25.2 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Jabuuti oo khasaare xoogan kala kulantay DAGAALKA ka socda Ethiopia (Warbixin)

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay shaacisay in dagaalka Ethiopia uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaqaalaheedii, taasi oo meesha ka saari karta horumarka dhaqaale ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka socday dalkaas.

Wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dalkiisu uu khasaaray lacag u dhiganta kala bar hantida qaranka 12-kii bilood ee u dambeeyay.

Jabuuti ayaa 1.7 bilyan oo dollar lumisay ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii dalkaas, kadib markii dagaalka uu sii xumeeyay khal-khal ku yimid silsiladihii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada wadan.

Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay la daala dhaceysay saameyntii ka dhalatay cudurka Covid-19, duulaanka Ayaxa iyo isbedelka cimilada, kuwaasi oo dhaawac gaarsiiyey dhaqaalaha dalkaas.

In ka badan 90% badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha qarankan lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar.

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

Mucaaradku ma ROOBLE ayey u socdaan mise madaxda maamul goboleedyada?

0

Muqdisho (Casimada Online) – Doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan soo idlaatay, iyadoo dhinaca kale laba kursi laga doortay midda Golaha Shacabka.

Inkasta oo ay doorashadu daahday, haddana Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa nin awoodiisa dhan isugu geeyey inuu ka dhabeeyo geedigaan doorasho.

Mucaaradka oo si weyn uga careysan inay doorashadu daahday, dhinaca kalena laga aamisan yahay inay dhaqaale la’aan ku dhacday, ayaa hadda ka fakaraya inay abuuraan mowjad cusub iyo qalqal amni.

Waxaa bannaanka usoo baxday inay ka fakarayaan dhismaha gole kumeel gaar ah oo dalka gaarsiin kara doorasho guud, sida ay iyagu qabaan, balse aan faham fudud laga heysan, sida ay suurtagalka ku noqon karto.

Inuu gaabis doorasho jiro waa muuqataa, dhinaca kalase waxaa la dafiri karin inay doorashadii socoto oo Aqalkii Sare lasoo doortay, golihii shacabka ayaa sidoo kale laba xubnood laga doortay.

Todobaadkaan gudihiisa waxaa la iclaamiyey doorashada sagaal kursi. Ra’isul wasaare Rooble ayaa kala hadlay maamulka Galmudug inay doorashada dadajiyaan oo kuraasta ugu horeysa la iclaamiyo iyo in madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isul wasaaraha ay ku heshiiyeen in doorashada Golaha Shacabka deg deg loo qabto ayaa kamid ah waxyaabaha aan la dafari karin ee muujinaya in doorashadu dhaqaaqday.

Markii xaaladahaas la akhriyo waxaa muuqata rajo doorasho, taas oo dili karta, beenin karta ama hor istaagi karta inuu shaqeeyo qorshaha ay mucaaradka mar labaad kaga fakarayaan gulufkii Badbaadi Qaran.

Tan iyo markii uu soo baxay qorshaha cusub ee Midowga musharixiinta mucaaradka, su’aasha ugu badan ee la is waydiinayo waa cidda ay mucaaradka u socdaan, Ra’isul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Rooble wuxuu gacan buuxda ku leeyahay oo xafiiskiisa si dhow ula fal galaa doorashada Gobollada Waqooyiga, si fudud ayuuna aqalkoodii sare ku qabtay, doorashadoodii Golaha Shacabka waa bilaabatay, waxaana la sheegayaa inuu Ra’isul Wasaare Rooble uu rabo in seddaxda todobaad ee soo socota gudahooda uu ku soo afjaro doorashada kuraasta reer Woqooyiga.

Dhanka maamul Goboleedyada doorka Ra’isul wasaare Rooble waa kaliya cadaadis, waxaana la rumeysan yahay in safarkiisa Dhuusamareeb uu kamid yahay cadaadiska uu ku doonayo in la dadajiyo doorashada, wuxuuna sidoo kale tagi doonaa, sida xogta sheegeyso Gobolada kale, si uu maamul kasta ugu cadaadiyo inay doorashada qabtaan. Wax intaas ka badan oo uu sameyn karo Ra’isul wasaare Rooble ma jiraan.

Waxaa laga wada dharagsan yahay in cidda doorashada ku fadhisa, diidan ee dibin daabiyada wado inay yihiin madaxda maamul Goboleedyada, haddaba mucaaradka waxaa laga sugayaa inay xaqiiqada wajahaan.

Sida ay wararku sheegayaan xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka rajo sii dhimaneysa ayey madaxda maamulada qaar ka leeyihiin.

Haddii xubnaha mucaaradka ku guuleystaan inay sameeyaan Badbaado Qaran 2 meesha ay dhibaatadu saameyn karto waa magaalada Muqdisho, balse Muqdisho ma ahan meesha ay hadda u xayiran tahay doorshada, sidoo kalena xukuumadda wax badan kuma xayirna dhankeeda.

Maadaama gulufka cusub ee Badbaado Qaran uusan ka shaqeyn karin Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba, Jowhar iyo Garoowe, waxaa loo arkaa inay mucaaaradka ku rafanayaan meel cidla ah.

Illaa hadda xubnaha mucaaradka farriimo adag uma dirin madaxda maamul Goboleedyada oo sida muuqata ku fadhiya doorashada, sidoo kalena ma aysan bogaadin Ra’isul wasaare Rooble oo u muuqda inuu kaligiis doorasho doon yahay, taas oo si weyn u daciifin karta toogashada mucaaradka, sidoo kalena xiisaha ka qaadi doonta qorshahooda cusub oo ay rabaan inay ku dhisaan Gole Qaran oo kumeel gaar ah.

Inkastoo ay jiraan xubno mucaaradka ka mid ah oo geediga doorashada ku qanacsan, haddana dhinaca kale waxaa muuqata in madaxda maamullada aynan weli daacad ka aheyn in dalka laga gudbiyo xilligaan adag.

Murashaxiinta oo ka horyimid habka loo wado doorashada, dalbadayna lix qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saraeen uga horyimid qaabka loo wado doorashada golaha shacabka, waxayna ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara haddii xaaladda ay sidan ku socoto.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka 

Golohu wuxuu dadaal xooggan ku bixiyey in uusan muddo kororsi dalka ka hirgelin, wuxuuna weli u taaganyahay in uu hor istaago muddo kororsi dadban iyo doorasho boob ah, taasoo baalmarsan dastuurka dalka, caddaalada iyo habraacyada doorasho.

Xaaladda uu maanta dalkeenna ku suganyahay ma aha mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, sababtoo ah daaha doorashada ama boobka doorasho waxey dalka u horseedaysaa xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye.

Goluhu wuxuu ku boorinayaa Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu dalka ku hoggaamiyo sida dastuurka waafaqsan oo ay dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, waqtigooduna cayimanyahay.

Ra’iisul Wasaaraha waa inuu tixgeliyaa kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadeed siiyeen, masuuliyadiisana uu si dhab ah uga soo dhalaalo.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay Lixdaan qodob.

1- In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

2- In ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.

3- Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban.

4- Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada.

5- In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.

6- Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin.

Xog: Axmed Madoobe oo si rasmi ah u xaqiijiyey damaca iyo qorshaha Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey damaca madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ee ah inuu isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay xubno uu la hadlay.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka baarlamanka Puntland, kulankaas oo qorshaha Deni lagu shaaciyey

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Madaxweyne, Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana u baahan in la garab Istaago.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka loogu yeeray in ay taageeraan Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada oo diiday in magacyadooda la xigto iyo qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb galay kulanka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo Jubaland ay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabayaan Doorashada Golaha Shacabka, balse wax faahfaahin ah ma raacin.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo dhoweeyay qorshaha Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ay u ballan-qaadeen taageero buuxda.

Madaxweyne Siciid Deni kama hadin wax ku saabsan Musharraxnimadiisa balse wuxu sheegay in kulanku xiranyahay habeenka Jimcuhu soo galayana (Caawa) ay jirto Casha Sharaf lagu sagootinayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland waxa uu bisha January ee sanadka soo socdo u dabaal dagi doonaa seddex sano guurada kasoo wareegtay madaxtinimadiisa Puntland, waxaana markaas xafiiska uga harsan laba sano.

Doorashada heer Federaal waa dhaafi doontaa xilliga uu Deni xusayo saddex guuradiisa, wuxuuna kamid yahay ragga xilligaan soo gaarsiiyey doorashada heer Federaal. Waxaa lagu eedeeyaa inuu dhowr xaaladood isku aadinayey.

Saciid Deni waa musharax madaxweyne oo heer Federaal ah, dhowr bilood ka hor si qarsoodi ah ayaa loo dhihi jiray kalmadaas, laakiin muddooyinkii lasoo dhaafay si toos ah ayuu u bilaabay ololihiisa, wuxuuna soo saartay xildhibaano.

Saciid Deni wuxuu ku doodaa haddii uusan tartamin inuu kursiga mar kale kusoo noqon doono madaxweynaha hadda talada ka dhammaatay ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo, taasoo ka dhigan inuu isku arko ninka qura ee Farmaajo ka hor istaagi kara kursiga.

Isha: Puntland Post 

Maxaabiistii Al-Shabaab lala xiriiriyay ee ka baxsaday Kenya oo laga soo qabtay…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dib gacanta ugu dhigtay saddex maxbuus oo loo heesto falal la xiriira argagixisanimo oo Axadii lasoo dhaafay ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti ee ku yaalla Nairobi.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa eedeysanayaashan oo baxsad ahaa ku qabtay bariga dalka Kenya, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Kenya.

Raggan ayaa waxaa xilliga la qabanayey la sheegay in ay doonayeen inay usoo baxsadaan dhinaca Soomaaliya, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya.

Saddexda nin oo uu mid ka mid ah yahay Soomaali ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Abiikar, Musharraf Abdalla iyo Joseph Juma.

Maxamed Cali ayaa waxaa lagu helay inuu ka qeyb qaatay weerarkii 2015-kii ee  Jaamacadda Gaarisa, kaas oo lagu dilay 148 qof, halka mid ka mid ah ragga kale ee la soo qabtay oo la xiray 2012-kii lagu eedeeyay weerar lagu fashiliyay baarlamaanka Kenya

Sidoo kale eedeysanaha saddexaad ayaa isna loo heestaa inuud doonayey ku biirista kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo sidoo kale wadanka Kenya.

Baxsashada raggan ayaa xiisad weyn ka dhex abuurtay dowladda kenya, waxaana ay keentay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu shaqada ka eryo taliyihii xabsiyada dalkaasi Wycliffe Ogallo, wuxuuna u magacaabay taliye cusub oo la yiraahod John Warioba.

Si kastaba, eedeysanayaasha ayaa haatan loo soo gudbin doonaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, si dib loogu celiyo xabsiga.

Daawo: ROOBLE oo weerar culus ku qaaday Ahlu-Sunna

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa weerar afka ah ku qaaday Ahlu Suna Waljamaaca.

Rooble ayaa marka hore soo hadal qaaday shaqaaqooyinkii iyo dadaalladii dhowaan ka dhacay Galmudug, kadib dib u soo rogaal celintii xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aad uga xun yahay in xilligan arko Galmudug dad caqabad ku ah horumarkeeda iyo midnimadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Sidaad la socoteen Galmudug caqabado yaryar ayaa qabsaday isbuucyadii u dambeeyey, taasoo ay keeneen kooxo ama group aan ka shaqeynin nabadda runtiina aad ayaan yga xumahay in Galmudug lagu dhex arko dad carqalad ku ah midnimada, dowladnimada iyo jiritaanka Galmudug,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyey in dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto cid kasta oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, ayna ku qaban doonto gacan bir ah.

“Haddaa nahay dowladda federaalka waxaan naga go’an cid kasta oo isku deydo oo Galmudug ku deydo inay caqabad ku noqoto jiritaankeeda, kana hortimaada midnimada iyo dowladnimada Galmudug inaan gacan bir ah ku qabano,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn Rooble ayaa xusay in dowladda federaalka aha aysan aqbali doonin cid kasta oo ka hortimaada nabadda Soomaaliya, isla-markaana ay ka hortagi doonaan.

Dowladda Soomaaliyeed ma aqbaleyso, mana aqbali doonto cid kasta oo ka hortimaada nabadda Soomaaliya,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa ku soo aadayao, iyada oo dhowaan dagaallo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burur, waxaana Ahlu Sunna ay ku sugan tahay duleedka Dhuusamareeb.

UK oo la safatay DF, kana hortimid qorshaha muranka dhaliyey ee Midowga Afrika

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa kula safatay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika. 

Go’aankan ayaa waxaa shaacisay safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.

Barbara Woodward ayaa sheegtay in aragtidooda ay tahay in taageerada amniga ee caalamka uu siiyo Soomaaliya ay noqoto mid la awoodi karo oo suurta-gal ah, ayna taageeraan u gudbidda hanaan amni oo Soomaaliya ay hogaamineyso, taasi oo qeyb ka ah Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (Somalia Transition Plan), marka ay baxaan AMISOM.

“Aragtideenu waxay tahay in hanaanka howlgalka dhinacyada badan ee ka kooban Midowga Afrika iyo QM ee ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika uusan middaas ku guuleysaneyn,” ayey tiri Barbara.

“Wuxuu ka hor-imanaya fikradda horusocdka ah ee u gudbidda mas’uuliyad amni oo si buuxda ay u leeyihiin Soomaalida.” 

Safiirka UK ayaa sheegtay in heshiis laga gaaro hindisaha Midowga Afrika iyo QM, ayada oo wadatashi lala sameynayo dowladda federaalka, ay ka dhigan tahay in laga gudbo is-mari waaga hadda taagan, lana helo heshiis horey loogu dhaqaaqo. 

“Hindisaha noocan ah wuxuu ka tarjumayaa hadafyada aan wadaagno ee ah inaan ilaalino guulaha lagu soo dhibtooday ee AMISOM ay gaartay balse aan billowno ka gudbidda taageero dibedda ah iyo u gudbidda in Soomaalida ay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda amniga, si waafaqsan qaraarkii Golaha Ammaanka ee 2568,” ayey tiri safiirka UK ee QM Barbara Woodward. 

Safiirka ayaa dhinaca kale sheegtay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay soo gaba-gebeyso hanaanka doorasho ee hadda socda, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay amniga iyo barwaaqada dalka ee muddada fog. 

Go’aanka UK ayaa garab weyn u ah dowladda federaalka oo horey ugu gacan seertay in howlgalka AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ah, islamarkaana dalka ka ceyrisay ku-xigeenkii eregyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, sababo ay arrintan qeyb ka tahay. 

GALMUDUG oo shaacisay kuraasta ugu horreysa ee ay doorashadooda qabaneyso

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee Galmudug ayaa goor dhow shaaciyey liiska kuraasta ugu horreyso ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya maamulkaasi, isla-markaana lagu dooranayo deegaanada maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey illaa 5 kursi oo lambaradooda ay kala yihiin HOP#043, HOP#054 ,HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo ay horay ugu kala fadhiyeen xildhibaanada kala ah Xuseen Qaasim Yuusuf, Cabdishakur Cali Mire, Mahad Cabdalle Cawad, Cabdullahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees) & Ikraan Aadan Absuge.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda la guda-geli doono qabashada doorashada shantaasi kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya uu guda-gali doono diiwaan-gelinta odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo ergada wax dooraneysa.

Arrintan ayaa daba socota khudbaddii uu xalay jeediyey Qoor Qoor oo ku dhawaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5-ta xubnood ee ugu horreysa doorashada Aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa shaacinta liiska shantan kursi ka imaanaya Galmudug ay ku soo aadeysaa, iyada oo haatan Rooble uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb.

Senator YUUSUF GEELLE oo iska casilay AQALKA SARE

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo dadku badi u yaqanaan Dhageey Geelle ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhawaan dib loogu doortay.

Warqad uu 15-kii bishan u diray madaxweynaha Galmudug, oo ay heshay Caasimada Online, ayuu sababta uu kursiga isaga casilay waxaa uu ku sheegay inuu rabo inuu reerkiisa ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta.

“Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad baba,” ayuu Senator dhagey ku yiri qoraalka uu isku casilay.

“Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, guddoonka baarlamanka Galmudug iyo dhammaan xildhibaannada waxaan idinka rajeynaya in aad aqbali doontaan is-casilaadeyda iyo inaad dib ugu laaban doontan reerkii kursigan xisaabta u lahaa si loo helo xubintii buuxin laheyd booskan,” ayuu sii raaciyey.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Dhagey ayaa la filayaa inuu u tartamo Aqalka Hoose, waxaana la filayaa inuu kamid noqdo shanta xubin ee uu maanta ku dhawaaqayo guddiga doorashada Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu isku casilay oo ay nuqul kamida heshay Caasimadda Online

Maxamed Bin Salman oo la dhacay – Sawir gacmeed Fake ah oo laga siiyey $450 milyan

Madrid (Caasimada Online) – Sawir gacmedkii ugu qaalisanaa dunida ee abid la iibiyo ayaa waxaa hoos u dhigay madxaf aad loo qadariyo oo sheegay inaanu masawirin farshaxamiistihii caanka ahaa ee Talyaaniga Leonardo da Vinci balse uu ka ahaa goobjoog kaliya.

Sawirka oo lagu magacaabo Salvator Mundi, islamarkaana loo haystay inuu yahay farshaxan da Vinci oo lumay, ayaa waxaa sanadkii 2017 iibiyey shirkadda Christie’s ee New York, waxaana $450 milyan ku gatay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. 

Hase yeeshee, madxafka Prado ee magaalada Madrid ayaa shaaciyey in sawirkaas uu yahay mid uu Leonardo da Vinci amray ama goobjoog ka ahaa sameyntiisa, balse isaga aanu gacantiisa ku sameyn.

Shaac ka qaadista uu sameeyey madxafkad qaranka ee Museo Nacional del Prado, oo ah kan ugu weyn ee sawir gacmeedyada ee dalka Spain, ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta qiimaha sawirkaas.

Waxay tani ka dhigan tahay, in ayada oo markii horeba dunida ay la yaabtay in Maxamed Bin Salman uu sawir gacmeed ka bixiyo $450 milyan, uu hadda haysto mid aan aheyn sidii looga iibiyey. 

Sida uu shaaciyey wargeyska The Art Newspaper, hoos u dhigidda Prado ayaa “ah falcelintii ugu weyneyd ee lagu sameeyo sawrika tan iyo markii ay ay iibisay Christie’s”

“Waxaa jirtay mar Leonardo ay ku adkaatay inuu wax sawiro sababo la xiriirka mashquulkiisa, waxaana shaqadan qaatay qaar ka mid ardaydiisa,” ayuu yiri madxafka Museo Nacional del Prado. 

Salvator Mundi waxaa la rumeysan yahay in la sawiray intii u dhaxeysay 1499 illaa 1510-kii. 

Sawirka ayaa waxaa sanadii 2005 soo gatay ganacsade farshaxan oo ka bixiyey kaliya $1,175 (Kun boqol toddobaatan iyo shan), waxaana kadib lagu sameeyey dayactir. 

Ganacsade shidaala oo Russian ah ayaa 2011 wuxuu 127.5 milyan oo dollar kaga gatay keydka sawirrada qaranka ee London. 

Waxaa kadib lagu iibixiyey xaraash ka dhacay xarunta Christies ee New York 2017-kii, waxaana 450 milyan oo dollar ku iibsaday qof la sheegay inuu wakil ka ahaa Maxamed Bin Salman.

Mareykanka iyo dalalka Khaliijka ioo qaaday tallaabo wadajir oo ka dhan ah Iran

0

Riyadh (Caasimada Online) – Mareykanka iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Khaliijka ayaa Arbacadii ku eedeeyey Iran inay xasarad Nukliyeer iyo xasillooni darro Bariga Dhexe uga abuureyso gantaalladeeda ballistic-ga iyo diyaardaah drone-ka.

Digniintan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen kooxda qaabilsan Iran ee Mareykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka kadib shir ay ku yeesheen Sacuudi Carabiya.

“Dhammaan ka qeyb-galayaasha waxay ku booriyeen maamulka Iran inuu ka faa’iideysto fursadda diblomaasiyeed ee hadda” ee ka dhalaneysa dib u bilaabidda wada-hadallada Vienna ee looga dan leeyahay badbaadinta heshiiska Nukliyeerka Iran, ayna “ ka hortagaan dagaal iyo xasarad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wada-hadalladan aan tooska aheyn ee Mareykanka iyo Iran ayaa la hakiyey kadib markii ay Iran dooratay madaxweyne cusub bishii June, waxaana hadda la waqtiyeeyey inay dib u billowdaan dhammaadka bishan.

Waxaa looga gol leeyahay in dib loo cusbooneysiiyo heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015.

Mareykanka ayaa heshiiskaas ka baxay 2018 intii uu madaxweyne ahaa Donald Trump, wuxuuna dib usoo celiyey cunaqabateynadii saarnaa Iran, waxaana ayada oo ka jawaabeysa Iran ay joojisay u hoggaansamidda heshiiska.

“Iran waxay qaaday tallaabooyin aan baahi rayid ah laheyn balse muhiim u ah barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka,” ayaa lagu yiri bayaanka oo ay si wadajir ah usoo saareen Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar, Baxreyn, Cumaan iyo Kuweyt.

Dalalkan ayaa sidoo kale cambaareeyey wax ay ugu yeereen “siyaasado halis iyo daan-daansi ah, oo ay ku jiraan adeegsiga gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha drone-ka.”

“Taageearada Iran ay siisay maleeshiyooyinka hubeysan ee gobolka iyo adeegsigeeda barnaamjka gantaalalda ballistic waxay halis cad ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaar ka mid ah dalalka Khaliijka sida Qatar iyo Cuman ayaa loo arkaa inay marin u yihiin Mareykanka si uu ula xiriiro Iran.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale bilihii dhowaa u muuqatay inay qaboojisay xiisdda Iran ayada oo labada dal ay wada-hadallo dhowr ah ku yeesheen Ciraaq.

AFP + VOA

Afar qodob oo hortaagan doorashada golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasumada Online) – Iyada oo lasoo gabagabeeyey doorashadii  aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad,  qaadatayna 4 bil ayaa waxaa dhaqaaqi la’ middii golaha shacabka ee ka kooban ilaa 275 xildhibaan taasi oo loo aaneynayo sababo badan oo isbiirsaday.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso ilaa 4 Sabab oo ugu Waawweyn sababaha hortaagan doorashada:

Diidmada Labo Deegaan Doorasho: Xogo aanu ka helnay madaxtooyooyinka maamul goboleedyada qaar ayaa sheegaya in doorashada aqalka hoose ay u bilaaban la’dahay sababo la xiriira labo oo deegaan doorasho, iyada oo maamul goboleedyada intooda badan ay doonayaan in doorashada golaha shacabka lagu qabto caasimadaha maamul goboleedyada, oo laga daayo labada deegaan doorasho.

Maalgelinta La’aanta Doorashada: Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada waxaa muuqata in aaney dooneyn maalgelinta doorashada Soomaaliya iyo iney jeebkooda wax kasii qabtaan iyada oo la sugayo $27 Milyan ee maalgelinta doorashada halka kooxda beesha caalamiga ahna ay lacagta doorashada bixinteeda ku xirtay shuruud  ah in ay aragto doorasho hufan, oo ugu yaraan saddex maamul goboleed si caadi ah uga socota.

Amniga iyo Awood Laáanta maamullada: Caqabada 3-aad ee doorashada heysato waa khilaafaadka iyo arrimaha amniga iyada oo maamulka Jubbaland aanu tagi karin Gedo, Hirshabellana ku adagtahay Beledweyn, waxaa intaa dheer dagaallada ka socda Galmudug, Baraawe oo go’doon ah iyo arrimo kale.

Kalsooni La’aan DF iyo Dowlad Goboleedyada ah: Waxaa jirta kalsooni darro u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo la xiriirta xoogista kuraasta golaha shacabka, cid gaar ah in loo xiro, hufnaanta iyo arrimo kale.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in doorashada golaha shacabka ay gaarto ilaa Febraayada 2022, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu Villa Somalia joogayo sanad dheeraad ah, keeni kartana in midowga musharaxiinta ay ku fekeraan tallaabooyin ka dhan ah muddo kordhintaas dadban.

ROOBLE ‘oo ku guuleystay’ qorshihii uu u tegay Galmudug

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo xalay khudbad ka jeediyey casho sharaf loogu sameeyey magaalada Dhuusomareeb, ayaa sheegay inuu ku guuleysatay qorshihii uu u tegay deegaanada Galmudug.

“Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble.

“Dowlad-goboleedka Galmudug waxaan garab ugu nahay hirgelinta dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeynta si bulshada deegaanku horumar u gaarto.”

Rooble ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabaan qabashada doorashada golaha shacabka.

Rooble ayaa la filayaa in sidoo kale uu booqasho ku tago caasimadaha maamul goboleedyada kale, si u u dhiiri-geliyo in la billaabo doorashada golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaalida ay ceeb kala kulantay doorashooyinka daba dheeraaday, isaga oo sheegay in maalin kasta ay beesha caalamka weydiinayaan sababta ay u qaban la’yihiin doorashada. 

Xubnaha beesha caalamka ayaa dalbaday in doorashada golaha shacabka lagu soo dhammeeyo kahor dhammaadka sanadkan 2021, taasi oo aad u adag marka la eego muddada ay qaadatay doorashada Aqalka Sare. 

Dhinaca kale, Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka fakaraya inay ku dhowaaqaan gole qaran oo dalka maamula haddii aan doorashada golaha shacabka lagu soo geba-gebeyn illaa dhammaadka sanadkan. 

Ciidamo badan oo ka soo goostay Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo badan oo ka tirsan Somaliland ayaa maanta u goostay dhanka ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Boqolaalka Askari ee kasoo goostay Soamlialnd ayaa watay hub fara-badan iyo Gaadiid dagaal, waxayna si rasmi ah Jabhada SSC uga biireen magaalada Buuhoodle.

Saraakiil ka tirsan Jabhadda SSC oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in duruufo kala duwan oo jira ay uga soo baxeen kamid ahaanshaha Ciidamada Somaliland.

SSC ayaa waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland.

Ciidamadaan u goostay dhanka SSC ayaa waxay Somaliland uga howl-gali jireen deegaano ka tirsan gobolka Sool. Mana aha markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka uu u goosto jiho kale.

Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara ee Turkey oo amar culus la dul dhigay

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dhawaan amar cusub kusoo rogay Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaas, gaar ahaan kuwa magaalada Ankara.

Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Ankara qaarkood ayaa waxay laamaha amaanka ku wargeliyeen iney ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taal badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya.

Dhibta u weyn ee xiligan wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Ankara ayaa ah arrimo dhanka sharciga ah, waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey.

Sidoo kale Soomaalida ku ganacsta Kizilay ayaa lagu haysta wax lagu macneeyay hab-dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu timaado xaafadaas ku badatay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga.

“Sababta Kizilay loo beegsaday waa in aan ku badanay, waxaa la iisheegay in meesha wax qalad ah lagu gado,” ayuu yiri Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo ka hadlay waxyaabaha maamulka uu ku haysto ganacsatada Soomaalida ee xaafada Kizilay.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee magaalada Ankara ayaa sidoo kale sheegay inay furan yihiin qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida, halka kuwa qaarkood albaabada la iskugu dhuftay.

“Anaga oo u socona si xayn-xayn ah, marka aad tagto Kizilay waxaa loo socdo afar iyo qof, jidadkii Turkida ay marayeen ayaa la taagan yahay, shaaf ayaa meesha lagu cabayaa bakeerigii Shaaha laga cabay ayaa meesha lagu tuuraya.”

Si kastaba, Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Turkiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso badan, ha ugu darnaato dhanka sharciga iyo baaritaano kala duwan oo isdaba-joog ah.

Qoor Qoor oo ku dhowaaqay doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay ku dhowaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka.

Qoor Qoor ayaa hadalkan kaga dhowaaqay xafalad casho sharaf ah oo xalay loo sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sheegay in doorashadaas la guda galayo maanta.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5-ta xubnood ee ugu horreysa doorashada Aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri Qoor Qoor. 

Qoor Qoor ayaa intaas ku daray in shantaas kursi ay calaameysan yihiin, islamarkaana soo saaristooda aysan qaadan doonin wax ka badan saddex maalmood.

Waxa uu faray guddiga doorashada heer gobo lee Galmudug inay isla maanta billaabaan isku keenista odayaasha qabaa’ilka shantaas kursi, si loogu dhowaaqo murashaxiinta. 

“Doorashada dalku waxay u tahay dawada kaliya ee maaanta hortaalla dowladnimada Soomaaliya, waa in doorashu dhacdo, oo doorashadu qabsoonto,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana Qoor Qoor lagu eedeeyey inuu si ula kac ah u dheereeyey doorashada Aqalka Sare isaga oo muddo kororsi dadban kala shaqeynaya Villa Somalia oo ay xulufo yihiin. 

Maxaad ka taqaan ragga kula tartamaya madaxweyne Erdogan doorashada Turkey ?

0

Ankara (Caasimada Online) – Tan iyo doorashadii dawladaha hoose ee sanadkii 2019-kii ka dhacday dalka Turkiga, waxaa aad u badneed hadal haynta ku saabsan in dalkaas ay ka dhici doonto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo, iyadoo mucaaradku ay marar badan dalbadeen taas, waxayna kalsooni buuxda ka qaadeen natiijooyinkii ay ka soo hooyeen doorashooyinkii dowladaha hoose.

Mucaaradka dalka Turkiga ayaa xilligaan aaminsan inay ka fursdad wanaagsan yihiin Madaxweyne Erdogan iyo xisbigiisa talada haya, waxayna rajeynayaan inay guul waaweyn ka gaaraan doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Shacbiga oo ka kooban Xisbiyada Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah (MHP) ayaa xaqiijinaya in aanay doorashadu wakhti hore ku qabsoomi doonin, isla markaana ay ku dhici doonto wakhtiga loo asteeyey ee ah bartamaha sanadka 2023-ka.

Go’aanka xisbiyada ku midoobay talada ayaa la sheegay inay aheyd mid niyad jabineysa kuwa mucaaradka, maadaama ay aamisan yihiin in ay sare usii kaceyso sumcadooda halka ay rumeysan yihiin inay hoos usii socoto sumcadda xisbiga talada haya, isla markaasna ay muuqato cabsidooda ku aadan sanduuqa codbixinta.

Inkasta oo Isbahaysiga Shacbiga uu ku adkeysanayo in aan waxba laga badaleyn waqtiga doorashada, haddana Turkigu waayadan dambe waxa uu ku jiray jawi doorasho oo aan lasoo agaasimin, marka la eego xamaasadda, isqabqabsiga, isku dhaca iyo dooda u dhaxeysa musharixiinta u taagan xilka madaxweynimada dalkaas.

Mar haddii Erdogan uu yahay musharaxa la filayo inay soo doortaan xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka iyo Isbaheysiga Shacabka, su’aasha ugu badan ee la xiriirta doorashooyinka soo socda ayaa ah magaca musharraxa mucaaradka ah ee la tartami doona.

Marka ugu horeysa arrinta ugu muhiimsan ee ah in la ogaado ayaa ah in doorashada ay qeyb wanaagsan ka qaataan muhiimada ay leedahay xaaladda uu wadanka ku sugan yahay, mana dhici karto in doorasho laga hadlo oo natiijadeeda la sii odorosay, iyadoo aan la tixgalinayn duruufaha ay ku dhaceyso,  gaar ahaan xaaladda dhaqaale ee gudaha iyo horumarka ugu muhiimsan ee siyaasadda arrimaha dibadda, sidoo kale xulafada doorashada, tirada murashaxiinta iyo magacyadooda, dookhyada codbixiyayaasha, iwm.

Marka labaad, waxaa muhiim ah in la caddeeyo in fursadaha lagu guuleysto ee ka dhanka ah Erdogan aysan ahayn kaliya, ama ugu muhiimsaneyn xulashada musharaxiinta tartamaya.

Doorashadii ugu dambeysay ee madaxtinimo ee la qabtay sanadkii 2014, mucaaradku iskuma raacin musharax guud, haddii ay heli lahaayeen, waxaa hubaal ah in fursadahooda ay ka fiicnaan lahayd midda Erdogan marka loo eego codadkii ay heleyn musharixiinta mucaaradka.

Madaxa xisbiga Good Party, Meral Aksener, ayaa ku adkaysatay inay isa soo sharaxdo sababtoo ah waxay dooneysay  inay sare u qaado fursadaha xisbigeeda ee ah inuu u tartamo doorashada baarlamaanka markii ugu horeysay tan iyo markii la aasaasay.

Sidoo kale, doorashadii 2014 waxay khilaaf xoog leh dhex dhigtay xisbiga Jamhuuriga ee CHP kadib markiia ay isku qabsadeyn cidda hoggaanka noqoneyso, wuxuuna ugu dambeyn khilaafka keenay inuu xisbiga isaga baxo Muharrem Ince isla markaasna uu sameysto xisbi cusub oo loogu magac daray Waddani.

Tan Sedexaad, anagoo ka duulayna arrimaha aan kor ku soo xusnay, qodobbada ugu muhiimsan ee saameynaya natiijada doorashada madaxtooyada waxaa ka mid ah inta ay le’eg tahay awoodda mucaaridku ku heshiin karaan musharax la wada leeyahay ama la isku raacsan yahay.

Haddii ay sidaas dhacdo, waxay kordhineysaa fursadaha tartanka, haddii ay ku guuldareystaan waxay soo dadajin kartaa guuldaro kasoo gaarto doorashada.

Illaa hadda waxaad mooddaa in labada xisbi mucaarad ee CHP iyo Xisbiga Wanaag ay isku raacsan yihiin in la soo bandhigo musharrax ay ku wada qanacsan yihiin, waxaana la rumeysan yahay in xisbiga Dimuqraadiga (HDP) uu taageersan yahay qorshahaas.

Haddaba, Shuruudda ugu weyn ee musharaxa la isku raacsan yahay ayaa ah in uu yahay mid ay ku qanacsan yihiin CHP iyo Xisbiga Wanaag, iyo sidoo kale qaybaha kale ee cod-bixiyayaasha, waxayna door bidayaan in uu ka soo jeedo garabka midig (qaran ama muxaafid).

Shuruudda ugu adag ayaa ah in musharaxa la isku raacayo ay aqbalaan dhammaan kooxaha mucaaradka, waxayna u badan tahay in lasoo sharaxo midkooda Ekrem Imamoglu iyo Mansur Yavas oo hadda kala ah duqa magaalooyinka Istanbul iyo Ankara.

Aragti ahaan, madaxweynihii hore ee Abdullah Gul ayaa weli ah shakhsiga ugu xooggan ee wajahaya Erdogan, maadaama uu u muuqdo inuu yahay nin weli awood leh, waxaana loo badinayaa inuu ku guuleysan karo codadka xisbiyada kala duwan oo ay ku jiraan xisbiyada cusub ee ka soo baxay ilmo-galeenka xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.

Inkasta oo ay dad badan u muuqato in Ekrem Imamoglu uu noqon doono midka adag ee la tartami doono Erdogan 2023 marka fiiriyo guushii weyneyd oo uu ka gaaray degmada Istanbul, haddana waxaa mudan in la xasuusto in qofka uu la tartamayo uu yahay Erdogan isla markaasna doorashada madaxtinimada ay ka duwan tahay middii Dowladaha Hoose.

Hoggaamiyaha xisbiga CHP Kilicdaroglu wuxuu aamisan yahay in Imamoglu iyo Yavas ay sii ahaadaan duqa magaalada Istanbul iyo Ankara, si aysan mar kale uga bixin gacanta xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka. Taas oo la macno ah in uusan rabin inay isku soo sharaxaan xilka madaxweynimo, waxaana laga yaabaa inuu doonayo in uu iskii isu sharaxo, balse waxaa suuragal ah in Imamoglu iyo Yavas ay ka hor yimaadaan go’aankan, kaas oo albaabka u furaya khilaaf ka dhex jira xisbiga CHP ee ku saabsan doorashooyinka.

Isku soo wada duuboo, labada qodob ee ugu waaweyn ee saamaynta ku yeelanaya natiijada doorashada madaxtooyada ee soo socota ayaa ah inta ay mucaaradku awood u leeyihiin in ay soo bandhigaan musharaxa la isku raacsan yahay iyo magaca musharaxa. Arrintan lafteeda ayaa caqabad weyn ku ah mucaaradka, maadaama aanay sahlanayn in la helo musharax ku guulaysta codadka xisbiyada Turkish nationalist iyo Peoples Democratic Party (Kurdi Nationalist) ee lagu eedeeyo xriirka ay la leeyihiin PKK.

Wararkii ugu dambeeyey banaan-baxayaal maanta lagu laayey dalka SUUDAAN

0

 Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 15 qof kaddib markii ay kumanaan qof oo reer Suudaan ah isugu soo baxeen waddooyinka Arbacadii shalay, taasoo ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd muddo bil ah oo ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xukunka milateri.

Dibad-baxayaashan oo kasoo horjeedat afgambigii bishii hore ee Oktober 25-keedii ka dhacay caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka Bahri iyo Omdurman, ayaa dalbanayay in si buuxda dib loogu soo celiyo maamulkii rayidka ahaa iyo in hoggaamiyeyaasha afgambiga la soo taago maxkamad.

Ciidamada ammaanka ayaa riday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay uga hortagaan isku imaatinka saddexda magaalo, waxaana la jaray isgaarsiinta telefoonnada gacanta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Telefishinka dowladda ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray dibadbaxayaasha iyo booliiska.

“Ciidamada inqilaabku waxay u adeegsadeen rasaas nool meelo kala duwan oo caasimadda ah, waxaana jira tobanaan dhaawacyo ah oo qaarkood ay xaaladoodu halis tahay,” ayay yiraahdeen Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan, oo ah koox la safan dhaqdhaqaaqa dibadbaxa, waxayna intaas ku dareen in dhimashada ugu badan ay ka dhacday magaalada Bahri.

Hoggaamiyaha militariga General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa sheegay in la ogolyahay mudaaharaad nabadeed, sidoo kalena milatarigu aanu dilin dibad-baxayaasha.

Dhimashada Arbacadii ayaa 39 qof ka dhigtay tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dhacay inqilaabka militari.

VOA + Reuters.

Aqriso: Nuxurka khudbada Swan ee shirka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyey shir gaar ah oo ay golaha ammaanka ka yeesheen xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

James Swan ayaa khudbaddiisa inta badan uga hadlay arrimaha doorashooyinka, isaga oo soo dhoweeyey dhammeystirka Aqalka Sare iyo bilaabista Golaha Shacabka.

“Horumar ayaa laga gaaray hannaanka doorashada, in kasta oo ay gaabis yihiin oo aan sinnayn. Waxaan soo dhaweynayaa doorashada dhawaan la soo gaba gabeeyay ee dhammaan 54-ta kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa dhiirigelin leh in ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo 2 ka mid ah 275-tii kursi la soo dhameystiray, iyadoo toddobaadkaan lagu dhawaaqay in doorashada kow iyo toban kursi oo dheeri ah ay bilaabaneyso,”.

Dhinaca kale wuxuu ergeygu aad u dhiiri-geliyey 14-ka haween ee loo doortay Aqalka Sare ah, isla-markaana dhowaan la wareegi doono xilalkooda.

“Waxaa dhiirigelin leh in 14 haween ah ay dhawaan la wareegi doonaan xilalka Senatarrada, kuwaas oo ka dhigan 26 boqolkiiba Aqalka Sare,” ayuu sii raaciyey.

Gabagabadii Swan ayaa dhanka kale soo hadal qaaday doorashadii golaha deegaanka ee bishii October ka dhacday Puntland, taas oo aheyd qof iyo cod, isla-markaana lagu tijaabiyey saddex degmo oo ka tirsan maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay inay muujisay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto guud ahaan Soomaaliya.

Shirka golaha ammaanka QM ay ka yeesheen xaaladdaSoomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo adag oo laga dhaxlay kala guurka.

BURCAD Koonfur Afrikaan ah oo toorey ku dishay wiil Soomaali ah (Faah-faahin)

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya dil wiil Soomaali ah saacadihii lasoo dhaafay loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika, kaas oo  magaciisa lagu soo koobay Suleymaan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsada duleedka magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen koox burcad Afrikaan ah, kuwaas oo toorey u adeegsaday dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida oo ka warbixinayey dhacdadaasi ayaa sheegay in ay falkan geysteen laba nin oo ku hubeysnaa Mindiyo, wuxuuna intaasi ku daray in Suleymaan uu markii hore soo gaaray dhaawac, balse oo mar dambe uu u dhintay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baxsadeen raggii ka dambeeyey dilkaasi, iyaguna ay soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriira ammaankooda.

” laba Nnn oo aan la garanayn ayaa soo galay dhismaha, iyagoo Tooriyeeyey Marxuumka, ka dibna waxay goobta uga baxsadeen jiho aanan garaneyn, iyaga oo wata cadad lacageed, walwal ayaana na soo wajahay,’ ayuu yiri mid ka mid ah Soomaalida ku nool halkaasi.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Vrygtrond oo ku dhow xeebta Muizenberg ee magaalada Cape Town, halkaas oo uu marxuumka ku lahaa goob ganacsi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee Koonfur Afrika ayaa sidoo kale meesha ay wax ka dhaeen gaaray, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilal, dhaawac, dhac iyo boob loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee wadankaasi.