26.4 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Siyaasiyiinta Habargidir oo si kala duwan uga falceliyey ka bixitaanka Ahlu-Sunna ee magaalada GURICEEL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Habargidir ayaa si deg deg ah uga hadlay tallaabada ay Ahlu-Sunna Waljamaaca uga baxday magaalada Guriceel, oo maalmihii u dambeeyay ay kula dagaalamayeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda oo dhinac ah.

Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, C/xakiim Maalin iyo Maxamed Abtidoon ayaa ku bogaadiyay hogaanka Ahlu-Sunna inay aqbaleen dadaaladii nabadda ee odaayasha dhaqanka si loo joojiyo dagaalka.

Mahad Salaad ayaa qaab ka duwan siyaasiyiinta kale uga hadlay tallaabadaas, isagoona sheegay in Ahlu-Sunna looga adkaaday dagaalka, sidaasina looga xoreeyay magaalada Guriceel oo toddobaadyadii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen.

Hoos ka aqriso qoraaladooda;

Xildhibaan Mahad Salaad: Kooxdii Burcad Diimeedka ahayd ee degmada Guriceel ku soo duushay waa laga xoreeyay. Alle ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka degmada Guriceel, Ciidamada geesiyada ah ee Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka.

Waxaan uga tacsiyeynayaa shacabka reer Guriceel, saraakiisha iyo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka ee waxyeeladu ka soo gaartay Xasilintii degmada Guriceel. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawada ahna Allaha u boogadhayo. Aamiin.

Hada waxaan ka shaqeynaynaa in shacabka si degdeg ah magaalada ugu soo laabtaan, loona fidiyo adeegyada caafimaad iyo kuwa nololeed ee lagama maarmaanka u ah shacabka reer Guriceel.

Midnimada Galmudug waa muqaddas, lama aqbali karo koox burcad diimeed ah in deegaan nabad ah inta xoog ku qabsadaan hadana ku gorgortamaan dhiiga dadkeena iyo jiritaanka dowladnimada Galmudug!

Xildhibaan Cabdixakiim Maalin: Waxaa soo idlaaday dagaalkii gardarrada ahaa ee ay deegaanno xasillan ku soo qaadeen kuwa doonaya in ay dano siyaasadeed ku gaaraan dhiigga dhallinyarada ay marin habaabiyeen.

Hayeeshee, waxa inoo taalla masuuliyad wayn oo ah inaan ka shaqeynno sidii aan dadkeenna mar kale colaad loogu adeegsan, looguna burburin mustaqbalkooda iyo kan deegaankooda.

Waxaan ka shaqeyneynaa in dhallimyarada dagaallada la geliyay ay sidaan si ka wanaagsan ugu adeegaan dadkooda ayna ka qeybqaataan la dagaallanka cadwga iyo horumarinta dowladnimada.

Cid kasta oo dooneysa in ay qori caaraddi xukun ku gaaraan lagama aqbali doono mana loo dulqaadanayo kuwa doonaya in ay dhiiga Saraakiisha, Ciidamada qaranka iyo Dhallinyaradeena ku xaqiijiyaan ahdaaf iyo dano Siyaasadeed.

Rabbi ha u naxariisto dadkii dagaalka inooga dhintay, dhaawacana allaha bogsiiyo. Galmudug waxa ay leedahay Hay’ado sharci ah oo lagu heshiiyay kuwaas ayaana looga danbaynayaa talada lagu maamulayo, reer Galmudug waxaa looga fadhiyaa in ay ilaashadaan dowladnimada ayna ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda.

Xildhibana Maxamed Abtidoon: Maadaama ay ciidankii Ahlusunna iskaga baxeen Guriceel iyadoon cidna awood ku muuquuninin ayna aqbaleen soo jeedintii ka timid dadka samodoonka ah ee reer Galmudug ayna dageen iyagoo sidoodii u uruursan meel aan ka fogeyn Guriceel.

Guuritaankooda waxay muujineysaa biseyl, karti iyo awood markii ay ka tageen hubkii ay ka qabsadeen DF iyo Galmudug kuwii ay wateena ay la guureen. Hadaba Qoorqoor waxaa la gudboon in uu sida ugu dhaqsiyha badan u furo wadahadal kana shaqeenin magaalooyin hada nabad ah in aysan u burburin sida Guriceel.

Waxaan u soo jeedinayaa samadoonada iyo waxgaradka Galmudug in ay u istaagaan colaad dambe in aysan Galmudug ka dhicin. Waxaan qabaa in maalmihii adkaa gaboodfaladii dhacay lagula xisaabto ciddii masuuliyadda deegaanka lagu ogaa ee loo doortay si loo ogaado dhiiga dadka in uu muhiimad noo leeyahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta Galmudug ku joojiyeen dagaalkii ka socday Guriceel. Way habboonayd in dadaalladii la waday dagaalka ka hor ay mira dhalaan oo ay Ahlusunna banneeyaan Guriceel, si looga baaqsado dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka haatan dhacay. Dagaalkii joogsaday kama dhigna colaaddii oo dhammaatay.

Colaaddu waxay dhammaanaysaa markii heshiis iyo isfaham laga gaaro wixii dagaalka keenay, taasina go’aan geesinnimo leh ayey u baahan tahay. Hoggaanka Ahlusunna waa in ay waaqiciyiin noqdaan oo ay aqbalaan dawladnimada Galmudug, damacooda siyaasadeedna nabad iyo wadajirka Galmudug ku raadiyaan, muujiyaanna in aysan caqabad ku ahayn dawladnimada.

Way arkaan in shacabka Galmudug ay dawladnimada ka doorbidayaan kooxaysiga. Hoggaanka dawladda Galmudug waa in uu la yimaadaa karti iyo dulqaad uu dadka ku deeqsiiyo dawladnimada.

Waa in uu guddi dib u heshiisiin magacaabo, reer Galmudugna ay gacan ku siiyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan dhowrka iyo tobanka sano soo taagan, si loo helo xasillooni siyaasadeed, salkana mudaca looga saaro.

Waa in uusan aargoosi dhicin, lagana shaqeeyaa in meesha laga saaro isku dhac noocan oo kale ah inuu yimaaddo mustaqbalka. Nabaddu qiimo badan ayey ku kacaysaa, laakiin caaqibo wanaagsan ayey leedahay

Daawo: Taliye Cusmaan Hudeey oo wacad ku maray aargoosi iyo cafis la’aan

0

Guriceel (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Guriceel, Dhamme Cusmaan Cali Hudeey ayaa markii u horeysay ka hadlay ka bixitaanka Ahlu-Sunna ee degmada, kadib dagaal maalmo qaatay oo dhexmaray labada dhinac.

Taliye Dhamme Hudeey ayaa wacad ku maray inaysan ka hari doonin cidkasta oo gacan siisay Ahlu-Suna, aysan ogaalan doonin inay si nabad ah ku joogan gudaha degmada Guriceel, sida uu sheegay.

“Degmada Guriceel amaankeeda guud ahaan waa la xaqiijiyey, ciidamada dowlada federaalka qeybaheeda kala duwan iyo kuwa Galmudug ayaa xaqiijiyey, waxaa leeyahay shacabka guryihiina kusoo laabta,” ayuu yiri Taliye Hudeey.

“Nidaamka dowliga ah waa midka keliya ee umadda deeqa, waa midka cid walba ay rabto in nidaam dowli ah hesho, umaddaana iyada oo degan oo nabada iyo nimco haysata ayaa waxa soo gaaray dad dowlad diid ah oo dhibaato u geystay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba ay ka tanaasuli doonin nidaamka dowliga, isaga oo bulshada kala duwan ee degmada Guriceel ugu baaqay difaaca nidaamkaas iyo ka shaqeynta amaanka.

“Waxaa rabaa in aan halkan ka cadeeyo cid walba oo dhibaatadii bulshada degmada Guriceel loo geystay ka garab shaqeyneysay kama hareyno, haddii ay af ku taageertay iyo haddey cod ku taageertay iyo hadday awood ku taageertay gacanta. Tallaabo adag ayaa ka qaadi doona mana aqbali doono middaas.”

Ugu dambeyntiina waxa uu dalbaday in dadkii boobey saldhiga degmada Guriceel ay si dhaqso ah usoo celiyaan agabka ku maqan, kaasi oo la bilileqaystay markii ay Ahlu-Suna iskaga baxday degmada.

Halkee fariisin ka dhigteen ciidamada Ahlu-Sunna kadib ka bixitaankoodii Guriceel?

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu-Suna ayaa saaka ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidanka Ahlu-Suna ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi galbeed 35-KM uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ahlu-Suna ayaa deegaankaas fariisin uga dhigtay si ay u bilowdaan wada-hadalo dhexmara hogaanka ururka iyo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Qoor-Qoor, oo kal hore natiijo la’aan kusoo dhamaaday, sida laga helayo ilo xogagaal ah oo ka agdhow hogaanka Ahlu-Suna.

Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka maamulka ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaalada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Suna.

Ganacsade Xaashi Carabeey ayey dad deegaanka Balicad ku sugan xaqiijiyeen in uu la socday ciidanka Ahlu-Suna, waxaana lagu soo waramaya in uu garwadeen ka yahay wada-hadalada iyo dadaalada lagu xalinayo xiisada uu ka dhashay dagaalka Guriceel.

Sahan Research oo jawaab kasoo saartay GO’AANKII Maxkamadda G/BANAADIR

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda cilmi-baarista ee Sahan Research ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay shalay gaartay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun xabsi shan sano ah ku riday agaasimaha hay’adda Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sahan Research ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xukunkan, islamarkaana uu shaki uga jiro kalsoonida lagu qabi karo hannaanka caddaaladda ee la maray iyo tusaalaha ay bixinayso.

Waxay sheegtay Sahan Research inay racfaan ka qaadanayso go’aankan inkastoo aysan caddayn sida racfaankaas u meelmari karo maadaama nidaamka garsoorka Soomaaliya yahay shaqo weli socota oo aan dhammaystirnayn.

Sahan Research waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay cilmi-baaristeeda iyo falanqaynta ay samayso ee ku saabsan dhismaha nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Waxay sheegtay in warbixinadooda u furan yihiin dadweynaha, qofkii danaynaya uu qiimayntiisa ku samayn karo, ayada oo intaas ku dartay inaysan u baahnayn inay sharci jebiso si ay xog u hesho, islamarkaana aysan marna sharci jebin.

Sahan Research waxay ku tilmaantay dawcadda ka dhanka ah inay ahayd mid ay saamayn xooggan ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay rajaynayso ayna filayaan in codadka madaxabannaan ee Soomaaliya oo ay ku jiraan hay’adaha cilmi-baarista, warbaahinta, iyo beesha caalamka oo shaqadooda taageera ay xukunkan u arki doonaan inuu calaamad u yahay inay dawladda Soomaaliya ku siqayso keli-telisnimo, ayna aad uga shaqayn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dimqoraadiyadda.

Reer Sheekh Cabdi Celi oo ka hadlay cida ka dambeysay calankii SHIICADA ee lagu dhex-arkay dhowaan

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Sheekh Daa’uud Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi oo ka mid ah dhasha Sheekh Cabdi Celi ayaa ka jawaabay qoraal iyo sawirro kusoo baxay shabakadda Caasimada Online oo ku saabsanaa in calanka Shiicadda laga taagay siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi ee degmada Warshiikh.

Sheekh Daa’uud ayaa sheegay in si qaldan degmada Warshiikh loo keenay calanka, islamarkaana qofkii ka danbeeyay ujeedadiisa ay aheyd “Igu sawir”, balse goobta lagu qabtay oo ciqaabtii uu mudnaana la marsiiyay, degmada Warshiikh-na laga masaafuriyay.

Sheekh Daa’uud ayaacaddeeyay in caqiiqada diineed ee Shiicada ay tahay wax la wada ogyahay islamarkaana ay haboon tahay in la iska fogeeyo oo boog muslimiinta ku taal ay yihiin, wuxuuna intaa uu raaciyay in degmada Warshiikh ay tahay xarun diinka loo soo doonto, islamarkaana cid laga aqbalaayo inaysan jirin in wixii diinta dhaawacaayo in lala soo galo.

Baaris la sameeyey ayaa lagu ogaaday in shaqsiyaadkii ka danbeeyay in calanka Shiicada lala soo galo siyaartii Sheekh Cabdi Celi in ay ahaayeen kuwo doonayay inay isku sawiraan si dhaqaale ugu helaan, ayaga oo ka faa’iideysanaya tirada dadka badan ee imanaya siyaarada.

Waxaa sidoo kale la ogaaday in arrintan uu ka danbeeyay nin sheegta `wakiilka Shiicadda ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Cismaan Sheekh Cali “Dooro”, kaasoo qof wakiil ka ahaa uu calanka kusoo dhex qariyay bac madow, kadibna uu ka taagay dhismo u dhow halka siyaarta ka socotay.

Ninkaas ayaa waxaa gacanta ku dhigay xertii siyaarta iyadoo markii danbe laga mamnuucay inuu dib danbe u yimaado degmada Warshiikh.

Maamulka degmada Guriceel oo farriin culus soo saaray, kadib bixitaankii Ahlu Sunna

0

Guriceel (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka magaalada Guriceel, Anas Cabdi Macalin oo la hadlay wariyeyaasha ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee magaaladaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ugu hore Anas Cabdi ayaa ku dhowaaqay in lasoo afjaray howl-galkii maalmaha badan qaatay ee ka socday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaciyey in haatan ay amniga si wadajir ah u sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ee dagaalka ku qaaday Ahlu Sunna.

Anas Cabdi Macalin oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray shacabka Guriceel, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, maadaama ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishda Galmudug ay si buuxda ula wareegeen gudaha magaaladaasi.

Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gargaar deg deg ah la gaaraan qoysaska barakacay ee ku sugan duleedka magaalada Guriceel.

Xaaladda magaalada haatan deggan, waxaana saaka gudaha u galay ciidamada huwanta oo isku ballaariyey degmada Guriceel oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, ciidamada Ahlu Sunna ayaa iyaguna ku sugan deegaanka Gol-Wiil oo hoostaga magaalada, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo cusub iyo saldhigyo ciidan.

Daawo: DENI oo sabab yaab leh u weeraray FARMAAJO kadib doorashadii Puntland

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlayay guushii ay kusoo gaba-gabowday doorashadii tijaabada aheyd ee golaha deegaan eelagu doortay golayaasha seddax degmo oo qof iyo cod aheyd.

Saciid Deni ayaa boggaadiyay doorashadaasi isagoo ku tilmaamay inay aheyd mid taariikhi ah oo waddada u xaareysa in guud ahaan Puntland ay qaado dhabbaha doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna u mahad celiyay xisbiyadii siyaasadeed ee ka qeybgalay, shacabka Puntland iyo hay’addihii ka qeyb qaatay qabsoomida doorashadaasi tijaabada aheyd.

Dhanka kale, Saciid Deni wuxuu u mahad celiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseeb Rooble oo ka hambalyeeyay tallaabadaasi ay qaaday Puntland, halka uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdllaahi Farmaajo.

Deni ayaa Farmaajo ku weeraray inaanu ka hadlin doorashada, inkasta oo hadalkiisa kadib uu Farmaajo soo saaray qoraal uu ugu hambalyeeyey.

“Waxaan ka xumahay madaxweynaha Somalia iyo Villa Somalia oo aan wax qoraal ah kasoo saarin arrintaan aadka u weyn, iyadoo Villa Somalia laga bartay inay wax kasta oo dhaca ay baaq ama hambalyo kasoo saarto, waxaa halkaa ka muuqanaysa in badana aan ku celcelin jiray, Madaxweyne Farmaajo doorasho qof iyo cod ah ma rabo, federaalna maba rabo, maanta ayuu caddeeyay runtii inuusan rabin doorasho qof iyo cod, maxaa yeelay dadkii waqtiga geliyay ee guushaasi gaaray umuusan hambalyeeyin, arrintaasina waa mid u baahan in bulshada Soomaaliyeed loo bayaamiyo,” ayuu yiri Saciid Deni oo shacabka ugu baaqay inay ogaadaan aragtida madaxweyne Farmaajo iyo asxaabtiisa la joogta inaysan raali ka aheyn in dalka Soomaaliya u jiheysto doorasho xor, xalaal ah, qof iyo cod ah.

Saacado kadib waxaa durbadiiba qoraal kasoo baxay xafiiska Villa Somalia loogu hambalyeeyay xisbiyada siyaasadeed ee ka qeybgalay doorashadii ka dhacday seddaxda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn, iyadoo lagu xusin magac, balse lagu soo koobay xisbiyadii ka qeybgalay doorashadaasi.

Meydad horleh oo lagu arkay xaafadaha degmada Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Guriceel ayaa saaka deggan, waxaana si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Ahlu Sunna oo maalmihii ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa isla markii howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyey gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in xaafadaha qaar lagu arkay meydad horleh oo ka mid ah dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale waxaa xaafadaha qaar lagu arkay qabuuro cusub oo lagu aasay meydad kale oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday intii ay dagaalladu socdeen.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Si kastaba, xoogaga Ahlu Sunna ay haatan gaareen deegaanka Godwiil oo dhaca dhanka waqooyi degmada Guriceel.

Guriceel waa magaallo ganacsi oo ballaaran, hayeeshee waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay u xudun u noqotay xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sawirro: DF Soomaaliya oo diyaarado sida gargaar u dirtay magaalada Guriceel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diyaarado sida gargaar u dirtay Galmudug, gaar ahaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo badi ka barakaceen qoysaskii deganaa, kadib dagaallo 4 maalin socday oo ka dhacay halkaasi.

Gargaarkan oo loogu tala-galay qoysaska barakacay ayaa isugu jira teendhooyin, mara-kaneecooyin iyo agab caafimaad, sida ay shaacisay wasiirka gargaarka Khadiijo Diiriye.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gargaarkaasi la gaarsiin illaa kun qoys oo ka mid ah kuwa haatan ugu daran ee ku dhibaateysan deegaanada Galmudug.

“Waxaan agab gargaar gaarsiineynaa Galmudug kaas oo loogu talogalay 1,000 qoys, gargaarkaasi waxa uu ka kooban yahay Teendhooyin, Mara-kaneecooyin iyo Agab-Caafimaad,” ayey ku tiri war qoraal ah oo ay soo saartay wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay  “Maanta labbo dulimaad ayaa u baxeyso Galmudug iyadoo maanta iyo berri ay qaadi doonaan diyaaraddaha WFP, haddii uu Alle idmo,”.

Diyaaradaha gargaarka sida ee ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa ka dambeeyey, kadib markii shalay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayey xaaladda Guriceel uu dalbaday in loogu gurmado qoysaskii ka barakacay magaaladaasi.

Xaaladda Guriceel ayaa maanta deggan, waxaana ka baxay xoogaga Ahlu Sunna, iyada oo ay si buuxdana ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Ciidamada Ahlu-Sunna oo ka baxay magaalada Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Ciidanka Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ku baxeen waddada deegaanka God-Wiil ee aada dhanka Waqooyi Beri ee magaalada Giriceel.

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee magaalada, sida Jaamacadda waxay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku qabsadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada Ahlu-Sunna ma aysan kaxeysan labadaas Gaari oo waxay uga tageen goobta, iyagoo aan waxaba qabin.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka dowladda ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaalada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Sunna.

Ciidamada dowladda ayaa hadda la soo werinayaa inay gudaha u galeen dhufeysyadii ay Guriceel ku lahaayeen xoogagga Ahlu-Sunna, halkaas oo saakay ay isku balaariyeen.

Xigasho: Radio Galgaduud

Wiil kale oo Soomaali ah oo weerar mindi oo dhimasho leh ka gaystay dalka Britain

0

London (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah ayaa waqooyiga magaalada London ku dilay nin British madow ah kaasoo ku sugnaa goob timaha lagu jarto oo ku taal xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ee Angel Corner oo Edmonton Green.

Wiilka Soomaaliga ayaa dilka u adeegsaday mindi kadib markii ay murmeen, islamarkaana wiilka Soomaaliga ah ay isugu tageen ninka uu dilay iyo asxaabtiisa, halkaasina uu wiilka Soomaaliyeed lasoo baxay mindi dhowr jeerna uu la dhacay ninka British-ka madowga ah.

Muddo daqiiqado ah kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada booliska, waxaana goobta dhaawaca ninka la mindiyeeyay ka qaatay helicopter, iyadoo booliska ay goobta xireen.

Goobta falkaan uu ka dhacay oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalida kuna leeyihiin xarumo ganacsi ayaa waxaa la sheegay in wiilka Soomaaliyeed laga gardarnaa, balse waxaa uu isna adeegsaday inuu mindi u adeegsado kuwii ka gardarnaa.

Arrintaan ayaa kusoo beegan xili aad looga hadal haayo dalka UK dilkii labo todobaad ka hore wiil Soomaaliyeed uu weerar lagu sheegay mid argagixiso u geystay xildhabaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabay David Amess, taasoo dhalisay cabsi iyo welwel laga qabo weeraro lagu bartilmaameedado Soomaalida.

Wiilka loo haysto dilka David Amess ayaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana la sheegay in falka uu gaystay uu yahay mid argagixiso.

Kahor dilka David Amess, waxaa UK aad ugu badnaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilo ama wax ku dila mindida.

Odowaa oo la sheegay inuu si xeeladeysan ciidanka Danab ugu daabulay Guriceel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in Taliyaha cidiamada xooga dalka uu diyaarad si dhuumalaysi ah ugu soo qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab si ay qeyb uga noqdaan dagaalka Guriceel.

Fiqi ayaa sheegay in Jeneraal Odowaa uu ciidamadaas kasoo qaaday saldhigooda Ballidoogle, islamarkaana uu dhar shibil ah u soo geliyay, kuwaasi oo hadda ku sugan duleedka magaalada Guriceel.

“Ciidamadaas waa xulka iyo kuwo gaarka ah ee shabaabka la dirirkooda loogu talagalay, waxayna ku hubaysan yihiin oo wataan miinooyinka dhismayaasha lagu dumiyo, qoryaha jabshaha la yiraahdo iyo hub kale oo casri ah,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Ciidamada gaarka ah waxaa qalabeeyey Dawladda Maraykanka, tababarkoodana gacanta ku haysa, balse waxaa nasiibdarro ah in Odowaa maantay uu u adeegsanayo in uu ku burburiyo guryaha Guriceel, una isticmaalo hubkii loogu talagalay Shabaab ASWJ.”

Wasiirka hore ee amniga maamulka Galmudug ayaa Odowaa ku dhaliilay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee uu adeegasanayo Ahlu-Sunna, ayada Al-Shabaab ku sugan yihiin deegaano aan ka fogeyn goobta la geeyay.

“Odowaa iyo cidda amarada siisa waxay halis ku tahay amniga qaranka iyo xasiloonida guud ee dalka, ficiladooduna waxay dhaawacaaysaa kaalmadii adduunku siinayey ciidamadeena iyo hadafkii naloo kaalmaynayey!.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda Mareykanka oo ayadu gacanta ku haysa tababarka ciidamada Danab ay hubiyaan in ciidamadaas gaarka ah iyo qalabkoodii loo adeegsaday dagaalka Guriceel ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor-Qoor.

Dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka billowday Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka bilaabeen magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Ciidamada ayaa inta uu socday howl-galka baaris ku sameynayey gaadiidka iyo dadka la socda, iyaga oo sidoo kale gudaha u galay xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay, sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada golaha shacabka ee ka dhaceysa halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan magaalada Beledweyne.

HirShabelle ayaa ciidamada Booliska Beledweyne ku wareejisay gaadiid loogu tala-galay inay ku sugaan amniga magaaladaasi oo dhowaan doorasho ay ka dhaceyso.

Beledweyne ayaa waxaa weli ka taagan tabasho ay HirShabelle ka qabaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi, iyada oo duleedka magaaladana uu ku sugan yahay Generaal Xuud oo isna si weyn uga horjeesada dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa inay bilaabato doorashada golaha shacabka oo lagu heshiiyey in maamul goboleedyada ay ku qabtaan ugu yaraan labo magaallo.

Siyaaradii Sheekh Cabdi Celi oo laga taagay calanka ‘Yaa Xuseen’ ee Shiicada + Sawiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mashaa’iqda iyo culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay siyaaraddii caalimkii Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan gobolada Soomaaliyeed la isaga yimaado siyaaraddiisa laguna qabto degmada Warsheekh ayaa sanadkaan mashaa’iqdii iyo dadkii kasoo qeybgalay ay fajac ku noqotay in laga taago calanka Shiicadda ee “Yaa Xuseen”.

Waa halis iyo dhaawac diimeed oo kusoo fool leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo soo maro xarumihii diimeed ee taariikhiga iyo cilmiga laga soo aflaxay.

Siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi oo ku beegneyd bishii hore ee Zako ayaa dadkii ka qeybgalay bannaanbixii siyaaraddii ay mar qura ku baraarugeen in calankii Shiicadda laga taago barxadii bannaanbaxa siyaaradda, taasoo fajaciso ku noqotay culumadii iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay.

Calanka Shiicada oo astaantisu tahay Gaduud dhexda ugu qoran يا حسينayaa markii qaar ka mid ah dhasha culumo ee la qadariyo ee xerta Warsheekh dadkii lasoo dhex galeen calankaasi waxaa ka dhashay buuq iyo in dadkii ka qeybgalay hoos ka guuxaan iyadoo arrintaani ay noqotay mid kala qeybisay culumada iyo dhasha Sheekh Cabdi Celi.

Arrintaani ayaa loo arkaa inay tahay mashruuc cusub oo mad’da’a shiicada lagu gaarsiinayo xerta iyo cid kasta oo ka qeybgashay siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhasha culumo ee degmada Warshiikh lasoo marsiiyay mashruuc cusub oo ka yimid Shiicadda, taasina ay keentay in si bayaxan calanka Yaa Xuseen laga taago siyaaradda Sheekh Cabdi Celi.

Dadkii ka qeybgalay siyaaradda iyo intii daawaday ayaa aad ugu xumaadeen in Siyaarada Sheekh Cabdi Celi oo la ogsoon yahay in uu udub dhexaad u ahaa faafinta diinta iyo soo saarista mashaa’iq kala duwan oo ka aflaxay mowlacyadii Sheekha in xiligaan Shiico lala xerto oo calankoodii Warsheekh laga taago.

Arrintaani ayaa waxay dhaawacaysaa sumcadda iyo kaaramadii magaca Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan bulshada afka Soomaaliga ku hadasha ay ixtiraam iyo sumcad ay u hayaan, sanad walbana dhulka Soomaaliyeed looga wada yimaado siyaaraddiisa.

Sidoo kale kook ka tirsan xerta Sheekh Cabdi Celi ayaa iyagoo wata calanka Shiicadda waxay damceen inay la galaan madxafka degmada Shibis oo kulan diineed uu ka socday, balse laga hor istaagay inay la galaan calanka, halkaasina uu buuq iyo kalsooni daro ay soo kala dhex gashay xertii labada dhinac.

Qaar ka mid ah culumada degmada Warsheekh ayaa inoo xaqiijiyay in tallaabadani ay xerta Sheekha iyo bahwadaagtooda ay ku kala qeybsameen, haddii aan xal lag gaarina faraha kasii bixi doonto oo mabd’a Shiicadda uu baabi’in doono raadkii taariikheed ee Sheekh Cabdi Celi iyo taariikhda diineed ee degmada Warsheekh.

Waxaa halkaan idiin kugu soo gudbineynaa muuqaal Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil uu ku sharxayo mab’da Shiicada iyo firqadaha ambaday ee caqiidada Islaanimo iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin iyo halista ku gadaaman mabda’a Shiicadda iyo kutubadooda, balse marka hore eega sawirrada calanka la taagay, kadibna daawo muuqaalka Sheekh Diri.

Warbixin: Maxaa ka socda Guriceel, halkeysa kala joogaan labada ciidan?

0

Guriceel (Caasimada Online)-Waxaa maanta Guriceel ka jirtay xaalad ka qabow tii ay ku jirtay seddaxdii maalmood ee  lasoo dhaafay oo dagaallo lagu hoobtay ay ku dhex-mareen ciidamada dowladda federaalka iyo kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna, mana jirto ilaa hadda cid si gaar ah u sheegan karta gacan ku heynta degmada Guriceel.

Ciidamada ayaa kala jooga goobihii ay xalay ku kala habeensadeen, kadib markii uu si iskiis ah u istaagay dagaal qaraar oo gelinkii dambe ee shalay qeybaha waqooyi ee magaalada ku dhex-maray labada ciidan, kaas oo Ahlu-Sunna looga qabsaday laba gaari oo tikniko ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada dowladda ayaa maanta xiray wadooyinka Guriceel ka soo gala jihada waqooyi, halkaas oo la aaminsanyahay in gurmadka iyo saadka ciidanka loo soo marsiin jiray dagaalyahanada Ahlu-Sunna. Taas oo ka dhigan in kooxda hadda la go’doomiyey

Inkastoo aysan jirin wadahadallo rasmi ah oo la shaaciyey, hadana xogo hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in ganacsato ku heyb ah Sheekh Shaakir ay wadaan dadaallo lagu hakinayo dagaalka oo lagu wadahadashiinayo dhinacyada is haya, gaar ahaan Qoor Qoor iyo hoggaanka Ahlu-Sunna.

Talaadadii maanta wax badan ayey dadka reer Guriceel uga duwaneyd seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa qeybo ka mid ah magaalada laga helay adeegyada Korontada iyo Biyaha oo ka maqnaa mudo seddax maalmood ah.

Dad u badan dhalinyaro oo ku go’doonsanaa xaafadaha kala duwan ee magaalada Guriceel oo dagaal adag marti gelisay maalmihii Sabtigii, Axadii iyo Isniintii shalay ayaa ka faa’iideystay adeegyadaas oo hawada ka maqnaa maalmihii dagaalku socday.

Haatan waxaa la kala joogaa goobihii hore, ciidanka Ahlu-Sunna ayaa difaac uga jira aagga Jaamacadda, Ceel Abshir, agagaarka Isbitaalka weyn ee Istarliin, waqooyiga xaafadda Tuulo-Gaban, wadada Gowd-Wiil ilaa Ceel-Cantoobo, dhamaan goobahaan ayaa dhaca waqooyiga iyo galbeedka waqooyi ee magaalada.

Ciidamada dowladda ayaa iyaguna jooga saldhigga booliska, xarunta degmada, dhismayaasha  Beder 1 iyo 2, Ceelka Shimbiro-Oonshe ilaa Ceel-Cali-Faarax, goobahaan ayaa dhaca bartamaha, koonfurta iyo bariga magaalada.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay dagaalka Guriceel, isagoo sheegay in ‘koox ku been abuuranaysa magaca wanaagsan ee Ahlu-Sunna ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Guriceel’ isagoo wacad ku maray in waxa ay wadaan uusan aqbali doonin.

Sidoo kale Qoor Qoor waxa uu sheegay in 22 maalmood uu Ahlu-Sunna kula jiray wadahadal aan mirodhalin, balse hadda kadib aysan la geli doonin wadahadal dambe, isla markaana cudud ciidan ay Galmudug ku soo afjareyso kooxdaas.

Ahlu-Sunna oo dhankeeda maanta qoraal soo saartay ayaa AMISOM ku eedeysay inay qeyb ka tahay dagaalka Guriceel, waxay qoraalkooda ku soo dhaweeyeen qoraalkii lagu kala qeybsamay ee ku soo baxay shaabadda midowga musharaxiinta, waxayna beesha caalamka ka codsadeen in deg deg loo caawiyo dadkii ka barakacay magaalada Guriceel.

Xog: Ciidamada GALMUDUG oo weeraray guriga Sheekh ka tirsanaa AHLU-SUNNA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta guud ee booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa waxay weerar ku qaadeen guriga guddoomiyihii degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud Sheekh Cabdikariin Caabi Cali.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, weerarka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay loo soo gudbiyay xog ku saabsan in halkaas uu ka socdo abaabul ciidan oo lagu taageerayo Ahlu-Sunna Waljameeca.

Sheekh Cabdikariin Caabi Cali ayaa horey uga tirsanaan jiray maamulkii hore ee Ahlu-Sunna, balse waxaa la sheegay in hadda uusan wax shaqo ah ku laheyn.

Ciidamada Galmudug oo isticmaalaya awood dheeri ah ayaa gudaha u galay guriga guddoomiyha oo ku yaalla deegaanka Gadoon, waxaana wararka ay heshay Caasimada Online sheegayaan in xilligaas uu guddoomiyuhu ka maqnaa gurigiisa islamarkaana aysan ciidamadu la kulmin wax raad ah oo la xiriira hawlgalkii ay u socdeen.

Xogta aan ka helnay deegaanka Gadoon oo 38 km dhinaca Bari uga beegan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa intaas ku daraysa in sidoo kale ciidamadu ay galeen guri kale oo uu dagan yahay macallin leh dugsiyo qur’aan iyo iskuulo oo caan ka ah Gadoon kaas oo lagu magacaabo Macallin Bashiir Nuur Jaamac. 

Galmudug wax faahfaahin ah kama bixin weerarka xalay ay ku galeen guryo ku yaalla Gadoon laakiin qaar ka mid ah ehellada wadaadka la wareeraray oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in culimada ay loo soo far-muuqay arrin la xiriirta aano qabiil oo horey deegaanka uga dhacday laakiin xal laga gaaray.

Laba maalin kahor ayey aheyd markii ciidamada Galmudug ay isbital ku yaalla Gaalkacyo kala baxeen saraakiil ciidan oo ka tirsan Ahlu-Sunna oo ku dhaawacmay dagaalka Guriceel.

Daawo: Rooble oo tegay xarunta NISA kana hadlay baaritaanka kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo wasiirkiisa amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa caawa kormeer ku tegay xarunta hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Rooble oo shir jaraa’id ku dhex qabtay xarunta Habar Khadiija ayaa soo hadal qaaday baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo xasaasiyad badan uu ku qabo hoggaanka NISA.

Ugu horeyn Rooble iyo wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG ah Yaasiin Farey iyo saraakiisha kale hay’adda, waxuuna Ra’iisul wasaare Rooble ku celceliyey in hey’adaan ay muhiim u tahay amiga qaranka.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego in kiiska Ikraan Tahliil uu weli noo taagan yahay, waxaana maanta baaritaankiisa ku wareejinayaa xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida, waxaan rabaa in NISA ay si dhow ula shaqeyso xeer ilaalinta oo waqti kasta albaabka loo furo, hala shaqeeyo qof kasta oo NISA ka tirsan, waxaad ogtihiin in qof kasta oo inka mid ah uu cadaalad u baahan yahay, wasiirka amniga iyo taliyaha NISA waxaan farayaa in si dhow ay ula shaqeeyaan xeer ilaalinta,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday saraakiisha hey’adda NISA inay badiyaan feejignaanta, isagoo sheegay in sirdoon la’aan aanu dalkeenu ka badbaadi karin cadawga dibadda iyo kan gudahaba.

“Waxaan idinku garab taaganahay aniga, madaxweynaha iyo wasiirka amniga, shaqada aad qaranka u heysaan, feejignaan iyo soo jeed badan ayaan idin farayaa, waxaan tacsi u dirayaa saraakiishii iyo shaqaalihii naftooda ku waayey halgankii dheeraa ee aad soo gasheen,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale Rooble waxa uu sheegay in NISA ay tahay hey’adda kaliya ee shaqaaleheed ay iska uruuriyaan qaaraan, si ay isugu gurmadaan markii qaarkood dhib gaaro, isagoo balan qaaday inuu ku biirayo bixinta qaaraankaas, isla markaana uu hadda bixinayo qaaraankii la iska qaadi lahaa sanadka soo socda.

Hoos ka daawo

Beesha Caalamka oo digniin kasoo saartay dagaalka Guriceel ka socda (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xiisadda ka aloosan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal lagu hoobtay ku dhexmaray Ahlu-Sunna iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoraalka beesha caalamka waxaa lagu sheegay in dhibaatada ka taagan Guriceel aysan ku ekeyn xaaladaha bini’aadanimo ee laga soo werinayo, balse sidoo kale ay colaadaasi hagal daacineyso oo khatar ay ku tahay sii socoshada doorashooyinka dalka iyo dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.

“Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Sidoo kale Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa loogu baaqay inay xiisadda u dhaxeysa wadahadal ku xaliyaan, waxayna xubnaha beesha caalamku qoraalkaan ku balan qaadeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaallada nabadda, waa haddii ay dhinacyadu ka codsadaan.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Rooble oo soo saaray amar cusub oo la xiriira Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga, kaasi oo looga hadlay dhibaatooyinka soo noq-noqday ee haysta gaadiidka xamuulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’addaha amnigaba in jidadka loo furo gaadiidka qaada xamuulka ee ka howl-gala dekeda Muqdisho

Sidoo kale waxa uu amray in caqabadahana laga hor qaado gaadiidkaas oo badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Amarkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha uu kormeer ku tagay dekedda magaalada Muqdisho, taasi oo uu ugu kuur-galayay habsami u socodka howlaha dekedda.

Rooble oo shalay warbixin ka dhageystay hay’adaha dhaqaalahah dalka iyo mas’uuliyiinta amniga dekadda ayaa kula dardaarmay hay’adahan in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, tayeynta iyo dardar gelinta adeegyada dekadda ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.

Mareykanka oo sheegay inay ka fiirsanayaan taageerada ciidanka DANAB kadib ka qeybgalkii dagaalka Guriceel

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegey inay ka fiirsanayaan taageerada ay siiyaan Ciidanka Danab ee Soomaaliya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya inay ka qeybgaleen dagaaladii maaalmihii dhawaa ka socdey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalladan ayaa u dhexeeyey ciidamo taageersan Ahlu-Suna iyo maamulka Galmudug oo taageero ka helaya ciidamada xooga dalka ee Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ka jawaabayey dalab ay VOA-du ku weydiineysey sida ay u arkaan ku lug lahaanshaha ciidamada Danab ee dagaalka Guriceel ayaa sheegey in ay Mareykanku la socdaan wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ku lug lahaayeen dagaalka Galmudug.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay arkeen warar ay warbaahintu ka qortey in taliye Cabbdilatiif Fayfle iyo askar kale oo ka tirsan dhinacyadii dagaalmayey lagu diley weerarkaas, ayna tacsi gaarsiianayaan qoysaska iyo ehellada dhamaan dhinacyadii uu saameeyey weerarkaas.

Qoraalkan uu VOAda ugu jawabayey sarkaalka katirsan safaarada Mareykanka ayaa sidoo kale loogu baaqey in dhamaanba dhinacyada dagaalamaya ay joojiyaan howgallada Milatari ayna qaataan dhabaha wada-hadallada siyaasdeed oo lagu gaaro xal nabadeed.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusey in Mareykanku ay siiyaan tababro iyo taageero kaleba ciidamada xooga dalka qeybtooda Danab si ay u gaaraan hadafka ay wadaagaan ee ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Sarkaalka ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa sheegey in iyagoo eegaya dagaalkii Guriceel ay dib u eegi doonaan taageerada ay siiyaan Danab, si loo xaqiijiyo in taageeradaas loo adeegsado si ku haboon kuna qaabeysan siyaasadda iyo ujeedooyinka Mareykanka.

VOA