25.4 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ee waddada Cabdiqaasim

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarixii xooganaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka qaraxa uu fuliyey naftii hure ka tirsan dagaalamayaasha xarakada, oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la bartilmaameedsaday kolonya gadiid ah oo galbineysay Saraakiil cadaan ah.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta kooxda waxa uu qaraxu haleelay mid kamid ah gaadiidka galbinayay Saraakiisha cadaanka ah, kuwaasi oo marayey inta u dhaxeysa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin iyo Dugsiga sare ee Banaadir.

Waxay sheegen in qaraxaas ku dhinteen qaar kamid ah bartilmaameedkooda oo ay ku sheegen Askar Afrikaan iyo Soomaali iskugu jirto, inkasta oo aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay ku dileen qaraxaas.

Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab, Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeeda ayaa waxa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda.

Sidoo kale waxaa qoraalka kooban ee ka soo baxay taliska Booliska lagu sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security, kuwaas oo marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4

Heritage oo shaacisay halis xooggan oo kasoo socota ku shubashada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage oo si qoto dheer looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo waxa xiligan xal u noqon kara, ayaa waxaa walaac xoogan looga muujiyey hanaanka ay ku socdaan.

Heritage ayaa ugu horeyntii warbixinteeda ku sheegtay haddii lagu sii socda doorashada musuq-maasuqa iyo wax isdaba marinta inay fashil u horseedi doonto mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya.

“Sannadkan 2021-ka waxa doorashadii ku yimid dib-u-dhac iyo xil-fidsasho ka duwan wixii hore. Haykalka siyaasadda qaran ee Soomaaliya waxa boqonteeda heeray cadaawad iyo kala qaybsanaan. Intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayey (2017 – 2021), isaga iyo hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyadu waxa ay isku noqdeen dab iyo dhagax aan dirirtoodu gamaarin.”

Warbixinta ayaa sidoo kale machadka diirada ku saaray sababaha gaabiska tirada badan ku keenay hanaanka doorashada iyo qoddobo dhowr ah oo si gaar ah ugu xaglinaya danaha Golaha Wada-tashiga Qaranka oo ayagu meel marsadeen.

Hoos ka aqriso warbixinta oo dhameystiran

Hordhac

Inkasta oo ay doorashooyinka dadban ee Soomaaliya yihiin kuwo ka fog caddaaladda iyo xornimada, haddana labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxa ka soo baxay natiijooyin ay si weyn ugu qanceen saammilayda siyaasadda iyo shacabka intooda badani. Sannadkan, dibudhaca xeeladaysan ee ay ku kaceen kuwa hoggaaminaya geeddi-socodka doorashooyinka, xildhibaannada aqalka sare ee madax ka taabashada lagu soo xushay, iyo heshiisyada iyaga uun u danaynaya ee ay gaadheen ayaa keenay natiijooyinka lagu muransan yahay iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta. Si kale haddii aynnu u dhigno, haddii musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ay siyaasiyiintu ku hayaan doorashada dadbani,ku sii socoto mid aan la hubin, waxa laga yaabaa in uu fashil ku danbeeyo mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya.

Gogoldhig Kooban

Dhibaatada hadda jirtaa waxa ay ka dhalatay in ay dawladda faderaalka ee Soomaaliya ku guuldarraysatay in ay muddo xileedkeedii oo ahaa 2017-2021 ku qabato doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ahayd in ay ka dhacdo (degmooyinka,gobollada iyo guud ahaan dalka). Sidaa darteed dawladda faderaalka iyo dawlad-goboleedyada waxa lagu qasbay in ay ku wada xaajoodaan heshiisyo siyaasadeed oo taxane ah, kuwaas oo lagu soo afmeeray heshiiskii doorashooyinka dadban ee qabsoomay 17-kii Sebtember 2020, iyada oo raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble loo xilsaaray in uu hoggaamiyo geeddi-socodka doorashada iyo hirgalinta go’aannada la isla qaatay.

Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa gaaray heshiiskii labaad ee doorashooyinka dadban bishii May 27-keedii 2021 waa uun bil ka dib markii uu dhammaaday muddo-xileedkii baarlamaanku bishii Desember 2020 iyo sida oo kale markii ay dhammaatay muddo-xileedkii madaxweynuhu 8-dii Feebaraayo 2020. Isku day muddo korodhsi laba sannadood ah oo ay sameeyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaanka baarlamaanka Aqalka Hoose ayaa magaalada Muqdisho ka dhaliyey isku dhacyo rabshado wata bilihii Abril iyo May 2021. Buuq ka aloosmay gudaha dalka iyo culays kaga yimi beesha caalamka ayaa madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ba ku qasbay in ay ka laabtaan muddo-korodhsigii ay ku walfeen.

Si loo dadajiyo geeddi-socodka doorashada, loona ilaaliyo hufnaantii hore u dhaawacantay, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay bilaabeen in ay ka shaqeeyaan dhammaystirka nidaamka doorashada dadban. Golahani waxa uu ka kooban yahay shanta madaxweyne ee dawlad-goboleedyada (Galmudug, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle, Jubbalan iyo Puntiland) iyo raysalwasaare Rooble oo ah guddoomiyahooda.

2020-kii ilaa 2021-kii hoggaamiyeyaasha dawladda faderaalka iyo kuwa dawladgoboleedyadu waxa ay kulmeen dhawr jeer, kulamadaas oo ay intooda badani qabsoomeen jawi kacsan oo xamaasad leh. Madaxweyne Farmaajo, labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbalan, hoggaanka Aqalka Sare, kooxaha mucaaradka ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo musharraxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha ayaa dhammaantood ismaandhaafay oo isku murgay. Ka dib markii uu gorgortanku daba-dheeraaday, ee la dhex-muquuray mawjadaha badweynta kacsan iyo mawqifyo aan tanaasul lahayn, ayey daneeyayaasha siyaasaddu go’aansadeen in khibradihii hore ee doorashada dadban loo noqdo si loogu adeegsado qorshe-hawleedkan, waxa aanay isla qaateen isfahan ku dhisan halbeegyada muhiimka u ah hannaanka doorashada dadban. Intaa ka dib, raysalwasaaraha iyo madaxda shanta dowlad-goboleed ayaa 22-kii Agoosto 2021, soo saaray war-murtiyeed lagu faahfaahiyey qaabka ay u dhacayso doorashada Aqalka Sare iyo ta Aqalka Hoose ee 2021. 

Dibudhigista Xeeladaysan ee Siyaasiyiinta 

Madaxweynaha dawladda faderaalka iyo hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyada ayaa markii hore isku raacay in la qabanqaabiyo doorasho dadban 17-kii Semtember 2020. Guddida doorashaduna waxa ay shaqaynayeen in ka badan hal sano. Arrinta xiisaha lihi waxa weeye in geeddi-socodka xulista Aqalka Sare uu Golaha Wadatashiga Qaranka ku qaatay muddo ka badan afar bilood, iyada oo ay hadda bilaabantay doorashadii dadbanayd ee xubnaha golaha shacabku. 

Saddex arrimood ayaa inta badan loo aaneeyaa in ay gaabis ka dhigeen hannaanka doorashada. Tan kowaad, waa isqabqabsiga awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo raysalwasaaraha ee salka ku haya maamulka hay’adda sirdoonka iyo kiiska sarkaaladda la la’yahay ee Ikraan Tahliil. Ta labaad, waa hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka oo aan soo bandhigin rabitaankooda siyaasadeed ee ku aaddan hirgalinta doorashooyinka dadban. Dhab ahaantii, inta badan hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyadu waxa ay dib u dhigaan geeddi-socodka doorashada, sababta oo ah waxa ay doonayaan in wax laga beddelo laba qodob oo ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey 17-kii Semtember, kuwaas oo qaba in goobaha doorashada oo ahaa laba magaalo, laga dhigo hal magaalo iyo in la dhimo ergada codaynaysa oo halkii ay ka ahaayeen 101-da ergay laga dhigo 51 ergay. Dibu-eegis badan oo lagu sameeyo heshiiskii 17-ka Sebtember 2020, ma aha kuwo wax ku ool ah xilligan lagu jiro-waxaanay abuuri doonaan dhibaatooyin ka badan inta ay xallinayaan. Ugu danbayn, hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa qilaafka iyo kala qaybsanaanta u arkay jid ay ku kasban karaan taageerada maaliyadeed ee ay bixiso beesha caalamku.

Soo xulista Aqalka Sare

Dastuurka ku meelgaarka ahi waxa uu dhigayaa in ay jiraan laba aqal oo baarlamaan, kuwaas oo ka kooban aqalka hoose oo ah 275 xildhibaan (Golaha Shacabka) iyo 54 xildhibaan oo Aqalka Sare ah ( Golaha Guurtida). Qodobka 72-aad ee dastuurka ayaa si cad u qeexaya in “Aqalka sare lagu soo doorto doorasho toos ah, oo qarsoodi ah, taas oo ay shacabka dawlad-goboleedyadu ugu codeynayaan si xor iyo xalaal ah, tiro ahaan waa in aanay ka badan 54 xubnood, waana in lagu saleeyaa 18-kii gobol oo hore uga jirey Soomaaliya ka hor 1991-kii. 

Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuldarraysatay in ay qabato doorasho toos ah sannadkii 2016-kii, sidaas darteed, Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa xilligaas isku raacay nidaam doorasho oo dhigaya in ay baarlamaannada dawlad-goboleedyadu si dadban u soo doortaan 54-ka xildhibaan ee Aqal Sare. Heshiiskii siyaasadeed ee la gaadhay 2016-kii waxa ka soo baxay in kuraasta Aqalka Sare loo qaybiyo dawladgoboleedyada, iyada oo afar dawlad-goboleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland loo qoondeeyay mid iyo siddeed kursi, halka Somaliland (Dir Waqooyi) iyo Puntland midkiiba laga siiyey 11 kursi. Maaddaama ay Soomaaliland goonni isu-taagtay 1991-kii, Madasha Hoggaanka Qaranku waxa ay ku heshiiyeen in ay guurtida matalaysa beelaha Dir-Waqooyi soo doortaan koox adaydhaqameed ah iyo ergo beeleed ku sugan Muqdisho, halka guurtida metalaysa qabiilka Dhulbahante ee ka tirsan beesha Daarood iyo guurtida Warsangali lagu soo doorto Puntland.4 Xubnaha guurtida ayaa markii ugu horreysay la doortay 2016-kii.

Sida ku cad heshiiskii 17-ka Sebtember 2020-kii, oo dhigaya hannaan cusub oo doorashada loo galayo, ayaa isna tirada iyo qaybsiga xubnaha Aqalka Sare ka dhigaya si la mid ah habkii lagu xusay heshiiskii hore ee 2016-kii, iyada oo lagu sheegay in baarlamaannada dawlad-goboleedyadu ay soo dooranayaan xubnaha Aqalka Sare.6 Imminka oo qoraalkan gacanta lagu hayo, waa la doortay xildhibaannadii Aqalka Sare. Intooda badan xubnaha ku fadhiistay kuraasta Aqalka Sare may soo marin wax tartan ah oo lagu kalsoonaan karo, sidaa darteed in wixii dhacay doorasho lagu sheegaa, waxa ay noqon kartaa qalad iyo meel ka dhac. Hoggaamiyeyaasha dawladgoboleedyada ayaa hannaankii doorashada maamulay oo cunaha iskaga duubay, iyaga oo soo xushay xulafadoodii siyaasadda, saaxibbadood, iyo xataa qoysaskooda qaar ka mid ah. Baarlamaannada gobollada ayaa canbaareeyay shaqsiyaadka ay madaxweynayaashoodu si badheedh ah hore ugu sii xusheen. Nasiib darro, marka laga yimaaddo kuraas kooban oo Hirshabeelle iyo Somaliland ah, ma jirin tartan ah oo loogu loollamay kuraasta Aqalka Sare.

Heshiisyo Cid Gaar ah u Adeegaya

Heshiiskii 22-kii Ogoosto 2021, oo qeexaya hannaanka doorashada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa awood aan hore loo arag siinaya xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka. Heshiiskaas waxa lagu qeexay in 101-da ergay ee ka kala imanaya qabiillada Soomaaliya ay dooranayaan xubnaha baarlamaanka (2017-kii waxa ay ahaayeen 51 ergay). Codbixintu waxa ay ka dhici lahayd laba magaalo oo ka tirsan dawlad-goboleed kasta; halka ay sidii hore oo kale uga dhacday hal magaalo. Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay ansixiyeen kooxo isugu jira heer qaran iyo heer gobol oo maamulaya doorashada, isla markaasna ah guulwadayaal ay soo magacaabeen qoorweynta ugu cadcadi, iyaga oo u qorsheeyay in ay kormeeraan hirgelinta doorashada dadban. Isfahan ayaa laga gaaray qodobbo la isku maandhaafsanaa oo ay ka mid yihiin qaabkii loo maamulay doorashada gobolka Gedo; bal yaa maamuli lahaa soo xulista codbixiyayaasha soo dooranaya xildhibaannada metalaya ‘Somaliland’ (doorashadu waxa ay ka dhici lahayd Muqdisho); yey se noqon lahaayeen codbixiyeyaashaasi. Qabanqaabada amniga doorashada ayaa la sameeyay, waxaana mar kale la isku raacay hab-dhaqankii caadiga ahaa ee loo adeegsaday doorashooyinkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii 22-kii Ogoosto waxa ka buuxay qodobbo dhibaato badan oo loogu talagalay in ay u adeegaan danaha Golaha Wadatashiga Qaranka. 

• Odoyaasha oo kaliya ayaa uu dowlad-goboleed kastaa u aqoonsan yahay in gacan ka geysan karaan soo xulista 101-da oday-beeleed ee u codeynaya kursi kasta oo aqal hoose ah; 

• Kooxda Hirgelinta Doorashada Dawlad-goboleedyada, oo ay soo xushaan madaxweynayaasha dawlad-goboleedyadu, ayaa go’aan ka gaaraya xubnaha ka imanaya bulshada rayidka ah ee odayaasha ka caawinaya soo xulista 101-ka ergay; 

• Ma jiraan wax shuruuc ah oo loogu talo galay in lagu hubiyo in kuraasta haweenka la ilaaliyey ama boqolkiiba soddonka kursi ee kootada u ah aan lagu tagrifalin 

• Musharaxiinta iyo codbixiyeyaashu waa in ay shahaado danbi la’aan ah ka sitaan booliska degmada- arrintan waa la siyaasadayn karaa

• Doorkii kooxda hirgelinta doorashada federaalka waxaa lagu soo koobay waxyaabo aan badneyn sida shahaado siinta xildhibaannada cusub ee laga soo doorto heer gobol; sida oo kale guddida xallinta khilaafaadka awood looma siin in ay qaataan doorka hubinta ee kaga aaddan odayaasha ay soo gudbiyaan dawladgoboleedyadu. 

• Waxa kale oo uu Golaha Wadatashiga Qaranku yareeyay tirada kooramka codbixiyeyaasha, iyaga oo isku raacay haddii 67 codbixiye oo qudhi ka yimaaddaan 101-da ergay in doorashadu hirgalayso. Dowlad-goboleedyadu waxa ay si fudud u diidi karaan ama u eryi karaan codbixiye kasta oo aysan rabin in uu joogo goobta doorashada.

Waxa laga yaabaa in qof ku doodi karo in arrinta kor ku xusani tahay qaabkii ugu foosha xumaa, oo aanay hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranku afduubi karin nidaamka doorashada. Waannu kaa diidnay. Waxa jira caddaymo buuxa oo walaac muujinaya. Hogaamiyeyaashani waxa ay hore u marin habaabiyeen nidaamkii doorashada Aqalka Sare. Waxa kale oo ay si badheedh ah u geliyeen qodobbada sare ku xusan heshiiskii 22-kii Ogoosto si ay hawsha u maroorsadaan, ulana soo baxaan natiijooyin qaldan oo hore loo sii qoondaystay. Haddii aan arrintan si degdeg wax looga qaban, wax isdabamarinta badheedhka ahi waxa ay wax u dhimi doontaa hannaanka doorashada oo dhan.

Falaqaynta iyo Saamaynta

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ilaa iyo hadda jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya salka u dhigtay waa in afartii sanaba hal mar doorasho la qabto. Waxa jiray heshiisyo badan oo ku salaysan xeerarka doorashooyinka dadban; kuwaas oo la gaadhay sannadihii 2000, 2004, 2009, 2012 iyo 2017-kii. Bilowgii hore muddo-kordhinta lama ogolayn. Maadaama oo uu dalku ka soo doogay xaalado colaadeed, marka ay dhammaato muddo-xileeddu, haddii doorasho toos ah la qaban kari waayo daneeyayaasha siyaasadda ayaa ka wada xaajoon jiray oo ku heshiin jiray nidaam ka duwan kii hore. Marxalad kasta, dadaallo ayaa loo huray sidii loo hagaajin lahaa nidaamka doorashada, tallaabo kastana waxa loo qaaday sidii loo heli lahaa hannaan ay raalli ku yihiin inta ugu badan saammilayda siyaasaddu. Waxaana marxalad kasta oo doorasho ku soo baxayey madaxweyne cusub iyo hoggaan baarlamaan.

Qabiilooyinka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray soo xulista cidda metalaysa. Sannadkii 2000, hal hoggaamiye dhaqameed(ugaas/suldaan) ayaa inta uu la tashaday beeshiisa magacaabay 225 xildhibaan.Sannadkii 2012-kii, 135 oday dhaqameed ayaa soo xulay dhammaan 275-ka xildhibaan. Sida oo kale doorashadii dadbanayd ee 2017-kii, 51 ergay beeleed (oo ay soo xuleen oday dhaqameedku) ayaa doortay xildhibaannada. Sannadkan 2021-ka, 101 ergay beeleed ayaa loo xilsaaray in ay doortaan xildhibaan kasta. Madaxda qaranka (xildhibaannada iyo madaxweynaha) ayaa sida oo kale lagu soo xulay/doortay doorashooyin xor ah oo aan rabshad lahayn, waxaana la abuuray hay’ado si weyn loogu heshiiyey, si kastaba ha ahaatee, kuwo itaal daran ayey noqdeen.

Machadka Heritage ayaa 2019-kii sii gartay in aanay xukuumadda Farmaajo qaban karin doorasho qof iyo cod ah. Waxa aanu Machadku soo jeediyay afar doorroone, isaga oo qiimayntaas ku jaangooyey todobada halbeeg, ee ay ka midka yihiin; ‘in dhib la’aan la qabto’, in tartiibtartiib loo kobco si loo gaadho doorasho qof iyo cod ah, in la badiyo tirada dadka codaynaya iyo in la isla qaato go’aan ay ku midaysan yihiin saammilayda siyaasaddu.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkan 2021-ka waxa doorashadii ku yimi dibudhac iyo xil-fidsasho ka duwan wixii hore. Haykalka siyaasadda qaran ee Soomaaliya waxa boqonteeda heeray cadaawad iyo kala qaybsanaan. Intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayey (2017 – 2021), isaga iyo hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyadu waxa ay isku noqdeen dab iyo dhagax aan dirirtoodu gamaarin. Madaxweyne Farmaajo waxa uu beddelay hoggaamiyeyaasha saddex maamul-goboleed, oo uu u arkay in ay caqabad ku yihiin hiraalka uu ka leeyahay Soomaaliya. Dedaallo badan oo siyaasad iyo dhaqaale ba leh ayaa ku baxay in xilalka laga qaado, oo lagu beddelo xulufo siyaasadeed oo la jaal ah ah xukuummada. Dhaleecaynta ka soo yeedhaysa gobollada loollanka adagi ka dhaxeeyo ee (Jubbaland iyo Puntland) iyo sida oo kale mucaaradkii fadhigoodu ahaa Muqdisho – oo ay ku jiraan labadii madaxweyne ee hore oo u tafoxaydan soo laabasho siyaasadeed – ayaa laga dheefay is-maandhaafka siyaasadeed iyo isku dhac ciidan, oo ay wehelinayeen rabshado marar dhawr ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa nasiib darro ah, in aanay hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waxba ka baran taariikhdeenna, taas oo inna baraysa in ku shubashada doorashada iyo xukun jacaylka indho la’aanta ahi horseedi karaan oo kaliya isku dhac iyo rabshado colaadeed. Machadka Heritage waxa uu daraasadihiisii hore ee sannadihii 2019-kii iyo 2020-kii, kaga digay cirib xumada ka dhalan karta muddo kordhinta iyo musuqmaasuqa doorashada.10

Ilaa iyo markii ay xukuumaddu ku guuldarraysatay in ay dhammaystirto hawlaha lagama maarmaanka u ah qabashada doorasho hal qof iyo hal cod ah, Machadka Heritage waxa uu soo bandhigayey qodobbo muhiim ah, waxaana uu ku baaqay in la hagaajiyo nidaamka doorashada dadban, si loo muujiyohorumarka lagu sii tallaabsanayo ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.11

Sidii aynnu hore u soo sheegnay, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa magacaabay xildhibaannada Aqalka Sare badankooda, waxaanay isu arkeen in ay leeyihiin awoodda magacaabista 275 xildhibaan, iyaga oo adeegsanaya xubno magac u yaal ah oo isu soo eekaysiiyey odayaal, dad firfircoon oo rayidka ah iyo ergo beeleedyo. Heshiiskii 22-kii Ogoosto ayaa oday beeleedyadii la aqoonsanaa afka ciidda u galiyey. Taa beddelkeeda, kooxda hirgelinta doorashada ee dawlad-goboleedyada (SEIT), oo ah hay’ad ay gacanta ku hayaan Golaha Wadatashiga Qaranku ayaa soo xulan doona koox isugu jira odayaal iyo hoggaamiyeyaal rayid ah. Odayaashan iyo xubnahan rayidka ah ayaa iyaguna soo xuli doona 101-ka ergay ee dooranaya xildhibaan kasta oo baarlamaan ah.

Aad ayey Soomaaliya ugu nugushahay damaca siyaasiyiinta ma dhargeyaasha ah. Dhawr jileyaal oo muhiim ah ayaa mar hore ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaranku in ay dibu-eegis ku sameeyaan habraacooda. Ururrada bulshada rayidka ah kuwooda ugu waaweyn iyo oday dhaqameeddada laga haybadaysto iyo waliba qaar badan oo ka mid ah kooxaha siyaasadda ayaa ka soo horjeestay, isla markaana si adag uga hadlay heshiiskii 22-ka Ogoosto.

Waqtiyadii hore, beesha caalamka ayaa inta badan madaxda Soomaalida ku cadaadin jirtay, gacanna ka siin jirtay sidii ay laba maamul u kala beddeli lahaayeen. Waxa xiise gaar ah leh, marka laga yimaaddo soo saarista warmurtiyeedyada muddaysan, beesha caalamku waxa ay u muuqataa in ay xaaladdan kaga gaabsatay siyaasad ah “balaayada indho iyo dhego toonna uma lihi”. Sababo aan caddayn ayey beesha caalamku u isticmaali waayeen awoodahooda. Mararka qaar, awood la’aanta sharciga ee ka dhalatay habraacyada xakamaha lahayn iyo hormuudka siyaasadda ee aan lahayn go’aanno lagu kalsoonaan karo oo dhibaatada wax lagaga qabto marka ay doorashadu timaaddo,taas oo niyad-jabisay deeq-bixiyeyaasha, kana dishay xiisihii ay u qabeen mashruucaas oo dhan. Beesha Caalamka, dooddeedu waxa ay daaran tahay, in aan rajo laga qabin sii taageeridda xaaladdan cakiran ee aan lahayn dagaalka,nabadda,horusocodka iyo dibusocodka arrintan oo ay dabaqadda siyaasaddu abuurtay 20-kii sano ee u dambeeyay.

Magacaabistii xildhibaannada Aqalka Sare oo aan loo meel dayin, dibudhacyo dabadheeraaday iyo heshiiskii 22-kii Ogoosto, ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku afduubeen gabi ahaanba hannaankii doorashada dadban, taas oo wax u dhimeysa xasiloonida mustaqbalka fog iyo mashruuca dhismaha dowladnimada. Waxa aannu aamminsannahay in natiijada doorashada lagu shubtay ay sii fogeyn doonto uun kala qeybsanaanta bulshada iyo siyaasadda umadda Soomaaliyeed.

Tani waxa ay u badan tahay in ay soo celin doonto dhacdooyin yeelan doona afar saameynood:

Ta koowaad, ka dib markii ay dhaceen rabshadihii Abriil 2021, Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu hoggaamiyo raysalwasaaruhu, ayaa la filayey in ay kormeeraan hannaan doorasho oo dhammaantood aqbali karaan saammilaydu. Nasiib darro, waxaa caddaatay in raysalwasaaruhu uusan wax awood ah ku lahayn madaxda dawlad-goboleedyada. Habkii uu Golaha Wadatashiga Qaranku u maareeyay kal-fadhigii golaha guurtida iyo doorashadii golaha shacabka ee loo maray heshiiskii22-kii Ogoosto ayaa caqabad ku ah sharcinimada natiijada. Haddi ay hawshani ku sii socoto sidan ay hadda tahay, way adkaan doontaa in Golaha Wadatashiga Qaranku sii ilaaliyaan kalsoonida dhinacyada kala duwan. Arrintanina waxa ay keeni kartaa dhibaato ugub ah.

Ta labaad, inkasta oo aanay xubnaha xildhibaannada dawlad-goboleedyada ahayn kuwo ay soo doorteen dadka deegaannadaas deggan, haddana doorashadii Aqalka Sare waxa ay sii kordhisay iskhilaafsanaanta sharciga. Halkii ay hay’adahaas ka tayeyn lahaayeen, madaxda dawlad-goboleedyadu waxa ay soo magacaabeen musharraxiin ay iyagu leeyihiin, waxaanay ku dhuftaan shaanbadda xildhibaannimada. Waxa la lumiyey fursad aad u weyn. Marka loo ogolaado dhammaan musharrixiinta hanka leh in ay u tartamaan aqalka sare, ayey madaxda dawlad-goboleedyadu samatabixin karaan hufnaanta geeddi-socodka doorashada, waxaanay kor u qaadi kartaa sharcinimada baarlamaannada gobollada iyo soo ururinta dhaqaalaha loo baahan yahay in lagu shaqeeyo.

Tan saddexaad, hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka oo si xun loo maamulay ayaa keenaysa dhaqanka siyaasiga ah ee burburka iyo curyaaminta ku salaysan, taas oo ah waxa dalka maanta halkaas dhigay. Siyaasadda ay aragtideedu ku dhisan tahay in dagaal cir iyo dhul ah lagu qaado cidkasta oo siyaasaddaada lid ku ah ayaa keentay in ay haldoorka siyaasaddu galaan wareegyo aargoosi oo aan dhammaad lahayn.Haddii uu xaalku sidan iska beddeli waayo doorashooyinka soo socda ka dib, hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyada badankoodu waxa ay ku dhibtoon doonaan sidii ay talada u sii hayn lahaayeen. Sidan si la mid ah ayaa dhacday doorashadii madaxweynaha ee 2017-kii. Sannadkii 2016-kii dhammaan hoggaamiyeyaashii dawlad-goboleedyada ee kormeerayay doorashooyinka baarlamaanka ayaa xilligaas si aan qarsoodi ahayn ugu qasbay musharraxiinta in ay xafiiska ka tagaan, taas oo ay fuliyeen tartamayaashii maxalliga ahaa iyo kuwii qaranku, sababta ugu weynina waxa ay ahayd sida ay u maareeyeen doorashooyinka.

Ugu danbayn, muhiimmadda ugu weyni waxa ay tahay, doorashooyinka la musuqmaasuqay ayaa markii hore keenay in laga tanaasulo xalaalnimada natiijada doorashooyinka. Doorashadii baarlamaanka ee dhacday 1969-kii ayaa ahayd meesha ay sartu ka qudhuntay. Waxa dhacday doorasho aad loo musuqmaasuqay, oo caddaaladdu ka fog tahay, taas oo keentay in qaybo bulshada ka mid ahi ku kacaan rabshado iyo qalalaase. Waana arrinta soo dadajisay in uu dumo nidaamkii cusbaa ee dimuqraadiga ahaa, soona baxdo dawladdii militariga ee kalitaliska ahayd, taas oo dalka u horseedday dagaal sokeeyo oo foolxun. Marka loo eego sida ay wax u dhaceen, waxa macquul ah in natiijada sannadkan si weyn loogu murmi doono. Dadku waa ay hubaysan yihiin, waxaana jira cabashooyin beelaysan oo qoto dheer. Haddii aan arrintan si taxadir leh loo xallinin, waxa laga yaabaa in ay doorashada ka dhashaan kacdoonno halis leh iyo rabshado beelaysan, taas oo gabi ahaan ba dhaawacaysa geeddi-socodka dhismaha dawladnimada.

Gunaanad

Labaatankii sano ee u danbeeyay, Soomaaliya waxa ay ku hawllanayd dhismaha hay,ado curdina, oo dimuqraaddi ah. Laga soo bilaabo 2000 ilaa 2017-kii, waxa la qabanayey doorashooyin dadban, xilwareejjintuna waxa ay ku dhacaysay nabadgalo buuxda. Waana sababta keentay in doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ay noqdaan dimuqraaddi-xigeen si weyn loogu qanco. Wixii ka danbeeyay rabshadahii dhacay bishii Abrill 2021, ee ka dhashay muddo korodhsigii aan muhiimka ahayn ee sharci darrada ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hoggaamiyo raysalwasaaruhu loogu igmaday in ay kormeeraan habsami-socodka doorasho dadban oo xalaal ah si ay u dhacdo doorasho ay raalli ku yihiin dhammaan saammilayda siyaasaddu.

Ayaan darro, qaabkii ay Golaha Wadatashiga Qaranku u maamuleen hawlihii Aqalka Sare iyo qorshihii loo dajiyey in lagu qabanqaabiyo doorashada dadban ee Golaha Shacabka, iyada oo laga duulayo Heshiiskii 22-kii Ogoosto, ayaa dhaawacaya sharcinimada natiijooyinka. Haddii aan la saxin hannaanka doorashooyinka loo qabanayo, waxa hubaal ah in ay doorashada ka dib dhacaan rabshado, waana cabsi jirta. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waa in ay joojiyaan dhagarta iyo danaha gaarka ah ee ay ka leeyihiin arrimaha siyaasadda. Cid kasta dan baa ugu jirta in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.

Talobixin

• Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay ku gguuldarraysteen in ay ogolaadaan in si caddaalad ah loogu tartamo kuraasta 54-ka xildhibaan ee Aqalka Sare. Waa in aan laga aqbalin in ay musuqmaasuqaan 275-ka xildhibaan ee Aqalka Hoose, oo ah arrinta muhiimadda ugu weyn leh. Waa in si degdeg ah dibuhabayn loogu sameeyaa heshiiskii 22-ka Agoosto. Arrinta ugu muhiimsan nidaamka doorashada, haddana meesha ka maqani waa caddaalad. Hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay u diideen xuquuqihii aasaasiga ahaa ee ay lahaayeen musharrixiin badan oo u qalma, diyaarna u ah in ay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare. Doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ayaa ka xasaasad badan ta Aqalka Sare, sababta oo ah beelaha ayaa isu arka in ay kuraastan iyagu leeyihiin. Golaha Wadatashiga Qaranku waa in ay ogolaadaan sharcinimada odayasha dhaqanka, hoggaamiyeyaasha ganacsatada, bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo haweenka si ay uga mid noqdaan ergada dooranaysa xubin kasta oo ka mid ah 101-da xildhibaan.

• Heshiiskii 22-ka Ogoosto waxa uu sheegaya: in kursi kasta, saddex oday iyo laba qof oo rayid ah, oo ka socda jifo-qabiileed kasta ay dooran doonaan 101-da codbixiye- kuwaas oo u codaynaya xildhibaan kasta. Si looga feejignaado, loogana fogaado colaad beeleed, beel kasta, ama qabiil iyo hay’ad madaxbannaan oo lagu heshiis yahay, waana in ay aqoonsato hab-raaca caddaaladda ah si loo go’aamiyo qofka xubinta ka ah bulshada rayidka ah. Waa in ay jiraan shuruudo la isla qaatay oo lagu soo xulanayo xubnaha rayid ka ah, ee caawinaya ama ku lammaan odayaasha beelaha si loo doorto 101-da codbixiye.

• Qorshe cad, oo la dhaqangalin karo oo hubinaya in boqolkiiba soddonka ay haweenku kootada u leeyihiin waa in la sameeyaa. Fikradda odhanaysa waa in hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyada iyo kaaliyeyaashooda loo qoondeeyaa kuraasta haweenka xildhibannada ah, iyada oo looga golleeyahay musuqmaasuq iyo kalitalisnimo cad ayaa abuuri doonta isku dhacyo aan loo baahnayn, waana in laga fogaadaa.

• Ururrada bulshada rayidka ah, sida ganacsatada, ururrada haweenka, wadaaddada iyo oday-dhaqameedku waa in ay culays badan saaraan siyaasiyiinta, waana in ay sii wadaan muujinta dareenkooda, iyaga oo hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbanaya hannaan lagu kalsoonaan karo.

• Ururrada bulshada rayidka ah ee dalka ugu waaweyni waa in ay sameeyaan guddi talobixineed oo daacad ah, taas oo warbixin soo saarta marka ay doorashadu dhacdo.

• Beesha caalamka waxa ka saaran masuuliyad aadamenimo in ay si cad uga soo horjeesato heshiisyada cido gaar ahi ku dangaadhayaan iyo sida oo kale xeeladaha siyaasiyiinta ee dib loogu dhigayo doorashada iyo wax isdaba marinta. Maadaama beesha caalamku ay amniga dammiin ka yihiin (iyaga oo ay wakiil uga tahay AMISOM), sida oo kale na ay yihiin maalgeliyaha dowladda Soomaaliya, waxa habboon in ay isticmaalaan saamaynta ay leeyihiin si ay u caawiso, una ilaaliso caddaaladda iyo daacadnimada habkan mar hore lagu xadgudbay. Siyaasiyiinta muhiimka ah ee gacanta ku haya geeddi-socodka doorashada waa in laga diido in ay xasaanaddooda-awoodeed u adeegsadaan in ay hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya xasaanadda sharciyeed ka xayuubiyaan, sida oo kale na waa in laga diido in ay sidii hore oo kale awood ku muquunin ugu guulaystaan.

Sawirro: BOQOR Buurmadow oo tegay Baydhaba, kana dhabeeyey go’aankiisii

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland|) ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Boqor Buurmadow oo markii uu yimid magaalada Muqdisho ballan qaaday inuu tegayo magaalada Baydhabo ayaa ka dhabeeyey go’aankiisii hore, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo xubnaha la socda ay ka mid yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada waqooyi maanta ku qaabilay xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadleen raafkii ay dhowaan Somaliland ku sameysay qoysas badan oo ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi, taas oo laga dhexlay dhibaato aad weyn oo lasoo daristay dadkii laga soo barakiciyey gudaha magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa waxgaradka Koonfur Galbeed, iyada oo Boqor Buurmadow iyo wafdigiisa ay u muujiyeen Koonfur Galbeed, sida ay uga xun yihiin dhacdadaasi, waxayna sheegeen inay ka raali gelinayaan arintaas oo ugu mihiimsan waxa ay u tageen Baydhabo.

Sidoo kale waxa ay ballan qaadeen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan caawinaada loo fidinayo qoysaska ay saameeyeen howl-galladii ay fuliyeen ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa cambaareyn xoog-leh kala kulantay falkii ay kula dhaq-dhaqaaqday qoysaska ka soo jeeda koonfurta ee laga soo barakicyey halkaasi.

Yuu ahaa bartilmaameedka qaraxii wadada Cabdiqaasim?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii xooganaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan rr gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraalka kasoo baxay taliskja ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda.

Sidoo kale waxaa qoraalka kooban ee ka soo baxay taliska Booliska lagu sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security, kuwaas oo marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4.

“Abaaro 0732hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore Ee Iskuulka Mocaas oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sar Banaadir Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari.

Qaraxan ayaa ka mid noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Si kastaba, arrimahan oo dil ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay qabashada doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay dalka.

Yaasin Farey oo loo doortay xildhibaan Aqalka Hoose ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Galmudug.

Kursiga doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay agaasimaha KMG ee hay’adda NISA Yaasiin Farey oo la tartamay musharrax kale oo isku soo taagay kursiga HOP#067.

Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) ayaa helay 68 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Cali Culusow uu isna helay 20 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug.

Natiijada soo baxday iyo guusha Yaasiin Farey ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, maadaama loo xiray kursiga, wuxuuna sidoo kale si dhow ugu xiran yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Kursigan waxaa sidoo kale horay ugu fadhiyey ganacsadaha caanka ah ee Cadow Cali Gees oo muddo ka tirsanaa xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa doorashada Yaasiin Farey ay kusoo aadeysaa, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay qaylo dhaan kasoo yeereysay mushariixiin uu ka mid ah taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo ku eedeeyey Villa Soomaaliya inay afduubtay kursigaas.

Doorashada ayaa sii soconeysa, waxaana galabta la qabanayaa kursiga xiga ee HOP#43, kaas oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Xuseen Iidow oo markale tartamaya.

Si kastaba, qaabka ay u socota doorashada ayaa waxaa walaac ka muujiyey musharixiinta mucaaradka oo shaaciyey in masuq-maasuq xoogan uu ka jiro hannaanka doorashooyinka.

Xog: Kursigii Jawaari oo loo dhigtay isbaaro siyaasadeed loona diiday inuu is-sharxo

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sanado badan kadib wajahaya inuu waayo kursigiisa xildhibaannimo oo isbaaro siyaasadeed loo dhigtay.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu diidan yahay inuu ogolaado musharaxnimada Jawaari, ayada oo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay u diideen shahaadada musharaxnimo. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aankan ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jaawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed kuna dhow Lafta-gareen.

Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Lafta-gareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia.

Jawaari oo hadda ku sugan Baydhaba ayaa la kulmay cadaadis xooggan, waxaana lagu qasbayaa inuu kursigan isaga haro, inkasta oo isna isku dayayo in la diiwaan-geliyo mana cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la rumeysan inuu Jawaari weli u qabo ciil kadib dagaal siyaasadeedkii horey u dhex maray, inkasta oo uu Jawaari ka tuuray xilkii guddoomiyaha baarlamanka.

Doorashada golaha shacabka ayaa waxaa hareeyey musuq-maasuq iyo fadeexad aan horey dalka uga dhicin, mana jirto cid wax ka qaban karta kuraas boobka xooggan ee dalka ka socda.

R/W ROOBLE oo war kasoo saaray QARAXII ka dhacay waddada CABDIQAASIM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay weerarkii is-maaminta ahaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa marka hore si adag u cambaareey qaraxan oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ay arday ku jiraan, kuwaas oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay,

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.

Ugu dambeyn wuxuu u duceeyey dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaasi,  isaga oo kuwa dhaawac ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo,” ayuu markale qoraalkan ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Bartilmaameedka weerarkan ayaa ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security oo xilligaas marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari.

Guddiga doorashada heer federal oo shaaca ka qaaday inuusan aqbali doonin…

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga doorashooyinka heer federaal oo war-saxaafadeed ka soo saaray doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka ayaa xaqiijiyey inay jiraan cabashooyin ka soo gaaray qaar ka mid ah 10 kursi ee illaa hadda la doortay, waxuuna guddigu balan qaaday in baaritaan dhab ah ay ku sameyn doonaan cabashooyinka laga keenay doorashada kuraastaas.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa daneeyayaasha siyaasada, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu balan qaaday in guddigu uusan ogolaa doonin in doorashada lagu sameeyo wax is daba marin, “Si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda, waxaa guddigu farayaa guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Waxaa si habsami leh u socda Doorashooyinka golaha shacabka Soomaaliya oo soo bilaamatay 1 November 2021ilaa haddana toban kursi ayaa doorasho loo galay siday natiijooyinka hor dhac ahi tilmaamayaan. Waxaa kale oo inoo dhamaaday kuraastii Aqalka Sare.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) wuxuu ku shaqeynayaa hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen madatasha wadatashiga qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada, hanaankaas oo ay si wada jir ah u saxiixeen madaxweynayaasha maamullada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’isuulwasaaraha Soomaaliya.

Doorashada oo wakhtiyo kala duwan dib u dhac ku yimid, ayaa wakhtiga kama danbaysta ah ee guddigu u asteeyey in lagu soo gebagebeeyo ay tahay 24 Disembar, 2021, Haddaba guddiga oo ilaalinaya hufnaanta iyo shuruucda doorashada, waxaan siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada u sheegaynaa in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu dib u eegi doono guddigu, doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada iyo ergada wax dooranaysa uu noqon doono mid dhab ah loo baadho, go’aan ku haboonna laga gaadhayo.

Haddaba si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda, waxaa guddigu farayaa guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda.

Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda. Sidaadarteed, wuxuu guddigu ku samaynayaa badhitaanno dhammaan cabashooyinka. Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in wax kastoo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin. Annagoo ugu baaqayna tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada, iyadoo ay dhisan yihiin guddiyaddii loogu tala galay in ay wax ka qabtaan.

Guddiyada doorashooyinka maamulaya waa guddiyo ka madax-bannaan siyaasadda iyo fara-gelinta siyaasi. Sidaa awgeed, waxaan faraynaa dhammaan guddiyada in ay waajibaadkooda u gutaan si madax-bannaan oo caddaalad ah. Waxaa kale oo aan madaxda Qaranka ku boorinaynaa in ay u madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad.

Ugu danbayn, waxaan ummadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqaynaa in ay guddiyada ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, si ka madax banaan fara gelinta siyaasadda iyo in ay shaqadooda u gutaan si hufan. Si doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay, iyadoo marxaladdaan looga gudbi karo in doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo dhiso baarlamaanka 11.

<Dhammaad>

Sawirro: Erdogan iyo Bin Zayed oo heshiis galay kadib sanado loolan iyo xifaaltan ah

Ankara (Caasimada Online) – Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya balaayiin doolar, oo ay qeyb ka yihiin taknoolajiyadda iyo tamarta kadib sanado ay xiisad siyaasadeed ka dhaxeysay labada dal.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Ankara kadib wada-hadallo ay yeesheen madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Booqashada Sheikh Mohammed ee Ankara, oo aheyd tii ugu horreysay muddo toban sano ah, ayaa timid ayada oo labada dal ay ka shaqeynayaan inay hagaajiyaan xiriirkooda, xilli ay jirto xasarad lacag oo ka taagan Turkey, ayada oo qiimaha lacagta Lira ay hoos u dhacday.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday shirkadda horumarinta ee Abu Dhabi Development Holding (ADQ) iyo sanduuqa dhaqaalaha Turkey ee Turkish Wealth Fund (TVF) iyo sidoo kale xafiiska maal-gashiga ee madaxweynaha Turkey.

Heshiisyada ayaa astaan u ah in labada dal ay u jiheysteen iskaashi kadib sanado ay ku dagaalamayeen saameynta gobolka tan iyo markii uu kacdoonkii gu’ga Carabta qarxay toban sano kahor.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu wada-hadallo miro-dhal ah, oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal, la yeeshay Erdogan

“Waxaan sugayaa inaan sahmino fursado iskaashi oo cusub oo u faa’iideeya labadeena dal, islamarkaana horumariya hadafyadeena horumarineed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. 

Heshiiska labada dal ayaa ku kacaya 10 bilyan oo dollar oo Imaaraadka ay maal-gasho uga sameynayaan Turkey. 

Turkey oo xiisad ay kala dhaxeysay dalal badan oo ka mid ah kuwa Bariga Dhexe ayaa bilihii tegay billowday dadaallo ay ku abuureyso xiriir wanaagsan, ayada oo wada-hadallo la furtay dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.

Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, review a guard of honour during a welcome ceremony in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES.
Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, review a guard of honour during a welcome ceremony in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES.
Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, pose for a picture during a welcome ceremony in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES.
Turkish President Tayyip Erdogan shakes hands with Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan during their meeting in Ankara, Turkey November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES.
Turkish President Tayyip Erdogan shakes hands with Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan during their meeting in Ankara, Turkey November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES.
Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, meet in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES.
Turkey’s Central Bank Governor Sahap Kavcioglu and Suhail bin Mohammed Al Mazrouei, UAE’s Minister of Energy and Infrastructure, attend a signing ceremony as Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan applauds during their meeting in Ankara, Turkey November 24, 2021. Presidential Press Office/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES.

Somaliland oo olole ictiraaf raadin ah MAREYKANKA ka wada – Yaa ku gacan siinaya?

0

Washington (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo maalmihii dambe ku sugnaa caasimada dalka Mareykanka ee Washington ayaa kulan la qaatay Safiirkii hore ee dowlada Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saahil ee Afrika, Ambassador J. Peter Pham.

Wafdiga Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud ayna qeyb ka yihiin Marwo Edna Aadan iyo Wakiilka Somaliland ee Mareykanka ayaa waxay ka wada-hadleen dadaalada ictiraaf raadinta.

Ambassador J. Peter Pham oo inta badan ka hadla arrimaha khuseeya qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo siday Somaliland xaq ugu leedahay inay Beesha Caalamku aqoonsato, ayaa halkaa kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay Wafdiga ka socda Somaliland.

“Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo wafdiga Jamhuuriyadda Somaliland ah oo booqasho ku jooga Washington, kuwaasi oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Edna Aadan & Wakiilka Somaliland ee Maraykanka,” ayuu Peter Phamku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in caalamka uu si weyn ula daahay in uu aqoonsi buuxa siiyo Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, hase yeeshe uu aduun weynaha ula tacaamilo maamul ka tirsan Soomaaliya.

Wafdiga Somaliland ayaa sidoo kale waxay magaalada Washington kula kulmeen Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa dalalka Gini iyo Ethiopia, Tibor Nagy.

Tibor Nagy ayaa si weyn usoo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Somaliland, isagoona guul u rajeeyay dadaalada ictiraaf raadinta ee ay wadaan mas’uuliyiintaas.

Waxa kale oo uu diblumaasigani sheegay in Somaliland tahay meesha keliya ee xilligan uu War wanaagsan ka yimaaddo, marka la eegayo Afrika, islamarkaana uu ka jiro nidaam dimuquraadiyadeed oo nabdoon.

Dadaalada ictiraaf raadinta ee Somaliland oo muddooyinkii dambe uu ka muuqday gaabis badan ayaa xiligan markale ay xukuumadda Muuse Biixi dar-dar cusub ku billowday, waxaana hadda ka gacan siinaya Ambassador J. Peter Pham, oo asagu inta badan u ololeeya qadiyada gooni-goosaadka Somaliland.

R/W Rooble oo amar siiyey gudiyada doorashada, fariina u diray madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo qoraal ka soo saaray doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa ugu horeyn bogadiyey guddiyada doorashooyinka heer federal iyo kuwa Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, isagoo fariin u diray guddiyada dowlad goboleedyada kale.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray guddiyada doorashooyinka, “Inay ilaaliyaan madax-banaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020,  27-kii May iyo 24 August 2021.”

Rooble ayaa qoraalkaan ku sheegay in hufnaanta doorashada ay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabad-gelyo ah iyo in xilligaan kala guurka ah uu noqdo mid looga gudbo si xasilooni ku jirto.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah,” ayaa qoraal lagu yiri.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada inay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda, kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madax-bannaan oo hufan u  fuliyaan howlaha doorashada.

Gudiga doorashada oo war ka soo saaray musharaxnimada taliye YAASIIN FAREY

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa markii u horeysay ka hadlay hadal haynta qodob ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka oo Yaasiin Farey u diidaya inuu is-sharxo, haddii aanu buuxin shuruudda laga doonayo.

Qoddobkan oo ah midka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta ayaa waxa uu dhigaya in Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee raba inay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka ay is-casilaan marka hore.

“Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta,” ayuu leeyahay qoddobka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta.

Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri in eedeynta qoddobkaas ay ku saxan yihiin, hase yeeshe habraacu uusan cidna ka reebeynin doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii Wada-tashiga Qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada Muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xadidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya, xil dowladeed ama xil ciidan, inuu iska soo casilo kursiga uu hayo,” ayuu yiri.

“Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb-galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul-darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isa-soo casilaan 7 maalmood ka hor.”

Hadalkan ayaa imanaya xili siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood iyo musharaxiinta u taagan kursiga uu isku soo sharaxay Yaasiin Farey ay sheegen in is-diiwaan-gelintiisa ay sharci ku dhisneyn, maadama ay sheegen in uu jabiyay qoddobkaas, marka laga imaado eedeymaha kala ee dul hoganaya.

Yaasiin Farey oo u sharaxan kursiga HOP67 ayaa la filayaa in maanta lagu doorto magaalada Dhuusomareeb, kadib markii laga reebay murashaxiintii la tartami lahaa, sidoo kalena ergo ciidan u badan oo Xamar laga qaaday loo geeyey Dhuusomareeb, si ay ugu codeeyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay la dhigay afaafka hore ee Dugsiga Sare Banaadir oo ku yaalla halkaasi, iyada oo qaar ka mid ah ardayda iskuulka ay waxyeelo soo gaartay

Sidoo kale dad shacab ah oo wadada marayay ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan shacab marayay wadada uu qaraxu ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka kursiga HOP67 oo ay fadeexad hareysay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa si weyn isku soo taraya guuxa kursiga sumadiisu tahay HOP67, tan iyo markii uu dhawaan si rasmi ah iskugu soo taagay Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Loolanka kursiga aya waxaa uu ka dhex billowday Musharaxiin dhowr ah oo ku bahoobay kursigaas iyo Yaasiin Farey oo dhinac ah, waxaana xusid mudan in Musharaxiinta hirdanka adag ku jira aysan is-diiwaan-gelin kadib markii ay sheegen in loo diiday.

Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees.

Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursigaas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa kasoo jeeda beeshooda loo xulay inay doortaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, marka laga imaado Musharaxiinta dhowrka ah ee isku soo taagay kursigaas, waxaa uu loolanka ugu xoogan uga dhaxeeya labo nin oo midna uu hore uga tirsanaa, midna uu hadda ka tirsan yahay Hay’adda NISA.

Kuwaas oo kala ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugida (NISA) Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare iyo Ku-simaha taliyaha NISA ee hadda, Gaashaanle Sare Yaasin Cabdullaahi Farey.

Waxaa soo baxaya in madaxweynaha maamulka Galmudug uu si hoos kursigaas heshiis kula galay Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, islamarkaana uu siiyey Yaasiin Farey.

Arrinta fadeexada ah ee dul hoganeysa kursigaan marka laga imaado heshiiska hoose ee la sheegayo inuu galay Qoor-Qoor, ayaa waxay tahay in Odayaasha leh kursigaas loo diiday inay ka dagaan magaalada Dhuusamareeb.

Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67 oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa cabasho ka muujiyey in kursigii saxiixihiisa uu yahay loo diido.

“Waxaan ahay nabaddoon beelaha oo lagu metelo kursiga tirsigiisu yahay 67 oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb, waxaana lagu wargeliyey kursigii in la soo dhejiyey, waxaanu u istaagnay sidii doorasho hufan aanu u qaban lahayn,” ayuu yiri.

“Akhyaartii iyo intii talo ku lahayd oo dhan ayaan is wacnay waxaanu diyaarinay ergadeedii, annaga oo hawsheedii ku jirna ayaa ergo kale iyo rag ciidamo ah oo is wataa meeshii tageenn anagana in aan tagno ciriiri ayaa nalaga geliyey, intaasan ka cabanaynaa oo kursigaas saxiixihiisii anigu aaan ahay.”

Yey tahay GABADHA Soomaalida ee loo haysto inay dhacday malaayiin dollar?

0

Los Angeles (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn baraha bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta caalamka looga hadal hayey Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magaacaabo Safiya Nuur, taasi oo la sheegay in qaab khiyaano ah ku dhacday lacago malaayiin doolar ah.

Gabadhaan oo haysata dhalasho Canada, asal ahaan ah Soomaali, ayaa waxaa lagu eedeynaya in hab kala duwan lacago uga dhacday dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, kuwaas oo qaarkood ka mid ah jilayaasha Hollywood-ka.

“Lacagta ay Safiya ka qaadatay dadkaa waa mid ay ku beer laxowsatay, sida hooyadeed oo dhimatay oo ay dooneyso lacag ay ku aasto,” ayaa lagu yiri warbixin uu daabacay wargeyska ka warama dadka caanka ah ee Vulture.

Sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka Safiya waxay sidoo kale lacagahaas ku qaadatay inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay.

Sheekada xatooyada ee lala xiriirinayo Safiya ayaa waxa kale oo sheegayaan in lacagahaas qaarkood ku qaadatay qaab amaah ahaan ah, ayada oo markii dambena la goosatay oo aan u celinin dadkii ay ka qaadatay.

Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago qaab khiyaano ah uga qaadatay waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka.

Arrintaan ayaa waxay soo shaac baxday maalintii Khamiistii ee asbuucii lasoo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii November 2021-ka.

Tan iyo markaas waxaa isa-soo tarayay dadka sheeganayay in qaab xatooyo ah ay u dhacday, waxaana xusid mudan in dadka ka hadlayey arrinta Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay oo keliya, balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay.

Marka laga imaado eedeymaha loo jeedinayo iyo hadal haynta arrintaas, illaa hadda mjiro wax war oo kasoo baxay Safiya, oo ay iskaga difaaceyso eedeymaha xatooyo ee loo jeediyay.

Xog laga bixiyey Soomaali loo xiray inay qarax geeyeen hotel uu madaxweynaha…

0

Kampala (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa ka hadashay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee booliska dalka Uganda ay u qateen tuhunnada la xariiray inay ku lug la haayeen qaraxyo lagu diyaariyey hotel uu qorsheynayey inuu booqdo madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Ciidamada booliska Uganda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Kampala waxay ku soo qabteen ilaa todoba qof oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu tuhmay inay wax ka ogyihiin qaraxyo lagu diyaariyey hotel-ka Speke Munyonyo oo toddobaadkan uu qorsheynayey inuu booqdo Madaxweyne Yoweri Museveni.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in dadka la xiray oo gaaraya todoba qof uu kala xariiray dowladda Uganda, isla markaana ay ku guuleysteen in la sii daayo hal gabar oo dadka xiray ku jirtay.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in dowladdu ay ku war-gelisay in lixda qof ee kale ay baaritaano ku socdaan, isla markaana illaa hadda aysan jirin wax cadeymo ah oo dadkaas Soomaliyeed lagu helay.

“Wax weyn maaha oo dadka baaritaan ayaa ku socda, wasaaradda arrimaha dibadda Uganda waxaan ka codsanay in dadkaas naloo sii daayo hadiisan cadeymo ku heynin, waxayna noo sheegeen in ilaa hadda baaritaanada hordhaca ah ee lagu sameeyey aysan wax cadeymaa ku helin, waxaan rajeynaa in lasoo daayo dadkaas ilaa Jimcaha, jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaana waxaan ka codsanaa inay is dejiyaan,” ayuu yiri Danjire Cali Cagabaruur.

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in walxha qarxa lagu qabtay baaris lagu sameeyey baabuur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo, sidoo kale Safiirka ayaa qiray in ninkii gaariga lahaa uu ka mid yahay dadka xiran.

“Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Booliska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray.

Hotelkan caanka ah, oo horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, ayaa lagu wadaa in Khamiista berri ah lagu qabto kulanka golaha wasiirada, oo uu guddoominayo madaxweyne Yoweri Museveni.

Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhimasho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Hoos ka dhageyso wareysiga Safiirka Soomaaliya ee Uganda

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Cabdicasiis Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika).

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi laga qaaday ninkaan kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna magaciisa ku sheegay Ciise Cabdi Cabdulle oo ku magac dheer (Ciise Miskiin).

Ninkaan ayaa wareysiga ku sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Murusade, gaar ahaan lafta Habar-Maxamed. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu ku dhashay deegaanka Dirri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Da’diisa ayuu ku sheegay 27 Jir, wuxuuna kooxdaan kusoo biiray isagoo 17 sano jir ah, isaga oo markii hore ka mid noqday qeybta Jabhadda, gaar ahaan kuwa ka dagaalamo Gobolka Galgaduud kahor inta uusan iska diiwaan gelin qeybta Is-miidaamiyayaasha.

Ninkaan ayaa dhammaadka wareysiga uu bixiyey wuxuu kula dardaarmay xaakiisa, isagoo u sheegay inay samarto, islamarkaana ay wiilkiisa Cabdullaahi ku barbaariso Diinta si uu isaga ugu daydo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay Afrika

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis ayaa yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.”

Waxa uu intaas ku daray in dilka Afrika ay Al-Shabaab uga aargudanayeen xubno ka tirsan kooxda, oo sida ay hadalka u dhigeen, uu dillalkooda “ku lug lahaa,” kuwaas oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi Xaaji.

Cabdiweli Gaas oo weerar ku qaaday R/Wasaare Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo la xiriira geedi socodka doorashada Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyey telefishinka Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo madax banaaneeyey howlaha doorashada, balse uu ka gaabiyey inuu si wanaagsan u maamulo.

“Waxaan rajeynayaa in Ra’iisul Wasaaraha loo madax baneeyey howsha doorashada, waxaadna moodaa dhankiisa inuu ka jiro xoogaa gaabis ah, in marba 5 kursi lasoo tuuro wax qaldan ayey ila tahay, waa in doorashada watigeeda lagu qabto lana dadajiyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdweli Gaas ayaa sheegay inaysan jirin marmarsiiyo dib ay ugu sii dhici karto doorashada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kaliya u muuqato in sababta loo daahinayo doorashada ay tahay inaan la qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

“Ma jiro marmarsiiyo muuqda oo hor istaagi karo in doorashada waqtigeeda lagu qabto, arrinta dhaqaalaha waxaa aaminsanahay inay ku filan tahay midda laga qaado dadka u tartamayo kuraasta, waxaana loo istcmaali karaa amniga doorashooyinka iyo shaqooyinka kale, mana garan karo aniga waxa illaa hadda ay doorashada la jiitameyso oo aan ka aheyn inaan la rabin doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan kaliya laheyn eedda doorashada balse ay sidoo kale leeyihiin madaxda maamul Goboleedyada oo ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu weyn ee doorashada.

Mar wax laga waydiyey in madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayuu sheegay inuusan arrintaan weli ka maqlin afkiisa.

“Madaxweynaha Puntland haddii uu tartamayo xaq ayuu u leeyahay waa nin Soomaali ah, weli ma maqlin isagoo ku dhawaaqaya inuu musharax yahay, taas waqtigeeda ayaan u deyneynaa, laakiin mas’uuliyadda doorashada inta badan waxay saaran tahay madaxda maamulada iyaga ayaana la rabay inay dardar geliyaan,” ayuu yiri Gaas.

Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay billaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka inkastoo ay jirto walaac laga qabo waqtiga ay kusoo dhammaan karto.

Ciidamada PSF ee Puntland oo ka horyimid tallaabo uu maanta qaaday Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka Puntland ayaa si adag uga horyimid xil ka-qaadis uu madaxweynaha maamulkaas, Saciid Deni ku sameeyay agaasimihii hore ee hay’adda PSF ee ciidanka dowlad goboleedka Puntland.

War kasoo baxay hogaankii iyo ciidamada PSF ayaa waxa lagu sheegay in xil ka qaadist iyo magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni ay tahay mid baalmarsan sharciyada, xeerka ciidanimada iyo dhaqanka suuban.

“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada PSF.

“Si dhow ayaan ula soconay xaaladda dalka cidda la sameynayasa xiriirada guracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon maayan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina.”

Sidoo kale waxay mas’uuliyiinta PSF sheegen in lama filaan ku noqotay tallabada sharciga baalmaran ee uu qaaday Deni, oo ay ka arkeen keliya baraha bulshada oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, sida ay sheegen.

Qoraalka kasoo baxay hogaankii hore iyo ciidamada PSF ayaa imanaya saacado un kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland uu S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland.

SHARIIF oo qoraal aysan la wadaagin Musharaxiinta kasoo saaray doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa war-murtiyeed u gaar ah, oo aysan la wadaagin musharaxiinta kale kaso saaray doorashada Golaha Shacabka, kana digay in markale dib u dhac ku yimaado.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka, isagoona sheegay in ku dhawaad sanad ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loo asteeyay.

“Waxaa dalka ka jira abaaro, nabad galyo xumo, hoo u dhac dhaqaale oo baahsan, hubanti la’aan iyo walaac siyaasadeed oo ay keentay dib u dhaca soo noqnoqday ee doorashooyinka, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in loo turo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan,” ayuu lagu yiri war-murtiyeed uu soo saaray Sheekh Shariif.

“In la qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka.”

Waxa uu ka digay in markale uu dib u dhac ku yimaado waqtiga loo qabtay dhameystirkeeda, wuxuuna walaac ka muujiyey hanaanka ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo uu sheegay inay keeni karto in muran uu ka dhaco natiijada doorashada.

“Waxaa jira cabashooyin ku aadan hanaanka doorashooyinka loo maamulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natiijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah-furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyey 17-Sep 2020 iyo 27-May 2021.”

Waxa uu soo jeediyay in Golaha Wada-tashiga Qaranka inay xaliyaan tabashooyinka kasoo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca lagu muujinayo hanaanka loo maamulayo doorashada.

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay Guddiyada doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaa ku boorinayaa inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuq-maasuq, taas oo dhaawici kara natiijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.”