26.9 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Rooble oo soo saaray amar cusub oo la xiriira Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga, kaasi oo looga hadlay dhibaatooyinka soo noq-noqday ee haysta gaadiidka xamuulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’addaha amnigaba in jidadka loo furo gaadiidka qaada xamuulka ee ka howl-gala dekeda Muqdisho

Sidoo kale waxa uu amray in caqabadahana laga hor qaado gaadiidkaas oo badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Amarkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha uu kormeer ku tagay dekedda magaalada Muqdisho, taasi oo uu ugu kuur-galayay habsami u socodka howlaha dekedda.

Rooble oo shalay warbixin ka dhageystay hay’adaha dhaqaalahah dalka iyo mas’uuliyiinta amniga dekadda ayaa kula dardaarmay hay’adahan in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, tayeynta iyo dardar gelinta adeegyada dekadda ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.

Mareykanka oo sheegay inay ka fiirsanayaan taageerada ciidanka DANAB kadib ka qeybgalkii dagaalka Guriceel

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegey inay ka fiirsanayaan taageerada ay siiyaan Ciidanka Danab ee Soomaaliya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya inay ka qeybgaleen dagaaladii maaalmihii dhawaa ka socdey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalladan ayaa u dhexeeyey ciidamo taageersan Ahlu-Suna iyo maamulka Galmudug oo taageero ka helaya ciidamada xooga dalka ee Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ka jawaabayey dalab ay VOA-du ku weydiineysey sida ay u arkaan ku lug lahaanshaha ciidamada Danab ee dagaalka Guriceel ayaa sheegey in ay Mareykanku la socdaan wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ku lug lahaayeen dagaalka Galmudug.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay arkeen warar ay warbaahintu ka qortey in taliye Cabbdilatiif Fayfle iyo askar kale oo ka tirsan dhinacyadii dagaalmayey lagu diley weerarkaas, ayna tacsi gaarsiianayaan qoysaska iyo ehellada dhamaan dhinacyadii uu saameeyey weerarkaas.

Qoraalkan uu VOAda ugu jawabayey sarkaalka katirsan safaarada Mareykanka ayaa sidoo kale loogu baaqey in dhamaanba dhinacyada dagaalamaya ay joojiyaan howgallada Milatari ayna qaataan dhabaha wada-hadallada siyaasdeed oo lagu gaaro xal nabadeed.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusey in Mareykanku ay siiyaan tababro iyo taageero kaleba ciidamada xooga dalka qeybtooda Danab si ay u gaaraan hadafka ay wadaagaan ee ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Sarkaalka ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa sheegey in iyagoo eegaya dagaalkii Guriceel ay dib u eegi doonaan taageerada ay siiyaan Danab, si loo xaqiijiyo in taageeradaas loo adeegsado si ku haboon kuna qaabeysan siyaasadda iyo ujeedooyinka Mareykanka.

VOA

Maxkamadda G/Banaadir oo xukun adag ku riday Matt Bryden iyo Sahan Research

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday bilooyin kadib xukunka dacwadii loo haystay Hay’adda Sahan Research iyo agaasimaha guud ee hay’adda ee Matt Bryden.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Cabdikhadar Maxamed Xasan oo xukunkaas warbaahinta ka hor akhriyay ayaa sheegay in xukun xabsi shan sano ah ku riday maxkamaddu Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxay maxkamadda xukun ku riday Ajaaniib kale oo kamid ah aasasayasha hay’adda Sahan Research oo dhamaantood maqanayaal ah, ayaa waxa laamaha dambi baarista lagu faray inay soo qabtan eedeysanayaasha.

“Maxkamadda ayada oo raaceysa habka xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxay eedeysane Matt Bryden ku heshay qoddobada 215 faqrada 1-aad iyo 328 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 5 sano oo xariga ah,” ayuu yiri Guddoomye Cabdikhadar Maxamed Xasan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maxkamadda gobolka Banaadir ay wax dambi ah ku weysay eedeysanayaasha Rashiid Cabdi, Kheyre Cabdiraxmaan, Emmanuel Deiser, David Hopkins iyo nin kale oo Ajnabi ah dacwadihii ka dhanka ahaa ee loo haystay.

Eedeymaha u weyn ee loo haystay ayaa waxaa kamid aheyd inay bixiyeen xogta amaanka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay basaasnimo.

Dadkan ajnabiga ah ayaa fadhigoodu yahay Kenya, waxayna wax ka qoraan arrimaha siyaasadda iyo amniga Geeska Africa, oo Soomaaliya kamid tahay, waxaana lagu eedeeyaa inta badan in ay dusiyaan macluumaad xasaasi ah, oo aan warbaahinta loogu tala-galin.

Hay’adda Sahan Research ayaa waxaa shaqadii gudaha dalka laga joojiyey bishii December ee 2018-kii, kadib markii uu maamulka Farmaajo u arkay inay khatar ku tahay amniga iyo dowladnimada dalkeena.

Qoraal December 17, 2018 kasoo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Hadaba inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada socda waxaa la farayaa shirkadda Sahan Research in ay joojiso dhamaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka Soomaaliya, isla markaana waxaa lagu wargalinayaa dhamaan dadka ama hay’adaha xiriirka la leh in aanay wax xiriira ama wada shaqayn ah la yeelan karin Sahan Research maadaama ay shirkadani ku kacday oo faraha kula jirto arrimaha kor ku xusan oo dhaawacaya xasiloonida dalka iyo qaranimadda Soomaaliya.”

Daawo: Qoor Qoor oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka kala dhaxeeya Ahlu-Sunna, kuna dhowaaqay in…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goordhoweyd markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay dagaalka maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkaas, halka kuwii ku dhaawacmay uu Ilaahay uga baryay caafimaad deg-deg ah, isagoona sheegay in uu aad uga xun yahay barakacinta dadweynaha Guriceel.

Waxa uu sheegay in koox ku been abuuranaysa magaca Diinta Islaamka si ay u fuliso damac shaqsi ah oo uu ula jeedo Ahlu-Sunna ay bilowday dhibaatada ka dhalatay Guriceel, ayna duulaan ku tahay nabada maamulka.

“Waxaa shacab weynaha Galmudug uga tacsiyadeynaya dhibaatadii ka dhacday Guriceel, si gaar ah waxaa uga tacsiyadeynayna shacabka Guriceel duulinkii hubeysna ee ay ku qabsadeen kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca magaca wanaagsan adeegsata balse aan sidaas ku shaqeynayn,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mowqifka Galmudug uu marwalba yahay in wax lagu xaliyo wada-hadal, hase yeeshe ay Ahlu-Sunna ka dhago adeygtay arrintaas, ayna qaateen inay qorsheyaan magaalooyin cusub oo xasiloon, sida uu sheegay.

“22 berri ayay fadhiyeen kooxdaas duulanka soo qaaday, intaas waxa u gudbinayna oo ka codsaneynay inay ka baxaan degmada Guriceel oo dadka u daayan xasiloonidooda iyo dowladnimadood, waxay qabaan oo tabasho ahna si nabad ah u sheegtaan, taasi badalkeed waxay qaateen in dhufeysyo iyo xeryo ciidan ay ka dhigtaan Guriceel.”

Waxa uu sheegay in dowladda Galmudug ay ku qasbanaatay inay dagaal ku qaado si ay isku difaacdo, maadama uu sheegay in Ahlu-Sunna ay duulaan ku tahay sharciga iyo dowladnimada Galmudug.

“Waxaa cadeynayna oo ku celinayna mowqifka Galmudug waa in qof kasta oo muwaadin ah oo tabasho qaba inay la fariisato oo laga qanciyo waxkasta oo uu tabanayo. Dowlad Galmudug marnaba ma aqbaleyso in dad iyo deegaan lagu qabsado hub iyo qori caaridii lagu kala gooyo Galmudug.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku dhawaaqay guddi cusub oo ka kooban xubno golaha wasiirada ah iyo maamulka degmada Guriceel oo loo xil-saaray inay gar-gaar deg deg ah gaarsiiyan dadweynaha reer Guriceel ee ku barakacay dagaalka socda.

“Waxaa ugu baaqeyna dadka reer Galmudug dal iyo dibedba halka ay joogan inay caawiyan walaaladooda dhibaatadu ka soo gaartay kooxdaasi dhibtaada ay gaarsiisay, Sidoo kale dowladda federaalka iyo hay’addaha ugu baaqeyna inay gacan ka geystaan xaalada bini-aadanimo ee ka jirta magaalada Guriceel.”

Hoos ka daawo Qoor Qoor

Tirada dadka illaa hadda ku dhintay dagaalka ka socda GURICEEL oo la shaaciyey

0

Guriceel (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka warbixiyey inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka xoogan ee weli ka socda gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhinteen illaa 120 qof, dagaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ahlu Sunna aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda, isla-markaana ay dagaallami doonto illaa uu dhinto askarigeeda ugu dambeeyo.

Waxa kale oo uu xusay in weli ay ku sugan yihin gudaha Guriceel, ayna iska caabin doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee dagaalka ku qaaday magaaladaas.

Marka la eego tirada dhimashada ee ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa aad ugu badan mida ay sheegtay Galmudug oo horay u baahisay in dagaalkaas looga dilay 16 akari, loogana dhaawacay 45 kale, dagaalka culus ee ay haatan kula jirto ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dhinaca kale dadka ku barakacay dagaalka ka socda Guriceel ayaa gaaraya illaa 100,000 oo qof, sida ay shaacisay QM, kuwaas oo ku dhibaateysan duleedka degmadaasi.

Si kastaba, xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo labada ciidan ay isku horfadhiyaan aaga Jaamacadda oo ku taal dhanka waqooyi magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha oo shaaciyey arrin caqabad leh oo uu wasiirka wasaaradda sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa qoraal uu u diray ra’iisul wasaare Rooble wuxuu shaaca ka qaaday in wasiirka wasaaradda Xuseen Badni uu caqabad ku noqday dhoofka xoolaha Soomaaliya ee la geeyo Sacuudiga.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in muddo sannad ku dhow dowladda Sacuudigu ay sugaysay in Soomaaliya ay xiriir fiican kala yeelato xagga xoolaha ugana soo jawaabto warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Saudigu (Vetinary Protocol), balse uu wasiirka diiday inuu jawaabo, taasi oo keentay inuu wasiir ku-xigeenka jawaabo.

Intaas ka dib mudane Raiisal Wasaare sida aad la socotay waxay keentay in arrintaas Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed soo dhex galo oo uu xalkeeda soo gabogabeeyo kuna amray wasiir Xuseen inuu 24 saacadood warqad jawaab ah oo wax lagu hagaajinayo uu diro iyadoo uu ka dhego adaygay wasiirku uuna bedelkeedii qoray warqad xaaladda sii cakiraysa dhibna ku ah ganacsatada xoolaha. Halkaas kuma ay dhamaan ee markii dhibkii sii dheeraaday ayuu Madaxwaynuhu wuxuu amray safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya in uu arrintan xalliyo warqadna uu u qoro Wasaaradda Bii’ada ee Saudiga taas oo lagufurayo dhoofinta xoolaha iyada oo uu safiirku fuliyay amarkaa Madaxwaynaha qaranka meel fiicanna uu soo gaadhsiiyay miiskana ay u saarnayd Sacuudiga in ay fasaxaan xoolaha,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirr ku xigeenka oo dhameystiran.

KU: RAIISAL WASAARAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA
OG: MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA
UJ: Hagardaamada Safarkii Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dh & D Ee Saudi Arabia

Mudane Raiisal Wasaare, anigoo ah Wasiir-Ku-Xigeenka Xanaanada Xoolaha Dh & D waxaan halkan ku soo gudbinayaa dhibaato ka timi safarkii uu Wasiir Xuseen Badni ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya dhibkaas oo ah in ay sii xayirnaadaan dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed ka dib markii muddo la sugayay in nidaamka xoolo u dhoofinta Sacuudiga la furo.

Waxaa jirtay in muddo sannad ku dhow dowladda Saudigu inaga sugaysay in aan xiriir fiican kala yeelano xagga xoolaha ugana soo jawaabno warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Saudigu (Vetinary Protocol) si iyaguna ay inoogu fududeeyaan xayiraad ka qaadidda xoolaheena. Wasiirka wuu ka dhego adaygay inuu uga jawaabo Saudiga taas oo keentay in aan anigu ka jawaabo si dhoofka xooluhu inoogu sii socdo maaadaama ay tahay isha dhaqaale ee ugu wayn ee umadda Soomaaliyeed leedahay. Xiriirka xoolo dhoofinta ee inaga dhexeeya Sacuudiga oo xumaadaa wuxuu sabab u noqonayaa in wadamo kale laga qaato sida Sudan, Georgia, Romania IWM.

Intaas ka dib mudane Raiisal Wasaare sida aad la socotay waxay keentay in arrintaas Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed soo dhex galo oo uu xalkeeda soo gabogabeeyo kuna amray wasiir Xuseen inuu 24 saacadood warqad jawaab ah oo wax lagu hagaajinayo uu diro iyadoo uu ka dhego adaygay wasiirku uuna bedelkeedii qoray warqad xaaladda sii cakiraysa dhibna ku ah ganacsatada xoolaha. Halkaas kuma ay dhamaan ee markii dhibkii sii dheeraaday ayuu Madaxwaynuhu wuxuu amray safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya in uu arrintan xalliyo warqadna uu u qoro Wasaaradda Bii’ada ee Saudiga taas oo lagu

furayo dhoofinta xoolaha iyada oo uu safiirku fuliyay amarkaa Madaxwaynaha qaranka meel fiicanna uu soo gaadhsiiyay miiskana ay u saarnayd Sacuudiga in ay fasaxaan xoolaha.

Waxaa dhib iyo hagardaamo keenay safar aan loo baahnayn oo uu codsanayay in muddo ah wasiir Xuseen, Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo uu kula kulmay Wasiirka Bii’ada ee Sacuudi Carabiya. Wasiir Xuseen halkii uu ka shaqayn lahaa furidda xoolaha ةيلاموصلا يشاوملا نع رظحلا عفر waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday hawlihii ay ka soo shaqeeyeen Madaxwaynaha, Raiisal Wasaaraha iyo safiirkeenii loo igmaday inuu dhameeyo xal u raadinta xayiraadda xoolaha. Wasiirku waxa uu la tagay meesha shuruudo aanay qaadi karin maxjarada Soomaaliya dibna u sii dhigaysa xayiraad ka qaadidda dhoofinta xoolaha.

Waxaa nasiib darro ah in Wasiir Xuseen Badni sida uu soo dhigay bartiisa Twitter ka isagoo jooga xaramka (Kacbada) uu yiraahdo waxaan umadda Ilaahay uga baryayaa horumar iyo barwaaqo joogto ah!. Xaggee bay iska qabanaysaa in safar dheer loo galo hagardaamada umadda Soomaaliyeed iyo in isla dhibkii iyadoo uu wado xaramka uga soo duceeyo. Wasiirku wuxuu dhib wayn ku hayaa ganacsatada xoolaha isagoo ugu hanjabaya maxjarada ayaan idinka xirayaa haddii aydaan si gaar ah ii fahmin taas oo cabsi badan ku beertay mulkiilayaasha maxjarada. Maadaama aan anigu xil wayn aan ka hayo wasaaradda la iguna aaminay in siday wax u jiraan aan muujiyaa waa waajib i saaran. Wasiirka waajibaadkiisa shaqo waa in uu dejiyo siyaasadda lagu hagayo wasaaradda ee maaha in ganacsatada u safar u galo si uu ugu kallifo shuruudo aanay fulin karayn.

Ugu dambayn Mudane Raiisal Wasaare waxaan soo jeedinayaa in arrintan qaran (xayiraad qaadidda) ee inoo ah halbowlaha dhaqaale ee kaliya in xukuumad ahaan xal deg deg ah loo raadiyo iyada oo loo danaynayo shacabka Soomaaliyeed saamayn aan la mahadinna ku yeelanaysa magaalooyinka iyo reer miyiga Soomaaliyeed ee waxa yar ka raadinaya neef ka ay sayladaha xoolaha keenaan.

WABILLAAHI TOWFIIQ
Xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud
Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dh & D

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Guriceel, halka la kala joogo iyo ciidan gaaray

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay yara dagan tahay, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac dagaalamaya.

Dadka degmada ku haray qaarkood waxaa ay ku waramayaan in mararka qaar ay maqlayaan rasaas Goos Goos ah oo ay is weeyraadsanayaan labada dhinac oo ku kala sugan goobo isku muuqda.

Labadda dhinac ayaa wali isku horfadhiya Isbitaalka Cubeyd, dabaqa Erkollo ee dhanka Waqooyi Beri magaaladda Guriceel.

Ciidamadda Ahlu-Sunna ayaa difaaca ugu adag uga jira halka loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidamadda dowladda weeraro culus ku qaadeen balse wali aysan ku guuleysan in ay gudaha u galaan, waxay ayna iska caabin kala kulmayeen ciidanka Ahlu-Sunna.

Ciidamada dowladda ayaa maanta ku sugan oo lagu arkayaa saldhigga degmadda, guriga degmada, Beder 1 iyo 2, Quraca Xadiyo Cad ilaa dabaqa Koosow ee dhanka galbeed ee magaalada.

Ma jirto illaa iyo hadda xabad joojin ay gaareen labada dhinac, waxayna haatan ay wadaan is-uruursi iyo abaabul xoogan oo ku aadan dagaalkaasi.

Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa waxaa u imanaya gurmadyo kala duwan, waxaana mid kasta uu ku dadaalayaa, sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan degmada Guriceel.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah saacadihii la soo dhaafay geysay degmada Guriceel, kuwaas oo dagaal la geli doona Ahlu-Sunna.

Dagaalka Guriceel ayaa sababay dhimashada dad ka badan 120 qof, dhaawac, burbur iyo barakac, waxaana qoysaskii ku noollaa halkaasi ay ku dhibaateysan yihiin duleedka magaaladaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay  dagaalka ku dhinteen illaa 120 qof, dagaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.

Sidee sarkaal CIA ah uu uga dambeeyey xil ka-qaadistii taliyihii NISA Gen. Tuuryare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in CIA-da ay mas’uul ka aheyd xil ka qaadistii 2015 lagu sameeyey taliyihii hore ee NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare.

Sida warbixinta ay tiri, waxaa sanaddii 2015 ii khilaaf soo kala dhex-galay Jeneraal Tuuryare iyo madaxii saldhigga CIA-da Mareykanka ee Muqdisho, oo aan magaciisa la shaacin.

Sarkaalka CIA-da ayaa ku eedeeyey Tuuryare maamul xumo iyo musuq-maasuq, hase yeeshee Tuuryare ayaa New York Times u sheegay inuu ahaa dhibanaha kibirka iyo isla weynida Mareykanka.

“Waxaan diiday inaan madaxa u raariciyo boqorka is-magacaabay,” ayuu Tuuryare u sheegay New York Times, isaga oo ula jeeda madaxa saldhigga CIA-da ee Muqdisho. 

Muranka ayaa salka ku hayey maamulka iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ciidanka Gaashaan ee ka tirsan NISA, balse ay tababaraan CIA-da. CIA-da ayaa si toos ah u maamusha Gaashaan, sida warbixinta lagu sheegay. Gaashaan waa ciidan xul ah oo ka kooban 300.

Muranka Jeneral Tuuryare iyo CIA-da ayaa socday muddo sanad ah, waxaana madaxda wasaaradda arrimaha dibedda Mareykana ay ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilka ka qaado Tuuryare, taasi oo uu diiday.

Si kastaba, kaliya markii sidoo kale uu wasiirkii arrimaha dibedda UK ee xilligaas Philip Hammond uu madaxda Soomaaliya u sheegay in xiriirkooda uu halis ku yahay muranka ku hareereysan Jeneraal Tuuryare, ayaa uga dambeyn taliyihii NISA xilka laga qaaday. 

Hase yeeshee waxaa xusid mudan in xilligii xilka laga qaaday Tuuryare ay aheyd dhammaadkii muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Natiijada doorashooyinka Puntland – Yaa ku horeeya?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa maanta shaaciyey natiijada hordhaca ah ee doorashadii shalay ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Afeyn oo ay dadweynuhu codkooda dhiibteen, si ay u doortaan golayaasha degaanka degmooyinkaasi.

Natiijada hordhaca ah ee la shaaciyey ayaa ah illaa 11 goobood oo ka mid ah xarumihii ay shalay ka dhacday doorashada ee saddexdaas degmo.

Sida ay muujinayo natiijada la shaaciyey waxaa hoggaanka haya Ururka Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Ururada tartamaya oo gaaray illaa sideed ayaa waxa ay kala heleen:- Ururka Kaah 1687 cod, Ururka Mideeye 1300 cod, Ururka Sincad 1248 cod, Ururka Mustaqbal 192 cod, Ururka Horseed 180 cod, Ururka Runcad 47 cod, Ururka shaqaalaha xoogsatada 13 cod iyo Ururka Ifiye 8 Cod.

Dhanka kale guddiga ayaa weli sugaya qaar ka mid ah sanaadiiqda doorashada ee goobaha kale ee ay ka dhacday doorashada, taas oo ay ku xiran tahay natiijada rasmiga ah.

Doorashadan oo aheyd mid tijaabo ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashada, kuwaas oo ka codeeyey illaa 54-goobood.

Si kastaba, Puntland oo la aasaasay kowdii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo dhammaan hoostaga maamulkaasi.

Wiil dhallinyaro ah oo si arxan darro ah xalay aabihiis ugu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo murugo leh ayaa xalay fiidkii hore ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafadda Obasiibka ee degmada Wadajir, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu Aabihiis ku dilay Mindi ama Toorey uu kaga dhuftay dhanka wadnaha.

Marxuumka oo qiyaastii 60 jir ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Garboojo, wuxuuna caan ka ahaa suuqa weyn ee degmada Wadajir oo uu ka shaqeysan jiray.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka dilka geystay oo isna 20 jir ah uu goobta isaga baxsaday, kadib falkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cismaan Garboojo.

Mid ka mid ah raggii ay isla shaqeyn jiray Aabaha la dilay ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in isbitaalka loo qaaday, kadibna uu geeriyooday Aabaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu baxsaday wiilka dilka geystay, isaga oo ugu baaqay saraakiisha laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha baxsadka ah.

“Innaa lilaahi waa innaa ileyhi raajicuun mid aan suuqley isla nahay oo Garboojo la dhahaayo oo suuqaas weyn aan wax iskala dhacsaneynay aa wiilkiisa mindi ku dhuftay wiilkiisana waayey,” ayuu yiri mid ka mid ah ragga ay isla shaqeynayeen marxuumka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Annaga suuqa ayaan joognay taleefoon ayaa naloo soo diray isaga oo isbitaalka loo qaaday marka laga soo celiyeyna meyd ayuu ahaa wiilkiina waa baxsaday,”.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii lasoo dhaafay uu miran ka dhex jiray qoyska iyo wiilka dilka geystay oo la sheegay inuu lahaa balwad, isla-markaana uu isticmaalayey daraagis, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah ehellada marxuumka.

Dhacdadan ayaa si weyn la yaab ugu noqotay dadka deegaanka, waxaana guriga marxuumka buux dhaafiyey dadweyne isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay magaalada Basra

Basra (Caasimada Online) – Howlgal militari oo ay sameeyeen ciidamada dowladda federaalka iyo Amisom ayaa kooxda Al-Shabaab loogala wareegay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Basra ayaa waxaa muddo haystay kooxda Al-Shabaab, halkaasi oo ay kasoo qaadeen weeraro badan oo dhimasho leh oo lala beegsaday Amisom, ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in howlgal socday 16-kii illaa 22-kii October oo fuliyeen ciidamada Gorgor, oo taageero ka helaya Amisom, uu horseeday in Al-Shabaab. 

Howlgalkan toddobaadka socday ayaa ku billowday ayada oo ciidamada Gorgor iyo Amisom ay eryadeen Al-Shabaab ku sugnaa tuullada Baghdad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa kadib dhexda u galay Al-Shabaab baxsad ahaa, tuulada Nadar Salaam, oo qiyaastii 1.5km Koonfur ka xigta magaalada Basra.

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Jeneraal Don Nabasa ayaa sheegay in qabsashada Basra ay muhiim tahay, sababtoo ah waxay aheyd saldhig ay weeraro dhimasho leh marar badan kasoo qaadaan Al-Shabaab. 

“Basra waxaa sidoo kale loo adeegsan jiray in lagu soo diyaariyo baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo iyo in lacagta canshuurta looga qaado beeraleyda iyo ganacsatada gudaha,” ayuu yiri Jeneraal Don Nabasa.  

Dowladda Soomaaliya ayaan weli dhankeeda war kasoo saarin qabsashada Basra.

QATAR: DAL aad u yar oo adduunka ka yaabiyey

0

Hordhac

Qatar, waa wadan bulsho ahaan iyo balac ahaanba aad u yar balse galaan-gal dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aad loola fajacay kuyeeshay aduunka 20-kii sanno ee ugu danbeeyay. Wadankaan yar waxuu waayahan danbe tiir dhexaad u noqday iskusoo-dumida ama dhex-dhexaadinta qilaafaadka, dajinta iyo jaangoynta siyaasadaha iyo hab maamulka dowlado badan. Doorka xalinta qilaafaadka ee Qatar ayaa xilliyadaan danbe gaaray ama kahormaray kuwa dowladaha ugu awooda badan caalamka waana sababta keentay inay dowladahaas xal bidaan inay Qatar uga danbeeyaan xal u helida mushkilado farabadan oo ay ugu horeyso arrinta siideynta maxaabiista kujirtay gacan Jabhat Al-Nasr, shabakada Xaqqani, ISIS iyo Taalibaan. Qatar waxay aduunka ka iibisay in wadahadal lala-galo Taalibaan, waana dalkii koowaad ee ugurmaday Taalibaan oo sabab u noqday howl-galinta gagida diyaaradaha dalka iyo xafiisyada kale ee dowlada ayadoo dhowaanahan kuguuleysatay inay shir balaaran iskugu keento Midowga Yurub, Mareykanka, wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ingiriiska kuna qanciso balanqaadka yabooh dhaqaale oo ay Afghanistan iyo Taalibaan baahi badan u qabaan xiligan. Qatar waxay ka libin keentay go,doomintii ay xulufada Sucuudiga saareen ayadoo gurmad ka helaysa dalal ay kasbatay.

Juquraafi ahaan

Qatar waa wadan yar oo kuyaala galbeedka qaaradda Aasiya, marka Soomaaliya lala barbar-dhigana balac ahaan kanoqonnaysa wax-kayar 2% dhulka Soomaaliya ama 15 jeer balac ahaan  kayar magaalada Washington ee dal Mareykanka, waana dal ay dadka soo galootiga ah ee usoo shaqo tagay ay siddeed jibbaar ka badan yihiin muwaadiniinta dalka u dhalatay oo lagu qiyaaso wax-kayar 400,000. Qatar waa dal cimilo ahaan kulul, dhulkiisa inta ugu badanna uu saxaro yahay oo ay kuyar yihiin biyaha dabiiciga ah iyo dhul beereedka wax-soosaarka leh. 

Xukunka 

Qatar, waxaa xukunkeeda gacanta kuhaya Amiir Tamim Bin Hamad oo sannadkii 2013-kii uu xukunka ku wareejiyay aabihiis Hamad Bin Khalifa oo qudhiisa xukunka af-gambi uusan dhiig ku daadan ugala wareegay aabihiis Khalifa Bin Hamad sannadkii 1995-kii mar uu dalka safar uga maqnaa. Qatar, waa dal aysan kajirin fur-furnaan siyaasadeed oo dhanka xisbiyada ah, Amiirka oo gacanta kuhaya hay’adaha sharci dajinta, fulinta iyo garsoorka, ayaa soo magaacaba raysal-wasaaraha iyo xukuumada dalka asagoo la tashanaaya golaha wadatashiga dalka oo u badan qoyska boqortooyada ah. Hadana, wuxuu dalkan ku najaxay xasilooni sidaasadeed iyo horumar baahsan oo dhanka bulshada ah.

Dhaqaalaha 

Qatar waxay hodon kutahay kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda iyo gaaska oo wax-soosaarka dhaqaalaha dalka 90% ka ah. Qiyaastii 30% gaaska aduunka laga isticmaalo waxuu ka imaadaa Qatar ayadoo keydkeeda saliidda lagu qiyaaso (25 bilyan oo fuusto). Qatar waa dalka ugu horeeya dhanka soo saarista iyo dhoofinta gaaska waana dalka saddexaad ee keydka gaaska ugu badan leh marka laga tago Russia iyo Iran. Dhaqaale aad u balaaran oo ay garab-socdaan maamul iyo maareyn aragti fog leh ayaa u horseeday inuu dalkaas kamid-noqdo kuwa ugu dhaqaalaha, horumarka bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, dhismayaasha iyo xasiloonida fiican Bariga-dhexe iyo aduunka, muwaadiniinta u dhashay Qatar oo tiro ahaan aad u kooban ayaa qiyaas ahaan noqonaya dadka ugu dhaqaalaha badan aduunka marka loo –eegaayo qoondada shaqsi kasta kusoo aadaysa (GDP Per capita).

Qatar oo dhaqaalaheedu ku tiirsanaa wax-soosaarka tamarka saliida iyo gaaska, waxay goorhore dareentay in caalamku doonayo inuu yareeyo isticmaalka tamarta gaaska iyo batroolka si loo dhimo waxyeeladiisa deegaanka iyo noolaha. Hadaba, si ay u yareyso kutiir-sanaanteeda shidaalka, waxay daaha karogtay mashruuca loo yaqaano ‘kala duwista dhaqaalaha’ ama (Economic diversification), kaasoo lacag gaareysa 400 oo bilyan oo dollar uu Sanduuqa Hantida Madaxa-banaan (sovereign wealth fund) ee Qatar ku maalgaliyey kudhowaad 40 dal oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, Ingiriiska, Rushka, Jarmalka, Faransiiska iyo Turkiga. Meelaha miisanka leh ee ay Qatar maalgashiga ku sameysay saamigana ku leedahay waxaa laga xusi karaa airport-ka London ee Heathrow, shirkada diyaaradaha British airways, Bangiga Barclays, shirkada baabuurta Jarmalka ee Volkswagen iyo bangiga Deutsche Bank, Rwand-air iyo Kigali airport, airport-ka caalamiga ah ee Moscow Vnukovo iyo shirkadda tamarta Rosneft, kooxda k/cagta ee Paris saint Germain iyo suuqa sarifka saamiyada ee Turkey-ga.

Siyaasadda 

Qatar, 20-kii sanno ee ugu danbeysay waxay lasoo baxday dar-dar xoogan oo dhanka siyaasadda arrimaha dibeda ah, gaar ahaan naq-shadaynta siyaasadda Bariga-dhexe oo ay ciyaarayso door lala fajacay. Quburada falanqeysa siyaasadda iyo awooda dowladaha waxay awooda dal uu leeyahay ka fiiriyaan baaxadda dhulka iyo muhiimada goobta uu aduunka kaga-yaalo dalkaas, tirada bulshada iyo aqoontooda, tirada iyo cududa ciidanka dalkaas, hufnaanka iyo taageerada ay dowlada dalkaas ka haysato shacabkeeda iyo kheyraadka dabiiciga ah iyo wax-soosaarka uu wadanku leeyahay. 

Qatar marka lagu cabiro halbeeg-yadaas, malahan bulsho tiro badan, ciidan cudud leh, mana lahan dhul baaxad weyn laakiin waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo u horseeday koror dhaqaale iyo hanaan dowladeed oo xasiloon wallow aysan kajirin furfurnaan baahsan oo dhanka siyaasada ah, waxayna kutaalaa gobol 30-kii sanno ee ugu danbeysay hareeyay siyaasadda iyo aminga aduunka. Hadaba, sidee dal sida Qatar oo kale u yar ugu suuragashay inuu hindiso siyaasada lagu maamulayo dalal badan oo aduunka kuyaala? sidee kunoqotay dalka waqtigaan ugu firfircoon dhanka dhex-dhexaadinta khilaafaadka dalalka iyo kooxaha is-haya? Maxay ku kasbatay inay Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka kaga hormarto siyaasadda gobolka? Side ayey uga bad-baaday go,doomintii xulufada Sacuudiga? Sidee iskaga leexisay eedahii lagu xiriiriyay ururada arga-gixisada?

Go,aannada lidka isku ah ee Qatar qaadatay

Qatar oo adeegsanaysa diblomaasiyadda awoodda dabacsan ‘Soft Power diplomacy’ ayaa masraxa siyaasadda aduunka kusoo kordhisay in iskaashi iyo xiriir mar-qudha ah lala wada sameyn karo wadamo ama dhinacyo is-diidan oo dab iyo baaziin isku ah ayadoon dhinac gaar ah u xaglinayn ama aanan la safan. Go,aanada iyo xiriirada qar iskatuurka ah ee Qatar qaadatay waxaa laga xusi karaa:

  • Saldhiga ciidamadda cirka Mareykanka Al-Udeyd iyo iskaashiga Iran: Qatar waxaa kuyaala saldhiga ugu weyn ee ciidanka cirka Mareykanka ee Bariga-dhexe, misna waxuu xuduud dhuleed, xiriir ganacsi, mariin hawada ah iyo mid siyaasadeed la leedahay dalka Iran oo aysan cidna ka daahsoonayn heerka cadaawad soojireen ee kala dhaxaysa Mareykanka. Hadaba, sidee Qatar ugu hirgashay inay labadaas dal weel waxkula wada cunto ayadoon midkoodna sigaar ah ula safan ama u goyn?
  • Kamid ahaanshaha Golaha Iskaashiga Khaliijka & xiriirka Aq-waanul Muslimiin: Sida la og-yahay, Qatar waa dal kamid ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ah wadamo ay ka arrimiyaan boqoro qaab dhiig-wadaag ah iskugu gudbiya xukunka, kuwaasoo fal-celin adag kula kaca cid-walba oo soo haweysata kuraastooda ama kasoo horjeesata. Ururka Aq-waanul Muslimiin oo faracyo iyo taageero badan kuleh wadamo badan oo dhulka Carabta ah ayaa mudodheer aad ugasoo horjeeday xukunka boqoradan asagoo rumeysan in xukunkoodu baalmarsan yahay danaha iyo rabitaanka ummada Islaamka taasoo ugu danbeyn horseeday in dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadku 2014-kii u aqoonsadaan urur arga-gixiso ah. Qatar oo ayaduba dal boqortooyo ah ayaa sida lahayo soodhaweyn iyo taageero weyn u fidisa ururka Aq-waanul Muslimiin gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyadii dhicisoobay ee Masar, Libya iyo Syria. Yaanan iloobin in xubnaha ugu waaweyn ee ururkan oo uu kamid yahay sheikh Yusuf Al-qardaawi ay kunool yihiin dalka Qatar. Hadaba Soo wax lala yaabo maahan inay Qatar kamid tahay Golaha Iskaashiga Khaliijka misna naas nuujiso Aq-waanul Muslimiin oo lid ku ah xukunka boqoradaan?. Siyaasad kale oo cajiib ah iskadheh!
  • Qaddiyada Falastiin iyo xiriirka Israail:Waxaa la sheegaa in Qatar lagasoo bilaabo 1996-kii ay xiriir hoose oo iskaashi dhanka ganacsiga iyo ciyaaraha ah la laheyd Israel wallow uu xiriirkaas heerar kaladuwan soomaray, ayadoo aanan ka tanaasulin qadiyada dadka reer Falastiin. Qatar sida la ogyahay waxay si furan oo aan gabasho laheyn u taageerta dadka kunool Gaza ee hoostaga ururka Xamaas ayadoo bixisa yabooha ugu badan ee dhaqaale, halka uu waliba in mudo ah dalkeeda kunool-yahay hogaamiyihii Xamaas Khalid Mishcal oo hada xilkaas ku wareejiyay Ismaaciil Haniya. waliba ku darso in dowladaha reer Gabeedku Xamaas ugu jirto liiska arga-gixisada. Hadaba, soo layaab kale maahan in Israel iyo Xamaas midba dantiisa gaarka ah lagula macaamilo?
  • Xiriirka dalalka reer Galbeedka iyo ururada Taliban, Jabhat Al-Nusra, iyo Shabakadda Xaqaani: Qatar waxay xiriir xoogan oo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, difaaca, dhaqanka iyo siyaasadaba mudo dheer la laheyd wadamada reer Galbeedka oo qarnigan awooda aduunka gacanta ugu jirto. Gulufkii loogu magac daray ‘dagaalka argagixisada’ ee Mareykanku iclaamiyay waxaa dowladaha lahordhigay laba doorasho oo aheyd waxaad la jiraysaan Mareykanka iyo xulufadiisa ama wadamadii iyo kooxihii uu duulaanku ku wajahnaa oo uu ku shabadeeyay argagixiso iyo taageerayaal argagixiso. Waxii markaas ka danbeeyay waxaa wadamada aad ugu adkaa in lagu tuhmo ama ay cilaaqaad la sameeyaan kooxahaas.  

Laakiin Qatar oo kucaana-maalaysa siyaasadeeda dabacsan oo iskugujirta howlgalka furan iyo midka daahsoon (overt & covert operations) ayaa xiriir iyo wadaxaajood kaladuwan la sameysay kooxaha Jabhad Al-Nusra, Haqqani,Talibaan iyo maamulka Bashar Al-asad ayadoo ku guulaysatay inay soo dayso laheystayaal farabadan oo iskugujira suxufiyiin, askar, samafalayaal iyo qeybo kale. Inkastoo ay Qatar la kulantay eedayn ah inay gacansaar la leedahay ururadaas hadana wey kuguulaysatay inay wadamada reer Galbeedka ku qanciso inuusan xiriirku dhaafsiis-nayn mid u kala dab-qaadis iyo isku soodhaweyn ah taasoo dalalka reer Galbeedka tusisay in Qatar tahay balaayo loo baahan yahay. Tusaale waxaa arrintan u noqon kara sidii ay Qatar ugu kala dab-qaaday Mareykanka iyo ururka Talibaan markii ay suuragalisay in lasii daayo askarigii Mareykanka ahaa Bowe Bergdahl oo ay Taalibaan ku badalatay 6 xubnood oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay oo maanta qeyb ka ah xukuumada KMG ah ee Taalibaan oo ay xigtay yag-leelida Xafiiska Taalibaan ee Doha oo ugu danbeyn suuragaliyay inay Qatar, Mareykanka iyo Talibaan wada dajiyaan qorshahii bixitaan ee Mareykanka.

  • Doorka iddaacada Al-jazeera iyo dhaqanka siyaasadda Qatar: Waxaa adag in laga hadlo awooda iyo saameynta Qatar ayadoon lasoo hadal qaadin idaacadda Al-Jazeera. Qatar ayaa sannadkii 1996-kii ku guuleystay inay dhidibada u taagto iddaacada Al-jazeera Carabiya kadib markii ay iskusoo aruurisay shaqaalihii Carbeed ee laga ruqseeya iddaacada BBC-da laanteedii Bariga dhexe. Al-Jazeera ayaa durba soo jiidatay dareenka shacabka Carabta ayadoo xog-aruurin la sameeyay waqtiyar kadib lagu ogaaday inay idaacaddan ku xiran yihiin dad lagu qiyaasay boqolaal milyan ah oo ku nool dalalka Carabta kuwaasoo markii ugu horeysay fursad u helay idaacad leh warar, barnaamijyo kaladuwan iyo doodo kulul oo aan faaf-reeb laheyn ama ka madax-banaan gacmaha dowladahooda. Qatar oo doonaysa inay aduunka gaarsiiso aragtideeda siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo horumarka ay ku talaabsatay ayaa markale sannadkii 2006-dii daaha ka rogtay laan kubaxda luuqadda English-ka oo aduunka ku leh wax kabadan 70 xarumood.

Tv-ga Al-jazeera waxaa Loolan xoogan oo dhinacyo badan ah lagalay Tv-yada Al-Carabiya, Skynews Arabiya, Arabnews iyo kuwakale oo ay taageerayaan Sacuudiga iyo Imaaraatka laakiin sida muuqata kama libin keenin. Al-Jazeera waxay noqotay meel ay codkooda kusoo gudbiyaan dad badan oo aduunka daafaheeda kunool kuwaasoo caburin iyo xad-gudubyo kala kulmayey dowladahooda ayadoo doorweyn ku laheyd kicinta iyo dhiiragalinta dadkii Carbeed ee ka qeyb-qaatay banaanbax-yadii iyo dagaaladii ka dhacay Masar, Libya, Tunusia, Yemen iyo Syria taasoo ay ku mutaysatay dareen taageero iyo cadaawad leh. Sannadkii 2017-kii, waxaa Qatar xiriirka u jaray Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo mudo ka cabanayey doorka Al-Jazeera ee gobolka gaar ahaan habka qayaxan ee ay ururka Aq-waanul Muslimiin iyo Shiicada Carabta kasoo jeeda u adeegsadaan Al-Jazeera, sharuudahoodana kusoo daray in albaabada la iskugu dhufto idaacaddan, wallow uu iskudaygaas dhicisoobay maadaama uu xiriirka dowladahaas iyo Qatar dib usoo laabtay ayadoo aan la dhaqangalin sharuudahaas iyo kuwa kaleba. Hadaba, layaab kale ayaa ah in iddaacada Al-jazeera u ololeyso hirgalinta maamul dimuquraadiyadeed oo ay asal u tahay doorasho xor iyo xalaal ah, tartan xisbiyo iyo fur-furnaanta afkaarta dadweynaha taasoo aan ka jirin Qatar qudheeda loona turjuman karo oraahdii aheyd ‘Cilmigeyga qaado oo camalkeyga ka tag’.

Gunaanad

Qatar oo adeegsanaysa xeelado ay gadaal kataagan yihiin maalgashi uu horbood kayahay sanduuqa hantida madaxa banaan (Soveriegn wealth fund), iskaashi iyo fur-furnaan dhaqanka iyo waxbarashada ah, awooda saxaafada, hal abuurida madal sharafeedyo lagu dhiiragalinayo shaqsiyaadka u ololeeya nabadda, ladagaalanka musuqa iyo wada-noolaanshaha diimaha ayaa Qatar ka dhigay dal wax laqeybsada wadamada ugu cududa weyn aduunka. Sida muuqata Qatar waa dal yar oo sawir iyo fahan buuxa ka haysta sida loogu noolaan karo caalamka ayadoon cadow iyo saaxiib dhab ah midna la sameysan waana mida uu ku muteystay inuusan albaab-na ka xirmin. Qatar waxay sannadka soo socda marti galin doontaa koobka aduunka ee k/cagta kaasoo qiyaas ahaan ay kasoo qeyb-gali doonaan taageerayaal kor u dhaafaya 3 milyan oo qof waxaana arrintaan hirgalkeeda suuragal ka dhigay dabacsanaan, shaah u shubid iyo xod-xodasho xeeladeysan oo lagu qanciyey dowladihii iyo shaqsiyaadkii ay talladu ka go,day.

Hadaba, waxaa dalkaan yar laga baran karaa inaysan awoodu ku xirnayn weynida, dhaqaalaha iyo cududa ciidan ee dal uu leeyahay kaliya balse loo baahan yahay firfircooni, rabitaan iyo ka go,naansho inaad raad iyo saameyn ku yeelato dhacdooyinka aduunka ah. Qatar maanta waxay udub dhexaad u tahay jaangoynta xasiloonida, siyaasada, dhaqaalaha iyo cilaaqaadka aduunka ka dhacaya. 

W/Q: Xamdi Wardheere Maxamed
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Weerar culus oo ka dhacay AFGOOYE + Khasaaraha

0

Afgooye (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen gudaha magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xoogaga Al-Shabaab ay la beegsadeen bar-koontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaas, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkaasi waxa ay shaaciyeen inay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare lixaad leh gaarsiiyeen.

Dagaalyahanadii weerarka qaaday ayaa dib u gurtay, waxaana haatan qeybo badan oo ka mid ah Afgooye howl-gallo ka wada ciidamada milatariga Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro joogta ah ku soo qaada magaalada Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Guriceel, halkeesa la kala joogaa?

0

Guriceel (Caasimada Online) – Waxaa fiidkii hore ee caawa si iskiis ah u istaagay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo socday seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay, isla markaana sababay khasaare aad u badan.

Dagaalka xoogiisa ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Dabaqa Erkolle, dhismaha Sheekh Salaad Xeydar, Xero Birmad, ilaa xarunta loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidanka Ahlu-Sunna ay aad uga dagaalamayaan.

Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba dhankiisa waxuu dagaalkii galabta ka sheegtay inuu horumar ka sameeyey oo ay qabsadeen meelo aysan markii hore joogin ciidamadooda.

Hase yeeshee xogta rasmiga ah ee ka madaxa banaan labada dhinac oo Caasimada Online ay ka heshay Guriceel waxay tilmaameysaa in dhinacyadu ay kala joogaan dhufeysyadii xalay, waxayna isku hor-fadhiyaan Isbitaalka Cubeyd illa Dabaqa Erkolle.

Si kale hadii loo dhigo aagga ay ciidamadu isku hor-fadhiyaan waa inta u dhaxeysa laamiga iyo xarunta Jaamacaadda oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Ahlu-Sunna.

Ciidamada dowladda ayaa galabta isku deyey inay gudaha u galaan xarunta Jaamacadda oo Ahlu-Sunna ay difaac uga jirto, waxayna isugu dareen duqeyn iyo weerar toos ah, balse iska cabin adag ayey kala kulmeen ciidanka Ahlu-Sunna.

Haatan ciidamada dowladda waxay si buuxda gacanta ugu hayaan aagga saldhigga dhexe ee booliska, xarunta degmada, dhismayaasha Beder 1 iyo Beder 2, ilaa Ceelka Shimbara-Oonshe.

Waxaan ilaa hadda si rasmi ah loo tira koobin khasaaraha ciidamada labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaan oo noqday mid lagu hoobtay, waxaana ciidamada dowladda dhaawacooda loo kala daabulay Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Dhanka Ahlu-Sunna ma jirto xarun caafimaad oo si rasmi ah ay u geysan karaan dhaawacyadooda, balse askar aad u yar oo dagaalka uga jirtay dhankooda ayaa maalmihii hore ee dagaalkaan la kala gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, inkastoo dhaawacyadii Ahlu-Sunna ee Gaalkacyo la geeyey ay isbitaalka kala baxeen ciidanka dowladda.

Wararka ay Caasimada Online ka heleyso dagaalka Guriceel waxay intaas ku darayaan in dowladda Soomaaliya waxay weli Muqdisho ka soo daabuleyso ciidan hor leh oo ka tirsan Gorgor, waxaana maanta Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho diyaarado looga qaaday cutubyo hor leh oo ka tirsan Gor Gor.

Ciidanka Ahlu-Sunna ayaan heleynin gurmad ku filan, lamana saadaali karo inta ay iska sii caabi karaan weerarka adag ee uga imaanaya ciidamada nooc kasta leh ee dowladdu isugu geysay Guriceel, si loo soo afjaro Ahlu-Sunnada 1-dii bishaan qabsatay magaaladaas.

Daawo: Indha-Cadde oo Qoor Qoor u jeediyey tallo yaab leh oo la xiriirta Ahlu-Sunna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa taageero u muujiyey dowlad goboleedka Galmudug, isagoo tilmaamay in Ahlu-Sunna aysan mudneyn in wadahadal lala galo.

Indhacadde waxuu Ahlu-Sunna ku macneeyey Kaankare aan xal laheyn in la gooyo maahane, isagoo ku taliyey in dagaalka lagu wado illaa inta laga guuleysanayo oo la soo afjarayo ciidanka Ahlu-Sunna ee Guriceel ka dagaalamaya.

“Nimanka Ahlu-Sunna la leeyahay waa Kaankaro fidni waaye, Kaankaro in la gooyo maahee xal kale maleh, wixii dhimanaya ha dhinteen waa in ay adkaato Galmudug ama waa in laga adkaado Galmudug, xal kale iyo wadahal majiro,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale waxuu sheegay in Ahlu-Sunna ay dhowr dowladood gorgortan la gashay, oo horay loo siiyey xilal, dalacsiin ciidan iyo lacago badan, balse haatan aan laga ogolaan karin inay gorgortan sii wadaa.

“Dhibaatada Guriceel waxay Aabe ledahay nimankaas Ahlu-Sunna, waxaan qabaa waa in laga taqaluso ama Galmudug ay burburto, waxaan leeyahay madaxweynaha Galmudug ha gelin wax gorgortan ah, meel adag ka istaag arrintaan, qaladaad dhanka dagaalka ah ayaa jira oo Galmudug ay geleyso, nimanka waxaa u furan wadadii caabuswaaq oo dhaawaca ay ku qaadanayaan, gurmadkuna uga imaanayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Yuusuf Indhacadde.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable

Kumuu ahaa Col. Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} Taliyihii ururka 6-aad, guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab, waxuu ka mid noqday tobanaankii qof ee naftooda ku waayey dagaalka maalmahaan ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Waayihiisii nolosha Korneyl Feyfle Waxaa uu ahaa halgamaa ay cadawtinimada iyo arxan darrada Al-Shabaab ay ku kaliftay inuu ka haajiro dadkii iyo deegaankiisii.

Sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay degmada Xarardheere, waxuuna barbaarintiisii ugu badneyd ku qaatay deegaan lagu magacaabo Dumaaye oo hoos taga Xarardheere, halkaas oo dugsiga sare uu uga baxay sanadkii 1998-kii.

Waxuu ahaa xerow aad u bartay culuumta diinta Islaamka iyo maadiga intaba waxuu noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay degmada Xaradheere ee Koofurta gobolka Mudug iyo deegaanada hoos taga.

Bilowgii Sanadkii 2008-dii xilli ay argagixisadu tabar heysay ayuu Feyfle ka hor yimid xukunkooda guracan, weliba isagoo degganaa magaalada Xarardheere oo ay argagixisadu maamuleysay.

Xarardheere ayuu ka abaabulay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xiligaas maamuleysay inta badan koonfurta iyo bartamaha dalka,dagaal ka dib Isaga iyo dhowr wadaad ayaa u baxsaday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowr bilood ay ku noolaayeen.

Isla sanadkii 2008-dii Allaha u naxariistee Feyfle waxuu safka hore ka galay dagaalkii Culumada Ahlu-Sunna Waljamaaca ay gobollada dhexe uga xoreysay arxan laawayaasha ,dhowr jeer ayuu ku dhaawacmay dagaaladii adkaa ee kooxda looga saaray Gurceel iyo Dhuusamareeb.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 2010-kii waxuu u soo wareegay oo uu ku biiray ciidanka xoogga dalka waxaana uu ku haminayay in mar un lagu dhaqaaqo xoreynta magaaladiisii cadawgu ka soo hayaamiyay ee Xaradheere.

Sanadihii 2012-kii ilaa 2013-kii waxuu ka mid noqday ciidankii ugu horeeyey ee lagu xareeyay saldhigga Balidoogle ee Shabeellada Hoose kuwaa oo Mareykanku tababaray, sidaas ayuuna qeyb uga noqday aas-aaskii ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Gudaha Danab waxaa looga xushay sarkaal qaabilsan wacyi-gelinta ciidanka, maadaama uu ahaa nin aad u yaqaanna diinta islaamka kuna xeeldheeraa naqdinta fikirrada guracan ee argagixisada.

Bilowgii sanadkaan 2021 ayaa loo magacaabay Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Danab oo ka howlgala gobollada Mudug iyo Galgaduud, kadib markii bishii December ee sanadkii hore qarax lagu dilay saraakiil uu ku jiray taliyihii ururka 6-aad ee Danab Allaha u naxariistee Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan.

Markii uu tegay Mudug oo hoggaanka Danab uu la wareegay, isagoo kaashanaya madaxda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa uu juhdi badan galiyay in gacanta lagu dhigo magaaladii uu ku dhashay ee Xaradheere oo cadawgu uu la haray umase suura galin in magaaladii la qabto.

23-kii bishaan October oo ah maalinkii koowaad ee dagaalku ka qarxay magaalada Guriceel ayuu ku dhaawacmay dagaal si kadis ah uga bilaawday goob ay ku sugnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Qaranka.

Dhaawaciisa ayaa loo qaaday Dhuusamareeb, balse waxaa uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka,Axadii shalay ayaana meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalla Dhuusamareeb.

Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} waxaa uu ku geeriyooday da’aada 40 sano jir, waxaana uu ifka uga tagay 3-xaas iyo dhowr iyo toban caruur ah.

SNTV

Banaanbax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dagaalka magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah.

Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxayna taayiro iyo qashin ku gubeen wadada, taasi oo keentay isku socodka gaadiidka uu istaago.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedan dagaalka khasaaraha badan ka dhashay ee ka socda Guriceel, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen “Qoor iyo Farmaajo doonimeyno”, “Dhiig sokeeye doonimeyno” iyo ereyo kale oo ka dhan ah maamulkaas.

Waxay sheegen qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta inaysan ogolaan doonin in lagu sii dagaalmo Guriceel, iyaga oo ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo madaxweynaha Galmudug inay colaada sii hurinayaan.

Sidoo kale qaarkood ayaa sheegay inay taageersan yihiin hogaanka Ahlu-Sunna ee xooga ku qabsaday Guriceel, islamarkaana ay maalmahan dagaalka kula jiraan ciidamada maamulka oo kaashanaya dowladda.

Dagaalka ka socda Guriceel ayaa galay maalintiisi saddexaad, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo u dhaxeysa labada dhinac.

Inta uu socday dagaalka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug ayaa waxa uu galaaftay askar iyo saraakiil labada dhinacba ah iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

FIQI oo doorashada Puntland u adeegsaday inuu weerar culus ku qaado Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isbar-bar dhig cajiib ah ku sameeyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Fiqi ayaa waxa uu madaxweyne Qoor-Qoor ku sifeeyay inuu yahay hogaami dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo, halka taasi badalkeed uu ku sifeeyay Deni hogaamiye gudanaya mas’uuliyadii loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu amaanay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni doorashada qof iyo codka ah ee saaka deegaano kamid ah maamulkaas looga dareeray.

Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi

Farqiga u dhexeeya caqliga labada hogaamiye.

Meel waa nabad iyo mustaqbal dimuqraadiyad, meelna waa abaabul colaad iyo mahadhooyin murugo leh!. Meel waa hogaamiye caqli fayow oo dadkiisa iyo deeganadiisa mas’uuliyadii Iagu aaminay sidii ay aheyd u gudanaya, meel kalena waa hogaamiye dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo!.

Meel hogaqmiyaheedu saakay wuxuu beeray rajo iyo raad loo aayi doono, halka meesha kale uu beeray uur-ku-taallo iyo rajo xumo.

Muddo saddex maalin tacsi, agoonnino iyo asay ayaa la deris ahayd qoysas Soomaaliyeed oo ay sabab u tahay go’aan qaldan oo arrin nabad lagu xallin karo laga qaatay, Lana kala dooranayey noocyada hubka ee loo adeegsanyo gumaadka shacabka, halka dhanka kale saddex maalmood ay u ahayd olole doorasho, soo bandhigid barnaamij iyo aragtiyo siyaasadeed oo la kala doorto!

Galmudug Allaha u gargaaro, saddex maalmood warka u weyn wuxuu ahaa Guriceel gacanta ayaa lagu dhigay!.

Baaqiga hala caymiyo!

Somaliland oo magaalo kale maanta ka billowday raafka dadka kasoo jeeda Koonfurta

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey inay soo dhamaatay waqtigii loo qabtay inay ku diyaar-garooban dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur iyo ciidamo badan oo wata gaadiiid kala duwan ee booliska ayaa saaka waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo ka bilaabay qab-qabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta.

“14-kii cisho Shalay ayey ku eekeyd maanta waajibkayagu waxa uu yahay in aan qabano cid walba oo sharci ku joogin dalkan, waxaa waajib u haysataan in aad qabataan ama guri hoostii ha lagu haysto ama beer ha la dhex seexiye anaga waajibka haysana waa in 25-ka bishan 10-aad in aad qabataan dadka aan u dhalan Somaliland,” ayuu yiri badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag.

“Kuwa tuulooyinka tagay ee aaminsan in tuulooyinka ay xukuumada xukumin ee aan qabano isaga oo magaalo ku ganacsiyaynaya wuxuu mudanaya waxa uu sharcigu ka qabo. Ninka diida amarka kasoo baxay xukuumadda waxa marinayna laamaha sharciga oo waa ka waajib qaadaneyna.”

Sidoo kale waxa uu digniin u diray dadka isku dayaya inay ka dhuuntan booliska, islamarkaana qorsheynaya inay kusii dhex ganacsadaan gobolka Sanaag.

“Tuulo ayaa ugu tageyna, degmo ayaa ugu tagayna, gobolka Sanaag oo dhan cidii ku sugan ee aan u dhalan Somaliland waajib waxa u haysana in aan qabano.” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Khaliif Nuur.

Ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka booliska ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo si qasab ah u qab-qabanayeen dadka aan dhalasho ahaan kasoo jeedin Somaliland.

Si kastaba, maamulka gobolka Sanaag ayaa hore u iclaamiyey muddo labo toddobaad ah oo ay u qabteen dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya inay kaga baxaan magaalada Ceerigaabo, taasi oo ku eekeyd maalintii shalay aheyd.

Dagaalka Guriceel oo galay maalintii saddexaad iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel waxaa weli ka socda dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna oo ka soo horjeeda, wuxuuna dagaalka galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in maanta dagaalka uu ka socdo dhinaca waqooyi ee magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaano dhanka jaamacadda oo ka tirsan Guriceel.

Labada dhinac dagaalkooda maanta waa mid goos goos ah, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo dhexeysa labada dhinac.

Dagaalka haatan ka socda Guriceel dhanka Galmudug iyo dowladda waxaa ciidamada hoggaaminaya taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Inta uu socday dagaalka oo sii galay maalintii saddexaad ayaa waxa uu galaaftay askar iyo saraakiil labada dhinacba ah iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda wada guluf xoogan, iyaga oo ka faa’iideysatay fursaddii la siiyey, si ay uga baxdo, waxaan taasi bedalkeeda ay heshay gurmad soo gaaray magaalada, iyada oo sidoo kale askartii ka dhaawacantay ka bixisay aaga dagaalka.

Dhinaca kale magaalada ayaa haawaneysa, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo sidoo kale waxbarashada, iyada oo inta badan qoysaskii daganaa halkaas ay barakaceen

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.