26.3 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaal ka dhacay magaalada BARAAWE

0

Baraawe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab oo ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu iska hor imaad toos ah oo u dhexeyey ciidamada Xoogga iyo ragii weerarka qaaday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, waxaana ay shaaciyeen inay jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 5 xubnood, kana furteen hubkoodii.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inay guullo ka gaareen ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay taliyuhu inay mar waliba diyaar u yihiin ka hortagga weerarada Al-Shabaab, si loo sugo amniga guud ee dalka.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaasi.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo galaya Koonfur Galbeed.

Si kastaba, xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidan ee ku yaalla gobolkaasi.

Ciidamada Galmudug oo qabtay markab SHIINAHA laga leeyahay + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee Galmudug ee ka howl-galka degmada Hobyo ayaa gacanta ku soo dhigay markab kalluumeysi oo si sharci darro uga jalaabanayey xeebaha maamulkaasi, gaar ahaan dhinaca xeebta Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in markabka la qabtay uu sitay Calanka Shiinaha, isla-markaana la keenay dekedda Hobyo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Taliyaha ilaalada xeebaha Hobyo, Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay haatan hayaan markabka iyo dhammaan shaqaalihii la socday.

Dhiblaawe ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shaqaalaha markabka ay yihiin illaa 17 qof oo u kala dhashay wadamada Shiinaha, Indonesia iyo Hindiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddo ku raadjoogeen markabkan oo si sharci darro ah u kalluumeysanayey, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda ka dhanka ah maraakiibta shisheeye ee ka kallumeysata xeebaha maamulkaasi.

Si kastaba, tallaabada ay qaaday dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii u dambeeyey kalluumeysatada Soomaalida ay ka cabanayeen maraakiib waa weyn oo si sharci darro ah uga kalluumeysata xeebaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne FARMAAJO oo war cusub ka soo saaray doorashada dalka ka socota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray geedi socodka doorashooyinka dalka, isagoo aad u soo dhaweeyey doorashadii golaha Aqalka Sare ee maanta la soo gabagabeeyey, sidoo kale Farmaajo ayaa qoraalkaan ku amaanay doorka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ee qabsoomidda doorashooyinka dalka.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Hoos ka akhriso isagoo dhameystiran

Muqdisho, Nofeembar 13, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada.

Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gudbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare, waxa uuna ku ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gudashada masuuliyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Howlgallo culus oo caawa ka socda Muqdisho iyo qaraxyo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka, sidoo kale saraakiil ciidan iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tegay goobo dhowr ah, halka howlgal ka dhacay degmada Deyniile ay ciidamada NISA ku soo qabteen waxyaabaha qarxa.

Ugu horeyn howlgal ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ay caawa ka fuliyeen xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ayaa lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas, waxaana lasoo bandhigay sawirrada miinooyinkaas.

Sidoo kale degmooyin ay ka mid yihiin Hodan, Howlwadaag iyo Waaberi ayey caawa ka socdaan howlgalladaas oo lagu baacsanayo burcadda habeenkii dhaca ka geysata degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen saraakiil qeyb ka ah howlgallada.

Dhanka kala guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa caawa kormeer ku tegay wadada isku xirta Saldhiga Bari ee degmada Cabdicasiis ilaa Isgooska Mirinaayada, halkaas oo maamulka gobolka Banaadir uu dhawaan ka hirgaliyey leyrarka Cad-Ceeda ku shaqeeya, kuwaas oo Guddoomiye Cumar uu sheegay inay kor u qaadeen bilicda wadadaasi, isla markaana uu leyrku muhiim u yahay sugidda ammaanka.

Weli laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah kama soo saarin howlgallada caawa ka socda magaalada Muqdisho iyo cidda lagu soo qabtay, marka laga reebo sirdoonka gobolka Banaadir oo soo bandhigay sawirrada miinooyinkaas lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Deyniile.

Mudooyinkii dambe waxaa sii xumaanayey ammaanka caasimadda Muqdisho, xilli doorashooyinkii golaha shacabka ay ka bilaaban rabaan, waxaana ugu daran tuugada dhaca u geysaneysa dadka shacabka ah, kuwaas oo mararka qaar dila dadka ay dhaca u geysanayaan.

Daawo: Waalidiinta afar wiil oo bada lagu waayey lix bilood ka hor oo hada shaaciyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xeebta Liido warbaahinta kula hadlay waalidiinta afar wiil oo lix bilood ka hor lagu waayey xeebta Liido  ee magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyey inay heleen akhbaar ah inay caruurtoodii nooshahay oo dal kale lagu heysto.

Waalidiintaan waxay sheegeen in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay subax kasta u jarmaadi jireen xeebta Liido, si ay u baadi goobaan raqda wiilashoodii, bal in baddu soo tufto, balse maanta markii ay soo yeertay akhbaarta noloshooda farxad ayey la ilmeynayeen.

Dhalinyaradaas oo markii la waayey waxay wateen doon kalluumeysi oo ka shiraacatay xeebta Liido, si dhowr meyl ay uga soo jillaabtaan, balse hadda waxay ka soo hadleen dalka Sri Lanka, kadib mudo lix bilood ah oo nolol iyo geeri lagu weysanaa.

Doonta ayaa ka ciladowday taas ayaana keentay in mudo dheer kadib ay u gacan galaan ciidamada badda Sri Lanka, waxayna waalidiintu ka codsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in lagu garab siiyo sidii wiilashooda ay ugu soo celin lahaayeen dalka, maadaama loo sheegay in lagu waayey wax dembi ah.

“Waxaa naloo sheegay in safiirka Soomaaliya ee Sri Lanka uu dowlada weydiiyey sababta loo heysto wiilasha, balse dowladu ay u sheegtay in markii ay baareen lagu waayey wax dembi ah, hadda ma awoodno inaan ku soo celino dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed hanagala qeyb qaadateen sidii wiilashaas dalka loogu soo celin lahaa,” ayuu yiri Cali Aadan oo ka mid ah waalidiinta, sidoo kale ah milkiilaha doontii ay wateen afarta wiil intii aan la weyn.

Waalidiintu waxay sheegeen in dhalinyaradaas ay ka ciladowday doontii ay wateen, isla markaana ay qabteen ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, kadib mudo afar bilood ah oo doon haleysan ay la sabeyneysay badweynta.

“Dhalinyarada hadda wax dhibaato ah oo soo gaaray nooma sheegin, afar bilood markii ay badda sabeynayeen, waxaa helay ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, bil kale oo badda lagu dhex haayey kadib, waxaa lagu xiray gudaha dalkaas, wax dembi ahna waa lagu waayey, hada waxaan codsaneynaa in gacan nalagu siiyo inaan dalka ku soo celinyo wiilasheena,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta.

Hoos ka daawo

Fiqi: Yaa noo fasira cadaaladda AMISOM la marsiiyey ee NISA kari weysay?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray xukunka dilka iyo xabsiga isugu jira ee lagu riday askarta AMISOM ee dishay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa su’aal ka keenay cadaaladda la marsiiyey AMISOM ee la marsiin waayey saraakiisha NISA ee lagu tuhmaayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ugu horeyn guul weyn ku tilmaamay in askar iyo saraakiil ka tirsan AMISOM lagu maxkamadeeyo magaalada Muqdisho, isla markaana ay cadaalad helaan ehellada dadkoodii la laayey.

“Golweyn – Shabeelada Hoose eheladii dadkooda ay AMISOM laysay cadaalad ay ku qanacsan yihiin ayay heleen oo askar iyo saraakiil AMISOM ayaa Muqdisho lagu maxkamadeeyo waa guul weyn iyo xuquuq la helay,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale Fiqi waxuu su’aal ka keenay hadii la maxkamadeeyey AMISOM, sababta loo maxkamadeyn waayay ragga lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin kiiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayey.

“Haddaba Haddii AMISOM la maxkamadeeyey, sidee loo maxkamadeyn waayay kuwii Ikraam Tahliil kiiskeeda ku eedeysnaa oo ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya mid ka mid ah? Cadaaladda AMISOM ay yeeshay ee la karsiin waayey NISA oo hey’ad dawladeed sidee umadda loogu fasiri karaa!?” ayuu yiri Fiqi.

Jimcihii shalay waxaa dil toogasho ah lagu xukumay laba ka mid ah saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, sidoo kale seddax askari ayaa lagu xukumay xabsi 40 sano ah, kuwaas oo lagu maxkamdeeyey xarunta Xalane ee Muqdisho, isla markaana lagu helay inay todoba qof oo shacab ah si bareer ah ugu laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhacdo murugo leh oo laga dhaxlay dagaalkii Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Onlie) – Inta la xaqiijiyay 3 Carruur oo isku qoys ah ayaa dhimatay halka dhaawac uu soo gaaray 5 kale oo ay kamid tahay Hooyada Reerka kaddib markii uu ku qarxay Qori nuuca loo yaqaan Saban (RPG) oo loo badaniyo in Degmada Guriceel looga dhex tagay maalmihii dagaallada ka socdeen.

Caruurta ayaa la sheegay in xabadaas ay kasoo qaadeen agagaarka xarunta Jaamacadda ee ku taalla waqooyiga degmada Guriceel, halkaas oo dagaalkii ugu cuslaa uu todobaadyo ka hor ku dhex-maray ciidanka Qaranka iyo xoogagga hubeysan ee Ahlu-Sunna.

Carruurta ayay ku qaraxday xabadda xilli ay garaacayeen, waxaana ka dhashay khasaaro murugo badan ku abuuray dadka Reer Guriceel.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galmudug oo goobta tagay ayaa qaaday dadka dhaawaca soo gaaray si looga daweeyo firirka oo waxyeello xooggan u geystay jirkdooda.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso xilli dadka deegaanka Guriceel ay bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda kadib xalkii laga gaaray dagaalkii maalmaha ka socday magaaladaas.

Goobaha ay ka dhacaan dagaallada ayaa laga dhaxlaa halis badan oo ka dhalata hubka & walxaha qaraxyada sameyn kara, carruurta oo aan aqoon fog u lahayn waxa ka dhalan kara ayaa gargaaraca taas oo ugu dambeyn keentay inay naftooda ku waayaan.

Antony Blinken oo billaabaya safar qorshihiisa ay qeyb ka tahay xaaladda Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal inta u dhaxaysa 15-ka ilaa 20-ka November, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Abuja.

Safaaradda ayaa tibaaxdey in booqashadu si qoto dheer ay hoosta ka xariiqi doonto ballaadhinta xiriirka ay Washingtion la leedahay saaxiibadeeda Afrika.

Ujeedka Socdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo Kenya ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kenya.

Dhinacyada ayaa waxey ka wada hadli doonaan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan.

Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Kenya, wuxuuna dalkaas ku leeyahay saldhig military kaas oo uu ka maamulo howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

“Xoghayaha waxa uu horumarin doonaa iskaashiga Mareykanka iyo Kenya ee ku aaddan joojinta COVID-19, hagaajinta helitaanka tamarta nadiifka ah iyo ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Blinken ayaa kadib wuxuu u safri doonaa Abuja, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha, Major General Muhammadu Buhari (retd.), Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Geoffrey Onyeama isaga oo kala hadlay nabadda qaaradda.

Maxay tahay tallaabada ay ciidamada Mareykanka qaadi doonaan haddii ay kooxda TPLF soo gasho Addi Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Itoobiya.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo November sanadkii hore ay aad u kacsaneyd xaaladda gobalka taasna ay sababtay dagaalka ka socda dalka deriskooda ah.

William Zana oo ah Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu uu yahay Jabuuti ayaa yiri “Ciidamada Mareykanka halkan waxey u  joogaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gobalka”.

“Marka itoobiya uu ka dhaco dagaal gudaha ah taasi waxay sababi kartaa in ay go’aansadaan in ay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxaan, waxaa halkaasi ku sugan 5 dal oo ka tirsan midowga Afrika oo ay arrintan saameynayso waxa jirta suurtagalnimo ah in kooxaha xagjirka argagixisada ay halkaasi dhaqdhaqaaq ka sameeyaan,” ayuu yiri Mr Zana.

Mar wax laga waydiiyay tallaabada ay militariga Mareykanka qaadayaan haddii ay TPLF soo galaan Addis ababa ayaa waxaa uu sheegay in doorka ay u joogaan gobolka uu yahay in ay ka jawaabaan xasaradaha iyo dhibaatooyiinka.

“Doorkeena asaasiga ah ee halkan aan u joogno waa in aan awood u yeelano inaan ka jawaabno dhibaatooyiinka, gaar ahaan inaan ka jawaabno dhibaatada la so gudboonaata diblomaasiyiinta Mareykanka guud ahaan Afrika gaar ahaan kuwa bariga Afrika,” ayuu intaa ku daray.

Jeneraalka hogaamiye ciidamada Mareykanka ee geeska Afrika Janaraal William Zana ayaa xusay in ay u diyaar garoobeen ka jawaabida haddii Addis ababo uu dagaal ka dhaco oo ay xaaladda sii xumaato.

“Waxaan sameynay diyaar garow wanaagsan iyo qorshe si ay noogu suuragsho in aan ka jawaabno oo aa gacan ka geysano daad-gureynta shaqaalaha iyo inaan sameyno howlgal daad-gureyn ah oo ballaaran oo laga soo qaadayo shaqaalaha Mareykanka , muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa dalalka kale, ayuu yiri Janaraal Zana.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay ku  sheegtay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya.

Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimadda, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Galmudug oo dhameystirtay doorashada Aqalka Sare – Yaa kusoo baxay labadii kursi?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa markale dib loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Glamuudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali oo kala qeyb-galayey doorashada.

Xildhibaanada Galmudug ayaa codka siiyey Qeybdiid, wuxuuna helay 83 cod, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka.

Natiijada doorashada ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kusoo baxayo Cabdi Qeybdiid oo haatan ka mid ah saaxibada Qoor Qoor.

Sidoo kale doorashada waxaa kursiga labaad kusoo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo isna cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen xildhibaanada Galmudug, kadib markii uu tanaasulay masharixii la tartami lahaa Mahad Aadan, waxaana guusha Xareed ay aheyd mid la oogaa.

Dhinaca kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Si kastaba, qabashada doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystirtay doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay goor dhow koox hubeysan ka geystay agagaarka Warshadda Caanaha ee degmada Hodan.

Toogashada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, kaas oo ku sugnaa wadada warashadda Caanaha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta isaga baxsadeen kadib dhacdadaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo goobta ka qaaday meydka askarigaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa wadada uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyey baaritaano kooban, walow aysan gacanta kusoo dhigin shaqsiyaadkii ka dambeeyey toogashada lagu dilay askarigaasi ka tirsanaa Taraafikada.

Waa dilkii labaad oo isla 24 saac gudahood ka dhacay degmada Hodan, waxaana shalay lagu toogtay haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah intaba.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho, maadaama lasoo xulayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

DF oo war kasoo saartay xukunka askarta AMISOM ee lagu tooganayo XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda u xil-saaray kiiska dadkii shacabka ah ee ay AMISOM ku leysay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay xukunka shalay soo baxay ee lagu ridday askarta Yugaandha ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadeynta askartan ay soo martay heerar kala duwan, isla-markaana lagu helay dambiga dadkii ay ku laayeen deegaanka Golweyn.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay dalbatay maxkamadda ciidan ee la saaray askartaasi, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Maxkamad ciidan ayaa codsanay in la saaro maxkamaddii ciidanka ahna waa la dhisay natiijadeydii xukunka ahna shalay ayuu soo baxay,” ayuu yiri wasiirkada cadaaladda.

Cabduqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay goobjoog ahaayeen fadhiga maxkamadda iyo sidoo kale baaritaanadii soo socday ee kiiskan soo idlaaday.

“Annaga iyo Yugaandhaba waxaan ka aheyn goobjoogayaal shaqada socoto iyo baaritaanka socdo, waxaana noo qaabilsan agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga oo farsamo ahaan la shaqeynayey guddiga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cabddqaadir Maxamed Nuur.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in dowladda u soo bandhigi doonta shacabka Soomaaliya, goorta iyo goobta la tooganayo askarta la xukumaday

“Goobta uu ka dhacaayo dilka saraakiisha AMISOM ee la xukumay, waan la wadaagi doonnaa shacabka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya.

Si kastaba, labo ka mid ah saraakiisha lasoo eedeeyey ee AMSIOM oo u dhashay Ugaandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddex askarina lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.

GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay rag dilal geystay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Glamudug ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Howl-gallada qaatay maalmo badan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 ruux oo lagu eedeynayo dilal dhowaan ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa soo qabtay walidiin la tuhumayo inay dhaleen qaar ka mid ah eedeeysanayaal baxsad ah, kuwaas oo la sheegay in lagu raadjoogo.

Wararka ayaa sheegaya in shaqsiyaadjka la qabtay loo soo gudbiyey dhinaca magaalada Dhuusamareeb, iyada oo lagu xiray xabsi ku yaalla magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka oo su’aallo dheeraad ah weydiinayo ragga haatan gacanta lagu soo dhigay.

Galmudug ayaa qorsheyneyso inay maxkamad soo saarto raggan oo dhammaantood loo heysto dilal ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kuwaas oo la xiriira aano Qabiil.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo ka dhashay dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaanada qaar ee gobolladaas.

Wararkii u dambeeyey ee xaaladda cakiran ee Sudan

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dhammaan buundooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa maanta oo sabti ah ​​la xiray ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dalkaasi ka dhacaan.

Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xiriir ah oo sababay in waddooyinkamagaalada khartouum ay dad buuxdhaafiyaan.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in la soo celiyo dowlad rayid ah, sidoo kalana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok iyo maxaabiis kale.

Dawladaha reer galbeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo dawlad ku meel gaadh ah oo ay shacabku hogaaminayaan.

Maraykanka, Midowga Yurub, Britain, Norway, iyo Switzerland ayaa sheegay in samaynta gole ku meel gaar ah oo cusub oo uu hoggaaminayo milatariga ay sii adkaynayso soo celinta dimuqraadiyadda.

Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan.

Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum.

Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen.

BBC

Yey yihiin xubnaha la sii ogyahay guushooda ee doorashada Galmudug?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaa maanta ka dhaceyso doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashadan oo lagu soo xuli doono labada Senatar ee ku harsan Galmudug ayaa haatan qaban qaabadeeda waxa ay ka socotaa gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Illaa afar musharrax oo kusoo baxay liiskii uu soo saaray Qoor Qoor ayaa ku tartamaya doorashada maanta ka dhaceysa halkaasi.

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in guusha doorashada loo saadaalinayo inay kusoo baxaan musharixiinta kala ah Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo horay uga tirsanaa Golaha Aqalka Sare iyo Cabdi Cismaan Xareed oo isna u dhow Axmed Qoor Qoor.

Sidoo kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Qabashada doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystireysa doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka.

Si kastaba, waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashada Soomaaliya, iyada oo sidoo kale dhowaan la guda galay mida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Muxuu yahay qorshaha ka dambeeya casuumadda ay Finland u fidisay Somaliland?

0

Helsinki (Caasimada Online) – Wafdi ka socda maamulka Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Cali Xaamud Jabriil ayaa gaaray magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxayna faahfaahin ka bixiyeen qorshaha ka dambeeya socdaalkooda.

Guddoomiye Cali Xaamud oo hoggaaminaya wafdiga gaaray magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay casuumaad rasmi ah ka heleen dowladda Finland, sidaasna ay ku tageen.

“Waxaan dalkaan u nimid inaan ka wadahadalno sidii Somaliland iyo Finland aan aad isugu soo dhaweyn laheyn, beryahaan arrintaas ayaan ka shaqeyneynay, waana ay nala qaateen, waxay sidoo kale nala qaateen inay nagala shaqeeyaan dimoquraadiyadeynta Somaliland, waxay naga aqbaleen inaan wada dhisno saaxiibo aan ku yeelano baarlamaanka Finland,” ayuu yiri Cali Xaamud.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Cali Xaamud Jabriil ayaa sheegay in casuumaadaan ay ku tageen Finland ay ka heleen baarlamaanka dalkaas, isla markaana ay halkaas u joogaan inay heshiisyo la galaan dowladda Finland.

Dowladda Soomaaliya ayaan aad  jecleyn dowladaha isku daya inay saaxiib la noqdaan Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaana la xasuustaa inay xiriirka u jartay, qaarna xiriirka u gaabisay dowlado ay ku jiraan Kenya iyo Geni oo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka daawo wareysiga

Dhageyso: Guddoomiyihii Maxkamadda Al-Shabaab ee Kuntuwaarey oo is dhiibay

0

Qoryooley (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya guddoomiyihii maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Kuntuwaarey oo caawa iska dhiibay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Macalin oo Al-Shabaab looga dhex yaqaanay Abuu-Cali ayaa waxaa sawirradiisa soo bandhigay maamulka degmada Qoryooley oo uu isku soo dhiibay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Qoryooley Sayid-Cali Ibraahim ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in sarkaalkaan uu si iskiis ah isugu soo dhiibay.

Maxamed Xasan Macalin (Abuu-Cali) ayaa la sheegay kooxda Al-Shabaab uu u qaabilsanaa maxkamadeynta dadka ku nool Kuntuwaarey iyo deegaanada hoos taga.

Guddomiyaha degmada Qoryooley ayaa laga soo xigtay in isisoo dhiibitaanka sarkaalkaan ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan  degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mudooyinkii dambe waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Soomaaliya, inkasta oo aan si dhab aan loo ogeyn sababta ka dambeysa arrintaan, gadana dad badan oo si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyada kooxdaan waxay qabaan in nolol adag ay wajahayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee duurka ku jira.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Ehellada dadkii ay dishay AMISOM oo war kasoo saaray xukunkii maanta, shaaciyeyna arrin kale

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Ehellada dadkii ay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ku laayeen ciidanka AMISOM ayaa war ka soo saaray xukunkii maanta lagu riday shan xubnood oo askar iyo saraakiil isugu jira, kuwaas oo maxkamadi ku heshay dembiga ah inay si ula kac ah u laayeen dadkaas shacabka ahaa.

Ehelladu waxay aad u soo dhaweeyeen xukunka maanta lagu riday askartii iyo saraakiishii dishay dadkaas, sidoo kale waxay shaaciyeen in hadda kadib ay bilaabayaan raadinta mag-dhawga dadkaas ay dishay AMISOM ee maanta la xukumay askartii dishay.

“Dadka la dilay waxay leeyihiin xuquuq magdhaw ah, hadda waxaan noo bilaabanaya magdhawga dagaalkiisii, waxaan ku doodi doonaa in dowladda Uganda dadkaas sida sharci darrada ah loo dilay ay siiso magdhaw u qalma, hadii ay Uganda iska bixin weyso magdhawgaas waxaan ku qaadi doonaa shuruucda caalamiga ah, dadkeenu ma noqon doonaan xoolo la dilay, cid ka baxsan karta malaha shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay ehellada dadkii la dilay.

Ehellada oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay si joogto ah uga qeyb galayeen maxkamadeynta askarta AMISOM oo ka socotay xerada Xalane, waxayna sheegeen inay ku qanceen hanaankii uu u dhacay xukunkaas.

“Maxkamadaas oo ka koobneyd 20 qof oo shan xeer ilaaliye iyo afar qareen ay ku jiraan oo ciidan iyo saraakiil badan ay ka qeyb galeen, waxaa si joogto ah uga qeyb gelayey anagoo afar qof ah oo ehellada dadkii la laayey ka mid ah,” ayuu yiri afhayeenkii u hadlay ehellada.

Maxkamadda ayaa 5-tii bishaan ka furantay Xalane, waxaana shalay oo Khamiis aheyd la soo saaray habka degmiga loogu helay askarta iyo saraakiisha AMISOM, iyadoo maanta oo Jimco aheyd lagu dhawaaqay xukunka raggaas lagu helay dembiga.

“Shanta nin ee dembiga lagu helay laba kamid ah waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, halka seddaxda kale lagu xukumay 40-sano oo xabsi ah, waxaa xukunsanayaasha la siiyey inay racfaan ku qaadan karaan 14-cisho, waxaan goobjoog u aheyn in sidii askartaas ka tirsan AMISOM ay sharafta uga dileen dadkeenii, si lamid ah maanta horteena ayagana sharafta looga dilay, saraakiishii horteena ayaa garaadihii looga rifay, askar ayaa lagu sii daayey, horteena ayaana lagu jeebeeyey,” ayuu yiri Afhayeenka ehellada dadkii ay AMISOM ku leysay Golweyn.

Hoos ka daawo.

Sawirro: Rooble oo hoygiisa ugu tagay Sheekh Shariif iyo arrin ay isla qaateen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheikh Axmed oo dhawaan walaac xoogan ka muujiyey habsami u socodka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu horeyntii uga warbixiyay Madaxweynihii hore ee dalka halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay geedi socodkeeda.

Rooble iyo Sheekh Shariif ayaa sidoo kale waxay ka wada-hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac ay ka dayriyeen mucaaridka.

Labada mas’uul ayaa waxay isla qaateen sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu waxa uu xalay habka fogaan araga kulan kula yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo uu ku boorriyay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas, sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka heer federaal.

Dagaal xoogan oo ka qarxay gobolka GALGADUUD iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta markale dagaal beeleed uu dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Shilan ee hoos yimaada degmada Balamballe ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Maleeshiyaadka labada dhinac ee diriraya oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku hayaa dhul ku yaala deegaankaas, sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Illaa inta hadda la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku geeriyoodey hal qof, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale oo mid ay haween tahay, waxaana weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka lagu dagaalamay.

Dagaal Beeleedyada ayaa inta badan ah kuwo ku soo laab laabtay deegaanada hoostaga degmada Ballanbale iyo guud ahaanba gobolka Galgaduud.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Galmudug, waxaana lagu soo waramayaa in saacadaha soo socda ay deegaankaas gaari doonaan ciidamo uu maamulku ugu talo galay inay kala dhex galaan labada dhinac ee dagaalamay.