26.5 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Halista diyaaradihii Drone-ka ee lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey diyaaradaha Drones-ka ah ee dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Daahir oo wareysi siiyey Universal Tv ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha la qabtay aysan aheyn kuwa loo isticmaalo waraabinta beeraha, sida uu horey ugu dooday xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo mas’uul ka ah shirkadda keentay diyaaradahaas.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in diyaaradaha lasoo bandhigay uu culeyskooda yahay 38 kiilo garaam, isla-markaana aysan laheyn meel biyo iyo sun looga shubo.

“Malaha meel looga qaado ama looga raro biyo iyo sunta lagu buufiyo beeraha labadaba,” ayuu yiri Ismaacil Daahir oo ka jawaabayey hadalkii Xildhibaan Zakariye.

Waxa uu tilmaamay in sidoo kale diyaaradahan ay keenayaan saameyn amni iyo walaac xoogan, marka loo eego xilliga la keenay, maadaama dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah.

“Waxay keeneysaa saameyn amni iyo walaac aad u tiro badan, sababtoo ah Drone-kan xildhibaan hore Zakariye waxa uu sheegay inuu isaga leeyahay, laakiin wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan oo uu bixiyey oo aan aheyn waxaan ku buufinaayaa beero iyo waxaan ka kireynayaa QM, si Ayaxa loola dagaalo ,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee hay’ada NISA.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxay aheyd tafaasiil aan macno badan sameyneynin shakigana sii badisay. Xildhibaan Zakariye waxaa laga rabay inuu soo bandhigo macluumaadka uu ka haayo diyaaradahaas nooca ay yihiin iyo meesha laga soo iibiyey, si loo ogaado, loogana shaki baxo,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xigeenkii hore ee NISA in nooca diyaaradaha la qabtay ay yihiin kuwa ay sida aadka ah isticmaalaan kooxda ISIS iyo sidoo kale kooxda BKK ee ka dagaalanta Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Drones-kan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ma’aha nooca beeraha loo isticmaalo, Dronada noocaan ah waa kuwo ay aad u isticmaalaan kooxda ISIS iyo Kooxda BKK ee la dagaalanta dowladda Turkiga,” ayuu markale yiri Ismaaciil Daahir Cismaan.

Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo gaaraya illaa lix diyaarad ayaa waxaa haatan baaritaano dheeraad ah ku haya saraakiisha NISA oo la wareegay.

Ahlu-Sunna oo raadineysa doorkii madaxa xukumadda Galmudug ee la baabi’iyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, ayaa arrimo badan uga hadlay wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Mowduuca diiradda la saarayay waxa uu ahaa mowqifkiisa ku aaddan xaaladda Galmudug, kaddib dagaalkii dhawaan Guriceel ku dhex maray ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug oo gacan ka helayey ciidamada dowladda federaalka.

Dagaalkaas ayaa soo idlaaday kaddib markii xoogagga Ahlu-Sunna ay ka baxeen magaalada Guriceel oo ahayd halka lagu dagaallamayay, waxaana wixii xilligaas ka dmabeeyay ay hoggaanka Ahlu Sunna sheegeen in qorshahoodu uu yahay “in ay sii wadi doonaan fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay dadkooda iyo shacabkooda u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan.”

Macalin Maxamuud oo nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel ayaa sheegay sheegay in ay joogaan banaanka magaalada Guriceel, isla markaasna ay wadahadal uga bexeen magaalada, hadana uusan jirin wadahadal socda.

“Ahlu sunna Guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa, waxayna ku baxday codsi uga yimid culimada Islaamka oo Ahlu-Sunna Waljamaaca ah iyo dad madax ah,” ayuu yiri.

Wadahadalka ayuu sheegay in ay ku galayaan labo darajo oo kala ah inay yihiin “Ahlu Sunna iyo in ay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaarenimo ee maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha.”

“Yaa ka qaaday Sheekh Shaakir Madaxda Xukumadda ma anakaa ogolaanay oo dhahnay xilkii hala qaado, hada ayuu sidii noo yahay, marka dowlad ayaan nahay. Laba dowladood oo isku yimid ayaan nahay, marka labadii dowladood ayaan wax ku qayb sanaynaa,” ayuu ku dooday Macalin Maxamuud.

Waxuu intaas ku sii daray, “Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo, waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa.”

GREECE oo tahriibayaal SOOMAALI ah dib ugu soo celiyey waddanka Turkiga

0

Greece (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee dowladda Greece ayaa gacanta ku dhigay tahriibiyaal Soomaali ah oo doonayey inay gudaha u galaan dalkaasi, waxayna ugu dambeyn dib ugu soo celiyeen dalka Turkiga oo ay markii hore ka baxeen tahriibayaashaas.

Wararka ayaa sheegaya in tahriibayaasha Soomaalida ah marka la qabanayey ay la socdeen laba doonyood oo si sharci darro ah ku galay Greece, balse ay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha wadankaas oo dib markale ugu soo celiyey halkii ay ka baxeen.

Tahriibuyan ayaa gaaraya illaa 31 qof, waxaana 14 ka mid ah ahaayeen rag, halka 14 ay haayeen dumar iyo saddex carruur ah oo ay wateen.

Dowladda Greece ayaa ku gacan seertay inay qaabisho tahriibayaashaasi, iyada oo ka biyo diiday inay gudaha u galaan dalkeeda oo jid mar u noqday muhaajiriinta ku socoda Yurub.

Sidoo kale waxa ay dowladdu shaaca ka qaaday in ay dhowr jeer oo hore ay xirtay tahriibayaal badan oo ay ku jiraan kuwa Soomaali ah oo sharci darro ku galay Greece.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Turkiga ee ku aadan tahriibiyaasha Soomaalida ah ee la sheegay in dib loogu celiyey gudaha dalkaasi.

Si kastaba, Greece waxaa haatan u degsan sharciyo aad u adag oo lagu xakamenayo soo galootiga sharci darrada ah ee waddankaasi oo xuduud la leh Turkiga.

Mahadhada edeegsiga erayga “persona non grata” ee DF

0

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa todobaadkan waxaa ay ‘persona non-grata’ ka dhigtay Simon Mulongo oo ah ku xigeenka ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna ku amartay inuu 7 Maalin dalka uga baxo, Mulongo oo ka jawaabay ayaa ku dooday in aanu ogeyn sababta, mugdina ay ku jirto.

Haddaba, waxaa muran ka jiraa xeerka iyo qaabka loo marayo marka ergay la ceyrinayo iyada oo horay Qaramada Midoobey ay u sheegtay markii ay Soomaaliya ceyrisay Nicholas Haysom in ay qalad aheyd oo “persona non grata” aan loo isticmaalin ergada Qaramada Midoobey.

Qoraal 4-tii January 2019-kii kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in erayga ’’persona non grata” aan loo adeegsan ergada ay dirsato UN-ka

“Mabda’a “persona non grata” ma khuseeyo shaqaalaha Qaramada Midoobey si uu qeexayo heshiiska “Vienna Convention “ ee 1961 Vienna Convention ee xiriirka diblomaasiyadda.  Persona non grata waxaa loo adeegsadaa diblomaasi uu dal soo dirsaday, oo loo marayo xiriirka labada dal, ee Qaramada Midoobey ma aha dal, shaqaalaheedana ogolaanshiyo kama heystaan dalalka loo diro, ee waa loo diraa, waxyna ka hoos shaqeeyaan xoghayaha Qaramada Midoobey,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Abuukaate Daahir Carab oo aan weydiinay sababta Soomaaliya ay ugu isticmaasho“persona non grata” hey’ado aan loo isticmaalin waxaa uu ku jawaabay “Waxay aqoon darri ka heysa xeerarka caalamiga ah, waxay ka dhigan tahay in xukuumadda aaney heysan la taliyeyaal arrimaha sharciga caalamiga ah, mana yaqaanaan sharciyada caalamiga ah, arrintan waa ceeb diblomaasiyadeed, waxayna Soomaaliya u geli doontaa arkeefiyada caalamka, oo waxyaabo cusub, oo lala yaabo ayey curiyeen.”

Mar aan weydiinay, Maxaa loo baahan yahay ayuu noogu jawaabay, “Waa in wasaaradda ay shaqaaleysiisaa la taliyeyaal micno leh, oo yaqaana qaanuunka dowliga ah, yaqaan sidee loo buriyaa dadka? xeerkii la isticmaalaa, oo wax baari kara, oo yaqaan shaqada?”.

Prof Xasan Sheekh oo PHD ka heysta xiriirka caalamiga ah waxaa uu ku dooday in madaxweynaha uu yahay ’’Chief diplomat and foreign policy”, tiiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo aanu fahamsaneyn waxa uu ka shaqeeynayo, waqtina aanu ku bixin isaga oo arrinta ah inuu “persona non grata” u isticmaalo ergay ku tilmaamay iney sabab u tahay saddex arrin.

1 – In aau waqti ku bixin sharci caalalami, aqoonna u laheyn isaga iyo kuwa la jooga, Soomaaliyana ceebeeyeen.

2 – In uu raadinayo inuu indhaha caalamka isku soo jeediyo, oo uu dhaho weli aniga ayaa madaxweyne Soomaaliya ka ah, oo hey’adaha caalamka ay hadal-hayaan.

3 – In uu la hadlayo dadka gudaha Soomaaliya, oo taageerayaashiisa usoo sheegayo inuu shaqeeyo, dalkana maamulo.

Dhannkiisa Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame ayaa isna Goobjoog News u sheegay in qofka ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inuu baxo uu yahay ergay, aaney dowlad soo dirsan, kuna joogin dalka rabitaanka Soomaaliya, oo xataa marka uu imaanayey aan lagala tashan halka  “persona non grata” loo adeegsan karo oo keliya qof safiir ah, oo dowlad soo dirsatay, warqado hordhigay dowladda ayna aqbashay, isaga oo arrinta uu maamulka Farmaajo sameeyey ku sheegay ismiidaamin siyaasadeed iyo qardajeex ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda iyo ceebeynta Soomaaliya.

“Ergay iyo Safiir waa kala labo, ergayga hey’adaha ay Soomaaliya xubinta ka tahay ay soo dirsadaan sida UN-ka iyo Midowga Afrika kuma yimaado rabitaanka Soomaaliya, mana aqbalaan ee waa shakhsi loo soo diray inuu filiyo halwgal gaar ah, halka safiirka uu soo maro wasaaradda arrimaha dibadda, warqadana laga guddoomo, marka ergay looma isticmaali karo ‘persona non grata,” ayuu yiri.

Maamulka Farmaajo 5-tii sano uu joogay keliya “persona non grata” kama dhigin Simon Mulongo iyo Nicholas Haysom, ee waxaa jiray shakhsiyaad iyo hey’ado kale dowli ah uu ceyriyey, qaarkood ayuu sababo u raadiyaa, qaarna maba soo bandhigo, taasi oo siyaasadda arrimaha dibadda ka dhigtay mid mugdi ah, oo aan fadhin.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxay isku hayaan jamaahiirta Xasan Sheekh, Kheyre, Shariif iyo CC Shakuur?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha midowga musharixiinta mucaaradka ah ayaa si weyn ugu loolamaya baraha bulshada, waxaana u muuqda iftiin aysan dadka dhan u wada jeedin oo ah kursi la qaadanayo madaxweyne Farmaajo kadib.

72 saac ee lasoo dhaafay shaqada ugu weyn ee baraha bulshada dhanka Soomaalida iyo qoraaladii ugu badnaa ee la abuuray waxay u dhaxeeyeen taageerayaasha afar musharax oo kawada tirsan midowga musharixiinta.

Kooxahaan waxay isku diidan yihiin kursi aan la hubin cidda qaadan doonta mucaarad iyo muxaafid, inta aanba kursiga la gaarin aan dhahno doorasho aan la hubin.

Jamaahiirta Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa aad isugu naqdiyey baraha bulshada, oo qaarkood ku fogaaday madaxda.

Dadka farriimaha gudbinaya qaarkood waa howl-wadeeno u shaqeeya musharixiintaas, qaar siyaasad ahaan u taageersan iyo kuwa beel ahaan u taageersan ayey isugu jiraan.

Doodaha intooda badan waxay ku fooraraan Xasan Cali Kheyre, waxayna siyaasadda Xamar noqotay in marba musharax miiska la saaro, waxaana la iibiyaa inuu heysto fursad wanaagsan, hadba siyaasiga markaas la iibiyo inuu sare u kac sameeyey waxa uu yeeshaa cadow u badan musharixiinta kale iyo taageerayaashooda.

Waayahaan marka la eego hadalheynta dhanka siyaasadda iyo sida doorashada ku socoto waxaa Muqdisho aad looga hadal hayaa Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre, waxaana taas sii dheer inay waayadaan labadoodu aad isugu soo dhawaadeen siyaasad ahaan.

Maadaama hadda labadaas nin uu warkooda suuqa si weyn u yaalo, waxaa la sheegay inuu ku socdo dagaal siyaasadeed oo isla musharixiinta dhexdooda ah.

10-kii bilood ee lasoo dhaafay marba musharax ayaa sameeyey sare u kac aan dhaafin afka, waxayna dad badan ku wareersan yihiin sida sheekooyinkaan loo abuuro, maadaama aysan jirin wax weyn oo dhammaan xubnaha midowga musharixiinta sameeyeen oo lagu kala hormarin karo intii ay isku safka ahaayeen.

Fahamka ugu dhow waa miisaanka uu leeyahay fadhi ku dirirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida ay u fududahay in hadba aragti cusub la iibiyo.

Dagaalkaan hadda ka socda baraha bulshada cinwaankiisu waa rajo la dirir, hadba waxaa lagu jiheeyaa qofkii la sheego inuu rajo leeyahay.

Afartaan musharax inta aan la gaarin dagaalka cidda kursiga qaadan doonta, waxaa sidoo kale heysta walaac ku saabsan rajo xumada doorashada. Qofka kursiga qaadan doono inta aan la gaarin waxaaba gacan ku jirin doorashadii.

Meeshii ay musharixiinta iyo jamaahiirtooda xoogga saari lahaayeen sidii lagu abuuri lahaa cadaadis dalbanaya in doorashada la dadajiyo waxay u jiheysteen mudnaanta kursiga.

Intaas waxaa dheer musharixiinta iyo qaar jamaahiirtooda kamid ah waxay inta badan u dhigaan doodooda sida in Farmaajo ka haray tartanka.

Mar walba xilli doorashada Soomaaliya, madaxweynaha xafiiska jooga waa ninka ugu fursadda badan tartanka doorashada, sida laga bartay diiwaankii hore. Inkastoo laga adkaaday dhammaan madaxdii xafiiska u tartantay iyagoo kursiga ku fadhiya oo uusan midna soo noqon, hadana doorasho walba iyagaa hoggaaminayey fursadaha iyo wareegga koowaad ee codeynta.

Dagaalka u dhaxeeya jamaahiirta xubnaha mucaaradka wuxuu dhinaca kale nafis siyaasadeed u yahay kooxda madaxweyne Farmaajo oo hadana inta ay mucaaradka isku maqa yihiin heli doonta fursado ay isaga daweeyaan dhaawacyada ku yaalla ee ka dhashay habkii qaldanaa oo ay dalka u maamuleen afartii sano ee lasoo dhaafay.

Midowga Afrika oo qaaday tallaabo jawaab u ah ergeygii ay ceyrisay DF + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa maanta qaaday tallaabo uu uga jawaabayo ceyrintii ay Soomaaliya ku sameysay ku-xigeenka ergeyga ururka u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU-PSC), waxaana wafdigaas hoggaaminayey Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya, ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Wafdigaas waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Danjire Francisco Madeira, Taliyaha ciidamada AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya, Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska AMISOM Augustine Magnus Kailie iyo xubno kale.

Xog ay Caasimada Online ka heshay imaanshaha wafdigaan ka socda Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho ayaa sheegeysay inuu daba socdo go’aankii ay dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wafdigaan oo caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiillada beesha caalamka eek u sugan Xalane.

Dowladda Soomaaliya ayaa danjire Simon Mulongo ku amartay in todoba cisho uu dalka uga baxo, waxuuna go’aankaasi abuuray madmadow iyo kulamo is daba joog ah oo madaxda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka yeelanayaan arrinta lagu eryey wakiilka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in danjire Simon Mulongo uu burburiyey heshiis dowlada federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane.

“Midowga Afrika waxaan u sheegnay in aan ninkaas digniino badan ka bixinay, haddana aan taagannahay meeshii ugu dambeysay, oo ah in nalaga beddelo. Waxaa sidoo kale madaxda dalkiisa Uganda gaarsiiyay arrintaas, si shakhsi nuucaas oo kale aanan ka ogolaan inuu xiriirkeenna xumeeyo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda federaalka.

Video: Zakariye oo shaaciyey tallaabo la xiriirta diyaaradihii DRONE-ka oo uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo mudo 15 maalmood ah diyaarado uu dalka soo geliyey ay ka heysato hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in amarka madaxweyne Farmaajo looga heysto hantidiisa, isagoo shaaciyey in dacwad uu ka gudbiyay Madaxweynaha iyo guud ahaan saraakiisha ku xiran Madaxtooyada.

Xildhibaan Zakariye oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxa ay yihiin diyaaradahaan, cidda ka heysata, halka uu ka soo iibiyey, sababta uu u soo iibsaday, kulamo gaar ah oo Madaxweyne Farmaajo uu kala sheegay arrintaan iyo dacwad uu u gudbiyey maxkamadaha dalka.

Xildhibaan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray tuhunka laga muujiyey diyaaradaha uu la soo degay ee ah inay qatar ku noqon karaan amniga oo weerarro lagu geysan karo, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu balan la xariirta diyaaradahaan uga baxay.

“Madaxweyne Farmaajo ayaan madaxtooyada ugu tegay waxaan kala hadlay diyaaradahaan iyo hanaanka aan u keensaday, waxaan u sheegay in amniga dalka aysan qatar ku aheyn, waxuu igu yiri ma hubtaa Zakariyow, haabaan ku iri madaxweyne, haye anigaa jawaab ku soo siinaa ee Axada ii soo noqo ayuu igu yiri, markii aan ku laabtana waxuu igu yiri dowladda Mareykanka ayaa arrintaan soo faragelisay oo heysata diraadahaagii,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye waxa uu sheegay in madaxweynaha uu kula dooday in dalka uu isagu madaxweyne ka yahay oo Mareykan uusan ka talin, balse uusan ka helin jawaab fiican, sidoo kale Taliyaha NISA ayuu sheegay inuu balan uga baxay kadib markii uu u balan qaaday inuu siinayo diyaaradihiisa.

“Taliyaha NISA ayaa igu yiri Arbacada ayaan ku siinayaa diyaaradahaaga, markii aan ku laabtay Arbacadii waa iga qaban waayey taleefankii albaabkana waa iga furi waayey, markaan ka soo laabtay ayaan baraha bulshada ku arkay sawirro laga soo qaaday diyaaradaheygii oo la baahiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in diyaaradahaan uu ka soo iibsaday Turkiga, uuna u keensaday inuu ku waraabsado beero uu leeyahay, sidoo kale waxa uu sheegay in wax qatar ah aysan amiga ku keeni doonin, isagoo balan qaaday inuu u hoggaansami doono go’aan kasta oo dowladdu ay ku soo rogto diyaaradahaas si joogto loogu koontoroolo.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay inuu dacwad ka dhan ah madaxtooyada uu u gudbiyey maxkamadaha dalka, isla markaana uu ka war sugi doono garsoorka, waxa uu sheegay in hadii dowladdu ay ka iibsato diyaaradaha uu diyaar u yahay, hadii kale uu ka doonayo inay ku soo wareejiso hantidiisa.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda ma shaacin sababta ay u heysato lixdaan diyaaradood ee Xildhibaan Zakariye kala soo degay garoonka Aadan Cadde, dhanka kale qaar ka mid ah mucaaradka sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa shaki ka muujiyey sababta xilligaan dalka loo keenay diyaaradahaas, waxayna dalbadeen in aad loo hubiyo.

Hoos ka daawo

Dowlada oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso oo ka dhan ah hoteellada Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble ayaa ka hadlay dhaqan xumo sanadihii u dambeeyay kusoo badanayey Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in Wasaaradda aysan marnaba indhaha ka qarsan karin arrimaha anshax xumada ah ee ka socdo Liido, islamarkaana ay laamaha amaanka la kaashan doonaan wax ka qabashada arrimahaas.

“Waxaa wadanka kusoo badanayey faaxishada munkarka iyo daroogada ayaa kusoo badanayey. Irbadii iyo kaniinigii loogu tala-galay qof xubinkiisa la jaro lagu daroogeeyo si uu xanuunkaas uu u dareemin ayaa waxaa cabaya qofkii oo miir qaba oo xubin laga jareyn, khamradii ayaa banaanka daadsan oo xad la’aan ku socota,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

“Huteelada Xeebta Liido waxaa ku batay wax aanan indhaha laga qarsan karin mana u dul-qaadaneyno tallaabo deg deg ah ayaa laga qaadi doona anaga oo kaashaneyna hay’addaha amniag.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in isticmaalka mukhaadaradka ay si xad dhaaf ah ugu dhex baaheen caasimada, kuwaasi oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shilalka badan ee ka dhaca caasimada.

“Shirkadda TikTok Soomaaliya uma dulqaadan karto waa xumaan socota waa Anshaxii iyo Akhlaaqdii ummadda Soomaaliyeed oo sii dhimaneysa, waa wax aad iyo aad looga xumaado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo istaago wax ka qabashada xumaanta iyo mukhaadaraadka kusoo badanaya caasimada, islamarkaana ay culimadu si weyn uga wacyi-galiyaan bulshada.

Degmo ka mid ah Muqdisho oo haddii maqrib la gaaro aan banaanka loo bixi karin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha degmada Kaaraan ayaa cabasho xoogan kasoo saaray amniga degmada oo faraha ka baxay iyo tacadiyo joogto ah oo ay la kulmaan xiliyada habeenkii.

Qaar kamid dadkaas oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa sheegay in dilal kala duwan ay maalmihii u dambeeyen ka dhacay degmada Kaaraan, ayada oo maanta ugu dambeysay Askari ka tirsan dowladda hoose.

“Waxaa rabnaa in hurdada laga kaco oo ay soo fara-geliyaan dhibaatada na haysta maamulka gobolka Banaadir iyo Taliyaha ciinka booliska Soomaaliyeed, ayna soo kormeeraan dhibaatada ay wajahayaan degmada Kaaraan,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada.

“Kaaraan haddii maqribka la gaaro subhanallah waaye, guriga lagama bixi karo hadda xaafadeyda ku jira oo qof walba oo wacdo gurigiisa kama bixi karo, aad ayaa dhibaato u qabnaa ciyaal Weero ayaa u daran.”

Sidoo kale waxay dhaliil u jeediyeen maamulka cusub ee degmada Kaaraan oo intii uu joogay sare usii kaceen falalka amaan darada ah ee ka taagan degmada, islamarkaana ay wada-shaqeyn fiican ka dhaxeyn laamaha amaanka, sida ay sheegen.

“Maalin dhoweyd Saldhiga agteyda ayey qof ku dileen oo waxa la geeyay Isbitaal oo hore ayuu ka dhintay, waxaa rabnaa in maamulka uu wax ka qabto,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada.

Ugu dambeyntiina waxay ka dalbadeen laamaha amaanka iyo maamulka inay si wada-jir ah uga shaqeeyan amaan darada degmada Kaaraan, oo sanadihii u dambeeyay ay ka dhacaan dhacdooyin xanuun badan .

DF oo si rasmi ah u shaacisay arrimihii sababta u ahaa inay ceyriso Simon Mulongo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay arrimihii loo ceyriyay danjire Simon Mulongo, oo ah ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in danjire Simon Mulongo uu burburiyey heshiis dowlada federaalka iyo Midowga Afrika ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane.

“Midowga Afrika waxaan u sheegnay in aan ninkaas digniino badan ka bixinay, haddana aaN taagannahay meeshii ugu dambeysay, oo ah in nalaga beddelo. Waxaa sidoo kale madaxda dalkiisa Uganda gaarsiiyay arrintaas, si shakhsi nuucaas oo kale aanan ka ogolaan inuu xiriirkeenna xumeeyo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda federaalka.

Waxa kale oo uu ku eedeyay danjire Mulongo inuu faro galin ku sameeyay ganacsiyo ay dad Soomaaliyeed ku lahaayeen xerada Xalane, taasi oo sida uu sheegay ka raadinayay dano dhaqaale.

Warqad 4-tii November kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mulongo ayaa ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaaliya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu caqabad ku noqday qorshaha kala guurka Soomaaliya “Somali Transition Plan” oo ah isku dayga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay Amisom ugala wareegto amniga, dalkana ay uga baxaan ugu dambeyn 2023.

Midowga Afrika ayaa bishii tagtay soo jeediyey qorshe kaas ka duwan oo ah in howlgalka Amisom loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, kaasi oo dowladda federaalka ay ka hortimid.

Mulongo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysa qorshahaas, ay sida weyn u diiday dowladda federaalka.

Guddiga xalinta khilaafaadka oo go’aan kasoo saaray kursiga Mahdi Guuleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa go’aan rasmi ah kasoo saaray dacwaddii laga gudbiyey kursiga golaha shacabka ee dhawaan loo doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Guddiga ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed loo maray habraacii saxda ahaa, sidaasna ansax ku yahay.

Guddiga ayaa sheegay inay baaritaan dheer ku sameeyeen dacwadda uu soo gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horey ugu fadhiyey kursigaan, islamarkaana aysan jirin wax ka khaldan habka loo maray doorashada kursigaan.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri:

Guddiga Xalinta Khilaafanadka Doorashadadka Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Qodobada 1, 2 iyo 4 ee ku xusan xilalka iyo waajibaadka GXKHDD ee Habraaca lagu dhisay guddiga oo soo baxay 1- dii Oktoober 2020, cuskanaayana heshiiska odayaasha dhaqanka iyo cadeymaha guuddiga loo soo gudbiyay wuxuu go’aamiyay :

1- In Hanaanka loo maamuley Doorashada Kursi Lanbar HOP#239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan Habraacii loo dajiyay Doorashooyinka dadban 2020/2021, sidaas darteed waxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in ay u fasaxan yihiin laga bilaabo maanta oo ah 08/11/2021 Ku dhawaaqista Natiijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOPH239.

Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xubnaha Guddiga uu dacwad u gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo kursiga ku fadhiyay Afartii Sano ee la soo dhaafay, taas oo ugu dambeyn Maanta go’aan ka gaareen.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga oo dhameystiran

DF oo soo saartay amar ka dhan ah lacag uu qaado maamulka gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo saartay go’aamo lagu baabi’inayo lacago uu gobolka Banaadir ka qaado ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada gobolka

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inay soo gaartay cabashooyin badan oo kaga yimid hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomnaaliyeed, Midowga Dugsiyada gobolka Banaadir, Ururka macalimiinta, Ururada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, sidaasi darteedna ay u go’aansatay in la baabi’iyo.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in Wasaarada Waxbarashada ay mas’uul ka tahay hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada ee raacsan wasaaradda, islamarkaana uusan gobolka wax ka bedel iyo kireyn ku sameyn karin.

“Ayada oo la wada-ogsoon yahay duruufaha gaarka ah ee ay la daaladhacayeen iyo culayska ay arrintani ku sii kordhisay, sidoo kalana ay Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda JFS, oo ay soo gaartay qayla-dhaantaan culayska wayn leh, waliba si gaar ah lagu kali yeelay waalidiinta ay caruurtoodu wax ku bartaan iskuulada ku yaala gobolka Banaadir, waxaa Wasiirka uu soo saaray qoddobada soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay wasiirka;

1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa uu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada uu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada gobolka Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan.

2. Iyada oo la tix-raacayo xeerka madaxwaynaha JFS ee ku aadan ku takrifalka iyo musuq-
maasuqa dhulalka danta guud gaar ahaan goobaha waxbarashada, Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka mas’uul ah hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada sida iskuulada, xanaanooyinka iyo xarumaha kala duwan ee xafiisyada iyo wakaaladaha ee raacsan wasaradda, waxaana cidkasta ka reeban in ay ku tasarufto, sida in la kireeyo anma u badalid adeegyo kale iyadoo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda.

“Waxaa aad uga xunahay culayskii iyo jahawareerkii ay abuurtay arrintaan
abashada laga soo gudbiyay, madaxda qarankana ku abuurtay walwalka, taas oo keentay in aan go’aamadaan ka soo saarno, waxaana aad u rajaynayaa in aysan soo laaban mar danbe,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

Daladda SAFE oo war kasoo saartay go’aankii wasaarada waxbarashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada SAFE mudane Keyse Mayow Abul Xuseen ayaa soo dhaweeyay warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda ayaa ku saabsanaa Qaraashaad kuxusan Tariifad uu soo saaray Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir uuna ansixiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Waxaan soo dhaweynaynaa  go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ee lagu baabi’iyey  qarashaadka la gu xusay Tariifada Adeegyada waxbarashada ee uu soo saaray Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. Iyadoo kahor soo saarista Tariifadan si qasab ah loogu fuliyey Ardey, Macalimiin, Dugsiyo ka howl gala gobolka Banaadir”ayuu yiri Guddoomiyaha Dalladda SAFE Mudane Keyse Mayow Abulxuseen.

Guddoomiye Keyse ayaa sidoo kale si adag kaga hadlay jahwareerka ka taagan waxbarashada gobolka Banaadir iyo culeysyada isasoo taraya iyo isfaham waaga ka dhex taagan Wasaaradda Waxbarashada iyo Gobolka Banaadir

“Waxaan aad ugu xunahay culeysyada mudooyinkii dambe la saaray Ardayda iyo Macalimiinta, Dugsiyada iyo dhammaan bahda waxbarashada ee gobolka banaadir iyo jahwareerka ka taagan waxbarashada, waxaan madaxda Qaranka ugu baaqeynaa inaan la siyaasadeyn waxbarashada lagana daayo warqadaha qasabka ah ee maalin walbo lasoo saarayo iyo  danaha shaqsiyadeed ee daahsoon”. ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Dalladda SAFE Mudane Keyse Mayow.

Go’aanka ka so baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa u muuqdo mid soo daahay maadaama lacago badan horay loogu qaaday macalimiin, Dugsiyo iyo sidoo kale Ardey shahaadada Wasaaradda heysta oo cadeyn looga dirayey Agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir.

Mudooyinkaan dambe waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka gobolka banaadir Agaasinkiisa waxbarashada kaas oo jahwareer badan geliyay habsami u socodka waxbarashada iyo in culeysyo badan ay la kulmaan Ardayda, macalimiinta, dugsiyada iyo dhammaan bahda waxbarashada. Taasoo  ugu dambeyn hoos u dhigtay awoodihii iyo Saameeyntii Wasaaradda Waxbarashada ay ku laheyd Maamulka Waxbarasha Gobolka Banaadir.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen ROOBLE iyo kaaliyaha xoghayaha QM ee Afrika?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobey, taas oo ay hoggaamineysa xoghayaha guud ee arrimaha Afrika.

Rooble iyo wafdiga ay hoggaamineyso Mss. Martha Ama Akyaa Pobee ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso doorashada Soomaaliya ee 2021-la.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diirada lagu saaray xaqiijinta qoondada haweenka.

“Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay  qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS,” ayaa lagu yiri warka kooban ee ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxa kulankan lagu soo qaaday mashaariicda horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha QM.

Waxaa sidoo kale kulankan oo uu goobjoog ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan looga hadlay howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ee dalka.

Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa si weyn u taageerta dowladda federaalka, waxayna si dhow ula socotaa doorashooyinka dalka oo marxalado kala duwan laga soo maray.

Imaaraadka Carabta oo sabab yaab leh u ogolaaday guurka aan Islaamiga aheyn

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dadka aan Muslimiinta ahey ayaa loo ogolaan doonaa inay isku guursadaan isku furaan, sida wadajir ahna u wadaagaan mas’uuliyadda ilmaha si waafaqsan sharci cusub oo madani ah oo laga hir-geliyey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waa tallaabadii ugu dambeysay isku day uu Imaaraadka Carabta, oo ah dal guurka iyo furriinka ay ku saleysanaayeen shareecada Islaamka, uu ku xoojinayo maqaamkiisa ah xarunta ganacsiga gobolka Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa kasoo baxay amiirka Imaaradda Abu Dhabi ahna madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahayan. 

Wareegto uu saaray Sheekh Khaliifa ayaa lagu sheegay in go’aankan looga dan leeyahay “in sare loogu qaado kaalinta Imaaraadka ay kaga jirto tartanka caalamka ee lagu soo jiidanayo dadka hibada iyo hal-abuurka leh.”

Waxay intaas ku dartay in sharcigan madaniga ah ee lagu maamulo arrimaha qoyska ee dadka aan Muslimiinta aheyn uu yahay kii ugu horreeyey noociisa ah ee dunida, “si waafaqsan hab dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah.” 

Maxkamad cusub oo la macaamisha arrimaha qoyska ee dadka aan Muslimiinta aheyn ayaa sidoo kale laga dhisi doonaa Abu Dhabi, waxayna ku howlgali doontaa luuqadaha English-ka iyo Carabiga, sida lagu sheegay wareegtada.

Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii tegay soo saaray isbedelo sharci oo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin inaan dambi laga dhigin xiriirada galmo ee ka horreeya guurka iyo cabista khamriga.

Isbedeladan, oo ay wehliyaan tallaabooyin ay ka mid yihiin soo saarista dal-ku-gal muddo dheer, ayaa loo arkaa hab Imaaraadka Carabta isaga dhigayo dal soo jiita maal-geashiga dibadeed, dalxiiska, iyo deganaanshaha muddada fog. 

Ciidamada booliska DF oo xalay howlgalay kadib amarkii kasoo baxay taliye XIJAAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah u howl-galay, iyaga oo fulinaya amarkii cuslaa ee ka soo baxay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Ciidamada Booliiska ayaa howl-gal ka bilaabay magaalada Muqdisho, iyaga oo baaris ku sameynayeye xalay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga gala goosha waddooyinka.

Howl-gallada oo lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi, waxaana lagu arkay ciidamo dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa howl-galkan qeyb ka ahaa la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya, si looga hortago ka ganacsiga waxyaabaha maanka beddala oo dhibaato ku haya deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in intii ay socdeen howl-gallada ay saameyn ku yeeshaan dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Dhankooda saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay ka hortagga falalka ammaanka, kuwa anshax xumo iyo maandooriyaha oo qeyb ka ahaa amarkii Xijaar.

Muqdisho ayaa waxaa haata ka socota doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuraasta gobollada waqooyi oo todobaadkii hore ka bilaabatay Dugsiga Tababarka Genaral Kaahiye.

Khadiija Maxamed Diiriye oo hal tallaabo ku amaantay hogaaminta Farmaajo + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ku amaantay inay meel iska saartay oo la xisaabtantay diblomaasiyiinta shisheeye ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, waxayna sheegtay 21-kii sano ee xildhibaan ay ka aheyd Soomaaliya uu haatan dalku joogo halkii ugu wanaagsaneyd.

“Hadda kadib waxaan ku daya doonaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo sanado badan soo hiigsanayey inuu hoggaamiyo dalka Mareykanka, maadaama aan hadda 21-sano joogay kursiga, waxaan rabaa madaxda caalamka inaan la baratamo,” ayey tiri Khadiija Diiriye.

Hadalkaan waxay Khadiijo Diiriye ka jeedisay kulan ay la yeelatay xubno ka tirsan beesheeda, iyadoo sheegtay in beesheedu ay ku kalsoontay oo ay iska soo hormariyeen, si ay u hoggaamiso, sida ay hadalkeeda u dhigtay.

“Beesheyda maanta kursigii inta dahab iiga soo dhigtay ayey tariita ii keentay, beesheyda Yaxar iima kala soocna, hadii habraaca lagu qoro hal jufo ayaa Khadiija dooraneysa waan ku kalsoonahay, xataa hadii aysan jufadeyda aheyn,” ayey tiri Khadiija Diiriye.

Xildhibaan ee Khadiijo Diiriye oo la soo shaqeysay shantii baarlamaan ee u dambeyey, kursigana ku fadhisay 21-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa hadda jawaheysa loolan adag, kadib markii kursigeeda ay isku soo sharaxday gabar aqoonyahanad ah oo lagu magacaabo Baarliin Biin.

Dhowr jeer ayey Khadiijo Diiriye fagaareyaasha ka soo muuqatay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo juhdi badan ku bixineysa sidii gabadhaas ay uga tanaasuli laheyd hankeeda siyaasadeed.

Maalmo ka hor waxay gurigeeda ku casuumtay Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana la sheegay inay ka codsatay inuu kala hadlo oo tartanka doorashada uu ka reebo gabadha isku soo sharaxday kursigeeda, sababta ay Ugaaska ugu dacwootay waa in Khidiijo iyo Baarliin oo u dhashay beesha Yaxar ay kala dhaleen laba Hooyo oo Mudullood ah.

Hoos ka daawo

Macallin Maxamuud oo ka hadlay dagaalkii Guriceel iyo qorshaha AHLU-SUNNA

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa tan iyo soo laba kacleyntii ururkiisa waxuu markii ugu horeysay bixiyey wareysi, kaas oo uu uga hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel iyo mowqifka Ahlu-Sunna ku aaddan waxa ay ka damacsan yihiin dowlad goboleedka Galmudug, sidoo kale dowladda federaalka ayuu eedeyn u jeediyey.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo wareysigaan siiyey BBC ayaa ugu horeyn sheegay inay sii wadi doonaan fikirkii ay ku shaqeynayeen ee ahaa inay ‘shacabkooda u hiiliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan garab’ isla markaana ay ka go’an tahay inay dalka ka cirib tiraan ururka Al-Shabaab.

Macalinka ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, isagoo sheegay inuu ahaa dagaal gar-darro ah oo iyaga lagu soo qaaday, waxuuna eedeyn culus u jeediyey hoggaanka Galmudug iyo dowladda federaalka.

“Dagaal ay wadaan dad khaas ah ayuu ahaa. Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, dagaal ma billaabaan, mana huriyaan. Marka dagaalka la billaabayay siyaaro mashaa’ikhdeenni waaweyneyd ayaan isugu nimid, waan iclaaminnay, waxaana ku iclaaminnay in dowlad iyo shacab intaba loo midoobo ururkan argagixisada ah ee dalka ku faafay. Siyaaradii lafteeda annagoo joogna, weerar baa nalagu soo qaaday, waxaa nagu soo qaaday dowladda Galmudug oo ay kaalmo u ahaayeen ciidanka Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Si gaar ah waxa uu ugu eedeeyey dagaalkaas taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo uu sheegay inuu hoggaaminayey dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel, 23-kii illaa 26-kii bishii hore ee October, dagaalkaas ayaa galaaftay saraakiil iyo ciidamo uga jiray labada dhinacba, waxuuna Macalin Maxamuud mas’uuliyaddiisa dusha ka saaray dowladda dhexe iyo Galmudug.

“Horta marka hore waxaysan dadku aqoonsaneyn in meesha aan joognay ay ahayd meel aan annagu dowlad ka ahayn 12 sano, muddadaas gudaheedana wax argagixiso la yiraahdo ma soo galin umana soo dhawaanin. 12-kaas sano dadkii meesha joogay ciidankoodii xagee buu jiraa? waxyaabaha laga been sheegayo waxaa ka mid ah ‘ciidan aruuris bay gasheen’ maxaa la aruurinayaa? meeshaba ciidankii aan annagu lahayn mooyee wax ciidan ah oo kale ma joogin,” ayuu yiri hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna.

Intii uu socday wareysigaan Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa qiray in Ahlu-Sunna ay aqoonsan tahay jiritaanka maamulka Galmudug, “Haddii aannaan aqoonsaneyn waxaan oo dhib ahba ma imaan lahayn. Waan aqoonsan nahay, waana cadeynay, laakiin ma aha maamulku hadduu noqdo mid ilaalinaya argagixiso, markaas nidaamka maamulnimada ayuu ka baxayaa,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Guriceel waa gurigeennii, Dhuusamareeb waa gurigeennii, anigan kula hadlaya ayaa ku dhashay, Sheekh Maxamed Shaakir baa ku dhashay, xagey ka timaaddaa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaa? dowlad ma tahay marka horeba? Waan hubeysneyn waligeenba, 12 sano ayaan joognay, oo aan hub heysannay, ma saakaa la billaabay? Annagu gurigeenni bana tagnay.”

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab ayuu sheegay in Ahlu-Sunna ay tahay awooda kaliya ee gobollada dhexe ka cirib tiri karta kooxda Al-Shabaab. Waxuuna ku gacan seyray in arrintaas ay tahay shaqo u taalla dowlad goboleedka Galmudug oo hoos tagta dowladda federaalka.

Mar wax laga weydiiyey cidda ku garab siisay inay dib isku soo abaabulaan iyo halka ay dhaqaalaha ka helaan ayuu ku jawaabay, “Annagu dhaqaalaheenna waligeen jeebkeenna ayuu ahaa, jeebkeenna ayaan kala soo baxnaa. Dadka aan imaanka lahayn baa dhaha ‘dhaqaalaha qoladeen u doonannaa?’, annagu Ilaahay baan u doonannaa dhaqaalaha, asagaana na siiya, waana heleynaa, marka ma weyno dhaqaale.”

Macalin Maxamuud ayaa beeniyey wararka sheegaya in Ahlu-Sunna ay taageero ka hesho maamulka Puntland iyo dowladda Iiraan, waxuuna hadalladaas ku tilmaamay kuwo lagu qoslo.

Sidoo kale Macalinka waxaa la weydiiyey halka ay dagaalyahanadoodu ku dambeeyaan, kadib dagaalkii qaraaraa ee ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay kula galeen degmada Guriceel, waxuuna sheegay in ay Guriceel uga baxeen codsi uga yimid culumo kale iyo dad madax ah.

“Ahlu sunna guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa, waxayna ku baxday codsi uga yimid culimada Islaamka oo AhluSunna Waljamaaca ah iyo dad madax ah. Annaga ujeedadeenna waa inaan joogno gurigeenna, wixii aan daafici jirnay oo ah caqiido, dad iyo diina waan daafaceynaa, ninna ka baryi meyno haddey arrintu noocaas noqoto,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Ahlu-Sunna ayaa sheegay inay wadahadal ku galayaan labo darajo oo kala ah inay yihiin Ahlu-Sunna iyo inay leeyihiin door Ra’iisul Wasaarenimo oo maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa,” ayuu yiri Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha gobolka Gedo oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Maxamed (Gareed) oo la hadlay wariyeyaasha ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolka iyo arrimaha doorashooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan Garbahaarey.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen,  doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dadaal badan geliyeen sugida ammaanka, gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaaan doorashooyinka xildhibaanada ee degmada Garbahaarey.

Axmed Buulle ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay haatan heegan buuxa ku jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howl-gallo ka wada halkaasi.

“Hay’adaha ammaanka waxa ay dedaal geliyeen nabadgalyada Degmada Garbahaarey, xaqiiqdii waan u diyaarsanahay Doorashada Golaha Shacabka BFS, Shaki kama qabno dhinaca Amniga oo waxaa heegan u ah Ciidanka Dowladda & Booliiska AMISOM oo ku sugan goobta loo asteeyay Doorashada, ilaa 6-kun oo Ergo ayaan fileynaa in Garbahaarey tagaan waxaana u nahay diyaar,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla-markaana ay qaataan doorka kaga aadan doorashooyinka dalka.

Gobolka Gedo ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa khilaaf xoogan kaas oo saameeyey doorashooyinka, walow mar dambe ay xal ka gaareen xubnaha golaha wada-tashiga qaran.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay xero ku taalla GEDO + Khasaaraha

0

Baardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhex-dhacay xerada ADC oo ku taalla Baardheere, taas oo lagu tababarayey ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan laba askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Ciidamada lagu tababarayey xeradan ayaa loo qorsheyneyay inay ka howl-galaan gobolka Gedo oo ay ka bilaaaban doonaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha ammaanka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu aado, sida qaraxa lagu geliyey xeradaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Baardheere oo la xiriira weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino ee ka dhacay degmadaasi.

Gedo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta oo ay ka dambeeyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli qeybo uga sugan gobolkaas oo dhaca koonfurta Soomaaliya.