24.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay guusha laga gaaray kiiskii badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd ka hadlay guusha ay inta badan ka soo hoysay Soomaaliya kiiskii dacwada badda ee ay xukmisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Xasan Sheekh ayaa ahaa madaxweynihii go’aansaday inuu Kenya la tiigsaday Maxkamadda ICJ, si uu uga difaaco isku daygii ay ku boobi laheyd badeenna, go’aankaas oo maanta miro dhalay.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in guusha weyn ay tahay mid ummadeed, una soo hooyatay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxa uu ka digay in guusha kiiska dacwadda badda ay sheegato koox gaar ah ama shaqsiyaad gooni ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay ku timid fikir, dadaal shaqo iyo midnimada Soomaaliyeed.

“Guusha weyn ee Soomaali u soo hooyatay waxaa rabaa in hoos loo soo dhigin oo wax qof sameeyay iyo qolo gaar ah sameysay aan laga dhigin. Guul dadka Soomaaliyeed meel kasta oo caalamka jooga u soo hooyatay. Guul waaye jiilasha dhalan doona u iman doonta waayo taariikh ayey galayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Waxa weeyi aqoonsigeeni qeybo kamid ah oo dood naga galay oo ku guuleysanay Soomaali haddaa nahay, anaguna adeegayaashii ka adeegayay ayaa nahay oo warqadaha siday, xoolaha Soomaaliya lagu bixiyey magaca Soomaaliya ayaa lagu dacwooday, qof muwaadin ah iskama dacwoon karo, dowlado ayaa ku dacwooda, waxaana dowladaha iska leh shacabka Soomaaliyeed.”

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in guusha badda la weyneyo maqaamkeeda oo aan hoos loo soo dhigin marnaba, maadama ay muujineyso wada-jirka umadda Soomaaliya, ayna ku timid midnimadooda.

Maxkamadda ICJ ayaa maanta guusha kiiskii dacwadda badda u xukmisay Soomaaliya, ayada oo meesha ka saartay doodda Kenya ee aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Hoos ka daawo Xasan Sheekh 

Soomaaliya oo loo xukumay inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya (Aqriso)

Hague (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa marka hore diiday doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa kadib aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya. 

Saddexda sawir ee hoose, midka koowaad wuxuu muujinayaa labada xuduud ee ay kala sheegteen Soomaaliya iyo Kenya. Midka labaad wuxuu muujinaya xariiqda ay Maxkamadda go’aamisay. Midka saddexaadna wuxuu muujinayaa dhul badeedka yar ee laga reebay dhanka Soomaaliya, kaasi oo ka billaabmaya kaliya marka la dhaafo 12 mile oo dhanka badda ah kadib.

Kenya ayaa dooneysay in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah in xariiqda loo qaloociyo dhanka Soomaaliya, kaasi oo Soomaaliya ay ku weyn laheyd dhul aad u baaxad weyn oo dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda ayada oo sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

“Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Sabtidii.

Kenya ayaa ka cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysan ku habooneyn inay xaliso kiiskan.

Kenya ayaa bishii March ee sanadkan qaadacday dhageysi oraaheedkii ugu dambeeyey ee kiiska kadib markii Maxkamadda ICJ ay diiday inay mar kale dib u dhigto dhageysiga dacwadda, sida ay codsatay Nairobi. 

Go’aanka Maxkamadda ayaa ah mid kama dambeys ah oo aan laga laaban karin. Sidoo kale, ma jirto Maxkamad middan ka sareysa oo ay dalalku racfaan u qaadan karaan.

Maxkamadda ma lahan awood ay ku fuliso go’aanka ay gaartay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaan marnaba welwel ka qabin in awood wax looga qaato, waxaana walaaca ugu weyn ee umadda Soomaaliyeed uu ahaa in sharci caalami ah aan ku weyno dhul badeedkeena.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena.

DF oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo mid QM ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed ay daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshaha uu ku talinayo hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Maalintii shalay ayaa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ku saabsan hawlgalka wadajirka ah.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Qorshan ayaa hadii uu dhaqan galayo waxaa laga doonayaa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna aqbasho dawladda Soomaaliya.

Taariikhda la qorsheeyey in howlgalkaas uu billowdo ayaa ah Janaayo 2022.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Ururka ayaa sidoo kale doonaya in la ballaariyo tirada dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom, oo hadda ah shan dal oo kala ah; Ethiopia, Uganda, Burundi, Kenya iyo Djibouti, kuwaas oo ay Soomaaliya ka joogaan19,000.

Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in hawlgalka AMISOM looga gudbo ciidamada AMISOM si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaalida.

VOA

Taliyihii Nabad Sugidda Dayniile iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdishakuur Raage (Cabdi Yare) iyo askar uu watay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in weerarkan qaraxa ah ay ku dhinteen taliyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii ay miinadu haleeshay gaarigooda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaasi taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdi Yare iyo ciidanka la socday ay howl-gal amni xaqiijin ah ka wadeen duleedka degmadaasi.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana ay shaacisay inay ku khaarijiisay taliyihii nabad sugidda Dayniile oo bartilmeed u ahaa iyo sidoo kale 11 askari oo ka mid aaah ciidamada ilaaladiisa, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ay waxyeelada kasoo gaartay ciidamada ammaanka.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmo ka hor guddoomiyaha maamulka Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo wacad ku maray inuu la dagaalami doono, kana hortagi doono kooxaha falalka ammaan darri ka geystay deegaanada hoos yimaada degmadaasi Dayniile.

Qaraxan ayaa ka qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

Farmaajo oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday VILLA SOMALIA + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey maalinta Calanka ee 12-ka October oo maanta ku beegan.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyeyaasha ciidamada, duqa magaalada Muqdisho, xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka munaasabaddan ayaa wuxuu ahaa in lagu weyneeyo maalinta aas-aaska Calanka ee 12-ka October, waxaanana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga.

War kasoo baxay xafiiska Farmaajo, kadib munaasabadda ayaa waxaa marka hore hambalyo loogu diray shacabka Soomaaliyeed, iyada oo looga hadlay muhiimadda Calanka.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Villada.

Sidoo kale madaxweyna muddo xileedkiisi dhammaaday ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Dhanka kjale Rooble ayaan ka qeyb-gelin munaasabaddan oo lagu xusayey maalinta qaran ee Calanka Soomaaliya, waxayna tani ay muujineysaa in weli meeshii ugu sarreysay uu taagan yahay khilaafka ka  aloolsan Villa Soomaaliya ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isna dhankiisa si gaar ah ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed, kadib qoraal uu soo saaray goor sii horreyay wuxuuna yiri “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda,”.

Sanad walba maanta oo kale 12-October ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikhdiisa.

AHLU-SUNNA oo xalay ka baxday magaalo muhiim ah iyo Galmudug oo la wareegtay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen gudaha deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda ay si nabadoon dib ula wareegeen deegaankaasi.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay fariisimo ka sameyteen duleedka deegaanka Ceeldheere, iyagoo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Ma cadda sababta ay dib ugu gurteen ciidamada Ahlu Sunna oo maalmo ka hor la wareegay gacan ku heynta deegaankan oo u dhow caasimada Dhuusamareeb.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya, iyada oo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel oo ay horay ula wareegtay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Galmudug ayaa wadda abaabul xoogan, iyada oo qorsheyneyso in dagaal culus ay ku qaado ciidamada Ahlu Sunna, si looga saaro deegaanada maamulkaasi.

Xiisadda haatan soo korortay ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horay dagaal ugula jirtay Al-Shabaab oo deegaano & degmooyin ka heysata maamulkaasi.

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii Ahlu Sunna ay ciidamadeeda kasoo saartay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, taas oo ka mid aheyd meelaha ay dhowaan la wareegtay.

Xog: Dhowr Arrimood oo dib u dhigay weerarkii uu Qoor Qoor ku qaadi lahaa Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Is-casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi waxay ahayd jug weyn oo Madaxtooyada Galmudug ku dhacday, kana hor istaagtay in la weeraro Xoogaga Ahlu-Sunna, oo 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Is-casilaadda Wasiirka waxay timid saacado yar uun ka hor, xilli la qorsheeyay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay weeraraan Guriceel.

Wasiir Fiqi ayaa Khamiistii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada socdo ee lagu xalinayo khilaafka maamulka kala dhaxeeya Hoggaanka Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe.

Saacado ka dib is casilaaddii Wasiir Fiqi, ciidan ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inay ka gadoodeen is-casilaadda Wasiirkii Amniga, waana xilli Fiqi loo tiriyo inuu yahay maskaxdii ka dambeysay dhismaha ciidamadaasi. Galmudug ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2020 yeelatay ciidamo Daraawiish ah.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa Jimcihii beeniyay in ciidamadaasi ka gadoodeen is casilaadda Wasiir Fiqi, balse ay ka gadoodeen sida uu yiri mushaar la’aan, xilli sida uu sheegay ay ciidamada kale qaateen mushaaraadkoodii.

Wasiir Fiqi oo hadlayna waxaa uu mar kale ka digay in la weeraro Magaalada Guriceel, weerarkaasi ayuu ku sheegay mid aan loo baahnayn.

Ciidamada Daraawiishta ee Galmudug ayaa habeen hore baneeyay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo, iyagoona dib ugu laabtay Xerada Indha-qaris oo 40km u jirta Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo markii horeba ay ka yimaadeen.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ay qaarkood labada dhinac dib uga dhex bilaabeen dadaaladii ay ugu kala dab qaadayeen, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee haatan taagan ay tahay Ahlu-Sunna oo doonaysa inay ku gorgortanto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana ay maamusho kastamka canshuuraha ee Degmada Matabaan.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka.

Ilo muhiim ah oo ku dhow dhow Ahlu-Sunna ayaa sheegay, haddii metelaad rasmi ah ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda, ay Galmudug ka caawin doonaan la dagaalanka Al Shabaab.

Ahlu-Sunnada Bartamaha Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa mid khibrad badan u leh dagaalka Al-Shabaab, Maamulka Galmudug-na aanu waxba ka faa’iidi doonin dagaal uu xilligan adag kala hortaggo Ahlu-Sunna.

Laba iyo toban sano oo Ahlu-Sunna ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayay dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay mid ay ka caagaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Ma cadda dadaalada socdo inay guuleysan doonaan iyo in kale, Galmudug-na uma muuqato mid saami Golaha Shacabka ka siinaysa Ahlu-Sunna, haddii aanay waxba iska bedelin siyaasadda Villa Somalia. 

Tigray-ga oo lagu qaaday WEERAR jiho kasta ah

Mekele (Caasimada Online) – Mucaaradka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada militariga dowladda federaalka Ethiopia ay kusoo qaadeen weerar “jiho kasta ah”, oo uu ka mid yahay gobolka Amhara.

Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ma uusan xaqiijin warkan oo yimid xilli ay jirtay xan ah in ciidamada militariga ay qorsheynayaan howlgal weyn, hase yeeshee wuxuu sheegay in dowladda uu waajib ka saaran yahay inay shacabka ka badbaadiso jabhadda TPLF.

“Weerarka uu Abiy Ahmed ku hanjabay inuu dib ugu qabsanayo Tigray si rasmi ah ayuu u billowday,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri Jabhadda TPLF.

“Subaxii 11-ka October 2021, militariga Ethiopia oo taageero ka helaya ciidamada Amxaarada, waxay billaabeen weerar isku xiran oo jiho kasta ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Ka sokow boqolaal kun oo maleeshiyo ah, ciidamadan xasuuqa damacsan, waxaa taageerayada taankiyo, diyaarado dagaal iyo kuwa drone ah, taasi oo aan shaki gelineyn damacooda ah gumaadka.”

Dowladda Abiy ayaa carabka ku adkeysay in howlgalka militari ee waqooyiga lagu beegsanayo TPLF, oo ay si rasmi ah ugu calaameysay urur argagixiso, ee aan loola jeedin shacabka.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in inkasta oo uu jiro weerarka cusub, haddana ciidamada aysan weli soo gaarin Tigray.

Waxa uu sidoo kale sheegay in TPLF aysan ka war hayn wax ku lug lahaansho oo ciidamada Eritrea ah, kuwaas oo horey militariga Ethiopia u taageeray intii uu socday dagaalka 11-ka bilood ah.

“Dowladda Ethiopia waxay mas’uuliyad ka saaran tahay inay shacabkeeda ku sugan dalka oo dhan ay ka badbaadiso ficillada argagixisada,” waxaa sidaas tiri Billene Seyoum oo ah afhayeenka Abiy Ahmed.

“Dowladda Ethiopia waxay sii wadi doontaa inay ka hortagto burburinta TPLF, rabshadaha iyo dilalka ka dhacay gobolka Amhara ee meel kasta oo kale.”

Ciidamada Puntland iyo rag hubeysan oo dagaal culus uu ku dhex-maray Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo rag hubeysan.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Puntland oo ku jiray roondo & rag ka ganacsada maandooriyaha oo xilligaas la socday gaari nooca raaxada ah.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga ayaa ku dhintay israsaaseynta labada dhinac, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ahaa raggii hubeysnaa, halka kuwa kalena ay baxsadeen, kuwaas oo lagu raad-joogo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan oo dhacay xalay saq-dhexe, waxaana saaka xaaladdu tahay mid deggan.

Puntland ayaa haatan dagaal adaga kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaasi, isla-markaana dhibaato ku haya bulshada deegaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Saciid Deni uu amar ku bixiyey in laga hortego oo gacan bir ah lagu qabto dadka maandooriya soo galiya Puntland & kuwa ganacsada.

ROOBLE oo farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October oo maanta ku beegan ayaa farrriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo u hambalyeeyey maalinta Calanka.

Rooble ayaa ugu baaqay guud ahaan Ummadda Soomaaliya in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, si ay horey ugu sii socoto dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale Rooble ayaa sii raaciyey “Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.”

Sanad walba maanta oo kale 12-Oktoobar ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikadiisa.

Calanka Soomaaliyeed waxaa naqshadiisa la soo bandhigay sanadkii 1952-dii, iyada oo ay  QM ay ogolaatay sanadkii 1954 markaas oo uu u tegay Cabdullaahi Ciise.

Xuska ayaa sanadkan ku soo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana aad isha loogu hayo kiiska badda oo ay maanta shaacineyso ICJ, iyada oo guusha loo saadaalinayo Somalia.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dil xalay muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika, falkaas oo ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday ganasadaha.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray jiray Liibaan Faarax Kheyre, waxaana lagu dilay agagaarka goobtiisa ganacsi oo ku taallay magaladda Queenstown gobolka Eastern Cape Ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in sida caadada aheyd ay goobta ka baxsatay kooxdii ka dambeysay dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa meesha tegay, kadib dilka iyo booka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida, waxaana aad u sii badanayey dilalka lagu hayo ganasatada dalkaas.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.

LIVE: Maxkamadda ICJ oo go’aamineysa kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa goor dhow si rasmi ah u billowday kulanka ay ugu dhowaaqeyso go’aankeeda kama dambeysta ah ee dacwadda badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay dowladda Kenya.

Waxaa haatan xarunta maxkamadda oo ku taalla Hague ku sugan wafdi ka socda Soomaaliya oo uu horkayaco ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar).

Soomaaliya ayaa aad ugu rajo weyn inay ku guuleysato dacwaddan, ayada oo dowladda Kenya ay horey u sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda.

Dooda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilaabatay bishii August ee 2014-kii, xilligaas oo ay dowladdii Xasan Sheekh ICJ u gudbisay dacwadda kala dhexeysa Kenya.

Hoos ka daawo go’aanka Maxkamadda 

ICJ oo maanta shaacineysa natiijada kiiska BADDA – Waa sidee rajada Somalia?

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta oo ku beegan 12-ka October inay ku dhowaaqdo go’aankeeda kama dambeysta ah dacwadda badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay dowladda Kenya.

ICJ ayaa natiijada shaacineyso 4:00 galabnimo, waxaana haatan xarunta maxkamadda oo ku taalla Hague ku sugan wafdi ka socda Soomaaliya, isla-markaana uu horkayaco ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar).

Soomaaliya ayaa aad ugu rajo weyn inay ku guuleysato dacwaddan, iyada oo xeer ilaaliyaha qaranka oo goobjoog noqon doono ICJ uu niyad wanaag muujiyey.

“Waxaan ku niyad samahay in àan guulaysanayno haddii alle idmo,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka  Dr Sulleymaan Maxamed Maxamuud.

Dhankiisa xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay VOA-da ayaa sharraxaad ka bixiyey heerarka ay soo martay dacwadda oo ay diidmo ka keentay Kenya.

“Kenya oo dhowr jeer laga dalbaday soo gudbinta caddeymo waxa ay uga falcelisay waraaqo diidmo ah, kiiskaan waxa uu soo maray heerar kala duwan” ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Dooda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilaabatay bishii August ee 2014-kii, xilligaas oo ay dowladdii Xasan Sheekh ICJ u gudbisay dacwadda kala dhexeysa Kenya.

Si kastaba, xukuumadda Nairobi oo quus ka taagan dacwadda badda ayaa maalmo, ka hor shaacisay in aysan aqoonsan doonin go’aanka la filayo inuu kasoo baxayo maxkamadda ICJ, waxaana hadalkaas uu noqday mid lama filaan ah oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah.

Cabsi xoogan oo ka jirta Islii iyo guddi shaaciyey tallaabo ay qaaday Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan ganacsatada xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, halkaas oo looga baqayo inay rabshado ka qarxaan.

Talaadada berri ayaa lagu wadaa in maxkamadda ICJ ay soo saarto xukunka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, go’aanka maxkamadda ayaa la saadaalinayaa inuu jiho kale u weeci karto xiriirka iyo wada-noolaashaha shucuubta iyo dowladaha labada dal.

Waxaa laga baqayaa in banaanbaxyo xoog leh ay dhigaan dadka reer Kenya oo boob loo geysto ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, hadii Soomaaliya loo xukmiyo badda, maadaama dadka Kenyaanka ah ay aad ugu han-weyntihiin sida Soomaalida in xukunka badda ay ku guuleystaan.

Guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa caawa la kulmay guddiga amniga qaranka ee wadanka Kenya, waxayna kala hadleen khatarta ka dhalan karta hadii shacabku ka gadoodo xukunka maxkamadda.

Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah guddiga ganacsata Soomaalida ah ee ku nool Kenya oo caawa warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in kulankaas kadib ay dowladdu u balan qaaday inay diyaarineyso ciidamo boolis ah oo ka howlgala Islii.

“Anagoo ah guddiga ganacsatada iyo guddiga amniga waxaan diyaarinay laamaha amniga, waxaa naloo soo dirayaa ciidamo boolis ah, si xaafadda Islii ay mudo 24-saac ah noola joogaan oo tallaabo ay ka qaadaan cid kasta oo ku xad gudubta sharciga wadanka,” ayuu yiri Maxamed.

Ganacsatada ayaa dadka reer Kenya ka codsaday inay aysan berri dhigin wax banaanbax ama dabaal deg ah, cid kasta oo ay guushu raacdo, si looga badbaado isku dhacyo rabshado wata oo ka dilaaca dalka.

“Arrintaan waa mid dowladda khuseysa, arrin shacab khuseysa maaha, waxaan ku war gelineynaa Soomaalida ku nool wadankaan Kenya, in wax ficil ah aysan sameyn, masaajidaan tagnay oo culumada ayaan kala hadalnay arrintaas in la demiyo oo wax ficil ah aan laga sameyn xukunkaas,” ayuu Maxamed Ismaaciil hadalkiisa ku sii daray.

Daawo: Khadiija Diiriye oo la noqotay lacag kumanaan dollar ah oo ay u diri laheyd Barkhad Jaamac Batuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in lacag dhan $15,000 (Shan iyo toban kun oo dollar) ay ka ceshatay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland, taas oo markii hore ay ugu tala gashay inay gaari ugu iibiso.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay inay tallaabadaas go’aansatay markii ay aragtay sida Xildhibaan Barkhad uu uga hadlay dadkii sida qasabka ah ay Somaliland uga soo musaafurisay deegaanadeeda oo magaalada Laascaanood ay ugu horeyso.

“Barkhad hadalkiisii waan dhageystay runtii waan la yaabay, laakiin kusoco ayaan ku leeyahay Barkhadow, hadii ay kula wacan tahay sidaas, ogaaw dadka Soomaaliyeed ee dadkaas aad ku diganeyso ay kasoo jeedaan, intii aan hiil iyo hoo kula soo gaarin niyadda ayey kaaga duceynayeen,” ayey tiri wasiir Khadiija.

Sidoo kale wasiir Khadiija Diiriye waxay sheegtay inay aruurisay lacag $15,000 ah, taas oo 3,000 ay iyadu bixisay, inta kalena ay siyaasiyiin kale kasoo aruurisay, balse hadda waxay cadeysay in 3-deeda kun ay ugu deeqeyso dadkii laga soo tarxiilay Somaliland, 12-ka kun ee soo hartana ay dib ugu celineyso dadkii lahaa.

Wasiir Khadiija oo gacanta ku heysa lagactaas shan iyo tobanka kun ah ayaa sheegtay in 6-da qof ee 12-ka kun ay ka soo aruurisay ay ku jiraan kuwo ehel la ah dadka uu Barkhad ku qancay in laga soo tarxiilo dhulkoodii.

“Lacagtii aan kuu balan qaaday mid Akoonkeyga ku jirta maaheyn ee waxaan kuu balan qaaday inaan kaaga soo qaado dadka aan saaxiibada nahay, laakiin nasiib darro dadka aad dhibkooda ku faraxday ehelkooda ayaa lacagtaan bixiyey, aniguna waxaan damacsanaa in $20,000 aan kuu soo diro,” ayey tiri.

Wasiir Khadiija waxay sheegtay in Barkhad ay u balan qaaday inay gaari fiican u gadeyso, kadib markii uu u sheegay in lacag ka badan 9,000 uu ku gaday gaarigiisii, si uu lacagtaas ugu caawiyo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, intii lagu jiray codeynta doorashadii uu ku soo baxay iyo haweenkii ay fooshu ku qabatay goobaha cod-bixinta.

“Aniga 3-deyda kun waxaan ku wareejinayaa guddigii ay K/Galbeed u magacaawday samata-bixinta dadkaas, kharashka kalena dib ayaan ugu celinayaa saaxiibadii lahaa, adigana waxaan alle kaaga baryaa inuu xaqa ku tuso, ma awoodo R/Wasaaraha aan wasiirkiisa ahay inaan mushaarkiisa lacag ka mid ah kuu soo diro, sidoo kale saaxiibadii ila damqaday oo dad ku heyb ah qoysaska la dhibaateeyey ay ku jiraan, waxaan ka qaaday inaan kuu soo diro,” ayey tiri wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Ugu dambeynti waxay sheegtay in ka wasaarad gargaar ahaan wixii ay u awoodaan dadkaas ay maalmaha soo socda gaarsiin doonaan maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos ka Daawo

Daawo: Guddoomiyaha Kaaraan oo weerar ku qaaday Saney Cabdulle iyo beesha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii saaka degmadaas ku dhex-maray ciidamo ka wada tirsan millateriga dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay degmada ayaa sheegay in Ciidamo ka amarqaata Taliyaha Guutada 4-aad ee ciidanka xooga dalka, Korneyl Saneey Cabdulle ay weerar kusoo qaadeen waax kamid ah waaxyaha degmada Kaaraan.

“Saaka waxa uu dhib ka dhacay waax kamid ah degmada Kaaraan oo la yiraahdo Wajeer, waxaa soo weerary ciidan milateri ah oo uu xakumo taliyaha guutada 4-aad oo fadhigiisa uu yahay Gubadle,” ayuu yiri Guddoomiye Ciise.

“Aniga ma aqaan millateriga waxa ay ka qabtaan magaalada Muqdisho gudaheeda, qaasatan degmooyinka gobolka Banaadir, milateriga waxaa loogu talo-galay xuduudaha ee magaalada gudaheeda looguma talo-gelin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada millateriga ay boob ku hayaan dhulka degmada iyo Kaawooyinka, isagoona ka codsaday in Wasiirka Gaashaandhiga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir inay arrintaas wax ka qabtaan.

“Waxaa aad uga xumaha guddoomiyaha beesha Gubadley oo aheyn mansabkiisa waxa uu yiri Jagboynti noo yiilay ayaa waxaa soo weeraray degmada Kaaraan, anaga waxa aan xuduud leenahay uma yaalan Jagboynti, waxa la rabaa in la weydiiyo waxa loo dhigay Jagboynti-ga u dhigay beesha Gubadley.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalkii saaka uu waxyeelo badan gaarsiiyey dadka deegaanka, uuna ka dhashay dhaawac iyo dhimasho, islamarkaana uu sababay barkac hor leh.

GALMUDUG oo shaacisay inuu socdo qorshe ciidan oo ka dhan ah AHLU-SUNNA

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shaaca ka qaaday Galmudug ay qorsheeneyso inay Ahlu Sunna ku qaado howlgal ciidan oo looga saarayo deegaanada ay haysato.

Falagle ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qorshahaas, oo uu ku sheegay inuu yahay mid amni oo aan saxaafadda lala wadaagi karin.

“Arrinta Ahlu-Sunna, deegaanka nidaam ayuu leeyahay, sharci ayaana noo degsan, qorshe ciidan ayaa jira mana sheegayo,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay inay meel wanaagsan marayaan howlaha doorashooyinka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shcabka ee maamulkaas, islamarkaana aysan waxa saameyn ah ku yeelan doonin xiisadda maamulka kala dhaxeysa Ahlu Sunna.

“Howlaha doorashooyinka meel wanaagsan ayey marayaan, Galmudug maamul ayey leedahay, khilaafka kala dhaxeeyo Ahlu Sunna wax saameyn ah kuma lahan doorashooyinka, waxaana rajeenayaa in dhawaan ay xiisadda dhammaato,” ayuu yiri Falagle.

Halka kasoo yeeray Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli ay Galmudug qorsheeneyso inay weerar ku qaado magaalada Guriceel oo ay dhawaan qabsaday Ahlu Sunna, kadib markii Qoor Qoor uu diiday inuu wada-hadal la galo kooxdan.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa si weyn u adkeeyey gacan ku heyntooda Magaalada Guriceel, waxayna magaalada ka sameysteen dufeyso ciidan, ayada oo maleeshiyo badan ay ku biireen koxoda si ay u xoojiyaan.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa isaga qaxay inta badan dadkii shacabka ahaa ee halkaas daganaa kadib markii ay guul-dareysteen isku day lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Culimada Soomaalida Kenya oo digniin culus kasoo saaray natiijada dacwada badda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Culimada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan natiijada la filayo inay maalinta berri ah ku dhawaaqdo Maxkamadda Cadaallada Acduunka (ICJ) ee ku saabsan kiiska badda Soomaaliya..

War kasoo baxay culimada ayaa waxaa lagu sheegay in natiijada kiiska badda ay horseedi karto isku dhac qowmiyadeeda, si taasi looga fogaadana waxay soo jeediyeen in aan la sameyn isu soo baxyo ballaaran.

Digniinta oo si gaar ah ugu socotay dadka Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, ayaa waxaa lagu yiri “go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamadda waa in aan dibad bax la sameyn.”

Dr Aadan Yoonis Sheekh Ibraahim oo ah madaxa golaha sare ee Muslimiinta dalka Kenya oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in warka ay soo saareen uga gol leeyihiin in meesha laga saaro khasaare kasta uu sababi karto natiijada maxkamadda.

“Waa in aan la sameyn banaanbax murugeed iyo mid faraxeed, waayo cabsida aan qabno ayaa tahay in dhib u keento banaanbaxyada masaalix badan oo Soomaalida ku leedahaya dalka Kenya,” ayuu yiri Dr Aadan Yoonis.

“Culimada sidooda meel fog ayey wax ka arkaan, waxay saadaalinayaan arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, markaa waxaa aaminsan tahay hadaad muujiso wax ka weyn hadduu ka imaanayo waa joojineysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in culimada ay ka baqayaan haddii banaanbaxyo ku aadan natiijada badda ay dhigtaan Soomaalida dowladda Kenya ay qaadi karto go’aan aan loo meel dayin oo cawaaqib xumo ah.

“Arrinta ha noqoto labo dowladood oo is haya, labadaas dowladood tii reysaba anaga waxaa rabnaa in naloo arko dad dhex-dhexaad ah oo Soomaalidana sidii ay ugu jireen Kenya ugu jiraan.”

Dr. Aadan ayaa soo jeediyay in si degan looga fal-celiyo go’aan kasta oo kasoo baxa maxkmadda cadaalada aduunka ee ICJ, maadama ay tahay xiisad adag oo ka dhex aloosan labada dalka.

Amisom oo lagu beddelayo ciidamada QM iyo Midowga Afrika oo gaaray go’aan culus

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu go’aansaday in howlgalka uu hadda ka fuliyo Soomaaliya ee AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ay ku mideysan yihiin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay ayideen qiimeyn uu sameeyey guddi madax-banaanka oo Midowga Afrika ka tirsan, kaasi oo soo jeediyey in howlgal wada-jir ah oo laga fuliyo Soomaaliya.

Taariikhda la qorsheeyey in howlgalkaas uu billowdo ayaa ah Janaayo 2022.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka “uu xaqiijin doono maalgelin sanado badan ah oo la saadaalin karo lana joogteyn karo oo uu helo howlgalka mustaqbalka, ayada oo loo marayo tabarucaad ay QM qiimeysay.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u diiday qorshahan, waxayna ku adkeysatay doorka taageerada howlgalka Midowga Afrika ,ayada oo mas’uuliyadda amniga, si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Hase yeeshee Midowga Afrika ayaa doonaya wada-tashi deg deg ah oo ay la yeeshaan QM iyo dowladda Soomaaliya iyo saamileyda kale si looga shaqeeyo u gudbidda howlgalka cusub ee lasoo jeediyey.

Ururka ayaa sidoo kale doonaya in la ballaariyo tirada dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom, oo hadda ah shan dal oo kala ah; Ethiopia, Uganda, Burundi, Kenya iyo Djibouti, kuwaas oo ay Soomaaliya ka joogaan19,000.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika, QM iyo dowladda Soomaaliya ay go’aan ka gaari doonaan hadafyada, sharciyadda, iyo xaddiga howlgalka cusub.

VOA

Ciidamada Saney Cabdulle iyo Cusmaan Xaadoole oo ku dagaalamay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, kana howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay halka loo yaqaano xaafadda Xaawo Casir iyo agagaarka Suuqii hore xoolaha ee Xirga-Dheere.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxaa sababay dagaalkan, waxaana wararka qaar ay sheegeen in la’isku qabtay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, halka kuwa kalena ay ku warramayaa in is faham waa uu soo kala dhex-galay labada ciidan ee diriray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Ma jira weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Si kastaba, ma’aha markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamayaan ciidamo ka kala taabacsan Korneul Saney iyo Cismaan Xaadoole, iyaga oo horey ugu dagaalamay halkaasi.