25.1 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo digniin u diray shaqsiyaad caqabad ku ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta soo kormeeray dhismaha ka socda wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqabad ku yihiin dhismaha wadadaas.

Kormeerkan ayaa waxa Wasiir Cabdullaahi Nuur ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali Mas’uuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Injineerada gacanta ku haysa dhismaha wadadaas, ayaga oo indha-indheynta ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyo halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada.

Wasiir Cabdullaahi Nuur ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aan dhismaha wadada loo joojin doonin shaqsiyaadka uu sheegay inay caqabad ku yihiin habsami u socodkeeda, isagoona u digay shaqsiyaadkaas.

Waxa uu dadka deegaanka uga mahadceliyay sida ay markasta u garab taagan yihiin dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhismaha wadada ayaa waxa lasoo gebagabeeyay intii badneyd, ayada oo kaalin weyn ay ka qaateen habsami u socodkeeda ciidamada amaanka iyo dadka deegaanka oo isku duuban.

Daawo: Boqor Buurmadow oo si lama filaan ah u shaaciyey arrin uu u tegayo Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu raali gelin ka wado gabood falladii ay xukuumadda Somaliland u geysatay dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Boqorka ayaa sheegay in isaga iyo salaadiin kale ay tegi doonaan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, si walaalaha degan halkaas ay uga raali geliyaan musaafurintii khasabka aheyd ee loogu geystay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Safarkeyga waxaa ku jirta oo ii qorsheysan oo naga go’an aniga iyo odayaasha kale ee Dir ee ila socday, inaan booqasho ku tagno magaalada Baydhaba, oo aan ka raali gelino walaalihii Laascaanood loogu geystay ciqaab wadareedka,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Sidoo kale Boqorka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ciqaab wadareedkii ay Somaliland u geysatay dadka laga soo musaafuriyey Laascaanood, iyadoo loo beegsanayo heyb sooc.

“Dad walaalo ah oo magaalo degan in lagu sameeyo ciqaab wadareed, oo khasab lagu musaafuriyo, iyagoo aan ka diyaar garoobin oo hantidoodii qaadan, inaan taas ka raali gelino ayaan Baydhaba u tegeynaa aniga iyo odayaasha kale ee ila socda,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow.

Hoos ka daawo

Xog: Midowga Murashaxiinta oo dhisaya gole qaran oo dalka maamula + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa qorsheynaya in dhisaan gole qaran oo si ku-meel gaar ah dalka maamula inta ay ka dhaceyso doorasho oo dowlad cusub laga helayo, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulamo maalmahan u socday Midowga oo ay muuqato hubanti la’aan doorashada kadib markii daahitaan weyn uu ku yimid jadwalka doorashada oo marar badan dib u dhacay.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Midowga Murashaxiinta ay rumeysan yihiin in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto dhowr bilood ama ku dhowaad, kadib markii doorashadii Aqalka Sare ay qaadatay ku dhowaad afar bil.

Dhismaha golaha ayaa looga dan leeyahay in cadaadis xooggan lagu saaro madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Golaha qaran ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo haddii aan doorashada golaha shacabka lagu dhameyn inta ka harsan sanadkan ama ugu yaraan aan meel wanaagsan oo geba-gebo ku dhow la gaarsiin.

Dhismaha golaha qaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona in mar kale ay ciidamada Badbaado Qaran soo galaan caasimadda Muqdisho, si la mid ah bishii April markii la fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo.

Murashaxiinta ayaa rumeysan inay socoto muddo kororsi dadban, sida uu maanta qoraal uu soo saaray ku shaaciyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Midowga.

“Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.”

Caasimada Online ayaa rumeysan in daahitaanka doorashada iyo muddo kororsiga dadban uu qeyb ka yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo doonaya inuu xilka sii haysto, maadaama madaxweyne cusub ay ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo.

‘Muddo kororsi dadban oo socda’ xilli la filayey doorasho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in dalka uu ka socdo muddo kororsigii laga badbaadiyey, kaasi oo dagaal xoogan ka riday magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in damaca koox gaar ah uu ka weynaaday jiritaanka dowladnimada, islamarkaana uu si dadban u dhaqan galay muddo kororsigii, taasi oo uu sheegay inaysan marnaba aqbali dooni.

“Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay samata-bixin deg deg ah, oo uu dalka sidan sii ahaan karin, isagoona shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan in dalka laga saaro xaalada halista ee u horseeden kooxda muddo kororsi doonka ah.

“Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.”

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku jira bishii sagaalaad ee xukunka tan iyo markii waqtigiisa uu dhammaaday, waxaana la rumeysan yahay in uu kursiga kusii fadhin karo muddo intaas ka badan, maadama uu gaabis badan ka jiro habsami u socodka doorashada.

Sacuudiga oo billaabay inuu dhalasho siiyo qaar ka mid ah ajaaniibta dalkaas + Sababta 

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Isniintiii dhalasho siisay koo ajaaniib ah oo isugu jira dhaqaatiir, culimo iyo aqoonyahano, isaga oo noqday dalkii labaad ee ka tirsan Khaliijka ee sidaas sameeya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay dikreeto Khamiistii tagtay uu soo saaray boqorka oo dhalasho lagu siinayo “ajaaniibta hibada gaarka ah leh,” kuwaasi oo gacan ka geysan doono kobaca boqortooyada, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. 

Ajaanibta Sacuudiga ayaa inta badan dalkaas ku jooga dal-ku-gal badanaa sharci ah kaliya dhowr sano, oo lagu xiro inay shaqo haystaan. 

Barnaamijka cusub ee dhalashada lagu bixinayo ayaa raadinaya dadka dalka ku jooga mixnadaha Islaamiga ah, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, cayaaraha iyo taknoolajiyadda.

Qorshaha ayaa ah in dalku ceshto dadka hibada gaarka ah iyo aqoonta leh, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka loogu magac daray Vision 2030, oo dalkaas uu doonaya inuu uga maarmo in dhaqaalaha dalka uu ku tiirsanaado kaliya shidaalka.

Sida ay shaaciyeen warbaahinta gudaha, kooxda dhalashada la siiyey ayaa waxaa ku jiro culimo horey u taageeray mowqifka boqor Salmaan ee lagu qafiifiyey xeerarkii adkaa ee diimeed ee dalkaas ka jiray, khubaro maaliyadeed, dhaqaatiir, iyo aqoonyahano ku takhasusay injineeriyadda, kimistariga iyo isgaarsiinta. 

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo Sacuudi Carabiya ay raadineyso inay xarun u noqoto gobolka ayada oo loo marayo maal-gashiga dibadeed iyo aqoonta dadka hibada leh ee ajaaniibta ah. 

Bishii Janaayo, Imaaraadka Carabta ayaa ku dhowaaqay barnaamij dhalasho lagu siinayo maal-gashtayaasha iyo xirfadlayaasha kale, oo ay ku jiraan saynisyahanada, dhaqaatiirta iyo qoysaskooda. 

Imaaraadka ayaa sanado badan ahaa xarunta ganacsiga iyo maaliyadda ee Khaliijka, hase yeeshee waxaa hadda loolan xoogan uga imanayaa Sacuudi Carabiya.

DF oo jawaab ka bixisay go’aankii Golaha Ammaanka QM uu ka gaaray Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa ka hadlay go’aankii uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu markale dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Danjire Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya awood buuxda loo siiyay in hub walba oo galaya gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iney ogaato, xilli go’aanka Golaha Amaanka ee QM uu dhigayo in Soomaaliya sii saarnaato muddo sanad ah xayiraada hubka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xiligan la qaado dhamaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya, taasi oo lagu soo rogay tan iyo 1992, sannadkii kadib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilligaas oo uu hubkii dowladda uu gacanta u galay dad shacab ah.

“Waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ogaado halbeegyada si cad loo qeexay, waaqici ah iyo kuwa la qiyaasi karo, iyadoo lala tashanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in si buuxda looga qaado dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya,’ ayuu yiri danjire Baalle.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadihii u dambeeyay sii cusbooneysiinayay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.

Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab.

Golaha ayaa qaba inay weli ay sii wadaan carqaladeynta xasiloonida Soomaaliya dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay xoojiso dagaalka ka dhan ah kooxahaas, si loo wiiqo awoodooda.

Sawirro: Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejiyay DF iyo qorshaha loo adeegsanayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan Ciidanka xoogga dalka, ee dagaalka kula jira argagixisada.

Gaadiidkan ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gor-Gor, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga.

Waxaa la wareegay gaadiidkan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo ku wareejiyeen Xubno ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan TURKISOM

Xubnaha ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay Gaadiidkaan, iyada oo aysan aheyn markii ugu horreeysay oo dowlada Turkiga ay gaadiid ku wareejiso dowladda Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu wareejisay.

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

Caawimaada Turkiga ayaa qeyb weyn ka ciyaarta dadaalada ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka ay ku tayeynayaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Ururka Al-Shabaab.

Daawo Sawirrada: Daacishta Soomaaliya oo soo bandhigay dagaal-yahannadooda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee faraca Soomaaliya ayaa maanta dagaal-yahano cusub ku soo bandhigtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Dagaal-yahanadaan oo aad u hubeysan ayey kooxdu ku soo bandhigtay xero ku taalla halkaasi, taasi oo lagu magacaabo Abu-Waliid Al-Saxraawe, sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen.

Sawirro laga soo qaaday dagaal-yahanadaasi ayaa muujinaya iyaga oo tobabar ku qaadanaya gudaha xeradaasi, kuna hubeysan hub culus iyo kuwo fudud.

Sidoo kale dagaal-yahanada ayaa sameynayey dhoolatus xoogan, iyaga oo xiran dhar tuuta ah, sidoo kalena uu u duubnaa wejiga,

Kooxda Daacish oo si aad ah ugu xoogan maamulka Puntland oo ay dagaal kula jiraan, ayaa waxay muddooyinkii dambe waday is ballaarin, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah ka wady buuraleyda gobolka Bari.

Ma aha markii u horeysay ee Daacishta Soomaaliya ay soo bandhigto dagaalyahano ka tirsan oo tobabar ku qaadanaya xerooyin ku yaalla gobolka Bari, waxayna sidan oo kale dhowr jeer u soo bandhigtay dagaal-yahano badan.

Wararkii ugu dambeeyey ee labada qarax ee maanta ruxay Kampala + Khasaaraha

Kampala (Caasimada Online) – Laba qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaga oo dhaawacay tobaneeyo qof, waxaana booliska ay ku qeexaan weerar lagu soo qaaday magaalada.

Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska.

“Waxaan dhihi karnaa kani waxa uu ahaa weerar, balse cidda ka dambeysay waa arrin baaritaan uu ku socdo,” waxaa sidaas yiri kaaliyaha kormeeraha guud ee booliska Uganda, Edward Ochom oo la hadlay AFP.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay.

“Kadib ficilkan nasiib-darrada iyo argagixisada ah, shaqaalaheena caafimaadka waxay si aan kala joogsi laheyn uga shaqeynayaan inay badbaadiyaan nolosha kuwa la dhaawacay,” ayuu yiri.

Ochom ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska uu soo daadiyey muraayadaha daaqadaha, halka mid ka ka dhacay agagaarka halka laga galo baarlamanka ay ku gubteen gawaari tiilay baarkinka.

Qaraxyada mataanaha ee maanta ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF, oo Mareykanka uu la xiriiriyey kooxda Daacish.

Kulankii baarlamanka ee maanta ayaa la baajiyey kadib weerarada, waxaana xubnaha la weydiistay inay ka fogaadaan aagga.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan aagga, ayna xaaladda kala socdaan warbaahinta gudaha.

Booliska Uganda ayaa bishii tagtay xiray qof ka tirsan ADF, waxayna ka digeen in xagjiriinta la rumeysan yahay inay qorshaynayeen weerar lagu qaado “dhisme weyn”.

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa kooxda ADF la xiriirisay kooxda Daacish.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013.

AFP + VOA

Baarlamanka Galmudug oo maanta gaaray go’aankii laga sugayey ee la xiriira Guriceel

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraarka dhamaystirka habraaca degmanimo ee Guriceel oo ay hore ugu meel mariyeen golaha wasiirada shirkii lagu qabtay Guriceel bishii lasoo dhaafay.

Wasaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa maanta hor geysay baarlamanka qaraarkan oo warbixintiisa lagu caddeeyay in Guriceel ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa in ay noqoto degmo buuxda.

68-mudane oo fadhiga soo xaadirey ayaa dhammaantood cod gacan taag ah ku meel mariyay qaraarkan oo Guriceel ka dhigaya degmo leh dhammaan xuquuqda ay leeyihiin degmooyinka kale sida mashaariicda hormarineed iyo golle deegaan.

Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada Galmudug oo badi degaan doorashadoodu tahay degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay ansixinta degmannimo ee Guriceel.

Guriceel dhawaan waxaa ka dhacay dagaal socday ku dhawaad shan maalin oo xiriir ah kaas oo u dhexeeyay maamulka oo kaashanaya Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya.

Guriceel waxaa lagu tilmaamaa degmada ugu bulshada badan ee Galmudug, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh, inkastoo bishii lasoo dhaafay ay gashay xaalad dagaal, waxayna hadda u muuqataa in si tartiib tartiib ah ay caadi ugu soo laabatay labadii todobaad ee u dambeeyay.

NISA oo shaacisay xogta laba sarkaal oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan ay ka sameeyeen degmada Dharkenley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugidda.

Sidoo kale NISA ayaa shaacisay in labada sarkaal ee la soo qabtay uu mid ka mid ah ka tirsan yahay amniyaadka iyo halka midka kalena uu qaabilsan yahay aasidda miinooyinka.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in muddo lagu raadjoogay saraakiishan oo xogtoooda la hayey, waxayna u mahadcelisay shacabka deegaanka oo la shaqeeyey.

”Waxaa boggaadin mudan shacabka Soomaaliyeed oo si wanaagsan sirdoonka ula shaqeeyey, xogta saraakiishaana la wadaagay laamaha sirdoonka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan xoojisay howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga.

Si kastaba, Muqdisho ayaa dhowaan martigelineysa doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka iyo mida madaxweynaha oo aad loo sugayo, maadaama loo galayao tartan adag.

DF oo go’aan lama filaan ah kasoo saartay la-kulanka ROOBLE ee Ahlu-Sunna

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ayada oo aad loo rumeysnaa in ra’iisul wasaare uu safarkiisa Dhuusomareeb uga faa’iideysan doono inuu dhameeyo xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug, lana kulmo culimada, ayaa xukuumadda waxay soo saartay war kaas ka duwan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qorshaha Rooble aysan ku jirin in wadahadal uu la galo xoogagga Ahlu-Sunna ee dhawaan dagaalka la galay Galmudug.

Waxaa lagu han-weynaa in Rooble uu u kala dab-qaadi doono maamulka Galmudug iyo culumada hubeysan ee Ahlu-Sunna oo fariisin ka dhigatay deegaanka Bohol oo qiyaastii 40 KM Dhuusamareeb u jira, balse hadda wafdiga Rooble waxa uu shaaciyey intaasi aysan dhici doonin.

“In R/Wasaare Rooble uu wadahadal la geli doono Ahlu-Sunna waxaba kama jiraan, meeshaan waxaa ka jira maamul la yiraahdo Galmudug, ra’iisul wasaaruhu mowqifkiisa mar hore ayuu cadeeyey, kaas ayuuna ku taagan yahay weli, maamulka iyo madaxda halkaan ka jirta ayuu ra’iisul wasaaruhu la garab taagan yahay caawinaada ay u baahan yihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in qorshaha uu Rooble u tegay Dhuusamareeb uu yahay in madaxda Galmudug uu kala hadlo dedejinta doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, isla markaana uu sidoo kale tegi doono xarumaha kale ee dowlad goboleedyada dalka.

Janeraal Aadan Abshir Nuur (Laba Afle) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa maalin ka hor shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, kadib mudo 12 maalmood ah oo Ahlu-Sunna uu kula shirsanaa deegaanka Bohol, waxuuna shaaciyey in natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday wadahadalkii uu maalmahaas kula jiray Ahlu-Sunna.

Jeneraal Laba-Afle waxuu sheegay in isaga iyo saraakiishii la socotay ay soo wakiilatay dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena ay la tashadeen Madaxweynaha Galmudug, si loogu kala dab-qaado Ahlu-Sunna iyo Galmudug, sidaasna ay ku tageen deegaanka Bohol oo fariisin u ah Ahlu-Sunna, balse waxaba ay ka dhaadhi waayeen kooxda, isagoo sheegay inay kala kulmeen damac aan xiligaan suurta-gal ka aheyn Galmudug.

Safarka Ra’iisul wasaaraha oo ku soo aaday maalin kadib hadalkaas ka soo yeeray Jeneraal Aadan Laba-Afle ayaa dadka reer Galmudug geliyey rajo ah in wax un waan-waan ah uu ka dhex bilaabi doono Ahlu-Sunna iyo Galmudug, balse wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qeyb ka ah wafdiga Rooble ayaa la hadlay warbaahinta dowladda, waxuuna meesha ka saaray rajadaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Al-Cadaala

Xog: Ujeedada qarsoon ee ku duugan kulanka Saciid Deni iyo Axmed Madobe ee Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana halkaas soo dhaweyn diiran ugu sameeyey halkaas dhigiisa Saciid Cabdullaahi Deni.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa yeelanaya kulamo dhowr, oo imanaya xilli 20-ka bishaan la filayo inay inta badan maamul Goboleedyada bilaabaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa is watay siyaad ahaan tan iyo markii Farmaajo uu u bareeray dagaalkii Jubbaland.

Saciid Deni waa musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna isku arkaa ninka kaliya ee Farmaajo ka hor istaagi karo inuu mar labaad ku guuleysto kursiga Villa Soomaaliya.

Wuxuu si toos ah dhabarka u xijiyey siyaasiyiintii Muqdisho ee uu dagaalka jilbaha u geliyey, waxaana magaalada Garoowe lagu qeybsanayaa mirihii mucaaradimada xilli madashaas aysan waxba ku laheyn xubnihii mucaaradka ugu halganka, qeylada iyo qarash bixinta badnaa.

Waxaan la hadalnay siyaasiyiin kala duwan si aan wax uga ogaano ujeedka kulanka labada Nin. Saciid Deni wuxuu in muddo ah ka shaqeenayey in Farmaajo uusan siyaasad ahaan usoo kaban, Axmed Madoobe iyo isaga aysan isku soo noqon, siyaasiyiinta Xamar kasoo jeedana ay xiisadda sii xoojiyaan gunaanadka uu ugu yimaado Farmaajo oo itaal daran, mucaaradkii oo la karaahsaday iyo Axmed Madoobe oo cidla taagan.

Waxay u muuqataa in shaqadiisii uu in badan qabsaday, laakiin guuxiisii xilli hore banaanka yimid ayaa sababay in mucaaradkii ka aamin baxaan, Farmaajana uu isku sameeyo is-daahirin siyaasadeed, maamul Goboleedadii kale difaac ka galaan, dood adagna la dul dhigo inuu leeyahay tayo hoggaamineed oo samata bixin karta Soomaaliya.

Markii aan usoo laabano kulanka Garoowe, Axmed Maxamed Islaam dhowr Senator ayuu Saciid Deni uga soo saaray Magaalada Kismaayo halkaas oo lagu doortay 8 xubnood oo Aqalka Sare ah.

Sidoo kalana wuxuu Saciid Deni maamulay 11 Senator oo uu aaminsan yahay inuu isaga leeyahay, balse waxay wararka sheegayaan inuusan 3 kamid ah isku haleyn karin kuwaas oo durba farahooda lagu arkay meelo kale.

Hadda Saciid Deni wuxuu rabaa in Axmed Madoobe iyo isaga ka heshiiyaan inta kursi ee uu uga soo saari karo Jubaland. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu gacanta ku heysto liis xidhibaano ah oo uu rabo inuu kasoo saarto Puntland, si taas lamid ahna wuxuu Axmed Madoobe ka rabaa inuu u qoro tirada xubnaha uu siin karo si uu lacagtooda u baxsado.

Xubnahaan sida jarka ah loo kala iibsanayo inay berri cod siin karaan Saciid Deni waa dood kale oo haddii diiwaankii hore lagu laabtana cabsideeda leh.

Axmed Madoobe wuxuu u muuqdaa siyaasi gudaya abaal aan muuqan. Saciid Deni isagoo og in madaxweyne Farmaajo waxba u dhimin Puntland ayuu cadaawad jeebkiisa ah u sameeyey Puntland iyo Farmaajo si uu ugu diyaar garoobo qorshihiisa Villa Somalia.

Inkastoo Axmed Madoobe uusan wax gooni ah ka faa’idin dagaal siyaasadeedkii mudada socday oo uu maanta joogo Kismaayadiisii shalay, haddana si guud Saciid Deni ayuu u arkaa nin u hiiliyey waqtigii uu jilicsanaa.

Jubaland waxaa taalo 43 kursi oo xildhibaanada Golaha Shacabka ah, laakiin 16 kamid ah waxaa lagu dooran doonaa Magaalada Garbahaarey, halkaas oo uusan wax badan ka gelin Axmed Madoobe waqtigaan, halka ay Magaalada Kismaayo taalo 27 Kursi oo uu go’aanka ugu dambeeyo leeyahay Axmed Madoobe.

Kooxda Saciid Deni geedka fadhiga u ah ee Aaran Jaan waxay si aan qarsooneyn u sheegayaan in 27-daas kursi ee Kismaayo taalo ka rabaan 20 kursi.

Marka al eego sida ay marxaladuhu isku saaran yihiin iyo cariiriga muuqda waa adag tahay in lagu deg dego in Saciid Deni qaadan karo xilka madaxweyaha Soomaaliya, laakiin sheekada u baahan fahamka dhabta ah waa sida uu hoggaamiyaha Jubaland u aqbali karo inuu dakano siyaasadeed u galo qof kale dartiis. Laakiin kooxdiisa qaar waxay isku qancinayaan inay yihiin shirko siyaasadeed oo raba inay wada-qaataan Villa Somalia.

Kulankaan kadib Labada Nin ee Deni iyo Axmed Madoobe waxaa la filayaa inay bilaabi doonaan doorashada Golaha Shacabka.

Daawo: Boqor Maxamed oo shaaciyey arrimo xasaasi ah oo uu ku lug leeyahay Mahdi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ku eedeeyey inuu boob ku hayo doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee xildhibaanada golaha shacabka, sidoo kale Boqor Maxamed waxa uu sheegay in lagu weeraray guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Boqor Maxamed ayaa sheegay in 9-ka kursi ee guddiga maamulka doorashada Somaliland ay jadwalkooda shaaciyeen uu qaar ka mid ah saxiixooda isagu lahaa, balse Mahdi Guuleed uu hadda qorsheystay inuu isagu saxiixdo kuraastaas, sida uu sheegay.

“Halkaan waxaan u joognaa midnimada Soomaaliya, hadii maanta kuraasteena Muqdisho lagu boobo waxay dhabar jab ku noqon doontaa qaranimada Soomaaliya, anaguna tallaabo kale ayaan qaadi doonaa,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Boqorka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 27-kii bishii hore uu ku socday weerar toos ah, isagoo eedeyn u jeediyey qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay loo adeegsaday.

“Laba goor ayaa xilli habeen ah guriga la iigu soo dhacay, xafiisyo ay ku jiraan xeer ilaalinta guud ee qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha, CID-da, taliyaha guud ee ciidanka booliska iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka, ayaa naloo adeegsanayan, si loo boobo doorashada kuraasta BF, waxaan noogu daran wasiirka arrimaha gudaha oo si sharci darro ah u bedelaya odayaasheena dhaqanka, waxaan dalbaneynaa in deg deg loo joojiyo arrintaan boobka ah,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Dhanka kale Boqor Maxamed ayaa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee lagu dulmiyey doorashadaan waxuu ugu baaqay inay qabsadaan doorasho kale, isagoo balan qaaday inuu ka mid noqon doono odayaashooda saxiixayaasha ah.

“Ka Boqor ahaan xil ayaa iga saran kuraasta Somaliland, waxaan ka turjumeynaa oo in ka badan 10 sano aan halkaan u joognaa midnimo Soomaaliyeed, waqti badan ayaa nooga lumay, welina kama aanaa quusan, dowladan waqtigeedu dhamaday, kuma sii eegan doono dibin-daabyada ay ku heyso dalka, gaar ahaan Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Boqor Maxamed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Hoos ka daawo

Muxuu Jeneraal Laba Afle ka yiri tallaabada xigta fashilka wada-hadallada Ahlu-Sunna?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa ugu dambeyntii guul darro iyo natiijo la’aan ku soo dhammaaday wada-hadalladii lagula jiray Ahlu Sunnada ku sugan deegaanka Bohol, kadib markii ay socon waayeen dadaallo ay wadeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo uu horkacayey Generaal Aadan Abshir Nuure oo loo yaqaano (Laba Afle).

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda haatan u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Galmudug oo dhowaan dagaallo qaraar ay ku dhex-mareen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Haddaba maxaa xiga mar haddii ay fashilmeen wada-hadalladii Ahlu Sunna?

General Laba Afle oo u warramay BBC-da wuxuu shaaca ka qaaday inay gacanta ka taagteen wada-hadalladii socoday, wuxuuna tilmaamay in ay ka socon waayeen dhinaca hoggaanka sare e Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

“Galmudug ayey u taallaa haddii ay wadahadal ama si kale u xallineyso arrinta Ahlu Sunna, annaga waan isaga soo baxnay.” ayuu yiri Generaal Laba Afle.

Sidoo kale wuxuu timaamay in tallaabada kale ee xigta ee la qaadayo u taallo dowladda federaalka iyo Galmudug oo wadajira, maadaama uu sheegay inay socon weysay nabadeyntii ay wadeen, saraakiisha uu hoggaaminayey oo ka soo jeeda Galmudug.

“Waxaa xiga dowladda Galmudug ayay u taallaa mar haddii annaga oo ah saraakiil ka soo jeedda deegaanka ah ay naga socon waayeen nabadeyntii aan wadnay oo aan ugu daneynaynay shacbaka iyo guud ahaan Galmudug.” ayuu markale sii raaciyey hadalkiisa.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda horay isaga fogeysay dhammaan eedeymaha loo jeediyey ee ah inay ka biyo diiday wada-hadalladii nabadeynta ee socday, waxaana madaxa arrimaha siyaasadda ee Ahlu Sunna Waljamaaca Cabdisalaan Adaan Xuseen uu shaaca ka qaaday inay marweliba diyaar u yihiin in miiska wada-hadalka lagu dhameeyo xiisadda taagan.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa qorshahiisa waxaana qeyb ka aheyn in la kulmo hoggaanka Ahlu Sunna, sida uu shaaciyey wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda dagaal ee Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug, maadaama ay haatan xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol, waxaana markasta suuragal ah inay labada dhinac dagaalamaan, maadaama ay soo xirmeen albaabadii wada-hadallada ee lagu qaboojinayey xiisaddooda.

Ninkii fuliyey weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay Al-Shabaab ku qaado dalka Kenya oo xabsi ka baxsaday

Nairobi (Caasimada Online) – Jihaadi lagu xukumay 41 sano oo xabsi ah sababo la xiriira inuu ku lug lahaa mid ka mid ah weeraradii argagixiso ee ugu xumaa ee ka dhaca dalka Kenya, ayaa Isniintii ka baxsaday xabsi aad loo sugo amnigiisa.

Mohamed Ali Abikar ayaa waxaa sidoo kale la baxsaday laba nin oo kale oo ayagana u xirnaa eedeymo argagixiso, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kenya. 

Bayaan kasoo baxay, Agaasinka Dambi-baarista Kenya ayaa lagu sheegay in Mohamed Ali Abikar uu u xirnaa inuu ku lug lahaa weerarkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Garissa oo ay ku dhinteen 148 qof oo badankood ahaa arday.  

Ayaga oo ku qeexay in dhammaan saddex qof ee baxsaday ay yihiin “halis,” ayaa booliska waxay yabooheen 60 milyan oo Kenya shilling ah una dhiganta $536,000 oo la siinayo qof kasta oo soo gudbiya akhbaar hoggaamin karta in lasoo qabto.

Labada qof ee kala ee ka baxsaday xabsiga Kamiti ayaa magacyadooda lagu sheegay Joseph Juma Odhiambo, oo 2019-kii loo xiray inuu isku dayayey inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab, iyo Musharaf Abdalla Akhulunga oo loo xiray inuu ku lug lahaa weerar fashilmay 2012 oo lagu qaadi lahaa xarunta baarlamanka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Jaamacadda Garissa, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kenya tan iyo qaraxyadii 1998-kii ay Al-Qacida ku qaaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Darussalam oo ay ku dhinteen 258 qof.

Al-Shabaab ayaa weeraro joogto ah ka fulisay Kenya, si ay ugu cadaadiso Nairobi inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab weli kama hadlin baxsashada Mohamed Ali Abikar oo dhabarjab weyn ku ah Kenya. 

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaal ka dhacay degmada WANLAWEYN

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna ka dhashay, ka gadaal markii ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen isbaaro ay maleeshiyaad hubeysan soo dhigteen inta u dhexeysa Walanweyn iyo Yaaqbari Weyne.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka labada dhinac ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed, Yoonis Aadan oo ka hadlay dagaalkaasi wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen ciidamada ammaanka isbaari tiilay halkaasi, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubeysnaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raadjoogaan rag kale oo ka mid ah maleeshiyaadkaas oo baxsad ah, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan.

Wanlaweyn waxaa marar badan ku soo laa laabtay dagaallo kala duwan oo salka ku haya isbaarooyin iyo aano Qabiil, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda ku sugan ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Golaha ammaanka QM oo kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo lasoo rogay bishii Janaayo ee sanadkii 1992-dii xiligaas oo ay dalka ka qarxeen dagaallo sokeeye.

Golaha ammaanka ayaa muddo sanad ah ku daray muddada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.

Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha ayaa shaaca ka qaaday in weli dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ay sii wadaan carqaladeynta xasiloonida Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday warbixinada la xiriira musuq-maasuqa ee ka jira dalka, gaar ahaan leexsashada hantida guud ee Soomaaliya.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale waxa ay ugu baaqeen dowladda federaalka inay xoojiso dagaalka Al-Shabaab, si awoodooda loo wiiqo.

Ugu dambeyn golaha ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay sii wadaan la shaqeyntooda beesha caalamka, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Afar sano kadib xildhibaankaagii ma kuu daneeyey mise waa kaa daneystay?

0

Waxkasta waxa ay leeyihiin xisaab xir iyo meel gunaanad ah oo lagu xaqiijiyo  u jeedkii  loo diray  taabo galkiisa ama ku guul dareysigiisa!.

Soomaaliya 4 tii sanaba mar ayay xisaab xir siyaasadeed gashaa waxaa isku soo baahdaa oo dib isku arka  siyaasiyiin iyo shacabkii soo doortay  oo laga yaabo qaarkood in ey isugu dambeysay 4 sano ka hor maalintii xilka la raadinaayey, waliba xilalku iskuma jiraan ee waxaa xiligaan oo kale baahi weyn loo qabaa  codka bulshada  waayo waxaa gacantooda ku jira oo kaliyah ee ay laamaha dowlada  ka doortaan waa xildhibaanka aqalka hoose ee baarlamaanka kaas oo ah  halbowlihii dowlada ama aas aaskii laamaha dowlada.

Inkastoo xildhibaanka si guud  uu u yahay xildhibaan  qaran hadana wuxuu ku fadhiyaa kooto qabiil iyo mid maamul ama deegaan hadaba xildhibaankii 4 tii sano ee la soo dhaafay  aan wax door ah  ku yeelan horumrka, u doodida xuquuqdooda, difaacida deegaankiisa ama reerkiisa  ee dhex muquurtay siyaasado ka dhan ah  ama iska aamusay ee aan  maashaariicda horumarineed  aan wax uga raadin ee hadana  u soo taagan in 4 snao oo kale la siiyo wuxuu maanta mudan yahay in la yiraahdo  noomaadan daneyn ee waa naga daneysatay ee fadlan raali noqo.

Hadba si weydii ama weydii xildhinaankaagii 4 tii snao ee la soo dhaafay arimahan wuxuu ka qabtay?

  1. Mashaariic uu soo dhiciyey degaanka majirtaa?
  2. Minxooyin wax barasho oo uu u keenay ma jirtaa?
  3. siyasad ahaan ma matalay deegaankiisa oo ma u taagnaa ?

4.ma shaqo galiyey dhalinyaradda uu matalo oo dowlada wax ma uga raadiyey?

  1. tan ugu daran imisa jeer ayuu booqday dadkii soo doortay oo la sootashaday?

Hadaba intaas  oo ah inta ugu yar hadaad ka weysay  waad lug go’day ee yaan laguu celi muwaadin.

Muhiimadda xildhibaan loo doorto waa in uu matalo deegaan iyo dad ee ma’ahan in uu ku raaxeysto ama ku kaluumeysto xilkaas  mana ahan shirkad ganacsi  oo uu gar u leeyahay  xilka waxaa leh dad  soomaali ayaa horey u tiri nin xilqaaday eed qaad hadaba mudane garo waxa laguu geeyey booskaas.

Xildhibaankii intaas garowsan ama soo gutay waxaa xaqiiq ah in uusan 4 sano kale  soo hunguriyeyn doonin oo uu jecleysan doono in qof masuuliyadaas culus kala wareega uu yimaado laakin  ninka  asagu ku daneystay sheekadiisu waa dhadhanshaa waalan dhargaana ka daran mana leh miir oo waa kuwa qaarkood ayagoo   4 sano 8 sano 12 sano xilka soohayey hadana xoolo ku dhiibaaya sidii markale loogu dooran lahaa booskaas  oo xataa xanaaqaya hadey arkaan qof kale uu u sharaxan booskaas sida in dhaxalkiisi lagu hayto.

Hadaba muwaadin ha yeelin  4 sano kadib in halqado oo hotel laguugu sameeyo lagaaga qaato masiirkaagi ama  4 sno kadib  hal iskuul ama hal ceel oo aan hirgali doonin lagaaga sasabto xuquudaadi   maanta ayuu masiirkaagi gacanta kuugu jiraa ee dooro mid kula jiri doon inta uu xilka hayo ee ha dooran mid 4sano aadan arki doonin xataa taleefankiisana aadan  haleeli doonin.

Ugu dambeyn  waxaan kusoo gabagabeynayaa xildhibaankii  albaabka xirtayoow? ma maqashay aadan yabaal usoo aroor abaalna kuuma erganee!.

W/Q: Hassan H Ahmed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Caqabadihii hortaagnaa doorashada Soomaaliya oo ugu dambeyn laga guuleystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay Soomaaliya, waxaana la shaaciyey kuraas kale oo la qabanayo toddobaadkan gudihiisa, taasi oo dhaqaajinaysa rejada doorashada madaxtinimada dalka.

Tan iyo markii uu dalka u jiheystay hanaanka doorashada waxaa hortaagna caqabado kala duwan, kuwaasi oo dhowr jeer dib u dhigay jadwal doorashadeedyo la soo saaray, haddaba xiligan ma jiraan caqabadahaas?

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro ayaa sheegay inaysan jirin caqabadihii badnaa ee ku gadaamna doorashooyinka dalka.

“Waxa marwalba jiray caqabado hortaagna doorashada iyo is-mari-waayo siyaasadeed, hadda majirto duruuf ku hor gudman inay bilaabato doorashada, markaa majirto sabab aan loo bilaabi karin.”

“Doorashada inaga leh waa madax-banaanideena, dadka Soomaaliyeed in ay qabsadaan waa wax looga baahan yahay, weliba mas’uuliyiinta qaranku ee iyagu saxiixay heshiiska doorashada ayaa waajib gaar ah sii saaran yahay inay door ka qaatan sidii doorashadaas u fuli laheyd oo meelaha laga bilaabina dhaqso looga bilaabo ay tahay.”

Guddoomiye Ciro ayaa sidoo kale sheegay in khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee hortaagna doorashada iyaguna ay meesha ka baxeen, islamarkaana ay tahay in la dedejiyo dhameystirka doorashada.

Doorashooyinka Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid ayaa xiligan ku socda jawi wanaagsan, waxaana soo dhamaatay doorashada Aqalka Sare, ayada oo dhawaan si hordhac ah loo guda galay midda Golaha Shacabka.