25.1 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Shaakir oo war cusub kasoo saaray Guriceel, sheegayna arrin uu diyaar u yahay + Video

Guriceel (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Ururka Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda magaalada Guriceel oo ay gacanta ku hayeen 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna diginin culus u jeediyey ciidamada dowladda iyo Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay duulaan kusoo yihiin magaalada Guriceel, islamarkaana taasi ay sababtay in dhammaan dadkii kunool magaalada ay barakaceen.

Waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada-hadal, islamarkaana aysan jirin wax dagaal ah oo uu dhankiisa wado.

Waxaa uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan baaqyada ka imaanaya laamaha kala duwan bulshada iyo qaar ka mid ah beesha caalamka.

Ciidanka dowladda Soomaliya ayuu ugu digay in ay ka qeyb ka noqdaan dagaalka magaalada Guriceel. 

“Annagu cidna duullaan kuma nihin, ujeedkeenu waa Al-Shabaab. Waxaan leenahay ciidamada dowladda federaalka ha iska ilaaliyaan inay dagaal kusoo qaadaan magaaladaan Guriceel. Waxaan ka digeynaa iyagoo dan gaara fulinaya inay weerar kusoo qaadaan Guriceel,” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo ciidamada dowlada ugu baaqay inaan loo adeegsan dagaal.

“Uma maleyneynin in shacabka Guriceel laga aarsanayo inay soo dhoweeyeen culimadooda.. Ciddii xabbad wado waa in la ogaado oo la joojiyo..” ayuu sheekh Shaakir inay wax lala yaabo ku tilmaamay in dagaal lagu soo qaado oo Alshabaab ay uga darnaadaan maamulka Galmudug.

Wuxuu ku baaqay in loo gargaaro dadka ka barakacay magaalada Guriceel ee u baahan taageerada, kuna tabaaleysan duleedka magaalada.

Maxamed Nuur oo lagu riday xukun cusub oo xabsi ah

Minneapolis (Caasimada Online) – Maxamed Nuur oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn ayaa maanta lagu xukumay ku dhowaad shan sano oo xabsi ah.

Muddada xabsigan ayaa ah tan ugu badan ee lagu ridi karo qof lagu helay dambi dil kama’a kadib markii ay maxkamad laashay dambi dil ah oo horey loogu helay Maxamed Nuur.

Maxamed Nuur ayaa horey loogu helay dambi dil darajada saddexaad ah ah iyo dil kama’ ah oo la xiriira toogashadii ay 2017 ku dhimatay Justine Ruszczyk Damond, oo aheyd gabar Australian-American oo 40 jir ah.

Maxamed Nuur ayaa xabad ku dhuftay Justine kadib markii ay isaga iyo sarkaal kale oo boolis ah ay tageen gurigeeda taasi oo ka dambeysay markii ay soo wacday taleefonka xaaladda deg degga ah ee 911, si ay ugu wargelisay kufsi ay suurta-gal aheyd inuu ka dhacayey gurigeeda gaadaashiid.

Maxamed ayaa sheegay inuu ka argagaxay qaylida Justine, kadibna uu xabadda riday.

Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa bishii tagtay laashay xukunkii dilka ee horey loogu helay Maxamed Nuur, ayada oo sheegtay in xeerka dilka ee darajada saddexaad uusan ku habboonayn kiiskan.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dacwad noocan ah kaliya lagu dabaqi karo marka eedeysanaha muujiyo “inuusan wax ahmiyad ah u hayn nolosha bani’aadamka oo dhan,” ee aysan aheyn marka ficilka uu ku wajahan yahay qof gaar ah, si la mid ah Justine.

Garsoore Kathryn Quaintance, oo sidoo kale horey u guddoomisay maxkamadeyntii hore ee Maxamed Nuur, ayaa ogolaatay codsiga dacwad-oogayaasha ee ahaa in Maxamed lagu riday xukunka adage e dil kama’ ah oo ah 57 bilood.

Waxay diiday codsigii qareenada difaaca oo ahaa ahaa 41 bilood, oo ah heerka ugu hooseeya ee xukunka.

Maxamed Nuur, oo shaqada booliska Minneapolis laga eryey kadib markii dacwadda lagu soo oogay, ayaa horey xabsiga ugu qaatay 29 bilood.

Gobolka Minnesota, maxaabiista si wanaagsan u dhaqma, ayaa badanaa xabsi ku qaata laba meelood saddex meel, waana lasii daayaa kadib ayada oo inta ka harsan muddada xabsiga dusha laga ilaalinayo.

Maxamed Nuur ayaa maxkamdeyntii koowaad waxaa lagu xukumay 12 sano iyo bar xabsi ah, kahor inta uusan racfaanka u qaadan Maxkamadda Sare.

AP + VOA

GALMUDUG oo war cusub kasoo saartay DAGAALKA ay ku qaadeyso GURICEEL

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay qorshaha dagaalka ka dhanka ah ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, kadib markii ay gacan ku haynteeda la wareegen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shaaca ka qaadag in maamulka Qoor Qoor uu qorsheynayo in si farsameyn oo aan dadka rayidka ah iyo kuwa caadiga ahba wax ku gaarin kula wareegan Guriceel.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay kaabiga ku hayaan degmada Guriceel, oo ay ku sugan yihiin ciidamada ka amar qaata hogaanka Ahlu-Sunna.

“Ciidamada dowladda kaabiga ayey ku hayaan, waxay dowladda ku howlan tahay in si farsameyn oo dadka rayidka ah waxba u gaarin markaa in dhawaan guul laga gaaro ayaa la rajeynaya,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

“Dowladda waxay ku howlan tahay dhan walba oo lagu yareyn karo in shacbiga wax gaaran haddey noqon laheyd hab beeleedka, aqoonta iyo hadday noqon laheyd dhan walba oo arrimahaas lagu fududeyn karo wey ku howlan tahay, marna dowladda nabad ma diidin waxay ka hortageysay xad-gudubyada iyo in amniga wax loo dhimo.”

Wasiir Falagle ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dowladda ay diidaneyn wada-hadal ay ka gasho xiisada taagan, hase yeeshe aysan jirin cid illaa hadda ku guuleysatay in dhanka kale ka keento arrintaas, sida uu sheegay.

“Sababaha ay ciidamada ugu dhawaadeen deegaankaasi waxa weeyi in deegaankaasi uu noqdo mid uu sharciga dowladda ka jiro dadkana ay nabad ku noolaadan, mardhowna arrintaas waa soo afjarmaysa.”

Waxaa maalmihii u dambeeyay kasii dareysay xiisada ka dhex aloosan hogaanka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Qoor Qoor, waxaana ciidamadii u dambeeyay ee ka tirsan dowladda ay shalay gaareen degmada Matabaan, halka kuwo kale ku sugan yihiin deegaano aan wax badan u jirin Guriceel.

R/W ROOBLE oo ku biiray kulamada Villa Somalia iyo is-faham la gaaray – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd ku biiray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wada-hadalada Villa Somalia uga socday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Wasiirka amniga iyo agaasimihii KMG ah ee NISA.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulamada oo uu dhex-dhexaadiye ka yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubin kale ayaa waxaa is-faham horudhac ah looga gaaray waxyaabihii la isku hayey.

Waxay arrinta ugu weyn iskugu soo biyo shubatay xaalka NISA, oo aheyd meeshii ay ka bilaabatay xiisadda u dhaxeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in wada-hadallada intooda badan diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa dooda ka dhalatay magacaabista wasiirka cusub ee amniga xukuumada federalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale sareysa suurta-galnimada illaa caawa lagu soo afjaro is-maandhaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay labada Nin, sida ay sheegayaan ilo xogagaal ah oo ku dhaw-dhaw kulankaas.

Waa markii ugu horreysay oo si foolka fool ah ay isku hor fariistaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo xubnaha magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna khilaafkooda saameyn ku yeeshay geedi socodka doorashada.

Cali Xarbi Cali oo dacwad dil lagu soo oogay iyo sababta rasmiga ee dilka xildhibaan David Amess oo la shaaciyey

London (Caasimada Online) – Booliska Britain ayaa Cali Xarbi Cali oo Soomaali ah si rasmi ah ugu soo oogay dacwad ah inuu dilay xildhibaan David Amess, waxayna sheegeen in ficilkaas uu ahaa mid argagixiso.

Sir David Amess oo ahaa 69 jir ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa Jimcihii tegay lagu dilay mindi, isaga oo dadka soo doorta kula kulmayey kaniisad ku taalla deegaanka Leigh-on-Sea, oo 65 km u jira London.

Booliska ayaa sheegay in Cali uu goor dambe oo maanta ah kasoo muuqan doono Maxkamadda Westminster Magistrates ee London.

“Waxaan maxkamadda u gudbin doonaa in dilkan uu ahaa mid xiriir la leh argagixisanimo, si gaar ahaan inuu dhiiri-geliyey sabab diimeed iyo mid fikir,” waxaa sidaas yiri Nick Price, oo ah madaxa qeybta dambiyada gaarka ah iyo ka hor-tagga argagixisada ee Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada.

“Waxaa sidoo kale lagu soo oogay diyaarinta ficil argagixiso. Tani waxay ku timid caddeymo ay u booliska Metropolitan ku heleen baaritaankooda.”

Booliska waxay sheegeen inaysan jirin cid kale oo loo xiray dilka xildhibaan David Amess, islamarkaana aysan raadineyn qof kale oo lala xiriirinayo.

Dhinaca kale, Matt Jukes oo ah kaaliyaha madaxa booliska London ee howlgallada gaarka ah ayaa ka digay wararka xanta ah ee ku saabsan sababta Cali Xarbi Cali uu u dilay David Amess.

“Maadaama hadda dacwado lasoo oogay, waa muhiim in qof kasta uu is-xakameeyo marka uu uu arrintan ka hadlayo, si loo xaqiijiyo in hanaanka maxkamadda aan laga sii hordhacin,” ayuu yiri Jukes.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

Yey yihiin afarta Senator ee lagu doortay KISMAAYO?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamanka dowlad goboleedka Jubbalanad ayaa maanta doortay Afarta Kursi ee maamulkaas uga harsaneyd xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartamayey ilaa 8 musharax, kuwaasi oo xildhibaanada u jeediyay khudabo kala duwan oo ay kaga dalbanayeen inay siiyan codkooda.

Hoos ka aqriso Musharaxiinta ku soo baxay afartaas kursi iyo codadka ay ku guuleysteen;

Kursiga 1-aad: Waxaa ku tartamay Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Senator Xasan Daahir Yarow, oo isagu helay codad gaaraya 59.

Kursiga 2-aad: Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku soo baxay kursigan, isagoo helay codad gaaraya 57 cod, wuxuuna kaga guuleystay Farxiyo Macalinta Cabdi oo kursigaas kula tartameysay.

Kursiga 3-aad: Kursigan oo ahaa qoondo haween ayaa waxaa kusoo baxday Layla Nuur Maax oo heshay 63 cod, waxayna kaga adkaatay Xareedo Maxamed Sheekh oo ayadu heshay 9 cod oo keliya.

Kursiga 4-aad: Waxaa ku tartamay kursigaan Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye oo heshay codad gaaraya 50 cod.

Doorashada maanta ayaa waxa goob joog ka ahaa xubo ka socda guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, kuwaas oo Kismaayo u tegay inay kor joogto ka noqdaan doorashada Senatarada cusub.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii Afaraad ee soo geba-gabeeya doorashada Aqalka Sare, wuxuuna ahaa maamulkii u horeeyay ee billaabay doorashadaas oo xiligan labo kursi un uga harsan tahay Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyey ee Villa Somalia iyo Farmaajo oo maanta la kulmay xubnihii uu diiday magacaabistooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan xarunta Villa Soomaaliya waxaa weli ka socda wada-hadallo gaar ah oo u dhexeeyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in maanta dib loo sii ambaqaaday wada-hadalladan oo xalay soo billowday, waxaana ku biiray xubno horleh oo mas’uuliyiin ah iyo sidoo kale saraakiil.

Sida ay oggaatay Caasimada Online waxaa kulanka maanta ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya Farmaajo iyo Rooble ku wehlinayey wasiirka amniga gudaha ee uu magacaabay ra’iisul wasaaraha ee Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo agaasimaha KMG ah ee NISA Bashiir Goobe, kuwaasi oo Farmaajo uu horey u diiday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in wada-hadallada intooda badan diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa arrinta hay’adda NISA iyo dooda ka dhalatay magacaabista wasiirka cusub ee amniga xukuumada federalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in uu jiro tanaasul ay sameeyeen labada dhinac, inkastoo weli qodobada qaar la’isku hayo.

Waa markii ugu horreysay oo si foolka fool ah ay isku hor fariistaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & xubnaha magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba, wada-hadalladan waxaa garwadeen ka ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ku guuleystay in si toos uu isugu keeno labada dhinac oo khilaafkooda uu saameyn xoogan ku yeeshay geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Axmed Qoor Qoor oo xabsi dhigay odayaal soo jeediyey arrin uusan jecleysan – Xog

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xalay magaalada Dhuusomareeb ku xiray qaar ka mid ah odayaal shir ku yeeshay magaalada, sida ay ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Odayaasha la xiray oo gaaraya illaa 9 ayaa shirkooda uga hadlay xiisadda ka dhex-oogan maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu-Sunna, ayaga oo soo jeediyey in wada-hadal lagu dhameeyo, oo aan dagaal loo adeegsan. 

Odayaasha ayaa la geeyey saldhigga booliska magaalada Dhuusomareeb, sida ay noo sheegeen saraakiil ciidan.

Sababta odayaasha loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay soo jeedintooda ku saabsan wada-hadallo lala galo, taasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kasoo horjeedo.

Axmed Qoor Qoor ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu dagaal ku qaado magaalada Guriceel oo ay haystaan Ahlu-Sunna, wuxuuna wada-hadal lala galo kooxdaas shuruud uga dhigay inay marka hore soo wareejiyaan gacan ku haynta magaalada.

Dagaalka uu Qoor Qoor doonayo inuu ku qaado Ahlu-Sunna ayaa horey u sababay inuu is-casilo wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo ku gacan seeray dagaal loo adeegsado kooxda, kuna baaqay wada-hadal.

Dhinaca kale, wakiilo ka tirsan beesha caalamka, oo wada-hadallo la yeesha Qoor Qoor Isniintii, ayaa ugu baaqay inuu ka fogaado dagaal cusub oo ka qarxa Galmudug, kaasi oo keeni kara in doorashada golaha shacabka ay dib usoo dhacdo.

Hase yeeshee, sida muuqata Qoor Qoor ayaa waxaa ka go’an dagaal, waxaana toddobaadyadii tegay Muqdisho laga qaaday ciidan ka caawiya dagaalkaas. 

Uhuru Kenyatta oo war cusub kasoo saaray go’aankii ay gaartay Maxkamadda ICJ

0

Niarobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markale ka hadlay go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taas oo inta badan biyihii la’isku hayey u xukuntay Soomaaliya oo ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay Kenya.

Uhuru oo ka hadlayey munaasabad loogu dabaal-degayey maalinta halyeeyada Kenya oo shalay ku beegneyd ayaa gabi ahaan ku gacan-seeray xukunka maxkamadda ICJ.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda dalka Kenya.

Sidoo kale wuxuu soo saaray diginiin culus oo la xiriirta go’aankaasi oo uu shaaciyey inuu dhalin karo cawaaqib xumo ka dhalata, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha dowladda Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukunka ay gaartay ICJ uu waxyeeleyn karo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo ah laba dal oo daris ah.

“Isbaddel wayn ayuu ku keeni doonaa horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeed, ayna halis gelin karto ammaanka gobolka Geeska Afrika,” ayuu sii raaciyey Uhuru Kenyatta.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Kenya looga guuleystay dacwaddii ICJ ee la xariirtay muranka ay gelisay badda Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaa horey uga hortimid xukunka ay ridday maxkamadda ICJ, halka Soomaaliya ay si weyn ugu dabaal-degtay guusha ay ka gaartay kiiskaasi.

Xog: Farmaajo iyo Rooble oo xalay wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya xalay ka dhacay kulan u dhaxeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada mas’uul dhex-mara tan iyo markii ay bishii tegtay fashilmeen wada-hadalladii laba dhinac kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo tallaabooyinkii xigay ee ay ka mid ahaayeen xil ka-qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabiistii labada taliye ee ay NISA u kala magacaabeen.

Sidan aan xogta ku helnay, waxaa kulanka kasoo shaqeeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo dadaallo xoogan Muqdisho ka waday labadii maalin ee tegay.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeeen Caasimada Online, kulanka ayaa ahaa mid hordhac oo sallaan, sheekeysi iyo isu niyad fur kaliya ku koobnaa, mana jirin qodobo ka mid ah khilaafka labada mas’uul oo si weyn la isugu soo qaaday.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku daresa in Farmaajo iyo Rooble ay ku ballameen in habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si looga wada-hadlo arrimaha uu khilaafka ka taagan yahay, la isuguna dayo in xal laga gaaro.

Ilo-wareedyo ku dhow kulanka ayaa laga soo xigtay in kulanka caawa intiisa badan ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is-faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in habeen dambe inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

Heshiis kasta oo ay gaaraan labada mas’uul ayaa ku xirnaan doono in midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa, taasi oo horey loogu guul-darreystay.

Wixii xogtan kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.

Dhimashada 11,800 oo SOOMAALI ah oo aan horey loo ogeyn oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhimashada COVID-19 ee Soomaaliya ayaa ugu yaraan 32 jeer ka sarreysa tirooyinka ay dowladdu sheegtay bilihii hore ee musiibada, sida lagu sheegay daraasad cusub oo lasoo saaray.

Daraasadda oo uu daabacay Joornaalka Caalamiga ah ee Cudurada Faafa, ayaa ku qiyaastay illaa 11,800 oo qof inay u dhinteen saameynta COVID-19 intii u dhexeysay Maarso iyo Sebtember sanadkii 2020 caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Muddadaas lagu sheegay daraasadda, dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in cudurka COVID-19 ay u dhinteen illaa 99 qof oo Soomaali ah halka guud ahaan dalka laga helay illaa 3,864 kiis oo cudurkaas ah.

Soomaaliya ayaa soo warisay kiiskeedii ugu horreeyay ee COVID-19 16-ka bishii Maarso sanadkii 2020. Ilaa hadda tirada guud ee dhimashada oo ay shaacisay dowladda Soomaaliya ayaa ah 1,180, tirada dadka cudurka laga helayna waxay ku sheegtay 21,269 .

“Lama dhihi karo Soomaaliya waa dal nasiib badan oo dhibaato badan aysan kasoo gaarin cudurka COVID19 sida dad badan qabaan,” ayuu yiri Cabdixamiid Warsame, oo ah cilmi-baare ka tirsan Iskuulka London ee Nadaafadda iyo Daawada xilliyada kuleelka oo ka mid ahaa cilmi-baarayaasha.

Cilmi-baarayaashu waxay adeegsadeen sawirro dayax-gacmeedyo oo laga qaaday xabaalo laga soo bilaabo 2016 illaa Sebtember 2020, iyo sidoo kale wareysiyo iyo xog kale oo laga soo aruuriyey dadka si loo helo natiijo wanaagsan.

“Markaad fiiriso macluumaadka, waxaa jiray koror aad u weyn kadib markii COVID-19 uu yimid Soomaaliya,” ayuu yiri Warsame oo la hadlay VOA Somali.

“Markaan eegnay waxyaabaha kale ee keeni kara dhimashada, tusaale ahaan dilaaca cuduro kale oo faafa ama dhacdooyin kale, ma aanan helin wax kale oo keeni kara kor u kaca ku yimid dhanka dhimashada,” ayuu sii raaciyey.

Inta badan dadka ku nool Soomaaliya si buuxda uma taageersana natiijooyinka kasoo baxay cilmi–baarista la sameeyey ee muujineysa in ay badan tahay dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19.

Wakiilka dalka Soomaaliya ee Ururka Caafimaadka Adduunka Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa sheegay in daraasaddu  aysan lahayn xogo aad loogu kalsoonaan karo.

“Waxaan u malaynayaa in tiradani ay fiican tahay, waa hab cilmiyeysan oo wax loo qabto, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan si dhab ah u matalin waxa dhintay ama tirada dhimashada ee dhab ahaan dhacday intii lagu jiray aafadan,” ayuu Dr. Mamunur u sheegay VOA Somali.

Dr. Mamunur ayaa sheegay in laga yaabo in tirada runta ay u dhaxeyso tirada dhimashada ugu hooseysa oo ay dowladda Soomaaliya soo saartay iyo tirooyinka sare ee ka soo baxay cilmi baarista.

Warsame wuxuu sheegay inuusan dood ka qabin in dhammaan aaska cusub ee la sameeyey laga bilaabo  Maarso illaa Sebtember 2020 ay yihiin kuwa loo tiirin karo dhimasho cudurka COVID-19, balse wuxuu xusay in saameynta cudurkaan ay siyaabo kale u badisay dhimashada.

“Intii lagu gudajiray COVID-19 adeegyadii caafimaad ayaa hoos u dhacay, tallaalku wuu yaraaday, adeegyadii carruurta iyo hooyooyinka ayaa hoos u dhacay, marka dhammaan waxyaabahaan waxay keeni karaan dhimasho, sidaa darteed, COVID-19 wuxuu saameyn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelan karaa dhimashada,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ugu Dambeyntii Malik ayaa sheegay in tirada ay sheegtay Dowladda Soomaaliya ay kaliya tahay midda loo adeegsan karo tira-koobka dadka u dhintay COVID-19, wuxuuna xusay in Soomaaliya uusan ka jirin nidaamka bulshada dhexdeeda ah ee diiwaangelinta dhimashada.

“Dhibaatadu waxay tahay inaysan jirin nidaam diiwaangelin sugan oo ku saabsan dhimashada Soomaaliya, taasina waa xaddidaadda ugu weyn ee aan la tacaaleyno,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin daraasadda cusub.

R/W Rooble oo labo dhinac kala kulmaya culeys xoogan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddooyinkii dambe wajahayey cadaadis xoogan oo uga imaanayey Beesha Caalamka iyo Musharaxiinta Mucaaridka, kadib dib u dhacyada jadwalka doorashooyinka dalka.

Tiro saddex jeer iyo in ka badan ayuu dib u dhac ku yimid jadwalkii u dambeeyay ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo dib usii riixay qabsoomida doorashada la isku hayo ee madaxtinimada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu cadaadiska kusii kordhayey ayaa hadda u muuqda in uu qaaday wadadii uu ku bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka, taasi oo hoos u dhigeysa cadaadiska uga imanaya dhinacyadaas.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu rabo in doorashada Golaha Shacabka ay hore u qabsoomto, una dhacdo si daah-furan, si lamid ah middii Aqalka Sare oo inta badan la doortay.

Sidoo kale Rooble ayaa lagu wadaa in 24 saac ee soo socda uu shir khadka telefoonka ah uu la qaato madaxda maamul goboleedyada, isagoo ka doonaya in muddo sax ah loo sameeyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xilligan shaqadiisa u weyn tahay in dalka ka gudbiyo xilliga adag iyo inuu qabto doorasho cadaalad ah, ayaa waxaa muuqata in dulqaadkiisa uu ka gudbinayo caqabado adag oo ku hor-gudbanaa doorashada.

Wariyeyaal caan ah oo lagu xiray magaalada JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska HirShabelle ayaa saaka labo Wariye oo caan ah ku xiray saldhiga magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Labada Wariye ee la xiray ayaa kala ah Cabdalle Axmed Muumin iyo Hanad Cali Guuleed oo ka mid ah madaxda ugu sarreysa ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS).

Cabdalle ayaa ah xoghayaha guud ee Ururka, halka Hanad uu isna yahay madaxa dhanka tababarada ee Somali Journalists Syndicate (SJS ), waxayna howlo shaqo, gaar ahaan tababar la siinayo Wariyeyaasha ka howl-gala HirShabelle u joogeen magaalada Jowhar.

Maxaa keenay xarigga labada Wariye?

Wararka aan ka heleyno Jowhar ayaa sheegaya in Cabdalle Axmed Muumin iyo Hanad Cali Guuleed inta aan la xirin ka hore shalay looga yeeray xarunta taliska Booliska, halkaas oo lagu weydiiyey su’aallo dheeraad ah oo ku aadan ujeedka ay u tageen magaalada Jowhar.

Kadib xoghayaha guud ee Ururka Somali Journalists Syndicate ayaa ka qoray warbixin dheer wixii uu kala soo kulmay xarunta taliska ee looga yeeray, isaga oo ku caddeeyey warbixintiisa in la handaday, isla-markaana dil loogu hanjabay markii u tegay xarunta, taas oo dhalisay in loo soo diro hotelkii ay ku sugnaayeen ciidamo, kadibna sidaas lagu xiro.

Halkan hoose ka aqriso warbixinta uu qoray Cabdalle Axmed Muumin ee dhalisay xarigga isaga iyo Hanad Cali Guuleed:-

Shalay abbaarihii 11.28am waxaa hotelkii aan ka deganeyn magaalada #Jowhar soo weeraray ciidan aad u hubeysan oo watay qoryaha fudud iyo baabuur Cabdi Bile (pick-up) oo calaamadda boolisku ku buufsaneyd. Taliyaha booliska Saldhigga Jowhar oo magaciisa markii aan weydiiyay iigu sheegay “Carabey” ayaa iga dalbaday inaan u raaco Taliska Qeybta Booliska halkaasoo aan u raacnay aniga iyo maamulaha hotelka.

Markii aan tagnay Taliska Qeybta Booliska, waxaan galnay qol yar oo iftiinku ku yar yahay, oo ay dhex fadhiyeen saraakiil boolis oo uu ugu horreeyo Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow oo ay la fadhiyeen dhowr saraakiil kale oo aan anigu aqoonsan. Midkood ayaa ii sheegay inuu Muqdisho igu yaqaanay, uuna dhowr jeer hore u daawaday anigoo dowladda cambaareynaya oo saxaafadda u doodaya.

Daqiiqado ka bacdi waxaa qolkii soo galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Maxamed Cali Caadle. Waxay caay, hanjabaad iyo indho-guduudis isugu dareen maamulihii hotelka oo ay sidoo kale weydiiyeen tababarka weriyayaasha Somali Journalists Syndicate – SJS ee halkaa ka socda. Waxay ugu goodiyeen inay xirayaan.

Waxaan isku dayey inaan u sharraxo hawsha tababarka aan wadnay. Waxay na weydiiyeen waxa uu ku saabsan yahay tababarka, cidda fasaxa na siisay, liiska suxufiyiinta aan tababareyno, qabiilladooda iwm. Waxaan u sheegay in suxufiyiintu qabiil ahayn. Balse, iyaga meesha fadhiya ay yihiin kuwa qabiil-qabiil u kala xirtay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda. Waxaan kaloo u sheegay inaan anaga urur ahaan aanan baad bixinin. Arrintaas way ka caroodeen, waxayna iigu goodiyeen inay i xirayaan.

Labo askari oo aan hub wadan ayaa markiiba ii kexeeyay saldhigga booliska oo ku yaalla meel 40 tallaabo jihada waqooyi kasoo eegeysa halkii aan joognay. Waddada waxaa hareer yaalla biyo dhiiqeysan. Markii aan saldhigga galnay waxaan u gudubnay qol bidix kasoo jeeda oo iftiinku ku yar yahay. Labo miis oo gudaha taalla waxaa ka gadaaleeysa labo oday oo mid macawiis xiran yahay, midna telefoon dhegta ku hayo. Haweeney da’ dhexaad ah oo xijaab xirana meel albaabka xigta ayey fadhiday, hase yeeshee istaagtay markii aan soo galnay.

Mid ka mid ah labadii askari ee i wadatay ayaa ayaa kuwii ku jiray qolka ku yiri “ninkaan kursi siiya”. Odaygii macawiista xirnaa ayaa i weydiiyay magacayga, magaca hooyaday, halka aan ku dhashay, deegaankayga iyo qabiil. Kaddibna wuxuu i weydiiyay lacag iyo telefoon inaan ku soo wareejiyo. Waxaan u sheegay in qof macawiis xiran oo aanan aqoon aan siin karin telefoonkeyga iyo lacag. Wuu xanaaqay, wuxuuna igu yiri “wixii kaa luma mas’uul kama nihin”. Anna waxaan ku iri “Aniga iyo hantideyda wixii na gaara adinka ayaa ka masuul ah”.

Dhowr daqiiqadood markii aan murmeynay ayaa waxaa soo dhacay telefoon. Waxaa markiiba ii yimid sarkaal boolis ah oo i raaligeliyay. Kaddibna waxaa nagu soo biiray mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo heer boolis ah. Waxay noo sheegeen in khalad uu dhacay.

Weli waxaan sugeynaa fasiraad dheeraad ah.

Wararkii u dambeeyey ee doorashada Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo..

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhaceysa doorashada afarta kursi ee ka harsan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Qaban-qaabadii ugu dambeysa ee doorashada ayaa haatan ka socoto magaaladaasi, waxaana tartmaya illaa sideed musharrax oo qaarkood ay dumar yihiin.

Waxay kala yihiin:- Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh, Ibrahim Awgaab Cismaan iyo Farxiya Macalim Cabdi, Maryan Faarax Kadiyeiyo Samsam Maxamed Bishaar, Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka jawaabayey codsiga guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulkaasi ayaa soo magacaabay musharax cusub oo lagu bedalayo Cali Maxamed Cali oo shalay ka baaqsaday diiwaan-gelinta xubnaha u tartamaya afarka kursi ee ka harsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in booska uu banneeyey Cali lagu bedalay musharax Cabdi Xuseen Cali oo isla maanta ka qeyb-galaya doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa magaallo xeebeedka Kismaayo.

“Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa musharaxa lagu beddalay Mudane Cali Maxamed Cali oo iskii uga baaqsaday ka qeyb galka u tartanka K8ASBFS doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. K8ASBFS Cabdi Xuseen Cali,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Si kastaba, haddi ay maanta qabsoonto doorashada afartan xubnood, waxay Jubbaland sidaas ku dhammeystireysaa doorashada maamulkaas ee xubnaha Golaha Aqalka Sare.

Afar Senatar oo cusub oo lagu doortay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Jubbaland ayaa maanta lagu doortay Senataradii ugu dambeeyey ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Daahir Yarow ayaa 59 cod ugu soo baxay kursigii shanaad oo ay doorashadiisa maanta ka dhacday gudaha Kismaayo, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali.

Sidoo kale Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku guuleeystay kuriga 6-Aad isaga oo helay 57 cod, wuxuuna ka adkaaday Farxiya Macalim Cabdi.

Kursiga kale ee todobaad oo ahaa qoondo haween waxaa sidoo kale kusoo baxday  Layla Nuur Maax oo heshay 63, waxayna ka guuleysatay  Xareedo Maxamed Sheekh.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kursiga ugu dambeeyey ee sideedaad oo ay ku tartamayaan laba musharax oo kale.

Waxaa goob joog ah doorashada xubo ka socda guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, kuwaas oo u tegay inay kor joogto ka noqdaan doorashada Senatarada cusub.

Jubbaland ayaa qorshaheeda uu yahay inay maanta soo gaba-gabeyso doorashada xubnaha Aqalka Sare, iyada oo horey u soo dooratay afar xubnood.

Ammaanka ayaa dhinaca kale aad loo adkeeyey, iyada oo goobta ay ka socota doorashada la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska ee Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Guriceel iyo ciidan kusii jeeda oo maanta gaaray…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya oo horaantii toddobaadkan ka ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xili uu maamulku isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Taliyaha Guutada shanaad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim ayaa hogaaminaya ciidamada gaaray Matabaan, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya sida la sheegay howl-galada amniga lagu sugayo.

Ciidamo ka amar qaata hogaanka Ahlu-Sunna ayaa gebi ahaanba iskaga baxay degmada Matabaan oo ay soo galeen, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Guriceel oo maamulkeeda la wareegen.

Degmada Matabaan iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxa labadii maalmood ee u dambeeyay howl-galo ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, oo la rumeysan yahay inay qorsheynayaan weerar ka dhan ah ururka Ahlu-Sunna.

Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ee horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wiil oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansaday dhanka magaalada, kuwaas oo haatan saldhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay dhinaceeda ay guluf ka wado magaalada, iyada oo billowday inay baaris ku sameyso gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda Guriceel, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarashada ee magaaladaasi, ayada oo dadka deegaankana ay billaabeen barakicii ugu xooganaa.

Murashax la la’yahay kahor doorashada Aqalka Sare ee berri ka dhaceysa Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT Jubbaland ayaa codsi la xariira mid ka mid ah kuraasta berri la dooranayo u gudbiyay madaxwaynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday in uu soo gudbiyo badalka mid kamid ah xubnihii kujiray liiska musharaxiintii uu soo gudbiyey, kaas oo sabab la’aan uga baaqday maanta in uu is-diiwaan galiyo, si loo siiyo shahaadada musharraxnimada.

“Madaxweyne waxaan ku ogeysiineynaa in Cali Maxamed Cali oo liiska musharaxiinta kula qoraa Musharax Xasan Daahir Yarow uu ka baaqday is diiwaan gelintii maanta ka dhacday xafiiska guddiga SEIT ee Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Jubbaland.

Sidoo kale guddiga ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo musharax kale oo Xasan Daahir kula tartama kursigaas. “Madaxweyne waxaan si xushmad leh kuugu soo jeedineynaa inaad musharaxaas ku soo bedesho qof kale waqtiga ugu haboon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada afarta kursi ee ka dhiman xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubbaland.

Afar Senator ayaa horay loogu doortay Jubbaland, hadii afarta kale berri la doortana dhameystirka doorashada golaha Aqalka Sare waxaa dhimanaaneysa laba Senator, kuwaas oo laga soo doorto deegaanada Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka soo jawaabay codsiga guddiga, isagoo soo gudbiyay magaca musharax cusub, kaas oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Cali, waxuuna kursiga kula tartami doonaa Xasan Daahir Yarow.

Warqadda codsiga guddiga

Warqadda jwaabta Madaxweynaha

Xog: Maamulka ugu horeeya ee billaabaya doorashada golaha shacabka iyo xilliga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa lagu wadaa in uu billaabi doono doorashada Golaha Shacabka, sida ay sheegen ilo xogagaal ah.

Madaxweyne Laftagareen oo shalay gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa kulan saacado badan ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo looga hadlay dar-dar gelinta iyo billaabida doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday.

Wararka ayaa intaa kusii daraya in labada magaalo ee Baydhabo iyo Baraawe si hordhac loogu qabto middiiba doorashada Shan Kursi oo Aqalka Hoose ah, inta lagu gudo jiro bishaan October.

Sidoo kale, Jubbaland oo aheyd maamulkii u horeeyay ee billaabay doorashada Aqalka Sare iyo gobollada Waqooyiga ayaa ayaguna qeyb ka ah sida la sheegayo maamulada sida hordhac ah u bilaabi doona doorashada Golaha Shacabka.

Inkasta oo lacagihii lagu qaban lahaa doorashada Golaha Shacabka aan la wada helin, haddana waxa la xaqiijiyey inay taalo lacag yar oo lagu sii bilaabi karo howshaas, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay deg deg u bixin doonaan dhaqaalaha dhiman haddii si hordhac ah loo guda-galo doorashadaas.

Billowga doorashada golaha shacabka ayaa hoos u dhigaya culeyska siyaasadeed ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee gacanta ku haya arrimaha doorashada iyo amniga dalka.

R/W Rooble oo war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay tallaabadii ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen gaari Dameero raashin u waday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu horeyntii cambaareeyay falkaas oo uu ku tilmaamay mid arxan daro ah, islamarkaana muujinaysa heerka ay naxariis darada iyo turid la’aanta ka gaartay Al-Shabaab.

“Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Rooble.

“Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale”.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu ciidamada xooga dalka oo ayagu saaka ku baxay deegaankaasi ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen raashinka badan.

“Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.”

Si kastaba, Ma ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada oo ka tirsan gobolka Bakool, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Puntland oo deegaanadeeda maanta ka musaafurisay dad badan oo ka soo jeeda…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxa uu deegaanadiisa ka bilaabay musaafurinta dadka kasoo jeeda Itoobiya, kuwaasi oo qaarkood muddo badan ku sugnaayeen magaalooyin ka tirsan maamulkaasi.

Puntland oo kaashaneysa hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa waxay dalkoodii dib ugu celiyeen illaa 42 qof oo Itoobiyaan ah.

Dadka lagu celiyay Itoobiya ayaa waxaa badankooda laga qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana lagu soo waramaya inay dadkaas si nabdoon ku gaareen dalka ay kasoo jeedaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadkaas Itoobiyaanka ah qaarkood ay muddo bil ah ku xayirnaayeen gudaha maamulkaas, kuwaasi oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa kal hore qab-qabtay dad u kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaasi oo doonayay inay ka tahriibaan xeebaha gobolka Bari, si ay u gaaraan wadamada Yaman iyo Sacuudiga.

Puntland oo ka faa’iideysaneysa Barnaamij ay dadka dib ugu laabanayo dalalkooda ku caawineyso Hay’adda Socdaalka Adduunka Qaramada Midoobay ee IOM, ayaa dalkeeda ka saareysa Itoobiyaan badan.