25.4 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Ciidamada ammaanka DF iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay BAKAARAHA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Is-rasaaseynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo rag hubeysan oo ku sugnaa gudaha suuqa.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad, isla-markaana ay dhac ka geysanayeen gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan hal qof oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano halkaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka oo sidoo kale ku magac dheeraa Sandheere uu markii hore dhaawac soo gaaray, balse uu goor dambe geeriyooday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Inta badan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca iska hor imaadyo xoogan oo uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaro dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

KOOXDA uu ku xirnaa CALI XARBI CALI iyo xog kale oo xasaasi ah oo la shaaciyey

London (Caasimada Online) – Cali Xarbi Cali oo ah Soomaali British loo haysto dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsana baarlamanka UK ayaa markii ugu horreysya maxkamad kasoo hor muuqday Jimcihii.

Sir David Amess oo ahaa 69 jir ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa Jimcihii 15-kii October lagu dilay mindi, isaga oo dadka soo doorta kula kulmayey kaniisad ku taalla deegaanka Leigh-on-Sea, oo 65 km u jira London.

Cali ayaa waxaa lagu soo oogay laba dambi oo mid uu yahay dil, mid kalena diyaarinta ficil argagixiso.

Dacwad-ooge James Cable ayaa Maxkamadda Westminster Magistrates’ Court u sheegay inay tuhunsan yihiin in Cali uu ku xirnaa kooxda Daacish, inkasta oo uusan bixin faah-faahin intaas ka badan.

Cable ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Cali uu muddo laba sano ah qorsheynayey inuu dilo xubin ka tirsan baarlamanka UK. 

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay in Cali uu daba-gal ku hayey ugu yaraan laba xildhibaan oo kale oo baarlamanka ka tirsan kahor inta aanu weerarin David Amess.

Cali ayaa Maxkamadda uga qeyb-galay muuqaal isaga oo ku jira xabsiga Belmarsh Prison, wuxuuna sheegay oo kaliya magaciisa iyo da’diisa, ayada oo aan wax kale la weydiin. 

Waxa uu mar kale Maxkamadda Old Bailey kasoo hor muuqan doonaa 5-ta November, ayada oo kadibna dhageysiga rasmiga ah ee dacwaddiisa la qorsheeyey bisha March ee 2022. Waxa uu kusii jiri doonaa xabsiga muddadaas.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

Xog: Xoogagga Ahlu Sunna oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday ciidanka DF

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ayaa xalay magaalada Guriceel ku qabtay gaari Probox ah, oo casho iyo qaadba u siday Ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanka Good-wiil ee duleedka magaaladaasi.

Arrintan ayaa timid xilli ay xalay aad u kacsaneyd xiisadda magaalada kadib markii la weriyey in ciidamada dowladda iyo Galmudug ay galeen qeybo ka mid ah magaalada Guriceel.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa gaariga qabtay, xilli uu ku sii jeeday Good-wiil oo 15km dhinaca waqooyi bari kaga toosan Magaalada Guriceel, halkaasoo uu sidoo kale ku sugan yahay Gudoomiyaha Degmada, Faarax Cabdi Macalin.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Xoogaga Ahlu Sunna ay heleen xogta gaarigaasi, waxaana la arkayay xoogagaasi oo gaariga ku eryanaya gudaha magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xoogaga Ahlu Sunna ay gaarigaasi iyo hal nin oo la socdayba ay ula dhaqaaqeen goob aan la garanayn.

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa weli ka socda dagaal u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa haatan lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo xaafadaha ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaalada, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay la wareegeen  saldhigga Booliiska Guriceel iyo xarunta maamulka magaaladaasi.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel. Guriceel waa xaruntii hore ee Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe. Soo laabashooda waxay xiisad ka abuurtay Galmudug.

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo kaashanaya daraawiishta Jubbaland ay howl-gallo culus ka sameeyeen gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanada Hiloshiid, Janay Cabdale, Kubokibir, iyo deegaanka Canjeel oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay si wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haatan ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ayaa ah mid kacsan, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo ay wadaan labada dhinac.

Maalmihii dambe ciidamada huwanta oo ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Sawirro: Guddi uu Rooble magacaabay oo magaalada Kismaayo gaaray + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Saacadihii u dambeeyey waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi wasiirro ah oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u xil-saaray in ay hoggaamiyaan gurmadka lagu samata bixinayo dadka ay sameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland, waxaana ka mid ah wasiirka maaliyadda, wasiirka caafimaadka, wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno kale.

Wafdigaas ayaa u kuurgalaya xaaladaha nololeed ee dadka reer Jubbaland oo abaaro adag wajahaya, waxayna la kulmeen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo guddiga abaaraha ee Jubaland, oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan heerka iyo saameynta abaartu ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool deegaanada maamulkaas.

Wefdiga ayaa sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland gaarsiiyay deeq dawo ah oo hordhac u ah gurmadka ay dowladda federaalka u qoondeysay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maalin ka hor ka hadlay abaarta ku dhufatay deegaanada Jubbaland ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka walaalahooda ay abaaburuhu daashadeen ee haatan wajahaya xaaladaha adag.

Sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka ayuu Rooble ugu yeeray in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubaland iyo guud ahaan deegaanada kale ee dalka ee abaaruhu saameeyeen.

Gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo la isku yiraahdo Jubbaland, waxaa ku dhufatay abaar xoog leh, maadaama si fiican aysan uga di’in xiili roobaadyadii u dambeeyey, waxaana ku naf waayey abaarta duunyo aad u badan, iyadoo nolosha dadkana aad looga deyrinayo.

Dadka sida dhow ula socda xaaladda Jubbaland, waxay qabaan in cunaqabateyntii dhaqaale iyo xayiraadihii duulimaadyada diyaaradaha ee dowladda dhexe ay saartay Jubbaland intii uu jiray khilaafkii Farmaajo kala dhexeeyey Axmed Madoobe ay saameyn xun ku reebtay shacabka ku nool gobollada Jubbaland.

Laba maalin ka hor Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyey dowladda dhexe uu si weyn u saameeyey dhismaha dowladnimada Jubbaland, bixinta adeegyadii looga baahnaa maamulkiisa iyo daadejinta nidaamka dowliga ah, balse hadda uu qorsheynayo in wax badan uu ka bedelo hanaanka maamul ee ka jira Jubbaland.

Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda TIGRAY

0

Mekele (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa walac ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaddib markii ay sii xoogeysatay colaadda ku dhawaad muddada sanadka ah halkaasi ka socotay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegayta in malaayiin qof oo reer Itoobiya ah ay halis ugu jiraan nafaqadarro, halka qaar kale oo badanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah.

Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku adkaatay in ay ku degto magaalada Mekelle oo ay ku khasbanaatay in ay si deg deg ah ugu laabato magaalda Addis Ababa, sababo la xiriira duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada dowladda ay wadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Dhacdadaasi kaddib, Qaramada Midoobey waxay joojisay gebi ahaanba duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolkaasi Tigreeda ee ay colaadda la degtay.

Gemma Connell oo ka tirsan xafiiska arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa sawir xun ka bixisay xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigraay.

“Sida ay tahay maanta, waxaa waqooyiga Itoobiya ku nool ku dhawaad toddobo milyan oo qof oo aad ugu baahan gargaar bani’aadannimo. Waxaa ka mid ah in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigray, labada milyan ee kalena waxay ku kala qaybsan yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayay tiri Gemma Connell.

Waxay sheegtay in ay jiraan “dad badan oo guryahooda ka barakacay in kabadan hal mar, iyaga oo yaacaya ayay noqdeen hoy la’aan. Waxaan arangay heerar nafaqo -darro oo ba’an oo maalin walba kor usii kacaysa, taas oo aan ku koobnayn carruurta oo keliya. Dumarka Tigray -da ayaa hadda nafaqadarro ba’an haysataa.”

Dowladda Itoobiya ayaa ku doodeysa in diyaaradaheeda ay bartilmaameedsanayeen xarun tababar oo ay adeegsadaan falaagada Tigreega.

“Bartilmaameedku wuxuu ku saabsan yahay xarunta tababarka sharci-darrada ah oo ay hore u isticmaali jireen saldhigga taliska woqooyi laakiin hadda ay ku shaqayso kooxdan argagixisada ah si ay u qaadato tababar milatari oo loogu talagalay dadka ay qortaan ee sharci-darrada ah iyo meelaha kale ee u adeegaya,” ayuu yiri.

BBC

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka maanta ka socda magaalada GURICEEL

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa lagu soo warramayaa inuu goordhow ka qarxay dagaal u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan magaaladaas.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa billowday saaka aroortii hore, waxaana weli socota rasaasta iyo hubka ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay qaadeen dagaalka, isla-markaana ay dhowr jiho ka weerareen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi, walow  la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi,. gaar ahaan xaafadaha Sagal iyo Towfiiq.

Ciidamadda ayaa sidoo kale lagu arkayaa xaafadda Waaberi iyo xarunta degmadda ilaa Shiikh Salaad Xeydar oo dhanka bari ah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Guriceel ka jiray dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, waxaana xiisaddan ay ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowaan la wareegtay gudaha magaaladaasi.

Sawirro: Xaaladda Guriceel oo kacsan iyo DF oo sheegatay in ciidankeeda ay galeen

0

Guriceel (Caasimada Online) – Waxaa caawa aad u kacsan xaalada magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayada oo warbaahinta dowladda ay sheegatay in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay gudaha u galeen qeybo ka tirsan degmada.

Waxaa sidoo kale kacsan xaaladda magaalada ayada lasoo bandhigay sawirrada iyo muuqaalo laga duubay saldhigga booliska Guriceel oo ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo dad shacab ah ay hor tubanyihiin.

Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri ” Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen kooxda Ahlu Sunna.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ciidamada oo ay la socdeen maamulka magaalada ayaa si nabad ah ku galay gudaha waxaana ay ku sugan yihiin ilaa dhowr xaafadood oo ka tirsan magaalada Guriceel. Wariyayaasha gobolka Galgaduud ee warbaahinta Qaranka ayaa soo wariyay in kooxaha Ahlu suna ay isaga baxeen inta badan magaalada isla markaana ay faarujiyeen xarumo muhim ah sida saldhiga Booliska.” 

Inkasta oo la xaqiijiyey in ciidanka Ahlu-Sunna ay ka baxeen saldhigga, haddan si rasmi ah looma xaqiijin karo in ciidamada dowladda Ahlu-Sunna ay galeen magaalada, waxaana sawirrada lasoo bandhigay ay u muuqdaan inay ku sugan yihiin banaanka magaalada.  

Kadib bixitaanka Ahlu-Sunna ayaa dadwayne ay xoomeen xafiisyada saldhiga Guriceel, waxayna qaateen agabkii yaalay saldhiga sida computer-adii, kuraastii iyo miisaskii qaybta ka ahaa agabka dowladeed ee bulshada loogu adeegayay. 

“Degmada Guriceel waxaa caawa ka socda qax iyo kala carar, waxaana laga saarayaa dadka waayeelka ah, gaadiidka ayaa is dhaafaya xiligaan oo saq dhexe ah, qof walbana waxa ay aaday jihada ay is leedahay waad ku bad baadi kartaa,” ayuu Caasimada Online u sheegay Weriye ku sugan Guriceel.

Warar goor dambe nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxda Ahlu-Sunna ay dib ugu soo laabatey Saldhiga Booliiska Guriceel saacado kadib.

Cabsida dagaal ee caawa ka taagan Guriceel, waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta ay is-rasaaseyn kooban duleedka waqooyi ee magaalada ku dhex-martay ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwo uu hoggaaminayo guddoomiyihii Guriceel ugu magacaawnaa Galmudug, oo haatan dibad joog ka ah magaalada.

Hoos ka eeg sawirrada ay caawa soo bandhigeen ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka Guriceel.

Arrinta horseeday heshiiska Farmaajo iyo R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay, sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’adaha cadaaladda, hase yeeshee waxaa hay’adda NISA baaqi kusii ah qaar ka mid ah dadkii kiiska lagu tuhmayey, taasi oo shaki gelineysa inay caddaalad heli karaan qoyskeeda.

Haddaba, Maxaa soo da-dajiyey heshiiska Rooble iyo Farmajo?

Maxamed Cabdi Cumar oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, islamarkaana falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaas uu ku yimid cadaadis badan oo laba dhinac ka socday, mid waqtigu keenay iyo cadaadis kale oo bannaanka ka yimid.

“Sababta keentay inay heshiiyaan waxaa keenay cadaadis badan oo laba dhinac ka socday, mid waqtigu keenay iyo cadaadis kale oo bannaanka ka imaanaya sida Maraykanka, waddamo kale, iyo ururro waaweyn oo cadaadis ku saaray in khilaafka la soo afjar,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar.

Waxaa muuqata in labada dhinac ay cadaadis la kulmeen ka dib markii khilaafkoodu uu dibadda usoo baxay, siina daba dheeraaday.

Beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay labada dhinac in ay xalliyaan khilaafkooda si arrintaasi aysan u xagal daacin amniga dalka iyo xasilloonida.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay culeysyada horseeday heshiiska labada nin arrimaha doorashooyinka iyo dardar-gelintooda.

Khilaafka Rooble iyo Farmaajo ayaa intii uu taagna waxa uu saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta labada xafiis, warbaahinta dowladda iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dal ka mid ah YURUB oo ogolaaday in baasaboorka SOOMAALIYA lagu tago

0

Belgrade (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Serbia ay ka mid noqotay waddamada Qaaradda Yurub ee lagu tagi karo baasaboorka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hey’adda ayaa lagu sheegay in arrintaan ay ku timid dadaal ay bixiyeen safiirka Soomaaliya ee Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia si rasmi ah u gudbisay muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka guddoomay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa tallaabadaan horumarka ah uga mahadcelisay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa horay u aqbalay in lagu tago qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana la filayaa inay dhawaan aqbalaan dalal kale.

Erdogan oo shaaciyey inuu Turkey ka eryi doono safiirada 10 dal oo Reer Galbeed ah

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu eryi doono safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed kale oo reer galbeed ah kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayaan hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka Turkey.

Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin.

“Waxaan u sheegay wasiirkeena arrimaha dibedda inaan u heli karin qanacsanaan aan ugu marti-gelino dalkeena,” ayuu ku yiri Erdogan hadal ay kasoo xigteen warbaahinta Turkey.

Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha.

War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.”

Erdogan ayaa muujiyey sida uu uga careysan yahay hadalka safiirada isaga oo weriyayaasha la hadlay xilli uu saarnaa diyaarad kasoo celisay safar uu ku tegay Afrika.

“Ma ku jiraa xadkaaga inaad cashar noocaas oo kale u dhigto Turkey? Yaad tahay adiga?,” ayuu yiri Erdogan oo hadalkiisa uu baahiyey taleefishinka NTV.

Xiisaddan cusub ayaa mugdi gelineysa kulanka la qrosheeyey ee dalalka G20 oo toddobaadka soo socda ka dhacaya Roma, halkaasi oo Erdogan uu filayo inuu kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. 

Labada mas’uul ayaa leh xiriir aan wanaagsaneyn marka loo eegaa kii adkaa ee Erdogan iyo Trump.

Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2.

Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November.

AFP + VOA

Ciidamada Ahlu Sunna oo madaafiic culus ku garaacay ciidamada GALMUDUG ee weerarka ku ah Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ayaa maanta madaafiic ku garaacay fariisimo ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ka sameysteen meel u dhow magaaladaas.

Dadka dagan Magaalada Guriceel ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa tiro madaafiic ahm oo ay ciidamada Ahlu Sunna ku rideen fariisimaha ciidamada weerarka kusoo ah magaalada, gaar ahaan kuwa dhanka jihada Woqooyi, inkastoo aan weli la ogaan haddii ay khasaaro ka dhasheen.

Madaafiicda ay ciidamada Ahlu Sunna rideen ayaa kusoo aadeysa xilli ay fashilmeen dhammaan dadaalladii lagu doonayey in lagu joojiyo dagaalka kusoo socda magaalada Guriceel.

Labada dhinac weli kama hadlin tallaabada ay qaaday Ahlu Sunna, waxaana weli socda barakaca magaalada Guriceel maadama ay shacabka cabsi ka qabaan in dushooda lagu dagaalamo, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaarto, sidoo kalana waxaa xirmay inta badan ganacsigii Magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa fariisimo ka sameystay illaa seddex aag oo u dhow magaalada Guriceel, halka ciidamada Ahlu Sunna ay dufeysyo adag ka sameysteen bannaanka iyo gudaha Magaalada.

Sheekh Shaakir oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Guriceel ayaa ciidamada Dowladda uga digay inay ka qeybgalaan dagaalka lagu hayo Ahlu Sunna, taas badalkeedana ay xoogooda isugu geeyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka fal-celiyey HESHIISKA ay gaareen Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin dhowr ah ayaa ka hadlay heshiiska ay xalay Villa Somalia ku gaareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu xaliyey khilaafkii u dhaxeeyay.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin aragtidooda ku aadan heshiiska, hase yeeshee waxaa ka hadlay dhowr xildhibaan iyo murashax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Mas’uuliyiinta ka hadlay heshiiska ayaa yiri:

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Meel wanaagsan ayaa la dhigay Heshiiska, waana mudan yahay in la bogaadiyo. Madaxweyne Cabdicasis Laftagareen waa ku mahadsan yahay inuu ku guulaystay dhammaynta kala aragti duwanaantii madaxda qaranka ka dhex jirtay.

Xildhibaan Maxamed Abtidoon: Waxaan bogaadinayaa heshiiska madaxda Qaranka caawa ka gaareen khilaafkii ragaadiyay hawlihii qaranka. Waxaan ugu hambalyeenayaa madaxweynaha Koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Laftagareen guusha uu ka gaaray heshiisiinta madaxda qaranka. Waxaan talaabadaan ka baraneynaa in musuulkii daacad iyo dhexdhexaad ka ah xal u helidda khilaaf jira in uu Allah ku guuleynayo.

Qoorqoor wuu ku fashilmay dhexdhexaadinta madaxda. Fashilkiisana waxaa kalifay in uusan daacad ka aheen xalinta khilaafka iyo in uu dhinacyada is hayana mid ka mid ah uu la jiray. 

Cabdikariin Xuseen Guuleed: Waa soo dhaweynayaa heshiiska ay caawa madaxda dowladda ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee intii muddo ahba dhexdooda ka jiray. Waxaana u arkaa in is fahamkaas iyo heshiiskaas uu qeyb weyn ka qaadan doonno dadajinta doorashooyinka Qaranka. Si dalka uu oga baxo firaaqa dastuuriga ah ee uu ku jiray.

Madaxweyne Laftagareen waa ku amaanayaa waana ku bogaadinayaa dowrka odaytinimo ee uu qaatay iyo mudada gaaban ee uu guusha oga gaaray soo abyidda khilaafaadka hareeyay nidaamkii dowdnimo ee dalka.

DF oo weerar culus ku qaaday Midowga Afrika iyo Amisom kadib tallaabo ay qaadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Amisom iyo Guddiga Midowga Afrika (AUC), xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay qorshaha howlgalka Amisom loogu beddelayo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabad-Galyada Midowga Afrika ee ku baaqay howlgal sidaas ah 7-dii October, ay Muqdisho ku casuuntay wafdi ka socda Guddiga Midowga Afrika (AUC) iyo Amisom.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kadib ay dhinacyada wada-hadallo yeesheen 12-kii iyo 14-kii October, si looga wada-xaajoodo xal ay dhinayada ku wada qanci karaan, waxna loogu wada darso warbixinta Golaha Ammaanka QM uu soo saarayo 15-ka November.

“Nasiib darro Howlgalka Midowga Afrika iyo AMISOM waa ay diideen inay taageeraan war-saxaafadeed wadajir ah oo lagu muujinayo horumarka ay illaa hadda sameeyeen dowladda federaalka Amisom iyo AUC, oo saldhig looga dhigayo in dowladda federaalka aysan taageerin baaqa Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

“Waa nasiib darro in AUC iyo AMISOM ay doorteen waddo carqaladeyn iyo dib-u-dhigis ah intii la wada shaqeyn lahaa.”

Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay si joogto ah u diiday howlgalka QM iyo Midowga Afrika, ayna taageereyso qorshaha ay ciidamada Soomaaliya Amisom ugala wareegayaan amniga.

“Dowladda federaalka waxay Amisom iyo AUC ugu baaqeysa inay si deg deg ah ugu soo biiraan dowladda federaalka soo loo dhameystiro war-saxaafadeed wadajir ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midowga Afrika.  

Xog: Laba caqabad oo mid Rooble uu yahay oo ka hor-timid weerarkii GURICEEL

Guriceel (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxtooyada Galmudug ay toddobaadkii hore amar ku bixisay in la weeraro Xoogaga Ahlu Sunna ee la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaynaan haddana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug gaarin magaaladaasi.

Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeysay laba jiho ka kulaayay Magaalada Guriceel, kuwaa oo aad mooddo inay foodda gelin la’yihiin magaaladaasi.

Ciidamada, kuwii dhinaca waqooyi kaga sii siqaayay Guriceel ayaa ku sugan deegaanka Good-wiil oo qiyaastii 15km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaaladaasi.

Maamulka Galmudug iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaan ka hadlin waxa ciidamada ka hor taagan inay gaaraan xaruntii hore ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in howlgalka lagu weerarayo Guriceel ay ka horyimaadeen laba caqabad oo dartood weerar loo qaadi la’yahay.

Caqabadda koowaad ayaa ah in Ciidamada Dowladda ay ku kala qaybsameen weerarka Magaalada Guriceel, iyadoona Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad ay ku jiraan Xoogagii Ahlu Sunna, ee ay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre qarameysay, bishii July ee sanadkii 2019.

Caqabadda labaad ayaa ah in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka horyimid in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay weeraraan Guriceel, waana sababtaas baa la leeyahay midda ciidamada ka hor taagan inay gudaha u galaan magaaladaasi.

Rooble ayaa lagu warramay inuu doonayo in xal nabadeed laga gaaro xiisadda u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu-Sunna, xalkaas oo ah midka ay sidoo kale ku baaqayaan odayaasha beesha degta Guriceel iyo Dhuusamareeb. 

Xiisadda ka jirta gobolka ayaa dadkii magaalada deganaa ku khasabtay inay guryahooda isaga barakacaan, kuwaa oo xaalado adag ku wajahaya duleedyadeeda, iyadoona ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo labada dhinac, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato.

Culimada Ahlu-Sunna ee Muqdisho oo war culus kasoo saaray xiisadda Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culima’udiinka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo maalmihii u dambeeyay uu kulan uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga deyrinayaan xiisadda ka taagan Galmudug.

Daahir Axmed Salaad oo kamid ah culimada Ahlu-Sunna ayaa warbaahinta u aqriyay war-saxaafadeedkaas, wuxuuna sheegay in maamulka Qoor Qoor uu dhagaha ka fureystay baaqyada nabadeed.

Waxay ku macneeyen xiisada Guriceel iyo dagaalka ka dhanka ah hogaanka Ahlu-Sunna in uu yahay mid caqiido, oo lagu baabi’inayo dalka, sida ay ku sheegen Culima’udiinka qoraalkooda.

“Marka ay arkeen in ciidamadii furimaha cadowga ku horjoogay loo daabulayo si loogu dagaalamo Culima’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, markay arkeen fatwooyinka is-daba jooga ah ee lagu baneysanayo dhiiga Culima’udiinka Ahlu-Sunna, waxay isla qaateen in uu yahay mid ku saleysan caqiido” ayaa lagu yiri qoraalka.

“In aan dalka la gelin dagaal caqiido, kaasi oo haddii uu billowdo aan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono, dibna loo soo celiyo ciidamada la dul geeyay magaalada Guriceel. In la ogolaado wada-hadal shuruud la’aan ah, dhamaan waxa la isku khilaafsan yahay lagu dhameeyo miiska dushiisa.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo caburinta lagu hayo dadaalada nabadeed, islamarkaana xabsiga laga sii daayo dhamaan odayaasha ku baaqay nabada, kuwaasi oo ku xiran saldhigga booliska magaalada Dhuusomareeb.

“In dadka barakacay la siiyo kalsooni ay guryahooda ugu soo laabtaan, loona fidiyo gar-gaar bini’aadantinimo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saareen Culimadda Ahlu-Sunna ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntiina waxa war-saxaafadeedka ayaa waxa lagu sheegay in Culimu’diinka Ahlu-Sunna ee Muqdisho ay iska dhex doorteen guddi ka shaqeeya nabadeynta Galmudug, ayaga oo ugu baaqay dhinacyada isku haya maamulkaas ay si buuxda ula shaqeeyan guddigaas ayna qaatan nabadda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa saacado un kadib markii ciidamada ammaanka Galmudug ay magaalada Dhuusomareeb ku xireen qaar ka mid ah odayaal shir ku yeeshay magaalada, sida ay ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Odayaasha la xiray oo gaarayay illaa 9 ayaa shirkooda uga hadlay xiisadda ka dhex-oogan maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu-Sunna, ayaga oo soo jeediyey in wada-hadal lagu dhameeyo, oo aan dagaal loo adeegsan.

Odayaasha ayaa la geeyey saldhigga booliska magaalada Dhuusomareeb, waxaana sababta odayaasha loo xiray lagu sheegay inay tahay soo jeedintooda ku saabsan wada-hadallo lala galo, taasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kasoo horjeedo.

Muxuu Laftagareen ka yiri heshiiskii uu kala dhex dhigay Farmaajo iyo Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Lafta Gareen ayaa sheegay in si buuxda loo soo afjaray khilaafkii mudada ka dhaxeeyey madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha kaasoo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag ku jiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badan oo ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka.

Hoos ka aqriso qodobada ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble

1- Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2- In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.

3- In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.

5- Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.

6- Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.

Amisom oo sheegtay tallaabo ay ka qaadeyso askartii dadka rayidka ku dilay Golweyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu sheegay in la maxkamadeynayo Ciidanka Uganda ee 7-da ruux ee rayidka ah ku dilay Deegaanka Golweyn Gobolka Shabeelaha Hoose 10-ka August 2021.

AMISOM ayaa xaqiijisay in Guddi ay u xilsaartay kiiskaan uu soo gunaanaday baaristooda oo ay ku ogaadeen in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamada Uganda, nasiib darro ayuu howlgalku ku tilmaamay in askartaan xiran dariiska Midowga Afrika dilaan Dad rayid ah.

“ Sidaas darteed AMISOM waxay qaadaneysaa mas’uuliyadda buuxda ee falkaan oo ay geysteen ciidamada AMISOM, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo nbaxay AMISOM.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Uganda oo ay kasoo jeedaan ciidamada falka geystay ay leedahay maxkamad loogu talagalay in la saaro askarta dambiyada sameeya, waxayna ballan qaaday in askartaas lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, AMISOM ayaa ugu baaqday dowladda Uganda inay si deg deg ah xiriir ula sameyso qoysaska ay kasoo jeedaan dadkii la laayey si ay magdhow u siiso ulana qeybsato murugada ka dhalatay falkii ay geysteen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Go’aanka kasoo baxay AMISOM ayaa kusoo aadayo xilli ehelada dadkii la laayey ay dalbanayaan inay helaan caddaalad.

Haalkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay AMISOM

 

 

 

Farmaajo iyo Rooble oo ku heshiiyey lix qodob (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay, sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’adaha cadaaladda, hase yeeshee waxaa hay’adda NISA baaqi kusii ah qaar ka mid ah dadkii kiiska lagu tuhmayey, taasi oo shaki gelineysa inay caddaalad heli karaan qoyskeeda.

Hoos ka aqriso qodobada heshiiska

1- Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2- In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.

3- In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.

5- Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.

6- Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan. 

Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee udhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna usocoto si habsami leh.

Madaxda waxa ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xunyihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.

Hoos ka daawo afhayeenka xukuumadda

Shaakir oo war cusub kasoo saaray Guriceel, sheegayna arrin uu diyaar u yahay + Video

Guriceel (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Ururka Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda magaalada Guriceel oo ay gacanta ku hayeen 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna diginin culus u jeediyey ciidamada dowladda iyo Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay duulaan kusoo yihiin magaalada Guriceel, islamarkaana taasi ay sababtay in dhammaan dadkii kunool magaalada ay barakaceen.

Waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada-hadal, islamarkaana aysan jirin wax dagaal ah oo uu dhankiisa wado.

Waxaa uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan baaqyada ka imaanaya laamaha kala duwan bulshada iyo qaar ka mid ah beesha caalamka.

Ciidanka dowladda Soomaliya ayuu ugu digay in ay ka qeyb ka noqdaan dagaalka magaalada Guriceel. 

“Annagu cidna duullaan kuma nihin, ujeedkeenu waa Al-Shabaab. Waxaan leenahay ciidamada dowladda federaalka ha iska ilaaliyaan inay dagaal kusoo qaadaan magaaladaan Guriceel. Waxaan ka digeynaa iyagoo dan gaara fulinaya inay weerar kusoo qaadaan Guriceel,” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo ciidamada dowlada ugu baaqay inaan loo adeegsan dagaal.

“Uma maleyneynin in shacabka Guriceel laga aarsanayo inay soo dhoweeyeen culimadooda.. Ciddii xabbad wado waa in la ogaado oo la joojiyo..” ayuu sheekh Shaakir inay wax lala yaabo ku tilmaamay in dagaal lagu soo qaado oo Alshabaab ay uga darnaadaan maamulka Galmudug.

Wuxuu ku baaqay in loo gargaaro dadka ka barakacay magaalada Guriceel ee u baahan taageerada, kuna tabaaleysan duleedka magaalada.