25.5 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Xuseen Carab Ciise oo xog cusub ka bixiyey sida Mahdi Guuleed ‘u xaday’ kursigiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Carab Xiise ayaa ka hadlay dacwada uu ka gudbiyey kursiga HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, islamarkaana la hakiyey.

Xildhibaan Xuseen Carab oo isagu baarlamaankan waqtigiisa dhamaadey ku fadhiyey kursigaas ayaa sheegay in doorashada Mahdi meel looga dhacay qaranimada Soomaaliyeed.

“Qof adeegsanayay guddi xafiis iyo awood xukuumadeeda oo sheeganaya waxaan ahay maamulka doorashada Somaliland oo haddana musharax ah, kursina dhacayey ku asteystan reer kale, koodana lambar kale leeyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab.

“Qof aan la garaneyn inta uu meesha soo fariisto oo musharax xildhibaan baan ahay sheegto ihaano ayey ku aheyd Soomaaliya iyo doorashooyinka, iyo weliba Kalsoonidii la siin lahaa doorashooyinka.”

Sidoo kale waxa uu arrin la yaab leh ku tilmaamay in aan la garaneyn shaqsiyada musharaxa ee la tartamay Mahdi Guuleed, oo warbaahinta kasoo muuqatay ayada oo xijaaban.

“Maanta guddiga haddii la weydiiyo gabadha keena ma garanayaan, ma keeni karaan, maba diiwaan gashana shaqsiyadeeda,” ayuu yiri Xildhibaan Carab oo si adag uga horyimid musharax la tartamayey Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin in shaqsi raba in uu isku noqdo garsoorkii iyo tartamihii, taasi oo uu ku tilmaamay arrin fool xun oo lagula kacay qaranimada.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta bilaabay baaris la xiriirta dacwadda loo soo gudbiyey oo ka timid xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi.

Guddiga ayaaa shalay soo saaray qoraal xasaasi ah oo lagu hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka waxaana looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop 239, illaa inta ay kasoo dhammaaneyso dacwadda.

Mahdi ayaa waxaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay, isla-markaana uu doonayo inuu isaga ku fariisto afarta sano ee soo socota.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ayaa kusoo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, sida uu shaaciyey guddiga maamullada doorashada kuraasta gobolada waqooyi.

Askar ka tirsanaa ciidanka Kenya oo qarax lagu laayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ciidan ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka dhaca xeebta ee Lamu, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen deegaan ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in miinada haleeshay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 10 askari, sida ay hadalka u dhigay.

Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee ay wateen ciidamada qaraxa lala eegtay ee dowladda Kenya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Inta badan waxaa deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya weeraro khasaare geysta ka fuliya xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha Soomaaliya.

Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baraawe, muxuuse yahay qorshaha Laftagareen?

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka taagan khilaaf salka ku haya awood qeybsiga maamulka magaalada, waxaana shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamo militeri ah iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo ciidan gaar ah oo dhawaan uu Baraawe geeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga golaha deegaanka oo haatan la doonayo in Baraawe loo dhiso.

Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha Hawiye ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada.

Mid ka mid ah waxgaradka beelaha Hawiye ee degan magaalada Baraawe ayaa la hadlay Caasimada Online, waxaana weydiinay sababta ka dambeysa gacan ka hadalka ka dhashay dhismaha golaha deegaanka, waxuuna aad u eedeeyey madaxweynaha K/Galbeed, isagoo sheegay in beesha Hawiye uu duudsiinayo xaqa ay ku leedahay maamulka uu hoggaamiyo ee KGS.

“Dagaalka  Baraawe waxa uu salka ku hayaa dulmi uu Cabdicasiis Laftagareen ku hayo beelaha Hawiye oo bulshada Baraawe ku nool ka ah 90%, horay Laftagareen waxuu Hawiye ugu diiday saamigii Madaxweyne ku xigeenka oo ay beeshu ku heshay awood qeybsiga iyo deganaashaha gobollada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose, waxaan nahay qabaa’ilka ugu canshuur bixinta badan Koonfur Galbeed, waxay socotaba, waxay soo gaartay in maanta golihii deegaanka ee la yiri Baraawe haloo sameeyo uu Cabdicasiis Laftagareen Hawiye u diido,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool degmada Baraawe.

Dadka deegaanka oo siyaabo kala duwan aan ula xariirnay waxay noo xaqiijiyeen inay jiraan ciidamo gaaraya 100 askari oo maalmo ka hor laga dejiyey Baraawe, kuwaas oo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada golaha deegaanka.

Ciidamadaas oo sida naloo sheegay toos u hoos taga madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay maalmo ka hor is-rasaaseeyeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo gacan ka helaya ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya oo fariisimo ku leh degmada Baraawe.

Dadka nala hadlay waxay noo xaqiijiyeen in is-rasaaseyntaas uu ku dhintay hal qof oo dadka deegaanka ah, kaas oo ka soo jeeda beesha Hawiye ee ka cabaneysa awood qeybsiga laga hor istaagay ee golaha deegaanka.

Nabadoonka ku sugan Baraawe ee la hadlay Caasimada Online oo faahfaahiyey sababta ka dambeysay dagaalkii ka dhacay gudaha degmada ayaa yiri, “Markii ciidamada Laftagareen ay naga dileen qof ka mid ahaa dadka deegaanka ayuu Madaxweynuhu soo diray ergo, si looga xaaltamo dhibkii dhacay, balse gogoshii aan ka sugeynay waxay u bedeleen weerar ay nagu soo qaadeen ciidamadii uu magaalada keenay Laftagareen, waan iska dhicinay, waxaana halkaas ku dhintay 3 ka mid ah askartii uu Baydhaba ka keensaday Laftaagreen.”

Ugu dambeyntii qofkaan noo waramay oo magaciisa aan u qarinay sababo ammaan, islamarkaana ka mid ah waxgaradka magaalada Baraawe ayaa sheegay in dagaalkaas kadib, ay hadda inta badan magaalada gacanta ku hayaan ciidanka is uruursaday ee ka soo jeeda beelaha Hawiye ee dega Baraawe.

Sidoo kale waxuu sheegay in ciidamadii uu Laftagareen magaalada keenay ee dagaalka la galay dadka deegaanka, gaar ahaa qabaa’ilka Hawiyaha ay ku carareen xerada ciidamada AMISOM oo magan geliyo ay u raadsadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isisoo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Hawiye ee wax ka dega magaalo xeebeedka Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha Hawiye, waxayna wacad ku mareen in taas aysan aqabali doonin.

Baraawe oo la qorsheynayey in loo dhiso gole deegaan oo soo doorta maamulka magaaladaas, ayaa haatan marti gelineysa dagaallo u abaabulay qaab qabiil, sidoo kale waxaa la qorsheynayey in Baraawe ay ka bilaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee ka imaanaya, sida ay horay u sheegeen R/Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Laftagareen oo booqasho ku tegay.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degmada Baraawe?

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay deggan tahay xaaladda magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in saaka lagu guuleystay kala qaadida labadii dhinac ee shalay ku dagaalamay halkaasi, xaaladduna ay haatan tahay mid xasilan.

Waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku baxay xiisaddaas ayaa ku guuleystay in ciidamada iyo maleeshiyaadka dagaalamay ay kala qaadaan, iyaga oo ka dajiyey dabaqyo ku yaalla magaalada oo ay dhufeyso uga jireen dhinacyada diriray.

Sidoo kale waxaa weli socda wada-hadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Baraawe oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyo guud ee magaaladaaso.

Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga dhismaha golaha deegaanka oo haatan la doonayo in loo dhiso magaalada Baraawe.

Madaxweynaha Koonfur albeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha Hawiye ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada.

Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Hawiye ee wax ka dega magaalada Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweyne Lafta Gareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha Hawiye, waxayna shaaciyeen in taas aysan aqabali doonin.

DF oo war ka soo saartay sare u kaca shidaalka – Muxuuse qorshaheeda yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaarada Batroolka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo u waramay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sare u kaca ku yimid shidaalka, kaas oo haatan lagu kala iibsanayo qiimihii ugu sarreeyey.

Carabey ayaa shaaca ka qaaday in shidaalka lagu iibiyo Soomaaliya uu la mid yahay kan caalamka, isla-markaana uu isbedel ku yimid qiimihii lagu iibin jiray oo sare u sii kacay.

Sababta keentay sare u kaca ku yimid shidaalka wuxuu ku sheegay qiimaha Dollarka ee kacay iyo dalalka laga keeno oo uu aad qaali uga noqday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shidaalka haatan laga isticmaalo gudaha dalka ay maamulaan rag ganacsato ah, balse xilligii hore ay maamuli jirtay dowladdii dhexe, lagana maamuli jiray xarunta Wakaaladda Batroolka, taas oo uu tilmaamay in ay sii qeybin jirtay.

Agaasimaha wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay haatan wasaaraddu qorsheyneyso in golaha wasiirada Soomaaliya ay horgeyso xeerka maamulka ganacsiga Batroolka dalka, si ay uga doodaan, kadibna ay u sii meel mariyaan.

Ugu dambeyn wuxuu agaasimuhu sheegay inay sameeyeen xeerka nidaamka shidaalka lagu isticmaalo, sida shatiga shirkadaha ka ganacsanaya, hubinta shidaalka noocyadiisa kala duwan, isla markaana xeerkaas dhammaan ay gaarsiiyeen ganacsatada shidaalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo gaadiidleyda Soomaaliyeed ay haatan si aad ah uga cabanayaan qiima kororka ku yimid shidaalka oo saameyn ku yeeshay shaqooyinkooda.

Kenya oo qiimo yaab leh ku iibineysa laba diyaarad oo ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qiimo yaab leh ku iibineysa diyaarado ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways.

Kenya ayaa soo bandhigtay diyaarado ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin muddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoomada dalkeeda, sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport.

Waxay dowladda Kenya sheegtay in dhammaan diyaaradahaan la xaraashi doono marka la gaaro 17-ka bishaan November, waxaana lasoo dhigay goobaha lagu iibiyo diyaaradaha.

Diyaaradaha la xaraashayo waxaa kamid ah laba diyaarahood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lahaayeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya.

Labadaan diyaaradood oo  lagu farsameeyey dalka Ruushka ayaa waxay iska dhex yaaleen garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) muddo badan, mana helin cid dayactirta ama soo qaada.

Sida lagu qoray qarashka lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730, waxaa xusid mudan in diyaaradaha la iibinayo ay ku jiraan labo ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo kala ah EY-534 iyo 5Y-BXZ, oo midiiba lagu doonayo $4,006.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay ku xaraashto diyaaradahaan laga leeyahay Soomaaliya.

Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacanta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey gacanta Soomaaliya.

Sawirro: NISA oo garoonka Aadan Cadde ku qabatay diyaarado DRONE ah iyo xildhibaan sheegtay – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde toddobaadkii tegay ku qabtay diyaarado Drones ah, kuwaas oo ay la wareegeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix, waxaana laga soo iibiyey dalka Turkiga, ayada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo. 

Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan.

Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay soo faro-gelisay safaaradda Turkish-ka, oo dalbatay in la fasaxo haddii aan lagu hayn caddeymo dmabi ay galeen. 

Sawirro ay heshay Caasimada Online ayaa muujinaya in diyaaradaha ay yihiin kuwa waa weyn, oo u eg kuwa fuliya weerarada.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha uu sheegtay inuu leeyahay xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland. Zakariye ayaa la filayaa inuu dhowaan warbaahinta la hadlo, oo uu faah-faahiyo kiiskan.

Maamulka Puntland oo dhinaca kale qoraal soo saaray ayaa sheegay inaan diyaaradahan loo keeni karin. 

Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka. 

Waxaa sidoo kale jira tuhun ah inay suurta-gal tahay in diyaaradaha loo waday dalal shisheeye oo kale. 

Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha aysan la socon warqadaha iibkan, oo aysan caddeyn cida dhab ahaan iska leh, taasi oo sii kordhisay shakiga.

Hoos ka arag sawirrada diyaaradaha la qabtay oo ay heshay Caasimada Online.

 

GALMUUDG oo war kasoo saartay CIIDAMADA isku urursaday deegaanka Bohol

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii u horeysay sheegay inay ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna ay joogaan deegaanka Bohol, islamarkaana ay socoto waan-waan lagu xalinayo xiisada.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyada dagaalkii Guriceel ay qaadayaan hogaanka Ahlu-Sunna, oo ayadu iskaga baxday deegaankaas, kadib maalmo ay degmada kula dagaalameen ciidamada maamulka oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka.

“Nimankii odayaasha ahaa ee meesha qabsaday wey ka baxeen waxay joogaan meel la yiraahdo Bohol, waxaa ku maqan odayaal iyo waxgarad oo laga yaabo inay soo afjarmato saacadaha soo socda,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Waxa kale oo uu sheegay in Ahlu-Sunna ay sharci darro ku soo weerartay maamul, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiisay ishii dhaqaalaha ee dowladda goboleedka Galmudug.

“Mas’uuliyadaas waxa qaaday ciddii dowlad sharci daro kusoo weerarta oo dhulka qabsata ayaa sharciyadaas qaadeysa, sharci iyo sharci daro wax isa-saaran maaha, meeshu maaha labo qabiil oo dirirtay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Galmudug aysan u baahneyn dad ka macaasha xiisadaha ka taagan, isagoona weeraray siyaasiyiintii garabka saaray Ahlu-Sunna oo ku tilmaamay kuwa curyaaminaya maamulka.

“Maalintii dagaalka uu istaagay subaxii ayuu tagay madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo kaalmooyinkii ayaa la geeyay, dadkii ayaa la soo celiyay oo howlihii iyo tacsidii ayaa lala qeybsaday.”

“Dadkii guryihii wey kusoo noqdeen, aad baa loo fahamsan yahay macno darada uu dagaalka leeyahay iyo hadaf la’aantiisa, dadka marka ay baraarugsan yihiin oo dowlad la socdaan wax loodin karaa majiro.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Ahlu-Sunna ay qaladay dhalinyarada deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, xili ay mas’uuliyiinta degmada ay wacad ku mareen inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo garab siisay ururka.

Sababta loo haysto kursiga Mahdi Guuleed iyo xukunka laga filayo guddiga xalinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo doorashadii ka dhacday Iskool Boolisiya loogu doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiya, waxaana la faray guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2-da November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Doorashadii uu kusoo baxday Mahdi Guuleed waxaa hareeyey fadeexado waaweyn kadib markii uu la yimid ergo wajiga qarsatay oo aan la hubin inay yihiin ergadii rasmiga ahaa, musharaxad wajiga qarsatay oo illaa iyo hadda aan la aqoon cidda ay aheyd.

Guddiigii doorashada ayaa ku fashilmay inay xaqiijiyaan wax caddeyn kara inay sax yihiin la doortaha iyo dadka wax dooranayo intaba, intaas oo ay jireen ayaa haddana waxaa laga gudbiyey dacwad.

Haddaba maxaa lagu heystaa Mahdi Guuleed?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxaa lagu eedeynayaa inuu boobayo kursi aysan xisaab ahaan u laheyn reerkiisa hoose.

Marka la eego magaca kore Mahdi waa uu ka dhashay reerka kursigaan ku qoran, laakiin markii hoos loo soo dago oo jufo jufo loo wada hadlo kursigaan malahan jufada uu ka dhashay Mahdi.

Isaga iyo qolada kursiga laga qaatay ee uu Xuseen Carab kasoo jeedo isku xarig ma’ahan xagga jufooyinka hoose oo xarig xarig kuraastooda isku raacdo.

Kursigii ay laheyd jufada Mahdi Guuleed waa ay heystaan, waxaana la xaqiijiyey inuu ku fadhiyo nin ay qaraabo yihiin, waxayna taas keentay in laga soo gudbiyo dacwad.

Lama qiyaasi karo sida ay ku dhammaan doonto dacwadda laga gudbiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, waxaase loo badinayaa in guddigu uu ugu dambeyn aqbali doono xildhibaanimada Mahdi.

Dimoqraadiga oo guul-darro kala kulmay doorashadii shalay ee Mareykanka

Richmond (Caasimada Online) – Glenn Youngkin oo Jamhuuri ah ayaa si lama filaan ah ugu guuleysatay doorashadii barasaabka gobolka Virginia, oo sanadihii dhowaa loo arkay gobol ay dimoqraadiga ku xoogan yihiin.

Guusha Youngkin oo 54 jir ah uu ka garaay musharaxii dimoqraadiga Terry McAuliffe ayaa tusmeysay isbeddel lama filaan ah oo ku yimid siyaasadda Virginia oo 10-kii sano ee tegay u janjeertay dhanka bidix, islamarkaana doorashadii 2020 uu madaxweynaha Biden ku adkaaday 10 dhibcood.

Sidoo kale, dimqoqraadiga ayaa halis ugu jira in looga adkaado doorashada gobolka New Jersey, halkaas oo barasaabka xilka haya Phil Murphy uu dhibco yar ka dambeeya musharaxa Jamhuuriga Jack Ciattarelli.

New Jersey ayaa ah gobol dimoqraadi ah oo Biden uu doorashadii 2020 kaga adkaaday Trump dhibco dhan 15.

Doorashooyinkan ayaa ahaa tijaabadii ugu horreysay ee muujineysa dareenka codbixiyayaasha ee ku aadan maamulka Biden oo 10 biloood xafiiska jooga, waxayna soo jeedisay niyadjab laga qabo maamulkiisa.

Natiijooyinka ayaa sidoo kale tusmeynaya suurta-galnimada guul-darrooyin culus oo kusoo wajahan dimoqraadiga marka la gaaro November 2022, xilligaas oo ay dhaceyso doorashada Congress-ka oo ay isku dayayaan inay aqlabiyaddiisa sii haystaan. 

Jamhuuriga ayaa iyagana ku sugan xaalad dabaal-deg oo weyn.

“Tani waa ruuxda Virginia ay isugu timid si aan horey loo arag,” ayuu yiri Youngkin oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Chantilly oo 25-mile u jirta caasimadda dalka Washington DC.

Youngkin ayaa ah nin ganacsade milyaneer h oo siyaasadda ku cusub, halka Terry McAuliffe uu horey barasaaab uga soo noqday gobolka Virginia 2014 illaa 2018.

AP + VOA

Dagaal ka dhacay degmada Baraawe + Waxa la isku hayo

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta halkaas ka dhacay, kaasi oo salka ku haya maamulka degmada.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada militariga dowladda oo hal dhinac ah iyo ciidamo uu diyaarad ku keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo laga soo qaaday Baydhaba.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay kasoo horjeesteen doorashada golaha deegaanka oo madaxweynaha Lafta-gareen uu doonayo inay kusoo baxaan dad aan magaalada u dhalan, islamarkaana xuquuqdooda duudsiiyey dadkii degan magaalada.

Dadka degan magaalada ee Lafta-gareen uu sheegay inaysan waxba ku laheyn maamulka ayaa u badan dad kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in dagaalka maanta xoogiisa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hoyga guddoomiyaha degmada, Cumar Sheekh Cabdi Safaana.

Ciidamada deegaanka u dhashay ayaa ka biyo diidan in doorasho la qabto doorashada golaha deegaanka, ayada oo aan xal laga gaarin xuquuqda dadka magaalada degan. 

Madaxweynaha Lafta-gareen ayaa lagu eedeeyey inuu sabab u yahay xiisadda ka taagan magaalada, sababtoo ah wuxuu isku dayayaa in maamulka magaalada loo gacan geliyo qolo gaar ah, ayada oo dad badan oo degan magaalada loo diidayo xuquuqdooda matalaad. 

DIYAARAD ku gubaneysa garoonka Doolow + Sawirro

Doolow (Caaismada Online) – Diyaarad ayaa hadda ku gubanaysa garoonka diyaraadaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo, si ay sheegayaan warar goordhow halkaas naga soo saaray

Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul. Waxay saaka ka tagtay magaalada Muqdisho iyadoo sidda xamuul.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay VOA in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo cago dhigataay garoonka.

Sawirro laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujineysa in dabka ka kacay uu yahay mid weyn, oo u muuqda inuu gebi ahaan burburiyey diyaaradda.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doolow iyo kuwa gobolka Gedo, iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin.

Hoos ka arag sawirrada

Madaxweyne Biixi oo si kulul ugu jawaabay PUNTLAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal dhowaan kasoo yeeray Puntland, kadib markii xubno ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ay soo jeediyeen in Somilanad lagu daro liiska argagixisada.

Muuse Biixi oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray oo ay daris yihiin uu ku noqday mid lama filaan ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in untland ay ku wada nool-yihiin nabad iyo darisnimo laakiin ay arrintu markii hore ka socotay Xamar.

“Lagama fileyn maanta halkaas ay ka qaaday Puntland awal hore Xamar way ka socotay taas iyo tu la mid ahi, laakin lagama fileyn Puntland oo aynu jaar nahay oo nabad aan ku wada nool-nahay oo dad iyo duunyaba aan is dhex-marno,” ayuu yiri Muuse Biix Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Somalililand ay jeceshahay in Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad, una duceynayaan markasta.

“Waxaanu leenahay hadeynu nahay Qaranka Somalilland annaga waxaanu fidineynaa in Soomaaliya nabad loo doono gudahooda ka heshiiyaan annaguna aan u duceyno. Colaad kama rabno halkaa ay dhigeen waxa aan u dhigeynaa walaaltinimo inay gudahooda hagaajistaan,” ayuu markjale  khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyn wuuxuu ugu baaqay Puntland inay ilaaliso nabadda iyo darisnimada, isaga oo sheegay inay wax badan ka dhexeeyaan Somaliland oo ay dano wadaag yihiin.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada todobaadkan gudihiisa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland oo ka qeyb-galayey furitaanka kalfadhiga 49-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ay ku taliyeen in liiska argagixisada lagu daro Somaliland oo ay jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan dadkii shacabka ahaa ee dhowaan laga raafay maamulkaasi.

Sidee isbedalka ITOOBIYA u saameynayaa FARMAAJO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka sii dareysa ee wadanka Itoobiya, wuxuuna sheegay in isbedalka ka dhaca dalkaasi uu saameynayo Geeska Afrika.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in xasilooni darrada haatan ka jirta dalka Itoobiya ay saameyn togan iyo mid taban ku yeelan doonto gobolka oo dhan.

“Dhacdooyinka Itoobiya si degdeg ah oo xiisaba leh ayey isku beddelayaan. Isbeddelka ka dhaca Itoobiya wuxuu saameyn togan iyo mid taban ku leeyahay Geeska Afrika oo mowjado xasillooni darri iyo xiisad siyaasadeed la daalaa dhacaya,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo oo saaxib dhow la’ah Abiy Axmed uu haatan soo wajahay walwal, isaga oo xusay inay meesha ka baxayaan ciidamada Itoobiya ee uu isku haleynaayey, si ay doorashada uga gacan siiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Famaajo walwal weyn ayaa haya, sababtoo ah wuxuu si wayn iskugu halleynayay in ciidanka Itoobiya ee Baydhabo, Gedo, Beledweyne, iyo kuwo uu maalmihii tegey Kulane ku sii gurayey Dhuusamarreeb ay doorashayoonka ku gacan siiyaan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xasaradda ka taagan Itoobiya xittaa ay sidoo kale saameyneyso Isbahaysigii seddax geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, isaga oo shaaca ka qaaday in uu dumaya xukunkii daba dheeraa ee kali-taliska ah.

“Dhinac kale, walwal weyn ayaa haysta Isbahaysigii seddax geesoodka ahaa, sababtoo ah waxaa dumaya xukunkii kalitaliska iyo xarun dhexe ka taliska (Centralised) ahaa ee shaatiga wadaniyadda iyo shacabeynta (populism) ku dhisnaa. Maalmo adag oo xiisad iyo hubanti la’aan leh ayaa Gobolka ku soo wajahan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Itoobiya ayaa waxaa haatan ka jirta xiisad xoogan, waxaana dalka oo dhan lagu soo rogay xaalad deg-deg ah, kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka dowladda iyo Jabhadda TPLF.

Madaxii doorashada Cabdi Cali Raage oo Kismaayo ‘laga soo musaafuriyey’ + Sababta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cali Raage oo haatan ah La-taliyaha dhanka arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa shaaca ka qaaday in Kismaayo lagu xiray wakiilkii u qaabilsanaa dhanka ololihiisa doorashada oo abaabul xoogan ka wada deegaanada maamulka Jubbaland.

Cabdi Cali Raage oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in xalay uu xabsiga ku hoyday ninkii u qaabilsanaa ololihiisa doorashada xildhibaanimo ee Kismaayo, isla-markaana saaka la geeyey garoonka magaladaasi, si loo soo masaafuriyo.

“Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in arrintan ay horseedeyso in Kismaayo aysan ka dhici karin doorasho lagu kalsoon-yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay,” ayuu sii raaciyey Mr Raage.

Halkan hoose ka aqriso:-

War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho
kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga.

Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan.

Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay.

Waxaan marka labaad ku baaqayaa in muwaadinkan gurigiisa iyo caruurtiisa aan lakala go’doomin hadii uu danbi leeyahayna haayadaha cadaalada la hor geeyo hadii kalana xoriyadiisa loo celiyo.

In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah.

Musharaxiinta madaxweyne oo beelahooda weydiistay kuraas xildhibaan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana socda olole xooggan oo loogu jiro kuraastaas oo furo weyn u ah doorashada Soomaaliya.

Sanadkaan doorashada Golaha Shacabka waxay sanadihii hore kaga duwan tahay inay jiraan dhowr musharax oo u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay kamid ah noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah kuwa horay usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya, waxayna ujeedada ugu weyn tahay sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen gudaha Baarlamaanka, marka la gaaro doorashada xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah musharaxiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beelaha ay kasoo jeedaan weydiistay in la siiyo kursiga, waxaana jiro qaar ku guuleystay in loo ogolaado iyo kuwa aan weli helin natiijo la isku haleyn karo.

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Siyaasigaan oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beeshiisa ka codsaday in la siiyo kursiga xildhibaanimo, waxayna wararku sheegayaan in markii hore loo ogolaaday, balse uu markii dambe la kulmay cadaadis xoog leh oo keentay inuu isaga haro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa culeys kala kulmay siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo jeeda beeshiisa, waxaana ugu dambeyn lagu qanciyey inuu isaga haro doonistiisa uuna ku ekaado tartanka xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

2- Sheekh Shariif Sheekh Axmed: 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, hadana kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beeshiisa ku codsaday in la siiyo kursiga ay beeshiisa ku leedahay Baarlmaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo ah siyaasi taageero fiican ka heysta beeshiisa ayaa waxaa u suurtagashay in beeshiisa ay u ogolaato in la siiyo kursigaas.

Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Shariif ayaa shuruud adag uga dhigtay inuu isaga noqdo Xildhibaan, isla markaana aysan ogolaan doonin haddii uu cid kale usoo sharaxo kurisgaas, waxaaana la xaqiijiyey inuu Shariif aqbalay shuruudaas.

3 – Shariif Xasan Sheekh Aadan

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan safar ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeshiisa ka codsaday in la siiyo kursiga Xildhibaano ee Baarlamanka Soomaaliya.

Shariif Xasan oo ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ujeedkiisa ugu weyn ay tahay sidii uu noqon lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa kamid ah musharaxiinta la rumeysan yahay inay heli doonaan kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, waxaana hadda kursigiisa ku fadhiyo wiil uu dhalay.

Inkastoo uu culeys saa’id ah kala kulmi doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen haddana Shariifka ayaa ah siyaasi miisaan culus ku leh beeshiisa, waxayna taas ka saacidi doontaa inuu fursad u helo kursigiisa.

4- Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday ayaa ah musharaxa kaliya ee noqon doona Xildhibaan aan tartan gelin, maadama uu dheeraad ku noqon doono 275 Xildhibaan ee golaha shacabku uu ka kooban yahay.

Dastuurka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh u ogolaaday inuu xubin dheeri ah ku noqdo Baarlamaanka Soomaaliya maadaama uu si nabad ah ku wareejiyey xilka.

Xasan Sheekh ayaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaan sharafeed, wuxuuna qaadanayey mushaar aad uga badan kuwa ay qaataan xildhibaanada caadiga ah.

5 – Cabdulqaadir Cosoble

Waa musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday.

Cosoble ayaa kamid ah musharixiinta la rumeysan yahay inay heli doonaan kursiga xildhibaan ee beeshiisa, inkastoo uu geli doono tartan culus oo maadaama kooxda Nabad iyo Nolol ay waqti iyo lacagaba ku bixineyso sidii ay meesha uga saari laheyd.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qeybo ka mid ah magaaladaas oo xarun u ah gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay bar-koontarool oo ku taalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee Baydhabo, kadib markii ay soo weerareen Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in iska hor imaadkaas ay ku dhaawacmeen carruur walaalo ah, sidoo kalena uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkan ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare lixaad leh gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaan xaafado ka tirsan degmada Baydhabo iyo duleedkeeda howl-gallo kooban ka sameeyey ciidamada ammaanka.

Baydhabo ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka, waxaana weeraro & dilal ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Gudiga xalinta khilaafaadka oo baaris culus ku bilaabay kursiga Mahdi Guuleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, Maxamed Ibraahim Barre ayaa faah faahin ka bixiyey dooda ka dhalatay kursigii uu maalin ka hor ku soo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Guuleed.

Barre ayaa shaaca ka qaaday in haatan guddiga uu bilaabay baaris la xiriirta dacwadda loo soo gudbiyey oo ka timid xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga xallinta khilaafaadka ayaa wereysigan ku sheegay in muddo todobaad ah ay ku soo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in waajibaadka loo igmaday ay tahay inay u cadaalad falaan tartamayaasha, ayna ku dadaalli doonaan kala saarida labada nin ee is haya.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa shalay soo saaray qoraal xasaasi ah oo lagu hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka waxaana looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop 239, illaa inta ay kasoo dhammaaneyso dacwadda.

Mahdi ayaa waxaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay, isla-markaana uu doonayo inuu isaga ku fariisto afarta sano ee soo socota.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ayaa kusoo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, sida uu shaaciyey guddiga maamullada doorashada kuraasta gobolada waqooyi.

SOOMAALI xaalad adag ku wajahaysa dal uu dhowaan ka dhacay afgambi militari

0

Khartuum (Caasimada Online) – Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka Sudan, oo dhowaan uu ka dhacay afgambi militari, ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada hubanti la’aanta amni ee ka jirta dalkaas.

Qaar kamid ah ardeyda wax ka barata dalkaas ayaa SNTV u sheegay in qalaalasaha siyaasadeed ee ka jirta Sudan uu ku yeeshay saameyn xoogan, gaar ahaan waxbarashada iyo adeegyada daruuriga ah.

“Dadka meeshan jooga ee Ardeyga ah wey ku rafaadsan yihiin waxa weeyi waxbarashadii oo ka istaagaysa marba marka ku xigta oo haddan rejadeedii iska xun taahy, Internetkii waa maqan yahay muddo ku dhow labo asbuuc,” ayuu yiri Yuusuf Cabdikariin oo kamid ah ardeyda la hadashay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay sheegen in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo xaaalada hubanti la’aanta ee ka taagan Sudan ay xaalada adag u horseeden ardeyda Soomaaliyeed ee dalkaas u joogta waxbarashada.

“Wadanka mushkiladiisa aad ayey u badan tahay, aad ayey noo saameysay waxbarashadeeni, adeegi bulshada ee noloshana aad bey u taabatay dhaq-dhaqaaqyada isdaba jooga ee ka socda dalka.”

Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii.

Khadiija Diiriye oo u dacwootay ugaaska Mudulood + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka soo aheyd tan iyo dowladii Carta lagu soo dhisay, ayaa sanadkaan wajaheysa loolan adag, kadib markii sanadkaan ay kursigaas isku soo sharaxday Baarliin Maxamuud Biin oo ah gabar aqoonyahanad ah, kuna heyb ah Khadiija Diiriye.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Khadiija Diiriye ay u dacwootay ugaaska beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyadoo ka dalbatay inuu hadlo gabadha isku soo diyaarisay inay kursiga kula tartanto iyo dadka ku garab taagan ololaheeda oo reer Abtigeed u badan.

Khadiijo iyo Baarliin waxaa abtiyaal u wada ah Abgaal, waana taas sababta ka keentay in Khadiijo Diiriye ay u dacwooto Ugaaska, iyadoo ka dalbatay inuu kala hadlo Baarliin, sidoo kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in Khadiija Diiriye ay Baarliin u balan qaaday lacag aan cadadkeeda la shaacin, hadii ay tartanka ka harto.

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa barteeda Facebook-ga soo dhigtay sawirro ay la gashay Ugaaska oo gurigeeda ku soo booqday iyo qoraal kooban oo ay ku tiri, “Koofida ugu weyn dugaashigeyga ayaa hoygeyga galabta igu soo booqday, darajo iima-laabna dad-na iima-dhina, ugaaska reer habartey macaan, rabiyow ii dhowr darajada duubkiisa.”

Qalqal xoog leh ayaa soo wajahay Khadiijo Diiriye, kadib markii dhawaan ay musharaxnimadeeda shaacisay Baarliin Biin oo ah gabar taageero badan heysata oo sanadkaan dooneysa inay kursiga kula loolanto Khadiija Diiriye.

Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada Bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo ah haweeney ganacsato ah ayaa dhawaan ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo kusoo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin, waxayna farriin u direen ergada wax dooraneysa iyo madaxda HirShabeelle.

Labadaan haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh dalka ayaa Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo doorashada kursiga HOP0097 oo yaalla magaalada Jowhar, kaasi oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye.

“Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan,” ayey tiri Shariifo Caddow.