26.3 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Waa kuwee magaalooyinka lagu arkay hubka ay IRAN soo gelisay Soomaaliya?

0

Garoowe (Caasimada Onine) – Sida laga soo xigtay Hay’ad cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, hubka ay Iran siiso xulafadooda Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah loogu soo gudbiyaa gacanka Cadmeed si ay u soo gaaraan Soomaaliya halkaasoo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ay kula dagaalamayaan dowladda taagta daran ee ka jirta Soomaaliya.

Shirkaddan Global Initiative ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba ayaa sheegtay in daraasaddoodu ay ku saleysan tahay xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agab laga soo aruuriyay 13 doomood oo ah nooca yar yar ee fud fudud.

Waa cilmi-baaristii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

“Hubka ka yimaada ee ka ganacsiga hubka ee Iran iyo Yemen ayaa ka soo gala Soomaaliya dhankaas,” ayaa lagu yidhi daraasadda oo la soo saaray Arbacadii.

“Iran waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, caddaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda ay bixiso dawladda Iran.”

Sida lagu sheegay warbixinta goobaha ku yaalla Soomaaliya ee ay sheegeen, waxaa ka mid ah Beledxaawo, Doolow, Ceelwaaq, Baardheere.

Sida oo kale Puntland ayaa si gaar ah loo xusay gaar ahaan Garoowe, Galdogob, Gaalkacayo, sida oo kale goobaha ay badanaa isku maandhaafsna yihiin Somaliland iyo Puntland ayaa iyana si gaar ah u warbixintaas uga dhex muuqdo sida Laascaanood, Tukaraq, Xuddun iyo Badhan.

Intii u dhaxaysay Febraury iyo March sannadkan 2021, Puntland waxay la kulantay hub aan caadi ahayn oo aad u sarreeya oo ka imanayay Yemen, sida la sheegay dalabka oo sarreeya awgeed.

Waxaana arrintasi sii huriyeen colaadaha salka ku haya beelaha ee Puntland ka dhaca ayaa warbixinta lagu sheegay iyo sidoo kale degenaansho la’aanta siyaasadeed.

Tirada ugu badan ee hubka sharci darrada ah waxaa lagu arkay magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Soomaaliya waxaana yaallay 97 hub ah (23.3 boqolkiiba wadarta) ay diwaan gelisay haayaddaasi.

“Hubka faraha badan ee la xiriira dagaalka Yemen ee ka socda Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeelan kara ammaanka Puntland iyo guud ahaan dalka iyo sidoo kale dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya,” ayaa warbixintaas lagu soo gabagabeeyey.

Askar ka tirsan AMISOM oo lagu tooganayo Muqdisho kadib maanta xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay dacwad loo haystay shan Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasi oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose.

Maxkamadeynta oo bilaabatay 5-tii bishaan ayna qaadeysay Maxkamadda AMISOM ee xerada Xalane ayaa waxay labo kamid ah askartii la soo eedeyay oo u dhashay dalka Uganda ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale waxay maxkamadda ciidamada AMISOM ayaa saddex kamid ah eedeysanayaasha ku xukuntay min 39 sano oo xabsi ah.

Afhayeenka Beeralleyda gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge oo ku sugnaa maxkamadda oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in toddobo qof ay ku marqaati fureen eedeysanayaasha oo lix kamid ah ay yihiin ciidanka Uganda ee meesha joogay, sida uu sheegay.

“Waxaa Ugandha ka yimid (xubno ka tirsan) maxkamadda ciidamada. Jimcahii ayey billaabatay. Laba maalmood waxaa hadlay dadkii ku caddeynayay dembiga. Anaga waa nalagu casuumay, waana dhageysaneynay. Xalano ayey maxkamadeynta ka dheceysay, laakiin anaga wax Soomaali oo qareen ah oo noo doodayay ma jirin. Marqaatiga nalaga dalbadayna waa hal wiil oo ninka beerta iskalahaa uu dhalay,” ayuu yiri Xuseen Waasuge.

“Ninkii kabtanka ahaa ee ciidanka watay waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii ku xigay ee watay unugga wax laayay, waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii maydka miinada dul saaray ee ku qarxiyayna iyo labadii nin ee xabada ku furtayna waxaa lagu xukumay 39 sano.”

Qaar kamid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay oo ku sugnaa maxkamadda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka uu u dhacay xukunka, islamarkaana ay raali ka yihiin.

Dhacdada loo haystay askartaan ayaa waxay ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.

Imaamka Al-Azhar oo si weyn u diiday qorshe lagu abuurayo diin cusub oo la yiraahdo…

Qaahira (Caasimada Online) – Imaamka Al-Azhar, Sheikh Ahmed Al Tayyeb ayaa si xooggan u cambaareeyey isku day lagu aas-aasayo diin cusub oo la yirhaado Ibraahiimiyad, oo la abuurayo ayada oo la mideynayo saddexda diin ee Islaamka, Kirishtanka iyo Yahuudda.

Dadka ololahan wada ayaa ku dooda in saddexda diin ay isku asal yihiin oo laga soo gaaray Nebi Ibraahim Calayhi Salaam, laguna magacaabo “Abrahamic Religions.” 

Isaga oo ka hadlayey shir ka dhacay Al-Azhar, ayaa waxa uu isku daygan ku qeexay dhalanteed iyo xoriyadda damiirka qofka oo lala wareego.

Waxa uu isku daygan la meel dhigay calmaaniyeynta iyo dhameynta taariikhaha. 

“Baaqyadan waxay sida muuqata ku saabsan yihiin mideynta Yahuudda, Kirishtanka iyo Islaamka oo laga dhigayo hal diin oo lagu magacaabo Ibraahiimiyad,” ayuu yiri Sheikh Ahmed Al Tayyeb. 

“Baaqyadan waxay la mid yihiin calmaaniyeynta, dhammaadka taariikhaha, anshaxa caalamiga ah iyo wax la mid ah. Dusha sare waxay uga muuqdaan sare u qaadidda isku duubnida aadanaha iyo midowgooda, iyo soo afjaridda khilaafyada,” ayuu ku daray. 

Waxa uu si kastaba sheegay in soo jeedinta noocan ah ay bani’aadamka ka qaadeyso xoriyadda diimaha.

“Innaga oo ka duuleyna rumeynteena diimaha samaawiga ah, waxaan rumeysanahay inaysan suurta-gal aheyn in bani’aadamka ay ku heshiiyaan hal diin, marka la eego kala duwanaanshaha dadka ee midabka, caqiiqdada, maskaxda, luuqadaha iyo xitaa raadka faraha. Dhammaan arrimahan waa taariikhi iyo xaqiiqo saynis ah, waxaana tani sidoo kale xaqiijiyey qu’raanka kariimka ah,” ayuu yiri 

Doodda ku saabsan in saddexda diin la mideeyo ayaa sare usii kaceysay dhowaanahan, gaar ahaa tan iyo markii dhowr dal oo Carab ah oo Imaaraadka Carabta hormuud u yahay ay xiriir diblomaasi la yeesheen Israel.

Dil ka dhacay Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qof Haweeneey ah lagu dilay agagaarka Isbitaalka Digfeer, waxaana dilkeeda kasoo baxaya warar kala duwan.

Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa toogtay Haweeneeyda oo lagu magaacbi jiray Dahabo Jimcaale Tooxow, xili ay ku sugneed Gurigeed oo ku yaalla agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dahabo ay ka tirsaneyd Ciidanka dowladda, sidaasina ay u beegsadeen dableyda hubeysan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, ayada oo xaafada uu dilka ka dhacay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, oo bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo raggaasi.

Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay magaalada Muqdisho ku soo badanayey dilalka qorsheyn ee loo geysanayo Askarta ka tirsan ciidanka dowladda iyo dad shacab ah, kuwaasi oo qaarkood ay sheegtaan kooda Al-Shabaab, halka kuwo kalena ay geysanayeen Kooxo Burcad ah.

Rooble iyo madax maamul goboleedyada oo gaaray go’aan la xiriira doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka. 

Kulankaas u dhaxeeyay Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Kulankan ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ay war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku shaaciyeen inuu faray maamul goboleedyada dalka inay doorashada xildhibaanada golaha shacabka billaabaan 16-ka November 2021.

Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 November 2021,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Guddiga ayaa xukuumadda Rooble ka codsaday in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.

Maxaa ka jira in kala shaki uu soo kala dhex-galay xubnaha Midowga Musharraxiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kala shaki la sheegay inuu soo kala dhex galay Musharaxiinta Mucaaridka oo ku mideysan Gole mucaarid ah.

Waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin tuhunka laga qabo in kala shaki soo kala dhex galay Mucaaridka, islamarkaana ay iskugu kalsoon yihiin sidii hore, oo ay yeeshan kulamo ay uga arrinsanayaan doorashada.

“Siyaasadda sideeda waa iska tuhun, qof aan wax lagu eedeynayn oo siyaasada soo aaday majirto, anaga shalay sidii aan iskugu kalsooneyn ayaa iskugu kalsoonahay. Xalay waxaa laheyn shir Zoom-ka ah oo mid kale waa isku ballansanahay,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka arrinsanayaan arrimaha doorashada oo ay ka soo saarayaan mowqif mideysan, uusan jirin wax tafaraaruq ah oo soo kala dhex galay oo wiiqaya ujeedkii loo sameeyay Golaha ay ku mideysan yihiin mucaaridka.

“November 19-keedii sanadkii 2020-ka ayaa isku nimid doorasho ayaa riixeynay sanadkii waxyar baa ka dhiman, shaqadii aan u taagneyn sidii ayaa u taaganahay, laakiin group-kii xiligaas shiray sidii ayay u shiraan oo go’aanka u leeyihiin.”

Waxaa muddooyinkii dambe isa-soo tarayay tuhuno la xiriira in Midowga Musharaxiinta uu soo kala dhex kala shaki, oo qaarkood ay u janjeedhsameen madaxtooyada, taasi oo uu beeniyay Musharax Daahir Geelle.

Abiy oo shuruud adag ku xiray wada-hadal uu la galo TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa shuruud ku xirtay haddii wadahadal ay ka galeyso dagaalka sanad jirsaday ee kusii siqiya Magaalada Addis Ababa oo ah Caasimadda & xarunta Midowga Afrika.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in haddii TPLF ay ka go’an tahay in laga xaajoodo colaadda looga baahan yahay in ay kasoo baxaan shuruudaha ay soo bandhigtay Dowladda.

“Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

“Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri.

“Dalka Itoobiya marweliba nabad ayuu doonayaa, maadaamaa dalku uu sabool yahay si horumarka ahmiyadda uu u siiyo” ayuu yiri.

Afhayeenku waxaa kale uu sheegay dagaalka deegaanka Tigraay ka soo billaawday oo haatan ka socda deegannada Amxaarada iyo Cafrata inuu yahay mid dowladda raalli ka ahayn balse lagu qasbay.

Waxaase jira qodobo kale balse waxaa ugu muhiimsan in TPLF culeyska ka qaado Addis Ababa, xareynta maleeshiyaadka hubeysan ee hubka u qaatay sidii loo difaaci lahaa Ismaamulka dhaca waqooyiga dalkaas.

Waxaa socda dedaallo kala duwan oo xal loogu raadinayo colaadda ka jirta Itoobiya, garwadeyn waxaa ka ah madax kala mataleysa Midowga Afrika & Qaramada Midoobay oo la kulmay labada dhinac.

Isniinta oo ku beegan 15-ka November 2021 waxaa Magaalada Kampala caasimadda Uganda lagu qabanayaa shir ay ka qaybgalayaan madaxda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD si ay go’aamo uga soosaaraan xaaladda Itoobiya.

Walaaca doorashada Aqalka Hoose laga qabo oo kordhay iyo digniin laga soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, waxayna ka digeen nidaamka ay ku bilowdeen doorashooyinkaas.

Qoraal kasoo baxay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu dalbaday in doorashooyinka Golaha Shacabka ay noqdaan kuwa hufan oo daahfuran, islamarkaana aan ka hor-imaaneyn habraacyada loo sameeyay doorashada iyo heshiisyadii la gaaray.

“Bulshada Rayidka waxay soo jeedinayaan in golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha badan inay kusoo saaran jadwalka doorashada iyada oo aan waxba laga bedeleen heshiiskii 17-kii September,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay ka digeen in doorashada golaha shacabka ay ku socdaan nidaamka ay ku billawdeen oo ay sheegen inuu u muuqday mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii doorashooyinka.

“Waxaa welwel badan ka qabnaa suurtagalnimada in la baalmaro habraacyada loo dajiyay doorashooyinka dalka.”

Sidoo kale waxay soo dhaweeyen baaqii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u jeediyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee labada heer ee ku aadana in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo doorashada golaha shacabka.

“Xarunta la socodka doorashooyinka ee bulshada rayidka waxay bogaadinaysaa dadaallada lagu xaqiijinayo hubinta qoondada 30% ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin matalaada shacabka.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen in mas’uuliyiinta dalka iyo guddiyada maamulka doorashooyinka inay u hogaansamaan habraacyada lagu xaqiijinayo matalaada haweenka oo ay sheegan inay muhiim u tahay geedi socodka doorashooyinka dalka.

Amir Ali Hajizadeh: “Israel dagaal way billaabi kartaa balse IRAN ayaa soo afjari doonta”

Tehran (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Amir Ali Hajizadeh ayaa Khamiistii sheegay in Israel ay u qoran tahay “ in la cirib-tiro” islamarkaana tallaabo kasta oo ka dhan ah Iran oo ay qaado ay taasi soo dedejin doonto. 

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo madaxda amniga Israel ay dhowaanahan sare u qaadeen hadallada ka dhanka ah Iran, ayada oo madaxa ciidamada Israel Aviv Kohavi uu Talaadadii shaaciyey in militariga ay sare u qaadeen diyaarinta weerar lagu qaado goobaha Nukliyeerka ee Iran.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Tehran, ayaa Amir Ali Hajizadeh wuxuu ugu jeesjeesay Israel “inay tahay taliska kaliya ee dunida ka jira ee ka doodaya sidii ay ku badbaadi lahaayeen.”

“Taliska Sahnuuniyadda ee ka hadlaya jiritaankooda waxaa u qoran baaba’ mana ka hadli karaan burburinta dalal kale,” ayuu yiri Amir Ali Hajizadeh oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Tasnim. 

“Haddii ay ku adkeysanayaan inay xaddidaan awoodaheena gantaallo iyo diyaaradaha drone-ka, waxay taasi muujineysaa awooddeena.”

“Ma dooneyno inaan qeexno awooddeena, sababtoo ah cadowga ayaa si ku filan uga hadla gantaallada Iran iyo difaaceenna,” ayuu yiri. 

Isaga oo ka jawaabaya hadalka saraakiisha Israel ayaa waxaa u yiri “Dalka Yahuudda ah dagaal waa uu billaabi karaa, balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa kusoo afjari doonta cirib-tirka taliska Sahnuuniyadda.”

“Haddii Taliska Sahnuuniyadda uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah siiyo qiil, waxay taasi dedejin doontaa baabi’intooda.”

Dhinaca kale, ciidamada cirka Israel ayaa sheegay inay dhowaan billaabi doonaan diyaarinta weeraro lagu qadaayo goobaha Nukliyeerka Iran.

Hajizadeh ayaa sheegay in hanjabaadda Israel ee ka dhanka ah Iran, gaar ahaan goobaha Nukliyeerka, loogu talo-galay in lagu hurudsiiyo shacabka.

“Israel waa ay billaabi kartaa weerar ka dhan ah Iran, balse natiijada kasoo baxda inanga ayaa go’aamin doonna,” ayuu yiri.

Dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray gobolka Bari

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal Maanta ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo isku aruursanayey buuraha.

Ciidamada Al-Shabaab ee isku aruursanayey buuraha ayaa la sheegay inay weerar kusoo qaadi rabeen tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalka oo qaatay dhowr saac isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Maamulka Puntland weli kama hadlin dagaalka oo hadda istaagay kadib markii ciidamadii Puntland ee weerarka ay dib ugu soo noqdeen tuulada Af- Urur.

Gobolka Banaadir ‘oo duulaan lagu soo qaaday’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir lagu soo doonto maamulkiisa.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in la rabo in gobolka Banaadir aan wax lagu baran, oo ardey ka baasin, maadama waxbarashadii maamulkeed lagu wareejiyay ay Wasaaraddu markale rabto inay soo ceshato.

“Duulaan qarsoon ayaa ku socda Banaadir waxaa la diiday in maamul uu sameysto, dad meel iska fadhiya ma nihin waa isku deynay in maamulka gobolka Banaadir uu yeesho maamul uu isaga leeyahay oo aayihiisa ka taliya, haddana waxaa moodaa wadadii aan haynaa,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

“Waxaa taageerayna waxbarashada gobolka Banaadir in loo daayo gobolka, sida dowlad goboleedyada kale xaq ugu leeyihiin ayuu u leeyahay. Uma dulqaadaneyno in siddeed kun iyo toban kun ay sanad walba dhacdo, mana yeelayno siyaasadaas waa diidnay.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in siyaasadeynta laga daayo waxbarashada, islamarkaana maamulka waxbarashada loo daayo maamulka gobolka Banaadir oo uu sheegay in uu isbedel weyn ku sameeyay.

Nabadoon Xaad ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in adeeygada waxbarashada kala xisaabtamayaan maamulka gobolka Banaadir oo kal hore lagu wareejiyo, meeshana laga saaro carqaladeynta.

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday madaxda dalka in maamulka gobolka Banaadir ay wasaaradda waxbarashada ka deyso fara-gelinta qaawan, maadama uu dalka uu yahay nidaam federaal.

AL-SHABAAB oo shaacisay inay saraakiil Mareykan ah ‘ku dileen’ qaraxii Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Banaadir ee Muqdisho, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu ka xaynayay dagaalyahan naftii halige ah.

Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab, war rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lala eegtay saraakiil American ah oo u shaqeynayay shirkad qaabilsan arrimaha difaaca oo lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers, sida qoraalka lagu xusay.

“Waxaa qarax lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil Caddaan American ah waxaa si gaar ah loo beegsaday gaarigii ay saarnaayeen saraakiisha Mareykanka ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in saraakiisha Mareykanka ay ahaayeen laba sarkaal, oo ay wehliyeen kuwa u dhashay dalka Uganda, ayna ka yimaadeen Villa Baydhaba.

Al-Shabaab ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ku aadan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ay gaarsiisay saraakiishan, haddiiba ay sida ay u sheegtay u jiraan inay weerarka la heshay.

Qaraxa ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo badan oo magaalada kamid ah, kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida aan xogta ku helnay.

Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Waxa uu burbur xoogan soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah, waxaana lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta.

Maalin loo asteeyey inay doorashada Aqalka Hoose ka billaabato M/Goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku shaaciyey inuu faray maamul goboleedyada dalka inay doorashada xildhibaanada golaha shacabka billaabaan 16-ka November 2021.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.

Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.

Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsaday in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.

Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegeen in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid.

Guddiyadu waxay ugu baaqeen madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.

Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynaya dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor.

Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqeen madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo  daneeyayaasha  taageeraya  Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan.

Odayaasha beelah Hawiye oo war-murtiyeed culus maanta kasoo saaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta war-murtiyeed kasoo saaray khilaafka ka dhex aloosan Wasiirka Waxbarashada DF iyo maamulka gobolka Banaadir.

War-murtiyeedka ayaa waxay odayaashu ku dalbadeen in loo madax baneeyo gobolka Banaadir hanaanka waxbarasho ee gobolka si lamid ah maamulada dalka, islamarkaana ay fara-gelinta qaawan ka deyso Wasaaradda waxbarashada, maadama uu dalka uu yahay federaal.

“Duqeyda dhaqanka waxay u soo jeedinayaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan ka aamusin oo wax ka qabtaan wasaarada waxbarashada iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan bixinta adeegyada waxbarashada gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

“Waxay wasaarada waxbarashada Soomaaliya u soo jeedinaysa in uu u madax baneeyo adeegyada waxbarashada gobolka. Maamulka gobolka Banaadir uu xooga u saaro xafiisyada bixiya adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.”

Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaalka iyo tayeynta uu maamulka gobolka Banaadir ku sameeyay waxbarashada gobolka Banaadir, uuna isbedelo la taaban karo kusoo kordhiyey mudadii uu la wareegay adeeyadaas, sida ay sheegen.

“Duqeyda dhaqanka waxay ugu dambeyn ugu baaqeysa Wasaarada waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir in xal loo helo khilaafka ku saabsan adeegyada waxbarashada, islamarkaana ka wada-shaqeyan horumarinta adeegyadaas, loona gaarsiin lahaa deegaanada gobolka Banaadir.”

War-murtiyeedkan ayaa imanaya xili uu dhawaan khilaaf xoogan ka dhex qarxay maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada waxbarashada dowladda federaalka, kadib markii ay wasaarada baabi’isay lacago uu maamulka gobolka ku soo rogay goobaha waxbarashada.

Rooble oo kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda Balcad + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynaha HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqasho uu ugu kuur-galayey xaaladda nololeed ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo la wadaagay baahiyaha nololeed ee ka jira deegaanka, qorsheyaasha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta dowladda iyo shacabka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay mashaariic horumarineed oo dowladdu ay ka waddo Balcad iyo guud ahaan Gobolka, kuwaas oo ay ka mid tahay waddada gabo-gabada mareysa ee isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

Injineerrada iyo howlwadeennada ka socda dalka Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan, taas oo rajo gelinaysa koboca nolasha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiga ee sida nafhurnimada leh ugu howlgalay hirgelinta iyo dhismaha mashaariicdan, waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada hortaagan horumarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay Isgoyska Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo laga maqlayo meelo badan oo magaalada ka mid ah ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala eegtay kolnyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida aan xogta ku helnay.

Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiro khasaare nafeed oo isugu jira dhimash iyo dhaawac, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Waxa uu burbur xoogan soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow, kuwaasi oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen Saddex kamid ah askarta lala eegtay, oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Illaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda labada qarax, hase yeeshe waxaa qaraxyada noocan ah inta badan fulisay kooxda Al-Shabaab.

Ethiopia oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Soomaali xiriir la leh kooxda TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska federaalka Itoobiya ayaa faah faahin guud ka bixiyey howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha dalkaasi, kaas oo la xiriira xaaladda deg deg ah oo ay dowladdu ku soo rogtay Itoobiya.

Taliye ku xigeenka booliska, gaar ahan qeybta ka hortagga dambiyada Melaku Fenta iyo taliyaha booliska Addis Ababa Getu Argaw oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay gacanta ku dhigtay dad Soomaali ah oo la shaqeynayey kooxda TPLF ee haatan dagaalka culus ka wada waqooyiga waddanka Itoobiya.

Melaku Fenta iyo Getu Argaw ayaa tilmaamay in howl-galladaasi loo fuliyey si waafaqsan xeerka deg-degga ah ee lasoo rogay.

Ma shaacin taliyeyaasha magacyada ragga Soomaalida ah ee la qabtay iyo halka ay ku sugnaayeen, marka laga reebo eedeynta loo jeediyey ee ah inay la shaqeynayeen TPLF.

Taliyeyaasha ayaa intaasi ku daray in howl-galka ka dhanka ah TPLF uu sii socon doono, iyaga oo ku eedeeyey in jabhadu ay ku hawllan tahay sidii ay u abaabuli laheyd argagixiso.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey dagaalka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF oo haatan ku dhow Addis Ababa.

Si kastaba, dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa saameyn daran ku yeeshay shacabka dalkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

BAARLIIN oo u jawaabtay KHADIIJA – “Way ogtahay inay dadkeeda go’aan gaareen”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax Baarliin Maxamuud Biin oo u sharraxan kursiga tirsigiisa uu yahay #Hope097 ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo dhowaan kasoo yeeray wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo sanado fara badan ku fadhida kursigaasi.

Baaliin Biin oo wareysi siisay Goobjoog ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamtay hadalkii Khadiijo Diiriye ee ahaa in aysan Baarliin ‘u dhalan’ beesha iska leh kursiga #Hope097.

“Taas markaan maqlay horta waa wax lagu qoslo runta marka aan ku sheego. Qofka waxaa loo baahan-yanay inuu isku kalsoonyahay,” ayey tiri Baarliin.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay “Been luga leh ayaa la sheegaa, haddii been la sheegaayo arrimahaas caddeymahooda waa kuu hayaa hadallo na dhex maray aniga iyo iyada oo afkeeda ka caddeyneyo waxaan isku nahayne waa la haayaa,”.

Baarliin Maxamuud Biin oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in aysan diyaarad soo raaci laheyn, qarashna uusan ka bixi laheyn, haddii aysan u dhalan beesha iska leh kursigaasi.

“Qabiil aan aniga u dhalan intaan diyaarad usoo raaco qarash u soo galo iskuma soo sharraxaayo, weliba aan ogahay qofka ku fadhiya waxa ay tahay,” ayey sii raacisay.

Musharrax Baarliin Biin ayaa dhinac kale su’aallo dheeraad ah ka keentay waxa keenay buuqa hareeyey kursiga #Hope097, iyada oo intaasi raacisay in dadka ku abtirsada ay sanadkan go’aan dhab ah ku gaareen in la sameeyo isbedal, sida ay hadalka u dhigtay.

“Maxaa keenaya buuqaan? maxaa keenaya showgaan?, because way ogtahay maanta inay dadkeeda go’aan gaareen, ayna la tartamaayaan,” ayey markale tiri Baarliin Biin.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in iyadu ka go’an tahay inay gasho tartanka, waxayna ugu baaqday Khadiijo Maxamed Diiriye inay kasoo qeyb-gasho doorashada.

“Haddaa dadkaada isku hubto ood leedahay anaa ciddan iska leh oo qof kale ma rabaan buuqa jooji doorashada kasoo qeyb-gal,” ayey Baarliin kusoo gaba-gabeysay hadalkeeda.

Tan iyo markii ay Baarliin ku dhowaaqday inay u sharraxan tahay kursiga #Hope097 ayaa waxa ay si aad ah u gil-gishay Khadiijo Diiriye oo labaatan sano ku fadhida kursigaasi.

YouTube oo go’aan cusub kasoo saartay DISLIKE-ta la saaro muuqaallada + Sababta

0

San Mateo (Caasimada Online) – YouTube ayaa Arbacadii ku dhowaaqday in tirada “dislike” ee la saaro muuqaallada aysan hadda kadib arki doonin dadweynaha, si dadka muuqaallada sameeya looga ilaaliyo dhibaateynta iyo weerarada beegsiga ah.

Tirada like ama dislike ee la saaro waxyaabaha lasoo dhigo baraha bulshada ayaa dadka dhaliila waxay sheegaan inay dhaawac ku yihiin bad qabka dadweynaha.

Dadka adeegsada YouTube, oo ay leedahay shirkadda Google, ayaa weli awoodi doona inay dislike saaraan muuqaallada, balse waxaa laga qarin doonaa tirada guud ee inta dislike ee la saaray muuqaalka. 

“Si loo xaqiijiyo in YouTube ay sare u qaado fal-celinta u dhaxyesa muuqaal sameeyayaasha iyo daawadayaasha, waxaan tijaabo ku sameynay badhanka dislike, si aan u eegno haddii isbeddelkan uu caawin karo muuqaal sameeyayaasha, kana ilaalin karo dhibaateynta, oo uu yareyn karo weerarada dislike,” ayey YouTube ku tiri bayaan ay soo saartay.  

“Tijaabadeena waxaa kasoo baxay inuu yaraaday dhaqankii weerarada dislike.” 

Dadka muuqaallada sameeya – sida xidigaha baraha bulshada – ayaa weli awoodi doona inay arkaan tirada like ama dislike ay muuqaalkooda la saaray, si ka duwan shacabka kale.

YouTube waxay sheegtay in tiro muqaal sameeyayaal ah oo kooban ay ku warrameen in lagu beegsado weeraro ujeedkoodu ahaa in dislike badan lagu dilo muuqaalladooda.

Nidaamka YouTube ayaa ah in muuqaallada hela like badan la tuso dad badan, halka kuwa ay ku badan tahay dislike aan sidaas loo sii baahin.

Isbedelka ay sameysay YouTube ayaa imanaya ayada oo shabakadaha baraha bulshada iyo kuwa muuqaallada ay cambaareyn xoogan kala kulmayaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka iyo Yurub, oo ah inaysan wax badan ka qaban inay la dagaalamaan tacaddiyada online-ka.

Sakariye oo soo jeediyey talo ay Soomaalidu uga faa’iidi karto burburka ITOOBIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya ayaa sharaxaad ka bixiyey khataraha iyo fursadaha Soomaaliya ka soo wajihi kara dadka Itoobiyaanka ah hadii dalkoodu burburo, isagoo sheegay in talooyin muhiim ah uu u gudbiyey madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale fariin u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxuuna sheegay in hadii Itoobiya ay burburto ay fursado badan ka heli karto umadda Soomaaliyeed, oo haatan wajaheysa kala qoqobnaan aad u baahsan.

Sakariye Xaaji Maxamuud waxuu soo jeediyey in shanta Soomaaliyeed hadii ay iska kaashadaan khataraha ka imaan kara umadda Itoobiyaanka ah ee qaran jabka wajaheysa.

“Waxaan u tegay madaxweynaha, waxaana ku iri aqoonyahano Soomaaliyeed waa buuxaan, 10 ilaa 20 qof oo qubaro ah oo baaritaan sameeya oo dejiya qorshaha sida ay umadda Soomaaliyeed ula fal-geli karto khataraha nooga imaan kara Itoobiya iyo faa’iidooyinka dalkeena ugu jira burburka ku soo wajahan dalkaas aan diyaarino,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Sidoo kale waxuu soo bandhigay sida quburadaas looga soo dhex-xuli karo umadda Soomaaliyeed, ee degta Geeska Afrika.

“Madaxweynaha waxaan kula taliyey Jigjiga, Gaarisa, Hargeysa, Jabuuti iyo shanta gobo lee kale, min laba qof hasoo direen, dadkaas oo qubaro lasoo xulay ah, hasoo dejiyeen barnaamij Soomaaliweyn looga badbaadi karo khatarta ka soo wajihi karta burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in faa’iido badan ay Soomaaliya uga imaan karto burburka Itoobiya, maadaama uu dalkaasi yahay ‘cadawga Soomaaliya’.

“Maanta waxaa banaanka taalla fursad ay ku midoobi karto shanta Soomaaliyeed, waxaan noqon karnaa dowladda koowaad ee gobolkan Geeska Afrika, dhul, dad badi iyo kheyraadba waxaan noqa doonaa dalka ugu horeeya Geeska Afrika, balse nasiib darro, waxaas dhan looma jeedee, hoos ayaan isku eegeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaanka ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ka dalbaday in arrintaan uu hoggaamiyo oo isagu uu aruuriyo quburo Soomaaliyeed oo heli kara xalka khatarta iyo faa’iidada nooga soo wajahan burburka Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqayaa Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxweyne ah, oday Soomaaliyeed-na ah, inuu arrintaas la wareego oo isagu u yeero dad Soomaali ah oo aqoonyahano ah oo arrintaan kasoo shaqeeya, waxaa suurta geleysa inaan ogaano, maxaa khatar ah iyo sidee uga badbaadnaa, maxaa faa’iido ah iyo sidee uga faa’iideysanaa? Waa sida lagu badbaadiyo umaduhu markii ay khatar galaan,” ayuu yiri.

Xildhibaan Sakariye waxuu qabaa in Soomaalidu madoobi karto, kadib burburka Itoobiya, “Waxaan ogaa doonaa inaan isku doon saaranahay oo fursadaha iyo khataraha aan wada leenahay, waxyaabo badan oo hadda Soomaalidu isku heysato kor ayaa looga bixi lahaa, hadii umadi khatar wada dareento wixii dhex yiilay waa ilaabeysaa, marka faa’iidooyin aan toos aheyn, laakiin faa’iidooyin waa weyn ah ayaan ka heli karnaa burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.