25 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Al-Shabab oo ‘hub badan ka qaatay’ saldhigga ciidanka Maamulka JUBBALAND

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland uu ka dhacay degmada Dhoobley oo ku taalla koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka cul-culus.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegey in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu socday muddo saacado ah, isla-markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay inay ku burburisay saldhigga uu dagaalka ka dhacay, isla-markaana ay hub fara badan ka qaateen dagaalyahanadeeda.

Sidoo kale warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka iyo dagaalka xigay ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland iyo maamulka Dhoobley oo la xiriira dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ay haatan howl-gallo ka wadaan Dhoobley oo dhacda xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gudaha dalka.

Sidee looga fal-celiyey dilkii weriye Cabdicasiis AFRIKA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda, murashaxiin madaxweyne iyo xildhibaano ayaa ka hadlay geerida agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo xalay lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba waa kuwan mas’uuliyiintii ka hadlay dilka iyo qoraalladooda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble: Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax caawa argagixisadu la beegsadeen. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Cabdicasiis waxa uu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo. Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Eebbe naxariistiisa janno haka waraabiyo agaasimihii Radio Muqdisho C/Casiis Maxamuud Guuleed “Afika”, annagana sabar iyo iimaan ha naga siiyo. Waxa uu door lama illoobaan ah ka soo qaatay la dagaallanka fikirka xagjirka ah. 

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe: Cabdicaziz Afrika Agaasimihii Radio Muqdisho ayaa ku geeryooday qarax lala beegsadaty goor dhoweyd, waxa dhaawac ah Agaasimihii TV ga Qaranka Sharmarke Maxamed Warsame. Waxan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaan bahda warbaahinta oo dhan gaar ahaan Warbaahinta Qaranka Geerida naxdinta leh ee Cabdicasiis Afrika. Wuxu ahaa derbi ka dumay warbaahinta Dalka.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Allaha u raxmado Wariye Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika, oo qaranka muddo dheer u soo shaqeeyey, waqti adagna hawlo adag soo qabtay, wuxuuna ahaa geesi u bareerey in uu xirfadiisa kula dagaalamo cadowga umadda.

Ehelka, asxaabta iyo Bahda warbaahinta ayaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa. إنا لله وإنا إليه راجعون

Xildhibaan Mahad Salaad: Allaha u naxariisto walaalkeen Wariye Cabdicasiis Afrika oo ugeeriyooday dhaawicii caawa fiidkii soo gaaray. Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo ehelada, asxaabta iyo bahda warbaahinta ee uu ka geeriyooday.

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, asxaabta, iyo bahda saxaafada geerida ku timid Allaha u naxariistee C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika). C/casiis Afrika wuxuu muddo ka soo shaqeeyey saxaafada dalka qaybaheeda kala duwan. Wuxuu ahaa geesi aan si aan ganbasho lahayn warbaahinta kula dirira fikirka gurracan ee xagjirka ah ee kooxda argagexisada Alshabaab. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha naga wada siiyo. Aamiin

Muhaajiriintii ugu badnaa oo ku dhintay xeebaha Liibiya

0

Tripoli (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda socdaalka IOM ee hoostaga Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in horraantii todobaadkan ku dhowaad 100 muhaajriin ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga xeebaha Liibiya.

IOM ayaa shaaca ka qaaday in dadka la xaqiijiyey dhimashadooda illaa iyo hadda ay gaarayaan 75 qof oo badi ka tegay Qaaradda Afrika.

Sidoo kale hay’adda ayaa xusay in 15 qof oo ka mid ah dadkaasi oo ku jiray xaalad halis ah ay soo bad-baadiyeen kalluumeysato, waxaana la geeyey dekedda Zuwara ee Liibiya.

Tahriibayaasha ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa hay’adda socdaalka ee IOM waxa ay sheegtay inay kusii jeedeen Talyaaniga, si ay uga si gudbaan Yurub inteeda kale.

Hay’adda IOM ma bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira arrintaas oo ay ku tilmaamtay mid musiibo ah.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda Mediterranean-ka, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.

In ka badan 1,300 oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku dhintay illaa hadda sanadkan 2021, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan bartamaha Mediterranean-ka Liibiya iyo Tunisia, kuna sii jeeda Talyaaniga iyo Malta sida ay sheegtay hey’adda IOM.

Saddex QOF oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online)  – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xaaladda nololeed ee ka taagan gobolkaasi oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay hadda ka jiraan abaaraha laga soo warinayo gobollada dalka.

Inta la ogyahay illaa iyo hadda waxaa gaajo iyo haraad gobolkaas, gaar ahaan nawaaxiga Luuq ugu dhintay illaa saddex qof, sida uu xaqiijiyey Cali Kadiye Axmed oo ah guddoomiyaha maamulka degmadaasi.

Kadiye ayaa shaaca ka qaaday in saddexda qof ee dhintay laba ka mid ah ay ahaayeen caruur, wuxuuna tilmaamay inay xilligaas ku soo jeedeen gudaha degmada Luuq.

“Dhimashadu waxa ay mareysaa saddex ruux, Dadkaan oo ah reer Miyi ayaa dhex kusoo dhintay, qoysaska degen inta u dhaxeysa Garbahaarey & Luuq waxaa heysa abaar daran oo saameyn xooggan ku reebtay Noloshooda, keliya waxa ay qoysaskaan u baahan yihiin gurmad degdeg ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Luuq oo la hadlay BBC.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in boqolaal kale oo qoys, islamarkaana ah barakacayaal ay soo gaareen degmada, isaga oo ka dalbaday hay’adaha samafalka inay u soo gurmadaan dadkaasi.

Deegaanada ugu daran ee xaaladaha bani’adanimo laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah Golweyn, Yurkud iyo deegaana kale oo dhaca inta u dhexeysa Garbahaarey iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Xaaladaha nololeed ee ka jira gobolkan ayaa waxaa uga sii dartay biyo la’aan iyo cunno yari ay wajahayaan dadka ku dhaqan halkaasi.

Si kastaba, Jubbaland ayaa horay warbixinno uga soo saartay xaaladaha adag ee ka jira deegaanadeeda oo ka mid ah meelaha ay sida weyn u saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Mohammed bin Zayed oo shaaciyey 3 sabab oo ay dartood ula heshiiyeen Israel

0

Abu Duibai (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shaaca ka qaaday sababta uu dalkiisu u go’aansaday inuu heshiis nabadeed la saxiixdo Israel.

Hadalkaan ayuu Bin Zayed ka sheegay xaflad lagu guddoon siinayey abaalmarinta “Research Statesman Award” ” ee Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow, taasi oo uu ku helay doorkii uu ku lahaa “Horumarinta Nabadda iyo Dulqaadka”.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa yiri: “Waxaan helnay fursad, waxaana go’aansanay inaan xiriir diblomaasiyadeed la yeelanno Israel tani waa go’aan muhiim ah sababo badan awgood.”

Sababaha ku kalifay in Imaaraadka ay xiriir la yeelato Israel ayuu ku sheegay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen:

1- Inay Nabadda u doorteen maslaxadda Falastiiniyiinta laftooda
2- Inay Caalamka u diraan farriin muujineyso in Imaaraadka uu raadinayo Nabad
3- Inay ka turjumaan dabeecadii aasaasihii imaaraadka Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan oo aheyd mid ku dhisan Nabad.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inay ku taagan yihiin wadada aasaasihii Imaaraadka oo uu sheegay inuu noloshiisa ku qaatay dal jaceyl iyo Nabadda.

Mohammed Zayid waxa uu caddeeyey in faa’iidada nabadda ay aad uga badan tahay khasaaraha, sidaas darteedna wuxuu sheegay in Imaaraadku uu ku taamayo nabad ka weyn middaas, taas oo uu ku sheegay inay tahay mid u adeegeyso danta guud.

Machadka Washington ee siyaasadda bariga dhow ayaa abaal marinta caalamiga ah guddoonsiiyay Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, xaflad lagu qabtay Abu Dhabi taasoo uu ku muteystay doorkii uu ku lahaa “hoggaanka dadaallada nabadeed ee caalamiga ah iyo faafinta dulqaadka diinta.”

15-ka Bishii September sanadkii 2020, Israel waxay heshiis la gashay Imaaraadka iyo Baxrayn si loo caadiyeeyo xiriirkooda, waxaana garwadeen ka ahaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kadibna labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo wadajir ah oo dhinacyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan duulista, ganacsiga, maalgashiga. iyo ciyaaraha.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka Cabdicasiis Afrika, sheegtayna “cidda ay ugu aargudeen”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee caawa lagu dilay Allah ha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, oo ahaa agaasimihii Radio Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fulyey qof ka tirsanaa kooxdaas.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dilka Afrika ay Al-Shabaab uga aargudanayeen xubno ka tirsan kooxda, oo sida ay hadalka u dhigeen, uu dillalkooda “ku lug lahaa,” kuwaas oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi Xaaji.

Xasan Xanafi ayaa waxaa dil toogasho ku fulisay Maxkamadda ciidamada Soomaaliya 11-kii April 2016, kadib markii ay ku heshay inuu ku lug lahaa dilal mudo hore loo gaystay suxufiyiin ka shaqayn jirtay magaalada Muqdisho intii uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay beegsan doonto cid waliba oo af ama adin kula dagaalantay nidaamkooda, sida ay hadalka u dhigeen. 

Sida laga soo xigtay booliska, gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere, wadada Busley ayaa waxaa halmar daaqadda gaariga ku booday oo qabsadey qofka is-qarxiyey.

Allah ha u naxariistee, waxaa isla goobta ku dhintay ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, waxaana loo qaaday isbital, sida aan xogta ku helnay. 

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.

Maxamed Cabdirisaaq oo shaaciyey cidda ka dambeysa xil ka-qaadistiisa iyo sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii galabta xilka laga qaaday ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa shaaca ka qaaday cidda iyo sababta ka dambeysa xil ka qaadista uu Rooble ku sameeyey.

Maxamed Cabdrisaaq ayaa sheegay sheegay in maalmo ka hor uu codsaday inuu xilka isaga tago, balse ay ka diideen Rooble iyo Farmaajo.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa muujiyey inuu jiray khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo madaxda ka sareysa, inkastoo uusan sii faahfaahin, balse waxa uu xusay in wax kasta ay ku haboonaayeen in hoos loo dhameeyo.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo wareysigaan siiyey VOA waxaa la weydiiyey cida uu aaminsan yahay inay xilka ka qaaday, waxuuna sheegay in Farmaajo uu ka qaaday, isagoo aan ka filaneyn tallaabadaas.

“Hadii ay jireen wax un dhaliilo ah waxay ahaayeen kuwo hoose oo noo gaar ah, shaqadeyda si daacad ah ayaan u gudanayey, waana la yaabay xil ka qaadisteyda, todobaad ka hor anigoo qaba tabasho la xariirta shaqada ayaan dhahay Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha hadii ay jecelyihiin inaan shaqada ka tago diyaar ayaan u ahay oo waa is-casilaa, balse labaduba waa iga diideen waxayna igu dhaheen arrimaha aad tabaneyso waa la xalinaa, kadibna waxaa ku xigtay xilka qaadistaan oo runtii igu noqotay arrin la yaab leh,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxaa lagu beddelay Cabdisaciid Muuse Cali, oo ahaa agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, oo laba bil kahor loo magacaabay markii xilka uu hayey ee la-taliyaha amniga qaranka loo beddelay Fahad Yaasiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay iyo kii TV-ga qaranka oo dhaawac ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii Radio Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa ku dhintay qarax caawa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen agaasimayaasha taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, oo uu wehliyo darawlka gaariga.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay booliska, gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere, wadada Busley ayaa waxaa halmar daaqadda gaariga ku booday oo qabsadey qofka is-qarxiyey.

Allah ha u naxariistee, waxaa isla goobta ku dhintay ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, waxaana loo qaaday isbital, sida aan xogta ku helnay. 

Wasiirk ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Ilaaheey ha unaxariisto walaalkeey Cabdi Casiis Maxud Guuleed Afrika, wuxuu ahaa halyay Qaranka ka baxay . Walaal iyo saaxiib igu wayn ayuu ahaa” ayuu Alcadaala ku yiri qoraalkiisa.”

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.

Waa kuma Cabdisaciid Muuse Cali – wasiirka cusub ee arrimaha dibadda (Taariikh)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Cabdisaciid Muuse Cali u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxuuna bedelayaa Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo xilkaas hayey hal sano oo shalay ku ekeyd.

Cabdisaciid waxuu noqonayaa wasiirkii sedaxaad ee Rooble uu u magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana Maxamed Cabdirisaaq ka sii horeeyey Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa xukuumadii uu soo dhisay Rooble markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, inkasta oo sidoo kale uu xilkaas hayey xilligii Kheyre.

Hadaba waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali?

Cabdisaciid Muuse Cali Koor waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe sanadkii 1971-kii, balse qabiil ahaan waxa uu kasoo jeeda Puntland, gaar ahaan beesha Majeerteen.

Kahor inta aan maanta la magacaabin waxa uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo laba bil un kahor loo magacaabay.

Waxa uu soo noqday La-taliyihii Amniga Qaranka ee ugu waqtiga dheeraa ee Madaxweyne Farmaajo intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa Septembar 2021. Sidoo kale Cabdisaciid waxuu masuul ka ahaa kormeerka istaraatijiyadda amniga qaranka iyo maaraynta maalinlaha ah ee siyaasadda amniga Soomaaliya ee ku wajahan hay’adaha militariga, booliska iyo sirdoonka.

Cabdisaciid waxuu hormuud ka ahaa horumarinta, ansixinta iyo hirgelinta Qorshaha kala-guurka, isaga oo ka wakiil ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qorshaha cusub ee kala guurka ee Soomaaliya waxa uu jiho cusub u jiheeyey amniga iyo horumarinta Soomaaliya, wuxuuna taageero xooggan ka helay daneeyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo si weyn loo bogaadiyey hoggaaminta Cabdisaciid ee Siyaasadda Amniga Qaranka.

Ka hor inta uusan ku biirin Dowlada Federaalka Soomaaliya, Cabdisaciid waxa uu La-taliyaha dhanka Siyaasadda Gobolka u ahaa Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, isaga oo diiradda saari jiray wax ka qabashada xasillooni-darrada siyaasadeed, xagjiraynta iyo argagixisada ee Gobolka.

Xilalka kale ee uu Cabdisaciid soo qabtay waxaa ka mid ah Wakiilka Soomaaliya ee Nordic International Support Foundation, iyo La-taliye Sare ee Maaraynta Xuduudaha, ka hortagga xagjiraynta iyo amniga badaha ee IGAD.

Cabdisaciid waxa uu sidoo kale doorar cilmi-baaris ah u soo qabtay IGAD, Machadka Adeegga Dibadda ee Kenya, King College London’s Futures Project, iyo Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada ee Addis Ababa. Sidoo kale, waxa uu La-taliye u soo noqday Dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Wakaaladda Horumarinta Iskaashiga ee Talyaaniga.

Cabdisaciid waxa uu wax ku soo bartay dalalka Netherlands, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaana uu shahaadooyin badan ka haystaa heerarka kala duwan ee Tacliinta Sare.

Wasiirkii A/Dibedda ee xilka laga qaaday oo shaaciyey sheeko ka duwan tan Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday inuu la yaabay xil ka qaadista uu maanta ku sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in toddobaad kahor uu is-casilaad u gudbiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Sheekada ku saabsan in la beddelay aad ayaan ula yaabay si la mid ah qof kasta oo kale balse waxay daba socotaa yabooh is-casilaad oo aan gudbiyey toddobaad kahor. Angaa ayaa qof kasta la socod siin doono marka waqtigeeda la gaaro, hase yeeshee aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u adeegay qaranka Soomaaliyeed, badalkeygana waxaan dabcan u rajeynayaa kheyr.”

Qoraal goor sii horeysay kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).”

Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey.

Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddi cusub soona saaay baaq culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meel badan ee waddanka ah. Guddigan oo ka kooban 7 Wasaaradood ayaa kala;

1- Wasaaradda Gargaarka
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda Qorshaynta
4- Wasaaradda Caafimaadka
5- Wasaaradda Beeraha
6- Wasaaradda Warfaafinta
7- Wasaaradda Biyaha 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah.

Dhinaca kale, Rooble ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta dadkeenna la dhibaateysan abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka shariifka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gurmadka xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca dalka iyo garab-siinta dadkeenna nugul, waxa uuna tilmaamay in xilligan baahi weyn loo qabo sidii loo mideyn lahaa, loona dardar gelin lahaa gurmada abaaraha ka jira dalkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan khayraadka ceegaaga dalkeenna, si uu kor ugu kaco waxsoosaarka dalka, loogana baxo saboolnimada iyo duruufaha nagu xeeran.

Rooble ayaa ka warbixiyey kobaca fursadaha maalgashi ee dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in ganacsatadeennu ay u mideeyaan cududdooda iyo caqligooda oo aas-aas u ah horumarinta dhaqaalaha iyo shaqaaleynta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka Arrimaha Dibedda, magacaabayna mid cusub + Isku shaandheyn kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Maxamed Cabdirisaaq, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdi Saciid Muuse Cali.

Rooble ayaa sidoo kale xilka ka qaaday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda dibedda, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey.

Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin.

Xildhibaan Faaduma oo ka laabatay dacwadii xasaasiga ee ay ka gudbisay Rashiid

Nairobi (Caasimada Online) – Dacwad ka dhan aheyd xildhibaan Rashid Qaasim oo ah Soomaali laga soo doorto Bariga Wajir oo ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa la baabi’iyey kadib markii xildhibaan Faduma Gedi, oo horey ugu eedeysay inuu feeray ay sheegtay inay cafisay.

Ayada oo ka laabaneysa dacwadda, ayaa xildhibaan Faduma waxay sheegtay inay go’aansatay “inay cafis walalakeed.”

Faduma ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonaan is gacan qaad dhex-maray ayada iyo Rashid oo ay billaabeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Faduma ayaa sheegtay inay Rashid kala shaqeyn doonto sare u qaadidda midnimada maamulka Wajir, oo labadauba ay baarlamanka Kenya kasoo galeen. Faduma iyo Rashid ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay is-taageeri doonaan hadda kadib.

Xildhibaan Rashid ayaa ayaa uga mahad-celiyey Faduma inay aqbashay cudur daarkiisa.

Garsooraha maxkamadda dacwadda laga furay Martha Nanzushi ayaa kiiska ku calaameysay in laga laabtay.

Rashid ayaa 2019-kii lagu eedeeyey inuu Faduma ku feeray xarunta baarlamanka Kenya ee Nairobi.

Maxkamadda ayaa dhageysatay in xilli barqo ah uu Rashid ku weeraray Faduma halka baabuurta la dhigto ee xarunta baarlamanka uuna dhaawac gaarsiiyey. 

Kahor weerarka Rashid iyo Faduma ayaa la sheegay inay dhex-martay dood kulul.

Dhacdada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo diiwaan-geliyey xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamanka.

Rashid ayaa ka careysnaa in Faduma oo ka tirsan guddiga maaliyadda ee baarlamanka aysan miisaaniyadda ku darin lacag uu u rabay deegaanka laga soo doorto.

Sawirro: Falcelin caro leh oo ka dhalatay dooro ay Amisom siiyeen haween Soomaali ah

0

Dhoobley (Caasimada Online) – Hadal xoogan iyo dhalleeceyn ayaa ka dhalatay dooro ama digaag ay ciidamada Amisom siiyeen haween Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Qoraal lasoo dhigay twitter-ka AMISOM oo ay sawirro la socdaan ayaa lagu yiri “Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa dooro siiyey koox haween ah oo ku sugan Dhoobley si ay ganacsi ugu billaabaan taasi oo qeyb ka ah isku day ballaaran oo dhaqaale ahaan lagu xoojinayo haweenka aagaas.”

“Doorada ayaa gacan ka geysan doonta horumarinta suuqa digaagga. Ayada oo la dagaalameysa argagixisada, AMISOM waxay sidoo kale caawineysa horumarinta noloshada bulshada ayada oo loo marayo dhaq-dhaqaayada iskaashiga rayidka iyo militariga.”

Dad badan oo Soomaali ah ayaa qoraalka AMISOM uga falceliyey qosol halka qaar kalena ay caro ka muujiyeen kuna macneeyeen igu sawir.

Anwar oo ka mid ah dadka ka falciyey ayaa yiri: “Astaan cad oo ku saabsan in AMISOM ay faham gaaban ka haysato dahqanka Soomaaliyeed.”

Qof twitter ugu qoran yahay Justice ayaa yiri: “Tani waxay xadgudub ku tahay garashada dadka Soomaaliyeed. Sameeya wax la taaban karo ama naga joojiya qashinka. Sanadkii tegay ciidanka Kenya waxay sheegeen inay dhisayaan garoonka diyaradaaha Dhoobley, waxbana kama aysan qaban. Haddana isla Kenyan-kii ayaa lix dooro ku deeqaya. Ka taga Soomaaliya un.”

Qof ay ugu qoran tahay Soomaaliya Ha Noolaato ayaa isna yiri “Umad la sixray haddaad rabtid inaad aragto waa kuwaan. Ka saara Amisom Soomaaliya, hadda.”

Cabdiqani ayaa isna yiri “Soomaaliyey dullinimo goorma ayaad ka baxesaan sharafta Allah ha idin ka qaado ma dhahee?”

Caadil ayaa isna yiri “War run miyaa waxa meesha ku qoran mise anaa waalan, maxaa waaye dooro 4 xabo ah oo la qeybinayo. 900 milyan ayaa sanad walba ku baxdo AMISOM, nacalad ha ku dhacdo, waxan maxaa waaye.”

GALMUDUG oo shaacisay shuruudaha laga doonayo musharaxiinta xildhibaanimo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday shuruudaha Musharixiinta golaha shacabka looga baahan yahay.

Shuruudaha guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa qeyb ka ah in looga baahan yahay in musharaxa laga rabo warqadda dambi la’aanta oo ay bixiyo CID iyo shuruudo ay ka mid yihiin bixinta qidmadda musharaxnimada.

Shuruudaha ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in qofka musharaxa ah uu heysto Shahaado Dugsiga Sare ama wax u dhigma.

Sidoo kale waxaa shuruudaha kamid ah in musharaxa uusan wax xiriir ah la laheyn kooxahaa argagixisada.

Galmudug oo lagu wado in todobaadkan ay ka dhacdo doorashada Shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug.

Kuraastaa ayaa kala ah, HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo dhamaantoda hadda ay ku fadhiyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday.

Halkaan hoose ka akhriso shuruudaha oo dhameystiran

 

Joe Biden oo si ku-meel gaar ah u wareejiyey awoodda madaxweyne + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii shalay si ku-meel gaar ah awoodda madaxweyne ugu wareejiyey madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, kahor inta aanu qaadan dawada qofka suuxisa si loogu sameeyo baaritaanka xiidmaha (colonoscopy). 

Biden ayaa howlgalkan ku maray xarunta caafimaadka Walter Reed, taasi oo qeyb ka aheyd tijaabadiisa caafimaad ee sanadlaha ah, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

“Si la mid ah markii madaxweyne George W. Bush uu maray howlgalkan oo kale 2002 iyo 2007, iyo ayada oo la raacayo sida dastuurka ku qoran, madaxweyne Biden wuxuu si ku-meel gaar ah awoodda madaxweyne ugu wareejin doonaa madaxweyne ku-xigeenka inta uu suuxsan yahay,” ayey tiri Psaki kahor inta aan Biden la suuxin.

“Madaxweyne ku-xigeenka waxay muddadaas ka shaqeyn doontaa xafiiskeeda qeybta West Wing.”   

Kadib markii uu awoodda wareejiyey 10:10 am, Biden ayaa tijaabadiisa caafimaad ee baaritaanka xiidmaha dhameeyey 11:35 am, wuxuuna dib ula wareegay awooddiisa madaxweyne.

Biden ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay hase yeeshee uu kusii negaan doono Walter Reed, si uu ugu sii nasto, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

Biden oo maanta oo Sabti ah ay u buuxsami doonto da’da 79-aad ayaa noqday madaxweynihii ugu da’a weynaa ee la doorto taariikhda Mareykanka.

Da’diisa ayaa noqotay meel ay mar walba ka wareeraan Jamhuuriyiinta, waxaana tijaabadan caafimaad ay mar kale xiiso ku abuurtay xubnaha Jamhuuriga. 

In madaxweynaha uu awoodda wareejiyo ma ahan wax caadi ah, waxaana ay dood abuurtay intii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump.

Trump oo 2019-kii si deg deg loogu qaaday isbitalka Walter Reed ayaa diiday in la suuxiyo, sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu awoodda ku wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence.

Sawirro: Ciidamada xoogga dalka oo ka hortegay weerar iyo qaraxyo la qorsheeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Gorgor ay maanta ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galkan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa horkacayey Gaashaanle Maxamed Sheekh oo ah taliyaha ururka 7-aad ee ciidamada Gorgor, waxayna ku fashliyeen weeraro qaraxyo ah, gaar ahaan miinooyin ay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku aaseen dhulka.

Qaraxyada la fashiliyey ayaa waxaa la geliyey waddooyinka ay si aad ah u isticmaalayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku socdaala halkaasi.

Deegaanada sida gaarka howl-gallada looga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Buushka, Idimow, Cabdow Dibiley oo dhammaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Gorgor ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada howl-galka laga fuliyey iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa inta badan gobolkan ka soo abaabusho weeraro culus oo ay qaraxyo qeyb ka yihiin, waxayna ku leeyihiin saldhigyo, maxkamado iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Sawirro: Maxay ka hadleen Shariifka iyo Lafta-gareen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Lafta Gareen ayaa maanta kulan saacado badan qaatay la yeeshay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Lafta Gareen dadaalka uu ugu jiro qabsoomida doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo muhiim u ah tan madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ah siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Aadan Madoobe, Senatar hore Ilyaas Cali Xasan iyo xubno kale.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ujeedka safarkiisa Muqdisho wuxuu la xiriiraa wada-tashiyo ku aadan doorashada, gaar ahaan loolanka loogu jiro mida Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulankan ayaa imaanaya, iyada oo dhowaan la filayo in maamulka Lafta Gareen uu guda galo qabashada doorashada illaa 9 kursi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka, waxaana musharixiinta madaxweynaha ay tartan ugu jiraan xildhibaanada soo bixi doono.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan billow ah, waxaana illaa iyo hadda liiska kuraasta ugu horreysay soo saaray Galmudug, K/ Galbeed iyo gobollada waqooyi.

Xog: R/W Rooble oo baajiyey safarkii maanta ee Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka baaqday safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago magaalada Garoowe, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu Garoowe wada-hadallo saddex geesood ah kula yeesho madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo isna ku sugan magaalada.

Rooble ayaa horey uga codsaday madaxweynaha Jubaland inuusan ka tegin Garoowe, si ay wada-hadallo saddex geesood ah u yeeshaan, taasi oo uu Axmed Madoobe aqbalay.

Si kastaba Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu maanta ka tago Garoowe kuna laabto Kismaayo kadib baaqashadii ku timid safarka ra’iisul wasaaraha.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu Rooble maanta u baajiyey safarkiisa Garoowe, balse waxaa lagu warramay inuu xalay sidaas ku wargeliyey madaxweyne Saciid Deni.

Safarka Garoowe ayaa weli taagan, balse waxaa lagu warramay in waqti cusub uu soo qabsan doono ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa sidoo kale sidii markii horeba qorshaha uu ahaa safar kale ku tagi doona Kismaayo.

Safaradan ayaa qeyb ka ah kuwa uu Rooble ku marayo caasimadaha dowlad goboleedyada oo ujeedkoodu yahay inuu ku cadaadiyo inay dedejiyaan doorashada golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa illaa hadda la doortay laba xubnood oo kaliya oo ah kuwa gobollada waqooyi, ayada oo Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay shaaciyeen kuraas dhowr ah oo ay doorashadooda qabanayaan.

Hase yeeshee, Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saraeen uga horyimid qaabka loo wado doorashada golaha shacabka, ayaga oo sheegay inaysan aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn.

Golaha ayaa ku baaqay in la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

“Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Sacuudiga oo shaacisay inay dib u furtay safaaradeedii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday Jimcihii shalay dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xaqiijinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.’

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay sheegtay inay rajaynayso inuu sii xoogeysto iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya, si labada dal iyo dadkoodu ay u gaaraan kobac iyo barwaaqo badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay safaarad ugu laheyd dalka Sacuudiga, balse Sacuudiga ayaan hadda ka hor dib u furin safaaradiisa Muqdisho, kadib burburkii dowaldii dhexe ee Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga waxay ka mid tahay dowladaha dhaqaale ahaan taageera Soomaaliya, balse mararka qaar madmadow ayaa ku jiray xiriirka labada dal afartii sano ee Farmaajo hoggaaminayey Soomaaliya.