26.6 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Goorma ayey dhaceysaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku haray Galmudug?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada kursi ee ka harsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta, isla-markaana ay beri ku eg-tahay.

Sidoo kale guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in hadal jeedinta iyo doorashada ay dhici doonto 13-ka bishan November oo ku beegan Sabtida soo socota.

Jadwalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay Qoor Qoor uu soo saaray liiska afar musharrax u tartamaya labada kursi ee haatan ku harsan dowlad goboleedka Galmudug.

Labadan kursi ayaa waxaa ku tartamaya  1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Cawil Nuur Cali, 2. Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Qabashada doorashada labadan kursi ayaa sidoo kale dhammeystir u noqon doonto doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa haatan la guda-galay oo billow ah doorashada Golaha Shacabka oo aad uga culus mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaankii soo dooran doono illaa 101 ergo ah.

QOOR QOOR oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug

0

Dhuusomareeb (Caasmada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay soo saaray liiska musharaxiinta labada kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan maamulkiisa.

Qoor Qoor ayaa musharaxiinta labadaas kursi isugu aadiyey sida: 1-  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cawil Nuur Cali, 2- Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Qoor Qoor ayaa sida muuqata liiska aan kusoo darin madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegay inuu musharax u yahay kursiga u uku fadhiyo Qeybdiid, kana digay inaan liiska lagu soo darin.

Xaaf ayaa laga hayaa erey can baxay oo uu ku yiri “qiyaamaha ayaa dhici doona, haddii aan la igu soo darin liiska,” wuxuuna sheegay in dagaal beeleed uu ka dhici karo Galmudug.

Ma cadda illaa hadda in Xaaf looga tagay si ula kac ah, ama inuu jiro heshiis hoose oo arrintan laga gaaray.

Waxaa jira warar sheegaya in Xaaf isku sharxi rabo kursiga Axmed Macallin Fiqi oo ay isku jufo hoose yihiin, taasi oo qeyb ka ah dagaalka maalmahan u dhaxeeya Fiqi iyo Qoor Qoor. Xogta rasmi ah ayaa laga kala ogaan doonaa saacadaha soo socda maadaama uu liiska hadda un soo baxay.

Kursiga labaad ee uu Qoor Qoor soo saaray musharaxiintooda ayaa waxaa leh beesha madaxweyne Farmaajo, waxaana horey ugu fadhiyey Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, oo isna laga tegay.

Sida looga tegay Goonjeex ayaa Iyana weli laga hayn faah-faahin maadaama liiska hadda soo dhacay, waxaana xogta labada kursi idinla wadaagi doonaa saacadaha soo socda, haddii eebe idmo.

Saxafi 13 sano kadib fariin kasoo gudbiyay burcad ku afduubatay SOOMAALIYA

0

Saxafiga lagu magacaabo Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa 13 sano kadib ka sheekeeyey dhibaato fool xun oo  uu kala kulmay burcad barcad badeed Soomaaliyeed xili uu baarayay dhibaatada iyo halista burcad baddeeda sanadkii 2008-dii, xiligaasi oo Soomaaliya lagu afduubtay markabka ‘Sirius Star’ oo shidaalka qaada ee Sacuudiga.

Colin Freeman, ayaa u afduubnaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida muddo lix todobaad ah wuxuuna daaha ka qaaday in kooxihii afduubtay ay doonayeen inay kula xiriiraan shirkaddi uu ka tirsanaa email ahaan.

Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa madax furasho lagu sii daayay lix toddobaad oo argagax leh kadib sanadkii 2008-dii.

Colin ayaa loo diray in uu baaritaan ku sameeyo oo uu ka shaqeeyo magaalada Boosaaso, waxaana afduubkiisa ka dambeeyey dadkii uu lacagta siiyay si ay u ilaaliyaan maadaama ay ahaayeen burcad badeed iska dhigaya ilaalo sida ay daabacday warbaahinta MyLondon.

Colin oo ah wariye khibrad u leh in uu ka shaqeeyo goobo halis ah ayaa sheegay in ay ahayd maalintii u dambaysay ee safarkiisa markii ilaalo ku hubaysnaa qoryaha  Kalashnikovs, kuna amreen isaga iyo saaxiibkiis sawir qaade José Cendon in ay gaariga ka soo degaan. Hase ahaatee markii uu damcay in uu la xiriiro xafiiskiisa uu sheegay in madaxa looga dhuftay qori xabadi ay raacsaneyd.

Colin oo sharaxayay qaabkii loo afduubtay ayaa sheegay in lagu amray in ay ka soo degaan gaariga xili ay isku arkeen qolada hageysa buur hoosteeda ka hor inta aan maalmo badan aysan lugayn afduubashadiisa kadib.

Laba maalmood kadib oo socod dheer ah kadib Colin iyo Saaxiibkiis Jose waxaa lagu wareejiyay nin magaciisa lagu sheegay Yusuf, waxaana  Colin lagu qasbay inuu taleefoon u diro UK isagoo qori madaxa looga haayo iyadoo burcadbadeeddu ay dalbadeen lacag dhan 3-milyan oo doollar in midkiibalaga doonayo si loo sii daayo labadan qof, waxaana si toos ah loola xiriiriyay xafiiska wargeyska The Telegraph ee London.

Si kastaba, ha ahaatee, markii dalabaadka la fulin waayay, Colin wuxuu sheegay inuu u baqay naftiisa iyo inay cabsi gelinta sii kororto.

Waxa uu yiri: “Waxa ay ahayd wax iska cad wixii markaa ka dambeeyay, in haddii arrimuhu sidii la rabay u socon waayaan, xaaladu in noqon doonto mid kasii darto markii lasoo wacay talleefanka oo xaaladu sidii la rabay noqon weyday markii aan u maleynayay inay bilaabayaan inay na jirdilaan iyo wax la mid ah, nasiib wanaag ma aysan samayn.

Ugu danbeyntii waxaa loo sheegay in la sii deyn doono balse qorshaha ayaa isbedelay kadib muran dhexdooda  ah oo dhex maray kooxda afduubka geysatay, balse xal laga gaaray.

Colin waxa uu sheegay in kooxda aduubka ku haysatay ay si fiican u quudin jirtay intii la hayay, iyagoo cuni jiray hilib ari duban oo  bariis iyo baasto la raaciyay, sidoo kale, Shaah Soomaali sonkortiisa lix qaando “Malqacad” la siin jiray aadna ugu heleen.

Colin waxa uu sheegay in afduubayaashu aysan ku hadli kareyn Ingiriisi badan, laakiin ay awoodeen inay ku wada xiriiraan  Ingiriisi dirsi ah iyo Carabi aan badneyn”maadaama Colin uu ku hadli karo xoogaa luqaddo kala duwan.

Mid ka mid ah aduubayaasha ayaa u sheegay Colin in Britain, uu ka taageero kooxda Arsenal ee uu ka tirsanaa Thierry Henry xiligaasi.

Colin ayaa si yaab leh u sheegay in mid ka mid ah budhcad-badeedda uu xataa u soo bandhigay in jecel yahay inuu kula xiriirho email ahaan marka uu wadankiisa ku laabto.

Ugu danbeyntii Colin ayaa sheegay inta badan aysan sameyn dhacdadaasi foosha xun ayna jiraan dad badan oo walaac ka qaba arrimahaasi sumcad xumida ah halka buu yiri ay jiraan dhalinyaro yar oo burcad badeednimada ay ka heleen in afduubku yahay habka keliya ee lagu gaari karo nolosha.”

Qisadaan ayaa buug logu magac daray shaydaanka iyo badda buluuga ah: Hawlgalka badbaadinta la haystayaasha dunidu illowday. kaasoo wax badan lagaga hadlay wanaag iyo xumaanba dunida ku faafay.

Waxaa turjumay: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Wararkii ugu dambeeyey ee muranka diyaaradihii drone-ka ee lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Garsoor ee uu guddoomiyaha ka yahay Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray diyaaradihii Dron-ka ahaa ee lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiga ayaa lagu caddeeyey in nooca diyaaradaha ee Shirkadda Hufan ay dalka keentay ay noocoodu ahaayeen DJI P4 Multispectral RTK Drone.

Shaqada loogu talagalay in lagu qabto Diyaaradahaan ayaa lagu sheegay inay tahay buufinta cayayaanka beeraha, Sahminta dhul beereedyada, Lasocodka xaaladda dalagga iyo Waraabinta beeraha.

“Xisbiga Garsoor wuxuu caddeynayaa in Danaha laga leeyahay la-wareegidda iyo xoog ku qabsashada hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan ay ka danbeeyaan dano siyaasadeed oo looga gol leeyahay in musharax Madaxweyne Dr. Zakariye Mohamud Haji Abdi oo ah musharraxa kaliya ee ugu rajada fiican xilka Madaxweyninmo ee dalka lagu dhaawaco hankiisa siyaasadeed sidoo kale, waxaa jira cadow shisheeye oo ay ugu horreeyaan kooxda TPLF ee gabalkoodu dhacay iyo xukuumadda Kenya oo dabada ka riixaya si mansabka iyo magaca musharrax madaxweyne Dr. Zakariye Maxamud Xaji Cabdi loo baabi’iyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiga.

“Waxaa illaah mahadii ah in shacbiga Soomaaliyeed ay ka dharagsanyihiin falalka gurracan ee xukuumaddi afartii sano ee lasoo dhaafay dalka hogaamineysay kula kacdey siyaasiintii hore, kuwi harayna ay maanta kusoo khatintay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka iyo baaqa kasoo baxay xisbiga

BAAQ FURAN:

Xisbiga Garsoor wuxuu ugu baaqayaa shacbiga soomaaliyeed inaan marna la aqbalin in dadka haldoorka ah ee danahooda siyaasadeed ka shaqeynaya kana hor taagan wadamada iyo kooxaha shisheeye ee caadeystay guumeysiga iyo gumaadka shacbiga soomaaliyeed aan hortooda lagu magac dilin taasna ay si wadajir ah uga hor yimaadaan ugana dhiidhiyaan.

Xisbiga Garsoor wuxuu ugu baaqayaa shaqsiyaadka beryahan u durbaan tumayay soo noolaanshaha TPLF inay ka waantoobaan lashaqeynta cadowga soomaaliyeed taas badalkeedana aysan magac dilin Haldoorradooda geesiyada ah.

Xisbiga Garsoor wuxuu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ugu baaqayaa in si degdeg ah uu ugu soo celiyo gacanta shirkadda Hufan hantidii ay xukuumaddiisu si aan sharciga waafaqsaneyn ula wareegtay dhawaantan.

Xisbiga Garsoor wuxuu ugu baaqayaaa taageerayaasha xisbiga Garsoor iyo Taageerayaasha Musharraxa madaxweyne Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi inay iska kaashadaan inay ka hortagaan been abuurka baraha bulshada ay ku faafinayaan kooxo caadadoodu ay ahayd afarti sano ee ina dhaaftay sumacad dilka iyo aflagaadeynta Madaxda ay u arkaan inay ka maskax iyo taageerro sarreeyaan kuwa talada markaas haya.

Ugu danbeyn, Waxaan ku kalsoonnahay in sida sharciga waafaqsan ay kusoo idlaan doonto xaaladda ay abuurtay xukuumaddan islamarkaana ay cadaalad heli doonto Shirkadda Hufan oo qalabkeedii si sharci darro ah ay u afduubatay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wabillaaaahi Towfiiq

Wareysi: DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday waxa ay isku hayaan Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey kulamadii maanta ay Ra’iisul Wasaare Rooble la yeesheen safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka iyo nabadda  Midowga Afrika iyo halka uu marayo qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka AMISOM.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay BBC ayaa sheegay in kulankii maanta iyo kulamadii ka horeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho looga hadlay qorshaha la doonayo in AMISOM looga saaro Soomaaliya, kaas oo aad uu uga cagajiidayo ururka Midowga Afrika.

“Kulankii maanta waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray maxaa noo qabsoomay, maxaa noo qabsoomin, maxaan isku diidanahay iyo sidee waqtiga yar ee ka haray sii joogitaanka dalka ee AMISOM aan u soo wada saarnaa go’aan la isku raacsan yahay?” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waqtiga loo qorsheeyey howlga AMISOM ee Soomaaliya ayaa ku eg bisha soo socota ee December, waxayna dowladda Soomaaliya dooneysaa in dhamaadka sanadkaan ay AMISOM dalka isaga baxdo, halka dalalka ay ka soo jeedaan ciidamada AMISOM ay ka caga jiidayaan go’aankaas, iyagoo doonaya in waqtiga loo kordhiyo, si dalka ay u sii joogaan.

Mar wasiirka la waydiiyey sababta ay mar hore uga shaqeyn waayeen in is-faham laga gaaro go’aanka bixitaanka AMISOM ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanad ka hor diyaarisay oo Qaramada Midoobey ay u gudbisay qorshe cad oo AMISOM ay waqtigii loo qorsheeyey dalka uga bixi karto, balse waxuu xusay in qorshahii dowladda Soomaaliya uu ka socon waayey Midowga Afrika.

“Qorshaha loogu tala galay kala guurka, Soomaaliya waxay ku adkeysatay in la qaato soo jeedinteeda, xittaa hadii qorshaha aan rabno la qaato ciidamada AMISOM oo ay kaabeyso QM waxaa in mudo ah noo sii socon lahaa wadaxaajoodka, laakiin waxaa nasiib darro ah in markii horaba aysan anaga qorshaheenii nala qaadan, waana halkaas meesha la iska diidan yahay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hors oo saartay go’aan ay dalka uga ceyrineyso ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo, kaas todoba cisho loo qabtay inuu dalka uga baxo, waxuuna go’aankaasi abuuray madmadow iyo kulamo is daba joog ah oo madaxda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka yeelanayaan arrinta lagu eryey wakiilka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa horay u sheegay in Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in danjire Simon Mulongo uu burburiyey heshiis dowlada federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane.

“Midowga Afrika waxaan u sheegnay in aan ninkaas digniino badan ka bixinay, haddana aan taagannahay meeshii ugu dambeysay, oo ah in nalaga beddelo. Waxaa sidoo kale madaxda dalkiisa Uganda gaarsiiyay arrintaas, si shakhsi nuucaas oo kale aanan ka ogolaan inuu xiriirkeenna xumeeyo,” ayuu ku yiri wasiirka Maxamed Cabdirisaaq wareysi uu horay u bixiyey.

Hoos ka daawo wareysiga

Saddex ka mid ah madax goboleedyada oo sanadkan raba inay xilal ka qabtan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada heer Federaal weli uma socoto sidii loo qorsheeyey, waxaana lagu eedeeyey madaxda maamul Goboleedyada inay yihiin cidda gadaal uga dhagan geediga doorashada.

Sababta keentay inay ku dhagaan geedi socodka doorashada ayaa ah mid wajiyo badan, waxaase ugu weyn kuwa uu sanadkaan gubayo damaca heer Federaal.

Seddax kamid ah madaxda shanta maamul Goboleed ayaa dhammaan laga soo wariyey inay sanadkaan leeyihiin qorshooyin ay xilal sare kaga doonayaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa seddex madaxweyne iyo mid walba jihada uu u socdo, garabka uu heli karo iyo waxa uu ku doortay inuu ka tago maamul Goboleedka uu hoggaamiyo.

1- Saciid Cabdullaahi Deni

Hoggaamiyaha maamulka Puntland waxa uu bisha January ee sanadka soo socdo u dabaal dagi doonaa seddex sano guurada kasoo wareegtay madaxtinimadiisa Puntland, waxaana markaas xafiiska uga harsan laba sano.

Doorashada heer Federaal waa dhaafi doontaa xilliga uu Deni xusayo Seddex guuradiisa, wuxuuna kamid yahay Ragga xilligaan soo gaarsiiyey doorashada heer Federaal. Waxaa lagu eedeeyaa inuu dhowr xaaladood isku aadinayey.

Waa musharax madaxweyne oo heer Federaal ah, dhowr bilood ka hor si qarsoodi ah ayaa loo dhihi jiray kalmadaas, laakiin muddooyinkii lasoo dhaafay si toos ah ayuu u bilaabay ololihiisa, wuxuuna soo saartay xildhibaano.

Saciid Deni wuxuu ku doodaa haddii uusan tartamin inuu kursiga mar kale kusoo noqon doono madaxweynaha hadda talada ka dhammaatay ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo, taasoo ka dhigan inuu isku arko ninka qura ee Farmaajo ka hor istaagi kara kursiga.

1- Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)

Hoggaamiyaha Galmudug wuxuu abuurtay xisbiga waaya-arag, waa xisbi ku dhismay oo salkiisu yahay saaxiibtinimo soo jireen ah, tusaalaha ugu fudud waa Dhagey Geelle, Dhagdheer, Cabdi Qeybdiid iyo Saciid Siyaad Shirwac, waxayna Qoor Qoor saaxiibo ahaayeen 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Kooxda waaya-arag waxay sanadkaan si aan leex leexad laheyn u sheegeysaa inay dalka ka rabto cad weyn. Qoor Qoor wuxuu ku jiraa qiimeyn, inuu tartamo dareen ah waa laga soo wariyey, inuu qof dhiso oo uu Ra’isuwlasaare qaato damac ahna waa ku jiraa.

Haddii uu Farmaajo dhisayo isagoo Ra’isulwasaare doon ah, waxaan la ogeyn sida uu isku aqbalsiin karo saaxiibadiisa waaya-arag iyo Farmaajo oo muddooyinkii dambe aan aad isku jecleyn.

Tusaalaha ugu fudud ee damaca Qoor Qoor waa inuu xildhibaano ka dhigayo raggiisa ugu dhow dhow iyo inuu diidan yahay qof walba oo uu u arko inuu musharax kale ku dhex jiro.

Bisha February ee sanadka soo aadan waxaa u buuxsami doonta Qoor Qoor laba sano guuradiisa madaxtinimada Galmudug.

Inuu labada sano ee ka dhiman muddo xilleedkiisa ka tago dhib badan kuma heyso ayaa la leeyahay haddii uu cad weyn ka helayo Dowladda Federaalka ah.

Isaga iyo Saciid Deni waxay ka siman yihiin midna Axmed Madoobe ayuu shirka la yahay midna Lafta Gareen. Damaca soo xoogeysanaya ee ku jira Qoor Qoor wuxuu dharbaaxo ku yahay musharixiin badan oo Kasoo jeeda Galmudug

3- Cabdicasiis Laftagareen

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed inta uusan madax ka noqon maamulkaas wuxuu ahaa Xildhibaan Federaal ah iyo wasiir ka tirsan Dowladda Dhexe, wuxuu u tartamay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka markii uu Jawaari is casilay.

Waxaa mar walba ka bixin oo uu qabaa damaca ah inuu mar noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilaha ku dhow dhow iyo qaar kamid ah musharixiinta, waxaa Laftagareen u qorsheysan inuu kursigiisa noqdo xildhibaanka ugu dambeeya ee kasoo baxa Koonfur Galbeed kadibna uu qiimeeyo xaalka doorashada.

Haddii ay fursadiisa fiican tahay marka uu qiimeeyo xildhibaanada dhammaan kasoo baxay gobolada wuxuu damacsan yahay inuu kursigiisa qaato kadibna u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Laftagreen waxay dhibaato ka heysataa sida uu u maareyn doono afar guddoomiye baarlmaan hore oo xildhibaano ka rabo Koonfur Galbeed oo haddii ay soo baxaana u tartamaya kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka, waa Jaweeri, Shariif Xasan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Afartaas nin markii lasii kala qaado waxaa laftagareen u daran Shariif Xasan iyo Prof. Jawaari oo labadooda midkii soo baxa ay adag tahay in laga celiyo kursiga guddoonka Golaha Shacabka, labada kale uma badna inay ka adkaan karaan Laftagareen.

19 Bisha soo aadan ee December wuxuu Laftagreen u dabaal dagi doonaa seddex guurada xilkiisa madaxweynimo ee Koofur Galbeed.

Seddexdaas hoggaamiye damacooda ku aadan heer Federaal waa mid aad u xooggan, waxaase dhinaca kale lagu eedeynayaa in raajicinta damacooda uu dib usii dhigayo doorashada

Maareeye oo soo bandhigay xogta Boqor Buurmadow oo si qarsoodi ah ugu biiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in Boqor Cusmaan Buurmadow oo ka mid ah hoggaanka odayaasha dhaqanka ee deegaanada Somaliland uu ku biiray waxgaradka Soomaaliyeed ee u diiwaan gashay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka.

Maareeye oo soo dhaweeyey tallaabada Boqor  Cusmaan Buurmadow ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay waxuu ku yiri, “In Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow ogolaaday in uu dib qaato booskiisii 135-ta Oday dhaqameed waa arin lagu farxo oo waxtar weyn u noqonaysa.”

Sidoo kale Xildhibaan Maareeye ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimadda ay leedahay in booskaas uu ka soo muuqdo Boqor Buurmadow, waxuuna ku soo koobay laba qodob oo kala ah:

1 – Miisaanka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaadan karaan xalinta khilaafaadyada jira iyo dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.

2 – Xoojinta iyo ka miro dhallinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in Boqor Cusmaan Buurmadow uu caan ku yahay xalinta khilaafaadka umadaha ku nool Geeska Afrika, isagoo tilmaamay inuu xiriirro la leeyahay inta badan dhaqanka dalalka Afrika.

“Boqor Cismaan Buurmadow waa Boqor ku caan baxay Xalinta khilaafyada culculus ee ka jira dhulalka ay Soomalidu degto iyo guud ahaan Geeska Africa, isla markaana ah Boqor xidhiidho fiican la leh guud Dhaqanka Africa maadaama uu ahaan jiray kuxigeenka Boqorka Africa xilligii uu noolaa Madaxweyne Mucaamar Al-Qadaafi, Boqor Buurmadow wuxuu sidoo kale xidhiidh fiican la leeyahay Dhaqanka iyo Boqorada wadamada Khaliijka iyo Aasiya,” ayuu yiri qoraalkiisa ku yiri Maareeye.

Xildhibaanka ayaa qormadiisa soo raaciyey aqoonsi muujinaya in Boqor Cismaan Buurmadow uu ku biiray 135-ka oday ee saxiixayaasha ah, kuwaas oo u diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Beegsi ka dhex billowday Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uul ‘ka badbaaday’ dil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa mas’uuliyiintiisa ka dhex billowday beegsi uu noociisu ku cusub yahay gobolka, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee maamulka degmada Wadajir oo maanta weerar lagu qaaday.

Ciise Sharaawe Cabdi oo warbaahinta kula hadlay degmada ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa isku dey dil oo uu ka bad-baaday.

“Fal yaab leh ayaa igu dhacay maanta aniga oo kusii socda degmada ayaa meesha u dhaxeysa degmada iyo laamiga waxay qolo burcad ah ugu hor jareen gaari Saruf ah igu hor jareen gaarigii waxayna igu bilaabeen xabad, halkaas waxa ka dhacay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee maamulka degmada Wadajir.

“Qolada dagaalka igu soo qaaday waa qolo la yaqaan oo dadkii maamulka aan isku shaqada aheyn oo isku arki jirnay maamulka dhexdiisa, illaa hadda waa yaabanahay sababta ay ku dhacday nin aad iska ilaalineyn oo cadowgaaga ka dhiganeyn uu kusoo wareero.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan fileyn in beegsiga uu ka dhex bilaaban doono maamulka gudihiisa, ayna fajiciso ku noqotay sababta loo beegsanayo oo uu sheegay in uusan garaneyn.

“Ma moodeen maanta ka sokow inaan cadow labaad leenahay, balse waxaa ii cadaatay in cadowgii uu ka dhex billowday dowladda dhexdeeda oo dadkii aan isku cadowga aheyn aan wada-shaqeyneynay ay is beegsanayaan,” ayuu yiri Ciise Sharaawe.

Waxa uu sheegay in qaar kamid ah raggii soo weeraray gacanta lagu dhigay, lana aqoonsaday oo qaarkooda dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Madiina, halka kuwa kalena la geeyay saldhiga Wadajir.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in si deg deg ah looga howl-galo baarista weerarka lagu soo qaaday, isaga oo nasiib xumo ku tilmaamay in qaar kamid ah maamulka uusan rabin in dowladnimada shaqeyso.

Odayaasha Muqdisho oo u hanjabay wasiir ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Odayasha dhaqanka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo u jeediyay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab).

Odayaasha ayaa uga digay musuq-maasuq ay sheegen in Wasiirka uu ku sameeyo deeqaha waxbarasho ee loogu talo galay ardeyda gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood lacag badan lagu iibiyo, halka kuwa kalena hab qabiil uu u siiyo, sida ay sheegen.

“Waxbarashadii shacabka Soomaaliyeed ee degan gobolka Banaadir, ninka gacanta ku haya aad iyo aad ayuu nooga dhibaateyay waxbarashadii. Ilmihii manxooyinka ahaa ee loo helay waxay ku baxeen yaa qomii,” ayuu yiri Nabadoon Hilowle oo kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

“Lacag ayuu ka rabaa (Ardeyda), wixii kalena reernimo ayuu ku qaadanayaa. Waxaa rabnaa in arrintaas si dhimir leh ay u fiirshaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.”

Sidoo kale waxay ku eedeyen in Wasiir Cabdullaahi Carab uu fara-gelin ku hayo xarumihii caafimaadka ee gobolka Banaadir, islamarkaana uu goobo danguud ahaa uu ka dhigay kuwa gaarka ah, sida ay sheegen.

“Odayasha dhaqanka waxay maanta iskugu yimaadeen waa dhibaato ka haysata caafimaadka, weliba goobaha caafimaadka qaarkood. Meel dan guud ah oo laga dhigtay Private kana qaalisan kuwii gaarka loo lahaa oo dadka badankooda ku geeriyoodaan.”

Ugu dambeyntiina waxay sheegen in si deg deg ah wax looga qabto ku tagri-falka awoodeed ee uu Wasiir Carab ku sameynayo goobaha danta guud ee gobolka Banaadir, islamarkaana dib loo fiirsho deeqaha waxbarasho ee uu musuq-maasuqayo, oo ay sheegen inuu ka sameeyo lacag badan.

Rooble oo waqti u qabtay guddiyada doorashooyinka soona saaray amar culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan habka fogaan araga ah la yeeshay Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed, xili uu socdo diyaar garowga doorashada Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu Rooble amray Guddiyada doorashooyinka labada heer inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebo-gebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada. Isagoo guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Waxa uu kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada, isagoona carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, oo dhowr jeer ay kasoo yeeren cabashooyin.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada, islamarkaana loo dadajiyo doorashada.

Maamulka Gobolka Banaadir oo jawaab kulul ka bixiyey go’aankii W/Waxbarashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya, kaas oo la xiriira sida loo maamulayo goobaha waxbarasho ee ku yaalla caasimadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Gobolka ayaa waxaa loogu jawaabay wasaaradda waxbarashada oo shalay sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka joojiyeen lacagaha ay ka qaadaan Iskuulada ku yaalla Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu maamulo waxbarashada Gobolka, sida ku xusan heshiiska dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka, kaas oo la saxiixay 9-kii Bishii Agoosto 2020 oo ay goobjoog ka ahaayeen Garyqaanka Guud ee Dawladda, Sii-hayihii xillka Ra’isul Wasaaraha, hey’adaha kale ee heer Fedaraal & kuwa Maamulka Gobolka iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee Waxbarashada.

Sidoo kale war-saxaafadeedka kasoo baxay Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Wasaaradda waxbarashada ay jebisay Dastuurka dalka, isla markaana ay faragelin toos ah ku heyso nidaamka adeeg daadejinta.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu aad uga xunyahay sida ay Wasaaradda Waxbarashada Fedaraalka u hareermarsan tahay una jabiso mar walba dastuurka dalka, shuruucda iyo ku dhaqanka heshiisyada khuseeya adeegyada Waxbarashada ee kala dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo mar walba faragalin taban ku heysa maamulka waxbarashada Gooblka Banaadir kaliya, taas oo ka soo horjeeda nidaamka adeeg daadajinta, kala saarista awoodaha hey’adaha heer Fedaraal iyo heer maamul Goboleed iyo sidoo kale nidaamka Fadaraalaynta dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaas ku sii daray, “Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Fedaraalka xaq iyo sharci mid-na uma lahan in uu baabi’iyo ama uu diido go’aankii ku saabsanaa soo saarista TARIIFADA adeegyada Waxbarashada kaas uu si rasmi ah u soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo isaga sharciyada dalka awood u siinayaan in uu soo saari karo xeerar maamul sida uu qabo sharciga Ir 6 ee soo baxay 1980 kii iyo sidoo kale sharciga Ir 116 ee soo baxay 2013-kii.”

Qoraalka kasoo baxay Maamulka Gobolka Baanadir ayaa lagu sheegay inay nasiib darro weyn iyo dib u dhac ku tahay waxbarashada Gobolka Banaadir go’aankii kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada, waxayna sheegtay inay jiraan dano shakhsiyadeed oo arrintaan ka dambeeya.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran

South Africa oo si kulul u beenisay warar laga faafiyey moos laga keenay Soomaaliya

Johannesburg (Caasimada Online) – Waaxda Beeraha iyo Horumarinta Reer Miyiga dalka Koonfur Afrika ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegaya in moos laga keenay Soomaaliya ay ku jirto bacteria halis ah oo la yiraahdo Helicobacter.

Waaxda Beeraha ayaa sheegtay inuusan jirin moos dhowaanahan laga soo dhoofiyey Soomaaliya oo lasoo geliyey dekadaha Koonfur Afrika.

“Waaxda waxa ay sida ugu xooggan u cambaareyneysaa warar been abuur ah oo ku saabsan moos laga soo dhoofiyey Soomaaliya,” waxaa sidaas bayaan uu soo saraay ku yiri afhayeen u hadlay waaxda oo lagu magacaabo Reggie Ngcobo.

Helicobacter waa nooc ka mid ah bacteria oo gala qeybta dheef shiidka qofka, waxaan marka ay sanado ku jirto caloosha ay hoggaamin kartaa kansarka caloosha.

Reggie Ngcobo ayaa sheegay in cunto kasta oo dalka Koonfur Afrika lasoo geliyey si xooggan loo baaro, balse hadda uusan jirin moos ka yimid Soomaaliya. 

“Waaxda beeraha waxay ka digtoon tahay oo ay isha ku haysaa cuntada dalka lasoo geliyey, islamarkaana cunto kasta oo loo arko halis ama waxyeelo ku tahay shacabka ama dalkeena, looma ogolo inay soo gasho jamhuuriyadda, haddii halis ay soo baxdana, durba waa laga saraaa suuqyada,” ayuu yiri 

Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno.

Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London.

Macdanta Potassuim ee jidhka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jidhka taas oo mooska laga helo.

Haddaba, mooska waxa ku jira walxo shucaaca nukleeriga ah leh oo aan aad u badanayn, dhibaatana aan u lahayn cafimaadka iyo nolosha qofka midna, mana jirto dhibaato gaar ah oo mooska uu leeyahay.

Daawo: Xasan Sheekh oo ka sheekeeyey xaalkiisa markii uu Farmaajo ka guuleystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheekeeyey sida uu dareemay iyo waxa dhacay habeenka maalinkii looga adkaaday doorashada madaxweynaha ee sideedii Febraayo 2017.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Sideedii Febaraayo 2017-kii waxa aan Madaxtooyada kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne, wax culeys ama mushkilo ah oo ay ugu qabatay ma lahan, sababtoo ah meeshaas meeeshii lagu ballamay ayey aheyd.”

“Waa seexday habeenkii aniga, hurdada igama tagin, problem iguma qaban, intii ka dambeysayna problem iguma qaban. Wareejinta xilka si qurxoon oo magaca Soomaalida kor u qaadaya ayaan ka shaqeynay, wayna u dhacda, illaa aan gaarnay in walaalaheen Carabta qaarkood ay dhahaan ‘waxaan rabnaa sida Soomaalida ay sameeyeen oo kale,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in haddana ay doonayaa inay ilaaliyaan qawaaniinta iyo xeerarka lagu heshiiyey, qof kasta oo ku guuleystaba.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in heshiis lagu yahay in afartii sano mar la qabto doorasho, isla-markaana kursiga madaxweynaha uu yahay mid la wada leeyahay.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in qofka uu iska sii joogo xafiiska, iyada oo uu waqtigii ka dhammaaday, taa soo oo xusay in tahay mid aan heshiis lagu aheyn.

Dalka waxaa lagu heshiiyay in afartii sanno mar doorasho dhacdo, Kursiga Madaxweynaha waa mid kawada dhaxeeya guud ahaan Soomaalida, balse ma aha in uu qof iska joogo, islama qaadan in uu qof iska fadhiyo meesha,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo qabsoomidda doorashooyinka dalka, si looga faa’iideysto waqtiga haray.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inuu boggaadinayo dadaallada socda oo ay hormuudka u tahay xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa aad uga daahday xilligii loogu tala-galay inay dhacaan doorashooyinka 2021-ka, taas oo sii daba dheereysay xilliga kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka.

DAGAAL sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay magaalada Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal kooban oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya & kuwa Galmudug.

Iska hor imaadka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u muran soo kala dhex-galay, kadibna is-rasaaseeyey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay, kadib markii ay ciidamadu isku qabteen kaarar loo qeybinayey dad shacab ah oo raashin la siinayey, kuwaas oo ka mid ah qoysaskii ay saameeyeen dadaalladii dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Guriceel.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyada oo ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka deegaanka, taas oo loola cararay isbitaalka.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa haatan deggan, waxaana gaaray saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ku baxay xiisaddaasi, si loo qaboojiyo.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay mas’uuliyiinta degmada ka bixiyeeyn shaqaaqadaasi dhalisay khasaaraha kala duwan.

Guriceel oo laga saaray Ahlu Sunna ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo qaraar oo ay ku dhinteen saraakiil, askar labada dhinac ah iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sawirro: Midowga Afrika iyo DF oo yeeshay kulan xasaasi ah kadib ceyrintii Mulongo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hogaaminayay Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya, ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo uu kulankaas kasoo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa looga wada-hadlay howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa kulankaas diirada lagu saaray xoojinta Iskaashiga dowladda federaalka iyo Midowga Afrika, xili ay dhawaan dowladda ceyrisay ku-xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wafdiga oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxay hore ula kulmeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ay kala hadleen xaaladda Mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Xog ay Caasimada Online ka heshay imaanshaha wafdigaan ka socda Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho ayaa sheegeysay inuu daba socdo go’aankii ay toddobada cisho ugu qabatay in uu dalka ka baxo danjire Simon Mulongo.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu eedeysay in danjire Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale uu burburiyey heshiis dowlada federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane iyo carqaladeynta ganacsatada Soomaaliyeed ee xerada Xalane.

Mucaaradka Ethiopia ‘oo 40 km u jirsaday’ Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Oromada ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia ayaa sheegay in ciidankiisa ay qarka u saaran yihiin magaalada caasimadda ah, ayna diyaarinayaan weerar kale, isaga oo saadaaliyey in dagaalka uu “mar dhow” soo gebo-geboobi doono.

Jaal Marroo, oo hoggaamiya ciidamada xoreynta Oromada ee OLA, ayaa uga digay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed in dagaal-yahanada taageersan dowladda ay soo goosanayaan, islamarkaana mucaaradka ay aad ugu dhow yihiin guul.

“Waxa aan hubo ayaa ah inay dhowaan soo dhamamaan doonto,” ayuu Jaal oo magaciisa runta ah uu yahay Kumsa Diriba u sheegay wakaaladda wararka AFP oo wareysatay. 

“Waxaan diyaarineynaa inaan qaadno weerar kale. Dowladda hadda waxay isku dayeysaa oo kaliya inay hesho waqti dheeri ah, waxayna isku dayayaan inay huriyaan dagaal sokeeye, sidaas ayay ugu baaqayaan shacabka inay dagaalamaan.”

OLA iyo kooxda ay xulufada yihiin ee TPLF ayaa toddobaadyadii dhowaa sheetay guulo dhowr ah, waxayna qabsadeen magaalooyin caasimadda u jira 325 km. 

Jaal ayaa sheegay in dagaal-yahanadisa ay hadda 40 km oo kaliya u jiraan Addis Ababa, islamarkaana aysan marnaba hal tallaabo dib uga laaban dhulka ay maamulaan. 

Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashadiisa.

Dowladda Ethiopia ayaa horey u diiday sheegashada mucaaradka ee ah inay masaafo dhow u jiraan Addis-Ababa, hase yeeshee waxay shacabka ugu baaqday inay magaalada difaacaan.

Jaal ayaa dhinaca kale sheegay in OLA aysan “halis ku aheyn” shacabka, balse wuxuu dalbaday in Abiy Ahmed iyo xisbigiisa Prosperity Party “gebi ahaan meesha laga saaro” si dib u heshiisiin loo billaabo.

“Waxaan Ethiopia iyo Geeska Afrika ka dhigi doonaan meel nabad ah oo degan oo lagu noolaado. Waan hubaa dagaal ma jiri doono marka taliska Abiy Ahmed uu meesha ka baxo,” ayuu yiri.  

Video: Soomaaliya ‘oo gashay xaalad la mid ah tii lagu dilay’ madaxweyne Cabdirashiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka hadlay khilaafka iyo boobka lagu sameeyo doorashooyinka ayaa sheegay inay ka dhashaan gabood fallo waaweyn, sidii horay uga dhacday dalkeenna, hadana ka taagan, sidoo kale waxuu tusaale u soo qaatay khalalaasaha ka dhashay boobka doorashooyinka ee ka taagan dalal ay ku jirto Itoobiya.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in hadda ay taagan tahay heer boobkii doorashada la xalaashaday, isagoo ka digay in qaabka loo maamulayo doorashada Soomaaliya ay sababto burbur iyo kala tag hor leh.

“Markii doorashooyinka la isku qabtay sanadkii 1969-kii waxay sababtay in la dilo Madaxweynihii hore ee dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke, hadda waxaan mareynaa marxalad xaaraantii la xalaaleeyay,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maalinkaan xornimada qaadanay ilaa hadda doorasho kasta waxaa dhici jirtay in la is boobo, taasi waxay keentay in dalku dumo, hadda boobkii ayaa la sharciyeeyey oo xaaraantii ayaa la xalaaleystay.”

Sidoo kale Dr. Baadiyow ayaa afar qodob ku soo koobay qaabka hadda boobkii doorashada Soomaaliya ay siyaasiyiintu u xalaaleysteen.

1– Siyaasad qabiileysan, oo hadii xumaanta laga dhaafo lagu gaari karo doorasho qof iyo cod ah.

2– Siyaasad ganacsi ah oo la kala dalaalayo, yaa xoolo badan heystooy? Taas hadda xaaraan kama aha Soomaaliya.

3– Siyaasad la is boobaayo oo la isku dhacaayo sidii Geella loo kala dhici jiray waayihii miyiga.

4– Siyaasad la cagta la isku dhacaayo dowlado ajanebi ah laga soo qaadayo, kuwaas oo hadhow dabada laga gelayo.

Dr. Baadiyow ayaa afartaa qeybood ku soo koobay musuqa doorashooyinka Soomaaliya, “Afartaas qeybood ee siyaasiyiintu ku dhaqmaan colaado ayey abuureysaa, diinteenu ma ogola, sharciyada caalamku ma ogola, laakiin hadda waa laga aqbalsan yahay dalkeenna, marka waxaan leenahay war waaba is boobeysaane ha is dilina oo meesha u dambeysa yaan la isla gaarin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Baadiyow.

Hoos ka daawo

Daawo: Amisom oo xashiish iyo DAROOGO ku abuurtay beero ay leeyihiin shacab

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka beeraleyda ah ee ku dhaqan degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weli cabasho xoogan ka muujinaya ciidamada AMISOM ee ka howl-gala degaankaasi, kuwaas oo la sheegay inay fariisimo ka dhigteen beero ku yaalla degaankaasi.

Faadumo Cumar Xasan oo ka mid ah beeraleyda Golweyn, balse haatan deggan waddanka Mareykanka ayaa u sheegtay Barnaamijka Hanoolaato ee uu qabto Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi in beer ay ku leedahay Golweyn ay tan & 2017-kii dagan yihiin ciidamada AMISOM.

Wareysigan ayey sidoo kale Faadumo ku sheegtay in beerteeda nus ka mid ah ay haatan xashiish ku beereen ciidamada AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.

“Beerteyda AMISOM waxa ay qabsatay markii aheyd August 2017-kii waqtigaas markii ay beerta qabsadeen isla markii waxa ay bilaabeen in xashiishad beerta nuskeed lagu beero, intaas kaliya ma’aha waxay ii geysteen (Property Damage), shaqaalihii beerta ka shaqeynaayey waxay dantu ku qasabtay inay meeshii ka cararaan,” ayey tiri Faadumo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay “Nasiib xumo hadda waxa ay noqotay beer goob dagaal ah, beer aan la rabin in horumar laga suubiyo, AMISOM base-keeda dhanba waa beerteyda ayey ku taallaa.”

Faadumo Cumar Xasan oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaaday in xiriiro ay la sameysay AMISOM qeybaheeda kala duwan iyo dowladda, balse aan waxba laga qaban cabashadeeda la xiriirta in ciidamada AMISOM laga raro beerteeda oo ku taalla Golweyn.

“Si kasta oo aan dadaal badan u suubiyey waxaa dhacday in arrintan xittaa dowladdu ay wax ka qaban weysay,” ayey markale wareysiga ku tiri Faadumo Cumar Xasan.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in beerteeda oo dhan 315 Higtar laga dhoofin jiray Mooska, xilligii dowladdii dhexe, haddana ay diyaar u tahay inay hormariso wax soo saarkeeda, balse aysan laheyn awood weyn oo ay isaga rari karto ciidamada AMISOM.

“Aniga Faadumo shaqsi ahaan waan awoodaa inaan beerteyda sanad gudaheed ku kiciyo, bil gudaheed ku kiciyo dhaqaale ima celinaayo, laakiin awood-baana jirin meesha. Aaway dowladdii Soomaaliya?, aaway Qareenadeenii?,” ayey tiri ugu dambeyntii Faadumo Cumar.

Si kastaba, AMISOM ayaa horey dhibaatooyin kala duwan uga geysatay degaanka Golweyn, waxayna dhowaan ku leysay dad shacab ah oo beeraley ahaa, kuna sugnaa halkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka


Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada HirShabelle ee xubnaha golaha shacabka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa haatan qorsheyneysa inay guda-gasho doorashada Xildhibaanada Golah Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta taalla maamulkaasi.

Diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Shacabka ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo loo qorsheeyey inay ka dhacaan.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay dhaceyso doorashada illaa saddex kursi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo galaya HirShabelle, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in sadexdaas kursi ay ku tartamayaan xubno saameyn leh.

Sidoo kale guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleed ee HirShabelle ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay shaaciyaan habraaca qabashada doorashada Golaha Shacabka iyo sida loo wajahayo kuraasta xildhibaanada ee taalla Jowhar iyo Beledweyne.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana maalmihii u dambeeyey howl-gallo lagu sugayo amniga ay ka socdeen labadaasi magaallo oo la geeyey ciidan dheeraad ah.

HirShabelle ayaa horey u soo gaba-gabeysay doorashadii Aqalka Sare, taas oo laheyd xamaasad gooni ah, maadaama uu tartanka uu ahaa mid daah-furan.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u bilaabatay, iyada oo lagu horreysiiyey doorashada kuraas ka mid ah gobollada waqooyi oo ka dhacday Muqdisho.

Halista diyaaradihii Drone-ka ee lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey diyaaradaha Drones-ka ah ee dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Daahir oo wareysi siiyey Universal Tv ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha la qabtay aysan aheyn kuwa loo isticmaalo waraabinta beeraha, sida uu horey ugu dooday xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo mas’uul ka ah shirkadda keentay diyaaradahaas.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in diyaaradaha lasoo bandhigay uu culeyskooda yahay 38 kiilo garaam, isla-markaana aysan laheyn meel biyo iyo sun looga shubo.

“Malaha meel looga qaado ama looga raro biyo iyo sunta lagu buufiyo beeraha labadaba,” ayuu yiri Ismaacil Daahir oo ka jawaabayey hadalkii Xildhibaan Zakariye.

Waxa uu tilmaamay in sidoo kale diyaaradahan ay keenayaan saameyn amni iyo walaac xoogan, marka loo eego xilliga la keenay, maadaama dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah.

“Waxay keeneysaa saameyn amni iyo walaac aad u tiro badan, sababtoo ah Drone-kan xildhibaan hore Zakariye waxa uu sheegay inuu isaga leeyahay, laakiin wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan oo uu bixiyey oo aan aheyn waxaan ku buufinaayaa beero iyo waxaan ka kireynayaa QM, si Ayaxa loola dagaalo ,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee hay’ada NISA.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxay aheyd tafaasiil aan macno badan sameyneynin shakigana sii badisay. Xildhibaan Zakariye waxaa laga rabay inuu soo bandhigo macluumaadka uu ka haayo diyaaradahaas nooca ay yihiin iyo meesha laga soo iibiyey, si loo ogaado, loogana shaki baxo,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xigeenkii hore ee NISA in nooca diyaaradaha la qabtay ay yihiin kuwa ay sida aadka ah isticmaalaan kooxda ISIS iyo sidoo kale kooxda BKK ee ka dagaalanta Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Drones-kan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ma’aha nooca beeraha loo isticmaalo, Dronada noocaan ah waa kuwo ay aad u isticmaalaan kooxda ISIS iyo Kooxda BKK ee la dagaalanta dowladda Turkiga,” ayuu markale yiri Ismaaciil Daahir Cismaan.

Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo gaaraya illaa lix diyaarad ayaa waxaa haatan baaritaano dheeraad ah ku haya saraakiisha NISA oo la wareegay.