25.2 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Mareykanka, Norway iyo UK oo qoraal bahdil ah u diray madax goboleedyada iyo Rooble, shuruudna ku xiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa shuruud adag ku xiray inay bixiyaan lacagta weli ku dhiman ee lagu taageerayo qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, ayaga oo qoraal bah-dilaad u muuqda u diray madaxda Soomaalida. 

Qoraal loo diray ra’iisul wasaare Rooble, madax goboleedyada iyo guddiyada doorashada heer federaal iyo heer gobol ayey safiirada dalalka Mareykanka, Norway iyo UK uga jawaabeen codsi looga dalbaday lacag gaareysa 3.7 milyan oo dollar oo loogu talo-galay Hay’adaha Maaraynta Doorashada iyo kharashaadka codbixinta iyo macluumaadka dadweynaha

Lacagtaas ayaa qeyb ka ah 27.2 milyan oo dollar oo guddiga doorashada uu go’aamiyey inay guud ahaan ku bixi doonto doorashada. 

Hase yeeshee Mareykanka, Norway iyo UK ayaa ku gacan seeray dalabkaas, waxaana qoraalka lagu yiri “waxaan xuseynaa in lacag idin ku filan aad heli kartaan, oo ay ku jirto mid ka timid deeq bixiyayaasha caalamka, si loogu dhameystiro qeyb muhiim ah oo ka mid ah doorashada golaha shacabka.”

“Marka ay noqoto codsiga ku aadan lacag dheeraad ah, dowladaha Mareykanka, Norway iyo UK waxay si wadajir ah u xaqiijin karaan inaan awoodno bixinta lacagta dheeriga ah ee la codsaday oo ah $3.7 milyan. Waxaan tani sameyn doonnaa inanga oo u mareyna barnaamijka taageerada doorashooyinka ee QM ee IESG. Si kastaba, waxaan ka walaacsannahay kalsoonida iyo jadwalka hanaanka doorashada ee sida aadka ah dib ugu dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saddexdan dal ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in lacagtan ay kala bixin doonaan laba goor, oo kala ah, oo tan koowaad ay tahay:-

a)- Marka doorashada ay si macno leh oo la isku haleyn karo uga billaabato ugu yaraan saddex maamul goboleed.

b)- Marka dhammaan lacagta murashaxiinta xildhibaannimo lasoo xareeyo, islamarkaana la xaqiijin karo qaabka loo istcimaalay.

Qeybta labaad ee lacagta ayey Mareykanka Norway iyo UK sheegeen inay bixin doonaan:-

1 – Marka ugu yaraan saddex meelood laba meel kuraasta golaha shacabka lagu soo doorto dhammaan goobaha codbixinta.

Waxaa intaas dheer oo ay dalbadeen sharaxaad ku saabsan in laga soo baxay waajibaadka lagu xaqiijinayo qoondada haweenka oo ah 30%.

Dalalka Mareykanka, Norway iyo UK waxay kale oo ay sheegeen inaysan awoodi doonin inay bixiyaan lacag intaan dheer oo la xiriirta doorashada haddii ay soo baxdo, taasi oo ay sheegeen in looga baahan yahay inay dhameystirto dowladda federaalka.

 

ADDIS ABABA oo halis ugu jirta in la qabsado iyo war kasoo baxay Mareykanka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa walaac hor leh ka muujisay xaalada Ethiopia, ayadoo mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ka baxaan dalkaas.

Safaarada Mareykanka ayaa sheegtay in uusan jiri doonin daad-gureyn lamid ah tii kal hore ka sameeyen dalka Afghanistan, taasi oo dhacday maalmo un ka hor qabsashada kooxda Taalibaan.

Baaqan oo socday maalmo ayaa waxa uu Mareykanku ku faray muwaadiniintiisa in duulimaadyada rayidka ah uga baxaan Ethiopia, xili laga cabsi qabo in mucaardika usoo ruqaansado caasimada Addis-Ababa.

Mareykanka ayaa cabsi ka qaba in markale lagu qasbo in sidii Afghanistan uu uga daabulo kumanaan muwaadiniin ah, ayada oo Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibeedda uu ku sheegay in xaalad gaar ah ay ahey midda Afghanistan.

“Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan inaynan rajo ka qabin nabad balse waa inaan nahay kuwa garowsho leh,” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda.

“Wixii aan Afghanistan ka sameynay waxay ahaayeen gaar, hase yeeshee ma ahan wax ay dowladda Mareykanka mar kale ka sameyn karto meel kale oo dunida ah. Ma jirto sabab ay dadka Mareykanka u sugaan illaa daqiiqadda ugu dambeysa si ay duulimaad rayid uga baxaan dalka ku yaalla Geeska Afrika.”

Safaaradda Mareykanka ee Ethiopia ayaa ayaduna sheegtay in deyn u yabooheyso dadka aan awoodin inay si deg deg ah u iibsadaan ticket-ka.

Mareykanka ayaa xiligii Taalibaan ay galeen caasimada Afghanistan ee Kabul howl-gal daad-gureyn ah kaga soo saaray dad gaaraya 123,000 oo qof, kuwaasi oo isugu jiray shacab Mareykan ah iyo Afghanistiyiin la shaqeyn jiray iyo qoysaskooda.

Farmaajo mise Rooble: Yaa qaadaya mas’uuliyada muddo kororsiga cusub ee socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dalka si rasmi ah uga bilaabatay doorashada iska daba dheeraatay, ayaa waxaa marba sii kordhayay mudada ay madaxweynaha iyo dowladda hadda jira ay dalka ku xukumayaan sharciyad la’aan.

Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo bilaabatay 29-kii July, ayaa waxay socotay 108 maalmood, oo ah in ka badan saddex bil iyo bar, waxaana lagu dooranayey mudadaas 54 Senator oo keli ah.

Sidoo kale waxaa dhawaan si hordhaca ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, oo ayadu ka baaxad iyo shaqo badan midda Aqalka Sare, taasi oo sii kordhinaysa muddo kororsiga dadban ee ka socda Villa Somalia.

Muddo kororsi dadba

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in dalka uu ka socdo muddo kororsigii laga badbaadiyey, kaasi oo dagaal xoogan ka riday magaalada Muqdisho.

“Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.”

Haddaba, Yaa qaadaya mas’uuliyada muddo kororsiga sida dadban u hirgelay?

Sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda waxaa mas’uuliyada u weyn ee muddo kororsiga dadban ee ka socda Villa Somalia dusha u ridanaya ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa iska wareejiyay gacan ku haynta arrimaha doorashooyinka iyo amniga, taasi oo uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah mas’uulka u sareeya ee hagaya doorashada xiligan socota.

Rooble waxa uu kasoo bixi waayey mas’uuliyaddii loo dhiibtay, wuxuuna qeyb ka noqday xarig jiidka siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku mashquulay khilaafyo siyaasadeed oo aan loo baahneyn iyo xilal magacaabis joogto ah.

Ra’iisal wasaaraha ku mashquulsan magacabista wasiiro ilaa agaasimeyaal waa xilgaarsiin aan sharcigu siineynin inuu isbedel weyn ku sameeyo xilalka dowladda, laakiin dowladda Farmaajo ee sanadka sii joogta xilka ayaa sharci-darradaasi caadi ka dhigtay iyadoo uu Rooble ka faa’iideysanayo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo doonaya inuu xilka sii haysto, maadaama madaxweyne cusub ay ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo.

Hore waxaa Rooble looga soo xigtay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, laakiin waxaa hadda muuqata in Rooble uu sidoo kale fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu dano gaara ku gaaro, taasoo si cad uga hor timid Beesha Caalamka.

UK oo shaacisay inay Somaliland u aqoonsan karto dal haddii la helo hal mid

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa sheegtay inay Somailand u aqoonsan karto dal madax-banaan haddii hindisahaas ay si wadajir ah u billaabin Somaliland, Soomaaliya iyo dalalka Afrika oo wadajir ah, balse aysan marnaba dal u aqoonsan doonin haddii aanay sidaas dhicin.

Wasiirka UK u qaabilsan Afrika Vicky Ford oo ka jawaabaysay codsi uga yimid xildhibaan Danny Kruger, ayaa sheegtay in UK si la mid ah beesha caalamka inteeda kale aanay Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan.

Waxa ay xustay inay u taallo Somaliland iyo Soomaaliya inay go’aan ka gaaraan xiriiradooda mustaqbalka.

“Siyaasaddeena weli waa in Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda, iyo in dalalka deriska ah ee gobolka ay qaataan hoggaanka aqoonsiga isbeddel kasta oo cusub,” ayey tiri.

Si kastaba, waxay xustay in UK ay joogitaan diblomaasiyadeed ku leedahay Hargeysa ayna sii waddo inay u yaboohdo kaalmod dhinaca kaabayaasha ah, oo ay ku jirto dhismaha waddada Berbera iyo Ethiopia, tababarka booliska, iyo ka hortagga argagixisanimada iyo meelo kale. 

Vicky Ford waxa ay xustay in Somaliland tahay qayb Soomaaliya ka mid ah oo ku guuleysatay inay sameysato maamul wanaagsan islamarkaana ay mudan tahay in lagu ammaano dadaalka ay ku bixisay xasiloonida.

Waxay xustay inay Somaliland si hufan ula shaqeynayaan illaa iyada iyo Soomaaliya ay ka gaarayaan heshiis kama dambeys ah.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, waxayna ku dhawaaqday inay gooni-isu-taag tahay balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

Maxay yihiin ciidanka maanta laga soo dejiyay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dagay ciidamo badan oo ka tirsan booliska howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka socda waddanka Chana.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ciidamada oo tiradoodu gaareysay ilaa 113 Askari ayaa waxay dalka joogi doonaan sida uu qorshuhu yahay muddo sanad ah, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dhismaha tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay ciidamadaan qeyb weyn ka qaadan doonaan sugida amniga doorashooyinka, xili dhawaan si hordhac ah u bilaabatay doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Ciidamada ka socda Booliska AMISOM ayaa waxaa magalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha guud ee Booliska (AIGP) Augustine Magnus Kailie, iyo xubno sare oo ka tirsan Kooxda hoggaanka Booliska AMISOM.

Ciidamadaan ayaa waxay si toos ah ugu biirayaan 47 askari oo horay u joogay Soomaaliya, kuwaasi oo dhamaantood ka qeyb qaadanaya doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska AMISOM oo munaasibada soo dhaweynta ciidamadaan ka hadlay ayaa sheegay inay yimaadeen xili xasaasi ah, islamarkaana ay tahay inay kaalin weyn ka qaatan sugida amniga doorashooyinka.

“Waxaan gacanta ku haynaa shaqo aan ku ilaalineyno amniga doorashooyinka socda. Doorashooyinkani maaha shaqo maalin ah, laakiin waxay socon doonaan ilaa Janaayo. Markaa, hadalkayga digniinta ah waa inaad aad uga taxadirtaa oo aad u heellan tahay waajibkaaga,” ayuu yiri AIGP Kailie.

“Qaar ka mid ah waajibaadka aad gudan doontiin waa kuwo loo baahan yahay inaad si firfircon u gudataan,sida roondooyin hubinta baabuurta, joogsiga iyo baaridda, goobidda iyo samatabbixinta, iyo adeegyada kale ee bini’aadantinimo .”

Si kastaba, waxaa Soomaaliya ku sugan ciidamo boolis ah oo ka socda dalalka Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambi, waxaana xiligan qeyb ka noqday dalka Ghana oo ugu deeqay ciidamo badan.

Al-Shabaab oo si yaab leh gurigiisa MUQDISHO ugala baxay sarkaal kasoo goostay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si la yaab leh u afduubatay sarkaal horey uga mid ahaan jiray, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda kana tirsanaa Hay’adaha Ammaanka.

Sarkaalka gurigiisa lagala baxay ayaa lagu magacaabaa Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib Seerjito, wuxuuna daganaa guri ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gurigiisa ugu galeyn kadib markii ay maqas weyn ku jareyn guriga oo ahaa mid ka sameysan Jiinkada loo yaqaan Bacweynaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sarkaalkaan ayaa wuxuu u shaqeenayey Hey’adaha Amniga Dowladda, wuxuua dhowr jeer kasoo muuqday muuqaalo uu baahiyey teleefishinka qaranka, kuwaas oo dhallinyarada looga wacyi gelinayey inay ku biiraan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya wali ma aysan bixin xog ku saabsan sida Al Shabaab ay ugu suura gashay in ay ku wataan ninkan muhiimka u ahaa.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin afduunka ay u geysatay sarkaalkaa, waxaana la rumeysan yahay inay la aadeyn dhanka duleedka Dayniile oo ay ku leeyihiin saldhig ciida oo weyn.

Taariikhdiisa oo kooban

Macalin Siciid Cabdulle Dilib Seerjito waxa uu ku dhashay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose sanadku markii uu ahaa 1986, Waxbarashadiisa dugsiga hoose ilaa heer Jaamacadeed waxa uu ku qaatay Muqdisho, waxa uuna ku tkhasusay Culuumta Network Engineering.

Sanadkii 2008-dii ayuu Al-Shabaab uga biiray magaalada Muqdisho, iyada oo xilligaasi looga faa’iidaysanayay aqoontiisa luuqadaha iyo Tiknooloojiyadda.

Seerjido oo July 2021, lagu waraystay barnaamijka Gungaar ee ka baxa warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in shaqadii ugu horay ee uu ka qabtay Al Shabaab dhexdeeda loona soo bandhigay ay ehayd turjumaan maadaama uu si feecan u yaqaanay luuqadaha Engiliish-ka, Carabiga iyo Afka Soomaaliga.

Waxa uu sheegay in uu gacan wayn ka gaystay in warbaahinta Al Shabaab oo markii hore baahin jirtay Nashiidooyinka Carabiga ah lagu soo daro gabayada Soomaaliya “maadaama aan dhaqan leenahay Carabnimada aan diidi Karin oo aan Carab nahay”.

Mar wax laga waydiiyay awooda Al-Shabaab ayaa ku dooday in ay mar ahaayeen awood xooggan balse hada ay awood yaryihiin sida laga aaminsanyahay.

Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib waxa uu warbaahinta u sheegay in samaynta warbixinada iyo muuqaalada laga soo min-guuriyay shabakadaha Caalamiga ah sida Alsaxaab, Al-kataa’ib iyo kuwa kale oo Al-Qaacidda ay leedahay ay inta abdan xooga ku saari jiray soo jiidashada dadka Qurba joogta ah.

Seerjito ayaa 2014-kii ku biiray Daacishta Soomaaliya , waxa uuna u safray buuralayda Galgal ee gobolka Bari, waxa uuna halkaasi kula kulmay hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Waxa uu sheegay in Daacish ay aqoontiisa ka faa’iidaysatay sida oo dooday inaysan jirin farqi u dhexeeya Al Shabaab iyo Daacish oo labada uu la soo shaqeeyay xiliyo kala duwan.

Seerjito, ayaa sheegay in uu Daacish uu ka caawiyay in ay wararka iyo barnaamijyada muuqaal ah u sameeyo.

Macalin Siciid Cabdulle Dilib, ayaa isku soo dhiibay Dowladda Faderaalka isaga oo sheegay in dagaalyahana hogaankooda ka leexdeen sababtii uu ugu biiray, isaga oo doortay in uu la shaqeeyo NISA balse ugu dambayn waxaa afduubtay Al Shabaab.

DF oo qorsheynaysa inay dalka kusoo celiso xubno ka tirsanaa Daacish-ta dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya ayaa shaacisay inay qorsheynayso sidii loo sii deyn lahaa, islamarkaana dalka loogu soo celin lahaa Soomaalida ku biirtay Daacish ee ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Suuriya.

Farxaan Gurxan oo ah sii-hayaha safaaradda oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Jabhadda Kurdish-ka ay u ballan-qaadeen inay la kulan-siiyan Soomaalida ku jirta xerada Al Roj ee waqooyiga Syria.

“Waxaan la kulmay sarkaal ka tirsan jabhadda kurdish-ka ee gacanta ku haysa gobolkan, wuxuu ii ballan-qaaday in la i gayndoono xerada Alroj ee dumarka ay ku jiraan, wuxuu kaloo ii ballan-qaaday inuu ila kulansiiyo labo kamid ragga Soomaaliyeed ee xabsiyada Daacish ku jira, si aan uga wareysto xaaladda ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Farhaan Gurxan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xerada Al Roj iyo xero kale oo ayaduna u dhow inay ku jiraan dumar Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 19 iyo 23 caruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay.

Waxa jira oo kale dhalinyaro rag ah oo xabsiyada ku jiro oo aan ilaa hadda tiradooda si rasmi ah loo hayn, waxay Safaaradu ku howlan tahay dib sidii loo sii deyn lahaa, islamarkaana dalka dib loogu soo celin lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii dadkaas dib loogu soo celin lahaa gudaha Soomaaliya, maadaama ay ku dhibaataysan yihiin xeryaha iyo xabsiyada dalkaas oo ay muddo sannado ah ku jiraan.

Soomaalida ku xiran xabsiyada Suuriya ayaa waxay u badan yihiin kuwa ka yimid dalalka Yurub iyo Mareykanka, xiligii kooxda ISIS ay gacanta ku haysay inta badan wadankaas, ayada oo markii dambe ee la jabiyeyna lagu soo qabtay dagaalka.

Nabadoon Maxamed Xasan Nuur oo loogu galay gurigiisa Muqdisho kadibna la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay Nabadoon Maxamed Xassan Nuur oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Dika ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Juungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, kadib markii ay weerareen laba nin oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Wararka aya sheegaya in ragga dilka fuliyey ay gudaha u galeen guriga nabadoonka, isaga oo xilligaas aqrisanayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka, kadibna ay toogteen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, kadib dhacdadaas waxaana goobta gaaray ciidan ka tirsan kuwa amniga.

Meydka marxuumka ayaa sidoo kale loo soo qaaday xarunta dambi baarista hay’adda CID-da ee Booliska Soomaaliyeed, taas oo haatan wadda baaritaano dheeraad ah.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashada loo geystay Nabadoon Maxamed Xasan oo caan ka ahaa xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa uu qeyb ka noqonayaa falal ammaan dari oo ka dhacayey Muqdisho.

Si kastaba, ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa dhankooda xoojiyey howl-gallada lagu sugayo ammaanka, iyaga oo saddexdii habeen ee la soo dhaafay baaritaano guri guri ah ka sameynayey degmooyinka qaar gobolka Banaadir.

China oo diiday go’aankii golaha ammaanka ee Somalia, soona jeediyey qorshe cusub

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa ka hor-timid go’aankii uu Golaha Ammaanka QM Isniintii mar kale ku cusbooneysiiyey cunaqabtayenta hubka ee saaran Soomaaliya.

Shiinaha ayaa dalbaday in cunaqabateynta oo jirsatay ku dhowaad 30 sano laga dhigo mid shuruudo ku xiran oo Soomaaliya lagu qiimeeyo sida ay uga soo baxdo, balse aysan noqon mid iska socota oo sanad kasta la cusbooneysiiso.

Shiinaha ayaa ka baaqsaday codeyntii Isniinta, waxaana wakiilka Beijing ee QM uu sheegay in Golaha Ammaanka uu ku guul-darreystay “inuu garowsado horumarka Soomaaliya ee ku wajahan dib u dhiska iyo la-wareegista amniga dalka.”

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya QM, Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in la dejiyo qaab-dhismeed ka gudbis ah oo ay Soomaaliya ku dhaqmi doonto, si uu ugu hago inay kasoo baxdo shuruudo looga qaado cunaqabateynta hubka, halkii lagu kordhin lahaa ayada oo aan su’aalo la weydiin.

Shiinaha ayaa dhanka kale su’aal ka keenay la-dagaalanka burcad badeedda Soomaaliya, ayada oo Beijing ay sheegtay in dalalka qaar ay la-dagaalanka burcad badeedda u adeegsanayaan dano ganacsi. 

Wakiilka Shiinaha ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay buuxaan ciidamo si aad ah u hubeysan “oo sheegtay inay ilaalinayaan maraakiibka, hase yeeshee halis ku ah nolosha kalluumeysatada Soomaaliyeed.” 

Russia ayaa sidoo kale ka baaqsatay codeynta, ayada oo su’aal ka keentay sababta loogu daray dalalka Jabuuti iyo Eritrea, ayada oo xustay in labada dal “aysan hadda kadib halis ku aheyn nabadda caalamka.”

Maxaa musharaxiinta ku qasbaya u diyaar garowga dagaal iyo badbaado qaran 2?

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Xubnaha Midowga Musharixiinta ee mucaaradka ah ayaa waxaa u socda doodo ku saabsan inay abuuraan mowjad cusub oo dalka gelin karta xaalad ka duwan tii Badbaado Qaran oo ay abaabuleen horaantii sanadkaan, kadib markii lagu guul-dareystay in doorasho la qabto, mudo kororsina qarka loo fuulay.

Mucaaradka ayaa hubka qaatay markii madaxweyne Farmaajo sameystay muddo kororsi laba sano ah, laakiin ugu dambeyn waxaa lagu qanciyey in maamulka doorashada lagu wareejiyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana ay deg deg u dhici doonto doorashada.

Banaan-baxyadii bilowday wixii ka dambeeyey 8-dii February iyo dagaaladii ka dhacay caasimadda waa suurta-gelin waayey in deg deg doorasho ku dhacdo, wuxuuna Farmaajo qaatay 10 bilood oo muddo korosi ah, isagoo huba inay bilo kale u harsan yihiin, maadaama doorshadu aysan dardar ku socan.

Kulamo ayaa maalmahaan u socday xubnaha mucaaradka oo qaar ay dalka ka maqan yihiin. Xubnaha qaar ayaa miiska keenay in la dhiso Gole Qaran oo ku meel gaar ah oo dalka ka gudbiya xilligaan adag.

Golahaas wuxuu yeelanayaa awood fulineed iyo ciidan, taas oo ka dhigan in mucaaradku ay mar kale rabaan inay soo celiyaan qorshahoodii Badbaado Qaran oo ay hubka qaataan.

Ciidankii u dagaalamay qorshihii Badbaado Qaran bishii April waxay weli joogaan daafadaha magaalada Muqdisho, waana mid fudud in magaalada lagu soo celiyo mar kale.

Mid kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ah oo aan arrintaas wax ka waydiinay waxa uu sheegay in aysan macquul aheyn inay marti kasii ahaadaan masiirka dalka, haddii dadka awoodda heysta aysan rabin inay doorasho qabtaan.

Wuxuu sheegay in haddii ay isku raacaan in golahaas la dhiso aysan dhici doonin wixii dhacay bilihii April illaa May oo aheyd in si fudud loogu qanciyey inay ciidanka magaalada ka saaraan. Wuxuuna qabaa inay markaan khasab tahay in dowladnimada laga badbaadiyo dad uu sheegay inay dowladnimadii ka shaqeysiin waayeen, hadalkaas waxaa loo fasiran karaa in markaan awood ahaan lagu kala bixi doono.

Mucaaradka waxay sheegayaan inay si weyn uga niyad jabsan yihiin Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay u shooda u dhiibteen markii uu dhammaday dagaalkii Badbaado Qaran.

Inta ka dhiman sanadkaan haddii uusan dalku helin nidaam dowladeed, mucaaradku waxay sheegeen inay go’aankooda ku dhawaaqi doonaan.

Xubnaha Mucaaradka ayaa qorsheenaya inay dhawaan kulan weyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho, welina dhexdooda iskuma raacin go’aankaas, laakiin shirweynaha ay Muqdisho ku yeelanayaan ayaa lagu gorfeyn doonaa gunaanadka mowduucaan.

Maxaa go’aanka ku qasbaya mucaraadka

Xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda magaalada Muqdisho iyo gobollada dariska la ah, waxaa laga qaatay maamul goboleedyadii ay kasoo jeedeen, waxayna aamisan yihiin in Farmaajo halkaas kaga xoog batay, labadii maamul oo ay isku haleenayeen ee Puntland iyo Jubbbaland iyaga ayaa keensaday musharax, guddiyadii doorashada saameyn kuma lahan, xubno badan oo taabacsanaana waa loo soo diiday kursigooda xildhibaanimo, qaarna hadda ayey ka waanka saaran yihiin.

Ra’isul Wasaare Rooble oo ay isna isku haleenayeen wuxuu u muuqdaa inuu danihiisa raacday. Arrimahaas is biirsaday waxay mucaaradkii ku rideen niyad jab.

Iyadoo mucaaradka taas ka gadoodsan yihiin, ayaa haddana dhinaca kale doorashadii la dhaqaajin waayey. Hadda waxaa hor taalla oo doodoodu tahay inay gacantooda sharciga iyo dowladimada ku doonaan.

Qaarkood waxay qabaan inuu dalka u baahan yahay in la badbaadiyo. Qorshaha xubnaha mucaaradka qaar ee lagu soo celinayo qorshihii Badbaado Qaran ayaa halis ku noqon kara dowladnimada Soomaaliya iyo xasiloonida dalka. Laakiin dhinacyada doorashada gacanta ku haya ma muuqato inay mudnaan siinayaan mucaaradka iyo dedejinta doorashada.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, madaxweyne Farmaajo in doorashada deg degto wax dano ah ugama jirto, waxaana u cad inuu iska sii joogo Villa Somalia, halka Deni iyo Axmed Madoobe ay danahooda gaarka ah kaga tashanayaan Garowe.

Lama yaqaan sida qorshahaan ka socdo dhinaca mucaaradka uu u saameyn doono Golaha Wada-tashiga Qaran ee mas’uulka ka ah doorashada dalka, kaas oo ka kooban R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo degaano hor leh kala wareegay Al-Shabab

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka, qeybtooda 60-aad ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameyeen duleedka magaalada Xudur oo xarun u ah gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada Gomori, Aboore, Banjinaay iyo Doonfuul oo dhammaan hoostaga magaalada Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galkan oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kadib ciidamadu ay fariisimo hor leh ka sameysteen halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen deegaanada ay la wareegeen, si looga hortago dib usoo rogaal celinta kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka la hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka.

Ujeedka howl-galkan ayaa sidoo kale lagu sheegay sidii go’doonka looga qaadi lahaa Xudur oo ay dhinac ah ka joogaan xoogaga Al-Shaabaab oo diiday in dhulka loo maro degmadaas.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kooxda fulisay qaraxyadii shalay lagu qaaday Kampala oo shaaca laga qaaday

0

Kampala (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyo mataano ahaa oo Talaadadii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, kuwaas oo dilay saddex qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Daacish ayaa bayaan ay soo dhigtay Telegram ku sheegtay in saddex qof oo ismiidaamiyey ay ka qeyb qaateen qaraxyada, ayada oo mid ka mid ah weerarada lagu beegsday saldhig boolis, halka kan kalena lala eegtay xarunta baarlamanka.

Booliska ayaa fashiliyey qarax saddexaad, ayaga oo walxo qarxa kasoo qaaday guriga ismiidaamiye la tuhunsan yahay, kaasi oo la toogtay lana dhaawacay, sida uu sheegay afhayeenka booliska Fred Enanga.

Booliska Uganda ayaa qaraxyada ku eedeeyey “koox argagixiso oo gudaha ah” oo xiriir la leh kooxda ADF, ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Bishii April 2019, kooxda Daacish ayaa billowday inay baraha bulshado ku sheegato qaar ka mid ah weerarada ADF, ayada oo kooxda u bixisay magaca Kooxda Daacish ee Gobolka Bartamaha Afrika ama ISCAP.

“Uganda waa mid ka mid ah dalalka ka qeyb-qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Daacish ee Bartamaha Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka ay kooxda soo saartay.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii March waxay ADF si rasmi ah ula xiriirisay Daacish.

Qaraxyada mataanaha ee shalay ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF.

Uganda ayaa sidoo kale ADF ku eedeysay qarax la fashiliyey oo bishii August lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho,” oo Al-Shabaab kula dagaalamay Muqdisho.

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013. 

ROOBLE oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil ciidan iyo arrimaha uu kala hadlay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

Sidoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa Taliye Xuseen Axmed oo kamid ah Saraakiisha guutada 5-aad, waxaana looga wada-hadlay arrimaha amniga iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiishan ku bogaadiyey howl-galada ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug, ayada oo lagu soo hadal qaaday howl-galkii Guriceel looga saaray dhaq-dhaqaaqa Ahlu-Sunna ee dagaalka la galay maamulkaas.

Saraakiisha ayaa u ballan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay dardar-gelin doonaan howl-galada dib u xoreynta ee ka dhanka ah argagixisada, iyagoona ra’iisul wasaaraha ugu mahad-celiyay dhiirigelinta uu u sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa hore kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Daawo: Boqor Buurmadow oo sheegay arrin uu abaal uga hayo beesha Mudullood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta ka qeyb galay kulan casuumaad ah oo waxgaradka beelaha Mudullood ay u fidiyeen Boqorka, waxuuna casuumaadka kadib la hadlay warbaahinta.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in ka Dir-waqooyi ahaan ay abaal weyn u hayaan beesha Mudullood, abaalkaas oo ay u galeen xilligii ay socdeen duqeymihii uu amray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee ka dhacay magaalooyin ay Hargeysa ugu horeyso.

Waxuu sheegay in waxgaradka beesha Mudullood ay xilligaas ku dhiiradeen inay Shirib ka tiriyaan dhibaatadii uu Maxamed Siyaad ka geysanayey waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu xusay in duuliye Axmed Dheere oo ka soo jeeda beesha Mudullood uu abaal weyn u galay dadka dega waqooyiga Soomaaliya, kadib markii uu diiday amar lagu siiyo inuu duqeeyo magaalada Hargeysa, xilligaas oo diyaaradii uu waday uu ula goostay dalka Jabuuti.

“Walaaleen beesha Mudullood hadii ay noo imaan waayeen markii aan kala tagnoo aan wax kala tirsanay, maanta anagoo miisaan leh waxaan go’aasanay inaan walaaleheen u hoyano, oo la qeybsano waxa ay tirsanayeen, shiribkii ay noo tiriyeen xiliyadii adkaa, meel fog ayuu nooga yaallaa, waxaa kaloo meel adag nooga taalla ninkii Mudullood ka soo jeeday Axmed Dheere ee nagala xishooday inuu na duqeeyo ee naftiisa qatarta noo geliyey,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Sidoo kale Boqor Buurmadow ayaa beelaha Mudullood ku amaanay ilaalinta dhaqanka iyo kala dambeynta oo sida uu sheegay ay uga horeeyaan beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka JUBBALAND

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee degmada Kismaayo ayaa si adag uga horyimid amar shalay kasoo baxay xafiiska Duqa degmada Kismaayo, kaasi oo lagu hakiyey dacwadihii dhulka.

Warqada uu maanta soo saaray Guddoomiyaha maxkamada darajada Koowaad ee degmada Kismaayo ayaa la fahamsan yahay inay banaanka usoo saartay khilaaf huursana oo kala dhaxeeyay Duqa degmada.

Guddoomiye Muuse Cismaan Geedi ayaa sheegay in warqada Duqa degmada Kismaayo ayna laheyn wax saldhig qaanuuneed ah, islamarkaana ay kasoo horjeedo awoodda garsooridda ee maxkamaddaha.

“Waxaa cadaynayaa in warqadda Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada ee kor ku xusan aysan laheyn saldhig qaanuuneed, waxaana ka dhalanaya ku xadgudub awoodaha dastuuriga ah iyo shuruucda kale ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee degmada Kismaayo.

“Waxaa u sheegaya bulshada Jubbaland, gaar ahaan bulshada degmada Kismaayo in dacwadihii ay u socdaan sidii caadiga aheyd aysanna jirin wax isbadel ah oo ku yimid habsami u socodkii shaqada garsoorka.”

Guddoomiye Geedi iyo Duqa Kismaayo ayaa isku haya hab qaadista dacwadaha dhulka, oo uu shalay hakiyay Duqa degmada, taasi oo si adag uga horyimid Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee degmadu.

Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda cakiran ee ka taagan Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ka shiraya xaaladda guud ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in kulankooda uu si rasmi ah u furmo gelinka dambe ee maanta oo Arbaco ah, kuna beegan 17-11-2021-ka.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ka dhageystay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo ka hadli doono xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan caqabadaha weli hortaagan doorashooyinka, amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

James Swan ayaa sidoo kale la filayaa i khudbaddiisa uu diiradda ku saaro walaaca weli ku aadan dib u dhaca doorashooyinka oo aad uga daahay qabashada, xilligii loo qorsheeyey.

Sidoo kale waxaa kulankan isna warbixin ka jeedin doono Danjire Francisco Madeira oo ah madaxa AMISOM oo isna diiradda saari doono arrimaha ammaanka ee doorashooyinka.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale kulankooda la filayaa inay ku soo qaadaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha haatan ka jira gudaha dalka.

Kulankan ee ay xaaladda Soomaaliya ka yeelanayaan golaha ammaanka ayaa daba socda qoraalkii dhowaan kasoo baxay beesha caalamka ee looga walaacay doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirtay xaalada kala guur ah oo ka dhalatay doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha oo uu ku yimid u dhac ballaaran.

Yuusuf Garaad Cumar: Qof iyo cod keliya ma’aha xaqa doorasho ee muwaaddinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa qoraal soo saaray kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Yuusuf Garaad ayaa walaac ka muujiyey hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka, wuxuuna sheegay in xaqa ka maqan shacabka xittaa aysan aheyn doorashada inay noqoto qof iyo cod, isla-markaana ‘aan loo ogoleyn’ inay muwaadiniinta isa soo sharraxaan.

Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay lacagaha faraha badan ee laga qaado musharixiinta oo aysan badi awoodin dadka doonaya inay ku biiraan siyaasadda iyo hoggaanka dalka.

“Qof & Cod keliya ma aha xaqa doorasho ee muwaaddinka ka maqan. Inuu isagu murashax noqdo ayaan loo oggoleyn. Waayo Soomaali inteeda badani ma awooddo inay bixiso 10 Kun, 20 Kun & 50 Kun oo doollar si loogu oggolaado tartanka,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Doorashada Soomaaliya ayaa ah mid aad loogu lamayo, waxaana furaha koowaad ah dhaqaalaha oo ay musharixiinta adeegsanayaan, si ay ugu soo baxaan tartanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ka socota doorashada Golaha Shacabka oo tartan adag loogu jiro, isla-markaana ka adag mida Golaha Shacabka.

Sooyaalka Is-baddallada jadwalka doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo lagu wado in beri oo Talaada ah ay si rasmi ah u bilaabmaan doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad dalka ayaa waxaa soo baxaya shaki iyo walaac laga qabo in ay doorashada ku qabsoomi weyso jadwalka ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka heer fedeeral.

Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa Sooyaalka Isbadallada Jadwalka Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, ee dib u dhaca ku yimid.

October 2, 2020: Golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho shir ku lahaa ayaa soo saaray jadwal doorasho, iyaga oo shaaciyey in doorashada Aqalka Sare dhiceyso 1-da illaa 10-ka December halka doorashada xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka December ee sanadkii tagay, waxaa kale oo ku jiray doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da February 2021.

December 23, 2020: Guddida doorashada dadban ee heer federal ayaa soo saaray jadwal ay ku leeyihiin waxaa doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021 iyada 7da Jannaayo 2021 la gudagalayo diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada.

December 29, 2020: Qoraal kasoo baxay guddiga dadban ee doorashada qaranka ayaa u qornaa sidan “Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

June 29, 2021: Golaha wadatashiga ayaa soo saaray jawdal iyaga oo ku sheegay Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare la qoondeeyey in la qabto 25-ka July 2021 halka doorashada xildhibaanada golaha shacabka ay noqoneyso 10 August – 10 September 2021, dalkuna uu madaxweyne yeesho October 10, 2021.

July 16, 2021:  Jadwal ay soo saareen guddiga doorashada dadban ayaa waxaa jadwalkaas ku jiray in doorashada aqalka sare la qabtay July 25-28, 2021 iyada oo la qabanayo codbixinta golaha shacabka September 12-October 2, 2021, lana dhaariyo dhammaan xildhibaannada labada aqal October 7, 2021

September 4, 2021: Jadwal kale oo ay soo saareen guddiga doorashada dadban Qabashada doorashada waxaa ku dhignaa aqalka sare lagu dhameystiro September 18, 2021, laakin taasi ma dhicin ee waxaa la iska soo gaaray ilaa maanta November 13, 2021.

Waxaa isla jadwalka ku xusnaa in la qabto doorashada golaha shacabka October 1, 2021-November 20, 2021.

November 11, 2021:  Guddiga doorashada dadban ee heer federal waxaa uu soo saaray jadwal cusub oo dhigaya in December 24, 2021 lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo digniin u diray shaqsiyaad caqabad ku ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta soo kormeeray dhismaha ka socda wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqabad ku yihiin dhismaha wadadaas.

Kormeerkan ayaa waxa Wasiir Cabdullaahi Nuur ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali Mas’uuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Injineerada gacanta ku haysa dhismaha wadadaas, ayaga oo indha-indheynta ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyo halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada.

Wasiir Cabdullaahi Nuur ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aan dhismaha wadada loo joojin doonin shaqsiyaadka uu sheegay inay caqabad ku yihiin habsami u socodkeeda, isagoona u digay shaqsiyaadkaas.

Waxa uu dadka deegaanka uga mahadceliyay sida ay markasta u garab taagan yihiin dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhismaha wadada ayaa waxa lasoo gebagabeeyay intii badneyd, ayada oo kaalin weyn ay ka qaateen habsami u socodkeeda ciidamada amaanka iyo dadka deegaanka oo isku duuban.

Daawo: Boqor Buurmadow oo si lama filaan ah u shaaciyey arrin uu u tegayo Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu raali gelin ka wado gabood falladii ay xukuumadda Somaliland u geysatay dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Boqorka ayaa sheegay in isaga iyo salaadiin kale ay tegi doonaan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, si walaalaha degan halkaas ay uga raali geliyaan musaafurintii khasabka aheyd ee loogu geystay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Safarkeyga waxaa ku jirta oo ii qorsheysan oo naga go’an aniga iyo odayaasha kale ee Dir ee ila socday, inaan booqasho ku tagno magaalada Baydhaba, oo aan ka raali gelino walaalihii Laascaanood loogu geystay ciqaab wadareedka,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Sidoo kale Boqorka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ciqaab wadareedkii ay Somaliland u geysatay dadka laga soo musaafuriyey Laascaanood, iyadoo loo beegsanayo heyb sooc.

“Dad walaalo ah oo magaalo degan in lagu sameeyo ciqaab wadareed, oo khasab lagu musaafuriyo, iyagoo aan ka diyaar garoobin oo hantidoodii qaadan, inaan taas ka raali gelino ayaan Baydhaba u tegeynaa aniga iyo odayaasha kale ee ila socda,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow.

Hoos ka daawo