25.8 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Dagaalka Ethiopia oo weji cusub galay iyo ciidanka Abiy oo weeraray gobolka Amhara

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia iyo xulufadooda ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday mucaaradka Tigray ee ku sugan gobolka waqooyi ee Amhara, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Weerarada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla gobolka Amhara Khamiistii iyo Jimcihii, sida ay sheegeen ilo-wareeydada, ayada oo ay sii kordhayaan wararka ku saabsan in dowladda ay qaadeyso dagaal culus oo ka dhan ah Tigray-ga. 

Warbixinadan ayaa yimid maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey muddo xileed cusub Isniintii, isaga oo wacad ku maray inuu difaaci doono “sharafta Ethiopia,” xilli sii kordheyso cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo dagaalka 11 bilood jirsaday ee waqooyiga dalkaas.

Wakiilada gobolka Amhara, saraakiisha federaalka iyo militariga ayaa diiday inay ka hadlaan howlgallada oo ka billowday aagga waqooyiga Wollo iyo goobo kale.

Dagaalka Tigray ayaa billowday November 2020, markaasi oo ciidamada Abiy ay deg deg ku qabsadeen gobolka. Hase yeeshee, Tigrayga ayaa soo rogaal celiyey oo dib u qabsaday caasimada gobolka ee Mekele, dabayaaqadii June. 

Dagaalka ayaa wixii markaas ka dambeeyey ku fiday gobollada Amhara iyo Afar, wuxuuna dhaliyey wax ay QM ugu yeertay “musiibo bani’aadaminimo,” ayada oo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalad macluul ah. 

Waxaa jira warar sheegaya in dagaal culus uu hadda dib u qarxi karo maadaama uu dhamaaday xilli roobaadka, waxaana dalka oo dhan, gaar ahaan gobolka Amhara ka socda ciidan urursi.

Madax goboleedyada oo qaatay go’aan caqabad cusub ku noqon kara doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah madaxda mamaul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya inaysan doorashada golaha shacabka ku qaban karin laba magaalo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Heshiisyadii doorashada ee September 17 iyo May 27 ayaa labaduba dhigaya in doorashada golaha shacabka ay ka dhacdo laba magaalo halkii maamul goboleedba.

Doorashada Golaha Shacabka, oo la filayo in toddobaadyada soo socda la guda galo, ayada oo doorashada Aqalka Sare inta badan lasoo dhameeyey, ayaa xubno ka mid ah madax goboleedyada waxay ku wargeliyeen ra’iisul wasaare Rooble iyo wakiilada beesha caalamka inay aad ugu adag tahay inay laba magaalo doorasho ku qabtaan.

Madax goboleedyada illaa hadda wakiilada beesha caalamka ku wargeliyey arrintan ayaa kala ah; madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Waxaan weli caddeyn mowqifka madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen.

Wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa maalmihii tegay socdaal ku tegay qaar ka mid ah caasimadaha maamul goboleedyada, si ay arrimahan ugala hadlaan madaxda maamul goboleedyada, ayada oo ay ugu dambeysay toddobaadkii tegay oo ay tageen magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo Guudlaaawe ayaa si cad u sheegay in xaaladaha ka jira Garbahaarey iyo Beledweyne aysan u saamaxeyn inay halkaas doorasho ku qabtaan, halka Saciid Deni uu ku dooday in laba magaalo oo doorasho lagu qabto ay tahay culeys aad u weyn.

Madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul Rooble ayaa la filayaa inay arrintan go’aan ka gaaraan marka lasoo dhameystiro doorashada Aqalka Sare, oo hadda ay harsan yihiin oo kaliya maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubaland. 

Muxuu noqon karaa go’aanka ICJ, kadib tallaabadii Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa in 12-ka bishan oo ku beegan Talaadada todobaadkan inay ku dhowaaqdo xukunka kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo muddo dheer soo jiitamayey.

Yuusuf Cabdi Faarax oo ah Garyaqaan deggan magaalada Melbourne ee wadanka Australia, isla-markaana la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay kiiskan waxa uu noqon karo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, maadaama Kenya ay shaacisay in aysan aqbali doonin xukunka la filayo inay riddo maxkamadda.

Garyaqaanka ayaa marka hore qiray in biyaha ay muranka gelisay Kenya ay leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay Kenay dooneysay inay dalkeena uga faa’iideysato daruufaha heysta.

“Dabcan badda Soomaali ayaa iska leh, Kenyana shaqo kuma laha ee waxaa dhici kartay daruufaha ay Soomaaliya ku jirto inay kaga faa’iideysan laheyd, laakiinse Kenya way og-tahay in aysan baddaas laheyn,” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanka maxkamadda uu noqon karo inay dib u dhigo xukunka daruufaha ku geedaaman darteed, ama inay riddo oo ay soo hormariso.

“Xukunka haddii uu soo baxo wuxuu noqon karaa laba nuuc waa dhicii kartaa daruufta maxkamadda in ay dib u dhigto, waana dhici kartaa inay soo hormariso oo waqtigaas la qabtay ay xukunka riddo. Badda Soomaaliya-baa iska leh Kenya waa ku gar-daran tahay ee maxkamaddana waa og-tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysana waa og-tahay,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Kenya ay soo saartay go’aan waali ah oo u muqda inay ku qiraneyso in looga adkaan doono kiiska dacwadda badda Soomaaliya, waxaana  sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

Si kastaba, Soomaaliya oo kiiskan geysay maxkamadda ayaa rajo weyn ka leh inay ku guuleysato dacwaddan oo ay horay fadhiyo kala duwan uga yeelatay ICJ.

Xiisadda Masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam oo dib usoo laabatay + Video

Amsterdam (Caasimada Online) – Xiisadii u dhexeysay Guddiga masjidka Quba, oo ah masjid ay Soomaalidu maamusho, kuna yaal Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland ayaa mar kale soo cusboonaaday saaka, kaddib markii lagu baraarugay Imaamkii masjidka Sheekh Suldaan Gasle oo 14kii bishii September ay boolisku ku wargeliyeen inuu isaga tago masjidka uu dib ugu soo laabtay.

Khilaafka masjidka Quba, ayaa u dhexeeya saddexdii xubnood ee hayay maamulka masjidka; kuwaas oo kala ah: Guddoomiyihii guddiga Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah & Shiikh Ibraahim [Abuu-Khadiija] & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale.

Khilaafkan waxaa ku soo baxay guddi odayaal ah oo fadghigoodu ahaa Tilburg, guddigaas oo muddo 4 billood ah wadatashi la lahaa darafyada uu khilaafku u dhexeeyo, kaddib na goob fagaare ah ka sheegay in natiijada baaritaankoodu ku soo idlaaday in Shiikh Suldaan laga gar leeyahay, inkastoo Shiikhu inta aysan guddigu ku dhawaaqin natijada uu shaaciyay inuu kala laabtay kalsoonidii uu ku qabay.

Ku soo laabashada shalay ee Shiikha, ayaa waxaa soo dhoweeyay Soomaali fara badan, oo u arkayay ka saarista Shiikha ee maamulka masjidka in ay ahayd cadaalad darro & ihaano lagu sameeyay Shiikhii bud-dhiga u ahaa dhismaha & habsami u socoshada howlaha masjidka.

Xubnaha soo dhoweeyey ku soo laabashada Shiikha ee masjidka, waxaa ka mid ahaa Guddigii dhexdhexaadinta ee fadhigoodu ahaa Amsterdam, waxaanna guddiga oo si dhow ula shaqeynayay Shiikha ay u soo jeediyeen walaalaha kale ee ay Shiikha is hayaan, in iyaga oo u turaya masjidka in Shiikha ay wadahadalo la furaan, halkaas na khilaafka lagu soo afjaro.
Xubnaha Shiikha ka soo horjeeda, kuna haray masjidka ayaa markii uu shalay Shiikhu yimid masjidka, aad kaga carooday, kuna tilmaamay tillaabo sharciga baal-marsan.

“Shiikhu, wuxuu sameeyey tillaabo qar iska xoornimo ah. Shiikh Suldaan, wax aan maanta ka fileynay ma ahayn falkan sharci darrada ah ee ah; in masjidkii shalay sifo sharci ah lagaga saaray, loona jaray “warrant” inuu maanta ku soo laabto, waxaan awoodi karnay inaan tillaabo sharci ah qaadno, haddana waxaan go’aansanay in laga aamuso” Ayuu yiri mid ah howlwadeenada sarsare ee masjidka, wuxuuna intaasi raaciyay in aysan aqbali doonin in rabitaanka dadka tirada badan ee khayrka & wanaaga la daba taagan masjidka in niyad-jabiyaan kuwa qalbiga ka jecel in masjidka la xiro.

“Dhowrka kun ee Soomaalida ee u heelan ilaalinta sharafta & karaamada masjidka marna ba ma niyad-jebin doonaan 10 ama 15 qofood ee doonaya in ay qalqal geliyaan habsami u socodka howlaha masjidka” Ayuu yiri mas’uulkaasi Guddiga ka tirsan.

Inkastoo 2da daraf hadda ay ku wada sugan yihiin masjidka, marka aad u fiirsato aragtida ay kala qabaana ay aad u fogtahay, xaqiiqdu waxay tahay haddii aan la helin waxgarad 2da daraf ay ku kalsoon yihiin oo arrintan ku soo baxa, waxaa marag-ma doonta ah in haddii khilaafku mar kale soo laabto ay suurtagal tahay in masjidku xirmo, taas oo Soomaalidu sharaf dhac in ay ku noqoto ka soke’ lagu waayi doono tiir adag oo ay ku hirtaan ubad iyo waalidiin Soomaali ah oo caruurtooda ay lagu baro culuunta diiniga ah.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee cid kasta ee qadiyadda khilaafka masjidka Quba ku soo bixi karta MAANTA waxaa kaga bannaan kaalin lagu islaaxinayo walaalaha masjidka wada jooga, haddana isku khilaafsan maamulkiisa.

HALKAN KA DAAWO KU SOO LAABASHADII SHIIKH SULDAA

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan

Muxuu C/raxman Baadiyow ka yiri xiisadda dagaal ee Ahlu Sunna iyo GALMUDUG?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray kaga hadlay xiisadda dagaal ee Ahlu Sunna & Galmudug, taas oo ka taagan magaalada Guriceel.

Dr Baadiyow ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Galmudug uu ceeb ku yahay madaxda dowladda dhexe, gaaraan Farmaajo, Rooble iyo dhammaan waxgaradka maamulkaasi.

“Dagaalka waxaa ku ceebaysan RW. Roble iyo MW. Farmajo oo reer Galmudug ah, iyo dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug” ayuu qoraalkiisa ku yiri Dr Baadiyow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay khalad tahay in Ahlu Sunna ay xoog ku qabsato Guriceel, sidoo kalena laga haboon yahay in Galmudug ay iyaduna dagaal xal u aragto.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Ahlu Sunna inay joojiso dagaalka, isla-markaana wax kasta lagu dhammeeyo wada-hadal, si looga baaqsado inuu dhiig daato.

“Ahlu-Sunna waa in ay joojisaa dagaalka, nabadgalyada dhawrtaa, wixii tabasho ahna la xaliya” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Dr Cabdiraxmaan Baadiyow.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey Galmudug iyo Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Si kastaba, xiisaddan ayaa weji cusub u yeeshay xaaladda Galmudug oo horey dagaal adag ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Weerar culus oo xalay lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudi Carabiya

Jizan (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dhaawacay weerar xalay lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Jizan ee Sacuudi Carabiya, ee ku dhow xuduudda Yemen. 

War-saxaafadeed kasoo baxay xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen, oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in “gantaal ay soo tureen cadowga” uu ku dhacay garoonka diyaaradaha King Abdullah. 

Dadka dhaawacmay ayaa ka kooban lix qof oo Sacuudiyaan ah, saddex u dhashay dalka Bangladesh iyo qof reer Sudan ah. Sidoo kale qaar ka mid ah muraayadaha daaqadaha garoonka ayaa daatay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa inta badan fulisa weerarada noocan ah. 

Kooxda Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii tegay xoojisay weerarada gantaallada ah ee ay ku qaado Sacuudiga. 

Afar shaqaale ayaa Arbacadii ku dhaawacmay kadib markii xulufada ay dhexda ka qabteen diyaarad drone ah oo lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Abha, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, diyaarad Drone ah ayaa isla garoonkaas lagu dhuftay 31-kii August, waxaana ku dhaawacmay sideed qof, ayada oo ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad shacab.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin weerarkii ugu dambeeyey ee xalad dhacay.

UK oo ka laabatay liiskii ay horey ugu dartay Soomaaliya

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka mid noqon doonto 47 dal oo laga saaray liiska cas ee safarka, ayada oo dadka ka imanaya aan looga baahnaan doonin inay is-karantiilaan 10 maalmood.

Go’aankan ayaa markii hore loo soo rogay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19, ayada oo Soomaaliya iyo dalalka kale ee liiska lagu daray loo arkay inuu cudurka aad ugu xooggan yahay.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray golaha wasirada UK, waxaana hadda liiska cas ku haray toddoba dal oo kaliya oo dhammaantood ku yaalla Latin America. 

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysya go’aankan, waxayna sheegtay inuu astaan u yahay iskaashiga UK iyo Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa sidoo kale sheegtay inaysan dadka Soomaaliya ka imanaya uga baahnaan doonin caddeyn muujineysa inay iska tallaaleen cudurka COVID-19.

Inkasta oo aysan badneyn dadka isaga kala gooshan Soomaaliya iyo UK, haddana liiskan ayaa caqabad ku ahaa Soomaalida degan UK, oo markii ay Soomaaliya ku qasbanaa inay is-karantiilaan 10 maalmood.

Dowladda UK ayaa la filayaa inay mar kale cusbooneysiiso liiska, waxaana lagu soo dari doonaa 35 dal oo cusub, oo ay ka mid yihiin kuwa ku yaalla Afrika sida; Masar, Ghana, Kenya, Morrocco, Nigeria iyo South Africa. 

Sarkaal isku soo dhiibay DF oo xog ka bixiyey Shabaab

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka ee ka howl-gala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta soo soo badhigay sarkaal sare oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iskuna soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Shiniyoow Ibraahin, waxaana uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka kala gobollada Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool.

Aadan Shiniyoow ayaa sidoo kale Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 10 sano ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka jabhadaha, isaga oo hgaamiye u ahaa ciidan gaarayey illaa 30-askari, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wareysi laga qaaday sarkaalkan ayaa wuxuu ku bixiyey xogo dheeraad ah oo ku saabsan kooxda dhexdeeda, wuxuuna tilmaamay inuu lasoo shaqeeyey hoggaamiyeyaal sar sare oo ay ka mid yihiin afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Sheekh Fu’aad.

Waxa kale uu ugu baaqday xoogag kale ee weli ka bar-bar dagaalamaya kooxda inay isaga soo baxaan, iskuna soo dhibaan dowladda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi isa soo dhiibay ee muddada sanadaha ah ka tirsanaa kooxdaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey xubnaha isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxaana loo sababeynayaa cadaadiska haatan la saaray kooxda Al-Shabaab.

Sacuudiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo u fadhin doono gudaha magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu magacaabaa Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, wuxuuna u qaabilsanaan doonaa howlaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad aaladda fogaan aragga ku dhaariyey Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud.

Sidoo kale waxaa xafladda dhaarinta goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, sida wasiirka arrimaha dibadda Amiir Faisal Bin Farxaan Bin Abdullah iyo saraakiil kale.

Danjiraha cusub ayaa waxaa uu ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka haatan ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Dhinaca kale waxay magacaabista safiir Al-Muwallad, kusoo aadeysaa, iyada aoo danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga Saalim Macow Xaaji laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Maxay yihiin wadahadallada cusub ee u bilaabanaya Taalibaan iyo Mareykanka?

Dooxa (Caasimada Online) – Saraakiil sarsare oo Mareykan ah ayaa wadahadal toos ah la yeelanaya Sabtida maanta ah wakiillada Taalibaan ee haya talada dalka Afghanistan markii ugu horreysay tan iyo markii Mareykanku ka baxay dalkaas.

Saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in wafdi Mareykan ah ay Sabtida iyo Axadda kula kulmi doonaan magaalada Doha ee dalka Qatar wakiilo sare oo ka tirsan Taalibaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo markii hore werisay wadahadalladan, ayaa sheegtay in wafdiga Mareykanka ay ka mid noqon doonaan saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda, hay’adda USAID iyo bahda sirdoonka Mareykanka.

Suhail Shaheen, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa VOA u xaqiijiyay in hoggaamiyayaashoodu ay Mareykanka Doha kula kulmi doonaan Sabtida iyo Axadda.

Shaheen wuxuu fadhigiisu yahay magaalada Doha, waana wakiilka kooxda Taalibaan ee Qaramada Midoobay.

Jimicii, ayay Taalibaan ku dhawaaqay in Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Amir Khan Muttaqi, oo ay weheliyaan dhowr sarkaal oo sare ay ka dhoofeen Kabul, iyaga oo ku soo jeeda Doha.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talibaan oo la yiraahdo Cabdul Qahar Balkhi ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray “Wafdigu wuxuu kala hadli doonaa madaxda Qadar iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalal kale xaaladda siyaasadeed iyo xiriirka hadda jira.”

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo fool-ka-fool ah oo heerkiisu sarreeyo tan iyo markii Maraykanku ciidamadiisa kala baxay Afghanistan dabayaaqadii bishii Ogosto isla markaana Taalibaan ay qabsatay dalka Afghanistan.

VOA.

Wararkii ugu dambeeyey ee tahriibayaal lagu laayey xero ku taalla waddanka Libya

0

Tripoli (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo ku jira xero ku taalla gudaha waddanka Liibiya, waxaana ka dhashay rasaastaasi khasaare kala duwan oo dhimasho & dhaawac leh.

Muhaajiriinta la rasaaseyey ayaa kasoo jeeda dalal kala duwan, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay ka baxsadaan xeradii lagu hayey, taas oo keentay inay rasaaseeyaan ciidamadii ilaalada ka hayey goobtaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qalalaasahaasi ku dhintay ugu yaraan lix ka mid ah tahriibayaashii baxsanayey, halka ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sidoo kale qaar kale oo ka mid ah tahriibayaasha ee isku dayey inay baxsadaan dib loogu soo celiyey xerada ay shaqaaqadu ka dhacday.

Sarkaal ka tirsan QM oo ka hadlay dhadcdadaasi ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baaritaano ku aadan dalalka ay kasoo jeedaan muhaajiriinta dhintay & kuwa dhaawaca ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay si dhow ula socon doonaan xaaladda dadka waxyeellada soo gaartay, si ay helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran.

Liibiya ayaa waxaa ku sugan muhaajiriin ka tegay dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana haatan dalkaas ku heysta xaalado adag oo dhanka bani’aadanimada ah.

Xog: Farmaajo oo isku dayaya inuu olole siyaasadeed ka dhigto guusha kiiska badda

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Bishan October 12-keeda waxaa la filayaa in maxkamadda Cadliga dunida ee ICJ ay ku dhawaaqdo natiijada muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib 6 sano oo kiiska uu yaallay Hague.

Inkasta oo guul-darrada aan meesha laga saari karin, hadana qareennada difaacaya badda Soomaaliya ee kala ah Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet ayaa rajo fiican oo gaareysa 99% ka muujiyay guusha kiiskan, taasi oo haddii ay dhacdo noqon doonta guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Kiiskan oo 2014-kii ay maxkamadda ICJ geysay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay lacagtiisa bixisay dowladda Imaaraadka, dad badan oo qareenno iyo shacabna ka qeybgaleen isla markaana soo maray labo heer, Soomaaliyana ay ku guuleysatay heerka hore ee ahaa in maxkamadda ay kiiska qaadi karto halka midkii ugu dambeeyey ee ahaa muranka dhul badeedkana loo madalsan yahay October 12 ayaa waxaa soo baxaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu maalmahan wado dadaallo la xiriira qabashada xaflado waaweyn, iyada oo laga cabsi qabo inuu siyaasadeeyo guusha kiiska badda, isla markaana u badalo olole siyaasadeed.

Xog aan helnay yaa sheegaya in Farmaajo uu khadka telefanka kula hadlay madaxweyneyaal hore, musharaxiin madaxweyne, qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada iyo mas’uul leh heerar kala duwan isaga oo ku marti-qaaday xaflad faneed uu kusoo aadiyey maalinta lagu dhawaaqayo natiijada kiiska badda ee October 12, 2021.

Farmaajo keliya ma aha inuu damaashaad sameynayo maalintaas, guushana uu keligiis sheegan doono, ee waxaa kale ee laga cabsi qabaa in taageerayaashiisa ay sameeyaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Kenya iyo shacabkeeda, iyada oo la kicinayo caadifadda shacabka Soomaaliyeed, lana soo celiyo waddaniyadda iyo qabkii lagu doortay 2017-kii.

Inkasta oo su’aalo ka iman doonaan haddii Farmaajo sameeyo qorshahan dabaal-degga iyo sheegashada guusha kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, hadana Madaxweynaha hore oo muddo xilkeedkiisa dhamaaday 6 bil kahor,  ayaa hadda waxaa uu raadinayaa olole uu dib ugu soo noqdo, guusha kiiska badda ayuuna u arkaa fursad uu olole.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

May 1972 – Kenya waxay sameysay “Heshiiska Territorial Waters, 1972, No.2” oo ay ku xaddidayey dhul badeedkeed 12 NM.

10 September 1972 – Soomaaliya waxay soo saartay Law No. 37 ee  Territorial Sea, Sharcigani wuxuu ka dhigayaa dhul-badeedka Soomaaliya 200 NM.

17 December 1975—Kenya iyo Tanzania waxay isku raaceen halka uu maro xadka badda dalka (Territorial Sea). Xilligan weli lama aqoonsan EEZ( aaga dhaqaalaha) iyo Qalfoofka Qaaradeedka (Contintal Shelf).

13 January 1977 – Soomaaliya waxay samaysay guddiga badda oo uu madax ka ahaa General Maxamuud Geelle Yuusuf, ayna ka mid ahaayeen khubaro ka kala timid hey’adaha dalka.

1977 KENYA – “Territorial Waters Act, No.2” ayay baddashay, waxayna faahfaafhin ka bixisay xadka dhul-badeedkeeda.

28 February 1979 – Madaxweyne Daniel Arab Moi ayaa “proclamation” ama xeer madaxweyne ku soo saaray Territorial Sea (Dhul Badeedka) iyo Exlcusive Economic Zone(EEZ) oo uu la socdo khariidad.

Proclamionka Qodobkiisa koowaad ee (b) ee la xidhiidha dhanka Soomaliya wuxu qorayey in loolka iyo dhigta dhul-badeedka uu yhaay “eastern latitude south of Diau Damasciace Island being latitude 1’38’ degrees South.”

August 1989: KENYA waxa soo saartay “Maritime Zones Act” ay ku muujineyso “xadka EEZ”.

26 January 1989 – Waxaa dhaqan galay sharciga badda Soomaaliyeed ee Sharci Nambar 5, 26 January 1989. Sharcigani wuxuu dhul badeedka Soomaaliya ka dhigayey 12 NM, kan dhaqaalanah (EEZ), 200 NM. Sharcigan wuxuu bedelay oo buriyey Sharcigii ahaa 1959 Maritime Code iyo Law 37 of 1972.

9 February 1989 – Soomaaliya waxay ansixisay Sharciga Badda ee Qaramada Midoobay.

24 July 1989- Soomaaliya waxay meelmarisay(ratified) sharciga UNCLOS on 24 July 1989.

March 1995 – Kenya waxay u gudbisay Qarmada Midoobay khariidad muujinaysa EEZ-keeda.

9 June 2005 – Presidential Proclamation – Kenya waxay wax ku dhawaaqday xuduuddeeda oo ay ka dhigtay “eastern latitude South of Diua Damascian Island being latitude 1°39’34” degrees south.”

September 2005. Soomaaliya iyo Kenya waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhameystiran oo loogu magac daray Joint Commission for Co-operation (JCC). Heshiiskan weli lama shaacin qodobada uu ka kooban yahay laakiin waxa ka mida meelaha uu taabanayo socdaalka, ganacsiga, dhaqanka, nabadgelyada iyo waxbarashada.

October 2008 – Walad Cabdale ayaa bilaabay in la guda galo diyaarinta xogta Soomaalidu ay kula kulmi laheyd macluumaadka ay tahay in Soomaaliya in ay u gudbiso QM ka hore 13 MAY 2009.

10 March 2009 – Waxa Nayroobi lagula shiray Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, anhna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Cabdirahamaan Aadan Ibraahim (Ibbi) oo loo sheegay hawsha ay waddo Norway.

12 March 2009 – Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey macluumaadka ay Norway diyaarisey iyagoo aqbalay in loo gudbiyo Qaramada Midoobay.

7 April 2009 – Somaliya iyo Kenya waxay ku kala saxiixdeen MOU(heshiis), magaalada Nairobi. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya u saxiixsay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wuxuuna dhaqan galay 7 April 2009. Nuxurka MOU-gu waa 1- in muran badeed saamaynaya (Continental Shelf and Beyond) uu ka dhexjiro labada dal; 2) in ay isla oggolaadaan labada dal in Commission-ka uu eego xogtooda; 3) in ay labada dal ka wada hadli doonaan xuduud badeedka ay ku muransan yihiin marka uu commission-ku go’aanka gaaro kadib; iyo in isfahamku (MOU) uu dhaqan geleyo maalinta la saxiixay

11 June 2009 – Kenya waxay heshiiska MOUga uga diiwaan galisay Qaramada Midoobay inuu yahay heshiis caalami ah. MOU-ga waxaa lagu faafiyey buugga lagu daabaco heshiisyada caalamiga

1 August 2009 – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday heshiiska MOU ee Soomaaliya iyo Kenya wada-galeen. Waxaa goobjoog ahaa 347 xildhibaan. Waxaa diiday heshiiskii MOUd 334 xildhibaan. Sagaal xildhibaan in gudi loo saaro ayay soo jeediyeen halka afar xildhibaan waxay dalbadeen in dib loo dhigo.

10 October 2009 – RW Cumar Cabdirashiid wuxuu warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuuna ogeysiiyay go’aanka diidmada baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ku caddeeyey warqada in MOU-ga aan la isticmaali Karin.

8 October 2011 – Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saaray Xeer lagu magacaabay Dhaxal-Dhawr. Xeerkaas waxaa baarlamaanku ka mamnuucay xukuumadda inay gasho heshiisyo ku saabsan arrinka badda. Baarlamaanku waxay mar kale ku celiyeen in Xeer Lam 5 uu yahay Sharciga Rasmiga ah ee Badda Soomaaliya.

30 June 2014 – Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud wuxu shaaciyey (Proclamation) sharci baddeedkii Law No.11 February 1989; Decree No.14 February 9, 1989; Law No. 5, 26 January 1989. Sharcigaa wuxuu madaxweyne Xassan ku caddeeyey in EEZ-ka  ama aagga dhaqaalaha Soomaaliya yahay 200 NM.

Kadib, wada hadal saddex weji ahaa oo socon waayey, 28 August 2014 Soomaaliya waxay u gudbisay dacwad la xiriirta muranka xuduud-badeedka ka dhexeeya labada dal Maxkamadda Caalamiga ah. Soomaaliya waxay ka codsatay maxkamadda in ay dhammaan eegto (1). Dhul badeedla, (2). Aaga dhaqaalaha) iyo (3). Qalfoofka Qaaradeedka.

7 October 2015 – Kenya waxay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ qoraal ay ku doodayso inaysan maxkamaddu xaq u lahayn inay eegto muranbadeedka ka dhexeeya iyada iyo Soomaaliya. Waxay Kenya ku doodday in labada dal ay galeen heshiis caalami ah (MOU-ga). Heshiiskaas ayaa caddaynaya habka loo abbaarayo xallinta muran-badeedka ayay sheegtay. Maxkamadda Caalamigu markay heshay qoraalkaa Kenya waa ay hakisay dacwadda ilaa inta Soomaaliya jawaabteeda la helayo, waxaa la is dhaafsaday jawaabo.

2, February 2017:– Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Inkasta oo dhageysiga dacwadda ay in ka badan 4 jeer dib u dhacday, hadana doodo dheer kadib, October 12, 2021-ka ayaa loo fadhiyaa go’aanka kama dambeyska ah.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,
E-mail: [email protected]

Ahlu Sunna oo xoojisay difaaca hore ee Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyey

Guriceel (Caasimada Online) – Ahlu Sunna oo dareensan in col kaga soo wajahan yahay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa wadda qorshaheedii ugu dambeeyay, ee ay ku doonayso inay ku difaacato gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Ujeedka Madaxtooyada Galmudug ayaa u muuqdo in la weeraro Magaalada Guriceel, oo 1-dii bishan ay bilaa dagaal kula wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna, iyadoona Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) lagu eedeeyay inuu wadadii wada hadalada ka beeray, uuna doortay dagaal uu la galo Xoogaga Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidan badan gaysay aagga deegaanka Ceeldheere, oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ah difaaca hore ee Guriceel. Ceeldheere ayaa ku taalo wadada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya haddii la weeraro Magaalada Guriceel in Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, ay ku dhaqaaqi doonaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Bohol waxay qiyaastii 20km dhinaca waqooyi uga beegan tahay Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay sheegay inaanay iyagu doonayn dagaal ay la galaan Galmudug, balse haddii lagu khasbo aanay gacmaha is dul saaran doonin.

Dadaalo ay tan iyo Arbacadii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka dhex wadeen labada dhinac ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa Khamiistii sheegay in istiqaaladiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug, ka dib markii uu sheegay inay isku fahmi waayeen in wada hadal lagu xaliyo xiisadda maamulka kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna.

Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu u biro tumanayo dagaal aan natiijadiisa la sii saadaalin karin.

Haddii aan laga baaqsan dagaalkan waxa uu galaafan doonnaa nolosha dad badan, waana xilli Shabaabkii Gobolada Dhexe ku sugnaa ay weli haystaan deegaanadii ay horey uga qabsadeen Galmudug.

50 qof oo ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo salaadii Jimce lagu qaaday Masjid

Kunduz (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa burburiyey Masjid ku yaalla gobolka waqooyiga bari ee Afghanistan ee Kunduz maanta, halkaasi oo ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyey meydad ku hoos jiray burburka Masjidka, oo ay ku cibaadeystaan dad kasoo jeeda qowmiyad laga tiro badan yahay oo Shiico ah.

“Warbixino horudhac ah ayaa muujinaya in inka badan 100 qof lagu dilay laguna dhaawacay qaraxa,” waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri howlgalka QM ee Afghanistan.

Sarkaal u hadlay kooxda Taalibaan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen weerarka.

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda. Qaraxa ayaa xigay weeraro dhowr ah, oo uu ku jiro mid lagu qaaday Masjid ku yaalla Kabul, oo dhacay toddobaadyadii tagay, kuwaas oo qaar ka mid ah ay sheegatay kooxda Daacish.

Weeraradan ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha amni ee ay wajaheyso kooxda Taalibaan, oo bishii August la wareegtay gacan ku heynta Afghanistan, wixii markaas ka dambeeyeyna billowday howlgallo ka dhan ah unugyada Daacish ee Kabul.

Dadka degan magaalada Kunduz, oo ah caasimadda gobolka isla magacaas wata ee Kunduz, ayaa AFP u sheegay in qaraxa uu dhacay xilli lagu guda jiray salaadda Jimcaha. 

Kunduz ayaa ku taalla bar la isaga gudbo oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Afghanistan kala dhaxeeya dalka Tajikistan. 

Dadka Shiicada ayaa ah 20 boqolkiiba shacabka Afghanistan. Badankood waxay kasoo jeedaa Hazara, oo ah qowmiyad tobaneeyo sano lagu dhibaateenayey Afghanistan. 

KENYA oo go’aano waali ah soo saartay kahor xukunka kiiska badda ee Talaadada

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay go’aano waali ah oo u muqda inay ku qiraneyso in looga adkaan doono kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee xukunkiisa la filayo Talaadada.

Kenya ayaa maanta sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

“Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya aysan aqoonsan doonin xukun kasta oo kasoo baxa Maxkamadda.

Qoraalka ayey sidoo kale Kenya kaga cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysna ku habooneyn inay xaliso kiiskan.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay tan iyo 1969-kii isku dayeysay inay ku xadgudubto xuduudaha Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Kenya ayaa bishii March ee sanadkan qaadacday dhageysi oraaheedkii ugu dambeeyey ee kiiska kadib markii Maxkamadda ICJ ay diiday inay mar kale dib u dhigto dhageysiga dacwadda, sida ay codsatay Nairobi. 

Wararkii ugu dambeeyey ee Ahlu Sunna oo weerar ku ah Jaw Burujeed iyo Daadaale

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee dhawaan sida nabadda ah kula wareegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Gaduud ayaa billaabay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka naga soo gaarayo Guriceel ayaa sheegaya in ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay howlgal u aadeen deegaano hoostaga degmada Guiceel, sida degaannada Jaw Burujeed iyo Daadaale, halkaas oo la sheegya inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada koonfureed ee Degmada Guriceel.

Saraakiisha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka Shacabka ah ee dagan degaannada Jaw Burujeed iyo Daadaale isla markaasna ay Ahlu Sunna dooneyso sidii dadka looga qaadi lahaa dhibaatada.

Dadka Shacabka ee ku nool degaannada Jaw Burujeed iyo Daadaale ayaa bilaabay inay isaga qaxaan guryahooda kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada Ahlu Sunna iyagoo cabsi ka qabo in dushooda lagu dagaalamo.

Hoggaanka Sar Sare ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel ciyeen in u jeedkooda uu yahau sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ay ciidamada Ahlu Sunna ka bilaabeen duleedka Guriceel ayaa kusoo aadayo xilli xiisad ay kala dhaxeeyso Madaxda Galmudug isla markaasna Dhuusamareeb lagu diyaarinayo ciidamadii weerari lahaa Guriceel.

Maxaa ka jira in ciidamada daraawiishta Galmudug u gadoodeen is-casilaadii Fiqi?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gadooday, iyaga oo la wareegay kastamka canshuuraha lagu qaado ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Koontoroolka ay Ciidamada gadoodsan la wareegeen ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, hayeeshee ay si nabad ah uga tageen markii ay u yimaadeen ciidamada ka tirsan daraawiishta maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidamada ay ka gadoodeen mushaar la’aan ay ka cabanayaan kadib markii Ciidamada kale ee Galmudug uu mushaarka u soo dhacay.

Axmed Falagle waxa uu kala fogeeyay wararka la isla xiriirinayo ee ah Ciidanka Gadoodka ka sameeyay Gobolka Mudug iyo is-casilaadda Wasiirkii Amniga Dowladda Galmudug, sida uu hadalka u dhigay Wasiir Falagle.

“Gadoodka Ciidanka lug kuma laha is casilaadda Wasiirkii Amniga, balse gadoodkoodu waxa uu salka ku hayaa mushaarka oo kasoo daahay, xalkooda ayaa la wadaa si loo siiyo xuquuqdooda,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan degaannada Mudug iyo Galgaduud ay sameeyeen gadood, balse markii dambe la xaliyay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa dhanka kale tilmaamay in la kordhinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, arrimaha ciidanka ee taagan ay yihiin kuwo lagu xoojinayo xasiloonida sida uu hadalka u dhigay.

Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoorayaa diiradda lagu saaray Xaaladda guud ee Amniga iyo Arrimaha Doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kulankaas kaddib sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug.

Fiqi iyo Nimcaan Hilaac oo si cajiib ah ugu jawaabay Barkhad Jaamac Batuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Al-Fanaan Nimcaan Hilaac ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland.

Fiqi iyo Nimcaan ayaa waxay naqdiyeen hadalka Barkhad uu ugu Jawaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, islamarkaana uu uga hadlay dadka Koonfurta ee ay Somaliland bilowday raafkooda.

Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, uu dhiigooduna kala qaalisan yahay dheeman, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay mid reereed oo aan qaran aheyn.

Fiqi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ninikii heyb sooca ka sheeganayey ee taageerada badan arrintaas Soomaali oo Idil uga helay ayaa durbaba kursigii marka uu ku fariistay dad heyb-sooc lagu soo tarxiilay xuquuqdoodii dafiraya kuwii falkaas geystayna u muujinaya garab istaag.. Barkhad meel xun buu talaabo qaadka ka bilaabay!.”

Nimcaan Hilaac ayaa isagna yiri “Barkhad Jaamac Batuunow. Cilaajkeenu wuxuu lahaa Cid gaara oo inoo qaabilsan cayda koonfureed iyo inay ku digtaan, saaka iyagiibaad horbooday. Gobonimo koonfurbaa leh Allaha nabadeeyo.”

Si kastaba, Hadalka Barkhad ayaa si weyn loogu naqdiyay baraha bulshada, inkasta oo uu sheegay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka.

Wararkii ugu dambeeyey ee saameynta uu yeeshay khilaafka Roobe iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalkii doorashada oo ay horey ugu heshiiyeen madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhigayey in 10-ka bishaan October oo ay ka harsan hal maalin la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya inta ka horeysana la dhameystiro doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Laakiin sida muuqata hadda taas suurtagal maahan sababtoo ah weli waxaan la dooran xubnihii kamid noqon lahaa golaha Shacabka iyadoo maamulada qaar aysan soo dhameystiran xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka .

Doorashada Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhacday hadda caqabadda ugu weyn ee heysato ayaa ah khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dalka oo ku jira xaalad xasaasi ah oo doorasho haddana ma muuqato dadaalo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Rooble inkastoo maamulada qaar ay isku dayeen inay xaliyaan khilaafka taasoo markii dambe guuldaro kusoo dhammaatay.

Soomaaliya oo muddo kusoo jirtay colaado sokeeyo, bulshada rayidka ah ayaa hadda walaac ka muujinayo in marxaladda siyaasadeed ee taagan ay sabab u noqoto in shacabka ay ka niyad jabaan rabitaankii dowladnimada ee mudada dheer ku taagnaa.

“Khilaafka Madaxda waxaa suuragal ah in uu dib usoo celiyo waxyaabo badan oo laga heshiiyay, runtii dib u dhaca ku yimid doorashooyinka waa mid aan ka walaacsanahay, haddii uu sii socda waxaa suuragal ah in dadku ka niyad-jabaan oo ay dib ugu laabtaan nidaamka qabiilka oo aan haatan loo baahneen,” sidaasi waxaa yiri Cismaan Shaatax oo la hadlay VOA.

Bulshada Rayidka ayaa xalka keliya looga badbaadiyo karo dib u dhac kale & is qabqabsiga siyaasadeed u aragta in xoogga la saaro qabsoomidda doorashooyinka oo aqal kamid ah labada Gole BFS la doortay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowlad Goboleedyada, Somaliland & Banaadiriga ka dalbaday in ay ku dhaqaaqaan Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka oo cambaareysay go’aanka boqortooyada Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul ugu cambaareysay Sacuudi Carabiya inay ku adkeysatay xukun 20 sano oo xabsi ah oo lagu riday shaqaale gargaar oo lagu eedeeyey inuu twitter soo dhigay qoraal ka dhan ah dwladda.

“Waxaan ka niyadjabsanahay xaqiijinta xukunka lagu riday Abdulrahman al-Sadhan sababo la xiriira inuu si nabad ah u muujiyey xuquuqdiisa xoriyadda hadalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price.

“Si dhow ayaan ula soconay kiiskiisa waxaana ka walaacsanahay tuhunada ku saabsan in Al-Sadhan loola dhaqmay si xun, oo uusan awoodin inuu la xiriiro qoyskiisa, islamarkaana xuquuqdii uu u lahaa maxkamad caddaalad ah aan la qadarin,” ayuu Price ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sida ay sheegeen qoyskiisa, Abdulrahman al-Sadhan oo ah shaqaale ka tirsan Bisha Cas ayaa laga watay xafiiskiisa magaalada Riyadh March 2018, sababo la xiriira qoraal lasoo dhigay twitter aan la aqoon qofka leh, kaasi oo cambaareeyey xukunka boqortooyada.

Waxaa markii ugu horreysay xukun lagu riday bishii April ee sanadkan, taasi oo sidoo kale dowladda Mareykanka ay aad u cambaareysay. 

Walaashiis Areej al-Sadhan, oo haysata dhaslada Mareykanka, ayaa Talaadadii ku qortay twitter in 20 sano oo xabsi ah ku riday, taasi oo ay ku xigi doonto 20 sano oo mamnuuc dhanka safarada ah.