25 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi C/llaahi oo soo saaray habraaca doorashada golaha shacabka ee reer waqooyiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta si wadajir ah usoo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

Doorashada xubnaha gobollada waqooyi ee Golaha Shacabka ayaa beri si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Talaabada ay qaadeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa uga sii dareysa walaaca ay qabaan musharixiinta qaar ee u taagan kuraasta gobollada waqooyi oo horey ugu eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu la wareegay shaqada guddiga doorashada ee Somaliland.

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, heshiisyadii iyo habraacii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021.

Iyagoo maanka ku haya muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo doorasho hufan, xor iyo xalaal ah oo aan daahitaan lahayn, waafaqsanna Shuruucda, heshiisyada iyo habraacyada sare ku xusan.

Waxay soo saareen hannaanka loo marayo dooorashada Golaha Shacabka ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 1aad: Mas’u uliyada Hirgelinta Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Somaliland

1-Maamulka Guud ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka BFS ee Somaliland waxa u xilsaaran Golaha Sare ee Doorashada Somaliland oo kala ah: Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan e Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo kaashanaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen

2-Mudaynta, Hirgelinta iyo qabashada doorashada waxa u xilsaaran Guddiga Doorashada heer Soomaaliland (SEAT) oo kaashanaya Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal (FEIT).

Qodobka 2aad: Shuruudaha Murasharaxa Golaha Shacabka

Si waafaqsan Qodobka 58 aad ee Dastuurka KMG ee J FS, Murashaxa u tartamaya BFS waa in uu:

1-Yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ka soo jeeda Somaliland, da’diisuna aanay ka yarayn 25 sano xiliga doorashada.

2-Aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamaddeed lagu hakin 5-tii sanno ee u dambeeyey ama aanay Maxkamaddi ku xukumin dambi 5-tii sanno ee u dambeeyey;

3-Leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ah ama waayo aragnimo u dhiganta oo la xaqiijiyey,

4-Lagu yaqaan dhaqan suuban iyo akhlaaq

5-Musharaxa aan ka mid ahayn Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada aqal, waa in uu la yimaado warqadda dambi la’aanta oo ka soo baxday Waaxda Dambi Baadhista Booliiska Soomaaliyeed,

6-Murashuxu waa in uu bixiyey lacagta musharaxnimada ee lagu jaangooyey heshiiskii Madasha ee 22 August

Qodobka 3aad: Habraaca Doorashada

1-Xildhibaanka Golaha Shacabka waxa dooranaya ergo tiradoodu dhan tahay 101ergey si waafaqsan habraacyada doorashooyinka dadban ee

2-Iyadoo la tixgelinayo duruufaha u gaarka ah doorashada kuraasta xildhibaanada Somaliland waxaa ay yeelan karaan ergo wadaag .

3-Ergada doorashada ee 101-da ah waxa loo soo xulayaa si waafaqsan heshiiskii Madasha Qaran ee 17-kii September 2020 iyo heshiiyadii ka

4-Liiska Ergada kursi kasta oo aan ergo wadaag ahayn ama kuraas kasta oo ergo wadaag ah waa in ay ugu yaraan 30% haween

5-Xubinta ka mid ah guddi xulis ergo doorasho ee kursi ama kuraas ergo wadaag ahi kama mid noqon karto guddiga xulista ergo kale, ergada wax dooranaysa, umana tartami karto kursi

6-Ilaalinta iyo Xaqiijinta qoondada haweenka waxaa ka masuul ah Guddoonka Sare ee Doorashada Somaliland oo la tashanaya Ra’iisul Wasaaraha XFS, waxaana fulinaya Guddiga Doorashooyinka ee Heer Soomaaliland (SEIT).

7-Kooramka codbixinta ergadu wuxuu ansax ku noqonayaa marka ay goobjoog yihiin ugu yaraan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee

8-Codbixintu waxa ay noqonaysaa mid sir ah oo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland (SIET) korjoogtana ay ka yihiin Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FIET) iyo Guddiga Xalinta

9-Kursiga ay ku tartamayaan labo musharax oo keliya waxay gelayaan doorasho hal wareeg ah, waxana lagu kala guulaysanaya cod hal dheeri (50%+1) ee codadka ergada goobjooga ah ee

10-Haddii kursiga ay ku tartamayaan in ka badan labo murashax, wareega koowaad waxa guulaysanaya murashixii hela 2/3 codadka ergada codaysay, haddii la waayo waxaa wareega labaad u gudbaya labada murashax ee ugu cod badan, waxaana guulaysanaya murashaxii hela 50%+1 ee codadka ergada goobjooga ah ee

11- Haddii uujiro Murashax kursi u tartamaya kaligiis oo cid la tartanta la waayey ama loo tanaasulay, waxa loogu codaynayaa hab gacan taag ah, waxaana murashuxu ku guulaysanayaa cod hal dheeri ah (50%+1) ergayda

12-Wixii khilaafaad ah ee ay guddiga xulista ergooyinka beeluhu xalin kari waayaan waxa xalin doona oo go’aan kamadambays ah ka soo saaraya Guddoonka Sare ee doorashooyinka ee

13-Doorashada kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) waxaa lagu qabanayaa Xarunta Dugsiga Tababarka Booliiska

Qodobka 4aad: Mabaadi’ Guud

1-Murashaxa u tartamaya Golaha Shacabka BFS ee ka tirsan ciidamada qalabka sidda, diblomaasiyiinta, shaqaalaha dawladda iyo hay’adaha dawladda ee madaxa banaan waa in uu istiqaaladdiisa u gudbiyaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland (SIET) 7 maalmood ka hor maalinta

2-Si looga hortago in bulshada dooranaysa wakiiladooda ku metelaya golayaasha qaranka la soo

dhexgelayo laaluush, musuqmaasuq iyo eex, loona fuliyo shunmcda dalka ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluushka, waxaa ka reeban dhammaan dadka ku lugta leh doorashada sida oday dhaqameedyada, gudiyada doorashada, gudiga xulista ergooyinka, ergooyinka wax dooranaya iyo murashaxiinta tartamaya adeegsiga nooc kasta oo laaluush iyo musuqmaasuq ah.

3-Cid kasta oo lagu qabto ama ay ku cadaato qaadashada nooc kasta oo laaluush, musuqmaasuq iyo eex ah wuxuu gelayaa fal dembiyeed, waxayna Guddoonka Sare ee Doorashada Somaliland ka joojinayaan hawlaha doorashada, waxaana kiiskiisa lagu wareejinayaa hay’adaha

DENI oo ka hadlay arrimo xasaasi ah – Muxuu ka yiri doorashada Soomaaliya?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhigga 49-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Puntland, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn baarlamaanka u gudbiyey warbixin ku aadan Puntland, isaga oo si gaar ah u hadlay doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka billowday maamulkaasi, soo dhoweyntii loo sameeyey, dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood, arrimaha dhaqaalaha, ammaanka, dib u dhiska waddooyinka iyo abaaraha ka jira Puntland, siiba Roob la’aanta.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale khudbaddiisa si aad ah ugu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka, wuxuuna qiray inay jiraan dib u dhacyo ay sababeen arrimo farsamo, sidaas daraadeedna ay haatan Puntland si dhaqso ah u guda-geleyso doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in Puntland ay ahmiyad gaar ah siin doonto in la soo gabagabeeyo doorashada Soomaaliya, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro

“Waxaa naga go’an in aan si dhaqso ah u billowno doorasho oo sababo farsamo gadaal ugu dhacay waxaan ahmiyad siineynaa in lasoo gabagabeeyo firaaqa hoggaamineed ee dalka ka jira,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Deni oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay mar-weliba u taagan tahay dowlad dhiska Soomaaliya, iyada oo loo marayo dib u heshiisiin iyo tubta amniga dalka.

“Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxay markasta u taagan tahay xoojinta dowlad dhiska Soomaaliya ee hannaanka federaalka, iyada oo loo maraayo tubta adkeynta amniga dalka iyo dib u heshiisiin bulsho,” ayuu markale yiri madaxweynaha Puntland.

Saciid Deni ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inay Puntland mar-walbo wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la leedahay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, wax kasta oo amniga iyo horumarka caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasiloonida iyo horumarka maamulka Puntland,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan la guda-galayo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka culus marka la eego midii Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey DAGAALKA kursiga ay isku hayaan Xaaf iyo Qeybdiid

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Odayaasha beelaha Sacad oo kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka digay in kuraasta Galmudug ee ka dhiman Aqalka Sare loo xiro cid gaar ah.

Odayaasha ayaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in kuraasta ku dhiman maamulka Galmudug ee Aqalka Sare laga dhigo kuwo furan, si looga baaqsado dib u dhac iyo dagaal.

“Waxaa ka codsaneyna madaxweynaha (Qoor-Qoor) kursigaas in dadka ku tartamaan oo cid gaar ah loo xirin, qof walba codkiisa iyo nasiibkiisa uu ka helo wixii uu calaf u galo,” ayuu yiri mid kamid ah Waxgaradka la hadlay warbaahinta.

“Waxaa soo jeedinayna oo dowladda ka codsaneyna in nala dhaafin oo eex iyo bur-bur uu na galin ayaa ka codsaneyna oo aan helno.”

Sidoo kale waxay sheegen in kursiga ay xaq u leeyihiin beesha reer Odow, islamarkaana ay sanadkaan ayagu xaq u leeyihiin, sidaas darteedna aysan aqbali doonin in cid gaar ah loo xiro.

“Kursiga Senator-ka oo beesha Sacad waxaa maanta tartanka ugu jira Odow, waxaa rabnaa in laga cadaalad sameeyo, waxaana madaxweynaha ka codsaneyna in uu furo oo kursigaas uu dhibaato Galmudug ku soo celin.”

Ugu dambeyntiina waxay odaayasha dhaqanka dalbadeen in si furan u tartamaan musharaxiinta kursigaas, si looga baaqsado xaalado dagaal, islamarkaana lagu kala calaf qaado si xor iyo xalaal ah.

Kursigan ayaa waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa.

Soomaali lagu xir-xiray dalka ZAMBIA oo lasii daayey

0

Ndola (Caasimada Online) – Dowladda Zambia ayaa dib xoriyadooda u siisay qaar ka mid ah Soomaalida saacadihii lasoo dhaafay lagu xirxiray gudaha dalkaas.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia Maxamuud Maxamed Xasan oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in inta badan lasii daayey muwaadintiniintii Soomaaliyeed ee saacadihii lasoo dhaafay lagu qab qabtay howl-gal ka dhacay gudaha magaalada Ndola.

Maxamuud ayaa sheegay in howl-galka uu ahaa mid kadis ah oo laga sameeyey xaafadda ay u badan tahay Soomaalida, wuxuuna xusay in aan horey loo siin wax digniin ah.

“Magaalada Ndola waxaa xaafadda ay u badan tahay Soomaalida ka dhacay howlgal lagu xiray muwaadiniin u badan Ganacsato, wax sabab ah nooma sheegin markii aan la xiriirnay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Zambia maadaama dadkaan sharci ay ku joogaan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ki daray in weli ay xiran yihiin Soomaali kale oo ganacsato ah, isla-markaana gaaraya illaa 50 ruux, balse loo reebtay sharciga oo ka dhacay aawgiis.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambiya ayuu xusay in haatan ay waddo dadaallo dheeraad ah oo lagu soo deynayo dadkaasi, iyaga oo u maraya wada-hadallo dhanka dowladda ah.

“Hay’adaha ammaanka waxa ay la hareen Dad ku dhaw 50-ruux oo sharciga uu ka dhacay balse dedaalkeena waa sidii loogu cusbooneysiin lahaa si loosoo daayo, Dowladda Zambia inkastoo maamulka uu cusub yahay laakiin waan kala hadalnay arrintaan” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada ay dowladda Soomaaliya si kulul uga hadashay xariga muwaadiniinteeda lagula kacay, isidoo kalena cambaareyn u jeedisay dowladda Zambia.

Xildhibaan Mahad Salaad oo arrin yaab leh usoo jeediyey Sheekh Maxamed Shaakir

0

Guriceel (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay xiisadda u dhaxeysa dowlad goboleedka Galmudug iyo Ururka Ahlu-Sunna ayaa beeniyey in wadahadallo ay u socdaan Galmudug iyo hoggaanka Ahlu-Sunna, isagoo ka sheekeeyey qaabkii ay ciidamada Sheekh Shaakir uga baxeen Guriceel.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu ciidankiisa uga dhuuntay dagaalkii Guriceel, kadib markii ay xaaladdu ku adkaatay, waxuuna sharaxaad ka bixiyey qaabkii uu uga baxay Guriceel,  iyadoo ay ka dhex dagaalamayaan ciidamadiisa.

“Markii dagaalku xoogeystay ayuu Sheekh Shaakir wacay culumo ku sugan Gaalkacyo, nimankaasna waxay soo waceen Xildhibaano iyo Senatarro aan anigu ku jiro, waxay naga codsadeen in wadaadka iyo ciidankiisa wado ay ku baxaan la siiyo, seddax saacadood ayaa loo qabtay, kaligiis ayuu baxay ciidankiina dagaalkii ayuu gala yiri,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in  Sheekh Shaakir uu ku sugnaa deegaanka Huurshe maalmihii dagaalka adag ay Guriceel ku wajahayeen ciidamadii uu ka soo uruuriyey deegaanada miyiga ah, sida uu sheegay.

“Hadii jihaad meesha yaallo muu yimaado oo isagu ku dhinto, marka uu wiilasha isku leynaayo,” ayuu yiri Mahad Salaad oo hadalkaan ka jeediyey kulan ka dhacay gudaha degmada Guriceel.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir uu ka been sheegay maamulka Galmudug oo aysan jirin cid wadahadal la gashay ama la hadli doonta.

“Beenta uu ninkaas ku hadlaayo qof bini’aadan ah ma qiyaasi karo, waxuu sheegay in wadahadal uu uga baxay Guriceel, laakiin niman odayaal ah oo is xilqaamay ayaa ciidankii uu meesha uga dhuuntay ka bixiyey si loo badbaadiyo, markii ay gaareen Bohol ayuu ka soo baxay howdka, waxuuna ugu sheekeeyey in wadahadal ay la galeen maamulka, wax ka jirana maleh oo cid la hadashay ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahad Salaad.

Hoos ka daawo

Sacuudi Carabiya oo qaaday tallaabo xasaasi ah kadib hadalkii George Kordahi

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii ku amartay safiirka Lubnaan inuu dalkeeda uga baxo 48 saac gudahood, waxayna joojisay dhammaan badeecadihii dalkaas looga soo dhoofin jiray.

Boqortooyada ayaa ka carootay hadal uu sheegay wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi oo dagaalka Yemen ku qeexay “gardarrada” Sacuudiga. 

Saacado kadib, boqortooyada Bahrain ayaa amartay safiirka Lubnaan inuu dalkeeda uga baxo laba maalmood gudahood, sabab la mid ah tan Sacuudiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Lubnaan ayaa ka wada-hadlay go’aanka Sacuudiga, waxayna weydiisteen wasiirka warfaafinta inuu qaato “go’aan ku habboon,” oo u muuqda in loogu baaqayo inuu is-casilo, ayada oo la rajeynayo inay xiisadda qaboojiso. 

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa warbixinteeda ku dartay in sidoo kale safiirka boqortooyada ee Beirut loogu yeeray inuu dalkiisa kusoo laabto.

Warbiixnta ayaa sheegtay in tallaabadan aysan saameyn doonin kumanaan qof oo reer Lubnaan ah oo ku nool, kana shaqeysta Sacuudiga.

Go’aanka Sacuudiga ay ku mamnuuceen badeecadaha uga yimaada Lubnaan ayaa imanaya xilli dalkaas uu u baahan yahay lacagta dibedda, maadaama uu ku jiro xaalad dhaqaale oo aad u xun.

Tan iyo 2019, lacagta geniga Lubnaan ayaa lumisay 90% qiimaheeda, waxaana kumanaan qof ay wajahayaan shaqo la’aan iyo saboolnimo.

Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.”

Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno-darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.”

Ra’iisul Wasaaraha Lubanaan Najib Mikati ayaa sheegay inuu ka xun yahay tallaabada Sacuudiga wuxuuna ugu baaqay boqortooyada inay dib u eegto go’aankeeda.

Mikati ayaa intaas ku daray in dowladdiisa ay “si qayaxan u diideyso” wax kasta oo dhaawacaya “xiriirka qotada dheer ee walaalnimo” ee kala dhaxeeya Sacuudi Carabiya.

Waxa uu sheegay in hadallada Kordahi aysan matalin ra’yiga dowladda, wuxuuna ku celiyey in wasiirka uu hadalkaas jeediyey inta aan xilkaas loo magacaabin bishii September.

Kordahi oo shir jaraa’id ku qabtay Beirut ayaa diiday inuu ka cudur daarto hadalkiisa, oo uu sheegay 5-tii August.

Waxa uu intaas ku daray in tan iyo markii uu noqday wasiir uu u hoggaansamayo siyaasadda dowladda ee aanu muujineyn aragtidiisa.

Britain oo Soomaaliya usoo direysa saraakiil + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa la filayaa inay Soomaaliya usoo dirto boqolaal ka mid ah ciidamadeeda oo uu hadda u socdo tababar ku saabsan la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Ciidamadaan oo bilooyin gudahood la filayo in lagu keeno Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalamo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Sida wargeyska Mirror ee kasoo baxa UK, ciidamadaan oo ah kuwa lugta ayaa lagu kordhin doonaa howlgalka tababarka si ay ciidamada dowladda Soomaaliya kaga caawiyaan burburinta saldhigyada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamaan ayaa la midoobi doono saraakiil ka tirsan ciidanka Militariga UK oo horey u joogay Soomaaliya, waxayna shaqadooda tahay sidii ay ciidamada dowladda u bari lahaayeen qaabka loola dagaalamo dagaalyahanada hubeysan.

Saraakiisha ciidamada Militariga UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah tababar u siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60-aad ee ka howlgala inta u dhaxeysa magaaladda Baydhabo iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegay inay heshay xog ku saabsan in ciidamadaan sidoo kale loo diyaariyey sidii ay gacan uga geysan lahaayeen tababarida ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhig ku leh xerada Balidoogle, sidoo kalana ay kala taliyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo daacish.

Hadalkaan ka soo yeeray saraakiisha UK ayaa imaanaya ka dib geeridii xildhibaan Tory David Amess oo 69 jir ahaa, kaas oo mindi ku dilay Cali Xarbi Cali oo u dhashay dalka Britain, laakiin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Illo wareedyo ka tirsan Militariga ingiriiska ayaa wargeyska Mirror u sheegay in ciidamada dheeriga ah loo dirayo Soomaaliya ay ingiriiska horay u qorshaynaysay balse uusan la xiriirin dilka xildhibaanka.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay arrinti lagula ka kacay Soomaalida dalka Zambia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si aad uga walaacsan xariga safmarka ah ee loo geystay Soomaalida ku nool dalka Zambia.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday.”

Qoraalka ayaa dowladda ayaa yimid ayada oo maalmihii dhowaa tobanaan qof oo Soomaali ah sabab la’aan loogu xiray magaalada Ndola ee dalka Zambia, halkaasi oo ay ku beegsadeen ciidanka booliska.

Ndola oo ku taalla xuduudda Zambia ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa waxaa ku nool qoysas badan oo Soomaali ah, oo qaarkood ay ganacsato yihiin.

Al-Shabaab oo madaafiic culus ku weerartay Af-urur

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo ku yaal gobolka Bari.

Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka qaaday, kaas oo saacado qaatay.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay illaa 10 madfac ay ku dhaceen gudaha saldhigga iyo hareerihiisa, waxaana ay shaaciyeen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada ammaanka Puntland ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso.

Weerarkan wuxuu kusoo aadayo, iyada oo degmooyin ka tirsan Puntland ay ka billowdeen doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari waxaana ay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadaa saldhigyada ciidamada Puntland.

Daawo: Muran hareeyey laba kamid ah kuraasta BF ee reer waqooyiga ee kadib tallaabo uu qaaday Mahdi Guuleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxiinta kuraasta kala ah Hop 239 iyo Hop 237 iyo qaar kamid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ku eedeeyey inuu boobayo kursi uusan xaq u laheyn inuu u tartamo.

Waxgaradka iyo masuuliyiinta beesha iska leh masiirka labadaas kursi ayaa sheegay in xittaa guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ay ku kala qeybsan yihiin jadwalkii xalay ka soo baxay guddiga ee lagu iclaamiyey doorashada labadaan kursi.

Waxgaradka beesha iska leh labadaas kursi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo nin lagu magacaabo Biixi Iimaan ay la wareegeen shaqada guddigii loo xil-saaray maamulka doorashada kuraasta BF ee Somaliland, waxayna si gaar ah Mahdi Guuleed ugu eedeeyeen inuu adeegsanayo awooda dowladda, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, musharaxiin kale iyo waxgaradka beesha iska leh metelaada labadaas kursi ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday in si deg deg ah uu u soo faro-galiyo boobka ay sheegeen in Mahdi Guuleed iyo siyaasiyiin kale ay ku hayaan kuraasta beeshooda.

“Waxaan u soo jeedineynaa Ra’iisul Wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiinta, guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer gobol iyo guddiga xalinta khilaafaadka inay wax ka qabtaan boobkaan, cawaaqib xun ayaa ka imaan kara, amni darro iyo in beeluhu isku dhacaan ayaa ka dhalan karta, waxaana mas’uuliyadda koowaad ay ku dhaceysaa Ra’iisul Wasaaraha oo ah shakhsiga ugu sareeya hoggaanka amniga iyo doorashooyinka,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Guddiga doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa xalay soo saaray jadwal kooban oo ku saabsan doorashada labadaan kursi ee murankooda uu cirka isku shareeray, waxaana jira warar sheegaya in xitaa guddiga aysan isku raacin jadwalka ka soo baxay ee ku kooban qabashada doorashada labadaas kursi.

Hoos ka daawo mas’uuliyiintii ka hadashay khilaafka labadaas kursi

Sawirro: Muxuu Qoor Qoor faray ciidankii uu galabta ku booqday xerada militari?

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo weli ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa galabta kormeer ku tagay xeryaha ay militeriga Soomaaliya uga suganyihiin degmadaas oo maalmihii lasoo dhaafay marti gelisay dagaallo qaraar. 

Madaxweynaha oo ay wehliyeen wasiirro, xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada ayaa   halkaas ka jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin. Waxuuna ciidamada qalabka sida ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee waajibaadkooda ay u gudanayaan.

Ciidamada ku sugan Guriceel oo u badan Gor Gor iyo qeybta 21-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahay dagaal culus oo khasaare badan uu ka soo gaaray, waxaana badankood laga soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii si fudud ay magaalada Guriceel gacanta ugu gashay kooxda Ahlu-Sunna.

Saraakiil ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya, taliyeyaasha guutooyinka qeybtaas iyo saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa galabta madaxweyne Qoor Qoor ku wehliyey kormeerka.

Sidoo kale inta badan xubnaha golaha wasiirrada Galmudug, xildhibaano heer federaal ah oo Mahad Salaad uu ku jiro iyo maamulka degmada Guriceel ayaa qeyb ka ahaa kormeerka ciidamada ee Axmed Qoor Qoor. Odayaasha dhaqanka magaalada Guriceel ayaa shalay iyo maanta ciidamada ku wareejiyey Geel iyo raashin.

 

Saraakiil iyo dagaal-yahano badan oo Al-Shabaab ah oo ku dhintay qarax baabuur

0

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno koonfurta gobolka Mudug waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan ay ku geeriyoodeen qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen.

Gaariga uu qaraxu haleelay oo la sheegay inuu nooca dagaalka ahaa ayaa marayey duleedka deegaanka Qeycad, waxuuna ku sii jeeday deegaanka Bacaadweyn ee isla gobolka Mudug.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa ilo dadka deegaanka ah ayaa baahisay in xubnaha Al-Shabaab uga dhintay qaraxaas ay isugu jireen saraakiil iyo dagaalamayaal, kuwaas oo la socday hal gaari.

Dadka reer miyiga ah ee ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay waxay sheegeen in nooca qaraxaas uu ahaa miino dhulka lagu aasay, islamarkaana la rumeysan yahay in isla kooxda Al-Shabaab ay meesha geliyeen.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar ku dhaca dabinada ay u maleegayaan dadka kale si ay u khaarajiyaan, waxaana sidaan oo kale horay ugu qarxay miinooyin ay u diyaariyeen inay ku dhibaateeyaan ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay maamulaan.

Bilihii lasoo dhaafay dad badan oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxyada miinooyinka ah ee wadooyinka isaga kala goosha koonfurta gobolka Mudug ay gelisay kooxdu, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay guluf ku qaadeen dhamaan deegaanada dhaca koonfurta gobolkaas.

Al-Shabaab ayaa haatan si buuxda u maamulaya dhamaan deegaanadii ay kula dirireen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, sida Bacaadweyn, Qeycad, Camaara, Shabeelow iyo tuulooyin kale.

Sidoo kale cabsidii ugu darneyd ayaa hadda soo wajahday dadka ku nool deegaanka Wisil ee gobolka Mudug oo 27-kii Juun ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar ay ku dileen in ka badan 30 qof oo shacab ah, wararka aan ka heleyno Wisil waxay sheegayaan in kooxdu ay kaabiga ku heyso deegaankaas.

Kadib Guriceel, madaxweyne Qoor Qoor oo loogu baaqay inuu weeraro deegaanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta waxa uu Madaxweynaha Galmudug ugu baaqay inuu weerar ku qaado deegaanka Wisil iyo deegaanada u dhow-dhow.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in deeganadaas ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan kooxaha argagixisada si ay u qabsadaan deegaano kale oo hor leh, una dhibaateeyan shacabka.

“Odowaa iyo madaxweyne QoorQoor waxaa looga fadhiyaa xooggii, xoolihii iyo abaabulkii ciidan ee ay ku bixiyeen Guriceel in ay Wisil uga difaacaan argagixisada, waa haddii Galmudug maslaxadeeda iyo xasiloonideeda laga shaqaynayey!,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba aan laga aqbali doonin in uu yiraahdo madaxweyne Qoor-Qoor bulshada ku nool Wisil iyo agagaarkeeda iska difaaca argagixisada.

“Shacabka Galmudug waxa ay sugayaan talaabada uu arrintaan ka qaado QoorQoor oo laba mid un noqon doonta; inuu ka dhabeeyo is difaaca iyo in uu gurmad ciidan bixiyo oo la isaga difaaco argagixisada!.”

Xildhibaan Fiqi ayaa kal hore madaxweynaha Galmudug ku dhaliilay in awood ciidan oo loo baahna inuu kula dagaalamo Al-Shabaab uu la aaday ururka Ahlu-Sunna oo ayagu markii dambe iskaga baxay Guriceel.

Turkey oo masaafurineysa 7 qof oo Syrian ah oo ujeedo yaab leh u cunay moos

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay xirtay oo ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka ceyriso toddoba qof oo muhaajiriin Suuriyaan ah, oo baraha bulshada soo dhigay muuqaallo muujinaya ayaga oo cunaya moos.

Laanta socdaalka Turkey ayaa sheegtay in muuqaallada ay dadkaas soo dhigeen baraha bulshada ay ahaayeen “daandaansi” loogu jees-jeesay shacabka Turkey oo in badan oo ka mid ah ay hadda haysato xaalad dhaqaale xumo. 

Laanta socdaalka ayaa sheegtay in toddobaad qof la xiray, oo loo masaafurin doono Syria. 

Dhacdadan ayaa muujineysa sare u kaca dareen ka dhan ah muhaajiriinta oo ka jira Turkey, ayada oo dhaqaalaha dalka uu u xumaaday sababo la xiriira sicir-barar iyo qiimaha lacagta Lira ee dalkaas oo hoos u dhacday. 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay hadda xarun u tahay shan milyan oo qaxooti iyo muhaajiriin ah, kuwaas oo badankood ka yimid dalka ay dagaallada halakeeyeen ee Syria. 

Fadeexadda ku saabsan mooska ayaa billaabatay markii video uu qabsaday baraha bulshada horraantii toddobaadkan, ayada oo uu muujiyey nin ku sugan Istanbul oo ku qeylinaya gabar Syrian ah, kuna eedeynaya muhaajiririinta “waxada haysataan nolol middeena ka fudud.”

“Nolol raaxo leh ayaad ku nooshihiin, anagana ma cuni karno xitaa moos, adinkana ayaga oo kiilooyin ah ayaad suuqa kasoo iibsaneysaan,” ayuu yiri ninka ayada oo kadibna dad careysan ay isku hareereeyeen gabadha

Qaar ka mid ah dadka Syrian-ka ah ee jooga Turkey ayaa kadib billaabay dhaq-dhaqaaq ay uga soo horjeedaan takoorka, ayaga oo baraha bulshada soo dhigay muuqaallo muujinaya ayaga oo cunaya moos.

Gobolkii 3-aad oo ka mid ah Somaliland oo dadka reer Koonfurta laga musaafurinayo

0

Burco (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in gobolka Togdheer ka bilaaban doonto musaafurinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka laanta socdaalka ee gobolka Togdheer, Gashaanle dhexe Jaamac Maxamed oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa si gaar ah u carabaabay in dadka la musaafurinayo u badan yihiin deegaanada Waajid iyo Xudur ee Soomaaliya.

“Baryahanba howl baanu wadnay sidii aanu u diiwaan-galin lahayn dadka ajaanib ka ah ee jooga gobolka Togdheer, dadkaasi oo ka kooban dhawr qaybood oo kala dagan meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah, waana dadka la yidhaahdo RRA, reer Waajidka iyo dad dawarsadayaal ah oo reer Xudur ah, waana dad u dhashay Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay diiwaan-galiyeen xadi badan oo dadka kasoo jeeda Koonfurta, islamarkaana ay amar ka sugayaan madaxdii loo xil saaray musaafurinta dadkaas, sida uu sheegay.

“Anaga oo raacayna barnaamijkaa guud ee madaxda qaranku soo saartay, waxaanu tiro koobnay oo aanu isku daynay in aanu ogaano xogta gobolka, waxaanu samaynay dad liis garaysan, amar uun baanu ka sugaynaa taliyaha iyo madaxdii uu Madaxweynuhu u xilsaaray” ayuu yidhi Taliyuhu.

Gobolka Togdheer ayaa noqonaya gobolkii 3-aad ee lagaga dhawaaqo musaafurinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo markii u horeysay horaantii bishan laga bilaabay gobolka Sool.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashadii ka dhacday Puntland (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyyey doorashadii qof iyo codka aheyd ee Isniintii ka dhacay saddex degmo oo ka mid ah maamul goboleedka Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saareen saxiibada beesha caalamka ayaa lagu yiri “Iyadoo si nabad ah ay ku soo gebagebowday codbixintii iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee hanaanka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Saaxiibada beesha caalamka waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Puntland ee hormuudka u ah hirgelinta nidaamka doorashada guud oo ka hirgasha Soomaaliya oo dhan.”

Saaxiibada beesha caalamku ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, sida ka muuqata tirada badan ee codbixiyaasha ah ee soo baxay. 

“Waxaan rajaynaynaa dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan dawlad goboleedka Puntland sanada 2022. La-hawlgalayaashu waxay ku ammaanayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso doorkooda geeddi-socodka, iyagoo si gaar ah u xusay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ka dhaxaysa Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ururrada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Guushan dhiirri-gelinta leh ayaa muujinaysa suurtagalnimada in doorasho guud ay ka dhacdo Soomaaliya. Saaxiibada Beesha caalamku waxay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay inay taageeraan doorashooyinka marka ay ka dhacayaan heer deegaan, heer gobol iyo heer qaran oo dalka oo dhan ah.”

Qoraalkan waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Jadwalka kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lasoo saaray iyo Mahdi Guuleed oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca gobollada waqooyi ee Somaliland.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta oo ay thay 29 Octoter la bilaabayo araaji qabashada musharixiinta laba kursi oo ka mid ah gobollada waqooyi, kuwaas oo lagu daah-furayo doorashada kuraasta golaha shacabka ee Somaliland.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in beri oo Sabti ah, kuna beegan 30 October la sameyn doono hubinta & diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa HOP#237 iyp HOP#239.

Labadaan kursi ee la qabanayo doorashadooda ayaa waxaa horay ugu kala fadhiyay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige.

Musharixiinta tartamata sidoo kale waxaa ka mid ah Mahdi Guuleed oo haatan ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kaas oo loolan adag kula geli doono kursiga lambarkiisa uu yahay HOP #239 Xuseen Carab Ciise oo muddo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Mahdi Guleed haatan waa ninka labaad ee ugu saameynta badan doorashada gobollada waqooyi, waxaana ay in muddo ah ay is hayeen, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Gobollada waqooyi ayaa noqonaya garabkii ugu horreeyey ee bilaabaya doorashada golaha shacabka oo dhowaan ka bilaabaneysa dalka, taas oo ka culus mida golaha aqalka sare.

QOOR QOOR oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta taageeray AHLU SUNNA

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan Guriceel ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, wuxuuna sheegay in markale aysan aqbali doonin inay soo laabato dhibaatadii ka dhacday Guriceel.

Qoor Qoor ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay taageerayeen ‘cadow’ uu tilmaamay inay kasoo horjeedaan horumarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta taageeray Ahlu Sunna la bartay, isla-markaana ay qaadeen waddo aan habooneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga na dhaliila oo xitaa been naga sheega siyaasadda ayaa iska ah waxyaabaha qaarkood laakiin nuuca aad tihiin hadda waa la idin bartay ee dadka ha isa sii barinina, Dowladnimada, Sharciyadda & Wadajirka Galmudug difaacda, qof qaldana xumaan aad wadato & xil aad raadineyso oo si xun u fakireyso haku saacidin” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda ay weli heestaan.

“Dadka hubeysan ee duurka galay haka faaiideystaan fursadda aan siinay” ayuu markale yiri Axmed Cabdi Kaariye.

Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid weliba oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu soo gabagaboobay dagaalkii ka dhacay Guriceel, kadib markii ay magaaladaasi isaga baxeen xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo xukuno ku fulisay saddex qof oo mid ka mid ah dhagax lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukuno kala duwan ku fuliyey illaa saddex qof, waxaana dadkaasi xukunada lagula fuliyey fagaare weyn oo ku yaalla degmada Kuntunwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa xilligaas ku sugnaa dadweyne la’isugu yeeray halkaasi iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa saddexdan qof ku ridday xukunno kala duwan oo isugu jiro dil iyo sidoo kale gacan goyn.

Xasan Cabdi Aamey ayaa dhagax lagu dilay, kaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku eedeysay inuu gabar kufsaday, waxayna maxkamaddu shaacisay inuu horey guur u soo maray.

Sidoo kale ninka labaad oo aan la shaacin magaciisa ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ku kacay fal tuuganimo ah, waxaana goobta looga gooyey hal gacan.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay in isla fagaaraha Kuntunwaarey shalay galab lagu toogtay nin kale oo ay sheegeen inuu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo u gacan galay, kadib howl-gal ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyey xukunada ay fuliyaan oo u badan dilal toogasho ah, kuwaas oo ka dhaca deegaanada ay ka arrimiyaan ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia oo natiijo lama filaan ah ay ka muuqato

Mekele (Caasimada Online) – Militariga Ethiopia ayaa duqeymo xooggan ka fuliyey magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee Mekele, taasi oo sarkaal ka tirsan isbitaal uu sheegay in lagu dilay 10 qof.

Dowladda waxay sheegtay in weerarka, oo ahaa kii ugu dambeeyey olole duqeymo ah oo ku socda Mekele, lagu beegsaday warshad ay adeegsadaan kooxda TPLF.

“Duqeynta waxay burburisay qeybta labaad ee warshadda injineeriyadda ee Mesfin. Goobtan waxay argagixisada TPLF u adeegsadaan inay ku dayactiraan qalabkooda,” waxaa sidaas tiri afhayeenka dowladda Selamawit Kassa.

Hase yeeshee, Dr Hayelom Kebede oo ah cilmi-baare ka tirsan Isbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekele ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhaceen goobo dadweyne, ayna sababeen khasaarooyin xooggan. 

“Dhimashada waxay gaareysaa 10, dhaawucna waa 21,” ayuu yiri Dr Hayelom Kebede. 

Xafiiska isgaarsiinta ee TPLF ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goobo ay degan yihiin rayid. 

Goor sii horreysay afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa xaqiijiyey duqeynta, isaga oo intaas ku daray in habkooda difaaca uu ku howlan yahay iska difaacidda diyaradaha cadowga.

Gobolka Tigray ayaa waxaa toddobaadyadii tegay ku socday duqeymo xooggan ayada oo ciidamada dowladda ay sare u qaadeen weerarka ka dhanka ah TPLF.

Maamulka hawada iyo duqeymaha ayaa ah mid ka mid ah meelaha faro ku tiriska ee ciidamada dowladda ay kaga awood sarreeyaan xooggaga TPLF.

Hase yeeshee dagaalka cusub oo dhowr toddobaad kahor ay dib u billaabeen militariga dowladda iyo maleeshiyada Amxaarada kadib guul-darrooyin ku dhacay bishii June, ayaan laga gaarin ujeedkii laga lahaa ee ahaa in TPLF laga xoreeyo dhulka ay qabsatay. 

Taa beddelkeed waxay kusii siqeen goobo cusub ayagoo qarka u saaran inay qabsadaan magaalada Dessie oo 400km waqooyi ka xigta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.