25.4 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Ciidamada PSF ee Puntland oo ka horyimid tallaabo uu maanta qaaday Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka Puntland ayaa si adag uga horyimid xil ka-qaadis uu madaxweynaha maamulkaas, Saciid Deni ku sameeyay agaasimihii hore ee hay’adda PSF ee ciidanka dowlad goboleedka Puntland.

War kasoo baxay hogaankii iyo ciidamada PSF ayaa waxa lagu sheegay in xil ka qaadist iyo magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni ay tahay mid baalmarsan sharciyada, xeerka ciidanimada iyo dhaqanka suuban.

“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada PSF.

“Si dhow ayaan ula soconay xaaladda dalka cidda la sameynayasa xiriirada guracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon maayan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina.”

Sidoo kale waxay mas’uuliyiinta PSF sheegen in lama filaan ku noqotay tallabada sharciga baalmaran ee uu qaaday Deni, oo ay ka arkeen keliya baraha bulshada oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, sida ay sheegen.

Qoraalka kasoo baxay hogaankii hore iyo ciidamada PSF ayaa imanaya saacado un kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland uu S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland.

SHARIIF oo qoraal aysan la wadaagin Musharaxiinta kasoo saaray doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa war-murtiyeed u gaar ah, oo aysan la wadaagin musharaxiinta kale kaso saaray doorashada Golaha Shacabka, kana digay in markale dib u dhac ku yimaado.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka, isagoona sheegay in ku dhawaad sanad ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loo asteeyay.

“Waxaa dalka ka jira abaaro, nabad galyo xumo, hoo u dhac dhaqaale oo baahsan, hubanti la’aan iyo walaac siyaasadeed oo ay keentay dib u dhaca soo noqnoqday ee doorashooyinka, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in loo turo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan,” ayuu lagu yiri war-murtiyeed uu soo saaray Sheekh Shariif.

“In la qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka.”

Waxa uu ka digay in markale uu dib u dhac ku yimaado waqtiga loo qabtay dhameystirkeeda, wuxuuna walaac ka muujiyey hanaanka ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo uu sheegay inay keeni karto in muran uu ka dhaco natiijada doorashada.

“Waxaa jira cabashooyin ku aadan hanaanka doorashooyinka loo maamulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natiijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah-furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyey 17-Sep 2020 iyo 27-May 2021.”

Waxa uu soo jeediyay in Golaha Wada-tashiga Qaranka inay xaliyaan tabashooyinka kasoo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca lagu muujinayo hanaanka loo maamulayo doorashada.

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay Guddiyada doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaa ku boorinayaa inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuq-maasuq, taas oo dhaawici kara natiijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.”

MAHAD Cabdalle Cawad oo dib loo doortay iyo arrin yaab-leh oo dhacday (Warbixin)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid horay loo sii ogaa, maadaama Cawad uu isagu keensaday gabadha la tartantay.

Ergada ka qeyb-gashay doorashada ayaa gaareysa illaa 101 ergo ah, waxaana 84 ka mid ah ay u codeeyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle.

Arrinta la yaabka leh ee ka dhacday doorashada maanta lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa ah in aysan wax cod ah helin Shukri Cali Faarax, iyada oo ay halaabeen codad gaaraya illaa 17 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya kuraasta doorashada ee Galmudug.

Dad badan ayey lama filaan ku noqotay natiijada la shaaciyey, waxaana ay su’aallo ka keeneen, sida ay ku dhacday in Shukri Cali aysan helin cod, iyada oo ay khasaareen ku dhowaad 20 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay ee doorashadaasi.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kursiga labaad oo isna loo saadaalinayo musharax Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo dhowaan iska soo casilay xubinimadii horay loogu doortay ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka.

Arrimahan ayaa uga sii daraya, walaaca iyo shakiga la muujinayo qaabka ay ku socota doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan ah mid billow ah.

Si kastaba, Midowga musharixiinta oo si dhow ula socda doorashadan ayaa ku goodiyey inay gabi ahaan qaadici doonaan doorashooyinka, haddii la sixin khaladaadka jira.

PUNTLAND oo si weyn uga hortimid warbixintii kasoo baxday DF SOOMAALIYA

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hay’adda Puntland u qaabilsan dhanka maareynta ee magaceeda loo soo gaabiyo HADMA ayaa been abuur ku tilmaamtay warbixin kasoo baxday wasaaradda gargaarka dowladda Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in duufaan xawaare sare ku socota laga cabsi qabo inay ku dhufato maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Bari.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay HADMA ayaa waxaa lagu sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Puntlad ay kusoo wajahan tahay duufan aad u culus.

“Annagu ma hayno duufaantaas, mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku,” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda HADMA ee Puntland Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ceyrow.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in duufaanta la sheegay xawaaraheeda uu aad u hooseeyo, isla-markaana uu yahay illaa 35km saacaddiiba, isaga oo intaasi ku daray in xilligan aanay suurtagal ahayn inay si dhaqsi leh ku soo gaarto xeebaha Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay si dajiyaan, wuxuuna xusay inay marweliba usoo gudbinayaan waribixnada dhabta ah ee la xiriira xaaladaha soo kordha.

Si kastaba, wasaaradda gargaarka Soomaaliya waxay warbixinteeda ku sheegtay in duufaant ay  ku socota xawaare aad u sarreeya, iyada oo digniin u dirtay dadka degan hareeraha xeebaha ee ku dhaqan gobolka Bari ee hoostaga dowlad goboleedka Puntland.

Sanad kaste, marka la gaaro bilaha December iyo november, waxaa Puntland laga fishaa roobab dabeylo wada oo ka yimaada dhinaca xeebaha Cadda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Doorashada kursi ka mid ah Aqalka Hoose oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhanka gobollada waqooyi (Somaliland).

Kursigan oo tirsigiisa uu yahay Hop#272 ayaa waxaa ku tartamay illaa saddex musharrax oo kala ah Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Axmed, kuwaas oo marka hore codkooda weydiistay ergada doorashada.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku soo baxay, wuxuuna helay 65 cod, Khadra Axmed ayaa heshay 25 cod, halka musharax Cabdiqani Maxamed uu isna helay 7 cod.

Kursigan oo uu maanta ku guuleystay xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan waxaa horay ugu fadhiyey Guuleed Ceydaruus oo 4-tii sano lasoo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kuraasta kale ee harsan la dardargelinayo doorashadooda, isla-markaana ay ka go’an tahay dhammeystirka xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waa kursigii lixaad oo doorashadiisa lagu qabanayo gudaha Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye, waxaana shalay halkan lagu doortay shan xildhibaan, halka horey loogu doortay laba kursi oo uu mid ka mid ah ku soo baxay Mahdi Guuleed.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota gudaha dalka, iyada oo dhinaca kale ay walaac ka muujiyeen musharixiinta mucraadka qaabta ay ku bilaabata doorashada.

Si kastaba, Galmudug ayaa iyadana lagu wadaa inay maanta qabato doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, taas oo ah natiijadeeda mid lasii ogyahay, waxaana loo saadaalinayaa musharax Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Mahad Cabdalle Cawad.

Afar qof oo Soomaali ah oo qaraxyo wata oo lagu qabtay hotel uu Yoweri Museveni…

0

Kampala (Caasimada Online) – Booliska Uganda oo wada howlgallo kadib qaraxyadii toddobaad kahor ka dhacay dalkaas, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo Soomaali ah oo walxo qarxo keenay hotel lagu wado inuu toddobaadkan booqdo madaxweyne Yoweri Museveni.

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in walxha qarxa lagu qabtay baaris lagu sameeyey baabuur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo.

“Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. 

Hotelkan caanka ah, oo horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, ayaa lagu wadaa in Khamiista berri ah lagu qabto kulanka golaha wasiirada, oo uu guddoominayo madaxweyne Yoweri Museveni.

Booliska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray.

Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhimasho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Labada qarax oo isku xigay ayaa dhacay daqiiqado gudahood, waxaana fuliyey laba qof oo is-miidaamiyey, oo watay mootada loo yaqaan “boda boda”, ayaga oo beegsaday meel u dhow saldhigga booliska iyo xarunta baarlamanka ee magaalada Kampala.

Qaraxyada ayaa daba socday laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF.

Uganda ayaa sidoo kale ADF ku eedeysay qarax la fashiliyey oo bishii August lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho,” oo Al-Shabaab kula dagaalamay Muqdisho. 

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013. 

Wararkii ugu dambeeyey ee Addis-Ababa oo ay kusoo dhowaadeen mucaaradka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinta caalamiga ah ee ku aaddan in laga baxo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, xilli ay kusoo dhowaanayaan mucaaradka dalkaas.

QM ayaa ku amartay in halkaas ay deg deg uga baxaan qoysaska shaqaalaheeda, halka France ay noqotay dalkii ugu dambeeyey ee Reer Galbeed ah oo muwaadiniintiisa u sheega inay ka tagaan Ethiopia. 

Ciidamada Tigray-ga ayaa soo gaaray magaalo 220km u jirta Addis Ababa, kadib markii ay wax ka yar bil gudaheed kusoo jareen dhul 100 km ka badan.

Amar amni oo kasoo baxay QM, oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa lagu sheegay in dhammaan qoysaska shaqaalaha QM ay dalkaas uga baxaan ugu dambeyn 25-ka November. 

“Ayada oo la eegayo xaaladda amni ee dalka iyo taxaddar dartiis, QM waxay go’aansatay inay si ku-meel gaar ah u yareyso shaqaalaheeda ayada oo dib u dejin u sameyneysa dhammaan xubnaha qoysaskooda,” ayuu afhayeenka QM Stephane Dujarric.

France ayaa sidoo kale ku waanisay muwaadiniinteeda inay dalka Ethiopia ka baxaan “ayaga oo aan dib u dhigin,” taasi oo ka dambeysay talo-bixin noocaas ah oo ka timid Mareykanka iyo UK.

Hase yeeshee Addis-Ababa ayaa ku gacan seertay digniinaha ay bixinayaan Reer Galbeedla

“Dacaayadda iyo argagaxa ay faafinayaan warbaahinta reer galbeedka waxay khilaafsan yihiin xaaladda nabadeed ee magaalada, sidaas darteeda diblomaasiyiinta ma ahan inay cabsadaan,” waxaa sidaas yiri Kenea Yadeta oo ah madaxa xafiiska amniga iyo nabadda ee Addis Ababa. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Isniintii wacad ku maray inuu tegi doono furinta dagaalka si uu hoggaamiyo ciidanka.

“Waxaan hadda ku jirnaa wejigii ugu dambeeyey ee badbaadinta Ethiopia,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen.

Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar.

Waxay sidoo kale isbaheysi la sameysatay kooxo kale, oo ay ku jirto kooxda OLA ee Oromada, taasi oo ku xooggan gobolka Oromia ee deriska la ah Addis Ababa.

Mucaaradka oo ku hanjabay inay qaadacayan doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda midowga musharixiinta mucaaradka ayaa la kulmay xubno kamid ah guddiga doorashada heer Federaalka, waxayna la wadaageen walaacooda ku saabsan sida ay ku bilaabatay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ka dhacay Muqdisho waxaa si weyn loogu gorfeeyey nooc doorasho oo boob ah oo mucaaradka u arkaan habka ay wax ku wadaan madaxda Maamul Goboleedyada.

Mucaaradka waxaa laga xirtay dhammaan albaabadii ay kasoo geli lahaayeen doorashada Golaha Shacabka, waxaana aad u yar xubnaha fursadda u heysta inay Xildhibaano soo saartaan.

Waxay guddiga doorashada gaarsiiyeen walaac iyo hanjabaad wada socda. Xubin sare oo kamid ah guddiga doorashada heer Federaal ayaa noo xaqiijiyey inay mucaaradku ku hanjabeen inay qaadici doonaan geediga doorashada, haddii aysan waxba iska badalin habka ay wax ku bilowdeen.

Dooda mucaaradka waxay u muuqataa mid maangal ah, laakiin cidda arrintaan wax ka qaban karta ma ahan guddiga doorashada ee heer Federaal oo aysan waxba gacanta ugu jirin hadda.

Doorashadaan socoto awoodda ugu badan waxaa ku leh madaxda maamulada, laakiin mucaaadka illaa hadda waxay ka dhuumanayaan inay madaxda maamulada toos u wajahaan, runta u sheegaan, dhaliilaan, u hanjabaan oo ay doodooda bannaanka la yimaadaan, kuna toosiyaan cidda canaanta leh.

Xubinta warbixinta nala wadaagay wuxuu layaab ku tilmaamay inay mucaaradka tahay cidda ugu horeysa ee u hambalyeysa xildhibaanada soo baxa, haddana waana isla cidda ugu horeysa ee ka cabata xubnahaas, taas oo aan is qaban karin, marka hoos loo eego xaaladda.

Haddii ay mucaaradka qaadacaan guud ahaan doorashada waji cusub ayuu geli karaa dalka. Dadka qaar waxay guuxa iyo hanjabaada ka imaaneysa dhanka mucaaradka ku fasireen niyad-jab ka heysata natiijada soo bixi karta doorashada, maadaama illaa hadda ay wax u socdaan sida uu Farmaajo rabo.

Mucaaradka malahan hal musharax, dhinaca kalena waxaa aad u yar saameyntooda guud ee doorashada, laakiin marka la eego saameynta ay Caasimadda ku leeyihiin waxay awoodaan inay abuuraan jawi tir-tiri kara shaqada socota ee doorashada.

Taliye Biixi oo soo saaray digniin la xiriirta ciidamada iyo doorashooyinka 2021

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlayey xaaladda kala guurka ah ee dalka ayaa digniin culus u diray saraakiisha iyo ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Biixi ayaa uga digay dhammaan ciidamada dowladda ku milanka arrimaha siyaasadda ee iska soo horjeeda iyo doorashooyinka socda ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorka ciidamada uu yahay kaliya sugida ammaanka doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, isaga oo intaasi ku daray in aysan wax lug ah ku yeelan karin siyaasadaha is diidan ama mashruuc kasta oo guuleysta ama guul darreysta.

Taliyaha ciidamada Lugta oo hadalkiis sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan saraakiisha iyo askartooda looga baahan yahay inay sidoo kale ka fakaraan ammaanka deegaanada ay ka howl-galayaan, si dalka looga bad-badaado xasilooni darro timaada.

Hadalkan ayaa daba socda, kadib markii ay xubnaha mucaaradka walaac badan ka muujiyeen, kuna eedeeyeen dowlada, inay siyaasad u adeegsaneyo ciidanka qaranka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaaladda kala guur ah oo ka dhalatay doorashooyinka daahay ee baarlamaanka iyo mida madaxweynaha oo hadda si weyn la’isugu hayo.

Si kastaba, waxaana haatan loolanka ugu xoogan uu ka jiraa xiubnaha Golaha Shacabka oo doorashadooda ay ka bilaabatay Muqdisho & qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka.

Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sanaag (Warbixin)

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno deegaanka Yube ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaankaas dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ka bilaabeen kuwa Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Somaliland ayaa ku wajahan dhinaca deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, xili ay halkaas meel u dhow fariisimo waaweyn ka sameysteen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay wataan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiid dagaal oo gaaray illaa 18, kuwaasi oo ku wajahan deegaanka Hadaaftinimo.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale ka bilowday qeybo kamid ah deegaanada gobolka Sanaag, waxayna imanayaan xili ay dhawaan halkaas tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Puntland ay laftigoodu wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, waxaana deegaanadaas laga dareemaya cabsi weyn oo soo food saartay dadka ku nool.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gobolka Sanaag, wuxuuna inta badan murankoodi ku saleeyay maamulka deegaanada xaduudka.

Somaliland oo shaacisay inay joojineyso wada-hadallada Soomaaliya + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Mudane Feysal Cali Waraabe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo haatan hakad galay.

Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin illaa iyo hadda wax horumar ah oo laga sameeyey wada-hadalladaasi, wuxuuna taasi bedalkeeda xusay in Somaliland ay kala kulantay dhibaato aad u weyn, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in wada-hadalladu ay dib u dhigeen, sida uu shaaciyey ictiraafka ay Somaliland raadineyso, tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-dii.

Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in fasiraad qaldan laga bixiyey wada-hadallada, isla-markaana lagu sheegay inay labada dhinac ka wada-hadlaay sidii la’isugu soo noqon lahaa markale, sidaas daraadeedna ay gabi ahaan joojin doonaan sii socoshada wada-hadallada.

“Annagu wada-hadalladaas waaan joojineynaa haddii uu alle yiraahdo wada-hadalladii horeyna khasaare ayey innoo keeneen, dhibaato ayey innoo keeneen waxaa loo tarjumaaday markaan wada-hadallada billownay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wad-hadlayaan sidii ay mar dambe isugu noqon lahaayeen,” ayuu warsigan ku yiri Mr. Waraabe.

Waxa kale oo uu yiri “Taas waxa ay keentay in wadamadii na doonayey inay na ictiraafaan ay dib u joogsadaan, marka hadii uu ku adkeysan waayo madaxweynaha  inuu keeno go’aankaasi waxaan dooneynayaa inaan baarlamaanka geyno, maadaama aysan wax faa’iido ah noogu jirin,”

Ugu dambeyn guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa hoosta ka xariiqay inay haatan ka fakirayaan in si toos ah ay ula macaamilaan adduunka intiisa kale, si ay uga dhabeeyaan go’aankooda ee ay ku raadinayaan madax bannaani, su u helaan ictiraaf gooni ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo shantii sano ee ugu dambeysay aan horay loo sii dhaqaajin wada-hadalladan oo ka kala dhacay Jabuuti, Imaaraadka, Turkiga iyo Ingiriiska.

Doorashada LABA xildhibaan oo dooran oo maanta ka dhaceysa Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ee ayaa maanta lagu wadaa inay ka billaabato magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasi oo lagu soo xulayo laba xildhibaan oo dooran.

Maamulka Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay laba ka mida shantii kursi ee Khamiistii la iclaamiyay in maanta lagu dooran doono Dhuusamareeb.

Labada kursi ayaa kala ah: HOP26 iyo HOP104, waxaana sida aan xogta ku helnay kusoo bixi doono Yuusuf Geelle Ugaas oo cidna aysan kula tartami doonin HOP26, iyo Mahad Cabdalla Cawad oo loo xiray kursiga HOP104.

Axmed Aadan Safiina, Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa dhankiisa sheegay in labadaasi kursi ay soo dhameystirmayn diiwaangelinta musharaxiinta ku tartamaysa iyo weliba ergada wax dooranaysa, iyadoona ergada la tababaray, sida uu yiri.

Axmed Safiina ayaa musharaxiinta u taagan labadaasi kursi ugu baaqay in sagaalka (9:00) subaxnimo ee maanta ku soo xaadiraan hoolka doorashada ee Dhuusamareeb.

“Labadaas kursi waxaan codsanayaa musharaxiinta ku tartamaya inay sagaalka subaxnimo ku soo diyaargaroobaan hoolka doorashada ee Magaalada Dhuusamareeb,” ayuu yiri Axmed Safiina oo intaasi ku daray.

Odayaasha beesha Saleebaan Cabdall ee Dir ayaa horey u sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu diiday in si dhab ah loogu tartamo kursiga HOP104

“Axmed Kaariye Qoor-Qoor uu si bareer ah u yiri Nin ayaa heshiis kula galay, marka hore madaxweyne kursiga nin iskama laha ee beel dhan ayaa iska leh, waxaana mas’uuliyadeeda qaadaya iskana leh Odaayasha beesha Saleebaan Cabdalle oo ka kooban sideed jufo,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha.

Faahfaahin ku saabsan qarax caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka warshadii hore ee Caanaha iyo isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday sarkaal lagu magacaabo Maxamed Daahir oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah sarkaalkii uu ahaa bartilmaameedka qaraxaas ayaa ka bad-baaday, waxaana ku dhaawacmay seddax askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale xogta aan ka helnay qaraxaas waxay tilmaameysaa in goobta uu ku dhintay wiil darawal ka ahaa Mooto Bajaaj goobta mareysay, xilliga uu qaraxu dhacay.

Waxaa xiran oo ciidamo badan ay isku gadaameen aagii kolonyada lagula beegsaday qaraxa oo ah isgoys mashquul badan.

Weli hey’adaha ammaanka wax faahfaahin ah kama aysan bixin qaraxaas, sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

Xog: Dhaawacyada 12 askari oo caawa diyaarad looga soo qaaday Dhuusamareeb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online 12 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa caawa laba diyaaradood looga soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Ciidankaan ayaa galabta waxaa deegaanka Ceeldheere kula rogmaday gaari Cabdibile ah, xilli ay ka soo baxeen Guriceel, kuna sii jeedeen Dhuusamareeb.

Laba diyaaradood oo Qaramada Midoobay ay leedahay ayaa loo diray ciidamadaas, si loogu dabiibo Muqdisho, kuwaas oo caawa dhaawacyada ka soo qaaday garoonka Dhuusamareeb.

12-ka askari ee dhaawacyadooda caawa laga soo qaaday Dhuusamareeb waxay ka tirsan yihiin qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan qeybtaas ayaa noo xaqiijiyey in ciidankaan ay yihiin askartii Jeneraal Mascuud oo ah Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad.

Sidoo kale saraakiisha aan la hadalnay waxay sheegeen in dhaawacyada askartaan ay yihiin kuwo culus, taas oo sababtay in deg deg diyaarad loogu dalbo, si dhaawacyadooda loogu dabiibo halkii ku haboon.

Rooble oo ku dhowaaqay in dalku galay xaalad deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul WasaarahaSoomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhaawaaqay inuu dalka galay xaalad bini’aadanimo oo deg deg ah kadib shirkii golaha wasiirada ay maanta ka yeesheen arrintan.

Rooble ayaa sheegay inuu go’aankaan qaatay markii uu arkay warbixintii ay soo gudbiyeen guddi uu dhawaan u saaray qiimeynta abaaraha ku dhuftay qeybo kamid ah Gobolada Soomaaliya.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Bisha November kadib markaan dhageystay warbixintii ay soo diyaariyeen guddigii aan u magacaabay Xaaladda Abaaaraha ee dalka taas oo muujisay inuu dalka ku sugan yahay Xaalad adag oo ay keeneyn abaaraha, sidaas darteed waxaan ku dhawaaqayaa inuu dalku galay xaalad deg deg ah oo bini’aadanimo loona baahan yahay gurmad deg deg ah gudaha dalka iyo dibadda,” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed, culimada, ganacsatada iyo Beesha Caalamka ugu baaqay si deg deg ah loo garab istaago dadka ay abaaraha saameeyeen.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, ganacsatada, culimada, qurba joogta, beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliyeed inay si mug leh uga qeyb qaataan taakuleynta dadka ay Abaaraha saameeyeen, waana arrin deg deg ah, waxaana rajeenayaa in si deg deg ah ugu soo gurmataan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Hadalka kasoo baxay Rooble ayaa kusoo aadaya xilli ay abaaro adag ku dhufteyn qeybo kamid ah Gobolada Soomaaliya, isla markaasna ay dhawaan dad gaajo ugu dhinteyn Gobolka Gedo.

Nuxurka arrimihii uu Farmaajo ka sheegay shirkii uu maanta ka qeyb-galay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaai Farmaajo ayaa maanta ka qeyb-galay shir madaxeedka Suuq-wadaagga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), kaasi oo uu kusoo bandhigay fursadaha maalgashi ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu bogaadiyay dadaallada madaxda dalalka ku bahoobay COMESA ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha is-dhex-galka dhaqaalaha, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dhidibbada u taagay dalladan ganacsi ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu.” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Gobolka ay aas-aas u tahay qorsheyaasha heer Qaaradeed ee kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay.

“Wadamada xubnaha ka ah COMESA waa kala duwan yihiin, waxayna qani ku yihiin kheyraadka dabiiciga ah iyo kan aadanaha labadaba. Waxaa jira fursado dhab ah oo tan looga faa’iidaysan karo iyada oo loo marayo in la xoojiyo ganacsiga gudaha ee COMESA”

Ugu dambeyntiina Farmaajo oo kulankaan uga qeyb-galay habka fogaan arag ah ayaa waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-siisi oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee dalladda dalalka ku mideysan COMESA.

Musharaxiinta qaadacay doorashada maanta oo shaaciyey arrimo yaba leh oo hoolka ka dhacay + Video

0

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Labo kamid ah musharaxiintii ku tartamayay kuraastii Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi ee maanta lagu qabtay dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ayaa iskaga baxay hoolka doorashada.

Labada musharax oo u tartamayay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP233 oo ay u taagnayeen dhowr musharax ayaa waxay qaadaceen gebi ahaanba doorashada.

Musharixiinta hoolka isaga baxay ayaa waxaa ay kala yihiin Muna Cali Cabdullaahi iyo Ibraahim Aadan Muuse, waxayna ku eedeyeen Mahdi Guuleed oo ah ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka in uu boobay ergadii dooraneysay kursigaas, sida ay sheegen.

Waxay sheegen in ergo aan ku beel aheyn kuwa leh kursigaas uu soo xulay Mahdi Guuleed, kuwaasi oo laga keenay beelaha kala duwan ee ku nool magaalada Muqdisho.

Waxa aan ogaanay in rrgada aysan ku jirin ergooyinkii saxda ahaa ee reerkeena, ergada maanta waxa ay ahaayeen Daarood, Raxanweyn iyo Hawiye,” ayuu yiri Ibraahim.

Labada musharax ayaa sidoo kale sheegay inaysan marnaba ka qeyb gali doonin doorasho aan cadaalad ku dhisneyn, kuna saleysan boob, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Musharaxiinta maanta qaadacay doorashada ayaa diyaarinaya dacwad ka dhan ah Mahdi Guuleed, taasi oo loo gudbin doono beesha caalamka, si wax looga qabto boobka uu kula kacay kursigaas.

Waxaa xusid mudan in kursiga sumadiisu tahay HOP233, kadib markii ay musharaxiintaas qaadaceen loo doortay Axmed Cismaaan Diiriye oo asagu ka guuleystay Dayib Cabduqaadir Jaamac.

Kuraasta la qabtay doorashadooda ayaa kamid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu horey u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka.

Guddiga doorashada heer federaal oo war kasoo saaray arrin muran xoogan dhalisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina ayaa markii u horeysay ka hadlay Musharaxiinta la diiwaan-gelinayo ayada oo aan lasoo xulin ergooyinkii soo dooranayay, taasi oo siyaasiyiinta qaarkood ku tilmaameen tallaabo khaldan.

Axmed Safiina oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in diiwaan-gelinta ergooyinka iyo diiwaan-gelinta musharraxiinta ay kala tahay labo shaqo oo kala madax-bannaan, islamarkaana ay shaqadoodu ay ku socoto si sax ah.

“Dabcan diiwaangelintu way socotaa, ergadu waa 101 oo tiro badan ma aha, waxaana diiwaan-gelinaya xafiis u gaar ah oo ka gooni ah xafiiska qabanaya arjiyada murashaxiinta, waxaana qoraya oo gacantooda ku keenaya odayaasha dhaqanka ee loogu talo-galay inay soo xulaan kursigaas. Marka waa labo shaqo oo kala madax bannaan oo aan isu xannibnaaneynin,” ayuu yiri Afhayeenka gudiga doorashooyinka heer federaal.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan jirin illaa hadda cid si rasmi ah cabasho uga soo gudbisay hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka, xili ay mucaaridka iyo musharaxiinta qaarkood ay cabasho xoogan ka muujiyeen doorashooyinka.

“Qof kasta oo cabanaya wuxuu xaq u leeyahay inuu noogu imaado xarunta, noo sheego waxa uu ka cabanayo oo ah habraacii oo la jebiyay. Ilaa hadda ma aannaan arkin musharax ka cabanaya ama suldaan ka cabanaya qof ama ergo.”

Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in diiwaan-gelinta musharaxiinta iyo midda ergada is-khuseyn, laakiin ay isku qorshe yihiin, maadama ay isu codeynayaan, islamarkaana ay diiwaan-gelintooda kala labo tahay.

“Ergada gooni ayaa loo diiwaan-gelinayaa murashaxiintana gooni ayaa loo diiwaan gelinayaa. Ergada waxaa lagu dabaqayaa habraacooda goonida ah murashaxiintana habraaca u gaarka ah baa lagu dabaqayaa.”

Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ayaa tallaabo khaldan ku tilmaamay qaar kamid ah siyaasiyiinta u taagan kuraasta baarlamaanka oo la diiwaan-geliyay iyadoo aan la soo xulin ergooyinkii dooran lahaa.

Kuraasta Golaha Shacabka ee GALMUDUG taalla ‘oo laba loo kala qeybsaday’ + Video

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kursiga tirsigiisa uu yahay HOP067 ee deegaan doorashadiisuna ay tahay Galmudug ayaa markale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka digay ‘boobka’ lagu hayo kursigaasi.

General Tuuryare oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku eedeeyey in boobka kursigan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Galmudug iyo Villa Somalia.

“In kursigii la boobo oo la kufsado ayuu go’aansaday maamulka Galmudug waxaana riixaya oo arrinkaas ku taageeraya oo looga amar qaadanayaa Villa Somalia,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka markii hor loo dhisay maamulka uu hoggaamiyo Qoor Qoor ay aheyd in lagu boobo doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka.

Tuuryare oo u sharaxan kursiga HOP067 ayaa sidoo kale xusay in kuraasta taalla Glamudug loo qeybsaday laba qeybood, qeybta ugu badana ay soo qoraneyso Villa Soomaaliya.

“Waxaan xog ahaan ku heynaa oo la wada ogyahay kuraasta Galmudug taalla in loo qeybsaday laba qeybood, qeybta badan oo Villa Somalia soo qoraneyso, ayna ka gadaneyso maamulka iyo qeyb yar maamulka xaggiisa ka imaaneyso oo iyaguna ah dadkii wax u xoogay oo saaxibo siyaasadeed u ah oo markii isaga madaxweynaha laga dhigaayey u xoogay intaas ayuu ku leeyahay, waana inyar,” ayuu markale yiri General Tuuryare.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Kuraasta saddex marka loo dhigo labo dhig oo ka mid ah waxaa loo xoogayaa Villa Soomaaliya lambaro ayaana ku qoran lambaradaasna dad ayaa magacyo ku soo hoos qortay ayaa la yiri,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamo laga qaaday magaalada Muqdisho la geeyey Dhuusamareeb, si loogu daro ergada, looguna boobo kursiga HOP067.

“Waxaan maqleynaa in magaalada Muqdisho laga rartay ciidan qaarkood aysan aheyn dadka kursiga iska leh, lana geeyey magaalada Dhuusamareeb, si loogu xoogo kursiga,”

Ugu dambeyn taliyihii hore ee hay’adda NISA ayaa ka digay xaqiraad uu sheegay in lagu hayo dadka uu ka dhexeeyo kursiga HOP067 oo si weyn loogu loolamayo, wuxuuna ka dalbaday ra’iisul wasaaraha iyo midowga musharixiinta inay soo fara-geliyaan arrintaasi.

Muranka hareeyey kursigan ayaa sii xoogeystay, kadib markii uu shalay si rasmi ah isugu soo sharaxay agaasimaha KMG NISA Yaasiin Farey oo gaaray magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana qaatay shahaadada musharaxnimada, taas oo su’aallo badan sii dhalisay.

Xildhibaano cusub oo lagu doortay MUQDISHO – Yey yihiin xubnaha soo baxay?

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod

Guusha Maareeye ee kursiga HOP#225 ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayey, maadaama musharaxa la tartamayey uu isagu keensaday, si uu usoo baxo.

Kursiga xiga waxaa sidoo kale mar labaad ku soo baxday Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac oo cod gacan taag ah loo qaaday, kadib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay Aamino Cismaan Diiriye oo madasha ka hadashay, sheegtayna inay ka hartay tartanka.

Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyaduna loo tanaasulay, waxayna cod gacan taag ah ay ku heshay 91 cod, halka ay ka aamuseen 10 qof oo ka mid ah ergada.

Waxaa sidoo kale kursiga afaraad oo isna tartan loo galay kusoo baxay Maxamed Haaruun oo helay 99 cod, wuxuuna ka adkaaday Axmed Cali Maxamed oo aan helin wax cod ah.

Si kastaba, kuraasta maanta la qabanayo doorashadooda ayaa ka mid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu horey u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka.