25 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Sawirro: ROOBLE oo tegay xarunta ay ka dhaceyso doorashada BF ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso  doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), taas oo berri ka bilaabaneysa Muqdisho.

Xaruntaan ayaa ku dhex-taalla dugsiga tababarrada booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha maanta ku wehliyey kormeerka ku tagay goobta ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada gobollada Waqooyi oo dhawaan la shaaciyey habraaceeda.

Kormeerka uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagay dugsiga tababarka Boliiska ee General Kaahiye ayaa waxa uu u daarna u kuur-galida qaabka loo sugayo amniga goobtaas iyo dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinka oo Booliska u xilsaaran yahay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay si wadajir ah usoo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, kadib khilaaf muddo ka dhex aloosna.

Sidoo kale waxa uu Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska, si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Boliiska.

Xijaar ayaa inta badan kormeer ku taga goobaha ay ka qabsoomayaan doorashooyinka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, waxaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo gudo galo doorashada Golaha Shacabka.

KOOFI oo XILKA laga qaaday iyo golaha wasiirada DF oo magacaabay agaasime cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka aan caadi aheyn ee maanta duhurkii ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada XFS ayaa waxaa lagu ansixiyey xil ka qaadista Agaasimihii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Golaha uu sidoo kale ansixiyey magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’addaas oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali.

“Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & linsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay” adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble.

Kulanka maanta ee Golaha ayaa ahaa mid aan caadi aheyn, waxaana Wasiirada xalay saq-dhexe loo diray farriin loogu wargelinayo kulanka maanta oo qabsoomay labadii duhurnimo.

Kulankan ayaa daba socda shirkii Khamiistii dib loo dhigay oo todobaad kastaa ay yeeshaan xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu gorfeeyo xaaladda guud ee dalka.

Koofi ayaa ka mid ahaa agaasimayaashii ugu xilka dheeraad ee soo maray dowladda federaalka, wuxuuna xilka hayey xilligii Xasan Sheekh, wuxuuna markii uu Farmaajo yimid noqday dad faro ku tiris ah oo aan xilkooda la taaban.

Sheekh Bashiir oo war kasoo saaray ‘arrin munkar weyn ah’ oo kusoo korortay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa markii u horeysay ka hadlay bandhig dharka lagu xayeysiinayo oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Sheekh Bashiir oo la hadlay idaacada KNN ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay bandhig dharkaas lagu xayeesiinayay oo ay ku soo wada bandhigayeen dad iskugu jira rag iyo dumar.

“Runtii waa munkar weyn maxaa yeelay Ilaahay SWT waxa uu na amraya in indhaha laga laabto jinsiga kale, waxay midaasina u saacideysa in uu indhaha ka laabto inuu dhowrsanaado,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Waa macsidii oo la amaanayo oo loo sacabinayo, waana ka digeyna waxaana leenahay dadka noocaas ah Ilaahay ha ka baqaan, markaa waa ka digeyna si kale ha loo shaqeysto oo ha loo xamaasho.”

Sidoo kale wuxuu u digay dadka bandhigyada noocaas ah soo abaabula, isagoona faray in si kale wax u soo bandhigaan oo ka madhan xaaraan iyo in la soo minguuriyo dhaqan gaalo, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii gaalada dhaqankooda iyo afkaartooda la qaato hadda kadibna caqiidadooda la qaadanaya, markaa sheygii xaaraanta ah haddii laga dhigayo xalaal oo la soo bandhigo oo la iskugu imaanayo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in waxa Diinteena Islaamka naga xaraantimeysay aan la xalaashan, islamarkaana aan laga baayacmushtarin dadka diintooda iyo akhlaaqdooda.

Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Ahlu-Sunna oo shaaciyey sir u qarsaneyd kooxda (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Macalin Cabdi Diiriye oo kamid ah Golaha sare ee Ahlu-Sunna ayaa shaaciyey qorshe qarsan oo qaar kamid ah xubnaha ururka ay dejiyeen kaasi oo ay bulshada ugu maran habaabiyeen xiisadii ka dhex aloosneyd ururka iyo maamulka Galmudug.

Sheekh Diiriye ayaa sheegay inaysan jirin duulaan lagu yahay caqiidada, taasi oo ay hore u sheegen qaar kamid ah Culima’udiinka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, si ay shacab badan u dagaal-geliyaan.

“Marka ay arkeen in ciidamadii furimaha cadowga ku horjoogay loo daabulayo si loogu dagaalamo Culima’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, markay arkeen fatwooyinka is-daba jooga ah ee lagu baneysanayo dhiiga Culima’udiinka Ahlu-Sunna, waxay isla qaateen in uu yahay mid ku saleysan caqiido” ayaa lagu yiri 22-kii bishaan war-saxaafadeed ay soo saareen qaar kamid ah culima’udiinka Ahlu-Sunna.

Sheekh Diiriye oo ah xubin ka tirsan Golaha sare ee ururka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xiisadaas lagu tilmaamo mid caqiido, islamarkaana la kiciyo dadka.

“Ahlu-Sunna Waljamaaca laguma soo duulin oo diin laguma soo duulin, waxaa lagu kicinayay dadka. Dad badan ayaa run u qabay oo ayaga sidaas ku dhintay hadda oo dagaalka qeyb uga ahaa,” ayuu yiri Sheekh Macalin Diiriye.

“Siyaasiyiintan mansab raadiska waxay rabaan toos ha u sheegtan, magacan la dhibaateyay ma qaadi karo dhibaato kale walaalayaal mid kale la baxa oo ha ka dhigina magaca mid umadda ka cararto.”

Hadalkan ayaa waxa uu banaanka u soo saaraya in Ahlu-Sunna ay wajaheyso kala qeybsanaan weyn, kadib markii ay markale kusoo labo kacleeyen deegaanada maamulka Galmudug oo hore looga adkaaday.

Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Lubnaan oo weji cusub yeelatay iyo dalal ku biiray

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii u yeertay diblomaasiyiinteeda Beirut ayada oo “garab istaag” u muujineysa Sacuudi Carabiya kadib markii wasiir reer Lubnaan ah uu cambaareeyey howlgalka Riyadh ay hoggaamiso ee Yemen.

Murankan, oo sidoo kale dhaliyey in Sacuudiga ay mamnuucaan badeecadaha looga soo dhoofiyo Lubnaan, iyo in Kuwait iyo Bahrain ay u yeertaan safiiradooda, ayaa dhabarjab weyn ku ah dal markii horeba wajahayey burbur dhaqaale.

Lubnaan ayaa isku haleyneysay kaalmo maaliyadeed oo ay ka hesho dalalka Khaliijka si ay u badbaadiso dhaqaalaheeda.

“Imaaraadka Carabta waxay ku dhowaaqeysa lasoo bixitaanka diblomaasiyiinteeda Lubnaan si ay taageero ugu muujiso dowlad aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kadib hadalkii aan la aqbali karin ee saraakiisha Lubnaan ee ku wajahnaa Sacuudi Carabiya,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Muwaadiniinta Imaaraadka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u safraan Lubnaan.

Xiisaddan ayaa qaraxday markii Sacuudiga ay u yeerteen safiirkooda Lubnaan, kuna amreen kan Lubnaan inuu dalka uga baxo 48 saac gudahood.

Saacado kadib Bahrain ayaa ku xigsatay, ayada oo sidoo kalena Lubnaan ay Sabtidii ku dhowaaqday tallaabo taas la mid ah.

Xiisadda ayaa ka dhalatay wareysi toddobaadkii tegay lasii daayey oo wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi uu ku cambaareeyey howlgalka militari ee Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Yemen.

Hadallan oo la duubay bishii August hase yeeshee lasii daayey Isniintii tegtay, ayaa Kordahi wuxuu dagaalka toddobada sano socda ee Yemen ugu yeeray “mid macno-darro ah”, wuxuuna sheegay in “la joogo watqigii lasoo geba-gebeyn lahaa.”

Waxa uu sheegay in mucaaradka Xuutiyiinta Yemen “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray “in guryo, tacsiyo iyo xaflado meher ay duqeeyaan” isbaheysiga Sacuudiga.

AFP + VOA

Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka horyimid habraacii ay soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa war kasoo saaray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan bilaabaneysa, gaar ahaan mida gobollada waqooyi ee Somaliland.

Ugu horreyn guddiga ayaa ka horyimid habraaca ay shalay si wadajir u soo saareen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan kuraasta gobollada waqooyi.

Guddigu wuxuu sheegay in qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee habraacan uu ka hor imaanayo mas’uuliyadda loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka ee ah inay iyaga go’aan kama dambeys ka gaaraan cabashada ka dhalata doorashooyinka, halka habraaca lagu sheegay inay xallin doonaan wixii tabasho ah guddoonka sare ee doorashada Somaliland.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka.

“Habraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ee gobollada waqooyi (Somaliland) ee soo baxay tr: 30/10/2021, qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee u qoran sidatan (wixii khilaafaad ah ee ay guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxa xallin doona oo go’aan kama dambeys ah ka gaaraya guddoonka sare ee doorashooyinka Somaliland). Wuxuu caddeynayaa in qodobkan uu si toos ah uga hor imaanayo mas’uuliyaadka loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka dabadan 2020,2021,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka.

Qoraalka guddiga oo maanta soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in marwalba la dhowro heshiiska ay doorashada ka gaareen golaha wada-tashiga qaran.

”Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashada wuxuu xasuusinaynaa guddiyada maamulaya doorashooyinka heer dawlad goboleed (SEIT) iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal (FET) in ay dhawraan dhamaan heshiisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan war-murtiyeedkii shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulista ergooyinka doorashada iyo qodobkiisa saddexaad ee hindisaha daahfurnaanta doorashada 2021″ ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ugu baaqay guddoonka sare ee doorashada kuraasta Somaliland inay saxaan khaladaadka ku jira habraaca doorashada golaha shacabka gobolada waqooyi, siiba qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad.

GALMUDUG oo shaacisay in dhaawacyadii Ahlu Sunna la geeyey magaalada Garowe

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Axmed Mire Faafaale oo ah wasiiru dowladaha wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladda dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Guriceel ee la geeyey Gaalkacyo, kadib booqasho oo uu wasiirku ku tegay isbitaallada lagula tacaalayo xaaladda dadaasi oo askar u badan.

Faafaale ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay dhaawacyadeeda geysatay deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Garoowe iyo waqooyiga Gaalkacyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta badan dhaawacyada kooxdaasi runtii waxaa la geeyay sida aan ka warhayno waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland sida Garoowe,’ ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawacyada la geeyey dhinaca isbitaallada Galmudug, si isku mid ah loo daaweynayo, iyada oo aan loo eegeyn aragtida ay aaminsan-yihiin.

“Dhaawacyadii soo gaaray isbitaaladda Galmudug si sax ah oo siman oo cadaalad ah ayaa loogu adeegay lamana takoorin, lama dhibaatayn waana waajib wasaaradda saaran oo uu bixiyay madaxweynaha Galmudug” ayuu yiri wasiir Axmed Mire Faafaale.

Guddoomiyaheeda gobolka Mudug ee Puntland ayaa horey u beeniyay inay garab siiyeen Ahlu Sunna, kadib dagaallo ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay mas’uuliyiinta labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa eedeyno isku marinayey warbaahinta, kuwaas oo la xiriira dagaalkii Guriceel.

Ahlu-Sunna oo isku tegay meel u dhow Dhuusomareeb, sheegay bartilmaameedkooda

Bohol (Caasimada Online) – Tan iyo markii Xoogaga Ahlu Sunna ay Arbacadii isaga baxeen Magaalada Guriceel ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isku uruursanayaan deegaanka Bohol, oo dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegaya in haatan uu bartilmaameedkooda koobaad yahay maleeshiyda Al-Shabaab, si ay kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa Jimcihii sheegay inaysan duulaan ku ahayn Maamulka Galmudug, balse ay doonayaan in ay Shabaabka ka saaraan gobolka intiisa kale.

“Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu waxa ay tahay in qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ka dulqaadaan ummadda Soomaaliyeed, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiiliyaan mar kasta, oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan Xuseen.

Waxaa uu ku celiyay inaanu qorshahoodu qayb ka ahayn dagaal ay la galaan Galmudug, taasi bedelkeedana ay Galmudug ugu baaqayaan nabad.

“Ahlu Sunna Waljameeca mar kasta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan.

Waxa uu intaa ku daray “Anaga dagaalkayaga hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkayagu wuxuu ku wajahan yahay Shabaab, waxaa qorshahayagu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u khalmaan inay dhintaan, inay na dilaan uma khalmaan, inaan dilnana uma khalmaan.”

Cabdisalaan Aadan ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ku eedeeyay in aanay dhab ka ahayn la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, halka Ahlu Sunna ay ka go’an tahay inay wiiqdo maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu yiri.

“Hadafka Ahlu Sunna Waljameeca ay mar kasta u taagan tahay waa hadaf cad, oo ah in lagala dagaalamo cadowga ummadda Soomaaliyeed dhiigga ka jaqaya,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan.

Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa mar sii horeysay sheegay in soo rogaal celinta Xoogaga Ahlu Sunna ay ka dambeysay, ka dib markii ay dagaalada beelaha ku soo bateen Gobolada Dhexe iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday Galmudug.

“Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto. Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaalada qabaa’ilada ee deegaanka ku soo batay iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday gobolka, waxaana fursadaasi abuuray Maamulka Galmudug. Waxay rabaan siyaasad ahaan in dib u qabsadaan mamaulkii horey looga saaray, oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta ka jirto,” ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

Sideed iyo toban bilood oo Ahlu Sunna ka maqneed Gobolada Dhexe ayaa la fahamsan yahay in ay Shabaabku culeys soo saareen Galmudug, iyagoona maamulka kala wareegay deegaano dhowra.

Arday Soomaali ah oo lagu dilay HINDIYA + Sababta

0

New Delhi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Hindiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wiil Soomaali ah, isla-markaana ahaa Arday lagu dilay magaalada New Delhi ee caasimada wadankaasi, kaas oo ay dilkiisu ka dambeeyeen Soomaali kale.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Fiin, waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo ku sugan Delhi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo dhalinyada oo dagaalamay, sida ay sheegeen qaar ka mid ah Soomaalida.

Maxamed Fiin ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah, isla-markaana waxbarasho u joogay dalka Hindiyada, isaga oo dhowaan dhammeystay waxbarashadiisa Jaamacadda.

Ciidamada Booliska oo howl-gal sameeyey, kadib dhacdadaasi ayaa gacanta ku soo dhigay illaa 7 ruux oo Soomaali ah oo loo heysto dilka, waxaana haatan ku socda baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale waxa ay ciidamadu weli ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo la sheegay inay iyaguna ku lug lahaayeen dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ah.

Gudaha dalka Hindiya ayaa waxaa haatan ku sugan Soomaali fara badan oo waxbarasho Jaamacadeed iyo arrimo caafimaad u aaday wadankaasi, waxaana dhacdadan oo Soomaali kale ay ka dambeysay ay noqotay mid aad looga hadalyo hayo guud ahaan wadankaasi.

Olole dadka Soomaalida ah lagu beegsanayo oo ANKARA ka billowday + Sababta

0

Ankara (Caasimada Online) – Dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, fagaaraha Kizilay ee ku yaalla bartamaha magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa camiray ganacsiyada ay ka sameynayaan dadka Soomaalida ah ee sida xad dhaafka ah u tegaya dalka Turkiga, iyagoo kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin heerkeedu sareeyo.

Bulshada Soomaaliyeed ee kusii badanaysa caasimadda Turkiga ayaa halkaas ka hir gelisay maqaayado, goobo lagu shaaho, bakhaarro dharka lagu iibiyo iyo ganacsiyo la-talin ah oo ay ku ganacsadaan labada dhinac, iyagoo si tartiib tartiib ah goobta uga dhigay xaafad firfircoon oo leh ganacsi xoog leh.

Si kastaba ha ahaatee, Xaafadaas oo ay si weyn u camireen dadka Soomaaliyeed ayaa hadda waxay noqotay meel ay Turkidu ku dhibaateyaan Soomaalida, waxaana halkaas kusoo badanaya naceybka loo qabo soo galootiga.

Wargeyska Maalinlaha ah ee Sozcu oo ah wargeys si weyn uga hadla arrimaha soogalootiga ayaa warbixin uu daabacay Bishii Aprill wuxuu cinwaan uga dhigay “Xarunta Ankara waxay noqotay Soomaaliya.”

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in ganacsatada magangeliyo-doonka ah ee ka timid Soomaaliya ay gabi ahaanba u beddeleen laba waddo oo ku yaalla Kizilay “in ay waddankooda ka dhigaan.”

Wixii warbixintaas ka dambeeyey, booliska Turkiga qeybtiisa dhar-cadda ayaa billaabay inay si joogto ah u booqdaan goobaha ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay halkaas, iyagoo sameynaya baaritaano teel-teel ah oo ay ku dhibaateynayaan macaamiisha, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Middle East Eye.

Bishii Sebtembar, dhacdo ka yaabisay Soomaalida Kizilay ayaa ka dhacday Ankara, kadib markii ay Booliska xireen ganacsato Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa xarumo waaweyn, iyadoo ugu dambeyntiina lagu amray inay isaga baxaan dalka Turkiga, taas oo ku khasabtay garansatada inay iibiyaan xarumahooda ganacsiga oo gebi ahaanba ay iska xiraan.

‘Ololaha dhibaataynta’

Dalka Turkiga oo marti geliyey ku dhawaad Shan Milyan oo qaxooti ah oo badi ka yimid Suuriya ayaa waxay xaqootiga kula dhaqmaan hab aan wanaagsaneyn.

Bilihii la soo dhaafay, mucaaradka Turkiga ayaa bilaabay inay sii huriyaan olole ka dhan ah dowladda oo ku guul dareysatay inay soo saarto xeelado lagu maareeyo qaxootiga oo aan aheyn “siyaasadda xuduudaha furan.”

Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed iyo qaar badan oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka Turkiga ayaa ah in Soomaalida ay u badan yihiin dad aqoon sare leh oo si sharci ah ku yimid wadanka Turkiga.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Turkiga ayaa heysta sharciyo degenaansho ah, waxayna lacag ku maalgeliyaan guryaha iyo ganacsiga dalka.

Dhibaatada lagu hayo qaxootiga ayaa waxaa kusoo biiray Soomaalida dalkaas ku nool, kadib markii bishii August ay rabshado ka dhaceen qayb kale oo ka mid ah magaalada Ankara, halkaas oo muwaadiniinta Turkida ah ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi iyo guryo ay la haayeen qaxooti Suuriyaan ah, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qof qoxooti ah uu wiil dhallinyaro ah ku dilay beer lagu nasto.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa caadi ka noqday goobaha ganacsiga oo ay Soomaalidu leedahay in lagu arko ciidamo boolis ah oo ku labisan dareeska ciidamada, inkastoo ay si sharci ah u dhisteen goobo ganacsi oo ay ka howlgalaan.

“Marka hore, 15 askari oo boolis  ah ayaa soo xaadiray, waxayna bilaabeen inay meel walba ka raadiyaan dadka wixii ka dambeeyey 8-dii Sebtembar,”  Maxamed Ciise Cabdullaahi, oo ah milkiilaha kafateeriyada Soomaalida ayaa sidaas u sheegay MEE.

“Kadib shan maalmood boolis dhar cad ah ayaa mar kale nagu soo booqday, qaar naga mid ah ayaa la geeyey saldhigga booliska ee noo dhow. Waxay nooga digeen inaan shaqaaleysiino shaqaale aan fasax lahayn.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Cabdullaahi waxa uu rumeysan yahay in booqashooyinka booliska ay qayb ka yihiin olole dhibaatayn ah oo ay wadaan maamulka deegaanka, wuxuuna sheegay in shaqaaleysiinta shaqalaha aan la fasixin ay kaliya keeni karto ganaax lacageed, balse aysan keeni karin in ganacsiyada la xiro, sida haddaba dhacday.

“Ugu horeyn arrimahaan waa wax khuseeya degmada, shaqana kuma lahan booliska,” ayuu yiri Onur Boran Duman, oo ah qareen ku takhasusay khilaafaadka shaqada.

Milkiilayaasha dukaamada ganacsi ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin joogitaanka Soomaalida, maadaama ay xaafadda u keeni jireen lacago iyo shaqooyin badan.

Saddex qof oo lagu dilay XAFLAD AROOS oo weerar loogu qaaday Music dartiis

Kabul (Caasimada Online) – Dabley isku sheegay inay yihiin Taalibaan ayaa weeraray xaflad aroos oo ka dhaceysay bariga dalka Afghanistan si ay u joojiyan Music halkaas ka daarnaa, waxayna dileen ugu yaraan saddex qof, sida ay sheegtay dowladda. 

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in laba ka mid ah saddexda qof ee weerarka soo qaaday la xiray, wuxuuna beeniyey inay u shaqeynayeen Taalibaan. 

“Xalay, xafladda arooska Haji Malang Jan ee xaafadda Shamspur Mar Ghundi ee gobolka Nangarhar, saddex qof oo iska dhigay Taalibaan ayaa galay, waxayna dalbadeen in la joojiyo Music,” ayuu yiri. 

“Rasaas ay fureen ayaa waxaa ka dhashay inay dhintaan ugu yaraan saddex qof, dhowr kalena waa la dhaawacay.” 

“Laba ka mid ah tuhmanayaasha waxaa xiray Taalibaan, waxaan baxsaday mid weli lagu raad joogo,” ayuu yiri afhayeenka Taalibaan.

Mujahid ayaa sheegay in kooxdan adeegsatay magaca Imaaradda Islaamiga ah, si ay u fuliyaan hamigooda shaqsi ay wajihi doonaan shareecada Islaamka.

Qof ka mid ah ehellada dhibanayaasha ayaa sheegay in dagaal-yahanada ay fureen rasaas badan xilli uu daranaa music. 

Music-ga ayaa mamnuuc ka ahaa markii ugu dambeysay ee Taalibaan ay maamuleysay Afghanistan, hase yeeshee inkasta oo dowladda cusub aysan weli amar kasoo saarin, haddana hoggaankeeda waxay Music-ga u arkaan jebita shareecada Islaamka.

Dowladdii hore ee Taalibaan ee Afghanistan xukumeysay 1996-kii illaa 2001 ayaa dalka kusoo rogtay shareecada Islaamka, waxayna shacabkii jebiyaa wajihi jireen ciqaab adag.  

Hase yeeshee tan iyo intii ay xukunka kusoo laabatay bishii August, Taalibaan oo raadineysa aqoonsi caalami ah iyo laga qaado cunaqabateynada dhaqaale, ayaa isku dayday inay isu muujiso inay tahay qunyar socod.

Mareykanka oo war kasoo saaray qabsashada TIGRAY-ga ee magaalada Dessie

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeystay.

Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha diebdda ayaa ku booriyey TPLF “inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.” 

Mucaaradka Tigary-ga ayaa Sabtidii sheegay inay xaqiijiyeen “gacan ku haynta buuxda” ee magaalada muhiimka ah ee Dessie, taasi oo keentay in dowladda ay si xooggan u beeniso, inkasta oo xitaa dadka deegaanka ay soo weriyeen in ciidamada federaalka ay ka gurteen.

Qabsashada Tigray-ga ee Dessie ayaa ka dhigan weji cusub oo uu yeeshay dagaalka sanadka ku dhow ka socda Ethiopia, kadib markii ay inta badan gobolka Tigray ka saareen ciidamada federaalka bishii June, islamarkaana isku ballaariyeen gobollada deriska la ah.

“Waxaan ku boorineysaa TPLF inaysan madaafiic u adegesan magaalooyinka, waxaana ku celineynaa diidmadeena ku aadan duqeymaha ciidamada federaalka Ethiopia ee magaalada Mekelle iyo qeybaha kale ee Tigray kuwaas oo dhaliyey khasaare nololeed oo badan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price oo soo saaray war-saxaafadeed.

“Dagaalkan ma lahan xal militari, waana in dhammaan dhinacyada ay billaabaan wada-xaajoodyo xabad-joojin ah ayada oo aan lagu xirin shuruud.”  

Dessie ayaa 400 km waxay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Goor sii horeysay shacabka degan magaalada ayaa soo weriyey in ciidanka federalka ay ka baxeen, islamarkaana Tigray-ga ay soo galeen.

“Qiyaastii 2:00 am, ciidamada federaalka ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amir oo degan Dessie, kaasi oo diiday inuu shaaciyo magaciisa oo buuxa. 

Dagaal-yahanada TPLF “ayaa soo galay magaalada, mana aragno wax ciidamada federaalka Ethiopia ah,” waxaa sidas yiri qof kale oo degan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Mohammed. 

TPLF ayaa sheegtay inay hadda si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Dessie. 

Dagaal-yahanada waxay ciidamada federaalka dib uga riixeen Dessie, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha, waxaa sidaas Reuters u sheegay Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF.

Getachew ayaa intaas ku daray inay qabtay askar badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Ethiopia.

Qabsashada Dessie ayaa ah guul istaraatiiji ah oo ay Tigray-ga ka gaareen ciidamada federaalka oo isku dayayey inay gobolka Amxaarada ka xorreeyeen. 

Golaha wasiirada Somalia oo maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta golaha wasiirada Soomaaliya ay leeyihiin kulan aan caadi aheyn, iyada oo la ballamiyey xubnaha golaha labada duhurnimo maanta oo Axad ah, kuna beegan 31-10-2021-ka.

Golaha wasiirada ayaa xalay saq-dhexe loo diray farriin, iyada oo lagu wargeliyey inay si buuxda uga soo qeyb galaan kulanka la filayo inay yeeshaan.

Kulankan ayaa daba socda shirkii Khamiistii dib loo dhigay oo todobaad kastaa ay yeeshaan xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu gorfeeyo xaaladda guud ee dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka maanta laga yaabo in golaha lagu horgeeyo taliyaha iyo taliye ku xigeenka cusub ee hay’adda NISA, si ay u meel-mariyaan.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan ku heshiiyey in madaxweynuhu soo magacaabo hoggaanka cusub ee nabad sugida, kadibna la marsiiyo xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya, si ay u ansixiyaan.

Villa Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dadaallo xoogan oo lagu soo afjarayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo saameyn xoog leh ku yeeshay doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah iyo doorashooyin, waxaana la filayaa in todobaadkan ay bilaabato mida xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada golaha wasiirada iyo waxa ka soo baxa kulankooda maanta oo ah mid aad isha loogu hayo, kuna soo aaday xilli xasaasi ah.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay wiil Soomaali ah dil loogu geystay gudaha wadankaas, waxaa falkaas ka dambeeyeyn kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday ganasadaha la dilay.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana lagu dilay degmada Mitchells Plain oo kamid ah degmooyin hoostaga magaalada Cape Town

Wararka ayaa sheegaya in sida caadada aheyd ay goobta ka baxsatay kooxdii ka dambeysay dilka marxuumka.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa meesha tegay, kadib dilka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida, waxaana aad u sii badanayey dilalka lagu hayo ganasatada dalkaas.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Saciid Deni oo u jawaabay Axmed QOOR QOOR

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kooban uga jawaabay eedeyntii Galmudug ee aheyd in Puntland ay taageero siineyso ururka dib isku soo hubeeyey ee Ahlu-Sunna, xilli uu maanta khudbad ka hor jeedinayey baarlamaanka maamulkaas oo kalfadhiga 49-aad uu uga furmay Garowe.

Siciid Deni oo si dulmar ah uga jawaabayey tuhunka iyo eedeymaha shacabka iyo madaxda reer Galmudug ayaa sheegay in wax kasta oo amniga iyo horumarka dowlad goboleedyada kale ee dalka dhibaato ku ah ay Puntland-na dhibayaan, dib u dhacna ay ku keenayaan.

“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna, waxay sidoo kale lidi ku yihiin amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland,” ayu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Hadalka Siciid Deni ayaa kusoo aadaya, xilli qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ay muujinayeen tuhun ah in Puntland ay soo hubeyneyso ururka Ahlu-Sunna, si loo carqaladeeyo koboca dowlad goboleedka Galmudug.

Galmudug waxay haatan wahajeysaa mowjado gacan ka hadal gaaray oo ka dhashay soo rogaal celinta wadaadada Ahlu-Sunna, dagaal culus oo lagu hoobtay ayaa todobaadkii hore Guriceel ku dhex-maray Galmudug oo gacan ka heleysa dowladda federaalka iyo ciidamo tiro yar oo daacad u ah hoggaamiyayaasha wadaadada hubeysan ee Ahlu-Sunna.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo warbaahinta la hadlay maalmihii uu dagaalkaasi ka socday Guriceel ayaa sheegay in ay jiraan dhinacyo isugu jira Soomaali iyo jaaniib oo Ahlu-Sunna ku garab siinaya duulaanka ay ka wado Galmudug.

Qoor Qoor oo caro badani ay ka muuqatay maalintaas ayaa sheegay inay heleen cadeymo muujinaya dhinacyada Ahlu-Sunna ku garab tagay dagaalka ay ka wado gudaha Galmudug, isla markaana uu soo bandhigi doono.

Inkastoo madaxda Galmudug aysan si cad ugu eedeyn Puntland inay gacan siineyso Ahlu-Sunna, hadana dad badan ayaa hadalkii Qoor Qoor u fasirtay mid ku godan maamulka deriska la ah ee Puntland, dhankooda madaxda Puntland ayaa si cad isaga fogeeyey eedeymahaas.

Marka laga soo tago hadalkii maanta ee Saciid Deni, laba maalmood ka hor waxaa shir Jaraa’id Gaalkacyo ku qabtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur, waxuuna sheegay in Puntland aysan ka suurtaabin in deriskeeda reer Galmudug ay koox ku hubeyso, isla markaana Galmudug ay u tahay walaal ay ka kaashadaan la dagaalanka araggixisada.

Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo qarka u saaran in la duugo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayey gacanta hey’adda Nabadsugidda ee NISA ayaa waxay maqan tahay 4 bil iyo maalmo illaa haddana lama ogo cidda dishay ama haddii ay nooshahay cidda gacanta ku heyso.

Ikraan oo aheyd gabar si weyn aqoon ugu leh sirdoonka Internet-ka ayaa wuxuu kiiskeeda ahaa bilooyinkii lasoo dhaafay hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya, balse maalmihi ugu dambeyey waxaa muuqata in kiiskaas meel la iska dhigay.

Gabadhaan oo 26-kii June ee sanadkaan laga watay gurigeyga ayey hay’adda NISA sheegtay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, inkastoo arrintaas uu ka hor yimid Ra’isul Wasaare Rooble oo dalbaday in caddeymo rasmi ah la keeno.

Shabakadda laga leeyahay dalka Mareykanka ee Bloomberg ayaa sheegtay in Gabadhaan loo dilay xog ay ka heshay heshiis Militari oo si qarsoodi ah u dhex maray Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa in madaxda ay sii joogto xukunka dalalkaas.

Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si weyn isugu khilaafay kiiska Ikraan ayaa dhawaan heshiis ka gaaray waxyaabihii ay isku hayeen .

Farmaajo iyo Rooble ayaa qodobada heshiiska dhex maray ku xusay in Kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hey’adaha Amniga iyo kuwa cadaaladda.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan hay’adaha Cadaaladda, illaa hadda lama bilaabin baarita kiiska Ikraan Tahliil.

Sababta aan illaa hadda loo bilaabin kiiska Ikraan ayaa lagu sheegay inay tahay in si mugdi ah loo maareynayo kiiskaan, laakiin weli caddeyn rasmi ah looma hayo.

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa horey u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hor istaagay baaritaanka Kiiska gabadhooda, waxayna tilmaameyn inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin kiiskaas oo ay ka war sugyaan Ra’isulwasaare Rooble oo qaatay mas’uuliyadda.

Sidoo kale qoyska ayaa sheegay in hey’adaha Cadaaladda loo diiday inay gudaha u galaan xarunta Hey’adda NISA si baaritaan loogu sameeyo taasoo caqabad weyn ku noqotay sii wadista kiiska Ikraan.

Iran oo diyaarado drone ah ku weerartay saldhig ay leeyihiin ciidamada MAREYKANKA

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa ka dambeysay weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah oo toddobaadkii tegay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin koonfurta Syria, waxaa sidaas sheegay saraakiil Mareykan ah.

Mareykanka ayaa rumeysan in Iran ay ka shaqeysay oo ay dhiirigelisay weerarka balse aysan diyaaradaha kasoo duulin Iran. “Waxay ahaayeen diyaarado Drone oo Iran ay leedahay,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in weerarka ay ku lug lahaayeen illaa shan diyaarad oo drone ah oo laga soo buuxiyey walxo qarxa, oo lagu dhuftay saldhigga oo ku yaalla magaalada al-Tanf. 

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in weerarka uusan dhalin wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah.

Ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda ayaa al-Tanf u jooga inay tababaraan ciidamada mucaaradka Syria ee dagaalka kula jira kooxda Daacish. Saldhigga ayaa sidoo kal eku yaalla waddo muhiim u ah ciidamo Iran ay taageerto oo isaga gudba Tehran illaa koonfurta Lubnaan. 

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa diiday inuu faah-faahin ka bixiyo eedeynta ay saraakiisha Mareykanka u jeediyeen Iran. Hase yeeshee waxa uu qiray “in weerar ula kac ah oo laga soo shaqeeyey lala beegsaday” saldhigga Mareykanka.

Kirby ayaa sidoo kale diiday inuu ka hadlo haddii Mareykanka uu qaadi doono weerar aargudasho ah.

“Ilaalinta iyo amniga ciidamadeena dibedda waa u muhiim xoghayaha,” ayuu yiri isaga oo ula jeeda xogahayaha gaashaandhigga Mareykanka Llyod Austin.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in weerarka al-Tanf ay fuliyeen kooxaha Iran ay taageerto ee Syria, ayaga oo ka aargudanaya weerar maalmo kahor ka dhacay magaalada Palmyra, oo lagu eedeeyey Israel.  

Xog: SHARIIF XASAN oo ku guuleystay qorshihii uu u tegay magaalada Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku guuleystay qorshihii uu u tegay Baydhaba oo ahaa inuu hanto taageerada beeshiisa, xilli uu raadinayo kursi ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Shariif Xasan oo shalay Baydhaba kula kulmay odayaasha beeshiisa Asharaaf ayaa ka dalbaday inay kursiga siiyaan, waxaana kadib shir saacado qaatay ay xubnihii ka qeyb galay kulankaas si buuxda isugu raaceen inay kursiga uu qaato.

Kursiga xildhibaannimo ee uu Shariifka doonayo waxaa ku fadhiya wiilkiisa oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Shariif Xasan, oo uu ku wareejiyey markii uu noqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan, oo ka mid ah ragga ugu saameynta iyo xeeladda badan siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii uu kusoo laabto golaha shacabka, waxa uu mar kale ku guuleysan karaa xilka afhayeenka inkasta oo hadda uu yahay murashax madaxweyne.

Murashaxnimada Shariif Xasan ayaa ka dhigan in afar guddoomiye hore oo baarlaman ay hadda doonayaan kursi xildhibaanimo kuwaas oo kala ah: Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan.

Ma cadda, waxa uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ka yeeli doono damaca Shariif Xasan, oo ah ninkii kursiga madaxweyne looga kiciyey markii ay Villa Somalia dhiig badan u daadisay.

Doorashada golaha shacabka ayaa waxay kaga duwan tahay tan Aqalka Sare in odayaasha beelaha ay yihiin kuwa soo gudbinaya liiska murashaxiinta kuraasta, inkasta oo maamul goboleedyada ay xeelado kale ku reebi karaan, sida in loo diido warqadda caddeynta inaanu dambi gelin qofka ee CID-da ay bixiso.

Axmed Madoobe oo xil sare u magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka NUGAAL

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa Magaaladaas.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed.

Masuulkaan ayaa hore Xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Goboleedka Puntland, isagoo mar soo noqday Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland xiligii Xukuumaddii Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Sidoo kale, Col. Cumar Faraweyne, wuxu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal xilligii XukuumaddiiCabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Alle ugu baryay mudanaha in uu u dhib yareeyo masuuliyada culus ee loo egmaday.

Dhinaca kale, Axmed Madoove ayaa Bashiir Maxamed Baahale u Magacabay Hanti dhowraha guud ee Jubaland. Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u magaacabay Cabdicasiis Maxamed Xasan Xisaabiyaha guud ee Jubaland.

TIGRAY-ga oo qabsaday magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada

Dessie (Caasimada Online) – Ciidamada federaalka Ethiopia ayaa ka baxay magaalada muhiimka ah ee Dessie oo ka tirsan gobolka Amhara balse xuduud la leh gobolka Tigray kadib dagaal xooggan oo dhacay, waxaana qabsaday mucaaradka Tigray. 

Qabsashada Dessie ee TPLF ayaa dhabarjab weyn ku ah dowladda federaalka Ethiopia oo muddo sanad ku dhow dagaal kula jirtay Tigrayga.

“Qiyaastii 2:00 am, ciidamada federaalka ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amir oo degan Dessie, kaasi oo diiday inuu shaaciyo magaciisa oo buuxa. 

Dagaal-yahanada TPLF “ayaa soo galay magaalada, mana aragno wax ciidamada federaalka Ethiopia ah,” waxaa sidas yiri qof kale oo degan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Mohammed. 

TPLF ayaa sheegtay inay hadda si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Dessie. 

Dagaal-yahanada waxay ciidamada federaalka dib uga riixeen Dessie, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha, waxaa sidaas Reuters u sheegay Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF.

Getachew ayaa intaas ku daray inay qabtay askar badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Ethiopia. 

Legesse Tulu oo ah afhayeenka dowladda Ethiopia waa uu diiday inuu wax jawaab ah bixiyo mar ay la xiriirtay Reuters.

Qabsashada Dessie ayaa ah guul istaraatiiji ah oo ay Tigray-ga ka gaareen ciidamada federaalka oo isku dayayey inay gobolka Amxaarada ka xorreeyeen.

Dessie ayaa 400 km waxay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.