25.1 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Afar sano kadib xildhibaankaagii ma kuu daneeyey mise waa kaa daneystay?

0

Waxkasta waxa ay leeyihiin xisaab xir iyo meel gunaanad ah oo lagu xaqiijiyo  u jeedkii  loo diray  taabo galkiisa ama ku guul dareysigiisa!.

Soomaaliya 4 tii sanaba mar ayay xisaab xir siyaasadeed gashaa waxaa isku soo baahdaa oo dib isku arka  siyaasiyiin iyo shacabkii soo doortay  oo laga yaabo qaarkood in ey isugu dambeysay 4 sano ka hor maalintii xilka la raadinaayey, waliba xilalku iskuma jiraan ee waxaa xiligaan oo kale baahi weyn loo qabaa  codka bulshada  waayo waxaa gacantooda ku jira oo kaliyah ee ay laamaha dowlada  ka doortaan waa xildhibaanka aqalka hoose ee baarlamaanka kaas oo ah  halbowlihii dowlada ama aas aaskii laamaha dowlada.

Inkastoo xildhibaanka si guud  uu u yahay xildhibaan  qaran hadana wuxuu ku fadhiyaa kooto qabiil iyo mid maamul ama deegaan hadaba xildhibaankii 4 tii sano ee la soo dhaafay  aan wax door ah  ku yeelan horumrka, u doodida xuquuqdooda, difaacida deegaankiisa ama reerkiisa  ee dhex muquurtay siyaasado ka dhan ah  ama iska aamusay ee aan  maashaariicda horumarineed  aan wax uga raadin ee hadana  u soo taagan in 4 snao oo kale la siiyo wuxuu maanta mudan yahay in la yiraahdo  noomaadan daneyn ee waa naga daneysatay ee fadlan raali noqo.

Hadba si weydii ama weydii xildhinaankaagii 4 tii snao ee la soo dhaafay arimahan wuxuu ka qabtay?

  1. Mashaariic uu soo dhiciyey degaanka majirtaa?
  2. Minxooyin wax barasho oo uu u keenay ma jirtaa?
  3. siyasad ahaan ma matalay deegaankiisa oo ma u taagnaa ?

4.ma shaqo galiyey dhalinyaradda uu matalo oo dowlada wax ma uga raadiyey?

  1. tan ugu daran imisa jeer ayuu booqday dadkii soo doortay oo la sootashaday?

Hadaba intaas  oo ah inta ugu yar hadaad ka weysay  waad lug go’day ee yaan laguu celi muwaadin.

Muhiimadda xildhibaan loo doorto waa in uu matalo deegaan iyo dad ee ma’ahan in uu ku raaxeysto ama ku kaluumeysto xilkaas  mana ahan shirkad ganacsi  oo uu gar u leeyahay  xilka waxaa leh dad  soomaali ayaa horey u tiri nin xilqaaday eed qaad hadaba mudane garo waxa laguu geeyey booskaas.

Xildhibaankii intaas garowsan ama soo gutay waxaa xaqiiq ah in uusan 4 sano kale  soo hunguriyeyn doonin oo uu jecleysan doono in qof masuuliyadaas culus kala wareega uu yimaado laakin  ninka  asagu ku daneystay sheekadiisu waa dhadhanshaa waalan dhargaana ka daran mana leh miir oo waa kuwa qaarkood ayagoo   4 sano 8 sano 12 sano xilka soohayey hadana xoolo ku dhiibaaya sidii markale loogu dooran lahaa booskaas  oo xataa xanaaqaya hadey arkaan qof kale uu u sharaxan booskaas sida in dhaxalkiisi lagu hayto.

Hadaba muwaadin ha yeelin  4 sano kadib in halqado oo hotel laguugu sameeyo lagaaga qaato masiirkaagi ama  4 sno kadib  hal iskuul ama hal ceel oo aan hirgali doonin lagaaga sasabto xuquudaadi   maanta ayuu masiirkaagi gacanta kuugu jiraa ee dooro mid kula jiri doon inta uu xilka hayo ee ha dooran mid 4sano aadan arki doonin xataa taleefankiisana aadan  haleeli doonin.

Ugu dambeyn  waxaan kusoo gabagabeynayaa xildhibaankii  albaabka xirtayoow? ma maqashay aadan yabaal usoo aroor abaalna kuuma erganee!.

W/Q: Hassan H Ahmed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Caqabadihii hortaagnaa doorashada Soomaaliya oo ugu dambeyn laga guuleystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay Soomaaliya, waxaana la shaaciyey kuraas kale oo la qabanayo toddobaadkan gudihiisa, taasi oo dhaqaajinaysa rejada doorashada madaxtinimada dalka.

Tan iyo markii uu dalka u jiheystay hanaanka doorashada waxaa hortaagna caqabado kala duwan, kuwaasi oo dhowr jeer dib u dhigay jadwal doorashadeedyo la soo saaray, haddaba xiligan ma jiraan caqabadahaas?

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro ayaa sheegay inaysan jirin caqabadihii badnaa ee ku gadaamna doorashooyinka dalka.

“Waxa marwalba jiray caqabado hortaagna doorashada iyo is-mari-waayo siyaasadeed, hadda majirto duruuf ku hor gudman inay bilaabato doorashada, markaa majirto sabab aan loo bilaabi karin.”

“Doorashada inaga leh waa madax-banaanideena, dadka Soomaaliyeed in ay qabsadaan waa wax looga baahan yahay, weliba mas’uuliyiinta qaranku ee iyagu saxiixay heshiiska doorashada ayaa waajib gaar ah sii saaran yahay inay door ka qaatan sidii doorashadaas u fuli laheyd oo meelaha laga bilaabina dhaqso looga bilaabo ay tahay.”

Guddoomiye Ciro ayaa sidoo kale sheegay in khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee hortaagna doorashada iyaguna ay meesha ka baxeen, islamarkaana ay tahay in la dedejiyo dhameystirka doorashada.

Doorashooyinka Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid ayaa xiligan ku socda jawi wanaagsan, waxaana soo dhamaatay doorashada Aqalka Sare, ayada oo dhawaan si hordhac ah loo guda galay midda Golaha Shacabka.

Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Kampala + Khasaaraha

0

Kampala (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Uganda ayaa sheegaya in saaka laba qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen bartamaha magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Qaraxyada oo ahaa kuwa xoogan ayaa gilgilay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana sidoo kale ka dhashay dab qabsaday goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen & gaadiid ka agdhowaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu bartilmaameedsaday xarun weyn oo laga dukaameesto, una dhu dhow saldhigga ciidamada Booliska, halka midka kalena uu ka dhacay waddo ku dhow xarunta baarlamaanka ee dalka Uganda.

Inta la xaqiijiyey waxa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan illaa laba qof, halka ay ku dhaawacmen tiro kale, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan Booliska.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay qaraxyadu ka dhaceen, si loo hubiyo xaaladda guud ee goobahaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u cakiran, waxaana haatan dowladda ay ku mashquulsan tahay u gurmashada dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Uganda ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay weeraro ka dhacayey Kampala, waxaana horey u sheegatay qaraxyadii ka dhacday dalkaasi Daacish oo weeraro ka fulisa caalamka.

Xog: Saddexda ujeedo ee ka dambeysa safarka Roole ee Dhuusamareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ku tagay Magaalada Dhuusamareeb Xarunta maamulka Galmudug.

Waa xilli ay maamulada si toos ah ugu diyaar garoobayaan inay bilaabaan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, wuxuuna maamulka Galmudug ku jiraa maamulada la filayo inay ugu dambeyn 20-ka bishaan bilaabaan doorashada.

Ra’isulwasaare Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa joogi doono Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada Galmudug illaa iyo seddex cisho.

Safarka Rooble ee Dhuusamareeb wuxuu bilow u yahay safaro uu rabo inuu ku maro dhammaan maamul Goboleedyada dalka inta ay socoto doorashada Golaha Shacabka.

Safarada waa kala ujeedo, safarka Ra’isulwasaare Rooble ee Dhuusamareeb wuxuu ku saabsan yahay seddex arrimood oo dhammaan muhiim u ah dalka iyo deegaanada Galmudug.

1- Doorashada Golaha Shacabka

Galmudug waxay dhawaan soo afjartay doorashadii Aqalka Sare, waxay hadda isku diyaarineysaa middii golaha Shacabka.

Rooble wuxuu doonayaa inuu marqaati ka noqdo Galmudug oo lagu dooranayo xubno kamid ah Golaha Shacabka.

Xubno kamid ah madaxtooyada Galmudug ayaa xaqiijiyey in Ra’isulwasaare Rooble dalbaday in illaa iyo Shan kursi la doorto inta uu ku sugan yahay deegaanada Galmudug.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo aan is arag tan iyo markii Qoor Qoor ay u suurta geli weysay inuu xaliyo xiisaddii Farmaajo iyo Rooble ayaa Maanta dib isku qaabilay, iyadoo maalmaha uu Rooble joogo Galmudug la isla gorfeyn doono geediga doorashada iyo isbadalka la naawilayo intaba.

2- Samafal

Dhawaan Galmudug waxaa ka dhacay dagaalo ay dad badan ku dhinteyn kuwa badana ay ku barakaceyn, wuxuuna maamulka Galmudug dalbaday gurmad deg deg ah, waxaana loo saaray guddiga.

Dhinacyada ay kaalmada ka dalbadeyn waxaa kamid ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Ra’isulwasaare Rooblana waxaa la sheegay inuu wado daawo iyo Agab kale oo loogu talagalay dadka deeganka ku barakacay.

Waxaa macquul ah inuu booqdo Guriceel halkaas oo ay dhawaan ku dagaalameyn Ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa kooxda Ahlu Sunna.

Dadka deegaanka ayuu rabaa Ra’isulwasaaruhu inuu soo xaal wareysto iyo inuu gaarsiiyo gargaarka ay ugu talagashay Dowladda Federaalka ayuu yiri mid kamid ah howl-wadeenada xafiiska Ra’isulwasaaraha.

3- Xal raadin

Sida ay dadka intooda badan la socdaan, kooxda Ahlu Sunna waxay weli carcar u tahay dagaalo kale oo ka dhaca deegaanada Galmudug, waxay ciidan ku aruurinayaan deegaanka Bohol, dhawaana waxaa la sheegay inay qeybiyeen hub iyo mushaar.

Saraakiil deegaanka ah oo loo diray inay wada-hadal lasoo furaan ayaan kala soo laaban natiijo wax ku ool ah .

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud waxa uu dhawaan sheegay in haddii Galmudug diido sida ay wax u rabaan oo aan lala hadlin inay dowladnimadooda gaarka ah sii wadan doonaan ayna iska celin doonaan ciddii ka hor timaada. Farrintaas waxaa lagu tilmaamay dhiilo ogeysiiskeeda wadata .

Ra’isulwasaare Rooble inta uu joogo Galmudug waxaa la filayaa inuu isku dayo inuu xalka qeyb ka noqdo oo uu abuuro jawi ay Galmudug kaga badbaadi karto inay mar kale dagaalo ka dhacaan. Dagaalo kale oo ka dhaca Galmudug ayaa si weyn u saameyn kara Shaqada doorashada.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa la xaqiijiyey marka uu safarkaan kasoo laabto inuu aadi doono Hirshabelle, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland si uu u xaqiijiyo inay doorashada noqoto mid daah furan oo aan lagu takri-falin tartamayaasha.

Mid ka mid ah culimada ugu weyn Soomaaliya oo dacwo ka ah Jeneral Odawaa + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Kulmiye oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ka ah dalka oo cabasho ka gudbiyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, kadib markii sida uu sheegay saraakiil ka amar qaadata Odawaa ay si khasab ah qoysas uga barakiciyeen dhul ay Muqdisho ka deganaayeen oo ku fadhiya ku dhawaad 30 boos.

Sheekha ayaa sheegay in dhulkaan uu ku agyaallo xarunta tababarada ciidamada Soomaaliya ee TurkiSom oo ay gacanta ku heyso dowladda Turkiga, halkaas oo si joogto ah loogu tababaro ciidamada qaranka.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Kulmiye waxa uu sheegay in sarkaalka uu Jeneraal Odawaa u adeegsaday in la barakiciyo qoysaskii deganaa dhulkaas lagu magacaabo Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida.

“Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa culeys nagu haya Jeneraal Odawaa, dhulkeenii waxa uu ku heystaa sifo aan sharci aheyn, xatta waxaan ku dhahnay sharciga noo soo mar oo ugu yaraan wareegto madaxweyne noo keen, waxuu noogu jawaabay meeshaan dhul dowlo waaye shacabna kuma noolaanayo,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Kulmiye.

Sidoo kale Sheekha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Xuquuq ayaan leenahay, nidaamka dowladda kama soo hor jeedno oo wax kasta oo nidaam ah waan ogonahay, waxaa awood naloogu sheeganaa tuutaha ciidanka, ra’iisul wasaaraha, wasiirka gaashaanshigga iyo madaxweyne Farmaajo arrinteena waa ogyihiin, weliba Cumar Filish iyo Korneyl Shuute ayaa si dhow ula socda arrinteena, waxaan codsaneynaa in xoogga nala ka dhaafo oo sharcigu shaqeeyo.”

Hoos ka daawo

Beesha caalamka oo qoraal niyad jab ah kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa niyad jab iyo walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya, ee marar badan dib uga dhacay waqtigooda.

“Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda,” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay beesha caalamka.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran

Saaxiibbada Caalamiga* ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee daba socotay kulanki Golaha Wadatashiga Qaran ee 11 ka Nofeembar iyo ballan qaadka hoggaamiyeyaasha ee dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ugu dambeyn dhammaadka Diseembar 2021.

Si kastaba ha ahaatee, Saaxiibbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku boorrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka. Waxa aan xusuuusa nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caalamka, durbaba la heli karo, si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxa aan sii wadeynaa in aan ku baaqno doorashooyin lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, wakhtigoodana ku qabsooma, kuwaas oo joogteya hufnaanta geeddi-socodka doorashada. Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad.

Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Xog: Qorshe yaab leh oo ay damacsanaayeen madax goboleedyada oo fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul Goboleedka Soomaaliya ayaa Asbuuca soo socdo si toos ah u billaabaya doorashada Golaha Shacabka, kadib markii ay socon waayeen qorshayaashooda.

In muddo ah doorashadaan waxay u xayirneyd dano kala duwan oo ku dhex nool madaxda maamullada, balse midda ugu weyn ayaa aheyd in dhaqaale xoog leh laga sameeyo mashruuca doorashada.

Lacagta waxay maamulada ka sugayeen sadddex jiho oo kala ah; Beesha Caalamka, musharixiinta iyo xubnaha doonayo kuraasta.

Waxay filayeen madaxda maamul Goboleedyada in lacag badan ka iman doonto dhinaca wakiilada caalamiga ah ee taageera dowladnimada Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka, maamul Goboleedyadu waxay soo qorteen lacag kor u dhaafeyso 30 milyan oo dollar. Amniga kaliya waxay usoo qorteen 17 Milyan oo Dollar.

Maamul Goboleed kasta wuxuu soo gudbiyey in 1,000 Askari ay ka shaqeyn doonto Amniga Doorashada, ciidamadaas waxay sheegeen in loo sameyn doono tababar loona iibin doono hub, dhar iyo saanad.

Waxaa la sheegay in arrintaas ay beesha Caalamka ku noqotay mid yaab leh, waxayna qaateen go’aan lama filaan ah. Markii ay arkeyn in doorashadii loo badalay mashruuc la rabo in dhaqaale laga sameeyo deeq bixiyayaasha dib ayey u gurteen.

Arrinta amniga waxay kaga soo jawaabeen Soomaaliya waxaan u dhisnay ciidan nooc walba ah, illaa hadda lacag ayaan ku bixinaa ciidankiina. Booliska iyo Militariga aan u diyaarinay Soomaaliya ee heysta hubka iyo mushaarka ha sugaan amniga doorashada, sidoo kale AMISOM ayaa joogta oo qaadata mushaar sidaas darteed dhinacyadaas ha sugaan amniga doorashada ayey kusoo jawaabeen wakiilada caalamiga ah.

Waxaa halkaas lagu soo koobay qorshihii koowaad oo ay madaxda maamul Goboleedyada rabeen inay lacag badan uga sameeyaan amniga doorashada.

Dhawaan markii ay madaxda maamullada iyo ra’iisul wasaaraha isku soo qaadeen arrinta dhaqaalaha ammaanka doorashada, waxaa la sheegay in lagu heshiiyey maadaama reer Galbeedkii hoos isaga dhageyn lacag ku bixinta amniga doorashada in la isticmaalo lacagihii laga qabtay is-diiwaangelinta doorashadii Aqalka Sare oo loo adeegsado ammaanka doorashada.

Lacagtaas ayaa ku dhow laba milyan iyo seddex boqol oo kun oo dollar. Shaqo lagu qaban karo wax ka yar 3 milyan oo dollar ayey madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya qorteyn inay u baahan yihiin 17 milyan dollar, ayuu yiri xubin kamid ah guddiga doorashooyinka.

Lacagaha kale ee laga rabo wakiilada caalamiga ah ee lagu qabanayo howlaha kale ee doorashooyinka ayey iyaduna madaxdu dalbatay wax ka badan 18 milyan. Lacagtaas iyadana cago jiid ayey reer Galbeedku ka yihiin.

Waxay ku doodayaan inay bixinayaan inta muhiimka ah. Hadda xukuumadda Federaalka ah ayaa maamul Goboleedyada siineysa lacago yar yar oo ay shaqada kusii bilaabaan. Sidoo kalana waxaa dhinacyada loo ogolaaday inay isticmaalaan lacagaha isdiiwaan gelinta ee kasoo xaroon doona kuraasta golaha Shacabka, waxaana halkaas ku rajo beelay qorshihii koowaad ee madaxda maamulada rabeyn inay lacago uga sameeyaan geediga doorashada.

Madaxda maamul Goboleedyada dalka hadda waxaa usoo haray laba dariiq oo ay lacag ku raadin karaan, mid waa musharixiinta xilka madaxweyaha, kuwaas oo qaarkood diyaar u ah inay lacag siiyaan madaxda maamulada si ay xildhibaano ugu soo saaraan.

Midda labaadna waa xubnaha raadinaya kuraasta xildhibaanada oo qaarkood ay ku jiraan jeeb weynayaal raba inay lacag ku harqiyaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada si loogu fududeeyo kuraasta.

Doorashadii sanadkii 2016, madaxdii maamul Goboleedyada ee xilligaas xilalka hayey waxay sameeyeen lacag badan, balse xilligaas waxaa lacagta inta badan laga keenay dhinaca Carabta oo dalalka qaar waxay rabeen in lasoo saaro xildhibaano kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh walow aan lacagtaas lagu qaban badankeed shaqadii Carabta rabtay.

Dhinac walba isfaham xooggan ayaa sanadkaan ka jira waana adag tahay in dhaqaale badan laga tabco doorashadaan ayey leeyihiin dadka u dhuun daloola arrintaan.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Rooble ayaa safarkiisa waxa uu la xiriiraa hubinta howlaha qabsoomidda doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha marka uu tago kulamo gaar gaar ah la qaadan doono hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo kala hadli doono doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankan lagu soo qaado xiisadda u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Galmudug oo weli ka taagan duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Safarka Rooble ee Dhuusamareeb ayaa bilow u ah socdaallo kala duwan oo uu kiu bixin doono xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo u kuur-galayo doorashooyinka 2021-ka.

Yaa lagu soo qabtay howl-galkii NISA maanta ka fulisay degmooyinka Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ayaa howl-galo ballaaran oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyen qaar kamid ah degmooyinka Howl-wadaag, Yaqshiid iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Shabaabka ah ee ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Duufaan ayaa waxay tiradooda dhameyd saddex ruux, waxayna ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Hogaanka Ciidamada si faah-faahsan ugama hadal magacyada Saraakiisha Shabaabka ah ee lagu soo qabtay howl-galada ay fuliyeen ciidamada Duufaan, lamana soo bandhigin sawiradooda.

Sidoo kale waxay sheegeen in Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay markasta u taagan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen amniga shacabka Soomaaliyeed iyo midka caasimaddaba.

Howl-galkan ayaa daba socda howl-galo ay labo maalmood ka hor isla ciidamada Duufaan ka fuliyeen xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, taasi oo lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas.

Ciidamada amaanka iyo kuwa NISA ayaa habeenadii u dambeeyay howl-galo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada ka fuliyay degmooyinka gobolka Banaadir, oo muddooyinkii dambe uu sii xumaanayey amaankeedu.

Arrinta suurta-gal ka dhigi karta in doorashada Aqalka Hoose ka muddo gaabnaato tii Aqalka Sare oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay inay suurtagal tahay in 38 maalmood gudaheed lagu soo gebagabeeyo doorashada Aqalka Hoose, maadama ay yihiin kuraas furan.

Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in doorashada Aqalka Hoose ay tahay mid ka madhan qancinta shaqsiyaad iyo waan-waan, maadama ay leeyihiin qabaa’il, halka middii hore ee Aqalka Sare ay arrimahaas mudada dheereyeen, sida uu sheegay.

“Kuraasta Aqalka Sare waa wax qof ku xiran oo madaxda dowlad goboleedyada ayey ku xidhneyd, ayagana waxay u baahnaayen u kala dab qaad, wax kala jiid iyo dad badan inay wax ku kala qanciyaan oo wax badan oo xal ah oo gudaha ay ka wadeen ayaa keenayay inay waqtigaas qaadato,”

“Doorashada kuraasta Golaha Shacabka midaas waa ka duwan tahay oo qabaa’ilka ayaa iska leh, majirto cid cid lagu qanciyo. Golaha Shacabka ayaa in badan ka fudud marka aad fiiriso Aqalka Hoose, waxaad u baahaneysa un in qabaa’ilka kala ilaaliso ee uma baahnid siyaasi wax kala jiidi kara.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada Aqalka Hoose ay shaqo ahaan iyo tiro ahaanba ay ka balaaran tahay middii hore ee Aqalka Sare, hase yeeshe ay muddo kooban tahay doorashadii hore oo is-jiid-jiid badan uu dib u dhigay.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, ayada oo shalay uu Guddiga doorashooyinka Somaliland uu shaaciyey in toddobaadkan gudihiisa uu qaban doono 9 kursi oo kamid kuwa gobollada Waqooyi.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hore u go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaabmato 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas.

Xizbullah ‘oo dhaqdhaaqyo ka wada’ dalka COLOMBIA

Bogota (Caasimada Online) – Colombia ayaa Axaddii sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shiicada ah ka waddo dalkaas, ayada oo ku eedeysay inay fuliso falal dambiyeed.

“Laba bil kahor waxaan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaabulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba dambiilayaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbullah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal dambiyeed ka fuliyaan gudaha Colombia,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga Colombia Diego Molano oo wareysi siiyey wargeyska maalinlaha ah ee El Tiempo.

Ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan howlgalka dowladda.

Hase yeeshee wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka militariga, ayaa sheegay in kooxda reer Lubnaan ay basaaseysay ganacsato Mareykan iyo Israeli ah oo ku sugan Colombia.

Dalka Colombia ayaa waxaa ku nool jaaliyad reer Lubnaan ah oo tiro muuqato leh.

Kooxda Xizbullah ayaa waxaa horey loogu warramay inay ku sugan tahay dalka Venezuela iyo dalal kale oo ka tirsan Latin America.

Molano ayaa sheegay “inay jirto halis la xiriirta joogitaanka Xizbullah ee Venezuela iyo halista amni ee Colombia uga iman karta xiriirka ay kooxdaas la leedahay kooxaha argagixisada ee ku sugan dhinaca xuduudda Venezuela.”

Isaga oo booqasho Israel uu ku tegay ku wehliya madaxweyne Ivan Duque, ayaa Molano wuxuu 8-dii November sheegay in labada dal “ay wadaagaan cadow guud oo ah Iran iyo Xizbullah.”

Hase yeeshee wuxuu Axaddii sheegay inuu ku deg degay hadalkaas.

Hadalkiisa ayaa waxaa aad looga cambaareeyey Iran – oo Colombia la laheyd xiriir diblomaasi tan iyo 1975-kii – waxaana safiirka Tehran ee Bogota Mohammad Ali Ziaei uu sheegay “in burburinta xiriirka aysan dan ugu jirin shacabka.”

Madaxweyne Duque ayaa goor dambe sheegay “in Colombia aysan eregyga ‘cadow’ u adeegsan dal kale,” isaga oo intaas ku daray “intaas aysan ka dhigneyn inaan ku kala aragti duwanweyn su’aalaha gaarka ah ee Iran.”

AFP + VOA

DENI oo qorshe siyaasadeed weyn u kaashanaya Axmed Madoobe, kahor doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xogagaal ah Safarka Axmed Madoobe ayaa yimid kadib markii uu madaxweyne Deni ka dalbaday inay kulmaan, si ay diirada ugu saaran qorshaha ku saabasan hamiga Deni uu ka leeyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qorshaha Deni ay qeyb ka tahay in dhigiisa Axmed Madoobe uu ku gacan siiyo sidii uu si dadban u maamuli lahaa, islamarkaana uu gacanta ugu hayn lahaa xildhibaanada kasoo baxaya Jubbaland, maadama ay xulufo siyaasadeed yihiin.

Sidoo kale waxay ka wada-hadli doonaan bilaabista doorashada Golaha Shacabka oo ayadu si hordhac ah uga bilaabatay dalka, islamarkaana muhiim u ah doorashada soo socota ee madaxweynaha oo si weyn loogu tartamayo, qeybna ay ka yihiin maamullada.

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah saaxibo siyaasadeed oo si aad ah isugu dhow, islamarkaana xulafanimadooda sii xoojiyey tan iyo markii ay soo bilaabatay dooda doorashada.

Sida ay ogtahay Caasimada Online, Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dhowaaqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe uu qaadayay ay muujinayeen arrintaas.

Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sameyn doonta ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono musharaxiin badan.

Wuxuu noqon doona musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doorashada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira kuwa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka.

Ma jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh hanaanka doorashada xildhibaanada, waana midda keli ah ee rejada ku abuureysa madaxweynaha maamulka Puntland.

Shir uu maanta ka qeyb geli lahaa Farmaajo oo baaqday

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa dib u dhigtay shir madaxeedka IGAD oo la filayay in maanta, November 15 ka furmo caasimadda dalkaas ee Kampala.

Lindah Nabusayi oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxweyne Museveni ayaa u sheegtay wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah.

Shirkaas oo looga hadli lahaa xaaladaha dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo xasaradaha ka jira dalka Suudaan, waxaana lagu casuumay oo ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Qaar kamid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa shirkaasi isku diyaarinayay si ay uga qeyb galaan, maadaama dalal kamid ah Afrika ay xilligaan ka jiraan dagaalo iyo rabshado xooggan.

Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda, balse wuxuu kusoo aadayaa xili gobolka Geesks Afrika uu booqasho ku imaanaya Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Blinken ayaa booqasho ku tagaya Kenya, isagoo Uhuru kala hadli doono colaadda Itoobiya ka socoto, waxaana suurta-gal ah in safarkan uu sameeyeey shirkaas.

Uhuru ayaa shalay tagey Addis Ababa, wuxuuna lasoo kulmay Abiy Axmed, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu fariin uga soo qaadayay Blinken ka hor inta uusan ku qaabilin Nairobi Maanta.

Hub badan oo la soo galiyey MUQDISHO – Maxay kala socotaa DF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey illaa afar degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana lagu xaqiijinayey ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi, Hodan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Ciidamada howl-galka fuliyey oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa baarayey inta uu howl-galku socday gaadiidka, mootooyinka iyo dadka socota ah oo ay su’aallo weydiinayeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah, kuwaas hal goob la’isugu geeyey, iyada oo markii dambe badi la fasaxay.

Taliye ku xigeenka labaad qeybta booliska gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamuud (Baryare) oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa sugida amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,, si looga hortago falalka amni darrada.

Baryare ayaa sheegay in ay la socdaan hub fara badan oo dhowaan la soo galiyey caasimadda, wuxuuna farriin u diray dadka iska leh hubkaas iyo saraakiisha dowladda.

‘Hubka xilliga uu soo galay magaalada waa bilo ka hor dadka watayna waa naqaanaa waxaan ka rabno waxaa waayey hubkaasi in uusan dadka iska leh uusan gurigooda kasoo bixin sifo sharci darro ah,” ayuu yiri Saciid Cali Maxamuud (Baryare).

Sidoo kale wuxuu intaasi raacyey “Haddii aad sarkaal tahay hubkaaga heysi boqol mar ayey dhacday qof dambi lagu soo qabtay uu hubkiisa yeesho sarkaal,”.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah, isla-markaana howl-gallo ballaaran laga sameynayo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Howl-galladan ayaa dhinaca kale daba socda amarkii ka soo baxay taliyaha Booliska oo faray hay’adaha amniga inay u howl-galaan sugida ammaanka, maadaama gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro qaraxyo, dilal & dhac loo geysanayo shacabka.

Xuseen Sheekh Cali: Waxaan maqlay war murugo leh oo kasoo kordhay kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Sheekh Cali, oo horey u ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haddana madax ka ah machadka daraasaadka amniga ee Hiraal, ayaa sheegay inuu maqlayo war murugo leh oo kasoo kordhay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah xog-ogaal amni, ayaa sheegay in baaritaanka kiiska lasoo geba-gebeyn doono, ayada oo aan cidna dacwad lagu soo oogin.

“Waxaan maqlayaa war murugo leh oo kusoo kordhay kiiska Ikraan. Waxaa la leeyahay baaritaanka waa lasoo geba-gebeynayaa – Ma jiraan wax caddeymo ah oo cidna dacwad loogu soo oogo,” ayuu yiir.

“Tani waxay tijaabo damiir inoo tahay dhammaanteen; ama waxaan aqbaleynaa in wax daboolidda ay noqoto caddaalad la gutay ama waa diideynaa oo waxaan ku adkeysaneynaa in ku dhaqanka sharciga uu guuleysto. Xulasho cad,” ayuu ku daray.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa u muuqday inuu sii daboolmayo wixii ka dambeeyey markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu afartii October safar ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo la rumeysan yahay in cadaadis xooggan lagu soo saaray.

Rooble ayaa safarka Doha kadib sidoo kale dib ula heshiiyey madaxweyne Farmaajo, isaga oo ka tanaasulay qodobadii ugu muhiimsanaa arrimaha ay isku hayeen madaxweynaha, sida magacaabista taliyaha NISA.

Barnaamijka Galka Baarista ee 2-dii November ayaa lagu shaaciyey in in guddiga maxkamadda ciidamada qalabka sida, ee loo xil saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil uu la kulmay caqabad dhanka NISA ah.

Xogta ayaa shaacisay in maxkamadda ay dalbatay in la wareysto laba sarkaal oo ka tirsan NISA oo lagu tuhmayo kiiska, oo mid ay tahay gabar guriga la deganeyd Ikraan Tahliil. Hase yeeshee NISA ay diiday in la wareysto labadaas sarkaal, ayna ku adkeysatay inay ayada soo wareysato, sida lagu shaaciyey barnaamijka.

Waxaa kadib NISA ay sheegtay inay wareysatay labada sarkaal, waxayna u gudbisay guddiga baaritaanka warbixin ka kooban 38 bog oo ah jawaabaha ay bixiyeen labada sarkaal.

Rooble ayaa kiiska Ikraan Tahliil ku helay shacbiyad badan, isaga oo isu muujiyey inuu u damqanayo qoyskeeda, balse sida hadda muuqata, wuxuu kiiskan noqon doonaa mid ka mid ah tobanaanka kiis ee horey loo sheegay in si dhab ah loo baarayo balse ay halkaas ugu war dambeysay. 

AHLU SUNNA oo jawaab kulul ka bixisay eedeyntii General Aadan Laba Afle

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo wareysi siiyey BBC ayaa ka hadlay eedeyntii uu General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) u jeediyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii soo socday.

Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa marka hore beeniyey in Ahlu Sunna Waljamaaca ay diiday wada-hadalladii socday, wuxuuna tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin in miiska lagu dhammeeyo tabashada ay qabaan iyo xiisadda haatan ka taagan maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Laba Afle uu ugu goodiyey Ahlu Sunna in la leeynaayo ama ay isaga tagaan degaanka Bohol, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Galmudug aysan diyaar u aheyn in laga wada-hadlo tabashada jira, si xal loogu helo, wuxuuna intaasi ku daray in haatan Ahlu Sunna ay 15 KM u jirto caasimada Dhuusamareeb ee mamaulkaasi

”General Laba Afle wuxuu ahaa nin aysan jirin cid soo dirsatay oo Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa horay u cadDeeyay, madaxda Galmudugna wada-hadal ma rabaan, anagana inaan nabad rabno waxaa cadeyn kuu ah Ahlus Sunna oo 15km u jirta caasimadda inay ka warsugayaan Culimadii iyo Ganacsatadii dhex dhexaadinta waday,” ayuu yiri

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadalka kasoo yeeray General Laba Afle oo ka mid ah saraakiisha Xoogga dalka inuu uga sii darayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Galmudug, loona baahan yahay in aan looga sii dirin, si uusan u daadan dhiig dambe.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) oo shir jaraa’id qabtay uu shaaca ka qaaday inuu gacanta ka taagay wada-hadalladii uu waday, isaga oo ku eedeeyey Ahlu Sunna inay diiday waa wanatii socotay

Xog: Laba qodob oo caddeyn u ah inuu Rooble hortaagan yahay dedejinta doorashada

0

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa 1-dii May ee sanadkan sii dhammaanaya 2021 lagu wareejiyey maamulka Doorashada, kadib qalalaasihii ka dhashay muddo kororsiga Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo ay xaalado kala duwan soo martay Doorashada khilaafka dhalisay ee sida weyn dib ugu dhacday, laga soo bilaabo heshiiskii Septembar 2020, waxaa la ogaa inuu Farmaajo dooneynin dedejinta doorashada, laakiin waxaa muddooyinkii danbe soo baxay in Rooble uu isna ka cago jiidayo dardar gelinta doorashadii loo xilsaaray.

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu si cad tuhunkan ugu soo baxay markii uu khilaaf siyaasadeed la galay Farmaajo, taasoo wakhti ku lumay, kadibna uu qaatay heshiis aan wax cusub soo kordhin oo kaliya uu ku helay xilal uu saaxiibadii u magacaabo, iyadoo wax horumar ah laga gaarin sababtii khilaafka oo ahayd kiiska Ikraan Tahliil.

Khilaafka dhex maray Rooble iyo Farmaajo waa qodobka koowaad ee caddeynta u ah in Rooble uu raadinayo awoodo dheeraad ah iyo xilal, intii uu xoogga saari lahaa doorashada sanadka ka badan dib u dhacsan, wuxuuna galay safarro dibadda ah oo sidoo kale ka tarjumaya dadaalkiisa ah inuu xilka iska sii joogo.

Qodobka labaad ayaa ah in Rooble uu muddo bilooyin ahba wado inuu rag ay saaxiibo yihiin u magacaabo xilal muhiim ah, sida agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Maamulka Waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho (Furadda Xamar), Agaasime maamulka maaliyada ah oo ka tirsan ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Ra’iisal wasaaraha ku mashquulsan magacabista wasiiro ilaa agaasimeyaal waa xilgaarsiin aan sharcigu siineynin inuu isbedel weyn ku sameeyo xilalka dowladda, laakiin dowladda Farmaajo ee sanadka sii joogta xilka ayaa sharci-darradaasi caadi ka dhigtay iyadoo uu Rooble ka faa’iideysanayo.

Hore waxaa Rooble looga soo xigtay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, laakiin waxaa hadda muuqata in Rooble uu sidoo kale fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu dano gaara ku gaaro, taasoo si cad uga hor timid Beesha Caalamka.

Isha: Goobjooge

Maxaa laga damacsanaa sawirka muranka dhaliyey ee lamaane Israeli ah ay ka qaadeen guriga Erdogan?

Istanbul (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ayaa lamaane Israeli ah ku eedeysay “basaasnimo” kadib markii sida la tuhunsan yahay ay sawir ka qaadeen guriga madaxweyne Erdogan ee magaalada.

Lamaanaha ayaa la xiray Khamiistii kadib markii ay booqdeen minaaradda Camlica oo sanadkii tegay laga furay degmada Uskudar ee dhinaca Asia ee Istanbul.

Waxaa ku yaalla maqaayado iyo goobo dalxiis, halka sidoo kalena guriga madaxweyne Erdogan uu ku yaallo degmadaas.

Lamaanaha oo warbaahinta Israel ay magacyadooda ku sheegeen Mordy iyo Natalia Oknin ayaa Jimcihii la geeyay maxkamad ku taalla Istanbul, halkaasi oo xaakimka uu ku eedeeyey “basaasnimo siyaasadeed iyo mid militari,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

Qof ka shaqeeya minaaradda ayaa sheegay in lamaanaha Israa’iliyiinta ah iyo muwaadin Turkish ah “ay soo galeen minaaradda, kadibna ay sawirro ka qaadeen guriga Erdogan,” sida ay ku warrantay Anadolu. 

Wasiirka arrimaha dibedda Israel Yair Lapid ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku adkeystay in labadaas qof “aysan u shaqeyn wax hay’ad Israeli ah.” 

Lapid ayaa qoyska lamaanaha u sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso in xal loo helo kiiskooda.

Xiriirka Israel iyo Turkey ayaa aad u xumaa, tan iyo markii ay safiirada kala qaateen 2018, kadib markii Yahuudda ay dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah ku dileen Gaza.

Magacyada xildhibaanada ku fadhiya 9-ka ee la shaaciyey jadwalka doorashadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada Somaliland ayaa shalay shaaciyey in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Waxaan halkaan idinkula wadaageynaa magacyada xildhibaanada afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey 9-kaas kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland:

1- #HOP214: Dr. Cilmi Maxamuud Nuur
2- #HOP218: Cabdow Maax Faarax
3- #HOP226: Maryan Maxamuud Ciise
4- #HOP233: Yurub Axmed Raabi
5- #HOP208: Jamaal Xasan Ismaaciil
6- #HOP210: Faadumo Xasan Cali
7- #HOP202: Aamina Cumar Jaamac
8- #HOP225: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
9- #HOP272: Guuleed Caydaruus Cige

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn usoo dhaweeyay shaacinta jadwalka sagaalkan kursi, oo doorashadooda ay dhaceyso toddobaadkan.

Rooble ayaa guddiga doorashooyinka SEIT ee Somaliland uga mahadceliyay shaacinta jadwalka kuraastaa, isagoo ku amaanay doorka ay ka qaateen bilowga doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu markale faray madaxda dowlad goboleedyada inay bilaaban doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, xili lasoo gebagabeeyay doorashadii Aqalka Sare.

Waxaa aad u yar kalsoonida lagu qabi karo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee Somaliland ay u dhacdo si daahfuran, maadaama aad looga deyriyey qaabkii loo qabtay doorashada labadii kursi ee lagu bilaabay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xalay war ka soo saaray doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa dalbaday in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, sidoo kalena la dedejiyo.

QM oo soo saartay digniin la xiriirta xaaladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada UNOCHA ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda adag ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee haatan ka taagan gudaha wadanka.

Warbixinta ka soo baxday UNOCHA ayaa waxaa lagu shaaciyey digniin cusub oo ku aadan cunno yari baahsan oo haatan soo wajahday qoysas badan oo Soomaaliyeed, iyada oo warsaxafaadeedkan lagu sheegay inay xaaladdu ka sii dari doonto bisha May 2022-ka.

UNOCHA ayaa sidoo kale tilmaamtay in qiyaastii ilaa 3.5 milyan oo qof ay wajihi doonaan cunto yari ba’an illaa December, kuwaas oo ku dhowaad 640,730 ka mid ah ay wajihi doonaan xaalad deg-deg ah oo ka dhasha yaraanshiyaha ku yimaaday Roobabkii la filayey.

“Yaraanshihii roobabkii deyrta ee bilaha 10aad iyo 12aad ayaa sidoo kale si weyn u saameeyay wax soo saarka xoolaha,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay UNOCHA.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada UNOCHA ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in illaa in ka badan 5.9 milyan oo qof ay hadda u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, si looga samata bixiyo xaaladaha nololeed ku geedaaman.

“Xaaladaha cimilada ee soo noq-noqda, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha,  COVID-19 iyo saboolnimada sii kordheysa,” ayaa markale lagi yiri warbixinta.

Xaaladahan bani’aadanimo ayaa waxa uga sii dareysa abaar baahsan oo ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobollada ku yaalla koonfurta oo xaalado daran ay ka jiraan.