25.2 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Jaaliyadda SOOMAALIDA UK oo ay soo wajahday halis

0

London (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool UK ayaa sheegay in ay soo gaareen Fariimo hanjabaad ah oo uga imaanaya Dad ka xun dilka loo geystay Xildhibaan David Amess oo dilkiisa loo xiray Wiil Asal ahaan Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Britain.

Jaaliyadda Soomaalida ee UK ayaa bilaabay iney Soomaalida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaatay, kadib markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegtay in tiro kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gaartay hanjabaad qaarkood lagu wargeliyay in loo dili doonno sabab la xiriirta Cali Xarbi Cali oo ku eedeysan dilka Xildhibaan David Amess.

Hoggaamiyayaasha jaaliyadda ayaa bilaabay inay ka wacyi galiyaan Soomaalida nidaambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii booliisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weydiiyo loo baahdo.

Kaahiye Cilmi oo ah Afhayeenka guddiga ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Dowladda ay u gudbiyeen wax ka qabashada Caga-jugleynta lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Warbaahinta ayaa nagu bidhaameysa Dadka Hanjabaya, Dadka waddankaan degen waxa ay fiirinayaan Magaca Soomaaliya oo ma eegayaan kan British, Dadka neceb Ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta ayaa bilaabay in ay direen Waraaqo Hanjabaad ah, waxaana la xiray Xafiisyada qaar si looga feejignaado sheekadaan socota” ayuu yiri Kaahiye Cilmi.

Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, da’diisuna tahay 25 sano jir. Wiilkaan ayaa ku dhashay Ingiriiska, wuxuuna diyaarinayey takhasus dhakhtarnimo.

Sidoo kale, waalidka ruuxa xiran ayey dhawaan booliiska Ingiriiska ka qaadeen taleefankiisa gacanta, si baaritaan dheeraad looggu sameeyo.

TPLF oo war kasoo saartay duqeynta ay diyaaradaha Itoobiya ee gobolka Tigray

0

Mek’elle (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sii xoojiyey weerarada iyo gulufka ka dhanka ah Tigrayga oo ay ka geysaneyso gudaha gobalka iyo qeybaha ay ku sugan yihiin Jabhadda.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa weeraar dhanka cirka ah waxay ka fuliyeen magaalada Caasimadda u ah Gobolka Tigrayga ee Mek’elle.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Afka Tigrayga ku hadasho, weerarada dhanka cirka ah ayaa waxay khasaaro u geysteen dadka shacabka oo ku sugan magaalada duqeynta laga fuliyey.

Maleeshiyada TPLF ayaa awoodi waayey inay iska caabiyaan weerarada ay geysanayaan ciidamada Federaalka Itoobiya kadib markii jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen diyaaradaha dagaalka.

In ka badan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen weerarada lagu qaaday xaafadaha Mek’elle, waxaana dhaawaca lagu sheegay illaa 10.

Dhakhaatiirta Isbitaalka weyn ee Magaalada oo la geeyey dadkii ku dhaawacmay duqeymaha ayaa sheegay in magaalada laga geystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha.

TPLF ayaa dhankeeda shaacisay in weerarka ciidamada Itoobiya ay soo qaaden in aysan jirin cid ciidamadooda ka tirsan oo waxyeello ay ka soo gaartay.

Gobalka ayaa laga soo warinaya in ay ka taagan tahay 24-ki saac ee la soo dhaafay xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen howl gallo ka dhan ah TPLF.

Midawga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay sameeyaan heeshiis xabad joojin ah lana ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Jubbaland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Amniyaatka Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsanaa amniyaatka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab kadib howlgal laga sameeyey gudaha Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulkaas.

Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay hey’adda sirdoonka Jubbaland, xubnaha ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ku dhuumaaleysanayey gudaha Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Jubbaland (JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah kooxaha argagaixisada ee ku dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hey’adda.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri  “Howlgalladaan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada iyadoo qeybo kalena lagu daba jiro”.

Hey’adda JISA ayaa sheegtay inay dhawaan warbaahinta iyo shacabka la wadaagi doonto warbixin dhameystiran oo ku saabsan xubnaha gacanta lagu soo dhigay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen oo ay sheegtay inay liddi ku ahaayeen amniga dadka iyo dalkaba.

Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay hey’adda ayey baaq ugu dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Jubbaland.

“Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalada ay hey’adda JISA ka bilowday Magaalada Kismaayo ayaa waxay kusoo aadayaan xilli ay Jubbaland isku diyaarineyso qabashada doorashooyinka Aqalka Hoose oo la filayo in lagu qabto Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.

Xog: BEESHA CAALAMKA oo soo faro-gelisay xiisadda Galmudug iyo Qoor Qoor oo hal arrin laga dalbaday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka e Soomaaliya ayaa galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxay kula shireen qadka Zoom-ka, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay deegaanada maamulka Galmudug.

Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas dhex-maray Qoor Qoor iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa sheegaysa in arrimaha lagala hadlay Madaxweynaha Galmudug ay ka mid aheyd xaaladda kacsan ee magaalada Gurceel.

Si qota dheer ayaa looga hadlay gulufka dagaal ee maamulka Galmudug uu qorsheynayo inuu ku soo ceshado gacan ku heynta magaalada Gurceel oo mudo ku dhaw bil gacanta ugu jirta xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ilo wareedyo qeyb ka ahaa kulankaas ayaa noo xaqiijiyey in xubnaha Beesha Caalamka ay Qoor Qoor kula taliyeen inuu sameeyo wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Galmudug, gaar ahaan magaalada Gurceel, iyagoo ka digay in hadii uu dagaal qarxo uu saameyn ku yeelan doono dhinacyo badan oo geedi socoda doorashooyinka dalka ay ugu horeyso.

Sidoo kale wakiillada Beesha  Caalamka ayaa Madaxweynaha Galmudug ka dalbaday inuu deg deg u soo dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana haatan Galmudug ku dhiman laba Senator.

Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa wajaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in dhowr jiho ay kasoo kulaalayaan ciidamada Galmudug iyo kuwo dowladda federaalka ee Muqdisho laga soo daabulay.

Dadkii ku noolaa magaalada ayaa u cararay dhulka miyiga ah iyo deegaanada fogfog, si ay uga badbaadaan hardanka colaadeed ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Galmudug, maalmo badan ayaa la isku hor fadhiyey afaafka hore ee magaalada iyo deegaanada ku hareereysan, balse hada waxaa heerkii ugu sareeyey maraya filashada dagaal ka qarxa Gurceel saacadaha soo socda.

Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey saameynta uu ku reebay khilaafka Farmaajo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta daahfuray ‘kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga xukuumadiisa’ oo lagu dardar galinayo shaqooyinka wasaaradaha maamulkaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in daadejinta adeegyada iyo hey’adaha dowliga ah ee Jubbaland uu dib u dhac weyn ku keenay khilaafka maamulkaas kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Farmaajo hoggaamiyo.

“Waxaan u baahanahay inaan helno dowlad ka shaqeysa la noolaashaha wadamada deriska nala ah iyo aduunka intiisa kaleba, oo aan ilaalino sumcadda dowladnimadeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda uu diyaar u yahay, una diyaarsan yihiin qorshayaal lagu daadejinayo adeegyada dowliga ah ee deegaanada Jubbaland.

“Waxaan diyaar u nahay inaan daadejino dowladnimada Jubaland, waxaan culeyska saareynaa Jubbaland oo sideedii hore ku soo noqota, ganacsiga aan furfurno, maalgashi aan keeno, oo aan dhisno Jubbaland caawi karta Soomaalida kale ee walaalaheeda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadiisa ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday inay la yimaadaan qorshe ay ku xaqiijinayaan la imaashaha adeegyada ay dadku ka sugayaan.

Hoos ka daawo

Daawo: Caro ka dhalatay markii ‘wakiilka SHIICADA ee SOOMAALIYA’ lagu arkay Maxfal ku yaalla Muqdisho

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xuska dhalashada Nabigeena Muxammed (NNKH) ayaa maanta lagu qabtay Nin sitay calanka Shiicada, sida uu soo bandhigay maamulka maxfalkaas.

Sheekh Cabdifataax oo kamid ah culimada madxafka oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in Ninkaas uu sheegtay inuu yahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, islamarkaana aan loo baahneyn in dalkeena Soomaaliya lagu faafiyo fikirka Shiicada.

“Ninka aan maanta ku qabanay waan kulanay, waxay soo qaateen Camera iyo calankaas oo ay ku qoran tahay “Yaa Xuseyn”. Waxaa u sheegaya dadka Ahlu-Sunna Waljamaaca in aan raali ka aheyn balaayada kasoo dhex dhalaneysa mowlacyada,” ayuu yiri Sheekh Cabdifataax.

“Ninka aan calanka ka qaadnay waxa uu afkiisa ka yiri waxaa ahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, Shiico miyaa u rabnaa Soomaaliya? oo umadda gaaleysiinaya, ma waxaasa qaadan karnaa, Culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca nahay ee dadka mowlacyada ku dhex dhuumaya waxaas soo qabta yaa la idinku dhex dhuuman.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ninka maanta calanka lasoo dhex tagay munaasibada ka socotay Maxfalka uu mar hore dad u direy shirarka ka dhacaya Lubnaan oo u gaar ah Shiicada.

“Marka isku imaano wuu na dhex imaanaya sawir ayuu ka qaadaya email ayuu ku diraya Lubnaan iyo Iiran oo uu leeyahay eega meesha ay Shiicada Soomaaliya mareyso, ma anaga nala gadanayaa?.”

Sheekh Cabdifataax ayaa si weyn uga digay in mowlacyada Ahlu-Sunna ay ku dhex dhuuntaan dadka faafinaya Shiicada, ayna tahay in la iska dhex qabto, maadama uu sheegay in ay yihiin dad gaaleysiinaya muslimiinta.

Ma aha markii u horeysay ee gudaha Soomaaliya lagu sheego dad faafinaya fikiro diimo kale ah, hase yeeshe waa markii u horeysay ee Nin sheeganaya in uu wakiil Soomaaliya ee Shiicada uu calan la dhex tago maxfal kamid ah kuwa dalka.

Afar weeraro dhimasho leh oo rag Soomaali ah ay dalalka reer galbeedka ka geysteen

0

London (Caasimada Online) – Booliska Britain ayaa labo maalin ka hor Nin Soomaali ah u qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess, falkaasi oo hadal hayn badan dhaliyey.

Wiilka Soomaaliga ah ee lala xiriirinayo dilka David, Cali Xarbi Cali ma aha Soomaaligii ugu horeeyay ee fal noocaas ah ku lug yeesha, gudaha dalkaas iyo magaalooyin kale oo kamid ah dalalka ree galbeedka.

Marka laga soo tago dilka ugu dambeeyay ee dhacay 15-kii bishan October, waxaa jira kuwo kale oo rag Soomaali ah ay ku lug lahaayeen, waxaana warbixintaan ku eegeyna 4 kamid ah dilalkii ugu hadal haynta badnaa ee lugaha la galay dad Soomaali ah.

1. Dilka dhawaan loo geystay Sir David Amess: falkaan waxaa u xiran Cabdi Xarbi Cali oo loo haysto inuu toorey ku dilay xildhibaanka oo ka tirsanaa xisbiga asal raaca, ahaan mudane ka tirsan baarlamaanka Britain.

Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

Falkaas ayay dowladda UK ku tilmaamtay mid argagixisanimo ah. Waxaa xusid mudan in Cali uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka gudaha UK ee MI5.

25 jirkan oo heysta dhalashada UK balse kasoo jeeda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla goobta uu dilka ka dhacay. Tan iyo maalintii Sabtida waxaa socda baaritaan ay boolisku ku hayaan kiiskan.

2. Dilkii 25-kii bishii June ka dhacay Würzburg ee dalka Jarmalka: Nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan oo Soomaali ah ayaa saddex ruux ku dilay magaaladaas, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Sida ay sheegeen xiligaas laamaha amniga in si rasmi ah loo ogeyn ujeedad ka dambeysa falkaas, waxayna gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay oo 24 jir ah kaddib markii ay lugta ka toogteen.

3. Dilkii bartamihii bishii December ee sanadkii 2020-kii: Booliska Australia ayaa toogasho ku dilay nin asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmay argagixisanimo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Raage Maxamed Cabdi.

Saraakiisha ayaa xiligaas sheegay in Rage Maxamed Cabdi uu sameeyay wax ay ugu yeeren “hanjabaad dhanka afka ah”, inkasta oo qareennadiisa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan.

Raage oo 22 jir ahaa ayaa markii la dilayay ku hubeysnaa toori sida uu tabiyay telefishinka ABC ee fadhigiisu yahay Australia. Laamaha amaanka oo ay soo wargaliyeen dad shacab ah ayaa ninkaas kula kulmay waddo mashquul badan.

4. Baxsadihii UK ee 2010-kii: Ilaa hadda waxa ay booliska Britain ku howlan yihiin raadinta nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cige, kaasi oo loo haysto dilka Aamir Siddiqi oo xiligaas ahaa 17 jir, wuxuuna 11 sano ka hor ka dhacay gudaha UK.

Maxamed ayaa la rumeysan yahay in uu jiro 43 ayaa markii hore u cararay dalka Hindiya, isagoo ka baxsanayay booliska Wales oo ku raad joogay, waxaana sanadkii xigay ee 2011-kii lagu xiray gudaha Hindiya, isagoo loo haystay tuhun la xiriira dil.

Hase yeeshe Cige ayaa baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK, oo illaa hadda ku howlan soo gacan gelintiisa.

Si kastaba, Dilalka ka dhaca dalalka reer galbeedka waxaa sidoo kale dhibanayaal u noqday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, taasi oo sababtay in waalidiinta qaarkood ay wiilashooda u diraan Soomaaliya, si ay uga fogeeyaan dambiyada lagu geysto mindiyaha iyo isticmaalka daroogada.

Ahlu-Sunna oo saddex jiho laga hareereeyey iyo wararkii ugu dambeeyey Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda Galmudug ayaa sii cakirmeysa kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo ay wadeyn odayaasha magaalada Guriceel oo ay ku doonayeen in kooxda Ahlu Sunna ay si nabad ah uga baxdo magaalada oo aan lagu dul dagaalamin dadka maatada ah.

Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inay ku gacan seyrtay dhowr kulan oo ay odayaasha deegaanka la yeesheen, si gaar ah Sheekh Maxamed Shaakir oo hoggaaminayey gulufkii ay kooxdaan ku qabsatay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inuu diiday inuu magaalada ka saaro ciidanka kooxdaan.

Sida aan xog ku helnay, dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Galmudug ayaa la xaqiijiyey inay daabushay ciidankii ugu xooganaa iyadoo geysay jihooyinka laga soo galo ama laga soo baxo ee Magaalad Guriceel.

Kooxda la baxday Ahlu Sunna hadda ciidan ahaan waa hareereysan tahay, cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa shalay tagay Magaalada Matabaan iyo hareeraheeda, waxaana loogu talagalay inay toos u aadaan Magaalada Guriceel haddii laga fursan waayo dagaal.

Ciidan kale oo xoog leh ayaa dhanka Dhuusamareeb xigta ka jooga Magaalada, halka ciidan kale la geeyey tuulo si xagal ah ugu aadan jihada Balanbal.

Seddexdaas jiho ayey Galmudug geysay ciidanka loogu talagalay inay dib ula wareegaan Magaalada muhiimka ah ee Guriceel, waxaana la xaqiijiyey inay sugayaan go’aanka ugu dambeeyo ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku jira wada-tashiyadii ugu dambeeyey.

Odayaal deegaanka ah oo is xilqaamay ayaa ku fashilmay inay xal ka keenaan xiisadda ka taagan magaalada Guriceel, waxaana magaalada isaga baxay inta badan Shacabkii ku noolaa.

Ahlu Sunna ayaa ku adkeysatay inaysan ka baxeyn magaalada Guriceel sida uu dhawaan saxaafadda u sheegay Taliyaha guud ee ciidanka Ahlu Sunna Cali Faarax.

Sawirka Cali Xarbi Cali iyo xog ku saabsan cidda xagjir ka dhigtay oo la shaaciyey

London (Caasimada Online) – Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London.

Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu qasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sano kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn.

Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo aysan jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay.

Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa horey waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo.

Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xiriira taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sano jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa aysan gaarin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. 

Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhaqtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS.

Xarbi Cali Kulane oomarkii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yiri “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.”

“Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane.

Sheekh Bashiir oo weerar culus ku qaaday Ahlu Sunna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa weerar culus oo dhanka afka ah u qaaday Ururka Ahlu Sunna Waljaamaca ee haatan dhaq-dhaqaayada ciidan ka wada degaanada maamulka Galmudug.

Sheekh Bashiir oo ka mid ah Jamaacada Al Ictisaam ayaa shaaciyey in hoggaanka Ahlu Sunna ay fikir ahaan la mid ah yihiin Al-Shabaab, ayna isaga mid yihiin in xukunka lagu raado hub iyo awood dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Al Shabaab iyo nimanka la baxay magaca Ahlu Sunna waxa ay ka midaysanyihiin fikar siyaasi ah oo hub lagu hirgalinayo oo awood iyo dagaal loo isticmaalayo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligii hubka laga qaadanayey ay aheyd markii uu dalka dowlad la’aanta ahaa, isla-markaana laga soo gudbay.

Sheekh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Culimada looga baahan yahay kaliya inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta guud ee bulshada iyo inay faafiyaan Diinta Islaamka.

“Qofka Sheekha ah shaqada u feecan ee uu qabo karo waa dacwo, waa wax u sheeg, marka maanta cid kastoo hub wadata, hubkaas is leh diinta ugu adeeg waxaan leenahay waa lagu soo gubtay faa’iido malahan dhiig xaaraan ah ayaad daadinaysaa, dad baad dulminaysaa, wax aan laguu diran oo aan diinta iyo Allah kuu diran ayaad isi saaraysaa, taas oo dulmi noqonaysa, diinta magaceeda aad ku ciyaaraysaa” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wado magaalada Guriceel oo ay dhowaan dib u qabsadeen ciidamadeeda.

Si kastaba, dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda guud ee maamulka Galmudug oo markii hore dagaal culus kula jiray kooxda Al-Shabaab.

PUNTLAND oo fashilisay qorshe uu deegaanadeeda ka waday taliye XIJAAR – Xog

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ogaatay, kadibna ay fashilisay qorshe gaar ah oo uu deegaanada maamulkaas ka lahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Wararka ayaa sheegaya in Xijaar uu bilaabay in dhalinyaro kasoo jeedo beeshiisa uu ka qorto magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliya.

Dhalinyaradaas oo la sheegay inay kor u dhaafayaan illaa boqol ayaa saraakiil ka tirsan Puntland waxa ay shaaciyeen in lagu diiwaan-gelisay xarun laga sameeyey Buuhoodle.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi qaarkood loo qaaday Kulliyadda ciidanka ee Carmo, halka kuwa kalena Puntland ay ku xirtay magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay halkaasi ku marayeen socdaal dhuumasho ah.

Puntland ayaa sidoo kale ku guuleysatay in ay dib u soo celiso ku dhowaad 30 dhalinyaro ah oo la geeyey kuliyadda Carmo, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ayaa shaki weyn ka muujisay ciidamadaasi iyo sababta keentay in hal beel laga qoro, si ay ugu biiraan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan arrinta dhalinyaradaasi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanadaasi, kuna biiray ciidamada Soomaaliyeed.

Xoghayihii Arrimaha Dibedda Mareykanka Jeneral Collin Powell oo geeriyooday

Washington (Caasimada Online) – Jeneral Collin Powell oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee noqda Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 84 jir ah.

Powell ayaa si buuxda uga tallaalnaa cudurka, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo dhigaeen Facebook.

“Waxaan maanta weynay sey, aabe, awoowe iyo American weyn oo aan caadi aheyn,” ayey qoyska ku yiraahdeen qoraalkooda. 

Powell ayaa ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dadka madow ee Mareykanka.

Waxaa jagooyin sare u magacaabay saddex madaxweyne oo Jamhuuri ah, wuxuuna soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka.

Powell oo lagu dhaawacay dagaalkii Vietnam, ayaa la-taliyaha amniga qaranka u noqday madaxweyne Ronald Reagan 1987-illaa 1989-kii.

Wuxuu taliyaha guud ee ciiidamada Mareykanka noqday intii uu madaxweyne ahaa George H.W. Bush iyo intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1991-kii.

Madaxweyne George W Bush ayaa Powell u magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sanadkii 2000, xilkaas oo uu hayey illaa 2004.

Powell ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa xog la sheegay inay been aheyd oo uu Golaha Ammaanka QM horgeeyey 5-tii Febraayo 2003, si uu qiil ugu raadiyo dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraq ee lagu riday Saddam Hussein.

Waxa uu mar dambe qirtay in xogtaas ay aheyd mid aan sax aheyn oo ku timid sirdoon been ah oo ay heleen.

Aabaha Soomaaliga lagu tuhmayo dilka xildhibaan Sir DAVID AMESS oo hadlay

London (Caasimada Online) – Xarbi Cali Kulane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, isaga oo wargeyska The Sunday Times u xaqiijiyey in loo xiray dilka xildhibaan David Amess.

Xildhibaan Sir David Amess ayaa Jimcihii dhintay kadib markii sida la tuhunsan yahay uu Cali ku weeraray mindi, ayada oo la rumeysan yahay inuu ku dhuftay ugu yaraan 12 jeer, xilli uu ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

“Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh,” ayuu Xarbi Cali Kulane, oo mar la taliye u ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, u sheegay wakaaladda wararka Reuters oo uu email ugu jawaabay.

“Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane, oo sidoo kale mar soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Booliska Britain ayaa Axaddii baaritaan ku sameeyey guriga Cali Xarbi Cali ee waqooyiga magaalada London. 

Dhinaca kale, qoyska Sir David Amess ayaa baaq u diray shacabka Britain. 

“Dhinac iska dhiga naceybka, kana shaqeeyaa midnimada. Midabka, diinta ama aragti siyaasadeed kasta oo midkiin uu haysto, isku dulqaata,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen oo ay sii daayeen booliska UK.

Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey.

Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo.

Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

Daawo: Xubnihii laga saaray gudiyada doorashada federal-ka oo war culus soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi ay ku midoobeen xubnihii laga saaray guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo jeediyey cabashooyin ay qabaan oo la xariira xaalado amni oo ay wajahayaan iyo xuquuq uga maqan dowladda, taas oo aan la siin mudadii ay shaqeynayeen.

Xubnahaan oo isugu jira kuwii laga reebay guddiyada doorashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo xalinta khilaafaadka ayaa sheegay inay shaqeynayeen ku dhawaad todoba bilood, isla markaana afar bilood oo ka mid ah aysan wax mushaar ah helin.

Sidoo kale xubnahaan waxay sheegeen in khataro amni ay wajahayaan, qaarkood ayaa ka soo jeeda deegaanada Somaliland, waxayna sheegeen inay u dakanoobeen dowladda Soomaaliya oo dib aysan ugu laaban karin deegaanadoodii.

Waxay sheegeen in marar badan ay codsiyo u dirteen ra’iisul wasaare Rooble oo xukuumadiisa ay ku eedeeyeen in aysan siin xuquuqdii iyo maasuusii ay ka mudnaayeen, mudadii ay la shaqeynayeen.

Mid ka mid ah xubnaha shirka jaraa’id qabtay ayaa yiri, “Waxaan ka xunahay in guddiyada doorashooyinka nala ka saaray, oo nala yiri ma meteli kartaan umadda Soomaaliyeed, wax na qabta maaheyn taas, laakiin xalbaa la mooday, hadda waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka in xuquuqdeenii nala siiyo.”

“Habraacyada iyo xeerarka ay maanta Soomaaliya doorashada ku gashay anagaa sameynay, bal iska daa in nala maamuusee xaqeenii ayaan weynay, anagoo markii hore shacab aheyn ayaa madax nala ka dhigay, hadda waxaan wajaheynaa riskiyo badan, xaalado dhaqaale iyo mid amni ayaan wajaheynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii hadashay.

Xubnahaan ayaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ka codsaday inay helaan xuquuqdii ay dowladda ku lahaayeen mudadii ay shaqeynayeen, waxay sheegeen in loola dhaqmay sidii dad dembi galay, balse ay yihiin dulmaneyaal ku baxay hardan u dhaxeeyey siyaasiyiin.

Ku dhawaad 40 xubnood ayaa bishii June ee sanadkaan laga saaray heerarka kala duwan ee guddiyada doorashooyinka dalka, kuwaas siyaasiyiinta mucaaradka ah ay u arkayeen in aysan dhexdhaxaad ka noqon karin hardanka doorashada, oo ay isugu jiraan shaqaale dowlo, askar iyo taageerayaal daacad ah.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee xubnahaas

Ciidamada Kenya oo dad shacab ah iyo xoolo badan ku laayey Jubbada Hoose

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay toogasho u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Raaskaambooni, waxaana dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ahaayeen xoolaley ku dhaqnaa halkaasi.

Toogashadan ayaa waxaa ku dhintay nin lagu magacaabi jirauy  Carab Qoriyow oo ka mid ahaa dadka deagaanka, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay laayeen xoolo fara badan oo gaaraya ku dhowaan illaa 50 neef oo Lo’a ah oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa waxa keenay in ciidamada Kenya ay dhibaatadaas u geystaan dadkaasi shacabka ah ee aan waxba galabsanin.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale haatan cabsi ka muujinayo inay sii wadaan ciidamada Kenya Kenya dhibaatada ka wadaan halkaasi, waxayna baay u direen Jubbaland & dowlada.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyey Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa marar badan lagu eedeeyey inay dhibaatooyin iyo tacadiyo ka dhan ah rayidka ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Mustafe Cagjar oo si rasmi loogu doortay madaxweyne

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Sii-hayaha madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay Mustafe Muxumed Cagjar oo ismaamulka hoggaaminayey saddex sano ee lasoo dhaafay, kadib markii xilka laga qaaday, lana xiray Cabdi Maxamuud Cumar.

Cagjar ayaa sharciyan markii hore wuxuu ku magacownaa madaxweyne ku-xigeen, hase yeeshee wuxuu sii hayey xilka madaxweynaha, kadib markii uu sanadii 2018 is-casilay madaxweyne Cabdi Iley.

Cagjar ayaa ku soo baxay codad aqlabiyad leh, kadib markii ay cod gacan taag ah ugu codeeyeen xildhibaanada baarlamaanka ee dowlad deegaanka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ayaa markale hoggaamin doono dowlad deegaanka Soomaalida shanta sano ee soo socota, sida uu shaaciyey baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Soomaalida ee fadhigiisu yahay Jigjiga loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax.

Dhinaca kale waxaa haatan socota qaban qaabada xafladda caleema saarka ee madaxda cusub, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulkaasi.

Caleema saarka waxaa ka qeyb-galaya oo lagu casuumay mas’uuliyiin kala duwan oo intooda badan ka socda Ismaamulada Itoobiya, sida madaxweynaha dowlad deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa, wafdi ka socda Somaliland iyo madaxda federaalka Itoobiya.

Si kastaba, Mustafe Cagjar ayaa xafiiska yimid 22-kii August 2018, markaas oo uu isbedal ballaaran ku yimid hoggaankii dowlad Soomaalida ee Itoobiya.

Xiisaddii Somaliland iyo QM oo dib u qaraxday iyo Muuse Biixi oo weerar culus qaaday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u billaabmay xiisadii xooganeyd ee u dhaxeysay xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha Qaramada Midoobay, kadib eedeyn culus oo labada dhinac is dhaafsadeen

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hay’adda arrimaha bini-aadantinimada u qaabilsan QM ee OCHA ku sifeeyay “laba wajiilenimo”, markii ay dhawaan ka hadashay musaafurinta ay billowday xukuumada Biixi ee dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

“Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa qaybta la yidhaahdo OCHA waxaan filayaa wixii ay ku hadleen in aanu dan u ahayn dadka Laascaanood laga raray, waxay yimaadeen iyagoo qaxoonti ah oo caydh ah maalin qudha booyad biyo ah may siin, maalin qudha bac may siin, maalin qudha kiniin kaneecada ay iskaga ilaaliyaan may siin,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay hay’adda OCHA inay dhaqaale ku raadsanayaan dadka laga musaafuriyey magaalada Laascaanood, taasi oo uu sheegay inay ceeb ku tahay QM

“Soddonkaas sano maxay ku darsadeen? maxay u qabteen hadday OCHA ka naxayso dad qaxooti ah? maxay meel ugu sameyn waayeen? maxay u gar-gaari waayeen? OCHA maxay maanta u qaylisay? waa laba wajiilenimada jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, dadkayaga aanu Laascaanood ka rarayno in lacag lagu doono waa ku ceeb Qaramada Midoobey”

Hay’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku shaacisay in tirada dadka Somaliland kasoo musaafurisay magaalada Laascaanood iyo deegaanada u dhaw-dhaw ay gaareyso 7,250 qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

OCHA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in 24 qoys oo kale la dejiyay tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle, halka ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October.

Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen, taasi oo ay si weyn uga biyo diiday Somaliland.

Sideed askari oo KENYAN ah oo qarax miino lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax ay la eegatay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo isaga kala gooshayey deegaano dhaca xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay qaraxaas ay jidka u galiyeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya ee ku sugan xadka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qaraxan miino ay ku dishay ugu yaraan 8 askari oo Kenyaan ahaa, isla-markaana ay ku dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Kayunga ee Gobolka Lamu & Sangur, sida lagu shaaciyey warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli xad hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya, kuna aadan qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ay ka wadaan gobolka ee Laamu.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa isaga kala goosha xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaana ee maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugida ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay nabad sugidda Jubbaland ayaa lagu shaaciyey in ciidamada ammaanka ay weli ku raad joogaan xubno kale oo la tuhusan yahay.

Hay’adda nabad sugidda Jubbaland ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Kismaayo, waxaana ay ka codsatay inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

”Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay hay’adda NISA ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Ugu dambeyn hay’adda qoraalkeeda kusoo gaba-gabeysay inay sii wadi doonto howl-gallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi.

Kismaayo oo ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay inta badan sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xog: Rooble oo qorshe kale degay kadib markii wada-shaqeynta ay u gaabiyeen madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo aysan weli soo dhamaan doorashadii xubnaha Aqalka Sare ayaa dhinaca kale wuxuu Ra’iisul Wasaare Rooble isku dayayaa inuu furo qaanadda doorashada xubnaha Golaha Shacabka, maadaama lala kulmay dib u dhac xooggan.

Dhowr jeer ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble weydiistay madaxda maamul Goboleedyada inay soo dhameystiraan doorashada xubnaha Aqalka Sare si loo billaabo doorashada Aqalka Hoose, laakiin cidna kama soo jawaabin baaqiisa.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo xoogeystay wararka la xiriira inay madaxda maamul Goboleedyada wada-shaqeyntii u gaabiyeen  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay danahooda kale ku mashquuleen, islamarkaana ay meel iska dhigeen doorashada.

Rooble wuxuu hadda u muuqdaa inuu raadiyey waddo kale oo uu ku furi karo cutubka doorashada Golaha Shacabka.

Isagoo xalay hadal ka jeedinayey kulan loogu mahad celinayey xubnihii dowladda ku matalayey kulankii maxkamadda Adduunka ee Soomaaliya loogu xukumay badda ayuu Rooble sheegay inuu ballan-qaad ka heysto Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed, ballankaas oo ah inay asbuucaan diyaar garoobayaan kadibna ay asbuuc xiga bilaabi doonaan doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Reer Woqooyiga.

Reer woqooyiga ayaa lagu ammaanay sidey usoo afjareen khilaafkii mudada u dhaxeeyey una qabteen doorashadii Aqalka Sare.

Rooble awoodda doorasho ee qura ee uu illaa iyo hadda heysto ama cidda uu maamul iyo talo toos ah ugu leeyahay waa Reer Woqooyiga, doorashada Aqalka Hoose ee Maamul Goboleedyada ugama furno Ra’iisul Wasaare Rooble wax aan baaq aheyn iyaguna uma muuqdaan kuwa diyaar u ah baaqa Ra’isulwasaaraha.

Haddii ay dhab noqoto sida uu sheegayo Rooble oo asbuuca dambe la billaabo doorashada Aqalka Hoose ee Reer Woqooyiga, waxaa halkaas maamul Goboleedyada qaar uga dhiman doono qorshihii ay ku doonayeen in wax laga badalo heshiiskii 17-ka September, gaar ahaan qodobka deegaan doorashada, waxayna ka dhigan tahay inay doorashada toos u billaaban doonto.

Inkastoo maamul Goboleedyada aysan macno weyn u sameeneyn doorashada xubnaha Reer wooqyiga ee Muqdisho taalo, haddana haddii lagu guuleysto in la bilaabo waa astaan muujin doonta in la galay jawi doorasho oo aan dib loo laaban karin balse la daahin karo.

Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu wajahayaa cadaadis caalami ah, sidoo kalana waxaa cadaadis kan lamid ah wajahaya madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna madaxweyne Farmaajo u hangal taagayaa inuu mar kale helo awooddii maamulka doorashada haddii uu Rooble awoodi waayo inuu maamul Goboleedyada ku qanciyo inay si deg deg ah u qabtaan doorashada.