25 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Turkey oo u yeertay safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey (Faah-faahin)

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa shalay u yeertay safiirada 10 dal oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Mareykanka, kadib markii ay ku baaqeen in lasii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka, kaasi oo xarigiisa uu dhaawacay xiriirka Ankara iyo Reer Galbeedka.

Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin.

Waxa uu wajahayaa eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha.

War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.”

“Dib u dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa…waxay mugdi gelienysaa ixtiraamka demoraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkey,” ayey yiraahdeen.

Safaaradahan ayaa ugu baaqay Turkey inay raacdo xukunka Golaha Yurub, oo ah urur xuquuqda aadanaha qaabilsan oo ay ku biirtay 1950.

Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2.

Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda Turkey ayaa lagu sheegay in safiirada loo yeeray ay shalay subax tageen xarunta wasaaradda.

Diblomaasiyiinta waxaa lagu wargeliyey in war-saxaafadeedkooda “uu ka tallaabsaday xuduudaha iskuna dayey inuu siyaasadeeyo hanaan sharci, islamarkaana cadaadiyo garsoorka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

“Waxaa lagu wargeliyey inay diirad saarista kiisas la xiriira maxkamadaha Turkey, gaar ahaan Kavala ay tahay mid aan daacad aheyn oo laba wejiilenimo ah.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sidoo kale cambaareeyey qoraalka 10-ka safaaradood.

“Ma ahan wax ka aqbali karo in safiirada ay soo-jeedimo ama tallooyin ka dhiibtaan kiis sharci ah oo socda,” ayuu Soylu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Wasiirka Cadaaladda Turkey Abdulhamit Gul ayaa Isniinii isna yiri “Safiirna ma lahan xaq uu talooyin ama soo jeedimo ugu gudbiyo maxkamadaheena.”

AFP + VOA

Sawirro: Ciidanka Itoobiya oo mar kale si xun u duqeeyey caasimadda TIGRAY-ga

Mekele (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya ayaa mar kale weerar dhanka cirka ah ku qaaday Magaalada Mekelle ee caasimadda u ah maamulka Tigrayga ee dagaalka ku jiro ciidamada Dowladda.

Diyaaradaha Itoobiya ayaa duqeynta la beegsaday bartamaha magaalada, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka TPLF iyo dad shacab ah.

Muuqaallo lasoo duubay marka ay duqeynta ka dhacday magaalada Mekelle kadib ayaa laga arkayey qiic madow oo cirka isku shareeray, waxaana goobaha ay diyaaradaha duqeeyeen kamid ah goobo ganacsi.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha ka dhashay duqeynta maanta dhacday, waxaana la xaqiijiyey inay gubten goobo ganacsi.

Baabuurta dambi damiska ee maamulka Tigray-ga oo gurmad ahaan usoo gaaray goobaha la duqeeyey ayaa ku guuleytay inay damiyaan dabka.

Waa markii labaad oo isbuucan gudihiisa ay diyaaradaha dowladda Itoobiya duqeymo ka geystaan magaalada Mekelle.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya dowladda Itoobiya in ay xasuuqayso dad shacab ah, wuxuuna weli Abiy u adkeysanayaa inuu sii wado dagaalka uu kula jiro maamulka Tigreyga oo hadda gacanta ku hayo maamulkooda.

Soomaali Tahriib ku galay Talyaaniga oo xil loo doortay

0

 Torino (Caasimada Online) – Cabdullaahi Axmed Macallim oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa noqday qofki ugu horreeyay oo muhaajir ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku soo baxay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino oo ku taalla Waqooyiga dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu noqday musharraxa ugu codka badan Golaha Deegaanka ee la doortay iyo ajnabigii ugu horreeyey muddo 25 sano ah.

Mr Cabdullaahi ayaa haatan helay fursad weyn oo uu ku metali doono shacabka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.

Guushiisa ayaa ka dambeysay, kadib markii ay soo sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga ee dalkaasi, isaga oo isniintii ku guuleysay ka mid noqoshada Golaha Deegaanka.

Waxaa sidoo kale guushiisa soo dhoweeyey Soomaalida oo si aad ah ugu hambalyeeyey, waxaana baraha bulshada ka socda dabaal-deg lagu muujinayo guushiisa.

Arrinta xiisaha usii yeeleysa guusha Cabdullaahi Axmed Macallin ayaa ah in doon uu ku galay dalka Talyaaniga, isaga oo tahriib ahaa sanadkii 2008-dii.

Yuu ahaa qofkii uu durba wacay Cali Xarbi Cali kadib dilkii xildhibaan David Amess?

London (Caasimada Online) – Waxaa weli socda baaritaanka lagu hayo dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo Jimcihii lagu dilay mindi, ayada oo dilka loo qabtay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Xarbi Cali.

Dambi-baarayaasha ayaa hadda isku dayaya inay ogaadaan qofkii ugu horreeyey ee Cali uu taleefonkiisa ka wacay isla markii uu dilay xildhibaan Amess.

Ilo-wareedyo amni ayaa wargeyska The Times u sheegay in Cali uu durbadii uu dilay xildhibaanka lasoo baxay taleefonkiisa kadibna wacay ama fariin qoraal u diray qof hadda la isku dayayo in la aqoonsado. Xitaa iskuma dayin inuu goobta ka baxsado.

“Xiriirka uu isku dayey inuu sameeyo daqiiqaddaas waa faah-faahin muhiim ah. Dambi-baarayaasha waxay isku dayayaan inay ogaadaan qofkaas uu la xiriiray,” ayuu yiri il-wareedka.

Arrimaha ay suurta-galka tahay ee la eegayo waxaa ka mid ah haddii qofka uu Cali la xiriiray uu wax ka ogaa dilka.

Dhinaca kale, Cali ayaa lagu warramay inuu toddobaad kahor dilka sameystay ballan uu uga qeyb-galo kulanka uu xildhibaan David Amess la yeelanayey dadka soo doortay ee deegaanka Leigh-on-Sea, oo ah goobta dilka uu ka dhacay.

Xog kale ayaa sheegeysa in sababta fududeysay in la beegsado Amess ay tahay ayada oo kulankaas lagu xayeysiiyey baraha bulshada.

Dambi-baarayaasha ayaan weli helin sabab kale oo loo beegsaday David Amess. Cali ayaan isku dayin inuusan wax ballan ah la sameysto xildhibano kale.

Wargeyska Telegraph ayaa qoray in inkasta oo kulanka loo ogolaa kaliya dadka degan Leigh-on-Sea, haddana Cali uu shaqaalaha xildhibaanka u sheegay inuu halkaas usoo guuri doono, sidaas darteedna uu doonayey inu xildhibaanka kala hadlo arrimaha ay ka mid yihiin daryeelka caafimaad.

R/W ROOBLE oo u muuqda inuu ka gudbay xujadii ugu adkeyd ee hor-taallay – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay xilka waxaa uu wajahayey xujooyin dhowr ah, ayada oo middii ugu adkeyd ee doorashada uu qarka u saaran yahay inuu ka gudbo.

Waxaa xilligaan muuqata in uu miro-dhalayo dadaalkii Rooble ee doorashada oo bishii May ee sanadkaan uu hogaankeeda kala wareegay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isaga oo la kulmay culeys iyo cago jiid dhinacyo badan ah.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay soo dhameystiray xubnihii ku harsanaa ee Aqalka Sare, ayaga oo ka jawaabaya baaqa Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena maalmaha soo socda ayaa lagu in Galmudug ay shaaciso liiska labada xubnood ee ka dhiman xubnaha ku meteli doona Aqalka Sare.

Beesha Caalamka ayaa garab weyn u noqday dadaalada Rooble, ayaga oo u arka in uu yahay shaqsiga keli ah ee ka go’an tahay hanaanka doorashada iyo inay waqtigeeda ku dhacdo.

Rooble ayaa lagu wadaa in 48 saac ee soo socda uu shir khadka telefoonka ah uu la qaato madaxda maamul goboleedyada, isagoo ka doonaya in muddo sax ah loo sameeyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in maamulka Jubbaland uu markale noqon doono maamulkii u horeeyay ee qabta doorashada Golaha Shacabka, ayada oo sidoo kale lagu wada inay ku xigi doonaan HirShabelle iyo gobollada Waqooyiga.

Inkasta oo lacagihii lagu qaban lahaa doorashada Golaha Shacabka aan la wada helin, ayaa haddana waxa la xaqiijiyey inay taalo lacag yar oo lagu sii bilaabi karo howshaas, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay deg deg u bixin doonaan dhaqaalah dhiman haddii ay arkaan dhaq-dhaqaaq dhab ah oo ku aadan doorashadaas.

Rooble ayaa haddii uu ku guuleysto in labo maamul goboleed ka bilaabo doorashada Golaha Shacabka ka hor bisha 12-aad, waxay ka dhigan tahay inuu toos u dhaqaajiyey tareenka doorashada, wuxuuna sidaas kaga gudbi doona xujadii ugu weyneyd ee xiliga kala guurka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xilligan shaqadiisa u weyn tahay in dalka ka gudbiyo xilliga adag iyo inuu qabto doorasho cadaalad ah, ayaa waxaa muuqata in dulqaadkiisa uu ka gudbinayo xarag-jiidkii maamul goboleedyada ee doorashada Golaha Shacabka iyo hagar-daamooyinka Farmaajo.

Xog: Maxaa fashiliyey waa-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna iyo Galmudug?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa fashil ku soo dhammaaday waan-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee haatan ka taagan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in fashilka uu yimid, kadib markii ay Ahlu Sunna ka laabatay go’aankeedii hore ee ahaa in ciidamadeeda laga saaro magaalada iyo in gaadiidkii ay ka qabsatay Galmudug wareejiso, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday in Guriceel lagu soo celiyo maamulka magaaladaasi ee dhinaca Galmudug, sida aan xogta ku helnay.

Waa-waantan ayaa waxaa waday odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana gabi ahaan hakad galay dadaalladii socday.

Arrintani ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee haatan ka taagan gobolka Galgaduud, taas oo u dhexeyso Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay haatan xirtay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa magaaladaasi.

Ciidamada dowladda ayaa dhankooda isku hareereeyey Guriceel, waxayna wadaan guluf dagaal oo ka dhan ah Ahlu Sunna Waljamaaca.

Guddigii uu magacaabay ROOBLE oo war soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo uu horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray doorashooyinka billowday, gaar ahaan tan xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia.

Guddoomiyaha guddigan Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo wareysi siisay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegtay in doorashada ay si tartiib tartiib ah ku socoto, isla-markaana ay weli qabyo tahay qoondada loo xiray haweenka oo aheyd in la gaarsiiyo 30%.

Sababta ayaa waxa ay ku sheegtay in kuraasta ay ku badan yihiin ragga musharixiinta ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waa soo baxay lambarkii aan tiro ahaan sugeynay, inkastoo aynan buuxineynin boqolkiiba sodonkii, waayo kuraasta ayaa waxa ay aheyd kuraas ay ragga u badan yihiin, marka waa ay ka hooseysaa 30%,” ayey tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Aannaga waan aaminsanahay in arrintaas laga gaari doono natiijo wacan qaabka loo wada shaqeynaayo, ballanta la’isla galay iyo habraaca doorashada loo dajiyey ma siinayo fursad in gabdhaha lagu tunto xuquuqdooda, waana mid ilaalinaayo xuquuqdooda,”

Dhinaca kale waxa ay rajo wanaagsan ka muujisay doorashada Golaha Shacabka ee dhowana la guda-geli doono, waxaana ay shaacisay inay tahay saddexdii kursiba mid iay ku soo baxdo gabar, si loo fuliyo heshiiskii horey looga gaaray qoondada haweenka.

“Waxaan raadineynaa saddexda kursi jufada iska leh inay mid gabar noqoto, haddii jufada keeni weyo gabar in aysan doorashada ka qeyb-galeynin oo iyaga la laayo musharraxiintooda ragga ah,” ayey markale tiri Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay gaba-gabo mareyso doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka, isla-markaana la guda-geli doono mida golaha shacabka.

Afar qodob oo sabab u ah in madaxweyne Farmaajo uu weli ku dheganaado laba deegaan doorasho – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu weli ku dhagan yahay inay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ka dhacdo labo magaalo maamul goboleed walba.

Farmaajo ayaa gacanta ku hayey maamulka doorashada iyo mida amniga markii la saxiixay heshiiskii 17-kii September, balse maanta waxba gacanta uguma jiraan.

Dad badan waxay sugayeen in uu ka tanaasuli doono fikirka labo deegaan doorasho oo uu walaayada saaran doono madaxda maamulada ee saaxiibadiisa ah oo caasimadaha maamul goboleedyada lagu qaban doono doorashada, hase ahaate Farmaajo weli waxa uu taagan yahay labo deegaan doorasho.

Waxaa la is weydiinaya waxa ku riixaya arrintaan?, falanqeeyayaasha siyaasaddu waxay doodaan ku soo koobeen afar qodob oo kala ah;

1. Dib u dhaca doorashada: madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeynaya inuu weli gadaal uga fadhiyo doorashada, waxaa laga ciideeyay labo sano oo muddo kororsi ah, balse wuxuu hadda ku sii siqaya in uu qaato hal sano oo muddo kororsi ah oo billooyin uga dhiman yihiin.

In doorashada sii daahdo waxay u tahay inuu muujinayo cududa ah inuu qaatay muddo kororsigii qoriga looga hor istaagay, wuxuu doonaya inay mucaaridka quustaan oo dhiig bax dhaqaale la kulmaan, siyaasad ahaana sii kala tagaan. Mar walba oo ay doorashada daahdo waxa uu uga dhex jeeda fursad muddo kororsi iyo mid hoos u sii dhigeysa itaalka mucaaridka.

2. Fashilinta kaalinta Ra’iisul Wasaare Rooble: waxaa la sheegaya in madaxweyna Farmaajo uu rabo inuu dib u soo ceshado hogaamintiisa doorashada, taas oo laga qaaday bishii May ee sanadkaan, waxaa la sheegay inuu aaminsan yahay inay culus tahay labo deegaan doorasho, si gaar ah inay Rooble ugu culus tahay.

Waxaa lagu eedeyay inuu rabo ku dhaganaantiisa labo deegaan doorasho inay keento in Rooble gacan ka taago hogaaminta doorashada uu markale halkaas fursad ka dhex helo.

Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen waa xubinta ugu weyn ee hadda miiska siyaasada ka difaaca aragtida labo deegaan doorasho. Axmed Qoor-Qoor ayaa sidoo kale si aan xoog badneyn u qaba labo deegaan doorasho, waxaase loo arkaa mid uu ku qancinayo saaxiibkiis Farmaajo oo hadda ku garab siinaya in uu ka adkaado kooxda la baxday Ahlu-Sunna.

3. Qancinta beeshiisa: Madaxweyne Farmaajo waxa uu muddo u dirirayey in magaalada Garbahaarey la dhigo kuraas kamid ah kuwa golaha shacabka, beeshiisa hoose ayaa sidaas u aragta daawo.

Waxa uu ku guuleystay in 16 kursi oo Golaha Shacabka ku qoro magaalada Garbahaaray, taas oo reerkiisa si weyn u soo dhaweeyen. In uu aqbalo in labo deegaan doorasho laga laabto waxay ka dhigan tahay inuu ku ballan furay reerkii.

4. Xasuus qor: Farmaajo waxa uu weli raadinaya in wax badan kaga duwaano Xasan Sheekh Maxamuud oo uu xafiiska ka badelay 8-dii Febraayo ee 2017. Waxa uu Xasan Sheekh noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee burburka kadib doorashada dhaafiya magaalada Muqdisho oo gaarsiiya xarumaha maamul goboleedyada, wuxuu kale oo sababay in ergo wax doorato.

Farmaajo ayaa isagna doonaya in wax ka duwan taas loo diiwaan-geliyo, wuxuu isku dayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah laakiin uma suurtoobin. Labo deegaan doorasho iyo 101 qof oo ergo ah wuxuu u arka xasuus qor fiican iyo wax uu kaga duwanaan karo Xasan Sheekh Maxamuud.

Afartaas qodob ayay dadka xaalada Soomaaliya faaqida u arkaan inuu Farmaajo weli ugu dhagan yahay labo deegaan doorasho, balse waxa dhinaca kale muuqata inay qodobadan si weyn dib ugu dhigi doonaan doorashada 2021.

Al-Shabaab oo gubay gaari dameero raashin u waday degmo go’doosan + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gubeen oo ay dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay duleedka degmadaasi.

Gaari Dameerada la gubay ayaa sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen gudaha magaalada, si ay u gaarsiiyaan raashinkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay goobta ka baxsadeen, iyaga oo nabad qaba dadkii waday raashinkaasi, ka hor inta aysan soo gaarin Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa gurmad u tegay halkaasi, iyaga oo dagaal la galay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay gaaari Dameerada la gubay ayaa sheegay in falkaas kadib ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kula dagaalameen inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Bakool.

Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee  gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo ay ku sugan yihiin ciidamada daraawiishta ee Jubbaland.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka socday muddo saacado ah.

Ugu yaraan hal askari ayaa ka dhintay weerarkaas, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka tirsanaa isla ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland oo howl-gallo wada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Dib u dhaca doorashada oo si lama filaan ah saameyn weyn ugu yeeshay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowr jeer dib u dhacay doorashooyinka Soomaaliya, waxaana dhaqan-geli waayay inta badan jadwal doorasho oo horay loo soo saaray, ayada oo keliya la doortay inta badan xildhibaanada Aqalka Sare.

Waxaa weli si rasmi ah u caddeyn goorta la billaabayo doorashada Golaha Shacabka iyo in la asteeyo tan madaxweynaha xilliga la qabanayo, waxayna dib u dhacyada doorashooyinka saameyn xoogan ku yeeshen caasimada dalka ee Muqdisho, gaar ahaan dhaqaalaha iyo ganacsiga magaalada.

Sida ay baahisay idaacada VOA-da waxa uu wal wal hor leh soo foodsaaray ganacsatada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood sidii hore aan dalka dibadiisa uga soo dhoofsan shixnado ganacsi.

Qaar kamid ah ganacsatada dalka ayaa sheegay in bilihii u dambeeyay ay dareemayen saameyn xaga dhaqaalah ah oo doorashooyinka dhowr jeer dib u dhacay ku yeeshay ganacsigooda.

Cali Maxamed Cismaan oo ah aqoonyahan bartay dhaqaalaha oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa asaguna sheegay in doorashooyinka dib u dhacyada ku yimid ay saameyn ku yeeshen maalgashigii dalka.

“Doorashooyinka cakiran iyo is-mari-waaga siyaasadeed waxay saameyn taban ku yeelatay qeybta maalgashiga ee hoostagta ganacsiga, haddii ay ahaan laheyd shaqsiyaad lacag haysta, qurbajoog dalka dib ugu soo noqon laheyd iyo shirkado kale oo caalami ah ma doonayaan inay maal-galiyaan xiligaan la joogo sababo la xiriira hubanti la’aan meesha taalla,” ayuu yiri Aqoonyahan Cali Maxamed.

Hubanti la’aanta ka jirta dalka ayaa waxay wal wal xoogan ku abuurtay ganacsatada iyo maalgashadayaasha, taasi oo hoos u dhac u weyn ku keenaysa ganacsiga dalka.

Si kastaba, Arrimahaan oo dhan ayaa waxay imanayaan xilli uu khilaaf siyaasadeed u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha, oo isku seegay gacan ku haynta doorashada iyo awooda dalka.

Sheekh SOOMOW oo raali-gelin ka dalbaday Sheekh BASHIIR kadib hadalkiisii xasaasiga ahaa (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, kaas oo ahaa in Ahlu-Sunna iyo Al-Shabaab ay isku mid yihiin.

Sheekh Soomow ayaa cod dheer Sheekh Bashiir uga dalbaday inuu raali gelin deg deg ah ka bixiyo hadalkaas oo mid gef ah uu ku tilmaamay.

“In qof sheeganaya hoggaanka culumada Soomaaliyeed uu ka soo yeero war ah in Ahlu-Sunna iyo Khawaarijta dadkeena dhameysay ay isku mid yihiin, waa arrin yaab leh oo lala fajaco, waxaan leenahay Sheekh Bashiir warkaas waa mid kugu kooban kaligaa,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Soomow ayaa sheegay in guddoomiyahooda Sheekh Bashiir uu heysto fursad uu ku sixi karo qaladkii ka dhacay, isagoo ka dalbaday in raali gelin deg deg ah uu ka bixiyo.

“Sheekh Bashiir hadalkaas adigana kuuma qalmo,  cid kalena kuma meteshid, waxaad ka mid tahay hoggaanka culumada Soomaaliyeed, waxaad kaalin weyn ka qaadan kartaa in dadka la kala celiyo, laakiin hadii adigu aad xukun rido, ninka Sheekha ah kalaankii afkiisa ka soo baxa Fatwo waaye,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Hadaa Fatwooto in Ahlu-Sunna iyo Al-Shabaab ay isku mid yihiin, hadde birrina waxaa kaa suurtaawda inaad dhahdo isku si haloola diriro, Sheekh Bashiir wax kuu qari maayee hadda waxaan ku leenahay fursad ayaad heysataa, waxaan kuu soo jeedineynaa inaad dib u saxdo wixii afkaaga ka soo yeeray, hadalkana intaas kuu dhaafi maayo.”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo maalin ka hor ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in wadaadada gacanta ku dhigay magaaladaas ee Ahlu-Sunna ay la mid yihiin Al-Shabaab, taas oo caro badan ku abuurtay culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna oo aad ula dagaalama fikirka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo Sheekh Soomow.

Wasiir Cabdullaahi Abokor oo sheegay inay maxkamad ku kala baxayaan isaga iyo…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa meel sare gaartay xiisada maalmihii dambe ka dhex aloosneyd Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cabdillaahi Abokor Cusmaan iyo Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Labada mas’uul ayaa eedeymo culus isku mariyey hawada, waxaana maanta warbaahinta la hadlay Wasiir Cabdillaahi Abookor oo sheegay in uu maxkamad la tiigsan doono guddoomiye Faysal oo ku eedeyay musuq-maasuq.

Wasiir Cabdillaahi Abokor ayaa sheegay in Faysal uu caqabad ku yahay geedi socodka Somaliland, isagoona ku tilmaamay “weel madhan oo sanqadh badan”, sida uu sheegay.

“Faysal waxa uu si guud hagar-daamo ama dib u dhac ku yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland, waxa uu maanta jooga sanadka 21-aad ee uu yahay guddoomiye xisbi, waana markii afaraad oo uu leeyahay waxa u sharaxanahay xil madaxweyne,” ayuu yiri.

“Nidaamkii iyo sunihii isbedel meesha ayuu ka saaraya, waxaa arkayaa in Faysal uu yahay weel madhan weelka madhana wuu shanqadh badan yahay. Faysal waxa uu dafiray qorshihii qaranka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Faysal ay isku hayaan nidaamka doorasho iyo hanaanka dowladnimo, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay musuq-maasuq uu ku eedeyay guddoomiye Faysal.

“Wuu yar yahay mas’uul uusan eedeyn Faysal, waxaa kamid ah madaxweynaha himika Muuse Biixi Cabdi oo uu gaaray illaa qoyskiisa, waxaa ayaan-daro ah oo maangaabnimo ah madaxweynaha caagad ayuu igu dhuftay oo Hooyaday ayuu caayay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay ku kala bixi doonaan Faysal laamaha garsoorka Somaliland, taasi oo noqoneysa markii u horeysay ee labo mas’uul ay isla tagaan hay’addaha garsoorka.

Xog: Saraakiishii Badbaado Qaran ee MUQDISHO ku dagaalay oo la is-horkeenay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta markii ugu horeysay laga wadahadlay dagaalka maalmihii lasoo dhaafay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamo kawada tirsan militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ay kala  hoggaaminayaan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Ugaaska beelaha Mudulood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa maanta isugu yeeray labadaan sarkaal, waxaana kulankaas lagu gaaray is faham hor dhac ah, sida aan xogta ku helnay.

Ilo ku dhaw kulankii maanta dhexmaray Ugaaska iyo labada sarkaal ayaa Caasimada Online u sheegay in is faham hordhac ah laga gaaray shaqaaqadii maalmihii lasoo dhaafay ciidamada kala taabacsan saraakiishan ku dhex-martay deegaanka Gubadley ee degmada Kaaraan.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay inuu isu keeno labadan Sarkaal ee xurgufta u dhaxeeysay, waxaana gogol uu maanta u dhigay is faham hordhac looga gaaray wixii dhacay, waxaana hadda muuqda is dhexgal ay muujiyeen labada ciidan ee kala taabacsan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Sidoo kale xogta aan ka helnay kulankii maanta waxay intaas ku dareysaa in maalmaha soo socda loo balamay in la fidiyo gogol ballaaran oo lagu soo afjarayo xiisadda sababta gacan ka hadalka ee dhex-martay ciidamada ay kala hoggaamiyaan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, waxa ugu weyn ee dagaalka labadaan sarkaal uu salka ku hayo waa gacan ku heynta deegaanka Gubadley oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo dhawaan la filayo in loo aqoonsado degmo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qorshaha degmo looga dhigayo Gubadley waxaa sidoo kale ku lammaansan in iyagana degmooyin laga dhigo Garasbaaley iyo Daaru-Salaam oo ah laba deegaan oo soo buuxiyey shuruudihii loogu aqoonsan lahaa degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararkii ugu dambeeyey Guriceel iyo ciidamada Anas Cabdi oo u dhaqaaqay…

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel ee gobolkaasi, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladdu ay aad u kacsan tahay, isla-markaana laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka Ahlu Sunna.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa haatan wada barakicii ugu xooganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta colaaddaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiya Guriceel Anas Cabdi Macalin oo horey ugu sugnaa deegaanka Odaale ay fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Hareele oo hoostaga magaaladaasi halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq.

Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaaliya oo horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wiil oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansaday dhanka magaalada, kuwaas oo haatan saldhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay dhinaceeda ay guluf ka wado magaalada, iyada oo billowday inay baaris ku sameyso gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda Guriceel, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarashada iee magaaladaasi.

Dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna aya weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horey dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Maleeshiyo beeleed maanta ku dagaalamay welina isku horfadhiya MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubeysan oo u abuulan hab beeleed ayaa haatan isku horfadhiya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo maanta ku dagaalamay gudaha degmadaasi.

Iska hor imaadka oo khasaare geystay ayaa ka dhacay xaafadda loo yaqaano 77 oo ka tirsan degmada Dayniile, waxaana weli isku horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaas oo ay isku hayaan maleeshiyaadka diriraya oo weli isku horfadhiya halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 2 qof oo uu mid ka mid ah ka tirsan yahay maleeshiyaadka ayaa dhaawacmay, halka qof kale ay tahay haweeney ka mid ah dadka deegaanka.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa weli aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay haatan wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay isaga barakaacaan guryadooda, si aysan waxyeelo uga soo gaarin iska hor imaadkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan israsaaseyntaasi geysatay khasaaraha.

Xaafadda 77 ee Dayniile waxaa marar badan ku soo noq-noqday dagaallada u dhexeeya maleeshiyaad oo isku haya arrimo dhul, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

FIQI oo WEERAR ku qaaday Jeneraal Odowaa kana digay arrin uu damacsan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar culus ku qaaday Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan caasimada maamulka Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa ku eedeyay Odowaa in uu kal hore hogaaminayey dagaalkii muddo kororsiga qasabka ahaa ee Muqdisho, uu maanta dagaal u aaday maamulka Galmudug, gaar ahaan Guriceel oo ay isku hayaan maamulka Qoor Qoor iyo hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Waxaa uu ku tilmaamay taliyaha mid aan fahamsaneyn waajibaadka xilka loogu dhiibay, isagoo sheegay inuu qaadayo mas’uuliyada tallaabooyinka guracan ee ay wadaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Odowaa wuxuu dagaal u aaday Guriceel asagoo sheeganaya taliyaha ciidanka XDS, shalayna wuxuu hogaaminayey dagaalkii muddo kororsiga qasabka ah ee Muqdisho iyo kii banaanbaxyada lagu diidanaa!. Wuxuu dhabarka u ridanayaa oo lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyadda ficilkiisa gurracan ka dhalata, ayadoo ay muuqato inuusan fahamsanayn waajibaadka xilka loo igmaday!,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Dhammaan wuxuu soo joojiyay furimihii dagaalka ee ciidamada XDS ay kula jireen argagixisada, uma malaynayo taliye ka mid ah kuwii soo maray XDS inuu yeeli lahaa waxa Odowaa yeelayo iyo sida loo isticmaalayo. Waa nasiibdarrada ciidamadeena ku habsatay!.”

Axmed Fiqi ayaa xilkii Wasiirka amniga Galmudug iska casilay kadib markii laga dhageysan waayey in laga baaqsado dagaal, islamarkaana ay isku fahmi waayeen madaxweyne Qoor-Qoor in xilligaan aan lala dagaalin Ahlu-Sunna.

Saraakiil uu kamid yahay Odowaa ayaa madaxweynaha maamulka Galmudug la wada qorshe dagaal looga saaray Guriceel ciidamada ay wataan Ahlu-Sunna oo kal hore looga adkaaday maamulkaas.

Loolanka Fahad Yaasiin iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir ee kursiga BF ee HOP#86

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa billowday loolanka kursiga Golaha Shacabka ee la filayo in uu isku soo taago Taliyihii hore ee NISA, ahna la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, kaasi oo ay sumadiisu tahay Hop#86.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isku beel yihiin Fahad Yaasiin.

Faarax Cabdulqaadir ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in kursigaas uu heli doono qofka kalsoonida ka hela kursigaas, islamarkaana ay guusha go’aamin doonaan ergada codeynaysa.

“Kursiga beel ayaa iska leh qof kasta oo beesha ka tirsan waa la yaqaana xaq ayuu u leeyahay inuu ku tartamo, cid iyo sharci ka hor istaagi karta anaga aan ogahay majirto, waxay ku xiran tahay beeshaas codadkeeda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan Musharaxiin kale oo hunguriyeynaysa kursigaas, hase yeeshe isaga iyo Fahad Yaasiin waa labada nin ilaa hadda ugu miisaanka culus, loolanka ugu xoogana uu dhexmarayo.

“Ninka odeyga ah (Fahad Yaasiin) ee aad sheegayso 2016-kii ma tartamin. Anigu wal-wal aan ka qabo ma jiro, weliba anuu waxaa aaminsanahay dadka qaba in xor u yihiin, waa in la aqbalo cidii ku guuleysata tartankaas.”

Fahad Yaasiin oo hore u ahaan jiray Taliyaha NISA ayaa hadda La-taliye u ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, wuxuuna rabaa in uu kusoo baxo mudaneyaasha baarlamaanka cusub ee dalka.

Raila Odinga oo ololihiisa ku daray dib usoo celinta arrin Kenyatta uu ka dhaadhicin waayey Farmaajo (Aqriso)

0

Nairobi (Caasimada Online) – Raila Odinga oo kamid ah musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynimo ee doorashada Kenya ee 2022 ayaa ololihiisa si rasmi ah ugu daray inuu dib usoo celin doono suuqa qaadka Kenya iyo Soomaaliya oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo joojiyey sanadkii tegay.

Qaadka ay Kenya usoo dhoofin jirtay Soomaaliya oo muwaadiniinteeda ay ka heli jireen dhaqaale aad u badan ayaa waxaa joojisay dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay labada dowladood, wuxuuna Odinga ballan qaaday inuu dib usoo celin doono suuqaas si uu cod uga helo dadka Kenyanka ah ee ku tiirsanaa dhaqaalahaas.

Odinga oo khudbad ka jeedinayey magaalada Mau ee Ismaamulka Meru ayaa xusay inuu ka war qabo dhibaatada dhaqaale xumo ee heysata dadka deegaanka, taasoo sababta ugu weyn ay tahay xirnaanshaha suuqii qaadka ee dalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqaarida Congo.

Raila ayaa taageerayaashiisa uu la hadlay waxa uu ku dejiyay in uu ka shaqeynayo haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Kenya ee doorashada sanadka 2022-ka in uu u raadinayo suuqa qaadka ee Soomaaliya.

“Waxa aan fahamsanahay dhibaatooyinka heysta Beeraleyda Qaadka, waxaa iga go’an in aan xal u raadiyo sidii ay u heli lahaayeen Suuqa loo iib geeyo Jaadka sida Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,” ayuu yiri Raila Odinga oo u muuqday mid fursadaan u arko mid ka saacidi karta ku guuleysiga doorashada.

Raila Odinga waxa uu sheegay in ay Somaliland horey ugu heshiiyeen in Qaadka Miirooga loo dhoofiyo, laakiin ay dowladda Soomaaliya ka hor -joogsatay in Kenya halkaas u dirto.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Odinga haddana ah madaxa Xisbiga ODM ayaa dhanka kale ballan qaaday in uu xal u raadinayo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya oo xooggeystay wixii ka dambeeyey markii dacwadda Badda laga gudbiyay Nairobi, wuxuuna xusay inay tahay in labada dal ay diiradda saaraan maslaxadooda.

Dowladda Kenya ayaa marar badan awoodi weysay inay dib usoo celiso suuqaas, waxayna dowladda Soomaaliya suuqii Qaadka u wareejisay dalka Itoobiya oo u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo, waxaana adag in suuqaas dib loo soo celiyo haddii uu mar kale dalka madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaadka Kenya ayaa hadda lagu iibiyaa qaar kamid ah suuqyada Qaadka ee Soomaaliya, waxaana qaab suuq madow ah usoo geliyo dalka ganacsato, balse uma badno sidii uu ahaan jiray.

Farmaajo oo taariikh cusub u dhigay madaxdii xukunka SOOMAALIYA soo martay

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa maalmo dheeri ah doorasho la’aan sii jooga xukunka dalka, mana muuqato saansaan muujineysa in dhawaan la qaban doono doorasho taasi oo dheereeneysa maalmahaan ugu darsoomay muddo xileedkii loo dhaariyey ee sharciga ahaa.

Shacabka waxay tirinayaan maalmaha Farmaajo u raacay afartiisa sano, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa kadib dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Tan iyo sanadkii 2000 Soomaaliya waxay yeelatay Shan madaxweyne, mana jiro madaxeyne doorasho ku qabtay muddo xileedkiisa ama mid ku jaangooya maalintii la doortay maalinteeda kale, madaxweyne kastana waxaa u raacay muddo dheeri ah.

Hase yeeshee, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu hadda heystaa rikoorka madaxeynihii waqtiga ugu badnaa ee xilka hayey ama ugu xukunka dheeraa wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Shax xisaabeedka iyo maalmihii ay xilka hayeen Shantii madaxweyne ee Siyaad Barre ka dambeeyey

1-  Cabdiqaasim Salaad Xasan

Waxaa lagu soo doortay magaalada Jabuuti 27-kii Agoosto sanadkii 2000, wuxuuna xilka ka dagay 14-kii October 2004. Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne ka ahaa dalka 4 Sano, 1 Bil iyo 17 Cisho

2- Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya loo doortay 14-kii Bishii October sanadkii 2004, wuxuuna shaqada ka tagay 29-kii December 2008, taasoo ka dhigan inuu xilka hayey 4 Sano, 2 bilood iyo 15 maalmood.

3- Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Sheekh Shariif waxaa la doortay 31-dii January 2009, wuxuuna xilka ka tagay 10-kii September sanadkii 2012, taasoo ka dhigan inuu xilka madaxeynimo hayey 3 Sano, 7 Bilood iyo 10 cisho .

Dowladdii uu madaxweyne ka ahaa dalka ma heysan muddo xileed afar sano ah sida dowladaha kale.

4– Xasan Sheekh Maxamuud

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay 10-kii September sanadkii 2012, waxaana tartanka doorashada looga adkaaday 8 February 2017, wuxuuna xilka hayey 4 Sano iyo 5 bilood.

5 – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waxaa xilka madaxeynimo ee Soomaaliya loo doortay 8-dii February sanadkii 2017, welina ma uusan wareejin xilka, wuxuuna xafiiska joogaa 4 sano, 8 bilood iyo 10 Cisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidaas ku noqday madaxweynihii ugu xukunka dheeraa Soomaaliya tan iyo markii dib loo bilaabay dowlad-dhiska dalka sanadkii 2000.