25.1 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Erdogan oo qaadacay shirka Glasgow kadib arrin lagu liidayo oo ay sameysay Britain

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta baajiyey ka qeybgalkiisa shirka COP26 ee cimilada adduunka oo ka dhacaya magaalada Glasgow ee gobolka Scotland ee dalka UK, sababo amni dartood.

Erdogan ayaa isaga oo sii koraya duulimaad ka qaaday Rome, oo uu kaga qeyb-galay shirka G20 una socda Turkey, waxa uu sheegay in abaabulayaasha shirka ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan walaacyadiisa amni. 

“Markii dalabyadeena aan la fulin, waan ka baaqanay inaan aadno Glasgow,” waxaa sidaas Erdogan kasoo xigatay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

“Tani ma quseyo oo kaliya amnigeena, balse waxay quseysaa sumcadda waddankeena,” ayuu yiri.

Wargeyska Middle East Eye ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in abaabulayaasha shirka ay xadideen tirada wafdiga Turkey ee u safraya Glasgow. 

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in dowladda UK ay xadiday tirada kolonyada babauurta ee loo ogol yahay wafdiga Erdogan, taasi oo dhalisay walaac amni. 

Turkish-ka ayaa dareemay in tallaabadan ay tahay mid lagu liidayo madaxweyne Erdogan, sababtoo ah wax xiddidaad ah laguma soo rogin wufuudda madaxda kale sida madaxweynaha Mareykanka Joe Bide iyo kan Faransiiska Emmanule Macron. 

Dowladda UK ayaa Axaddii sheegtay inay ka laabaneyso xadidaadda waxayna mas’uuliyiinta Turkey u sheegeen inay Erdogan ula macaamili doonaa sida Biden.

Si kastaba, Dowladda UK ayaa mar kale haddana is baddashay maanta, waxayna sheegtay inaan wax laga beddeli doonin nidaamkii ay u dejisay wafdiga Turkey, taasi oo keentay in Erdogan uu go’aansado inaanu shirka ka qeyb-galin. 

Turkey ayaa shirka u dirtay wafdi wasiiro iyo saraakiil kale ah, oo ku matali doona.

Baaqashada Erdogan ayaa imaneysa ayada oo dhowaanahan ay sare usii kaceysay xiisadda ka dhex oogan Turkey iyo dalalka Reer Galbeedka. 

Daawo: Dadkii ay AMISOM leysay oo saddex bil kadib maanta lagu aasay codsiga DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay meydadka 7-dii qof ee 10-kii bishii Agoosto ay ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay ehellada dadkii la dilay.

Meydadka todobadaas qof oo Juwaano lagu uruuriyey ayaa qaboojiye ku jiray in ka badan laba bilood iyo 20 cisho, waxaana maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Ehellada dadka maanta la aasay ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya, gaar ahaa wasiirka amniga Cabduallahi Maxamed Nuur uu ka codsaday inay meydadka la’aaso, islamarkaana ay ka aqbaleen.

Sidoo kale ehellada waxay sheegeen in wasiirka amiga uu ka balan qaaday in mudo seddax maalmood gudahood ah uu jawaab cad ku soo siin doono, waxayna wacad ku mareen hadii 3-daas maalmood aan lagu soo jawaab celin, inay dagaalami doonaan oo AMISOM ay ka aar guda doonaan.

“Maalinkii dadkaan ay naga dishay AMISOM waxaa laga joogaa ku dhawaad 3 bilood, intaas xuquuqdii dadkaan ayaan raadineynay, waxay AMISOM noo sheegeen lix askari inay xiran yihiin, kuwaas oo maalinkii dadkaan la dilay ciidanka hoggaaminaayey, hadda meydadkii waan aasnay, waxaana ku aasnay codsi nooga yimid wasiirka amniga oo ka socday xukuumadeenna,” ayuu yiri mid ka mid ah ehelladii warbaahinta la hadlay.

Ehellada ayaa intaas ku sii daray, “Xukuumadda waxaan ka war sugeynaa mudo seddax maalmood ah, hadii maxkamad lasoo saari waayo ciidankii dilay dadkeena gobolka Shabeellada Hoose waxaan ka bilaabeynaa dibadbaxyo iyo dagaal ka dhan ah AMISOM.”

Sidoo kale qof ka mid ahaa ehelladii maanta hadlay ayaa yiri, “Nin walaalkaa dilay oo maalin kasta ku hormaya waa dareemi kartaan, in ka badan laba bilood waxaan barkaneyn meydadka walaalaheen, hadii seddax maalmood jawaab nala sii waayo, sheekadu intii hore waa ka sii cuslaa doontaa.”

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda ayaa hal goob ku laayey dadkaan oo dhamaantood rag ahaa, kadib markii ay kala soo baxeen beer ay ka shaqeynayeen oo ku taalla duleedka deegaanka Golweyn.

Ciidanka AMISOM oo ka careysnaa weerar jid gal ah oo Al-Shabaab ay kala kulmeen ayaa dadkaas markii ay dileen kadib waxay ku qarxiyeen miino, taas oo sababtay in meydadkooda la isku soo uruuriyo oo hal jawaan lagu shubo ‘hilbahooda’ todobadii qof ee la dilay.

Hoos ka daawo

Sawirro: Somalia iyo Turkey oo wada-hadallo yeeshay xilli ay soo baxeen cabashooyin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Danjire Mehmet Yilmaz, waxayna labada masuul yeesheen kulan si qotodheer loogu gorfeeyey sii xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda heerka iskaashiga laba dhinaclaha ee dhinacyada dhaqaalaha, is-dhaafsiga ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska, iyo sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga iyo siyaabaha looga gudbi karo dhammaan caqabadaha soo wajaha arrinkan, iyo sidoo kale qaban-qaabinta booqashooyin ganacsatada labada dhinac ay is-weydaarsadaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulankaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxay Turkiga la leedahay xiriir adag oo soo jireen ah oo ku dhisan tiirar taariikhi ah oo faca weyn.”

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ahaa dowladda Soomaaliya, wixii ka dambeeyey booqashadii uu madaxweyne Erdogaan ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii , xilligaas oo xalad adag ay ka jirtay dalkeenna, isla markaana uu caalamku ka jeestay dhibaatadii ka jirtay Soomaaliya oo wajaheysay abaaro sababay macaluul daran iyo colaado daba dheeraaday.

Sidoo kale kulankaan dhexmaray safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay soo kordheysay cabashada Soomaalida ku nool dalka Turkiga, kuwaas oo lagu sameynayo musaafurin iyo dabagal adag oo dhanka sharciyada ah.

Waa kuma Mahdi Maxamed Guuleed? (Taariikh kooban)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga ugu horreeyey ee Golaha Shacabka 11-aad, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Iskool Poliisiya.

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Haddaba waa kuma Mahdi Guuleed?

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo taariikh sannadeedkii 1973 ku dhashay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu waxbarashadiisii Dugsiga hoose ka qaatay Jeneral Daa’uud, Hargeysa. Halka uu waxbarashadiisii dugsiga Dhexe kusoo qaatay Axmed Guray, Hargeysa, waxbarashadiisii dugsiga Sarena kusoo qaatay Dugsiga Maxamuud Axmed Cali, Hargeysa.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxbarashadiisii sare ku sameeyay culuumta Sharciga isagoo ku qaatay Waddanka Ethiopia, sidoo kalena waddanka Ingiriiska ayuu Mudane Mahdi kasoo baxay Jaamacadda Aberdeen ee ku taalla Scotland.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa loo magacaabay Raysal Wasaare Ku Xigeenka XFS bishii Maarso 2017, Intii uu xilkaas wuxuu shaqooyin la taaban karo kasoo qabtay dhinacyada arrimaha bulshada, tiirarka dhaqaalaha, arrimaha ammaanka iyo siyaasaddaba.

Mudane Mahdi Guled ayaa qaranka ugu soo shaqeeyay ku simaha raysalwasaaraha dalka oo uu u magacaabay 25 bishii July, 2020, madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo).

Mudane Mahdi ayaa hubin iyo taageero ku sameeyay qabyoqoraalkii Xeerka Deegaanka ee Heer Qaran, Shuruucda Qiimaynta Saameynta Bulsheed iyo mid Deegaan iyo Shuruucda La xidhiidha arrimaha deegaanka.

Mudane Mahdi ayaa la-shirgudoommiyay Shirkii Daneeyayaasha Soomaalida ee ka dhacay Brussels halkaas oo la iskula soo qaatay heshiisyo muhiim ah oo laga sameeyay dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadantinnimada.

Raysalwasaaraha ayaa kasoo shaqeeyay adeegyada dawladda iyo sidoo kale kuwa gaarka loo leeyahay labadaba. Wuxuu aqoon durugsan u leeyahay Sharciga oo kusoo shaqeeyay. Wuxuu wakhti iyo tacab muuqda geliyay hannaanka doorashooyinka ee Somaliland oo si dhaw ugala shaqeeyay Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, soo noqday Hormuudka Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa halkaas oo uu ku sameeyay horumar dhanka manhajka ah sidoo kalena uu kor u qaaday tayada kulliyadda iyo Jaamacadda Guud ahaan.

Kahor inta aanu xilka Raysalwasaaraha qaban, mudane Mahdi Guled wuxuu la taliye barnaamij u ahaa Interpeace, oo ah hay’ad calami ah.

Raysalwasaare kuxigeen, Mahdi, waa aabbo dhalay 8 carruur ah.

ABIY oo soo saaray farriin guul-darro iyo Tigray-ga oo qabsaday magaalooyin kale

Dessie (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray-ga ayaa Axaddii ku dhowaaqay inay qabsadeen magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga Ethiopia, hase yeeshee dowladda ayaa beenisay ayada oo sheegtay inay “dagaal xooggan kaga jirto magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie.”

Haddii la xaqiijiyo qabsashada Kombalcha, oo imaneysa maalin kadib markii mucaaradka ay sheegeen inay qabsadeen Dessie, waxay ka tarjumi doontaa horumar deg deg ah oo ay TPLF ka sameeyeen dagaalka muddada sanadka ah socda.

“Si buuxda ayaan u maamuleynaa Komblacha,” waxaa sidaas yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda oo qoraal soo dhigay twitter, taasi oo ka dhiggan duulaan weyn oo ay qadaeen mucaaradka kadib markii ay inta badan gobolka Tigray kasoo saareen ciidamada federaalka bishii June. 

Hase yeeshee afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa shir jaraa’id ku sheegay “in dagaal xooggan uu ka socdo Dessie iyo Kombolcha.”

Dagaalka magaalada Kombolcha, oo ku taalla koonfurta Dessie, ayaa abuuray hadal ku saabsan in TPLF ay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Getachew ayaa sheegay in TPLF “aysan laheyn wax ujeedo ah oo aan ka aheyn inay go’doominta ka qaado” gobolka Tigray, oo ay ka jirto xaalad bani’aadamanimo oo daran.

Gudaha Kombolcha, Semira oo ah 36 jir degan magaalada, ayaa sheegtay inay ciidamada mucaaradka Axaddii ku aragtay waddooyinka kadib markii ay kusoo tukatay masjid.

“Waxaan sidoo kale arkay ciidamo baabuuro uga baxaya magaalada,” ayey u sheegtay AFP.

Dukaan iibiye ku sugan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Hamdiu ayaa sidoo kale sheegay inuu arkay ciidamada dowladda federaalka Ethiopia oo baabuuro xamuul ah uga baxaya magaalada.

Qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.”

“Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara. 

Maamulka Amxara — oo magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ay ku yaallaan – ayaa Axaddii soo saaray wareegto lagu amray in dhammaan hay’adaha dowladda ay joojiyaan adeegyada caadiga ah, ayna miisaaniyaddooda iyo dareenkooda u weeciyaan “olole badbaado ah.”

Qeybo kale oo ka mid ah gobolka Amxara, mucaarad ka yimid Oromia oo xulufo la ah TPLF ayaa iyagana sheegtay inay qabsadeen dhul ay ka saareen ciidamada dowladda.

Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed.

Rooble oo farriin culus diray kadib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dugsiga tababarka ee Janaraal Kaahiye.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo Biixi Iimaan Cige oo kusoo baxay labadii kursi ee la qabtay doorashadooda.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan-yahay in la bilaabo doorashada Golaha Shacabka, isaga oo xubnaha la doortay u rajeeyey inuu Alle la garab galo mas’uuliyadda

“Waxaan hambalyo u dirayaa 1. Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo 2. Xildhibaan Biixi IImaan Cige oo maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarreeya ee doorashooyinka.

Sidoo kale Roobe ayaa intaasi kadib, farriin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday inay guda-galaan doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa marar badan dib uga dhacday in la qabto waqtigii loogu talagalay, hayeeshee maanta ayey si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho.

Muxuu Mahdi Guuleed ka yiri guushii uu gaaray maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay guushii uu maanta kasoo hooyay kursiga ugu horreeya ee Golaha Shacabka, oo ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Jeneraal Kaahiye.

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna ku soo baxay codad aad u badan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in si rasmi ah u bilaabato doorashada Golaha Shacabka oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

“Guul ayaa noo bilaabatay in aan maanta furno oo daahfurno doorashada Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Somaliland ahaan waa noo bilaabatay maanta waana wadi doona illaa ay dhamaadaan 44 kursi ee haray,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

“Waxaa rajeynaya inay bilaaban doonaan doorashada Golaha Shacabka ee xildhibaanada ka imanaya dowlad goboleedyada kale iyo banaadirigaba si ay noogu soo gaba-gabowdo doorashada Golaha Shacabka.”

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey doorka Ra’iisul Wasaaraha, guddiga doorashooyinka Somaliland iyo midka federaalka uu ka qaatay qabsoomida doorashada Somaliland, oo bilihii dambe uu hadheeyay muran baahsan.

“Waxaa leeyahay hambalyo guul ayaa noo bilaabatay guul taariikhi ah. Inta aan qaban xilka Ra’iisul wasaare kuxigeenka waxaa ka shaqeyn jiray doorashooyinka, waana tubta keli ah ee lagu cusbooneysin karo dowlad.”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa maanta helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la filayey, maadaama uu isagu keensaday gabadha la tartameysay.

Xildhibaanadii ugu horeeyey golaha shacabka oo maanta lagu doortay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga ugu horreeya ee Golaha Shacabka 11-aad, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Iskool Polisiya 

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la filayey, maadaama uu isagu keensaday gabadha la tartameysay.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Biixi oo horay ugu fadhiyey kursigan ayaa ka adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi (Somaliland), Khadar Xariir Xuseen oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Biixi Iimaan Cige uu helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu isna keensaday 9 cod, sidoo kale waxa halaabay 1 cod.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhacday ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa markale lasii amba qaadayaa, iyada oo maalmaha soo socda la guda-gali doono doorashada xubnaha kale ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedyada, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

Mahad Salaad oo weerar ku qaaday siyaasiyiin dhowr ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa weerar afka ku qaaday Siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin xiisada ka dhaxeysa Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug.

Mahad Salaad ayaa waxa uu Siyaasiyiintaas ugu baaqay inay faraha kala baxaan xiisada ka taagan Galmudug, islamarkaana aan la garab siin hogaanka Ahlu-Sunna oo uu sheegay inay ku soo duuleen nidaam dhisan.

“Nimankan qeylinaya walaalayaalow haddii ay fiican yihiin wadaado in qori loo dhiibo oo xukun meel ka jira afduubtaan horta deegaanadiina kasoo sameeya kadib baa Guriceel iyo Dhuusamareeb ka hirgelinayna,” ayuu yiri Mahad Salaad..

“Walaalayaal fidno ha noo keenin dadkaan deegaankiisa waa joogan ayaga ayaa yaqaan maslaxadooda, ayaga horumarkooda ka shaqeynaya, dhibkiina iyo shidadiina naga daaya, haddii siyaasad dad isku haysaan meeshay jiraan aada.”

Mahada Salaad ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda in wada-hadal lala galo hogaanka Ahlu-Sunna, ayada oo la rumeysan yahay in degmada Guriceel uga baxeen si miiska is-fahamka wax loogu dhameeyo.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli labada dhinac uu gudi ka dhex wado waan-waan lagu rabo in lagu soo afjaro xiisada maalmo ka hor isku rogtay dagaal uu ka dhashay khasaare badan.

Muxuu Lafta Gareen ka yeeli doonaa qorshaha Shariifka?

0

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa gacantiisa ku hartay 69 Xildhibaan oo golaha shacabka ah, kadib markii uu si aad loo dhaliilay isku dhaafiyey 8-dii Senator ee deegaan doorashadoodu aheyd K/Galbeed.

Xubnaha raadinaya kuraastaas ee Lafta Gareen uu wajahayo sanadkaan waxaa ku jira afar siyaasi oo horay u soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo kala,  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Seddex kamid afartaan xubnood xildhibaano ayey ahaayeen afartii sano ee lasoo dhaafay, balse Shariif Xasan waxaa kursigiisa ku fadhiyey wiilkiisa.

Sanadkaan waxaa si weyn isha loogu wada hayaa sida uu lafta Gareen u maareyn doono afartaas siyaasi ee cabqariyiinta ah.

Waxaa lagu eedeeyaa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed inuu ka cararo waayo-aragnimada iyo dadka leh saaxiibada siyaasadda. Doorashadii Aqalka Sare waxa uu badalay 7 Senator.

Dadka uu keenay Aqalka Sare oo aan badi siyaasadda raad ku laheyn waxay daaha ka qaaday cabsida uu ka qabo waaya aragnimada iyo siyaasiyiinta miisaanka leh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Baydhaba tagay Shariif Xasan Sheekh Aadan, seddex sano ku dhawaad waa booqashadiisii koowaad ee Gobolkaas tan iyo markii cadaadis uu saaray maamulka Farmaajo iyo ciidanka Itoobiya, xilligii uu ahaa madaxweynaha K/Galbeed, waxuuna hoggaanka maamulkaas tartankii doorashada Koonfur Galbeed oo Villa Somalia ay ku gacan sareysay.

Shariif Xasan waxaa lagu tilmaamay nin culus oo weli tiirar siyaasadeed ku leh dalka, inkasta oo uu yahay musharax madaxweyne, hadana Shariif Xasan biyo dhammaadkiisa waxaa loo arkaa xildhibaanimo iyo inuu mar kale noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inkastoo uusan helin soo dhaweyntii uu mudnaa hoggaamiye dib ugu soo laabtay halkii uu waqtiga dheer madaxda ka ahaa haddana waa kulmeyn isaga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay ammaankiisa sugeen. Banaanka madaxtooyada Koonfur Galbeed ayey dad badan ku sugayeen si ay dib ugu arkaan hoggaamiyihii dhidibada u taagay maamulka Koofur Galbeed.

Kooxda ololaha ee Shariif Xasan oo aan waydiinay ujeedka safarkiisa ee Gobolka waxay sheegeen inuu la xiriiro is xogwareysi uu la yeelanayo bulshada Gobolka iyo raadinta kursiga xildhibaanimo ee jufadiisa.

Haddaba su’aasha sida weyn la isku waydiinayo waxay tahay Lafta Gareen ma ogolaan doonaa inuu Shariif Xasan soo qaato kursi xildhibaanimo mise waa la diriri doonaa?

Xog-ogaalnimada gudaha waxay sheegeysaa in Lafta Gareen uu sanadkaan ajande weyn ka leeyahay kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xisaab ahaan reerkaan ku suntanaa waqti aad u fog.

Shariif Xasan haddii uu xildhibaanimo soo qaato waa iska caddahay inuu u tartami doono guddoomiyaha Golaha Shacabka ayey leeyihiin dadka sida weyn u faaqida siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale, inuu Shariif Xasan mar kale soo fuulo Ringaha siyaasadda waxay halis ku tahay siyaasiyiin badan oo miisaan kumeel gaar ah ku yeeshay siyaasadda Koonfur Galbeed Afartii Sano ee lasoo dhaafay.

Dadka yaaqana Cabdicasiis Lafta Gareen waxay sheegayaan inuu isku dayi doono inuu la diriro Shariif Xasan iyo inta badan xubnaha sida weyn loo yaqaan ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed si uu isaga usii ahaado Kaadirka ugu weyn ee wax laga waydiinayo siyaasadda Koonfur Galbeed.

Inkasta oo ay adag tahay in qof si toos ah looga hor istaago inuu u tartamo kursiga xildhibanimo ee golaha Shacabka, haddana madaxda maamulada waxay naqtiimin karaan casharada doorashadii 2016 markaas oo si toos ah boobay kuraas badan iyadoo la sameystay Ergo been ah.

Shacabiyadda weli nool ee Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo cilaaqaadka uu la leeyahay siyaasiyiinta kale ee kasoo jeedo maamulada dalka ayaa haddii uu kursiga xildhibaanimo soo helo waxay usii carfineysaa kursiga guddoonka Baarlamaanka.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda Koonfur Galbeed waxay leeyihiin Lafta Gareen wuxuu arkayaa Hir kusoo socda, lamana yaqaano sidii uu u maareyn doono culeyska Shariifka, laakiin waxay u badan tahay inuu qaadi doono tallaabo liddi ku ah damaciisa.

Dadka Reer Koonfur Galbeed ayaa si gooni ah isha ugu hayo kursigaas.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo soo saaray habraac cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa maanta soo saaray habraac cusub oo loo marayo soo gudbinta dacwooyinka ka dhasha Kuraasta Golaha Shacabka oo isla maanta ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in illaa muddo 7 cisho ah uu baarayo, marka dacwadda lasoo gaarsiiyo, lana waafajiyo habraaca ay soo saareen.

Sidoo kale guddiga ayaa ku wargeliyey musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan sida loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado.

Habraacan ayaa daba socda mid ay soo saareen Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed oo ku aadan xallinta cabashada doorashooyinka, waxaana qodob ka mid ah ka horyimid guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Doorashada xildhibaada Golaha Shacabka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu daah-furayaa labo kursi oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso oo ah dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

MUUSE BIIXI oo xil ka-qaadis iyo magacaabis sameeyey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa goordhaw wareegta uu soo saaray waxa uu amray in wasiirka Warshadda Horumarinta reer miyiga ee Somaliland uu sii ahaado Axmed Aadan Jaamac, halka wareegtada madaxweynaha lagu magacabay gudoomiyayaasha gobalada Sool iyo Gabileey.

Muuse Biixi ayaa Cabdiqani Maxamuud Jidhe u magacabay guddoomiyaha gobalka Gabiley ee Somaliland halka Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye uu u magacabaay guddoomiyaha goablka Sool ee Somaliland.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Muuse Biixi

Markuu Arkay: Dastuurka  Somaliland, Qodobka 90aad;

Markuu Arkay:  Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markuu  Arkay: Muhiimadda ay yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u leedahay Dhismaha Xukuumadda uu go’aamiyay Madaxweynaha Somaliland  in Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland.

Sidoo kale Madxweynaha Soomaliland Muuse Biixi ayaa Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool u bedelay in laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland, halka Guddoomiyihii Gobolka Gibiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar , waxaana tallaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay uu Madaxweynaha Somaliland sameeynayay xilka qaadis & magacaabis.

Hoggaamiyiha ugu sarreeya Taalibaan ee mudada la la’aa oo kasoo muuqday fagaare

Kandahar (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ugu sareeya Taalibaan, Haibatullah Akhundzada ayaa kasoo muuqda meel fagaare ah oo ku taalla koonfurta magaalada Kandahar, kadib markii la faafiyey warar sheegaya inuu geeriyooday.

Akhundzada, oo loo yaqaano hogaamiyaha aaminka ah ama Amirul Mu’miniin, laguma arag meel fagaarayaasha tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay awooda dalka Afghanistan bishii Agoosto ee sanadkaan, taas oo dhalisay mala-awaalka geeridiisa.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo la socday Akhundzada ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya kooxda uu booqday maalintii Sabtida aheyd iskuul diimeed ku yaalla magaalada Kandahar oo lagu magacaabo Jamia Darul Aloom Hakimia.

Ammaanka goobta uu booqday hoggaamiyahaan ayaa aad loo adkeeyay, mana jiraan wax sawirro ama muuqaallo ah oo laga qaaday, balse waxaa baraha bulshada ee Afganistaan lagu faafiyey cod 10 daqiiqo ah oo uu hoggaamiyaha jeediyey.

Inkastoo kooxda Taalibaan ay Bishii September ku dhawaaqday xukuumad markii ay dalkaas isaga baxeen ciidamadii uu hoggaaminayey Mareykanka, hadana Akhundzada wuxuu weli sii hayaa xilkii loo dhiibay sanadkii 2016-kii, kaas oo siinaya go’aanka ugu dambeeya ee kooxda, sida go’aannada dhanka Siyaasadda, Diinta iyo Arrimaha Milatariga.

Saraakiisha qaar ayaa sheegaya in Akhundzada uu sameeyay muuqaalo aan hore loo shaacin, balse kani waxuu ahaa codkii ugu horreeyay oo si rasmi ah loo shaaciyo, maadaama aan muddo badan warkiisa la helin, taas oo keentay in si joogto ah loo hadal hayo halka uu ku sugan yahay iyo caafimaadkiisa.

Taalibaan ma aysan xaqiijin geerida aasaasihii iyo hogaamiyahoodii ugu sareeyay, Mullah Omars sanado badan, waxaana jiray shaki ku aadan in hoggaamiyihii badalay ee Akhundzada uu isna geeriyooday lana qarinayo geeridiisa.

Akhundzada oo ahaa nin caan ah oo dhanka Diinta ku fiican ayaa si deg deg ah xukunka ula wareegay sanadkii 2016-kii, markaas oo duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka lagu dilay hogaamiyihii ka horreeyay, Mullah Akhtar Mansuur.

Kadib markii Akhundzada loo magacaabay hogaamiyaha Taalibaan waxa uu helay taageerada hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri, kaas oo ammaan ugu qubeeyey wadaadka, isaga oo ku tilmaamay “Amiirka mu’miniinta.”

Akhundzada waxaa loo xilsaaray mideynta dhaq-dhaqaaqa Taalibaan oo muddo kooban burburay intii lagu jiray loolankii qaraaraa ee ka dhashay dilkii Akhtar, iyo shaacinta geerida hoggamiye Cumar oo muddo sanado ah la qarinayey.

Muuqaalkiisa guud wuxuu inta badan ku koobnaa sii deynta fariimaha inta lagu jiro ciidaha Islaamka, waxaana Akhundzada la rumeysan yahay inuu inta badan waqtigiisa ku qaato Kandahar, oo ah magaalada ugu weyn ee ku taalla koonfurta wadanka Afghanistan oo ay ku xoogan tahay kooxda Taalibaan.

Farriintiisii ugu dambaysay waxay ahayd 7-dii Sebtembar, markaas oo uu u sheegay xukuumadda cusub ee Taalibaan loo soo magacaabay ee Kabul inay ilaaliso shareecada Islaamka, maadaama ay maamulayaan Afgaanistaan.

Mullah Yussef Wafa, oo ah guddoomiyaha Taaliban ee Kandahar, isla markaana ay aad isugu dhow yihiin Akhundzada, ayaa u sheegay wakaalada wararka France-Presse todobaadkii hore inuu si joogto ah ula xiriiro hogaamiyahiisa.

“Waxaan la leenahay shirar joogto ah oo ku saabsan xakamaynta xaaladda Afgaanistaan iyo sidii loo samayn lahaa dawlad wanaagsan,” ayuu yiri Mullah Yussef Wafa.

“Maadaama uu yahay macalinkeena, iyo macalinka qof walba, waxaan isku dayeynaa inaan wax ka baranno isaga” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

“Wuxuu talo siiya hoggaamiye kasta oo ka tirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan, waxaana raacaynaa xeerarkiisa iyo taladiisa, haddii aan helno dowlad horumarsan mustaqbalka waa taladiisa.” ayuu mar kale yiri Mullah.

Doorashada golaha shacabka oo maanta billaabaneysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabaneysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu daah-furayaa labo kursi oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Labadaan kursi waxaa isku soo sharraxay oo is diiwaan-geliyey illaa afar musharrax oo uu ku jiro ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso oo ah dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobta ay doorashada ka dhaceyso waxaa sidoo kale shalay kormeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo boggaadiyey qaabka ay wax u socdaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedyada, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

Biixi Iimaan oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Biixi Iimaan Cige ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Biixi oo horay ugu fadhiyey kursigan ayaa ka adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil,  kaas oo kula tartamay doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi (Somaliland), Khadar Xariir Xuseen oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Biixi Iimaan Cige uu helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu isna keensaday 9 cod, sidoo kale waxa halaabay 1 cod.

Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa noqonaya Mudanihii labaad ee loo doortay Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Mahdi Maxamed Guuleed oo ku soo baxay kursigii koobaad.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa markale lasii amba qaadayaa, iyada oo maalmaha soo socda la guda-gali doono doorashada xubnaha kale ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedyada, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

Koofi oo ka jawaabay xil ka-qaadistii lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii maanta xilka laga qaaday ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneyl Maxamed Aadan Koofi ayaa ka soo jawaabay xil ka qaadistii lagu sameeyey, waxuuna sheegay inuu ku qanacsan yahay tallaabadaas, isla markaana uu aaminsan yahay in shaqada dowladda ay meerto tahay.

“Xilalka iyo Shaqada Dowladda oo meerto ah awgeed, waxaan soo dhoweynayaa xil ka qaadistayda iyo magacaabista Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdulkadir Cilmi, waxaana ugu duceynayaa in uu Allah ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmadey,” ayuu yiri Col. Koofi.

Maxamed Aadan Koofi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa madaxda Qaranka ku amaanay in hey’adda ay u soo xuleen nin dhalinyaro ah oo uu aaminsan yahay in shaqadaas uu kasoo bixi karo.

“Mahad iyo bogaadinna waxaan u soo jeedinayaa madaxda Qaranka oo hay’adda u soo xuley nin dhalin yaro ah oo aan aaminsanahay in uu halkii ka sii wadi doono howlaha hay’adda. Dowladnimada ayaa naga badan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasimihii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Kulanka aan caadi aheyn oo maanta duhurkii ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada XFS ayaa waxaa lagu ansixiyey xil ka qaadista Agaasime Koofi, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali, sidoo kale golaha Agaasimihii hore Koofi uga mahadceliyay howshii u soo qabtay mudadii uu xilka hayey.

Ra’iisul wasaaihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid ayaa Koofi 26-kii July sanadkii 2016-kii u magacaabay xilkaan maanta laga qaaday, waxuuna Koofi ka mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee lasoo wada shaqeeyey xukuumadihii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Khadiija Maxamed Diiriye oo beesha reer abtiyaasheed uga digtay ‘arrin ay wadaan’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baaramaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay jiraan faragelin ay abtiyaasheed ku hayaan kursigan xildhibaanimo oo ay ku fadhiso.

Wasiir Khadiija oo ay dhinacyada ka fadhiyeen haweyn ay ku sheegtay inay yihiin kuwa habaryar u ah ayaa sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay kasoo jeedaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe islamarkaana ay iyada leeedahay HirShabelle.

Waxay sheegtay in hooyadeed ay kasoo jeedo Hawiye, Hiraab, Mudulood halka ay tilmaamtay in aabaheed uu kasoo jeedo Beesha Yaxar oo labaduba saami qeybsi ku leh maamulka HirShabelle.

“Aniga hooyadeey iyo aabahey waxay kasoo jeedaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waxaa si cad oo aan leex leex laheyn u dhihi karaa HirShabelle anigaa iska leh oo kasoo jeedo, kursigeyga laguma dhici karo mana dhici karaan reer abitgeey,” ayey tiri wasiir Khadiija.

Waxay sheegtay inay jiraan dad isku dayaya inay boobaan kursigeeda kuwaas oo ay ku eedeysay inaysan waligood qof xil u raadin ayagana aysan helin 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Soomaaliya waxaa wax lagu qeybsadaa 4.5, aniga cidda aan kursiga ugu fadhiyo ee Yaxar ayaa isoo hormariyey, ayagaa kursigaan i siiyey mana jirto cid iga qaadi karto, waana qalad in qolo kale ay kusoo xad gudubto kursiga beesheeda,” ayey tiri mar kale Khadiija Diiriye oo u muuqato inay culeys kala kulmeyso Mudulood.

Waxay ku faantay in aabaheed iyo awoowayaasheed ay ahaan jireen madaxda hoggaamiso beesha ay kasoo jeedo ee Yaxar halka ay sheegtay in dhanka yooyadeedna ay yihiin reer waligood hoggaanka u heyn jiray dumarka Soomaliyeed.

Hadalka wasiir Khadiija Diiriye ayaa kusoo aadayo xilli ay socdaan olole looga soo horjeedo inay mar kale kusoo baxdo kursiga Xildhibaanimo ee beesheeda.

Dhawaan ayey aheyd markii odayaal kasoo jeedo beesha Yaxar ay sheegeyn in Khadiijo Diiriye aysan dhaxal u laheyn kursiga ay ku fadhiso isla markaasna aysan jirin go’aan ay beesha ku gaartay inay iyada kaligeed kursiga iska heysato.

Xukuumadda oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba agaasime iyo guddi wasiiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir ay ku ansixiyeen ilaa seddax ajende oo kala ah ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka, Agaasime cusub oo loo magacaabay hey’adda Socdaalka iyo guddi wasiirro ah oo loo xil-saaray daba-galka wareegtadii hakinta iibka dhulaalka ee Madaxweyne Farmaajo soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyey kulankii ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirradaSoomaaliya, kaas oo la isaga wareystay xaaladda guud ee dalka.

Ugu horeyn Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay warbixinta maaliyadeed ee dalka, waxaana kulanka lagu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda, waa 2022-ka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasaaradda ku bogaadiyey kororka miisaaniyadda iyo qaabka ay ugu soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda ayuu u mahad-naqay Rooble.

Sidoo kale Golaha ayaa kulankii maanta ku ansixiyey in Cabdulqaadir Cilmi Cali loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka., waxayna uga mahad-celiyeen Agaasimihii hore ee hey’adda Maxamed Aadan Koofi shaqadii uu soo qabtay.

Isla kulankii golaha wasiirrada waxaa sidoo kale maanta lagu ansixiyey guddoonka hay’adda batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Cabdulqaadir Aadan Maxamuud iyo Guddi wasiirro ah oo loo xilsaaray fulinta wareegtadii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud ah.

Xubnaha guddigaas oo ka kooban afar Wasiir ayaa kala ah:

1 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xusen  Afrax Guddoomiye
2 –Wasiirka Cadaaladda  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xubin
2 – Wasiirka Amniga Gudaha  Cabdulaahi Maxamed Nuur, Xubin
4 – Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi  Abuukar, Xubin

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

R/W ROOBLE oo guddi u magacaabay wareegtadii kasoo baxday FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi wasiiro ah oo shaqadiisu tahay fulinta xeerkii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray ee Ilaalinta dhulalka danta guud.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo tixraacaya xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la xiriiray Ilaalinta dhulalka danta guud ayaa magacaabay Guddiga Fulinta xeerkii madaxweyne,”

Guddiga ayaa kala ah:

1- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax Gudoomiye
2- Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur
3- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur
4- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab).

Wareegtadii uu Farmaajo soo saaray 27-kii bishan ayaa qorneyd sidan:-

Wargeeto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud; 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed. 

4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab. 

5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

DHAMMAAD

Sawirro: ROOBLE oo tegay xarunta ay ka dhaceyso doorashada BF ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso  doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), taas oo berri ka bilaabaneysa Muqdisho.

Xaruntaan ayaa ku dhex-taalla dugsiga tababarrada booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha maanta ku wehliyey kormeerka ku tagay goobta ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada gobollada Waqooyi oo dhawaan la shaaciyey habraaceeda.

Kormeerka uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagay dugsiga tababarka Boliiska ee General Kaahiye ayaa waxa uu u daarna u kuur-galida qaabka loo sugayo amniga goobtaas iyo dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinka oo Booliska u xilsaaran yahay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay si wadajir ah usoo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, kadib khilaaf muddo ka dhex aloosna.

Sidoo kale waxa uu Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska, si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Boliiska.

Xijaar ayaa inta badan kormeer ku taga goobaha ay ka qabsoomayaan doorashooyinka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, waxaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo gudo galo doorashada Golaha Shacabka.