25.2 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Xog: Xubno kale oo ku lug yeeshay xiisadda Cumaan Xaadoole iyo Saney Cabdulle

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Inkasta oo ay degan tahay xaaladda Xaafadaha Kaaraan iyo Gubadley oo ay ku dagaalameen ciidamo taabacsan Gaashaanle sare Saney Cabdulle iyo Gaashaanle sare Cusmaan Xaadoole oo labaduba ka tirsan saraakiisha Militariga Soomaaliya, haddana waxaa weli la dareemayaa abaabul dagaal iyo hub aruursi..

Weli xal lagama gaarin colaadii dhex martay labadaan sarkaal, waxaana weli is horfadhiyo ciidamadii dagaalamay, balse waxaa labadaba dul saaran amar uu bixiyey taliyaha ciidamada Xogga  dalka Genera Odawaa Yuusuf Aadan oo safar ugu maqan deegaanada maamulka Galmudug.

Taliyaha ciidamada xogga dalka ayaa loo xil saaray inuu kala qaado ciidamadii dagaalamay kuwaas oo ku wada sugan deegaanka Gubadley ee duleedka Muqdisho lana xaliyo dhibaatadii ka dhacday deegaanka, balse wuxuu u baxay safar lama filaan ah, waxaana dib loo dhigay wada-hadaladii laga dhex sameyn lahaa labada sarkaal.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in labada sarkaal ay heleen gurmad ciidan oo xooggan, waxaana dagaalka gadaal ka riixaya siyaasiyiin xilal sare kasoo qabtay dalka oo ay ku jiraan kuwa wasiiro soo noqday.

Sidoo kale, hurinta dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya.

Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, sababta ugu weyn ee dagaalka keentay ayaa ah gacan ku heynta Xaafadda Gubadley oo dhawaan la filayo inay noqoto degmo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qorshaha degmo looga dhigayo Gubadley waxaa sidoo kale ku lammaansan in iyagana degmooyin laga dhigo Garasbaaley iyo Daaru Salaam oo ah laba xaafad oo soo buuxiyey shuruudihii loogu mid noqon lahaa degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sarkaal kamid ah labadaba sarkaal ee isku hayo Gubadley ayaa ku doodayo in reerkiisa ay yihiin kuwa ugu badan ee ka xoogsado Gubadley sidaas darteedna uu isaga mudan yahay inuu hoggaamiyo dadaalada degmo looga dhigayo, halka sarkaalka kale uu ku doodayo inuu ka shaqeeyey ammaanka Gubadley iyo inay u diyaar garowdo kamid noqoshada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa ka gaabiyey doorkii ay aheyd inuu ka qaato dadaalada xalka loogu raadinayo dagaalka ka dhex qarxay labadaan sarkaal oo kala heysto ciidamo awood badan.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Shariif & Guudlaawe?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Kulankaas ayaa caawa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif, waxaana diiradda lagu saaray howlaha doorashooyinka dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhiirragaliyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe sidii uu u maareeyey doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee ka dhacday Jowhar, taas oo loo maamulay si ka duwan doorashooyinkii ka dhacay xarumaha dowlad goboleedyada kale.

“Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe doorkiisa hogaamineed ee dhameystirka qabashada doorasho tartankeedu furan yahay oo ku dayasho mudan oo lagu doortay 8-da xubnood ee Aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedka, doorashadani waxay ku soo aaddan 5 sano guurada ka soo wareegtay markii la dhisay Hirshabeelle, waxayna muujisay biseyl iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale ka wadahadlay dedajinta doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xoojinta hufnaanka hannaanka doorashada.

Doorashada dalka ayaa haatan ku jirta hakad aan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, waxaana weli dhiman oo aan lasoo dooran lix ka mid golaha Aqalka Sare, sidoo kale weli lama bilaabin doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Sida ay Soomaaliya iyo Kenya u kala heleen xirmooyinka shidaalka badda oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad ay idaacadda VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kadib xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan xirmooyinka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay marayaan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub.

Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xukunka maxkamadda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah dartood, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya.

Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya.

Xirmooyinka soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay. 

Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in xirmada ay khubarada baddu aamisan yihiin inay ugu khayaaradka badan tahay ay martay dhinaca Soomaaliya.

Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaajood lagu xalliyo arrinta iyadoo la marayo Midowga Afrika.

VOA

Daawo: Rooble oo shaaciyey tallaabooyinka la qaadayo kadib xukunkii kiiska badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca baddeenna ayaa sheegay in loo baahan yahay fulinta xukunka maxkamadda ICJ.

Rooble ayaa ugu horeyntii u mahad-celiyay dowladihii iskaga dambeeyay tallada dalka ee doorka muuqda ku lahaa kiiska badda, isagoona farxad weyn ku tilmaamay in aan leenahay xuduud baddeed cad.

“Guushii maxkmadda maxaa ku xiga? waxaa ku xiga fulinteeda oo u baahan dad sax ah oo ka shaqeeya oo hore u sii wado waxa ay walaalaheen soo hooyeen.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan-qaaday in ergadii Soomaaliya ee kiiskaas uu garab ku siin doono si loo helo nidaam cad iyo hab fulineed oo ku aadan dhulka maxkamadda ay inta badan u xukmisay Soomaaliya.

“Waxaa loo baahan yahay oo ballan-qaadaya ergadii ka qeyb-gashay oo soo hoysay guushaas taariikhiga ah aan garab ku siiyo istiraatijayad iyo nidaam cad oo lagu fulinayo inta noo hartay oo ah in la fuliyo xukunka maxkamadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Dowladda Kenya ee deriska nahay waa dad aan deris nahay waa isku qasbanahay in aan ka shaqeyno wada-noolaasho, daris iyo nabad ku wada noolaano, waxaana cadeynayaa in shacabka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in aan ka helno dadka aan deriska nahay ee Kenya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqti kooban ee haray.

“Habeen kasta waxaan ku duceystaa in doorashada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimin, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey doorashooyinka.

Muuse Biixi oo markii ugu horreysay ka hadlay dadka laga raafay SOMALILAND, sheegayna arrin yaab leh

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Soomaaliya ee deeganadooda ka musaafurineyso, kuwaasi oo u badan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Muuse Biixi ayaa sheegay arrin yaab leh oo ah sababta dadkaas loo musaafurinayo, taasi oo ah markii xukuumadiisa ay awoodi kari weyday sugida amnigooda, taasi oo ka duwan sababtii ay markii hore sheegeen mas’uuliyiinta kale ee Somaliland oo aheyd in dadkaas ay halis ku yihiin amniga Somaliland.

“Anaga waa qaadi kari weynay miisaankooda nabad-galyo ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxaa saarnay in ka badan 30 gawaadhi ah, waxaana gaadhi walba oo la saaray waxaa ka bixinay 1,300 oo dollar waxaana saarnay xataa daawo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gawaadhida ay ku musaafuriyeen dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Laascaanood la socdeen ciidamo suga amnigooda illaa inta ay ka gaarayeen xuduuda maamulka Puntland.

“Gobolada kale ee aad u hadlaya ee leh waa soo dhaweynayna (dadkaas) ee ka tirsan Soomaaliya, waxaa leenahay 30 sanno ayey joogeen oo majiro qof reer Baydhaba ah oo lagu dilay Somaliland oo hanti laga dhacay majiro.”

“Puntland oo aad durbaan u tuntay, iyadu maalin qudha ayey 17 cunug oo labaatan gaarin intay soo qabteen yiraahdeen dil baa ku xukunay oo iyaga wax dilayey.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay dayaceen Shacabkooda oo maalin kasta lagu xasuuqo magaalada Muqdisho.

“Xamar ka hadli maayo oo af aan kaga hadlo iima banaano, meel dhiiga bini-aadamka laga baayac-mushtarayo, kuwa ugu dulmiga badan ee lagu laayo waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in la buun-buuninayo musaafurinta dadkaas oo uu ku dooday inay si wanaagsan oo bini-aadantimo uga saareen deegaanadooda, islamarkaana ay kharash badan geliyeen daad-gureyntooda.

Maareeye oo dacwad ka gudbiyey Suldaan Maxamed kadib lacagtii Imaaraadka ee uu shaaca ka qaaday (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu xeer ilaalinta qaranka u gudbiyey dacwad ka dhan ah Suldaan Maxamed Jaamac Cumar oo uu u jeediyey eedeymo culus.

Maareeye ayaa sheegay in Suldaan Maxamed Jaamac uu mar kasto aflagaadooyin kula kaco dad mas’uuliyiin oo uu isagu ka mid yahay, isla-markaana ay kula xisaabtamayaan.

“Maanta halkan xeer ilaalinta qaranka waxaan ku xareynay gal-dacwadeed lambarkiisu yahay G12377 oo ah dacwad lid ku ah ninka aan kor kusoo sheegay,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa inaanan wixii hadda ka dambeeya horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo sharci ah,”.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Suldaan Maxamed Jaamac Cumar uu horay uga tirsanaa ciidamada badda Somiland, isla-markaana ay soo adeegsadeen dad kale, sida uu hadalka u dhigay Maareeye.

“Koley dadbaa noo soo adeegsaday, laakiin hadda wixii ka dambeeya waa lagula xisaabtamayaa,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan Suldaan Maxamed Jaamac uu weerar afka ah ku qaaday Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiin kale oo uu ujeediyey dhaliilo xoogan.

Lubnaan oo qarka u saaran dagaal Shiico iyo Kirishtan ah – Maxaa la isku hayaa?

Beirut (Caasimada Online) – Madaxa xisbiga Ciidamada Kirishtanka Lubnaan (LF) ayaa Jimcihii beeniyey in kooxdiisa ay qorsheysay rabshado ka dhacay waddooyinka magaalada caasimada ah ee Beirut oo ay ku dhinteen toddoba qof, wuxuuna sheegay in kulan ay yeesheen maalin kahor uu ahaa mid siyaasadeed oo kaliya.

Rabshadaha oo dhacay Khamiistii ayaa billaabmay markii shacabka ay ka qeyb-galeen banaanbax ay ku baaqday kooxda Shiicada ah ee Xizbullah oo looga soo horjeedoay garsoore baaraya qaraxii dekedda Beirut ka dhacay sanadkii tegay.

Waxay ahaayeen rabshadihii ugu xumaa ee Lubnaan ka dhacay muddo tobanaan sano ah, waxayna dib usoo nooleeyeen xusuusta dagaal diimeedkii dalkaas ka dhacay 1975 illaa 1990.

Samir Geagea ayaa u sheegay raadiyaha Voice of Beirut International in kulan ay Arbacadii yesheen kooxaha ku mideysan xisbiga LF uu ahaa mid ku saabsan waxa la sameyn karo haddii uu guuleysto isku dayga ay Xizbullah ku tuureyso garsooraha.

Geagea ayaa sheegay in arrinta la isku raacay ay aheyd in la sameeyo shaqo joojin dadweyne, islamarkaana aysan jirin wax kale.

Kooxda Xizbullah ayaa Jimcihii sare u qaaday eedeymaha ay u jeedineyso LF, waxayna sheegtay in dhimashada toddobada qof ee Shiicada ah ay dalka ku jiideyso dagaal sokeeye.

Rabshadaha oo ka dillaacay xuduudda xaafadaha Kirishtanka iyo Shiicada ayaa sii kordhiyey wallaaca laga qabo xasilloonida dalka Lubnaan, oo ah dal ay shaca badan hub haystaan, kaasi oo hadda wajahaya xaalad dhaqaale xumo.

Mar waxa laga weydiiyey haddii joogitaanka xubno ka mid ah kooxda LF ee xaafadaha Ain al-Remmaneh iyo Teyouneh ee markii toogashada ay dhacaysay, ay la macno tahay in dhacdadan ay qorsheysneyd, Geagea ayaa ku jawaabay in mar walba xaafdahaas joogaan xubno ayaga ka mid ah.

“Ciidamada waxay xireen dadka toogashada sameeyey, marka middaas ayaa kala caddeyn doonta inay annaga naga tirsanaayeen iyo in kale,” ayuu yiri.

Qiyaastii 19 qof ayaa illaa hadda loo xiray dhacdadan. 

Geagea, oo xisbigiisa uu xiriir dhow la leeyahay Sacuudi Carabiya, ayaa cambaareeyey madaxweyne Michel Aoun, oo ay taleefon ku wada-hadleen.

Aoun, oo xisbigiisa FPM uu yahay midka ugu weyn kirishtanka Lubnaan, ayaa xulufo la ah Xizbullah. 

“Ma jecleysan taleefonkan, waayo Aoun wuxuu sameeyey eedeymo la mid ah kuwa Xizbullah,” ayuu yiri Samir Geagea.

Puntland oo go’aan kasoo saartay 14 nin oo loo haystay inay yihiin AL-SHABAAB

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xorriyadooda u celisay 14 nin oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo muddo u xirnaa inay weeraro ka geysteen maamulkaasi.

Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Dhexe, Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ee lagu sii daayey raggaasi ayaa sheegay in lagu waayey 14-kaasi nin dambiga lagu soo eedeeyey ee ah inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Maxkamaddu waxa ay xorriyadooda siisay afar iyo tobankaas nin taliyaha xabsiga, taliyaha saldhigga cirka waxaa la la farayaa in ay xabsiga ka sii daayaan eedeysanayaashaasi afar iyo tobanka ah. Waa billaahi towfiiq,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Warsame.

Ragga lasii daayey ayaa kala ah:-1- Cabdiqaasim Maxamed Cabdulle, 2- Maxamed Careys Faarax, 3- Najiib Xuseen Cali, 40- Maxamed Cusmaan Ibraahim, 5- Ismaaciil Axmed Maxamed, 6- Xuseen Maxamed Xuseen, 7- Aadan Bashiir Cabdi, 8- Jaamac Dayib Xaaji Maxamuud, 9- Deeq Jaamac Xasan, 10- Cismaan Cabdiraxmaan Shaafici., 11-Isaaq Xasan Aadan Shariif, 12- Cabdi Maxamed Isaaq, 13- Cabdulllaahi Muyxadiin Cabdullaahi iyo 14- Mustafe Ismaaciil Aadan.

Qaar ka mid ah raggaan oo la hadlay wariyeyaasha, kadib markii ay dib u heleen xorriyadooda ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka maxkamadda, waxaana ay u mahadceliyeen dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen  in si wanaagsan loola dhaqmay muddadii ay xirnaayeen, gacantana ugu jireen ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday shaqsiyaad lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howl-gallo ka dhacay maamulkaasi.

Ninka lagu tuhmayo dilka xildhibaan David Amess oo noqday wiilka mas’uul xilal kasoo qabtay Soomaaliya

London (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka UK ayaa shaaca ka qaaday magaca ninka Soomaali British-ka ah ee lagu tuhmayo dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay toorey, deegaanka Leigh-on-Sea oo qiyaastii 65 km u jirta London. 

Tuhmanaha ayaa waxaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana dhalay Xarbi Cali Kulane oo xilal dowladeed kasoo qabtay Soomaaliya, sida ay qoreen Wargeysyada The Sunday Times iyo Daily Mail.

Xarbi Cali Kulane, wuxuu horey usoo noqday agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha ee xilligii Cumar Cabdirashiid. Wuxuu sidoo kale 2014-kii soo noqday wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug.

Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey.

Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo. 

Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka.

Afhayeen u hadlay booliska Scotland Yard ayaa yiri “ayada oo qeyb ka ah baaritaanka, waxaan tagnay saddex guri oo ku yaalla hareeraha London oo aan baaritaano ka sameynay.”

Dhinaca kale, dambi-baarayaasha ayaa loo ogolaaday in illaa Jimcaha ay xabsi kusii hayn karaan Cali, ayaga oo aan dacwado rasmi ah kusoo oogin.

Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii Cali Xarbi Cali oo dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

R/W Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada golaha shacabka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliyam Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad si weyn loogu maamusayey ergada Soomaaliya ee kiiska badda ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in si deg-deg ah loo guda-galayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, isla-markaana la bilaabayo todobaadka soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in lagu hormari doono doorashada 46-da kursi ee gobollada ee waqooyi ku metalaya baarlamaanka soo socda, taas oo ka dhaceysa gudaha Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu arrintaasi kala hadlay guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayna ku ballaan in la dadajiyo doorashadaasi.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay ra’iisul wasaaruhu in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqti kooban ee haray.

“Habeen kasta waxaan ku duceystaa in doorashada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey doorashooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxda maamul goboleedyada qaar ay weli ka caga jiidayaan doorashada golaha shacabka, waxaana xusid mudan in xittaa Jubbaland iyo Galmudug aysan weli dhammeystirin doorashada xubnaha golaha aqalka sare Soomaaliya.

Maxay Jaamacadda Carabta ka tiri go’aankii Maxkamada ICJ ee kiiska badda Somalia?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Shirka Baarlamaanka Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii maxkamadda ICJ, arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Ugu horreyn xubnaha Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Soomaaliya inta badan loogu xukumay dacwaddii badda ee kala dhexeysay dowladda dalka Kenya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay u riyaaqeen guusha ay Soomaaliya ka gaartay dacwadda badda ee muddada soo jiitameysay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya uga qeyb-galay shirkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada kasoo baxay shirka, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada ay soo socotay dacwaddan ay hiil iyo codba la garab taagnaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Go’aankii ay soo saartay maxkamadda caalamig ah oo ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay dowladda dariska aan nahay ee muranka gelisay badda Soomaaliya in muddo ahna soo jiitameysay, isaga oo baarlamaanka carabta mar weliba la barbar taagnaa hiil iyo hoo ama cod iyo taageerid ayaa waxa ay uga dhigneyd guusha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba ay baddeedii iyada kusoo ceshatay si sharci ah mid ay aad iyo aad runtii ugu riyaaqeen, ayna soo dhoweeyeen go’aankaasi,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dalxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga gacansiin lahaa dowladda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Khamiistii maxkamadda ICJ ay shaacisay xukunka biyaha Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya, kaas oo doodiisa ay soo bilaabatay 2014-kii, waxaana ku guuleysatay Soomaaliya oo inta badan loo xukumay biyihii la’isku hayey.

Boqor Maxamed Jaamac oo shaaciyey mas’uuliyiin DAL kale kasoo qaaday lacag lagu rido Farmaajo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey Boqor Cusmaan Buurmadow, isagoo sheegay in lacago loo adeegsanayo in lagu rido madaxweyne Farmaajo uu ka soo qaaday dowladda Imaaraadka Carabta.

Boqor Maxamed ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu mudo sanad ah u sheegayey in Imaaraadka ay ka wada shaqeynayaan sidii uu uga soo qaadi lahaa lacag xukunka looga tuurayo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Imaaraadka ayaa u soo dhiibay Boqor Burmadow lacag uu rabo inuu dalka ku burburiyo waliba madaxwayne Farmaajo in lagu rido, arrintaas xogteeda haya’adaha baarista aniga ayaa siinaya, ninkaas iyo wasiir Maareeye dalka halaga qabto,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Sidoo kale Boqor Maxamed ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka uu uga digayo inay lacag lagu carqaladeeyo doorashada Soomaaliya ay u soo dhiibto Boqor Buurmadow.

“Dowladda Imaaraadka waxaan leeyahay ka joojiya Soomaaliya carqaladda, gaar ahaan walaalkey Boqor Cusmaan Buurmadow ha u soo dhiibina lacag, yuusan idinka iyo Soomaaliya dhibaato ugu geysan lacagtaas anigaa idinka aqaan ninkaas waa ina adeerkey,” ayuu yiri.

Sidoo kale odagaan ayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha ammaanka waxa uu ugu baaqay inay dalka ka ilaaliyaan in lasoo geliyo lacagtaas uu sheegay in Imaaraadku uu soo dhiibayo Boqor Cusmaan Buurmadow.

Dhanka kale Boqor Maxamed Jaamac ayaa Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku eedeeyey inuu kala qeybinayo beeshiisa, isagoo ku eedeeyey inuu afduubtay xubno ka mid ah reerka uu baarlamaanka ku metelo.

“Maareeye dad badan ayaa u afduuban, mar kasta oo xilli doorasho la gaaro meel hoose iyo inuu dadka handado ayuu ka soo bilaabaa, masuul kasta waxaan uga digayaa in ninkaas ‘burcadka ah’ uu soo galo xafiiskiisa iyo xisbigiisa,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Hoos ka daawo

Kiiskii badda: Dalalka la kala saftay Soomaaliya iyo Kenya

Inkasta oo lasoo gabagabeeyey kiiska Badda, Soomaaliyana ay ka guuleysatay Kenya hadana 7-badii sano ee dacwadu taallay ICJ, waxaa jiray in dalalka ay caalamka ay la kala safteen Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusid mudan in kiiska dartiis u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan wixii ka dambeeyey shirkii London ee February 2019-kii, laakin ma jirin wax dhedhexaadin ah oo dalalku sameeyeen.

Haddaba, Waxaan Halkan Kusoo Koobeynaa Sidad Dalalka ugu Kala Qeybsameen Kiiska badda:

Dalalka La Jiray Kenya:

Mareykanka: Dalka Mareykanka waxaa uu la jiray Kenya, oo uu in badan soo marsiiyo danahiisa uu ka leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo heshiisyo badan oo labada dal ay galeen.

Faransiiska: Dalka Faransiiska waxaa uu la jiray Kenya, waayo shirkadda TotalEnergies SE ayaa ka mid ah shirkadaha maalgeshtay dhulka muranka ka jiray, iyada oo heshiisyo shidaal qodis ah la gashay Kenya.

Qatar: Dalka Qatar waxaa uu ka mid ahaa dalalka la safnaa Kenya, waayo shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay 2019-kii in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25%  ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo  11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin.

Dalalka La Saftay Soomaaliya

Imaaraadka: Dalka Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa kuwa taageersan Soomaaliya, waayo waxaa uuba bixiyey lacagta la siiyey qareennada iyo inta badan qarashka kiiska badda, waxaa uu sidoo kale damac ka leeyahay dekada Soomaaliya ee dhaca gacanka Cadan iyo badda Cas.

Ingiriiska: Dalka Ingiriiska marka laga soo tago in shirkadihiisa ay lahaayeen sahmin iyo xataa rajada shidaal qodis iyo iibsashada bologyada, haddana sababta Ingiriiska ula safteen Soomaaliya waxaa xoojiyey iyada oo aad u xumaa xiriirka dalkaasi iyo Uhuru Kenyatta, oo lagu eedeeyey falal ka dhan banii’aadnimada.

Norway: Dalka Norway waxaa la safatay Soomaaliya, shirarka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, shirkadaha ugu badan ee dalabaadka soo gudbista waxay ahaayeen Norway, waxaa kale oo intaa dheeraa ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa Norwegian.

Isha: Goobjoog News

Cabdikaafi Maxamuud oo weerar ku qaaday Qoor Qoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo kamid ah siyaasiyiinta Galmudug horeyna u soo noqday wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug, ayaa ka hadlay xaalada maamulka Galmudug.

Cabdikaafi ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku jiro waqtigii ugu xumaa intii uu jiray, isagoona weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Qoor-Qoor oo uu ku sifeeyay “dagaal doonka iyo huriyaha colaada”.

“Ahlusunna ma doonayso dagaal, weerar kuma ahan maamulka Galmudug, doorsahadana ma diidana, kaliya ASWJ waa Shabaab diid,” ayuu yiri Cabdikaafi Maxamuud.

“Waxaa ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee nabada jecel, Raysulwasaaraha Soomaaliya, saaxiibada Soomaaliya iyo hay’adaha xaquuqul insaanka inay wax ka qabtaan kana hortagaan dhiiga Madaxwayne Qoor Qoor daadinayo ee reer Galmudug.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in hogaanka Ahlusunna ay u joogaan deegaanada Galmudug la dagaalanka Al-Shabaab, si ay uga xoreeyan shacabka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

“Qoor Qoor waa dagaal doon, dhiig doon, isagaana hurinayo colaada Guriceel. Qasadka ASWJ kaliya waa inay shacbiga Galmudug ka xoreeyaan Al Shaabaab,” ayuu hadalkiisa ku yiri Siyaasi Cabdikaafi.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay shacabka Guriceel inay u midoobaan difaacooda, ayna meesha ka saaraan kala aragti duwanaanshaha, isagoo sheegay in dhibaato kasta oo ka dhacda deegaankaas ay mas’uul ka noqon doonaan madaxweyne Qoor Qoor iyo Villa Somalia.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya 

Wararkii ugu dambeeyey ee duulaanka GURICEEL iyo ciidanka DF oo ku dhowaaday

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Sunna oo dhinaca kale ah ayaa dhadhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ka dhaqaaqay deegaanka Ceeldheere ayaa la soo sheegaya inay ku sii siqayaan Magaalada Guriceel. Labada ciidan ayaa xalay ku sugnaa halka lagu magacaabo Tuulo Sadiiq, oo ku taala inta u dhaxeyso Ceeldheere iyo Guriceel.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ciidamada ay waddada ugu safrayaan, si taxadar badan laga arki karo, maadaama goobahaasi ka ag-dhow yihiin dagaal-yahanada u daacadda ah Ahlu Sunna, mar kastana ay suurtagal tahay in dagaal uu ka dhex qarxo.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa dhinacooda abaabul ka wada Magaalada Guriceel iyo deegaanada ka baxsanba, kuwaa oo yoolkoodu yahay inay difaacdaan gacan ku haynta magaaladaasi.

Sidoo kale Xoogaga Ahlu Sunna oo wata gaadiidka dagaalka ayaa shalay socod ku maray wadooyinka iyo xaafadaha Magaalada Guriceel. Ciidamada waxaa magaalada loogu arkaya si ka duwan, maalmihii la soo dhaafay.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa sidoo kale gelinkii dambe ee shalay bar kontorool ka sameystay waddada looga leexdo Garoonka Diyaaradaha Guriceel, halkaasoo ay ku baarayaan gaadiidka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa baqdinta ku kordhiyay dadka reer Guriceel, kuwaa oo intooda badan isaga barakacay magaalada. Xiisadda ka jirta gobolka ayaa dhabaha u xaartay in hakad uu ku yimaado dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaaladaasi.

Jimcihii ayay ahayd markii Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe uu Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka u sheegay inaanay ka bixi doonin magaalada.

Dhanka kale Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Ahlu Sunna ayaa shalay ku dhaawacmay shir gaari, oo uu ku galay miyiga Koonfurta Guriceel.

Cabdullaahi Cabdi waxaa lagu tilmaamaa Saraakiisha aadka ugu dhow Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday askar dhac ka geysatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalaka sida Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi ciidan ah ku ridday labo askari oo lagu helay inay dhac baahsan u geysteen Carwada Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) iyo Maxamed Abshir Maxamed (Camey) oo maqane ayaa markii ugu horraysay ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal  Taleex ,gaar ahaan 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysanayo Carwada.

Labada eedeysane ayaa Carwada ka qaaday IPHONE,  SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar.

Ciidamada ammaanka ayaa goor dambe ku guuleystay in la soo qabto laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) oo laga dhex aqoonsaday muuqaalka Camerada, waxaana labadii July lagu wareejiyay kay’adda dambi baarista Boliiska ee CID.

Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo  xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga dacwadda 12-kii Bishan. Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka  gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay.

Maxkamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka.

Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.

Sawirro: Ergada Soomaaliya ku matalayay kiiska badda oo si weyn loo maamuusay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qaran, isaga oo dul istaagay halgankii dheere ee lagu bixiyey sidii looga hor istaagi lahaa Kenya damaca ay ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed.

Rooble ayaa bogaadiyey isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey baddeenna, isaga oo tilmaamay in taas ay ka tarjumeyso biseylka iyo wadaniyadda ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha weheliyey ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha munaasabaddan maamuuska ah, iyagoo adkeeyey qorsheyaasha lagu sii ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.

Maxkamadda ICJ ayaa Talaadadii guusha kiiskii dacwadda badda u xukmisay Soomaaliya, ayada oo meesha ka saartay doodda Kenya ee aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya dalbatay, waxayna Maxkamadda 75% dhul-badeedkii la isku hayey siisay Soomaaliya.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga Af-urur

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka soo qaaday, kaas oo saacado qaatay.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, isla-markaana aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Al-Shabaab ayaa dhica kale guullo ka sheegatay weerarkan, waxaana ay shaacisay inay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Puntland, ayna isaga baxeen saldhigga la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada ammaanka Puntland ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Puntland.

Shan qof oo caawa ku geeriyootay Hargeysa iyo dhaawacyada 8-kale (Daawo)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5-qof ayaa ku geeriyootay 8 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil gaari oo caawa ka dhacay magaalada Hargeysa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen

Agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo Taliyaha heeganka ciidanka booliska Somaliland.

Taliyaha oo banaanka isbitaalka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in laba gaari oo kala ah Noha iyo Dheyne ay isku dhaceen, isla markaana shan qof ay goobta ku geeriyoodeen.

Sidoo kale dhaawacyada sideed qof oo kale ayuu xaqiijiyey taliyuhu in la dhigay isbitaalka, kuwaas oo laba ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in shilkaan oo ka dhacay gudaha magaalada ay gurmad deg deg ah u fidiyeen dadkii uu khasaaruhu ka soo gaaray, isla markaana haatan dhaawacyada lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Hoos ka daawo

Masar oo aad uga walaacsan qorshe ay wadaan Turkey iyo Itoobiya oo la doonayo in…

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Turkiga ka dalbatay inay ka iibsato diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn, ee loo yaqaano Biraktar TB2, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana akhbaartaan la helayaa iyadoo dowladda Turkigu ay muddooyinkaan diyaaradeheeda casriga ah ay ka iibisay dhowr dal oo dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta arrintaan sida dhow ula socta ayaa sheegay in Itoobiya ay qorsheyneyso inay soo iibsato diyaaradaha nooca Drone-ka ee ay Turkiga farsameeyeen, wax faahfaahin ahna laga bixin qorshaha ay Itoobiya ku soo iibsanayso diyaaradahaan.

Heshiiska ayaa waxaa sida la sheegay qeyb ka ah bixinta qalabka dayactirka iyo in Itoobiya loo tababaro shaqaale, inkastoo ilo -wareedyadu aysan wax badan ka sheegin tirada diyaaradaha ay Itoobiya doonayso inay ka iibsato Turkiga.

Marka loo eego xogta ka soo baxday Shirka Ganacsatada Dhoofinta Turkiga, Itoobiya ayaa qalabka difaaca cirka waxay Turkiga ka soo dhoofsatay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkaan, taas oo gaartay $203,000 illaa $51 milyan.

Warbixinta Reuters waxay daaha ka rogtay in qorshaha Itoobiya ay Turkiga uga iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay aad uga carootay dowladda Masar.

Laba ka mid ah sarkaasha gaashaandhigga Masar ayaa u sheegay Reuters in Masar ay ugu baaqday Midowga Yurub iyo Mareykanka inay soo faro-geliyaan si looga hortago heshiis kasta oo suuragal ah in Itoobiya iyo Turkiga ay ka gaaraan arrimaha gaashaandhiga, walaaca ugu weyn Masar waxaa ku haya muranka biyo xireenka wabiga Nile ee kala dhexeeya Itoobiya.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladda Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Warbixintan waxaa lagu xusay in dowladda Morocco ay heshay qeybtii koowaad ee diyaaradahaan, kuwaas oo ay dalbatay bishii May ee sanadkii 2020. Itoobiya, Morocco iyo Turkiga ayaan dhankooda ka hadlin qorshahan, balse Reuters ayaa sheegtay in codsi faahfaahin ah oo ay u diratay aysan wax jawaab ah ka soo bixin.

Sidoo kale waxaa hadda aad u liita xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Masar, sarkaal ka tirsan dowladda Masar ayaa Reuters u sheegay in Turkiga looga baahan yahay inay la tashadaan Masar ka hor inta uusan heshiis la gaarin Itoobiya.

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Biractar TB 2 ayaa ah mid heerkeedu sareeyo, kana tayo badan kuwa laga soo saaro dalal badan oo caalamka ah, waxaa diyaaradaan soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayso 24 diyaaradood waxay la gashay Turkiga, wasiirka gaashaandhigga Poland ayaa u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 oo ka howlgasha dalkaas in diyaaradahaan ay muujiyeen ‘kartidooda dagaalka.’

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga lagu sameeyo. Diyaaradaan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada, waxayna ka howlgeli kartaa masaafo dhan ilaa 300 oo KM.