24.8 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Xildhibaan David Amess ma waxaa loo dilay xiriirkiisa QATAR iyo taageerada DF?

London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa baaraya in dilka xildhibaan David Amess uu xiriir la leeyahay xiriirka xildhibaanka kala dhaxeeyey dowladda Qatar, sida uu qoray wargeyska The Times. 

Sir David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa lagu dilay mindi Jimcihii, isaga oo ku sugan deegaanka Leigh-on-Sea, waxaana dilka loo qabtay Cali Xabri Cali Kulane.

Booliska UK ayaa sheegay in illaa hadda dilka ula macaamilayaan mid argagixiso, balse ay eegayaan suurta-galnimada ah in loo dilay xiriirkiisa dowladda Qatar darteed. 

Ilo-wareedyo amni ayaa The Times u sheegay “Arrinta Qatar waxay aheyd tii ugu dambeysay ee xildhibaanka uu soo tweet gareeyo. Booliska waa ay eegayaan.”

Dhinaca kale, wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Cali aabihii oo lagu magacaabo Xarbi Cali Kulane uu aad u dhaliilo dowladda Qatar, oo taageerto dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. 

Warbiixnta Daily Mail ayaa lagu sheegay in qoraal uu Xarbi Cali Kualne soo dhigay twitter 5-tii October uu faro-gelinta Qatar ee Soomaaliya ugu yeeray mid aan wanaagsaneyn oo ay tahay in joogitaankooda la baabi’iyo.

Tweet-ka ayuu Xarbi Cali Kulane ku yiir “Tan iyo 7-dii Febraayo, waxaan nasiib darro aragnay ku lug lahaanshaha aan caafimaadka laheyn ee Qatar ee saaxadda siyaasadda Soomaaliya. Waxaa la joogaa waqtigii xiriirkan xun ee aan laga fiirsin la baabi’in lahaa, lana yareyn lahaa saameyntiisa.”

Ilo-wareedyo amni ayaa u sheegay Daily Mail inaysan wax muujinaya in Xarbi Cali Kulane uu yahay xagjir. Xarbi ayaa aad uga argagaxay dilka. 

Amess ayaa madax ka ahaa guddi ka tirsan baarlamanka oo lagu magacaabo APPG oo taageera Qatar, kana shaqeeya wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya dalkan ku yaalla Gacanka iyo UK.

Amess ayaa 9-kii illaa 10-kii October booqday, halkaasi oo uu kula kulmay amiir Tamim bin Hamad Al Thani.

Jubaland oo shaacisay xilliga ay qabaneysa doorashada Aqalka Sare ee afarta kursi

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee maamulka Jubaland ayaa maanta shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka harsaeyd kuraasta Aqalka Sare ee maamulkaas.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta Aqalka Sare ee kuraastaas ayaa bilaaban doonto maalinta berri ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland, Dr Siyaad Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinta Khamiista ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsaneyd maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay soo saaray liiska murashaxiinta afarta kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan maamulkiisa, taasi oo in ka badan laba bil ay sabab aan la aqoon u haysteen doorashada kuraasta kale.

Liiska uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa laba ka mid ah kuraasta waxaa si gaar ah loogu xiray haween, halka mid kale ay ku tartamayaan haween iyo rag, midna rag kaliya ay ku tartamayaan.

Afarta kursi iyo sida loogu kala tartamayo ayaa kala ah:

Kursiga 5-aad: Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh
Kursiga 6-aad: Ibraahim Awgaab Cusmaan iyo Farxiya Macallin Cabdi
Kursiga 7-aad: Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar
Kursiga 8-aad: Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali

Dhameystirka doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan maamulada, ayaa waxay soo dhaweynaysa in la gudo galo doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Gulufka dagaal ee GURICEEL ku wajahan oo gaabis uu ku yimid – Maxa isbeddelay?

Guriceel (Caasimada Online) – Hal toddobaad ayaa laga jooggaa tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay billaabeen inay u jiheystaan dhinaca Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Labada ciidan ayuu qorshahoodu yahay inay magaalada ka saaraan Xoogaga Ahlu Sunna, oo 1-dii bishan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Ciidamada ayaa la soo sheegaya inay ku sugan yihiin goob aan ka fogayn Tuulo Sadiiq, oo hal habeen ka hor ay gaareen. Tuuladan ayaa ku taala jidka u dhaxeeya Guriceel iyo deegaanka Ceeldheere, oo 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Hawlgalka ciidamada oo gaabis badan uu ka muuqanayo ayaa loo aaneynayaa iyadoo Xoogaga Ahlu Sunna la tuhunsan yahay inay ka ag-dhow yihiin goobaha ay ciidamada ku safrayaan.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada Guriceel iyo wadooyinka soo galaba, iyagoo sidoo kalena bannaanada magaaladaasi ka sameystay dhufeysyo waaweyn.

Colka ku sii jeeda Guriceel ayaa dadka deegaanka ku khasbay in intooda badan ay isaga barakacaan guryahooda, iyagoo gaaray miyiga fog ee Guriceel.

Sidoo kale waxaa hakad-galay goobihii waxbarashada iyo ganacsigii ka jiray magaaladaasi, sababo ku aaddan dadka oo ka baxsanaya in lagu dul dagaalamo.

Cabdulqaadir Jaamac Tarabi oo ka mid ah Maamulada Iskuulada Guriceel ayaa sheegay in xiisadda ka taagan gobolka ay saamayn weyn ku yeelan doonto, kaalmihii hore ee ardayda Galmudug ka geli jireen Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka qaaddo.

Sida uu sheegay Guriceel iyo bannaanadeeda waxaa ku yaala illaa afartan iskuul, oo ay wax ka baraneysay toban kun oo arday, arrinta walaaca ku haysana ay tahay hubinta la’aanta ka jirta gobolkaasi.

“Inkastoo hadda waqti kooban ay tahay waqtiga waxbarashada hakadka ku jirto, laakiin midda walwalka nagu haysaa waxay tahay waqtiga ay dhammaanayso colaaddaan ayaynaan garanayna” ayuu yiri Cabdulqaadir Jaamac Tarabi oo la hadlay BBC.

Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa in badan ka digay xiisadda ka jirta gobolka, iyadoo ay qaarkood ku baaqeen in wada hadalo lagu dhammeeyo, waxaase mooddaa in dhegaha laga fureystay baaqyadoodaasi, inkastoo Hoggaanka Ahlu Sunna ay sheegeen inay diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan Galmudug, dagaal-na aanay doonayn in lagu khasbo mooyee.

Sidoo kale, wakiilada Beesha Caalamka oo shalay la hadlay madaxweyne Qoor Qoor ayaa kula taliyey inuu sameeyo wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Galmudug, gaar ahaan magaalada Gurceel, iyagoo ka digay in hadii uu dagaal qarxo uu saameyn ku yeelan doono dhinacyo badan oo geedi socoda doorashooyinka dalka ay ugu horeyso.

Sawirro: QM oo hal arrin ku bogaadisay Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo maanta gaartay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo wafdigan ka socday Qarmada Midoobay ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka guud ee dalka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka 2021-ka”

Marwo Anita Kiki Gbeho madasha ka hadashay ayaa ku boggaadisay hoggaanka dowlad goboleedka Jubbaland, sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare, maadaama afarta kursi ee uu liiskooda xalay shaaciyey Axmed Madoobe lagu soo daray dumar.

Sidoo kale ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in QM ay tageerayso howlaha doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Kulankan ayaa ku soo aadayao, iyada oo haatan Jubbaland ay soo gaba-gabeyneyso doorashada Aqalka Sare, waxaana la dooran afarta senatar ee ku harsan maamulkaasi.

Soomaaliya ayaa waxa ay ku jirtaa marxalad kala guur ah iyo xaalad doorasho, waxaana dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ay wadaan dadaalkooda ugu dambeeyey.

Si kastaba, dhowaan ayaa la filayaa in la guda-galo doorashada Golaha Shacabka oo ka xiiso iyo xamaasad badan mida Aqalka Sare e baarlamaanka Soomaaliya.

Dacwadda Badda iyo laba guul-darro oo kale oo ay la kulantay xukuumadda Uhuru

0

Go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda waxa uu ahaa xukunkii saddexaad ee ay maxkamad ku dhawaaqday oo niyad jab ku noqday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, sida uu qoray wargeyska Standard ee ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya.

Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda.

Waxay guul darrooyinkaas ku mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood ka hor ahayd:

Dacwadda Badda

Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go’aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ.

Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya.

Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay “guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”.

Diiwaangelinta shacabka Kenya

Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd.

Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado.

Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka.

Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar.

Mashruuca BBI

Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka.

Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay.

20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI.

Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas.

Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sameyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhinaca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qareennada firfircoon ee dowladda.

ISha: BBC SOMALI

DF oo shaacisay shirkado kalluumeysi sharci darro ah ka wada biyaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan dowlado shisheeye iyo hey’addo kale oo ku howlan kaluumeysi sharci daro ah oo biyaha Soomaaliya ay ka wadaan.

Suleymaan ayaa xusay inay jiraan dadka Soomaaliyeed oo hey’adahaas iyo dalalkaas ku gacan siinayo kaluumeysi sharci daro, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhameystiran uga go’an tahay inay ka hor tagto kalluumeysiga sharci darrada ah oo ay biyaha Soomaaliya ka wadaan shirkadaha shisheeye.

Wuxuu xusay in Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loola dagaalami lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah.

“ Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda dalka wuxuu kamid yahay musiibooyinka waaweyn ee ka jira Kheyraadka dalka, waxaana Soomaaliya usoo shaqo tagay dad rabo inay si sharci darro ah uga faa’ideystaan kheyraadka dalkeena” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa uu faray Ciidamada Badda Soomaaliya inay soo qabtaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya si loo marsiiyo caddaaladda.

Hadalka kasoo yeeray xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xilli 12-ka bishaan ay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay Soomaaliya u xukuntay murankii ka taagnaa qeybo kamid ah Badda Soomaaliya oo ay sheegatay Kenya.

AXMED MADOOBE oo soo saaray liiska murashaxiinta AQALKA SARE ee ku haray

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay soo saaray liiska murashaxiinta afarta kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan maamulkiisa.

Jubaland ayaa aheyd maamulkii ugu horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare, hase yeeshee in ka badan laba bil ayey sabab aan la aqoon u haysteen doorashada kuraasta kale.

Liiska uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa laba ka mid ah kuraasta waxaa si gaar ah loogu xiray haween, halka mid kale ay ku tartamayaan haween iyo rag, midna rag kaliya ay ku tartamayaan.

Afarta kursi iyo sida loogu kala tartamayo ayaa kala ah:

Kursiga 5-aad: Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh
Kursiga 6-aad: Ibraahim Awgaab Cusmaan iyo Farxiya Macallin Cabdi
Kursiga 7-aad: Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar
Kursiga 8-aad: Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali

Guddiga doorashada Jubaland ayaa lagu wadaa inay isla maanta shaaciyaan xilliga ay dhaceyso doorashada, ayada oo ay u badan tahay in la qabto isla toddobaadkan.

Haddii doorashada Aqalka Sare ay kasoo dhammaato Jubaland, waxaa haraya kaliya laba kursi oo ku harsan maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoor Qoor.

Beesha caalamka oo shalay wada-hadal la yeelatay Qoor Qoor ayaa uga digtay inuu dagaal ku qaado Ahlu-Sunna, taasi oo qiil uu uga dhigan karo inuu doorashada dib usii dhigo.

Hoos ka arag liiska uu soo saaray Axmed Madoobe

Jaaliyadda SOOMAALIDA UK oo ay soo wajahday halis

0

London (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool UK ayaa sheegay in ay soo gaareen Fariimo hanjabaad ah oo uga imaanaya Dad ka xun dilka loo geystay Xildhibaan David Amess oo dilkiisa loo xiray Wiil Asal ahaan Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Britain.

Jaaliyadda Soomaalida ee UK ayaa bilaabay iney Soomaalida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaatay, kadib markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegtay in tiro kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gaartay hanjabaad qaarkood lagu wargeliyay in loo dili doonno sabab la xiriirta Cali Xarbi Cali oo ku eedeysan dilka Xildhibaan David Amess.

Hoggaamiyayaasha jaaliyadda ayaa bilaabay inay ka wacyi galiyaan Soomaalida nidaambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii booliisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weydiiyo loo baahdo.

Kaahiye Cilmi oo ah Afhayeenka guddiga ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Dowladda ay u gudbiyeen wax ka qabashada Caga-jugleynta lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Warbaahinta ayaa nagu bidhaameysa Dadka Hanjabaya, Dadka waddankaan degen waxa ay fiirinayaan Magaca Soomaaliya oo ma eegayaan kan British, Dadka neceb Ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta ayaa bilaabay in ay direen Waraaqo Hanjabaad ah, waxaana la xiray Xafiisyada qaar si looga feejignaado sheekadaan socota” ayuu yiri Kaahiye Cilmi.

Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, da’diisuna tahay 25 sano jir. Wiilkaan ayaa ku dhashay Ingiriiska, wuxuuna diyaarinayey takhasus dhakhtarnimo.

Sidoo kale, waalidka ruuxa xiran ayey dhawaan booliiska Ingiriiska ka qaadeen taleefankiisa gacanta, si baaritaan dheeraad looggu sameeyo.

TPLF oo war kasoo saartay duqeynta ay diyaaradaha Itoobiya ee gobolka Tigray

0

Mek’elle (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sii xoojiyey weerarada iyo gulufka ka dhanka ah Tigrayga oo ay ka geysaneyso gudaha gobalka iyo qeybaha ay ku sugan yihiin Jabhadda.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa weeraar dhanka cirka ah waxay ka fuliyeen magaalada Caasimadda u ah Gobolka Tigrayga ee Mek’elle.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Afka Tigrayga ku hadasho, weerarada dhanka cirka ah ayaa waxay khasaaro u geysteen dadka shacabka oo ku sugan magaalada duqeynta laga fuliyey.

Maleeshiyada TPLF ayaa awoodi waayey inay iska caabiyaan weerarada ay geysanayaan ciidamada Federaalka Itoobiya kadib markii jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen diyaaradaha dagaalka.

In ka badan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen weerarada lagu qaaday xaafadaha Mek’elle, waxaana dhaawaca lagu sheegay illaa 10.

Dhakhaatiirta Isbitaalka weyn ee Magaalada oo la geeyey dadkii ku dhaawacmay duqeymaha ayaa sheegay in magaalada laga geystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha.

TPLF ayaa dhankeeda shaacisay in weerarka ciidamada Itoobiya ay soo qaaden in aysan jirin cid ciidamadooda ka tirsan oo waxyeello ay ka soo gaartay.

Gobalka ayaa laga soo warinaya in ay ka taagan tahay 24-ki saac ee la soo dhaafay xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen howl gallo ka dhan ah TPLF.

Midawga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay sameeyaan heeshiis xabad joojin ah lana ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Jubbaland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Amniyaatka Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsanaa amniyaatka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab kadib howlgal laga sameeyey gudaha Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulkaas.

Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay hey’adda sirdoonka Jubbaland, xubnaha ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ku dhuumaaleysanayey gudaha Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Jubbaland (JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah kooxaha argagaixisada ee ku dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hey’adda.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri  “Howlgalladaan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada iyadoo qeybo kalena lagu daba jiro”.

Hey’adda JISA ayaa sheegtay inay dhawaan warbaahinta iyo shacabka la wadaagi doonto warbixin dhameystiran oo ku saabsan xubnaha gacanta lagu soo dhigay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen oo ay sheegtay inay liddi ku ahaayeen amniga dadka iyo dalkaba.

Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay hey’adda ayey baaq ugu dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Jubbaland.

“Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalada ay hey’adda JISA ka bilowday Magaalada Kismaayo ayaa waxay kusoo aadayaan xilli ay Jubbaland isku diyaarineyso qabashada doorashooyinka Aqalka Hoose oo la filayo in lagu qabto Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.

Xog: BEESHA CAALAMKA oo soo faro-gelisay xiisadda Galmudug iyo Qoor Qoor oo hal arrin laga dalbaday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka e Soomaaliya ayaa galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxay kula shireen qadka Zoom-ka, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay deegaanada maamulka Galmudug.

Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas dhex-maray Qoor Qoor iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa sheegaysa in arrimaha lagala hadlay Madaxweynaha Galmudug ay ka mid aheyd xaaladda kacsan ee magaalada Gurceel.

Si qota dheer ayaa looga hadlay gulufka dagaal ee maamulka Galmudug uu qorsheynayo inuu ku soo ceshado gacan ku heynta magaalada Gurceel oo mudo ku dhaw bil gacanta ugu jirta xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ilo wareedyo qeyb ka ahaa kulankaas ayaa noo xaqiijiyey in xubnaha Beesha Caalamka ay Qoor Qoor kula taliyeen inuu sameeyo wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Galmudug, gaar ahaan magaalada Gurceel, iyagoo ka digay in hadii uu dagaal qarxo uu saameyn ku yeelan doono dhinacyo badan oo geedi socoda doorashooyinka dalka ay ugu horeyso.

Sidoo kale wakiillada Beesha  Caalamka ayaa Madaxweynaha Galmudug ka dalbaday inuu deg deg u soo dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana haatan Galmudug ku dhiman laba Senator.

Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa wajaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in dhowr jiho ay kasoo kulaalayaan ciidamada Galmudug iyo kuwo dowladda federaalka ee Muqdisho laga soo daabulay.

Dadkii ku noolaa magaalada ayaa u cararay dhulka miyiga ah iyo deegaanada fogfog, si ay uga badbaadaan hardanka colaadeed ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Galmudug, maalmo badan ayaa la isku hor fadhiyey afaafka hore ee magaalada iyo deegaanada ku hareereysan, balse hada waxaa heerkii ugu sareeyey maraya filashada dagaal ka qarxa Gurceel saacadaha soo socda.

Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey saameynta uu ku reebay khilaafka Farmaajo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta daahfuray ‘kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga xukuumadiisa’ oo lagu dardar galinayo shaqooyinka wasaaradaha maamulkaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in daadejinta adeegyada iyo hey’adaha dowliga ah ee Jubbaland uu dib u dhac weyn ku keenay khilaafka maamulkaas kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Farmaajo hoggaamiyo.

“Waxaan u baahanahay inaan helno dowlad ka shaqeysa la noolaashaha wadamada deriska nala ah iyo aduunka intiisa kaleba, oo aan ilaalino sumcadda dowladnimadeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda uu diyaar u yahay, una diyaarsan yihiin qorshayaal lagu daadejinayo adeegyada dowliga ah ee deegaanada Jubbaland.

“Waxaan diyaar u nahay inaan daadejino dowladnimada Jubaland, waxaan culeyska saareynaa Jubbaland oo sideedii hore ku soo noqota, ganacsiga aan furfurno, maalgashi aan keeno, oo aan dhisno Jubbaland caawi karta Soomaalida kale ee walaalaheeda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadiisa ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday inay la yimaadaan qorshe ay ku xaqiijinayaan la imaashaha adeegyada ay dadku ka sugayaan.

Hoos ka daawo

Daawo: Caro ka dhalatay markii ‘wakiilka SHIICADA ee SOOMAALIYA’ lagu arkay Maxfal ku yaalla Muqdisho

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xuska dhalashada Nabigeena Muxammed (NNKH) ayaa maanta lagu qabtay Nin sitay calanka Shiicada, sida uu soo bandhigay maamulka maxfalkaas.

Sheekh Cabdifataax oo kamid ah culimada madxafka oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in Ninkaas uu sheegtay inuu yahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, islamarkaana aan loo baahneyn in dalkeena Soomaaliya lagu faafiyo fikirka Shiicada.

“Ninka aan maanta ku qabanay waan kulanay, waxay soo qaateen Camera iyo calankaas oo ay ku qoran tahay “Yaa Xuseyn”. Waxaa u sheegaya dadka Ahlu-Sunna Waljamaaca in aan raali ka aheyn balaayada kasoo dhex dhalaneysa mowlacyada,” ayuu yiri Sheekh Cabdifataax.

“Ninka aan calanka ka qaadnay waxa uu afkiisa ka yiri waxaa ahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, Shiico miyaa u rabnaa Soomaaliya? oo umadda gaaleysiinaya, ma waxaasa qaadan karnaa, Culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca nahay ee dadka mowlacyada ku dhex dhuumaya waxaas soo qabta yaa la idinku dhex dhuuman.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ninka maanta calanka lasoo dhex tagay munaasibada ka socotay Maxfalka uu mar hore dad u direy shirarka ka dhacaya Lubnaan oo u gaar ah Shiicada.

“Marka isku imaano wuu na dhex imaanaya sawir ayuu ka qaadaya email ayuu ku diraya Lubnaan iyo Iiran oo uu leeyahay eega meesha ay Shiicada Soomaaliya mareyso, ma anaga nala gadanayaa?.”

Sheekh Cabdifataax ayaa si weyn uga digay in mowlacyada Ahlu-Sunna ay ku dhex dhuuntaan dadka faafinaya Shiicada, ayna tahay in la iska dhex qabto, maadama uu sheegay in ay yihiin dad gaaleysiinaya muslimiinta.

Ma aha markii u horeysay ee gudaha Soomaaliya lagu sheego dad faafinaya fikiro diimo kale ah, hase yeeshe waa markii u horeysay ee Nin sheeganaya in uu wakiil Soomaaliya ee Shiicada uu calan la dhex tago maxfal kamid ah kuwa dalka.

Afar weeraro dhimasho leh oo rag Soomaali ah ay dalalka reer galbeedka ka geysteen

0

London (Caasimada Online) – Booliska Britain ayaa labo maalin ka hor Nin Soomaali ah u qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess, falkaasi oo hadal hayn badan dhaliyey.

Wiilka Soomaaliga ah ee lala xiriirinayo dilka David, Cali Xarbi Cali ma aha Soomaaligii ugu horeeyay ee fal noocaas ah ku lug yeesha, gudaha dalkaas iyo magaalooyin kale oo kamid ah dalalka ree galbeedka.

Marka laga soo tago dilka ugu dambeeyay ee dhacay 15-kii bishan October, waxaa jira kuwo kale oo rag Soomaali ah ay ku lug lahaayeen, waxaana warbixintaan ku eegeyna 4 kamid ah dilalkii ugu hadal haynta badnaa ee lugaha la galay dad Soomaali ah.

1. Dilka dhawaan loo geystay Sir David Amess: falkaan waxaa u xiran Cabdi Xarbi Cali oo loo haysto inuu toorey ku dilay xildhibaanka oo ka tirsanaa xisbiga asal raaca, ahaan mudane ka tirsan baarlamaanka Britain.

Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

Falkaas ayay dowladda UK ku tilmaamtay mid argagixisanimo ah. Waxaa xusid mudan in Cali uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka gudaha UK ee MI5.

25 jirkan oo heysta dhalashada UK balse kasoo jeeda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla goobta uu dilka ka dhacay. Tan iyo maalintii Sabtida waxaa socda baaritaan ay boolisku ku hayaan kiiskan.

2. Dilkii 25-kii bishii June ka dhacay Würzburg ee dalka Jarmalka: Nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan oo Soomaali ah ayaa saddex ruux ku dilay magaaladaas, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Sida ay sheegeen xiligaas laamaha amniga in si rasmi ah loo ogeyn ujeedad ka dambeysa falkaas, waxayna gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay oo 24 jir ah kaddib markii ay lugta ka toogteen.

3. Dilkii bartamihii bishii December ee sanadkii 2020-kii: Booliska Australia ayaa toogasho ku dilay nin asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmay argagixisanimo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Raage Maxamed Cabdi.

Saraakiisha ayaa xiligaas sheegay in Rage Maxamed Cabdi uu sameeyay wax ay ugu yeeren “hanjabaad dhanka afka ah”, inkasta oo qareennadiisa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan.

Raage oo 22 jir ahaa ayaa markii la dilayay ku hubeysnaa toori sida uu tabiyay telefishinka ABC ee fadhigiisu yahay Australia. Laamaha amaanka oo ay soo wargaliyeen dad shacab ah ayaa ninkaas kula kulmay waddo mashquul badan.

4. Baxsadihii UK ee 2010-kii: Ilaa hadda waxa ay booliska Britain ku howlan yihiin raadinta nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cige, kaasi oo loo haysto dilka Aamir Siddiqi oo xiligaas ahaa 17 jir, wuxuuna 11 sano ka hor ka dhacay gudaha UK.

Maxamed ayaa la rumeysan yahay in uu jiro 43 ayaa markii hore u cararay dalka Hindiya, isagoo ka baxsanayay booliska Wales oo ku raad joogay, waxaana sanadkii xigay ee 2011-kii lagu xiray gudaha Hindiya, isagoo loo haystay tuhun la xiriira dil.

Hase yeeshe Cige ayaa baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK, oo illaa hadda ku howlan soo gacan gelintiisa.

Si kastaba, Dilalka ka dhaca dalalka reer galbeedka waxaa sidoo kale dhibanayaal u noqday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, taasi oo sababtay in waalidiinta qaarkood ay wiilashooda u diraan Soomaaliya, si ay uga fogeeyaan dambiyada lagu geysto mindiyaha iyo isticmaalka daroogada.

Ahlu-Sunna oo saddex jiho laga hareereeyey iyo wararkii ugu dambeeyey Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda Galmudug ayaa sii cakirmeysa kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo ay wadeyn odayaasha magaalada Guriceel oo ay ku doonayeen in kooxda Ahlu Sunna ay si nabad ah uga baxdo magaalada oo aan lagu dul dagaalamin dadka maatada ah.

Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inay ku gacan seyrtay dhowr kulan oo ay odayaasha deegaanka la yeesheen, si gaar ah Sheekh Maxamed Shaakir oo hoggaaminayey gulufkii ay kooxdaan ku qabsatay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inuu diiday inuu magaalada ka saaro ciidanka kooxdaan.

Sida aan xog ku helnay, dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Galmudug ayaa la xaqiijiyey inay daabushay ciidankii ugu xooganaa iyadoo geysay jihooyinka laga soo galo ama laga soo baxo ee Magaalad Guriceel.

Kooxda la baxday Ahlu Sunna hadda ciidan ahaan waa hareereysan tahay, cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa shalay tagay Magaalada Matabaan iyo hareeraheeda, waxaana loogu talagalay inay toos u aadaan Magaalada Guriceel haddii laga fursan waayo dagaal.

Ciidan kale oo xoog leh ayaa dhanka Dhuusamareeb xigta ka jooga Magaalada, halka ciidan kale la geeyey tuulo si xagal ah ugu aadan jihada Balanbal.

Seddexdaas jiho ayey Galmudug geysay ciidanka loogu talagalay inay dib ula wareegaan Magaalada muhiimka ah ee Guriceel, waxaana la xaqiijiyey inay sugayaan go’aanka ugu dambeeyo ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku jira wada-tashiyadii ugu dambeeyey.

Odayaal deegaanka ah oo is xilqaamay ayaa ku fashilmay inay xal ka keenaan xiisadda ka taagan magaalada Guriceel, waxaana magaalada isaga baxay inta badan Shacabkii ku noolaa.

Ahlu Sunna ayaa ku adkeysatay inaysan ka baxeyn magaalada Guriceel sida uu dhawaan saxaafadda u sheegay Taliyaha guud ee ciidanka Ahlu Sunna Cali Faarax.

Sawirka Cali Xarbi Cali iyo xog ku saabsan cidda xagjir ka dhigtay oo la shaaciyey

London (Caasimada Online) – Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London.

Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu qasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sano kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn.

Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo aysan jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay.

Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa horey waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo.

Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xiriira taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sano jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa aysan gaarin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. 

Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhaqtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS.

Xarbi Cali Kulane oomarkii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yiri “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.”

“Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane.

Sheekh Bashiir oo weerar culus ku qaaday Ahlu Sunna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa weerar culus oo dhanka afka ah u qaaday Ururka Ahlu Sunna Waljaamaca ee haatan dhaq-dhaqaayada ciidan ka wada degaanada maamulka Galmudug.

Sheekh Bashiir oo ka mid ah Jamaacada Al Ictisaam ayaa shaaciyey in hoggaanka Ahlu Sunna ay fikir ahaan la mid ah yihiin Al-Shabaab, ayna isaga mid yihiin in xukunka lagu raado hub iyo awood dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Al Shabaab iyo nimanka la baxay magaca Ahlu Sunna waxa ay ka midaysanyihiin fikar siyaasi ah oo hub lagu hirgalinayo oo awood iyo dagaal loo isticmaalayo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligii hubka laga qaadanayey ay aheyd markii uu dalka dowlad la’aanta ahaa, isla-markaana laga soo gudbay.

Sheekh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Culimada looga baahan yahay kaliya inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta guud ee bulshada iyo inay faafiyaan Diinta Islaamka.

“Qofka Sheekha ah shaqada u feecan ee uu qabo karo waa dacwo, waa wax u sheeg, marka maanta cid kastoo hub wadata, hubkaas is leh diinta ugu adeeg waxaan leenahay waa lagu soo gubtay faa’iido malahan dhiig xaaraan ah ayaad daadinaysaa, dad baad dulminaysaa, wax aan laguu diran oo aan diinta iyo Allah kuu diran ayaad isi saaraysaa, taas oo dulmi noqonaysa, diinta magaceeda aad ku ciyaaraysaa” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wado magaalada Guriceel oo ay dhowaan dib u qabsadeen ciidamadeeda.

Si kastaba, dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda guud ee maamulka Galmudug oo markii hore dagaal culus kula jiray kooxda Al-Shabaab.

PUNTLAND oo fashilisay qorshe uu deegaanadeeda ka waday taliye XIJAAR – Xog

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ogaatay, kadibna ay fashilisay qorshe gaar ah oo uu deegaanada maamulkaas ka lahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Wararka ayaa sheegaya in Xijaar uu bilaabay in dhalinyaro kasoo jeedo beeshiisa uu ka qorto magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliya.

Dhalinyaradaas oo la sheegay inay kor u dhaafayaan illaa boqol ayaa saraakiil ka tirsan Puntland waxa ay shaaciyeen in lagu diiwaan-gelisay xarun laga sameeyey Buuhoodle.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi qaarkood loo qaaday Kulliyadda ciidanka ee Carmo, halka kuwa kalena Puntland ay ku xirtay magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay halkaasi ku marayeen socdaal dhuumasho ah.

Puntland ayaa sidoo kale ku guuleysatay in ay dib u soo celiso ku dhowaad 30 dhalinyaro ah oo la geeyey kuliyadda Carmo, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ayaa shaki weyn ka muujisay ciidamadaasi iyo sababta keentay in hal beel laga qoro, si ay ugu biiraan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan arrinta dhalinyaradaasi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanadaasi, kuna biiray ciidamada Soomaaliyeed.

Xoghayihii Arrimaha Dibedda Mareykanka Jeneral Collin Powell oo geeriyooday

Washington (Caasimada Online) – Jeneral Collin Powell oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee noqda Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 84 jir ah.

Powell ayaa si buuxda uga tallaalnaa cudurka, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo dhigaeen Facebook.

“Waxaan maanta weynay sey, aabe, awoowe iyo American weyn oo aan caadi aheyn,” ayey qoyska ku yiraahdeen qoraalkooda. 

Powell ayaa ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dadka madow ee Mareykanka.

Waxaa jagooyin sare u magacaabay saddex madaxweyne oo Jamhuuri ah, wuxuuna soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka.

Powell oo lagu dhaawacay dagaalkii Vietnam, ayaa la-taliyaha amniga qaranka u noqday madaxweyne Ronald Reagan 1987-illaa 1989-kii.

Wuxuu taliyaha guud ee ciiidamada Mareykanka noqday intii uu madaxweyne ahaa George H.W. Bush iyo intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1991-kii.

Madaxweyne George W Bush ayaa Powell u magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sanadkii 2000, xilkaas oo uu hayey illaa 2004.

Powell ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa xog la sheegay inay been aheyd oo uu Golaha Ammaanka QM horgeeyey 5-tii Febraayo 2003, si uu qiil ugu raadiyo dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraq ee lagu riday Saddam Hussein.

Waxa uu mar dambe qirtay in xogtaas ay aheyd mid aan sax aheyn oo ku timid sirdoon been ah oo ay heleen.

Aabaha Soomaaliga lagu tuhmayo dilka xildhibaan Sir DAVID AMESS oo hadlay

London (Caasimada Online) – Xarbi Cali Kulane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, isaga oo wargeyska The Sunday Times u xaqiijiyey in loo xiray dilka xildhibaan David Amess.

Xildhibaan Sir David Amess ayaa Jimcihii dhintay kadib markii sida la tuhunsan yahay uu Cali ku weeraray mindi, ayada oo la rumeysan yahay inuu ku dhuftay ugu yaraan 12 jeer, xilli uu ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

“Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh,” ayuu Xarbi Cali Kulane, oo mar la taliye u ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, u sheegay wakaaladda wararka Reuters oo uu email ugu jawaabay.

“Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane, oo sidoo kale mar soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Booliska Britain ayaa Axaddii baaritaan ku sameeyey guriga Cali Xarbi Cali ee waqooyiga magaalada London. 

Dhinaca kale, qoyska Sir David Amess ayaa baaq u diray shacabka Britain. 

“Dhinac iska dhiga naceybka, kana shaqeeyaa midnimada. Midabka, diinta ama aragti siyaasadeed kasta oo midkiin uu haysto, isku dulqaata,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen oo ay sii daayeen booliska UK.

Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey.

Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo.

Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.