24.5 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Daawo: Xiisadda ururka Ahlu-Sunna iyo GALMUDUG oo laga soo saaray shan qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee beesha degta magaaooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob, iyagoo fariin u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo hoggaanka xoogagga Ahlu-Sunna.

Warqadda ay xaaladda ka taagan deegaanadaas ka soo saareen dhalinyada aqoonyahanka ah ee ku sugan Muqdisho oo ogeysiis ka heysata Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa walaac xoog leh looga muujiyey dhibaatada ka dhalan karta saan-saanta colaadeed ee Galmudug ay cagaha la gashay.

Waxay sheegeen in dadkii reer Gurceel ay ka barakeen magaalada oo ay istaagtay noloshii aas-aasiga aheyd ee bulshada, iyagoo cadeeyey in midnimada Galmudug ay u arkaan lama taabtaan.

Madaxda dowladda federaalka ayey ugu baaqeen inay deg deg u farageliso xaaladda sii cakirmeysa ee Galmudug, si looga baaqsado isku dhacyo hubeysan iyo xaalado bini’aadanimo oo ka dhasha.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayey ugu baaqeen in maamulkiisu uu ka baaqsado wax kasta oo uga sii dari kara xaaladda colaadeed ee ka taagan Gurceel.

Dhalinyaradaan ayaa maamulka Qoor Qoor ka dalbatay inuu fursad siiyo waan-waanta iyo wadahadallada socda, si looga baaqsado dagaal iyo dhiig ku daato oo ka dhaca Galmudug.

Dhanka kale ururka Ahlu-Sunna ayey dhalinyaradaan ka dalbatay in wadahadal ay ku raadiyaan wax kasta oo ay ka tabanayaan, isla markaana ogolaadaan maamulkii sharciga ahaa oo ka arriminaayey deegaanada ay qabsadeen.

Hoos ka daawo

Somaliland oo shaacisay cidda ay u aqoonsan tahay inay yihiin muwaadiniinteeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday cidda ay Somaliland u aqoonsan tahay muwaadin, xilli ay qeylo-dhaan ka timid in dadkii laga soo masaafuriyey Laascaanood ay ku jireen kuwa ku dhashay magaalada oo weligood aan tegin meel kale oo dalka ka mid ah. 

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadkii 1960 iyo kahor dagaana Somaliland iyo wixii ka farcamay oo kaliya ay muwaadiniin yihiin sida uu sheegayo, buu yiri, dastuurka Somaliland.

“Dagaal baa laynagu soo qaaday inagu lixdankii dal baynu ahayn, oo ictiraaf ayaynu helnay, waynu la ambanay, waan lasoo noqonay, Distoorka Somaliland wuxuu leeyahay muwaadiniinta Somaliland waa dadkii lixdankii iyo wixii ka horeeyay daganaa, horta, Walawayntu taa ha ogaato, in aanay lixdankii iyo intii ka horaysay aanay daganayn ha ogaadaan” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, oo siyaasadeed.

Waxa uu intaas ku daray in dagaalka lagu soo qaaday Somaliland uu ka horreeyey arrinta Laascaanood, wuxuuna tusaael usoo qaatay dooddii ka dhalatay dugsiga Abaarso.

“Maalma dhawayd oo dhan waxay ku mashquulsanaayeen iskuul keena Abaarso, imikana, waxay ku mashquulsanyihiin Laascaanood, waxayba ka dhigteen wado lagu doorto in ay yidhaahdaan ‘dalku waa Soomaali, aloore waa Soomaali’, wuxu ku leeyayay ‘Faysal caruurtiisa iyo caruurtoodu waa habra wadaage xagay kala tagayaan’, waxaan u sheegaya in caruurtayda qaar Jarmal ah habro wadaag yihiin,” ayuu yidhi Faysal.

Wararkii ugu dambeeyey QARAX ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka qarax nooca miinada ah uu ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun kumeel gaar u sii ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan guri uu degan yahay sarkaal ka tirsan nabad-sugida Jubbaland, sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uusan geysan wax khasaare ah, isla-markaana uu ka dhacay albaabka guriga uu degan yahay sarkaalkaas oo aan weli magaciisa la shaacin.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland oo howl-gallo kooban ka sameeyey agagaarka meesha ay wax ka dhaceen, balse ma jiro illaa iyo wax faah faahin ah oo ay saraakiisha amniga ka bixiyeen qaraxaasi iyo howl-galka xigay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen, kadib baaritaano kooban oo ay sameeyeen ciidanka Jubaland.

Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal amaan dari oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyey doorashooyinka, waxaana la filayaa in dhowaan lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa ka imaanaya maamulka Jubbaland.

Xoogaagga Tigray-ga oo ka hadlay tallaabada uu Abiy qaaday iyo dagaalka cusub

Mekele (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Ethiopia iyo xulufadooda ayaa billaabay weerar cir iyo dhul ah oo ay ku qaadayaan gobolka Amhara, oo qeybo ka mid ah ay haystaan ciidamada Tigray-ga.

Afhayeen u hadlay Jabhadda Tigray-ga ee TPLF ayaa maanta xaqiijiyey inuu jiro dhaq-dhaqaaq xooggan oo ka dhan ciidamadooda.

Warbixinadan ayaa yimid maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey muddo xileed cusub Isniintii, isaga oo wacad ku maray inuu difaaci doono “sharafta Ethiopia,” xilli sii kordheyso cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo dagaalka 11 bilood jirsaday ee waqooyiga dalkaas.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in weerarada ay illaa hadda yihiin “duqeymo cirka oo ay fulinayaan drone iyo madaafiicda artillariga.”

Getachew ayaa sidoo kale sheegay in “kumanaan askari lasoo dhoobay” waqooyiga gobolka Amhara, oo ay ku jiraan aagga Gondar iyo Waqooyiga Wollo. 

“Waxaan ku kalsoonnahay inaan iska caabin doonno weerarka iyo jiho kasta oo nalaga soo weeraro. Waxaan ku taagnaan cago adag illaaa qabsashada nalaga qaado,” ayuu yiri.

Weerarada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla gobolka Amhara Khamiistii iyo Jimcihii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay wakaaladda wararka AFP, ayada oo ay sii kordhayaan wararka ku saabsan in dowladda ay qaadeyso dagaal culus oo ka dhan ah Tigray-ga. 

Dagaalka Tigray ayaa billowday November 2020, markaasi oo ciidamada Abiy ay deg deg ku qabsadeen gobolka. Hase yeeshee, Tigrayga ayaa soo rogaal celiyey oo dib u qabsaday caasimada gobolka ee Mekele, dabayaaqadii June. 

Dagaalka ayaa wixii markaas ka dambeeyey ku fiday gobollada Amhara iyo Afar, wuxuuna dhaliyey wax ay QM ugu yeertay “musiibo bani’aadaminimo,” ayada oo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalad macluul ah. 

Waxaa jira warar sheegaya in dagaal culus uu hadda dib u qarxi karo maadaama uu dhamaaday xilli roobaadka, waxaana dalka oo dhan, gaar ahaan gobolka Amhara ka socda ciidan urursi.

Taalibaan oo dalab xasaasi ah u gudbisay Mareykanka

0

Kabul (Caasimada Online) – Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa ku boorriyay Mareykanka Sabtidii in uu fasaxo kaydka bangiga dhexe ee Afghanistan, intii uu socday kulan ay la qaadanayeen wafdi Mareykan ah oo ku sugan wahadahallada ka socda Qatar.

Wadahadlkan Mareykanka iyo Taalibaan ayaa ah kii ugu horreeyey oo fool-ka-fool ah tan iyo markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay talada dalka, kadib bixitaankii Mareykanka ee dabayaaqadii bishii Ogosto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taalibaan Amir Khan Muttaqi, oo hoggaaminaya dhinacooda wadahadallada labada maalmood ah ee ka socda caasimadda dalka Qatar ee Doha, ayaa sheegay in wafdiga Mareykanka ee fadhigii furitaanka shirkan ay ballan-qaadeen inay sii wadidoonaan gargaarka bani’aadamnimo ee dalkiisa, ayna sidoo kale dadka reer Afghanistan siindoonaan tallaalka coronavirus.

Farriin maqal ah oo Taalibaan ay la wadaagtay suxufiyiinta, ayuu Muttaqi ku sheegay inay ka wadahadleen “billowga waa cusub” oo u dhexeeya labada dhinac oo iska soo horjeeday muddadii ku dhawaad 20-ka sano ee Mareykanku uu haystay Afghanistan.

“Baahida loo qabo in si isku mid ah loo abuuro xiriir wanaagsan ayaa wadahadalkan lagu xoojinayaa. Waxaan carrabka ku adkeynay baahida loo qabo in la sii daayo hantida maaliyadeed ee Afghanistan kadib duruufo adag oo soo wajahay Afghanistan, ”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Taalibaan Amir Khan Muttaqi.

Washington ayaa xannibtay balaayiin doollar oo ah hantida Afghanistan, taas oo inteeda badan ay ku jirto keydka federaalka Mareykanka, tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay talada Afghanistan.

Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sidoo kale hor-istaagay gargaarkii horumarineed, iyaga oo u sababeeyay walaacyada xuquuqda aadanaha ee xukunka Taaalibaan.

Bixitaanka ciidammada uu hoggaaminayay Mareykanka iyo deeq-bixiyeyaal badan oo caalami ah ayaa Afghanistan ka jaray deeqihii maalgelinayay 75% kharashaadka dadweynaha, sida uu sheegay Bangiga Adduunka, taas oo caqabad ku noqotay maamulka Taalibaan inay bixiyaan mushaarka shaqaalaha dowladda.

VOA

Mid ka mid ah qoraayaashii ugu wanaagsanaa bulshada Soomaalida oo geeriyooday

London (Caasimada Online) – Allah ha u naxariiste waxaa magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday qoraagii caanka ahaa Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo ka mid ah qorayaasha ugu wanaagsan Soomaalida..

Dr. Maxamed ayaa maalmihi la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yalla London kaas oo uu ugu dambeyntii goordhaw ugu geeriyooday xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

Maxamed Dahir Afrax ayaa ahaa qoraa caan ku ah qoridda sheeko faneedyada iyo curinteeda, waxa uuna mudda dheer ku dhef jiray howlaha Afka iyo dhaqanka.

Aqoonyahan Maxamed Daahir ayaa sideetameeyadii soo saaray sheekafaneedkii ugu horeyay ee taariikhda casriga ah taas oo lagu qoro Afka Soomaaliga, iyadoo sheekadaas oo ka mid ah sheekoyinka loogu akhriska badan yahay lagu magacaabo ‘Maana Faay’.

Waxa uu hadda ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida Dr. Maxamed isaga oo yiri :Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka.”

“Marxuum Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.”

Khasaare dhimasho leh oo ka dhashay weerar xalay ka dhacay degaanka Janaale

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faha faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bambaanooyin oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday bar-koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi, waxaana ka dhashay khasaare xoogan.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka iyo wiil yar oo 12 jir ahaa ayaa ku dhintay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Askarta geeriyootay ayaa waardiye ka hayey koontaroolka uu xalay weerarka ka dhacay, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarka, kadib ay howl-gal qaadeen ciidamada dowladda, isla-markaana ay dileen nin lagu tuhmayo weerarka, kaas oo la sheegay inuu caan ka ahaan Janaale, isla-markaana marar badan lagu xiray saldhigga deegaankaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, hayeeshee ciidamada Xoogga dalka ayaa isku fidiyey agagaarka deegaanka Janaale, kadib weerarka xalay lagu soo qaaday deegaankaasi.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen weerarka iyo howl-galka xigay, waxaana si aadi ah saaka u socda dhaq-dhaqaaqa dadaka & gaadiidka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsado xarumaha ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika, kadibna loo sii geystay…

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dil iyo boob muwaadin Soomaaliyeed xalay loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika, falkaas oo ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday marxuumka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha magaalada East London ee dalkaasi, waxaana marxuumka lagu macaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Ismaaciil Kiish.

Sidoo kale marxuumka ayaa ahaa nin oday ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada East London oo ay dagan yihiin ganacsato badan oo Soomaali ah & guud ahaan Koonfur Afrika.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda burcadda ah marka ay dileen marxuumka, kadib in ay dhaceen dhammaan hantidii u taallay dukaanka, iyaga oo sidoo kale burburiyey Kaamirooyinkii ku xirnaa goobtaasi, si aan loo aqoonsan marka ay yimaadaan Booliiska

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa meesha tegay, kadib dilka iyo booka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi.

Koonfur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.

Rooble oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray kulan maanta uu Rooble la yeeshay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, kaas Ra’iisul Wasaaraha loogu gudbiyey cabasho la xariirta caqabado ku hor-gudban in la guda galo baaritaanka kiiska Ikraan.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in kulankaas maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay qoyska Ikraan Tahliil ku soo bandhigeen cabasho ay ka qabaan caqabado ay sheegeen in ay  ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada oo loo xil-saaray baaritaanka kiiskaas.

“Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad, kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay  ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada, si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan, ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu galabta mar kale ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka gali doonin kiiska Ikraan, ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin un, ha dhawaato ama ha dheeraatee.

“Waxa uu RW Rooble qoyska Ikraan Tahaliil  uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin  ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo, inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska,” ayuu afhayeenka xukuumaddu ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Hooyada dhashay Ikraan Tahliil, Maama Qaali Maxamuud Guhaad oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in maxkamadda ciidamada ay ku war-gelisay in baaritaanka kiiskaas uu ka dhaqaaqi waayey saraakiisha uu Farmaajo u magacaabay taliska NISA ee Habar-Khadiija jooga, halkaas oo ah xaruntii lagu waayey, kana ka howlgeleysay Ikraan.

Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay arrin maxkamadda ciidamada ay ku war-gelisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo caawa mar kale ka hadashay kiiska gabadheedii Ikraan Tahliil Faarax ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadda ciidamada ay ku wargelisay in la is-hortaagay baaaritanka kiiska Ikraan.

Hooyo Qaali Maxamuud ayaa sheegtay in Farmaajo uu ka hor istaagay meel kasta oo baaritaanka kiiska gabadheeda laga bilaabi lahaa, iyadoo maxkamadda ciidamada ay qoyska Ikraan u cadeysay in taliska NISA uu Farmaajo u magacaabay uu hor istaagay baaritaanka kiiskaas.

Waxay umadda Soomaaliyeed ka dalbatay in aysan ka daalin garab istaagooda, illaa inta ay cadaalad ka helayaan, iyadoo fariin u dirtay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo.

“Waxaan leeyahay Farmaajow Ilaaheygii ku abuurtay uga baq kiiska gabadheydii masaakiinta aheyd ee dalkeeda iyo dadkeeda ugu timid inay wax u qabato, inay cadaalad hesho,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Waxay intaas ku sii dartay, “Kiiskaan dadka ku lugta leh waxay ku badbaadi karaan in gabadheydii oo nool la keeno, cid wax u raaca meyno markaas, gabadheena gacantaan ku dhageynaa waan wadaneynaa, laakiin hadii aad disheen ka wareega baaritaanka, waxaan ku qanci karnaa in tiirka la geeyo dadkii dilay Ikraan.”

Waxay sheegtay in kiiskaan uusan weligiis ka hari doonin kuwii ku lugta lahaa oo meel kasta ay dacwo ka furanayaan, iyadoo dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga kale ee adduunka ka dalbaday inay ku garab siiyaan cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil.

“Dadka u mooda in kiiskaan uu iska demaayo, taasi ma dhaceyso, waxaa jooga Aabaheed, adeeryaasheed, iyo abtiyaasheed, wax aan cadaalad aheyn kuma qanceyno, waxaan u sheegayaa Farmaajo, Alle ka baq, hadii Ikraan kuu xiran tahay soo daa gabadheyda, hadii aad disheena ku kuwii dilay tiirka hanaloo geeyo, si kale kuma qanceyno,” ayey tiri.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali waxay sheegtay in maanta ay la kulmeen Ra’iisul wasaare Rooble, si ay ugala hadlaan kiiska Ikraan, “Rooble waxuu taagan yahay mowqifkiisii shalay oo ah in Ikraan ay cadaalad hesho, waan uga mahad celinaa taas, waa nin Islaam ah oo u taagan in gabadheydii ay cadaalad hesho, Allaha xafido ayaan leeyahay Rooble, waxaan ahay Hooyo dhibane ah, oo markii umaddu seexato murugo lasoo jeeda, qofkii maanta cadaaladda cunugteydii hor taagan, Ilaahey ayaa xaq kasoo ifi doona,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaan Aamina oo shaacisay 4 caqabad oo laga baari waayey kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caawa warbaahinta la hadashay ayaa shaacisay in saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax ay billaabi waayeen oo caqabado badan ay hareeyeen.

Xildhibaan Aamina iyo qoyska Ikraan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay kala hadleen baaritaanka kiiska.

“Sida aan ka warqabno baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil ee aan geeynay maxkamadda wuu dhaqaaqi la’yahay sababo la xeriira dadka kiiska lagu tuhmayay oo awoodda dowladda isku qarinaya. Maxkamadda iyo xeer ilaalinta waxa ay noo cadeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay is-hortaagtay madaxtooyada iyo hogaanka ay u aqoonsan yihiin taliska NISA,” ayey tiri Xildhibaan Aamina.

Xildhibaan Aamin ayaa sheegtay in kiiskaan ay ku geedaaman yihiin caqabado badan oo aan suurta-gelineyn in si dhab ah loo baaro, sida ay la wadaageen saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ra’iisul wasaare Rooble uu u xil-saaray baaritaanka kiiska Ikraan.

Waxay soo bandhigtay afar qodob oo saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ay u sheegeen inay kala kulmeen Taliska NISA ee Farmaajo magacaabay, kuwaas oo ay ku cadeynayaan inay u suurta gelin weysay guda-galka baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, kuwaas oo kala ah:

1 – In Taliska NISA ee Habar-Khadiijo oo ah xaruntii ay ka howl-geli jirtay Ikraan loo diiday baarayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

2 – In Taliska NISA uu joogo Yaasiin Farey oo ka mid ah saraakiisha NISA ee ku eedeysay afduubka iyo dilka Ikraan, taas oo aan suurta gelineyn inuu bilowdo baaritaanka kiiskaas.

3 – In saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida loo diiday kaamirooyinkii ku xirnaa xarunta Nabad sugidda iyo agagaarkeeda, iyadoo loo sheegay in dhamaan la tirtiray muuqaaladii ay kaamirooyinkaas.

4 – In Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka si cad loogu sheegay in aan loo faxi doonin baaritaanka kiiskaas oo aysan heli doonin cid kasta oo ay rabaan inay wareystaan.

Waxay ku eedeysay saraakiisha NISA ee Farmaajo magacaabay inay ku howlan yihiin baabi’inta caddeeymihii kiiska oo ay ugu horeeyaan kaamirooyinkii in la tirtiro.

Xildhibaan Aamina ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeysay inuu cadeystay in kiiskaan uu wax ka ogyahay, marka la fiiriyo tallaabooyinka uu qaaday ee ku carqaladeynayo iyo sida uu uga aamusan yahay.

Intaas kadib waxay sheegtay Xildhibaan Aamina in iyada iyo qoyska Ikraan ay la kulmeen Ra’iisul wasaare Rooble oo ay kala hadleen kiiska Ikraan iyo waxa uga qorsheysay, waxayna sheegtay inuu mar kale u balan qaaday in kiiska Ikraan uusan marnaba gorgortan ka galeyn ilaa caddaalad loo helo.

Hoos ka daawo

Doorashada AQALKA HOOSE oo la billaabayo kadib kulan ka dhacay xafiiska ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo guddiga maamulka doorashada kuraasta BFS ee gobollada waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankaas warbixin uga dhageystay guddiyada doorashooyinka heer federaal (FEIT) iyo kan maamulka doorashada gobollada woqooyi ee (SEIT).

Xubnahaan loo xil saaray maamulka doorashooyinka dalka ka socda ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyey warbixino ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada golaha shacabka ku matali doona Somaliland.

Sidoo kale kulankii galabta waxaa ka qeyb galay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiyada kala duwan ee uu la kulmay waxa uu kula dardaarmay inay dardar-geliyaan howlaha horyaalla oo ay ugu horeyso soo xulista ergooyinka iyo bilaabidda doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay xareynayaan qaar

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo dhameystiro inta ka dhiman kuraasta golaha Aqalka Sare oo lix kamid ah ay ku dhimantahay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug. Waxaana markii lasoo dhameystiro Aqalka Sare la bilaabi doonaa doorashada golaha shacabka oo haatay ay qaban qaabadeedu socoto.

Faarax Qare oo shaaciyey tallaabada ay Soomaaliya qaadeyso haddii ay ku guuleysato kiiska badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) kana mid ah guddiga ay Soomaaliya u xilsaaratay dacwadda Badda Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu noqon doono go’aanka la filayo inuu 12-ka bishaan kasoo baxo Maxkamadda ICJ.

Faarax Qarre ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay iyada muran gelisay badda ay leedahay Soomaaliya, taasina ay keentay in dacwad laga wada furto Maxkamadda ICJ haddana an Kenya laga aqbali karin inay dhahdo waan ka baxay.

“Annaga waan ognahay inaan badda leenahay, Kenya iyadaa muran gelisay baddeena markii maxkamadda dacwadda loo gudbinayey way aqbashay, dhowr kulan oo maxkamadda ahna way kasoo qeybgashay, hadda markii ay ogaatay in dacwadda looga adkaan rabo lagama yeelayo waan ka baxnay,” ayuu yiri Faarax Qarre.

Mar wax laga waydiiyey go’aanka ay qaadan karto Soomaaliya haddii loo xukmiyo lahaanshaha badda ayuu yiri “Soomaaliya waxay leedahay dowlad, tallaabada ay qaadi doontana way caddahay, waxaana la sugeynaa waqtigeeda marka la gaaro”.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda ICJ ee soo baxayo 12-ka Bishaan, waxayna sheegtay inaysan aqoonsaneyn maxkamadda.

Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Hoos ka dhageyso Faarax Qare

Madaxweynihii hore ee dalka Iran oo maanta geeriyooday

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii ugu horreeyey Iran ee kadib kacaankii Islaamiga ee 1979-ka Abolhassan Banisadr ayaa Sabtida maanta ah ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Paris, isaga oo 88 jir ah.

Abolhassan Banisadr, ayaa tobaneeyo sano ahaa dibad-joog kadib markii uu baarlamanka dalkaas eryey. 

“Kadib xanuun muddo fog, Abolhassan Banisadr waxa uu Sabtida ku geeriyooday isbitalka Pitié-Salpêtrière Hospital ee koonfurta bari Paris,” waxaa sidaas tiri IRNA, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ku dhow madaxweynihii hore. 

Qoyskiisa oo ku nool Faransiiska ayaa sidoo kale xaqiijiyey geeridiisa. 

“Waxaan jecenlnahay inaan ku wargelino dadka sharafta leh ee Iran iyo kuwa u dhaqaaqa xoriyadda iyo madax-banaanida in…Abolhassan Banisadr uu geeriyooday…kadib muddo uu la xarbinayey xanuun,” ayey ku yiraahdeen war-saxaafadeed.

Qoyskiisa ayaa Banisadr ku amaanay inuu “difaacay xoriyadaha”.

Hase yeeshee Cadaaladda Iran ayaa Banisadr ku cambaareysay “inuu sanadahan dhan ku hoos jiray sirdoonka Faransiiska iyo Reer Galbeedka, islamarkaana uusan ka baaqsan inuu aflagaadeeyo shacabka iyo nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.”

Banisadr ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee xor ah ee Iran ka dhacday 1980-kii, sanad kadib kacdoonka Islaamiga ah ee Iran. 

Hase yeeshee waxaa 1981-kii eryey baarlamanka, kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeyey hoggaamiyihii sare ee hore ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini. Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu si dibad joog ugu noolaa France.

Sawirro: Shirkada Somtel oo toddobaadkii 12-aad abaal-marisay 1000 macaamiil

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Gudiga shaqaalaha rayidka  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane Axmed Ciise Xaaji Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay  U baahnaayeen bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga  Waxaan balan qaadeeynaa inan galabta oo jimco ah (08/10/2021) si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai Waliba Nuuca shaqada iyadoo macaamiisheenuu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartameen macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay Dhowr  & labaatan bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed. Waxaa sidoo kale xusid mudan dhamaan hadiyaha aan bixinay waxa ay ka jawaabayaan baahida macaamiisha sida bajaajyada  dahabka & Deeqda jaamacadeed”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka jaamacada simad  ahna ku simaha gudoomiyaha guud ee jaamacada Dr Maxamed Maxamuud oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiilka ku guuleystay gaariga Hyundai bishii 2aad laguna magacaabo C/raxmaan Nuur Maxamed oo ku nool Magaalada Buur-Hakaba ee gobalka Baay oo aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada Sameeyay ku shubashada waxaan leeyahay waa tartan daah furan anigoo matalayy bahda waxbarashada ayaan gacanteyda ku generate gareeyay waxaa ku guuleystay macaamiil joogo gobalka baay waxaan leeyahay nasiib wacan”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: Aadan Macalin Janaay oo ka socday Gudiga Shaqaalaha rayidka 

waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkii 12aad Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Si dhow ayan ula soconayaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh abaalmarino wax ku ool sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m ”

Waxa sidoo kale Munaasabada ka hadlay  Mudane:;C/laahi Cali Caamir oo ah Madaxa waaxda ganacsiga ee shirkadda isgaarsiinta Somtel

“Waxaan bogaadinayaa Saameynta Togan Ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood waliba macamiisheena ku guuleysatay hadiyadaha  qaaliga sida, gaariga Hyundai ee bishii hore macaamiilkii ku guuleystay Mamao beeraleey ah oo ay shirkaddu ku abaalmarisay waa wax lagu faani karo  in macaamiishii ugu Mudneyd ee shirkaddu ku abaalmarisay Nasiibkooduna uu saaciday waxaa xusid mudan in galabta aan bixinay gaarigii labaad oo Hyundai ah uu markii labaad ay ku guuleysteen  Qof ka mid ah macaamiisheena ku dhaqan gobolada laguna magacaabo C/raxmaan Nuur Maxamed oo joogo magaalada buur-hakaba ee gobalka baay waxaan bixinay todobaadkan  bajaajkii 23 aad  taasoo macnaheedu yahay inaan fursado shaqo u abuurnay  23 qoys iyo 23 dhalinyaro oo qaarkood jaamacado ka baxay xaafadahooda iska joogay shaqo abuur rasmi ah u sameeysay shirkadda isgaarsiinta somtel”

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay e C/raxmaan Nuur Maxamed o ku guuleystay gaariga Hyundai ee todobaadkan

“Magaceygu waa C/raxmaan Nuur Maxamed filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso gaariga Hyundai waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baahi qabnay  xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano waa markii ugu horeysay ee macamiil joogo gobalka baay uu ku guuleysto gaari Hyundai ah waliba nuuca ganacsiga loogu talagalay ee dhikiilada loo yaqaano waxaan rajeeynayaa in isla todobaadkaan shirkaddu tikid ii jarto waliba xamar aan imaado oo aan gudoomo hadiyadii ay shirkadu igudoonsiisay”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai kaasoo todobaadka  aan bixinay  gaarigii labaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 0, hadiyadood macaamiil Waad  u  u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, ugu dambeyntii uga shubo adeegga eDahab  Reseller 

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai bishii aad lagu guuleystay shirkadda somtel ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo algu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan ee magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

Xog: Sababta loo baajiyey shirkii lagu shaacin lahaa xaqiiqda kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 8-dii September, oo hadda laga joogo bil, wuxuu iclaamiyey shirka golaha amniga Qaranka si warbixin looga dhageysto taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Shirkaan oo loo ballansanaa 18-kii bishii lasoo dhaafay ayaa baaqday.

Kooxda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay baaqashadii koowaad ku micneeyeen Fahad Yaasiin oo laga hor-istaagay inuu safar ku tago Magaalada Muqdisho si uu shirkaas uga qeybgalo. Laakiin waxay madaxtooyada ku adkeysatay in deg deg loo qaban doono shirkaas markii uu Fahad yimaado.

Fahad Yaasiin ayaa Muqdisho kusoo laabtay 2,1 bishii lasoo dhaafay markii ay diyaarad khaas ah kasoo qaaday Magaalada Istanbul.

Illaa hadda wuxuu ku sugan caasimada, laakiin Villa Somalia ayaa u muuqata inay iska tuurtay qorshihii qabashada shirka golaha Amniga Qaranka.

Fahad weli kama uusan jawaabin eedaha loo heysto mana uusan fullin ballantii aheyd inuu shirka Golaha Amniga Qaranka ka hor sheegi doono wixii xog ah oo ay ka hayaan Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweyne Farmaajo oo isaga aad loogu tuhunsan yahay inuu diidan yahay in xaqiiqda arrintaani ay bannaanka timaado ayaan isna dib u jadwaleyn Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Tuhunka ku saabsan in illaa iyo hadda aan la bilaabin wax baaris ah oo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil, is ilowsiinta kooxda madaxweyne Farmaajo ee shirkii Amniga Qaranka iyo aamusnaanta saraakiishii la eedeeyey ayaa dad badan gelineysa dareen ah inuu socdo isfaham hoose oo lagu dhameenayo arrinta sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax.

Waxaa yaraaday waydiimihii Shacabka ee arrintaan iyadoo si weyn looga mashquulay arrimaha doorashooyinka ee heer Federaal. Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa iyagana la sheegay inay hoos u dhigeyn miisaanka arrintaan, sidoo kalana waxaa aamusay qoyska Ikraan Tahliil.

Waxaa muuqato in madaxweyne Farmaajo uu helay dariiq ka dhow Shirka Amniga Qaranka oo looga gudbi karo xiisadda Ikraan Tahliil.

Shacabka Soomaalida ayaa weli sugaya faahfaahino dheeri ah oo ku saabsan xaladda gabadhaan oo gurigeeda laga wataya 26-kii Juun ee sanadkaan.

Inta badan kiisaskii waaweynaa ee dhacay intii uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhammaaday afkaaga xiro, taasoo dhalisay walaac badan oo dhanka amniga ah iyo wada-shaqeynta hey’adaha Dowladda.

Ra’iusul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isaga dusha saartay arrinta Ikraan Tahliil Faarax ayaa weli indhaha lagu wada hayaa, mana jirto wax hormar ah oo illaa hadda ka sameeyey dagaalki uu galay caddaalad u raadinta Ikraan.

Walaac badan ayaa laga qabaa inuu dib u gurtay Ra’iisul Wasaare Rooble, laakiin marka la eego heerka ay gaartay dhacdadaan si fudud oo bilaa jaawaab ah ugama baxsan karo Rooble.

Haddii arrinta Ikraan Tahliil ku dhammaato sidii kiisaskii hore ee afkaaga xiro, waxay ka dhigan tahay niyad jab xagga shacabka ah iyo inaan madaxda Soomaalida u taagneyn dhismaha dowladnimo ay hey’adaha cadaaladda xoog badan yihiin.

R/Wasaare ABIY AXMED oo xilal u magacaabay saddex Soomaali ah + Magacyada

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay wasiiru-dowlayaal gaaraya 61 oo ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka.

Wasiiru dowlayaasha uu Abiy Axmed Magacaabay oo noqonaya kuwii ugu badnaa uu dalka Itoobiya yeesho ayaa waxaa kasoo muuqday illaa seddex Soomaali ah, kuwaas oo kala ah:

1- Saxarla Cabdulaahi, wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka.
2- Dr/Enjineer Suldaan wali, wasiiru-dowlaha wasaaradda ee waaxda horumarinta Tamarta.
3- Xasan Maxamed Macallin, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga.

Horayna Soomaalida qaab dhismeedka dowladda dhexe ee dalka Itoobiya waxay ugu yeelatay oo horraanti toddobaadkan loo magacaabay Axmed Shide oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo Adan Faarax, madaxa xaruunta dhexe ee xisbiga xisbiga dalka Itoobiya haya ee EPP ama Barwaaqo.

Gobolka Soomaalida waa mid ka mid ah gobollada ugu weyn Ethiopia, sidoo kale tirada shacabka Soomaalida ayaa ah tan saddexaad marka laga yimaado Oromo iyo Amhara, hase yeeshee Soomaalida ayaa dalkaas ku leh xildhibaano iyo wasiiro aad uga yar tiradooda.

Maxaa u furan maxkamadda ICJ haddii Soomaaliya loo xukumo kiiska badda oo ay Kenya u hogaansami weydo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ, kaas oo aaddan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarto Talaadada soo socota ee 12-ka bishan Octoobar.

Cabdisalaan Cabdi oo ah sharci yaqaan ku nool dalka Kenya ayaa sheegay in markii horaba dowladda Kenya aysan heysan wax caddeyn u ah inay leedahay dhulka ay kula muransan tahay Soomaaliya.

“Kenya waxay kasii hordhacday go’aanka laga sugayo maxkamadda maalinta talaadada ah, waxayna sheegtay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda iyadoo ku eedeysay inay maxkamadda la safan tahay Soomaaliya, waan filayey inay sidaas u hadli doonaan waayo Kenya markii horeba caddeyn fiican uma heysan waxa ay isku heystaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdisalaan Cabdi  oo la hadlay BBC.

Cabdisalaan ayaa xusay in wadada kaliya ee Kenya u furneyd ay aheyd inay go’aankaan qaadato maadaama ay ogaatay in looga guuleystay dacwadda, wuxuuna sheegay inay waqti hore sii bilowday cambaareynta Maxkamadda.

Mar wax laga waydiiyey saameynta hadalka kasoo baxay Kenya uu ku yeelan karo go’aanka maxkamadda ee la filayo 12-ka Bishaan ayuu sheegay in Kenya sharci ahaan ay ku qasban tahay inay aqbasho go’aankaan maadaama hadalka kasoo yeeray ee ah inay isaga baxday Maxkamadda ay ka horeysay dacwadda u furan labada dal.

Cabdisalaan oo la waydiiyey tallaabada ay qaadi karto maxkamadda ICJ haddii ay Kenya diido go’aanka kasoo baxayo Maalinta Talaadada ayuu yiri “Soomaaliya haddii loo xukumo lahaanshaha badda, horta maxkamadda awood uma lahan inay iyada fuliso wixii ay xukuntay, balse waxay Kenya ku dacweyn kartaa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxaana ka dhallan kara in cunaqabateyn la saaro Kenya.”

Maxay Axmed Madoobe kala hadleen waftigii Mareykanka ee Kismaayo tegay? + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Onine) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qasriga madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socda Mareykanka, isla-markaana gaaray magaaladaasi.

Axmed Madoobe iyo saraakiishan oo uu horkacayey taliyaha howl-galka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf ayaa yeeshay wada-hadallo gaara oo saacado qaatay.

Labada dhinac ayaa waxaa kulankooda ay uga arrinsadeen sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday lagu soo hadal-qaaday xoojinta taageerada uu Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ciidamada.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howl-galka Maraykanka ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliyaha howl-galka Maraykanka ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, isla-markaana sare loo qaadi doono howl-gallada ka socda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulkaasi.

Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka ka socda gudaha Soomaaliya, wuxuuna duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab haatan ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda u dhaxeysa ururka Ahlu-Sunna iyo Galmudug

Guriceel (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay abaabulka ka socdo Magaalada Dhuusamareeb, ee ujeedkiisu yahay in lagu weeraro Magaalada Guriceel, oo toddobaadkii hore ay la wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna.

Xiisadda Maamulka Galmudug kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa u muuqato mid sii xoogeysatay, ka dib is casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo Madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada lagu xalinayo khilaafka.

Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Guriceel ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in la barakiciyo dadka deegaanka.

“Dadka rayidka ah inuu barakaco oo xilligan lagu dul dagaalamo oo xabado ka dul dhacaan, oo hooyada iyo dadka waayeelka ah ay barakacaan waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo la hadlay BBC.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ciidamo ayay dowladdu ku soo daad-gureynaysaa Dhuusamareeb, ciidankaas oo Gorgor, Haramcad iyo Duufaan isugu jira, waxaana lagu soo weerarayaa Guriceel ayaa nala leeyahay, cabsi aad ah ayaan ka qabnaa.”

Waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay dadaal ugu jiraan in la baajiyo dagaal ka dhaca Galmudug, balse aanay dhinacyadu u tixgelinaynin doorkoodaas.

“Odayaasha door ayay ku leeyihiin dhibaatooyinka iyo waxyaabaha jira, doorkooda wax ku tixgelinaya oo xubintoodii tabayana way iska yar yihiin,” ayuu yiri Nabadoon Xaashi.

Nabadoonka ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan baaq u jeedino oo niraahno arrintaa ka taagan Galmudug ee maanta soo cusboonaatay wada hadal halagu dhammeeyo ee yaan xabad lagu xalinin, sidaas ayuu dadaalkayagu yahay. Waayahaana waa socdeen colaaduhu, in muddo ah ayay soo jiitamayeen, mid Xananbuure ayay ka taagan tahay, mid Balanballe iyo waxay ka taagan tahay Guriceel, dadka kala daggee ka dhex taagan tahay, dhinacaan nimankii Shabaabka ahaa ayaa waxay soo barakiciyeen dad fara-badan oo soo qaxay, waxyaabahaas oo dhan mashquul soo kordhay weeye.”

Maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay xiisadda ku xaliyaan wada hadal, oo aan xalka laga raadin qori caaraddii, waxaana uu yiri “Waxaan baaq u jeedin lahayn Dowladda Galmudug in arrintaas ay wada hadal ku xaliso aysan xabad iyo xoog, midna ku xalinin”

Mar uu baaq u jeedinayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayuu yiri “Ra’iisal Wasaare Rooble soo fara-geli arrimaha noocaas ah, qayb libaax ka qaado, ciidamada lagu soo daabulayo oo aan Shabaab lagula dagaalameen ee nimanka Ahlu Sunna ee meeshaan qabsaday loo soo daabulayo, laguna barakicinayo hooyada iyo dhallaanka, soo fara-geli.”

Nabadoon Xaashi ayaa sheegaya in dadka reer Guriceel ay Xoogaga Ahlu Sunna u arkaan nasri ka maqnaa oo dib ugu soo laabtay, isla-markaana aysan yeeli doonin in mar kale ay ka taggaan.

“Waad aragteen oo barraha bulshada waad fiirsateen, dad shacab ahoo baahi weyn u qaba ayaa soo dhaweeyay, maantana laguma qancin karo dadkii shacabka ahaa ee baahida weyn u qabay in la yiraahdo ordaha naga tagga, culeys ayaa noo keenteene,” ayuu yiri Nabadoonka oo intaa ku daray “Waxay aaminsan yihiin nasri u yimid, awalna ka tagay inay yihiin ayay dadka shacabka ah u haystaan.”