25 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Xog: Ahlu-Sunna oo abaabul dagaal wadda kuna siqday magaalada Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa la soo sheegaya in abaabul ciidan ay ka wadaan halkaasi. 

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la tuhunsan yahay inay damacsan yihiin weerar ay ku qaadaan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah.”

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna lagu arkay deegaano dhaca bariga Magaalada Dhuusamareeb.

Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhallinta magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna ay baqdin ku keentay dadka deegaanka.

“Ahlu Sunna oo aad u maleynayso inay ka careysan tahay hadalkii habeen dhaweyd ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Rooble ee ahaa inay nabadiid yihiin ayaa keentay abaabulka ay hadda ka sameynayaan gobolka. Nimankan siyaasadda ayay daneynayaan, dowladdiina ma ogolo in laga soo qaybgeliyo,” ayuu yiri Bashiir Nageeye.

Waxa kaloo uu yiri “Xalay waxaa la sheegay inay yimaadeen deegaanka Gadoon ee bariga Dhuusamareeb, taa waxaad mooddaa inay baqdin gelisay dadka deegaanka, qaar ka mida.”

Bashiir Nageeye ayaa intaasi ku daray “Reer Dhuusamareeb cidda ay wax ka maqlaan waa Odayaasha Dhaqanka, dhaqankiina waxay taageersan yihiin maamulka meeshaan ka jira.”

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa 8-dii bishan wareysi uu BBC siiyay waxaa uu ku sheegay inay doonayaan in heshiis awood qaybsi ah ay la gaaraan Maamulka Galmudug, maadaama ay markii horeba ahaayeen maamulo wax isku darsaday, sida uu yiri.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa tilmaamay in daba-yaaqadii bishii October ee Guriceel uga baxeen dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dhinacyo kala duwan, ayna Galmudug diidan tahay in horumar laga sameeyo waan-waantii xilligaasi laga dhex bilaabay.

Macalin Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Federaalka iyo Galmudug ay qaadayaan masuuliyadda tobanaanka qof ee dagaalkii Guriceel ku dhintay.

Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa door muuqdo ku laheyd labadii xilli doorasho ee ugu dambeysay ee dalka laga qabtay, sanadihii 2012 iyo 2016.

Wararkii ugu dambeeyey dil kale oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho ay xalay koox hubeysan ka geysatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya toogashada oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa ay ka dhacday xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaas.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Mukhtaar Yalaxow, wuxuuna ka mid ahaa dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka fulisay ay gurigiisa ugu galeen marxuumka, kadibna ay rasaas ku fureen, taas oo sababtay dhimashadiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in ragga dilka fuliyey ay ahaayeen burcad dooneysay inay dhacaan marxuumka, iyaga oo isla goobta ku toogtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe tegay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana howl-gallo kooban ay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Kaaraan ayaa ka mid ah degmooyinka ugu badan ee xilliyada habeenkii ah ay jiraan falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku nool halkaasi.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay arrimaha doorashooyinka, maadaama uu dalka ku jiro kala guur.

Madaxweyne QOOR QOOR oo hal arrin ka ballan-qaaday xubnaha Beesha Caalamka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kulan dhanka Zoomka ah la yeeshay qaar ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka ee uu fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Qoor Qoor ayaa si gaar ah wada-hadallo ku aadan doorashooyinka ula yeeshay wakiilada Qaramada Midoobay, Ingiriiska, Mareykanka iyo sidoo kale Danjiraha Midowga Yurub.

Labada dhinac ay waxa ay diiradda saareen qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga dalka, ilaalinta qoondada haweenka iyo taageerada dhaqaale ee Caalamka.

Madaxweynaha Galmudug oo hadal ka jeediyey madasha ayaa u ballan qaaday xubnaha uu la shiray ee Beesha Caalamka inuu doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya deegaanada maamulkaasi uu soo gaba-gabeyn doono dhammaadka 2021-ka.

”Waxaan u xaqiijinnay inaan soo gebagebeyneyno doorashada ka hor dhammaadka 2021-ka,”ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Sidoo kale wakiilada Qaramada Midoobay, Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in Galmudug ay ku garab siinayaan dhammeystirka doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo dhowaan ka bilaabaneyso maamulkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashooyinka baarlamaanka oo muhiim u ah tan madaxweynaha oo marar badan dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey.

Mareykanka: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar baabuur ah oo lagu qaaday xaflad ciidda kirishtanka ah

Waukesha (Caasimada Online) – Baabuur SUV ah oo xowli ku socda ayaa habeenkii Axadda jiiray dad ka qeyb-galayey munaasabad ka dhacday magaalada Waukesha ee gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka, waxaana halkaas ku dhintay dhowr qof, ayada oo in ka badan 20 ay dhaawacmeen. 

Munaasabadda ayaa waxaa loogu dabaal-degayey billowga xilliga ciidda kirishtanka ee sanadka 2021.

Madaxa booliska magaalada Waukesha, Daneil Thompson ayaa sheegay in la xiray qof la tuhunsan yahay inuu baabuurka waday.

Waxa uu intaas ku daray inuusan garaneyn tirada rasmiga ah ee dadka dhintay balse ay yihiin dhowr.

Qaar ka mid ah dadka baabuurkiisa la jiirsiiyey ayaa ah caruur ah, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca dhowr ka mid ah. 

“Maanta bulshadeena waxay wajaheen musiibo iyo argagax halkii ay ka noqon laheyd maalin dabaal-deg,” waxaa sidas yiri duqa magaalada Waukesha, Shawn Reilly. 

Tom Hickey oo ah 25 jir waddada socday markii weerarka uu dhacay ayaa sheegay inuu maqlay hoonka gaariga oo gadaashiisa ka imanaya. 

“Waxaan u qaatay inuu ahaa darawal lumay, balse kadib waxa uu gaarigii u weeciyey dhanka dad dabaal-degayey, wuxuuna sare u qaaday xawaaraha oo uu gaarsiiyey heerkii ugu sarreeyey kadibna jiirsiiyey,” ayuu yiri Hickey.

Hickey waxa uu sidoo kale sheegay inuu maqlay ugu yaraan shan rasaas. Thompson ayaa sheegay in sarkaal ka mid ah booliska uu riday rasaasta. Ma jirto cid waxa ku noqotay.  

Weli ma cadda haddii ficilkan uu yahay mid argagixiso iyo haddii kale, waxaana weli baaritaan ku wada booliska. 

TAALIBAAN oo sharci cusub kusoo rogtay gabdhaha saxafiyiinta ee Afghanistan

0

Kabul (Caasimada Online) – Sharci cusub oo ay soo rogtay Taalibaan , ayaa haweenka looga mamnuucay inay ka soo muuqdaan riwaayadaha ka baxa telefishinnada dalka Afgaanistaan.

Gabdhaha saxafiyiinta ah iyo kuwa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan Xijaab, inkastoo hab-raacyadu aysan sheegin nooca la isticmaalayo.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka ay yihiin kuwo aan caddeyn oo ay ku habboon yihiin in la sharraxo.

Taalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afgaanistaan ​​bartamihii bishii Ogoosto, waxaana dad badan ay ka cabsi qabaan in ay si tartiib tartiib u soo rogayaan xayiraado adag.

Kooxda islaamiga ah ee la wareegtay gacan ku heynta kadib bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa ​​islamarkiiba ku amray gabdhaha iyo haweenka dhalinyarada ah in ay guryahooda joogaan oo aysan iskuulada aadin.

Xilligii ay horey tallada dalka u hayeen ee sagaashamaadkii, ayaa haweenka waxaa laga mamnuucay waxbarashada iyo goobaha shaqada.

Nidaamkii ugu dambeeyay ee tilmaamaha Taalibaan ay soo rogeen ee la siiyay kanaalada telefishinnada Afgaanistaan, ayaa qeexaya sideed xeer oo cusub.

Waxaa ka mid ah, mamnuucidda filimada loo arko inay ka soo horjeedaan mabaadi’da Shareecada Islaamka ama sharciga iyo qiyamka Afgaanistaan, halka muuqaalka ragga ee muujinaya qaybaha jirka ay mamnuuc tahay.

Telefishinada Afqaanistaan ​​ayaa soo bandhigaya inta badan riwaayado ajnabi ah oo ay sameynayaan jilayaal dumar ah.

Xubin ka tirsan urur ay leeyihiin suxufiyiinta Afgaanistaan ​​ku sugan oo lagu magacaabo Xujjatullah Mujaddedi, ayaa sheegay in ku dhawaaqista xayiraadaha cusub ay tahay mid lama filaan ah.

BBC

Rooble oo si rasmi ah u galay xeendaabka FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xilka ka qaaday wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq, wuxuuna ku beddelay agaasimihii madaxtooyada Cabdisaciid Muuse Cali oo ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Maxamed Cabdirisaaq waxa uu wareysi uu bixiyey ku sheegay in xil ka-qaadistiisa uu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo ay isqabteen inkasta oo aanu faah-faahin waxa la isku hayo.

Hadalka Maxamed Cabdirisaaq iyo magacaabista Cabdisaciid waxay labaduba muujinayaan in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu siyaasad ahaan isbeddelay, si toos ahna u galay xeendaabka madaxweyne Farmaajo, waxaana caddeyn u ah laba qodob:

1- Qodobka koowaad waxa uu yahay xil ka-qaadista Maxamed Cabdirisaaq oo ku timid rabitaanka madaxweynaha, oo aanay aheyn mid kasoo go’day ra’iisul wasaaraha, sida uu xaqiijiyey wasiirkii hore. 

Kahor inta aanay labada nin gaarin heshiiska siyaasadeed dhammaadkii 22-kii October way adkeyd in Rooble uu wasiir iska daayee, xitaa agaasime xilka uga qaado rabitaanka Farmaajo, ayada oo labada nin uu ka dhaxeeyey loolan la xiriira xilalka dowladda. 

2- Qodobka labaad waxa uu yahay Rooble oo wasaaraddii ugu sarreysay u dhiibay nin ay xulufo yihiin Farmaajo. Cabdisaciid Muuse waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu dhow Farmaajo, isaga oo soo noqday la-taliyaha amniga qaranka iyo agaasimaha madaxweynaha.

Rooble wuxuu kasoo laabtay xilli ay Farmaajo ku loolamaan magacaabista wasiiro ka hooseeya kan arrimaha dibedda iyo agaasimeyaal, ayada oo aan ognahay loolankii ka dhashay magacaabista xilka agaasimaha NISA iyo wasiirkii amniga.

Ka sokow labadan qodob, Rooble wuxuu horey uga tanaasulay xilkii agaasimaha NISA ee ay isku qabteen Farmaajo, ayada oo meesha laga saaray taliyihii uu magacaabay ee Bashiir Goobe, lana reebay kii Farmaajo Yaasiin Farey.

Heshiiskii 22-ka October ayaa waxaa ku jiray in Farmaajo agaasime cusub usoo magacaabo NISA, taasi oo illaa hadda aan dhicin, una muuqata in Rooble ku qancay in Yaasiin Farey uu xilkaas sii hayo.

Isbedelka weyn ee ku yimid Rooble iyo u hoggaansamidiisa Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay socdaalkii uu ku tegay dalka Qatar 4-tii October, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda dalkaas.

Qatar oo ah dowladda garabka ugu weyn siisa Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay cadaadis xooggan ku saartay Rooble inuu joojiyo khilaafka lana shaqeysto Farmaajo. Wararka ayaa intaas ku daray in aamusin dhaqaale aysan meesha ka marneyn.

Inkasta oo madaxweyne iyo ra’iisul wasaare heshiis wada ah ay u wanaagsan tahay dowladnimada, haddana madax-banaanida siyaasadeed ee Rooble waxay xal iyo difaac u aheyd tacaddiyo badan oo laga tirsanayey madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka Rooble waxaa ugu horreeyey oo cawaaqibkiisa dareemay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo caawa lasoo geba-gebeeyey rajadii ay ka qabeen in gabadhooda caddaalad ay hesho kadib markii Rooble uu is-dhiibay. Balse ma noqon doonaan kuwii ugu dambeeyey. 

Wareysi: Hooyo Qaali oo ka hadashay natiijada kasoo baxday baaritaanka kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ka hadashay natiijadii baaritaanka kiiska gabadheeda ee galabta uu sii daayey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Cabdullahi Buulakamey, kaas oo kiiska ka beriyeelay saraakiisha hey’adda NISA oo tuhun badani uu dul-hoganayo.

Hooyo Qaali oo la hadashay Idaacadda VOA ayaa warbixintii xeer ilaaliyaha ku tilmaantay wax qaldan oo ay soo abaabuleen raggii lagu tuhmaayey kiiska gabadheeda, isla markaana sarkaalka soo bandhigay warbixintaan uusan ku jirin dadkii ay u xil-saarteen baaritaan kiiskaan.

“Farmaajo, Fahad iyo kuwii gabadheyda dhibaateeyey ayaa ka soo shiray waxaan, mana aqbaleyno, umada Soomaaliyeedna kuma qanceyso, intii gabadheydu maqneed ayaa laga soo shaqeynaayey beentaan,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Sidoo kale Hooyo Qaali waxay sheegtay in Buulakamey uusan wax shaqo ah ku laheyn baaritaanka kiiska gabadheeda, “Xeer ilaaliyihii dacwada iga qoray ee galkeyga gacanta ku hayey ma ahan ninka galabta dhawaaqay, ninkaan waxaa soo adeegsaday Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis, ma aqaano, waligeyna wax uma dirsan,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Hooyo Qaali Guhaad.

Maamo Qaali oo quus badani ay ka muuqatay ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan cadaaladi ka jirin oo Alle ay cadaalad uga baryeyso, “Nimankii gabadheyda dhibaateeyey ayaa lagu leeyahay waxay soo baareen, wax ka jira maleh, waa meel la isugu xoog sheegto,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Sidoo kale Hooyada dhashay Ikraan Tahliil waxay sheegtay in weli ay kalsooni ku qabto Ra’iisul wasaare Rooble oo ay ka sugeyso inuu warbixin ka siiyo hanaanka loo maray hadii uu jiro baaritaan la sameeyey.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey oo shaciyey natiijada kiiska Ikraan ayaa sheegay in Guddiga baarista oo ka kooban xeer ilaaliyaha guud, ku-xigeenkiisa iyo Sarkaal ka tirsan NISA ay marka hore go’aamiyeen in dib loo wareysto dhamaan dadkii cabashada ay ka taalay xafiiska.

Baaritaan kadib natiijadii u soo baxday ayuu Buulakamey ku soo koobay seddax qodob oo kala ah:

1- In NISA ay si hufan ula shaqeysay guddiga baarayey kiiska iyo xafiiska xeer-ilaalinta.

2- Inta baarista lagu guddi jiray guddi uma soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalada ku maqan tahay gacanta NISA.

3- Guddiga wuxuu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay afduubteen Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen.

Hoos ka dhageyso wareysiga Hooyo Qaali Guhaad

 

Maxay tahay sababta uu madaxweyne Farmaajo uga aamusay dilka AFRIKA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka aamusay, oo aan weli ka hadal geerida weriye Cabdicasiis Afrika oo ahaa weriye qaran, oo naftiisa u huray difaaca dowladnimada Soomaaliya.

Geerida Afrika, oo ahaa agaasimaha Radio Muqdisho, ayaa waxaa xalay ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, maantana ka qeyb-galay salaaddii Janaasada ee lagula tukaday Masjid ku yaalla Villa Somalia.

Hase yeeshee dad badan ayey layaab ku noqotay in madaxweynaha uusan soo hadal qaadin dilka weriyaha, halka uu bayaan uu maanta soo saaray ugu hambalyeeyey macallimiinta Soomaaliyeed maalinta macallinka ee 21-ka November.

Afrika ma ahan weriye caadi ah. Wuxuu ahaa weriye dagaal toos ah la galay kooxda Al-Shabaab, waxaana taas caddeyn ugu filan sida Al-Shabaab ay sanado badan u raadinayeen inay ka takhalusaan.

Qoraal xalay kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.”

Maxay tahay sababta Farmaajo uga aamusay dilka weriyaha?

Su’aashaas waxaa ka jawaabi kara kaliya Farmaajo, hase yeeshee haddii ay jirto hal arrin oo ay u badan tahay ayaa ah go’aankii madaxweyne Farmaajo looga mamnuucay warbaahinta dowladda, xilligi ay is-hayeen ra’iisul wasaare Rooble.

Afrika oo ahaa agaasimaha Radio Muqdisho ayaa si la mid Taleefishinka Qaranka wuxuu bogagga Radio Muqdisho ka joojiyey qoraallada Farmaajo. 

Sida muuqata, Afrika waxaa ka sarreeya oo uu ku shaqeynayey amarka wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, waxaana la rumeysan yahay in go’aankaas uu ka yimid isaga iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo aad ugu xiran ra’iisul wasaare Rooble.

Xitaa haddii go’aanku ka iman lahaa Afrika, maanta waa nin naga hoos maray, waxayna aheyd in madaxweynuhu iska hilmaamo, iskana cafiyo una duceeyo, uuna fahmo in siyaasadda oo la isku qabto aysan ka dhigneyn naceyb shaqsi ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu xuntaa qof cuqdad iyo aargoosi badan, waxaana go’aanka uu uga aamusay dilka Afrika ay soo xoojineysaa middaas. 

Maxkamadda ciidamada oo shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Cabdullahi Buulle Kameey, oo ah Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey natiijo hordhac ah oo ku aadan baarista kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda NISA.

Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in Guddiga baarista oo ka kooban xeer ilaaliyaha guud, ku-xigeenkiisa iyo Sarkaal ka tirsan NISA ay marka hore go’aamiyeen in dib loo wareysto dhamaan dadkii cabashada ay ka taalay xafiiska.

Jeneraal Kameey waxa uu sheegay in hay’adda NISA ay la shaqeysay guddiga waday baarista iyada oo ka caawisay dhinac kasta oo baarista ah, sida uu hadalka u dhigay. 

Waxa uu intaas ku daray in baaris lagu sameeyey Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ku-simaha Taliyaha NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Fareey iyo Cabdilaahi Kulane, oo horey uga tirsanaa hay’adda.

Xubnaha la baaray ayaa waxaa sidoo kale kamid ah sarkaal lagu magacaabo Cabdiqani Wadna Qabad iyo sarkaalad magaceeda lagu sheegay Asma Yuusuf Cumar, kuwaasi oo

Jenraal Cabdullaahi Kameey ayaa sheegay in natiijadooda ay kasoo baxday:-

1- In NISA ay si hufan ula shaqeysay guddiga baarayey kiiska iyo xafiiska xeer-ilaalinta.
2- Inta baarista lagu guddi jiray guddi uma soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalada ku maqan tahay gacanta NISA.
3- Guddiga wuxuu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay afduubteen Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina codsaday in cid kasta oo warbixin ka heysa kiiska Ikraan Tahliil ay u soo gudbiyaan guddiga baarista, si loo gaaro xaqiiq dhameystiran oo cadaalada lagu horgeyn karo ciddii dhibtaas geysatay.

Sawirro: Bankiga Bushra Bussines Bank oo maanta laga daahfuray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho laga daah-furay Bankiga ganacsiga Bushra oo ah Banki cusub oo ku soo kordhay bankiyada ka jiray dalka.

Munaasabada furitaanka bankigan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jiray  Wasiiro, ganacsato, culumaa’udiin, haween, ganacsto iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Bushra Bussines Bank Maxamed Axmed Jaamac ayaa munaasabadan ka sheegay in furitaanka bankigan ay iska kaashadeen ganacsato Soomaaliyeed. isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey adeegyada uu bixin doono bankigan oo uu xusay in dhamaantood ay yihiin kuwo casri ah oo la jaanqaadaya bankiyada caalamka.

“Bankiga ganacsiga Bushra waa Bangi ka duwan bankiyadii horey uga jiray dalka, waxaa uu ku shaqeyn doonaa tiknolojiyada casriga ah, waxaana ujeedooyinka loo aasaasay ka mid ah horumarinta ganacsiga iyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Maxamed Axmed Jaamac.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Somalia Jamaal Maxamed Xassan oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey furitaanka bankigan cusub oo uu sheegay inuu xoojinayo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa isna munaasabada ka sheegay in kororka bankiyada ka jira dalka ay muujineyso xawaaraha sare ee uu ku socdo kobaca dhaqaalaha, wuxuuna u rajeeyey bankiga cusub ee ganacsiga Bushra inuu kaalin wax ku ool ah ka qaato horumarinta iyo isku xirka ganacsiga dalka.

Wasiirka Ganacsiga xukuumada Somalia Khaliif Cabdi Cumar oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay kaalinta bankiyadu kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha iyo sida loogu baahan yahay in loo dhiirigeliyo, wuxuuna kula dardaarmay ganacsatada Soomaaliyeed inay maalgashadaan khayraadka ceegaaga dalkeenna, si uu kor ugu kaco wax soo saarka dalka, loogana baxo saboolnimada iyo duruufaha nagu xeeran.

“Waxaan u hambalyeynayaa ganacsatada iska kaashaday furitaanka Bankiga ganacsiga Bushra oo runtii muujiyey geesinimo iyo biseyl la xiriira horumarinta dalkooda iyo dadkooda, waxaan idin rajeynayaa guul iyo inaad ka miro dhalisaan hadafkiina” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Khaliif Cabdi Cumar.

Munaasabadan oo ku soo gebabowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo dhiiragelin ka jeediyey, Xildhibaano, ganacsato ku hadlayey magacyada heyaddo iyo shirkado kala duwan iyo masuuliyiin kale.

Murashaxiin shaaciyey qorshe uu Qoor Qoor kursiga HOP67 ugu ‘boobayo’ sarkaal NISA ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyey inuu kursigaas u boobayo Sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida.

Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees.

Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursigaas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa kasoo jeedo beeshooda loo xulay inay dootaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021.

Musharixiinta ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay mudada laba maalin ee loo qabtay iay isku diiwaan geliyaan, iyadoo aysan diyaar aheyn Guddigii soo xuli lahaa Ergada wax dooran laheyn.

Halkaan hoose ka akhriso war –saxaafadeedka oo dhameystiran

1- Waxaan ogaanay in madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo fulinaaya amarada shaqsiyaadkii dhistay uu damacsanyahay in uu kursiga HOP#67 u boobo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugidda qaranka kaas oo uu riixaayo Fahad Yaasiin asigoo u xareeynaaya ergo aan ka mid ahayn beesha kursiga leh ama si qaldan lagusoo xulay, arrinkaas oo baal marsan hanaankii doorashada 17 September 2020, 27 May 2021 ee lagu heshiiyay oo ay hogaamineeysay xukumadda ra’iisul wasaare Rooble

2- Waxaan sidoo kale ogaanay in sarkaalkaas xildhibaannimada loo boobaayo la rabo in loo qoro ergo aan sax ahayn oo uusan saxiixin nabadoonka saxiixaha ah ee beesha iska leh kursiga,taas oo iska horkeeni karta xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble iyo beelweeynta kursiga iska leh, khatarna gelin karta guud ahaan hanaanka doorasho ee dalka.

3- Waxaan diidanahay in iyadoo weli aan la qaban guddigii soo xuli lahaa ergada kursiga dooraneeysa, ergadiina aysan diyaar ahayn in musharaxiinta loo qabto 2 maalin gudahood in ay isku soo diiwaangeliyaan, taas oo waxgaradka beesha kursiga leh iyo musharaxiintu u arkeen in dedejinta isdiiwaan gelintooda lagu baneysanayo boob boobsiis ah oo ka dhan ah kursiga HOP#67 lana doonayo in erga aan sax aheyn beeshana u dhalan laga xareeysto Dhuusamareeb, maadaama odayaashii iyo ergadii saxda ahaa ay joogaan magaalada Muqdisho.

Waxaan ku baageeynaa arrimaha soo socda

1- In gudiga doorashda ee Galmudug uu ka digtoonaado xareynta odayaal iyo ergo aan sax aheyn oo aan ka imaan beesha kursigu ku astaysanyahay.

2- Waxaan ugu baaqeynaa gudiga doorashada heer Galmudug iyo heer federaal in ay ka digtoonaadaan ka qeyb noqoshada boobka ka dhanka ah bulshada iska leh kursigaas iyo kuraasta kale ee la midka ah, bilaabaan hannaan doorasho oo sax ah ayna ku qanci karaan bulshada iska leh kursiga iyo musharaxiinta u taagan ka qeeybgalka doorashada

3- Waxaan ugu baaqeeynaa madaxweynaha maamulka Galmudug in uu u madax banneeyo doorashada kursiga HOP#67 beesha iska leh kana daayo howlaha boobka ah ee uu asigu hormuudka u yahay.

4- In inta laga soo xulaaayo odayaalkii ama gudigii ergada xuli lahaa iyaguna ay kasoo xulayaan ergada wax dooran laheyd dib loo dhigo diiwaan gelinta musharaxiinta kursiga HOP#67.

5- Waxaan ugu baaqeynaa beesha iyo waxgaradka iska leh kurisigaan, beesha Waceysle iyo guud ahaan beelweynta Mudulood oo boobida kursigaani hordhac u yahay boobka kuraastooda dhiman in ay u kacaan difaacashada xaqoooda oo aan si karaama dil ah loo boobin kuraastooda isuguna yimaadaan kulamo arrinkaas looga hortagayo.

Magacyada musharaxiinta

1- Jeneral Cabdiraxman Tuuuryare
2- Axmed Nuur Sheekh Yuusuf
3- Cabdiraxman Axmed Cumar
4- Cabdirashiid Ismaaciil Maxamed
5- Cismaan Xassan Ow-gaab

Indho-Cade: Haddii Afrika ku dhimanayo talada Al-Shabab, masoo dhaafeen 2012-kii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) oo maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho uga qeyb galay aaska Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), ayaa sheegay in argagixisada ay daba taagneyd marxuumka.

General Indh-Cade ayaa ugu horeyntii si tiiraanyo leh uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka oo xalay ay Al-Shabaab ku dileen qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

“Qof dili kara qof oo wax u dhimi kara ma jirto. Cabdicasiis haddii uu taladooda ku dhimanayo 2012 ma soo dhaafeen, laakiin Ilaahay ayaa oofsaday, qofkii sababsadayna wixii dembi uu lahaa ayuu xambaaray,” ayuu yiri Indha-Cade.

Indha-Cade ayaa sheegay in Cabdicasiis Afrika uu ahaa sida wiilkiisa oo kale, ayna khaarajiyeen niman uu ku tilmaamay Diin laa-waayal dil ugu wada xukuman yihiin dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, howl-wadeenadeeda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Kuligeen ayaa u wada xukuman nimkaas, runtu waxay tahay waa wada xukumanahe nimanka ma iska dhicina, Cabdicasiis waa tagay mise sidiisa sugna oo kolba qof lagu soo booda,” ayuu yiri General Yuusuf Indha-Cade.

“Markii uu dhacay Zoobe (qaraxii) umadda Soomaaliyeed waa kacday, keliya waxay rabtay in la hor-kaco, waxaa loo baahan yahay dowlad hogaamisa umadda, dadku iskama didi karo.”

Waxa uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab oo ayagu gumaad ku haya umadda Soomaaliyeed, islamarkaana si gaar ah u beegsada mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka muhiimka ah.

Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.

Hanti-dhowaraha qaranka oo shaaciyey lacag malaayiin dollar ah oo laga xaday miisaaniyadda dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa soo saraay warbixin sannadeedka ku saabsan baaritaanka maaliyadda laamaha dawladda Soomaaliya.

Warbixinahan ayaa ka kooban kuwo ka hadlaya dhaqaalaha soo galay dawladda Soomaaliya dibedda iyo gudaha iyo sida loo maamulay, gaar ahaan wasaaradaha iyo qaybaha kala duwan.

Sidoo kale waxaa ku jirta warbxiin si gaar ah diiradda u saaraysa kharashaadkii ku baxay la dagaalanka cudurka COVID-19 iyo sida loo maamulay.

Ugu horrayn waxa uu sheegay inuu baadhitaan uu ku sameeyey sannadkan 25 hay’adood oo kuwa dawladda ah iyo saddex safaaradood.

Hanti-dhowraha qaranka waxa uu ku sheegay warbixintiisa in miisaaniyadda sannadkii 2020-ka ay ahayd $685 milyan, inta baaritaanka lagu samayeeyeyna ay ahayd $287.8 milyan.

Waxa uu sheegay in kharashaadka hay’adahaas kala duwan ee aan loo hayn dokumentiyo muujinaya sida loo maamulay ay yihiin $9.1 milyan.

Waxa uu sheegay in kaharashaadkaas intaas dhan aysan wax caddaymo ah u haynin sida ay ku baxeen 22 ka mid ah hay’adaha uu baaritaanka ku sameeyey xafiiska hanti dhowrka.

Hanti-dhoworaha ayaa intaas ku daray in qandaraasyada ay bixiyeen hay’adaha dawladda ee aan laga diiwanagelin xafiiska hanti-dhowraha ay ku fadhiyaan dhaqaale dhan $31 milyan oo dollar.

Waxaa sidoo kale uu sheegay inuu baartaankiisa ku ogaaday jiritaanka akoonno ay adeegsadaan qaar ka mid ah hay’adaha dawladda oo ka baxsan qasnadda dhexe ee dawladda.

Waxa uu sheegay in lacag dhan $17 milyan oo dollar oo taageero dibadeed ah aan lasoo marsiinin qasnadda dhexe ee dawladda.

Waxa uuu sheegay in safaarada iyo xafiisyada ay Soomaaliya ku leedahay waddamada dibedda ay sannadkaas qabteen dakhli dhan $278,000 lacagtaas oo aan lagu darin warbixinada maaliyayeed ee ay soo gudbiyeen.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aysan soo gudbin macluumaadka sida ay u kharash gareeyeen $78 milyan oo ay ka heleen dawladda federaalka.

Hanti-dhworraha Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayey baaritaanka uu ku sameeyey sida loo maamulay lacagaha COVID-19 ayaa sheegay inay dawladda soo gashay lacag ka badan $51 milyan oo gudaha yo diebdda ah.

Waxa uu sheegay in $3.9 milyan oo ka mid ah lacagtaas oo la siiyey maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lasoo gudbin caddaymo muuujinaya sidii ay ku baxeen.

Waxa uu intaas ku daray inuusan jirin qorshe hufan oo nidaaminayey jawaabta dawladdu ka bixisay la dagaalanka cudurka COVID-19. Waxa uu sheegay in lagu guuldarraystay in la diyaariyo xarumo karantiil iyo kuwa dadka lagu daweeyo oo ku filan inkastoo sida uu sheegay la hayey dhaqaalihii ku bixi lahaa.

Weeraro loo adeegsaday 14 diyaarad oo drone ah oo lagu qaaday Sacuudi Carabiya

Riyadh (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa Sabtidii sheegay inay 14 diyaarad oo drone ah ku weerareen dhowr magaalo oo ka tirsan Sacuudiga, oo ay ku jiraan xarumo ay shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco ku leedahay magaalada Jeddah.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen ayaa Jimcihii sheegay inay burburiyeen saddex diyaarad oo drone ah oo kusoo wajahnaa Sacuudi Carabiya, halka mid kalena lagu burburiyey hawada Yemen.

Waxay intaas ku dareen in Xuutiyiinta ay sidoo kale ku fashilmeen laba gantaal oo ballistic ah oo ay kusoo weerareen Sacuudiga, kuwaas oo ku dhacay Yemen. 

Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea ayaa shir jaraa’id ku sheegay in kooxda ay weerartay xarumo shidaalka lagu sifeeyo oo Aramco ay ku leedahay Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameedyo kale oo ku yaalla Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran. 

Hadalka Sarea ayaa si kastaba waxaa ku jira khaladaad. Waxa uu khalday magaca garoonka diyaaradaha Jeddah, halka uu sidoo kale khalday halka uu ku yaallo saldhigga Boqor Khalid, oo uu ku sheegay Riyadh, ayada oo dhab ahaan ay tahay koonfurta Sacuudiga.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa dhankoodana Sabtidii sheegay inay weerareen 13 bartilmaameed, intii uu socday howlgal militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta. 

Howlgalka ayaa lala beegsaday bakhaaro hub, habka difaaca gantaalaha, iyo isgaarsiinta diyaaradaha drone-ka ee Sanca, Sacda iyo Marib, sida uu sheegay isbaheysiga.

Xuutiyiinta ayaa weeraro joogta ah ku qaadayey Sacuudiga ayaga oo adeegsanaya diyaarado Drone ah iyo gantaalo ka gudba xuduuda tan iyo markii Sacuudiga ay faro-geliyeen dagaalka Yemen bishii March 2015 kadib markii kooxda ay rideen dowladdii Sacuudiga uu taageerayey ee Sanca.

Yuusuf Geelle oo si rasmi ah maanta isku sharxay kadib is-casilaaddiisii AQALKA SARE

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya shanta kursi ee uu dhowaan liiskooda guddigu soo saaray.

Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee buuxiya shuruudaha lasoo bandhigay, isla-markaana qaatay shahadaada musharaxnimadiisa.

Musharrax Dhagey ayaa dhowan iska casilay kursigii Aqalka Sare ee horay loogu soo doortay, wuxuuna haatan isku sharxay inuu tartamo kuriga Golaha Shacabka ee HOP#026.

Caasimada Online ayaa ogaatay in is-casilaadda Yuusuf Geelle ay ugu wacneyd xiisad iyo dood dhowaanahan ka dhex jirtay beesha Duduble oo ku aadan hab qeybsiga shanta kursi oo ay ku leeyihiin baarlamanka (Afar golaha shacabka ah iyo hal aqalka sare ah.)

Jufada hoose ee uu kasoo jeedo Yuusuf Geelle ayaa isku haysatay laba kursi oo mid uu ku fadhiyey Yuusuf Geelle, halka mid kale oo ah golaha shacabka ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge.

Kadib markii Yuusuf Geelle uu ku guuleystay kursiga Aqalka Sare markii labaad, ayaa waxaa dood culus ay dhex-martay beesha Duduble, waxaana lasoo jeediyey in jufada Yuusuf Geelle ay sanadkan ka tagto kursiga golaha shacabka.

Yuusuf Geelle ayaa kadib jufadiisa kala hadlay arrintan, hase yeeshee, sida aan xogta ku helnay waa ay ku gacan seereen, taasi oo keentay in Yuusuf Geelle uu isaga tago kursiga Aqalka Sare si loogu qanciyo jufooyinka kale.

Dhinaca kale, diiwaan-gelinta aya haatan sii soconeyso, iyada oo lagu wado inay xarunta guddiga tegaan xubnaha kale oo u sharraxan shanta kursi ee ay doorashadeeda qabaneyso Galmudug.

Haddii ay Galmudug guda gasho qabashada doorashada kuraastan, waxay noqon doontaa maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, waxaana kusoo xigi doona Koonfur Galbeed oo shaacisay qabashada doorashada illaa 11 kursi.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ah billow, waxaana labadii xubnood ugu horreysay oo ka soo baxday gobollada waqooyi lagu doortay magaalada Muqdisho.

Sawirro: Weriye Cabdicasiis AFRIKA oo si heer qaran ah loogu aasay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo xalay ay Al-Shabaab ku dileen qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyey qaruuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halkaas oo ay janaasadda kula dukadeen, Qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.

Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah Ehellada Marxuum Cabdicasiis Afrika ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaanay, isaga oo sheegay in uu ahaa Nin howlkar ah oo Qaranka si wanaagsan ugu soo Shaqeeyay.

Sidoo kale Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in Al-Shabaab qofkasta uu dil ugu xukuman yahay, isla markaana Al-Shabaab kaliya ay tahay in la iska celiyo haddii kale wuxuu sheegay inay dadka dhan u qarxinaaan sida Afrika oo kale.

Dhammaan Madaxdii iyo Bahda Saxaafadda ee ka qeyb galay Aaska Marxuum  Cabdicasiis Afrika ayaa waxaa ay u tacsiyadeeyeen qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid Bulshadiisa iyo Qarankiisa sidii la rabay ugu adeegay.

 

Muxuu qorsheynayey Afrika kahor inta aan xalay lagu dilin QARAX is-miidaamin ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii Radio Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo xalay ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Afrika ayaa qorsheynayey inuu dhowaan u baxo safar dibedda ah, si uu caafimaad iyo daweyn ugu qaado hooyadiis oo xanuunsan, sida uu sheegay Cabdiraxiim Ciise Caddow, oo ahaa agaasimaha qeybta shaqaaleynta iyo tababarada wasaaradda warfaafinta.

Cabdiraxiim ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Saaxibkey Afrika Maalmahaan wuxuu u diyaargaroobaaye safar, wuxuu dalbaday visa, asaga iyo hooyadiis si uu daawo ugu qaado dalka dibaddiisa, wuxuu soo goostay Tikid, wuxuuna qaatay warqaddii fasaxa safarka, wuxuu wareejiyay xilkii agaasinka Radiyaha.”

Waxa uu intaas ku daray “Xilliga bixitaankiisa ee aan ogayn annagu waxaa ka harsanaa saacado balse safar kale ayuu aaday caawa oo dhammaan loo wada socdo. Allaha u naxariisto Allaha u danbi dhaafo. Aamiiin.”

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay booliska, gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere, wadada Busley ayaa waxaa halmar daaqadda gaariga ku booday oo qabsadey qofka is-qarxiyey.

Allah ha u naxariistee, waxaa isla goobta ku dhintay ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, waxaana loo qaaday isbital, sida aan xogta ku helnay. 

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.

Ra’iisul Wasaarihii Sudan ee la afgambiyey oo si lama filaan ah xukunka ugu soo laabtay

Khartoum (Caasimada Online) – Militariga Sudan ayaa ogolaaday inuu dib xukunka ugu sii laabto ra’iisul wasaarihii la afgambiyey ee dalkaas Abdalla Hamdok kadib heshiis la gaaray habeenkii Sabtida.

Soo laabashada lama filaanka ah ee Hamdok ayaa waxaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyey Fadlallah Burma Nasir, oo ah madaxda xisbiga Ummah.

Hamdok ayaa soo dhisi doona gole wasiiro oo cusub, waxaana lasii deyn doonaa dhammaan maxaabiista siyaasadeed, taasi oo qeyb ka ah heshiiska militariga iyo xisbiyada siyaasadeed ee rayidka, sida uu maanta shaaciyey Fadlallah.

“Waxaa la gaaray heshiis siyaasadeed oo dhex-maray Jeneral Burhan, Abdalla Hamdok, xoogagga siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka si Hamdok uu ugu soo laabto jagadiisa loona sii daayo maxaabiista siyaasadeed,” ayuu yiri Fadlallah. 

Go’aankan ayaa imanaya ayada oo maalmihii tegay ay dalkaas ka dhacayeen dibad-baxyo rabshado wata oo lagu dilay shacab lagu qiyaasay 40 qof, ayada oo boqolaa kalena lagu dhaawacay.

Kooxaha u dhaqaaqa bulshada ayaa dhiiri-gelinayey in lasii wado dibad-baxyada ayaga oo kasoo horjeeda afgambiii lagu riday dowladda Abdalla Hamdok. 

Hoggaamiyaha militariga Abdel Fattah al-Burhan ayaa 25-kii October ku dhowaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray dowladdii ku-meel gaarka aheyd, isaga oo xiray hoggaankeeda oo uu ku jiro ra’iisul wasaare Hamdok.

Afgambiga ayaa soo afjaray laba sano oo xukun rayid oo ku-meel gaar ah, waxaana uu horseeday cambaareyn calami ah, ayada oo beesha caalamka ay dalbatay in lasoo celiyo dowladda rayidka.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh militariga Sudan ayaa 4-tii bishan ku biiray Mareykanka iyo Britain ayagoo soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo dowladdii rayidka.

Mowqifka mideysan ee quwadahan Carbeed ayaa imanaya ayada oo Washington ay rajeyneysay in militariga laga dhaadhicin karo inay aqbalaan xal ay sumcaddooda ku ilaashanayaan.

Washington ayaa si deg deg ah u hakisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 700 milyan oo dollar oo ay ugu talo-gashay Sudan.

Sudan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulantay Midowga Afrika oo hakiyey xubnimadeeda “illaa ay dib ugu soo caliso nidaamkii rayidka.”

Muxuu yahay qorshaha Mareykanka walaaciyey ee Ruushku damacsan yahay?

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibeddda Mareykanka Antony Blinken ayaa Sabtidii ku celiyey in dalkiisa uu “walaac dhab ah” ka qabo ficillada iyo hadallada Ruushka ee ku wajahan Ukraine, ayada oo xiisad ay sare usii kaceyso.

“Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa dhaq-dhaqaaqyada militari ee aan caadiga aheyn ee Ruushka uu ka wado xuduudda Ukraine. Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa hadallada qaar ee aan aragno kana maqalno dhanka Ruushka iyo baraha bulshada,” ayuu Blinken u sheegay weriyayaasha isaga oo booqasho ku jooga dalka Senegal.

Blinken ayaa sheegay in walaacyada ay “si weyn ula qabaan” xulufada Mareykanka, hase yeeshee waa uu diiday inuu sheego haddii sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu qorsheynayo inuu qabsado dhul ka mid ah Ukraine.

“Ma naqaan waxa uu damacsan yahay madaxweyne Putin. Hase yeeshee waxaan ognahay wixii horey u dhacay. Waan ognahay xeeladda ah in la isku dayayo hurinta daan-daansi dhallanteed ah oo ka yimaada Ukraine ama dal kadibna qiil looga dhigto wixii ay Russia horey u qorsheyneysay,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu tixraacayey xasaradihii qarxay 2014-kii markii Ruushka ay qabsadeen jasiirad u yaalla Crimea kadib markii la riday dowladdii Ukraine ee diiday tallaabooyin ku wajahnaa Reer Galbeedka.

Moscow ayaa sidoo kale xilligaas taageertay gooni u goosato dagaal ka wada bariga Ukraine oo ay degan yihiin dad badankood ku hadla luuqadda Ruushka.

Putin ayaa Khamiistii ku eedeeyey dalalka Reer Galbeedka inay kasii darayaan khilaafka Ukraine ayaga oo dhoola-tus ka sameynaya Badda Madow, islamarkaana diyaaradaha xambaara bambooyinka ku duulinaya meel u dhow xuduudda Russia.

AFP + VOA

Al-Shabab oo ‘hub badan ka qaatay’ saldhigga ciidanka Maamulka JUBBALAND

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland uu ka dhacay degmada Dhoobley oo ku taalla koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka cul-culus.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegey in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu socday muddo saacado ah, isla-markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay inay ku burburisay saldhigga uu dagaalka ka dhacay, isla-markaana ay hub fara badan ka qaateen dagaalyahanadeeda.

Sidoo kale warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka iyo dagaalka xigay ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland iyo maamulka Dhoobley oo la xiriira dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ay haatan howl-gallo ka wadaan Dhoobley oo dhacda xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gudaha dalka.