25.5 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Wiil Soomaali oo caan ka ah YouTube oo hal maalin ku ururiyey hal milyan oo dollar

Kuwait (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah oo caan ka ah YouTube, islamarkaana degan dalka Kuwait, ayaa muddo hal maalin gudaheed ah wuxuu in ka badan hal milyan oo dollar ugu ururiyey qaxootiga ku barakacay dalalka Syria, Lebanon, Iraq iyo Jordan.

Wiilkan oo magaciisa saxda ah uu yahay Xasan Suleyman balse YouTube ku adeegsaday cinwaanka AboFlah ayaa ka mid ah dadka ugu caansan dunida Carabta, waxaana cinwaankiisa uu haystaa ku dhowaad 21 million oo followers. 

Waxa uu cinwaankiisa abuuray 2016, wuxuuna inta badan xoogga saaray inuu dib u eegis ku saameyo video games-ka. 

Waxaa la rumeysan yahay inuu yahay qofka ugu followers-ka badan YouTube ee Soomaali ah, iyo mid ka mid ah kuwa ugu taageerayaasha badan dunida Carabta.

Ololaha uu lacagta ku ururiyey ayaa waxa uu kala shaqeeyey hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, wuxuuna 28 saac gudahood kusoo xareeyey $1 milyan. 

“Tani waxaa mahaddeeda oo dhan iska leh taageerayaasheeda, dhammaan waxaan idin kugu mahad-celinayaa si qalbi ah,” ayuu AboFlah oo 23 jir ah ku yiri wareysi uu siiyey AFP.

Waxa uu sheegay in tabarucaadda ay dhaaftay intii uu filayey. 

Xasan ayaa billaabay ololaha oo loogu magac daray “Diiriya Qalbiyadooda,” isaga oo u dabaal-degaya markii uu gaaray 20 milyan oo followers.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Syria iyo Iraq. 

Qaxooti badna oo Suuriyaan ah ayaa hadda degan xerooyin ku yaalla dalalka Jordan iyo Lebanon, oo sidoo kale marti-geliya qaxooti Falastiiniyiin ah.

Lacagta uu ururiyey AboFlah ayaa waxaa lagu wadaa inay cunno, dhar iyo gaaska loo adeegsado in guryaha lagu kululeeyo xilliyada qaboobaha siiso 17,000 oo qof. 

Nasreen Rabieann oo ah wakiilka UNHCR ee Kuwait ayaa ammaantay hindisaha Xasan oo ku qeexday “ruuxda mas’uuliyad la wada wadaagay iyo is-garab qabad.”

Saraakiil ka tirsan DF iyo Ganacsato gaaray Bohol iyo Shaakir oo lagu wado inuu…

0

Bohol (Caasimada Onlie) – Waxaa deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud oo saldhig ay ka dhigteen Ciidamada Ahlu Sunna gaaray Taliyaha Ururka 6-aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka General Aadan Abshir Nuure Laba-Afle oo wehliyaan ganacsato, Odoyaal iyo Xildhibaan Cali Dhoof.

Sida ay Caasimada Online ogaatay, ujeedka wafdiga ayaa ah xal u helida dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ee u dhexeeyay ciidanka Ahlu Sunna iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah xubnaha gaaray Bohol, oo la hadlay Caasimada Online, islamarkaana codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Sheekh Shaakir lagala hadli doono sidii xiisadda taagan loogu dhameyn lahaa wada-hadal maadaama uu sheegay inaan wax aan khasaaro aheyn laga dhaxlin dagaalkii ka dhacay Guriceel.

Wafdiga gaaray Bohol ayaa waxaa kamid ah Ganacsade Xaashi Carabeey, oo horay ugu guulaystay in uu joojiyo dagaalkii Guriceel laguna qanciyo Ahlu Sunna in ay magaaladda ka baxdo, waxaana la rajeenayaa in xiisadda lagu dhammeeyo wada-hadal iyo isfaham.

Sheekh Shaakir oo ka hadlay sababta ay uga bexeen Guriceel ayaa sheegay in ay magaaladda ugu bexeen codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada, bulshada rayidka, Senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ayna sugayaan in wada-hadal lagu dhameeyo dagaalka.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee isaga baxay Guriceel ayaa saldhig weyn ka sameystay deeganka Bohol, waxayna xogta sheegeysaa in Ahlu Sunna ay waddo hub aruursi iyo diyaar garow dagaal ay mar kale la gasho ciidamada Galmudug.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhawaan ciidamadooda u qeybiyey mushaar gaarayo illaa 300 oo Dollar askari kasta, mana la ogo halka ay lacagtaas uga timid.

Taliye Xijaar oo go’aan culus kasoo saaray dhaqan xumada kusoo korortay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si kulul uga hadlay dhaqa xumada kusoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xijaar ayaa sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ay bilaabeen qorsho looga hortagayo dadka waxyabaha dhaqan xumadaha ah sameynaya.

Taliyaha ayaa xusay in Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, sidoo kalena isticmaalaya dawooyin maanka doorinaya.

Taliye Xijaar waxaa uu sheegay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaha ay ka caawin doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kusoo bateen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, isla markaana isticmaalaya maandooriye.

Dhaqan-xumada ugu badan ayaa waxay dhallinyarada gaar ahaan gabdhaha ku sameeyaan baraha Bulshada si gaar ah Tiktok, waxaana horey uga digay culumada Soomaaliyeed oo sheegay in dhaqan-xumadaan aysan raali ka aheyn.

Sagaal jabhad oo isbaheysi ku dhowaaqay in qorshe uu Abiy ku baxayo oo socda

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Tigrayga Ethiopia ayaa isbaheysi la sameystay mucaarad kale oo hubeysan oo dalka ka jira, ayaga oo wada olole meesha looga saarayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, looguna gubdo nidaam ku-meel gaar ah.

Isbaheysigan oo dhismihiisa lagu saxiixayo magaalada Washington maanta oo Jimce ah ayaa waxaa qeyb ka ah kooxda TPLF ee Tigray-ga, kooxda OLA ee Oromada, Jabhadda Cafarta ee ARDUF, jabhadda qowmiyadda Agaw ee ADM , jabhadda qowmiyadda Benishangul ee PLM, jabhadda qowmiyadda Gambella ee PLA, jabhadda qowmiyadda Kimant, iyo Jabhadda wax iska caabinta gobolka Soomaalida ee SSR.

Jabhadda cusub oo loogu magac daray UFEFF ayaa dooneysa “in la dhiso dowlad ku-meel gaar ah,” si ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sida ugu dhaqsiyaha badan xilka uga dego, waxaa sidaas wakaaladda wararka AP u sheegay Yohanees Abraha oo ka mid ah aas-aasayaasha, 

“Tallaabada xigta waxay noqon doontaa, dabcan, in la billaabo kulamo iyo xiriiro lala sameynayo dalalka, diblomaasiyiinta iyo jilayaasha caalamiga ah ee Ethiopia iyo dibedda.”

Yohanees ayaa sheegay in isbaheysiga cusub uu yahay mid siyaasayeed iyo mid militari. Wax xiriir ah lama lahan dowladda Ethiopia, ayuu ku daray.

Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Oromada ee OLA, Odaa Tarbii ayaa xaqiijiyey isbaheysiga cusub. Mar wax laga weydiiyey inay ka dhigan tahay bixitaanka Abiy, wuxuu ku jawaabay inay ku xirnaan doonta dowladda Ethiopia iyo dhacdooyinka toddobaadyada soo socda.

“Dabcan waxaan doorbideynaa haddii la heli karo isbeddel nabad iyo kala dambeyn ah oo Abiy uu meesha uga baxo,” ayuu yiri.

“Hadafka waa in nidaamku noqdaa mid loo dhan yahay sida ugu macquulsan. Waan ognahay in isbeddelka uu u baahan yahay dhammaan saamileyda,” ayuu yiri. 

Afhayeen u hadashay dowladda Billene Seyoum ayaa u muuqatay inay jawaab ka bixisay isbaheysiga cusub, mar ay qoraal soo dhigtay twitter.

“Dhinac kasta oo diida hanaanka dimqoraadiga ah ee Ethiopia ay qaaday kama mid noqon kara dimoqraadiyenta,” ayey tiri ayada oo ula jeeda gusha uu Abiy ka gaaray doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkan.

R/W Rooble oo sheegay inuu xilka ka degayo oo uu deg deg ku wareejinayo haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay ka qeyb-galay munaasibad tobabarka loogu soo xirayay qaar kamid ah ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in xilka si dhaqso ah u wareejiyo.

Rooble ayaa sheegay in uu faarujin doono xafiiska uu xiligan joogo, kadib marka uu si rasmi ah u dhameystiro doorashooyinka dalka oo muddo badan wajaheyay dib u dhacyo dhowr ah.

“Aniga ra’iisul wasaare Rooble ahaan aan sida ugu dhaqsaha badan u faarujiyo xafiiska uguna wareejiyo qofka Ilaahay u calfo, wey iga go’an tahay arrintaas,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale waxa uu faray madaxda dowlad goboleedyada dalka in si dhakhso ah u dardar-geliyaan doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan laga bilaabay magaalada Muqdisho oo lagu doortay kuraas kamid ah kuwa gobolada Waqooyi ee Somaliland.

“Waa in shacabka Soomaaliyeed uu culeys ku saaro (Madaxda) in doorashada la boobsiiyo, si dalka uu uga gudbo marxalada uu ku jiro oo uu galo nidaam iyo dowlada cusub.”

Rooble ayaa ku bogaadiyey ciidanka booliska Soomaaliyeed sida ay u garab istaageen xiliga kala guurka, isaga oo ku amaanay qeybta ay ka qaadanayaan amaanka doorashada oo muhiim u ah qabsoomideeda.

“Waxaa rabaa in halkaan uga mahad-celiyo guddiga doorashooyinka heer federaal oo maanta diray agabkii u dambeeyay ee doorashooyinka oo u kala diray tobanka magaalo ee doorashada ka dhaceyso.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina darajooyin u xiray saraakiil tobabar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar, kuwaas oo lagu wado inay qeyb ka noqdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo sugida Amniga doorashooyinka.

Shacabka Muqdisho oo ka hadlay boobka lagu sameeyey kursiga Xuseen Carab Ciise

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay dood culus oo ka dhalatay kursiga golaha shacabka ee numberkiisu yahay HOP #239 oo ay isku haystaan wasiirkii hore ee difaaca soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, ayaa waxaa aragtidooda ka dhiibtay Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa ku tilmaamay Xuseen Carab Ciise nin usoo hiiliyey magaalada Muqdisho, xiligii lala dagaalamayay Al-Shabaab oo uu xiligaas ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Soomaalida dagan magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey boobka lagu hayo kursiga Xuseen Carab mid ay soo abaabushay Villa Soomaaliya, maadaama Xuseen Carab Ciise uu ka mid ahaa Xildhibaanada sida aadka ah uga soo hor jeeda sanadihii la soo dhaafay.

Dadka indha indheeya arrimaha siyaasada ayaa ku tilmaamay haddii kursiga xildhibaan Xuseen Carab Ciise uu qaato Mahdi Guuleed, ay la mid tahay ay caddaalad darrada ay sii xoogaysanayso taasi oo macnaheedu yahay in Xalka Soomaaliya uusan wali soo muuqan.

“Waxaan Oran karaa waa ku ceeb shacabka Muqdisho iyo kan Soomaalida in Xuseen carab Ciise oo ka mid ah ragga ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya, halgana u so galay Midnimada Soomaaliya in kurigiisa lagu dhaco Muqdisho, waxay qimo tiraysaa qayimka iyo hanaanka dmuquraadiyada,waxayna dhaawac ku tahay shacabka Muqdisho oo aan ognahay halganka uu u soo galay wasiir Xuseen Carab Ciise”ayuu yiri Faarax Axmed oo ka mid ah shacabka Muqdisho.

Sidoo kale Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya ayaa hakiyey kursiga golaha shacabka ee numberkiisu yahay HOP #239 kaasoo uu ku guuleystey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Guuleed 24 saac kadib markii ay dhacday Doorashada, waxaana la sheegay in Xildhibaan Xuseen Carab Xiise uu Dacad ka gudbiyay waxa uu ugu yeeray malxiis wajiga Daboolan

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxa uuna ka mid yahay shaqsiyadka u olo oleeynayay midaynta iyo in aysan kala Go’in Soomaali waxa uuna ka qeyb galay shirar kala Duwan oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya gaar ahaan Wada hadaladii u dhaxeeyay Gobolada Waqooyi iyo Koonfureed ama Somali weyn.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya

Siyaasi madax ka ah xisbi ka dhisan Somalia oo dacwad musuq ku wajahaya Sweden

0

Stockholm (Caasimada Online) – Xog uruurin laga helay dugsi waxbarasho ayaa muujisay in hoggaamiye xisbi Islaami Soomaaliyeed oo ka dhisan dalka Sweden lagu helay lunsasho iyo masuq maasuq lacago loogu talagalay goobo waxbarasho. 

Hoggaamiyahaasi ayaa sidoo kale madax ka ah xisbi siyaasadeed Soomaaliyeed caan ah oo ka howlgala maamulka Puntland.

Cabdrisaaq Cabdullaahi “Waaberi” oo sanadkii 2010-kii baarlamaanka Swedan kasoo galay magaalada Göteborg ayaa waxaa kusoo baxday fadeexad culus isagoo xiligan madax u ah xisbi siyaasadeedka Midnimo Qaran ee Puntland.

Dowladda Sweden ayaa Cabdirisaaq kala laabatay baasaboorkii iyo dhalashadii, iyadoo todobaadkiiba laba jeer iska xaadiriya xarunta booliska si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymaha loo haysto, sida ay ku warrameen warbaahinta Sweden.

Eedeymaha loo haysto ayaa ka mid ah in uu si shaqsiyan ah u lunsaday lacag gaarayso 13 milyan oo Karoonka Sweden oo looga talagalay xarumo waxbarasho iyo goobo islaami ah oo uu wakiil ka ahaa.

Cabdirisaaq Waaberi oo xarunta Islaamiga ah ee Römosseskolan maamulayay tan iyo markii la furay oo ku beegneyd 1998-kii ayaa lagala noqday dhalashada Sweden kadib laga shakiyay inuu ka baxsado Sweden, wuxuuna todobaadkiiba  laba jeer iska xaadiriyaa xarunta Booliska.

Sidon kale, Cabdirisaaq Waaberi ayaa hadda wajahaya danbi culus maadaama baaritaanadii la sameeyay ay si hordhac ah u sheegayaan in lacagihii waxbarashada loogu talagalay uu u isticmaalay si qaldan iyo inuu masuqmaasuqay, waxaana laga yaabaa inuu wajaho xabsi muddo dheer kadibna dalka Sweden laga masaafuriyo.

Sidoo kale lacagaha uu masuq maasuqay waxaa qeyb ka ahaa mashruuc ay waday shirkadda Volvo ee Sweden iyo Somalia ay heshiis ku galeen sanadkii 1980-meeyadii si loo taageero kulluumeysatada Soomaaliyeed si loo helo doono yar yar iyo qalab kaluumeysi.

Fadeexadaani ayaa waxay ceeb ku tahay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Islaamka, maadaama magaca lagu masuqay dhaqaalahaasi ay tahay mid xarumo Islaami iyo goobo waxbarasho.

Dhanka kale waxay ceeb ku tahay ummada Soomaaliyeed iyo siyaasadooda maadaama uu Cabdirisaaq Waaberi uu madax u ahaa urur siyaasi ah una taagnaa murashaxnimada xubinimo xildhibaan baarlamaanka Somalia ka tirsan.

Xigasho: Aftonbladet.se

W/T: Ali Muhiyaddiin

KENYA ooo qorshe xasaasi ah ka wadda’ JUBALAND

Beledxaawo (Caasimada Online) – Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay dowlado shisheeye, oo ay Kenya ugu horeyso ku kala qaybinayaan deegaanada Jubaland, waxna looga bedelayo dastuurka Dowlad Goboleedka Jubaland.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi ayaa tilmaamay in dowladahan ay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kala shaqeynayaan, sidii uu xafiiska ku sii jooggi lahaa, shanta sano ee soo socota, sida uu yiri.

Aadan Rufle oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Ayadoo Axmed Madoobe aanu sifo sharci ah ku joogin xafiiska baa waxaa socda wax ka bedel hadda lagu sameynayo Dastuurka Jubbaland, meeshii Madaxweynaha uu xukunka ka hayn lahaa afar sano, sida uu Dastuurku dhigayo in la rabo in lagu bedelo ama lagu qoro shan sano. Saddexda gobol ee Jubbaland baa waxaa la rabaa in lagu soo koobo laba gobol iyo bar, sida Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo oo bar laga goosanayo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Sida aad ogtihiin Axmed cid ma dooran, Kenyaa dad u afduubtay, Xildhibaano saddex qof hala keeno iyo mid halaga saaree ahayd, Dowladdii Soomaaliyeed way diiday, diidmadaasi ayada ah dowlado ajnabi ah baa socod siiyay.”

Waxa kale oo uu yiri “Macnaha waxa socdo waxaa weeye marka Dastuurka Jubbaland la bedelo in Kenya ay Axmed Madoobe siiso shan sano oo kale oo xafiiska uu ku sii joogayo, oo ka bilaabanaysa wixii ka dambeeya bisha 1aad (January) ee sanadka 2022.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Barnaamijkan oo dowlado shisheeye ay gadaal ka riixayaan waxaa qayb ka ah Maamulka Puntland, siyaasiyiin iyo ganacsato, xuduntooduna ay tahay Xarunta NFD ee Garissa.”

Korneyl Rufle ayaa afka ku ballaariyay in yoolku yahay in dhulkaasi lagu hoos geeyo dalka Kenya, ka dib markii Kenya looga adkaaday dacwaddii muranka badda ee Somaliya kala dhaxeysay.

“Maadaama Kenya looga adkaaday kiiskii dacwadda badda waxaan ka digeynaa in labada gobol iyo barka ee lagu soo koobayo Jubbaland la hoos geeyo Kenya, ayadoo lagu saleynayo xuduuddii uu Ingiriiska kala dhex dhigay Gobolada Jubbaland iyo NFD, si lamid ah xuduuddii uu Ingiriiska ka sameeyay Reserve Area. Meesha hadda xuduudda la keenayna waxay badda u jirtaa 540km, ujeedka ugu weyna waa in dalka Soomaaliyeed lagu boobo,” ayuu yiri Rufle.

Rufle ayaa intaa ku daray “Ugu dambayn, maadaama Dowladdii Soomaaliyeed ay tabar yar tahay waxa uu baaqayagu yahay, dadka Soomaaliyeed iyagooba dowlad lahayn bay is xoreeyeenee inay iska xoreeyaan Kenya, oo ay kula dagaalamaan dhulka ay hadda ka joogto dalka, dhulkaas oo kala ah Gobolka Gedo, Degmada Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda, Gobolka Jubbada Hoose, Degmooyinka Badhaadhe, Afmadow iyo Kismaayo.”

DF oo jawaab ka bixisay diyaaradaha SOOMAALIYA ee KENYA ay xaraasheyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay diyaarado qiimo hoose ku iibineyso Kenya, kuwaasi oo ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya.

Taliyaha ciiddamada cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in diyaaradaha la xaraasho ay ciladooben, kadib markii ay ka dageen dalkaas markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

“Diyaarad 30 sano meel taallay oo duur la dhigay, oo aan dayactir helin, waxay hadda ka dhigan tahay wax la tuuray,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Cali.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Kenya aysan xiriir kala soo sameyn xaraashida diyaaradahaas, oo ay lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

“In ay diyaarado Soomaaliya leedahay ay xaraashayaan waan arkay, laakiin cid nala so xidhiidhay oo Kenya ahi ma ay jirin.”

“Adigu haddii aad baabuur inta meel dhigto uga tagto oo uu 30 sano yaallo, baabuurkaasi waa wax la tuuray saw maaha? Markaa waxaa la gadayaa waa birihi, ee maaha wax hadda diyaarad ahaana loo iibinayo.”

Kenya ayaa soo bandhigtay diyaarado ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin muddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoomada dalkeeda, sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport.

Waxay dowladda Kenya sheegtay in dhammaan diyaaradahaan la xaraashi doono marka la gaaro 17-ka bishaan November, waxaana lasoo dhigay goobaha lagu iibiyo diyaaradaha, waxaana kamid ah laba diyaaradood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lahaayeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya. Sida lagu qoray qarasha lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730.

Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacanta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey gacanta Soomaaliya.

Xog: Toddobada xadgudub ee lagu eedeeyey Simon Mulongo ee keenay in dalka laga eryo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ka ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, oo kasoo jeeda dalka Uganda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin), waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 maalmood gudahood ah.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.”

Haddaba Caasimada Online, oo la xiriirtay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa heshay xog ku saabsan sababaha dalka looga eryey Simon Mulongo.

Simon Mulongo ayaa lagu eedeeyey xadgudubyo bulsho iyo kuwa siyaasadeed oo dalka uu ka galay, kuwaasi oo soo jiitamayey muddo, sida aan xogta ku helnay, waxaana qodobada ay nala wadageen ilo-wareedyada wasaaradda amniga ay kala yihiin:- 

1- Simon waxa uu ahaa shaqsi ku caan baxay inuu ka shaqeeyo waxyaabo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, kana baxsan xuduudda Maandhaytka Hawlgalka Midowga Afrika. Isaga oo xogo khaldan oo ka fog waaqaca mar walba dalkeenna ka gudbin jirey. 

2- Waxaa uu baqemaali jirey (Black Mailing) siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, isaga ugu hanjebi jirey ceebayn, qaar ugu cago juglayn jirey inuu dilayo, kuwo kale na uu isku diri jirey isaga oo farriimo khaldan u kala qaadaya.

3- Waxa uu ahaa shaqsi aan Soomaaliya u aqoonsanayn in ay tahay Qaran Madax bannaan oo leh Dowlad la aqoonsan yahay. Waxa uuna si bareer ugu kici jirey falal ka marag kacaya arrimahaas, isaga oo shirarka iyo fagaareyaasha ba ka sheegi jirey in  Soomaaliya  aysan ka jirin  dowlad, balse ay tahay qabaa’illo mid walba mudan yahay in gaarkiisa loola tacaamulo. 

4-  Waxa uu isaga oo adeegsanaya shaarka Midowga Afrika jaajuusi jirey ciidammada iyo hay’adaha kale ee dowladda, isaga oo xogaha iyo sirta dowladda la wadaagi jirey shaqsiyaad, hay’ado iyo dowlado shisheeye. Waxa uuna ka samayn jirey macaash dhaqaale iyo ujeeddooyin u gaar ahaa isaga. 

5- Waxa uu Hay’ad shisheeye oo ay ka mid tahay tan la la dhoho Sahan iyo shaqsiga la yiraahdo Matt Brydan kala shaqeeyey in dalkeenna ay ka gudbiyaan xogo iyo siro khatar geliyey amniga qaranka, madax bannaanida dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. 

6- Waxa uu baad ka qaadi jirey ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed isagoo ugu hanjabi jirey inuu ku eedaynayo inay argagixisada gacansaar la leeyihiin. Waxaa kale oo uu si gaar ah u baadi jirey shirkadaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaraha iyo xayndaabka Xalane, waxaana arrintaas u fududayn jirey saraakiil kale oo ajnabi ah oo uu ka mid yahay ninka la dhoho Micah, una dhashay dalka Zimbabwe.

7- Waxa uu xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn kula kacay hablo Soomaaliyeed oo ka shaqaynayey xafiiskiisa iyo xafiisyada kale ee Hawlgalka Midowga Afrika. Taasoo caddaymahooda ay dowladdu gacanta ku hayso. 

Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida ay ogaatay Caasimada Online.  

Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gudohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah “Dalkan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay muddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo.

Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeynta xildhibaan Zakariye ee la xiriirta diyaaradaha drone-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay eedeymaha uga yimid xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi kadib markii hay’adda NISA ay garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah oo uu sheegay inuu isagu lahaa.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in diyaaradahaas aysan aheyn kuwa militari, balse loogu talo-galay in lagu waraabiyo beeraha iyo in lagu buufiyo ayaxa, wuxuuna madaxtooyada ku eedeeyey inay arrimo siyaasadeed dartood u beegsatay.

“Madaxweynaha ayaa arrinta u sheegay, go’aan waxaa lagu gaaray in la i ceebeeyo, oo been la iga sheego, arrinta haddaan daba-galayna arrin siyaasadeed weeye. Madaxweyne ayaa isku sharaxay, waxaa la ogyahay inaan dadka Soomaaliyeed sumcad ku dhex leeyahay, tartanka yuu gelin oo aan ceebeyno ayaa loola jeeda, waana dulmi afar sano lagu hayey shacabka Soomaaliyeed, oo hadda aniga la igu soo afmeeray,” ayuu yiri Zakariye. 

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta xildhibaan Zakariye, wuxuuna sheegay in arrintan ay tahay mid amni, oo khuseysa laamaha amniga.

“Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay beeninaysaa eedahan mala’waalka ah ee uu soo jeediyey xildhibaanku, waxaanna garowsannahay in arrintani ay tahay mid khuseysa laamaha ammaanka, sidaas darteed ma habboona in la siyaasadeeyo ama la hareer maro hannaanka ay laamaha ammaanku u gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan hubinta waxyaabaha dalka soo galaya, si aysan u noqon kuwo waxyeeleeya amniga iyo xasilloonida dalka,” ayuu Cabdirashiid ku yiri qoraal uu usoo diray Caasimada Online oo la xiriirtay.

“Waxaan ku hagaynaa xildhibaanka u doodaya badeecaddan ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanku inuu iyaga kala xiriiro oo uu dhowro baaritaannada ay ku hubinayaan, una fududeeyo wixii lagu ilaalinayo amniga dalkeenna,” ayuu yiri.

Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda NISA ayaa Caasimada Online u sheegay in tuhun weyn laga qabo diyaaradahan, oo ay ka mid tahay in loo wado Xuutiyiinta dalka Yemen.

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay ku-xigeenkii ergeyga Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaraadda arrimahdda dibedda, oo ay heshay Caasimada Online. 

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraalka oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddoba maalmood gudahood ah, kadib markii laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin)

Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyada uu ku lug yeeshay Mulongo.

Dhinaca kale, Wasiirka arrrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal uu soo dhigay twitter waxa uu ku sheegay in dowladda federaalka ay la xisaabtami doonto shaqaalaha Amisom, gaar ahaan kuwa haya xilalka hoggaanka. 

Hoos ka aqriso qoraalka


Wararkii ugu dambeeyey weerarka ku wajahan Addis Ababa ee lagu qabsan rabo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu weecinayo weerar lagu qaado caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa maanta xoogeystay kadib markii ciidamada Tigray-ga ay toddobaadkan u siqeen dhanka caasimadda.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, si uu u cadaadiyo in la hakiyo howlgallada militari loona billaabo wadahadallo xabad joojin ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay kulan ay hogaamiyayaasha Bariga Afrika isugu yimaadaan 16-ka November si looga wadahadlo dagaalka dowladda Ethiopia iyo kooxda Tigrayga ee TPLF.

Sidoo kale, ururka goboleedka IGAD ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah, wuxuuna dhinacyada ku booriyey inay muujiyaan isxakameyn.

Xogyahaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa isna sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, una yaboohay taageerada xafiiskiisa si loo abuuro jawi wadahadal loona joojiyo dagaalka.

Dhinaca kale, safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa shalay ogolaatay inay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo qoysaskooda ka bixi karaan magaalada sababo la xiriira colaadda.

Washington ayaa Arbacadii sheegtay “inay si xooggan uga walaacsan tahay” xaaladda, waxayna ku baaqday in la hakiyo howlgallada militari.

“Waaxda Arrimaha Dibedda waxay ansixisay in shaqaalaha aan lagama maarmaanka aheyn iyo qoyasaskooda ay ka tagi karaan Ethiopia sababo la xiriira dagaalka hubeysan, kacdoonka shacabka iyo suurta-galnimada gaabis ku yimaada sahayda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Addis-Ababa.

Dowladda Abiy ayaa Talaadadii waxay xaalad deg deg ah gelisay dalka kadib markii Tigray-ga ay ku hanjabeen inay qabsan doonaan caasimadda.

Ciidamada Tigray-ga ayaa ku sugan magaalada Kemise ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta Addis-Ababa, sida uu sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee xulafada la sameystay kooxda Tigrayga.

Kooxda Tigrayga ee TPLF iyo kooxda Oromada ee OLA ayaa sheegtay in maalmihii tegay qabsadeen dhul badan, kadaal dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda Abiy Ahmed.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.

Afhayeenka dowladda Legesse Tulu kama jawaabin codsi jawaab celin oo loo diray.

Reuters + VOA

Muran xuduudeed cusub ‘oo ka dhex billowday’ dalalka SOOMAALIYA iyo KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muran xuduudeed cusub oo dhanka dhulka ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, waxayna ku hanjabtay in haddii wada-hadal lagu dhameyn  aysan ogolaan doonin in dhulkeeda qeyb kamid ah lagu daro Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Taliyaha ciidamada militariga Kenya Jeneraal Robert Kobochi ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xuduud wadaag ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah xal loogu helo muranka ka dhaxeeya.

“Soomaaliya iyo Kenya waa deris, waxaa loo baahan yahay in aan ku heshiinno inaan ku wada noolaanno si wadajir ah, sababtoo ah rumee ama ha rumeysan, Carruurta Soomaaliyeed waxay aadaan iskuullada Mandheera, oo ay daryeel caafimaad ka helaan”, ayuu yiri Kibochi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Kenya ay ka hortagi doonto wax uu ku sheegay “khataraha kusoo wajaha”, kuwaasi oo uga imanaaya wayaabaha laga faafinayo iyo macluumaadka baraha bulshada, sida uu sheegay.

“Haddii uu fashilmo wada-hadalku, ciidamada difaaca Kenya waxay xaqiijin doonaan in taako kamid ah dhulka Kenya aan loo ogolaan doonin in lagu daro Soomaaliya,” ayuu yiri Jeneraal Robert Kobochi.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowlada Kenya si weyn uga carootay kiiskii dacwada badda ee maxkamadda ICJ ka go’aan gaartay, kaasi oo inta badan dhul badeedka loo xukmiyey Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadal muranka ay sheegtay Kenya, hase yeeshee waxaa horey u jirtay in Kenya ay dhul ka mid ah Soomaaliya soo gashay oo ay isku dayday inay darbi ka dhisto.

Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda, kadib diyaaraddii ku gubatay Doolow

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey diyaaraddii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha degmada Doolow, kadib markii uu dab-qabadsaday diyaaraddaasi oo aheyd mid xamuul ah kana baxday dhanka Muqdisho.

Warqad kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda gubatay uu nooceeda ahaa TransallC-160 NG, kuna suntaneyd: EY-360, waxayna wasaaradu shaacisay in gabi ahaan ay gubatay, kadib dab ka kacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay ka xun-tahay shilkaasi diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Doolow, isla-markaana ay si aad cambaarayneyso.

Sidoo kale Jubbaland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay fara-gelin ku heyso maamulka garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi.

”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu iyada oo ka xun shilkaas nasiib darada ah, waxay cambaareyneysaa Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya (DFS) faragalinta qaawan islamarkaana hareer-marsan sharciga ee ay ku hayso garoomada diyaaradaha ee Dowlad
Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda gaadiidka ee Jubbaland.

Waxa kale oo ay wasaaraddu intaasi ku dartay inay iyada diyaar u tahay maareynta tayada garoomada iyo badqabka nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa ugu baaqday dowladda dhexe inay ka joojiso fara-gelinta, isla-markaana ay Jubbaland dib ugu soo celiso maamulka garoomadeeda.

Taariikhda IKRAAN Tahliil Faarax oo dhameystiran iyo arrimaha aadan ka ogeyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo afar bilood ah nolol iyo geeri lagu la’yahay Ikraan Tahliil Faarax oo kamid aheyd Hey’adda NISA, iyadoo hey’addii ay ka tirsaneyd ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay inkastoo kooxdana ay iska fogeysay.

21-kii bishii lasoo dhaafay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay sheegeen in la dhammeeyey khilaafkii u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’yahay tan iyo 26-kii bishii June ee sanadkaan.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in hey’adaha Garsoorka loo diiday inay baaritaan ugu tagaan xarunta Hey’adda NISA, taas oo keentay inuu istaago baaritaanka kiiskaan.

Hadaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa taariikhda Ikraan Tahliil oo dhameystiran

Ikraan Tahliil Faarax waxay ku dhalatay magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya 24-kii bishii August 1996-kii.

Yareenteedii waxay ku kortay deegaanka Mandheera, halkaas oo ay ku qaadatay tacliinta aas-aasiga ah, kadibna Ikraan waxay u wareegtay magaalada Nairobi, halkaas oo ay ka gashay waxbarashada Dugsiga Sare, iyadoo lagu daray mid kamid ah iskuullada ugu wanaagsan dalkaas ee gaarka loo leeyahay oo ah Iskuulka Aga Khan High School.

Ikraan markii ay ka qalinjabisay dugsiga sare waxay gashay Jaamacadda The United state International University qeybteeda Africa oo ku taalla magaalada Nairobi, waxayna ka qaadatay Shahaadada koowaad ee xiriirka Caalamiga ah.

Markii ay ka qallin jabisay waxay shaqo dhinaca maamulka iyo maaliyadda ah ka bilowday Banki ku yaalla dalka Kenya, kadibna waxay timid Soomaaliya horraantii sanadkii 2017-kii, waxayna shaqo ka bilowday Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu xilligaasi ahaa Agaasimaha Hey’adda NISA, isaga ayaana Ikraan Tahliil siisay shaqadii ugu horeysay ee dowladeed.

Shaqadii ugu horeysay oo ay Hey’adda NISA ka qabato ayaa aheyd inay gacan yare u noqoto Agaasimihii hey’adda ee xilligaas oo ahaa Sanbaloolshe, sida uu VOA u sheegay.

Ikraan Tahliil waxay xafiiska Agaasimaha ka shaqeeneysay illaa bishii October 2017-kii, bishii October 2017 illaa 18-kii Aprill 2018-kii waxay ka shaqeeneysay xafiiska xuquuqda aadanadaha iyo arrimaha haweenka ee Hey’adda NISA oo Agaasime looga dhigay.

Shaqooyinka ay qaban jirtay waxaa kamid ahaa xiriirinta Hey’addda Nabad sugidda iyo AMISOM iyo sidoo kale NISA iyo Safaaradda Ingiriiska, waxayna ka shaqeeneysay tayeynta hey’adaha Amniga Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku dadaali jirtay inay u doodo, korna u qaado arrimaha xuquuqda aadanaha ee dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Hey’adda NISA, sida ku qoran Document uu helay barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA.

Laga bilaabo October 2018-kii illaa July 2019-kii waxay ka shaqeyn jirtay Ikraan xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo markaas uu madax ka ahaa Allaha u naxariistee Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo 1-dii bishii August 2019-kii u dhintay dhaawicii kasoo gaaray Qarax ka dhacay xafiiskiisa.

Dilkii Eng. Yariisow kadib Ikraan waxay kusoo laabatay shaqadii Hey’adda, shaqada hey’adda ka sokowna waxay ku howlaneyd inay kor usii qaado aqoonteeda, iyadoo ka faa’ideysaneysay fursadaha waxbarasho ee soo baxayey.

Isla sanadkaas 2019-kii Ikraan Tahliil waxay gashay Jaamacadda University of Nottingham ee dalka Britain, iyadoo ka qaadaaty shahaado ku saabsan xuquuqda Aadanaha.

Sanadkii ku xigay ee 2020-kii waxay koorso sanad ah oo ah Shahaadada labaad ee xiriirka Caalamiga ah ka qaadatay Jaamacadda King’s College London, waxbarashadaas oo uu carqaladeeyey dilaacii cudurka COVID-19, waxuuna qorshaheedu ahaa inay qallin jabiso bishii August ee sanadkaan 2021-ka.

Ikraan Tahliil Faarax waxay ku hadli jirtay Luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska, iyo Sawaaxiliga, waxayna aheyd Gabar firfircoon oo aan marnaba ka caajisin shaqadeeda, sida uu xaqiijiyey Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee NISA oo ay la soo sahaqeysay Ikraan.

Xogtan waxaan kasoo xiganay barnaamijka Galka Baarista

Xildhibaan Zakariye oo ka hadlay diyaaradihii Drones-ka ee ay NISA kala wareegtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xubnaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa war ka soo saaray diyaaradihii uu ka keenay dalka Turkiga ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay la wareegtay hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in diyaaradahaas oo lagu waraabiyo beeraha, cayayaankana looga dilo, ay si sharci darro ah kula wareegtay hey’adda Nabad sugidda, kadib markii uu ka soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha, sida buufinta Ayaxa iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fatahaan, ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaanka ayaa codsi uu u diray NISA waxuu ku yiri, “Waxaan ka codsaneynaa hay’adda NISA inay hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan, looguna talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed ay si deg deg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan.”

Ka hor hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaan Zekeriye, Caasimada Online ayaa baahisay in NISA ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay diyaarado Drones ah, kuwaas oo Turkiga laga soo iibiyey.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysaa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix xabo, dalka Turkiga ayaa laga soo iibiyey, waxaana diyaarad lasoo saaray ayagoo kala furfuran, si gudaha dalka loogu rakibo.

Waxaa sidoo kale diyaarada la socday oo NISA ay qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan. Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay kiiskooda soo faro-gelisay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka.

Hoos ka eeg sawirrada diyaaradaha la qabtay

Muddada ay mucaaradka Ethiopia ku qabsan karaan Addis-Ababa oo la shaaciyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee xulafada la sameystay kooxda Tigrayga.

Kooxda Tigrayga ee TPLF iyo kooxda Oromada ee OLA ayaa sheegtay in maalmihii tegay qabsadeen dhul badan, kadaal dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda Abiy Ahmed. 

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri. 

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa isna sheegay in kooxdiisa ay kala shaqeyneyso kooxda OLA inay qabsadaan magaalada Kemissie ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta magaalada Addis Ababa. 

“Howlgalka wada-jirka ah wuu sii socon doonaa maalmaha iyo toddobaadyada soo aadan,” ayuu Getachew ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Ethiopia ayaa Talaadadii dalka gelisay xaalad deg deg, waxayna ku amartay dadka degan Addis Ababa inay isku diyaariyaan inay xaafadahooda difaacdaan.

Abiy ayaa sidoo kale Arbacadii ugu baaqay shacabka inay taageeraan dagaalka ka dhanka ah mucaaradka oo uu ku eedeeyey inay Ethiopia ka dhigayaan sida Libya iyo Syria oo kale.

“Waa cadowga Ethiopia, waxaana loo baahan yahay in la baabi’iyo, si sidaas loo sameeyana waa inana dhammanateen taageernaa xaaladda deg degga ah,” waxaa sidas yiri Azmeraw Berhan, oo ka mid ah dadka degan caasimadda. 

Getachew ayaa xaaladdda deg degga ah ku macneeyey tallaabo “lagu doonayo in sidii la rabo loogu xabiso ama loogu dilo” dadka Tigray-ga. 

Xagee ayey marayaan wada-hadalada lagula jiro Ahlu Suna?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug waxaa weli ka socda dadaallo nabadeed oo lagu doonaayo in lagu soo afjaro xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dhalisay inay labada dhinac ku dagaallamaan gudaha magaalada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in maanta wafdi uu horkacayo General Aadan Abshir Nuure oo ah taliyaha ururka 6-aad ee guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ay gaareen deegaanka Bohol oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiiyiinta iyo xoogaga Ahlu Sunna.

General  Aadan Abshir ayaa maalmihii u dambeeyey Dhuusamarabeen kulamo gaar gaar ah kula qaadanayey waxgaradka, siyaasiyiinta iyo madaxda Galmudug, si xal buuxa loo gaaro

Ujeedka wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Cali Dhoof oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Ganacsade Xaashi Carabey ayaa ah sidii loo dhammeyn lahaa tabashada Ahlu Sunna iyo ka gudbida waxyaabihii dhaliyey dagaalladoo ka dhacau degmada Guriceel.

Xildhibaan Cali Dhoof iyo Ganacsade Xaashi Carabey waxa labaduna ka mid yihiin raggii ku guuleuystay inay Ahlu Sunna wada-hadal uga saaraan Guriceel, taas oo soo afjartay dagaalladii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaaladaas oo ka tirsan Galgaduud.

Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Ahlu Sunna ciidamadeeda ay isku ruruursaneyeen deegaanka Bohol oo dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb, halka ciidamada Galmudug ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Guriceel.

Si kastaba, xaaladda ayaa ah mid deggan, markii loo eego dagaalladii ka dhacay Guriceel, waxayna dadka Galmudug ay rajo ka muujinayaan inay guuleystaan wada-hadallada socda.

Xuseen Carab Ciise oo xog cusub ka bixiyey sida Mahdi Guuleed ‘u xaday’ kursigiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Carab Xiise ayaa ka hadlay dacwada uu ka gudbiyey kursiga HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, islamarkaana la hakiyey.

Xildhibaan Xuseen Carab oo isagu baarlamaankan waqtigiisa dhamaadey ku fadhiyey kursigaas ayaa sheegay in doorashada Mahdi meel looga dhacay qaranimada Soomaaliyeed.

“Qof adeegsanayay guddi xafiis iyo awood xukuumadeeda oo sheeganaya waxaan ahay maamulka doorashada Somaliland oo haddana musharax ah, kursina dhacayey ku asteystan reer kale, koodana lambar kale leeyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab.

“Qof aan la garaneyn inta uu meesha soo fariisto oo musharax xildhibaan baan ahay sheegto ihaano ayey ku aheyd Soomaaliya iyo doorashooyinka, iyo weliba Kalsoonidii la siin lahaa doorashooyinka.”

Sidoo kale waxa uu arrin la yaab leh ku tilmaamay in aan la garaneyn shaqsiyada musharaxa ee la tartamay Mahdi Guuleed, oo warbaahinta kasoo muuqatay ayada oo xijaaban.

“Maanta guddiga haddii la weydiiyo gabadha keena ma garanayaan, ma keeni karaan, maba diiwaan gashana shaqsiyadeeda,” ayuu yiri Xildhibaan Carab oo si adag uga horyimid musharax la tartamayey Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin in shaqsi raba in uu isku noqdo garsoorkii iyo tartamihii, taasi oo uu ku tilmaamay arrin fool xun oo lagula kacay qaranimada.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta bilaabay baaris la xiriirta dacwadda loo soo gudbiyey oo ka timid xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi.

Guddiga ayaaa shalay soo saaray qoraal xasaasi ah oo lagu hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka waxaana looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop 239, illaa inta ay kasoo dhammaaneyso dacwadda.

Mahdi ayaa waxaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay, isla-markaana uu doonayo inuu isaga ku fariisto afarta sano ee soo socota.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ayaa kusoo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, sida uu shaaciyey guddiga maamullada doorashada kuraasta gobolada waqooyi.