25.4 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Maamulka Guriceel oo war xasaasi ah kasoo saaray DAGAALKA magaaladaas

0

Guriceel (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi ee u dhexeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah.

Maamulka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee weli ku sugan gudaha Guriceel in aysan ka soo bixin guryahooda inta uu socdo howl-galka ka dhanka ah Ahlu Sunna Waljamaaca

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro reer Guriceel ee ku sugan magaalada dhexdeeda magaalada waxaa ka socda howl-gal Emergency ah howl-galkaas oo ciidamada dowladda ay ku raad joogaan amaba ay ku baacsanayaan qolooyinka ay nabaddu dhibtay waxaan u sheegeynaa markaa dadka reer Guriceel inay guryahooda ku nagaadaan ayna soo bixin inta uu socdo howl-galka, si loo kala saaro nabad diidka iyo dadka shacabka ah ee jooga magaalada dhexdeeda ,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka magaalada Guriceel.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen maxaabiis, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada dowladda waxay gacanta ku hayaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan maxaabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalamayay qayba ka mid ah degmada Guriceel,” ayuu markale ku yiri khudbadiisa.

Ugu dambeyn wuxuu baaq kale u diray dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Ahlu Sunna, isaga oo ugu yeeray inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan baaq labaad u diro qolooyinka weli ku harsan meelaha yarka ah fara ku tiriska xabadaha kasoo ridayo inay si nabad ah isku soo dhiibaan.” ayuu sii raaciyey.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u  kacsan, waxaana haatan dagaalka oo ah mid goos goos ah uu ka socda dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Xog: Diyaarad ciidan horleh gaarsiisay Qoor Qoor kadib dagaalkii shalay lagu hoobtay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah oo ka tegay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb, xilli Galmudug iyo dowladda ay jab weyn kala kulmeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Guriceel ee ay la galeen Ahlu-Sunna.

Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 qof oo u badnaa ciidan, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo dhanka dowladda ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaarad siday ku dhowaad 300 oo ciidan ay qorax dhicii shalay gaartay Dhuusomareeb. Ciidankan ayaa waxaa ka mid ah Waran, Duufaan, Haramcad iyo Gorgor.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Ahlu-Sunna, inkasta oo la sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ay kasoo horjeedaan.

Ciidamada ayaa waxaa shalay asiibay khasaarooyin xooggan, waxeyna waayeen saraakiil sare, ayada oo xubno ayaga ka mid ah ay diideen in dad walaalo ah la isku laayo.

Dhinaca kale, ciidan horey u joogay Dhuusomareeb ayaa xalay u dhaqaaqay dhanka Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu qarxo dagaal loogu hoobto sida kii shalay oo kale.

Dagaalkii shalay oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa xalay iskiis u istaagay, waxayna wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobaha ay kala joogaan ciidamada labada dhinac ee Ahlu-Sunna iyo dowladda sheegayaan.

1 – In Ciidamada dowladda ay ku suganyihiin saldhiga booliska, xarunta degmada, dhismaha Beder 1 iyo xaafadaha xiga dhinaca koofureed ee magaalada.

2 – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafadaha dhaca dhinaca waqooyi ee magaalada, sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaano Jaamacadda oo ah goob istaraatiiji ah dhanka waqooyi bari uga taalla degmada Guriceel

Senator Mashruuc oo R/W Rooble u diray farriin la xiriirta dagaalka ka socda Guriceel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saaray baaq nabadeed oo ku aadan xiisada dagaal ee Guriceel.

Senator Mashruuc ayaa ugu horeyntii sheegay in dagaalka ka socda Guriceel uu dabaal-deg u yahay kooxaha argagixisada, ugana dhigan yahay cadow isku jabay, sida uu sheegay.

“Xabbadda Guriceel ka socota waxa kaliya ay dabaal deg u tahay kooxaha argagaxisada oo ay uga dhigan tahay cadow isku jabay. Waa in la joojiyaa dagaalka, lana aadaa dhanka ka shaqeysiinta caqliga, wada hadalna lagu dhameeyaa caqabadaha taagan, lagana baaqsadaa dhiigga inuu sii qulqulo,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Senator Mashruuc.

Senator-ka ayaa ugu baaq Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu si deg deg ah u fara-geliyo xiisada dagaal ee Guriceel, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

“Guryo ay tacsi taal, doorasho ayaan ka qabaneynaa caqli beniaadnimo iyo mid Dawladnimo ma aha. Mudane Mohamed Hussein Roble, Raisal wasaaraha JFS waxaan ugu baaqayaa inuu si deg deg ah u soo fara geliyo una istaago joojinta dhiigga walaalaha Soomaaliyeed.”

“Guul, nabad, barwaaqo iyo Dawladnimo waarta ayaan u rajeynayaa Galmudug,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa Senator Maxamuud Mashruuc.

Qarax xooggan oo ka dhacay KAMPALA + Khasaaraha

Kampala (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay qarax xalay ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, sida uu sheegay madaxa booliska Uganda Asan Kasingye, oo qoraal soo dhigay twitter.

Qaraxa ayaa abaare 9:00 pm ka dhacay banaanka maqaayad caan ah oo ku taalla deegaanka Kawempe ee waqooyiga Kampala.

Weli ma cadda waxa sababay qaraxa, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.

Ugu yaraan toddoba qof oo kale ayaa lagu dhaawacay qaraxa, sida ay weriyeen warbaahinta gudaha.

“Booliska waxay ka jawaabeen qarax weyn oo qiyaastii 9:00 pm ka dhacay maqaayadda Digida,” waxaa sidaas twitter soo dhigay afhayeenka booliska Fred Enanga.

“Goobta qaraxa ayaa la xiray, waxaana cutubka qaraxyada ay tageen goobta, si go’aan looga gaaro in qaraxa uu yahay ficil caalami ah iyo in kale,” ayuu yiri. 

Uganda ayaa waxaa saaran Bandow dalka oo dhan ah oo ka billowda 7 pm hase yeeshee lama hirgeliyo. 

Kooxda Daacish ayaa 8-dii bishan sheegatay mas’uuliyadda qarax bam oo aan la xaqiijin oo ka dhacay bar boolis oo ku taalla isla deegaanka Kawempe ee qaraxii xalay uu ka dhacay.

Ma jirin wax qarax ah ama waxyeello ah oo ay mas’uuliyiinta ama warbaahinta gudaha soo weriyeen xilligaas, inkasta oo booliska ay goor dambe sheegeen dhacdo yar oo dhacday.

Dalalka UU iyo France ayaa wixii markaas ka dambeeyey uga digay muwaadiniintooda inay u safraan Kampala, ayaga oo sheegay inay suurta-gal tahay qaraxyo ka dhaca halkaas.

Qaraxyada ayaa naadir ku ah Uganda. Kampala ayaa waxaa asiibay weerar culus oo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay ka fulisay 2010.

Weerarkaas oo lala beegsaday taageerayaal daawanayey koobka adduunka kaasi oo lagu dilay 76 qof.

Maxay ka wada hadleen R/W ROOBLE iyo wafdigii QM?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay, waxayna ka wada-hadleen xaaladaha guud ee dalka.

Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa horkacayey ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka, gaar ahaan abaaraha ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada dhinac si gaar ah uga doodeen sidii loo gaari lahaa dadka ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ee koonfurta oo ah meelaha haatan ugu daran.

UNHCR ayaa ballan-qaaday inay gacan weyn ka geysan doonto u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, ayna samafaleyaashooda gaari doonaan deegaanada ugu daran.

Kulankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah inay u gurmadaan deegaanada ay ka jiraan abaaraha, gaar ahaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubbaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo noq-noqday abaaro daran, kuwaas oo saameeyey noloshada dadka iyo duunyada intaba.

Filim Soomaali ah oo noqday kan ugu wanaagsan Afrika

Ouagadougou (Caasimada Online) – Filimka Soomaaliga ee “The Gravedigger’s Wife” (Xaaska Qabri Qodaha) oo uu sameeyey Khadar Ahmed ayaa ku guuleystay abaal-marinta ugu sarreysa ee Bandhigga Filimada Afrika (FESPACO) ee lagu qabtay dalka Burkina Faso.

Khadar Ahmed, oo ah 40 jir haysta dhalashada Finland, ayaan xalay ku sugneyn xafladda si uu u guddoomo abaal-marinta Golden Stallion, hase yeeshee waxay shaqadiisa ka guuleysatay 16 filim oo kale oo African ah oo kaalinta koowaad kula tartamay.

Aflaanta kale ee tartanka la galay ayaa waxaa sameeyey agaasimeyayaal ka socda 15 dal oo African ah. 

Kooxda xeer-beegtida ee go’aanka ka gaartay filimada tartantaka galay ayaa waxaa hoggaaminayey filim soo-saaraha u dhashay dalka Mauritania Abderrahmane Sissako, oo sanadkii 2015 billadda aadka loo raadiyo ee Faransiiska ee Cesar ku helay filimkiisa “Timbuktu”.

Sissako ayaa yiri “biladda Golden Stallion waa tan ugu sarreysa ee filim sameeye African ah uu ku guuleysan karo, waa wax aad loogu farxo.” 

Filimkan ayaa horraantii sanadkan wuxuu abaal-marinta filim sameeyeyaasha cusub ka helay banhdigga filimada Cannes. Waxa uu ahaa filimkii ugu horreeyey ee dhameystiran ee uu sameeyo Khadar. 

Khadar Ahmed ayaa ku koray Soomaaliya kahor inta aanu u guurin Finland, waxaana filimkiisa maal-geliyey dalalka Finland, France iyo Germany.

Bandhigga Filimada Afrika oo markii ugu horreysay la qabtay 1969-kii ayaa waxaa labadii sanaba mar lagu qabta caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.

Dhacdadan ayaa waxaa aad ula socda shirkadaha filimada ee Mareykanka iyo Yurub oo ka raadiya aflaan cusub, fikrado iyo xirfadleyaal.

Waa sidee maanta xaaladda magaalada GURICEEL

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa weli ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeyso ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo weli isku horfadhiyo magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa haatan wada is uruursi iyo baabul xoogan, waxayna ku kala sugan yihiin koonfurta iyo waqooyiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in xaafadaha qaar laga maqlayo rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaa ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay ee halkaasi.

Galmudug oo dhankeeda ka hadashay dagaalkan, waxay ka sheegatay guullo, inkastoo saraakiil ciidan iyo askar badan ay ku dhinteen dagaalkii shalay ka dhacay Guriceel.

Dhimashada ayaa kor u dhaafeyso illaa 20 ruux oo u badan dhinacyadii shalay dagaalamay, waxaana jira dhaawac kale oo intaasi kasii badan.

Dhinaca kale magaalada ayaa haawaneysa, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo sidoo kale waxbarashada, iyada oo inta badan qoysaskii daganaa halkaas ay barakaceen.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay Cabdishakuur

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku fuliyey Cabdishakuur Muxumed Axmed oo ay ku eedeeyeen inuu fara xumeeyey canug yar, sida ay shaacisay maxkamad hoostagta isla kooxdaasi.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka oo ku yaalla deegaanka Booco ee bariga gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’isugu yeeray halkaasi, su ay goobjoog uga noqdaan halka lagu toogtay ninkaasi.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay Cabdishakuur Maxamed uu ‘canug yar ku sameeyey falkii Qowmuluud, isla-markaana uu qirtay, sida ay hadalka u dhigtay.

Cabdishakuur ayaa ahaa nin dhalinyaro ah, isla-markaana ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana si weyn looga yaqiinay halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii deegaaanka Shaw ee dhaca galbeedka gobolka Hiiraan ay Al-Shabaab xukun dil ah ka fulisay, kaas oo lagu ridday haweeney ay ku eedeeyeen inay ka tirsaneyd ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gacanta ku hayso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ka fulisa xukuno u badan dilal toogasho ah, kuwaas oo maalmihii dambe ay kordhisay, waxayna ay ka dhacayeen gobollo kala duwan.

Xog: Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka Guriceel iyo halka caawa la kala joogo

0

Guriceel (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii qararaa ee maanta illaa caawa soo gaaray ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna, ugu yaraan 30-qof oo u badan dhinacyada dagaalamaya ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in markii laga soo tago dhimashadaas gaareysa sodomeeyada, ay sidoo kale dhaawacyadu kor u dhaafayaan 40 kale, labada dhinacba.

Dadka ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay waxaa ku jira saraakiil sar sare oo kala hoggaamineysay ciidamada labada dhinac, waxaana la xaqiijiyey geerida Taliyihii Kumaandooska Danab Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, Taliyihii ay Ahlu-Sunna u magacaawday saldhigga Guriceel iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa jira warar isi-soo taraya oo sheegaya in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay ciidamada Gor Gor iyo Haramcad ee maanta dagaalka kula wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay dagaal qaraar oo qaab rogaal celis ah ay ciidamada Ahlu-Sunna galabta ugu soo qaadeen goobihii laga qabsaday maanta, sidoo kale gaari HILUX nooca aysan xabadu karin ah oo uu lahaa Taliyaha qeybta 21-aad Jeneraal Mascuud ayaa gacanta u galay Ahlu-Sunna.

Dagaalka oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa caawa iskiis u istaagay, waxayna wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobaha ay kala joogaan ciidamada labada dhinac ee Ahlu-Sunna iyo dowladda sheegayaan.

1 – In Ciidamada dowladda ay ku suganyihiin saldhiga booliska, xarunta degmada, dhismaha Beder 1 iyo xaafadaha xiga dhinaca koofureed ee magaalada.

2 – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafadaha dhaca dhinaca waqooyi ee magaalada, sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaano Jaamacadda oo ah goob istaraatiiji ah dhanka waqooyi bari uga taalla degmada Guriceel.

Wararkii ugu dambeeyey waxay intaas ku darayaan in labada dhinacba ay soo gaarayaan gurmadyo uga kala imaanaya meelo kala duwan, waxaana aad loo saadaalinayaa in berri aysan xaaladda Guriceel dagaal huri doonin.

Magaaladu waa cidlo oo waxaa faarujiyey dhamaan dadkii shacabka ahaa, waxaana maanta madaafiicdii la is weydaarsanayey ku gobtay gobo ganacsi iyo xarumo caafimaad, waxaana ka mid ah goobha gubtay Isbitaalka Istarliin oo ah isbitaalka guud ee degmada.

Fiqi oo shaaciyey in arrin uu sameeyey Odowaa ay sabab u aheyd in la dilo taliye Fayfle

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Cabdiladiif Axmed Feyfle ayaa shaaciyey arrin dhex-martay marxuumka iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf uu Sarkaalkaas ugu hanjabay in gabi ahaanba ciidanka laga saarayo, hadii uusan hoggaamin dagaalka.

“Waa ka xumahay warka la ii sheegay ee ah in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi.

“Taliye Fayfle waxaan ku wada jirnay dagaalkii labada bilood qaatay ee koofurta Mudug lagula jiray kooxda argagixisada ah, wuxuuna ahaa nin geesi ah, dulqaad badan isla markaana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Qoraalkiisa ayuu ku soo gabagabeeyey, “Waxaa muuqata in raggii Shabaab la diriray meesha laga saarayo, caawana Shabaab ay u dabaaldagayaan geerida taliyaha. Ciidamada Danab, ehelkiisii iyo qaraabada waxaan idin leeyahay sabir iyo iimaan!”

Allaha u naxariistee Feyfle waxa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidamadii Ahlu-Sunna ee Al-Shabaab ka xoreeyey gobollada dhexe, sanadihii 2008-dii illaa 2012-kii, sanadkii 2013-kii ayuu ka mid noqday askartii lagu bilaabay aas-aaska ciidanka Danab ee Mareykanku tababaray.

Bilowgii sanadkaan ayaa loo bedelay oo hoggaan looga dhigay ciidanka Danab qeybtiisa ka howlgasha deegaanada Galmudug, waxaana xilka loo dhiibay uga horeeyey Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan oo ka mid ahaa saraakiishii lagu dilay qaraxii ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, bishii December 2020-kii.

Somtel oo xaflad u qabatay macamiilkii ku guuleystay gaarigii labaad ee Hyundai

Munaasabada ayaa waxaa lgu qabtay Hoolka casriga ah ee Xayat market Hall iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socoto DFs, Bahda awaxbarashada, ururada dhalinyarada, ururada haweenka ,Maamulka gobalka banaadir Ururka ay kumideeysanyihiin jaamacadaha qaarkood (Somali Ren), ururka macalimiinta soomaaliyeed

Sidoo kale waxaa munaasabada soo xiray guuleystihii lagu abaalmariyay gaariga 2aad oo shirkadda Tikit ay ujartay Si uu uga soo qeyb-galo munaasabada isagoo ka yimid magaalada buur-hakaba ee xarumta gobalka baay

Ugu horeyntii waxaa munaasabada daah-furay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane;c/Laahi Cali Caamir oo soo dhaweeyay martisharafta ka soo qeyb-gashay munaasabada

“ Waxaan Caawa marag ka ah bulshada soomaaliyeed in gaarigii 2aad aan ku wareejineeyno macaamiilkii ku guuleystay oo  aan ka keenay buur-hakaba si loo gudoonsiiyo gaarigii uu ku guuleystay  sanadkaan waxaa soo kordhinay adeegyo casri ah sida adeegga (eSum) oo isticmaali karto adigoo wax simcard ah Telefoonkaaga gelinin si gaar ah macaamiishii isticmaasha Mobilada IPhonada Waxaan sidoo kale soo kordhinay adeegyada kaabe, keydso,eDahab Chatbot waxaa intaas sii dheer inan xarigii 2aad ee internet ah kaasoo badda hoostiisa mara oo aan ka hergelinay dalka  Shirkadda  ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood waxa ay ku qarash- gareysay ku dhawaad 1Million oo doolar si ay wax ugu celiso bulshada soomaaliyeed waxan hubaal ah in somtel hadiyado wax ku ool ah ay bulshada ku celisay sida gaari Hyundai qiimihiisu uu yahay ku dhawaad &40,000 bajaajyo midkiiba qiimihiisu uu yahay ku dhawaad $4000 & hadiyado kale oo qiimo badan sida Dahab, laptop-yo Mobiules .i.w.m) waxaan sidoo kale bixinay inta ololaha socday ku dhawaad 6,000 hadiyadood oo ka kooban hadiyaha kor ku xusan iyadoo macaamiisheenna an wali la abaalmarin aan u rajeyneyno nasiib wacan bisha ka harsan ololaha Marka uu dhamaado waxa loo tartami doonaa Dhismaha Dahab Tower Appartments & xafiisyo ka mid ah dabaqa ugu dheer soomaaliya ee muqdisho laga dhisaayo”

Waxaa sidoo kale munasabada ka hadlay  Mudane: Sh C/Xayi Sh Adam Xasan oo ku dheeraaday ah miyada munaasabada & in somtel bulshada soomaaliyeed wax ku celiso

“ Waxaa xusid mudan inan xaadir u ahaa habeenkii la daah-furay ololaha ku shubo oo guuleyso munaasabadii lagu qabtay Elite Hotel Waxaan qirayaa ololahaan ku shubo oo guuleyso inuu yahay mid daah-furan oo macaamiisha ku shubashada sameeysa si daah-furan loo abaalmarinaayo Caawa gaariga waxaa ku guulweystay oo la gudoonsiinayaa macaamiil reer arlaadii ah oo buur-hakaba ka yimid waxaan leeyahay hambalyo tani waxay tusaale cad u tahay in ololahaan u ku dhisay daah-furnaan & cadaalad iyadoo macaamiishu  fursado isku mid ah ay heystaan halkuu doono ha joogo xamar & gobolada inataba Sida i macaamiishii ku guuleysatay labada gaari ee Hyundai-ga ah labadii bilood ee la soo dhaafay oo bil walba 1 gaari lagu guuleystay iyadoo nunaasabada lagu abaalmariyay mamo beeralley danyar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan iyadoo bulshada hortooda lagu abalmariyay dharaar cad”

Waxaa sidoo kale munasabada ka  Gudoomiye ku xigeenka jaamacada simad Dr Mxed Mxud oo ka dhawaajiyay

“Waxaan caawa ku faraxsnahay inaan ka soo qeyb-galo xaflada lagu abaalmarinaayo macaamiilkii aan gacanteyda ugu Generate gareeyay labo todobaad ka hor  waliba nasiib wanaag macaamiilkaas maka imaanin gobalkii an ka imid nasiibkiisa ayaa saaciday Macaamiilka waxaan leeyahy  nasiib wacan  C/raxmaan nuur maxamed waxaan rajeeynayaa in gaariga so socdo sidaan oo kale aan xaadir ugu noqdo xafladaha todobaadlayaasha ee lagu kala saarayo macaamiisha sameysay ku shubashada todobaad walba Somtel waa shirkaddi ganacsi  ugu horeeysay ee bulshada ku celisay10,000 hadiyadood iyadoo  la timid hal abuur ganacsi & istaraatiijiyado ku cusub suuqa ganacsiga soomaaliya”

Waxaa ugu dambeyntii munaasabada soo xiray Maareeyee ku xigeenka Somtel ahna Madaxa howl-fulinta guud ee shirkadda Mudane: Adan  Xaji Yusuf oo ku timaamay munaasabadaan

“ waxaa Sharaf  weyn  inoo ah in caawa aan abaalmarineyno macaamiilkii mku guuleystay gaariga labaaad ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood olalahan Taabagalay oo shirkaddu soo waday mudo sedex bilood ah waxaana ku abalmarina macaamiil kasta Isticmaalkiisa & ku shubashadii uu sameeyay  waah ab ganacsi oo ku cusub dalka  Waxaan halkaan ka xusayaa in bahda waxbarashada aan u diyarinay  xarun tababar aan ugu magac Darnay ( Somtel technology training center) oo lagu tababari dooni ardayda wax kabaratajaamacadaha dalka oo (Internship)-ka ku siin doono somtel iyadoo  kaalin nug leh ka geysaneeyso waaxda farsamada somtel oo isku howli doonta fududeynta tababarada arday kuliyadaha (Engineering & information  technology,Computer science) intaba waxaa tababaro  ku siin doonaa hoolkan ardayda wax ka barata kuliyadaha (Busines Adminstarion, Marketing) oo loo fidin doono tababaro kuwooda kalimaha hore ka gala imtixaanka shirkadda shaqqaaleeysiin doonto marka ay soo dhameeystan (Casual Marketing Training) Waxaan ku soo gunaanadayaa in shirkadda Dahabshil ay badbaadisay shirkaddii telco moo burbur qarka u saarneynd Markii uu Maxamed Saciid Ducaale uu iibsaday waxa uu badbaadiyya 600 sahaqaalee oo xuquuqdoodii la siiyay loo ogolaaday inay shaqadoodoo si wataan Maanta awaxaa somtel ka shaqeeysa ku dhawaad 1300 shaqaale shirkaddu hormar balaaran ayey ku talaabsay ilaah mahadii Waxaan ugu baaqayaa in macaamiisheena ay u tartamaan gaariga sedexaad oo aan bixin doono dabayaaqada bisha November 2021 sidaan oo kale xaflad balaaran oo aan ku casuuni doono bulshada qeeybaheeda kala gedisan

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay ay somtel macaamiisheeda ku abaalmariso gari Hyundai dabayaaqadii bisha august ayey shirkaddu gaari Hyundai qiimihiisu uu yahay ku dhawad 40,000 ku abaalmarisay maama Madiino Xuseen Yaxye ooo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan iyadoo caawa gaarigii 2aad la gudoonsiiyay C/raxmaan Nuur Mxamed oo ka yimid magaalada buur-hakaba ee gobalka bay waxa uu nasiib u yeeshay gaarigii  2aad oo ay somtel macaamiisheeda ku abaalmarisay iyadoo  la filaayo bisha November in loo tartamo gaarigii 3aad waxan u rajeeyneeynaa macamiil ka mid ah macaamiisha shirkadda oo kuguuleysta gaariga Hyundai-ga gobal,degmo & tuulo halkii uu doono ha joogee.

Ahlu-Sunna oo dagaal rogaal celis ah ku gashay Guriceel iyo saraakiil sare oo laga dilay DF

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidanka Ahlu-Sunna ayaa caawa dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, kadib dagaal qaraar oo si rogaal celis ah ay ugu soo qaadeen galabta goobihii ugu muhiimsanaa ee maanta dagaalka looga saaray.

Dagaalka galabta oo soo gaaray illaa caawa ayaa sababay khasaare xoog leh oo ka badan kii maanta, labada dhinacba dhimasho iyo dhaawacyo badan ayaa ka soo gaaray dagaalka.

Saraakiisha ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey geeridooda waxaa ka mid ah Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, sidoo kale waxaa la soo werinayaa geerida saraakiil kale oo kala hoggaaminayey ciidamada labada dhinac, in kastoo illaa hadda aan la heyn tiro rasmi ah.

Dagaalka galabta dhacay ayaa yimid markii Ahlu-Sunna oo lagu jebiyey dagaalkii maanta ay heshay gurmad ciidan Xildhibaan Saadaq Sheekh Yuusuf  Direed uu hoggaaminayo, kaas oo Gurceel ka soo galay dhanka waqooyi.

Saldhigga dhexe ee booliska, xarunta degmada iyo inta badan goobihii muhiimka ahaa ee magaalada ayaa gacanta u galay Ahlu-Sunna, waxay ciidamada dowladdu uga baxeen magaalada dhanka bari.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno Guriceel waxay intaas ku sii darayaan in ciidan badan ay maxaabiis ahaan u qab-qabatay Ahlu-Sunna, in kastoo aan la heyn tiro ama xaqiiqo rasmi ah.

Ahlu-Sunna ayaa looga taag roonaaday dagaalkii maanta ka dhacay Guriceel, waxaana laga saaray inta badan xarumaha muhiimka ah ee magaalada, balse si rogaal celis ah ayey galabta illaa caawa kula wareegtay dhamaan goobihii horay looga qabsaday.

Khasaaraha ciidamada dowladda ayaa loo daabulay magaalada Dhuusamareeb, balse illaa hadda waxaan la ogeyn halka ay Ahlu-Sunna geysatay dhaawacyadii maanta ilaa caawa ciidankooda ka soo gaaray dagaalka.

XASAN Daahir Aweys: Waa wax lala yaabo inuu Sheekh BASHIIR isku mid ka dhigo mushrikiin iyo Ahlu Towxiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya ayaa jawaab kulul usoo diray guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad kaasoo dhawaan sheegay in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ay isku mid yihiin.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Sheekh Bashiir uu isla meel dhigo Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo uu ku kala sheegay inay kala yihin mushrikiin iyo Ahlu Towxiid.

“Waxaan aad ula yaabay hadalkii kasoo yeeray Sheekh Bashiir ee ahaa in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna isku mid yihiin, runtii waa wax laga xumaado, Al-Shabaab waa dad Ahlu Towxiid ah haba ku qaldanaadaan inay daadiyaan dhiigga muslimiinta, Suufidana waa Mushrikiin cad oo aan wax cudur daar ah laheyn,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Wuxuu sheegay inay jireen hoggaamiyayaal muslimiin ah oo daadiyey dhiigga muslimiinta, kuwaas oo aan lagu tilmaamin inay yihiin mushrikiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Suufida waxay caabudaan qabuuraha, si toos ah ayey ilaahey wax ula wadaajiyeen, xattaa Ta’wiil malahan isku midna maahan iyaga iyo Al-Shabaab oo iyaga macsi bis sameeyey, balse ma jirto cid Al-Shabaab ku tilmaamtay inay mushrikiin yihiin,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Xasan Daahir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay isku meel wada joogaan oo ay hal hey’ad ka wada tirsan yihiin Sheekh Bashiir iyo Sheekh Soomow, isagoo Soomow ku tilmaamay inuu yahay nin mushrik ah halka uu Sheekh Bashiir ku eedeeyey inuu difaacan la’yahay fikradda uu aamisan yahay, sida uu hadalka u dhigay

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in wadaadada gacanta ku dhigay magaaladaas ee Ahlu-Sunna ay la mid yihiin Al-Shabaab, taas oo caro badan ku abuurtay culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna oo aad ula dagaalama fikirka Al-Shabaab.

“In qof sheeganaya hoggaanka culumada Soomaaliyeed uu ka soo yeero war ah in Ahlu-Sunna iyo Khawaarijta dadkeena dhameysay ay isku mid yihiin, waa arrin yaab leh oo lala fajaco, waxaan leenahay Sheekh Bashiir warkaas waa mid kugu kooban kaligaa,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Soomow ayaa sheegay in guddoomiyahooda Sheekh Bashiir uu heysto fursad uu ku sixi karo qaladkii ka dhacay, isagoo ka dalbaday in raali gelin deg deg ah uu ka bixiyo.

“Sheekh Bashiir hadalkaas adigana kuuma qalmo, cid kalena kuma meteshid, waxaad ka mid tahay hoggaanka culumada Soomaaliyeed, waxaad kaalin weyn ka qaadan kartaa in dadka la kala celiyo, laakiin hadii adigu aad xukun rido, ninka Sheekha ah kalaankii afkiisa ka soo baxa Fatwo waaye,” ayuu yiri Soomow.

Erdogan oo amray in Turkey laga eryo safiirada 10 dal oo reer galbeed ah + Sababta

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta amray wasiirka arrimaha dibedda inuu dalka ka eryo safiirada 10 dal kadib markii ay soo saareen bayaan ku baaqaya in lasii daayo Osman Kavala.

Osman Kavala, oo ah ganacsade Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017, ayada oo loo haysto inuu ku lug lahaa dibad-baxyadii 2013 ka dhacay Gezi Park ee rabshadaha dhaliyey iyo inuu ku lug lahaa afgambigii fashilmay ee 2016.

Kavala oo 64 jir ah waa uu beeniyey eedeymaha, wuxuuna sheegaa inay yihiin kuwa siyaasadeysan.

“Waxaan amray wasiirkeena arrimaha dibedda inuu ku dhowaaqo in 10-ka safiir ay yihiin kuwa aan dalka laga rabin (persona non grata), sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Erdoğan oo adeegsanaya ereyga diblomaasiyadeed oo ah tallaabada ugu horeysa kahor ceyrinta.

“Waa inay ogaadaan oo ay fahmaan Turkey,” ayuu yiri Erdoğan oo safiirada ku eedeeyey “dhaqan-xumo.”

 “Waa inay halkan ka tagaan maalinkii ay ay garan waayaan Turkey,” ayuu ku yiri safiirada.

War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiska Kavala.”

“Dib u dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa…waxay mugdi gelienysaa ixtiraamka demoraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkey,” ayey yiraahdeen.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa Talaadadii u yeertay safiirada 10-kan dal, ayada oo ku eedeysay inay faro-geliyeen hanaanka garsoorka Turkey.

Diblomaasiyiinta waxaa lagu wargeliyey in war-saxaafadeedkooda “uu ka tallaabsaday xuduudaha iskuna dayey inuu siyaasadeeyo hanaan sharci, islamarkaana cadaadiyo garsoorka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

“Waxaa lagu wargeliyey inay diirad saarista kiisas la xiriira maxkamadaha Turkey, gaar ahaan Kavala ay tahay mid aan daacad aheyn oo laba wejiilenimo ah.”

Tobanka safiir ayaa ugu baaqay Turkey inay raacdo xukunka Golaha Yurub, oo ah urur xuquuqda aadanaha qaabilsan oo ay ku biirtay 1950.

Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2.

Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November.

Galmudug oo shaacisay inay la wareegtay Guriceel laguna raad-joogo Sheekh Shaakir

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo saakay uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada ururka Ahlu sunna Waljameeca.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shide Falag oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada ayna ugu baaqayaan hoggaanka iyo maleeshiyaadka kooxda Ahlu-Sunna in ay isku soo dhiibaan ciidanka Xogga dalka iyo maamulka Galmudug.

“Waxaa lagu raad joogaa raggii hoggaaminayey ee ka danbeeyay fal demnbiyeedkii ka dhacay Guriceel, waxaan u sheegeynaa cid kasta oo falalkaasi ku kacday in gacan bir ah lagu qaban doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Falagle ayaa sheegay in muddo bil ah in kooxda xambaarsan magaca Ahlu Sunna ay qabsadeen magaalada Guriceel, ayna sababeen qax iyo xaalad dhibaato iyo fowdo ah.

Wuxuu sheegay inay saaka soo dagaal geliyeen ardayda dugsiyada qur’aanka iyo haween oo qaarkood la qabtay, wuxuuna sheegay in maleeshiyadii Ahlu Sunna uu firxadkooda u baxay Miyiga.

Balse goobjoogaal ku sugan gudaha Guriceel ayaa Caasimadda Online u sheegay in rasaas goos goos ah laga maqlayo guddaha magaalada taas oo u dhexaysa ciidanka Galmudug iyo kuwa Ururka Ahlu Sunna.

Ciidanka Ahlu Sunna ayaa intooda badan iskugu tagay xeradda Jaamacadda ee magaaladda Guriceel, halkaas oo uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya kooxda iyo ciidanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Guutada 15-aad iyo guutada 27-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa ku sugan inta badan xaafadaha Magaalada Guriceel, waxaana weli taagan cabsi maadaama ciidanka Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Magaalada.

Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaalka Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay dagaalka Maanta ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galdaduud ee u dhaxeeyo ciidamada maamulkaas iyo kuwa Ahlu Sunna.

“Maanta waa maalin u adag dadka Galmudug, gaar ahaan dadka Guriceel, waa maalin ku adag ciidamada dagaalamayo, runtii waan ka tacsiyeynayaa dhibaatada ka dhalatay dagaalkii micndarada ahaa ee lagu qaaday Guriceel,” ayuu yiri.

Fiqi ayaa xusay in mas’uuliyadda dagaalka iyo dhibaatada ka dhalata ay qaadayaan kuwa uu sheegay inay ciidamo kasoo daabuleen Muqdisho, islamarkaana mooday in dagaalku xal yahay.

“Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guriceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dhaawac iyo barakacin ah, colaad iyo mahadho ah, muuqaalka laga soo duubayo Magaalada waa midka aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley! Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale,” ayuu yiri.

Axme Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan dad kasoo jeedo deegaanada maamulka Galmudug oo uu caqligoodu fooraro islamarkaana ay dhibeyso in lagu baaqo nabad.

“Waxaan arkeynay sawirada guryo iyo shacab ah oo lala dhacay hoobiyaal, labada dhinac ee dagaalamayo waa dad ehel ah oo qaraabo ah, maalintii aan waxaan ka digayey waa la ila yaabayey, waxaa jiro dad kasoo jeedo Galmudug oo qalbigooda uu foorarsamay oo dhibsanayo in nabad lagu baaqo,” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in ciidamada lagu weeraray magaalada Guriceel loo baahnaa in la geeyo geegaanada ay Al-Shabaab go’doomiyeen oo ay u diideen in la gaarsiiyo raashin.

“Dadka joogo Guriceel cadow maahan, waa la yaqaan cadowga iyo meesha uu joogo waa Al-Shabaab, waa la ogyahay inta ay u jiraan magaalada Guriceel, ciddii dhibsaneyso ha dhibsato, mar kale ayaan leeyahay xabadda hala joojiyo, ciidamada lagu daabulay Guriceel waxaa looga baahan yahay Waajid iyo gobolada kale oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Fiqi ayaa Taliyaha Ciidamada xoogga Odawaa ku eedeeyey inuu mas’uul ka yahay ciidamada weerarka ku qaaday Guriceel, wuxuuna xusay inuu u shaqeenayo dad cawaan ah sida uu hadalka u dhigay.

“Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odawaa runtii uma qalmo xil, wixii shalay ka sameeyey Muqdisho ayuu Maantana ka wadaa Guriceel, wuxuu qaadanayaa talada iyo amarka Villa Soomaaliya iyo cawaanteeda.”

Hadalka Axmed Macalin Fiqi ayaa imaanayo xilli Maanta ciidamada Dowladda ay weerar kusoo qaadeen Magaalada Guriceel oo ay 3 Asbuuc ka hor la wareegeen ciidamada Ahlu Sunna, waxaana weli Magaalada ka socdo dagaal u dhaxeeyo labada dhinac.

Wareysi: Sheekh Mukhtaar Roobow oo arrimo xasaasi ah shaaca ka qaaday (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo wareysi siiyey Idaacadda VOA isagoo xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay nolosha uu ku jiro iyo haddii ay jiraan wax iska badalay mowqifkiisa.

Roobow oo isaga lasoo xiriiray VOA ayaa sababta ku sheegay inuu ku jiro xaalad adag islamarkaana uu go’aansaday inuu dadka la wadaago xaaladiisa inta uusan dhiman.

Mukhtaar Roobow oo horey usoo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa walwal weyn ka muujiyey badqadka noloshiisa, wuxuuna ciidamada ilaaliyo guriga lagu xiray uu ku sheegay inuu yihiin maleeshiyo beeleed.

“Amnigayga mar xaalado kala duwan ayuu soo maray, balse waxaa mar walba gacanta ku hayey ciidamada Waran. Hadda kuma dhihi karo ammaankeyga iyo nolosheyda way sugan yihiin,” ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey.

Mar wax laga waydiiyey sida ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ilaaliyo guriga lagu xiray u noqdeen ciidamo beeleed ayuu sheegay in ciidamada ilaaliya laga soo kala xulay seddex magaalo oo kala ah Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ka tirsan maamulka Galmudug, wuxuuna xusay inay mar isku dagaaleen gudaha gurigiisa markii dambana laga soo badalay.

Roobow ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu mar kale ku celiyey inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada ahaa ee Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacida, wuxuuna xusay in uu nabad wax ku raadinayo haddii aan la qasbin.

“Aniga nabad baan wax ku raadiyey waana ku raadin doonaa haddii aan la i qasbin, aniga waxaan ahay qof ogol in la tartamo wixii Ilaahey ku siiyay la kala helo,” ayuu yiri Rooble.

Mar wax laga waydiiyey haddii uu mowqifkiisa isbadalay oo uu iska dhaafay xilkii uu raadinayey ayuu sheegay inuusan isbadalin welina uu ku taagan yahay mowqifkiisa waligiisna uusan niyad jabi doonin.

Mukhtaar Roobow waxa uu tan iyo bishii December 2018-kii ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya, isagoo mar lagu hayey xarunta hay’adda nabadsugidda ee NISA, sannadihii u dambeeyeyna ku jiray xabsi guri.

Ka hor inta aan la xirin wuxuu isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee maamulka Koonfur, isagoo qaatay shahaadada diiwaan-gelinta, waxaana xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed kasoo xiray ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Soo qabashadii Roobow ayaa waxaa ka dhashay banaanbax weyn oo gilgilay Magaalada Baydhabo, waxayna ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya xasuuqeen dad Shacab ah oo gaaraya illaa 15 qof halka dhaawaca uu intaas ka badnaa.

Hoos ka dhageyso wareysiga

R/W Rooble oo xil cusub u magacaabay Bashiir Goobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xil u magacabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kadib markii uu fashilmay isku daygii loogu magacaabay taliyaha NISA.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa waxay qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gaareyn isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo lagu soo afjaray khilaafkii mudada u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey Bashiir Goobe ugu magacaabay taliyaha ku-meel gaarka ah ee Hey’adda NISA, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna xilkaas u magacaabay Yaasiin Farey.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa muddo socda, waxaana ugu dambeyn loolanka ku adkaaday Farmaajo ayada oo taliyaha NISA uu sii hayo Yaasiin Farey illaa laga soo magacaabayo taliye kale, oo aan la ogeyn xilliga ay dhaceyso.

Rooble ayaa la rumeysan yahay inay cadaadisay dowladda Qatar kadib socdaalkii uu ke tagy dalkaas, taasi oo horseeday inuu ugu dambeyn la heshiiyo Farmaajo, oo uu ogolaado inuu ka tanaasulo xilkii uu u magacaabay Bashiri Goobe.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble  ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa weli ka socda dagaal u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa haatan lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo xaafadaha ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaalada, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay la wareegeen  saldhigga Booliiska Guriceel iyo xarunta maamulka magaaladaasi.

“Saldhiggii police ka degmada, Guriceel,kontorool ka matabaan,degmada ,kontorol ka ceel jiiroow,agga cel abshir dhamman waxaa gacanta ku haya ciidamada qaranka” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Guriceel Cismaan Cali Hudey.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Shacabka ayaa intooda badan isaga barakacay Guriceel, waxaana magaalada ku haray dad yar oo u badan dhalinyaro, isla-markaana looga tegay inay ilaaliyaan guryaha iyo hantida.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug iyo dhinaca Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi.

Guriceel ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhashay, kadib markii Ahlu Sunna ay dhowaan la wareegtay gudaha magaaladaasi.

Ciidamada ammaanka DF iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay BAKAARAHA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Is-rasaaseynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo rag hubeysan oo ku sugnaa gudaha suuqa.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad, isla-markaana ay dhac ka geysanayeen gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan hal qof oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano halkaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka oo sidoo kale ku magac dheeraa Sandheere uu markii hore dhaawac soo gaaray, balse uu goor dambe geeriyooday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Inta badan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca iska hor imaadyo xoogan oo uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaro dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.