26.3 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Wiilka Mucamar Qadafi oo madaxweyne ka noqon kara Libya kadib dilkii aabihiis

Tripli (Caasimada Online) – Sayful Islam Qadafi, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Libya Mucamar Qadafi, ayaa isku sharxay xilka madaxweynaha Libya ee doorashada dhaceysa bisha December. 

“Sayful Islam Qadafi wuxuu murashaxnimadiisa usoo gudbiyey guddiga sare ee qaran ee doorashooyinka,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga.

Qadafi ayaa ah mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan ee la filayo inay u ordaan xilka madaxweynaha – liiskaas oo ay ku jiraan Jeneralka fallaagada ah Khalifa Haftar, ra’iisul wasaare Cabdulxamid Dabibah iyo afhayeenka baarlamanka Aguila Salax.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Qadafi oo garkiisu cirro ka buuxdo, islamarkaana xiran ookiyaale iyo qamiiska dhaqanka, oo warqadaha murashaxnimo ku saxiixaya magaalada Sebha, Axaddii. 

Inkasta oo shacabka iyo quwadaha shisheeye ay aad u taageerayaan doorashada la waqtiyeeyey 24-ka December, haddana waxaa ku hareereysan shaki badan, ayada oo kooxaha kala duwan ee dalkaas ay isku hayaan xeerarka iyo jadwalka doorashada.

Doorashada ayaa loo arkaa marxalad muhiim u ah heshiiska nabadeed ee QM ee taageereyso ee lagu soo afjarayo 10 sano oo dagaal sokeeye uu ka socday dalkaas, kadib markii madaxweyne Qadafi xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne, 2011-kii.  

Qadafi ayaa horey maxkamad ku taalla Tripoli waxay dil ugu xukunktay dambiyo dagaal. Sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa u raadineysa dambiyo dagaal.

Ibrahim Fraihat oo ka tirsan Machadka Doha ayaa sheegay in Sayful Islam uu taageero ka haysto kuwa daacadda u ah taliskii aabihiis iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Libya. 

AXMED MADOOBE oo u safray Garoowe + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow kasoo kicitimay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, isaga oo ku sii jeedo dhinaca magaalada Garoowe.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo sagootiyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Ujeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira kulan uu la leeyahay dhiggiisa Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada mas’uul ay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo muhiim u ah doorashada soo socota madaxweynaha oo si weyn loogu tartamayo, qeybna ay ka yihiin maamullada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale inta uu joogo Garoowe kulamo kala duwan la qaada doono madaxda kale ee Puntland, isaga oo kala hadli doono iskaashiga labada maamul.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah saaxibo siyaasadeed oo si aad ah isugu dhow isla-markaana xulafanimadooda sii xoojiyey tan iyo markii ay soo bilaabatay dooda doorashada.

Si kastaba, kulanka labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa ah mid xasaasi ah, isla-markaana isha lagu wada hayo, wuxuuna kusoo aaday xilli xasaasi ah oo la bilaabayo doorashada Golaha Shacabka oo ka duwan midii soo idlaatay ee Golaha Aqalka Sare.

Maxkamadda HOLLAND oo go’aan ka gaareysa khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Muran in mudo ah soo jiray oo u dhaxeeyay maamulka Masjidka Quba ee Soomaalida Holland oo ku yaal magaalada Amsterdam ayaa gaaray heer loo gudbiyo maxkamadda, islamarkaana ay go’aan rasmi ah ka gaari doonto todobaadyada soo socda.

Khilaafka maamulka Masjidul Quba oo guddiyo Soomaaliyeed ay xal ka gaari waayeen ayaa wuxuu u gudbay maxkamadda Amsterdam, waxaana suuragal ah in go’aanka maxkamadda ay soo saarto in maamulkiisa lagala wareego Soomaalida, maadaama ay ku heshiin waayeen.

Arrimaha muranka iyo khilaafka maamulka Masjidul Quba ayaa salka ku haayo dhinaca maaliyada iyo maamulka, wuxuuna khilaafkaani gundhig u ah Imaamka Masjidka Sheekh Suldaan Gasle iyo xubnaha guddiga Masjidka oo isku fahmi waayay maamulka maaliyada iyo maamulka khidmada ay bixiyaan Soomaalida Holland.

Adeegyada uu Masjidul Quba Soomaalida u haaya ayaa aad loo amaanay, waxaana ka mid ah adeegyadaasi in dadka Soomaaliyeed ee Holland ku nool ay ku jiraan ceymis uu bixiyo Masjidka oo dadka geeriyooda meydkooda loo qaadayo meel walba oo ay dalbadaan dadka bixiya ceymiska, waxbarashada diinta Islaamka iyo adeegyo kale.

Dadka Soomaaliyeed ee Holland ayaa hadda shaki ka qaba lacagaha ay ku taburacaan iyo dhaqaalaha kale ee ay ku bixiyaan ceymiska habka loo maamulo iyo in ay heli doonaan adeegyadii horay looga bartay.

Masjidul Quba oo ah masjid adeegyo kala duwan siiya Soomaalida maadaama ay dadka Soomaaliyeed ay iibsadeen, ayaa haddana ay ceeb iyo magac xumo u tahay in xarumihii diimaha ay Soomaalida ku heshiin waayeen.

Khilaafka ka dhasha maamulka Masjidyada ay Soomaalida maamulaan ayaa mudooyinkii danbe soo badanayay iyadoo wadamada Yurub iyo Ameeriko ay Soomaalida ku kala qeybsameen xitaa maamulka Masaajidka oo ah guriga Alle ee lagu cibaadeysanayay, waxaana horay murano heer dowladdaha ay la nool yihiin soo farageliyay ka mid ah masjid ku yaal Swedan iyo midkii ugu danbeeyay ee degmada Shibis ku yaal kaasoo albaabada la iskugu dhuftay.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, Online

Wararkii ugu dambeeyey safarka Ra’iisul Wasaare ROOBLE ee Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Rooble ayaa safarkiisa waxa uu la xiriiraa hubinta howlaha qabsoomidda doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedka Galmudug.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa haatan laga dareemayaa caasimada Dhuusamareeb, iyada oo aad lo adkeeyey amniga degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha marka uu tago kulamo gaar gaar ah la qaadan doono hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo kala hadli doono doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankan lagu soo qaado xiisadda u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Galmudug oo weli ka taagan duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Safarka Rooble ee Dhuusamareeb ayaa bilow u ah socdaallo kala duwan oo uu kiu bixin doono xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo u kuur-galayo doorashooyinka 2021-ka.

Si kastaba, socdalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo laba maalin ka hor Galmudug ay soo gabagabeysay kuraastaa uga harsaneyd xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Saddex arrin oo hortaagan in Farmaajo uu magacaabo taliyaha cusub ee NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli ka caga jiidaya inuu soo magacaabo taliyaha cusub ee Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ku dhawaad todobaad ayaa laga joogaa markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ay ka heshiiyeen khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey in mudo ah.

Waxyaabihii ay labada nin ku heshiiyeen waxaa ku jirtay magacaabista Taliyaha NISA oo ka imaanaya dhanka Farmaajo, balse ay khasab tahay inuu Ra’isul wasaare Rooble ogolaado qofkaas.

Illaa hadda waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan Ra’isul wasaaraha u soo gudbin qofka uu rabo inuu Taliyaha NISA ka dhigo, si Rooble uu qofkaas u soo akhriyo una soo aqbalo ama u diido.

Waxaa jira dhowr qof oo madaxweyne Farmaajo xagiisa ah oo raadinaya kursigaan, waxaana kamid ah Cabdi Cali Raage oo la taliyeyaasha Farmaajo kamid ah, Cabdiraxmaan Dheere oo Farmaajo iyo Fahad ka dhaxeeya, Abuukar Qoryooley oo wasiir ka ah Galmudug dhanka Yaasiina xiga iyo xubno kale oo qaar Villa Somalia xilal ka hayaan oo dhinaca kalena qaraabo la ah taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaxaji Daahir.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in uusan madaxweyne Farmaajo rabin inuu magacaabis sameeyo, inta ka harsan doorashada oo uu rabo inuu Yaasiin Farey sii joogo NISA, si aan loo bilaabin baarista kiiska Ikraan Tahliil, dhinaca kalena uu Fahad Yaasiin dood la’aan u doonto kursigiisa xildhibaanimada.

Yaasiin Farey waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid kamid ah ku simayaashii faa’iday intii uu xafiiska joogay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha mudada ka dhammaatay waxaa lagu xasuustaa inuu dhowr ku sime u magacaabay shaqooyin kala duwan dabadeedna uu u dhaafay oo ay xafiiska ugu dambeyn toos ula wareegeen. Inuu madaxweyne Farmaajo magacaabo Taliyaha cusub ee NISA waxaa hoos taalla seddex arrimood .

1 – Fullinta heshiiskii isaga iyo Rooble

Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu fuliyey dhowr waxyaabood oo kamid ah heshiiskii isaga iyo Farmaajo, laakiin illaa hadda qodobkii ugu weynaa ee heshiiska oo dhanka Farmaajo jiray ayaan weli la fulin.

Rooble waa u aamusan yahay Farmaajo, umana badna in uusan fahamsaneyn in fullintii heshiisku ay weli qabyo tahay. Haddii uu madaxweyne Farmaajo isku sii dhajiyo magacaabista taliyaha NISA, waxay ka dhigan tahay inuu ka baxay qeyb kamid ah waxyaabihii ay ku heshiiyeen isaga iyo Rooble.

2- Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Illaa hadda baarista kiiskan Ikraan Tahliil lama bilaabin, waxyaabaha hortaagana waxaa qeyb ka ah maamul la’aanta ka jirta xafiiska Hey’adda NISA.

Qoyska Ikraan waxay horay u sheegeen in aysan caddaalad heli karin gabadhooda illaa hoggaan madax banaan looga magacaabo hey’adda NISA.

Inuu Farmaajo kusii dhaganaado xilka Taliyaha NISA ayaa xoojin doonta eedeyntii aheyd inuu madaxweynaha si buuxda u diiday in kiiskaas si madax banaan loo baaro. Eedeyntaas waxaa horay u jeediyey qoyska gabadha maqan.

3 –  Reer Galbeedka

Wakiilada Caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya waxay sheegeyn intii uu socday khilaafka Farmaajo iyo Rooble in loo baahan yahay in hey’adaha Amniga loo dhiibo dad sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada, iyadoo la sheegay inay dhowr jeer Farmaajo iyo Rooble kala hadleyn inay u baahan yihiin dad lagu kalsoonaan karo oo madax u ah hey’adda Nabadsugidda oo ay la wadaagi karaan arrimaha sirdoon ee dalka iyo midka ku saabsan guud ahaan Gobolka.

Wuxuu hadalka beesha Caalamka ka dhigan yahay inay diidan yihiin in xilligaan xasaasi ah la shaqeeyaan kusimayaashii la isku heystay midkood. Weli reer Galbeedka waxay Farmaajo ka sugayaan isbadal dhinacaas ah.

Dadka arrintaan isha ku haya qaarkood waxay sheegayaan in Farmaajo uu la’yahay cid uu qaato oo uu Rooble aqbali karo, maadaama uusan Farmaajo dad wax ku ool ah abuuran mudadii uu xafiiska joogay, dhowrka qof ee la joogtana boosas badan ayey kusoo fashillmeyn qaarkoodna dadkii ayaa dhibsaday.

Dooq la’aanta laga soo warinayo madaxweyne Farmaajo waa mid kamid ah calaamadaha hoggaamiyaha iska ooday ummaddiisa.

Shacabka Soomaalida waxay weli Farmaajo iyo Rooble ka sugayaan in NISA loo dhiibo hoggaan cusub oo ka madax banaan eedaha kiiska Ikraan Tahliil si baaritaanka loo bilaabo.

R/W Rooble oo ka falceliyey warkii maanta kasoo baxay guddiga doorashooyinka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn usoo dhaweeyay shaacinta jadwalka 9 kursi oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda gobollada Waqooyi, taasi oo la qabanayo toddobaadkan gudihiisa.

Rooble ayaa guddiga doorashooyinka SEIT ee Somaliland uga mahadceliyay shaacinta jadwalka kuraastaa, isagoo ku amaanay doorka ay ka qaateen bilowga doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu markale faray madaxda dowlad goboleedyada inay bilaaban doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, xili lasoo gebagabeeyay doorashadii Aqalka Sare.

“Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dowlad-goboleedyada in ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka si doorashada xildhibaannadu noogu soo idlaato ka hor dhammaadka sanadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxaa naga go’an fududeynta doorasho hufan oo nabdoon, taas oo nooga baahan iskaashi iyo in aan wadajir uga shaqeyno.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore u sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagabeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxa uu Guddiga doorashooyinka heer federaal u dejiyay inay bilaabato 16-ka bishaan November, ayna soo dhamaato 24 December ee sanadkaan 2021-ka, xili doorashadii Aqalka Sare oo kuraasteeda ay koobnaayeen ay qaadatay bilooyin.

Daawo: Jeneraal Laba-Afle oo shaaciyey natiijada wada-hadal uu la galay Ahlu-Sunna

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Janeraal Aadan Abshir Nuur (Laba Afle) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isagoo shaaciyey natiijada wadahadalkii uu Ahlu-Sunna kula jiray 12-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Jeneraal Laba-Afle waxuu sheegay in isaga iyo saraakiishii la socotay ay soo wakiilatay dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena ay la tashadeen Madaxweynaha Galmudug, si loogu kala dab-qaado Ahlu-Sunna iyo Galmudug, sidaasna ay ku tageen deegaanka Bohol oo fariisin u ah Ahlu-Sunna.

Jeneraalka ayaa sheegay in hadda ay gacanta ka taageen dhexdhaxaadintii ay ka dhex wadeen Ahlu-Sunna iyo Galmudug,  kadib markii wax kasta oo xal ah uu diiday hoggaanka Ahlu-Sunna,  sida uu sheegay.

“Aniga iyo saraakiil igala tirsan dowladda dhexe waxaan ka soo tagnay Xamar, waxaan soo qoronay qodobo aan u arkeynay in lagu dhexdhaxaadin karo Ahlu-Sunna iyo Galmudug, waxaan Madaxtooyada ugu tagnay madaxweyne Qoor Qoor, qorshihii aan wadanay ayaan ka dhaadhicinay, waana nala qaatay, waxaan u gudubnay Bohol oo 12 maalmood aan ku sugneyn, wax natiijo ahna kama wadno,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle.

Waxuu intaas ku sii daray, “Sheekh Shaakir waxaan ku dhahnay waxaa tabaneyso noo sheega, waxuu noo sheegay wax aan munaasab ahayn oo Galmudug aan ka suurta geleyn xiligaan, waxaan la wadaagay waxaan u wadnay, waana qaadan waayeen.”

Sidoo kale Jeneraal Laba-Afle oo aan toos u guda gelin waxyaabihii ay kala kulmeen Ahlu-Sunna ayaa ku gaabsaday in Sheekh Shaakir ay kala kulmeen hadal aan ka duwaneyn kii hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud oo wareysi uu siiyey BBC ku sheegay in Galmudug iyo dowladda dhexe ay wadahadal la gelayaan, iyagoo ah maamul buuxa oo ka jira deegaanka.

“12-kii maalmood ee lasoo dhaafay culumada waxaan kala hadleynay inaan la is dilin oo ay nabadda qaataan, warkeenu waa ku socon waayey, hada waxaan ku soo laabanay Dhuusamareeb, wixii amni ahna waxaan aaminsanahay in maamulka ka jira Galmudug uu masuul ka yahay, aniga qaraabo ahaan, sarkaal ahaan iyo ka dowlad ahaanba, wixii aan kala hadalnay Ahlu-Sunna waxba waa ku qaadan weysay,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle.

Hoos ka daawo

Mashruuc Bankiga Adduunka ugu talo-galay Soomaaliya oo lacag badan lagu xaday

0

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa liiska ku daray shirkad la talin oo Kenyan ah oo lagu magacaabo Africa Development Professional Group (ADP) kadib markii lagu helay dhaqan musuq-maasuq iyo qiyaameyn wen oo lagu lunsaday lacag boqolaal kun oo dollar ah.

Bankiga Adduunka ayaa tallaabadan qaaday kadib markii baaritaan ay sameysay qeybta la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Bankiga Adduunka lagu ogaaday in shirkaddan fadhigeedu yahay Nairobi ay xatooyo ku samesay mashruuc uu Bankiga Adduunka maal-geliyey oo laga fuliyey Soomaaliya.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in in ADP iyo dhammaan hay’adaha ku xiran laga mamnuucay inay wax wada-shaqeyn ah la sameeyaan Bankiga Adduunka muddo 21 bilood ah.

“Mamnuucistan waxay ka dhigeysaa in ADP aanu ka qeyb qaadin karin mashruucyada uu maal-geliyo Bankiga Adduunka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray Bankiga Adduunka. 

“Mashruuca Soomaaliya ayaa loogu talo-galay in lagu xoojiyo shaqaaleynta iyo awoodaha dowladeed ee qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha xudunta u ah in dowladda ay gudato waajibaadkeeda aas-aasiga ah.”

Bankiga Adduunka ma shaacin tirada rasmiga ah ee lacagta la tuhunsan yahay in la lunsaday.

“Ayada oo ay qeyb ka tahay heshiis lala gaaray, shirkadda waxay qiratay mas’uuliyadda dhaqankeeda, waxayna ogolaatay inay kasoo baxdo shuruudo u hoggaansamid, si looga qaado xayiraadda,” ayuu yiri Bankiga Adduunka.

Shirkadda ADP ayaa horey mashruucyo ula sameysay wasaarado ka mid ah kuwa dalalka Kenya, Gambia, Ghana iyo Rwanda, hase yeeshee waddanka kaliya ee lagu helay inay xatooyada ka sameysay waa Soomaaliya.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey QARAXII Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii 11-ka bishan ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan ayaa wareysi laga qaaday kahor inta uusan is-qarxin magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Xasan Iimaan oo loo yaqaan (Xaliye) ama (Caasim). Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Reer Shabeelle, gaar ahaan Reer Ciise.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ku dhashay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose sanadkii 1989-kii, wuxuuna tilmaamay inuu waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay isla magaaladaas.

Cabdullaahi ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-ka, wuxuuna kamid ahaa ciidamadii ka howlgeli jiray gobolka Banaadir kahor inta uusan ku biiran qeybta is-qarxinta, sida lagu sheegay wareysiga.

Al-Shabaab oo horey u sheegtay inay qaraxaas la beegsatay saraakiil Mareykan ah, balse aan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, ayaa war xalay kasoo baxay ku sheegatay inay qaraxa ku dishay ugu yaraan 12 askari oo isugu jira caddaan iyo madow.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saraakiisha “ay dileen ay u shaqeynayeen shirkad lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano PA&E, taasi oo arrimaha difaaca iyo militariga ka caawisa,” ciidamada Mareykanka, kuwa Amisom iyo kuwa dowladda federaalka.

Al-Shabaab ayaa laba ka mid ah dhalashada askarta ku sheegtay Mareykanka iyo Ugandan, hase yeeshee ma aysan shaacin dhalashada 10-ka kale, ee ay dhimashadooda sheegatay.

Qaraxaas ayaa xogta ay warbaahinta heshay waxay sheegeysaa inay ku dhinteen saddex qof oo shacab ah, tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale ku gubtay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidanka Amisom, hase yeeshee si rasmi ah looma oga khsaaraha gaaray, maadaama Amisom aysan shaacin khasaarahooda inta badan

QM oo dalab cusub ka soo saartay doorashada Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dhameystirka doorashooyinka golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna QM dalbatay in la dedejiyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Sidoo kale qoraalka Qaramada Midoobay waxaa lagu dalbaday in doorashada xildhibaanada golaha shacabka ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa gabagabada doorashada dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxayna ku baaqaysaa in si deg deg ah loo soo dhameystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sabtidii shalay waxaa Dhuusamareeb lagu doortay labadii kursi ee u dambeysay doorashada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay loo doortay labadii kursi ee u horeysay xildhibaanada golaha shacabka.

Dhanka kale guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta shaaciyey in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddoonka guddiga doorashada Somaliland Sagaalka Kursi ayaa waxay sumadoodu tahay Hop#214,Hop#218,Hop#226,

Hop#223,Hop#208,Hop#210,Hop#272,Hop#202 iyo Hop#225.

“Waxaan guddiga doorashooyinka (FEIT) ku wargelinaynaa liiska kuraasta baarlamaanka gollaha shacabka ee aan ugu tala-galnay toddobaadkan in aan doorashadooda qabanno, kuwaasi oo tirsigoodu hoos ku xusan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Jabuuti oo si weyn uga hor-timid qorshe Mareykanka uu ka damacsanaa dalkeeda

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa maanta sheegtay in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin “farogelin dagaal” oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu wareysii uu siiyey BBC-da walaac uga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti “ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier [ee Jabuuti], wuxuu wareysi uu siiyey BBC-da ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula dagaalamayo argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii loo baahdo daad-gureyn.”

“Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xiriirka ay la leedahay deriskeeda.”

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka, “ayna hubanti tahay in iskaashigan aanu aheyn mid ka dhan dal kasta oo ay noqoto.”

Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa inta badan loo adeegsadaa in laga qaado weerarada iyo howlgallada ka dhanka argagixisada, oo laga fuliyo meelo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Jadwalka doorasho ee 9 ka mid ah kuraasta GOLAHA SHACABKA oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta shaaciyey in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddoonka guddiga doorashada Somaliland Sagaalka Kursi ayaa waxay sumadoodu tahay Hop#214,Hop#218,Hop#226,
Hop#223,Hop#208,Hop#210,Hop#272,Hop#202 iyo Hop#225.

“Waxaan guddiga doorashooyinka (FEIT) ku wargelinaynaa liiska kuraasta baarlamaanka gollaha shacabka ee aan ugu tala-galnay toddobaadkan in aan doorashadooda qabanno, kuwaasi oo tirsigoodu hoos ku xusan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale faray in madax dhaqameedka qabaa’iilka kuraastaas iska leh ay xarunta guddiga ay soo xaadiraan berri oo taariikhdu tahay 15-ka November 2021-ka, si loo siiyo tababarada doorashada, ayna u soo xulaan ergooyinka codbixinta.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, oo isagu faray maamulada kale iney si deg deg u soo saaraan jadwalka doorashada kuraasta Aqalka Hoose.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa dhawaan sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas.

Galmudug oo wax aan horey loo arkin kusoo kordhisay doorashada Soomaaliya

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Galmudug ayaa sabtidii soo gabagabeeyey doorashada aqalka sare kadib markii la doortay labadii kursi ee ugu dambeysay aqalka sare, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed.

Haddaba, waxaa xusid mudan in maamulkaasi marka laga soo tago xulista uu sameeyey madaxweynaha ee ku aadan cidda tartameysa, oo uu kala sinnaa dowlad goboleedyada kale, uu yahay hadana maamulka keliya ee aan la furin sanduuqa doorashada, iyada oo loo tanaasulay dhammaan Senatorada soo baxay.

Horey uma dhicin maamul goboleed dhammaan doorashadii xubnaha Aqalka Sare aan laga codeyn, balse lagu kala baxay “tanaasul,” taasi oo muujineysa heerka musuq-maasuq ee doorashooyinka Aqalka Sare.

Haddaba, waxaan halkaan kusoo gudbineynaa sida ay wax u dhaceen.

Senator Saciid Siyaad, oo ahaa Senatorkii ugu horeeyey ee soo baxa waxaa “u tanaasulay” Maxamed Daahir.

Senator Dhageey, oo Senatorka 2-aad ee Galmudug kasoo baxa waxaa isna inta aan la tartamin “u tanaasula” Daahir Faarax Fiidow.

Senator Dhagdheer, oo ahaa Senatorkii 3-aad ee soo baxa waxaa goobta tartanka “uga baxay” Nuur Guutaale.

Senator Zamzam Daahir, oo noqotay Senatorkii 4-aad ee Galmudug waxaa “u tanaasushay” Farxiya Maxamed Guure

Senator Cabdixakiim, oo ahaa Senatorka 5-aad ee Galmudug waxaa isna “u tanaasushay” oo sanduuqa iney tago diiday Ismahaan Cabdi Xuseen

Senator Duniyo Maxamed, oo noqotay Senatorka 6-aad ee Galmudug, waxaa iyada kursiga “siisay” oo tartanka ka baxday Qadro Cabdullahi isxaaq

Cabdi Qaybdiid, oo kusoo baxay tartankii sabtidii, noqdayna Senatorka 7-aad ee Galmudug waxaa “u tanaasulay” Cawil Nuur Cali.

Cabdi Cismaan Xareed, oo isna shalay sabtidii noqday Senator-ka ugu dambeeyey ee Galmudug la doorto iyo midkii ugu dambeeyey ee loo doorto baarlamaanka 11-aad oo ka kooban 54-ta Senator waxaa “u tanaasulay” Mahad Aadan Guuleed.

Tanaasulka loo sameynayo kuwa kusoo baxay Senatornimada ayaa waxaa uu adkeynayaa erayga soo shaacbaxay ee “Malxiiska doorashada” taas oo meesha ka saareysa hufnaanta doorashada.

Xigasho: Goobjoog News

Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada caafimaad ee Prof. Maxamed Cismaan Jawaari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi (Buux) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyey in la dhigay mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa marka hore beeniyey wararka la baahiyey ee lagu sheegay inay liidato xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

Buux ayaa Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijiyey inay haatan aad u wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna intaasi ku sii daray in wararka lagu baahiyey baraha Internet-ka ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqda.

Sidoo kale wuxuu Cabdikariim Buux tilmaamay in Jawaari uu isbitaalka u tegay arrimo la xiriira Check Up, si loo hubiyo xaaladdiisa guud ee caafimaad.

“Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux wuxuu dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fedederaalka Xil. Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, Isbitaalkana uu u tagay arrimo “check up” ah,” ayuu yiri xoghayaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan wararka xaqiiqda ka fog ee lagu qaldayo, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada Internet-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo si aad ah baraha bulshada looga hadlay hayey xanuunka Jawaari oo la sheegay in habeen hore la dhigay isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho, walow haatan lasoo wariyey inay aad u wanaagsan tahay xaaladiisa.

FARMAAJO oo madaxweyne sii ahaan kara illaa 6 sano

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn shalay lasoo geba-gebeeyey kadib bilo ay soo jiitameysay, ayada oo labadii senator ee ugu dambeeyey lagu doortay Galmudug.

Doorashada ayaa soo billaabata 29-kii July, waxayna socotay 108 maalmood, oo ah in ka badan saddex bil iyo bar, ayada oo waxa la dooranayey ay aheyd kaliya 54 Senator.

Dad badan oo ka mid ah kuwa fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in casharka ugu weyn ee doorashada Aqalka Sare laga bartay ay tahay inay tusmeysay in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto muddo intaas aad iyo aad uga badan.

Doorashada Aqalka Sare kuma lug laheyn qabaa’ilka, ma jirin ergooyin lasoo xulayo. Waxay u baahneyd oo kaliya in madaxweyne goboleedka uu shaaciyo liiska murashaxiinta kadibna baarlaman goboleedka uu doorashada qabto.

Si aad u ogaato sida ay uu fududahay ama waqtiga gaaban ee lagu dhameyn karay, waxaad eegtaa kaliya muddada u dhaxeysay marka ay madax goboleedyada shaaciyaan liiska murashaxiinta iyo marka la qabtay doorashada, taasi oo inta badan aheyd 2 illaa 4 berri.

Hase yeeshee layaabka dhacay ayaa ahaa in madax goboleedyada ay iska haysanayeen bilo, ayada oo aysan jirin wax sabab ah oo muuqda, marka laga reebo Saciid Deni oo doorashada sida ugu dhaqsaha badan usoo geba-gebeeyey.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in doorashada golaha shacabka ay qaadan karto sanad illaa sanad iyo bar, marka loo eego xawaaraha ay ku socotay doorashada Aqalka Sare.

Taasi waxay ka dhigan tahay in madaxweyne Farmaajo, oo hadda ku jira bishii sagaalaad ee xukunka tan iyo markii waqtigiisa uu dhammaaday, uu kursiga kusii fadhin karo sanad illaa sanad iyo bar kale oo dheeri ah, taasi oo ka dhigan inuu madaxweyne sii ahaan karo 6 sano iyo ka badan, haddiiba aan dib loo soo dooran oo uusan gaarin 10 sano.

Dib u dhacan wax eed ah oo muuqata kuma lahan madaxweyne Farmaajo, waxaana yaab leh in kadib muddo lagu eedeynayey inuu diidan yahay inuu doorasho qabto, ay hadda kuwii isaga eedeynayey ay socodsiin la’yihiin doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo carcartii doorashada gaabiyey iyo madax goboleedyo aan la ogeyn waxa ay doonayaan ayey ka socon la’dahay doorashada dalka.

Maalin kasta oo uu kursiga ku fadhiyo madaxweyne Farmaajo oo ah wixii ka dambeeyey heshiiskii 27-ka May ee Rooble iyo madax goboleedyada, wax eed ah kuma lahan.

FADEEXAD culus oo ka dhacday gudaha xarunta madaxtooyada Faransiiska

Paris (Caasimada Online) – Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa baaritaan ku billaabay kufsi la tuhunsan yahay in gabar askari ah loogu gaystay gudaha xarunta madaxtooyada Faranasiiska ee Paris bishii July, kaasi oo lagu eedeeyey askari kale, waxaa sidaas AFP u sheegay il-wareedyo garsooor.

Kufsiga la tuhunsan yahay ayaa dhacay bishii July xilli ay socotay xaflad loo sameynayey Jeneral iyo laba qof oo kale, oo uu ka qeyb galay madaxweyne Emmanuel Macron, sida uu shaaciyey wargeyska maalinlaha ah ee Faransiiska ee Libération, oo ahaa kan ugu horreeyey ee xogtan shaaciya.

Askariga la eedeeyey ayaa waxaa su’aalo weydiiyey dacwad-oogayaasha 12-kii July, waxaana u harsan su’aalo kale, hase yeeshee weli si rasmi ah dacwad looguma soo oogin, sida uu sheegay ilo-wareedka garsoor.  

Xafiiska madaxweyne Macron ayaa ahmiyad ka dhigtay inuu iska ilaaliyo fadeexad kale oo qabsata tan iyo shaac ka qaadistii ceebta laheyd ee ku saabsaneyd in mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah uu weeraray qof da’yar oo dibad-bax dhigayey, bishii May ee 2018-kii. 

Askarigaas oo lagu magacaabo Alexandre Benalla ayaa toddobaadkii tegay lagu xukumay saddex sano ee xabsi ah, balse ma geli doono xabsi marka la eego xeerka xukunada Faransiiska, wuxuuse xiran doonaa aalad lugta lagu xirto oo la socota dhaq-dhaqaaqiisa.

Sida uu sheegay wargeyska Libération, gabadha sheegtay in la kufsaday iyo askariga ay eedeysay ayaa saaxiib ahaa, waxayna ka wada shaqeynayeen xafiis amnigiisa aad loo sugo oo ka tirsan madaxtooyada Élysée Palace, oo shaqadiisu tahay arrimaha xasaasiga ah ee dowladda gaar ahaan, sirta culus.

Wargeyska ayaa sheegay in gabadha ay ashtakada kufsi ka diiwaan-gelisay saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada, islamarkaana askariga la eedeeyey laga joojiyey shaqada Élysée.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo arrintan wax laga weydiiyo ayaa AFP u sheegay “islamarkii eedeyntan ay timid, waxaa la qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu taageerayo dhibanaha la sheegay, islamarkaana eedeysanaha ayaa deg deg looga wareejiyey xarunta Élysée.”

Wasaaradda gaashaandhigga Faransiiska waa ay diiday inay ka hadasho arrintan.

Al-Shabaab oo shaacisay inay MUQDISHO ku dishay 12 askari oo ka tirsan shirkada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale war kasoo saartay qaraxii Khamiistii ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo horey u sheegtay inay qaraxaas la beegsatay saraakiil Mareykan ah, balse aan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, ayaa war xalay kasoo baxay ku sheegatay inay qaraxa ku dishay ugu yaraan 12 askari oo isugu jira caddaan iyo madow.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saraakiisha “ay dileen ay u shaqeynayeen shirkad lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano PA&E, taasi oo arrimaha difaaca iyo militariga ka caawisa,” ciidamada Mareykanka, kuwa Amisom iyo kuwa dowladda federaalka.

Al-Shabaab ayaa laba ka mid ah dhalashada askarta ku sheegtay Mareykanka iyo Ugandan, hase yeeshee ma aysan shaacin dhalashada 10-ka kale, ee ay dhimashadooda sheegatay. 

“Camaliyaddii istish-haadiyada ee Khamiistii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacday waxaa ku dhintay sarkaal American ah iyo mid Yugaandheys ah oo ka tirsanaa ilaalada shirkadda Pacific Architects and Engineers,” lagu yiri warka kasoo baxay xarakada Al-Shabaab.

Qaraxaas ayaa xogta ay warbaahinta heshay waxay sheegeysaa inay ku dhinteen saddex qof oo shacab ah, tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale ku gubtay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidanka Amisom, hase yeeshee si rasmi ah looma oga khsaaraha gaaray, maadaama Amisom aysan shaacin khasaarahooda inta badan

War kasoo baxay Amisom oo shaki weyn geliyey xukunkii dilka ee lagu riday askarta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amisom ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in dil toogasho lagu xukumay askar ka tirsan howlgalkan oo kasoo jeeda dalka Uganda, kadib markii ay maxkamad militari ku mareen Muqdisho.

War-saxaafaded kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in maxkamadeynta oo socotay 2-dii illaa 12-kii November ay shan askari ay ku heshay inay ku lug lahaayeen dlka shacab Soomalaiyeed loogu gaystay deeganaka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose 10-kii August.

Laba ka mid ah askarta ayaa dil toogasho lagu xukumay halka saddex kale ay wajahayaan 39 oo xabsi ah midkiiba.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in askarta la xukumay loo celin doona dalkooda Uganda, si ay halkaas loogu fuliyo xukunka lagu riday.

“Askar ahaan waxaa mas’uuliyad naga saaran tahay ilaalinta nolosha iyo hantida. Howlgakeena Soomaaliya waa inaan wiiqnaa Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan. Si aan middaas u sameyno, waa inaan ilaalinaa shacabka, taasina waxay ku caddahay xeerarkeena howlgalka,” waxaa sidaas yiri taliyaha qeybta Uganda iyo taliyaha qeybta koowaad ciidanka Amisom Gen. Don Nabasa.

Taliyaha guud ee ciidamada Amisom Diomede Ndegeya ayaa isna sheegay inay xaqiijin doonaan in sida ugu adag ay ugu hoggaansamaan waajibaadka saaran inay baacsadaan sidii ay u wiiqi lahaayeen Al-Shabaab.

Hase yeeshee, hadalka kasoo baxay Amisom ayaa waxaa ku jira jumlad shaki badan dhalisay, oo ah in askarta la xukumay loo celin doono dalka Uganda halkaasi oo xukunkooda lagu fulin doono.

Waxaa markii hore la rumeysnaa in askarta lagu toogan doono Muqdisho, balse warka Amisom kasoo baxay wuxuu xukunkan u ekeysiiyey mid dhab ahaanshihiisa ay adag tahay in la xaqiijiyo.

Arrinta is-weydiinta mudan ayaa ah yaa xaqiijin doona in xukunkaas la fuliyey iyo in kale, haddii aanu noqon mid ka dhaca meel fagaare ah, taasi oo aysan u badneyn.

Xukunkan markii horeba ma ahaa mid lagu daminayey carada ka dhalatay dadkii lagu laayey Golweyn ee ehalladooda ay muujiyeen karti aysan kiiskan uga aamusin illaa ay ku guuleysteen xukunkan?

Haddii askarta la geeyo Uganda, kadib Uganda war-saxaafadeed un ku sheegto in la dilay askarta dambiga lagu helay, yaa xaqiijin kara?

“Lacag waa diyaar” – Fariin culus oo uu Mareykanka u diray madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan dhammeystirka mida Aqalka Sare oo shalay lasoo gaba-gabeeyey, iyada oo si weyn u boggaadisay tallaabada la qaaday.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in haatan la joogo waqtigii la guda-geli lahaa doorashada Golaha Shacabka oo ka culus mida soo idlaatay ee Aqalka Sare.

Qoraalkan ayaa si gaar ah farriin loogu diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo loogu baaqay inay tixgeliyaan dalabkii Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadanaa in lasoo gabagabeeyo doorashooyinka, ka hor dhammaadka sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka

“Waxaan soo dhaweyneynaa soo gabagabeynta doorashada Aqalka Hoose waxaa hadda la joogaa waqtigii Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen ay xurmeyn lahaayeen baaqii Rooble ee ku aadanaa in doorashada Golaha Shacabka lasoo gabagabeeyo ka hor dhammaadka 2021-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale safaaradda Mareykanka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in diyaar uu yahay dhaqaalihii loogu tala-galay ee qaaraanka doorashooyinka, si loo dardar-geliyo hannaanka iyo qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

“Dhaqaale ayaa diyaar ah si loo dhammeystiro qayb muhiim ah oo ka mid ah doorashooyinka Golaha Shacabka, taas oo ay ugu wacan tahay khidmadaha diiwaangelinta musharixiinta ee horay looga soo uruuriyey iyo qaaraanka ay ka heleen saaxibada Soomaaliya oo uu jiro Mareykanka,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Doorashooyinka dalka oo aad uga daahay, xilligii loo qorsheeyey ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana soo idlaaday Aqalka Sare, iyadoo billow ay tahay tan Golaha Shacabka.

Xiisadda DF iyo Jubaland ee Gedo oo laba kacleysay – Maxaa hadda soo kordhay?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa eedeyn u culus u jeediyey dowladda, taas oo la xiriirta xaalada gobolka Gedo.

Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay siyaasadeysay gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada hoostaga gobolkaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ay kasoo horjeedaan in Jubbaland ay gurmad gaarsiiso dadkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adaha samafalka Jubbaland laga hor istaago Gedo oo ay abaaro ka jiraan.

“Gedo waxaa ka jira ciidan si sharci darro ah ugu afduuban, in wax laga qabtana dhib ayay keenaysaa, sababtoo ah cid kaste oo wax qaban lahayd, wajiyo kale ayay u sameeyeen,” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan la joogo xilligii loo gurman lahaa dadka dhibaateysan, isla-markaana ay tahay in la kala saaro siyaasadda iyo bani’aadanimada.

Arrintan ayaa muujineyso inay dib u soo laba kacleyneuso xiisaddii Gedo, waxayna ku soo aadeysa, xilli xasaasi ah oo la qorsheynayo in doorasho lagu qabto gobolkaasi.

Hadalkan ayaa imaanaya, iyada oo haatan abaaro baahsan ay ka jiraan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo sidoo kale Gedo, taas oo saameyn daran oo nolosha ah ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolladaasi.