24.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

CC Sharmaarke: “Go’aanka ICJ waxaan u fahmay inay arrinta siyaasadeysan tahay”

0

Muqdisho (Caasimada Online)-  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo xilligii ay dalka xukumeysay xukuumadiisii uu soo shaac-baxay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda wax laga sida uu u arko xukunka maxkamadda ICJ ka soo baxay gelinkii dambe ee shalay, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay inta badan biyihii lagu muransanaa.

Cumar oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey marxaladihii uu soo maray kiiskaan, isagoo sheegay in hadda go’aankaan ka soo baxay maxkamadda uu muujinayo in 85% biyihii lagu muransanaa Soomaaliya loo xukumay, halka 15% Kenya loo celiyey.

“Markaan akhriyey go’aankii ka soo baxay ICJ waxaan u fahmay in arrintaan ay siyaasadeysan tahay, sababtoo ah dooda waxay soo geliyeen Tanzania, si Kenya loo siiyo fursad, waa sida aan u fahmay, laakiin arrintaas waxaa ila haboon in dad sharci yaqaano ah ay dib u fiiriyaan,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko xukunkaan, ayuu ku tilmaamay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay, “ilaa 60-kii anaga iyo Kenya waan wada sheeganeynay biyahaas, laakiin hadda ka hor go’aan rasmi ah lagama gaarin xadeynta xuduud rasmi ah, in hadda lagu kala baxay runtii waa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cumar.

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxyaabaha anaga khatarta nagu ahaa waxaa ka mid ah, in xiligii dowladii militeriga sanadihii sideetamaadkii ay laba mar Kenya sheegatay in xuduuda uu muran ka taagan yahay,  dowladii militeriga ee Soomaaliya ka jirtana waa ka gaabsatay xiligaas, waxaana is leeyahay sababta ay uga aamustay waxay aheyd in hadii xal laga gaaro muranka biyaha ay u aragtay inay imaaneyso in dhulka NFD ay Soomaaliya lumiso.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sanadkii 2005-tii ay Kenya soo cusbooneysiisay sheegashadeedii, “MOU-gii xukuumadeyda ay saxiixday ayaa horta markii ugu horeysay lagu cadeeyey waxa ay Kenya sheeganeyso.”

Cumar Cabdirashiid oo sharaxayey wax tarka heshiiskii MOU-ga ayaa yiri, “Horta dadku waa inay fahmaan arrinta MOU-ga, heshiiskaas ayey Soomaaliya ku baxsatay, dooda Kenya markii aad u fiirsato waxaa xadeynayey MOU-ga, maanta Soomaaliya waxaa u xadeysan biyaheeda oo dhan, taasina waa guul Soomaaliya u soo hoyatay.”

Mar wax laga weydiiyey diidamada Kenya ee xukunkaan waxa ay soo kordhi karto ayaa waxa uu sheegay, in hadda kadib sharciyad dambe oo Kenya ay ku doodo aysan heli doonin, xukunkaasna uu u fuli doono sidii ay maxkamadda ICJ u go’aamisay.

Daawo: Odayaasha beesha Guriceel oo ka horyimid Ahlu-Sunna una hanjabay Shaakir

0

Gurceel (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa ka soo hor jeestay joogitaanka ururka Ahlu-Sunna ee magaaladaas, waxayna sheegeen in Sheekh Shaakir uu ka diiday kulan ay ka dalbadeen, si ay u gala hadlaan xaaladda cakiran ee magaalada Gurceel.

Odayaashaan oo warbaahinta la hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in aysan aqbaleyn xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Gurceel oo sida ay sheegeen hadda noqotay ‘dhufeys ciidan’ sidoo kale dadkii shacabka ahaa ayey odayaashu sheegeen inay isaga carareen magaalada.

“Sheekh Shaakir xiriirkiisaan raadinay, in badan ayaan isku daynay, anagoo 15 odayaashii dhaqanka ah, ayaan maanta iridda gurigiisa mudo hal saac ah taagneyn, waxaan isku dayeynay inaan la kulano oo kala hadalno xaaladda magaaladaan dadkii shacabka ahaa ay ka barakaceen, balse waa nagu dhageystay la kulankeenana waa diiday, Sheekh Shaakir ma aqoon yaride gadaal u fiiri waxa nagu dhacaya, adigu guri qorxoon ayaad isaga jirtaa, laakiin shacabkii Gurceel guryahooda ayey isaga carareen,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale ayaa yiri, “Odayaashii magaaladaan anagaa ah, mana aqbaleyno xaaladda hadda ay Gurceel ku sugan tahay, naga bixiya ciidamadaan, qax kuma sii jiri karno, dagaalna uma rabnee Ahlu-Sunna ha isaga baxdo Gurceel.”

Odayaasha qabtay shirkaan jaraa’id ayaa ka soo jeeda beesha Ayaanle Cayr, oo ka mid ah jufooyinka ugu saameynta Cayr-ka daga Gurceel, waxayna sheegeen in Sheekh Shaakir aysan ka yeeli doonin in magaaladooda uu dagaal ku dhex-galo oo furin colaadeed uu ka dhigo.

“Toos ayaan u beegsanayaa Sheekh Shaakir, naga dul qaad Sheekh ciidankaan aad lasoo gashay magaalada, hadaa diido meeshaan dad ayaa dega, waana kuu jawaabi doonaa, Insha Allaah,” ayuu yiri Oday kale.

Hoos ka daawo

 

Afarta qodob ee horseeday guusha Soomaaliya iyo guul-darrada Kenya ee kiiska badda

0

Waxaa shalay magaalada Hague ee dalka Holland go’aankii ugu dambeeyay looga gaaray kiiska badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo kenya.

Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

Balse madaxda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aanka ICJ. Madaweynaha Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah.

Bishii March ee sannadkan, xilligii ay socotay dhageysigii ugu dambeeyay ee maxkamadda ay ku maqleysay dacwadda iyo sheegashooyiinka labada dal, waxay qareennada Soomaaliya ku soo bandhigeen arrimo kala duwan, labadii maalmood ee ay ka hor hadlayeen ICJ. Balse Kenya ayaa fadhigaas ka qeybgalin, wayna qaadacday.

Qaar ka mid ah qodobada ay qareenada Soomaaliya ka hadleen:

1. Is-fahankii 2009-kii (MOU)

Mid ka mid ah qareennada Soomaaliya, Philippe Sands, oo Shuruucda caalamiga ah ka dhiga University College London, ayaa qodobkan ku billaabay, wuxuuna sheegay in is fahankii ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, uusan wax khilaaf ah ku ahayn dacwadda.

Wuxuu sheegay in isfahamkaas uu ka mid ahaa qodobbada ay Kenya illaa iyo hadda cuskaneyso.

Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday isfahan la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Is-afgaradkaas wuxuu dhigayay in labada dal aysan iska hor istaagin inay gudbitaan cabbirka, xogta iyo qariiradaha la xiriira Qalfoof badeedka labada dal, oo loo gudbinayay Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qalfoof badeedka dalalka Caalamka.

Isfahamkaas waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Is afgaradkaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa oo ah in wadahadal lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009: – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska is afgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo ‘wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska’.

2. Warbixinnada iska hor imaanaya ee ay Kenya maxkamadda gaysay

Qareenka ayaa sidoo kale ka hadlay in warbixinno iska hor imaanaya ay Kenya maxkamadda ka jeedisay intii uu kiiskan socday.

“Hadallo is khilaafsan ayay hore ugu sheegtay Maxkamadan. Dib u cusboonaysiinteeda, Kenya waxay ku doodeysaa in dhinacyada ay xaddideen soohdintooda iyagoo raalli ka ah muddo dheer ka hor, inta aysan Soomaaliya dacwadeeda gudbin ka hor.” Ayuu yiri qareenka.

Kenya waxay si isdaba joog ah maxkamadda ugu sheegtay in dhinacyada ay si cad isugu raaceen in xudduudda badahooda.

Soohdinta waxaa xadeyn doona mustaqbalka geedi socodka gorgortanka.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee sannadkii 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100km oo isku wareeg ah.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go’aan ka gaari karto.

Bishii December 2017 ayey Kenya xareysay jawaabteedii ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn in ay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Bishii July ee sannadkii 2015-kii, ayey dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda.

3. Hadalkii Kenya ee Soomaaliya intii wadaxaajoodka uu socday

Qareenka ayaa ku doodaya in hadalladii Kenya ay sheegtay intii ay socdeen wadahadaladii laba geesoodka ahaa ee ay la galeen Soomaaliya, sanadihii 2013 iyo 2014, aysan noqon kuwa caawiyay.

“Xaqiiqda dhabta ah ee gorgortanku dhacay, iyo maqnaanshaha tixraac ku saabsan soohdinta lagu aasaasay raalli ahaanshaha intii lagu jiray wadaxaajoodyadaas, waa mid muhiim ah.” Ayuu yiri Qareenka.

“Faahfaahinta wadaxaajoodka Kenya iyo Soomaaliya waxay caddeynaysaa in labada dhinac midkoodna aaminsan yahay in ay jirto xuduudo la dejiyay oo aan ku saleysnayn raalli ahaansho iyo inaan loo marin dariiq kale.

Bishii May 2013-kii, dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan wadajir ah. Waxay ku micneeyeen in “labada Wasiir ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in lagu shaqeeyo qaab-dhismeedka habsami u socodka howlaha badda kala xadidaya.”

Hadalkaas wadajirka ah “wuxuu si cad ula jaan qaadi karaa waxa ay rumeysan tahay Kenya ee cusub ee ah soohdinta badda ayaa horeyba u jirtay wakhti dheer, tan iyo markii si buuxda loo xadiday. Intii lagu gudajiray muddadii udhaxeysay Febraayo iyo Ogosto 2014-kii, waxay kulmeen laba jeer.

4. Sharciga Kenya ee ku saabsan xuduudaheeda badda ee ‘iska hor imaanaya’

Qareenka ayaa sheegay in hadallada Kenya ee soo noqnoqday ee ay u dirtay garsoorayaasha Maxkamadda ICJ iyo Soomaaliya lafteeda, ay yihiin kuwa muujinaya in uusan jirin xad sax ah.

Qareenka ayaa sidoo kale ku doodaya in sharciga Kenya uu qorayo xuduudda baddeeda ee 1989-kii, oo la sharciyeey kaas oo illaa iyo hadda shaqeeya. Waana sharciga loo gudbiyay hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha badaha.

Isha: BBC SOMALI

Dhageyso: Mahdi Guuleed oo sharxay fasiraad qaldan oo laga bixiyey xukunkii ICJ

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa shalay ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminayey wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hague ee dalka Netherlands oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa guushaas ku tilmaamay mid 100% ah.

“Waxaa qabaa in uu ahaa xukun xaq ah, doodihii Soomaaliyana dhamaanteed ay maxkamadda xukuntay, geedi socod ayuu soo maray oo socday muddo toddobo sano ah mudadaas Soomaali waa soo halgantay oo waxaa galay dadaal badan oo naf iyo maal leh,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

“Maxkamadda cadaalada aduunka oo dunida dhan aqoonsan-tahay, waxay qirtay xuduuda badeed ee leedahay Soomaaliya iyo Kenya ay cadahay, waana aqlabiyada wixii lagu murmay oo badankeeda loo xukumay Soomaaliya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamdda ay la timid falsafo cusub oo sharci ah oo ka baxsan doodii Soomaaliya ee xariiqa, hase yeeshe ay aqbaliyada intii ugu badnaa ee lagu muransanaa ay ku guuleysatay Soomaaliya.

“Waxaa la inkiri karin in aragti cusub oo sunihii maxkamada ka duwan oo ku cusub ay keentay, anaga sidii awal hore aan qabnay oo haddana qabno xukunkaasi cadaalad ayuu ku dhacay, waxaana 100% ku guuleysatay Soomaaliya.”

Mahdi Guuleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in loo kala qeybiyay labada dal intii lagu muransanaa, isagoona ku dooday in erey bixinta xukunkaas si kale loo fasirtay oo waxyar oo macno laheyn loo leexiyay Kenya.

Dhinaca kale, Xaakimka Soomaalida ah ee Maxkamadda Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa isagu maxkamadda ku diiday sida ay ujeexday xarriiqa cusub. Sidoo kale waxa uu diiday “sigib-tirka” ay samaysay maxkamaddu iyo weliba sida ay u jeexday xarriiqa kala qaybaha qaybta EEZ iyo qalfoof-qaaradeedka labadaba.

Xaakim Cabdulqawi waxa uu ku tilmaamay tallaabadaas maxkamaddu qaadday ka leexday nidaamii sharciga, islamarkaana dib u qaabayn garsoor ku samaysay juquraafiga.

Waxaa qoraalka Cabdulqawi Axmed Yusuf ka muuqday inuu aad uga soo horjeeday go’aamadaas oo ay u codeeyeen inta badan garsoorayaasha maxkamadda.

Hoos ka dhageyso wareysiga Mahdi Guuleed

CUMAR Cabdirashiid oo beeniyey arrin uu Shariif ka sheegay Muqdisho xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa weerar ku qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo xalay mar kale ku celiyey inuusan waxba ka ogeyn saxiixa heshiiskii is-fahamka badda ee 2009 lala galay Kenya ee loogu magac daray Memorandum of Undertanding (MoU).

Heshiiskaas ayaa waxaa saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xilligaas ahaa wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaana dalka madaxweyne ka ahaa Shariif, halka uu Cumar Cabdirashiid ahaa ra’iisul wasaare.

Sheekh Shariif oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey go’aanka ay Maxkamadda ICJ ka gaartay kiiska badda ayaa sheegay inaanu la socon heshiiska, islamarkaana Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u sheegay qorshaha safarka subaxii uu u aadayey Nairobi.

“Xukuumadeydii waxaa lagu qanciyey inay lagama maarmaan tahay in anaga iyo Kenya aan badda wax iska dhahno Cumar Cabdirashiid oo xukuumadda hoggaaminaayey iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa ayaa go’aanka qaatay. Aniga la ilama soo socodsiin arrintaas, subaxdii heshiiskaas la saxiixaayey waxaa isoo wacay Cabdiraxmaan oo iguyiri madaxweynow waxaa la rabaa in heshiiskaas la saxiixo ee maxay kula tahay? Waxaan iri Ra’iisul wasaaraha warkiisa yeel, waxii Alle naga siiyaba,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hase yeeshee, Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa beeniyey sheegashada Shariif, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu wax ka ogaa heshiiska.

“Madaxweyne Sheekh Shariif qeyb ayuu ka ahaa hanaanka go’aanka looga gaaray in la teegeero heshiiska MoU ee hadda farqiga ka sameeyey kiiskeena. Halista ay leedahay in la inkiro, waa inay furi karto waddo madaxweyne Farmaajo uu berri ku beeniyo inuu wax ka ogaa dhiibista Qalbi-Dhagax, sidaasna ay wax walba ku socdaan,” ayuu yiri.

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku adkeysanaya in heshiiskaas aan badda lagu iibin sida marar badan lagu eedeeyey, waxayna sheegaan in heshiiskaas uu yahay midka hadda horseeday in Soomaaliya ay guul ka gaarto kiiska badda, inkasta oo weli qeyb badda ka mid ah la siiyey Kenya.  

AFAR Soomaali oo walaalo ah oo dhacdo naxdin badan ku geeriyooday mar qura

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Afar Nin oo walaalo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay isku mar ku geeriyoodeen ceel biyood ay ku dhaceen, kaasi oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhow magaalada Jigjiga ee xaruntada dowlad deegaanka Soomaalida.

Ceelka oo ku yaala Togga-Faafan ee tuulada Hora-hawd ayaa waxa hore u qoday Afarta Nin si ay biyo uga cabaan, hase yeeshe waxa uu ugu dambeyntiina sababsaday naftoodii, xilli ay doonayeen inay waraabiyaan beer ku taala togaas.

Sida ay sheegen ehellada Afarta Nin waxaa meydkooda ceelka laga soo saaray lix saac kadib markii ay ku dhaceen, markii uu ku wargeliyay mid kamid ah shaqaalaha beerta ka shaqeynayey.

Waxaa lagu aasay meydadka Afarta Nin isla tuulada Hora-hawd, waxayna dhacdadaan noqotay mid ay si weyn uga naxeen dadka deegaanka, maadama oo raggaas si weyn looga yaqaanay deegaankaas.

Dhacdadan naxdinta leh ee ay halmar ku wada dhinteen Afarta Nin ee walaalada ah ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, oo argagax hor lehna ku abuurtay dadka deegaanka.

Daawo: Cali Guudlaawe oo sameeyey ballanqaad la xiriira doorashada Aqalka Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo Maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, ayaa sameeyey ballanqaad ku aadan doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan la qaban doono.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in si nabad ah ugu soo geba-gabowday dhawaan qabashada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku leeyahay Maamulka HirShabeelle, si cadaalad ahna ay u qabteen.

Waxaa uu sheegay in arrimaha doorashooyinkii ka dhacay HirShabelle ay aheyd mas’uuliyad gaar ah oo saarneyd, waajibkii looga baahnaa ee ahaa inay si Cadaalad ah u qabtaan ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu dambeyn sheegay inay ka go’an tahay in si lamid ah doorashadii Aqalka Sare ay u qabteen uu u ballan qaadayo inay u qaban doonaan doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu kula kulmo Wakiilada Beesha Caalamka, Madaxda Federaalka, Musharixiinta, Siyaasiyiin & dhinacyo kala duwan oo xooggooda uu kala hadlayo Doorashada Golaha Shacabka.

Maamulka HirShabelle ayaa noqday maamulka kaliya ee si caddaalad ah u qabtay doorashada Aqalka Sare, waxaana arrintaas lagu ammaanay Guudlaawe oo qaatay go’aan geesinimo leh.

Dhawaan ayaa la filayaa inay maamul Goboleedyada dalka bilaabaan doorashada xubnaha qalka hoose ee Golaha Shacabka, waxaana jira digniino laga bixinayo in la sameeyo musuq maasuq lamid ah midkii Aqalka Sare.

Sidee ku dhaqan galayaa go’aanka Maxkamadda ICJ ee kiiskii Somalia iyo Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Caddaalladda Adduunka ayaa shaley qeyb libaax u xukmisay Soomaaliya dhulkii badda ee lagu muransanaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya waxay ku gacan seyrtay go’aanka maxkamadda, islamarkaana ka digtay in uu waxyeelayn doono xiriirkii labada dal, halka Soomaaliya ay si weyn usoo dhoweysay.

Dr. Axmed Cali Khayre oo ah sharci yaqaan ayaa ayaa ka waraamay  sida uu ku dhaqangeli karo go’aanka kasoo baxay maxkamadda marka loo fiiriyo xeerarka caalamiga.

“Maxkamadda ciidan iyo boolis arrinta hirgeliya ma lahan, marka qaab sharci ah ay xukunka ku rido maxkamadda, dalalka inta badan wey aqbalaan, xukunka sharci ayuu noqanayaa sababta oo ah Maxkamaddii Caddaaladda Adduunka ayaa gaartay ,sharci ahaan haddii maxkamadda go’aankaas gaartay wuxuu noqonaya mid sax ah,” ayuu yiri Dr. Khayre.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena.

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Si kastaba, madaxweynaha Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in Kenya aysan aqbaleyn, islamarkaana aqoonsaneyn go’aanka Maxkamadda.

CC SHAKUUR oo si adag uga fal-celiyey khudbaddii FARMAAJO – “Kama filaynin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ee Mudane C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka falceliyey khudbadii uu xalay jeediyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ka hadlay go’aankii kasoo baxay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsam ayaa shaaca ka qaaday inay lama filaan ku noqoto in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qiro kaalintii uu isaga ku lahaa dacwadda badda ee ay inta badan ku guuleysatay Soomaaliya.

Wuxuu dhanka kale tilmaamay inuu aad ula yaabay sida xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu mugdi usii gelinayo is-afgaradkii la saxiixay sanadkii 2009-kii.

“Kama filaynin nin gurigeyga igu soo weeraray in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa, laakiin waxaan la yaabay in isaga iyo CBB-da xaafiiskiisa ay weli isku deyayaan in ay mugdi geliyaan Is-afgaradkii 2009-kii la saxiixay,” ayuu qoraalkan ku yiri CC Shakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi ku daray “Waxaan kala garan waaye in aqoon darri u geysay iyo in cadowtinnimo halkaa la gaartay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maxkamadda iyo qareenadii u doodayey Soomaaliya ay isla qireen in is-afgaradkii horey u dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya uu laf-dhabar u ahaa dacwadda badda ee ay hadda guusha weyn ka gaartay dowladda federaalka.

“Garsoorihii Maxkamadda, qareennadii ajnabagi ahaa iyo kuwii Soomaalida ahaa waxay qireen in is-afgaradku uu lafdhabar u ahaa badbaadinta baddeenna,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, dacwadda badda ee haatan la soo gaba-gabeeyey ayaa muddo dheer soo jiitameysay, waxaana ay soo bilaabatay 2014-kii, iyada oo heerar kala duwan soo martay.

DAGAALKA warbaahinta qaranka ee Farmaajo iyo Rooble oo sii xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka dhinaca warbaahinta Qaranka ee u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ka sii daraya marba marka ka dambeysa, kaas oo sameyn weyn ku yeeshay shaqada Tv-ga & Raadiyaha dowladda.

Khilaafka sii xoogeysaneya ayaa waxa uu dhaliyey in wararka qaar ee ka imaanaya dhinaca madaxweynaha aan laga sii deyn warbaahinta qaranka, gaar ahaan  Tv-ga iyo Raadiyaha.

Dooda ayaa kasii dartay xalay, kadib markii xilli dambe khudbadda madaxweynaha ee go’aanka ICJ laga sii daayey Telefishinka Qaranka, taas oo hadal heyn badan dhalisay.

Agaasimaha Telefishinka Sharmaake Maxamed Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo jeediyey Tv-ga ee ku aadan inay daahiyeen khudbadda Farmaajo, wuxuuna shaaciyey in goor dambe loo soo diray, kadina ay sidaasi ku daayeen.

“Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in khudbaddii Madaxweynaha ee xalay ay na soo gaartay goor dambe, isla markii ay na soo gaartayna aannu soo gelinay TV-ga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka.

Sidoo kale maamulka Telefishinka Qaranka ayaa eeda dhabarka u saaray dhanka xafiiska madaxweynaha, wuxuuna ku dhaliilay in xarumo kale oo warbaahineed uu ku horreysiiyey muuqaalka, gaar ahaan khudbadda uu xalay jeediyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

“Daahista khudbaddu waxa ay ka timid xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo meelo kale ku horreysiiyey,” ayaa lagu yiri markale qoraalka ka soo baxay maamulka Tv-ga.

Dhinaca kale wuxuu maamulku beeniyey in taageerayaal badan ay Followers iyo Like-ta kala laabteen Page-ka Tv-ga Qaranka oo haatan heysta in ka badan hal milyan oo qof.

“Ma jirto taageeryaaal (followers) ka laabtay page-ka SNTV, waxa na follow gareeyay 1.2 million oo qof waana sidoodii. Sidoo kale waxa SNTV jecel ama like siiyey 762 kun oo qof. 

Hadalka ka soo yeeray maamulka Telefishinka Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli xalay agaasimaha dhanka warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ka hor khudbadda madaxweynaha uu shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay ka daawan karaan Telefishinka Universal, taas oo muujineyso in weli uu meel sare gaarsiisan yahay khilaafka madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday iyo Rooble oo sameeyey hay’adaha kale.

Uhuru oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay Maxkamadda ICJ ka gaartay kiiska badda

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku gacan seeray go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ka gaartay kiiska murankii badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya dalbatay, waxayna Maxkamadda inta badan dhul-badeedkii la isku hayey siisay Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaya go’aanka, ayaa Kenyatta wuxuu sheegay in natiijada ay aheyd mid “labada dhinac uu mid la laabtay waxba,” wuxuuna sheegay in Kenya aysan aqbaleyn oo aysan aqoonsaeyn.

Kenyatta ayaa yiri “ma damacsani inaan ka tago dhaarteeda qaranka; waxaana sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo, ka taliyaha Ciidamada Qaranka ahaan, si aan u ilaaliyo dhulka Jamhuuriyaddan weyn.”

Waxa uu ku dooday in go’aanka uu tusaale u yahay “sii socoshada ka ka tallaabsashada sharci ee ICJ, uuna abuuray su’aal aas-aasi ah oo ku saabsan xushmadda ay dalalka madax-banaan u hayaan hanaanka cadaaladda caalamiga ah.”

“Xaqiiqdii, Kenya waxay shaki ka qabtaa in dal uu kasoo dhex muuqan doono kiis sidan oo kale ah,” ayuu yiri. 

“Maxkamadaha caalamiga ah waxay sharciyadooda la egtahay inta dal uu u ogol yahay,” ayuu yiri isaga oo ku sugan New York, halkaasi oo uu ku guddoomiyey shirka Golaha Ammaanka.

“Sidaas darteed, Kenya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay abuuraan deegaan awooda raadinta heshiis laga wada-xaajooday. Go’aankan wuxuu wiiqi doonaa xiriirka labada dal.”

Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ka digay inay suurta-gal tahay in go’aankan uu sii xumeeyo xaaladda nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika oo markii horeba aan cago adag ku taagneyn, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena.

UK oo ka mid noqoneysa saamileyda dekedda Berbera

0

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda weyn ee dekedaha Dubai ee DP World iyo wakaaladda dowladda Britain u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group ayaa Talaadadii sheegay inay qorsheynayaan inay si wadajir ah kaabayaasha saadka ee qaaradda Africa ugu maal-galiyaan illaa $1.72 bilyan dhowrka sano ee soo socda.

Maal-gashigaan ayay ku sheegeen inay ugu horreyso casriyeynta saddex dekedood, iyada oo marka hore diiradda lagu saari doonaa ballaarinta dekadaha ay maamusho DP World ee kala ah Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekedada Berbera ee Somaliland, sida ay sheegtay CDC.

DP Word oo ay dowladdu leedahay ayay ka go’antahay inay maal-geliso $1 bilyan sanadaha soo socda, halka CDC ay ballan-qaadday $320 milyan oo ay suuragal tahay inay ku darto illaa $ 400 milyan oo maal-galin kale ah.

Maal-gashiga wadajirka ah ayaa aakhirka lagu ballaarin doonaa dalalka kale ee Afrika, taas oo ay rajaynayaan DP World iyo CDC inay dardargelin doonto ganacsiga gudaha iyo dibedda ee qaaradda.

“Waxaan leenahay aragti isku mid ah inaga iyo DP World, taas oo ah inaan doonayno inaan maal-gashi ku sameyno dekado badan oo qaaradda oo dhan ah intii suurtagal ah,” ayuu Madaxa CDC Tenbite Ermias u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iskaashiga labadan shirkadood ayaa sidoo kale qorshayna inay maal-galiyaan, kaabayaasha dhaqaalaha, sida kaydka konteenarada iyo saldhigyada xarumaha ganacsiga.

CDC ayaa yeelan doonta saamiga wax ka yar kalabar saddexdan dekedood, sida uu sheegay Ermias, iyada oo DP World ay ku wareejinayso saamiyada dekadahaas.

Ballaarinta saddexdan dekedood ayaa sida ay sheegtay CDC, waxay hagaajin doontaa helitaanka badeecadaha muhiimka u ah 35 milyan oo qof, oo ay ku jiraan waddamada deriska ah, iyagoo sidoo kale abuuri doona 5 milyan oo shaqo, isla markaagana ay $51 bilyan ku dari doonaan ganacsiga guud marka la gaaro sanadka 2035.

VOA + Reuters

Fallanqeyn sharci ah: Muxuu ka dhigan yahay go’aanka Maxkamadda Caddaaladda?

0

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa go’aankii la sugayey ee dacwadda Xadaynta Xuduudka Badda Soomaaliya iyo Keenya soo saartay maanta. Soomaaliya ayaa 2014kii waxa ay maxkamadda u gudbisay dacwad ay ku codsanayso in la calaammadeeyo xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya illaa dhul badeedka ka dambeeya qalfoof badeedka. 

Labada dal waxa ay gudubsadeen dooddoodii oo qoraal ah iyo jawaabo qoraalladaas khuseeya. Dhagaysiga dacwadda Keenya wey ka maqneed, laakiin maxkamaddu way guda gashay sida uu qabo xeerka maxkamadda. Waxa aan hoos si kooban ugu faahfaahinayaa go’aanka maxkamadda.

1. Waa jireen heshiisyo ay galeen dalalkii gumaysaneyey Somaaliya iyo Keenya ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo khuseeyey barta xuduudka,laakiin xad badeedka u dhaxeeya labada dal weligiis qaab sharci ah looma xadeyn. Keenya dhulka dacwaddu khusayso waxay ay ka ijaaatay shirkado inta aan dacwaddu billaaban. Dowladda Soomaaliya way ku saxsaneed in ay maxkamadda weydiisato in si joogto ah loo xadeeyo xuduud badeedka labada dal u dhexeeya.

2. Dooddii Keenya oo ahayd xudduud badeedka labada dal u dhexeeya waa xadaysan yahay oo heshiis ayaa lagu yahay isaga oo ku salaysan xarriiqa ku dherersan xadka (parallel of latitude). Waxa ay Keenya sheegtay in ay 1979kii iyo 2005tii sheegteen xadkooda, Soomaaliyana ayna ka hor imaan oo aamusnaan ku aqbashay. Maxkamaddu waxa ay sheegtay in Xeerka Biyaha Badda ee Keenya oo soo baxay 1972dii iyo Xeerka Qaybaha Badda oo 1989kii oo Keenya oo soo baxay ay ka hor imaanayaan sheegashadaas. Sidoo kale sharciyo Soomaaliya soo saartay 1988 iyo 1989 ayaa diidaya doodda Keenya oo ah Somaaliya way aqbashay cabirka Keenya.Tan kale, gudbintii codsigii kordhinta qalfoof badeedka oo ka dambeeya 200 bayl badeed ee Soomaaliya iyo Keenya gudbiyeen 2009kii  ayaa taas ka hor imaanaya. Waxa kale oo maxkamaddu sheegtay in Heshiiskii Isafgaradka ahaa ee Soomaaliya iyo Keenya galeen uu sheegashadaas ka hor imaanayo isaga oo qorayey in aan xuduudku calaamadaysayn oo labada dal ka heshiin doonaan. Maxkamaddu waa diidday doodda Keenya oo waxa ay sheegtay in ayna Soomaaliya si cad oo joogto ah u aqbalin xuduudkaas Keenya sheegatay, xad badeedka labada dal u dhexeeyana uuna xadaysnayn.

3. Keenya waxa kale oo ay ku doodday haddii laga diido in xad badeedka labada dal u dhexeeya uu callaamadaysan yahay, in hadda la xadeeyo iyada oo xarriiqa lagu dhererinayo barta xadka (parallel of latitude). Maxkamaddu dooddaas way ka diidday dalka Keenya oo waxa ay qaadatay qaabkii Soomaaliya dalbatay oo ahaa nidaamka equidistance.  Maxkamaddu waxa ay qaabkaan u martaa saddex waji sida ay ku sharraxday kiiskii Xadaynta Badda Madow oo ku dhexeeyey Romania iyo Ukraine. Marka hore waxaa la samaynayaa xariiq ku meel gaar ah. Wejiga labaad waxaa la qiimeeyaa haddii ay jiraan duruufo keenaya in laynka la qalloociyo oo adjustment lagu sameeyo. Midda saddexaadna waxaa la fiiriyaa in xariiqa ama sidiisa ha ahaado ama hala qalloociyee uu saami ahaan saxan yahay (proportionality test). 

4. Keenya waxa ay ku doodday in ay jiraan shan arrimood oo keenaya in xarriiqa la qalloociyo.Tan koowaad, waa arrin amniga khusaysa oo walwal ayaan ka qabnaa ammaanka marka la fiiriyo xaalka Soomaaliya ayey ku doodday. Maxkamadda waa diidday dooddaas oo waxa ay sheegtay in xaalka Soomaaliya ahayn mid joogto ah oo uu isbeddeli doono, ammaan darrada dhulkana ayna qasab ahayn in ay badda saamayso. Tan labaad, Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka gobolka iyo sida ay badda u xadeeyaan ay keenayso in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu waa diidday dooddaas. Tan saddexaad Keenya waxa ay ku doodday in kalluumaysatadeeda ayna helayn meel ay maraan. Maxkamadda taasna waa diidday oo waxaa ay sheegtay in meelaha kalluumaysatadu ku xirtaan inta badan ayna ahayn dhulka dacwadu khusayso. Tan afaraad Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka labada dal oo ku aadan baaritaanka shidaalka iyo kormeerka ciidammada badda ay tahay in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu dooddaanna way diiday. Tan afaraad oo Keenya ku doodday ayaa ahayd in ay marinka badda ka soo xirmayo oo aad u yaraanayo. Maxkamadda iyada oo xiganaysa kiis Arbitral Tribunal qaadday oo u dhexeeyey Guinea/Guinea-Bissau in gobolka Galbeedka Afrika oo dhan la tixgeliyey. Hadda ay maxkamaddu tixgelisay xadka Soomaaliya, Keenya iyo Tanzania. Maxkamaddu waxa ay caddeysay in ayna heshiiska Keenya iyo Tanzania ayna saamayn ku lahayn tixgelinta. 

5. Maxkamaddu waxa ay go’aamisay in biyaha badda Soomaaliya (territorial waters) oo ah 12 mayl badeed laynka sida Soomaaliya u rabtay ahaanayo oo aan la qalloocinayn ama adjustment lagu samaynayn.

6. Maxkamaddu waxa kale oo ay go’aamisay in xarriiqa dhanka waqooyi loo qalloociyo laga billaabo dhamaadka biyaha Soomaaliya illaa 12 mayl badeed wixii ka dambeeya taas oo lagu yaraynayo soo xirmidda xeebta Keenya iyada la tixgelinayo tan Soomaaliya , keenya iyo Tansaaniya taas oo keentay sida ay joqoraafi ahaan u samaysan yihiin xeebaha dalalkaas. Maxkamaddu inta badan dalalka dacwadu dhextaal ayey xeebahooda tixgelin jirtay ee gobolka oo dhan ma tixgelin jirin.

7. Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waxa ay si sharci ah oo kama dambays ah u xadaysay xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo keenya. Waxa ay aqbashay dooddii Soomaaliya inta badan. Xaqiiqa dhanka waqooyi loo qalloociyey waxa uu dhulkii dacwaddu khusaysay qayb aan badnayn siinayaa Kenya. Maxkamadda marka ay tixgelisay doodaha, xaaladda gobolka sidaas ayey xal u aragtay. Waxaad moodaa in qaab guul-guul ah ay ku dhamaysay oo ayna qaanuunka keliya ku ekaan. 

8. Go’aanka maxkmadda meela badan kama waafaqsanayn sida ay maxkamaddu go’aanka u gaari jirtay oo waxa aad mooddaa in ay xaaladda gobolka iyo siyaasadda caalamka tixgelisay. Garsoore Dr Abdiqawi Yusuf oo ah khabiir Soomaaliyeed oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda ayaa fikir gooni ah oo uu go’aammada qaar ku diiddan yahay soo bandhigay. Tusaale ahaan waxa uu duray meesha laga billaabay xariiqa oo uu tilmaamay in ayna sax ahayn. Tan kale waxa uu diiday oo khalad ku tilmaamay in aan tixgelinta lagu ekayn Soomaaliya iyo Keenya laakiin Gobolka dhan la tixgeliyey oo uu ugu yeeray ““judicial refashioning of geography”. Waxa kale oo Garsoore Abdulqawi in soo xirmidda badda Keenya(serious cuff-off) ayna ahayn mid la arki karoo o aan meesha oollin.

9. In kasta oo sidii aan wax u rabnay aanan u wada helin , haddana Soomaaliya go’aankaan guul weyn ayey u tahay. Waa midda koowaad, dalkayaga oo ah dal ka soo kabsanayey colaado daba dheeraaday, in aan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah kiis gaynay oo aan helnay xadayn sharci ah oo kama dambayn ah. Tan labaad, maxkamaddu waxa ay aqbashay inta badan dooddihii Soomaaliya. Tan saddexaad, dhul badeedkii kiisku khuseeyey inta badan waxaa loo xukmiyey Soomaaliya.

10. Labada dal oo deriska ah Soomaaliya iyo keenya waxaa la gudboon in ay aqbalaan go’aanka maxkamadda, laguna wada noolaado deris wanaag. Dalalka kiisaskooda lagu qaado maxkamadda inta badan waa kuwo deris ah, kamana dhigna in ay cadow isku yihiin. Xaqeennii si wanaagsan ayaan u difaacannay, waana muhiin in midnimo la muujiyo. 

Ahmed Ali M Khayre, PhD –  Waxa uu sharciga caalamiga ah ka bartay Birkbeck School of Law ee University of London. Wuxuu sidoo kale Daraasaadka Sharciyada Caalamiga ah iyo Yuurb ka bartay Utrecht University School of Law

FARMAAJO oo markii ugu horreysay amaanay Xasan, fariinna u diray mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah u soo jeediyey inay meel iska dhigaan danaha shakhsiga ah oo ay muujiyaan walaalnimo, wadajirna ay u soo dhaweeyaan guusha ay Soomaaliya ka soo hoysay kiiska badda ee xukunkiisa kama dambeysta ah ay riday maxkamadda ICJ.

Farmaajo oo aad u soo dhaweeyey xukunkii maxkamadda, isla markaana sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay, una hoggaansameyso xukunkaas ayaa sheegay in guushaan aysan sheegan karin cid gaar ah.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay fagaare ka qiray wanaag uu sameeyey madaxweynihii isaga ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa xusid mudan, doorkii sharafka lahaa ee walaalkey madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geedi socodkii cadaaladeed ee lagu difaacayey badda Soomaaliyeed oo ay sheegatay Kenya,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Mucaarad iyo Muxaafid aysan kala laheyn guushaan Soomalaiya uga soo hoyatay kiiska badda ay muranka gelisay Kenya, isagoo ku tilmaamay guushaan ay dhaxli doonaan jiilka dambe ee Soomaaliyeed.

“Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale intii uu jeedinayey khudbadaas waxa uu sheegay in isagoo ka faa’iideysanaya fursadaas uu siyaasiyiinta kale ee ka soo hor jeeda uu ka codsanayo inaay muujiyaan midnimo iyo farxad xukunkaan maxkamadda awgiis.

“Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan ee aan ka leennahay siyaasadda dalka,” ayuu yiri madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo.

SHARIIF iyo CC Shakuur oo xalay soo bandhigay runta heshiiskii badda ee Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay Muqdisho lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen inta badan siyaasiyiinta reer Muqdisho oo ay ugu horeeyaan golaha midowga musharaxiinta, waxaana kulankaas lagu soo dhaweynayey go’aankii ay maxkamadda ICJ ka qaadatay kiiska badda ay sanadihii lasoo dhaafay isku heysteen Soomaaliya iyo Kenya, waxaana kulanka khudbado ka jeediyey siyaasiyiin u badan xubnaha midowga musharaxiinta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mudo dheer lagu eedeynayey saxiixa heshiis la xariira badda ayaa ka mid ahaa xubnaha ka hadlay goobta, waxuuna sharaxay nooca uu ahaa heshiiska ay xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Sheekh Shariif ay Kenya la saxiixatay, kaas oo sida uu sheegay badbaado u noqday badda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay inuu Qaramada Midoobey ka diiwaan geliyey EAZ-ka Soomaaliya, kaas oo dowladda Soomaaliya lagu xujeyn jiray markii ay ka dacwooto kalluumeysiga sharci darrada ah.

Cabdiraxmaan oo tusaale u soo qaatay qiso ku dhacday Caaisha RAC ayaa sheegay in aduunka wax been abuurka ka xun aysan jirin, “Waliba waxaa ka sii daray markii lagu been abuurto ee aad weyso qof ku dhaha war waxaas ninkaan kama suurtoobaan ee ka leexda,” ayuu yiri CC Shakuur oo u muuqday inay kuleyl badan ku heysay in dad badan ay ka dhaadhacsaneed inuu badda gatay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo goobtaas ku raali geliyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Wiilkeyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur raali ha iga noqdo, sababtoo ah waxaan ku jiray dadkii qabay inuu galay heshiis uusan shaqo ku laheyn oo badda lagu iibsaday, baarlamaankii aan xilligaas ku jiray ee 8-aadna waxaan qabaa inuu sameeyey hal arrin uu aad u fiicneed, go’aan waxaan qaadanay aan u bixinay ‘dhaxal dhowr’ kaas oo dhigayey ilaa inta dowlad Soomaaliyeed ay ka imaaneyso in bad iyo biri aan laga wadahadli karin dhulka Soomaaliyeed.”

Cabdi Xaashi oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Caawa laba dareen ayaan qabaa, kan koowaad waa dareen farxadeed oo ku aadan xukunka maxkamadda, waxay ICJ cadeysay oo noo ogolaatay waixii aan xaqa u laheyn, dareenkeyga labaad waxa uu yahay, waxaad moodaa 1947-kii halkii aan joognay inaan caawa taaganahay, goortaas oo aheyd xilli ay Soomaaliya isku heysteen dalal awood badan, marka waxaan is leeyahay amay maanta u egtahay sidii berigaas oo gumeysi la idin geliyaa? Taasna waxaa noogu wacan inaan ku guuldarysanay inaan dadkeena isku keeno oo mideyno.”

Dhankiisa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo dalka xukumayey markii uu soo bilaawday muranka galabta lasoo afjaray ee badda ayaa ka hadlay goobtaas, isagoo ku adkeystay in heshiiska la sheegayo inay galeen Kenya iyo xukuumadiisii uu hoggaaminayey Cumar Cabdirashiid uusan waxaba ka ogeyn.

“Xilligii murankaan soo bilaawday xaalka ayaa nagu adkaa oo Muqdisho lix degmo kaliya ayaa gacanteena ku jirtay, waxaana dowladda Kenya u sheegay in arrimaha badda aana kala hadli karin, kadib waxaa dadaallo bilaabay dowladda Norway iyo UN-ka.”

“Xukuumadeydii waxaa lagu qanciyey inay lagama maarmaan tahay in anaga iyo Kenya aan badda wax iska dhahno Cumar Cabdirashiid oo xukuumadda hoggaaminaayey iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa ayaa go’aanka qaatay. Aniga la ilama soo socodsiin arrintaas, subaxdii heshiiskaas la saxiixaayey waxaa isoo wacay Cabdiraxmaan oo iguyiri madaxweynow waxaa la rabaa in heshiiskaas la saxiixo ee maxay kula tahay? Waxaan iri Ra’iisul wasaaraha warkiisa yeel, waxii Alle naga siiyaba,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxuu intaas ku sii daray, “Intaas kadib waxaan wacay r/wasaare Cumar waxaana dhahay maxaa arrintaan iiga qarisay? Waxuuna iigu jawaabay waxaan moodayey inaad ogtahay, oo halkaan ka ogahay? Wixii markaas ka dambeysay qeylo dhaan ayaa is qabsatay, waxaana magaalada gashay in badii la gatay, waxay noqotay in Cumar iyo Cabdiraxmaan aan ka shakiyo, seddaxdeenu weligeen iskama aanaa warsan arrintaas, nin kasta ninka kale markii uu arko waa ka sii jeesa jiray, marka Ilaahaa mahad leh oo hadda naga xoreeyey kiiskaas.”

Taliye Odowaa oo kulamo xasaasi ah ka billaabay Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaas oo caasimad u ah Galmudug.

Odowaa ayaa si gaar ah ula kulmay saraakiisha ciidanka qaybta 21-aad, kuwa horkacaya ciidamadii dhowaan laga qaaday magaalada Muqdisho ee la geeyey Dhuusamareeb.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa saraakiisha uu la kulmay ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha soo kordhay iyo howl-gallada ka socda Galmudug.

Taliyaha ayaa sidoo kale booqan doono saldhigyada ciidamada, si uu ugu sameeyo kormeer guud oo uu ku qiimeynayo xaaladaha ciidamada ku jira xeryahaasi.

Socdaalka Odowaa ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi oo ay Galmudug ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Xoogga dalka kadib booqashadiisa Dhuusamareeb uu aadi doono dhanka HirShabelle, gaar ahaan Jowhar.

Si kastaba, booqashada Odowaa ee xarumaha maamul goboleedyada ayaa salka ku heyso arrimaha ammaanka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Xanuuno aan la garanaynin oo ka dilaacay Jubbaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka nolosha ee haataan ka jira deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Jubbiooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin ay ka dilaaceen qeybo ka mid ah maamulkaasi, loona baahan yahay gurmad deg-deg ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray abaaraha iyo xanuunadaasi ay haatan dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda ku dhaqan deegaanada hoostaga Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan halkaasi.

“Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland WAXA ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo xoogan oo lagu samata bixinayo dadka dhibaateysan, si ay gurmad iyo caawinaad u helaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay qeylo dhaan kasoo yeereysay dadka ku dhaqan Jubbaland oo haatan wajahaya xaalado bani’aadanimo

Haweeneyn $20,000 siisay BARKHAD JAAMAC kadib lacagtii ay la noqotay Khadiija

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaliimo Biritish oo ka mid ah haweenka qurba joogta ah ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa iyadoo jawaab deg deg ah ka bixineysa go’aankii wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye  waxay lacag dhan $20,000 (Labaatan kun oo dollar) ku wareejisay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Wasiirka gargaarka XFS Xildhibaan Khadiijo Diiriye ayaa shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabatay waxay ku soo bandhigtay lacag $15,000 ah, taas oo ka mid ah lacag 20,000 oo dollar ah oo ay dooneysay in Xildhibaan Barkhad Batuun ay gaari ugu iibiso, balse ay ka ceshatay markii ay dhageysatay sida uu uga hadlay dadkii sida qasabka ah ay Somaliland uga soo musaafurisay magaalooyin ay Laascaanood ugu horeyso.

Xaliimo Biritish oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in Wasiir Khadiijo ay u muuqatay qof doonaya inay bedesho mowqifka Xildhibaan Barkhad Batuun, isla markaana qorshahaas ay la wadeen dad kale oo sida ay hadalka u dhigtay dano gaar ah ka leh Somaliland.

“Hadalka Khadiija waxaan u arkayey inuu yahay mid laga dambeeyo oo gadaasheeda Somaliland laga tooganayo, aniguna waxaan isku arkayey askari Somaliland ilaalinaya, sidaas ayaana uga jawaabay oo waa tan aan Barkhad ku wareejiyey lacag dhan 20,000 oo dollar,” ayey yiri Xaliimo Biritish.

Sidoo kale Xildhibaan Barkhad Batuun oo lacagtaas ka guddoomay Xaliimo Biritish ayaa sheegay in lacagtaas uu ku dhisi doono goob caafimaad oo laga hir-geli doono xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa oo beesha kursiga uu ku metelo ay aad u degto.

“Anigu ma doonayo in lagactaan aan gaari ku wato, waxaan ku sameyn doonaa wax Xaliimo wanaag u ah, shacabkana wax u taraya, xaafadaan aan deganahay ee dadka ku nool aan xildhibaanka u ahay, waxay u baahan yihiin MCH (Xarun caafimaad) aniguna waxaan ku darayaa 10,000 oo dollar, $30,000 kun waxaan deg deg ugu wareejinayaa odayaasha xaafadda, anigoo faraya inay xruntaas deg deg u dhisaan,” ayuu yiri Barkhad Batuun.

Sidoo kale mar uu u jawaabayey Wasiir Khadiijo Diiriye ayuu yiri, “Waan arkayey walaashey Khadiijo oo hadleysay, anigu ma ihi nin dumarka la tirsada, ixtiraam ayey iga mudan tahay Khadiijo, dadka aniga i jecelna waxaan leeyahay Khadiijo waa hooyo ee yaan intaas loo dhaafin.”

Dhanka kale odayaasha xaafadaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyey Xaliimo Biritish iyo Xildhibaan Barkhad oo ka gacan ka siiyey in duruufta caafimaad ee xaafadda ka jirta ay daboolaan, sidoo kale laba ka mid ah odayaasha ayaa $5,000 ku daray lacagtaas lagu dhisayo xarunta caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka.

Farmaajo oo weerar culus ku qaaday Kenya iyo Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeediyey khudbad uu uga hadlay xukunka badda ee maxkamadda ICJ, isagoo weerar afka ah ku qaaday Kenya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, waxuuna sheegay in culeys badan uu kala kulmay kiiskaan, intii uu xukunka joogay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in seddax bilood kadib markii uu xukunka la wareegay ay hoggaanka Kenya go’aansadeen inay si bareer ah u bilaabaan faro-gelinta siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya.

“Waxay gudaha dalkooda kasoo abaabuleen ururo siyaasadeed oo ay doonayeen in culeys iyo xasilooni darro siyaasadeed ay uga abuuraan gudaha dalkeenna, u jeedada ka dambeysana waxay aheyd inay nagu khasabto inaan dib ula soo noqono dacwadda badda, cadaadis awiis, kadib markii ay Kenya ku guuleysan weysay cadaadiskaas waxay bilaawday inay xad-gudub toos ah ku sameyso qaranimadeena,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hoggaanka dowladda Kenya uu maal iyo waqti badan geliyey in Soomaaliya la go’doomiyo, iyagoo naga gudbinaya sawirro xun oo fool-xumo ah.

“Hoggaanka dowladda Kenya waxay abaabul ciidan oo liddi ku ah madax-banaanideena ay ku fulisay duqeymo shacab Soomaaliyeed ay ugu geysatay dhibaato naf iyo maalba leh, waxay isku dayday in la cuuryaamiyo dhaqaalaha dalkeenna, waxay olole xoogan ka bilaawday xarunta Qaramada Midoobey, kaas oo u jeedkiisu ahaa in Soomaaliya lagu soo rogo qaraarka tirsigiisu yahay 1267, kaas oo Kenya ay uga danlaheyd inay ku xayirto kulana wareegto hantida ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo lagu suntayo argagixisanimo,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Farmaajo ayaa hoggaanka Kenya ku eedeeyey inuu toos u soo adeegsaday qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, “Waxay afduubteen hanaankii doorashada Jubbaland, arrinkaas waxaa ka biya diiday shacabka deegaankaas, waxaan garowsanay in talaabooyinkaas guracan ee Kenya, sidoo kale Kenya waxay si aan gambasho laheyn noogu sheegtay in maamulka Jubbaland ay nala heshiisiineyso, hadii aan ka tanaasulno dacwadda badda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farmaajo.

Farmaajo ayaa u mahadceliyey maxkmadda ICJ, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkamadda, waxuuna Kenya ka dalbaday in u hoggaansanto go’aankaan, isla markaana ay u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

“Waxaa boggaadin mudan baarlamaankii 8-aad oo qaatay go’aan geesinimo leh, kaas oo saldhig u ahaa guusha aan maanta heysano, kadib markii ay laaleen heshiiskii is afgaradka ahaa ee Kenya ay mar kasta ku andacooneysay, ayagoo qaatay qaraar ay ugu magac-dareen dhaxal dhowr,” ayuu yiri Farmaajo.

Isagoo u mahad celinaayey madaxweynihii xukunka ku wareejiyey ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Farmaajo waxa uu yiri, “Waxaa xusid mudan doorkii sharafka ahaa ee uu qaatay madaxweynihii hore ee dalka walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geedi socodkii cadaaladeed ee lagu difaacayey badda Soomaaliyeed ee Kenya ay sheegatay, sidoo kale waxaan amaanayaa qareenadii iyo qubaradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca badeena.”

Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xukunka Maxkamadda uu bog cusub u noqdo xiriirka labada dal, isla markaana ay hadda kadib ku wada noolaadaan deris wanaag iyo is-ixtiraam.

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedn ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin kari xiriirka iyo iskaashiga labada dale e walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in dowladooda ay ku cadaadiyaan in gobolka nabad loogu wada noolaado, iyadoo meel looga soo wada jeesanayo argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga gobolka.

“Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda.Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan ee aan ka leennahay siyaasadda dalka,” ayuu khudbadiisa ku yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhowaaqay mowqifka Soomaaliya oo go’aanka Maxkamadda ICJ + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena.

Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xukunka Maxkamadda uu bog cusub u noqdo xiriirka labada dal, islamarkaana ay hadda kadib ku wada noolaadaan deris wanaag iyo is-ixtiraam. 

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in dowladooda ay ku cadaadiyaan in gobolka nabad loogu wada noolaado, iyadoo meel looga soo wada jeesanayo argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga gobolka.

Soomaaliya ayaa galabta ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya.