25.1 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

QOOR QOOR oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta taageeray AHLU SUNNA

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan Guriceel ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, wuxuuna sheegay in markale aysan aqbali doonin inay soo laabato dhibaatadii ka dhacday Guriceel.

Qoor Qoor ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay taageerayeen ‘cadow’ uu tilmaamay inay kasoo horjeedaan horumarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta taageeray Ahlu Sunna la bartay, isla-markaana ay qaadeen waddo aan habooneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga na dhaliila oo xitaa been naga sheega siyaasadda ayaa iska ah waxyaabaha qaarkood laakiin nuuca aad tihiin hadda waa la idin bartay ee dadka ha isa sii barinina, Dowladnimada, Sharciyadda & Wadajirka Galmudug difaacda, qof qaldana xumaan aad wadato & xil aad raadineyso oo si xun u fakireyso haku saacidin” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda ay weli heestaan.

“Dadka hubeysan ee duurka galay haka faaiideystaan fursadda aan siinay” ayuu markale yiri Axmed Cabdi Kaariye.

Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid weliba oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu soo gabagaboobay dagaalkii ka dhacay Guriceel, kadib markii ay magaaladaasi isaga baxeen xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo xukuno ku fulisay saddex qof oo mid ka mid ah dhagax lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukuno kala duwan ku fuliyey illaa saddex qof, waxaana dadkaasi xukunada lagula fuliyey fagaare weyn oo ku yaalla degmada Kuntunwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa xilligaas ku sugnaa dadweyne la’isugu yeeray halkaasi iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa saddexdan qof ku ridday xukunno kala duwan oo isugu jiro dil iyo sidoo kale gacan goyn.

Xasan Cabdi Aamey ayaa dhagax lagu dilay, kaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku eedeysay inuu gabar kufsaday, waxayna maxkamaddu shaacisay inuu horey guur u soo maray.

Sidoo kale ninka labaad oo aan la shaacin magaciisa ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ku kacay fal tuuganimo ah, waxaana goobta looga gooyey hal gacan.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay in isla fagaaraha Kuntunwaarey shalay galab lagu toogtay nin kale oo ay sheegeen inuu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo u gacan galay, kadib howl-gal ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyey xukunada ay fuliyaan oo u badan dilal toogasho ah, kuwaas oo ka dhaca deegaanada ay ka arrimiyaan ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia oo natiijo lama filaan ah ay ka muuqato

Mekele (Caasimada Online) – Militariga Ethiopia ayaa duqeymo xooggan ka fuliyey magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee Mekele, taasi oo sarkaal ka tirsan isbitaal uu sheegay in lagu dilay 10 qof.

Dowladda waxay sheegtay in weerarka, oo ahaa kii ugu dambeeyey olole duqeymo ah oo ku socda Mekele, lagu beegsaday warshad ay adeegsadaan kooxda TPLF.

“Duqeynta waxay burburisay qeybta labaad ee warshadda injineeriyadda ee Mesfin. Goobtan waxay argagixisada TPLF u adeegsadaan inay ku dayactiraan qalabkooda,” waxaa sidaas tiri afhayeenka dowladda Selamawit Kassa.

Hase yeeshee, Dr Hayelom Kebede oo ah cilmi-baare ka tirsan Isbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekele ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhaceen goobo dadweyne, ayna sababeen khasaarooyin xooggan. 

“Dhimashada waxay gaareysaa 10, dhaawucna waa 21,” ayuu yiri Dr Hayelom Kebede. 

Xafiiska isgaarsiinta ee TPLF ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goobo ay degan yihiin rayid. 

Goor sii horreysay afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa xaqiijiyey duqeynta, isaga oo intaas ku daray in habkooda difaaca uu ku howlan yahay iska difaacidda diyaradaha cadowga.

Gobolka Tigray ayaa waxaa toddobaadyadii tegay ku socday duqeymo xooggan ayada oo ciidamada dowladda ay sare u qaadeen weerarka ka dhanka ah TPLF.

Maamulka hawada iyo duqeymaha ayaa ah mid ka mid ah meelaha faro ku tiriska ee ciidamada dowladda ay kaga awood sarreeyaan xooggaga TPLF.

Hase yeeshee dagaalka cusub oo dhowr toddobaad kahor ay dib u billaabeen militariga dowladda iyo maleeshiyada Amxaarada kadib guul-darrooyin ku dhacay bishii June, ayaan laga gaarin ujeedkii laga lahaa ee ahaa in TPLF laga xoreeyo dhulka ay qabsatay. 

Taa beddelkeed waxay kusii siqeen goobo cusub ayagoo qarka u saaran inay qabsadaan magaalada Dessie oo 400km waqooyi ka xigta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Madaxa siyaasadda ururka AHLU-SUNNA oo shaaciey qorshahooda cusub (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa siyaasadda ee xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee dhawaan ka dagaallamay Galmudug ayaa shaaca ka qaaday tallaabada xigta oo ay qorsheynayaan kadib dagaalkii Guriceel. 

Cabdisalaan Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaan doono sidii uu horay u ahaan jiray.”Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu way iska caddahay, horay ayayna u bayaaniyeen culimada iyo hoggaankuba,” ayuu yiri.

“Ahlu Sunna taladeeda waa in fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ka dul qaadaan, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna.

Aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ayay ciidamada Ahlu Sunna ka baxeen magaalada Guriceel kaddib dhowr maalmood oo ay halkaas ku dagaallamayeen iyaga iyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka.

Cabdisalaan ayaa wareysiga uu BBC-da siiyay ku sharraxay sababta keentay in ciidamadooda ay ka baxaan magaalada Guriceel.

“Ahlu Sunna Waljameeca mar asta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa, Ahlu Sunna iyadoo u tureysa shacabka reer Guriceen iyo umadda Soomaaliyeed ayay go’aansatay inay bannaanka uga baxdo magaalada Guriceel,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Dowladdu way jabisay heshiiskii Guriceel looga soo baxay.

Haddaba muxuu yahay qorshaha xiga ee Ahlu Sunna?

Isla qodobkaas isagoo faahfaahinaya ayuu Cabdisalaan yiri: “Dagaalkeennu hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkeennu wuxuu ku wajahan yahay a-Shabaab, waxa uu qorshaheennu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u qalmaan inay dhintaan inaan dilnana uma qalmaan.”

Billowgii bishan October ayay soo cusboonaatay colaadda Galmudug kaddib markii ay xoogag daacad u ah ururka Ahlu Sunna ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir la wareegeen magaalada Guriceel.

Dadka dhaliilsan siyaasadda kooxdan ayaa ku eedeeyay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid looga gol leeyahay sidii ay ku heli lahaayeen saameyn siyaasadeed, laakiin madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyntaas, waxa uuna sheegay in kuraasta mar walba ay yihiin kuwo lagu kala qaybsado qaab qabiil”.

Dhowr jeer oo hore ayuu isku dhac dhex maray ciidamada HLU Sunna iyo kuwa dowladda federaalka kaddib markii ay madaxdu isku khilaafeen arrimo siyaasadeed.

Marar kala duwan ayay socon waayeen heshiisyo ay galeen labada dhinac oo mid walba uu kan kale ku eedeeyo ku xad gudubka wixii la isku afgartay. 

QOOR QOOR oo kulamo ka billaabay Guriceel + Sawirro

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Guriceel ayaa la kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada deegaanka, kuwaa oo saacadihii ugu dambeeyay dib ugu laabtay magaalada.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dadka reer Guriceel kala hadlay xaaladda guud iyo midda amniga, kadib dagaaladii saddexda cisho ka socday magaaladaasi iyo ka bixintaankii Xoogagga Ahlu Sunna.

Qoor Qoor ayaa ka qaybgalayaasha ka dhageystay talooyin ay ka siiyeen, sida magaalada kaga gudbi karo marlxaadda ka jirta, isagoona kaga mahad-celiyay garab istaagga ay u muujiyeen geeddi-socodka nabadda, dowladnimada iyo wadajirka dadka reer Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Guriceel, maalin ka dib markii ay magaaladaasi baneeyeen Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo la sheegay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed kasoo baxay Xisbiga Amniga iyo Caddaalada ayaa walaac xoogan looga muujiyey xaalada Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay xabsi guri gelisay dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Xisbigan oo uu hoggaamiyo Roobow ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaalad caafimaad xumo iyo daryeel la’aan oo uu wajahayo Roobow, taasi oo muujineysa heerka ay gaarsiinsan tahay xadgudubka ay geysanayaan Rajiimka Farmaaj, sida lagu yiri qoraalka.

“Rajiimka Farmaajo waxay ku tilmaaman yihiin koox aan xeerineynin Diinta Islaamkka, Dhaqanka Soomaalida iyo Xeeerka Caalamiga ah. Waxaa wax lala yaaabo ah in hay’adihii Cadaalada iyo Garsoorka ay noqodaan kuwo aaan Madaxbanaaneyn islamarkaana ku milmey laamaha fulinta ayna noqdeen kuwo u nugul dhageysiga Awaamiitka kaga imaaneysa kooxda Farmaajo,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay xisbiga amniga iyo cadaalada.

Sidoo kale waxa uu xisbigu soo dhaweeeyay dacwada ka dhanka ah Farmaajo ee qareenada Soomaaliyeed u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Aduunka (ICJ).

“Xisbiga waxa uu ka wel-welsan yahay Nolosha bed-qabka Musharax Sheekh Mukhtaar tan iyo markii Wareysi gaar ah uu siiyey warbaahinta VOA,” ayaa sidoo kale lagu yiri qeyb kamid ah war-murtiyeedkaas.

Waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Beesha Caalamka iyo hay’addaha xuquuqul insaanka inay si dhow ula socdaan Nolosha iyo Bedqabka Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow.

“Xisbiga waxa uu cod dheer ku sheegayaa haddii ay dhacdo inay dhibaato gaarto Musharax Sheekh Mukhtaar waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo Fahad Yaasiin.”

Hoos ka aqriso qoraalka Xisbiga 

Yaa ka dambeeyey inay Ahlu-Sunna ka baxdo GURICEEL?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii u horeeyay sheegay in maamulka Galmudug dalbaday in ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna laga saaro Guriceel, si loo gudo galo tabashadooda, taasina ay aqbaleen.

Wasiirka ayaa u mahad-celiyay guddiga labada dhinac waan-waanta ka dhex wada, kuwaasi oo ku guuleystay in hogaanka Ahlu-Sunna aqbalaan dalabka maamulka Galmudug.

“Nuxurkayaga waxa uu ahaa nimankaan Guriceel ha laga saaro oo dadkana magaalada ha kusoo noqdaan, wixii ay tabanayaan ha ka hadlaan, Nimankii ayey arrintaas ka ogolaadeen welina wey isku maqan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

“In deegaanka nabad yahay farxad ayay noo tahay, in dhibtaada intaas ku eekato waa waxa raadineynay, cid kasta oo ku guuleysata gacmo furan ayaa ku soo dhaweynayna. Haddii ay ka baxeena waa mahadsan-tihiin ayaa leenahay.”

Sidoo kale waxa uu dagaalkii Guriceel ku tilmaamay inqilaab dhicisoobay oo meesha looga saarayay nidaamka iyo sharciyada Galmudug, islamarkaana uu ka hortagay maamulka.

“Nimankaas odayaasha ah in Guriceel ka baxeen oo haddana dowladda ay joogto ayaa warkeena yahay, intaan oo kale deegaanka iyo dadka wax isku haya jawaab u noqon mayso anfici mayo,” ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey in Ahlu-Sunna awood ciidan uga baxday degmada iyo inkale.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu soo dhamaaday dagaalkii Guriceel, islamaarkaana ay Ahlu-Sunna garawsadeen in sharciga raacan oo ka baxaan magaalada, si dhibaatada intaas uga sii badan.

Guddoomiye Anas Cabdi oo soo saaray hanjabaad cusub iyo dad ku sugan Guriceel oo…

0

Guriceel (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin oo markii u horeysay ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhowrka maalmood ka socday degmada Guriceel ayaa hanjabaad culus u diray dadkii gacanta siiyay Ahlu-Sunna oo qaarkood ku sugan yihiin degmada.

Guddoomiye Anas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dadka qeybta ka ahaa waxyeelada soo gaartay bulshada Guriceel, islamarkaana ay maxkamad kasoo hormuuqan doonaan, sida uu sheegay.

“Cid walba oo gacan ku laheyd oo Guriceel ha joogto ama ha ka maqnaate waxaa rajeynayaa inay maxkamad kasoo hor-muuqan doonto. Raali kama noqon doono in maalin walba la dhibaateeyo guryaheen oo haddan xaafadaha naloo joogo oo dad wanaagsan oo fiican oo wanaagsana la iskaga dhigo wax shaqeyn doono maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Anas Cabdi Macalin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka, ganacsiga, caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee degmada Guriceel.

“Dadka reer Guriceel waa baraargusan yihiin mana aha dad raba in ay laabtaan oo xiligan kadib lagu qancin karo aan jabhadeyno oo xaafado hoose aan u dagaalano. Waa dad fahansan cadowgooda iyo kuwa wax u galay.”

Guddoomiye Anas ayaa ballan-qaadya in sida ugu dhaqsaha badan ay gargaar gaarsiin doonaan dadkii ku barakacay dagaalka Guriceel, isagoona hay’addaha samafalka ugu baaqay ka qeyb qaadashada taakulada dadkaas.

Maamulka sare ee degmada Guriceel ayaa u muuqda kuwo aargoosi xun kula kacaya dadkii gacanta siiyay ururka Ahlu-Sunna ee xiligan ku sugan degmada, waxaana sidan oo kale shalay wacad ku maray Taliyaha saldhiga booliska degmada inay si nabad ah ku joogeen dadkaas.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo aad uga carooday arrin uu sheegay George Kordahi

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen.

Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.”

Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadallada “gefka ah” ee Kordahi.

Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadallada “aflagaadada ah,” ayada oo sheegtay inay ahaayeen “kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.”

Waxyar kadib ayaa Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay safiirka Lubnaan.

Hadallada Kordahi “ee ceebta ah dhinacana u janjeera waxay u gefeen dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga,” ayaa lagu yiri bayaan ay sii daysay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM.

Dowladda Lubnaan ayaa Talaadadii sheegtay in hadallada Kordahi “la diiday oo aysan ka tarjumeyn mowqifka dowladda,” ayada oo intaas ku dartay in wareysiga su’aashu ay ka taagan tahay la qaaday kahor inta aan Kordahi loo magacaabin wasiir bishii September.

AFP + VOA

Sheekh SHAAKIR oo shaaca ka qaaday sababta ay uga baxeen degmada Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac ayaa war xasaasi ah ka soo saaray dagaalladii cuslaa ee ka dhacay Guriceel iyo sababta rasmiga ah ay uga baxeen gudaha magaaladaasi.

Sheekh Shaakir ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay degmada Guriceel intii ay dagaalladu socdeen, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Sababta ay dib uga baxeen magaalada Guriceel waxa uu ku sheegay inay ku timid, kadib codsi ka yimid ganacsatada, bulshada rayidka ah, Senataro iyo siyaasiyiin reer Galmudug ah, ayna aqbaleen, iyaga oo u turayo dadka iyo deegaankaba , sida uu hadalka u dhigay

”Waxaan rabaa in aan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan Shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay culimada, cuqaasha , ganacsatada , siyaasiyiinta , midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna shacbigeena,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca oo qoraal soo saaray.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhanka kale xusay inuu aad uga xun yahay wixii ka dhacay magaalada Guriceel, gaar ahaan burburka iyo barakaca ka dhashay dagaalladii dhacay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku ballaameen, iyaga iyo dhinacyada kale ee  wada-hadallada garwadeenka ka ahaa inay dagaan ciidamadooda deegaanka Bohol oo uu markii kasoo billowday dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in laga codsaday inay wareejiyaan gaadiidka dagaal ee ay horay uga qabsadeen Galmudug, ayna wareejiyeen gaadiidkaasi oo labo ahaa.

Ugu dambeyn Sheekha ayaa u mahadciyey shacabka iyo ganacsatada Guriceel ee sida weyn u taageeray muddadii ay ku sugnaayeen gudaha magaaladaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, kadib dagaallo maalmo qaatay oo ka dhacay Guriceel, kuwaas oo ugu dambeyn sababay in ciidanka Ahlu Sunna ay isag baxaan magaaladaasi.

FIQI oo amaanay tallaabadii uu xalay qaaday Farmaajo balse hal su’aal weydiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka falceliyey dikreetada uu soo saaray madaxweynaha, kuna joojiyey dhismaha dhulalka danta guud ayaa su’aallo ka keenay xeerka madaxweynaha, isaga oo soo qaadanayo dagaalkii khasaaraha badan dhaliyey ee Guriceel.

Fiqi ayaa sheegay in xeerka uu soo saaray madaxweynaha uu yahay mid wanaagsan, balse wuxuu ku eedeeyey inuu fasaxay dhiigga dadkii ku dhintay & kuwii ku dhaawacmay Guriceel.

“Oday Farmaajo dhulka xeer ayuu ka soo saaray waana arrin fiican laakin dhiigga dadka ee uu fasaxay in la daadiyo ayadoo la adeegsanayo ciidamadii qaranku wada lahaa see laga yeelayaa?,” ayuu qoraal soo saaray ku yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada Farmaajo qaaday ee xagga dhulka danta guud ay muujineyso inuu ka tegayo dal oo uusan ka tageyn dad, siduu hadalka u dhigay.

“Mase og yahay ama la socdaa dadka iyo dhulka dawladda midka qiimo badan!? Asagoo dad ka badan 200 qof dhimashadooda iyo dhaawacooda oo ciidamada qaranka iyo saraakiishoodu ay ku jiraan sabab u ahaa maantay in uu dhul dawlo wareegto ka soo saaro sow ruwaayadii dal baan ka tagayaa ee dad kama tagayo ee aan kol hore daawanayey dib nooguma daarin!?,” ayuu markale sii raaciyey qoraalka uu soo saaray Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi oo siyaasad ahaan si weyn u mucaarado Farmaajo ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday duukaankii lagu qaaday Ahlu Sunna.

Si kastaba, hadalkan ayaa daba socda dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ku mamnuucay ku takri-falka iyo musuq maasuqa dhulalka danta guud ee xilligaan uu uu dalku aaday doorasho.

Maamulka GALMUDUG oo amar culus soo saaray, kadib dagaalkii magaalada Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Galmuudg ayaa soo saartay amar culus oo la xiriira amniga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay shalay ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda ay kala wareegeen xoogaga Ahlu Sunna.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya qof aan ciidan aheyn aysan hub ku dhex qaadan karin Guriceel, isagoo sheegay in la xaqiijiyey amniga degmada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in amniga magaalada ay u xil-saareen laba koox oo baaris dheeraad ah ku sameynaya goobihii lagu dagaalamay, si ay xaaladda u qiimeeyaan.

Waxa kale oo uu xusay in ka wasaarad ahaan ay soo saari doonaan xeer deegaanada Galmudug looga mamnuucayo hubka, si dadka hubeysan looga dhigo hubka.

Ugu dambeyn ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa iyana ugu baaqay inay ku sugnaadaan xeryahooda, marka laga reebo inay howl-gallo ku jiraan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada dagaallo qaraar oo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac burbur & barakac.

Si kastaba, Galmudug ayaa haatan dooneysa inay gacan bir ah ku qabato amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay uga hortagto dagaallo markale ka dhaca halkaasi.

AMISOM oo ka jawaabtay eedeyntii AHLU SUNNA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah ugu jawaabay hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowaan ku eedeeyey inay ka qeyb-qaateen dagaalladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

AMISOM ayaa marka hore waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeynta kasoo yeertay Ahlu Sunna Waljamaaca, iyada oo beenisay in ciidamadeeda ay ka dagaalameen Guriceel.

Sidoo kale AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka eedeyntaas ay tahay mid lagu doonayo in la’isaga horkeeno ciidamada AMISOM iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Eedeymahan ayaa ah been abuur , sun iyo kuwo xaasidnimo, oo si bareer ah loogu tala galay in mad-madoow lagu dhex geliyo AMISOM iyo Soomaalida,” ayey tiri AMISOM.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Howlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta,”.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto kaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo inay caawiyaan ciidanka dowladda.

Ugu dambeyn taliska AMISOM ayaa xusay inay xoojin doonaan waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay ka shaqeynayaan ammaanka Dhuusamareeb & doorashada ka dhaceysa.

Hadalkan ka soo yeeray AMISOM ayaa kus oo aadaya, iyada Ahlu Sunna oo haatan isaga baxday Guriceel ay ku eedeysay ciidamada Midowga Afrika inay taagaareen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, isla-markaana ay siiyeen hub fara badan iyo gaadiid dagaal.

Sawirro: Aqoon-isweydaarsi 10 cisho ka soconayay Turkey, oo lasoo gaba-gabeeyey

Istanbul (Caasimada Online) – Casho sharaf lagu qabtay Maqaaxida Dalsan ee ku taal Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa lagu soo gabagabeeyay aqoon is-weydaarsi 10 cisho soconayay,  loogana hadlayay walbahaarka ka dhasha isticmaalka xad-dhaafka ah ee aaladaha Internet-ka ku shaqeeya

Aqoon isweydaarsigan,  ayaa loo qabtay soddomeeyo dhalinyaro ah, kana kala yimid dalalka Netherlands, Sweden, Finland, France, Italy & Turki, waxaanna casharo ka bixinayay Joequin Martin & Ekaterine oo u kala dhashay dalalka Spain & Georgia.

Cabdifataax Jaamac [Janna-gale] oo ah khabiir in muddo ah ka soo shaqeynayay howlaha ijticmaaciga ah ee kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, ayaa ugu horreeyn munaasabada casho sharafta ka hadlay, isaga oo tilmaamay in 10 cisho  kaddib  ay hayaan guul la taaban karo.

“10-kii cisho ee aan ku sugnayn Talen Hoteel  oo ku yaal xaafada [Kaynarca] mowduucyada aan ka doodeynay oo aan si cilmiyeysan dhinac waliba isaga tusnay  haddeey tahay wanaaga uu leeyahay isticmaalka digital-ka & haddii lagu talax-tago isticmaalkiisa dhibaatooyinka ka dhasha oo aan si fiican isula lafa-gurnay, haddana faa’iidada kale ee aan dhaxalnay waxay tahay  in dhalinyaro dalal kala duwan ka yimid  ay isku barteen iskuna dhaafsadeen khibrad & aqoon”Ayuu yiri C/fitaax Janna-gale,  wuxuuna kula dardaarmay dhalinyaradii dhammeystay aqoon isweydaarsiga ee  la guddoonsiiyay shahaadada in aqoontii & khibradii ay ka kororsadeen muddadii uu socday aqoon isweydaarsiga in ay la wadaagaan dhalinyarada kale ee aan fursada u helin.

 “Waxaa suurtagal ah in ay jiraan dhalinyaro adinka oo kale ah oo jeclaan lahaa in ay helaan fursadan adinku aad hesheen, haddana aysan u suurtagelin waxaan idinka codsaneynaa inaad la wadaagtaan wixii aad halkan ka barateen cid kasta oo kale”Ayuu yiri Janna.Gale, wuxuuna ugu dambeyntii u mahadceliyay hay’adda Erasmus+ oo suurtagelisay in aqoon kororsigani uu qabsoomo.

C/shakuur Cilmi Xassan oo ka socday Hay’adda Jamaal Foundation, ayaa   ka hadlayay casha sharaftaasi, wuxuuna u mahadceliyay fursada ay u heshay Jamaal Foundation qabanqaabada munaasabadan.

“Mowduucan [Digital distress] wuxuu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan maanta ee u baahan in si cilmi ah loola fal-galo, waayo dhalinyaro & waayeel intuba taleefanku wuxuu la mid noqday wax ku shaqeeya DNA-deena, tallooyinkii la is weydaarsaday waxay ahaayeen kuwa dhaxalgal ah”Ayuu yiri C/shakuur, wuxuuna intaasi ku daray inuu ku faraxsan yahay in 10-kii cisho ee ay ku sugnaayeen goobtii aqoon isweydaarsigu ka dhacay in wax waliba ay ugu dhammaadeen sidii loogu talogalay.

Shaqsiyaadka gacanta weyn ka geystay abaabulka & qabsoomida aqoon isweydaarsigan waxaa ka mid ahaa; Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta dowlad goboleedka Puntland C/risaaq Shiikh Adduun.

“Dhalinyaradu waxay fursad u heleen in ay dood caafimaad leh doodaan, is dhageystaan, mid waliba  uu na la wadaago khibradiisa, aqoontaas la kala kororsanayo haddii lagu kabo [motivation] oo la la yimaado isbeddel ku dhisan aqoon iyo ilbaxnimo waxaa la gaarayaa halka loo socdo” Ayuu yiri Wasiir C/risaaq Shiikh Adduun.

 Qoraa C/casiis Cali Ibraahim [Xildhibaan] oo ka mid ahaa aqoonyahanadii lagu casuumay  aqoon isweydaarsiga ayaa ku baraarujiyay dhalinyaradii madasha ku sugneyd sheekooyin ka tarjumaya sida la isku qabadsiin karo in iyada oo laga faa’ideysanayo aaladaha ku shaqeeya internet-ka, haddana ay tahay inaan [addicted] lagu noqon.

Gabagabadii siminaarka waxaa la guddoonsiiyay dhalinyaradii ka soo qeybgashay shahaado, waxaanna lagu soo afjaray xaflad casha sharaf ah.

Farmaajo oo soo saaray xeer MADAXWEYNE oo shan qodob ka kooban (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online – Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu mamnuucay ku takri-falka iyo musuq maasuqa dhulalka danta guud ee xilligaan uu dalku doorashada aaday.

Qoraalka Farmaajo oo ka kooban shan qodob ayaa daba socda dikreeto uu soo saaray 18-kii bishii Jannaayo ee sanadkii 2018-kii, waxaana lagu mamnuucay dhamaan heshiisyadii dhulalka danta guud ee la galay wixii ka dambeeyey 8-dii Febraayo 2017 oo ah markii la doortay.

Sidoo kale dikreetadani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ay ka taagan yihiin muran dhuleedyo xoog leh, sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay.

Hoos ka akhriso dikreetada Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho, Oktoobar 27, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysana jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

1- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

2- Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3- Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.

4- Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.

5- Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

DHAMMAAD

Khaladaadkii uu ku kacay Qoor Qoor ee keenay inay Ahlu-Suna dib usoo noolaato

0

Kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ayaan caan ku ahayd 10 sano ka badan inay hadba la falgasho dowladihii isaga danbeeyay ee dalka oo xilal iyo kharash badan ay ka heshay.

Macalin Maxamuud iyo xertiisa waxay kasoo hareen dhaqdhaqaaqa Suufiyada ee ka kacay Guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, waxayna noqdeen awoodda ugu weyn ee ka jirta Koonfurta dalka, iyadoo ugu danbeyn qeyb ka noqday Maamulkii Galmudug ee kala qeybsanaanta ragaadisay 2019.

Dowladii ay hoggaaminayeen Farmaajo iyo Xasan Kheyre waxay isku dayday inay Ahlu Sunna waanwaan iyo heshiisyo hoose la gasho, balse si kasta oo arrintooda loo xaliyey, waxay markii dambe xaaladu tagtay in awood lagu maquuniyo oo Dhuusamareeb xoog looga saaro, waxaan sidaasi lagu doortay Madaxweynaha ay Villa Somaliya wadatay ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Maamulkii awoodda lagu dhisay ee loo dhiibay Qoorqoor wuxuu xoogga saaray inuu la heshiiyo siyaasiyiintii ka horjeeday ee Beeeshiisa, wuxuuse iska iloobay halista ugu weyn ee Galmudug oo ahayd Ahlu suna.

Khaladaadka Madaxweyne Qoorqoor ku dhacay ee keenay in Ahlu suna dib u soo noolaato, halisna geliso maamulkiisa waxay kala yihiin:

1- Qooqoor marna iskuma dayin inuu dhiso ciidamo adag oo Galmudug leedahay, wuxuuna mar kasta ku tiirsanaa Ciidamada Federaaka iyo Madaxweyne Farmaajo, taasina waxay keentay in Galmudug ay iska celin weydo duullaanada Alshabaab iyo laba kacleynta Ahlu suna iyadoo aan taageero ka helin Dowladda Federaalka.

2- Madaxweyne Qoorqoor wuxuu waqtigiisa badan ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo xooggiisa ku bixiyey arrimaha khilaafka Doorashooyinak Federaalka iyo taageerada Farmaajo, isagoo aan horumar la taaban karo ka sameyn maamulkii uu madaxda ka ahaa dhinac kasta.

3- Qoorqoor wuxuu ku fashilmay inuu xoojiyo maamulka Galmudug, isla markaana kalsooni ka dhex abuuro beelaha cabashada qaba, iyo kooxaha halista gelin kara, mana jirin qorshe ay Galmudugta Qoorqoor u dejisay in maamul karti leh lagu sameeyo.

4- Madaxweyne Qoorqoor wuxuu gebi ahaan iska iloobay awoodda Ahlu suna iyo taageerada ay ku leedahay Gobollada Dhexe, wuxuuna yareystay inay xilli kasta is abaabuli karaan, sidoo kale ma jirin xal uu ka raadiyey madaxdii Ahlu suna ee la maquuniyey.

5- Sida Qoorqoor u maamulay dagaalkii Guriceel ee qasaaraha badan dhaliyey waxay ahayd farsamo xumo weyn oo ka dhalatay khibrad la’aanta iyo qorshe la’aanta Galmudug, waxaana sal u ahaa Doorashada la filayo inay Galmudug ka dhacdo oo Axmed Qoorqoor u muuqday inuu dhinac u janjeero,

Galmudugta cusub ee kadib dagaalkii Guriceel ma noqon doonto mid la mida Galmudugtii hore, waxaana Qoorqoor uu hadda wajahayaa xaalad cakiran oo aanu Galmudug isku sii heyn karin, haddii uu doonayo inuu ku tiirsanaado milatariga dowladda Federaalka.

Isha: Goobjooge.net

Sawirro: Lafta Gareeb oo booqday xerada ciidanka ee Balidoogle + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ciidamada ee Balidoogle, taas oo si gaar ah loogu tababaro ciidamada Danab.

Lafta Gareen ayaa marka uu tegay xerada waxa uu kusoo dhoweeyey saraakiisha ciidanka Xoogga iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi, isaga oo kadib kormeer iyo Indha-indheyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xerada Balidoogle.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa u kuur galay inta uu ku jiray booqashadiisa, sida ay u socdaan howlaha tababarada ee Kumaandooska Danab.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa saraakiisha uu la kulmay waxaa uu kala sheekeestay howlaha tababarka ciidamada ee ka socda halkaasi.

Xerada Balidoogle oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, kuna taallo Sh/ Hoose ayaa waxaa ku sugan saraakiil Mareykan ah oo tababarayaal, kuwaas oo cashiro siiyo ciidamada Danab.

Booqashada Lafta Gareen ee saldhigga Balidoogle ayaa ku soo aadeysa, markii Mareykanka uu shaaciyey inuu ka fakirayo taageerada ciidamada Danab, ka gadaal markii ay ka qeyb-qaateen dagaalladii ka dhacay Guriceel oo looga dilay taliye sare oo ka tirsanaa ciidankaasi.

Si kastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka.

Gabar dhakhtar ajnabi ah oo iska soo tuurtay dabaq ku yaalla magaalada Garoowe

Garowe (Caasimada Online) – Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia ayaa xalay iska tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe

Dr. Nadia ayaa lagu warramay inuu gaaray dhaawac culus, islamarkaana ay xaaladeeda halis tahay.

Dhakhtaradan, oo ah gabar dhalinyar oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, ayna u dhaxdo dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda dalka Syria balse haysta dhalashada Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid. Dr. Maxamed ayaa ku takhasusay xanuunada gaaska iyo uur ku-jirta.

Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah.

Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag, kuwaasi oo dhamaan ay ku guulaysatey.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Nadia dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka. 

Daawo: Maxaa ka jira in Puntland ay Ahlu-Sunna ku garab siisay dagaalka?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay eedeymo si hoose loogu jeedinayey todobaadyadii u dambeeyey, kuwaas oo la xariira xiisadda ka aloosan Galmudug, waxayna dad badan oo reer Galmudug ah qabaan in Puntland ay Ahlu-Sunna ku gacan siineyso dagaalka ay kula jirto dowlad goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan wax taageero ah siin ururka Ahlu-Sunna ee dagaalka kula jira dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in Puntland ay jeceshahay wanaagga deeriskeeda Galmudug, isla markaana aysan suurta gal aheyn inay taageerto kooxo liddi ku ah jiritaankeeda.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in jiritaanka Galmudug uu muhiim u yahay ammaanka iyo iskaashiga labada maamul, “Jiritaanka Galmudug waxuu noo yahay wanaag, waxaan nahay dad walaalo ah oo wada degan oo dowlad dhiska Soomaaliya qeybtooda ka qaadanaya, waa been abuur in aan taageero siinay cid aan dowladda Galmudug aheyn,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay ka kaashadaan la dagaalka cadawga Soomaaliya ee Al-Shabaab, “Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in eedeynta noocaas ah aysan aheyn mid Galmudug ka timid, laakiin waa macquul in dad reer Galmudug ah lasoo dhex-marsiiyey, waa eedeymo meelo kale laga soo maleegay, balse waxaan cadeyneynaa inaan aad uga xunahay dagaalka ka dhacay Guriceel,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Sanyare.

Sidoo kale waxa uu sheegay in reer Galmudug looga baahan yahay in khilaafka dhexdooda ka jira ay xalistaan, “Waxaan jecelnahay reer Galmudug gudahooda wixii ka jira inay xalistaan, dowladbaa u dhisan, inta is kaalmeystaan xalista-baan leenahay arrimihiina, wixii kalena waan iska kaalmeysan karnaa, sida la dagaalanka cadawga, sidiibaan walaalo idinkugu nahay, waxaan idinku garab taaganahay inaad cadawga la dagaalantaan,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland isagoo sii hadlayey waxuu yiri, “Ma ogolin in been abuur nagala sameeyo oo cid aanaa cadaw u aheyn cadaw nalooga dhigo, hal cadaw ayaan leenahay halkaas cadawna waa argagixisada, waa inay sii jirtaa walaaltinimadeena oo tuhun meelo qaldan laga soo tuuray uusan nasoo dhex-gelin.”

Dad badan oo reer Galmudug ah ayaa maalmihii u dambeeyey hadal hayey in Puntland ay garab siineyso culumada dib isusoo abaabushay ee Ahlu-Sunna.

Dhankiisa madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa shalay sheegay inay jiraan dhinacyo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib garab siinaya Ahlu-Sunna, inkastoo uusan carabka ku dhufan qolo gaar ah, hadana waxa uu balan qaaday inay dib ka soo shaaci doonaan cidda Ahlu-Sunna ku taageereysa inay ku soo duusho Galmudug.

Hoos ka daawo Guddoomiye Sanyare

Siyaasiyiinta Habargidir oo si kala duwan uga falceliyey ka bixitaanka Ahlu-Sunna ee magaalada GURICEEL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Habargidir ayaa si deg deg ah uga hadlay tallaabada ay Ahlu-Sunna Waljamaaca uga baxday magaalada Guriceel, oo maalmihii u dambeeyay ay kula dagaalamayeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda oo dhinac ah.

Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, C/xakiim Maalin iyo Maxamed Abtidoon ayaa ku bogaadiyay hogaanka Ahlu-Sunna inay aqbaleen dadaaladii nabadda ee odaayasha dhaqanka si loo joojiyo dagaalka.

Mahad Salaad ayaa qaab ka duwan siyaasiyiinta kale uga hadlay tallaabadaas, isagoona sheegay in Ahlu-Sunna looga adkaaday dagaalka, sidaasina looga xoreeyay magaalada Guriceel oo toddobaadyadii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen.

Hoos ka aqriso qoraaladooda;

Xildhibaan Mahad Salaad: Kooxdii Burcad Diimeedka ahayd ee degmada Guriceel ku soo duushay waa laga xoreeyay. Alle ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka degmada Guriceel, Ciidamada geesiyada ah ee Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka.

Waxaan uga tacsiyeynayaa shacabka reer Guriceel, saraakiisha iyo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka ee waxyeeladu ka soo gaartay Xasilintii degmada Guriceel. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawada ahna Allaha u boogadhayo. Aamiin.

Hada waxaan ka shaqeynaynaa in shacabka si degdeg ah magaalada ugu soo laabtaan, loona fidiyo adeegyada caafimaad iyo kuwa nololeed ee lagama maarmaanka u ah shacabka reer Guriceel.

Midnimada Galmudug waa muqaddas, lama aqbali karo koox burcad diimeed ah in deegaan nabad ah inta xoog ku qabsadaan hadana ku gorgortamaan dhiiga dadkeena iyo jiritaanka dowladnimada Galmudug!

Xildhibaan Cabdixakiim Maalin: Waxaa soo idlaaday dagaalkii gardarrada ahaa ee ay deegaanno xasillan ku soo qaadeen kuwa doonaya in ay dano siyaasadeed ku gaaraan dhiigga dhallinyarada ay marin habaabiyeen.

Hayeeshee, waxa inoo taalla masuuliyad wayn oo ah inaan ka shaqeynno sidii aan dadkeenna mar kale colaad loogu adeegsan, looguna burburin mustaqbalkooda iyo kan deegaankooda.

Waxaan ka shaqeyneynaa in dhallimyarada dagaallada la geliyay ay sidaan si ka wanaagsan ugu adeegaan dadkooda ayna ka qeybqaataan la dagaallanka cadwga iyo horumarinta dowladnimada.

Cid kasta oo dooneysa in ay qori caaraddi xukun ku gaaraan lagama aqbali doono mana loo dulqaadanayo kuwa doonaya in ay dhiiga Saraakiisha, Ciidamada qaranka iyo Dhallinyaradeena ku xaqiijiyaan ahdaaf iyo dano Siyaasadeed.

Rabbi ha u naxariisto dadkii dagaalka inooga dhintay, dhaawacana allaha bogsiiyo. Galmudug waxa ay leedahay Hay’ado sharci ah oo lagu heshiiyay kuwaas ayaana looga danbaynayaa talada lagu maamulayo, reer Galmudug waxaa looga fadhiyaa in ay ilaashadaan dowladnimada ayna ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda.

Xildhibana Maxamed Abtidoon: Maadaama ay ciidankii Ahlusunna iskaga baxeen Guriceel iyadoon cidna awood ku muuquuninin ayna aqbaleen soo jeedintii ka timid dadka samodoonka ah ee reer Galmudug ayna dageen iyagoo sidoodii u uruursan meel aan ka fogeyn Guriceel.

Guuritaankooda waxay muujineysaa biseyl, karti iyo awood markii ay ka tageen hubkii ay ka qabsadeen DF iyo Galmudug kuwii ay wateena ay la guureen. Hadaba Qoorqoor waxaa la gudboon in uu sida ugu dhaqsiyha badan u furo wadahadal kana shaqeenin magaalooyin hada nabad ah in aysan u burburin sida Guriceel.

Waxaan u soo jeedinayaa samadoonada iyo waxgaradka Galmudug in ay u istaagaan colaad dambe in aysan Galmudug ka dhicin. Waxaan qabaa in maalmihii adkaa gaboodfaladii dhacay lagula xisaabto ciddii masuuliyadda deegaanka lagu ogaa ee loo doortay si loo ogaado dhiiga dadka in uu muhiimad noo leeyahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta Galmudug ku joojiyeen dagaalkii ka socday Guriceel. Way habboonayd in dadaalladii la waday dagaalka ka hor ay mira dhalaan oo ay Ahlusunna banneeyaan Guriceel, si looga baaqsado dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka haatan dhacay. Dagaalkii joogsaday kama dhigna colaaddii oo dhammaatay.

Colaaddu waxay dhammaanaysaa markii heshiis iyo isfaham laga gaaro wixii dagaalka keenay, taasina go’aan geesinnimo leh ayey u baahan tahay. Hoggaanka Ahlusunna waa in ay waaqiciyiin noqdaan oo ay aqbalaan dawladnimada Galmudug, damacooda siyaasadeedna nabad iyo wadajirka Galmudug ku raadiyaan, muujiyaanna in aysan caqabad ku ahayn dawladnimada.

Way arkaan in shacabka Galmudug ay dawladnimada ka doorbidayaan kooxaysiga. Hoggaanka dawladda Galmudug waa in uu la yimaadaa karti iyo dulqaad uu dadka ku deeqsiiyo dawladnimada.

Waa in uu guddi dib u heshiisiin magacaabo, reer Galmudugna ay gacan ku siiyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan dhowrka iyo tobanka sano soo taagan, si loo helo xasillooni siyaasadeed, salkana mudaca looga saaro.

Waa in uusan aargoosi dhicin, lagana shaqeeyaa in meesha laga saaro isku dhac noocan oo kale ah inuu yimaaddo mustaqbalka. Nabaddu qiimo badan ayey ku kacaysaa, laakiin caaqibo wanaagsan ayey leedahay