24.5 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Ciidamada Saney Cabdulle iyo Cusmaan Xaadoole oo ku dagaalamay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, kana howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay halka loo yaqaano xaafadda Xaawo Casir iyo agagaarka Suuqii hore xoolaha ee Xirga-Dheere.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxaa sababay dagaalkan, waxaana wararka qaar ay sheegeen in la’isku qabtay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, halka kuwa kalena ay ku warramayaa in is faham waa uu soo kala dhex-galay labada ciidan ee diriray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Ma jira weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Si kastaba, ma’aha markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamayaan ciidamo ka kala taabacsan Korneul Saney iyo Cismaan Xaadoole, iyaga oo horey ugu dagaalamay halkaasi.

Midowga Musharaxiinta oo WEERAR culus ka qaaday Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa war xasaasi ah kasoo saaray dib u dhaca markale ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka.

Qoraalka kasoo baxay musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhacan oo ah kii saddexaad oo ku yimaada jadwalka doorashooyinka uu sababay in dalka uu galo firaaqo dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan ah oo saameyn ballaaran ku yeelatay xasiloonida.

Sidoo kale golaha ayaa shaaca ka qaaday in ay ka wel-welsan yihiin in illaa iyo hadda aysan caddeyn xilliga rasmiga ah ee ay qabsoomeyso doorashada golaha shacabka.

Warsaxafaadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mas’uuliyadda dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka uu qaadayo golaha wada-tashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

“Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Hay’adihii dowladda federaalk oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaatay waxey keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo jadwalkii ugu dambeeyey doorashooyinka uu dib u dhac ku yimid, kaas oo dhigayey in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 10-ka bishaan October oo shalay ku beegneyd, iyada oo aan weli la dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

Ciidamada Ahlu Sunna oo isaga baxay Matabaan iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Matabaan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen guud ahaan degmada Matabaan, taas oo ay dhowaan la wareegeen, kadib markii ay ku soo rogaal celisay gobollada dhexe.

Ciidamada Ahlu Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay saaka faarujiyeen xarumihii ay ku sugnaayeen ee gudaha degmada Matabaan, waxaana ay gaareen deegaan dhaca xadka kala qaybiya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen Kastam cusub oo ay gaadiidka uga qaadi doonaan lacago Canshuuro ah.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa in Ahlu Sunna ay dib uga soo baxdo degmadaasi oo dhowaan ay si nabadoon kula wareegtay.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Kastamkii ay ku sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunna ay haatan dib ula wareegay maamulka Matabaan oo ka bilaabay qaadiida Canshuuraha.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka degmada oo ku aadan arrintaasi.

Dib u gurashada Ahlu Sunna ee dhinaca degmada Matabaan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo haatan xiisad culus ay ka taagan tahay degmada Guriceel oo laga cabsi qabo inay weerar ku qaadaan ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Xog: Midowga Murashaxiinta oo diiday qorshe uu Farmaajo usoo jeediyey Talaadada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa sugeysa natiijo wax ku ool ah oo ka timaado Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) taasoo la filayo inay xaqiijiso in Soomaaliya ay leedahay xad badeedka lagu muransanaa waqtiga dheer.

Dowladda Kenya ayaa ka baxday dacwaddii kala dhaxeysay Soomaaliya ee taalay Maxkamadda, iyadoo sheegtay inay maxkamadda hal dhinac u janjeerto iyo inaysan ixtiraami doonin wax walba oo go’aan ah oo kasoo baxa Maxkamadda.

12-ka bishaan 4-ta galabnimo xilliga geeska Africa ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada maxkamadda. Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay kulanka maxkamadda halka Kenya ay u dhaqaaqday jiho ay kaga baxeyso heshiiska dalalkii saxiixay aqoonsiga maxkamadda cadaaladda Adduunka.

Guul weyn ayaa ummadda Soomaaliyeed uso hoyaneysa asbuucaan. Hase yeeshee dood weyn ayaa ka taagan sida siyaasiyiinta Soomaalida uga farcelin lahaayeen guusha laga filayo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka 12-ka bishaan.

Waa munaasabad weyn, sidoo kalana waxay ku aadan tahay maalinta Calanka Soomaaliya. Madaxda Soomaalida muddo ayey isku ugaarsanyeen qadiyadaan oo si gaar ah loogu dhaawacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu qaban qaabinayo xaflad weyn oo lagu soo dhaweenayo guusha Soomaaliya marka maxkamadda 12-ka bishaan sii deyso natiijada, isaga oo doonayo inuu uga faa’iideysto inuu sumcaddiisa sare ugu qaado.

Waxaa la sheegay inuu Farmaajo rabo inuu damaashaadka noqdo mid loo dhan yahay oo xitaa mucaaradka kasoo qeyb galaan, laakiin waxaa jiro warar sheegaya in xubnaha mucaaradka isku khilaafeen inay ka qeyb galaan xafladda uu Farmaajo qaban qaabinayo.

Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa la xaqiijiyey inay iyaga go’aansadeen inay habeenka Talaadada ah ee 12-ka bishaan qabsadaan kulan gaar ah oo ay ugu dabaal dagayaan guusha Soomaaliya kasoo gaartay dacwadda Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Waxaa la aamisan yahay inay arrintaan ku fiicneyd in si qaranimo leh oo wada jir ah loogu farxo looguna dabaaldago. Fikirka madaxweyne Farmaajo ee ah inuu kulanka wadajir noqdo oo hal meel habeenkaas madaxda ku dabaaldagto ayaa u muuqda mid macno weyn oo wanaagsan ku fadhiya, laakiin ujeedka dhabta ah ee Farmaajo ayaa mucaaradku rumeysan yihiin inay tahay inuu guusha sheegto, inkasta oo dowladdiisa aysan aheyn midda furtay dacwadda

Maadaama dalka uu xilli doorasho ku jiro waxaa musharixiinta qaar walaac ku heysa in hab maamulkaas xafladdaasi uu noqdo mid koox gooni ah u sahla inay sheegato guusha badda, oo haddii qof sheegan karo uu yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo kiiskan Maxkamada geeyey.

Intii u taagnaa kiiska Badda, madaxda Soomaalida waxay ku guul-dareysteen inay si qaranimo leh oo siyaasadesneyn u wajahaan kiiskaan, waxaana badnaa is ugaarsigooda, haddana waxaa muuqata in mar kale lagu guul-dareysan doono in si wadajir ah loogu dabaaldago guusha oo halkaas habeen madaxda muujiyaan midnimo qaran.

AMISOM oo ciidamo boolis ah geysay labo magaallo oo dalka ka mid ah + Ujeedka

0

Baraawe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ciidamo Boolis ah geeyey gudaha magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb oo xarumo u ah dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug, Soomaaliya.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen amniga doorashooyinka ka dhacayaa magaalooyinkaasi.

Baraawe iyo Dhuusamareeb ayaa qorshuhu yahay inay ka billowdaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, iyada oo ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Booliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu wareejin doonaa xarumaha doorashooyinka, si loo adkeeyo ammaanka inta ay socota doorashada xildhibaanada baarlamaanka 11-aad.

Gen. Augustine Magnus Kailie oo ah taliyaha Booliiska AMISOM ayaa qorshahaan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo xasiloonida meelaha loo qorsheeyey doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tababar dheeraad ah la siiyey ciidamadan, si ay gacan uga geystaan amniga doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Ciidamadan maanta la geeyey Baraawe ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ka socotay doorashada golaha deegaanka ee degmadaasi, taas oo walaac laga muujiyey maadaama la bilaabayo doorashada aqalka hoose.

Si kastaba, heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ahaa in ciidamada Booliska AMISOM ay qeyb ka noqdaan ilaalinta doorashooyinka dalka ee 2021ka.

DF oo amar kasoo saartay dhul dowladeed oo Muqdisho ku yaal oo la degan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay amar si toos ah ugu socda dadka degan dhulka war-laliska Radio Muqdisho, kuwaasi oo muddo deganaa dhulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dadka degan dhulkaas oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ay si dhaqso ah uga guuran.

“Maamulka gobolka Banaadir iyo degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey wasaaradda ka codsatay in doorkooda ay ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah u qabto wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka laguma xusin waqti cayiman oo la siiyey dadkaas si ay uga guuraan dhulkaas, marka laga imaado in si dhaqso ah u faarujiyaan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee xiligan keentay in dhulkaas ay dalbato Wasaaradda, kaasi oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Maxaa lagu qanciyey ciidankii gadooddka ku qabsaday qeybo kamid ah Gaalkacyo?

0

Dhuusamareeb (Caasimada) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay xalinta tabashada ciidankii daraawiishta ee dhowaan gadoodka ka sameeyey koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Falagle ayaa sheegay in ciidamadaas ay ugu dambeyn dib ugu laabteen saldhigyadooda, kadib wada-hadal dheer oo lala galay saraakiisha hoggaamineysay, lana qanciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baneeyeen Kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaalkacyo oo ay maalmo ka hor qabsadeen ciidamadaasi, wuxuuna ballan qaaday inay sidoo kale heli doonaan mushaaraadka ka maqan ee keenay inay gadoodka sameeyaan.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug inay is dajiyaan, wuxuuna ka digay in looga sii daro xaaladda maamulkaas oo culeys wajahaya.

Arrintan ayaa qaboojineysa xaaladdii cakirneyd ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd Gaalkacyo, tan iyo markii ay ciidamadu la wareegeen Kastamka Canshuuraha oo ay heysteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ka saaray Booliiskii heystay.

Xilliga ay gadoodka sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo aaday, markii uu iscasilay wasiirkii amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan,waxayna dadka qaar ay shaki weyn ka muujiyeen waxa isku soo aadiyey iscasilaada iyo gadoodka.

Si kastaba, Galmudug ayaa lugaha la hashay xiisad horleh, kadib markii Ahlu Sunna ay dib usoo rogaal celisay, isla-markaana ay qabsatay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Afar arrin oo xuddun u ah xiisadda labada dal ee Muslim-ka ah ee Iran iyo Azerbaijan

0

Tehran (Caasimada Online) – Dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ay ku lug leeyihiin Azerbaijan, Turkey, Pakistan iyo Iran ayaa dhaliyey cabsi laga qabo inay sii kororto xiisadda ka taagan koonfurta Caucasus

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Muslimka ah ee Iran iyo Azerbaijan oo wadaaga xuduud 700-kilometer (430-mayl) ah, ayaa cirka isku sii shareeraysay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Tehran ayaa dhoolatus ciidan oo ballaaran ka samaysay xadka ay la wadaagto dalka ay dariska yihiin bilowgii bishanOctober, toddobaadyo uun kadib markii Azerbaijan iyo xulafadeeda Turkiga iyo Pakistan ay dhoolatus milatari oo wada jir ah ku qabteen Baku.

Dhoolatuska ayaa dhacay iyada oo ay Iran sheeganeyso in milatariga Israel la geeyay dhulka xuduuda ay la leedahay Azerbaijan.

Dagaalkii sannadkii hore ka dhacay Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa goobta dagaalka ku soo daad-gureysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Kamikaze” ee Israel, halka Turkigu uu sidoo kale kaalmo hub iyo farsamo siiyay Azerbaijan, taas oo gacan ka geysatay guushii milateri ee dalku ka gaaray Armenia.

Inkasta oo xiisadaha hadda ka dhexeeya Azerbaijan iyo Iran ay illaa hadda ku koobnaayeen dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ka socda xuduudahooda, haddana waxaa jira cabsi laga qabo in tani ay isu beddesho isku dhac dhan walba ah.

Waqooyiga Iran, oo ah xuduudda koonfureed ee Azerbaijan, waxay martigelisaa dad badan oo Azeri ah, oo loo arko inay yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Iran, taasoo la micno ah in kororku dadkaas uu yeelan karo cawaaqib xun.

Xiisadda labada dal ayaa waxay ka dhalatay arrimaha soo socda:

1 – Nagorno-Karabakh

Dhibaatada inteeda badan ee u dhaxaysa Iran iyo Azerbaijan waxay salka ku haysaa dagaalkii Nagorno-Karabakh ee sanadkii hore dhex maray Azerbaijan iyo Armenia.

Nagorno-Karabakh waa dhul buuraley ah oo lagu muransan yahay oo ay haysteen ciidamada Armenia ku dhawaad soddon sano kahor dagaalkii 2020.

Sanadihii sagaashameeyadii, gobolku wuxuu sheegtay inuu ka go’ay Azerbaijan, laakiin weli ma uusan aqoonsi ka helin dal ka mid ah adduunka.

Dadka gooni u goosadka ah ee Armenia oo ay taageerto xukuumadda Yerevan ayaa muddo dheer doonayay inay ka go’aan Azerbaijan oo ay ka mid noqdaan Armenia, inkasta oo ay ku guulaysan waayeen.

Ka dib dagaalkii 44 maalmood socday ee sanadkii hore, kaas oo soo afjaray xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadinayey, Azerbaijan waxay sheegtay inay dib ula wareegtay dhul badan oo ku yaal Nagorno-Karabakh iyo agagaarkeedii oo ay ku waayeen dagaalkii 1991-94 oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 30,000 oo qof.

Iran, oo xuduud la leh labada dal, ayaa inta badan aamusnayd intii ay dagaalladu socdeen, laakiin waxay qiratay aakhirkii in gobolka lagu muransan yahay uu yahay dhulka Azerbaijan, inkasta oo dhaqan ahaan ay xulafo la ahaayeen Armenia.

2- Dhoolatus Militari 

12-kii Sebtember, Azerbaijan waxay martigelisay dhoolatus milatari oo ay si wada jir ah u sameeyeen Turkiga iyo Pakistan taas oo u muuqatay in Tehran ay sii kicisay.

Dhoolatuskaas oo loogu magac daray “Saddex Walaalo ah 2021” ayey Iran ku sheegtay inuu ahaa mid ka dhan ah qodobbada Heshiiska Xaaladda Sharciga ee Badda Caspian, kaas oo qeexaya in xoogagga hubaysan oo aan ka tirsanayn Azerbaijan, Iran, Kazakhstan, Federation of Russia iyo Turkmenistan laga mamnuucay joogitaanka Badda Caspian.

3- Amniga Ganacsiga

Dhowr maalmood ka dib markii ay dhaceen dhoolatusyada, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Azerbaijan ay xayiraad ku soo rogtay gawaarida Iran ee isticmaalaya waddo hore isku xiri jirtay Armenia iyo Iran – oo ay Azerbaijan qabsatay dagaalkii 2020 kadib.

Iran ayaa hore u isticmaali jirtay waddadaas si ay u gaarto Ruushka iyo Galbeedka Aasiya iyada oo aan wax xannibaad ah lahayn.

Xayiraadaha cusub waxaa ka mid ahaa isbaarooyinka iyo canshuurta waddooyinka ee laga qaado darawalada Iran, iyo xiritaanka laba darawal, taas oo sida muuqata ka hor imaanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta ee uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ee ilaalinayey socodka xorta ah ee aagga.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa arrintan ku soo qaaday wareysi uu dhowaan siiyay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, isaga oo ku andacoonaya in gawaarida Iran ay “si sharci darro ah” ku soo galeen Karabakh tan iyo dagaalkii 2020.

Wuxuu sheegay in ilaa 60 baabuur oo Iran ah ay soo galeen gobolka Karabakh ee Azerbaijan iyaga oo aan haysan wax ruqsad ah intii u dhexeysay 11 August iyo 11-ka September.

“Kadib waxaan bilownay inaan xakameyno waddada dhex marta dhulka Azerbaijan, baabuurtii Iran ee mari jiray Karabakh ayaa istaagay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay in laga rabo inay bixiyaan canshuurta marka ay soo galayaan dhulka Azerbaijan.

4- Joogitaanka ciidamada Israel ee Azerbaijan

Israel oo ah cadowga gobolka ee Iran, ayaa ka mid ahaa taageerayaashii Azerbaijan ee dagaalkii Nagorno-Karabakh. Sidoo kale Israel ayaa ah wadanka labaad ee ugu badan ee hubka keena dalkaas marka laga reebo Ruushka.

Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm, Israel ayaa ahaa dalka ugu badan ee hubka siiya Azerbaijan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo lagu qiyaasay $ 825m oo hub lagu iibiyey intii u dhexeysay 2006 iyo 2019.

6-dii October, diblumaasi sare oo u dhashay Iran ayaa muujiyay “walaac daran” oo ku saabsan joogitaanka Israel ee la sheegay in ay ku sugan tahay Caucasus.

“Dhab ahaantii uma dulqaadan doonno isbedelka juqraafiyeed iyo isbeddelka khariidadda ee Caucasus,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Hossein Amir-Abdollahian oo warbaahinta kula hadlay Moscow.

“Waxaan welwel weyn ka qabnaa joogitaanka argagixisada iyo Sahyuuniyadda ee gobolkan,” ayuu sii raaciyey

Si kastaba ha ahaatee, Azerbaijan ayaa beenisay sheegashada joogitaanka millatariga Israel ee meel u ku dhow xudduudda Iran waxayna ku tilmaamtay inay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Guudlaawe oo xilal ka qaadis iyo magacaabis sameeyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto cusub soo saaray ayaa xilal ka qaadis ku sameeyey agaasimeyaal ka tirsan wasaaradaha maamulkaas, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub oo kumeel gaar ah.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Cali Guudlaawe ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha amniga iyo qorsheynta ee maamulkaasi, kadib soo jeedin ka timid wasiirada labadaasi wasaaradood.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in xilka Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle loo magaabay Maxamed Muxumad Cabdulle, waxaana xilkaas horay u hayey oo laga qaaday Cabdulahi Maxamed Xasan.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Raage oo ahaa agaasimihii wasaaradda Amniga ayaa shaqada laga eryey, waxaana xilkaas loo Magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.

“Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u Magacaabay Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdulle” ayaa lagu yiri wareegtada

Cali Guudlaawe ayaa faray in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta cusub oo uu amray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda.

Shalay ayey aheyd markii uu madaxweynaha HirShabelle oo xilal ka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii hay’adda qaxootiga maamulkaas iyo sidoo kale guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo u magacaabay mas’uuliyiin kale.

MAHAD SALAAD oo si xun ugu jawaabay AXMED FIQI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxuuna qoraalka Mahad Salaad ku soo aadayaa, iyadoo Axmed Macalin Fiqi uu galabta qabtay shir jaraa’id, kaas oo uu ku weeraray siyaasiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad.

Fiqi ayaa sheegay in dadkii shalay hor taagaanaa mudo kororsiga ay hadda Dhuusamareeb ka dheheen nidaamkii dowladda Galmudug ayaa lagu cayaarayaa, “Wax ka jira maleh , laguma cayaarayo nabad geliyada Galmudug ee faa’iidaa ugu jirta Ahlu-Sunna inay joogto, 10-kii maalmood oo ay joogeena waa laga dareemay deegaanka oo Al-Shabaab waa carareen,” ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu sheegay in dadkii shalay Farmaajo ka diiiday mudo kororsiga ay maanta u muuqdaan kuwo kala wareegay, oo dhahaya Ahlu-Sunna dagaal halagu qaado, “Soo u ekaa maayaan niman shalay diidanaa nidaamkii iyo madaxweynihii jiray? Laakiin shalay waan ku raacsanaa go’aankaas, balse kan kuma raacsani,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Fiqi oo u muuqday inuu si gaar ah u weerarayo Mahad Salaad ayaa yiri, “Waxaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka reer Gurceel la barakiciyo, aniga waan fahmi waayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo weerarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaago uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, janadii Al-Shabaab naga raadinayey ayuu noola mid yahay kursigaas, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota qeyb haka noqanina.”

Mahad Salaad oo u soo jawaabay Axmed Macalin Fiqi ayaa qeyb ka mid ah qoraalkiisa ku yiri, “Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!.”

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay!

Waxa jiray nin oday ah oo mingiska ka tumi jiray deegaanada Galmudug, lana dhihi jiray Dalays oo Cayr ahaa. Waxa xarun u ahaan jirtay meel LACASO la yiraahdo oo Gadoon agteeda ah. Lacoso-na habeenka marka la gaaro nalal ayaa ka shidma, durbaan cid garaacaysa aan la aqoona waa ka yeeraa. Marka waxa la yiraahdaa jinka ayay hoy ama guri u tahay.

Dalays meeshii ayuu ku shiiday marka wuxuu go’aansaday in uu ka guuro, farsamadiisana ku shaqaysto. Baanankana inuu u baxo ma rabo ee inuu Cayrka ka dhex qaraabto ayuu rabaa. Marka qolodii Cabsiiye ayuu inta ka soo tagay, ayuu soo dhex degay kuwa kale oo Ayaanle ah!

Wuxuu rabaa marka inuu sheego in Jinkii soo guuray isagana soo raacay. Berrin ayuu inta xaarxaartay oo durbaankiisii la soo baxay ayuu ku dhuftay hees uu rabo dadka inuu ku hogga tusaaleeyo in jinigii soo guuray hadana safar ku marayo dhulka Ayaanluhu deganyahay. Marka wuxu yiri:

Jinigu Lacasow ka yimid cabsiiyow labo ka dilay, hadana laanlow maraa lag iyo bariyow rabaa ayaanlowna lurahayaa!

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!

Saraakiil Reer Galbeed ah oo shaaciyey laba xog oo xasaasi ah oo ay ogeyd Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka, oo soo xiganeysa il-wareedyo reer galbeed iyo saraakiil ka tirsan QM, ayaa qortay warbixin ku saabsan xog ay haysay Ikraan Tahliil Faarax, oo ay suurta-gal tahay in loo dilay iyo in dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay qariso xaqiiqda dhimashada Ikraan. 

Waxaa gudaha Soomaaliya aad looga rumeysan yahay in dowladda ay qarineyso xaaladaha ku hareereysan dhimashada Ikraan, sida ay sheegeen saraakiil Reer Galbeed iyo taxliiliyeyaal la socday kiiskan, ayaa lagu yiri warbixinta Bloomberg. 

Ikraan ayaa xog hoose ka heysay heshiis amni oo sanadii 2018 dhex-maray Eritrea, Ethiopia iyo Soomalaiya, heshiiskaas oo faah-faahintiisa ay saddexda dal doonayaan inay sir ahaato, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Reer Galbeed iyo QM ah oo ka shaqeeya Soomaaliya, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay ka hadlaan qiimeynta sirdoonka.

Soomaaliya ayaa muddo ku tuhmeysay dowladda Eritrea inay taageerto kooxda Al-Shabaab, waxaana heshiiska uu yareeyey xiisaddii hay’adaha amniga labada dal, sida ay sheegeen saraakiisha la hadashay Bloomberg. 

Ilo-wareedyada la hadlay Bloomberg ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu dhigayo in saraakiil sirdoon oo Eritrean ah ay saldhigyo ka sameystaan Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo madaxweyne Isaias Afwerki siisay inuu saameyn ku yeesho gobolka. Eritrea ayaa taageereysay dagaalka uu ra’iisul wasaraaha Abiy Ahmed kula jiro mucaaradka Tigray ee waqooyiga dalkiisa.

Shaac ka qaadista nuxurka heshiiska iyo sababaha ka dambeeya dhimashada Ikraan, waxay horseedi karaan xiisad diblomaasiyadeed oo ka qaraxda Geeska Afrika, waxaa sidaas Bloomberg u sheegay Omar Mahmood oo ah khabiirka hay’adda xasaradaha adduunka ee International Crisis Group u qaabilsan Soomaaliya.

Ikraan oo tababar dhanka ammaanka internet-ka (cyber-security) kusoo qaadatay xarunta booliska Scotland Yard ee London, 2019, ayaa sidoo kale haysay xog ku saabsan qiyaastii 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo loo diray Eritrea, si ay tababar ugu soo qaataan, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha la hadlay Bloomberg.

Ikraan “waxay diyaar u aheyd inay kashifto” howlgalkan militari ee muranka dhaliyey, sida lagu sheegay warbixin ay bishii tagtay baahisay International Crisis Group.

Bloomberg oo la xiriirtay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kama aysan jawaabin su’aalo ku saabsan heshiiska saddex geesoodka ee Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia. Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel, iyo Billene Seymoum, oo ah gabar afhayeen u ah Abiy Ahmed ayaan jawaabin.

Qoyska Ikraan Tahliil iyo xildhibaano matala ayaa shalay sheegay in baaritaan lagu waday in Maxkamadda Ciidamada ay ku sameyso kiiskan uu socon waayey kadib markii uu is-hortaagay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkee marayaa dhismaha maamulka cusub ee Jubaland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Caafimaadka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur Cali ayaa ka warbixiyey shirar maalmihii u dambeeyay u socday Golaha isku magacaabay Aayo ka tashiga iyo dib u dhiska Jubbaland.

Cali Xaaji ayaa sheegay in golaha uu xooga saarayo sidii loo heli lahaa maamul cusub oo loo wada dhan yahay, maadama uu ku doodayo in labadii sano ee sharciga aheyd u dhamaatay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

“Golaha waxa ku mideysan dhamaan aqoon-yahanka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka kasoo jeeda Jubbaland, waxaana la aas-aasay 2019-kii, una taagan yahay Jubbaland la wada leeyahay,” ayuu yiri Cali Xaaji.

“Maamulka Jubbaland asalkiisaba kuma imaan rabitaanka dadka, qaabkii loogu qabtay doorashada Kismaayo waxay aheyd mid laga soo abaabulay Kenya oo dowlado shisheeye gadaal ka riixayeen, kumana shaqeeyo siyaasadda dadka deegaanka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha uusan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland ee hadda uu hogaamiyo Axmed Madoobe, islamarkaana ay dhisi doonaan maamul loo wada dhan yahay marka ay kulamadaas soo dhamaadaan, lana dhisi doono guddi ka shaqeeya, sida uu sheegay.

“Maamul goboleed waxaa noqon kara labo gobol wixii ka badan. Gedo gacan kuma jirto oo waa cadeysteen warkooga in maamulka Axmed Madoobe u hogaansaneyn markii ay cadaalad ka waayeen, Jubbada Dhexe-na awal gacan kuma jirin, meesha kali ah ee Axmed Madoobe joogo waa Kismaayo, labo degmana ma noqon karto maamul.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda in doorashada la dadajiyo si Jubbaland loogu dhiso maamul loo dhan yahay, isagoona ka dalbaday shacabka reer Jubbaland inay qeyb ka noqdaan Golaha lagu dhisayo maamulkaas.

FIQI oo shaaciyey ujeedka dhabta ah ee Qoor Qoor ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo goordhoweyd qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu si faah-faahsan ujeedka uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor uu ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Fiqi ayaa ugu horeyntii sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna ay diyaar u yihiin wada-hadal, islamarkaana ay la soo xiriireen, oo uu albaabka ka xirtay Qoor Qoor oo asagu raba in dagaal xoogan uu ku qaado.

Waxa uu sheegay in sababta uu madaxweynaha Galmudug u qaatay wadada dagaalka ay tahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo oo muddo kororsi uga shaqeyso.

“Wuu ka diiday (Qoor Qoor) wax wada-hadal ah in uu la galo (hogaanka Ahlu-Sunna), madaxdooda ayaa wada-hadalnay wuxuuna ii dhiibay furaha, waxay rabaan in si nabad-galyo ah ku noolaadan oo maamulka Guriceel dib loogu soo celiyo maamulka, laakiin meel uma socdaan” ayuu yiri.

“Madaxweynaha waxa uu yiri nimankaas wax aan dagal aheyn oo anfacaya ma jirto wey nagu soo noolaanayaan oo nagu dhex korayaan oo kobcayaan, taasi waxay noqotay Galmudugtii badhaadheheeda aan ka shaqeynayay la yiraahdo madaxweynaheedii ayaa dadka barakicinaya.”

Wuxuu ku eedeeyay Axmed Qoor Qoor inuu dagaalka A-Sshabaab ku fiirsaday dadka Galmudug, siiba Ahlu suna. “Waxaa isku dayey inaan ku qanciyey inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeysay inuu la dirirro oo uu sheegay inay uga darran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay ciidamo gorgor iyo Haramcad isugu jira, iyadoo Farxaan Qaroole uu Dhuusamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna uu xiligan diyaar u aheyn dagaal dhex-mara maamulka, hase yeeshe ay rabaan in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada.

Wuxuu sheegay inay Madaxweyne Qoor Qoor kula ballameen maamul fadhiid ah oo mar kasta daba taagan Villa Somalia, laakiin arrintaasi ay ka fuli weysay dhinaca Madaxweynaha, wuxuuna ku dooday inay waxqabad muuqda gaareen oo ay ka mid tahay dagaalka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilka uu iska casilay kadib markii soo jeedintiisa iyo in laga baaqdo dagaal uu iska dhago tiray madaxweynaha Galmudug, islamarkaana uu markasta ku taagan yahay wadada wada-hadalka.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo tegay Hague iyo wararkii u dambeeyey kiiska badda

0

Hague (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdigan oo ka baxay Muqdisho, ayaa u tegay magaalada Hague sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen go’aanka kama dnabeysta ah ee kiiskan oo soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2014, xiligaas oo dowladii madaxweyne Xasan Sheekh ay dacwadan geysay maxkamada horteeda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.”

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa galabta kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdigaas Soomaaliya uga qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda, isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed.

Kenya ayaa todobaadkii hore sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ oo xukunkeeda soo saareysa todobaadkan.

Xukunka Maxkamada Cadaaladda ee ICJ waxaa isha ku haya Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Madaxda DFS, kuwaas oo ay ku jirto rajo ah in Maxdamada Soomaaliya ay u xukunto Badda, maadama Dowladda Kenya ay muran galisay markii hore.

Iran oo ku dhowaatay inay hesho Nukliyeer iyo xog cusub oo ay maanta shaacisay

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa soo saartay in ka badan 120 kg, oo ah macdanta uranium-ka ee la kobciyey 20 boqolkiiba, waxaa sidaas habeenkii Sabtida taleefishinka dowladda u sheegay madaxda hay’adda tamarta atoomiga ee dalkaas.

“Waxaan ka gudubnay 120 kg,” ayuu yiri Mohammad Eslami, maaxda Ururka Tamarta Atoomiga Iran. “Waxaan hadda haysanaa tiradaas ka badan.”

“Shacabkeena way ogyihiin in ayaga (Quwadaha Reer Galbeedka) laga doonayey inay na siiyaan shidaal la kobciyey 20% si aan ugu isticmaalno warshadda Tehran, hase yeeshee taas ma aysan sameyn,” ayuu yiri.

Bishii September, Wakaaladda Tamarta Atoomiga Caalamiga ah (IAEA) ayaa sheegtay in Iran ay uranium-keeda kobcisay in ka badan intii loogu ogolaa heshiiskii ay la gashay quwadaha caalamka.

Waxay sheegtay in Iran ay haysatay 84.3 kilo oo ah macdanta uranium-ka ee la kbociyey 20 boqolkiiba, taasi oo ka badneyd 62.8 kilo oo hayadda IAEA ay werisay bishii May.

Heshiikii la gaaray 2015, ayaa dhigayey in Iran aysan uranium-keeda kobcin karin wax ka badan 3.67%, taasi oo aad uga yar tirada loo baahan yahay si loo soo saaro hub nukliyeer, oo ah 90 boqolkiiba.

Heshiiskaas oo Iran ay la galeen Russia, China, France, Germany, UK iyo Mareykanka, ayaa Iran ka qafiifay cunaqabteenada dhaqaale, taasi oo ay ku beddelatay inay dhinto barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Hase yeeshee, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiska ka saaray Washington 2018, waxaan kadib Tehran ay joojisay u hogaansamidda qodobada heshiiska.

AFP + VOA

Maleeshiyo weerartay hotel ay ka socoatay doorashada golaha deegaanka Baraawe

Baraawe (Caasimada Online) – Maleeshiyo hubeysan ayaa weerar ku qaaday hotel lagu magacaabo Nadiir oo ku yaalla magaalada Baraawe, halkaasi oo ay ka socotay doorashada golaha deegaanka Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya inay is-rasaaseyn dhex-martay maleeshiyada iyo ciidan ilaalo ka hayey hotelka, oo sugayey amniga doorashada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey illaa hadda, waxaa iska hor-imaadkaas ku geeriyooday hal qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale oo shacab ah, iyo askari ka mid ah ciidanka nabad-sugidda.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in maleeshiyada hubeysan ee weerarka soo qaaday ay yihiin kuwa beeleed, oo kasoo horjeeda dhismaha golaha deegaanka Baraawe. 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay hakatay doorashada golaha degaanka degmada Baraawe oo shalay bilaabatay kadib is-rasaaseynta maanta ka dhacday degmadaas.

Dad ku sugan degmada Baraawe ayaa sheegay in goobta ay ka socotay dorashada amnigeeda ay a wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, si looga hortago dagaal markale ka dhaca halkaas.

Is-rasaaseynta ayaa timid xilii maalmahan ay magaalada ka jireen tabashooyin ka dhan ah golaha deegaanka oo ay muujinayeen qaar kamid ah beelaha dega degmada Baraawe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la isku dayayo in maamulka magaalada loo gacan geliyo dad aan deegaanka u dhalan, taasi oo ka careysiisay qaar ka mid ah beelaha dega magaalada.

Halistii ugu xooganeyd oo soo wajahday xukunka Erdogan kadib markii loo heshiiyey

Istanbul (Caasimada Online) – Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa sare u qaadaya wada-shaqeyntooda si ay xukunka uga tuuraan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AKP, doorashada dhaceysa 2023.

Madaxweyne Erdogan ayaa markii horeba wajahayey cadaadis ayada oo codadka ra’yiga ay muujinayaa inay sii wiiqmeyso taageerada shacabka ee isbaheysigiisa xukunka haya. 

Ayaga oo ballaarinaya wada-shaqeyntii ka caawisay inay dhaawac ku gaarsiiyaan madaxweyne Erdogan doorashooyinkii dowladaha hoose ee 2019, ayaa xisbiyada waxay kulan kale qabteen Talaadadii, waxayna qorsheynayaan kulamo toddobaadle ah, si ay isugu raacaan mabaad’i kahor dhammaadka sanadkan.

“Mucaaradka Turkey waxay isku dayayaan wax aan horey la isugu dayin: In si mideysan loo wajaho dowladda,” waxaa sidaas yiri Murat Yetkin, oo ah fallanqeeye siyaasadeed.

Taageerada dowladda Erdogan ayaa hoos ugu dhacday sababo la xiriira sida ay ula tacaaleyso dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka sida sare u kaca shaqo la’aanta iyo sicir bararka, cudurka COVID-19 iyo dab ka kacay kaymaha dalka. 

Ra’yi ururin la sameeyey ayaa muujineysa in taageerada xisbiga AKP ay tahay 31-33%, taasi oo aad uga hooseysa codadkii uu xisbiga ka helay doorashooyinka baarlamanka ee 2018 oo aheyd 42.6%, halka xisbiga xulufada la ah ee MHP ay taageeradiisa tahay 8-9%, taasi oo ka yar heerkii 2018 ee 11%. 

Wada-hadallada mucaaradka ayaa ujeedkoodu yahay in lagu helo mabaadi’ ay wadaagaan, intii ay isku raaci lahaayeen musharax madaxweyne, ayada oo hadafka uu yahay in meesha laga saaro nidaamka madaxweyne ee la billaabay 2018, laguna laabto nidaamka baarlaman. 

Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga CHP, Muharrem Erkek oo ka qeyb-galay wada-hadallada ayaa sheegay in nidaamka madaxweyne uu qar ka tuuray Turkey, oo uu awoodo badan geliyey gacanta madaxa dowladda. 

“Xaaladda shacabka waxay kusii xumaaneysaa nidaamkan halka shaqsi ah. Xoojinta awoodda baarlamanka waxay soo celin doontaa kalsoonidooda,” ayuu yiri.

Hase yeeshee ku-xigeenka madaxa AKP Bulent Uran ayaa ku gacan seeray wada-hadalladan ku saabsan soo celinta nidaamka baarlamaaniga, isaga oo sheegay in nidaamka cusub uu shaqeeyey, islamarkaana yareeyey xasillooni darradii siyaasadeed.

Isbaheysiga ay sameysteen xisbiga midigta fog ee IYI iyo bidix-dhexe ee CHP ayaaa 2019 horseeday in xisbiga Erdogan ee AKP looga adkaado doorashooyinkii magaalooyinka Istanbul iyo Ankara, taasi oo meesha ka saartay fikraddii aheyd in Erdogan aan laga adkaan karin.

Isbaheysiga ayaa waxaa  hadda kusoo biiray xisbiga Future Party ee ra’iisul wasaarihii hore Ahmet Davutoglu oo xulufo la ahaan jiray Erdogan iyo xisbiga Deva Party ee wasiirkii hore ee dhaqaalaha Ali Babacan.

Maxaa sababay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Cirro oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka ee 2021-ka, kaas oo dhigayey in ugu dambeyn maanta oo ku beegan 10-ka October la soo doorto madaxeynaha cusub ee Soomaaliya.

Cirro ayaa sheegay in caqabado is-biirsaday ay keeneen dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in khilaafyada siyaasadeed ay qeyb ka yihiin waxyaabaha keenay dib u dhacyada doorashada ku yimid, sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashadu maadaama ay xargo badan leedahay oo meelo kala duwan ay ku kala xiran tahay waxaa laga yaabaa in meelayowgaas kala duwan oo inta badan guddiyada ka baxsan oo culeysyo ah ama siyaasadeed ha’ahaado ama mid dhaqaale waxyaabo is biirsaday ayey noqon karaan,” ayuu wareysiga lala yeeshay ku yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in ka guddi ahaan ay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada golaha shacabka shacabka ay ku dhacdo 50-ka maalmood ee loo qabtay, ayna filayaan in toddobaadkan la xareeyo ergooyinkii soo xuli lahaa xildhibaannada aqalka hoose.

Guddoomiyaha ayaa xusay in doorashada golahan ay ka duwan tahay mida aqalka sare, isla-markaana ergo metalaya qabaa’ilada ay soo xuli doonaan xildhibaanada cusub.

“Golaha shacabka qabaa’ilbaa iska leh marar badana waan sheegay in qabaa’ilku aysan is gacan bidixeyn oo la kala ilaaliyo, la’iskuna ilaaliyo waa waxyaabaha ay guddiyada u jiraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inay heleen dhaqaalihii ay ka sugayeen beesha caalamka ee loogu tala-galay in lagu socod siiyo qabsoomida doorashooyinka baarlamaaniga ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo doorashada Somalia ay aad uga daahday waqtigii lagu heshiiyey in la qabto, waxaana loo sababeynayaa is jiid-jiidka siyaasadeed ee jira.

Daawo: Xiisadda ururka Ahlu-Sunna iyo GALMUDUG oo laga soo saaray shan qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee beesha degta magaaooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob, iyagoo fariin u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo hoggaanka xoogagga Ahlu-Sunna.

Warqadda ay xaaladda ka taagan deegaanadaas ka soo saareen dhalinyada aqoonyahanka ah ee ku sugan Muqdisho oo ogeysiis ka heysata Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa walaac xoog leh looga muujiyey dhibaatada ka dhalan karta saan-saanta colaadeed ee Galmudug ay cagaha la gashay.

Waxay sheegeen in dadkii reer Gurceel ay ka barakeen magaalada oo ay istaagtay noloshii aas-aasiga aheyd ee bulshada, iyagoo cadeeyey in midnimada Galmudug ay u arkaan lama taabtaan.

Madaxda dowladda federaalka ayey ugu baaqeen inay deg deg u farageliso xaaladda sii cakirmeysa ee Galmudug, si looga baaqsado isku dhacyo hubeysan iyo xaalado bini’aadanimo oo ka dhasha.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayey ugu baaqeen in maamulkiisu uu ka baaqsado wax kasta oo uga sii dari kara xaaladda colaadeed ee ka taagan Gurceel.

Dhalinyaradaan ayaa maamulka Qoor Qoor ka dalbatay inuu fursad siiyo waan-waanta iyo wadahadallada socda, si looga baaqsado dagaal iyo dhiig ku daato oo ka dhaca Galmudug.

Dhanka kale ururka Ahlu-Sunna ayey dhalinyaradaan ka dalbatay in wadahadal ay ku raadiyaan wax kasta oo ay ka tabanayaan, isla markaana ogolaadaan maamulkii sharciga ahaa oo ka arriminaayey deegaanada ay qabsadeen.

Hoos ka daawo

Somaliland oo shaacisay cidda ay u aqoonsan tahay inay yihiin muwaadiniinteeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday cidda ay Somaliland u aqoonsan tahay muwaadin, xilli ay qeylo-dhaan ka timid in dadkii laga soo masaafuriyey Laascaanood ay ku jireen kuwa ku dhashay magaalada oo weligood aan tegin meel kale oo dalka ka mid ah. 

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadkii 1960 iyo kahor dagaana Somaliland iyo wixii ka farcamay oo kaliya ay muwaadiniin yihiin sida uu sheegayo, buu yiri, dastuurka Somaliland.

“Dagaal baa laynagu soo qaaday inagu lixdankii dal baynu ahayn, oo ictiraaf ayaynu helnay, waynu la ambanay, waan lasoo noqonay, Distoorka Somaliland wuxuu leeyahay muwaadiniinta Somaliland waa dadkii lixdankii iyo wixii ka horeeyay daganaa, horta, Walawayntu taa ha ogaato, in aanay lixdankii iyo intii ka horaysay aanay daganayn ha ogaadaan” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, oo siyaasadeed.

Waxa uu intaas ku daray in dagaalka lagu soo qaaday Somaliland uu ka horreeyey arrinta Laascaanood, wuxuuna tusaael usoo qaatay dooddii ka dhalatay dugsiga Abaarso.

“Maalma dhawayd oo dhan waxay ku mashquulsanaayeen iskuul keena Abaarso, imikana, waxay ku mashquulsanyihiin Laascaanood, waxayba ka dhigteen wado lagu doorto in ay yidhaahdaan ‘dalku waa Soomaali, aloore waa Soomaali’, wuxu ku leeyayay ‘Faysal caruurtiisa iyo caruurtoodu waa habra wadaage xagay kala tagayaan’, waxaan u sheegaya in caruurtayda qaar Jarmal ah habro wadaag yihiin,” ayuu yidhi Faysal.