26.6 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

YouTube oo go’aan cusub kasoo saartay DISLIKE-ta la saaro muuqaallada + Sababta

0

San Mateo (Caasimada Online) – YouTube ayaa Arbacadii ku dhowaaqday in tirada “dislike” ee la saaro muuqaallada aysan hadda kadib arki doonin dadweynaha, si dadka muuqaallada sameeya looga ilaaliyo dhibaateynta iyo weerarada beegsiga ah.

Tirada like ama dislike ee la saaro waxyaabaha lasoo dhigo baraha bulshada ayaa dadka dhaliila waxay sheegaan inay dhaawac ku yihiin bad qabka dadweynaha.

Dadka adeegsada YouTube, oo ay leedahay shirkadda Google, ayaa weli awoodi doona inay dislike saaraan muuqaallada, balse waxaa laga qarin doonaa tirada guud ee inta dislike ee la saaray muuqaalka. 

“Si loo xaqiijiyo in YouTube ay sare u qaado fal-celinta u dhaxyesa muuqaal sameeyayaasha iyo daawadayaasha, waxaan tijaabo ku sameynay badhanka dislike, si aan u eegno haddii isbeddelkan uu caawin karo muuqaal sameeyayaasha, kana ilaalin karo dhibaateynta, oo uu yareyn karo weerarada dislike,” ayey YouTube ku tiri bayaan ay soo saartay.  

“Tijaabadeena waxaa kasoo baxay inuu yaraaday dhaqankii weerarada dislike.” 

Dadka muuqaallada sameeya – sida xidigaha baraha bulshada – ayaa weli awoodi doona inay arkaan tirada like ama dislike ay muuqaalkooda la saaray, si ka duwan shacabka kale.

YouTube waxay sheegtay in tiro muqaal sameeyayaal ah oo kooban ay ku warrameen in lagu beegsado weeraro ujeedkoodu ahaa in dislike badan lagu dilo muuqaalladooda.

Nidaamka YouTube ayaa ah in muuqaallada hela like badan la tuso dad badan, halka kuwa ay ku badan tahay dislike aan sidaas loo sii baahin.

Isbedelka ay sameysay YouTube ayaa imanaya ayada oo shabakadaha baraha bulshada iyo kuwa muuqaallada ay cambaareyn xoogan kala kulmayaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka iyo Yurub, oo ah inaysan wax badan ka qaban inay la dagaalamaan tacaddiyada online-ka.

Sakariye oo soo jeediyey talo ay Soomaalidu uga faa’iidi karto burburka ITOOBIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya ayaa sharaxaad ka bixiyey khataraha iyo fursadaha Soomaaliya ka soo wajihi kara dadka Itoobiyaanka ah hadii dalkoodu burburo, isagoo sheegay in talooyin muhiim ah uu u gudbiyey madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale fariin u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxuuna sheegay in hadii Itoobiya ay burburto ay fursado badan ka heli karto umadda Soomaaliyeed, oo haatan wajaheysa kala qoqobnaan aad u baahsan.

Sakariye Xaaji Maxamuud waxuu soo jeediyey in shanta Soomaaliyeed hadii ay iska kaashadaan khataraha ka imaan kara umadda Itoobiyaanka ah ee qaran jabka wajaheysa.

“Waxaan u tegay madaxweynaha, waxaana ku iri aqoonyahano Soomaaliyeed waa buuxaan, 10 ilaa 20 qof oo qubaro ah oo baaritaan sameeya oo dejiya qorshaha sida ay umadda Soomaaliyeed ula fal-geli karto khataraha nooga imaan kara Itoobiya iyo faa’iidooyinka dalkeena ugu jira burburka ku soo wajahan dalkaas aan diyaarino,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Sidoo kale waxuu soo bandhigay sida quburadaas looga soo dhex-xuli karo umadda Soomaaliyeed, ee degta Geeska Afrika.

“Madaxweynaha waxaan kula taliyey Jigjiga, Gaarisa, Hargeysa, Jabuuti iyo shanta gobo lee kale, min laba qof hasoo direen, dadkaas oo qubaro lasoo xulay ah, hasoo dejiyeen barnaamij Soomaaliweyn looga badbaadi karo khatarta ka soo wajihi karta burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in faa’iido badan ay Soomaaliya uga imaan karto burburka Itoobiya, maadaama uu dalkaasi yahay ‘cadawga Soomaaliya’.

“Maanta waxaa banaanka taalla fursad ay ku midoobi karto shanta Soomaaliyeed, waxaan noqon karnaa dowladda koowaad ee gobolkan Geeska Afrika, dhul, dad badi iyo kheyraadba waxaan noqa doonaa dalka ugu horeeya Geeska Afrika, balse nasiib darro, waxaas dhan looma jeedee, hoos ayaan isku eegeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaanka ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ka dalbaday in arrintaan uu hoggaamiyo oo isagu uu aruuriyo quburo Soomaaliyeed oo heli kara xalka khatarta iyo faa’iidada nooga soo wajahan burburka Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqayaa Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxweyne ah, oday Soomaaliyeed-na ah, inuu arrintaas la wareego oo isagu u yeero dad Soomaali ah oo aqoonyahano ah oo arrintaan kasoo shaqeeya, waxaa suurta geleysa inaan ogaano, maxaa khatar ah iyo sidee uga badbaadnaa, maxaa faa’iido ah iyo sidee uga faa’iideysanaa? Waa sida lagu badbaadiyo umaduhu markii ay khatar galaan,” ayuu yiri.

Xildhibaan Sakariye waxuu qabaa in Soomaalidu madoobi karto, kadib burburka Itoobiya, “Waxaan ogaa doonaa inaan isku doon saaranahay oo fursadaha iyo khataraha aan wada leenahay, waxyaabo badan oo hadda Soomaalidu isku heysato kor ayaa looga bixi lahaa, hadii umadi khatar wada dareento wixii dhex yiilay waa ilaabeysaa, marka faa’iidooyin aan toos aheyn, laakiin faa’iidooyin waa weyn ah ayaan ka heli karnaa burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Sawirro: ROOBLE oo safar dhulka ah ku tegay Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyoi wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tegay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Rooble ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey bulshada iyo maamulka Shabeelaha Dhexe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni iyo mida nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku xeeran.

Sidoo kale Rooble iyo wafdigiisa ayaa kormeeray dhismaha waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la kulmi doono saacada uu joogo gudaha Balcad waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Ammaanka ayaa dhinaca kale si weyn loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada iyo duleedkeeda, si ay u sugaan amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Waa booqashadiisii ugu horreysay ee uu Rooble ku tegay Balcad, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, safarka Rooble ee Balcad ayaa dad badan ku noqday lama filaan, maadaama ay magaaladan u nugushahay weerarada ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab.

Wafdiga Midowga Afrika oo xog ka bixiyey kulamadii ay ku yeesheen MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Masar u qaabilsan Itoobiya, isla-markaana horkacyey wafdiga ka socda golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika, Danjire Maxamed Cumar Gad ayaa faah faahin guud ka bixiyey kulamii ka dhacay Muqdisho.

Danjiraha iyo xubnii kale ee la socday oo booqashadooda maanta soo gaba-gabeeyey ayaa marka hore uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka, sida ay u soo dhoweeyeen.

Gad ayaa tilmaamay in inta ay ku sugnaayeen Muqdisho ay kulamo la qaateen madaxda ugu sarreysa dalka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya.

Sidoo kale guddiga nabadda iyo amniga ee AU-PSC uu marweliba daneynayaan in go’aan mid ah laga gaaro mustaqbalka AMISOM ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo wada-hadal.

‘Waxaabn aaminsanahay inaan go’aan mideysan ka gaari doono mowqif guud iyo heshiis mustaqbalka AMISOM, kadib 2021-ka haddii aan wada-hadal iyo dood ka yeelano arrimaha howl-galka AMISOM,” ayuu yiri Danjiraha Masar ee Itoobiya Dr. Maxamed Cumar Gad.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Midowga Afrika uu dadaal iyo taageero la garab taagan yahay Soomaaliya, si ay uga gudubta xaaladda kala guurka ah ee ay ku jirto.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dhankeeda dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya ay dabcisay mowqifkeeda ku aadan qaab dhismeedka howl-galka AMISOM ee dalka, waxayna xustay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-xaajoodka Ururka Midowga Afrika

Sawirro: Ciidanka DANAB oo maanta burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay howlgallo ka sameeyeen galbeedka magaalada Kismaayo.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Labi-Kus, Qudus, Yaaq-Dabeyl, Dharkeyn oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiisha Danab ee hoggaamineysay howl-gallada ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ka hadlay howl-galladaas ayaa shaaca ka qaaday in ay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab lacago ku qaadi jireen iyo xarun u aheyd maxkamad.

Xaaladda deegaanada laga sameeyey howl-gallada ayaa haatan u aad kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Jubbaland ka socday howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada Jubbooyinka ee maamulkaas.

DF oo markale digniin culus kasoo saartay dhul boobka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cismaan Cilmi Guuleed ayaa si adag uga hadlay dhul boobka haatan socda, isaga oo soo saaray digniin culus oo ku aadan dhulalka danta guud ee ku yaal dalka.

Dr. Cismaan Cilmi ayaa shaaca ka qaaday inay haatan sii kordhayaan boobka dhulalka danta guud oo uu tilmaamay in loo marayo sifo sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu farriin diray cid kasta oo ku howlan qabsashada, cabirashada ama wax kasta oo wax ka beddelaya asalka dhulalkaas, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan.

Warqaddan ayaa sidoo kale si gaar ah loogu socod siiyey maamulka degmada Afgooye, iyada oo lagu sheegay in dad shacab ah & mas’uuliyiin ay dhul boob ka wadaan halkaasi.

Maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la faray inay ka hortagaan tallaabadaasi ka dhanka ah dhulalka danta guud.

“Iyadoo la tixraacayo Xeerarka (Dekreetooyinka Madaxweynaha JFS ee 2017 iyo 2021, kuwaas oo dhammaantood timaamayay in dulalka Danta-guud lagu takri fali Karin, sifo sharci darro ahna lagu milkin Karin, cidna la sin Karin, loo cabbiri Karin, laga kirayn Karin ayada oo aan loo marin habraac Sharciga Waafaqsan Sidaa darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan Shacabka, Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku hawlan qabsasha, cabbirashada iyo wax kasta oo wax ka bedelaya dhulkaas asalkooda in ay ka waantoobaan,” ayaa lagu yir warqadda.

Waxa kale oo uu qoraalku intaas ku daray “Sidoo kale waxaa la farayaa masuulyinta Warqadani sida tooska ah ugu socoto in ay joojiyaan falalka sharci darrada ah iyo boobka lagu hayo dhulalka sare ku xusan,”.

Si kasataba, warqadan ayaa daba socota Digreetadii madaxweynaha uu soo saaray, taas oo lagu joojiyey iibeynta iyo kireynta dhulalka danta guud, inta lagu jiro xaaladda kala guurka.

Wararkii ugu dambeeyey weerar culus oo lagu qaaday ciidanka KENYA ee Somaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo loo adeegsaday madaafiica oo saacadihii lasoo dhaafay xoogaga Al-Shabaab ay ku qaadeen Jaziiradda Kudhaa oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

Weerarka ayaa sheegaya in madaafiica oo ahaa kuwa culus lagu weeraray saldhig ay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in tirada ugu madaafiica la riday ay ku hoobteen gudaha xerada, halka ay kuwa kale ay ku dhaceen bannaanka saldhigga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay dhankooda rideen madaafiic jawaab u ah weerarka lagu qaaday saldhigooda Kudhaa ee Jubbada Hoose.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waaa lagu sheegay in xoogagooda ay 50 madfac la heleen saldhigga Kudhaa ee Kenya, ayna gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ay ka socdaan Jaziiradda Kudhaa iyo agagaarkeeda, kuwaas oo ay wadaan ciidamada huwanta.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee kooonfurta Soomaaliya.

Macron oo ka qoomameeyay xiisada kala dhaxeysa Algeria

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu Algeria u hayaa “xushmadda ugu sarreysa,” wuxuuna ka “qoomameynayaa” muranka diblomaasiyadeed ee ka dhashay cambaareyntiisa ku aadaneyd hoggaanka dalkaas, waxaa sidaas Talaadadii sheegay xafiiskiisa.

Kadib markii la doortay 2017, Macron ayaa isku dayey inuu beddelo sooyaalka, si ka duwan madaxdii ka horreysay, wuxuuna qiray xadgudubyadii ay Faransiiska ka geysteen Algeria.

Hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa xumaaday October kadib markii uu ku eedeeyey “nidaamka siyaasaadeed iyo kan militari,” ee Algeria inay dib qorayaan taariikhda dagaalkii madax-banaanida, si u huriyaan “naceyb ku wajahan Faransiiska.”

Hadalkaas oo uu jeediyey intii uu socday kulan uu la qaatay faraca dadkii ka qeyb galay dagaalka, kaasi oo uu baahiyey wargeyska Le Monde, ayaa Macron wuxuu sidoo kale su’aal ka keenay haddii Algeria ay qaran ahaan u jirtay kahor gumeysigii Faransiiska ee sanadihii 1800.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu ka qoomameynayaan muranka iyo is-faham darrida ka dhashay hadalladiisa,” waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada oo codsaday inaan la magacaabin.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Macron uu “xushmadda ugu sarreysa u hayo qaranka Algeria, taariikhdeeda iyo madax-banaanida Algeria.”

Algeria ayaa si caro leh uga falcelisay hadalka Macron ee October, iyo go’aan ka horreeyey oo Faransiiska uu ku dhimay tirada dal-ku-galka ee la siin jiray shacabka dalalka Algeria, Morocco iyo Tunisia.

Algiers ayaa u yeertay safiirkeeda Paris, waxayna diyaardaaha miliraiga Faransiiska ka mamnuucday hawadeeda.

AFP + VOA

SHEEKH SHARIIF oo shaki cusub geliyey doorashada Soomaaliya kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac hor leh ka muujiyey qabashada doorashooyinka dalka oo cago jiid badan ka muuqdo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay bilaabanayaan doorashooyinka iyo xilliga ay soo idlaanayaan, midaasi oo hubanti la’aan dalka halis gelin karta.

“Dalka waxa ka jirta xaalad doorasho oo aan la hubin xiliga ay dhaceyso, run weeye in doorasho bilaabatay Aqalka Sare, laakiin Aqalka Sare oo lambarkiisa aad u kooban yahay waxa uu socday waqti dheer oo ka badan saddex bilood ah. Aqalka Hoose oo aad uga badana waxaa laga doortay labo xubnood waxaa la ogeyn goorta si dhab ah wax u bilaabanayaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Lama ilaalin waqtigii doorashooyinka, taasi oo mugdi galineysa meesha wax u socdaan iyo meesha ay ku dhamaan karaan. Waxaa wada ognahay dhibaatada dalka ka jirta Dhaqaale ahaan, Amni iyo bulsho ahaan dhibaatooyinka ka jirta waxaas oo dhan waxa fure u ah doorasho xor iyo xalaal ah oo cad waqtiga ay dhaceyso.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyada qabsoomida doorashooyinka ay saaran tahay dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Guddiyada doorashooyinka labada heer oo ayagu gacanta ku haya habsami u socodka doorashooyinka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in si dhaqso leh loo qabto doorashooyinka dhiman oo muddo dhac badan ku yimid, islamarkaana ay lagama maarman tahay inay u dhacdo hanaan lagu kalsoonaan karo.

“Dalalka burburaya ee Afrika iyo meelaha kale ku yaala asbaabta u weyn waxay la xiriiran arrimo doorasho, Soomaaliya waxaa dhibaato ku filan intii ay soo martay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in markasta oo lagu sii dheeraado xaalada kala guurka in fursad siin karto kooxaha argagixisada iyo Al Shabaab oo ka faa’iideysanaya hubanti la’aanta doorashada.

Hub ka yimid IRAN oo la shaaciyey inuu kusoo qul-qulayo gudaha Soomaaliya

Geneva (Caasimada Online) – Hub ay Iran u qeybisay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si sharci-darro ah looga gudbiyaa Gacanka Cadan, ayada oo la geynayo Soomaaliya, waxaa sidaas maanta lagu sheegay daraasad ay soo saartay hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva.

Hay’adda Global Initiative ee la dagaalanka dambiyada caalamiga ah ee abaabulan ayaa sheegtay in daraasaddeeda saldhig looga dhigay in ka badan 400 oo hub oo laga diiwaan geliyey 13 goob oo ka mid ah Soomaaliya muddo 8 bil ah, iyo kuwo laga qabtay 13 doon oo ay ay qabteen ciidamada ilaaliya xeebaha Soomalaiya. 

Waa daraasaddii ugu horreysay oo iftiimisay xaddiga hubka sida sharci-darrada ah uga gudba Yemen ee la geeyo Soomaaliya. 

“Hub asalkiisa kasoo jeedo ganacsiga hubka ee Iran iyo Yemen ayaa la geliyaa Soomaaliya,” ayey tiri daraasadda oo maanta la daabacay. 

“Iran marar badan ayey beenisay inay ku lug leedahay hubka la siiyo Xuutiyiinta. Si kastaba, caddeymo baaxad weyn ayaa muujinaya in dowladda Iran ay hubka u qeybiso.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Iran iyo afhayeenka Xuutiyiinta ayaa labaduba diiday inay ka jawaabaan daraasadda.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha kama aanay soo jawaabin codsi falcelin oo aan u dirnay. 

Daraasadda ayaa intaas ku dartay in baarayaasha ay awoodi waayeen inay diiwaan-geliyaan magacyada dadka hubka iibiya iyo kuwa soo iibsaday.

Hase yeeshee, waxaa jira astaamo cad oo muujinaya in hubka ay qeybisay dowladda Iran, ayada oo taxanayaasha lambar ee hubka ay muujinayaan inay yihiin kuwa ka yimid Iran.

Waxaa sidoo kale jira in xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay iyo sirdoonka bini’aadamka ee kooxaha wax tahriibiya ay intuba la xiriirinayaan Tehran

Mid ka mid ah doomaha hubka sida oo ay qabteen ciidamada badda Mareykanka ayaa laga helay xogta safarka markabka oo muujisay inay ka timid Iran, soo martay Koonfurta Yemen oo ay tagtay Soomaaliya. 

Daraasadda ayaa sheegtay in hubka uu u gacan galay shabakado ganacsi sharci-darro ah ka wada Soomaaliya, kuwaas oo macaamiishooda ay ku jiraan kooxo is-hubeynaya kahor doorashada Soomaaliya, maleeshiyo beeleedyo, iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xanuun aan la aqoon waxa uu yahay oo dad badan kusoo ritay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadyadii lasoo dhaafay dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay la jiifeyn xanuun aan la aqoon waxa uu yahay, oo dad badan oo xaqiijiyeen inuu ku dhacay.

Cudurkaan cusub ayaa ah mid shabaha hargabka inkastoo dadka uu ku dhacay cudurkaan ay sheegeyn inuu hargabka ka daran yahay, islamarkaana uu leeyahay madax xanuun aad u daran.

Cudurkaan ayaa ah mid ku cusub magaalada, wuxuuna yahay mid ay dadka isku gudbiyaan sida ay saxaafadda u sheegeyn qaar kamid ah dadkii uu ku dhacay cudurkaan.

“Waxaa magaalada maalmahaan ku faafay cudur xun, dadkii dhan Isbitaalada ayey la jiifaan, qaarkoodna guryaha ayey iska joogaan, waxaan dhaqaatiirta ka codsaneynaa inay cudurkaan baaraan islamarkaana ay waqti geliyaan,” ayey tiri gabaar la hadashay taleefishinka qaranka.

“Maalmahaan waxaa magaalka soo galay cudur xoogaa Garabka u eg oo dadka ay hadda la jiifaan, culeys ayuu ku hayaa magaaalada,” ayuu yiri qof kale oo ka hadlay telefishinka.

“Aniga ahaan cudurkaan wuu igu dhacay, seddex maalin ayuu i hayey, horey uma arkin xanuun noocaan oo kale ah, waxaan Allah uga baryayaa dadka uu cudurkaan ku dhacay inuu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu yiri qof kamid ah dadka uu cudurkaan ku dhacay.

Dadka ka hadlay cudurkaan ayaa sheegay in caalamadihiisa ay kamid tahay qandho joogto iyo qufac xanuun wata.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya weli kama aysan hadlin cudurka cusub ee lagu arkay Magaalada Muqdisho.

Cudurkaan ayaa kusoo aadayo xilli uusan adduunyada weli ka dhammaan cudurka COVDI19, lamana xaqiijin karo haddii uu cudurkaan yahay COVID-19 oo soo rogaal celiyey iyo haddii uu yahay mid cusub.

Midowga Murashaxiinta oo saddex qodob kala hadlay Midowga Afrika (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa galabta la shiray guddiga Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika oo xubno ka tirsan ay maalin ka hor soo gaareen Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya ugu qanciyaan in howlgalka AMISOM lagu soo kordhiyo ciidamo ka socda Qaramada Midoobey, taas oo dowladda Soomaaliya ay aad u diidan tahay.

Golaha ayaa guddigaas kala hadlay seddax qodob, waxayna u gudbiyeen warqad ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan dooda ka dhex-taagan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, sida uu sheegay Ridwaan Xersi Maxamed oo Golaha Midowga Murashaxiinta u hadlay.

Golaha waxaa shirkaas ku casuumay guddiga ka socda AU-da ee ku sugan Muqdisho, waxaana looga hadlay seddax qodob oo kala ah, amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka ka socda dalka oo dib u dhac baahsan wajahaya.

“Kulankii aan la yeelanay guddiga AU-da waxaa aad looga dooday qorshaha ay wataan oo ah in wax laga bedelo howlgalka AMISOM oo lagu soo kordhiyo ciidamo ka socda UN-ka, arrintaas si qota dheer ayaan u faaqidnay, waxaan u sheegnay in qorshaha ay wataan uusan suurta-gal ka aheyn dalkeenna, waxaan u sheegnay in Soomaaliya aysan aqbaleyn in lagu celiyo ‘Jabtar 7,” ayuu yiri Ridwaan Xersi Maxamed oo u hadlay Midowga Murashaxiinta.

Waxuu intaas ku sii daray, “Guddiga Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika waxaan u cadeynay in ka hadalka arrintaas loo baahan yahay in lagu simo oo lala sugo dowladda cusub ee lasoo dooranayo, oo go’aan ka gaaridda arrintaan dib loo dhigo, maadaama aysan hadda suurta-gal aheyn, Soomaaliya-na ay ku jirto xilli doorasho.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka dalka ay kala hadleen guddigaas, “Waxaan u sheegnay dalka hadii aysan doorasho ka dhicin inay khatar ku jirto nabad geliyadiisa, iyadoo laga tusaale qaadanayo dal kasta oo doorashadiisa ay dib u dhacdo ama musuq maasuq hareeyo, in halis uu wajaho, waxaa noo muuqata inuusan jirin jadwal cad oo lagu qaban karo doorashada dalka oo intaas soo jiitameysay, wax badana aysan ka qabsoomin, waa in doorashada BF lagu soo gabagabeeyo sanadkaan inta ka dhiman,” ayuu yiri Ridwaan Xersi.

Afhayeenkaan u hadlay Midowga Musharaxiinta sidoo kale waxa uu sheegay in guddigaas ka socda golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay kala hadleen xaaladda ammaan ee dalka, isla markaana ay la wadaageen walaacooda ku aadan in kooxaha ka soo hor jeeda dowladnimada ay qabsanayaan dhul hor leh oo aan horay gacantooda ugu jirin.

“Waxaan ugu baaqnay Midowga Afrika inay ciidanka Soomaaliyeed ku taageeraan hanashada amniga Qaranka, waxaan sidoo kale guddiga u gudbinay warqad uu ku cadyahay mowqifka Golaha Midowga Musharaxiinta ee aan ka taaganay arrimaha aan soo xusay, waxayna naga balan qaadeen inay sii socon doonaan wadahadallada aan ka yeenaneyno arrimaha taagan,” ayuu yiri Ridwaan Xersi oo u hadlay Golaha Midowga Musharaxiinta.

Hoos ka daawo

Daawo: Yaa ka dambeeyey is-rasaaseyntii lagu dili rabay guddoomiye ku-xigeenka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar shalay guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda degmada Wadajir Ciise Sharaawe Cabdi uu sheegay in lagu dili rabay kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii uu saarnaa.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa beeniyey inuu jiray qorshe degan oo la doonayey in lagu dilo Ciise Sharaawe Cabdi.

Cabdifataax ayaa sheegay in ciidanka booliska oo hawlgal ka waday bar kontorool oo ku taalla Wadajir ay qabteen Mooto Bajaaj taargo la’aan ah kadibna uu milkiilihii lahaa Mootada dalbaday ciidamo hubeysan, taasoo sababtay inuu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Booliska iyo kuwa uu dalbaday ninkii watay Mootada.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeyey booliska iyo ciidamada weerarka soo qaaday uu kusoo dhex dhacay guddoomiyaha siyaasadda degmada Wadajir, isagoo carabka ku adkeeyey inuusan aheyn qorsho isaga ka dhan ah.

“Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda Wadajir waxaa uu si lama filaan ah uu kusoo galay shaqaaqo u dhaxeysay militariga iyo Booliska, waxayna ciidamada ilaalada guddoomiyaha sameeyeen iska caabin,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqada dhacday uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidanka booliska iyo askari ka tirsan militeriga oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in dhacdadaan loo soo qabtay illaa seddex qof islamarkaana ay booliska ku wadaan baaritaan dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada kasoo baxda.

Cabdifataax ayaa ugu dambeyntii waxaa uu ka digay in magaalada Muqdisho dhexdeeda lagu wato gaari ama Mooto Bajaaj taargo la’aan ah, wuxuuna sheegay in qofkii lagu helo laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Soomaaliya oo kasoo dabacday mowqifkii ay ka qaadatay qorshaha Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dabcisay mowqifkeeda ku aadan qaab dhismeedka Amniga AMISOM ee dalka, iyadoo xustay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-xaajoodka Midowga Afrika toddobaadyo kadib markii ay diiday soo-jeedin ka timid Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa dhowaan soo jeediyey in howlgalka AMISOM loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, taasi oo dowladda ay si weyn u diiday, ayada oo ku adkeysatay in AMISOM ay dalka ka baxdo 2023-ka

Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay kulanka uu la qaatay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ka dhacay Muqdisho, ayaa muujiyey mowqif dabacsan iyo inay Soomaaliya diyaar u tahay in arrintan laga hadlo.

Wasiirka ayaa, si kastaba, ku eedeeyay Midowga Afrika inay ka gaabiyeen inay tixgeliyaan soo jeedinta Soomaaliya ee ku aaddan qaabka loo marayo ka bixitaanka AMISOM ee dalka. 

“Xaqiiqdu waxay tahay in aysan jirin wax suurta geli kara iyada oo aan ogolaansho laga helin waddanka martida loo yahay. Qorshaha kala guurka waxa uu noqon doonaa mid ku saleysan mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya, kaliya ma ahan maamulkaan, balse sidoo kale waa maamulka mustaqbalka ee dalka,” ayuu yiri wasiirka.

Balse wareysi uu bixiyay kadib kulanka uu la qaatay wafdi ka socday golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika Cabdirisaaq ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku habboon tahay wadahadal oo kaliya oo aysan jirin cid ku qasbi karto wax aysan rabin.

“Hannaan-socodka kala-guurka, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in la aqbalo soo jeedinteeda. Xitaa haddii qorshaheena ay qaataan AMISOM oo ay taageerto Qaramada Midoobay, waan sii wadi doonnaa wada-hadallada in muddo ah, laakiin nasiib-darro markii hore ma hirgelin, waana halka la isku khilaafay,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

Soomaaliya ayaa ka soo horjeedsatay soo jeedintii Midowga Afrika ee ahaa in la geeyo ciidamo xasilin oo ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay Amniga Soomaaliya ugala wareegaan howgalka AMISOM bisha December 2022.

Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay hindisahaas, waxaana taa beddelkeeda ay ku dhegtay qorshe ay wadeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka sanadkii 2018-ka oo loogu magac daray Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Guud ahaan qorshaha la dajiyey sanadkii 2018 waxa uu tilmaamayaa in si tartiib-tartiib ah howlgallada AMISOM loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya.

Qorshahan waxaa lagu taageeray shirkii 769-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee 30-kii Abriil 2018, iyadoo intaas ka dib lagu soo bandhigay laguna taageeray shir heerkiisu sareeyo oo beesha caalamku ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium, 2-dii May 2018.

Hase yeeshee, hirgelinta qorshahaas ayaa intiisa badan lagu fashilmay. Tusaale ahaan, wejigii koowaad waxaa loogu talagalay saddex marxaladood oo ay ugu horreeyaan in amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, in gacanta dowladda lasoo geliyo magaalada istiraatiijiga ah ee Leego ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed iyo furitaanka waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Baydhaba.

Seddexdaas qodob waxaa kaliya lagu guuleystay in ammaanka Garoonka Aadan Cadde lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu fashilmay in la fuliyo labada qodob ee kale.

Sidoo kale, marxaladda ugu dambeyso ee qorshahaas ayaa wuxuu ahaa in guud ahaan Amniga Soomaaliya lagu wareejiyo gacanta ciidamada Dowladda Soomaaliya bisha December ee sanadkaan, waxayna u muuqataa inaysan midaas hadda suuragal aheyn.

 

Dal Yurub ah oo muhaajiriin badan soo qaadaya, si uu ugu xumeeyo Midowga Yurub

Minsk (Caasimada Online) – Boqolaal muhaajiriin ah ayaa dhooban xuduudda kala qeybisa dalalka Belarus iyo dalka xubinta ka ah Midowga Yurub ee Poland oo ay doonayaan inay galaan, si ay ugu sii gudbaan dalalka kale ee Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa wacad ku maray cunaqabteeno cusub oo ka dhan ah Belarus, ayaga oo ku eedeeyey madaxweynaha dalkaas Alexander Lukashenko inuu adegesanayo xeelad la mid ah “tan burcadda.”

Xiisadda ka taagan xuduuddan ayaa soo socotay dhowr bil, waxaana ku dhintay toddoba qof oo muhaajiriin ah.

Poland iyo xubnaha Midowga Yurub ayaa ku eedeeyey Belarus inay ku dhiiri-gelineyso muhaajiriinta – oo ka yimid Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto – inay si sharci-darro ah uga gudbaan xuduudda oo ay galaan Midowga Yurub.

Arrintan ayaa la sheegay in madaxweyne Lukashenko uu u sameynayo inuu uga aarguto cunaqabteeno la saaray dalkiisa oo sabab looga dhigay xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha.

“Dowladda Belarus waxay hab aan horey loo arag weerar ugu tahay xuduudda Poland iyo Midowga Yurub,” waxaa sidaas shir jaraa’id oo uu Warsaw ku qabtay ku yiri madaxweynaha Poland Andrzej Duda.

“Waxaan hadda xero ku haynaa muhaajiriin loo diiday inay ku laabtaan Belarus, qiyaastii waa 1,000 qof, oo badankood ah dhallinyaro. Ficilkan waa daan-daansi ay tahay inaan iska caabinno, innaga uu fulineyna waajibaadkeena xubinnimo ee Midowga Yurub.”

Dowladda Lukashenko oo ay taageero Russia ayaa beenisay inay ka dambeyso qalaalasaha muhaajiriinta, waxayna ku eedeyeysay Midowga Yurub iyo Mareykanka inay mas’uul ka yihiin silaca muhaajiriinta ku haysta xuduuda.  

Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay in hadda 2,000 oo qof ay ku xaniban yihiin xuduudda.

“Tani waxay qeyb ka tahay hab aan bani’aadaminimo aheyn, oo sida burcadda oo kale ah, oo taliska Lukashenko uu adeegsanayo, isaga oo been u sheegaya dadka, si qaldan u adeegsanaya dadka, islamarkaana keenaya Belarus, isaga oo ugu been sheegaya inay si fudud ku geli karaan Midowga Yurub,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay guddiga Midowga Yurub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Belarus ay xitaa dalal kale kasoo qaadeyso muhaajiriinta kadibna geyneyso xuduudda Poland, si ay ugu xumeyso Midowga Yurub.

Muxuu yahay ujeedka safarka R/W ROOBLE uu ku tegayo Maamul Goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in markale uu safar ku tagi doono gobollada dalka, isaga oo booqan doono magaalooyinka qaar ee maamul goboleedyada.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in socdaalkiisa uu la xiriiro goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya.

”Wixii ka bilowda Jimcaha ama Sabtiga waxaan diyaariyey safaro aan ku tagayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashooyinka ayaa u kuur -geli doona goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka, si uu u qiimeeyo xaaladda guud.

Sidoo kale Rooble ayaa warbixino ka dhageysan doono guddiyada doorashooyinka iyo saraakiisha qaabilsan sugidda ammaanka magaalooyinka loo qorsheeyey doorashada.

Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dardar-gelin lahaa doorashada Golaha Shacabka oo haatan si rasmi ah uga bilaabatay Muqdisho.

Doorashadan ayaa ah mid xiiso badan, kana adag mida Aqalka Sare ee Soomaaliya, maadaama xildhibaanada cusub ay soo xulayaan ergo gaareysa 101 xubnood.

Si kastaba, Soomaaliya waxaa ay weli ku jirtaa xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, kuwaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

Farmaajo oo u baxaya safar dibadda ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socda uu u bixi doono safar dalka dibaddiisa ah, kaas oo uu ku tegayo Uganda, sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Farmaajo uu magaalada Kampala uga qeyb-gali doono shirweyne looga hadlayo xaaladda Itoobiya iyo mida Sudan, kaas oo qabsoomaya 15-ka beshan ayenu ku jirno November ee 2021-ka.

Wasiirka ayaa shaca ka qaaday in shirkaas ay sidoo kale tegi doonaan dhammaan madaxda dalalka dhaca Bariga Afrika ee ku jira  Urur Goboleedka IGAD.

“15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in muhiimadda shirkaasi uu yahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha iyo qalaalasaha dhiiga uu ku daadanayo ee ka jira labadaasi dal.

Mudane Maxamed Cabdirasaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay ku baaqeyso in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Wadahadalka iyo wax isla meel dhigidda ayaa ka wanaagsan in dad aan wax galabsan ay ku dhintaan, in dhaqaalaha & Dalka uu ku burburo, sidaas darteed waxa aan soo jeedineynaa in la wada hadlo” ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safarka Farmaajo ee Kampala ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho.

Si kastaba, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa saaxib dhow la’ah ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Axmed oo haatan dagaal adag kula jira jabhadda TPLF.

Deni oo digniin culus kasoo saaray shir ay DF uga qeyb-galeyso Dubai + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray diginin ku aadan in dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiisyo kusoo gasho shirka shidaalka Afrika ee ka socda magaalada Dubai, oo lasoo geba-gebeyn doono maalinta Khamiista.

Shirkaaas oo ay kasoo qayb-galeen dalal badan, oo Soomaaliya ay ka mid tahay, ayaa lagu soo bandhigayaa shidaalka dabiiciga ah ee dalalka Afrika.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri Africa “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyadoo ka duulaysa mowqifkeeda hore ee 9th – January iyo 11- February 2020, waxay cadaynaysaa in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka ee la saxiixay 8th February 2020, maadaama uusan wafaqsanayn Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Federaalka iyo hannaanka qaybsiga khayraadka dalka oo aan wali lagu heshiin.”

“Dowladda Puntland waxa ay ka digaysaa in Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga ee lagu xaraashayo khayraadka wadanka, kaas oo ay ka dhalan karto xasilooni daro,” ayaa lagu yiri qoraalka

“Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay uga digaysaa Shirkadaha Caalamiga ah in aysan heshiis sharci-daro ah la gelin Dowladda wakhtigeedu dhammaaday.”

Shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee 31-kii October ayaa lagu ansixiyey guddoonka hay’adda batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Ansixintaas ayaa timid toddobaad kahor shirka Dubai, waxaana ka dhashay deg degtaas shaki ku saabsan in dowladdu qorsheyneyso heshiisyo ka gaarsiin ah, oo laga cabsi qabo in shirkado shisheeye lacago looga qaato kahor inta aanay iman xukuumad cusub.

Gudoomiyaha Wadajir oo ka hadlay weerarkii shalay lagu dili rabay Ciise Sharaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Bashiir Maxamed Cali  oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay falkii shalay lagu rasaaseeyey Ciise Sharaawe Cabdi oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee Wadajir, kaas oo lagu weeraray degmadaasi.

Bashiir Maxamed Cali ayaa marka shaaca ka qaaday inuu ka xun-yahay falkaas oo ahaa ‘isku day dil’ oo la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiye ku xigeenkiisa siyaasadda.

“Annaga ka maamul ahaa waan ka xunahay falkii halkaasi ka dhacay, sababtoo ah annaga oo waajibaadkeena shaqo gudaneyno oo Ummadda u shaqeyneyno waa waxa dhibaatada soo gaartay waa maamulka, haddii boolis yahay ama maamulka mid ayaan ka nahay dhibaatadii shalay halkaasi ka dhacday,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir Maxamed Cali

Sidoo kale wuxuu si adag isaga fogeeyey eedeyntii uu guddoomiye ku xigeenka la weeraray u jeediyey maamulka degmada Wadajir, wuxuuna yiri “Ma aqbaleyno in la eedeeyo maamulka oo la yiraahdo waa ka dambeeyey, sababtoo ah maamulka wax uu shaqo ku leeyahay  falkii shalay dhacay ma jirto,”.

Guddoomiyaha degmada Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Ciise Sharaawe ay tahay inuu caddeeyo dadka uu tuhmaayo ee ku jira maamulka, si baaris loogu sameeyo.

“Waxaan rabaa haddii guddoomiye ku xigeenku ka tabanaayo dad ka mid ah maamulka ha caddeeyo, si ay laamaha amniga u baaraan” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn Bashiir Maxamed Cali ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir inuu arrintan soo fara-geliyo, isla-markaana u saaro guddi gaar ah oo xaqiiqo raadin ah.

“Markale waxaan leeyahay maamulka gobolka Banaadir waxaan ka rajeyneynaa inuu noo soo diro guddi xaqiiqo raadin ah,” ayuu Bashiir ku soo gaba-gabeeyey shirkiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay guddoomiye ku xigeenka siyaasadda maamulka degmada Wadajir uu shaaciyey in xubno ay is kala tirsan yihiin maamulka ay weerar ku qaadeen, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa ‘isku day dil’ oo uu ka bad-baaday.

Goorma ayey dhaceysaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku haray Galmudug?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada kursi ee ka harsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta, isla-markaana ay beri ku eg-tahay.

Sidoo kale guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in hadal jeedinta iyo doorashada ay dhici doonto 13-ka bishan November oo ku beegan Sabtida soo socota.

Jadwalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay Qoor Qoor uu soo saaray liiska afar musharrax u tartamaya labada kursi ee haatan ku harsan dowlad goboleedka Galmudug.

Labadan kursi ayaa waxaa ku tartamaya  1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Cawil Nuur Cali, 2. Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Qabashada doorashada labadan kursi ayaa sidoo kale dhammeystir u noqon doonto doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa haatan la guda-galay oo billow ah doorashada Golaha Shacabka oo aad uga culus mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaankii soo dooran doono illaa 101 ergo ah.