25.1 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Daawo Goodax: Shacabka waxay mar dhow dowladnimo u raadsan doonaan Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso maamulka magaalada Muqdisho.

Goodax Barre ayaa dowladda federaalka ku tilmaamay mid ka liidata Al-Shabaab, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ku kalifay inay Shabaab u doontaan cadaalad, sida uu sheegay.

“Umadda Soomaaliyeed ayey ku kalifeen inay cadaalad u doontaan Shabaab, hadda dowladnimada ayey u doonanayaan sida ay hadda ku socdaan haddii ay kusii socdaan,” ayuu yiri Goodax Barre.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka taliso magaalada Muqdisho, ayna u harsan tahay in calanka madow laga taago oo keliya.

“Aamin ha aaminin maanta Shabaab isaga ka taliya Xamar, waxay ka doodayaan keliya calankii madow miyaa soo celinaa mise kuwan waa xoolo amay nagu kacaan gaalada, hadda waa maamulna ee aan ka joogno, noocaas ayey Shabaab u maamulan Xamar.”

Hadalkan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe laga deyrinayay canshuuraha tirada badan ee kooxda ay ka qaatan ganacsatada magaalaada Muqdisho, ayada oo ay joogto dowladda federaalka Soomaaliya.

Ethiopia oo la geliyey xaalad deg deg ah xilli TPLF ay ku wajahan tahay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey dalka, xilli aad looga cabsi qabo in kooxda TPLF ee Tigray-ga ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa

“Xaaladda deg degga ah ayaa waxaa loogu talo-galay in shacabka laga bad-baadiyo xasuuqa ay argagixisada TPLF ka gaysanayaan qeybo dhowr ah oo ka mid ah dalka,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

Xaaladda deg degga ah ayaa ogolaaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la sameeyo jidgooyooyin, la carqaladeeyo hanaanka gaadiidka, lasoo rogo bandow, ayna militariga la wareegi karaan meelaha qaar. 

Qof kasta oo lagu tuhmo inuu xiriir la leeyahay “kooxaha argagixisada oo TPLF ay ka mid tahay” ayaa la xabisi karaa ayada oo aan maxkamad lasoo taagin, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Tigray-ga ay guulo ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan dowladda, ayaga oo toddobaadkan qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amhara oo kala ah Dessie iyo Kombolcha.

Ciidamada Tigray-ga ayaa sidoo kale xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo.

“Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Goor sii horeysay oo maanta ah, mas’uulyiinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa ayaa ugu baaqay dadka degan magaalada inay diiwaan-geliyaan hubkooda labada maalmood ee soo socota, si ay isugu diyaariyaan inay magaalada difaacaan.

Sidoo kale, qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu Axaddii shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.”

“Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara.

Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed.

Natiijada kursigii uu Mahdi Guuleed ku guuleystay oo la hakiyey kadib arrin soo baxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu dalbaday in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Qoraal ka soo baxay guddiga oo lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas, maadaama dacwad laga keenay kursiga Hop 239.

Dacwad ayaa waxaa soo gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo hadda kursigan ku fadhiya, illaa baarlamanka cusub laga dhaarinayo.

“Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee loo igmaday, waxuu farayaa guddiga doorashooyinka heer federaal, in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Hop 239, inta guddigu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in baaritaanka dacwada laga soo gudbiyey doorashadii kursigaas ay ku soo gabagabeyn doonaan mudo 7 maalmood ah, iyagoo balan qaaday in go’aanka dacwadaas ay u gudbi doonaan dhinacyada ay khuseyso.

Kursigaan shalay loo doortay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed, waxuuna ku soo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, Mahdi ayaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Xog: 11 beel oo Rooble u gudbiyey diidmo ka dhan ah mid ah deegaan doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay odayaasha dhaqanka 11 beel oo ka mid ah kuwa daga gobolka Hiiraan si looga wada hadlo kuraasta aqalka hoose ee taalo Magaaladaas .

Sida xogta sheegeyso, odayaasha dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday in kuraasta ka taalo magaalada Beledweyne loogu soo wareejiyo caasimadda maamulkaas ee Jowhar maadaama madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe loo diiday inuu tago halkaas.

25-ka Kursi ee taalo magaalada Beledweyne waxaa 8 kamid ah iska leeh beesha Xawaadle ee diiday inuu Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne halka 17-ka kursi ee kale ay leeyihiin Beelaha ay odayaashooda u tageen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Odayaasha la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gudbiyey walaacooda ku aadan in haddii Cali Guudlaawe uu tagi waayo Beledweyne ay, taas ka dhigan tahay in Beesha Xawaadle ay maamuli doonto kuraastooda midaas oo ay ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin.

Sida ilo waareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online Ra’isul Wasaare Rooble ayaa odayaasha dhaqanka u ballan qaaday in dib u eegis lagu sameyn doono kuraasta taalo Beledweyne haddii ay Beesha Xawaadle ku adkeysato go’aanka ay Cali Guudlaawe ugu diideyn Beledweyne.

Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabatay shalay iyadoo lagu bilaabay laba kamid ah kuraasta reer waqooyiga ee taala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Inkastoo ay ceebo badan hareeyeen doorashadii shalay haddana waxay dhinaca kale ka dhigan tahay in toos loo guda galay doorashadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimaha aan weli la helin ee ku gadaaman doorashada Golaha Shacabka waxaa kamid ah khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo Beesha Xawaadle oo si weyn uga hortimid awood qeysiga maamul Goboleedka Hirshabelle.

Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah guddoomiyaha guddiga doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa joojiyay Madal lagu martiqaaday Guddoomiyaha guddiga doorashada federaalka, Maxamed Xasan Cirro, taasi oo qorshuhu ahaa in caawa ay ka dhacdo magaalada Garoowe.

Amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxa lagu wargeliyay Madaxda Warbaahinta Daljir inaysan bishan qaban karin Madasha Daljir, oo ay ku casuumen Guddoomiye Cirro.

Amarka lagu joojiyey Madasha ayaa waxay maamulka Puntland ku sheegtay in barnaamijka uu la socon karin siyaasadda maamulka Puntland.

Madaxda Daljir aya sidoo kale shaaciyey inay u hogaansameen amarka uga yimid maamulka Puntland, islamarkaana ay joojiyeen barnaamijkaas, ayaga oo sheegay in uusan ku saabsaneyn siyaasad.

“Barnaamijka Madasha Daljir ee caawa wax siyaasad ah kuma lug laheyn, fikirkana anaga ayuu naga yimid, balse waa u hogaansameena amarka xukuumadda Puntland,” ayuu yiri Maxamed Welcome oo kamid ah mas’uuliyiinta Daljir.

Puntland ayaa u aragta barnaamijka lagu casuumay Guddoomiye Cirro mid siyaasadeed oo dano gaar ah laga leeyahay, taasi oo ay u cuskatay amarka gebi ahaanba lagu joojinayo.

Dhageyso: Galka Baarista oo shaaciyey sir xasaasi ah oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 21-kii bishii tagtay heshiis ka gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay.

Khilaafka labada Nin ayaa markii hore ka bilowday cadaalad u helida Ikraan oo aheyd gabar ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka ee NISA oo muddo la la’yahay, islamarkaana ay hay’addu sheegtay inay dileen Al-Shabaab, taasi oo ay iska fogeysay kooxdu.

Baarista kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa xiligan gacanta ku haya Xeer ilaaliyaha maxkamadda millateriga oo dhawaan lagu wareejiyay, balse weli dhaqaajin la’.

Galka Baarista ayaa shaaciyey in guddiga maxkamadda ciidamada qalabka sida uu la kulmay caqabad dhanka NISA ah.

Xogta ayaa shaacisay in maxkamadda ay dalbatay in la wareysto laba sarkaal oo ka tirsan NISA oo lagu tuhmayo kiiska, oo mid ay tahay gabar guriga la deganeyd Ikraan Tahliil.

Hase yeeshee, arrinta yaabka leh ayaa ah in NISA ay diiday in la wareysto labadaas sarkaal, ayna ku adkeysatay inay ayada soo wareysato.

Waxaa kadib NISA ay sheegtay inay wareysatay labada sarkaal, waxayna u gudbisay guddiga baaritaanka warbixin ka kooban 38 bog oo ah jawaabaha ay bixiyeen labada sarkaal.

Galka Baarista ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday hab yaab leh oo loo baa’biyey muuqaal ay duubeen kaamirooyinka NISA oo duubay Ikraan markii la waayey.

Haddaba xagee ayuu hadda maraya baaritaanka kiiskan? Waxaa jawaabta diirada lagu saaray barnaamijka Galka Baarista, waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf. Hoos ka dhageyso.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Cumar Filish + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka fakaraya inuu xilka ka qaado guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, madaxweynaha Farmaajo ayaa loo geeyey eedeymo badan oo musuq-maasuq oo ka dhan ah Cumar Filish, kuwaasi oo badankood la xiriira musuq-maasuq lagu sameeyey dhul danguud ah.

Farmaajo ayaa soo saaray 28-kii October dikreeto ujeedkeeda lagu sheegay looga hortagayo in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu helay xog ku saabsan in dhulalka dan guud ee la musuq-maasuqayo, ay ka mid yihiin: Dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay, kuwaas sida lagu sheegay qoraalka la isku dayayo in loo sameeyo dukumiinti sharci darro ah.  

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in warqdada madaxweynaha ay si toos ah ugu socotay Cumar Filish, ayna timid kadib markii loo geeyey xog ka dhan ah guddoomiyaha.

Cumar Filish ayaa tan iyo markii ay soo baxday digreetada waxa uu waday dadaallo xooggan oo isugu dayayo inaan xilka laga qaadin, isaga oo maalmihii dhowaa aad ugu badnaa madaxtooyada. Wuxuu sidoo kale dirsaday ergooyin odayaal ah oo la hadlay madaxweynaha, sida aan xogta ku helnay.

Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Maxmed Xuseen Rooble uu qeyb ka yahay cadaadiska xilka looga qaadayo Cumar Filish, isaga oo madaxweynaha kala hadlay arrintan.

Rooble ayaa olole ugu jira in xilkan loo magacaabo la-taliyihiisa abuukaate Cumar Dhagey, oo ay isku beel yihiin Cumar Filish.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in mustaqbalka Cumar Filish ee xilka duqa Muqdisho uu kala caddaan doono toddobaadkan, waxaana la sheegay in haddii uu badbaado toddobaadkan ay u badan tahay inaan la taaban. 

Abiy oo shaaciyey ajaaniib ka dhinac dagaalamaya Tigray-ga + Dalka ay kasoo jeedaan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isku dayey inuu qiil u sameeyo guul-darrooyinka ay wajahayaan ciidankiisa iyo guulaha ay gaareen mucaaradka Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa Xoogagga Tigray ku eedeeyay in ay dagaal-geliyeen ciidamo ajaanib ah kuwaas oo ka qeyb qaatay dagaalka u dhaxeeya jabhadaas iyo ciidamada Federaalka.

Inkastoo uusan sheegin wadamada ay kasoo jeedaan ajaanibtaas, islamarkaana uusan soo bandhigin caddeymo muujinayo eedeyntiisa haddana wuxuu sheegay in ajaanibtaas ay yihiin cadow kusoo duulay dalka Itoobiya.

“Waxaa jira dad caddaan iyo madow isugu jira oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo la hadlay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa. 

Dad ku dhow Abiy ayaa laga soo xigtay in ajaaniibta uu sheegay ay ka id yihiin Masaari, inkasta oo uusan isaga si rasmi ah ugu eedeyn.

Eedeynta Abiy ayaa loo arkaa inay caddeyn u tahay sida xaalka ugu xun yahay iyo inuu wajahayo guul-darrooyin xooggan.

Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in cid kasta oo awooda inay qaadato hubka, si loola dagaalamo TPLF, oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa doonaya, burburinta dowladda Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada TPLF ayaa isku fidinayo magaalooyin cusub waxayna bartilmaameed ka dhiganayaan waddooyinka muhiim ah ee gala Magaalada Addis Ababa taasoo culeyska kusii badineyso Caasimadda Itoobiya.

Maamulka Caasimadda Addis Ababa ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay 2 berri gudahood kusoo diiwaan geliyaan hubka ay heystaan si ay uga qeybgalaan dagaalka lagula jiro TPLF oo 380 km usoo jirsaday.

Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa shalay xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo.

“Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Midowga Tigray-ga ay la sameysteen Oromada oo ah qowmiyadda uga tirada badan Ethiopia, waxaya xoojin doontaa awoodda ay ku halis gelin karaan caasimadda.

Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay xireen dad kasoo jeedo Qowmiyadda Tigrayga, taasoo dhallin karta dagaal qabiil oo ka dhex bilowdo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa bilaabatay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi.

Muddo kooban kadibna, caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa gacanta u gashay ciidanka Itoobiya, balse bartamihii June ee sanadkaan ayaa waxaa ku soo rogaal celiyey oo qabsaday xooggaga Tigray.

Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalamka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya.

Shabaab oo soo bandhigtay askar iyo saraakiil ciidan oo ‘isku dhiibay’ + Magacyada

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa munaasabad ka dhacday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka HirShabelle.

Askarta iyo saraakiisha ‘is dhiibtay’ ayey Al-Shabaab ku sheegeen inay gaarayaan illaa 9 ruux, isla-markaana ay ka how-galayeen degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi.

Qaar ka mid ah askarta lasoo bandhigay oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inay ka howl-galayeen dowladda hoose ee Beledweyne iyo xarumo kale oo ku yaal Hiiraan.

Sidoo kale askarta qaar ee la wareystay ayaa magacyadooda waxa ay ku kala sheegeen:- Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cabdirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abiikar iyo sidoo kale Cabdifitaax Aadan.

Cabdirisaaq Cali Aadan oo ka mid ah askarta hadlay wuxuu wareysigiisa ku sheegay inuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa dowladda hoose ee degmada Beledweyne, marna uu soo noqday hoghaye ka tirsan xafiiska guddoomiyaha gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

“Beledweyne ayaa ka imaaday walaal dowladda hoose ayaan ka shaqeynaayey xogheyn ayaan ahaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa kow ka shaqeyn jiray, qeybta soo dhoweynta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Beledweyne iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Hiiraan, kuna aadan arrinta askartaas ‘isku dhiibtay’ Al-Shabaab.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla xarumo waa weyn, sida maxkamado iyo saldhigyo ay dagan yihiin dagaalyahanadeeda.

Dil xanuun badan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay dil iyo dhac ka geysatay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana falalkan ay maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayey caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi burcadda ah ay xaafadda Jamhuuriyada ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kadibna ay u geysteen dhac, iyaga oo ka qaatay taleefanka uu watay.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mowliid Cali Maxamed, wuxuuna ka mid ahaa ardayda sanadkii hore ka baxay Dugsiga Sare ee magaalada Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in burcadda ay markii hore ku amreen Mowliid inuu ku wareejiyo taleefankiisa, kadibna uu dhaga adeegay, iyaga oo mar qura rasaas ku furay, waxaana la sheegay in dhaawac soo gaaray uu markii dambe u geeriyooday marxuumka.

Mowliid Cali Maxamed ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana ku noolaa xaafadda Jmahuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo si weyn looga yaqaanay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey falalka ammaan dari, sida dilalka iyo dhaca xilliyada habeenkii ah ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba arrimahan waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro, maadaama dowladda Soomaaliya ay haatan ku guda-jirto doorashooyinka 2021-ka.

DAGAAL sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay gobolka MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka  si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolaasi, wuxaana la sheegay inuu salka ku hayo kufsi loo geystay Gabar yar oo xalay gurigeeda lagala baxay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Dhagtuur uu ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayna ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay sheegeen ilo degaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weli xiisad ka dhalatay dagaalka ay ka taagan tahay miyiga deegaanka Dhagtuur oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay ku baxeen falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan howl-gal lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi sababay dhimashada ee saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee Mudug.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dagaallada, waxayna salka ku hayaan aano qabiil oo ka taagan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Maxay tahay sababta uu madaxweyne Saciid Deni u eryey taliyihiisii booliska?

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland, isagoo soo magacaabay Taliye cusub, kadib markii loo baahday dar-dar gelin dhanka howlaha ammaanka ah, sida lagu shaaciyey dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni.

S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, waxuuna Saciid Deni tallaabadaan kala tashaday ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, sida ku cad dikreetada uu ku soo saaray magacaabidda.

Taliyaha la bedelay oo lagu magacabo Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) ayaa sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka heer federaalka ee deegaanada Puntland, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dhowr safar Muqdisho ku tegay, taas oo dhalisay tuhun ah in Deni ka shakiyey taliyihiisa booliska, sidaas-na uu u bedelay.

Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay guddoomiyaha guddiga dorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddiga doorashoyinka heer federaal iyo heer dowlad gobaleed ee Puntland, waxaana saacado kadib kulankaas soo baxday xilka qaadistiisa.

Doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan xildhibaanada golaha shacabka ayaa haatan bilaabatay, waxaana shalay Muqdisho lagu doortay labadii kursi ee u horeysay, waxaana jirta cabsi la xariirta in doorashada golaha shacabka loo maamulo sida tii Aqalka Sare oo kale, taas oo aad loogu dhaliilay madaxda maamul goboleedyada markii laga reebo HirShabeelle, hanaankii ay u maamuleen.

Walaac xoog leh oo soo food saaray musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha sanadkaan u ordaya inay qabtaan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya waxaa soo wajahday xaalad dhaqaale xumo oo aad u daran.

Labadii doorasho ee ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya waxaa ku baxday lacag xoog leh oo ka timid dalalka Carabta ee danaha qarsoon iyo kuwa muuqda ka leh dalkaan dhaca Geeska Africa ee Soomaaliya, balse sanadkaan 2021-ka waxaa jira walaac xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah.

Sida ay noo xaqiijiyeen dhowr musharax, illaa hadda ma jiro musharax madaxweyne oo lacag kasoo helay dal Carbeed oo xattaa uu ku jiro madaxweynaha xafiiska weli fadhiya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharixiinta qaar oo ballan qaad heystay ayaa dhowr jeer safaro qarsoon iyo kuwa la ogyahay ku tagay dalalka la filayo inay wax uun ku bixiyaan doorashada Soomaaliya ee sanadkaan 2021-ka, sida Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dowladda Masar iyadu waa dalaal, Kenya oo iyadana gacan weyneyn ayaa la xaqiijiyey inay dhowr musharax wareysiyo ka qaaday.

“Illaa hadda ma jiro musharax lacag lasoo siiyey, waxaana sanadkaan macquul ah inaan waxba laga soo helin wadamada Carabta oo lagu dagaalamo lacagaha gudaha,” ayuu yiri mid kamid ah musharixiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Haddii ay dhacdo in lagu tartamo lacagaha gudaha waxaa fursad fiican heli doona ganacsatada gudaha oo saami fiican ku yeelan doonta dowladda imaan doonta.

Qabiillada qaar ayaa iyagana bilaabi kara inay deg deg lacag u aruuriyaan si ay musharax u dhisaan, maadama haddii dhaqaale Carbeed la waayo ay yaraan doonto lacagta ay u baahnaan doonto doorashada.

Musharixiinta qaar ayaa dalka isaga cararay oo cag soo dhigi waayey, iyagoo diidan in la ogaado dhaqaalo la’aanta heysa. Qaar waxaa la sheegay inay tartanka uga hareen dhaqaale xumo awgeed, balse ay diidan yihiin in si rasmi ah loo ogaado dhuumashadooda, halka qaar ay ku shaqeenayaan illaa hadda lacago la sheegay inay yihiin deymo laga qaaday ganacsato gudaha dalka ku nool.

Illaa laba musharax oo kala fikir duwan ayaan ka xaqiijinay in musharixiinta hadda dhaq-dhaqaaqa wada ay isugu jiraan, kuwo markoodii hore dhaqnaa iyo kuwa ganacstada gudaha deyn ka qaatay, si ay u sugaan lacago ka yimaada dibadda.

Walaaca ku saabsan in carabta sanadkaan lacag bixin weyso ama ay aad u koobto dadka ay wax siin doonto waa mid aad u xooggan. Musharixiinta qaar waxaa la xiray xarumahoodii doorashada, kadib markii ay dhaqaala xumo haleeshay.

Maxaa sababay caga jiidka dhinaca Carabta?

1- Hubanti la’aanta doorashada

Dhowr jeer ayuu fashilmay jadwalka doorashada Soomaaliya, dalalka Carbeed ee lacagaha sharci darada ah ku bixiya doorashada Soomaaliya waxaa u sawiran inaan la isku haleyn karin kooxaha maamulayo doorashada Soomaaliya oo awooda inay si weyn doorashada usii daahiyaan.

2- Doorashada iyo Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay si weyn u cadaadineyso dowladaha Carabta ee lacagaha ku bixiya doorashada Soomaaliya.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa si gaar ah isha ugu hayo lacagaha sida musuq-maasuqa ah loogu burburinayo hufnaanta doorashooyinka Soomaaliya, waxaana Carabta lagu wargeliyey inay joojiyaan dhaqankaas.

Waxaa macquul ah ayaa la leeyahay inay arrintaas si weyn u saameyso oo ay dhaqaalaha yareeyaan, diidaan, ama soo koobaan dadka ay wax siinayaan iyagoo adeegsanaya dariiqyo kale oo qarsoon.

3- Doorashadii 2016 iyo xilligii Farmaajo

Dalalka Carabta qaar waxaa niyad jab ku ah sidii loo maareeyey lacagihii laga soo qaaday intii ay socotay doorashadii sanadkii 2016 kuwaas oo la sheegay inay shaqsiyaad gooni ah jeebka isaga shubteen oo aan lagu qaban ujeedooyinkii ay u bixiyeen.

Waxaa kaloo jira lacago laga soo qaaday intii uu jiray maamulka madaxweyne Farmaajo kuwaas oo qaar dhanka Dowladda mareen qaarna dhanka mucaaradka mareen si xukunka Farmaajo loo rido, iyadana sidii la rabay looma maareyn. Dhammaan waxyaabahaas waxay muujiyeen kala aamin bax weyn.

Haddii lacag laga soo waayo Carabta waxaa la isugu soo laaban doonaa gudaha waana kooban yihiin musharixiinta gudaha wax ka heli kara oo ay aamini karaan ganacsatada Soomaaliyeed ama Qabiilada.

Mucaaradka Tigray oo xulufo la sameystay Oromada kuna dhowaaqay qorshe xasaasi ah

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo.

“Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Midowga Tigray-ga ay la sameysteen Oromada oo ah qowmiyadda uga tirada badan Ethiopia, waxaya xoojin doontaa awoodda ay ku halis gelin karaan caasimadda. 

Ciidamada Tigray ayaa sheegay inay gudaha usii galeen koonfurta gobolka deriska la ah ee Amxaarada, oo ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah, inkasta oo dowladda ay beenisay arrintaas.

Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac ka muujiyey siqitaanka ay sameeyeen Tigray-ga.

“Dagaal sii daba-dheeraada wuxuu dheereyn doonaa xasaradda bani’aadaminimo ee waqooyiga Ethiopia. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan howlgallada militari ayna billaabaan wada-hadallo xabad-joojin oo aan lagu xerin wax shuruud ah,” ayuu yiri. 

Ciidamada Tigray-ga ayaa Axaddii ku dhowaaqay inay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Kombalcha, taasi oo timid maalin kadib markii mucaaradka ay sheegeen inay qabsadeen Dessie.

Dagaalka magaalada Kombolcha, oo ku taalla koonfurta Dessie, ayaa abuuray hadal ku saabsan in TPLF ay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Isla maalinkaas, qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.”

“Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara.

Maamulka Amxara — oo magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ay ku yaallaan – ayaa Axaddii soo saaray wareegto lagu amray in dhammaan hay’adaha dowladda ay joojiyaan adeegyada caadiga ah, ayna miisaaniyaddooda iyo dareenkooda u weeciyaan “olole badbaado ah.”

Qeybo kale oo ka mid ah gobolka Amxara, mucaarad ka yimid Oromia oo xulufo la ah TPLF ayaa iyagana sheegtay inay qabsadeen dhul ay ka saareen ciidamada dowladda.

Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed.

Muxuu Mareykanka ka yiri doorashooyinka Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay siihayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Marwo Colleen Crenwelge.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka oo shalay si rasmi ah u bilaabatay iyo u sii diyaar garowga mida madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa.

Mareykanka ayaa boggaadiyey qaabka ay haatan wax u wado xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku dadaalaya doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa intii uu socday kulanka la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo tan gobolka intaba.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyada oo la guda-galay mida Golaha Shacabka oo ka dhaceysa dhowr magaallo oo ku yaalla gudaha dalka.

Si kastaba Mareykanka wuxuu ka mid yahay dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna si aad ah ula socdaa xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Haween miisaan culus oo kasoo horjeestay Khadiija Diiriye xilli ay wajaheyso loolan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada Bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo kamid aheyd maamulkii Shirkaddii diyaaradda Somali Airlines oo ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo kusoo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin oo ah Gabar aqoonyahanad ah ayaa farriin u diray ergada wax dooraneysa.

Labadaan Haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo kursiga HOP0097 oo yaala Magaalada Jowhar, kaasi oo ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye.

Shariifo Caddow ayaa sheegtay in kursiga HOP0097 oo ay hadda ku fadhiso Khadiijoa Maxamed Diiriye ay sanadkaan mudan tahay Baarliin Maxamuud Biin islamarkaana ay iyaga kala shaqeenayaan sidii ay ugu soo bixi laheyd.

“Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan,” ayey tiri Shariifo Caddow.

Waxay hadalkeeda sii raacisay in Beesha ay kasoo jeedo Baarliin aysan wax xuquuq ah ka helin KhadiijaMaxamed Diiriye oo kursigaas ku fadhisay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna ugu baaqday inay sanadkaan ka shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

“Kuraastii Gabdhaha HirShabelle koomo ayey ku jiraan ciddii heysataba, waxaa la iska rabaa inaan kuraastaas soo badbaadino, Kursigaan waxaa iska leh Baarliin, wayna mudan tahay anaga dhanna waan ku garab joognaa,” ayey tiri Madiina Caamir.

Marwo Madiina ayaa sidoo kale sheegtay in kursigaan uusan laheyn madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe balse ay leeyihiin dadka ay Baarliin kasoo jeedo iyadoo tilmaamtay inay kalsooni ku qabto in Guudlaawe uusan wax faragelin ah ku sameeneyn kursigaan.

Hadalka kasoo yeeray labadaan Marwo ee miisaanka ku leh Haweenka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadayo xilli ay Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye shalay sheegtay inay iyada leedahay HirShabelle oo aysan jirin cid ka qaadan karto kursigeeda.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sanadkaan culeys weyn kala kulmeyso Beesha ay kasoo jeedo iyadoo qaar ka  tirsan oyayaasha beeshaas ay sheegeyn inaysan Khadiijo bis laheyn kursiga.

Weriye Ikraan Cali Xaashi oo ka bad-baaday isku day dil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Cali Xaashi oo kamid aheyd wariyasha Muqdisho ka shaqeeya ayaa ka bad baaday isku day dil kadib marki hoygeeda lagu weeraray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdani ay bam gacmeedyo dhowr ah ku tuuren hooyga wariye Ikraan, balse Ikraan oo la hadashay warbaahinta qaar ayaa sheegtay in aaney waxba gaarin oo xaaladeda ay wanaagsan tahay.

Ikraan oo lagu yaqaan sameynta barnaamijyada arrimaha bulshada taabanaya gaar ahaan xadgudubyada lagula kaco dumarka ee xaga gudniinka fircooniga ah ah iyo wacyi-galinta dhallinyarada Soomaaliyed iney ka feejignaadan sameynta ficilada aan wanaagsaneyn ee ka midka ah iney ka mid noqdaan kooxaha argagagixisada sida Al-Shabaab ayaa mudooyinkan dambe waxey la kulmeysay dhibaatoyin amni.

Daqiiqado kadib weerarka ayaa waxa hoyga Ikraan soo gaaray ciidanka boliiska iyagoona islamarkiiba baaritaano ka sameeyay agagaarka guriga Ikraan, waxayna goobtasi ka qab qabteen dad ay ku tuhmayan arrintas, sheegayna iney baaritaano ku sameyn doonan.

Wariye Ikraan oo sanad dalka ka maqneyd ayaa kusoo laabatay maalmo kahor kadib markii ay sameeyn ku yeelatay warbixin seygeeda oo isna wariye ahaa laguna magacaabo Munasar Maxamed uu sameyay, taasi oo ku saabsaneyd nin kasoo jeeda beelaha la heyb sooco kaas oo isaga oo nool la gubay kadib marki uu guursaday gabar iyadana kasoo jeeda beelaha Waaweyn ee hubeysan kuwaasoo nafta dhaafiyay iyagoona dab iyo banziin u adeegsaday dilkiisa. 

Korneel Macow oo shaaciyey in NISA ay keensatay qalab halis ah oo lagu beegsanayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa shaaciyey in Hay’adda Nabadsugida ay keensatay qalab casri ah oo halis ku ah dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xorta ah.

Korneel Macow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda ay keensatay dad hackers ah oo ay u adeegsanayaan inay ku curyaamiyaan ololaha musharaxiinta xilka madaxweynaha kula loolamaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Qalabkan waa mid lagu beegsanayo xiriirka ka dhaxeeya ganacsatada iyo xiriirka ka dhaxeeya ganacsiga xorta ah, Nabadsugida waxay ku adeegsanayaan inay culeys galiyaan internetka,” ayuu yiri Korneel Macow.

“Waxay rabaan oo kale inay u isticmaalan marka la gaaro xiligay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha oo xiriir qaldan la isku gudbiyo iyo kuwa ololaha ee daneynaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay la tijaabinayay qalabkaas, kaasi oo culeys ku keenay internetkii caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

“Waxay soo kireysteen dad Hackers ah oo dhibaato u geysan doona isgaarsiinta, xawaaladaha iyo fariimaha la isku gudbinaayo. Waxaa loo sameystay qalabka in lagu dhageysto dadka Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho lagu socdana ganacsiga iyo siyaasadda.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qalabkaan uu ku wanaagsan yahay in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah argagixisada laguna daba-galo, balse aan loo adeegsan siyaasada iyo dhaqaalaha oo xad-gudub ku ah sharciga.

Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto arrintaan, hase yeeshe waxa uu Korneel Macow sheegay inuu xogtaan ka helay Saraakiil muhiim ah oo tirsan Hay’adda Nabadsugida dalka ee NISA.

Erdogan oo qaadacay shirka Glasgow kadib arrin lagu liidayo oo ay sameysay Britain

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta baajiyey ka qeybgalkiisa shirka COP26 ee cimilada adduunka oo ka dhacaya magaalada Glasgow ee gobolka Scotland ee dalka UK, sababo amni dartood.

Erdogan ayaa isaga oo sii koraya duulimaad ka qaaday Rome, oo uu kaga qeyb-galay shirka G20 una socda Turkey, waxa uu sheegay in abaabulayaasha shirka ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan walaacyadiisa amni. 

“Markii dalabyadeena aan la fulin, waan ka baaqanay inaan aadno Glasgow,” waxaa sidaas Erdogan kasoo xigatay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

“Tani ma quseyo oo kaliya amnigeena, balse waxay quseysaa sumcadda waddankeena,” ayuu yiri.

Wargeyska Middle East Eye ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in abaabulayaasha shirka ay xadideen tirada wafdiga Turkey ee u safraya Glasgow. 

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in dowladda UK ay xadiday tirada kolonyada babauurta ee loo ogol yahay wafdiga Erdogan, taasi oo dhalisay walaac amni. 

Turkish-ka ayaa dareemay in tallaabadan ay tahay mid lagu liidayo madaxweyne Erdogan, sababtoo ah wax xiddidaad ah laguma soo rogin wufuudda madaxda kale sida madaxweynaha Mareykanka Joe Bide iyo kan Faransiiska Emmanule Macron. 

Dowladda UK ayaa Axaddii sheegtay inay ka laabaneyso xadidaadda waxayna mas’uuliyiinta Turkey u sheegeen inay Erdogan ula macaamili doonaa sida Biden.

Si kastaba, Dowladda UK ayaa mar kale haddana is baddashay maanta, waxayna sheegtay inaan wax laga beddeli doonin nidaamkii ay u dejisay wafdiga Turkey, taasi oo keentay in Erdogan uu go’aansado inaanu shirka ka qeyb-galin. 

Turkey ayaa shirka u dirtay wafdi wasiiro iyo saraakiil kale ah, oo ku matali doona.

Baaqashada Erdogan ayaa imaneysa ayada oo dhowaanahan ay sare usii kaceysay xiisadda ka dhex oogan Turkey iyo dalalka Reer Galbeedka. 

Daawo: Dadkii ay AMISOM leysay oo saddex bil kadib maanta lagu aasay codsiga DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay meydadka 7-dii qof ee 10-kii bishii Agoosto ay ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay ehellada dadkii la dilay.

Meydadka todobadaas qof oo Juwaano lagu uruuriyey ayaa qaboojiye ku jiray in ka badan laba bilood iyo 20 cisho, waxaana maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Ehellada dadka maanta la aasay ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya, gaar ahaa wasiirka amniga Cabduallahi Maxamed Nuur uu ka codsaday inay meydadka la’aaso, islamarkaana ay ka aqbaleen.

Sidoo kale ehellada waxay sheegeen in wasiirka amiga uu ka balan qaaday in mudo seddax maalmood gudahood ah uu jawaab cad ku soo siin doono, waxayna wacad ku mareen hadii 3-daas maalmood aan lagu soo jawaab celin, inay dagaalami doonaan oo AMISOM ay ka aar guda doonaan.

“Maalinkii dadkaan ay naga dishay AMISOM waxaa laga joogaa ku dhawaad 3 bilood, intaas xuquuqdii dadkaan ayaan raadineynay, waxay AMISOM noo sheegeen lix askari inay xiran yihiin, kuwaas oo maalinkii dadkaan la dilay ciidanka hoggaaminaayey, hadda meydadkii waan aasnay, waxaana ku aasnay codsi nooga yimid wasiirka amniga oo ka socday xukuumadeenna,” ayuu yiri mid ka mid ah ehelladii warbaahinta la hadlay.

Ehellada ayaa intaas ku sii daray, “Xukuumadda waxaan ka war sugeynaa mudo seddax maalmood ah, hadii maxkamad lasoo saari waayo ciidankii dilay dadkeena gobolka Shabeellada Hoose waxaan ka bilaabeynaa dibadbaxyo iyo dagaal ka dhan ah AMISOM.”

Sidoo kale qof ka mid ahaa ehelladii maanta hadlay ayaa yiri, “Nin walaalkaa dilay oo maalin kasta ku hormaya waa dareemi kartaan, in ka badan laba bilood waxaan barkaneyn meydadka walaalaheen, hadii seddax maalmood jawaab nala sii waayo, sheekadu intii hore waa ka sii cuslaa doontaa.”

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda ayaa hal goob ku laayey dadkaan oo dhamaantood rag ahaa, kadib markii ay kala soo baxeen beer ay ka shaqeynayeen oo ku taalla duleedka deegaanka Golweyn.

Ciidanka AMISOM oo ka careysnaa weerar jid gal ah oo Al-Shabaab ay kala kulmeen ayaa dadkaas markii ay dileen kadib waxay ku qarxiyeen miino, taas oo sababtay in meydadkooda la isku soo uruuriyo oo hal jawaan lagu shubo ‘hilbahooda’ todobadii qof ee la dilay.

Hoos ka daawo