25 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Xildhibaano cusub oo lagu doortay MUQDISHO – Yey yihiin xubnaha soo baxay?

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod

Guusha Maareeye ee kursiga HOP#225 ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayey, maadaama musharaxa la tartamayey uu isagu keensaday, si uu usoo baxo.

Kursiga xiga waxaa sidoo kale mar labaad ku soo baxday Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac oo cod gacan taag ah loo qaaday, kadib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay Aamino Cismaan Diiriye oo madasha ka hadashay, sheegtayna inay ka hartay tartanka.

Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyaduna loo tanaasulay, waxayna cod gacan taag ah ay ku heshay 91 cod, halka ay ka aamuseen 10 qof oo ka mid ah ergada.

Waxaa sidoo kale kursiga afaraad oo isna tartan loo galay kusoo baxay Maxamed Haaruun oo helay 99 cod, wuxuuna ka adkaaday Axmed Cali Maxamed oo aan helin wax cod ah.

Si kastaba, kuraasta maanta la qabanayo doorashadooda ayaa ka mid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu horey u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka.

Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka kursiga Mursal iyo qorshihiisa BAYDHABA

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mursal ayaa waxaa garoonka diyaaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Baydhabo u tegay arrimo la xiriira doorashada, gaar ahaan ka qeyb-galka tartanka loogu jiro doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa doonaya inuu markale difaacdo kursiga HOP182 maadaama uu ka mid ah yahay kuraasta la shaaciyey ee Koonfur Galbeed.

Afhayeenka baarlamaanka oo si dhow saaxib ula ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa rajo weyn ka qaba dib u soo laabashadiisa, waxaana kursigiisa uu ka mid yahay kuwa ugu horreeya ee lagu dooranayo Baydhabo.

Waxaa sidoo kale inta uu joogo Baydhabo guddoomiyuhu la kulmi doonaa madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa dhowaan shaacisay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah doorashada Golaha Shacabka, taas oo ka dhaceysa deegaanada maamulkaasi.

ors

Abiy oo tallaabo lama filaan ah ku dhowaaqay xilli lagu soo dhowaaday Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu aadi doono furimaha dagaalka si uu hoggaamiyo ciidamada la dagaalamaya mucaaradka, xillia dagaalka sanad jirsaday uu kusoo dhowaanayo caasimadda Addis-Ababa.

“Laga billaabo berri [maanta oo Talaado], waxaan ciidanka ka abaabali doona jiidda hore,” ayuu Aby Ahmed ku yiri bayaan uu soo dhigay twitter habeenkii Isniinta. 

“Kuwa doonaya inay ka mid noqdaan caruurta Ethiopia ee ay xusi doonto taariikhda, u istaagi dalkiina maanta, aanu ku kulano furinta hore.” 

Bayaanka Abiy ayaa yimid ayada oo ciidamada TPLF ay kusoo dhowaanayaan Addis Ababa, kadib markii ay qabsadeen magaalada Shewa Robit, oo 220 km u jirta caasimadda.

Wasiirka difaaca Abraham Belay ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada dowladda ay la iman doonaan “xeelad cusub,” isaga oo aan bixin faah-faahin. 

“Sidan kuma sii socon doonno, waa inaan isbeddel sameynaa,” ayuu yiri Belay. 

Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen.

Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar. 

Waxay sidoo kale isbaheysi la sameysatay kooxo kale, oo ay ku jirto kooxda OLA ee Oromada, taasi oo ku xooggan gobolka Oromia ee deriska la ah Addis Ababa. 

Xafiiska Rooble oo jawaab ka bixiyey weerarka uga yimid qaar ka mid ah mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarka afka ah ee ku bilowday Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo uga imaanaya xubno ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Musharaxiinta qaar “oo aan dooneyn in doorasho qabsoonto oo raba in sidan dalku sii ahaado ay xagxagasho ku hayaan Ra’iisul Wasaaraha oo dadaal ugu jira sidii doorashooyinka loo dhameytiri lahaa.”

“Doorashada waa masuuliyad waddareed ay hormuud u yihiin Gollaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban DFS & Dowlad Goboleedyada, balse siyaasiyiinta qaar ee bartilmaameed ka dhiganaya Ra’iisul Wasaaraha waa baroorta orgiga ka weyn, waxaana laga leeyahay dano gaar ah oo lagu carqaladeynayo doorshada oo u eg fariimo shisheeye. Tabasho iyo tiigsi waa kala labo .Talo keen lahow ama talo raac lahow,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in ujeedka weerarkaas uu yahay “jah-wareerin lagu sameynayo bulshada Soomaaliyeed.”

Waxa uu si weyn uga difaacay eedeymaha doorashada ee loo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee majaraha u haya hanaanka doorashooyinka iyo amnigeeda.

“Waxaan arkay shaqsiyaad baraha bulshada ku weeraraya Raysalwasaare Maxed Xuseen Rooble Kuwaas oo isku dayaya in duruufo iyaga ugaar ah ay ku jahawareeriyaan bulshada Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsanyihiin doorka uu Raysalwasaaruhu ka qaatay badbaadinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu dhabar adaygay xaaladihii murugsanaa ee sanadkii ugu danbeeyay dalku wajahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiinta qaarkood isku dayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble u isticmaalan hub ay ku weeraraan dad kale, haddii ay taasi awoodi waayana isku dayaan inay suurad xumeeyaan, sida uu hadalka u dhigay.”

Raysalwasaare Rooble wuu yaqaannaa shaqada utaala wuuna gudanayaa, Shacabka Soomaaliyeedna weey miisaamikaraan erayada marinhabaabinta iyo gefka ah ee laga leeyahay danaha dahsoon.”

“Dalku doorasho ayuu ku jiraa qofkastana calafkiisa ayuu qaadayaa, balse cidna kuma haboona in ay maslaxadeeda gaarka ah ku cabirto danaha guud ee Qaranka,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa.

Hadalka Al-Cadaala ayaa imanaya kadib markii uu Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaruhu horay u ballan qaaday inay heli doonto cadaalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrimahan oo idil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu ku tilmaamay inuu shaki weyn ka dhashay.

Kaalin intee le’eg ayuu R/W ROOBLE ku lahaa go’aanka laga gaaray kiiska IKRAAN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cismaan Cilmi Guuleed oo ah garyaqaanka guud ee dalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey go’aanka laga gaaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo dowladda federaalka ah shaacisay natiijada kiiskan oo ah mid horudhac ah.

Garyaqaanka guud ayaa marka hore soo hadal qaaday dooda ka dhalatay natiijada la shaaciyey, kadib markii si weyn loogu dhaliilay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in Rooble uusan wax shaqo ah ku laheyn go’aanka uu shaaciyey xeer ilaaliyaha ciidamada.

“Ra’iisul wasaaruhu haba yaraatee wax shaqo ah oo uu ku leeyahay ma jirto ee ma taqaana dacwaddaas qaadisteeda wuu ku dadaalay in la madax banneeyo maxkamadaha.” ayuu yiri Cismaan Cilmi Guuleed garyaqaanka guud ee dalka oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay maxkamadaha iyo fulinta oo xukuumadda ah ay yihiin laba hay’adood oo kala madax bannaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maxkamadaha iyo fulintu waa laba hay’adood oo kala madax bannaan marka ra’iisul wasaaraha qaranka waxa uu madax u yahay xukuumadda, maxkamaduhuna ka madax banaan yihiin marka wax ala wixii kiiskaan ku saabsan go’aankiisa waxaa iska leh maxkamadaha,” ayuu markale wareysigan ku yiri garyaqaanka guud ee dalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Ciddii markaas cabasho ka qabtana waxaa jira maxkamadaha qaab looga cawdo dacwadadooda oo iyaga dhexdooda ah, maxkamadda darajada koowaad, darajada labaad ayey leeyihiin maxkamadaha ciidamadu marka process loo maro ayaa jira,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu habeen ka hor shaaciyey baaris hordhac ah oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna sheegay in NISA lagu waayey ku lug lahaanshaha kiiska Ikraan Tahiil.

Si kastaba, kiiska gabadhan oo aheyd sarkaalad ka tirsan NISA ayaa xiisad xoogan ka dhex abuurtay madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo re’iisul wasaaraha, wuxuuna sidoo kale khilaafkooda sameeyey hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Hanti-dhowraha oo dagaal toos ah ku qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Qaranka ayaa bam siyaasadeed ku qarxiyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku jira maalmihii ololihiisa dib u doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu muddo dheer ahaa siyaasi ku dooda inuu ka maran yahay musuq-maasuq, wuxuuna rabay inuu cinwaanka ololihiisa ee sanadkaan noqdo siyaasi aamin ah, laakiin qoraalkii uu soo saaray Hanti-dhowraha Qaranka ayaa cagta mariyey hal ku dhigii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Hanti dhowrka wuxuu soo faagay waxyaabo badan oo dhacay 18-kii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed lama filaan ku noqday.

Lacago badan ayaa la dhacay, sida ay sheegtay warbixinta Hanti-dhowraha, waxaa la sameystay Akoono gaar ah, deeq lacageed ayaa maqan, waxaana kaloo yaab ah inay jiraan lacago lagu xaday Safaaradaha iyo qaar aan lasoo marin habraacii miisaaniyadda Dalka.

Waxyaabaha uu Hanti-dhowrka soo bandhigay waxaa kamid ah Kharash bixin dhan 9 Milyan oo Dollar oo aan heysan caddeymo ku filan, taas oo ka dhigan inaan la aqoon sida loo adeegsaday lacagtaas.

Heshiisyo laga sameeyey lacag dhan 31 Milyan oo Dollar oo aan lasoo diiwaan gelin ayaa ku jirta fadeexadda uu Hanti-dhowraha soo bandhigay .

Lacag dhan 17 Milyan oo deeq ah oo la helay ayaan lasoo dhex marsiin nidaamka Maaliyadda dalka, taas oo ka dhigan in si gooni ah loo isticmaalay.

Akoono ka baxsan khasnadda Dowladda oo la furtay oo lacago lagu gurto ayaa kamid ah warbixintii uu Hanti-dhowraha soo bandhigay, taas oo muujineysa inuu socdo boob cad.

Dhakhli dhan 178 kun oo Dollar oo safaaradaha Soomaaliya aruuriyeen ayaan lagu soo darin xisaabta Dowladda, taas oo u dhigan in si shakhsi ah loo qaatay lacagahaas.

Xogta mushaarka ciidanka ayuu Hanti-dhowrku sheegay in aysan ku xirneyn nidaamka maareynta xogta Maaliyadda dalka taasoo iyadana u muuqata in la qarinayo xogta mushaarka ciidanka si tiro aan jirin loogu dhex darsado oo lacago xaaraan ah looga dhex sameeyo.

Warbixinta uu saaray Hanti-Dhowraha waa warbixin culus, faahfaahsan oo si gaar ah u dul istaageysa musuqa ka dhex socda Hey’adaha Dowladda Federaalka ah.

Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayey sidoo kale warbixintu sheegtay inaysan soo gudbin xisaab celinta lacag dhan 78 Milyan oo Dollar oo ay ka heleyn Dowladda Dhexe.

Warbixintaan waxay si toos ah u dileysaa sheegashadii madaxweyne Farmaajo ee aheyd inaysan dowladiisu sameyn wax musuq-maasuq ah .

Hanti-Dhowraha wuxuu u muuqdaa Nin ku shaqeeyey si madax banaan, laakiin xubno kamid ah kooxda Ololaha ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday inay arrintaan tahay mid loogu talagalay in lagu dhaawaco sumcadda Madaxweyne Farmaajo oo ku mashquulsan sidii uu ugu soo laaban lahaa xafiiska.

Warbixintaan wax weyn ayey u tari doontaa kooxaha kasoo horjeedo Farmaajo, waxayna ka dhigan karaan mid ay ku darsadaan ajandayaashooda ololaha ka dhanka ah Farmaajo kaasoo ugu dambeyn laga jajabiyey cinwaankiisii aaminaada ee uu rabay inuu mar kale ku iibsado madaxtinimada dalka.

Lama ogo inuu jiro khilaaf shakhsi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Hanti-dhowraha Qaranka, sidoo kale xukuumadda Ra’isulwasaare Rooble ayey arrintaan dhex istaajineysaa fadeexo.

Qof ka tirsan howl-wadeenada Villa Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka shakisan yihiin in gacmo kale ay ku lug leeyihiin warbixinta Hanti-dhowraha oo kusoo aaday waqti doorasho.

Shaki la’aan warbixintaan waxay abuuri doontaa xiisad cusub oo dowladda dhexdeeda ah, Dowladda Farmaajana way ku adkaan doontaa inay iska leexiso eedaha musuq ah ee loo soo jeediyey.

AL-SHABAAB oo shaacisay inay dagaal kula wareegtay deegaanka Deynuunaay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dagaal xoog leh ka qarxay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey raggii weerarka qaaday iyo ciidamada huwanta.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka iyo weerarka ka horreeyey, waxayna ay shaacisay inay la wareegtay saldhigga uu dalka ka dhacay & Deynuunaay.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus oo dhimasho iyo dhaawac dhaliya ka geysta gobolladaas oo dhaca koonfurta dalka.

Guddiga doorashooyinka oo mamnuucay arrin fadeexad ka dhalisay doorashadii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in murashaxiinta xildhibaan ay wejiyada qarsadaan, ayaga oo xiranaya indho-shareer ama Facemask, sida horey u dhacday.

Doorashadii labadii kursi ee ugu horreeyey ee xildhibaanada gobollada waqooyi ayaa waxaa dhacday in murashaxiin malxiis ah, oo tartanka aanu dhab ka aheyn balse u camirayey kuwa kursiga loo rabay, ay wejiyadooda qariyaan, taasi oo ceeb iyo fadeexad abuurtay.

Waxaa si gaar ah loo xusuustaa in gabar la sheegay inay la tartantay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay wejiga qarsaatay, taasi oo illaa iyo hadda aysan jirin cid garaneysa qofka ay tahay.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka.

Guddiga go’aan kama soo saarin ergada codeyneysa ee iyagana wejiyada qarsada, taasi oo sidoo kale aad ugu badneyd doorashadii reer waqooyiga.

Xubnaha ergada ayaa la sheegay inay cabsi ka qabaan in haddii la aqoonsado ay dhibaato kala kulmi karaan marka ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland oo ay kasoo jeedaan.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo guddiga doorashooyinka heer federaal ee FIET uu shaaciyey in maanta ay Muqdisho ka dhici doonto doorashada qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka guddiga Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen doorashada lix ka mid ah kuraasta Somaliland, taas oo Talaadada maanta ka dhici doonta teendhada Afisyooni.

Doorashada LIX kursi oo ka mid ah golaha shacabka oo maanta dhaceysa (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FIET ayaa ku dhawaaqay in maanta ay Muqdisho ka dhici doonto doorashada qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka guddiga Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen doorashada lix ka mid ah kuraasta Somaliland, taas oo Talaadada maanta ka dhici doonta teendhada Afisyooni.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Galmudug ay ka socoto diiwaan gelinta musharaxiinta shan kursi oo Dhuusamareeb lagu dooranayo, kuwaas oo illaa hadda ay isku diiwaan geliyeen 11 musharax.

Axmed Safiina ayaa sheegay in Galmudug is diiwaan gelintii Isniinta ku ekeed, hal maalin lagu kordhiyey, isla markaana wixii Talaadada maanta ah ka dambeeya la guda geli doono doorashada 5-taas kursi.

Afhayeenka guddiga ayaa sidoo kale sheegay in habraacii doorashada ee guddigu soo saaray uu shuruudo adag ku xirayey dadka tartamaya, sida saraakiisha ciidanka, diblomaasiyiinta iyo masuuliyiinta kale, balse waxa uu cadeeyey in habraacaas lagu laalay shir ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

“Lix kursi ayaan qabaneynaa doorashadooda, kuraasta qaar waa isku sidkan yihiin oo waa ka fududyihiin sidii hore, ergooyinka ayaa noo diyaarsan, shaqaduna meel wanaagsan ayey noo mareysaa, labadii Xildhibaan oo hore lix kale ayaa ku soo biiri doonta,” ayuu yiri Afhayeenka guddiga Axmed Safiina.

Hoos ka daawo wareysiga 

Mustafa Cagjar oo Cabdiweli Gaas ku eedeeyey shirqool yaab leh oo ka dhan ah…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar oo wareysi siiyey Telefishinka EZ ayaa eedeymo yaab leh u jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Cagjar ayaa ku eedeeyey Gaas uu dhinaca xuduudda Puntland iyo deegaanka Soomaalida kasoo geliyey ciidamo islamarkaana uu duulaan ku yahay amniga deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira isku dayo ay TPLF rabeen inay ku dhibaateeyaan deegaanada Soomaalida, waan ka hortagnay, waxaa kamid ah shirkii Washington ka dhacay ee lagu abuuray 9 urur, arrintaas waxaa dabada ka riixayey taageerayaashii hore ee Cabdi Iley, kuwa aan u dhallan deegaanka oo kasoo jeedo Puntland sida madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo shir ku qabtay Washington, islamarkaana ku aruuriyey lacago,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa.

Ma cadda sida uu Gaas ku abaabuli karo ciidanka uu sheegay Cagjar, maadaama uusan iminka wax xil ah ka hayn Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Mustaf ayaa sheegay in TPLF ay dhibaato xoog leh uga tageen deegaanada Soomaalida, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas la abuuray marar badan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in waxyaabihii lagu go’aamiyey shirkaas ay qeyb ka aheyd in la kala jabiyo ciidamada maamulkiisa, islamarkaana ciidamo kale laga soo geliyo dhanka xuduudda, isagoo xusay inay la wadaageen hay’adaha sirdoonka laguna guuleystay in la fashiliyo.

Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay gadaal ka riixeyso shirqooladaan si ay Itoobiya ugu ekeysiiso meel dagaal oo gabaad u noqota argagixisada.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Kenya ay qeyb ka tahay qalqal gelinta lagu hayo Itoobiya, wuxuuna sheegay in Nairobi ay ka dhaceyn shirar lagu taageerayo TPLF.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay soo wajahday cabsi xoog leh oo ku saabsan in dagaal looga soo qaado dhanka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u sheegay in kooxda Al-Shabaab laga yaabo inay dagaal kusoo qaado gudaha Itoobiya.

Qodob taliye Yaasiin Farey u diidaya inuu xildhibaan isku sharxo oo la dhinac maray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa maanta si rasmi ah isugu sharxay kursiga HOP67 ee golaha shacabka kadib maalmo ay socotay hadal haynta arrintan.

Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees.

Hase yeeshee, waxaa jira qodob ka mid ah habraaca doorashada golaha shacabka oo Yaasiin Farey u diidaya inuu is-sharxo, haddii aanu buuxin shuruudda laga doonayo.

Qoddobkan oo ah midka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta ayaa waxa uu dhigaya in Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee raba inay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka ay is-casilaan marka hore.

“Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta,” ayuu leeyahay qoddobka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta.
Yaasiin Farey ayaa illaa hadda aan gudbin wax istiqaalad ah oo la ogyahay, wuxuuna ka degay magaalada Dhuusamareeb isagoo Taliye ah, islamarkaana ay ilaalainayeen ciidanka NISA ee uu xiligan madaxda u yahay.

Guddiga doorashada Galmudug oo aan la xiriirnay way diideen inay arrintan ka hadlaan.

Haddii uu taliye Yaasiin Farey sidan ku noqdo xildhibaan waxay su’aal badan gelin kartaa hufnaanta doorashada golaha shacabka.

Horey waxaa u jirtay in musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saareen ay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyeen inuu kursigaas u boobayo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida.

Xildhibaan Aamina oo soo bandhigtay qodobo shaki gelinaya natiijada kiiska Ikraan

Hadalka kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha CQS Cabdullahi Buulle Kameey, maaha mid sharciga waafaqsan, sabaha soo socdo dartood;

1. Xeer ilaalintu baaritaanka kiiska ayeey leedahay mooyee go’aankiisu iyada ma lahan, xaqna uma lahan ineey baahiso.

2. Waxeey aheyd in caddeeymaha baaritaanka ay heleen garsoorka ku simaan, garsoorkana su’aalo ka weeydiiyo tuhmanayaasha goob maxkamad oo fagaare ah oo la dhageeysanaayo, sida kiisas badanba la sameeyay. Waxaa ugu danbeeyay kiiskii Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo eedeeysanayaashii kiiskaas meel fagaare ah garsoorku su’aalo ku weeydiiyeen iyagana xaq u yeeshay ineey is difaacaan. 

3. Maxkamadda ayaa ugu danbeeyn go’aanka ugu danbeeya laheyd, kadib marka ay ku cabir qaadato eedeeymaha loo jeediyay tuhmanayaasha iyo isdifaacooda. Go’aankaas ayaana noqon lahaa mid ama lagu qanco ama lala qoonsado oo la aado rafcaan.

Waxyaabaha sharciga hareermarsan ee ay xeer ilaalintu warbaahinta ka sheegtay waxaa kamid ah in tuhmanayaasha ay u ogolaadeen in la baaro kiisnka. Sidee tuhmane xog uu gacanta ku haayo danbi isaga lagu tuhmaayo caddeyntiisa looga heli karaa?

Waa waxyaabaha aan maanka galeyn ee hareeyay kiiska. Innaga kiiska Ikraan waxaan geeynay maxkamadda CQS iyaga ayaana ka dhowreynaa ineey gal baariseedkaas go’aan ka gaaraan. Maxkamadda CQS waxaan ka codsanayaa in kiiska ay u qaaddo sidii kuwii ka horeeyay ee ay gashay.

Ugu danbeeyn shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay, Ikraan maanta idinka ayeey garab idiinkaga baahantahay, haddii manta aan Ikraan caddaalad u heliddeeda la garab istaaginna maalinba qof beey iridda uga soo galeeysaa. 

Ikraan Tahliil Faarax, ama hadhawaato ama ha dheeraato waan hubaa ineey caddaalad heleeyso oo aan marnaba looga hareeyn dadka lagu tuhmayo kiiskeeda. 

Wabillahi toowfiiq
Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi

“Kursigan nin ayaan heshiis kula galay” – Qoor Qoor oo diiday in loo tartamo HOP104

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta iyo odayaasha kursiga HOP104 ee uu hadda ku fadhiyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in fara-gelin qaawan lagu sameeyay kursigooda.

Odayaasha warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Musharaxiintii la tartami laheyd Mahad Cawad laga hor istaagay qaadashada warqada CID-da ee dembi baarista iyo diiwaan-gelinta musharaxnimadooda.

Mahad Cawad ayaa maanta la siiyey shahaadada murashaxnimo ayada oo murashaxiintii kale loo diiday warqadda CID, si tartanka looga reebo.

Odayaasha ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug in uu diiday in hab furan loogu tartamo kursigaas, kaasi oo si gaar ah ugu xiray Mahad Cawad, sida ay sheegen.

“Sida aan maqaalo ku hayn madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Kaariye Qoor-Qoor uu si bareer ah u yiri Nin ayaa heshiis kula galay, marka hore madaxweyne kursiga nin iskama laha ee beel dhan ayaa iska leh, waxaana mas’uuliyadeeda qaadaya iskana leh Odaayasha beesha Saleebaan Cabdalle oo ka kooban sideed jufo.”

“Waxaa gaarnay heer laga hor istaago Musharaxiintii u taagna kursigaas inay doontaan warqadii dembi la’aanta ee CID-da oo la yiraahdo kasoo qaata amar Guddiga, ayagana ay telefoonada iyo albaabka xirteen, taasi oo macnaheeda yahay ma ogolin in cid kale arji u soo qorato kursigaas.”

Sidoo kale waxay sheegen in maamulka Galmudug iyo Guddiga doorashooyinkiisa si bareer ah ugu tunteen qoddobadii kasoo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Arrintaan waxay ceeb ku tahay siyaasada Soomaaliyeed meel uu kasoo galana majirto. Waxaa aad uga xunahay in arrintaan taala Galmudug aysan aheyn doorasho wax u eegna aysan aheyn. Waxaa jira boob iyo dhac loo geysanayo beeshii laheyd kursigaas,” ayuu yiri Musharax kamid ah kuwa laga hor istaagay kursigaas.

Ugu dambeyntiina waxay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ka codsadeen in wax laga qabto boobka lagu hayo kursigaas oo sumadiisa tahay HOP104, markale uu isku soo taagay Mahad Cawad.

Mahad Salaad iyo Guuleed oo jawaab lama filaan ah ka bixiyey weerarkii uu CC Shakuur ku qaaday Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya Iyo Mahad Salaad ayaa si weyn u difaacay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdikariin Guuleed ayaa ugu horeyntii sheegay in Rooble uu ku amaanan yahay doorka uu ku leeyahay doorashada iyo dardar-gelinteeda, islamarkaana mas’uuliyada dib u dhaca ay leeyihiin madaxda dowlad goboleedyada iyo gudiyadooda.

“Waxaan wada ognahay in masuuliyadda doorashada ay saaran tahay Golaha Watashiga Qaran guud ahaan, gaar ahaanna madaxda dowlad gobaleedyada iyo gudiyadooda oo ayagu la gaar ah masuuliyadda fulinta doorashooyinka,” ayuu yiri.

“Haddii dhaliil iyo gaabis uu jirana runtii xagooda ayey jirtaa oo fartu ku godan tahay. Waana xaqiiq dhab ah in dhaliilo waaweyn ay ka jiraan habsami u socodka doorashooyinka. Haddii ay ahaan laheyd jiitanka iyo daaha ama xagga hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabi karo sida ay wax u socdaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble looga baahan yahay xiligaan inuu sii laba laabo dadaaladiisa uu ku doonayo qabsoomida doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Mahad Salaad ayaa asaguna su’aal geliyay sababta xiligan weerarka loogu qaadayo Rooble, islamarkaana indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiyiin uu ku sheegay inay yihiin doorasho diid.

“Farmaajo doorashada dalka ka socota dibad joog ayuu ka yahay in muddo ah. Dalabkeedana waxaa lahaa maamulada qaarkood iyo mucaaradka! Rooble si gaar wuxuu ugu xilsaarnaa doorashada Somaliland. Aqalkii Sare si sharaf leh ayuu u qabtay. Golaha Shacabkana maalmaha soo socda ayay bilaabanaysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlad goboleedyadii xulafada la ahaa Villa Somalia ay doorashadii wataan, gaar ahaan Dhuusamareeb iyo Baydhabo, isagoona xusay in Jowhar-na jidka ay ku soo jirto.

“Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan sababta Rooble loo xagxaganayo oo indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiinta doorasho diidka ah ee ilaa hada lagu kari la’yahay halla bilaabo doorashadii Golaha Shacabka?!. Markaan oo kale adeerkey Maxamuud Sabriye AUN wuxuu dhihi jiray “HADALKAAGU WAA TUMBURYO KU DHUKAYO” oo uu ula jeedo hadalka aad ii sheegayso maangal caqligu oggolyahay ma’ahan, inlee gacantaada faraheeda oo laaban dhegtaada geli ee ku dhukayo suurtaggal ma’ahane‼️.”

Hadalka Mahad Salaad iyo Guuleed ayaa imanaya kadib un markii uu Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaruhu horay u ballan qaaday inay heli doonto cadaalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea.

“Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in arrimahan oo idil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu ku tilmaamay inuu shaki weyn ka dhashay.

Warqad kasoo baxday NISA oo muhiim u ah baaritaanka kiiska Ikraan oo aan helnay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii loo xil saaray baarista kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ayaa xalay soo saaray natiijo horu-dhac ah oo kasoo baxday baaritaankii ay ku sameeyeen kiiskii loo xil saaray.

Guddiga ayaa sheegay in baaritaankooda ay ku waayeen wax caddeymo ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA.

Warqad cusub oo kasoo baxday NISA 3-dii November, oo ay maanta heshay Caasimada Online ayaa xog badan ka bixineysa sida baaritaanka kiiska ugu soo dhammaaday muddo laba toddobaad oo kaliya ah.

Warqadda ayaa soo baxday maalin kadib markii Barnaamijka Galka Baarista ee VOA uu sheegay in guddiga ay caqabad kala kulmeen NISA.

Hase yeeshee, warqaddan oo kasoo baxday taliyaha NISA ee ku-meel gaarka ah Yaasiin Farey ayaa 3-doo November lagu bixiyey amar ah in guddiga barista si buuxda loola shaqeeyo.

Marka laga billaabo waqtiga ay hey’adda NISA ogolaatay in la billaabo baarista kiiskan iyo xalay oo lagu dhowaaqay natiijada ayaa waxa u dhaxeeya 18 maalmood.

Warqadda ay Hay’adda NISA ku ogolaatay baarista kiiska ayaa kusoo aaday hal todobaad kadib booqashadii uu Ra’iusul Wasaare Rooble ku tagay xarunta Hay’adda NISA 26-kii October, markaasi oo uu madaxda Hay’adda faray inay la shaqeeyaan guddiga loo saaray baarista Kiiska Ikraan.

Kooxda baarista ayaa heshay warbixin ka kooban 38 bog oo ay soo saartay NISA, iyadoo lagu faahfaahiyay shaqada Ikraan iyo sida ay ugu gacan gashay kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa lagu caddeeyey in kooxda Al-Shabaab ay Ikraan dishay 14-ka Bishii July, inkastoo qoyska Ikraan ay weli rumeynsan yihiin in gabadhooda ay nooshahay.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay 26-kii bishii June sanadkan.

Muddo kadib ayaa qoraal ay soo saartay hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab afduubteen ka dibna ay dileen. Balse Al-Shabaab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda NISA

Yaasiin Farey oo si rasmi ah isugu sharxay kursi xildhibaan kadib markii ‘la bari yeelay’

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa si rasmi ah isugu sharxay kursiga HOP67 ee golaha shacabka kadib maalmo ay socotay hadal haynta arrintan.

Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees. 

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta sheegay inuu gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno soo buuxiyey shuruudaha musharnimada oo uu ka mid yahay Yaasiin Farey, oo u taagan kursiga HOP67, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga.

Tallaabadan ayaa imaneysa maalin kadib markii musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saareen ay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyeen inuu kursigaas u boobayo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida.

Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursigaas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa kasoo jeedo beeshooda loo xulay inay dootaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021.

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa kadib markii xalay guddiga baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax ay soo saareen natiijo horudhac ah oo ay ku sheegeen inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Ikraan ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Yaasiin Farey ayaa ka mid ah xubnaha ay guddiga baareen, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Jeneraal Cabdullaahi Kameey.

Kadib go’aanka guddiga ayaa waxaa aad u xoogeystay hadal hayn ku aadan in sababta natiijada loogu dhowaaqay inay tahay in Yaasiin Farey la bari yeelo kahor inta aanu si rasmi ah isugu sharxin xildhibaannimo.

CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday Rooble + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore  su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaruhu horay u ballan qaaday inay heli doonto cadaalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea.

“Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrimahan oo dil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu Cabdiraxmaan tilmaamay inuu shaku weyn ka dhashay.

“Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo,” ayuu markale ku yiru qoraalka uu soo saaray CC Shakuur.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maalin weliba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan terminal-ka khaaska ah inay kasoo dagaan diyaarado gaar ah oo ka kala yimaada wadamada Qatar iyo Eritrea, sida uu hadalka u dhigay.

“In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa,’ ayuu sii raaciyey hadalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Gaba-gabadii wuxuu yiri ‘Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, cadaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger) . Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo ina wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama wadanka Itoobiya ka dhacday.

Canada oo war kasoo saartay dilkii wariye Cabdicasiis Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa war kasoo saartay qarixii is-miidaaminta ahaa ee habeen hore ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala beegsaday agaasimaha Radio Muqdisho iyo agaasimaha SNTV.

Canada ayaa marka hore si xoogan u cambaareysay dilka Wariye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay haboon tahay in la joojiyo caga-jugleynta iyo hanjabaadyada ay la kulmayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

”Dhammaan saxafiyiinta waa in ay ku dhaqmaan iyada oo aan la faragelin, caga-jugleyn, hanjabaad, rabshad iyo aargoosi la’aan,” ayaa war kooban oo kasoo baxay guddiga Sare ee ee dowladda Canada u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa baaq loogu diray hay’adaha amMaanka Soomaaliya oo laga dalbaday inay dabagal iyo baaris ku sameeyaaan kooxihii ka dambeeyey dilkaasi.

Weerarkan is-miidaaminta ahaa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay agaasimaha Telefashinka Qaranka Sharmaa’arke Maxamed Warsame iyo darawal la socday.

AUN Cabdicasiis Afrika oo shalay lagu aasay magaalada Muqdisho ayaa ahaa saxafi ku dhowaad 15 sano ka howl-galayey warbaahinta dowladda, waxaana lagu xasuustaa barnaamijka Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab, xogtoodana lagu soo bandhigo.

Xasan oo shaaciyey arrinta ugu horreysa ee haddii dib loo doorto uu ku dhaqaaqayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrinta dhalinyaradii tababarka loo geeyey dalka Eritrea isagoo balan qaaday in hadii mar kale uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya uu dalka dib ugu soo celi doono dhalinyaradaas, sidoo kale waxuu fariin u diray waalidiinta ay wiilashu ka maqan yihiin.

Xasan Sheekh ayaa arrinta dhalinyaradaas aad ugu eedeeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, isagoo tilmaamay in mudadii uu xukunka hayey uu Farmaajo ku guul dareystay in dadka Soomaaliyeed uu la wadaago mar-xaladaha jira.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan odayaal, xildhibaano iyo dhinacyo kale oo ku lug lahaa dhoofinta dhalinyaradaas, kuwaas oo ka gaabsaday markii la waayey dhalinyaradii meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

“Baaris iyo dabagal ayan ku heynaa odayaashii iyo xildhibaanada damiintay, mar dhow waan cadeyneynaa dadka Soomaaliyeed ayaana soo hor dhigeynaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Xasan Sheekh ayaa odayaasha qabaa’ilada iyo xildhibaanadii damiinta dhalinyaradaas waxa uu kula taliyey inay hadlaan oo cadeeyaan inta qof ee uu damiintay iyo cidda uu ku wareejiyey.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waalidiinta ay dhalinyaradu ka maqan tahay waxuu kula taliyey in codkooda ay muujiyaan oo banaanka u soo baxaan.

“Waalidiinta waxaan kula talinayaa nabadoonadii ilmihiina damiintay weydiiya, ku qasba inuu hadlo oo sheego cidda uu ku wareejiyey wiilkiina, dacwo geeya maxkamadaha, wadooyinkana tubnaada ilaa wiilashiinii laga helo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ayaa intaas ku sii daray, “Hadii aan ku guulaysto hoggaanka dalka, waxaa kow ii ah soo celinta dhallinyarada loo qaaday dalka Eritrea, maalinta aan xafiiska tago ayaan balan qaadayaa in aan ka howlgalo oo si joogto ah xogtooda ugu soo gudbiyo umadda Soomaaliyeed.”

Hoos ka daawo

Video: Fiqi oo soo bandhigay qodobo ‘shaki gelinaya’ cidda fulisay dilka weriye AFRIKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib geeridii Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo habeenkii Sabtidii weerar ismiidaamin ah lala beegsaday ayaa waxaa soo baxayay falcelin iyo shaki laga muujiyay qaabkii uu weerarkaasi u dhacay.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, horayna usoo noqday agaasimaha hay’adda NISA, Axmed Macallin Fiqi ayaa iftiimiyay xog badan, oo sida uu sheegay, uu ku saleeyay wareysiyo iyo hubin uu la yeeshay asxaabtii ugu dhoweyd ee marxuum Cabdicasiis Africa.

Fiqi ayaa sheegay in dilkiisa ay tuhmayaan in xafiiska madaxtooyada iyo in hay’adda NISA aysan ka marneyn, isaga oo intaas ku daray in todobaadyadii lasoo dhaafay uu la kulmayey hanjabaadyo isdaba joog ah.

Caasimada Online ma xaqiijin karto xogta uu bixiyey Axmed Macallin Fiqi. 

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in tuhunkiisa u uku sababeeyay dhowr arrimood, wuxuuna marka hore uu sheegay in Cabdicasiis Africa, oo ahaa agaasimihii Radio Muqdisho in goobta lagu dilay ay aheyd meel amaankeeda aad loo adkeeyay, dhinac walbana ay ka joogeen ciidamada madaxtooyada, Nabad-Sugida iy boolis.

Waxa uu sidoo kale sheegay in markii uu qaraxa dhacay aysan hay’addaha ammaanka qaadin tallaabo muujineysa baaritaan goobta laga sameeyay, sida caadada ahna goob walba oo qarax ka dhaca ay ciidamada booliska howlgal ka fuliyaan goobaha qaraxyada ka dhacaan, islamarkaama aysan jirin howlgal xilligaasi la sameeyay.

Arrinta labaad ayuu ku sheegay in gaarigii lagu qarxiyay uusan aheyn midkiisii gaarka ah, islamarkaana uu lahaa farsamayaqaan ka tirsan wasaaradda warfaafinta, gaarigaasina uu ahaa mid muraayadihiisa mugdi ahaayeen, loona baahan yahay in wasaaradda warfaafinta dhexdeeda ay baaritaan sameyso, iyo in goobta maqaayada oo ku sugnaa warbixin kasoo gudbisay qof ku sugnaa.

Fiqi ayaa carabaabay in qorshaha lagu dilay Wariye Afrika ay suuragal tahay in ay sal ku leedahay khilaafkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee bishii hore, kaasoo gaaray in Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka laga mamnuuco wararka Madaxweyne Farmaajo in laga sii daayo.

Axmed Macallin Fiqi waxa uu xusay in arrintaani aan la dhayalsan oo ay u baahan tahay baaritaan aan aheyn midkiii Guddoomiye Yariisoow iyo Sarkaalad Ikraan Tahliil loona baahan yahay in laga sal gaaro xaqiiqda.

Axmed Macallin Fiqi ayaa fariin aan la dhayalsan karin u diray cid kasta oo ku raad laheyd khilaafkii madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo khilaafkii dhacay ay keentay in caga jugleyn iyo handadaad u keentay shaqaalaha Radio Muqdisho qaarkood, cid kastana inay muujiyaan feejignaan maadaama buu yiri Farmaajo uusan aheyn nin wax cafiyo, ciddii arrimahiisa gashana ay gacantiisa gaarto.

Hay’addaha caddaalada ayuu sheegay Fiqi inay noqdeen kuwo ay dad leeyihiin, isagoo tusaale usoo qaatay baaritaankii kiiskii Inj. Yariisoow iyo Ikraan Tahliil, wuxuuna la barbar dhigay kiiskaan iyo dhacdada lagu dilay Cabdicasiis Africa kiisaskii Yariisow iyo Ikraan.

Arrintan sida weyn loo hadal haayo ayaa ah in Farmaajo uu xarunta madaxtooyada ku qaabilay gabar calanka Soomaaliya xiratay oo Hargeysa lagu xiray oo uu madaxtooyada maamuus ugu sameeyay, xilna loogu magacaabay wasaaradda Warfaafinta, isagoona ka aamusay inuu ka tacsiyadeeyo ama ka hadlo agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay.

Fiqi wuxuu ugu danbeyntii qiray in argagixisada ay noqdeen in cid kasta oo dooneysa in qof ay ka aarsato loo adeegsado, wuxuuna Ra’iisul wasaare Rooble uu ka codsaday in baaritaankii Ikraan Tahliil iyo Inj. Yariiisoow mid ka duwan in lagu sameeyo kiiska Wariye Afrika.

W/D: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online, London