26.4 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Somaliland oo magaalo kale maanta ka billowday raafka dadka kasoo jeeda Koonfurta

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey inay soo dhamaatay waqtigii loo qabtay inay ku diyaar-garooban dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur iyo ciidamo badan oo wata gaadiiid kala duwan ee booliska ayaa saaka waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo ka bilaabay qab-qabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta.

“14-kii cisho Shalay ayey ku eekeyd maanta waajibkayagu waxa uu yahay in aan qabano cid walba oo sharci ku joogin dalkan, waxaa waajib u haysataan in aad qabataan ama guri hoostii ha lagu haysto ama beer ha la dhex seexiye anaga waajibka haysana waa in 25-ka bishan 10-aad in aad qabataan dadka aan u dhalan Somaliland,” ayuu yiri badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag.

“Kuwa tuulooyinka tagay ee aaminsan in tuulooyinka ay xukuumada xukumin ee aan qabano isaga oo magaalo ku ganacsiyaynaya wuxuu mudanaya waxa uu sharcigu ka qabo. Ninka diida amarka kasoo baxay xukuumadda waxa marinayna laamaha sharciga oo waa ka waajib qaadaneyna.”

Sidoo kale waxa uu digniin u diray dadka isku dayaya inay ka dhuuntan booliska, islamarkaana qorsheynaya inay kusii dhex ganacsadaan gobolka Sanaag.

“Tuulo ayaa ugu tageyna, degmo ayaa ugu tagayna, gobolka Sanaag oo dhan cidii ku sugan ee aan u dhalan Somaliland waajib waxa u haysana in aan qabano.” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Khaliif Nuur.

Ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka booliska ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo si qasab ah u qab-qabanayeen dadka aan dhalasho ahaan kasoo jeedin Somaliland.

Si kastaba, maamulka gobolka Sanaag ayaa hore u iclaamiyey muddo labo toddobaad ah oo ay u qabteen dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya inay kaga baxaan magaalada Ceerigaabo, taasi oo ku eekeyd maalintii shalay aheyd.

Dagaalka Guriceel oo galay maalintii saddexaad iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel waxaa weli ka socda dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna oo ka soo horjeeda, wuxuuna dagaalka galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in maanta dagaalka uu ka socdo dhinaca waqooyi ee magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaano dhanka jaamacadda oo ka tirsan Guriceel.

Labada dhinac dagaalkooda maanta waa mid goos goos ah, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo dhexeysa labada dhinac.

Dagaalka haatan ka socda Guriceel dhanka Galmudug iyo dowladda waxaa ciidamada hoggaaminaya taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Inta uu socday dagaalka oo sii galay maalintii saddexaad ayaa waxa uu galaaftay askar iyo saraakiil labada dhinacba ah iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda wada guluf xoogan, iyaga oo ka faa’iideysatay fursaddii la siiyey, si ay uga baxdo, waxaan taasi bedalkeeda ay heshay gurmad soo gaaray magaalada, iyada oo sidoo kale askartii ka dhaawacantay ka bixisay aaga dagaalka.

Dhinaca kale magaalada ayaa haawaneysa, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo sidoo kale waxbarashada, iyada oo inta badan qoysaskii daganaa halkaas ay barakaceen

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Mukhtaar Roobow oo shaaca ka qaaday inta jeer oo uu la kulmay Farmaajo – ” Hadalkiisa aad buu u macaa, laakiinse….”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, kadib markii uu la xiriiray, isla-markaana uu wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Wareysiga oo dhammeysitan oo lasii daayey ayuu Roobow uga hadlay arrimo dhowr ah oo dhex-maray isaga iyo madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilligii u ahaa musharrax madaxweyne oo u taagan hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Immisa jeer ayey kulmeen Farmaajo iyo Roobow?

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa wareysigan ku sheegay in muddo lix jeer ay kulmeen isaga iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo), kadib markii uu ka soo goostay Kooxda Al-Shabaab.

Sheekha ayaa sheegay inuu aad u hadal macaan yahay Farmaajo, balse uusam laheyn ficil fulineed, sida uu hadalka u dhigay.

“Illaa lix marbaan kulanay arrimo badan ayaan ka wada-hadalnay hadalkiisa aad-buu u amacaanaa, laakiinse wax fulin ah ma uuna laheyn,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markale ay khadka Taleefanka ku wada-hadleen, intii uu joogay Baydhabo, ayna ka wada hadleen doorashadii Koonfur Galbeed ee xilligaas.

“Markii aan hadda ololaha galnayna marbuu isoo diray Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Weli oo la wada yaqaano Ugaasku waa ii yimid wuxuu i yiri Farmaajo ayaa isoo diray, waa wada-hadalnoo Taleefoon baa ku wada-hadalnay, kadibna wuxuu dhaafin waayey khalad baa dhacee imow,” ayuu markale yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo weli xabsi guri ah.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday sheeko kale oo dhex-martay isla xilligaas  isaga iyo Fahad Yaasiin wuxuuna yiri “Doorashada intaan ku jiray Fahad waa nool yahay ha’igu beeniyo waa isoo wacay wuxuu igu yiri codadka oo dhan haddaad hesho lagu aqoonsan maayo. Waxaa kale oo igu yiri haddii lagaa raayo oo lagaa soo badiyo dowladda ku soo dhex noqon meysid,”.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waxaa kuu furan ayuu igu yiri saaxibadaadii hore inaad aado, mana kuu sahlano,”.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa kiiskiisu waxa uu soo maray marxalado kala duwan, kadib markii uu kasoo goostay Al-Shabaab, wuxuuna haatan mudo u xiran yahay dowlada dhexe.

New York Times: CIA ayaa is-hortaagtay cunaqabateyn la saari lahaa Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday sida ay hay’addan ugu dhex milantay siyaasadda Soomaaliya.

New York Times ayaa shaacisay in CIA-da ay is-hortaagtay isku day la doonayey in hadda kahor cunaqabateyn lagu saaro taliyihii hore ee haya’dda NISA Fahad Yaasiin, ooh adda ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Warbixinta New York Times ayaa sheegtay in sababta Fahad loo saari lahaa cunaqabteynta ay tahay inuu taageeray isku daygii uu madaxweyne bishii Febraayo ku sameeyey muddo kororsiga, kaasi oo horseeday dagaal ka dhacay Muqdisho.

“Saraakiil Mareykan ah ayaa soo jeediyey in Fahad la saaro cunaqabateyn si loogu qabso inuu ka laabto, sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer galbeed ah. Hase yeeshee CIA-da ayaa si daacadnimo leh uga soo horjeesatay fikraddaas, ayada oo muuqata inay ilaalineyo danaheeda ka hortagga argagixisanimada,” ayey tiri warbixinta New York Times.

CIA-da ayaa saldhig ku leh garoonka Muqdisho, waxayna si dhow ugala shaqeysaa hay’adda NISA dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Tallaabada CIA ayaa farriin qaldan u dirtay saraakiisha Soomaaliya oo ku saabsan ahmiyadadaha Mreykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha reer galbeedka. “Waxay arkeen in afka iyo jirka ay kala sameynayaan laba wax oo kala duwan. Waa jahwareer.”

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in CIA-da ay howlgallo qorsheysan xilliyada habeenkii ka fuliso magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaarsado xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mid ka mid ah howlgalladaas ayaa waxaa bishii November ee sanadkii tegay ku dhintay sarkaal CIA ah oo lagu magacaabay Michael Goodboe oo 54 jir ahaa. 

Goodboe ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo uu sameeyey sarkaal Al-Shabaab ah oo la erynayey xilli habeen, waxaana loo qaaday isbitaal militariga Mareykanka ay ku leeyihiin Jarmalka, oo u uku dhintay 17 maalmood kadib.

Maamul goboleedyada iyo DF oo qoraal cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen si wadajir ah uga hadlay arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xaaladaha bani’aadanimo ee dalka.

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu gorfeeyey xaaladaha abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee bani’aadanimo ee ka jira gudaha dalkeena.

Sidoo kale wasiirada heer federaal iyo heer dowlad goboeed ayaa diiradda saaray, sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira gudaha Soomaaliya

Halkan hoose ka aqriso:-

1. XAALADDAHA ABAARAHA IYO BIYA-YARIDA DALKA.

Sida aan la wada socono qeybo badan oo ka mid ah dalka waxaa saameyn ku yeeshay Biya-yarida baahsan taas oo sababtay inay Xoolaha macluul iyo haraad u dhintaan.

Deegaanada ay sida aadka ah u sameeysay Biya-yarida iyo Abaarta waxaa ka mid ah:- Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.

2.CUNA-YARIDA

In ku dhow 7.7-Milyan oo ruux ayaa wajahayo Cuna-yari daran taas oo ka dhalatay saameyntii ay reebeen Abaarihii, Fatahaadihii iyo Ayaxii saxaraha
ka yimid kaas oo galaaftay dalag badan islamarkaana baajiyay xilli badan oo ay dadka tabcan lahaayeen Beerahoodda.

Waxaa kale oo xaaladda sii cakiray faafida caabuqa COVID-19 iyadoo hirkii u dambeeyay uu saameeyay dhaqaallaha waxa uu sarakac ku keenay maciishada quutul-daruuriga ah.

3. FATAHAADDAHA

Deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan tuullooyin ku dhow dhow Baledweyne iyo Jowhar waxaa saameyn ba’an ku yeeshay fatahaadihii kal hore ku dhuftay kuwaas oo sababay barakaca dad badan oo beeraleey ahaa oo aan beerahoodda tabcan xilli-roobeedyadii lasoo dhaafay taas oo keentay
xaaladdo Bini’aadanimo.

4. NAFAQA-DARADA

In badan oo ka mid ah Haweenka, Caruurta iyo dadka da’da ah ayaa dhibtoonayo nafaqa-daro iyo macluul aad u daran oo ka dhallatay raadadkii xumaa ee isbeddelka cimiladda.

Hoos u dhaca wax soo saarka, qiimo kororka maciishada iyo biya-yarida ayaa weli sii kordhinayo macluusha.

Mareykanka oo shaaciyey dakhli maanku diidayo oo Al-Shabaab usoo xarooday 2020

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday xogta dowladda Mareykanka ee ku aadan dhaqaalihii sanadkii hore soo galay kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiyaastii dowladda Mareykanka ay muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.

Sida ay warbixinta tiri, Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagta kale ee baadda ah ee laga qaado shacabka.

Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa New York Times u sheegay in Al-Shabaab ay konteenar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qaado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn.

Sarkaalka ayaa sidoo kale la wadaagay New York Times rasiit ay ku qoran tahay 250-dollar oo Al-Shabaab ay siisay muwaadin degan Muqdisho oo iibiiyey dhul uu lahaa, kaasi oo canshuur ay ka qaaday kooxda.

Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.

Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo ay Caasimada Online ku noqotay kadib warbixintan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay soo xareyso dakhli ku dhow laba meelood meel guud ahaan dakhliga dowladda federaalka Soomaaliya, iyo 65% dakhliga canshuurta ee dowladda federaalka. 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay waxa ay uga dhigan tahay doorashada Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashooyinka qof iyo cod ah ee saaka ka bilowday qaar kamid ah deegaanada maamulkaas, taasi oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka.

Rooble ayaa ugu horeyntii bulshada iyo hogaanka maamulka Puntland ku bogaadiyey doorashadaas oo ka bilaabatay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, isagoona ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah.

“Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.”

Doorashada saaka oo ah mid tijaabo, ayaa waxa codadkooda dhiibanaya dad gaaraya 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashadan, kuwaas oo ka codeynaya 54-goob oo loo diyaariyey.

Illaa sideed urur siyaasadeed oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa ku tartamaya doorashada, si ay uga mid noqdaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas.

Qardho waxaa lagu tartamayaa illaa 33 kursi, sidoo kale degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa illlaa 27 kursi, halka degmada Ufeyn si la mid ah lagu tartamayo 27 kursi.

Puntland oo la aasaasay 1-dii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof iyo cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee maamulkaas.

Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka billowday PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah deegaanada maamulka Puntland ayaa maanta u dareeray doorashooyin taariikhi ah oo ah qof iyo cod, isla-markaana lagu dooranayo golayaasha deegaanka ee sadex demo.

Doorashadan oo ah mid tijaabo, isla-markaana isha lagu wado hayo ayaa ka bilaabatay degmooyinka kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Waxaa codadkooda dhiibanaya dad gaaraya 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codoeynta doorashadan, kuwaas oo ka codeynaya 54-goob oo loo diyaariyey.

Illaa sideed urur siyaasadeed oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa ku tartamaya doorashada, si ay uga mid noqdaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas.

Qardho waxaa lagu tartamayaa illaa 33 kursi, sidoo kale degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa illlaa 27 kursi, halka degmada Ufeyn si la mid ah lagu tartamayo  27 kursi.

Sidoo kale waxaa kuraastaasi oo tiradooda guud ay tahay 87 isku soo sharraxay illaa 449 musharax oo maalmihii u dambeeyey olole xoogan ka waday Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Dhinaca kale guddiga KMG ah ee doorashada qof & codka ah ayaa shacabka ka dalbaday in ay raacaan habraaca loogu talagalay in ay u dhacdo codeynta tijaabada ah.

Si kastaba, Puntland oo la aasaasay kowdii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo dhammaan hoostaga maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Suudaan iyo Af-gembi ka socda dalkaasi

0

Khartoum (Caasimada Online) – Xaaladda wadanka Suudaan ayaa maanta aad u kacsan, waxaana saaka shacabka ay ku soo waabariisteen Afgembi ka socda gudaha dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga ay xabsi guri geliyeen madaxda xukuumadda rayidka oo uu ugu horreeyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Mudane Cabdalla Hamdok.

Milatariga ayaa sidoo kale xir xiray afar mid ah golaha wasiirada ee xukuumadda Suudeaan iyo xubno rayid ah oo ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay la taliyihii dhanka warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan.

Ciidamada Afgembiga wada ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay la wareegeen xarunta Telefishinka, tan Idaacadda iyo qaar ka mid ah xarumaha kale ee dowladda.

Dhinaca kale waxaa hawada laga saaray khadkii Internetka ee magaalada caasimada ah ee Khartoum, sida ay tabinayaan qaar ka mid ah warbaahinada caalamka.

Dadweynaha kala qeybsan ee Suudaan ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee dalkaasi, kuwaas oo dhigaya banaan-bax ay uga soo horjeedaan Afgembiga socda.

Ujeedka ka dambeeya Afgembiga haatan ka socda dalka Suudaan ayaa lagu sheegay in milatariga ay ku doonayaan inay meesha uga saaraan xukuumadda Cabdalla Hamdok oo ah xukuumad rayid ah, kuna dhisan awood qeybsiga xisbiyada ka jira gudaha wadankaasi.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada milatariga iyo dhanka dowladda eoo ku aadan xaaladda cakiran ee maanta ka taagan dalka Suudaan.

JUBBALAND oo fashilisay qarax lagu aasay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay ka hortegay weerar qarax ah, kadib howl-gal ay ka sameeyeen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ay fuliyey ciidamada nabad sugida ee maamulkaasi ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey xaafadda Farjanno ee magaaladaasi oo xarun KMG u ah Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in dadka shacabka ay ku soo wargeliyeen miinadaasi, kadibna ay ku guuleysteen in laga hortago qaraxaasi.

Sidoo kale taliska NISA ee Jubbaland ayaa u mahadceliyey dadka shacabka ah uga mahadceliye, sida ay ula shaqeynayaan ciidamada ammaanka.

“Hay’adda Nabad sugida & Sirdoonka Jubbaland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka  Kismaayo sida kalsoonida leh ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga ugana qeyb qaadanayaan sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay laba jibaari doonto howl-gallada ka socda magaalada Kismaayo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay wadeen ciidanka amniga.

Kismaayo ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha shacabka oo dhowaan ka bilaabaneysa dalka.

Isbitaalkii weynaa ee Istartiin ee Guriceel oo xirmay kadib madaafiic lagu gaaracay

Guriceel (Caasimada Online) – Tiro Hoobiyeyaal ah oo shalay ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel ayaa hakad ku keenay adeeggii caafimaad ee isbitaalkaasi uu u fidinayay dadka deegaanka.

Dr. Kaahiye Cismaan Cumar oo ka mid ah Howlwadeenada Isbitaalka Istartiin ayaa sheegay in hoobiyeyaashu ay burburiyeen qalabkii loogu shaqeynayay bukaanada.

Waxa uu sheegay in hoobiyeyaashu ay isbitaalka ku soo dhaceen, xilli isbitaalkaasi la keenay dhaawacyo fara-badan, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Isagoo la hadlayay VOA ayuu yiri “Xaaladdu way inoo rooneed wixii ka horeeyay saakay, wixii ka dambeeyay barqadii maanta anagoo shaqadii ku jirno oo dhaawacyadii la tacaalayno, isbitaalkayna waxaa ku soo dhacay hoobiyeyaal illaa saddex xabo ah, halmar qaybihii aan ku shaqeynaynay dab baa qabsaday, gaar ahaan qaybtii bukaan jiifka, qaybtii xaaladaha deg-degga, qaybtii raajada & computer-ka noo yaalay iyo qaybtii ugu muhiimsaneyd ee saalada qaliinka, intoodba hoobiyeyaalaa ku soo dhacay. Anaga naftaynaa la soo cararnay, bukaanada intii aan soo bixin karno waa soo bixinay, intii kalena dadkooda ayaa watay.”

Waxa kaloo uu yiri “Cid wax dhiba gaaray ma jirin, laakiin maatidii tirada badneyd ee la keenay illaa iyo shalay xaaladooda khatar bay gashay.”

Mar uu ka hadlayay xaaladda shaqaalahooda ayuu yiri “Shaqaalaha isbitaalka way fiican yihiin oo way nabad qabaan, si nabad ahaana ku soo baxnay, xoogaa illaa meel dhexe ah inaan soo lugeyno ayay noqotay, oo baabuurta meel la marsiiyo ayaan weynay.”

Waxaa uu sheegay in shaqaalahooda ay halis kala kulmeen dhinac ka mida dhinacyada isku horfadhiya magaalada.

“Maraan meel dhexe soo marayno oo lugeynayno, niman difaac ku jiraa na soo xabadeeyay, waan kala cararnay, waana fiicanahay,” ayuu yiri Dr. Kaahiye Cismaan Cumar.

Dr. Kaahiye Cismaan ayaa yiri “Shaqaalihii intii ugu badneyd deegaanada u dhow dhow ayay taggeen, qaarkood Matabaan ayay aadeen, qaarkoodna Dhuusamareeb.”

Isaga oo ka waramayay sida howshii isbitaalka u istaagtay iyo daruufihii ay ku shaqeynayay tan iyo shalay ayuu yiri “Isbitaalkii weynaa ee degmada albaabadaa isugu soo xirnay, maadaama isbitaalkii meel lagu shaqayn karo aysan jirin, meeshiina ay furin dagaal noqotay. Anaga intii awoodayno ahayd shalay illaa iyo xalay waan dadaalaynay, sidii shalayaa u soo jeednaa, xabaddu markii ay bilaabaneysay illaa iyo hadda sidii ayaan u soo jeednaa, qof naga mida oo shaqaalaha ka mida muusan seexan. Anagoo dadaalkii iyo daalkii ku shaqeynaynay baa waxaa gubtay meelihii aan ku shaqeynaynay.”

Dr. Kaahiye Cismaan ayaa xusay in Axaddii uu xirmay goob kaloo caafimaad ay magaalada ku lahaayeen, ka dib markii ay madaafiic ku dhaceen.

“Laba ka mida goobihii ugu waaweynaa ee aan lahayn, sida isbitaalkii weynaa ee degmada iyo mid kaloo ku yaalo deegaanka, midna shalay ayuu gubtay, midna maanta ayuu gubtay, waxaad mooddaa in bartilmaameedyo ay noqonayaan goobihii caafimaadka,” ayuu yiri Dr. Kaahiye Cismaan.

Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa ah mid hubinti la’aan ah, iyadoo dhinacyada isku haya ay weli isku horfadhiyaan magaaladaasi.

Afar arrin oo sabab u ah inay mucaaradka ka aamusaan heshiiska Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada nin ayaa si weyn isugu fogaaday labadii bilood ee uu khilaafkooda bannaanka yaalay, waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in lasoo afjaro xiisadaas.

Heshiish 6-qodob ah ayey kala saxiixdeen, waxayna labada nin isla garteen in la dadajiyo doorashada Soomaaliya oo si weyn dib ugu dhacday.

Mucaaradka intii uu socday dagaalka Farmaajo iyo Rooble dhextaal ayey u ahaayeen xiisadda, waxaana qaarkood loo arkayey inay xiisadda sii hurinayaan.

Ra’isul wasaare Rooble oo maalmihii dambe ku dhawaa mucaaradka ayaa qaatay heshiis u muuqday in isaga iyo Farmaajo isku garab dhaceen, laakiin wax soo dhaweyn ah kama helin mucaaradka ama dhinaca midowga Mushariiinta oo si weyn uga hadlayey xaaladda intii uu dagaalka jiray.

Madaxda maamul Goboleedyada oo iyagana ka hadlay khilaafkii ka dhex jiray madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaan ka hadlin heshiiskii labada nin la kala dhex dhigay.

Waxay dadka intooda badan is waydiinayaan sababta ay heshiiskaan uga gaabsadeen inay ka hadlaan Mucaaradka oo ay ku diideyn inay booggadiyaan, waxaana la rumeysan yahay inay sabab u tahay qodobada soo socda:

1- Tuhun dib u dhac ah

Qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa laga soo xigtay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble ay ku heshiiyeen in la daahiyo doorashada oo xaawaraha la dhimo si ay maalmo dheeri ah isaga sii joogaan xafiiska, taas oo aysan faa’ido ugu jirin mucaaradka.

Mucaaradka waxay badankood aaminsanaayeen inuu Rooble si weyn uga fogaaday Farmaajo uuna dadajin doono doorashada si meesha looga saaro kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Laakiin hadda waxaa u sawiran aragti taas ka duwan oo ah in Rooble lagu qanciyey inaysan wax dan ah ugu jirin dadajinta doorashada .

Inkastoo qodobadii heshiiska Rooble iyo Farmaajo ay ku jirtay in si deg deg ah loo qabto doorashada, haddana xubnaha mucaaradka qaarkood waxay arrintaas u arkaan inay tahay jiliin.

2- Rajo laga qabay Rooble

Xubno kamid ah midowga musharixiinta ee mucaaradka ayaa filayey inuu Rooble la noqon doono shirkad siyaasadeed ama inuu dhisi doono, maadaama isaga iyo Farmaajo kala fogaadeen, laakiin dib isku soo laabashada labada nin ee dalka ugu sareysa xilligaan ayaa hoos u dhigtay rajada musharixiin badan oo naf ka raadinayey Ra’isuwasaare Rooble.

3- Kiiska Ikraan Tahliil

Xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka ayaa laga soo xigtay in heshiiska Farmaajo iyo Rooble uu inkiray xaqqa Ikraan Tahliil Faarax oo ahaa sababtii ay markii horeba u garab istaageen Ra’isul wasaaraha, maadaama uu heshiiskaasna daciifiyey kiiska waxay sheegeen in aysan jirin sabab ay u taageeraan.

4- Dib usoo laabashada Farmaajo

Mid kamid ah qodobada loo maleenayo inay mucaaradka uga dhuunteen inay taageeraan heshiiska Farmaajo iyo Rooble waa inay dareemayaan in heshiiskaan uu dib usoo nooleenayo Farmaajo oo hadda heli kara garabka Ra’isulwasaare Rooble ama ugu yaraan ka hortagi kara inuu Rooble ka hor istaago faragelinta uu waqtiga dheer la damacsanaa doorashada dalka.

Saraakiil sare oo lagu dilay dagaalka Guriceel ee maanta iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno magaalada Guriceel waxay tilmaamayaan in khasaare badan uu dhashay dagaalkii maanta, isla markaana aan weli aan dhinac looga adkaan dagaalka, oo caawa xaafadaha qaar ee magaalada ay difaac uga jiraan ciidamada Ahlu-Sunna.

Dagaalkii maanta ayaa galaaftay ciidamo iyo saraakiil labada dhinacba ah, waxaana la xaqiijiyey in galabta uu dhaawac soo gaaray u geeriyooday Taliyihii ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad Faarax Muumin.

Sarkaalkaan ayaa xalay loo magacaabay hoggaanka ciidanka Haramcad ee Galmudug ku sugan, kadib markii dagaalkii shalay uu dhaawac culus ka soo gaaray Taliyihii Haramcad ee Galmudug.

Sidoo kale Cabdulqaadir Maxamed Diiriye oo ahaa taliyihii Nabad sugidda garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb iyo askar kale ayaa lagu dilay dagaalkii maanta.

Waxaa caawa fiidkii soo gaaray dagaal culus oo dhanka waqooyi ee magaalada ka qarxay maanta duhurkii, kaas oo bilaawday wax yar kadib markii uu soo baxay war sheegayey in Ahlu-Sunna ay dalbatay xabad joojin si magaalada ay uga baxaan.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Aanas Cabdi Macalin oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa qiray in Ahlu-Sunna ay maanta dalbatay xabad joojin, balse waxuu ku eedeeyey in ayagu ay jebiyeen xabad joojinta oo qiyaano ay ka wateen dalabkaas.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in go’doon ay geliyeen ciidamada u dagaalamaya Ahlu-Sunna, isla markaana ay ku raja weyn yihiin in dhawaan ay soo afjaraan iska caabintooda, isagoo balan qaaday inay ka aqbali doonaan baxad joojin ama xal aan xabad aheyn hadii ay la yimaadaan.

Ciidamada labada dhinac ayaa aad ugu jabay dagaalkaas labada maalmood ka socda magaalada Guriceel, waxaana dhaawacyada ciidamada dowladda loo kala daabulay Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Hase yeeshee Ahlu-Sunna waxaa weli ku adag inay goobo caafimaad u hesho dhaawacyada ciidankeeda kasoo gaaraya dagaalka, dhaawacyo iyo meydad badan ayaana la soo sheegayaa inay dhex yaalaan goobaha ay dhufeysyada uga jiraan.

Maanta waxaa lasoo bandhigay sawirrada seddax ka mid ah saraakiishii ugu sareysay ciidanka Ahlu-Sunna oo dhaawac ah, iyagoo ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo ciidanka Danad oo fadhigoodu yahay duleedka ay kala baxeen isbitaalka.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ciidanka Ahlu-Sunna ay caawa ku sugan xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta Beder 2, Jaamacadda,  Iskuulka Al-Maamuun, koontoroolka Guriceel ee xiga dhinaca Dhuusamareeb iyo guud ahaan jihada waqooyi ee magaalada.

Ciidamada dowladda ayaa caawa ku sugan goobo ay kamid yihiin saldhiga booliska dhismaha Beder 1, xarunta Hormuud iyo guud ahaan xaafadaha koonfureed ee magaalada, waxaana caawa la kala joogaa goobihii la kala joogay xalay, taas oo muujineysa in dhinacyadu aysan wax horumar ah ka sameyn dagaalka.

Fiqi: “Faataxada haloo maro Midowga Musharaxiinta”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaki geliyay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay taageersan yihiin dagaalka lagu qaaday ururka Ahlu-Sunna ee ka socda Guriceel.

Fiqi ayaa sidoo kale su’aal geliyay cidda hortaagan in war-murtiyeed laga mideysan yahay laga soo saaro xiisada dagaal iyo howl-galka ciidamada dowladda ee ka dhanka ah Ahlu-Sunna.

“Midowga Musharixiinta ee wax kasta ka hadli jirey ma hawlgalka Odowaa iyo Qaroole ayay taageersan yihiin!. Yaa hortaagan in warmurtiyeed arrinta Guriceel laga soo saaro!?!?!
Faataxada haloo maro midowga!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Golaha ayaa maanta si shaqsi ah qoraal uga soo saaray dagaalka Guriceel, waana midda tooshka kusii shiday aamusnaanta Midowga Musharaxiinta ay ku wajahayaan xiisadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac is-haya ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuura kala fogaansho hor leh. Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.”

Xog ay Caasimada Online baahisay 8-dii bishaan ayaa waxay daboolka ka qaaday in Midowga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xiisadda ka taagan Galmudug, midaasi oo hor istaagtay in la soo saaro war-saxaafadeed lagu mideysan yahay.

Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sunna, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin.

Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan doono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saari doonin war-saxaafadeed wadajir ah oo la xiriira xiisadda dagaal ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug.

Geerida Taliye Fayfle oo la filayo inay xiisad ka dhex-abuurto DF iyo Mareykanka

Guriceel (Caasimada Online) – Geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Cabdiladiif Axmed Fayfle oo shalay lagu dilay dagaalkii Guriceel ayaa la filayaa inay xiisad ka dhex abuurto dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.

Ciidanka Danab ayaa waxaa tababara oo mushahaarkooda bixiya dowladda Mareykanka, waxaana loogu tal-galay oo kaliya inay la dagaalamaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u diiday isku dayo dhowr ah oo dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidankaas ugu adeegsato dagaallo aan aheyn kuwa Al-Shabaab, waxaana ka mid ah dagaalkii Muqdisho ku dhex-maray ciidan Farmaajo taageersanaa iyo ciidamadii Badbaado Qaran ee kasoo horjeestay muddo kororsiga.

Geerida Taliye Fayle ayaa hadda dhalineysa su’aalo la xiriira cidda amartay inay isaga iyo ciidankii Danab ee la dilay ay aadaan Guriceel oo ay ka qeyb-galaan dagaal aan aheyn midka Al-Shabaab, kadibna halkaas lagu dilo.

Mareykanka ayaa Ahlu-Sunna u arka koox awood leh oo loo adeegsan karo in Soomaaliya laga cirib-tiro Al-Shabaab, waxaana inay dagaalamaan kooxdaas iyo ciidankii ay tababareen ee Danab ay guul u tahay Al-Shabaab.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay u madax-banaan tahay inay ciidankeeda u adeegsato sida ay doonto, haddana Mareykanka maadaama uu bixiyo tababarka iyo mushaharkan Danab, wuxuu awood u leeyahay inuu joojiyo.

Mareykanka wuxuu sanadii 2019 joojiyey kalamadii lacageed ee uu siin jiray ciidanka dowladda kadib eedeymo la xiriiray musuq-maasuq inkasta oo sanad kadib dib loo fasaxay kaalmada.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf  Raage uu Taliye Fayfle ugu hanjabay in gabi ahaanba ciidanka laga saarayo, hadii uusan hoggaamin dagaalka.

“Waa ka xumahay warka la ii sheegay ee ah in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi.

“Taliye Fayfle waxaan ku wada jirnay dagaalkii labada bilood qaatay ee koofurta Mudug lagula jiray kooxda argagixisada ah, wuxuuna ahaa nin geesi ah, dulqaad badan isla markaana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

SARAAKIIL dhaawac ah oo Isbitaal lagala baxay iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka socda Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Guriceel ayaa sheegaya inuu socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah, inkasta oo aanu sidii shalay u xooganeyn.

Dagaalka ayaa maanta xoogiisa ka socda halka loo yaqaan Jaamacadda ee ku taalla Waqooyi Beri ee degmadda Guriceel, waxaana la maqlayaa rasaas iyo madaafiic ay dhinacyada is-weydaarsanayaan.

Sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online, Madaafiic qeyb ka ah kuwa labada dhinac isku adeegsanayeen ayaa ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee degmada, kaasi oo sababay burbur xoogan iyo in shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda uga baxsadaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca oo dhaawac ah ay ciidamada dowladda kala baxeen Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha oo magacyadooda lagu kala sheegay; Cali Faarax, Cali Xade iyo Maxamuud Tashade ayaa waxay kamid ahaayeen Saraakiishii la qarameeyay xilligii Ahlu-Sunna la heshiisay maamulka Qoor-Qoor.

Saddexda Sarkaal ayaa ka bar-bar dagaalamayey Ahlu-Sunna, waxaana Gaalkacyo loo geeyay si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dagaalka oo illaa hadda socda ayaa waxa ka dhashay khasaaro badan oo kala duwan, illaa haddana si rasmi ah loo xaqiijin karo, maadama ay adag tahay xaalada oo kacsan awgeed.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug, waxaana ka barakacay kumanaan shacab ah.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dagaalka GURICEEL

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka socdo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isaga oo baaq deg deg ah u diray madaxda Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel.

‘Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ku taliyey in xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si la qaboojiyo colaadda kasoo cusboonaatay Galmudug.

“Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug,” ayuu raaciyey.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka socdo waqooyiga Guriceel, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Halkan hoose ka aqriso:-

BAAQ NABADEED

Xaaladda Galmudug

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.

Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.

Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.

Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

Geeridiisa ka hor: “Ama geeri ama gurigeyga”

0

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga heyalayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dagaalka oo u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saaka ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah taliyihii garoonka diyaaradaha  Dhuusamareeb ee ciidanka nabad sugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

Marxuumka ayaa qeyb ka ahaa saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku qaadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Cabdiqani ayaa daqiiqado ka hor geeridiisa Facebook-ga ku soo qoray ‘ama geeri ama gurigeyga’, wuxuuna ugu dambeyn ku dhintay dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay halkaasi.Dagaalka ka socda Guriceel ee lagu qaaday Ahlu Sunna ayaa noqday mid lagu hoobtay waxaana illaa iyo haddda ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo wada is uruursi yo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo milatari iska soo horjeedo.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ‘loo qabtay inuu saacado uga baxo’ degmada Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Guriceel ayaa weli kacsan, waxaana saaka dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhinac ah, kaas oo hadda yara qaboobay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu saaka ka dhacay dhanka Jaamacadda, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada daacadda u ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan ay barbar socotay duqeyn xoogan oo lala beegsaday xaafadaha ay ku sugan yihiin xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dhinaca kale warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay aqbaleen in fursad la siiyo hoggaanka Ahlu Sunna iyo ciidamadooda, si ay uga baxaan gudaha Guriceel, isla-markaana loo furo waddo ay uga baxaan magaaladaasi.

Ujeedka ayaa lagu sheegay inay tahay in la siiyo Ahlu Sunna fursad ay dhaawacyada illaa shalay yaalay iyo meydadka ku qaataan, sida ay warisay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in muddo laba saacadood oo kaliya loo qabtay Sheekh Maxamed Shaakir inuu uga baxo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

“Labo saacadood ayaa la siiyey Sheikh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Guriceel ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo culus oo lagu hoobtay, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Maamulka Guriceel oo war xasaasi ah kasoo saaray DAGAALKA magaaladaas

0

Guriceel (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi ee u dhexeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah.

Maamulka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee weli ku sugan gudaha Guriceel in aysan ka soo bixin guryahooda inta uu socdo howl-galka ka dhanka ah Ahlu Sunna Waljamaaca

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro reer Guriceel ee ku sugan magaalada dhexdeeda magaalada waxaa ka socda howl-gal Emergency ah howl-galkaas oo ciidamada dowladda ay ku raad joogaan amaba ay ku baacsanayaan qolooyinka ay nabaddu dhibtay waxaan u sheegeynaa markaa dadka reer Guriceel inay guryahooda ku nagaadaan ayna soo bixin inta uu socdo howl-galka, si loo kala saaro nabad diidka iyo dadka shacabka ah ee jooga magaalada dhexdeeda ,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka magaalada Guriceel.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen maxaabiis, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada dowladda waxay gacanta ku hayaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan maxaabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalamayay qayba ka mid ah degmada Guriceel,” ayuu markale ku yiri khudbadiisa.

Ugu dambeyn wuxuu baaq kale u diray dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Ahlu Sunna, isaga oo ugu yeeray inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan baaq labaad u diro qolooyinka weli ku harsan meelaha yarka ah fara ku tiriska xabadaha kasoo ridayo inay si nabad ah isku soo dhiibaan.” ayuu sii raaciyey.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u  kacsan, waxaana haatan dagaalka oo ah mid goos goos ah uu ka socda dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.