25 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Madaxweyne Bill Clinton oo isbitaal la dhigay iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladiisa

Sacramento (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa soo kabanaya kadib laba maalmood oo laga daaweynayay caabuq ka dhacay oo loo dhigay isbitaal ku yaal California, sida ay dhakhaatiirtiisu sheegeen.

75 jirkan ayaa la dhigay Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda California Irvine Medical Center fiidnimadii Talaadada, waxaana ku dhacay caabuq aan ahayn COVID-19, sida uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay afhayeenka Clinton Angel Urena.

“Wuxuu ku jiraa hagaajin, niyad wanaag, wuxuuna si aad ah ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha siinaya daryeel aad u wanaagsan,” ayuu qoray Urena. Afhayeenku oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hadalkiisa sii raaciyey: “Wuu kacay, wuu kaftamay oo wuxuu soo jiitay shaqaalaha isbitaalka.”

Clinton ayaa isbitaalka tagay kadib markii uu dareemay daal, waxaana laga helay caabuqa dhiigga oo dhakhaatiirtu ay rumeysan yihiin inuu ku bilowday caabuqa kaadi mareenka sida uu baahiyey telefishinka CNN oo soo xiganaya dhakhaatiirta.

Dhakhaatiirta madaxweynihii hore, Alpesh Amin iyo Lisa Bardack ayaa sheegay in sababta isbitaalka loo dhigay ay tahay si xaaladiisa si dhow loola socdo isla markaasna loo maamulo dawooyinka la siinayo.”

Waxay intaas raaciyeen “Waxaan rajaynaynaa in uu dhawaan gurigiisa aado.”

CNN ayaa soo xigatay dhakhaatiir sheegaysa in Clinton uu ku jiray qaybta daryeelka degdegga ah si ay u siiso asturnaan.

Clinton, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo madaxweyne ahaa 1993-2001, ayaa dhowr jeer horey Isbitaalka loo dhigay, iyadoo sanadki 2004 lagu sameeyey qalliin seddex geesle ahaa, sidoo kalana sanadkii 2010 ayuu maray qalliin dhanka wadnaha ah kadib markii uu furmay halbawle, wuxuuna telefishinka CNN sheegay in xaaladda hadda Isbitaalka loo dhigay aysan aheyn mid la xiriirta arrimaha wadnaha.

Tarsan iyo Mninwa Johannes oo ka wada-hadlay dilka iyo boobka lagu hayo Soomaalida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la kulmay Safiirka Koonfur Afrika u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mninwa Johannes Mahlangun waxaana ay kawada hadleen xiriirka labada Dal, ilaalinta Soomaalida hantida ku heysata Dalkaas iyo qodobo kale.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay cilaaqaadka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta labada safaaradood.

Wararka sidoo kale kulanka laga helayo ayaa sheegaya in labada Safiir ay ka wada hadleen dhibaatada dilka iyo boobka ah ee lagu haayo Soomaalida ku Ganacsatada gudaha dalka Koonfur Afrika.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur ayaa safiirka dalka Koofur Afrika u qaabilsan Soomaaliya la wadaagay in ay ka hortagaan dhibaatada lagu haayo Soomaalida oo noqday kuwo si joogto ah uga dhaca dalkaas.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo faah-faahin ka bixiyay kulanka waxa uu sheegay in Danjire Mninwa Johannes Mahlangu uu u ballanqaaday in Dowladdiisa uu gaarsiinayo fariinta ah ilaalinta Soomaalida Ganacsiga ku leh Dalkiisa.

Danjire Mninwa waxa uu dhankiisa tilmaamay in Soomaalida ganacsiga ku leh Koofur Afrika ay kaalin weyn ku leeyihiin horumarka dhaqaalaha Dalkaas waxaana uu uga mahadceliyay ku dhiirashada in ay hanti dhigtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kunool Soomaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan kuleh dalkaas, hayeeshee Maalin walba ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo in la boobo Hantidooda.

72-dii Saac ee la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay dilal loo geystay Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo la gubay Goobo Gamacsi ay lahaayeen Soomaali iyo Itoobiyaan.

Sidee Kenya ugu hor huftay Caddaaladda Caalamka?

0

Somaliya, Shacbi iyo Dowlad, oo ku mitidday baddeeda guul ayaa usoo hoyatay. Halka Kenya ay ku hor kuftay caddaalladda caalamka.

October 12, 2021 ayey Maxkamada ICJ xukunkeeda kama dambeysta ahaa ka dhiibtay inaysan jirin soohdin badeed labada dal ay ku heshiiyeen hadda ka hor oo barbaro la ah loolka sida ay sheegatay Kenya. Balse dhammaan garsoorayaasha maxkammadda waxay si wadajir ah isugu raaceen in xadku yahay midka ay Soomaaliya welligeedba sheeganaysay.

August 14, 2014 ayaa Soomaaliya dacwad horgeysay maxkamadda kana codsatay inay qaraar ka gaarto xuduudda Badweynta Hindiya ee labada dal iyadoo la adeegsanayo habka sinnaanta (equidistance method) si loo gaaro natiijo siman (an equitable result).

Maxkamadda oo si wadajir ah u soo jeedisay soohdin u dhow tii Soomaaliya ayaa soo afjartay ajandihii isballaarinta Kenya iyo horornimada xushmadda deris wanaagga lahayn waxayna si tabban u saameenaysay madaxbannaani qarannimo, bad hodan ku ah khayraad iyo xidhiidhka labada dal ee dariska ah. 

Maxkamadda waxay soohdinta ku saleysay mabda’a sinnaanta (principle of equidistance) sida waafaqsan tabta saddex-tallaaboodka caadiga ah. Natiijadu waxay ka dhigan tahay wax tanaasul ah oo u dhexeeya sheegashada labada dhinac, inkastoo ay muuqato in cagta lagu dhuftay qaabkii Kenya wax ku boobi lahayd.

Kenya waxay halkaas ku weyday sohdin siin lahayd dhul bad-jiif ah oo lagu qiyaasay inuu ka badan yahay 100,000 kiilomiter oo isku wareeg ah (Sq.Km.) habkaasoo ay ku hanan lahayd shanta jasiiradood ee loo yaqaan “Diwa Damashaqa.” Soomaaliya waxay gacanta ku dhigtay inta badan dhulkii laga boobi lahaa iyadoo 5tii xirmo shidaal ee la isku hayay 4.25 ka mid ah loo xukumay.

Xukunkii February 2, 2017 ayey maxkamadda ku oggolaatay in is-afgaradkii (Memorandum of Understanding – MOU) Abril 2009 uu yahay “Axdi,” aan xeerinayn soohdinta badda labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa Abril 7, 2009 ku saxiixdeyn Nairobi heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ujeeddadiisu ahayd in laba dal midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin dalabka qolfoofta badda. 

Balse damaca ayaa ahaa inay dib u xariiqato sohdin-badeed ay qiil uga dhigatay heshiiskii is-afgaradka (MOU), aamusnaantii Soomaaliya iyo heshiis si fudud ay ula gashay Tanzania. Taas ayaa qayb ka ahayd duulaankii October 11, 2011 ee ay ku qabsatay dekedda Kismaayo. 

Su’aal kama taagna in Shariif Sheikh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdirahman Aadan Ibrahiim Ibbi iyo Cabdirahman Cabdishakuur Warsame ay fudeedkoodii ku dayaceen mas’uuliyaddoodii ahayd inay ka baarandegaan qoraalka is-afgaradka. Waxay xitaa ku fashilmayn inay dhaqangeliyaan xigmadda Rabbaaniga ah ee leh, “Haddii aadan aqoon weydiiya kuwa wax og”  oo u sahli lahayd inay la tashtaan khubarada sharciga badda.

Su’aaluhu ma yara, waxaase isweeydiin u baahan, Kenya oo ku guuldarraysatay in maxkamadda ka horistaagto garta, qaaddacday dhegeysigii March, kuna gacan seyrtay qaraarka maxkamad caalami ah sidee nabad ilaaliye uga sii ahaan doonto Soomaaliya iyadoo weliba ku gooddineyso colaad iyo cadowtinnimo hor leh? Dabshide [Kenya] ma noqon doonaa dabdemiye [nabad ilaaliye], mase waa dhurwaagii hilibka lagu rartay?!

W/Q: AbdulQadir Cariif Qaasim

Xiisadda dagaal ee dalalka Azerbaijan iyo Armenia oo dib usoo cusboonaatay

Baku (Caasimada Online) – Ciidamada Armenia ayaa Khamiistii dilay askari Azerbaijani ah, waxaa sidaas sheegay saraakiisha Baku, ayada oo ay dib usoo cusboonaatay xiisadda labada dal ee deriska ah, kadib dagaalkii sanadkii tegay ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah askarteeda habeenii Khamiista lagu dilay “toogasho ay fuliyeen ciidamada Armenia ee ku sugan dhulka Azerbaijan.” 

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in askarta Armenia lagu arkay dhul ay si ku-meel gaar ah u maamulaan ciidamada nabad-ilaalinta Ruushka, ayna ugu baaqeen howl-galka korjoogteynta wada-jirka ah ee Russia iyo Turkey inay baaraan dhacdadan.

Warka ku saabsan dhacdadan ayaa yimid ayada oo wasiirada arrimaha dibedda Armenia iyo Azerbaijan ay Ruushka wada-hadallo kula lahaayeen Belarus Khamiistii, si loo hagaajiyo xiriirkooda.

Dagaalkii Nagorno-Karabakh ee deyrtii hore ayaa dilay 6,500 oo qof, wuxuuna horseeday in Armenia ay weyso gacan ku haynta dhul ay maamuli jirtay tobanaan sano. 

Azerbaijan iyo Armenia ayaa kadib waxay labaduba weriyeen toogashooyin dhowr ah oo ka dhacay xuduudda, taasi oo sare u qaaday cabsi ah in dagaal uu mar kale ka qarxi karo dhulka lagu muransan yahay. 

Gooni u goosatada qowmiyad ahaan kasoo jeeda Armenia balse ku nool gobolka Nagorno-Karabakh ayaa isku dayey inay ka go’aan Azerbaijan kadib burburkii Midowga Soviet, waxaana dagaalkii xigay ku dhintay qiyaastii 30,000 oo qof.

Odayaashii maanta la kulmay Shaakh Shaakir oo shaaciyey go’aanka uu qaatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka degmada Guriceel oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in waan-waantii ay xiisada Galmudug ku dejinayeen uu ka diiday Sheekh Shaakir oo kamid ah hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir.

“Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta.

“Sheekha waa ka suuro-geli weyso, aqbal kama sidno. Qof uu wax ka maqlayana la arag, in lala diriro oo cid kale u naxariisan, tan kale waxaa leeyahay maamul goboleedka Galmudug ayaa waddanka uu leeyahay.”

Sidoo kale waxay sheegen inay ka shaqeynayeen in uusan dagaal dhicin, hase yeeshe uu hogaanka Ahlu-Sunna uu ku madax adeygayo in uu ka baxo Guriceel, kadibna uu wada-hadal la furo maamulka Qoor-Qoor.

“Waxaa ku hadleyna af guud oo Ceyr iyo af guud oo Guriceel, waxaa ku bixinay juhdi badan oo maqsuudka ugu tagnay waxay aheyd ka kor qaad culeyska meesha oo meel kale tag, waxaa sheegeyna waxa uu ina yiri inay yihiin.”

Arrintan ayaa imaneysa xili uu maamulka Qoor-Qoor ku jiro abaabul dagaal oo ka dhan ah hogaanka Ahlu-Sunna oo isku aruursaday Guriceel, ayada oo hogaanka ururkana uu ka madax adeygayo wareejinta maamulka degmada.

Dhageyso: Qareenka Somalia oo sharxay cabirka dhul-badeedka ay Soomaaliya heshay iyo kan Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qareenadii u dooday Soomaaliya xilligii uu socday muranka badda ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo lagu magacaabo Paul Reichler ayaa markii u horeysay ka hadlay xukunka kiiskii badda ee maxkamadda cadaalada aduunka (ICJ).

Paul Reichler oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in maxkamadda ay Soomaaliya u xukuntay 75% kamid ah dhulkii lagu muransanaa, halka ay 25% kale ay siisay Kenya, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay in maxkamadda si isle’eg ugu qeybisay labada dal intii lagu muransanaa.

Paul Reichler ayaa wareysigiisa ku sheegay in dhulka loo xukmiyey dhanka Kenya uu maray ceel loo qoday in laga sahmiyo shidaal, inkasta oo aan weli saliid laga soo saarin, sida uu sheegay.

“Dhulka uu muranka ka jiray waxa uu ahaa in waxyar ka yar 41kun oo Sours/KM, waxay maxkamada ay siisay Soomaaliya wax inyar ka yar 31kun oo KM-Scour, halka ay Kenya ay ka siisay wax inyar ka badan 10kun oo Sours/KM,” ayuu yiri Paul Reichler.

“Maxkamadda waxay jeexday xad badeed qeexan oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waxayna soo afjartay murankii mudada soo socday ee ahaa halka uu marayo xadka, xukunka maxkamaddana waa kama dambeysay oo majirto sabab kale oo looga murmo xuduuda bada iyo kheyraadka ku jira.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamadda ay waxyar ka leexisay xariiqi Soomaaliya markii hore rabtay inay ku saleysay, hase yeeshe waxay ku sameysay isbedel lagu sigibtiray cadaalada maxkamadda, si loogu kalsoonaado.

“Ma jiraan wax ceelal ah xiligaan, waxaa lagu sameeyay sahmin, Kenya waxay ka sameysay sahmin sidoo kale Soomaaliya waxay ka sameysay sahmin, laakiin shidaal qodis dhab ah kama dhicin, saliida lagama helin.”

Somaliland oo shaacisay in gobol kale ay ka billaabeyso musaafurinta reer Koonfurta

0

Berbera (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dhawaan billaabi doonta inay musaafuriso dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ku sugan gobolka Saaxil, sida uu shaaciyey maamulka gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Saaxil, Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey inay bilaabeen tirakoobka dadka Koonfurta, islamarkaana ay deegaanada gobolka ka saari doonaana, sida uu sheegay.

“Anaga waxa noo socda diiwaan-gelinta, inta ay doonaan ha noqdaane waa in marka hore tiradooda la ogaado waxaana u qaban doona waqti, waxaa kala mid noqoneyna dalka Somaliland,” ayuu yiri Badhasaabka gobolka Saaxil.

“Dadka Berbera nala jooga waa dad aan ognahay oo la socono, laakiin kala mid baa nahay sidaa gobolada kale, si amaanka loo xoojiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey badhasaabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ajaanib kasta oo ku sugan gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ay ka saari doonaan, maadama ay laanta socdaalka Somaliland ay soo saartay in deegaanada Somaliland laga saaro dadkaas.

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay musaafuriso dad kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya, waxayna markii u horeysay ka billowday magaalada Laascaanood, oo si qasab ah looga soo masaafuriyay ganacsato iyo dad kale oo ka soo jeeda Koonfurta.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda dagaal ee Kaaraan iyo Taliye war soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qeybta 27-aad ee Milateriga Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal dhawaan degmada Kaaraan la sheegay inuu ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan qeybtaas.

Taliyaha ayaa beeniyay in ciidamo ka wada tirsan qeybta ay ku dagaalameen Kaaraan, ayaa sheegay in ciidamada ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada, islamarkaana ay gudaha caasimada ka abuurin qalalaase iyo dagaal.

“Waxaa u cadeynayaa (mas’uuliyiinta) in ciidamada qeybta 27-aad ay ku jiraan howl-galo, waxay baacsanayaan cadowga Al-Shabaab waxayna la dagaalamayaan argagixisada kale ee burcadka ah ee shacabka ku dhibaateeya waddooyinka, waxba kama jiraan waxa la sheegayo.”

“Ciidamo aan ka tirsaneyn qeybta 27-aad ayaa jira oo wata direyska ciidanka oo gaadiidkoodana ku buufsan yahay astaanta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo magaalada Xamar dhex orda, taasina waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xooga dalka aysan marnaba shaqo ku laheyn dagaalada soo noq-noqday ee ka dhaca caasimada, islamarkaana laga been abuurto.

Waxa uu maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in la kala saaro xuduudaha iyo deegaanada la isku haysto ee gobolka, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada qeybta 27-aad loo saariyo dagaalo aysan waxba ka ogeyn.

“Kaaraan iyo waxa ka socda qeybta 27-aad shaqo kuma laha, dadka aad ku tilmaameysan ciidamada xooga dalka ma aha, waxaa wadnaa shaqadii qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u haynay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax la hubsado oo aan sharciga loo soo dhaafin, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan maamulka uu sheegay in ciidamo ka wada tirsan millateriga ay ku dagaalameen degmada Kaaraan iyo agagaarkeeda, kuwaasi hore uga howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay waxa u qorsheysan haddii ay Kenya nabad diido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in marnaba aysan labada dal u wanaagsaneyn in xiriirkooda uu mad-madow soo galo, islamarkaana ay marnaba ka tanaasuli doonin arrinta badda.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Bilaal Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci doonto baddeeda, ayna marnaba midaasi kala xaajoon doonin dhigeeda Kenya.

“Waxaa aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal,” ayuu yiri Bilaal Cusmaan.

“Haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii ay diido dowladda Kenya in xiriirka labada dal u wanaagsanaado, kaasi oo dan u ah labada shacab ay Soomaaliya marnaba ka gor-gortami doonin difaaca baddeeda.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili ay dhawaan Maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ ay inta badan Soomaaliya u xukumisay kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyay Kenya, taasi oo ay ka biyo diiday xukuumadda Nairobi, oo ayadu dalbatay in wada xaajood lagu dhameeyo kiiska laga go’aan gaaray.

‘Isbeddel ka muuqda fikirkii Al-Shabaab kadib arrimo ay dhowaan ka hadleen’ + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haatanna ah Madaxa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal, Xuseen Macalin ayaa ka hadlay isbedel fikradeed oo ku yimid kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay dhawaan bilaabeen inay ka hadlaan qoddobada ay dhibsadeen ee ku jira Dastuurka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in Shabaabka ay dib u soo nooleynayaan doodii dowladnimada ee la isku hayey, islamarkaana ay wax ka badalmeen xiriirkii ay la lahaayeen kooxihii kale ee xagjirka.

“Waxaa ugu yaraan laga fahmi karaa inay hadda rabaan in markale dadka ay maran-habaabiyaan oo doodii ay qabeen ka dhigaan wax sal iyo raad leh, dalkuna uu ku jiro xili kala guur ah,” ayuu yiri.

“Waxay isku aadinayaan dowlada hadda aad looga qalbi jabsan yahay ee sidii la rabay aan u wiiqin oo u dhameystirin, arrinta barigana waxay si weyn niyada ugu dhistay kooxihii xagjirka ahaa oo la dirirayey dowladihii haystay kalsoonidii shacabka, inay arrintaas ka faa’iideystaan waa xaaladaha kusoo aadiyey.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligaan ay Al-Shabaab rabto wada-hadal, hase yeeshe ay barnaamijyadaas ka leedahay baranbogaado iyo inay caqliga ka xadaan cid kasta oo ay maran-habaabin karaan.

“Wada-hadalka koox aad is haysaan nabada ayey soo dhaweysa, marka laga soo tago mab’da, waxaa aaminsanahay dowladaan Soomaaliyeed ee dadka shacabka ah siiyeen raali ahaanshaheeda, marka dowladda ay diyaar u tahay wada-hadaladaas oo awoodeeda ay leedahay la gali karaa.”

“Marka hore waa in dowlada ay is xoojiso oo midnimadeeda iyo is-fahamka gudaheeda ay xoojiso oo cudad millateri ay diyaarsato, kadib markaas Shabaab in miiska lala fariisto haddii ay ogol yihiin waa soo dhaweynayaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay wacyi-gelin ka dhan ah barnaamijyada maran habaabinta ee Al-Shabaab, ayna muhiim tahay in la dhiso ciidamo awood leh oo ka amar qaata Dastuurka oo shaqsiyaad gaar ah ka amar qaadan, si loo muquunin karo kooxaha xagjirka ah, xataa haddii ay dhacdo in lala galo wada-hadal.

Hoos ka daawo wareysiga Xuseen Macallin

Turkey oo wacad ku martay jawaab adag kadib weeraro dhowr ah oolagu qaaday

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa Arbacadii sheegay in Turkey “ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda” kadib wax uu ugu yeeray weeraro sare u kacay oo maleeshiyada Kurdish-ka Syria ee YPG ay ka fulisay xuduudda.

Madaxweyne Erdogan ayaa Isniintii sheegay in weerar ay Ankara ku eedeysay kooxda YPG, oo Mareykanka uu taageero, kaasi oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis Turkish uu ahaa mid dulqaadka ka dhameeyey, islamarkaana Ankara ay ka go’an tahay inay cirib-tirto halista kaga imaneysa waqooyiga Syria.

Turkey ayaa sheegtay in boolis ku sugnaa gobolka waqooyiga Syria ee Azaz lala beegsaday gantaallada la hago Axaddii, kaasi oo ay ku eedeeysay YPG.

Sidoo kale Isniintii ayaa gantaalo laga soo tuuray deeganada ay haysato YPG waxa ay ku dhaceen magaalada Karkamis ee koonfurta Turkey, sida ay sheegtay Ankara.

Isaga oo ka hadlayey Ankara, ayaa Cavusoglu wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Ruushka aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda ahaa inay xaqiijin doonaan in maleeshiyada YPG ay ka baxdo aagga xuduudda Syria.

“Weeraradan ugu dambeeyey, Ruushka iyo Mareykanka ayaa mas’uul ka ah maadaama aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Maadaama aysan ka dhabeeneyn ballan-qaadyadooda, waxaan sameyn doonaa waxa lagama maarmaanka u ah amnigeena.”

Turkey ayaa maamusha qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga Syria ayada oo gacan ka heleysa mucaardka Syria ee xulufada la ah, kadib markii aagaas ay ka fulisay howlgallo ka dhan ah Daacish iyo YPG.

Kadib heshiisyo kala gooni ah oo ay la gashay Moscow iyo Washington 2019, Turkey ayaa hakisay howlgalladii waqooyiga Syria, ayada oo ku beddelatay in maleeshiyada YPG ay 30 km uga baxdo xuduudda Syria.

REUTERS + VOA

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray khilaafka ka dhex taagan Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay sarkaakil ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika.

Wasiirka iyo Mary oo wasaaradda dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka.

Mareykana ayaa shaaca ka qaaday in looga baahan-yahay Farmaajo iyo Rooble in ay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, si loo dadajiyo doorashooyinka billowday.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda inta uu socday ku soo hadal qaaday arrimaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka, gaar ahaan waaxdeeda arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ballan qaatay inay xoojin doonaan taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagga dowladda iyo shacabka.

Mareykanka ayaa si gaar ah u shaaciyey inuu xoojin doono ka qeyb qaadashada howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna howl-gallo dhanka cirka ah ku beegsadaa xoogaga Al-Shabaab ee dagaalka ka wada gudaha dalka.

Si kastaba, ballan-qaadka cusub ee uu Mareykanka u sameeyey Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska sanad guurada 4 ee qaraxii Zoobe.

Dhaq-dhaqaaqyo dagaal oo ka billowday GURICEEL iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo ay ka bilowdeen deegaano hoostaga magaalada Guriceel oo ay dhowaan qabsatay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Galmudug ayaa xoojisay abaabulka dagaal ee ka socda gobolka Galgaduud, isla-markaana lagu wajahayo Ahlu Sunna, si dib looga saaro magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saaka ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ka baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo gaaray deegaanka Ceeldheere, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, iyaga oo ku biiray ciidamo horey ugu sugnaa halkaasi.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ay Galmudug ku wajahayso Ahlu Sunna oo dib ugu soo rogaal celisay deegaanada maamulkaasi.

Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada Guriceel, waxaana difaacyo cusub ay ka sameysteen bannaanka magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa dhanka kale lagu soo warramayaa inay bilaabeen barakac xoogan, waxaana soo wajahday cabsi ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dhinac.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan u socda ee u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana markasta laga cabsi qabaa in dagaal uu qarxo, maadaama labada ciidan y xoojiyeen abaabuulkooda dagaal.

Xog: Al-Shabaab oo weeraro u qorsheysay MUQDISHO + Goobaha la beegsan karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa ka digay weeraro xooggan iyo qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab qorsheyneyso inay ka fuliso Muqdisho, sida ku cad qoraalka digniinta oo ay aragtay Caasimada Online.

Digniinta oo loo diray ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegau in Al-Shabaab ay qorshaynayso in gaari noociisu yahay Fiat 110 xamuul ah oo ay ka soo buuxisay walxaha qarxa ku weerarto xarumo ka mid ah kuwa dowladda.

Goobaha la xusay, ee ay suurta-galka tahay in Al-Shabaab ay beegsato, ayaa waxaa ka mid ah xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, xarunta Taliska Ciidanka Xoogga iyo Xerada Damaanyo oo ay degan yihiin Ciidanka Gorgor. 

Digniinta ay aragtay Caasimada Online ayaa sidoo kale lagu sheegay in 

Al-Shabaab ay doonayaan in gaadiid ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku weeraraan bartilmaameedyada ay ka mid yihiin; hoteellada ku yaalla Xeebta Liido, koontaroolada laga ilaaliyo madaxtooyada qaranka, iyo xarunta taliska booliska ee qeybta guud ee gobolka Banaadir. 

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay adeegsan karaa baabuur ay ka mid yihiin Runeed kalarkeedu yahay buluug, Layla kalarkeedu yahay cagaar, iyo Dayno kalarkeedu yahay caddaan. 

Inkasta oo digniinta lagu sheegay in weeraradan loo adeegsan karo baabuur, haddana waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Al-Shabaab ay weerarada u adeegsato shaqsiyaad soo xirta jaakadaha qaraxyada.

Bilihii tegay Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyadeeda u weecisay shaqsiyaadka xirta jaakadaha qarxa ee is-miidaamiya, kadib markii ay hay’adaha ammaanka inta badan ka hortageen baabuurta laga buuxiyo walxaha qarxa.

Norway: Weerar lugu fuliyey hub nooc cusub ah oo dad badan lagu dilay + Sawirro

Oslo (Caasimada Online) – Nin ku hubeysan qaanso iyo fallaan ayaa shan qof ku dilay, laba kalena ku dhaawacay weeraro dhowr ah oo habeenkii Arbacada ka dhacay magaalada Kongsberg ee dalka Norway, sida ay sheegeen booliska.

Ninka lagu tuhmayo weerarka ayaa la qabtay, sida ay sheegeen booliska.

“Ninka wuxuu weerarada qaar u adeegsaday qaanso iyo fallaar,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Oeyvind Aas oo ah madaxa booliska Kongsberg. Booliska ayaa sidoo kale baaraya haddii hub kale loo adeegsaday weerarka. 

“Ninka waa la xiray…akhbaaraadka aan illaa hadda hayno, qofka wuxuu ficilladan fuliyey keligiis,” ayuu yiri Aas.

Dadka la dhaawacay ayaa waxaa ka mid ah sarkaal boolis ah oo aan xilligaas shaqo ku jirin. 

Dhimashadan ayaa ah tii ugu badneyd ee ka dhalata weerar ka dhaca Norway tan iyo 2011, markaasi oo xagjir midig-fog ah Anders Behring Breivik uu dilay 77 qof oo badankood ahaa dhallinyaro ku jiray xiro. 

Weerarka Arbacada ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah Kongsberg, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 28,000 oo koonfur bari 68 km ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo. 

Dowladda ayaa sheegtay in booliska ay billaabeen baaritaan baaxad weyn. 

“Warbixinada ka imanaya Kongsberg caawa waa kuwa argagax leh,” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaare Erna Solberg, oo intaas ku dartay in xaaladda ay hadda gacanta ku hayaan booliska, shacabkuna isdejiyaan.

Taliyaha booliska Aas ayaa sheegay inay baarayaan haddii weerarkan uu yahay ficil argagixiso iyo in kale.

Maxay tahay aragtida gar-yaqaanada Soomaaliyeed ee go’aankii Maxkamadda ICJ?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib go’aankii kama dambeysta ahaa ee ka soo baxay maxkamadda cadaaladda adduunka ICJ oo Soomaaliya u xukuntay inta badan kiiska badda ayaa waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay xukunka ay ridday maxkamadda ICJ.

Dr Axmed Cali Kheyre oo ah qareen khabiir ku ah arrimaha la isku hayey, aadna ula socdey dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka hadlay sida uu arko go’aanka ay gaartay maxkamadda iyo waxa ay ku saleysay xukunka kama dambeysta ah ee ay ridday.

Qareenkan oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa shaaca ka qaaday in ICJ ay go’aankeeda ku saleysay xaaladda guud ee labada dal iyo tan gobolka, isla-markaana wax ku qiimeysay in labada dal wax loo ogolaado, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in go’aankan u arko mid wanaagsan, isla-markaana ay tahay inay raacaan labada dal.

“Aniga waxa ay ila tahay go’aankaas waxa uu ku saleysnaa in labada dalba wax loo ogolaado, iyada oo la fiirinaayo xaaladaha guud oon qaanuun kaliya la fiirin oo macal siyaasadda, xaaladda gobolka iyo waxna la fiirshay, waana go’aan wanaagsan oo labada dalba in ay raacaan ay wanaagsan tahay sida aan u arko,” ayuu yiri Dr Axmed Cali Kheyre

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray “Marka la fiiriyo xeebta Soomaaliya iyo Kenya u dhexeyso dhib badan maka muuqdo, laakiinse waxaa moodaa in maxkamaddu nidaamkii ay awal isticmaali jirtay ay ka tegtay,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqday in sheegashadii hore ee Soomaaliya ay lumisay 15%, halka Kenya ayaduna weysay 85%.

“Aniga waxaan is leeyahay aagaha dhaqaalaha marka guud ahaan loo fiirsho Soomaaliya wax badan ma lumin Kenya ayaa dhul badan meeshaas ku lumisay,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, kiiskan ee ay guusha ka gaartay Soomaaliya oo loo xukumay biyaha la’isku hayey ayaa soo socoday muddo 7 sano ah, wuxuuna soo billowday sanadkii 2014-kii.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerar dhowr jiho looga hayo Tigray-ga oo sii xoogeystay

Mekele (Caasimada Online) – Weerar cir iyo dhul ah oo ciidamada Ethiopia iyo xulufadooda ay ku qaadeen mucaaradka Tigray ayaa xoogeystay, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay xooggaga Tigray-ga.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Reuters u sheegay in militariga Ethiopia iyo xulufadooda Amxaarada ay dhowr jiho kala dagaalamayaan Tigray-ga, kuwaas oo ka mid ah gobollada Amhara iyo Afar ee deriska la ah.

Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia kama jawaabin codsi falcelin oo loo diray. Militariga iyo dowladda Ethiopia ayaan weli qirin weerarka cusub, oo TPLF ay sheegtay inuu billowday toddobaadkii tegay, maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey muddo xileed cusub.

“Waa dagaal socda, tirada khaasarahana aad ayey u xoogan tahay,” ayuu yiri Getachew, oo intaas ku daray inuusan bixin karin faah-faahin ku saabsan tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Waxa uu sheegay in dagaallada ay ka socdaan magaalada Weldiya ee gobolka Amhara iyo deegaanda Haro iyo Chifra ee gobolka Afar, meel ku dhow xuduudda gobolka Amhara. 

Dagaalka cusub ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xaaladda Ethiopia oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof.

Dhinaca kale, shaqaale gargaar oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in dagaal-yahanno Eritrean ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, ayna ka qeyb qadaanayaan dagaalka.

Ilo-wareedyo gargaar oo kale oo soo xiganaya goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay Tigray-ga kula dagaalamayaan magaalada Berhale ee gobolka Afar.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay ka fakareyso cunaqabateyn dhaqaale oo lagu ciqaabayo dhinacyada mas’uulka ka ah rabshadaha Ethiopia. 

DAAWO: Afar sano, kadib xuska qaraxii 14-ka October

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta oo kale sanadkii 2017-kii waxaa isgoyska Zoobe ka dhacay qarax aad u xoogan oo noqday kii ugu dhimashada badnaa weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Afar sano ayaa haatan ka wareegatay xasuuqaasi oo aan weli ka bixin xasuusta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

Dhimashada ka dhalatay qaraxaas ayaa gaartay ku dhowaad kun qof, halka ay ku agoontoobeen illaa 1547 carruur ah oo waalidiintooda ay ku dhinteen musiibadaasi.

Sidoo kale waxaa ku hanti beelay ganacsato badan oo dukaamo, hoteelo, maqaayado iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxii Zoobe oo sanad, kadib dadkii ku dhintay ay taallo u dhistay dowladda, taas oo laga taagay bartamaha isgoyska ayaa waxaa dhacdadaasi maskaxdooda raad iyo saameyn xun ku reebtay malaayin qof oo Soomaali oo illaa hadda uusan xasuustooda ka go’in qaraxaasi.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi baahalnimada ahaa oo loo adeegsay gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, hase’yeeshee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa gudaha dalka.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay xuska 14-ka October oo maanta ku beegan, waxaana xafiiska QM uu shaaciyey inuu muraga la qeybsano Soomaalida.

“Iyadoo Soomaalidu ay maanta xusayso sanad-guuradii afaraad ee qaraxii Muqdisho ee 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo sababay dhibaato iyo burbur aad u badan, ayey bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xusuusaneysaa dhibbanayaashii iyo kuwii ku dhaawacmay, waxa ayna barbar-istaag u muujineysaa dhammaan Soomaalida,” ayaa lagu yiri.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

Taabid oo warbixin ka soo saaray xuska 14-ka October

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Taabid Cabdi Maxamed oo si weyn loogu xasuusto kaalintii uu ku lahaa gurmadka qaraxii Zoobe ayaa ka hadlay xuska afar sano guuradii ka soo wareegtay musiibadaasi xanuunka leh.

Taabid Cabdi oo xilligaas ahaa duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in weli xasuuqaas dhacay uu ku yahay mahadho xanuun badan, wuxuuna u duceeyey dadkii ku dhintay.

“Anigu shaqsiyan waxay igu tahay mahadho xanuun badan maadama aan isla goobta maray wax ka yar 10 daqiiqo oo aan arkay nolosha iftiinka laheyd ee goobta ka jirtay qaraxa ka hor iyo markii uu qaraxa dhacay oo aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta tagay iyo sida uu iftiinkii noloshaas mar qura u damey,” ayuu yiri Taabid Cabdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli uu aamisan yahay in la sameeyo baaritaan furan, si loola xisaabtamo mas’uuliyiintii saameeyey dayaca amni ee xilligaas dhacay.

“Waxaan qabay, wilina aaminsanahay in qof kasta oo mas’uuliyaddii amni ee ummadda dayacay maalintii #14October2017 lagu sameeyo baaritaan bulshada u furan (#14OctoberInquiry) muddada ay doonto ha nagu qaadato balse aanan sina loo duugin, si ay ummaddu caddaalad u hesho. Iyadoo tii Rabbina baaqi tahay maalinta aanan waxba qarsoomeyn ee qiyaamaha,” ayuu markale ku yiri warbixinta uu soo saaray Taabid Cabdi

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Taabid Cabdi

#14October waa maalin xusuus iyo xusid mudan oo aan marnaba qalbiyadeena ka go’ayn, naguna reebtay murugo aan laga soo kaban karin, iyadoo wili dadka qaarkood aysan nolol iyo geeri midna ku heyn dadkoodii 4 sanno kadib.

Anigu shaqsiyan waxay igu tahay mahadho xanuun badan maadama aan isla goobta maray wax ka yar 10 daqiiqo oo aan arkay nolosha iftiinka laheyd ee goobta ka jirtay qaraxa ka hor iyo markii uu qaraxa dhacay oo aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta tagay iyo sida uu iftiinkii noloshaas mar qura u damey.

Balse ducada, taageerada naf iyo maalka laheyd oo ay dadka Soomaaliyeed isla markiiba inala garab istaageen dal iyo dibedba ayaanan sina lagu hilmaami karin, Rabbi haka wada ajir siiyo.

Sidookale waxaa mahad mudan taageradii caalamka guud ahaan, si gaar Shacabka iyo Dowladda Turkey ?? oo koow ka ahaa gurmadkii lixaadka lahaa.

Naxariistii janno Allaha siiyo dhammaan intii inooga shahiiday qaraxii 14kii October 2017, Allahana u qalbi qaboojiyo idilkood intii ay saameysay musiibadaas.

Waxaa xusid mudan in isla xisaabtan dhab ah iyo caddaaladdii ay xaqa u lahaayeen aysan helin dadkii ku shahiiday qaraxii ka dhacay Zoobe iyo dhibanayaashii kaleba, isla markaana cadowgii argagixiso ee ummadda dhibtaa weyn gaarsiiyay ay wili joogaan.

Waxaa nasiib darro kale ah in 4 sanno kadib uusan jirin qorshe amni oo la taaban karo kaas oo lagu xaqiijin karo badqabka iyo ka hortagga khatarraha ay cadowgaas arxanlaawayaasha ah u maleegayaan shacabkeena.

Waxaan qabay, wilina aaminsanahay in qof kasta oo mas’uuliyaddii amni ee ummadda dayacay maalintii #14October2017 lagu sameeyo baaritaan bulshada u furan (#14OctoberInquiry) muddada ay doonto ha nagu qaadato balse aanan sina loo duugin, si ay ummaddu caddaalad u hesho. Iyadoo tii Rabbina baaqi tahay maalinta aanan waxba qarsoomeyn ee qiyaamaha.

#RabbiTaloKuFilan

Xaakimka Soomaaliga ah ee Maxkamadda ICJ ku jira oo ka hor-yimid go’aankii shalay

Hague (Caasimada Online) – Xaakimka Soomaaliga ah ee ku jira Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa ka horyimid go’aanka ay Maxkamadda uga reebtay Soomaaliya qeyb ka mid ah dhul-badeedkii ay laheyd oo la raaciyey dhanka Kenya.

Maxkamadda ayaa xukunka u riday sidii ay Soomaaliya dooneysay oo ah in xuduuddu noqotay xariiq toos ah, hase yeeshee waxay sameysay qalooc yar oo Soomaaliya ka reebay dhul-badeed dhan 12 mile.

Garsoore Cabdulqawi ayaa diiday sida ay ujeexday xarriiqa cusub iyo  “sigib-tirka” ay samaysay maxkamaddu iyo weliba sida ay u jeexday xarriiqa kala qaybaha qaybta EEZ iyo qalfoof-qaaradeedka labadaba, sidaasina xuduud badeed lagu siiyey Kenya aysan sharci ahayn.

Xaakim Cabdulqawi waxa uu ku tilmaamay tallaabadaas maxkamaddu qaadday ka leexday nidaamii sharciga, islamarkaana dib u qaabayn garsoor ku samaysay juquraafiga. Waxaa qoraalka Cabdulqawi Axmed Yusuf ka muuqday inuu aad uga soo horjeeday go’aamadaas oo ay u codeeyeen inta badan garsoorayaasha maxkamadda.

Waxa uu sheegay in sida ay Maxkamaddu wax u xukmisay ay ka duwan tahay xukunadii hore ee kuwan la mid ahaa sida Qatar vs Bahrain iyo Eritrea vs Yemen, uuna xukunka yahay mid ka leexday dhaqankii Maxkamadda, ayada oo aan la bixin sabab lagu qanci karo oo lagu saleeyey xulashada xariiqda cusub.

Cabdulqawi ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay xukunka gaartay ayada oo ku xisaabtameysa xuduudda badeedka Kenya iyo Tanzania, oo Kenya ay dhul-badeed badan ku weysay heshiis ay la gashay Tanzania.

Waxa uu uu sheegay in go’aankan la gaaray sababo la xiriira in Kenya ay “weyn laheyd dhul-badeed badan oo labada dhinac ay ka kala qaataan Soomaaliya iyo Tanzania,” sidaas darteed ay Maxkamadda dib u qaabeyn ku sameysay xariiqdii tooska aheyd ee ay go’aamisay.

Qareen Cabdi Qawi wuxuu caddeeeyay inaysan cadaalad iyo sharci ahayn in Kenya ay Maxkamadda siiso xuduud badeed iyadoo la cuskanayo bad ciriiri kasoo wajahay heshiis ay iskeed ula gashay dalka Tanzania oo ay ku weysay xuduud Bad oo dhan 25,000 Miles, taasina aysan wax saameyn ah ku yeelan karin dacwadda kala dhaceysa Soomaaliya.

“Xariiq badeedka Tanzania wax shaqo ah kuma lahan xadeynta xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu ku dooday.