa in canugeeda uusan lumin dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.

Go’aanka ay gaartay Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Norway ay ku guul-darreysteen inay xisaabta ku darsadaan dhaqanka iyo diinta wiilka. 

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay xukuumadda Oslo inay 30,000 oo Euro oo magdhow ah siiso Mariya. 

Islaamka waa diinta labaad ee ugu weyn Norway kadib Kirishtan, waxaana xog la shaaciyey 2002 ay muujineysaa inay aamisan yihiin 182,826 qof ama 3.4% oo ka mid ah 5.4 milyan ee dalkaas ku nool. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

 

Filish oo go’aan culus kasoo saaray qaadka KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa go’aan culus kasoo saaray qaadka nooca Miiraa ee dalka Kenya, kaas oo uu sheegay in lagu iibiyo degmada Wadajir.

Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in dalka laga mamuucay qaadka Kenya, ayna ka hortagi doonaan dadka keena iyo kuwa ka ganacsada.

Duqa Muqdisho ayaa xusay inay la socdaan, isla-markaana ay xog ku hayaan in qaadka laga soo dajiyo dhul xeebeedka degmada Wadajir, wuxuuna tilmaamay inay qaadi doonaan tallaabo culus oo looga hortagayo falkaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kala xisaabtami doono mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka, isaga oo faray inay wax ka qabtaan arrintaasi.

“Dowladda qaadka Kenya way mamnuucday, Wadajir waxaa dhanka Xeebta looga keenaa qaadkaas oo waxaa lagu dhex iibiyaa degmada waxaana loo iib geeyaa Degmooyinka kale,  Hay’adaha amniga ee shaqada ku leh way joogaan, haddii kontorobaan lagu iibinayo oo aan dhuumasho ahayn idinkaa iibinaya oo raalli ka ah, maxaad sameyn kartaa qofkii Dowladdaan dhahaa ha diyaarsado wixii uu isaga celin lahaa,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa horay u mamnuucday qaadka Kenya, kaas oo suuq weyn ku lahaa Soomaaliya, waxaase haatan dalka soo gaala qaad laga keeno dalka Itoobiya.

Si kastaba, dowladda federaalka ay qaaday ayaa jawaab u aheyd xiisadda Soomaaliya kala dhexeysay Kenya ee ka dhalatay dacwadda Badda ee inta badan loo xukumay Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

 

DENI oo magacaabay wasiiro, ku-xigeeno iyo wasiiru dowle

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay wasiiro cusub, wasiir ku xigeeno iyo sidoo kale wasiiru dowle, sida ku cad digreeto maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

Saciiid Deni ayaa u magacaabay Axmed Yuusuf Qahar Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda, halka asiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda maamulka Puntland loo magacaavay Rashiid Maxamuud Yuusuf.

Sidoo kale wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay laba wasiir ku xigeen iyo hal wasiiru dowle.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha  Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyay :

  1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland.
  2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.
  5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

 

MAREYKANKA oo billaabay inuu dalalka deriska ah kala hadlo xiisadda Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ka wada-hadlay xiisadaha xoogan ee haatan ka taagan wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo wajahaya xaalado adag oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka ee labada dal.

Kulankan oo uu si gaar ah u dhex-maray madaxweynaha Kenya iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa waxaa lagu soo qaaday xiisadda haatan ka aloolsan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble, taas oo saameyn ku yeelatay doorashada.

Antony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, isla-markaana ay soo gabagabeeyaan doorashada socota.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda ee Itoobiya ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo jabhadda TPLF, kadib qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

“Madaxweyne Kenyatta iyo anigu waxaan ka hadalnay sida deg-degga ah ee loo joojinayo dagaalka, si xal looga gaaro colaadaha sii xoogeysanaya ee ka socda Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan doorashada oo ay ku dhaqmaan si is-xakameyn ah,” ayuu yiri Blinken

Dhankiisa madaxweynaha waddanka Kenya ayaa codkiisa ku biiriyey in loo baahan yahay  in xal laga gaaro dhibaatooyinka dalalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo markale dib uga qarxay Villa Soomaaliya, waxaana fashilmay waa-waan la doonayey in laga dhex bilaabay labada mas’uul, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Xog: Mucaaradka qaarkood oo diiday la-kulanka Qoor Qoor iyo olole ka dhan ah oo ka billowday Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan midowga musharaxiinta ay bilaabeen olole ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo toos loogu tirinayo garabka Madaxweynihii hore Farmaajo oo hadda dhinac looga soo wada jeestay.

Xildhibaan Maxamed Abtidoon oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto degmada Cadaado ee Galmudug ayaa qoraal kooban oo bartiisa Facebookga uu ku soo qoray wuxuu ku yiri, “Golaha Badbaadada Galmudug mar dhaw filo.”

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta yimid Muqdisho, hase yeeshee mucaaradka badankood way diideen inay kulmaan, si gaar ah Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaan sidoo kale xog ku helnay in abaabul ka dhan ah Qoor Qoor ay mucaaradku ka bilaabeen deegaanada Galmudug, waxayna doonayaan in meesha laga saaro Madaxweynaha Galmudug oo weli ku jira safka Farmaajo.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Qoor Qoor u bixiyey magaca ‘Dhabar-jebin Qaran’ isagoo sheegay in Badbaado Qaran iyo Dhabar-jebin Qaran ay caawa ku wada sugan yihiin Muqdisho.

Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa ciidanka iyo siyaasiyiinta Badbaado Qaran ugu baaqay inay ka digtoonaadaan dhagarta iyo kala furfurka Axmed Qoor Qoor.

“Badbaado Qaran iyo  Dhabar-jabin Qaran caawa Muqdisho waa lagu wada sugan yahay! Dhabarjabin Qaran oo taageersan afgambiga, sidee u noqon karaa nabadoon? Waxaa waajib ah Badbaado qaran in ay ka digtoonaadaan dhagarta iyo kala furfurka Dhabarjabin Qaran! Sababta keentay khilaafkan cusub waxaa saldhig u ah qalad ay doorashada ka galeen dhabarjabin qaran, sidee qaladkiisii uga nabadooninaayaa?!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Fiqi.

Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu isku deyey inuu kala furfuro midowga musharaxiinta  iyo xukuumadda oo hadda u mideysan dagaalka Farmaajo, isagoo ku shaqeynaya damaca iyo rabitaanka Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Xog: Rooble oo jawaab lama filaan ah siiyey wasiiro waan-waan ka siday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa galabta ku gacan seyray qaar ka mid ah wasiirradiisa oo isku deyey inay waan-waan ka dhex bilaabaan isaga iyo Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnihii u tegay oo markii hore la soo kulmay Farmaajo waxuu ka dhageystay aragtidooda ku aadan sidii loo xalin halaa khilaafkaan, isagoo intaas kadib ku amray inay shaqooyinkooda qabsadaan,  intii ay ku mashquuli la haayeen waan-waan waqtigeedii dhaaftay.

Xogtaan oo aan ka helnay xubno ka tirsan xafiisyada ugu sareeya xukuumadda, waxay intaas ku dareysaa in wasiirrada isku howlan waan-waanta ee waji gabaxa kala kulmay Rooble uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Cabdisiciid Muuse iyo wasiirka waxbarashada Cabdullahi Carab.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay in wasiirradaas uu waydiiyay sababtii ay uga hadli waayeen falalkii ka dhacay xaafiiskiisa, markii uu Farmaajo dul dhigay ciidamada oo ay hadda waan-waan u galayaan.

Wasiirada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in Farmaajo uu aqbalay waan-waan laga dhex bilaabo isaga iyo Rooble, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka cusleystay oo xubnahaas u sheegay in Farmaajo uusan wadahadal dambe ugu laaba doonin.

Galabta waxaa halkaas ku soo afjarmay qorshihii xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay ku doonayeen inay qaataan door dhex-dhexaadin ah, si labada dhinac ay ugu kala dab qaadaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Ilhaan oo noqotay cadowga koowaad ee kooxda Farmaajo

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa noqotay “cadowga koowaad” ee taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay qaaday tallaabo aysan fileyn oo naxdin ku noqotay.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu sarreeyey ee ka tirsan dowladda Mareykanka ee ku baaqa in Farmaajo uu ka kaco kursiga uu ku dhowaad sanadka ugu fadhiyo sida sharci-darrada ah.

“Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Hadalka Ilhaan ayaa caro xooggan ku abuuray taageerayaasha madaxweynihii hore, waxayna billaabeen inay weerar shakhsi ah iyo aflagaado ku qaadaan, ayaga oo ku yaacay barteeda twitter-ka.

“Maxaa kaa galay Soomaaliya? Naag nin gaal ah aroostay warkeeda ma rabno. Soomaalida lagu dilayo Mareykanka wax ka qabo,” iyo erayo kale oo aan qaarkood lagu qori karin warbaahinta ayaa lagu weeraray Ilhaan Cumar.

Taageerayaasha Farmaajo kuma cusba afalgaadada, waayo waa koox aaminsan inusan jirin qof ka aragti duwanaan kara, maadaama taageerada ay u hayaan madaxweynihii hore ay ku dhisan tahay qabyaalad, caadifad, dano shakhsi ah iyo aragti gaaban.

Muxuu u gubay hadalka Ilhaan?

Hadalka lhaan Cumar ma ahan oo kaliya xildhibaan aragti dhiibtay, balse wuxuu xambaarsan yahay miisaan siyaasadeed oo saameyn weyn ku yeelan kara xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ilhaan Cumar waxay ka tirsan xisbiga haya talada Mareykanka ee dimoqraadiga, waxayna ku dhowdahay madaxweyne Joe Biden, iyo Nancy Pelosi oo ah afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Saameynta kale ee Ilhaan ay leedahay ayaa ah in xubin sare ka tahay guddiga arrimaha dibedda Aqalka Wakiilada Mareykanka, taasi oo macnaheedu yahay inay si toos ah u saameyn karto siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo gaar ahaan tan Washington ee ku wajahan Soomaaliya.

Sidoo kale maadaama ay tahay Soomaali, waxaa cad in maamulka Biden kala tashan karo siyaasadda Soomaaliya.

Muxuu horseedi karaa hadalka Ilhaan?

Kahor hadalka Ilhaan, wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxuuna Mareykanku si cad uga horyimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidaas darteed, waxaa suurta-gal ah in Ilhaan aysan ka hadal aragtideeda balse ay wax ka ogtahay isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, taasi oo ugu dambeyn hoggaamin karta in meesha laga saaro Farmaajo.

La-yaab ma lahan marka in Ilhaan hadda noqotay cadowga koowaad ee kooxda Farmaajo. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

QOOR QOOR oo la xaqiijiyey inuu ka qeyb-galayo shirka uu iclaamiyey R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ka qeyb gelayo shirka golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu iclaamiyey.

Wasiir Cabdullahi oo ka mid ahaa mas’uuliyiin Axmed Qoor Qoor ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in Qoor Qoor uu u yimid ka qeyb galka shirkaas.

“Waxaan Aniga iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kusoo dhawaynay Magaalada Muqdiaho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kariye ((Qoor Qoor) oo u yimid caasimada kaqayb galka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Mohamed Hussein Roble,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur.

Shirkaan oo waxaa si cad u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, halka Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe aysan weli cadeyn mowqifkooda ka qeyb galka shirkaas.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u balan qaaday inay ka qeyb galayaan shirkaan oo lagu waday in 27-kii bishaan uu ka furmo Muqdisho, balse dib u dhacay, kadib markii khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal uu soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii hore Farmaajo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta ka soo duulay Dhuusamareeb, welina ma cadeyn qorshaha safarkiisa Muqdisho, markii laga reebo warka wasiirka amniga, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inuu isku deyi doono dhex-dhexaadin uu ka dhex bilaabo Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Sababta ay Guudaalwe iyo Qoor Qoor uga aamusan yihiin xiisada Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle ayaa ka aamusay inay ka hadlaan xiisada siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay cadeeyan mowqifkooda iyo halka ay taabacsan yihiin dagaalka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa hore u cadeeyay mowqifkooda siyaasadeed, ayaga oo taageeray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo shirka uu iclaamiyey inay iskugu imaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si cad ula saftay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, asaga oo ka horyimid shirka Rooble, sheegayna in uu ka qeyb-galayo shirka wada-tashiga uu ku baaqay madaxweynihii hore.

Haddaba, maxay illaa hadda uga aamusan yihiin labada maamul inay cadeeyan mowqifkooda siyaasadeed, kana hadlaan xiisada taagan?

Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ayaa sheegay in labada maamul ay labada dhinac ee u dhaxeeyo khilaafka siyaasadeed ka leeyihiin midba dan gooni ah.

Waxa uu sheegay in sidoo kale labada maamul ay xilligan ka fiirsanayaan in si qaawan u garab istaagan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, ayada oo la wada ogyahay inay yihiin rag uu meesha keensaday.

“Haddii loollan siyaasadeed yimid, labadaan maamul ee HirShabelle iyo Galmudug waxaa lagu tuhmi karaa in dadka siyaasadda ku loollamaya ee musharixiinta ah ay ka soo jeedaan labadaan gobol, Villa Somalia-na ay tahay niman ay abaal gashatay oo xilka markii ay imanayeen ay caawisay oo siyaasadda ugu hiilisay, sidaa darteed ay jecel yihiin in ay ku noolaadaan ‘legga jecli lugta jecli’ oo dhex-dhexaad ahaadaan,” ayuu yiri.

“Waxay rabaan oo kale inay dhinacna ay eed ka gelin. Villa Somaliya aysan ka abaal dhicin, ragga ay gobolka ka soo wada jeedeenna aanay eed ka galin.”

Dhinaca kale, sida uu qabo Xasan Xayle oo ah fallan-qeeye siyaasadeed oo ku sugan London, labada maamul ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee la dhiso, qeybna ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya, mana ahan maamullo wali adkaystay, lehna waayo aragnimo ku filan oo ay xilka kusii xajistaan.

“Maamuladan ma heystaan dhaqaale fiican, waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, iyo in dowladda dhexe aysan waxbo u qoondeynin,” ayuu yiri Xasan Xayle.

Sidoo kale waxaa jirta dood ah in haddii madaxweyne cusub uu dalka qabsado in isbadal uu ku dhici karo maamul goboleedyadan, waxaana marar badanna la sheega kolka la damco in madaxdooda xilka laga qaado inay ka fududahay kuwa kale ee maamul goboleedyada, dhawr jeer ayayna dhacday in iyaga oo aan muddo xiledkooda dhammaysan madaxdoodii xilka laga qaado.

Labada maamul ayaa waxaa ka howl-gala ciidammada dowladda federaalka haddii ay ahaan lahaayeen xoogga dalka iyo waliba kuwa nabad-suggida oo si toos ah uga amar qaata dowladda dhexe, waana midda sii adkeynaysa inay kasoo horjeestan madaxweynaha dowladda federaalka.

Si kastaba, madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle ayaa inta badan waxaa lagu eedeeya inay Muqdisho toos ugu xiran yihiin, islamarkaana ay halkaas muddo badan ku qaatan, ayaga oo aan waqti gelin deegaanada ay ka taliyaan oo qaarkood ay ka taagan yihiin xiisado  iyo dagaalo soo noq-noqday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Sheekh Shariif oo qabtay shir jaraa’id oo ka duwan dalabkii Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si dabacsan uga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka, marka loo eego mowqifka Midowga Musharaxiinta uu qeybta ka yahay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in tallaabadii shalay awood ciidan loogu adeegsaday Rooble uu aad uga xun yahay, taasi oo ku tilmaamay mid sax aheyn oo ka weecatay sharcigii iyo dhaqankii wanaagsana ee dowladnimada.

“Marxalada hadda la jooga waa marxalad aad u xasaasi ah oo ay tahay in awoodeena iskugu geyno dhameystirka doorashooyinka, lana saxo khaladaadka ka jira iyo mugdiga, taas waddo aan aheyn oo furan majirto, wado kasta oo taas kasoo harta waxay horseedi kartaa burbur iyo dhibaato, diyaarna uma aha dadka Soomaaliyeed inay galaan mugdi siyaasadeed iyo dhiig daata,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray inay muhiim tahay in ciidamada qaranka aan loo adeegsan dano siyaasadeed gaar ah oo ay dhowraan sharciga iyo dowladnimada, ayna ka fogaadan in si qaldan loo adeegsado.

Shariif ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ugu baaqay in uu joojiyo carqaladeynta doorashada iyo sida qaldan uu u adeegsanayo ciidanka Qaranka, islamarkaana uu Ra’iisul Wasaaraha ku garab siiyo dhameystirka doorashada.

“Dadka Soomaaliyeed waxay kuu muujiyeen kalsooni oo waxay ku siiyeen codkoodi, intii karaan ahna waa lagula shaqeeyay, doorashada hadda socota qeyb ayaa ka aheyd oo adaa hogaaminayay, adoo raali ah ayaa baarlamaanka hortiisa ku wareejisay Ra’iisul Wasaaraha, marka waxaa ku leenahay u daa Ra’iisul Wasaaraha shaqadiisa ha ka fara-gelin. Dadka Soomaaliyeed ayada oo xiligaagii dhamaaday inay kula shaqeeyaan oo ka aamusan ayey goosteen, ha ku darsin in cid kale sharci darro uga qaado xafiiska.”

Sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay inay ku fara adeegan sharciga iyo doorashooyinka, meelna uga soo wada jeestan cid kasta oo rabta dariiqa ka duwan.

“Farmaajoow qofka wax badan oo la xiriira doorashada heli kara waa adiga ee Ra’iisul Wasaaraha ku garab sii, waxaa banaanka jooga dad badan oo kulamid ah oo musharrixiin ah kuna qancay inay ka qeyb galaan doorashada, sidoo kale Ciidamada aalabka sida ha u adeegsan siyaasadda oo in badan aad soo sameeysay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay gacan ku siiyan shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho nabdoon oo xilka u sareeya ee dalka lagula kala wareego.

Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa aad uga dabacsan midkii Midowga Musharaxiinta ay maanta soo saareen, kaasi oo ay ku dalbeen in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Magacyada iyo beelaha 3 xildhibaan oo xasaanadda uu ka qaaday Lafta-gareen

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa cod gacan taag ah xasaanadda uga qaadey saddex Xubnood oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed.

Saddexda xildhibaan ayaa waxaa dacwad ka keenay Xafiiska Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii uu sidaas ku amray madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Lafta-gareen.

Seddexda Xildhibaan ee xasaanadda lagala noqday ayaa kala ah:

1- Xildhibaan Xasan Maxamed Guudow oo kasoo jeeda Beesha Garwaale.
2- Xildhibaan Ismaaciil Axmed Cabdullaahi oo kasoo heeda Beesha Eemid.
3- Xildhibaan Eng. Ibraahim Macallin Cali oo kasoo beesha Leysaan.

Eedeynta Xildhiibanada ayaa waxaa Baarlamaanka hortooda ka soo jeediyey Xeer ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed Abukaate Sheekh Aadan Mukhtaar (Shuuri).

Xildhibaanadaan ayaa dhawaan maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyay inuu ku fashilmay arrimaha amniga, cadaaladda iyo arrimaha Bulshada, musuq maasuq iyo in dad gaar ah ku tagri falaan awooddaha maamulka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in seddexdaan xildhibaan ay si cad uga hor yimaadaan qaabka uu Laftagareen u maamulayo Koonfur Galbeed iyo siyaasadiisa ku aadan Dowladda Dhexe.

Hase yeeshee Lafta-gareen, oo Koonfur Galbeed u rogay xukun kali-talis ah, ayaa u dulqaadan waayey in maamulkiisa la dhalleeceeyo, wuxuuna beegsaday xildhibaanada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday inuu Farmaajo deg deg uga guuro Villa Somalia, dacwadna lagu soo oogo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cambaareeyey isku¬daygii afgambiga ahaa ee uu 27-ka December, 2021 ku kacay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxammad Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa shalay ciidan dul dhigay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey, si uu talada dalka ugala wareego xukuumadda xil-gaarsiinta, tallabaadaas oo markii dambe fashilantay.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa isku-daygii afganbiga ahaa ee uu 27-ka December, 2021 ku kacay Madaxweyne hore Maxammad Cabdullaahi Farmaajo. Goluhu wuxuu afganbigaas dhicisoobay u arkaa in uu ahaa khiyaano qaran oo lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carcialadayno doorashooyinka. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isku-dayey in uu awood ciidan ku qabsado hay’ado madani oo dastuuri ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay midowga musharixiinta.

Midowga musharixinta ayaa dalbay in si deg deg ah dacwad looga gudbiyo madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigaas.

“Goluhu wuxuu dalbanayaa in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda,” ayaa agu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale u mahad-celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay sheegeen inuu si geesinimo leh uga horyimid damicii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Ray’salwasaare Maxamad Xuseen Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid afganbiga una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas. Goluhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay deg-deg u saxaan tabashooyinka habraacyada doorshada oo ay doorashada soo dedejiyaan,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed  in ay difaacaan dastuurka, iyo dawladnimada, garabna siiyaan Ray’salwasaaraha, kana hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo hay’adaha dastuuriga ee dalka.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda midowga musharixiinta