25.8 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee saameynta uu yeeshay khilaafka Roobe iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalkii doorashada oo ay horey ugu heshiiyeen madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhigayey in 10-ka bishaan October oo ay ka harsan hal maalin la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya inta ka horeysana la dhameystiro doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Laakiin sida muuqata hadda taas suurtagal maahan sababtoo ah weli waxaan la dooran xubnihii kamid noqon lahaa golaha Shacabka iyadoo maamulada qaar aysan soo dhameystiran xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka .

Doorashada Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhacday hadda caqabadda ugu weyn ee heysato ayaa ah khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dalka oo ku jira xaalad xasaasi ah oo doorasho haddana ma muuqato dadaalo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Rooble inkastoo maamulada qaar ay isku dayeen inay xaliyaan khilaafka taasoo markii dambe guuldaro kusoo dhammaatay.

Soomaaliya oo muddo kusoo jirtay colaado sokeeyo, bulshada rayidka ah ayaa hadda walaac ka muujinayo in marxaladda siyaasadeed ee taagan ay sabab u noqoto in shacabka ay ka niyad jabaan rabitaankii dowladnimada ee mudada dheer ku taagnaa.

“Khilaafka Madaxda waxaa suuragal ah in uu dib usoo celiyo waxyaabo badan oo laga heshiiyay, runtii dib u dhaca ku yimid doorashooyinka waa mid aan ka walaacsanahay, haddii uu sii socda waxaa suuragal ah in dadku ka niyad-jabaan oo ay dib ugu laabtaan nidaamka qabiilka oo aan haatan loo baahneen,” sidaasi waxaa yiri Cismaan Shaatax oo la hadlay VOA.

Bulshada Rayidka ayaa xalka keliya looga badbaadiyo karo dib u dhac kale & is qabqabsiga siyaasadeed u aragta in xoogga la saaro qabsoomidda doorashooyinka oo aqal kamid ah labada Gole BFS la doortay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowlad Goboleedyada, Somaliland & Banaadiriga ka dalbaday in ay ku dhaqaaqaan Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka oo cambaareysay go’aanka boqortooyada Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul ugu cambaareysay Sacuudi Carabiya inay ku adkeysatay xukun 20 sano oo xabsi ah oo lagu riday shaqaale gargaar oo lagu eedeeyey inuu twitter soo dhigay qoraal ka dhan ah dwladda.

“Waxaan ka niyadjabsanahay xaqiijinta xukunka lagu riday Abdulrahman al-Sadhan sababo la xiriira inuu si nabad ah u muujiyey xuquuqdiisa xoriyadda hadalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price.

“Si dhow ayaan ula soconay kiiskiisa waxaana ka walaacsanahay tuhunada ku saabsan in Al-Sadhan loola dhaqmay si xun, oo uusan awoodin inuu la xiriiro qoyskiisa, islamarkaana xuquuqdii uu u lahaa maxkamad caddaalad ah aan la qadarin,” ayuu Price ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sida ay sheegeen qoyskiisa, Abdulrahman al-Sadhan oo ah shaqaale ka tirsan Bisha Cas ayaa laga watay xafiiskiisa magaalada Riyadh March 2018, sababo la xiriira qoraal lasoo dhigay twitter aan la aqoon qofka leh, kaasi oo cambaareeyey xukunka boqortooyada.

Waxaa markii ugu horreysay xukun lagu riday bishii April ee sanadkan, taasi oo sidoo kale dowladda Mareykanka ay aad u cambaareysay. 

Walaashiis Areej al-Sadhan, oo haysata dhaslada Mareykanka, ayaa Talaadadii ku qortay twitter in 20 sano oo xabsi ah ku riday, taasi oo ay ku xigi doonto 20 sano oo mamnuuc dhanka safarada ah.

3 qodob oo laga soo saaray shir xasaasi oo ay yeesheen golaha wasiirada Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa shir xasaasi ah isugu yimid xalay xilli maamulka uu wajahayo xiisad dagaal oo kala dhaxeysa ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ahlu-Sunna oo dhowaan soo rogaal-celisay ayaa qabsatay magaalada muhiimka ah ee Guriceel iyo deegaano kale oo yaryar, waxaana laga cabsi qabaa inay sidoo kale qabsato magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan caawa shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada Galmudug oo caawa ka qabsoomay xarunta madaxtoyada Dowlada Galmudug.”

Sida uu sheegay Qoo Qoor, kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin; xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka.

Dood iyo falanqayn dheer kadib, golaha wasiiradu Galmudug waxay soo saareen saddex qodob oo kale ah:

1- Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug, 

2- Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3- Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo shalay uu is-casilay wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo sheegay in isaga iyo Qoor Qoor ay isku khilaafeen sida loo wajahayo arrinta Ahlu-Sunna.

Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in wada-hadal lagu dhameeyo xiisaddan, balse sida uu yiri, Qoor Qoor ay ka go’an tahay in dagaal lagu kala baxo. 

MIDOWGA Murashaxiinta oo ku kala qeybsamay xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug – Sidee u kala raacsan yihiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Midowga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xiisaodda ka taagan Galmudug, halkaasi oo ay kooxda Ahlu-Sunna qabsatay dhowr magaalo.

Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sunna, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin.

Khilaafkan ayaa hor-istaagay in Golaha uu war-saxaafadeed lagu mideysan yahay kasoo saaro xiisadda, oo aanay illaa hadda si isku duuban uga hadlin arrintan, kadib markii la isku raaci waayey qaabka loo dhigayo qoraalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo jeediyey in si buxuda loo taageero maamulka Qoor Qoor oo awood ciidan ay ku dhistay xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa. Waxaa sidoo kale in Qoor Qoor la taageero soo jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hase yeeshee xubno kale oo ka mid ah Golaha oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa soo jeediyey in taageero shaacsan oo loo muujiyo Qoor Qoor iyo isku day awood sheegasho ay kasii dari karto xaaladda, oo ay horseedi karto dagaallo horleh.

Guuleed iyo Kheyre ayaa soo kala saaray laba bayaan Talaadadii, waxaana laga dareemi karay aragtidooda. Guuleed wuxuu ku baaqay xal iyo in si nabadeed wax lagu dhameeyo, halka Kheyre uu yiri “Si aan leex leexad laheyn ayaan u garab taaganahay nidaamka dowliga ah ee maamul goboleedka Galmudug, cid kasta oo ka hor timaada dowladnimada meel ha looga soo wada jeesto.” 

Dhinaca kale, xubno kale oo Golaha ka tirsan ayaa laga soo xigtay inaysan taageersaneyn Ahlu-Sunna balse ay rumeysan yihiin in Qoor Qoor aanu mudneyn garab istaag, sababo la xiriira sida indho la’aanta ah ee uu u taageersan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnahan ayaa soo jeediyey in lasoo saaro war-saxaafadeed aan meelna jirin oo nabad ku baaq ah, balse xubnaha tagaeersan Qoor Qoor ayaa sheegay inay taas ka dhignaan doonto taageerada Ahlu-Sunna.

Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan doono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saarin war-saxaafadeed wadajir ah oo la xiriira xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug. 

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan qeybo ka mid ah Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo xoogan ka taagan tahay deegaanka Turbi oo hoostaga degmada Balanballe ee gobolkaas.

Xiisada dagaal ayaa waxay u dhaxeysa labo maleeshiyo Beeleed, kaasi oo salka ku haya falal aanooyin qabiil iyo dagaalo soo laab-laabtay oo muddooyinkii dambe ka dhacay deegaanka Turbi.

Sida ay sheegen dadka deegaanka maalmo ka hor un baa deegaankaas lagu dilay labo qof oo shacab ahaa, midaasi oo sare u sii qaaday xiisada dagaal ee ka taagan deegaankaas.

Cabsi iyo walaac hor leh ayaa soo food-saartay dadka deegaanka Turbi, oo la xiriirta in labada maleeshiyo Beeleed ay ku dul dagaalaman, ayna kasoo gaarto dhibaato hor leh.

Ma aha markii u horeysay ee xiisad dagaal beeleed laga dareemo deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, hase yeeshe waa mid sanadihii u dambeeyay lala daala dhacayey dagaalka salka ku haya aanooyinka qabiil, kuwaasi oo maamulka Qoor-Qoor uu ku fashilmay wax ka qabashadiisa.

Somaliland oo sheegtay in weerar lagu yahay + Sababta

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in weerar lagu yahay, gaar ahaan nabad-gelyada ay haysato, islamarkaana koox argagixiso ah ka xun tahay amaanka ka jira deegaanada Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Warfaafinta, Saleebaan Koore ayaa arrintaas ka sheegay munaasibad xariga looga jarayay Xarun ay Ciidamada Gurmadku ku yeelanayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxay carabka ku adkeeyen in dilalka iyo falalka ka dhanka ah amaanka ee muddooyinkii dambe ka dhacayey gobolka Sool ay ka dambeeyan Al-Shabaab iyo dad lamid ah oo ka xun amaanka Somaliland.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Bulshada ku nool deegaanada gobolka Sool inay amnigooda ka shaqeeyaan, islamarkaana ay kasoo horjeestaan cid kasta oo lidi ku ah amniga magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayey dilal si gaar ah loogu beegsanayay mas’uuliyiin reer Somaliland iyo dad Haldoor ah, kuwaasi oo si weyn isku soo tarayay.

Somaliland oo ku andacooneysa amaan darada Laascaanood soo foodsaartay ayaa dhawaan billowday musaafurinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, si wax looga qabto amaanka gobolka, sida ay sheegtay.

Ahlu-Sunna oo loo geeyey arrin uu dalbaday Qoor Qoor – Maxaay kusoo jawaabeen?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkiisa ah in Ahlu-Sunna ay kusoo wareejiyaan gacan ku haynta magaalada Guriceel, markaas kadibna uu la furi karo wada-hadal.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Ahlu-Sunna u tegay guddi u geeyey dalabka Qoor Qoor, kuwaas oo kula kulmay magaalada Guriceel.

Kulanka oo si gaar ah ugu dhaxeeyay wafdi ka socday Galmudug oo shalay gaaray Guriceel, Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca ee qabsaday Guriceel iyo hogaankooda sare ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii Ahlu-Sunna ay ku gacan seereen in maamulka degmada Guriceel lagu wareejiyo Qoor-Qoor.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu-Sunna oo la kulmay wafdiga Galmudug ay ku wargeliyeen in sida ugu dhaqsaha badan iskaga baxaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ahlu-Sunna ayaa ka madax adeygaysa inay si rasmi ah u wareejiso gacan ku haynta magaalada Guriceel, waxayna hogaankooda sheegen in magaalada u furan tahay cidkasta.

Wafdiga oo u badan xildhibaano baarlamaanka Galmudug kasoo galay Ahlu-Sunna ayaa waxay markale maanta isku dayayaan inay la kulmaan madaxda Ahlu-Sunna, si xiisada loogu soo afjaro wada-hadal.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ay wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, oo ay ku rabaan in dagaal kula wareegan deegaanada ay gacan ku hayntooda la wareegtay Ahlu-Sunna haddii wada-hadalada wax guul ah laga gaari waayo.

Maxamed bin Salmaan oo iibsaday KOOX ka mid ah horyaalka Premier League

Newcastle (Caasimada Online) – Horyaalka Premier League ayaa ansixiyey in Sacuudi Carabiya ay iibsato kooxda Newcastle United, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saareen.

“Premier League, Newcastle United Football Club iyo shirkadda St James Holdings Limited waxay maanta heshiis ka gaareen iibsashada kooxda ee PIF (Public Investment Fund),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Premier League.

Heshiiska ayaa ku kacaya 305 milyan oo pound, wuxuuna hirgalay isla maaanta

PIF waa sanduuqada lacagta dadweynaha ee dowladda Sacuudi Carabiya. Inkasta oo uusan si rasmi ah u magacowneyn, haddana milkiilaha rasmiga ah ee Newcastle ayaa hadda loo arkaa Maxamed Bin Salman maadaama uu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Sacuudiga, islamarkaana sanduuqa PIF uu hoos tago.

Madaxa PIF Yasir Al-Rumayyan ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan noqoo milkiilayaasha cusub ee Newcastle United, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu caansan England.” 

Heshiiskan ayaa waxa uu hadda kahor burburay 2020 markii Premier League uu ku adkeystay in la kala saaro PIF iyo dowladda Sacuudiga, sidoo kalena Sacuudi Carabiya ay dalkeeda u ogolaato in lagad daawo taleefishinka Qatar ee beIN Sports.

Taageerayaasha kooxda Newcastle ayaa dabbaal-deg ka sameeyey dibadda garoonka St. James Park, ayaga oo ku faraxsan in kooxda laga wareejiyey gacanta milkiile Mike Ashley oo loo arkay nin kooxda la degay oo aan dhaqaale gelin.

Khasaare ka dhashay dagaal dhex-maray ciidamo ka tirsan DF – Maxaa la isku qabtay?

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellda Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi iska horimaad ku dhexmaray laba ciidan oo ka kala tirsan milatariga iyo booliiska Soomaaliya.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhashay muran u saabsan lacagaha laga qaado mid ka mid ah baraha kontorool ee Afgooye, taasi oo labada ciidan ay isku qabteen.

Sida aan xogta ku helnay dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan laba qof, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda magaalada ay hadda dean tahay.

Sarakiisha dawladda ee Afgooye ayaan ilaa hadda rasmi ahana uga hadlin iska horimaadkaas.

Ciidamada militariga iyo booliska Soomaaliya ayaa marar badan waxaa dhex maray dagaallo ka dhashay lacagta laga qaado baraha kontorool, taasi oo muujineysa in lacagtaas aysan ku dhicin qasnadda dowladda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa laba maalin kahor howlgallo culus ku qaadaayey isbaarooyin la dhigtay deegaanada dhaca inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Abaanduulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Saalax Yacquub ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay in qaar ka mid ah raggii ay isbaarooyinkaas u yaaleen ay gacanta ku dhigeen, qaarna ay weli ku daba jiraan.

Axmed Macallin Fiqi oo iska casilay xilka wasiirka amniga GALMUDUG + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casilay kadib markii isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo xiisadda kala dhaxeysa Ahlu-Sunna.

Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in xiisadda Galmudg iyo Ahlu-Sunna lagu dhameeyo wada-hadal balse Qoor Qoor “uu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey”

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Fiqi

Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.

Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.

Allaha ilaaliyo Galmudug & dadkeeda.

Daawo: Askari qol shukaansi dartiis Muqdisho ugu dilay askari saaxiibkiis ahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helay dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya uu askari kale ugu geystay xaafadda Miijiska oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Labada askari ayaa lagu soo warramayaa in ay saaxibo ahaayeen, isla-markaana ay wada daganaayeen guri ku yaalla xaafaddaasi, balse uu muran soo kala dhex-galay, kaas oo sababay in mid ka mid ah askartaasi la dilo isaga oo jiifo, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Muranka ayaa waxa uu ka dhashay, kadib markii askariga dilka geystay oo ay la socotay gabar uu guriga tegay, isla-markaana uu saaxibkiis oo jiifay uu ka dalbaday inuu u baneeyo qolka, si uu ugu shukaansado gabadha, balse uu taasi ku gacan seeray askariga la dilay.

“Labadaan nin way murmeen waxayna ku murmeen qolka iiga soo bax gabar ayaan ku shukaansanaa iyo ma bixi karo saaxibow waan jiifanaa iyo haddii aad jiifaneysid naagtaana wataa meel aan geesto malaha adiga ayaan ku dilaa naagtana waan soo gashanaa,” ayuu yiri askariga la dilay walaalkiis oo la hadlay Telefishinka Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Jibriil Xasan Cali, wuxuun ka tirsanaa guutada 14-ka October, halka askariga dilka geystay uu isna ka tirsan yahay ciidamada Gorgor.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka iyo sidoo kale maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa filan waa ku noqotay dadka deegaanka ee ku nool xaafadda Miijiska ee degmyada Yaaqshiid, kuwaas oo haatan si aad ah u hadal hayo falkaasi dilka ah.

DF oo SHABAKAD hubeysan ku qabatay MUQDISHO iyo hay’ada sirdoonka NISA oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada howl-gallada gaarka ah NISA ay ka sameeyeen degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howl-galkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo qabtay shabakad isku xiran, isla-markaana Al-Shasbaab u qaabilsaneyd qeybta galbeed ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in shabakaddan ay ka kooban tahay rag iyo dumar, isla-markaana iyaga iyo hubkoodii gacanta lagu soo dhigay, gaar ahaan  qoryaha fud-fudud, rasaasta hoobiyaha, bambooyin iyo qorayga RBG-ga ama baasuukaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay mar weliba u taagan yihiin ka hortegga falalka liddiga ku ah amniga caasimada.

”Sirdoonka caasimadda ayaa mar walba heegan u ah ka hortagidda khataraha cadawga argagixisada ah ee caadaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa xusay inay sii wadi doonaan howl-gallad ka socda gobolka Banaadir, maadaama lagu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri, waxaana ugu dambeeyey askartii shalay lagu dilay degmada Wadajir.

Somaliland oo shaacisay magaalada labaad ee ay ka billaabeyso masaafurinta

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Taliyaha laanta socdaalka gobolka Sanaag, Siciid Cige Maxammed oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa shaaciyey inay bilaabayaan musaafurinta dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Amarka oo si toos ah uga soo baxay xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay Taliyaha in muddo 15 maalmood gudahood ah lagu fulin doono, ayaga oo bartilmaameedsan doona dadka deegaanadaas kasoo jeeda, oo ay ku jiraan ganacsato.

“Waala saarayaa cid been u sheegi kartaana ma jirto, waxay kaga baxayaan muddo 15 cisho ah, xeerkaasi waa xeerka socdaalka, wuxuu dhigayaa in ajaanibka aan u dhalan dalka iyo muwaadiniinta la kala saaro, waxaanu u aqoonsanahay niman Soomaaliyeed oo koonfurta Soomaaliya ka yimid anaguna waxaanu nahay Somaliland,” ayuu yiri Taliye Siciid Cige.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uu hore u sii diiwaan-geliyay magacyada shakhsiyaadka la musaafurinayo, ayaga oo loo qabtay in 21-ka bisha ka horeysay ay ka baxaan gobolka Sanaag iyo guud ahaan deegaanada Somaliland.

“Horay ayaanu u diwaan galinay dadkan, waa kuwaa sawiradoodi waad aragtaan, anaga waa naga diyaar, hadaanu socdaalka nahay, magacii qofkii iyo sawirkiisii, saacada loo qabtay ee 21 bisha waa in ay ku baxaan, amniga dalkana dowladu amar ayay bixisay.”

Dhanka kale, Maxamed Khaliif Nuur waa guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag ahna sii hayaha Gudoomiyaha gobolka oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dadka la musaafurinayo ay qeyb ka yihiin Itoobiyaanka ku sugan gobolkaas.

Waxa uu sheegay in gobolka uu siiyey muddo ku filan dadkaas la musaafurinayo si ay ugu diyaar garooban ayna kusoo aruursadaan deyntooda iyo wixii u kala daadsan.

“Waxaa aaminsanahay in muddadaas ay ku diyaar garoobi karaan ka xukuumad ahaan kuna gaari karaan deegaanadii ay hore ugu soo kicitameen, iyagu maaha dad deegaan ah oo waa dad baayac-mushtar ah oo alaab iibinaya ee maaha dad beero iyo guryo sameystay, waana amar kasoo baxay dowladda,” ayuu yiri.

“Gobolada bariga waxaa ka dhacay dilal badan markaa iyada oo la doonayo in arrimaha amniga wax laga qabto ayaa keentay in la kala saaro dadka muwaadiniinta ee reer Somaliland iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee deriska la ah Somaliland, dariiqa nabad-galyada loo marayo ayaa keentay in dadkaas la saaro.”

Amarka musaafurinta ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Laascaanood laga saaray dad la sheegay in ay ka soo jeedaan Koonfurt Soomaaliya, kuwaasi oo aan hore loo sii ogeysiin in la raafayo, taasi oo si weyn loo cambaareeyay.

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo isku soo dhowaanaya – Maxaa shalay dhacay?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii tegay Abu Dhabi, wuxuuna la kulmay dhaxal-sugaheeda, taasi oo ah astaantii ugu caddeyd ee muujineysa in xiriirka labada dal ee Khaliijka uu soo hagaagayo.

Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa werisay in dhaxal-suge Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu xarunta al-Bahr ee Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Warbixinta oo koobneyd ayaa lagu sheegay in labada mas’uul “ay ka wada-hadleen xiriirka xooggan labada dal, iyo hababka sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran.”

Xiriirka labada dal, ayaa hase yeeshee, ahaa mid aad uga fog xooganaan tan iyo bartamihii 2007, markii Imaaraadka Carabta ay qeyb ka noqotay afar dal oo Carbeed oo qaadacay Qatar, si ay isugu dayaan inay ku qasbaan inay joojiso taageerada ay siiso ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururada ku xiran, oo Abu Dhabi ay u aragto inay halis ku yihiin xukunkeeda.

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bahrain ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada qadacaadda oo looga dan lahaa in sidoo kale Qatar lagu cadaadiyo inay xiriirka u jarto Iran.

Ugu dambeyntii, kadib saddex sano iyo bar, Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u noqotay dadaal lagu soo afjaray khilaafka, waxyar kahor intii aan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha Mareykanka.

Xayiraadda la saaray Qatar, oo ay qeyb ka aheyd in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka, ayaa si kastaba ku guul-darreysatay in laga gaaro ujeedadii laga lahaa oo aheyd in Qatar lagu qasbo inay isbeddel sameyso.

Inkasta oo xiriirka diblomaasi ee Qatar iyo Sacuudi Carabiya uu horumar sameeyey, haddana xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa weli liita, marka la eego heerka ay la ekeyd kala qeybsanaanta.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan.

Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar.

AP + VOA

Muxuu Barkhad Jaamac Batuun ka yiri hadalkii Rooble?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa isna ka jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu baaqay reer Laascaanood inay ka dhiidhiyaan tallaabadii lagu soo masaafuriyey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo jeeday dhanka koonfurta.

Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, isla-markaana uu dhiigoodu kala qaalisan yahay dheeman.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya looga baahan-yahay inay wax ka qabato dhiiga shacabka magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Rooble wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan,” ayuu ku yiri Barkhad Batuun.

Waxa kale oo intaasi ku sii daray “Rooble Ummadda malaha waxa ay u heysatay in ra’iisul wasaare Soomaliyeed yahay horta waa ra’iisul wasaare reereed”

Dhinaca kale wuxuu Barkhad tilmaamay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka.

“Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah ee dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn” ayuu sii raaciyey.

Dhanka kale dad badan ayaa ka falceliyey jawaabta uu bixiyey xildhibaanka, waxaana qaarkood ay ku dhaliileen inuu wax ka sheego reer Muqdisho, maadaama si weyn looga taageeray guushiisii doorashooyunkii dhowaan  ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa.

Somaliland aoo horey jawaab rasmi ah uga bixisay hadalkii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamtay arrin nasiib darro ah, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri “Iyada oo ay ugu wacan tahay hadallo nasiib-darro ah oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka sheegay arrimo ku saabsan mas’uuliyadaha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay dareensan tahay inay ku khasban tahay inay sharaxaad bixiso,”.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ra’isul wasaare Rooble uu xog aan sal iyo raad toona laheyn ka bixiyey dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Somaliland ayaa bilowday in deegaanadeed ay kasoo masaafuriso dadka kasoo jeeda koonfurta, waxaana go’aankan uu sameeyey qoysas ku noolaa maamulkaasi.

AL-SHABAAB oo khasaare lagu gaarsiiyey DAGAAL ka dhacay magaalada JANAALE

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka u dhexeeyey labada dhinac uu qaatay dhowr saacadood, isla-markaana uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimash & dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen raggii soo qaaday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyey inay dagaalka ku dileen labo xubnood, isla-markaana ay ka qaateen hubkii ay wateen oo ahaa laba qoray oo AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Goobihii lagu dagaallamay waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada nawaaxiga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xiisad ka taagan gobolka Gedo kadib markii ay ciidanka Macallimuu xoog ku galeen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey waxaa ka taagan xaalad ka dhalatay, kadib markii ciidan uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ay xoog ku galeen Xarunta Degmada, taas oo aad mooddo inay ku kala qayb samayn Saraakiisha Ciidamada qaarkood.

Macalimuu oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Degmada ayaa sheegay inaanu Gobolka Gedo lahayn wax Gudoomiye ah, isagoona Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ugu baaqay inuu isaga usoo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, si shaqadii gobolka uu u dardargeliyo.

Axmed Buule Gareed, Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deegaan ka sameystay Degmada Doolow, qaybta Itoobiya, waana taa midda keentay in Gudoomiyihii hore uu sheego inaanu gobolku lahayn Gudoomiye.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay waxba ku kala duwanayn Gudoomiyihii hore iyo kan maanta xilka ku magacaaban.

“Qoom haddii Ilaahay masiibo la damco, masuuliyiin xun xun baa la daba dhigaa, waa niman ah xamaaliyiintii dowladaha deriska laga soo bilaabo 1997-2020. Niman Addis Ababa iyo Nairobi laga soo carbistay bay nimankaasi ahaayeen. Niman caan ku ah xumaanta baa gobolka looga dhigay Gudoomiye, dadkuna waxay is weydiinayaan Macalimuu iyo Canjeer Buulle Gareed kee baa fiican,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo Warbaahinta gudaha la hadlay.

Aadan Rufle oo dhaliilay Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa yiri “Saddex nin baa Calanka xorta ee buluugga ah inay qaataan idin u qabto oo guriga iyo gaarigaba ay ku xirato, waa Madaxweynaha, Danjire iyo Gudoomiye Gobol. Calankii Wakiilka Madaxweynaha ee Gobolka Gedo wuxuu u hoydaa Dolow Addow. Marka ma Gudoomiyihii Gobolkaa baxsaday oo dal kale isku dhiibay mise dalkayagii baa dal kale loogu daneeyaa? Dadka reer Gedo intaasaa weydiinayaa.”

Aadan Rufle oo sii dhaliilaya Gudoomiyaha Gobolka ayaa yiri “Saddex qodob buu ku sifoobay, lagu ababiyay, ku qaangaaray, shaqadiisana ay tahay, waana madiidin cadowga u adeeggo, musuq-maasuq iyo masuuliyad xumo. Militariga Itoobiya baa sanadkii 2000 ka dhigay Gudoomiyaha Degmada Luuq. 2000 illaa 2020 shan jeer buu noqday Gudoomiyaha Degmada Luuq, laba jeer buuna noqday Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo markii labaad ay dowladda hadda Macalimuu ku bedeshay. Intaaba ababintiisu waxay ahayd canshuurta Degmooyinka Gobolka Gedo laga qaado iyo mucaawinada caalamka uu keeno ama ay dowladda ku deeqdo inuu u geeyo Saraakiil Sirdoon dal kale ah, habeenkiina lagula hoydo dal kale.”

Korneyl Rufle oo ka jawaabayay hadal uu Macalimuu ka sheegay shirkiisii jaraa’id ayaa yiri “Macalimuu wuxuu sheegay xoogaa mashaariic ah inay ku murmayn Axmed Madoobe iyo dadka reer Gedo, ee wax xumaana iyo wax dhibaato ah oo Axmed Madoobe iyo dadkaa u dhaxeeyay aanay jirin. Markaan dadka reer Gedo ama aan heyb kaga hadlo Jubbooyinka waxaa weeye marsadii Kismaayo iyo Kudhaa, meeraqyada Waamo halka cadowga muushka u degay iyo marinka Nairobi, marwo iyo wixii mudaneyaal meyd is garab yaalay oo magaca reer Sade ah oo cadowgu maansheeyay, mag iyo aar midaan uga gam’o ima soo marin. Dadkaas dadkii laga laayay, hooyooyinkii oo ilmada shubaayo iyo hablihii oo aseey leh baa Garbaharey jooggo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa ayaan-darro ah inuu wiil xamaali u ah cadowgu uu ka dhex yiraahdo Garbahaarey ereygaas, wax la qaadan karo maaha, mana aqbali doono.”

Rufle ayaa dadka reer Garbahaarey iyo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inaanay la kala safan Macalimuu iyo Gudoomiye Gareed, haddii labaduba aanay ka shaqaynayn sida uu yiri danta dalka iyo dadka.

Su’aalo ka dhashay sida uu Abiy ula dhaqmay Farmaajo kadib caleemo-saarkiisa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Su’aalo ayaa ka dhashay qaabkii uu ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu u sharfay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb-galay caleemo-saarkii Abiy ee Isniintii ka dhacay Addis Ababa.

Farmaajo ayaa Abiy ugu yeera ereyo ay ka mid yihiin “my brother, my friend ama walaalkey iyo saaxiibkey,” wuxuuna ka dhigtay saaxiibkiisa koowaad tan iyo markii uu Abiy xukunka yimid bishii April ee 2018.

Hase yeeshee, marka la isku eego sida uu u sharfay iyo mudnaanta Abiy uu siiyey madaxweyanaashii kale ee ka qeyb-gashay caleemo-saarkiisa, iyo sida uu ula macaamilay Farmaajo, ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan haddii jaceylka labada nin uu yahay mid hal dhinac oo kaliya ka socda.

Abiy Ahmed ayaa markii uu Farmaajo tegay Addis-Ababa, wuxuu u diray inuu soo dhoweeyo wasiirka maaliyadda Ethiopia Ahmed Shide, oo Soomaali ah.

Waxaa suurta-gal ah in Abiy xilligii madaxda ay imaneysay uu aad ugu mashquulsanaa munaasabadda caleemo-saarka, ama uu waqti u wada waayey madaxweynayaasha inuu mid mid usoo dhoweeyo, taasi oo loogu qiil dayi karo. 

Hase yeeshee, arrinta yaabka leh ayaa dhacday markii la sagootinayey madaxweynayaasha. Abiy Ahmed ayaa garoonka diyaaradaha ka sagootiyey dhammaan madaxweynayaashii ka qeyb-galay caleemo-saarka marka laga reebo Farmaajo kaliya, oo loo diray inuu sagootiyo wasiirka hal-abuurka iyo taknoolajiyadda Dr Abraham Belay, oo maanta loo magacaabay wasiirka difaaca.

Madaxweynayaasha ka qeyb-gala munaasabadda ayaa kala ah: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Senegal Macky Sall, Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir, iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. 

Caasimada Online ayaa arrintan ka ogaatay qoraallada iyo sawirrada ay Facebook soo dhigay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia oo dhammaantood muujinaya in Abiy uu sagootiyey madaxweynayaashii kale marka laga reebo Farmaajo. 

Inkasta oo haddii Abiy uusan wada sagootin qaar ka mid ah madaxda kale, loogu qiil dayi lahaa inuu waqti u wada waayey, haddana xaqiiqda ah in Farmaajo uu yahay madaxweynaha kaliya ee uusan Abiy sagootin, waxay dhaliyeen su’aalo ku saabsan heerka qadarinta uu u hayo. 

Hoos ka eeg sawirrada sida loo sagootiyey Farmaajo iyo madaxda kale.

Wasiir ABGAAL oo soo rogay amar cidii fulin weysa lagu calaameynayo Al-Shabaab

0

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa amar culus dul-dhigay maamullada iskuullada ka howlgala deegaanada maamulkaas, iyadoo laga dalbaday inay canshuurta bixiyaan, waxaana maamulayaasha iskuullada loogu goodiyey in sharci adag la marsiin doono, hadii aysan bixin canshuurta dowladda.

Abgaal oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa macalimiinta iskuullada ka dalbaday inay canshuurta dowladda iska dhiibaan, isagoo hadii ay bixin waayaan ku sifeeyey inay Al-shabaab lamid yihiin.

“Waxaan leenahay maamulayaasha iskuullada qofkii canshuur-diide noqda, waxa uu noola mid yahay Al-Shabaab, ninka canshuurta sharciga ah diida iyo ninka Shabaabka ah ee dadka masaajidka ku dilaya waa isku mid, sababtoo ah askariga difaaca ku jira hadii canshuurta la diido mushaar ayuu weynayaa, sababteedana waxaa yeelanaya ninka canshuurta diiday, marka muxuu ninkaas Shabaab uga duwan yahay?” ayuu yiri Wasiir Shire.

Wasiirka ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonan maamulkiisa iskuulkii isagoo ku doodaya canshuurbaa nala weydiiyey ardaydiisa kala dira, “Waxaan heynaa magacyada maamulayaasha sidaas ku goodinaya, sharciga ayaana la tiigsa doonaa, hadii ay qaadaan tallaabadaas,” ayuu yiri.

Wasiir Xasan Shire ayaa carabka ku adkeeyey in qofkii canshuurta diida oo bixin waaya uusan dowladnimo rabin, taas oo sida uu sheegay lamid dhigeysa Al-Shabaab oo aan dowladnimo rabin.

“Ninkii canshuurta diida waa nin Al-Shabaab garab siinaya, anagu sidaas ayaan u aqoonsaneynaa,” ayuu hadlkiisa ku sii daray wasiirka maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal.

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ma waxay ku midoobayaan hal musharax?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii u horeysay ka hadlay inay dhici karto in Golaha Midowga Musharaxiinta ay ku midoobaan hal musharax, si ay ugu soo baxaan xilka madaxtinimada.

Musharax Daahir ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Golaha uu iska soo hormariyo musharax ay ku mideysan yihiin, islamarkaana waxa kali ah ee hadda isku hayo uu yahay in doorasho uu aado dalka.

“Waxaa ka mideysanahay doorasho hufan oo dhibaato ka dhicin, barnaamij doorasho oo nin midka kale la wadaagay majiro, kursiga madaxtinimada in loo tartamo ayaa ku midownay mooye majiro nin aan wadano oo soo hormarineyno,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

“Marka waqtiga soo dhawaada laga yaaba in dadka qaar (musharaxiinta) ay is kaashadaan laakiin barnaamijdeena doorashada waa kala gedisan yahay oo tartan ayaa dhexdeena ka jira.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha ay ku midoobeen Musharaxiinta Mucaaridka uu ujeedkooda ugu weyn yahay in dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo cadaalad ah, loona dhan yahay.

“Midkasta oo anaga naga mid ah waxa uu rabaa in uu barnaamijkiisa idiin sharaxo oo idinka (dadka Soomaaliyeed) ay go’aan ka gaaran qofka hogaamin doona dowladnimada.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa inta badan ka mideysan mucaaradnimada dowladda iyo mowqfiyada xaaladaha siyaasadeed, hase yeeshe arrintaan ayaa sii xoojineysa in dhexdooda uu ka jiro xifaaltan siyaasadeed oo adag.