25 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Madax goboleedyada oo si isku mid ah u diidan in lasii wado doorashada + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharixiinta ayaa dib boorka uga jafay walaaca ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Aqalka Hoose, oo u muuqata mid billowgeeda uusan dhoweyn.

Khudbooyinkoodii ugu dambeeyey ee xalaadda dalka ayey ku muujiyeen rajo xumo. Mashruuca doorashada Soomaaliya ayaa si gaabis ah ku socda, waxaana kaloo xooggan walaaca ku saabsan inaysan doorashada golaha Shacabka xilli dhow qabsoomi karin.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu isaga ku mashquulsan yahay doorasho deegaan umana muuqda nin ahmiyad siinaya doorashada heer Federaal, waxayna xogta sheegeysaa inuusan rabin inuu bilaabo doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya illaa ay ka dhammaaneyso doorashada deegaanada hoose ee Puntland oo dhawaan bilaaban doonta sida uu qorshaha yahay.

Deni ayaa waxaa hadda ku socda cadaadis caalami ah oo dalbanaya inuu billaabo doorashada Golaha Shacabka, lamana yaqaano waxa iska badali doona.

Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariiye Qoor Qoor isaga waxaa lagu imtixaana kooxda Ahlu Sunna oo isku dayeysa inay awood ahaan dib usoo noqoto.

Qoor Qoor waxaa weli ku harsan doorashada laba xubnood oo Aqalka Sare ah. Waayahaan wax ku saabsan doorasho Federaal ah kama uusan hadlin.

Xubnaha ku dhow dhow waxaa laga soo xigtay inuusan wax doorasho ah ka hadleyn illaa uu kooxda Ahlu Sunna kasoo afjaro xeelad ama xoog middii ay noqotaba, waana loolan furan oo aan la aqoon waqtiga uu dhammaan doono.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen isaga waxaa weli laga fujin la’yahay laba deegaan doorasho. Waa hoggaamiye goboleedka kaliya ee weli ku dhagan in la isticmaalo laba deegan doorasho.

Lafta Gareen waxaa mabda’ u ah inuu ku shaqeeyo wax walba oo uu xal u arko madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhowr jeer oo la isku dayey in lagu qanciyo in wax laga badalo qodobka deegaan doorashada ee ku jiray heshiiskii 17-kii September waxaa la sheegay inuu aad uga madax adeegay.

Hadda koox Farmaajo ku dhow dhow ayaa kula talineysa inuu qabto doorshada Afar illaa Shan Kursi oo Aqalka hoose ah oo uu ku qabto Baraawe iyo Baydhabo si loo soo afjaro damaca ku aadan in loo laabto hal deegaan doorasho, mana cadda inuu sidaas ku dhaqaaqi doono.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) weli wuxuu raajicinayaa hal deegaan doorasho isagoo rabo in kuraasta taalo Garbahaarey lagu soo celiyo Magaalada Kismaayo oo uu maamulkiisa ku xooggan yahay.

Doodiisa ugu badan waa in dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba la qaban karin laba deegaan doorasho. Axmed Madoobe weli waxaa ku harsan doorashada Afar kursi oo Aqalka Sare ah. Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale la sheegay inay isku aragti ka yihiin damaca hal deegaan doorasho.

Madaxweyne Farmaajo isaga waqti qabow ayuu ku qaadanayaa Villa Somalia, umana muuqdo in rabo inay deg deg wax kusoo dhammaadaan, wuxuuna fursad weyn u arkaa in aysan jirin cid ku eedeyn karta fashilka doorashada maadaama uu Maalin cad iska wareejiyey mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda.

Mucaaradka waxaa dhiig baxaya jeebkooda, ma ahan sida dowladda oo ma heystaan shidaal badan, waxay jeclaan lahaayeen in doorashada deg deg loo qabto, waxaana aad u badan qeylo dhaantooda.

Dhawaan waxay sheegeen in golaha wada-tashiga Qaran uu qaadanayo mas’uuliyadda fashilka doorashada. Mucaaradka waxay ku doodayaan in hubanti la’aanta doorashada ay sababtay inay hoos u dhacdo rajadii shacabka, inuu mugdi hareeyey maal-gashigii, kaalmadii caalamiga, deyn cafintii iyo mataladii Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhacday rajadii laga qabay in doorashada Baarlmaanka ay ku dhammaato inta ka harsan sanadkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 8 bilood oo dheeri ah joogo xafiiska, Afar bilood ayuu u baahan yahay si uu u qaato Hal Sano oo muddo kororsi ah, waxaana xataa jirin rajo ah in 8-da February 2022 la qaban karo doorashada madaxweynaha.

Daawo: Ahlu Sunna oo soo bandhigay awood ciidan kadibna soo saaray war culus

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta howlgalo militari ka sameeyey gudaha magaalada, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay soo weeraraan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ciidamo tiro badan, islamarkaana ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus iyo gaadiidka dagaalka ayaa maanta lagu arkay gudaha magaalada Guriceel halkaas oo laga cabsi qabo inuu dagaal ku dhex maro ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Taliyaha guud ee Ciidamada Ahlu Sunnam Cali Faarax oo saxaafadda kula hadlay gudaha magaalada Guriceel ayaa sheegay in magaalada ay tahay mid dagan.

“Magaalada Guriceel annagaa gacanta ku heyna, nabad galyadeedana waxaa ka shaqeenayo ciidamada Ahlu Sunna, ma jirto cid aan magaalada uga heebeysaneyno, waa meeshii laga soo bilaabay jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa joogo ilmihii ay dhaleen shuhadadii ku dhintay dagaalkii khawaarijta lala galay,” ayuu yiri Cali Faarax.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay difaacyo adag ka sameysteen gudaha iyo bannaanka magaalada, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu Sunna isagoo carabka ku adkeeyey inaysan marnaba ka bixi doonin magaalada.

“Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab laba sano ayey gaabsi galeyn, waxaana rabnaa inaan hadda dib u bilowno oo aan dagaalka gaarsiino meelaha ay ku sugan yihiin khawaarijta,” ayuu sii raaciyey taliye Cali Faarax.

Taliye Cali Faarax ayaa ayaa wuxuu uga digay dadka barakinayo shacabka inay joojiyaan arrintaan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wanaagsaneyn oo aysan u baahneyn dadka deegaanka.

“Waxaan rabnaa in dadka baraha bulshada dhigaya waxyaabaha qaladka ah ee dadka qaxinaya u sheego, dadkaan  uma baahna qax, waxay u baahan yihiin nabad, nabadiina anagaa ka shaqeeneyna dadkana diyaar ay u yihiin inay nagala shaqeeyaan, laakiin dadka waxaa ku jira kuwa laaluush qaatayaal ah oo anaga waxaan diidnay qaatay,” ayuu yiri taliye Cali.

Howlgalka ay Maanta Ciidamada Ahlu Sunna ka sameeyeen gudaha Magaalad ayaa kusoo aadayo xilli ay meel sare gaartay xiisadda Ahlu Sunna iyo Galmudug lagana cabsi qabo inay ku dagaalamaan gudaha Magaalada.

Qarax ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen mas’uuliyiin oo ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyn (Caasimada Online) – Qarax ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan maqaayad ku dhagan saldhigga ciidamada booliska ee magaalada.

Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka goboleedka HirShabeelle.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa Miino la dhigay saldhigga, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo kala ah, Duqii degmada Feer-feer Soomaaliya Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad laheyd, ayaa ku dhintay qaraxa.

Guddoomiyahii Degmada Feerfeer Soomaaliya Mahad Maxamed Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorshee & Askar kale ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmen qaraxa.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, baaris ayay ku bilaabeen si ay u ogaadaan sida ay u sahlanaatay in miino la dhigo goobtaas oo ah meel amnigeeda ay ilaaliyaan ciidamada ku sugan Saldhigga Booliiska.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Dagaalka cusub ee Tigray-ga iyo ciidamada Ethiopia oo guulo weyn laga sheegtay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Ethiopia iyo kuwa Tigray-ga ayaa guulo ka sheegtay dagaalka xooggan ee dib uga qarxay waqooyiga dalka toddobaadkii tegay.

Weerarka cusub ee ka dhanka ah Tigray-ga ee dib u billowday toddobaadkii tegay ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed mar kale loo dhaariyey muddo xileed cusub oo shan sano ah. 

Ciidamada dowladda waxay “iska caabinayaan” weerar ay billaabeen TPLF, waxaa sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed kaasoo baxay Militariga Ethiopia oo lasoo dhigay facebook.

TPLF ayaa dhinacooda sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka.

Ciidamada Tigray-ga waxay qabteen “maxaabiis dhowr ah”, waxayna burburiyeen qalab iyo gawaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Ethiopia, waxaa sidaas sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

“Waxaan gebi ahaan burburinay taliska Bari oo dhan, oo ay ku jiraan qeybo badan oo u yimid dib u xoojin,” ayuu Getachew Reda ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Dagaalka cusub waxaa ciidamada dowladda ka taageeraya maleeshiyada gobolka Amxara, waxaana Tigray-ga laga soo weeraray dhowr jiho, sida ay TPLF sheegtay toddobaadkii tegay.

Dagaalka cusub ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xaaladda Ethiopia oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof.

Dhinaca kale, shaqaale gargaar oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in dagaal-yahanno Eritrean ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, ayna ka qeyb qadaanayaan dagaalka.

Ilo-wareedyo gargaar oo kale oo soo xiganaya goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay Tigray-ga kula dagaalamayaan magaalada Berhale ee gobolka Afar.

Muxuu yahay ujeedka gudiga uu magacaabay Qoor Qoor?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa magacaabay guddi cusub oo uu ka soo xulay golihiisa wasiirada, waxaana horkici doono madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Guddigan oo ka kooban illaa 10 xubnood ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaa daadajinta adeegga dowladaha hoose, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Qoor Qoor.

Sidoo kale waxaa warqadda lagu sheegay in magacaabista guddigan ay ku timid baahi loo qabo in hoos loo daadajiyo adeegga maamulka ee dowladaha hoose.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale amray hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga cusub ee uu magacaabay.

“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug in ay la shaqeeyaan guddigan, si ay u gutaan waajibaadkooda shago.,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Halkan hoose ka aqriso liiska xubnaha guddiga:

1- Axmed Xasan Cali, Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)
2- Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3- Maxamed Xaashi Dhoore, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
4- Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5- Cabdinasir Geelle Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
6- Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta
7- Axmed Casir Dhiblaawe, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska
8- Siciid Siyaad Shirwac, Wasiirka Wasaaradda Bayada
10- Yaxye Xasan Xiish, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
11- Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu sheegay in xeerkan uu dhaqan-galayo isla maanta, maadaama uu saxiixay madaxweynuhu.

Si kastaba, magacaabista guddigan cusub ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan Galmudug ka taagan tahay xiisad dagaal oo ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna.

Wafdigii Somalia ku metalay kiiska Maxkamadda ICJ oo faah-faahin cusub bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dib ugu soo noqday wafdigii dowladda federaalka ku metalayey maxkamadda ICJ oo dhowaan shaacisay xukunka badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay dowladda Kenya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mahdi Guuleed oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka ayaa shaaciyey in Soomaalia ay guul taariikhi ah kasoo hoysay dacwaddii badda, isla-markaana doodaha Soomaaliya la qaatay, maxkamadduna ay iska diiday dhammaan doodihii ay soo gudbisay dowladda dalka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan Soomaaliya ay leedahay bad xadkeedu cad-yahay, laguna sugay sharciga caalamiga ah.

“Maanta waxynu joognaa goor Soomaaliya ay leedahay bad xadkeedu cad-yahay, jeexan yahay sharciga caalamiga ahna lagu sugay, aynu guuleysanay taariikhi ah, ay tahay in aynu ku fara adeegno. Guushaasi waa guul dhammaanteen shacabiga Soomaaliyeed u soo hoyatay, dowladda Soomaaliya u soo hoyatay,” ayuu yiri Mudane Mahdi Guuleed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waa xaq aynu laheyn oo aynu dhacsanay oo innoo soo noqday maanta uu cad-yahay xuduud biyeedka aynu Kenya la leenahay halka uu gaarsiisan yahay,”

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey dowladihii kala duwanaa ee kasoo shaqeeyey kiiska badda, sida dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif, tiii Xasan Sheekh iyo mida Farmaajo.

“Waxaan u mahadcelinayaa laga soo bilaabo dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariiif iyo ra’iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyey oo uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid iyo wasiiradii arrimaha dibadda ee xilligaas iyo doorkii ay ka qaateen, dowladii Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaareyaashii lasoo shaqeeyey baarlamaankii dalka oo qaraar kasoo saaray kiiska baddda,” ayuu markale hadalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Dhinaca kale madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa guddiga ku qaabilay xafiikiisa, wuxuuna ku boggaadiyey doorka ay ka qaateen difaaca badda Soomaaliya

“Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay ku guuleystay dacwaddii badda ee maxkamadda ICJ, waxaana inta badan biyaha la’isku hayey loo xukumay Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada magaalada Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Guriceel, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana taasi ay keentay in qoysas badan ay isaga barakacaan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee Guriceel, waxayna ganacsatada dhankooda walaac ka muujinayaan xaaladaha cakirnaanta ah ee ka taagan halkaasi.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay difaacyo horleh ka sameysteen duleedka magaalada, iyaga oo haatan bilaabay abaabul ciidan oo culus.

Dhanka kale ciidamada Galmudug oo kaashanaya iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qorsheynayo inay weeraraan Ahlu Sunna.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Baaqyada kala duwan ee loo dirayo Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa dhinaca kale isa soo tarayo, waxaana laga dalbaday inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Si kastabam dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horay dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan maamulkaasi.

Xiisadda Farmaajo iyo Rooble: Yaa hadda gacanta ku haya goobihii lagu loolamay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu loolan xoogan ku dhex maray gacan ku haynta awoodda dalka.

Intii ay taagneyd xiisada Farmaajo iyo Rooble meelaha sida aadka ah ay iskugu hayeen ee khilaafkooda saameyay ayaa waxa ay ahaayeen Hay’adda NISA, Wasaarada Amniga iyo Warbaahinta dowladda.

Khilaafka oo markii hore ka billowday Hay’adda NISA ayaa ku baahay labada goob ee kale, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Rooble ku guul dareystay in Bashiir Goobe oo u magacaabay NISA uu geeyo xarunta taliska.

Hay’adda NISA ayaa waxa hadda gacanta ku haysa koox ciidan ah oo taabacsan Farmaajo, waxaana taliye ahaan uga shaqeeya Yaasiin Faray, oo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u magacaabay si kumeel gaar ah.

Hase yeeshe Rooble ayaa asaguna ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo Wasaarada Amniga iyo Warbaahinta dowladda, halka Farmaajo ay awoodiisu isugu soo aruurtay hay’adda NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si aan looga adkaan loolanka ciidanka, wuxuu Cabdullaahi Nuur u magacaabay Wasaarada Amniga, waxayna sidaas ku raacday dhanka Rooble, taasi oo loolanka labada nin kala gacan sareysiisay.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa ayaa la saftay Rooble, ayada oo Warbaahinta dowladda laga mamnuucay hadalada iyo qoraalada Farmaajo ee ku aadan siyaasada iyo loolanka kala dhaxeeya Rooble, halka kaliya lagu baahiyo aragtiyada dhex-dhexaadka ah.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhowr jeer lagula taliyey in uu weeraro warbaahinta dowladda, hase yeeshe waa uu diiday in uu qaado tallaabadaas, maadama ay uga sii dari karto xiisada taagan.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa hoos u dhacay, xili ay soo faro-gelisay dowladda Qatar oo ayada lala xiriiriyo in saaxiib dhow la tahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, si rasmi ahna looma oga in safarkii Rooble ee dalkaas uu si buuxda u soo afjari doono khilaafka siyaasadeed ee labada nin.

Nin Soomaali ah oo loo xiray dilkii xildhibaan David Amess

London (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah ayaa loo qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee dalka UK.

Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta.

“Wuxuu ahaa weerar deg deg ah. Nin ayaa si lama filaan ah mindi ula soo baxay kadibna billaabay inuu ku dhufto David Amess,” ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

Booliska ka hor-tagga argagixisada iyo sirdoonka gudaha UK ee MI5 ayaa lagu warramay inay baarayaan, haddii ninka Soomaaliga, oo 25 jir ah, uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjiriinta ee argagixisada.

Dadkii isugu tegay kaniisadda Belfairs Methodist oo uu kulanka ka dhacayey ayaa ayagoo argagaxsan daawaday David oo goobta ku dhintay, ayada oo kooxaha gurmadka deg degga ah ay isku dayayeen muddo laba saac inay badbaadiyaan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Jubaland oo lagu dilay magaalada Baardheere

0

Baardheere (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay innoo xaqiijiyeeno ilo wareedyo.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray, Xasan Inyow ayaa ka dhacay guri uu ka daganaa gudaha magaaladaasi, waxaana goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeyey.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka filisay ay gudaha gurigiisa ugu gashay sarkaalkaasi, kadibna ay toogasho ay ku dishay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkan, waxaana ay shaacisay inay howl-galkaasi fuliyeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan kuwooda amniyaadka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka ee Jubbaland iyo kan degmada Baardheere oo ku aadan dhacdadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay xaafadda uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Gobolka Gedo oo ay weli ku xooogan tahay Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay kooxdaasi ka fuliso degmooyinka gobolkaasi.

Soomaaliya iyo Thailand oo wada-hadallo ka yeeshay saddex qodob + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi, Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa kulan gaar ah la qaatay danjiraha Thailand u qaabilsan Kenya, Sasirit Tangulrat, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dowladood.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray, sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi cusub oo dhex-mara Soomaaliya iyo Thailand.

Sidoo kale waxay labada dhinac ada-hadalkooda ku soo qaadeen horumarinta dhanka ganacsiga ee labada dowladood, si loo sii hormariyo.

Tarsan iyo Tangulrat ayaa sidoo kale kulankooda ku soo qaaday saddex arrimood oo kala ah Kalluumeysiga, Caafimaadka yo Waxbarashada oo udub dhexaad u ah cilaaqaadka 2 dal.

Soomaaliya iyo Thailand ayaa muddooyinkii u dambeeyey yeelanayey kulamo xiriir ah oo uu ujeedkoodu yahay, sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dowladood.

Si kastaba Thailand oo dhacda Koofur Bari ee Qaaradda Aasiya, ayaa kamid ah dalalka haatan sameynaya horumar dhinaca wax-soo-saarka ah oo ay dooneyso inay ballaariso.

Kulanka uu Tarsan la yeeshay danjiraha Thailand ayaa qeyb ka ah kulamo uu ka wado Nairobi, isaga oo shalay la kulmay safiirka Koonfur Afrika oo uu kala hadlay xaaladda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi oo dhibaatooyin la kulmayey maalmihii lasoo dhaafay.

Mas’uul ka tirsan maamul DEGMO oo saddex qof ku toogtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in masuul ka tirsan maamulka degmadaas uu saddex qof oo shaca ah ku dhaawacay toogasho..

Masuulka dadka shacabka ah dhaawacyada u geystay waxaa lagu magacaabaa Cabdi-waduud Sheekh Maxamed Macalow, waxuuna ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dhaawacyada soo gaaray qaar ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwo daran, waxayna rasaastu ka haleeshay qaybaha sare ee jirkooda, sida madaxa, qoorta iyo meelo kale oo halis ah.

Qof ku sugnaa goobta ayaa noo sheegay in sarkaalkaan oo ku hubeysnaa Bistoolad uu rasaas ku furay dadkaas oo hal goob ku sugnaa, waxaana yar faah-faahinta ilaa hadda laga helay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan.

Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno Kaxda waxay sheegayaan Taliyaha booliska degmada Kaxda oo lagu magacaabo Macalin Faarax iyo ciidamada ammaanka ee degmadaas ay soo qabteen sarkaalkii geystay toogashada, kaas oo loo gudbiyey saldhigga booliska ee degmada Dharkeynley, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Haatan waxaa saldhigga booliska ee degmada Dharkenley ka socota su’aalo weydiinta masuulka toogashada geystay, waxaana weli la shaacin sababta ku kaliftay in dadkaas shacabka ah uu rasaas ku furo.

QM oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadkii laga soo masaafuriyey Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku shaacisay tirada dadkii ay Somaliland ka soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo deegaanada u dhaw dhaw.

Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay in tirada dadkaas ay gaareyso 7,250 qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. 

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadanimada ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray maanta waxa uu ku sheegay in 24-qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle.

Sidoo kale warbixinta uu soo saaray xafiiska OCHA waxaa lagu sheegay in magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag laga soo barakiciyey 75-qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo hadda ku kala nool magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhaba.

Dadkaan ayaa isaga soo baxay Ceerigaabo kadib markii mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay deegaanka isaga baxaan inta aan la gaarin 21-ka bishaan Oktobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA.

Hay’addan gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobey waxay warbixintaan ku sheegtay in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October.

Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen.

Dawladda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaaraysay tallaabooyinka ay Somaliland kusoo musaafurisay dadkaas, waxayna mas’uuliyiin ka hadashay talaabadaan ku tilmaameen mid ka baxsan bani’aadanimada. 

Hase yeeshee mas’uuliyiinta amniga ee Somaliland waxay difaaceen tallaabada lagu soo musaafuriyey dadkaan ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, waxayna ku doodeen in go’aankaas loo qaaday sababo dhinaca amniga ah.

Maxaa ka jira in ciidamada DF ay ka baxeen Ceeldheere?

Ceeldheere (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka baxeen deegaankaas. 

Deegaanka Ceeldheere ayaa muhiim u ah qorshaha ay ciidamada dowladda iyo Galmudug dib ugu qabsanayaan magaalada Guriceel, oo 35 u jirta deegaanka, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo taabacsna kooxda Ahlu-Sunna Walajmaaca.

Guddoomiye Cabdullaahi, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho, ayaa yiri “Ciidamada ammaanka way joogaan Ceeldheere, waa beena buur wararka sheegaya in ay isaga baxeen deegaanka, waxa ay isku sii ballaariyeen deegaanno horleh.”

“Sidoo kale waa been abuur wararka sheegaya in khilaaf uu soo kala dhexgalay ciidamada ku sugan Ceeldheere sidaasna ay uga baxeen deegaanka. Ciidanku waa ay ka amar qaataan dowladda, ma jiri karo is maandhaaf soo kala dhexgeli karo maadaama hal hadaf ay ku socdaan,” ayuu yri Guddoomiye Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa qorsheynaya inay weeraraan Guriceel, kadib markii odayaasha beesha degta Guriceel ay xalay sheegeen inay ku fashilmeen dhex-dhexaadin ay isku dayeen inay ku baajiyaan dagaal ka dhaca magaalada, ayaga oo eedeeyey hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir.

Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir.

“Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta.

Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu jira Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Xildhibaan SIR David Amess oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerarka

London (Caasimada Online) – Xildhibaan Sir David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka UK ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday mindi oo lagu qaaday.

Amess, oo 69 jir ah, ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, kaasi oo ka dhacayey kaniisad lagu magacaabo Belfairs Methodist Church oo ku taalla deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea oo qiyaastii 64 km u jira magaalada London, markii weerarka lagu soo qaaday.

Taleefishinka Sky News ee UK ayaa ku warramay in nin mindi watay uu soo galay kaniisadda, kadibna uu dhowr goor mindida ku dhuftay Sir Davis Amess.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa isku dayey inay noloshiisa badbaadiyaan ayaga oo ku daweeyey sagxadda kaniisadda illaa ay ka imaneyso helicopter u qaadi laheyd isbitaal, hase yeeshee goobta ayuu ku geeriyooday kadib saacad lala tacaalayey xaaladdiisa.

Booliska Essex, oo ah maamulka ay hoos tagto magaalada Leigh-on-Sea ayaa qoraal ay soo saareen ku xaqiijiyey in xireen nin lagu tuhmayo weerarka, oo 25 jir ah.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka laga lahaa weerarka lagu dilay Sir David. 

Sir David Amess ayaa ahaa xildhibaan aaminsan siyaasadda midigta-fog. Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

Tibor Nagy: Haddii Somalia ay diiday qorshaha cusub waa inay Shabaab iska celisaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tibor Nagy oo ah Diblomaasi Mareykan ah oo xilal kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee lagu diiday wax ka beddelka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Dolwadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan rabin islamarkaana raali ku ahayn qorshaha guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ah in howlgalka AMISOM la ballaariyo lagana dhigo mid ay si wadajir ah u fulinayaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Tibor oo horey usoo noqday kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, iyo Danjiraha Maraykanka ee dalalka Guinea iyo Ethiopia ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga rabo inay iska celiso Al-Shabaab, haddiiba ay diidan tahay qorshaha Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay leedahay ciidamo aad u badan oo awoodi kara inay soo afjaraan Al-Shabaab.

“Haddii Dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn isbeddellada lasoo jeediyay in lagu sameeyo AMISOM, waa inay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda. Ciidammada Soomaaliya marka la isku daro aad ayey uga badan yihiin Al-Shabaab…dagaalka waa inay kusoo afjaraan hal maalin,” ayuu yiri Tibor Nagy.

”Soomaaliya waxay u baahan tahay dawlad u shaqeysa Soomaalida ee aan ka shaqeysan,” ayuu sii raaciyey, isaga oo u muuqda inuu ku jeesjeesayo mowqifka dowladda Soomaaliya.

Tibor Nagy ayaa Muqdisho yimid Janaayo 2020, isagoo wadahadal la yeeshay madaxda dowladda federaalka, sida ra’iisal wasaarihii xilligaasi Xasan Cali Kheyre.

Midowga Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya la gelinayo Xeerka Number 7 ee Qaramada Midoobey, ayada howlgalka cusub ee lasoo jeediyey uu billowdo bisha Janaayo ee 2022, haddii uu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Warka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hindisaha Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay diiday Soomaaliya, mar kalena ay ku celineyso diidmadeeda qayaxan.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay tixgelinta madaxbanaanida Soomaaliya iyo qaraarka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568 soona baxay 2021, kaas oo ogolaanayay dib u habeynta AMISOM iyo in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Wasiir sheegay arrin yaab leh oo Somaliland ka leedahay masaafurinta reer Koonfurta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi oo ka hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ay musaafurintooda billowday Somalialnd, ayaa ka hadlay ujeedka ka dambeeya raafkooda.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ay arrintaas ka leedahay muujinta xumaanta Soomaalida, iyo inay beesha caalamka u muujiso sida ay u kala fog yihiin, sida uu sheegay.

“Waa arrin siyaasadeed oo maamulka Somaliland uu is leeyahay ictiraafkii aad dhankan ka weyseen aad dadka Soomaaliyeed si magaciina uga fogaado oo aduunkiina tusayaan sida ay u kala fog yihiin Soomaaliya, oo ay ka tahay sidaas,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Abuukar.

“Dadkaan waa soo codeeyen oo ayaga soo doortay, marka codkooda u baahnayeen ma soo saarin, marka dadkii u codeeyen oo xisbiyadii ka mid ahaayeen sidaa la sameeyo oo la soo saaro waa arrin siyaasadeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee maamulka Koonfur Galbeed in Somaliland ay ka carootay doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayna ku muujinayso sida ay uga soo horjeeday.

“Shuruucda caalamiga ah waa ka baxsan tahay sida loola dhaqmay dadkaas, arrin amni waa ka baxsan yahay sida ay sheegen, waa mid siyaasadeed.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in dadka laga musaafuriyey deegaanada Somaliland ee ka soo jeeda reer Koonfur Galbeed ee gaaray Puntland ay diyaarad ku daad-gureynayaan si ay u geeyan deegaankoodii, una sameeyen goobo kumeel gaar ah.

Maxaa kasoo baxay kulankii Biden iyo Uhuru Kenyatta?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waana kulankii ugu horreeyay ee Biden uu si toos ah ula yeesho hoggaamiye African ah tan iyo markii noqday madaxweynaha Mareynkanka.

“Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Kenya waa lama huraan,” ayuu yiri Biden, markii labada hoggaamiye ay fadhiisteen Xafiiska Oval.

“Labadeenuba, waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay wax ka qabashada caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yir Biden.

Kulanka kadib, Aqalka Cad ayaa sheegay in labada hoggaamiye “ay ka wada hadleen ballanqaadkooda wadaagga ah ee ku aaddan difaaca dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo dardargelinta barwaaqada dhaqaale.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku sheegay bayaankan, in labada madaxweyne “ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in la helo hufnaan iyo isla xisaabtan dheeraad ah oo ku aaddan nidaamka maaliyadeed ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo in la hormariyo go’aannada nabadeed ee colaadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.”

Dalka deriska la ah Kenya ee Itoobiya, dagaal ayaa ka socday waqooyiga gobolka Tigray muddo ku dhow hal sano, waxaanaa colaaddu ay dishay dad aan tiradooda la sheegin – tirada dhimashada lafteeda ayaa ah mawduuc la isku haysto. 

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dagaalku uu 5.2 milyan oo qof ku riday masiibo bani’aadanimo, waxaana in ka badan 63,000 oo qof ay u qaxeen dalka deriska la ah ee Suudaan.

“Maanta, waxaan ka wadahadli doonnaa waxa Kenya iyo Mareykanka ay ka wada sameyn karaan Geeska Afrika, si loo hormariyo nabadda iyo amniga,” ayuu yiri Biden. 

Labada hoggaamiye midna magaca ahaan uma soo hadal qaadin dalka Itoobiya.

Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen waddanka aan badda lahayn, iyada oo si adag u qeyxday colaadda.

“Waa iska caddahay waxa ka socda Itoobiya inay yihiin naxariisdarro,” ayay tiri Psaki, iyada oo ka jawaabaysay su’aal ku saabsan goorta Maraykanku bilaabayo cunaqabataynta.

“Waa wax laga naxo run ahaantii, waan ku faraxsanahay inaad wax iga weydiisay arrintan, sababtoo ah malaha ma jirin dareen ku filan oo ku saabsan waxa dhacaya oo Mareykanku siiyay” ayay raacisay.

Musharaxnimada Deni oo yeelan doonta cawaaqib siyaasadeed weyn (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Cabdullahi Deni waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dhowaaqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo ay muujinayaan in damaciisu uu sidaas yahay.

Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sameyn doontaa ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono musharaxiin badan.

Fallanqeeyayaal siyaasadeed oo ay Caasimada Online la hadashay ayaa isku raacay inay aad u yar tahay rajada Deni loogu dooran karo madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee ay musharaxnimadiisa kaalin weyn ku yeelan karto cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya iyo cidda aan noqoneyn.

Deni wuxuu noqon doonaa musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doorashada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira kuwa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka, mana jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh hanaanka doorashada xildhibaanada.

Marka aan ka hadleyno xildhibaanada 100-ka ka badan waxay isugu jiraan kuwa lagu soo dooranay Puntland, oo uu toos u maamulayo Deni, iyo kuwa Jubaland, oo si dadban u maamulayo, maadaama uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe oo ay xulufo siyaasadeed yihiin.

Yey dhaawaceysaa musharaxnimada Deni?

Musharaxnimada Saciid Deni waxay si toos ah u dhaawaceysa musharaxiinta kasoo hara Farmaajo, si gaar ahna Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo la rumeysan yahay inay yihiin labada musharax ee loolanka adag uu kala kulmi doono Farmaajo.

Labadan musharax ayaa wuxuu dhaawac siyaasadeed uga iman doonaa in xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay badankood noqon doonaan kuwa ku yimaada rabitaanka iyo qorshaha siyaasadeed ee Deni, taasi oo yareyn karta xildhibaanada taabacsan Xasan Sheekh iyo Shariif ee soo baxaya.

Jubaland iyo Puntland waa labada maamul ee mucaaradka ay ka filayaan in xildhibaano taabacsan ay kasoo baxaan, maadaama Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ay yihiin maamulo lagu tirinayo inay taabacsan yihiin Farmaajo.

Tani waxay ka dhigan tahay in musharaxiinta mucaaradka aysan saameyn weyn ku yeelan xildhibaanada lasoo doornayo,  balse ay taageero ka raadiyaan marka ay soo baxaan kadib, sida marar badan horey u dhacday.

Yaa ka faa’iideysanaya musharaxnimada Deni?

Musharaxnimada Saciid Deni, waxaa faa’iidada ugu badan ku qaban madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sababtoo waxay sii kala qeybineysaa codadka mucaaradka, waxayna horseedi kartaa in Xasan Sheekh iyo Shariif midkood uu ku haro wareegga koowaad.

Haddii Deni uu qaato in badan oo ka mid ah codadka xildhibaanada laga soo dooranayo Jubaland iyo Puntland, waxaa suurta-gal ah in isaga, Farmaajo ama Xasan Sheekh iyo Shariif midkood ay u gudbaan wareegga xiga ee doorashada oo ay gaaraan kaliya saddexda musharax ee ugu codadka badan wareegga koowaad.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Deni uu ka codad bato Xasan Sheekh iyo Shariif, oo uu galo kaalinta labaad ama koowaad, ayada oo Farmaajo la rumeysan yahay in sidoo kale uu kow ama laba geli doono wareegga koowaad, taasi oo horseedi karta in in musharaxa gala kaalinta saddexaad uu tanaasulo, sida horey loo arkay.

Ciidamada Galmudug iyo dowladda oo dhowr jiho kaga siqay magaalada Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dhowr jiho kaga sii siqaaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, oo ay haystaan kooxda Ahlu-Sunna.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo odayaasha beesha degta Guriceel ay xalay sheegeen inay ku fashilmeen dhex-dhexaadin ay isku dayeen inay ku baajiyaan dagaal ka dhaca magaalada, ayaga oo eedeeyey hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir.

Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir.

“Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta.

Boqolaal askari oo ka tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalin ka hor gaaray deegaanka Ceeldheere, oo ku yaalla waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoona Xoogaga Ahlu Sunna la soo sheegayo in qaybtood ay aaggaasi ka ag-dhow yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay Magaalada Guriceel ay dhufeysyo waaweyn kaga jiraan bannaanada magaaladaasi.

Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu jira Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka degan Magaalada Guriceel, kuwaa oo qaarkood saaka bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda.

Wada hadalada maalmihii ugu dambeysay laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Gelinkii dambe ee Talaadadii ayay ahayd, markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha ayaa kulan saacado qaatay Xarunta Madaxtooyada Galmudug kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.