26.5 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Saciid Deni oo is-bedel weyn ku sameeyey hoggaanka ciidamada maamulkiisa

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku bedelay qaar ka mid hoggaanka ciidamada maamulkaas, waxaana dikreetooyinkaan lagu xusay in madaxweynuhu uu tallaabooyinkaan uga go’leeyahay baahiyaha loo qabo dar-dar gelinta amniga.

Madaxweyne Deni ayaa  ugu horeyn G/Sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyiihii qeybta booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

Sidoo kale S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi ayuu Madaxweyne Saciid Deni u magacaabay hoggaanka dembi baarista booliska Puntland ee CID-da, halka G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland loo wajeejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari.

Dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Deni ayaa sidoo kale G/Dhexe Warsame Axmed Shirwac loogu magacaabay Taliyaha saldhiga dekedda magaalada Boosaaso, halka Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ciidanka PMPF-ta Puntland.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan is bedelkii ugu weynaa dhanka ciidamada uu mudooyinkaan ku sameeyey madaxweyne Deni, lamana oga sababta ka dambeysa, sidaan oo kale maalmo ka hor Deni ayaa bedelay taliyihii booliska Puntland, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka heer federaal ee ka dhacaya deeganada Puntland.

Halkee mareysaa dacwadda kursiga MAHDI GUULEED?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay mareyso dacwadda uu u gudbiyey guddiga xallinta khilaafaadka ee ka dhalatay kursiga HOP239 oo uu ku soo baxay Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xuseen Carab Ciise oo horey kursigan ugu fadhiyey ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu boobayo kursi aysan laheyn beeshiisa, isaga oo adeegsanayo xukuumadda.

Xildhibaanka oo wareysiga dheer siiyey Universal TV ayaa sheegay in uu ka war sugayo natiijada guddiga xallinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaraya dooda ka dhalatay kursigaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan dad gaar ah oo fara-gelin ku hayo guddiga, isaga oo ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrintaasi.

“Waxaa ku socota fara-gelin culus waxaana leenahay dadka ku haaya waa la wada og-yahay waa inay faraha kala baxaan oo guddiga howshiisu qabsado” ayuu yiri Xuseen.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Soomaaliya oo dhan indhaha ayey ku heysaa runtii xaq-darradii dhacday kolley cid aana ogeyn ma jirto,”.

Ugu dambeyn Xuseen Carab Ciise ayaa hoosta ka xariiqay haddii kursigaas loo ansixiyo Mahdi Guuleed in ay dhaawac weyn ku tahay Soomaali oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii xaq-darro la ansixiyo Xuseen wax lama yeelin, reerkeyga waxba lama yeelin Soomaali ayaa wax la yeelay,” ayuu markale yiri Xuseen Carab Ciise.

Si kataba, guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa laga war sygayaa natiijada kama dambeysta ah oo qaadan doonto muddo 7 cishe ah, sida loo horay loo shaaciyey, waxaana guddiga uu weli wadaa baaritaano ku aadan dacwadda culus ee loo gudbiyey.

Sawirro: DF iyo Midowga Afrika oo kulan isugu yimid kadib ceyrintii Simon Mulongo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in labada masuul ay kulankooda diiradda ku saareen arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah “dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya,” sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibadda ka soo saartay kulnkaas ayaa lagu yiri, “Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaar garowga cutubyada ciidamada, si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.”

Kulankaan ay maanta yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa ku soo beegmaya, xilli ay wasaaradda arrimaha dibadda 4-tii bishaan November todobada cisho inuu dalka uga baxo u qabatay Simon Mulongo oo ahaa ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Simon Mulongo oo ku xigeen u ahaa Francisco Madeira waxay ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa horey Caasimada Online ugu sheegay in Mulongo uu ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaaliya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu caqabad ku noqday qorshaha kala guurka Soomaaliya “Somali Transition Plan” oo ah isku dayga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay Amisom ugala wareegto amniga, dalkana ay isaga baxaan ugu dambeyn sanadka 2023-ka.

Daawo: Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo go’aan culus kasoo saaray muuqaallada TikTok

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si dag uga hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok-ga iyo burcada dhaca ka geysata degmooyinka magaalada Muqdisho, kadib kulan uu maanta la yeeshay taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir.

Taliye Xijaar ayaa ugu horeyn sheegay in mudooyinkii dembe ay aad u soo badatay burcadda dhaca ka geysata magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka shacabka ah ka furta taleefoonada iyo agabkooda gaarka ah, isagoo balan qaaday in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan hey’adaha ammaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay muuqaalada anshaxa wax u dhibaya ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok-ga oo carabka uu ku dhuftay, isagoo ku amray saraakiisha ciidanka booliska inay wax ka qabtaan dadka muuqaalada anshax xumada ah kusoo bandhiga aalada Tiktok.

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxaa shir guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxuuna sheegay markii uu ka warbixinaayey in kulanka diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in muqooyinkii dambe ay muujiyeen dadaal xoog leh, taas oo suurta gelisay in waxbadan ay iska bedelaan ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo balan qaaday inay sii adkeyn doonaan ammaanka, xiligaan kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Hoos ka daawo

Diblomaansiyiinta dalalka reer galbeedka oo ka baxay Addis Ababa iyo wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ka dhoofay qaar kamid ah ajaanibta iyo diblomaansiyiinta dowladaha reer galbeedka ee ka howl galayay dalka Itoobiya, kuwaas oo laguamray in ay isaga baxaan dalka.

Safaaradaha dalalka yurub ee fadhigoodu yahay Itoobiya ayaa horay muwaadiniintooda ugu baaqay in ay isaga baxaan dalka kadib markii ay adkaatay xaaladda Itoobiya, oo mucaaradka ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan dowladda.

Ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiro kuwa federaalka Itoobiya ayaa waxay kaabiga ku soo hayaan magaalada Addis Ababa oo ay sheegen in dhawaan la wareegi doonaan.

Muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan caasimadda Itoobiya ayaa saaka indhuhu qabanayeen iyagoo ku sii qulqulaya garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport.

Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.

Toddobaadkii tegay TPLF ayaa qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada, ayaga oo kadibna usoo ruqaansaday caasimadda Ethiopia, waxayna joogaan meel u jirta qiyaastii 300 km.

Jimcihii ayaa sagaal koox waxay ku dhowaaqeen isbaheysi cusub oo ujeedkiisu yahay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaaraha Abiy Ahmed.

Berhane Gebre-Christos, oo ah wakiil ka tirsan TPLF, oo heshiiska isbaheysi ku saxiixay Washington, ayaa sheegay in waqtiga uu kasii dhammaanayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

“Waxaan damacsanahay inaan meesha ka saarno taliska,” ayuu u sheegay weriyayaasha.

Wasaaradda difaaca Ethiopia ayaa Jimcihii ugu baaqday askarta howgabka ah inay dib usoo howlgalaan “si dalka looga badbaadiyo shirqoolka lagu kala dhantaalayo.”

Isbaheysiga cusub ayaa la mid ah kii ay dhammaadkii sideetamaadkii ay dhistay kooxda TPLF kahor inta aan xukunka laga tuurin kaligii taliyihii muddada fog Mengistu Hailemariam, 1991-kii.

Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee OLA.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.  

Xog cusub oo laga helayo diyaaradiiha drone-ka ee lagu qabtay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa laga helayaa diyaaradaha Drones-ka ee maalin ka hor Ciidanka NISA ku qabteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo la rumeysan yahay inay dalka kusoo rogi karaan halis amni oo xooggan.

In diyaaradahan la qabto ayaa waxaa la sheegay inuu suurta-geliyey Taliye Khadar Maxamuud (Khadar Sanka) oo ah Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde, oo bixiyey amarka lagu qabtay diyaaradaha, oo kadibna ay ciidankiisa la wareegeen.

Xog cusub iyo baaritaano ayaa muujinaya in diyaaradahan ay si weyn isku shabahaan diyaaradaha ay ganacsi ahaan u iibiso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo MuginUAV.

Marka la fiiriyo cabbirka caadiga ah ee balaastigga caagga ah ee lagu arkay mid ka mid ah sawirada ay heshay Caasimada Online ee diyaaradahan waxaa laga fahmi karaa inay ku cabir yihiin kuwa ay sameyso MuginUAV oo ah nooca Mugin 3600VTOL, oo cabirkeedu yahay 3600mm, sida ay sheegtay shabakad ka faaloota arrimaha sirdoonka iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo lagu magacaabo Intel Warlus.

Shirkadda MuginUAV waxay xarunteeda ku taalaa magaalada Xiamen ee dalka Shiinaha, waxaana diyaaradooda laga iibsan karaa si ganacsi ahaan caalamka oo dhan.

In diyaaradahan lala xiriiriyo Turkey, maadaama laba qof oo Turkish ah ay la socdeen markii lagu qabtay garoonka, ayaa xiiso leh, sababtoo waxaa hadda kahor adeegsaday kooxda PKK ee dagaalka kula jirta Turkey.

Mugin’s UAVs ayaa sidoo kale kasoo muuqatay dukumentio sir ah oo muujinaya in kooxda Daacish ay hadda kahor si sharci darro ah u iibsatay diyaaradahan.

Sida ku qoran documentiyada la helay, kooxda daacish ayaa diyaaradahaan aan duuliyaha laheyn ku iibsatay miisaaniyad gaareysa illaa 1.1 Million oo Dollar, waxayna qaab Online ahaan ah uga iibsatay shirkadda MuginUAV.

Dal sida Soomaaliya oo kale ah, diyaaradahan waxay kusoo rogi karaan halis xooggan sababo la xiriira inay hadda soo badanayaan kooxaha mintidiinta ah ee adeegsada.

Taliye Khadar Sanad ayaa bogaadin badan loo jeediyey isagoo lagu amaanay in uu soo kordhiyey Feejignaan tan iyo intii uu noqday Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cade uuna kahor tagay halis xooggan.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegtay inuu leeyahay diyaaradahaas, oo aysan aheyn kuwa militari, balse loogu talo-galay in lagu waraabiyo beeraha iyo in lagu buufiyo ayaxa, wuxuuna madaxtooyada ku eedeeyey inay arrimo siyaasadeed dartood u beegsatay.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad isku xiran oo ka kooban 12 qof (Faah-faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta kusoo dhigtay shabakad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo howl-galo ka dhan ah amaanka ka fulin rabay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Nabad-Sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Shaahiyow ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay soo qabtaan 12 qof oo diyaarinayay howl-galo amaan daro, islamarkaana ay horgeyn doonaan cadaaladda.

Waxaa qeyb ka ah shabakada ay ciidamada NISA gacanta kusoo dhigeen dad qaba qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaasi oo baaritaano horudhac ah ay ku sameeynayaan ciidamadu.

Shabakadan ayaa qeyb ka aheyd shabakado dhowr ah oo Al-Shabaab u diyaariya qalqal-gelinta amniga Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galadan ayaa qeyb ka ah sugida amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ayadu kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashooyinka Golaha Shacabka oo dhawaan kuraastii u horeysay la doortay.

Sawirro: Saddex qoddob oo looga hadlay kulan dhexmaray R/W Rooble iyo James Swan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dardar-gelinta doorashooyinka dalka, taageerada farsmo iyo dhaqaale ee Beesha caalamka ka geysato.

“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka 5-tii November ayaa walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay, inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan 2021-ka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug in labada kursi ee Aqalka Sare uu deg deg u soo doorto, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeen in si dhaw ay ula socdaan heshiiska madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa si horudhac uga bilaabatay dalka, ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu wado dadaalo uu ku doonayo si rasmi ah loo guda galo doorashadaas oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid.

CC Shakuur oo soo jeediyey dalab la xiriira Drones-ka lagu qabtay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta soo saaray dalab xasaasi ah, kadib isku daygii dil ee uu xalay ka bad-baaday ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, isaga oo soo jeediyey in si weyn loo baaro diyaaradaha Drones-ka ah ee dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in isku dayga dil ee ra’iisul wasaaraha Ciraaq loo adeegsaday Drone qarax loogu soo xiray, sidaas darteedna uu ku talinayo in si madax bannaan loo xaqiijiyo waxa ay yihiin diyaaradaha lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Maadama xalay Raysalwasaaraha Ciraaq uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday drone qarax loogu soo xiray, waxaan dalbanaynaa in si madaxbannaan loo xaqiijiyo waxa ay tahay drone ka la sheegay in Xamar lagu qabtay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ha’yadaha iyo dowladaha waaweyn ee Soomaaliya haatan ka caawiya ammaanka inay laamaha amniga ku gacan-siiyaan baaritaanka diyaaradahaasi.

Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in la ogaado halka ay ku socdeen diyaaradahaas iyo ujeedka laga lahaa.

“Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gacansiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone la qabtay, iyo halka ay ku socotay,” ayuu markale sii raaciyey.

Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo gaaray illaa lix diyaarad ayaa waxaa dalka keenay, sida uu sheegay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo ujeedada uu u keenay ku sheegay inuu ku waraabinayo beeraha, sidoo kalena uu kula dagaalamayo Ayaxa, sida uu hadalka u dhigay.

Muxuu yahay heshiiska laga gaaray hannaanka saami qeybsiga kheyraadka dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa heshiis rasmi ah oo laga gaaray hannaanka saami qeybsiga ee Kheyraadka dalka, kaas oo muddo soo socday, isla-markaana ay soo wadeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran ka soo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa ugu dambeyn si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka, kaas oo muhiim u ah ka faa’iideysiga kheyraadka.

Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah wasiirka Batoolka iyo Macdanta Soomaaliya oo ka warbixiyey heshiiskan ayaa ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horumarka loo qaaday.

“Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ku howlan in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo, loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, si dadka Soomaaliyeed iyo dalkaba ay u gaaraan horumar ballaaran.

XOG: Qorshaha DF ee uu caqabada ku noqday Simon Mulongo ee keenay in la eryo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta ay dowladda federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo.

Warqad 4-tii November kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa horey Caasimada Online ugu sheegay in Mulongo uu ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale,

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaaliya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu caqabad ku noqday qorshaha kala guurka Soomaaliya “Somali Transition Plan” oo ah isku dayga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay Amisom ugala wareegto amniga, dalkana ay uga baxaan ugu dambeyn 2023.

Midowga Afrika ayaa bishii tagtay soo jeediyey qorshe kaas ka duwan oo ah in howlgalka Amisom loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, kaasi oo dowladda federaalka ay ka hortimid.

Mulongo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysa qorshahaas, ay sida weyn u diiday dowladda federaalka. 

Maalin ka hor inta aan la ceyrin Mulongo, 3-dii November ayaa wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq waxa uu twitter soo dhigay qoraal u muuqday inuu horudhac u ahaa ceyrinta Mulongo

“Soomaaliya waxay xaqiijin doontaa hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, qof walba waa lagula xisaabtami doonaa ficilladeeda, cidna looma ogolaan doono inay carqaladeyso qaranka Soomaaliyeed, ma joogno meel aan dib uga laabano,” ayuu yiri. 

Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.”

“Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

Mar wax laga weydiiyey tallaabada xigta, Mulongo waxa uu sheegay inuu hoggaanka Midowga Afrika ka sugayo inay jiheeyaan, sidaas darteedna uusan waxba oran karin.  

Cagjar oo shaaciyey waxa uu sameyn doono haddii ay TPLF timaado Addis Ababa

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Itoobiya, xilli kooxda TPLF ay ku hamineyso inay qabsato caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

Madaxweyne Mustafe ayaa walaac badan ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, hadii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo dowladda Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu shalay isugu yeeray odayaasha dhaqanka deegaanada Soomaali Galbeed, isagoo hoga tusaaleeyey dhibaatada ka dhalan karta hadii TPLF ay ku soo laabato xukunka dalka Itoobiya.

“Hadii aad maqashaan ciidamo TPLF ah ayaa Addis Ababa kusii socda, waxaad sidaas oo kale maqli doontaan ciidan Soomaali ah ayaa ku wajahan Addis Ababa, si ay uga difaacaan cadawga,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Waxa uu sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin dadka Soomaalida ah in Tigray qabsado xukunka Itoobiya, maadaama sida uu qabo aysan kooxdaasi ka waantoobi doonin fikirkoodii ahaa nin qowmiyadaha dalka loo sameeyo maamul adag oo caburiya.

“Kama waan toobayaan fikirkoodii ahaa dadka idinku dowlado ha u sameyninee dadku cida ay soo doortaan la macaamila, shakigaas waxaa sii cadeynaya xalay Addis Ababa ayey dad kula saxiixanayeen waraaqado, iyagoo leh waxaan sameyneynaa urur la yiraa Itobiyaan federaalisim,” ayuu yiri Mustafe.

Waxa uu sheegay in ka Soomaali ahaan ay u qorsheysan tahay in cid kasta oo Addis Ababa timaada aysan Jigjiga maamul u soo dhisin, “Xataa cidii deegaankaan keenta ciidan qowmiyad oo aan aheyn mid qaran, inaan la dagaalnaa noo qorsheysan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Urur aysan dunida horey u maqal oo afduubtay laba askari oo Israeli ah (Warbixin)

Tel Aviv (Caasimada Online) – Urur aysan dunida horey u maqaly oo isku magacaabay Dhaqdhaqaaqa Xoriyadda ayaa sheegtay inay afduubteen laba askari oo Israeli ah. 

Barnaamij baaris ah oo uu Jimcihii sii daayey taleefishinka Aljazeera, ayey kooxdan ku sheegtay inay afduubteen labadan sarkaal “xilli ay howlgal amni oo qarsoodi ah ka fulinayeen meel ka baxsan Israel.” 

Barnaamijka ayaa baahiyey muuqaallada laba nin, oo afduubayaasha ay sheegeen inay yihiin laba askari oo Israeli ah. 

Mid ka mid ah labada nin ayaa magaciisa ku sheegay David Ben Rousey, wuxuuna magaca saaxiibkiis ku sheegay David Perry, ayaga oo intaas ku daray inay yihiin Israa’iiliyiin.

Ururkan ayaa sidoo kale bishii September ee sanadkii tegay sheegtay inay afduubteen laba askari oo kale oo israa’iiliyiin ah. Xilligaas Israel kama bixin wax jawaab ah.

Sida ay ku warrameen afduubayaasha, labadi askari ayaa lagu qabaty laba howlgal oo kala duwan. 

Muuqaalka ayaa Ben Rousey wuxuu ku codsaday caawimaad deg deg ah, sababtoo ah Perry “wuxuu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo liidata,” wuxuuna xaaladdooda guud ku qeexay “mid aad u xun.”

Sida lagu sheegay barnaamijka Aljazeera, aayaha labada askari wuxuu ku xiran yahay sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haysato Israel. 

Ururkan isku magacaabay Dhaqdhaqaaq Xoriyadda ayaa ah mid aan horey looga maqal dhulka Falastiiniyiinta. 

Barnaamijka baaritaanka ah ee Aljazeera ma shaacin waqtiga iyo goobta laga afduubtay labada askari, iyo halka lagu hayo intaba. 

Saraakiisha Israel weli jawaab kama aysan bixin.  

ASKAR ka tirsan ilaalada Axmed Karaash oo lagu xiray Garoowe + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday agagaarka xarunta Taraafikada Garoowe, waxayna u dhexeysay ciidamo ka tirsan xaruntaasi iyo kuwa kale oo ilaale u ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan oo loo yaqaano (Karaash).

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac ku dhaawacmay ugu yaraan hal askari, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Taraafikada ay gaari ka xereeyeen ciidanka madaxweyne ku xigeenka Puntland, taas oo keentay inay wada dagaalamaan.

Sidoo kale waxaa shaqaaqada kadib goobta ay wax ka dhaceen waxaa gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxay dagaalka ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in falka kadib xabsiga loo taxaabay illaa afar askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada u ah Axmed Karaash, kuwaas oo su’aallo laga weydiinayo, sida ay wax u dhaceen, waxaana loo heystaa inay iyagu bilaabeen rasaasta.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay taliska Booliska ee Garoowe oo ku aadan dhacdadaais, waxaase weli socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka.

Garoowe ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo dhex-maray ciidamada Puntland dhexdooda, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo lagu qaaday weerar drone loo adeegsaday iyo xaaladdiisa

Baghdad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ka badbaaday isku day lagu dili lahaa kadib markii diyaarad drone ah, oo laga soo buuxiyey qaraxyo lagu weeraray gurigiisa xalay.  

“Diyaarad drone ah ayaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha, oo aan wax dhaawac ah kasoo gaarin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiskiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Mustafa uu soo gaaray dhaawac fudud.

Mustafa Al-Kadhimi ayaa goor dambe sheegay inay xaaladdiisa wanaagsan tahay, wuxuuna codsaday “deganaan iyo is-xakameyn,” ayada oo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay. 

“Aad ayaan u wanaagsanahay, Alxamdulillah, waxaana ku baaqayaa deganaan iyo in qof kasta uu is xakameeyo, danta Ciraaq darted,” ayuu Mustafa kusoo qoray bartiisa twitter-ka. 

Guriga ra’iisul wasaaraha ayaa ku yaalla aagga cagaaraan ee (Green Zone) ee Baghdad, halkaasi oo sidoo kale xarun u ah safaaradda Mareykanka, islamarkaana marar badan lala beegsaday weeraro gantaallo ah.

Ciidamo aad u badan ayaa la geeyey aagga kadib weerarka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni. 

Weerarka ayaa yimid ayada oo xiisad siyaasadeed oo kacsan ay ka jirto Ciraaq, taasi oo ka dhalatay doorashooyinkii dhacay 10-ka October.

Natjooyinka hurudhaca ee doorashada ayaa muujiyey in  isbaheysiga Fatah, oo ah garabka siyaasadeed ee kooxda Iran ay taageerto ee sida militariga u tababaran ee Al-Xashad Al-Shacbi ay lumisay kuraas badan oo baarlamanka ka mid ah.

Taageerayaasha kooxda ayaa dhalleeceeyey natiijada waxayna ku tilmaameen “khiyaano.”

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha kooxdan iyo booliska ayaa isku dhacay Sabtidii ayaga oo dibadbax ka dhigaya Greene Zone-ka, kana careysan natiijada doorashada.

Fatah ayaa ku guuleysatay 15 ka mid ah 329-ka kursi ee baarlamanka, taasi oo aad uga yara 48-ka kursi ee ay horey u haysteen.

Guusha ugu weyn ee doorashadii ugu dambeysay ayaa waxaa gaaray dhaqaaqa wadaadka Shiicada ah ee Moqtada Sadr oo kooxdiisa ay heshay 70 kursi, kadib markii uu olole ku galay waddaniyad iyo inuu kasoo horjeedo Iran.  

Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo toddobaadyada soo socda.

Wiil 12 jir ahaa oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday galbeedka KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbooyinka ayaa sheegaya inay ka sii darayaan xaaladaha nololeed ee gobolladaasi oo ay haatan ka jiraan abaaro xoogan, kuwaas oo saameyn daran ku yeeshay dadka deegaanka iyo duunyada intaba.

Galbeedka Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha nololeed, gaar ahaan biyo la’aanta oo saameysay reer miyiga ku dhaqan halkaasi.

Khadiijo Xaaji Yacquub oo ka mid ah bulshada rayidka ee Jubbaland, isla-markaana booqatay deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ayaa sheegtay in wiil yar oo 12 jir ahaa uu haraad iyo gaajo darteed ugu geeriyooday inta u dhexeysa Biroole iyo Buulo Xaaji.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay jiraan dad kale oo dhul yaal ah, isla-markaana ay dhibaato xoogan ku heysato deegaano hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo.

“Hadda hal cunug wuu ku dhintay dad kale oo garaab ah waa la sheegaayey meesha dhibaato daran ayaa ka jirta wax laga sheekeyn karo ma’aha,” ayey tiri Khadiijo Xaaji.

Dhankiisa Ciise Axmed Maxamed (Boorow) oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi ay gaareen meeshii ugu sarreysay, isla-markaana dadka aysan heysan biyo ay cabaan, ayna ka le’deen xoolihii ay heysteen.

“Biyo la’aan rasmi ah ayaa dadka heshay gaadiid aa biyaha loogu dhaaminaayey laakin gaadiidka waa ka soo laabtay Roobna weli lama helin,” ayuu yiri Ciise Boorow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka, Jubbaland, dowladda federaalka iyo ganacsatada inay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Sawirro: Dibad-bax ka dhan ah TPLF oo ka kala dhacay Jigjiga iyo Addis Ababa

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeeday jabhaddda hubeysan TPLF ee haatan dagaalka kula jirta ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Jigjiga, si  ay taageero ugu muujiyaan ciidamada milatariga Itoobiya ee wada howl-galka ka dhanka ah TPLF.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladda sii cakirmeysa ee dagaalka ka socda waddanka Itoobiya.

Erayada ay isticmaanayaan dibad-baxayaasha waxaa ka mid ah “Waxaan taageersanahay howl-galka ciidanka Qaranka, Ma iloobeyno weerarka wuxushnimada ah ee TPLF ku qaaday waqooyiga dalka iyo Ereyo kale oo ay shacabka Jigjiga ku cabirayaan dareenkooda.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa gacsmaha ku sitay boorar waa weyn oo lagu soo xardhay sawirka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Banaan-baxan ayaa daba socday khubadii uu shalay jeediyey madaxweynaha deegaanka Mustafe Cagjar oo walaac ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, haddii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto.

Dhinaca kale dibad-bax kan la mid ah oo ay ka qeyb-galeen kumanaan Itoobiyaan ah ayaa isla maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana goobjoog ahaa ma’uuliyiin ka tirsan dowlada oo hadallo ka jeediyey madasha, iyadoo lagu cambaareeyey Jabhadda TPLF.

Si kastaba, Itoobiya ayaa ku jirta xaalad jahwaeerer ah oo ka dhalatay dagaalka ay wado jabhadda TPLF oo haatan ku sii dhowaaneysa magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Qoor Qoor oo cafis iyo balan-qaad u sameeyey sarkaal ka tirsan NISA oo kasoo goostay..

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa cafis u fidiyay Dhamme Nuur-deeq Cali Cabdi Faarax oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya, qeybta ka howlgasha Galmudug, kaas oo dhawaan u goostay Ahlu-Sunna, kuna biiray dagaalyahanadeeda.

Nuur-deeq ayaa xalay ka soo goostay ciidamada Ahlu-Sunna ee fariisimaha ka sameystay deegaanka Bohol ee galbeedka magaalada Dhuusamareeb, waxuuna kala soo goostay qori Dhashiike ah.

Madaxwayne Axmed Qoor Qoor ayaa caawa madaxtooyada loogu geeyey sarkaalkan, waxuuna ku amaanay go’aanka uu qaatay, isagoo u fidiyey cafis guud, amarna ku bixiyey in loo fasaxo musharkiisa oo laga xanibay markii uu ku biiray kooxda Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Dhamme Nuur-deeq u sharciyeeyey qorigii uu Ahlu-Sunna kala soo goostay, kaas oo si shakhsi ah uu sarkaalkaan u lahaan doono, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka qeyb galay kulanka Qoor Qoor iyo Sarkaalkaan ka tirsan NISA.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa la socday sarkaalkaan markii caawa madaxtooyada loogu geeyey madaxweynaha. Axmed Qoor Qoor ayaa u balan qaaday qof kasta oo ka soo goosta Ahlu-Sunna, inuu cafis u fidin doono, sidoo kale waxa uu balan qaaday in qof kasta hubka uu kala soo goosto uu milkiyadiisa lahaan doono.

Kadib dagaalkii cuslaa ee Ahlu-Sunna ay ciidamada dowladda kula gashay degmada Guriceel, hadda waxay dagaalyahanadeedu fariisimo ka sameysteen deegaan lagu magacaabo Bohol oo 40 KM waqooyi galbeed ka xiga xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas waxaa la sheegay in Ahlu-Sunna ay weli ka wado abaabul ciidan.

Sidoo kale waxaa socda wadahadallo ay garwadeen ka yihiin sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Laba-afle oo Sheekh Shaakir ay jufo hoose isla yihiin iyo ganacsato reer Dhuusamareeb ah, kuwaas oo laba maalin ka hor gaaray deegaanka Bohol, illaa hadana lama soo werin wax hormar ah oo wadahadallada socoda laga gaaray.

ABIY AHMED oo war cusub soo saaray xilli mucaaradku kusoo dhowaadeen Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Shacabka Ethiopia waa inay “naftooda huraan” si ay “u badbaadiyaan” dalka, waxaa sidaas maanta yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayada oo uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka kusoo siqaya caasimadda. 

Dhowaqiisa ayaa yimid maalin kadib markii sagaal koox oo mucaarad ah ay sameysteen isbaheysi ayaga oo ku biiraya dagaalka ay kooxda TPLF hoggaamineyso ee ka dhanka ah dowladda.

Wakiilka TPLF Berhane Gebre-Christos, ayaa isaga oo saxiixaya heshiiska isbaheysiga oo lagu dhisay magaalada Washington Jimcihii, waxa uu sheegay in isbaheysiga uu damacsan yahay “inuu meesha ka saaro taliska,”,. 

“Waa in naf hurnimo la sameeyo, hase yeeshee naf-hurnimadaas waxay badbaadin doontaa Ethiopia,” ayuu ku yiri Abiy qoraal uu soo dhigay twitter.

“Horey ayaan u aragnay caqabadahan iyo imtixaanaadkan, waxayna naga dhigeen kuwa xooggan,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray “waxaan leenahay xulufo ka badan kuwa dhabarkooda nasoo xijiyey.” 

“Haddaan nahay reer Ethiopia, u dhimashada qarannimadeena, midnimadeena iyo aqoonsigeena, waa sharaf. Ma jirto Itoobiyenimo naf hurnimo la’aan.”

Toddobaadkii tegay TPLF ayaa qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada, ayaga oo kadibna usoo ruqaansaday caasimadda Ethiopia, waxayna joogaan meel u jirta qiyaastii 300 km.

Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee OLA.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.  

Qorshihii Farmaajo, Abiy iyo Isaias Afwerki oo fashilmay

Itoobiya waxay dhex dabaalaneysaa mowjado colaado ah, waxaana is haya Abiy Ahmed oo raadinaya dowlad dhexe oo awooddda oo dhan gacanta ku heysa iyo kooxo diidan dhaqankaas oo ku qeexay awood maroorsi dadban.

Abiy wuxuu sameystay muddo kororsi uu ugu diyaar garoobayo damiciisa uu rabo inuu waqti dheer kusii joogo xafiiska. Damacaas salkiisa hoose wuxuu ahaa dowlad dhexe oo awood leh, waxaana la sheegay inuu aaminsanaa in muddo kororsiga uu u saamixi karo inuu dhiso Itoobiyada uu rabo.

Soomaaliya waxay sidaan oo kale ku sigatay inay colaad qurquriso kadib markii madaxweyne Maxamed Caddullaahi Farmaajo uu isku dayey inuu qaato muddo kororsi laba sano ah, isagoo dhiniciisa ka dabaqaya heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhex maray Wadamada itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Seddexda hoggaamiye ee Farmaajo, Abiy iyo Afwerki waxay ka siman yihiin aragtida Federaal diidka ah. Madaxweyne Farmaajo wuxuu Bishii May ee sanadkaan u sheegay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo uu la qaatay kulan gaar ah inuu rabay inuu dhimo awoodda maamul Goboleedyada balse ay ku adkaatay.

Heshiiskii seddex xagalka ahaa ee Abiy, Farmaajo iyo Afwerki wuxuu lahaa seddex waji:

1- Mid waa inay xukunka waqti dheer sii joogaan.
2- Inay dhisaan dowlado dhexe oo awood leh oo la tuuro Federaalka ama daciif laga dhigo nidaamka Federaalka.
3- Dhismaha ciidan aaminsan aragtidooda, intaas kadibna waxaa qorshahooda lagu sheegay inuu ahaa in la dhiso suuq lagu kala faa’ideysto iyadoo Somaliland ay soo aadeyso dhanka Xamar, halka Jabuutina lagu qasbi doono aakhirka inay heshiiska dhankeeda kasoo gasho iyadoo itaalkeedu yar yahay.

Afwerki isaga howshiisa way isku toosneyd, Abiy waxaa ka maqnaa baarlamanka oo furo u noqon karay sharciyada la rabo in la abuuro halka uusan Farmaajo seddexdaba gacanta ku heyn. Sidaas darteed Farmaajo waxaa lagu sheegay inuu ahaa qofka 100% la caawinayey.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu qabsaday baarlamanka Itoobiya, wuxuuna ku qanciyey inuu doorashada dib u dhigo waana ka aqbaleyn, balse waxaa is-casishay guddoomiyihii Aqalka Sare.

Farmaajo sidoo kale wuu aqbsaday Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu eryey guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, balse waxaa ka hor yimid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Markii uu Farmaajo isku dayey inuu dariiqii muddo kororsiga aado oo sida Abiy uu doorashada dib isaga dhigo waxaa qarxay dagaal halis geliyey caasimada.

Sida ay sheegayaan dadka sida dhow ula socday heshiiskaan, wuxuu qorshuhu ahaa in marka Abiy arrintiisa la xaliyo in Farmaajana si buuxda loo garab istaago oo ciidan xoog leh la siiyo, laakiin Abiy Ahmed arrintii ayaa ku cuslaatay oo Tigray ayaa qorshihii fahamtay oo si buuxda uga hortimid.

Dagaal uu ku qaaday meel Addis Ababa u jirta in ka badan 1000Km ayaa maanta soo gaaray in isagii halis ku jiro oo Caasimaddii dhan loo jiro wax ka yar 400Km.

Hoggaamiyaha Eritrea Afwerki wuxuu isku dayey inuu Abiy Ahmed caawiyo, wuxuuna ciidan soo geliyey xuduudaha ay Eritrea la leedahay Gobolka Woqooyi ku yaal ee Tigray, wuxuuna la qabtay Magaalada Mekelle, halkaas oo la sheegay inay xataa ciidan Soomaali ah ka dagaalameen kuwaas oo tababar u joogay wadanka Eritrea ahaana ciidankii loo diyaarinayey inay wax ka fuliyaan heshiiska seddex geesoodka ah.

Garabkii Militari ee Afwerki kuma uusan faa’idin Abiy oo Tigray waa soo rogaal celisay dalkiina wuxuu halis ugu jiraa inuu Maanta gacantiisa ka baxo. Doorasho macmal ah oo uu sameystay xafiiskana uu mar kale ku qaatay ayaa xaaladda uga sii dartay.

Farmaajo wax badan hadda uma tari karo Abiy oo isagaa tiisa heysataa, halka uu Afwerki adduunkii isha ku wada hayo.

Dhanka Madaxweyne Farmaajo saaxiib muhiim ah ayaa ka maqan waana Abiy Ahmed oo la aamisan yahay inuu wax badan u tari lahaa haddii uusan xaaladaan culus geli laheyn.

Seddexda nin qofna ma faa’idin, Afwerki taladiisii laguma faa’idin, Soomaalida iyo Itooniyaankaba way kasoo horjeesteen dowlado dhexe oo kaligeed awoodda heysata .

Qorshihii uu Abiy Ahmed kula soo laabanayey xafiiska waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana ku barakacday Malaayiin, mana cadda inay hadda Itoobiya ka badbaadi karto burbur.

Dhanka Soomaaliya, ciidankii loogu talagalay inay kamid noqdaan kuwa fulinaya heshiiskaan lama hayo raq iyo ruux toona, waxaana soo baxayo warar sheegaya inay qaar badan ku dhinteen dagaalkii lala galay Tigray oo halkaas loo isticmaalay.

Farmaajo kuma guuleysan inuu marsado laba sano oo muddo kororsi sharceysan ah, dagaal ayey qarka u fuushay Soomaaliya.

Dhinaca Itoobiya, maamul Goboleedyadii waa laga adkaan waayey, oo waa kuwa Maanta ku dhow inay qasbadaan caasimaddii, dhanka Soomaaliyana waxaa la jabin waayey Puntland iyo Jubaland.

Ciidankii ay rabeen inay seddexdaan nin wada dhisaan waa la abuuri waayey, dhaqaale xumo baahsan ayaana ka jirta geeska Afrika, dadkiina waa diideyn aragtidaan afduubka ah.

Waxay ka dhigan tahay inuu saqiiray mashruucii Abiy, Farmaajo iyo Afwerki, waxaana tan laga baran karaa in aragtida xoogga iyo kaligii talisnimadu aysan hadda ka hirgeli karin Geesk Afrika.

Itoobiya iyo Soomaaliya labaduba Manta dowlad ahaan waa dansan yihiin mana socdaan wax shaqo ah oo macno leh, waxaana dhibaatadaan loo arkaa inuu maskaxdeeda leeyahay hoggaamiyaha Eritrea Afwerki.

Si walbaba, mashruucii seddex xagalka waa Meyd bari, lamana yaqaan xilliga ay seddexda nin iska aasi doonaan oo ay lasoo bixi doonaan fikrado ka gadmi kara shacabkooda.