25 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Guddiga doorashooyinka oo farriin u diray Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Onine) –  Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa farriintii ugu dambeysay u diray maamullada aan weli ku dhawaaqin liiska xildhibaanada lasoo dooranayo ee Golaha Shacabka, maadaama doorashada golahan ay ka bilaabatay dalka.

Axmed Safiina oo ah afhayeenka guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay in looga baahan yahay Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-galaan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, si waqtiga looga faa’iideesto.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doorashada Golaha Shacabka aysan ka dib mari doonin 24-ka December ee sanadkan 2021-ka.

“Waxaan halkan fariin uga direynaa, saddexda maamul goboleed ee haray Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, inay ku soo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, dhamaan doorashada dalka 24-ka December ka gadaal mari-meyso inshallah,” ayuu yiri Safiina.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa farriin u diray odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, wuxuuna ka dalbaday inay soo shaqo galaan, si loo siiyo tababaro ku aadan doorashada.

Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu dheeraatay xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay doorashooyinka, hayeeshee waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashada baarlamaanka, iyada oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo dhammaadka December.

DF Soomaaliya iyo QM oo ka deyriyey xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir warsaxaafadeed uga soo saaray xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay saameeyeen abaaraha.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda gargaarka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ee QM ayaa marka hore walaac looga muujiyey xaaladaha kasii daraya ee ka dhashay abaaraha.

“Qoysaska waxay luminayaan xoolahooda oo ah isha ugu muhiimsan ee nolosha waxaa laga yaabaa inay Gaajo u dhintaan bilaha soo socda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu shaaciyey in iyaastii 2.3 Malyan ay haatan wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, gaar ahaan  biya la’aan iyo cunta yari baahsan.

Dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay sabab u tahay korora dayaca xilliga tirada u baahan gargaar iyo badbaadin gudaha Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo bahanyahay u istaagida sidii looga hortegi lahaa abaarta, si aysan uga sii darin xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jira dalka.

“Waa inaan hadda wax ka qabanaa, si aan uga hortegno abaar na cuuryaamiso,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ugu daran ayaa waxaa lagu soo sheegaya gobollada dalka, gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo diiwaan-gelin murashaxiin billaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta Golaha Shacabka, gaar ahaan kuraasta ay liiskooda horay u shaaciyeen.

Guddiga ayaa sheegay in diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ay maanta bilaabaneyso, isla-markaana ay ku eeg-tahay illaa 22-ka bishan November ee sanadkan 2021-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa faray inay diyaar garoobaaan musharixiinta u tartameysa lixda kursi ee kala ah HOP#233, HOP#208 HOP#2010, HOP#202, HOP#225 iyo HOP#272.

“Guddiga maamulka doorashooyinka labada aqal ee Somaliland waxay ogeysiinayaan musharixiinta u tartameysa kuraasta tirsigooda uu yahay HOP#233, HOP#208 HOP#2010, HOP#202, HOP#225 iyo HOP#272 inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta kuraasta sumadooda kor ku xusan yihiin maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Doorashada ayaa ka dhaceysa  magaalada Muqdisho oo haatan laga dareemayo diyaar garowga doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga maamulaya kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa horay ugu guuleystay qabashada doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Si kastaba, doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 24-ka bisha soo socota ee December ee sanadkan sii dhammaanaya 2021.

Wareysi: Wasiirka A/dibadda oo wax laga weydiiyey dhallinyaradii la geeyey Eritrea iyo dagaalka Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo badankood ku saabsan xaaladaha arrimaha dibadda ee siyaasadda Soomaaliya, oo dad badan ay qabaan inay ku jirto xiliyadii ugu adkaa.

Arrimaha wax laga weydiiyey wasiirka waxaa ka mid ah, ceyrinta ku xigeenkii ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya , qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee  Soomaaliya, wadahadallada Al-Shabaab iyo dawladda Soomaaliya, dhalinyaradii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, xaaladda cakiran ee ka jirta dalka Itoobiya iyo saameynta go’aanada wasiir Maxamed Cabdirisaaq uu ku leeyahay dalka Mareykanka oo dhalasho labaad uu ka heysto.

Ugu horeyn wasiirka ayaa ku celiyey in ku xigeenkii la ceyriyey ee wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ay ku saxneyd dowladda Soomaaliya go’aankii ay ku ceyrisay, hase yeeshee wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxuu aad uga gaabsaday inuu faahfaahiyo dembiyada uu dalka ka galay ergaygaas la ceyriyey.

Mar wax laga weydiiyey xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya waxuu sheegay in dhibaatadii ka dhacda dalkaas ay wada saameyn doonto guud ahaan wadamada Geeska Afrika, isagoo u rajeeyey in aysan meesha ka bixin kala dambeynta iyo dowladnimada Itoobiya.

Sidoo kale wasiirka waxaa la weydiiyey halka ay ku dambeeyeen dhalinyaradii tababarka loo geeyey wadanka Eritrea, balse waxa uu ku dooday in arrimaha ciidanka ay u xil-saaran tahay wasaaradda gaashaandhigga, sidaas darteedna arrinta dhalinyaradaas aysan khuseyn wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiir Wasiir Maxamed Cabdirsaaq ayaa la weydiiyey sida uu isugu keeni karo u daacad noqoshada danaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo labadaba uu dhalasho ka geysto, waxuuna ku dooday in danaha Soomaaliya iyo Mareykanka aysan is diidaneyn, sidaas darteed uu diyaar u yahay ilaalinta danta qaranka ee uu u dhaartay.

Hoos ka daawo wareysiga wasiirka

Maxay tahay ballanta ay madax goboleedyada ka qaadeen Rooble ee caawa uu dalbaday inay kasoo baxaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo dhaweeyey iclaamintii doorashada 11 kursi oo laga soo dooranayo deegaanada Koonfur Galbeed, waxuuna Rooble tallaabadaas uga mahad celiyey Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa fariin u diray madaxda kale ee dowlad goboleedyada, isagoo sheegay inay hadii ay yihiin golaha wadatashiga qaran ay ku balameen in doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeeyo bil gudaheed, waxuuna ka dalbaday inay ilaaliyaan balantaas.

“Sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen aaladda fogaan arraga 11-kii Nofeembar, doorashada Golaha Shacabka waa in lagu soo gabgabeeyaa muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 20ka November kuna eg 20ka December, sidaa awgeed Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku boorrinayaa Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaar garowga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu dalbaday in qabashada doorashadaan ay noqoto mid xiriirsan oo aan kala go’ laheyn, “sidii dhacday doorashadii Aqalka sare oo waqti dheer qaadatay.”

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan,daah-furan oo xalaal ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalak ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa caawa iclaamiyey doorashada11-ka kursi ee ugu horreysa doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ka soo gelaya deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee iclaamiyey doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ka horeysay Galmudug oo iclaamisay doorashada shan kursi, halka guddiga doorashada kuraasta Somaliland uu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horeysay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Maamulka Koonfur Galbeed oo iclaamiyey doorashada 11 kursi oo golaha shacabka ah

0

Baydhaba (Caasimada Online)-Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa caawa iclaamiyey doorashada11-ka kursi ee ugu horreysa doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ka soo gelaya deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri, “Waxaan guddiga doorashada heer federal ee FEIT ku war-gelineynaa liiska kuraasta xildhibaanada golaha shacabka ee aan qorsheyneyno inaan qabano todobaadka soo socda, kuwaas oo kala ah:

1 – Hop#182
2 – Hop#042
3 – Hop#041
4 – Hop#103
5 – Hop#170
6 – Hop#171
7 – Hop#213
8 – Hop#180
9 – Hop#154
10 – Hop#189
11 – Hop#193

Guddiga ayaa warqadaan ku socodsiiyey guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, kaas oo lagu wado inuu dhawaan qoraal ka soo saaro doorashada la iclaamiyey ee 11-kaas kursi.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee iclaamiyey doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ka horeysay Galmudug oo iclaamisay doorashada shan kursi, halka guddiga doorashada kuraasta Somaliland uu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horeysay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Dokumenti rasmi ah oo ay Turkey dal madax-banaan ku sheegtay Somaliland (Arag)

0

Ankara (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Turkish ah ayaa Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya waxay ugu yeereen inay tahay dal madax-banaan, sida ku cad dokumenti cusub oo ay heshay Caasimada Online.

 Warqaddan oo ah mid maxkamad oo ku taariikheysan December 13, 2018, ayaa dacwad-oogaha dadweynaha ee Ankara, Birol Tufan wuxuu ku billaabayaa baaritaan argagixisanimo oo ka dhan ah dad Turkish ah oo dhalleeceeya madaxweyne Erdogan oo deganaa xilligaas Somaliland.

Warqadda ayaa Birol wuxuu Somaliland ku magacaabayaa dal madax-banaan, si la mid ah dalalka kale ee ku xusan dokumentiga.

Ma cadda sababta uu dacwad-oogaha ugu yeeray Somaliland dal madax-banaan. Hase yeeshee, haddii aanay sidaas sameyn wasaaradda arrimaha dibedda way adag tahay in dacwad-oogaha uu Somaliland ula macaamilo sida dal madax-banaan. 

Sidoo kale, haddii aan Somaliland loo diiwaan-gelin laheyn dal madax-banaan, magacyada dadka la baarayey waxay aheyd in loo qoro inay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, balse waxaa warqadda ku qoran “Dalka Somaliland.”

Turkey ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Turkey waa dalka ugu weyn ee caawiya Soomaalida, aad ayeyna dadka koonfurta u jecel yihiin dal ahaan iyo madaxweyne Erdogan intaba.

Ankara ayaa Soomaaliya ka fulisay mashruucyo badan oo bani’aadaminimo iyo kaabayaasha ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha garoonka Aadan Cadde iyo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Turkish-ka sidaas looga jecla deegaanada Somaliland, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta Hargeysa ay walaac ka muujiyaan taageerada ay siiso ciidanka dowladda federaalka oo ay ka cabsi qabaan in loo adeegsan karo.

Sidaas oo ay tahayna, Ankara iyo Somaliland waxaa ka dhaxeeya xiriir, waxaana Turkish-ka ay qunsul ku leeyihiin Hargeysa.  

Hoos ka arag warqadda ku taariikheysan December 13, 2018 (Magacyada iyo xogaha qaar waxaan u qarinay sababo amni dartood.)

Caro xooggan oo ka dhalatay erey la-yaab leh oo lagu calaameeyey Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Caro xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii gabar ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ay Ilhaan Cumar oo sidoo kale xubin ka ah Congress-ka ku sheegtay inay qeyb ka tahay wax ay ugu yeertay “Kooxda Jihaadka.”

Lauren Boebert ayaa hadalkan sheegtay intii ay socotay dood ku saabsan haddii Paul Goasr oo isna xubin ka ah Congress-ka laga qaadayo tallaabo canaan ah kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya Alexandria Ocasio-Cortez oo iyana ka tirsan Congress-ka la dilayo.

Lauren ayaa tiri “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.” 

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda kahor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Lauren Boebert ayaa sidoo kale Eric Swalwell oo isna ah dimoqraadi ka tirsan Congress-ka ku eedeysay inuu la seexday cadowga ayada oo ula jeeda xiriir jaceyl oo la sheegay inuu la lahaa gabar Shiinees ah oo mar dambe la ogaaday inay tahay basaas.

Hadalka Lauren Boebert ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn xooggan ayada oo dhowr siyaasi ay ugu yeereen “cunsuriyeyn iyo naceyb.”

Ilhaan Cumar ayaa uga jawaabtay hadallada Lauren ayada oo tiri “waxaan ku faraxsanahay in la igu soo koriyey si bani’aadaminimo ah oo aan noqon qof caqliga ka maran oo si ceebeysan ugu saxarooda una wasaqeeya Aqalka Wakiilada.” 

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 

DF SOOMAALIYA oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhaxeeya AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa markale ka hadlay arrimaha ay isku hayaan Midowga Afrika, islamarkaana ay ku diidan yihiin qorshaha la xiriira hawl-galka AMISOM.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan waxba ka ogeyn ayna aqbali doonin qorshaha uu ansixiyey Midowga Afrika ee dhigaya inay si wada-jir ah hawl-galka u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

“Si adag ayaa uga hor imaanay (qorshaha Midowga Afrika), waxaana u sheegnay qorshe kale oo ka duwan oo la yiraahdo qorshaha Soomaalida kumeel gaarka ah ee AMISOM looga gudbayo Soomaali,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Ujeedo mideysan ayaa leenahay oo ah in amnigeena aan gacanteena ku qabano, inta ka horeysa wixii caawimo ah sida aan anaga u rabno aan u helno ee aysan noo siin sida ay dadka kale u rabaan.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin heshiis ay wada gaareen Soomaaliya iyo Midowga Afrika, tan iyo markii ay shaacisay qorshaha cusub ee sii fogeynaya in AMISOM ka baxdo dalka.

“Waxaa muhiim ah in Soomaaliya iyada ay darawal ka noqoto kursiga laga wado baska oo sidaa loola shaqeeyo oo aysan aheyn qorshe nalaga kor keenay aan qaadano oo iska dabo socono.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qorshaha Midowga Afrika aysan u diidaneyn xukuumad ahaan ee uu yahay mid ay uga hortagayaan in dowlad kasta oo Soomaaliyeed loo keeno qorshayaal dad kale kasoo shaqeeyen oo dan ugu jirin Soomaalida.

Mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero ka helay shirkii Golaha Ammaanka QM uu ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, xili ay dalka uga ceyrisay arrintaan ku-xigeenkii eregyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Qarax xooggan oo ka dhacay suuq lagu iibiyo khaatka iyo shacab badan oo ku dhintay

0

Bardaale (Caasimada Online) – Ugu yaraan toddoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa khaatka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada, xilli ay dad badan ku sugnaayeen, sida laga soo xigtay goobjoogeyaal.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa iyo cidda fulisay. Waxaan sidoo kale caddeyn nooca qaraxa, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka dhashay miino suuqa khaatka la dhigay, balse weli lama xaqiijin.

Saddex qof oo ka mid ah 10-ka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu warramay in xaaladdooda ay aad u liidato, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Sidoo kale saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan ka hadal qaraxa.

Nabaddoon caan ah oo maanta loogu galay laguna dhex dilay gurigiisa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Toogashada oo ka dhacday degmada Deyniile ee gobolkaan Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Gaaboow Cali Jimcaale.

Nabaddoonka oo kamid ah kuwa ugu caansan degmadaas ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa gudaha gurigiisa oo ku yaal Xaafada Gubta Barwaaqo gaar ahaan agagaarka xoola-qalkii hore ee degmada Deyniile.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa ka dambeeyey dilkiisa, ayaga oo Nabaddoonka toogtay xili uu si caadi ah ugu sugnaa hoygiisa, sida ay sheegen dad deegaanka ah.

Dableydii fulisay toogashada ayaa goobta isaga baxsaday, ayada oo halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo meydka Nabaddoonka u qaaday xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Deyniile iyo laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan, oo qeyb ka ah dilalka qorsheysan ee toddobaadyadii u dambeeyay kusoo badanayay magaalada Muqdisho.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo soo saaray digniin culus oo ku socota Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta ka hadlay xaaladda amni ee xilligan qorshaha uga degsan wasaaradda Amniga iyo tallaabooyinka dhanka amniga ah ay u qaadeen.

Waxaa uu Wasiirka qiray inay weli jiraan caqabado dhanka amniga balse wax laga qaban doono ayna socdan qorshooyin lagu tayeynayo ciidamada booliska ee ka howlgalla muqdisho si ay u xoojiyan amniga caasimadda maadaama lagu guda jiro xilli dooraho

“Waxaa jiro duruufo aan la dafiri Karin oo hortaagan ballaarinta saldhigyada degmooyinka, illaa saddex Degmo waxaa dhawaan ka dhisi doonnaa Saldhigyo waa weyn oo casri ah, ciidamada Booliiska waala qalabeynayaa si ay ugu diyaargaroobaan Doorashada,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Warbahinta dowladda ayaa sheegay in malmihii la soo dhaafay amniga caasimadda si weyn loo adkeeyay, isla markaana Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay dadka Shacabka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay hubka sharci darrada ah ee lagu qaato magaalada muqdisho ayaa waxaa uu faray  laamaha maniga inay ka hortagaan cid kasta oo hubka sharci darro ah ku dhex qaadata Magaalada Muqdisho.

“Waxa aan marnaba ogolaan doonin hubka lagu dhex heysto Muqdisho, Hub aan ka diiwaangashaneen Wasaaradda Amniga ee aan la garaneyn cidda gacanta heysata ama si sharci darro ah dalka kusoo gelisa waxa aan ka qaadeynaa tallaabo,” ayuu yiri.

“Waxa aan ogsoonahay sanadihii lasoo dhaafay in is badello badan lagu sameynayay habka lagu xakameynayo hubka Magaalada lagu kala dhex iibsado waxaana tusaale u ah in lagu kala iibsanayay $800 illaa $1000 balse maanta waxa uu marayaa $2000 illaa 2500 sababtu waxa ay tahay in hubka Magaalada soo galo ama la helo mid aan u diiwaangashaneen Dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Amniga.

Warkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay howlgallo kala duwan wadeen Magaalada Muqdisho.

Xog: Axmed Madoobe oo aqbaly codsi ka yimid R/W Rooble oo ku wajahan Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu Sabtida safar ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taasi oo qeyb ka ah socdaal uu ku tegayo dhammaan caasimad maamul goboleedyada.

Garoowe ayaa waxaa saddexdii maalin ee tegay ku sugnaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, oo ay xulufo siyaasadeed yihiin Saciid Deni.

Sida aan xog ku helnay, Rooble ayaa ka codsaday madaxweynaha Jubaland oo xalay loo sameeyey casho sharaf sagootin ah, inuusan ka tegin Garoowe, si ay wada-hadallo saddex geesoo ah u yeeshaan. 

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in Axmed Madoobe uu aqbalay codsiga ra’iisul wasaare Rooble kuna sii sugnaan doono caasimadda Garoowe, waxaana shir wadajir ah yeelan doona Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Ma cadda haddii kulanka Garoowe uu ka dhigi doono in Rooble uu ka kaaftoomo socdaalkii uu u qorsheeyey Kismaayo. 

Rooble ayaa ku cadaaddin doona Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay dedejiyaan doorashada golaha shacabka, waxaana xoogeysanaya dadaallada lagu doonayo in lasoo geba-gebeeyo kahor dhammaadka sanadkan, inkasta oo ay aad u adag tahay.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa illaa hadda la doortay laba xubnood oo kaliya oo ah kuwa gobollada waqooyi, ayada oo Galmudug ay shalay shaacisay shanta kursi ee ugu horreysa ee ay qabaneyso doorashadooda.

Hase yeeshee, Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saraeen uga horyimid qaabka loo wado doorashada golaha shacabka, ayaga oo sheegay inaysan aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn.

Golaha ayaa ku baaqay in la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

“Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muxuu yahay wadaadka Muslimka ah ee loo toogtay qarixii ka dhacay Kampala?

0

Kampala (Caasimada Online) – Sarkaal katirsan Ciidanka Uganda ayaa Warbaahinta u sheegay in Hay’adaha ammaanka ay toogteen Sheekh Maxamed Cabaas Kirevu oo ay ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ka dhacay Kampala.

Toogashada Sheekha ayaa ka dhacday meel ka baxsan Magaalada Kampala oo ah halka qaraxyadu ay ka dhaceen, Ciidanka ayaa howlgalkaan oo ah mid qorsheysan ku tagay goobta uu joogay oo aanay faah-faahin ka bixin Hay’adaha ammaanka.

Weerarada qaraxyada ah ee ka dhacay Kampala ayaa galaaftay nolosha dad ku dhaw 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale sida ay sheegeen Hay’adaha Caafimaadka & Laamaha ammaanka Uganda oo faah-faahin ka bixiyay qaraxyadaas.

Qaraxyada waxaa sheegatay Kooxda Allied Democratic Forces (ADF) oo ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ee Daacish (IS), Ciidamada ammaanka Uganda ayaa faajignaan dheeraad ah la geliyay.

Jabhadda Islaamiga ah ee ADF waxaa Uganda lagu aasaasay sagaashamaadkii balse hadda waxa a saldhig u ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Tan iyo markii ay wacad ku mareen inay daacad u yihiin ururka IS sanadka markuu ahaa 2019, ayaa waxa ay qaadeen werarro isdaba joog ah.

21 qof ayaa la xiray ka dib tan iyo weerarkii Talaadadii gilgilay caasimadda Uganda, iyadoo booliiska ay wacad ku mareen inay burburin doonaan unugyada ADF ee Kampala iyo guud ahaan dalka.

Afhayeenka booliiska Fred Enanga ayaa sheegay in 13 qof oo laga shakisan yahay, oo ay ku jiraan dhowr carruur ah, la qabtay xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan xadka DR Congo.

Waxaa sidoo kale ay booliska ku raad joogaan wadaad kale oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan Nsubuga, kaas oo lagu eedeeyay in uu sameeyay tababarro la xiriira waxa ay dowladda ku tilmaamtay argagixisanimada, dadka xagjireynta loo qorayo, iyo bixinta agabka lagu sameeyo walxaha qarxa.

Sheeko yaab leh oo Israel ka dhacday – qof ka shaqeeya nadaafadda guriga wasiirka difaaca oo noqday basaas Iran

Tel Aviv (Caaismada Online) – Israel ayaa basaasnimo ku eedeysay qof ka mid shaqaalaha nadaafadda ee guriga wasiirka difaaca Benny Gantz, ayada oo sheegtay inuu yaboohay inuu ka jaajuuso wasiirka, isaga oo matalaya “qof xiriir la leh Iran.”

Bayaan ay soo saartay ayey hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ku sheegtay in qofka la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Omri Goren uu la shaqeynayey qof ay ku xiriireen baraha bulshada oo wakil ka ah Iran.

Waxay intaas ku dartay in Omri Goren uu siiyey sawirro laga qaaday guriga wasiirka si uu ugu caddeeyo inuu awood u leeyahay inuu xog heli karo, islamarkaana uu soo jeediyey inuu virus sirta xada ku xiro computer-ka Gantz.

Shin Bet waxa ay sheegtay in tuhmanaha, oo shaqooyin nadaafad iyo adeegyo kale ah ka qabtay guriga Gantz, lagu soo oogay dacwad basaasnimo, isaga oo la horgeeyey maxkamad ku taalla magaalada Lod, oo ku dhow magaalada Tel Aviv. 

Shin Bet ayaa ku warrantay in Omri Goren la xiray kadib baaritaan la sameeyey horraantii bishan. 

Xafiiska Difaaca Dadweynaha, oo qareen u qabtay Omri si gacan loo siiyo, ayaa ku dooday inuu sidan u sameeyey “dhibaato dhaqaale darteed” ee ujeedkiisu aan aheyn inuu dhaawaco amniga qaranka. 

Gal Wolf, oo ah qareenka matalaya Omri, ayaa sheegay inuu doonayey un inuu lacag helo isaga oo aan dhab ahaan fulin ficil basaasnimo. 

Bayaanka ay soo saartay ayey Shin Bet ku sheegtay in inkasta oo Omri uu khatar ku ahaa amniga qaranka, haddana “uusan gacanta ku dhigin sir culus, oo aanu u gudbin qofka kale ee uu la shaqeynayey.”

Omri oo 37 jir ah ayaa la sheegay inuu leeyahay taariikh xabsi, ayada oo afar goor la xiray 2002 illaa 2013, oo ay ku jirto mar loo xiray inuu u dhacay banki.

Taariikhda dambiilenimo ee Omri ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida qof noocaas ah uu shaqo uga helay guriga wasiirka difaaca.

Shin Bet ayaa sheegtay inay billowday dib u eegis gudaha hay’adda ah oo ku saabsan qaabka loo hubiyo taariikhda iyo sooyaalka dadka laga shaqaaleysiiyo guryaha madaxda sare.  

Hay’adda ICG oo Soomaaliya kasoo saartay DIGNIIN ku saabsan ciidanka Amisom

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICG ayaa digniin culus kasoo saartay in Ciidamada AMISOM laga saaro gudaha Soomaaliya iyadoo aan la heyn ciddii Amniga kala wareegi laheyd.

Hey’adda ayaa sheegtay inay walaac xoog leh ka qabto hubanti la’aanta ka jirto mustaqbalka ciidamada AMISOM maadaama waqtiga howlgalkaan uu ku egyahay 31-ka December 2021.

ICG ayaa xustay in kooxda Al-Shabaab ay durba la wareegi doonto guud ahaan Soomaaliya haddii ay ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya, waxayna ku baaqday in laga fiirsado tallaabadaas oo ay sheegtay inay saameyn ku yeelan doonto Soomaaliya iyo guud ahaan Qaaradda Africa.

Hey’adda waxay sheegtay in Deeq-bixiyayaasha taageera AMISOM ay rabaan dib-u-habayn iyo in la dhimo tirada ciiddamada, halka AU iyo dawladdaha ciidamada ku deeqay ay raadinayaan maaliyad la isku halayn karo iyo in howlgalka lasii ballaariyo.

“AMISOM waxay lama huraan u tahay ilaalinta cabbirka xasilloonida Soomaaliya. Ka bixitaankeeda degdega ah waxa ay dhiirigelinaysaa kacdoonka Al-Shabaab, waxaana laga yaabaa in dalka uu galo fowdo. Laakiin deeq-bixiyayaashuna waxay ka caga jiidayaan hawl-gal aan horumar yar ka samayn dagaalka ka dhan ka ah xagjirnimada ee ka socda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ICG.

Hey’adda ayaa ku talisay in illaa lix bil oo dheeri ah loogu daro howlgalka Midowga Africa ee AMISOM si saaxiibada AMISOM ay waqtigaas ku diyaariyaan qorsho dib u habeyn ah oo socon doono muddo 5 sano ah.

Waxay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in howlgalka AMISOM dhaqaale looga raadiyo Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo dhinacyada kale ee ka qeyb qaadan karo sii socosashada howlgalka AMISOM.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa Soomaaliya ka socday ku dhawaad 15 sano illaa haddana laguma guuleysan ujeedadii loo bilaabay oo aheyd in laga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Doorashada Soomaaliya ‘oo dhaafi doonta’ Febraayo 2022

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada sida weyn u faaqida arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay caga jiidka ka jira qasoomidda doorashada Federaalka Soomaaliya.

Prof. Xasan ayaa xusay in sida ay wax ku socdaan ay muujineyso in doorashada ay dhaafi doonto bisha February ee sanadka 2022, markaasi oo ku beegan laba sano kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashada waqtigeeda wuxuu ahaa 2020, waxay soo gaartay 2021, waxaana rumeysannahay inay gaari doonto illaa 2022, waxaana caddeyn u ah sida ay hadda wax u socdaan, waxaana la isla dhaafi doonaa 8 February,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Prof. Xasan, oo sharaxayey macnaha ay ka dhigan tahay in qofka kursiga ku dhafiyo uu muddo dheeri ah ku darsado, ayaa sheegay inaysan jirin farqi u dhaxeeyo 1 maalin iyo 100 maalin.

“Inaad hal maalin ku darsato iyo inaad 100 maalin ku darsato wax macno ah oo u dhaxeeyo malahan, waa in damiirkaaga uu kuu sheego inaad meel qaldan joogto oo aadan u qaadan inaad tahay nin caqli badan oo meesha iska sii joogi kara,” ayuu yiri.

Mar uu doorashada sida ay u socotay ka hadlayey ayuu sheegay in doorashada aysan kaliya hab raac aheyn iyo qoraalo lasoo saaro balse ay u baahan tahay fullin.

“Doorashada sida ay ku socoto haddii ay dadka ku qanci waayaan, hadhow sharci uma aqoonsan doonaan waxa kasoo baxa, waxaana taas ka dhallan karta xasilooni la’aan siyaasadeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in haddii doorashada la isku dayo in la masuq-maasuqa ay ka dhallin doonto inay soo baxdo natiijo lamid ah middii doorashadii 1969-kii, oo uu dalka geli doono dhibaato horleh.

Guddiga doorashada oo soo saaray amar la xiriira kuraasta ay GALMUDUG shaacisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay liiska kuraasta ugu horeysay ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee uu ku dhawaaqay maamulka Galmudug.

Afhayeenka ayaa uga mahad-celiyay guddiga doorashooyinka Galmudug, oo noqday guddigii u horeeyay ee heer dowlad goboleedka ah oo soo saara liiska kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Waxa uu faray Beelaha leh kuraastaas iyo dhaqankooda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo xulaan Ergooyinka kuraastaas, si loo tobabaro doorasho ka hor, sida uu sheegay.

“Sidoo kale waxaa u mahad-celineyna garwadeenka doorashada Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble oo runtii dadaal dheeraad ah ka muujiyey isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo oo uu kamid yahay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal,” ayuu yiri Afhayeen Safiina.

Warqad shalay kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey illaa 5 kursi oo lambaradooda ay kala yihiin HOP#043, HOP#054 ,HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo ay horay ugu kala fadhiyeen xildhibaanada kala ah Xuseen Qaasim Yuusuf, Cabdishakur Cali Mire, Mahad Cabdalle Cawad, Cabdullahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees) & Ikraan Aadan Absuge.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda la guda-geli doono qabashada doorashada shantaasi kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa maanta wixii ka dambeeya si rasmi ah u guda-gali doono diiwaan-gelinta odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo ergada wax dooraneysa.

Maxaa kasoo baxay shirkii DOORASHADA ee lagu soo geba-gebeeyey MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadlayey doorashooyinka dalka, gaar ahaan xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golaha Shacabka ayaa shalay lagu soo geba-gebeeeyey magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay kuraasta gobolada Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga oo yaalla caasimada.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen haween iskugu jira musharaxiin kuraasta baarlamaanka, xildhibaano ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad iyo xubno ka socday wasaaradda haweenka Soomaaliya.

Shirka ayaa laga soo saaray digniin ku aadan in haweenka la duudsiiyo kuraasta Golaha Shacabka, ayaga oo sheegay in Sagaal kursi oo ah kuwa gobolada Waqooyi, islamarkaana dhawaan la shaaciyey ay ku jiraan labo kursi oo mad-madow badan ku gadaaman yahay.

“Waxaa Sagaalkaas ku jira afar gabdhood, labo kamid ah sagaalkaas koontada ayey ku xaqiijisan yihiin oo wax muran ah kama jiro laakiin labadii kale weeyi, waxaa leenahay koontada ay ku fadhiyaan gabdhaha ha ku tartamaan gabdhaha Soomaaliyeed.”

“Haweenka ayaa ilaalin kara qoondada oo Nin ma ilaalin karo,” ayey sidoo kale tiri haween kamid ah mas’uuliyiinta iskugu yimid shirkaan oo lagu eegayay xaqiijinta qoondada Haweenka 30%.

Waxay sheegen in doorashadii Aqalka Sare ay u dhacday si wanaagsan, islamarkaana uusan jirin xad-gudub ka dhan ah qoondada Haweenka, islamarkaana loo baahan yahay in doorashada Golaha Shacabka la doodsiin koontadooda.

Heshiiskii doorashada ee ay hore u gaareen madaxda sarre ee dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa qeyb ka ahaa ilaalinta qoondada oo markale looga arrinsanayey magaalada Muqdisho.

Xog: Xiisadda beeleed ee keentay in Yuusuf Geelle uu iska casilo AQALKA SARE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaan Dhagey Geelle ayaa 15-kii bishan qaaday tallaabo lama filaan oo uu uga tegay kursigii Aqalka Sare ee uu ku guuleystay bishii August, sida ku cad warqad uu u diray madaxweyne Qoor Qoor oo shalay soo shaac baxday.

Yuusuf Geelle oo sharxaya sababta uu kursiga uga tegay ayaa qoraalkiisa ku yiri “Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad qaba.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in is-casilaadda Yuusuf Geelle ay ugu wacan tahay xiisad iyo dood dhowaanahan ka dhex jirtay beesha Duduble oo ku aadan hab qeybsiga shanta kursi oo ay ku leeyihiin baarlamanka (Afar golaha shacabka ah iyo hal aqalka sare ah.)

Jufada hoose ee uu kasoo jeedo Yuusuf Geelle ayaa isku haysatay laba kursi oo mid uu ku fadhiyey Yuusuf Geelle, halka mid kale oo ah golaha shacabka ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge.

Kadib markii Yuusuf Geelle uu ku guuleystay kursiga Aqalka Sare markii labaad, ayaa waxaa dood culus ay dhex-martay beesha Duduble, waxaana lasoo jeediyey in jufada Yuusuf Geelle ay sanadkan ka tagto kursiga golaha shacabka.

Yuusuf Geelle ayaa kadib jufadiisa kala hadlay arrintan, hase yeeshee, sida aan xogta ku helnay waa ay ku gacan seereen, taasi oo keentay in Yuusuf Geelle uu isaga tago kursiga Aqalka Sare si loogu qanciyo jufooyinka kale.

Yuusuf Geelle oo ah nin magac iyo sumcad ku dhex leh beesha, sidoo kalena ah reer Ugaas, ayaa khalad u arkay in kursigiisa uu cuqad iyo xiisad ka dhex-abuuro beesha Duduble.

Yuusuf Geelle ayaa hadda qorsheynaya inuu u tartamo kursiga #HOP26 ee golaha shacabka oo ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge.