26.5 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Qorshihii Farmaajo, Abiy iyo Isaias Afwerki oo fashilmay

Itoobiya waxay dhex dabaalaneysaa mowjado colaado ah, waxaana is haya Abiy Ahmed oo raadinaya dowlad dhexe oo awooddda oo dhan gacanta ku heysa iyo kooxo diidan dhaqankaas oo ku qeexay awood maroorsi dadban.

Abiy wuxuu sameystay muddo kororsi uu ugu diyaar garoobayo damiciisa uu rabo inuu waqti dheer kusii joogo xafiiska. Damacaas salkiisa hoose wuxuu ahaa dowlad dhexe oo awood leh, waxaana la sheegay inuu aaminsanaa in muddo kororsiga uu u saamixi karo inuu dhiso Itoobiyada uu rabo.

Soomaaliya waxay sidaan oo kale ku sigatay inay colaad qurquriso kadib markii madaxweyne Maxamed Caddullaahi Farmaajo uu isku dayey inuu qaato muddo kororsi laba sano ah, isagoo dhiniciisa ka dabaqaya heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhex maray Wadamada itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Seddexda hoggaamiye ee Farmaajo, Abiy iyo Afwerki waxay ka siman yihiin aragtida Federaal diidka ah. Madaxweyne Farmaajo wuxuu Bishii May ee sanadkaan u sheegay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo uu la qaatay kulan gaar ah inuu rabay inuu dhimo awoodda maamul Goboleedyada balse ay ku adkaatay.

Heshiiskii seddex xagalka ahaa ee Abiy, Farmaajo iyo Afwerki wuxuu lahaa seddex waji:

1- Mid waa inay xukunka waqti dheer sii joogaan.
2- Inay dhisaan dowlado dhexe oo awood leh oo la tuuro Federaalka ama daciif laga dhigo nidaamka Federaalka.
3- Dhismaha ciidan aaminsan aragtidooda, intaas kadibna waxaa qorshahooda lagu sheegay inuu ahaa in la dhiso suuq lagu kala faa’ideysto iyadoo Somaliland ay soo aadeyso dhanka Xamar, halka Jabuutina lagu qasbi doono aakhirka inay heshiiska dhankeeda kasoo gasho iyadoo itaalkeedu yar yahay.

Afwerki isaga howshiisa way isku toosneyd, Abiy waxaa ka maqnaa baarlamanka oo furo u noqon karay sharciyada la rabo in la abuuro halka uusan Farmaajo seddexdaba gacanta ku heyn. Sidaas darteed Farmaajo waxaa lagu sheegay inuu ahaa qofka 100% la caawinayey.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu qabsaday baarlamanka Itoobiya, wuxuuna ku qanciyey inuu doorashada dib u dhigo waana ka aqbaleyn, balse waxaa is-casishay guddoomiyihii Aqalka Sare.

Farmaajo sidoo kale wuu aqbsaday Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu eryey guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, balse waxaa ka hor yimid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Markii uu Farmaajo isku dayey inuu dariiqii muddo kororsiga aado oo sida Abiy uu doorashada dib isaga dhigo waxaa qarxay dagaal halis geliyey caasimada.

Sida ay sheegayaan dadka sida dhow ula socday heshiiskaan, wuxuu qorshuhu ahaa in marka Abiy arrintiisa la xaliyo in Farmaajana si buuxda loo garab istaago oo ciidan xoog leh la siiyo, laakiin Abiy Ahmed arrintii ayaa ku cuslaatay oo Tigray ayaa qorshihii fahamtay oo si buuxda uga hortimid.

Dagaal uu ku qaaday meel Addis Ababa u jirta in ka badan 1000Km ayaa maanta soo gaaray in isagii halis ku jiro oo Caasimaddii dhan loo jiro wax ka yar 400Km.

Hoggaamiyaha Eritrea Afwerki wuxuu isku dayey inuu Abiy Ahmed caawiyo, wuxuuna ciidan soo geliyey xuduudaha ay Eritrea la leedahay Gobolka Woqooyi ku yaal ee Tigray, wuxuuna la qabtay Magaalada Mekelle, halkaas oo la sheegay inay xataa ciidan Soomaali ah ka dagaalameen kuwaas oo tababar u joogay wadanka Eritrea ahaana ciidankii loo diyaarinayey inay wax ka fuliyaan heshiiska seddex geesoodka ah.

Garabkii Militari ee Afwerki kuma uusan faa’idin Abiy oo Tigray waa soo rogaal celisay dalkiina wuxuu halis ugu jiraa inuu Maanta gacantiisa ka baxo. Doorasho macmal ah oo uu sameystay xafiiskana uu mar kale ku qaatay ayaa xaaladda uga sii dartay.

Farmaajo wax badan hadda uma tari karo Abiy oo isagaa tiisa heysataa, halka uu Afwerki adduunkii isha ku wada hayo.

Dhanka Madaxweyne Farmaajo saaxiib muhiim ah ayaa ka maqan waana Abiy Ahmed oo la aamisan yahay inuu wax badan u tari lahaa haddii uusan xaaladaan culus geli laheyn.

Seddexda nin qofna ma faa’idin, Afwerki taladiisii laguma faa’idin, Soomaalida iyo Itooniyaankaba way kasoo horjeesteen dowlado dhexe oo kaligeed awoodda heysata .

Qorshihii uu Abiy Ahmed kula soo laabanayey xafiiska waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana ku barakacday Malaayiin, mana cadda inay hadda Itoobiya ka badbaadi karto burbur.

Dhanka Soomaaliya, ciidankii loogu talagalay inay kamid noqdaan kuwa fulinaya heshiiskaan lama hayo raq iyo ruux toona, waxaana soo baxayo warar sheegaya inay qaar badan ku dhinteen dagaalkii lala galay Tigray oo halkaas loo isticmaalay.

Farmaajo kuma guuleysan inuu marsado laba sano oo muddo kororsi sharceysan ah, dagaal ayey qarka u fuushay Soomaaliya.

Dhinaca Itoobiya, maamul Goboleedyadii waa laga adkaan waayey, oo waa kuwa Maanta ku dhow inay qasbadaan caasimaddii, dhanka Soomaaliyana waxaa la jabin waayey Puntland iyo Jubaland.

Ciidankii ay rabeen inay seddexdaan nin wada dhisaan waa la abuuri waayey, dhaqaale xumo baahsan ayaana ka jirta geeska Afrika, dadkiina waa diideyn aragtidaan afduubka ah.

Waxay ka dhigan tahay inuu saqiiray mashruucii Abiy, Farmaajo iyo Afwerki, waxaana tan laga baran karaa in aragtida xoogga iyo kaligii talisnimadu aysan hadda ka hirgeli karin Geesk Afrika.

Itoobiya iyo Soomaaliya labaduba Manta dowlad ahaan waa dansan yihiin mana socdaan wax shaqo ah oo macno leh, waxaana dhibaatadaan loo arkaa inuu maskaxdeeda leeyahay hoggaamiyaha Eritrea Afwerki.

Si walbaba, mashruucii seddex xagalka waa Meyd bari, lamana yaqaan xilliga ay seddexda nin iska aasi doonaan oo ay lasoo bixi doonaan fikrado ka gadmi kara shacabkooda.

Xiisad uu ku lug leeyahay wasiir Dubbe oo Muqdisho ka taagan iyo beel dacwo ka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cuqaasha iyo Salaadiinta mid kamid ah Beelaha kasoo jeeda Somailand ayaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo cuqaasha beesha.

Odayaashaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiir Dubbe uu leeyahay suldaan gaar ah oo saxiixe ah, islamarkaana aan lagu faragelin suldankiisa, balse uu isaga faragelin iyo xadgudub ku hayo beesha ay iyaga kasoo jeedaan.

Sidoo kale, Odaayash ayaa sheegay inay taageersan yihiin wakaalo kala noqoshada uu Boqor Buur-madow ku sameeyey Maxamed Jaamac Cumar iyo aqbalaada wasaaradda Arrimaha Gudaha,

“Wasiirada inay kala garan waayaan xilalkii loo xil saaray oo ahaa shaqada wasaaradiisa iyo arrimaha dhaqanka waa wax laga xumaado, Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu daganaa Somaliland wuuna kala yaqaan qabiilada waana ayaan darro in waxaan jirin lagu shubo, suldaanka aan keensaneyno iyo midka aan badaleyno labadaba dooqa anagaa iska leh, waxaana anaga rabina cid nagu qasbi karto ma jirto,” ayuu yiri mid kamid odayaashii saxaafadda la hadlay.

“Waxaan nahay odayaasha beesha aadka loo yaqaan ee Habar-jeclo, Wasiir Dubbe wuxuu leeyahay Suldaan, suldaankiisana waa Saciid Diiriye Aadan, waa la yaqaanaa, suldaankiisa maahan Suldaan Boqor Maxamed Jaamac Cumar, waa inuu ka dhex baxo beesha Muuse Abukar sharcigooda iyo sida ay ka yeelayaan kuraastooda,” ayuu yiri mid kale oo kamid ah odayaasha.

Odayaaha ayaa sidoo kale sheegay inay iyaga dacwad ka gudbiyeen suldaankooda, islamarkaana lagu helay dambiyo badan lana soo taagi doono maxkamad sida ay sheegeyn odayaasha.

Hadalka kasoo yeeray odayaashaan ayaa kusoo aadayo xilli uu khilaaf u dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe oo labadaba kasoo wada jeedo Gobolada Woqooyi.

Dubba ayaa dhowaan duray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed ee kursi ka mid ah golaha shacabka, isaga oo dhaliilay inay wejiyada qarsadeen murashaxiinta qaar iyo dadkii codka bixinayey.

Waa kuma Maxamuud Ugaas? – Soomaaliga ka mid noqday isbahaysiga ka dhanka Abiy?

0

Washington (Caasimada Online) – Sagaal koox oo ka mid ah mucaaradka Ethiopia ayaa sameystay isbaheysi cusub oo ka dhan ah dowladda, kaasi oo ujeedkiisa uu yahay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abi Ahmed.

Isbaheysiga ayaa waxaa ku jir urur Soomaaliya ah oo lagu magacaabay Somali State Resistance (Muqaawamada Gobolka Soomaalida), waxaana hoggaamiya Maxamuud Ugaas Muxumed.

Maxamuud Ugaas oo hadda ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, oo ah halka lagu aas-aasay isbaheysiga ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka loo asaasay uu yahay in “qofkasta uu helo xuquuqdiisa madaxbanaanida oo sidaa lagu wada joogo ama lagu kala tago.”

Waxa uu yiri dhammaan ururada isbahaysigan waxay ka mideysan yihiin hadafka ah in lagu wada noolaado Itoobiya loo dhanyahay ama in lakala tago.

“Waa sagaal qowmiyadood waana sagaalkii awal dagaalami jirtay oo dhargiga la dagaalantay tan Abiy Axmed-na ka hor timid oo doorashooyinka aan gelin marka waxa aan ku dhawaaqnay waa in la badbaadiyo dowladda shacabka oo laga hortago inuu dhaco dagaal sokeeye,” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud waxa uu sheegay in Abiy ay dan ugu jirto inuu wadahadal la galo shacabka gadoodsan ee matalayo isbahaysiga sababtoo ah, “waxa uu garabsaday Amxaaro oo 20 milyan ah marka boqolka milyan ee kale ee Itoobiya ayaa ku mideysan barnaamijkaan.”

“Wadahadalkan ka dib waa inuu si qabow oo nabad-gelyo ah kaga baxo waddanka ama xukunka dhiibo ama xataa dowlad ku meel gaar ah dhiso oo uu yirahdo doorashooyin hala galo oo hala heshiiyo, hadduu sameyn waayana dagaalka Addis Ababa ku wareegeysan yahay hadda dhulka inta kale oo dhan waa la qabtay caasimaddana waa la qabanayaa,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey xiriirka la sheegay inuu la leeyahay ONLF, Maxamuud waxa uu ku jawaabay ONLF waxay xiriir la leedahay cidkasta oo Soomaali ah oo halganta.

Maxamuud oo sidoo ka jawaabay su’aal ahayd in uu ciidamo haysto isaga maaddaamaa ururada kale ee Isbahaysiga ku jira ay haystaan ciidamo oo qaarkood ay haatan dagaal kula jiraan xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay in hawshan aysan ciidan keliya u baahnayn oo ay u baahantahay “caqli, farsamo, aqoon, garaad iyo istaraatijiyad haddii loo baahdana waxaa joogta 10 malayan oo Soomaali ah oo haysta hal malyan oo qori oo u baahan in abaabulo oo keliya.”

Mabda’iisa ku aadan TPLF

“TPLF hadda waa waaya arag, dhibaato badan dadka waa ay u soo geysatay, kufsi, dhac iyo dilba wax inooga hiilinaya oo ka hadlayana ma aysan jirin, intii yarayd ee hadda lagu duulay, gabdhahoodii la kufsady oo iskuulada la gubay, adduunka oo dhan ayaa dhawaaqaya laakin hadda TPLF Cadawganaga ayay cadaw u tahay awalba 70 sannadood waxa na haystay Amxaara ayay ahayd, 30 sannadoodna waxaa ina haystay TPLF marka isuma ayna kaaya roonayn,” ayuu yiri Maxamuud.

“TPLF dastuurka ay sameysay qodobka 39 bay ku dartay oo aan horay ugu jirin, xuduudka aynu Soomaali la leenahay ee ilaa canfar, ilaa Mooyaale ilaa Jabuuti, ma aqoonsano amxaara inaan xuduudkaas leenahay marka haddi ay isku keen qabato TPLF iyo amxaaro waxaan aadeeynaa dhanka TPLF oo qeybteena ayay inoo ogol yihiin, iyagana kamaba baryeyne waa waxaan kula midownay inaan xaqeena helno.”

Waa kuma Maxamuud Ugaas Muxumed?

Maxamuud waxa uu ku dhashay gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Waxa uu macallin ka ahaan jiray Lafoole ka hor inta aysan dowladdii Soomaaliya burburin.

Markii uu Canada tagayna waxaa sii ahaa macallin. Waxa uu la soo shaqeeyay dowladdii ugu horreysay ee laga dhiso degaanka Soomaalida.

Waxa sidoo kale sii watay waxbarashadiisa ilaa shahaadada PHD.

Waxa uu Dowlad Deegaanka ka soo noqday wasiirka qorsheynta isagoo la soo shaqeeyay 3 madaweyne.

Maxamuud waxa uu muddo shan sannadood la soo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP. Hadda waa aqoonyahan madax-bannaan oo cilmi baare ah.

Isha: BBC Somali

Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay ‘qorshe ka dambeeya’ ceyrinta Simon Mulongo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa duray tallaabadii ay dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenka ergayga Midowga Afrika Simon Mulongo.

Geelle ayaa sheegay in tallaabadii ay qaaday Dowladda Soomaaliya aysan wax faa’ido ah kusoo kordhin doonaan Soomaaliya, sida uu isaga aaminsan yahay.

Geelle oo xaruntiisa ololaha doorashada kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey uu ku fashilmay in uu dadka la wadaago tafaasiil ku saabsan sababta uu u cuskadey go’aankaas.

“Horta tafaasiil badan lagama bixin. Dowladda waxay u muuqataa in ay rabtay in ay rikoor ka dhigto. Hadda kahor diblomaasi kale ayay sidaas u ceyrisay. Diblumaasigaas markii la ceyrinaayey wax sabab ah ma aysan muuqan laakiin wararka hadda dhacay wax xaqiiqo ah oo dowladda ay dadka la wadaagtey ma jiraan,” ayuu yiri Geelle.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa tallaabadaan ku sheegay mid lamid ah middii Soomaaliya looga ceyriyey Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

“Muhiimadu waxay tahay cayrinta waa meesha ugu dambeysa ee diblumaasiyadda. Habab badan oo loo xaliya ayaa jirta oo wax lagu saxo dowladda waxaa moodaa in ay ka dhacsan tahay hababkaas. Shalay lagama faa’iidin ceyrintii diblumaasigii hore, tanna lagama faa’iidaayo kaliya waxay dhaawacaysaa rikoorka diblumaasiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.”

“Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay eriday Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasoo ay ku eedeysay in uu farageliyey arrimaha gudaha dalka.

Diblumaasigan u dhashay Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u sharaxnaa xilka madaxtinimadda Koonfur Galbeed.

Dowladda MAREYKANKA oo $19 milyan ku raadinaysa AFAR ka mid ah madaxda Al-Shabaab + Magacyada

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa mar kale dib usoo saartay abaal-marin 19 milyan oo dollar ah oo ay ku yaboohday akhbaaraad la xiriira halka ay ku sugan yihiin afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab.

Qoraal afartii bishan lasoo dhigay twitter-ka Rewards for Justice (Abaal-gudka cadaaladda) oo ah barnaamij ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in afarta hoggaamiye ay kala yihiin; Abu Cubeydah, Mahad Karate, Fu’aad Maxamed Khalad iyo Jacfar.

Abu Cubeydad oo magaciisa saxda uu yahay Axmed Diiriye ayaa hoggaaminayey Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn diyaaradeed lagu dilay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo la yaqiin Axmed Godane, bishii September 2014. Mareykanka ayaa madaxa Abu Cubeydah dul dhigay 6 milyan oo dollar.

Mahad Karate oo magaciisa saxda uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ayaa ah ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay qeybta amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa Mahad Karate ku raadinaya 5 milyan oo dollar. 

Fu’aad Maxamed Khalaf waxaa la rumeysan yahay inuu yahay fududeeyaha dhanka maaliyadda ee kooxda. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa la sheegay inuu u wareegay dhanka dacwadda ee kooxda. Waxay Mareykanka ku yabooheen 5 milyan oo dollar ciddii usoo gudbeysa aakhbaaraad la xiriira Fu’aad.

Jafar o sidoo kale loo yaqaan Amar, wax xog badan ah lagam hayo hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxa howlgallada ee kooxda Al-Shabaab, waxaana Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen 3 milyan oo dollar. 

Mareykanka ayaa sababta uu u doonayo madaxdan ku sheegay qaraxyo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya iyo inay “weli wadaan dhaq-dhaqaaqyo halis ku ah ammaanka, nabad-galyada iyo xasilloonida” gobolka. 

Wararkii ugu dambeeyey QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan dhanka deegaanka Garasbaaley.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kadib markii ay miinadu qabsatay mooto ay saarnaayeen.

Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka soo jeeda degmada Afgooye, waxaana ku jiray Macalin aad looga yaqiinay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo waxyar ka hor maray halkaasi, siday ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo howl-gallo kooban ka sameeyey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa inta badan jidka Afgooye oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha ka fulisa weeraro qaraxyo ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka.

MAREYKANKA oo farriin u diray MADAXDA maamul goboleedyada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay doorashooyinka 2021-ka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Warka kooban ee kasoo baxay safaaradda ayaa waxaa si gaar ah farriin loogu diray madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, iyada oo laga dalbaday inay dardar-geliyaan qabashada doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Safaaradda ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale loo baahan-yahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo, ayna dhacaan ka hor dhammaadka 2021-ka.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Said Abdullahi, Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Qoor Qoor, Madaxweyne Ali Gudlawe yo Madaxweyne Lafta Gareen
si loo dhamaystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan-yahay laguna kalsoonaan karo ka hor dhamaadka 2021. Waa in la dardar geliyo hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow ula socda xaaladda Soomaaliya, wuxuuna si aad ah ula socdaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dib u dhac ballaaran ku yimid doorashooyinka Golaha Shacabka oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, marka la eego jadwalkii hore.

Si kastaba, warka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay Beesha Caalamka ay walaac ka muujisay dib u dhaca doorashooyinka dalka.

War kasoo baxay safaarada Mareykanka oo muujinaya in Abiy uu xaalku ku xun yahay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ugu baaqday dhammaan dadka Mareykanka “inay deg deg” uga baxaan magaalada, sababo la xiriira in mucaaradka ay kusoo dhowaanayaan, ayada oo sagaal koox ay ku dhowaaqeen isbaheysi ka dhan ah dowladda. 

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayey uga digtay “in xaaladda amni ee Ethiopia ay tahay mid faraha kasii baxeyso.”

Waxay ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Ethiopia inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Digniinta ayaa timid kadib markii sagaal koox oo ay ku jiraan kooxda Tigray-ga ee TPLF, iyo tan Oromada ee OLA ay Jimcihii ku dhowaaqeen isbaheysi cusub oo ujeedkiisu yahay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaaraha Abiy Ahmed.

TPLF ayaa Arbacadii sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay soo gaareen magaalada Kemissie ee gobolka Amxaarada oo 325 km waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa. 

Berhane Gebre-Christos, oo ah wakiil ka tirsan TPLF, oo heshiiska isbaheysi ku saxiixay Washington, ayaa sheegay in waqtiga uu kasii dhammaanayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

“Waxaan damacsanahay inaan meesha ka saarno taliska,” ayuu u sheegay weriyayaasha.

Wasaaradda difaaca Ethiopia ayaa Jimcihii ugu baaqday askarta howgabka ah inay dib usoo howlgalaan “si dalka looga badbaadiyo shirqoolka lagu kala dhantaalayo.”

Isbaheysiga cusub ayaa la mid ah kii ay dhammaadkii sideetamaadkii ay dhistay kooxda TPLF kahor inta aan xukunka laga tuurin kaligii taliyihii muddada fog Mengistu Hailemariam, 1991-kii.

Xilliga ay doorashada BF ka billaabaneyso maamul goboleedyada oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa shaaciyay in toddobaadka soo socda doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ay si rasmi ah uga billaabaneyso dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiye Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu soo dhammaaday diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, islamarkaana doorashada ka bilaabatay magaalada Muqdisho, ayna toddobaadka soo socda ka billaabaneyso degaanada doorashooyinka ee maamul goboleedyada dalka.

Cirro ayaa intaas kusii daray inay magaalooyinka maamul Goboleedyada ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka ay u daabuli doonaan agabka doorashooyinka oo dhameystiran, sida warqadaha cobixinta, sanduuqyada iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashooyinka Golaha Shacabka ay kusoo dhammaato waqti aan badneyn, maadaama uu diyaar garowga doorashada ee Guddiyada heer Federaal iyo heer maamul uu kasoo dhammaaday.

“Hannaankeena doorashada waqti badan ayuu soo jiitamayey, rajada haatan waa ay wanaagsan tahay, waxaana ballan qaad ku galnay Madaxda maamulada iyo Guddiyada doorashooyinka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo doorashada Golaha Shacabka,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa todobaadkaan ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana Xildhibaankii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Gobola Waqooyi ee Somaliland loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, halka kan labaad uu noqday Biixi Iiman Cige, wallow la hakiyey natiijada doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

KHADIIJA Diiriye oo hada shalaay ka joogta wareysi ay horay u bixisay (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la soo bandhigay wareysi ay Dalsan TV horay u siisay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo sheegeysa in qof beesheeda ka dhashay oo kursiga kula tartamaya uusan jiri doonin sanadkaan, iyadoo balan qaaday xilligaas hadii la helo qof aqoonyahana oo metelaada beesha kala wareega ay siyaasadda ka nasa doonto.

Hase yeeshee kursiga xildhibaan ee Khadiijo Diiriye ay ku fadhisay 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa hadda u sharaxan gabar aqoonyahanad ah oo lagu magacaabo Baarliin Biin, waxaana haatan Khadiijo Diiriye soo wajahay qalqal xoog leh.

Dhowr jeer ayey Khadiijo Diiriye fagaareyaasha ka soo muuqatay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo juhdi badan ku bixineysa sidii gabadhaas ay uga tanaasuli laheyd hankeeda siyaasadeed.

“Wiil ama Gabar qofkii isku soo sharaxa kursiga xildhibaan ee aan ku fadhiyo anigaa ku wareejinaa, waan daalay caafimaad ahaan, waan jeclahay inaan siyaasadda ka nasto oo cariishka Hooyadey iyo Aabehey ay Jowhar  ku leeyihiin aan ku nasto, laakiin rajada Alle lagama quusto oo laxaw jeclaa dalkaan iga heysa,” ayey tiri Kadiija Diiriye oo bilo ka hor wareysigaan bixisay.

Mar la weydiiyey in beesheeda Yaxar laga heli karo qof aqoonyahana oo kursiga ay ku fadhiso ku meteli kara iyo inay iyadu fursadaha u diido dadkeeda ayey ku jawaabtay, “Mar kasta beesheydu waxay itiraahdaa nama aadan ceebeyn, xattaa beelaha kale ayaa I amaana, beesheyda waa ku jiraan wiilal iyo gabdho waxbartay, laakiin anigay I dhaheen nametel.”

Sidoo kale Khadiija Diiriye waxay wareysigaas ku sheegtay inay ku faraxsan tahay hanaanka awood qeybsiga dowladnimada Soomaaliya ee 4.5-ka,  oo beesheeda u aqoonsan ‘nus’ ama beel barkeed.

Laba maalmood ka hor Wasiir Khadiijo Diiriye ayaa gurigeeda ku casuumtay Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana la sheegay inay ka codsatay inuu kala hadlo oo tartanka doorashada uu ka reebo gabadha isku soo sharaxday kursigeeda, sababta ay Ugaaska ugu dacwootay waa in Khidiijo iyo Baarliin oo u dhashay beesha Yaxar ay kala dhaleen laba Hooyo oo Mudullood ah.

Hoos ka daawo wareysigii Khadiija Diiriye

Qaraxii fashilmay ee tacsida ‘Libaaxa Muqdisho’ oo loo maxkamadeynayo saddex qof

Kamapla (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa saddex qof kusoo oogtay dacwad argagixisanimo oo la xiriirta qaraxii la fashiliyey ee lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal dagaal xooggan kooxda Al-Shabaab kula galay Soomaaliya.

Jeneraal Paul Lokech oo loo yaqaan “Libaaxa Muqdisho” ayaa laba jeer soo noqday taliyaha ciidamada Amisom, wuxuuna hoggaamiyey howlgalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho 2011-kii, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho. Wuxuu bishii August ku geeriyooday dalkiisa. 

Dacwad-oogayaasha Uganda ayaa sheegay in saddexda qof ee dacwadaha lagu soogay ay yihiin rag xubno ka ah kooxda mucaaradka ee ADF, oo Kampala ay sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen qorsheynta weerarka lagu qaadi lahaa tacsida “Libaaxa Muqdisho,” bishii August.

Kooxda ADF, oo asal ahaan aheyd mucaarad Uganda ah, ayaa lagu eedeeyey inay kumanaan qof oo shacab ku dishay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ah ee Congo, sanadihii dhowaa.

Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah kooxda ADF ula xiriirisay kooxda Daacish.

Geoffrey Turyamusiima, oo ah qareenka saddexda nin ee la eedeeyey, ayaa weriyayaasha u sheegay in kalyantigiisa lagu jir dilay xabsiga kadib markii la xiray bishii August. 

“Xitaa si wanaagsan uma istaagi karaan,” ayuu yiri Turyamusiima oo intaas ku daray in haddii dharka laga siibo lagu arki karo caalamadaha jir dilka. 

Uganda ayaa waxaa dhowaanahan asiibay weeraro dhowr ah oo lala xiriiriyey kooxda ADF. 

Booliska ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey oo ka tirsan ADF uu isku qarxiyey bas bishii tagtay, halkaasi oo uu ku dhintay, sidoo kalena dhowr qof oo kale ku dhaawacay.

Sidoo kale, qarax ka dhacay maqaayad ku taalla meel u dhow caasimadda Uganda ayaa laba maalmood kahor qaraxa baska, waxaa lagu dilay hal qof, ayada oo saddex kalena lagu dhaawacay.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada magaalada Marka

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda guud ee magaaladaasi, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi, waxaana xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Taliska 14-ka October oo ka howl-gala Marka ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday magaalada, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Gaashanle Cabdiraxiin Maxamed Muunye taliyaha Guutada 14-ka October oo lahadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in Al-Shababa ka dileen 5 xubnood 10 kale ay dhaawaceen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay howl-gallo ka wadaan nawaaxiga magaalada, isla-markaana ay ku raad joogaan xubnihii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Marka oo xarun u ah Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta oo ay halkaasi ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Isbaheysi ka dhan ah Abiy oo lagu dhawaaqay iyo wararkii ugu dambeeyay ee Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo xukuumaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka.

Ururadani ayaa durbo bilaabay olole ballaaran oo la doonaya in xukunka looga tuuro Abiy Axmed, xoog iyo wada-hadal kii ay noqoto.

Sidoo kale ururada mucaaradka ah ee ku kacsan Abiy ayaa qorsheynaya in marka laga adkaayo, ama la burburiyo xukuumadda in la sameeyo maamul ku meel gaar ah.

“Annaga oo ka jawaabaya dhibaatooyinka waaweyn ee soo foodsaaray quruumaha kala duwan ee dalka, isla markaana aan meesha ka saarayno saamaynta xun ee taliska Abiy Axmed ku leeyahay dadkeenna iyo shicibkeenna, waxaanu aqoonsannay baahida degdegga ah ee loo qabo in la iska kaashado, oo aan ku biirno ciidamadeenna si aan u helno isbeddel nabdoon ,” Admassu Tsegaya, oo xubin ka ah Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga ee Agaw, oo qayb ka ah isbahaysiga cusub ee loogu magac daray United Front of Federalist and Confederalist Forces ayaa u sheegay warfidiyeenka.

Jabhadda Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF) oo haatan dagaal kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa ka mid ah ururada saxiixay heshiiska ay gaareen isbaheysigan cusub.

Dhinaca kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saaray xaaladda cakiran ee wadanka Itoobiya, waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay si deg deg ah xabadda u joojiyaan, isla-markaana ay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Golaha ammaanka ee QM ayaa sidoo kale dhinacyada isku haya Itoobiya ka dalbaday inay ka fogaadan hadallada nacaybka, hurinta rabshadaha iyo kala qaybinta.

Itoobiya ayaa ku jirta xaalad  jahwareer ah, kadib markii ay sii xoogeysteen dagaallada u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda TPLF oo ku sii dhowaaneysa Addis Ababa.

Diyaaradaha drone-ka ma loo isticmaalaa wax soo saarka beeraha sida uu ku dooday xildhibaan Zakariye? – Faallo

Yaa keensan kara bilaa ogolaansho dawladeed maku keeni karaa? Ruqsan ma u baahanyihiin cida isticmaalaysaa?

Sidan ognahay cilmiga waxsoo saarka beeruhu waa mid kamid ah cilmiyada aduunkan hogaamiya sida ku cad dastuurkeena Quraanka Kariimka ah waana asaasiga nolosha dadka aduunkan ku nool iyo dhamaan  makhluuqaatka allaah abuurtay ee nool.

Haddaba waxa uu soo maray heerar kala duwan isaga oo maanta jooga in beerta ama dalaga uusan ba qof galin beeris ilaa gurasho oo qalab iyo technology loo isticmaalo.

Haddaba qalabkan loo yaqaan ee diyaaradaha bilaa duuliyaha ah waxay kamid yihiin qalabka casriga ah ee wax wayn ka bedelay wax soo saarka Beeraha.

Sidee wax soo saarka Beeraha diyaaradahan loogu isticmaalaa?

Diyaaradahan waxaa loo isticmaalaa dhawr jiho marka laga hadlayo wax soo saarka beeraha waxaana kamid ah:

1- Waraabka ( Irrigation) ma ahan macneheedu inay qaado intaas oo litir oo biyo ah macnuhu waxaa weeeye waxaa jira nidaam waraaab oo kala duwan ee dhulka wax laga beeray leeyihiin, hadaba fogaanta dhulkaas iyo  baaaxad waynantaasi waxay u baahantahay in qalabkaas waraabka ee ku xiran dhulkaas wayn ee Irrigational system in lala socdo la dayac tiro la kormeero si loo ogaado meelaha uu systemku ka ligayo ama ciladi kaga jirto ama meesha system ka xun ee aan dalaga u gudbinayn biyo, si dhibaatadaas loo xaliyo ayaa la fekeray oo lasoo sameeyey diyaaradah bilaa duuliyaha ah ee loo isticmaalo waraabka beeraha.

Waxay diyaaradni sahashay in loo diro dhul kala fog oo hectares ah lagalana socdo computer lana arko meel kasta oo systemka waraabka ka xun ama u baahan dayac tir iyo hagaajin markaasna koox loogu diro si ciladaaas looga jawaabo.

Arinkani wuxuu yareeyey waqtigii badnaa ee ku bixi jiray in lasoo kormeero system wuxuu kaloo yareeyey shaqaalihii kormeerkaas ka qayb qaadan jiray.

2- Buufinta dalagyada: Crop spraying

Diyaaradahani waxay ka ka qayb qaateen buufinta iyo la dagaalanka cayayaanka iyo cudurada ku dhaca dalagyada iyo oo qaadaya haamo litiraadkoodu yaryahay buufinayana dalagyada waqti xadidan iyo shaqaale yar.

3- Sahminta dhulka iyo kala saarida dhulka: Remote Sensing

Diyaaradahani waxay ka qayb qaateen sawirida iyo sahminta dhulka si loo ogaado dabiicada iyo hab dhuleedka meeli dhulka kamid ahi leedahay si loogu go’aan qaato markaas ujeedka laga leeyahay.

Hadaba yaa isticmaala yaase lasoo degi kara ogolaanshose maloo baahanyahay?

Diyaaradahan waxaa isticmaala mashaariicda waa wayn iyo kuwa yar yarba waxaaana yeelan kara shirkado loo ogolaaday oo la ogyahay shaqadooda waxsoo saaarka beeraha waxayna dalka kusoo galin karaan oo kusoo gadan karaan ogolaanshaha dawladeed iyo nidaamka messhaas ka jira, markasta oo ay isticmaalayaana waxay ogolaansho ka helayaan haayadaha amniga ee meshaas ka jira oo ay ka raadinayaan ogolaansho, ee xaalku ma ahan iska keenso isks duuli.

Ma khatar amni ayey leeyihiin?

Haa waxaa lagu fuliyaa shirqoolada sida dilalka iyo xadista sirta ama xogta ama muuqaal ka guud meel dan laga leeyahy ama waxay qaadaa waxa loo yaqaan coordinate system oo ah goob sumadeedka dhulka la rabo in hawl laga fuliyo.

Tusaale 1-aad: 2018 kii waxaa lagu khaarijin lahaa madaxwaynaha Venasuella mar uu ka qayb qaadanaaayey bandhig millatary ee dalkiisa ka dhacaaayey.

Tusaalaha 2-aad: Laba sano ka hor waxaa la keenay oo si tijaabo ah oo waliba ogolaansho dawladeed loo helay la keenay dawladaha geeska afrika mid kamid ah si loola dagaalamo #Ayaxa laakiin markii la arkay khatarteeda amni waa la joojiyey cidii ogolaanshaha loo siiyeyna waa lagala noqday ogolaanshihii.

Gabagabo

Aad lasoo degtid’e ma tahay shirkad wayn ama khabiir beereed oo wadanku u aqoonsanyahy inuu ka shaqeeyo waxsoo saarka iyo horumarinta beeraha Dalka.?

Markii hore iska soo gad ma ahane ma heshay ogolaansho dawladeed mise waad iska soo galisay ilayn waa wadankaas baylahda ahe.?

Maka fekertay in arinkani yahay ganacsi dareen amni wata oo aan la’aan ogolaansho dawladeed lagu gali karin intaadan dhawr xabaan keensaday oran.?

Meesha ama deegaanka aad u wadid oo tiri beerihiisa ayaan kaga shaqayn horay hal geedna allaaah haka dhigee maka qayb qaadatay horumarinta wax soo saarkiisa?

Intaas oo su’aala ah hadii aadan jawaab u hayn waa in la is waydiiyaaa hawlaha iyo ujeedka laga lahaa.

Somalia Allaah ha badbaadiye ajnabi iyo muwaadinba aqoon daro ama ula kacba ugu tijaabiye wax wadankan aan ku haboonayn.

Allaah wadankeena ha xifdiyo 

فسالو أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون

W/Q:  Mohamed M. Galgalato

Mamulaha shirkadda Beeraha Ee G.L.G.
G.L.G Agricultural Company

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Simon Mulongo oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay dalka uga ceyrisay DF Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo oo shalay ay dowladda Soomaaliya ka ceyrisay dalka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

 “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.”

“Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

Mar wax laga weydiiyey tallaabada xigta, Mulongo waxa uu sheegay inuu hoggaanka Midowga Afrika ka sugayo inay jiheeyaan, sidaas darteedna uusan waxba oran karin.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Mulongo uu ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, baadda ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn oo ka dhan ah dumar Soomaaliyeed 

Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gudohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah “Dalkan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay muddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo.

Beesha caalamka oo waqti kooban u qabatay madaxda DF iyo farriin culus loo diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay, inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan 2021-ka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug in labada kursi ee Aqalka Sare uu deg deg u soo doorto, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeen in si dhaw ay ula socdaan heshiiska madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Beesha Caalamka oo dhameystiran:

Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.

Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021-ka, iyadoo la ixtiraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare.

Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Beel degta MUQDISHO oo boob lagu hayo kuraasteeda oo farriin u dirtay ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid Odayaasha, waxgaradka iyo culimada Beelaha Banaadiriga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kuraastooda si sharci daro ah loo boobayo.

Waxay sheegen in markii hore lagu soo koobay kuraasta, haddana aysan aqbali doonin in laga qaato kuraastaas, taasi oo ay sheegen inay carqalad ku tahay geedi socodka doorashooyinka dalka.

“Dadka dhahay kuraasta waa lama taabtan waa noo xiran yihiin, halkee ka soo gateen? Waxaa la metalaa umad Soomaaliyeed, oo waxaa la rabaa in umad Banaadir oo laga shaqeeyo midnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

“Waxaa rabnaa in kuraasta la furo oo cidkasta oo Banaadiri ah loo ogolaado inay tartamaan. Waxaa leenahay reer Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynahooda Lafta-gareen waa inay ka waantooban dadka ay noo soo dirayaan.”

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu garab siiyo cadaalada, islamarkaana uu wax ka qabto boobka lagu hayo kuraastooda oo ay sheegen inay iska xirteen dad gaar ah oo sheeganaya.

“In kuraasteena la soo fara-geliyo oo la yiraahdo anaga 2016-kii wax gad-gadinay, waxaa leenahay haddii Ilaahay laga cabsanayo Mudane Ra’iisul Wasaare wax hanaga weydiin nimkaas, guddigii hore ee maamulka.”

Khilaafka kuraasta Banaadiriga ayaa salka ku haya gacan ku haynta kuraastaas oo maamulkeeda uu sheeganayo guddigii hore ee 2016-kii iyo mid cusub oo ay sameysteen, sida ay sheegen qaar kamid ah odayaasha.

DF oo jawaab kasoo saartay barnaamij ‘halis ah’ oo ay baahiyeen Al-Shabaab, iclaamisayna shirweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa jawaab adag kasoo saartay muuqaalo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ay ku baahinayeen afkaartooda, waxayna iclaamisay shirweyne ka dhan ah tallaabadaas.

Muuqaalladaas taxanaha ah ayaa Al-Shabaab waxay ugu magac dareen “Saa’a Maa Yaxkumuun,” waxayna ka hadlayaan qodobo ku jira dastuurka Soomaaliya, oo ay sheegeen inay ka hor-imanayaan diinta Islaamka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa waxa lagu sheegay in ujeedka muuqaaladaas uu yahay cudur u sameynta afkaarta qaldan ee argagixisada iyo qiil u raadinta baneysiga dhiiga umadda Soomaaliyeed.

“Dhawaanahaan ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa uu sii deynaayey muuqaalo iyo war saxaafadeedyo ujeedkoodu yahay in kooxdu ugu cudur-daarto fikradahooda khaldan ee aan sal iyo raad toona ku laheyn Diinta Islaamka, kuna magacaabeen daliil Diimeed oo ay ku marin habaabinayaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muuqaaladaas ay si dhow ula socotay, islamarkaana ay diyaar u tahay inay mid mid uga jawaabto dhamaan qodobada ay ku xuseen doodooda, kuwaasi oo aan raad ku laheyn Diinta Islaamka.

“Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay ugu baaqeysaa Culimada muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed shirweyne lagu iftiiminayo, loogana jawaab celinaayo doodad ururka Al-Shabaab u cuskatay kuna difaacayaan ficiladooda, si umadda Soomaaliya looga badbaadiyo dhagarta fikirka kooxda.”

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay diyaar u tahay marwalba in si xikmad iyo cilmi ah uga hortagto duulaan kasta oo fikri ah umadda Soomaaliyeed kaga yimaada kooxaha argagixisada.

Wararkii ugu dambeeyey ee kursiga Mahdi Guuleed iyo Rooble oo soo farogeliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran ayaa weli ka taagan kursiga uu qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar kadib markii uu si farsameysan usoo wareejistay kursi aysan jufadiisa laheyn.

Guddiga khilaafkaadka doorashooyinka ayaa joojiyey ansixinta kursiga kadib markii ay dacwad soo gudbisay jufadii laheyd kursiga oo ku doodeyso in laga boobayo kursigooda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tan iyo markii la hakiyey ansixinta kursigiisa wuxuu waday dadaallo uu ku doonayo inuu ku sharciyeysto kursigaas.

Sida ay Caasimada Online xog ku heshay Mahdi Guuleed ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dacwad ka gudbiyey Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo meel fagaare ah ka weeraray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa ergadii dooraneysay kursigiisa wuxuu ka reebay suldaanka Beesha uu kasoo jeedo Dubbe taasoo keentay inuu Dubbe ka shaqeeyo sidii dacwad looga gudbin lahaa kursiga uu qaatay.

Rooble ayaa guddi ka kooban seddex xubnood oo laba kamid ah yihiin wasiirada Xukuumadda u xil saaray xalinta arrintaan, waxaana la xaqiijiyey inay meel isugu keeneyn Duube iyo Mahdi, islamarkaana la dhameeyey khilaafkooda.

Sidoo kale, guddiga uu Rooble kiiskaan u xil saaray ayaa la kulmay guddiga xallinta khilaafaadka, waxayna kala hadleyn sidii kursigaan loo ansixin lahaa shuruud la’aan.

Wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa sheegaya in guddiga ay aqbaleen soo deejinta guddiga uu Rooble magacaabay, balse waxay dalbadeyn in la sugo waqtiga ay sheegeyn inay go’aan kusoo gaarayaan oo aheyd 7 Maalin oo ka bilaabatay 2 Bishaan November.

TPLF oo shaacisay sabab ay u dooneyso qabsashada Addis Ababa oo aan aheyn xukun

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa kasii dareysa xaaladda dalka Itoobiya oo halis ugu jirto burbur kadib markii uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya xooggaga Tigray oo kusoo dhawaanaya Addis Ababa iyo cidiamada Federaalka Itoobiya.

Cabsi weyn ayaa ka jirto Addis Ababa kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada TPLF oo usoo jirsaday wax kayar 300Km, waxayna dowladaha reer Galbeedka qaarkood ugu baaqeen muwaadiniintooda inay u diyaar garoobaan ka bixitaanka Addis Ababa.

Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

“Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigrayga, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo.

Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, islamarkaana aysan ku joojin doonin dacaayad shisheeye.

Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda.

Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.