26.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ma waxay ku midoobayaan hal musharax?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii u horeysay ka hadlay inay dhici karto in Golaha Midowga Musharaxiinta ay ku midoobaan hal musharax, si ay ugu soo baxaan xilka madaxtinimada.

Musharax Daahir ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Golaha uu iska soo hormariyo musharax ay ku mideysan yihiin, islamarkaana waxa kali ah ee hadda isku hayo uu yahay in doorasho uu aado dalka.

“Waxaa ka mideysanahay doorasho hufan oo dhibaato ka dhicin, barnaamij doorasho oo nin midka kale la wadaagay majiro, kursiga madaxtinimada in loo tartamo ayaa ku midownay mooye majiro nin aan wadano oo soo hormarineyno,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

“Marka waqtiga soo dhawaada laga yaaba in dadka qaar (musharaxiinta) ay is kaashadaan laakiin barnaamijdeena doorashada waa kala gedisan yahay oo tartan ayaa dhexdeena ka jira.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha ay ku midoobeen Musharaxiinta Mucaaridka uu ujeedkooda ugu weyn yahay in dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo cadaalad ah, loona dhan yahay.

“Midkasta oo anaga naga mid ah waxa uu rabaa in uu barnaamijkiisa idiin sharaxo oo idinka (dadka Soomaaliyeed) ay go’aan ka gaaran qofka hogaamin doona dowladnimada.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa inta badan ka mideysan mucaaradnimada dowladda iyo mowqfiyada xaaladaha siyaasadeed, hase yeeshe arrintaan ayaa sii xoojineysa in dhexdooda uu ka jiro xifaaltan siyaasadeed oo adag.

Al-Shabab oo mar kale meel fagaare ah ku toogatay dad shacab ah + Magacyada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markale shalay gelinkii dambe goob fagaare  ah oo ku taalla deegaanka Kamsuuma oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ku toogtay laba nin oo ay u soo jeediyeen eedeymo kala duwan.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Ooyow Mayaane oo 20 jir ahaa iyo Cabdullaahi Maxamad Faarax oo isna ahaa 24 sano jir.

Ooyow ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu faraxumeeyey wiil 5 sano jir ahaa, halka Cabdullaahi Maxamed ay Al-Shabaan ku eedeysay inuu ka tirsanaa ciidamada Jubbaland.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Jubbaland oo ku aadan toogashada askarigaas oo ay Al-Shabaab sheegtay inuu ka tirsanaa maamulkaasi.

Maalin ka hor ayey markii ay kooxda Al-Shabaab labo ruux ay ku toogatay degmada Jamaame ee isla gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay ku eedeeyeen inuu mid ka mida ahaa Sixiroole, kan kale uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Jubbaland.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidee dadka Kenya uga fal-celiyeen fadeexadda kusoo baxday qoyska Kenyatta?

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee daba-galka oo magaciisa loo soo gaabiyo ICIJ, fadhigiisuna yahay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, ayaa Axadii todobaadkaan shaaciyey dokumentiyo maaliyadeed oo muujinaya sida ay madaxda caalamka hantida ugu qarsadeen dibadaha.

Dukumentiyada uu ururku soo bandhigay, oo laga helay magacyada dad u kala dhashay 91-dal, ayaa waxay kashifayaan musuqa illaa 35 hoggaamiye oo isugu jira kuwo hadda xilal haya iyo kuwo horey xilal u soo qabtay.

Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, isla markaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axadii, waxaana warqadahaas oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah.

Hoggaamiyaasha liiskaan kasoo muuqday waxaa ku jira madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Uhuru oo 59-sano jir ah, waxuu muddooyinkii la soo dhaafay isu muujiyey inuu xooga saarayey la dagaallanka musuq maasuqa.

Si kastaba ha ahaatee, warqadahaas loogu magac daray “Pandora Papers”  waxay muujiyeen in xubnaha qoyska Uhuru ay sannado badan qarinayaan hantidooda gaarka ah oo lagu qiyaasay 30 milyan oo dollar.

Dadka Kenyaanka ah ee taageerada u ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga carooday khiyaanada lagu helay qoyska Madaxweynaha, waxayna ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin in madaxweyne la’aaminay uu sidaas u dhaqmo.

“Waxaan u maleynay in marka aan u codeyno Uhuru Kenyatta uu dalka u horseedi doono isbadal, hase yeeshee wuuna khiyaameeyey, sababtoo ah waxay naga dhacayaan lacago badan, iyagoo u qaadaya dalal shisheeye, ma naqaan waxaan sameyno,”  ayuu yiri Daniel Mwangi, oo ah 51-sano jir deggan magaalada Nairobi.

“Waxaan ka xaynnaa dhallinyaradeenna iskuulka. Waxaan aadnaa iskuulka, waan helnaa waraaqaha, laakiin markaan imaanno waddooyinka oo aan dooneyno inaan raadino fursado shaqo, waxaan ogaannaa in hantidii dalka oo dhan lagu maalgashaday wadamo shisheeye, runtii waxaan jeclaan lahaa in lacagaha lagu maalgashado gudaha dalka, si dadka u helaan fursado shaqo,” ayuu isna yiri Robert Ongera, oo ah 30-sano jir ku nool caasimadda Kenya.

“Marka madaxweyne dal uu lacag ku qariyo waddan kale oo shisheeye, taasi waa khiyaano qaran, wuxuu khiyaameeyay kalsoonidii 50 milyan oo Kenyaan ah, waxaana ka rajaynaynaa inuu is-casilo, sababtoo ah wuxuu ceeb ku yahay qarankeena,” ayuu yiri Boniface Mwangi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo siyaasadda Kenya.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Maadaama uu ka soo jeeday qoyska ugu qanisan dalkeenna, Kenyaanku waxay u maleeyeen in uusan xadin ama uusan ku lugyeelan heshiisyo hoose. Uhuru wuxuu lamid yahay kuwa ka ganacsada maandooriyaha, kuwa lacagta xada, kuwa canshuurta ka baaxsada, khiyaamada canshuurta iyo dhammaan noocyada dambiilayaasha.”

Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, hadana warbixintaan shaaca laga qaaday waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa.

Cali GUUDLAAWE oo war cusub kasoo saaray dadka mucaaradsan xukunkiisa

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey sanad guurada 5-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Maamulka HirShabeelle oo lagu qabtay Jowhar ayaa balan-qaaday in cid kasta wixii ay ka tabaneyso uu ka xalin doono maamulkiisu.

Cali Guudlaawe ayaa ku cel-celiyey in dadka reer HirShabeelle uu si cadaalad ah u hoggaamin doono, isagoo cadaaladda maamulkiisa tusaale ugu soo qaatay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee Jowhar ka dhacday, taas oo wax badan ka duwaneed doorashooyinkii Aqalka Sare ee maamullada kale ay qabteen.

“Mudada aan masuuliyadaan hayo waxaa iga go’an in umadaan aan u cadaalad falno, si Alle raali ka yahay oo umaddu ku wada qanacdo ayaan u hoggaami doonaa, waxaana taas cadeynaya xubnihii golaha Aqalka Sare ee halkaan lagu doortay,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in doorashada xildhibaanada golaha shacabka ay si cadaalad ah uga dhici doonto deegaanada HirShabeelle.

“Hadii Alle idmo golaha shacabka mas’uuliyiinta ku hamineysa, kuwa hadda kuraasta ku fadhiya ama kuwa kale ee ku haminaaya inay u tartamaan, waxaan balan-qaadeynaa in si cadaalad ah oo sinaan ah, aad u tartami doontaan,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Sidoo kale Cali Guudlaawe ayaa balan-qaaday in maamulkiisa uu xalinaayo tabasho kasta oo laga qabo, isagoo dalbaday in la joojiyo shuruudaha aan macquulka ahayn.

“Hadaan nahay masuuliyiinta HirShabeelle diyaar waxaan u nahay cid kasta oo tabasho qabta inaan ka xalino oo u sameyno wax kasta oo ay dalbaneyso intii macquul ah, laakiin arrintu yeysan naga noqon tabashaan qabaa, ii imaa meysid, kuuna imaan maayo, taasi xal noqameyso ee xalku waxa uu ku jiraa in la isku yimaadee, aan isku imaano, oo wada hadalno, wax kasta oo ay ku daawoobeysana waan ku daaweyneynaa cidii tabasho qabta, Insha Allah,” ayuu khudbadiisa ku yiri Cali Guudlaawe.

Wararkii ugu dambeeyey dhul gariir ku dhuftay Pakistan

Quetta (Caasimada Online) – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay ilaa 300 oo kalena waa ku dhaawacmeen saacadihii hore ee Khamiistii, kadib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 5.7 uu ku dhufta koofurta Pakistan, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka geeriyooday ay hurdeen, sida uu sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka dhintay badankoodu ay ahaayeen haween iyo carruur.

In ka badan 100 cariish ayaa dumay, iyada oo dhismayaal badana ay soo gaartay waxyeello, waxaana muuqallada laga siidaayay telefishanka ay muujinayeen dhaawa soo gaaray guryaha magaalada Hamia oo uu dhulgariirku ku dhiftay.

Sohail Ansar oo ah guddoomiye ku xigeenka magaalad kale ee Hamai ayaa wakaaladda wararak ee Reuters u sheegay in boqolaal qof uu guryo la’aan dhigay dhulgariirkan.

Diyaarad ciidmada cirka ee Pakistan ah ayaa ugu yaraan sagaal ka mid ah dhaawacyada halista ah u qaaday magaalada Quetta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press Pakistan.

Pakistan oo dhowrjeer oo hore ay ka dhaceen musiibooyinka noocan ah ayaa dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.7 oo ku dhiftay magaalada Quetta sanadkii 1935kii waxaan ku dhintay 30,000 ilaa 60,000 oo qof, kaas oo burburiyay magaalada inteeda badan.

Sanadkii 2006, ilaa 73,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.6 kaas oo ku dhacay qiyaastii 95-kilo miter meel waqooyi-bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

VOA

CIA-da oo lumisay basaasiin badan oo ay dunida ku laheyd – Sidee ayey wax u dhaceen?

Langley (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa weysay basaasiin badan oo ku kala sugnaa caalamka, sanadihii dhowaa, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin la daabacay Taladaadii.

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa farriin sir culus ah u dirtay xarumaha ay ku leedahay caalamka iyo saldhigyo, taasi oo ay ku sheegtay in jaajuusiin badan oo laga qoray dalal kale, si ay ugu basaasaan Mareykanka, la qabtay, la dilay ama xogtooda la ogaaday, sida uu daabacay wargeyska New York Times, oo soo xiganay dad xogogaal u ah arirntan.

“Farriintan ayaa iftiimeysa dhibaatada ay hay’adda sirdoonka ka mareyso qorista basaasiin dunida ku kala sugan ayna wajaheyso xaalad adag,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times. 

Farriinta CIA ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha sirdoonka dalal ay ku jiraan China, Iran, Pakistan iyo Russia ay ugaarsi ku hayaan basaasiinta Mareykanka, oo ay xitaa qaarkood u rogayaan laba wajiileyaal. 

Xaqiiqda ah ay in tiro basaasiin ah ay si fudud ku ogaadeen dalalka caalamka ayaa xasarad ka dhex abuurtay CIA-da. Hay’adda ayaa sheegtay in ayada oo taknoolajiyadda caalamka ay horumar sameyneyso ay fudeyd noqotay in la aqoonsado basaasiinteeda. 

Dhinaca kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dib uga dhacay ururinta sirdoonka dalalka cadowg loo arko, sababo la xiriira in labaatankii sano ee tegay uu diiradda saarayey la-dagaalanka argagixisada. 

Farriinta ayaa sidoo kale xustay dhibaaootin kale oo ay CIA-da wajaheyso oo ay ka mid yihiin shaqo xumo, inay si fudud isaga aaminto xog-ogaalkeeda, inay fududeysato awoodda sirdoonka dalalka kale, iyo inay si fudud u qorato sirdoonka ayada oo aan dareen ku bixin halista ka hor-tagga sirdoon. 

New York Times ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiisha ka shaqeeya kiisaska ee CIA-da mararka qaar lagu dallacsiiyo qorista basaasiin cusub, ayada oo aan dib loo eegin guusha ay soo hayaan sirdoonka ay qoreen, taasi oo dhalisay in la qoro dad aan tayo wanaagsaneyn. 

Taliska booliska Somalia oo war kasoo saaray afduubkii lagu eedeeyey Taliye Xijaar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalin ka hor Xildhibaan Cali Cabdullahi (Cali Afgooye) uu u jeediyey Taliyaha booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, taas oo aheyd in uu degmada Afgooye kasoo afduubtay laba kamid ah nabadoonada beeshiisa.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xarunta barista dembiyada booliska ee CID-da ayaa sheegay in Xildhibaan Cali Afgooye uu u gefay booliska Soomaaliya.

“Xildhibaanka sida uu qirayba waxaan tusnay labada mawaadin oo lagu hayo CID-da, balse waxaan ka xunahay markii uu ku hubsaday gacanta booliska iyo laanta barista inuu sheegay inay labada muwaadin booliska u afduuban yihiin, dad ma afduubano, mana xukuno ee waa baarnaa qofkii la tuhmo,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay inay aad u ixtiraamaan xildhibaanada, haatana uu cadeynayo in baaris ay ku socoto dadka uu u doodayo Xildhibaan Cali Afgooye, gal-dacawadeed-koodana ay diyaariyeen, si loogu gudbiyo maxkamadda.

“Muwaadiniintaas eedeysanayaasha ah waxaan diyaarinay galkooda, waxaana u gudbineynaa maxkamadda awooda u leh, boolisku wax ma xukumo, siimana daayo amar la’aan, kaliya waxaan baarnaa qofka la tuhmo, waxaan ka xunahay xildhibaankeena anigoo ixtiraamnay oo soo dhaweynay inuu noo gefay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka oo ka jawaabayey eedeyntii uu xildhibaanku u jeediyey Taliye Xijaar oo aheyd in dadkaas uu Xijaar u afduubtay arrimo siyaasadeed, ayaa sheegay in Taliyuhu uusan wax badan kala socon arrinta odayaashaas oo CID ay leedahay taliye gaar ah, balse Taliye Xijaar uu kaliya ogyahay in qofkii lasoo qabto, baaritaana la marsiiyo, hadii dembi lagu helana maxkamadda loo gudbiyo.

“Waxaan u sheegeynaa xildhibaanada qaranka, qofkii ay soo eedeeyaan bulshada Soomaaliyeed ama fal dambiyeed lagu qabto, waxuu booliska Soomaaliyeed xaq u leeyahay inuu ajiibo oo u yeero, si eeda loo heysto uu uga gar-baxo, hadii lagu waayo waxa lagu soo eedeeyey boolisku waa sii daayaa, hadii lagu helana waxa uu hor geeyaa maxkamadda, maxkamaduna waxay eedeysanaha kula wareegtaa cadeyn markii boolisku keeno, intaas kadibna ayada xukunta ama sii deysa,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Xildhibaan Cali Afgooye ayaa maalin ka hor warbaahinta ka sheegay in arrinta loo xiray Odayaasha ay tahay mid siyaasadeed, si sharci darro ahna ugu afduuban yihiin Taliye Xijaar iyo Taliye lagu magacaabo Bulac oo maamula CID-da.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in uu soo faro-geliyo arrinta Odayaasha uu sheegay inay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xijaar mudo todobaad ah.

Xog: Sababta Qoor Qoor u diiday inuu la xoojoodo Ahlu-Sunna iyo arrin uu dalbaday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku gacan seeray inuu wax wada-hadal ah la galo kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo dhowaan dib u qabsatay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo tabinayaa deegaanka, waxayna siyaasiyiinta kasoo jeedo Galmudug aragtiyo kala duwan ka bixiyeen sida loo wajahayo kooxdaan soo rogaal celisay ee Ahlu-Sunna.

Inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda 11-ka beel ee ku midoobay Galmudug ayaa si buuxda garab istaag ugu muujiyey maamulka Galmudug, iyagoo Ahlu Sunna ku tilmaamay koox jabhad ah oo qabsatay dhul nabad ah oo uu maamul ka jiro, waxayna ku baaqeyn in maamulka Galmudug lagu garab siiyo inuu xaqiijiyo amniga deegaanka iyo inuu gacantiisa kusoo celiyo deegaankii laga qabsaday dhawaan.

Dhinaca kale, waxaa jiro dhowr siyaasi oo kasoo jeedo Galmudug oo ku baaqay in xiisadda taagan lagu xaliyo wada-hadal, balse Galmudug ayaa u aragtay siyaasiyiintaas inay yihiin kuwii ka shaqeeyey in Ahlu-Sunna ay dib usoo rogaal celiso.

Ugaaska Beesha Cayr oo markii hore ku baaqay inuu kala dhex galo maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa dib uga laabtay mowqifkiisa taasoo loo arkay in Galmudug ay qaadatay go’aan ah inaysan wada-hadal la gelin kooxda Ahlu Sunna .

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, maamulka Galmudug ayaa ka biyo diiday inuu wax wada-hadal ah la galo koox kusoo duushay deegaan nabad ah oo uu maamulkaas ka talinayey.

Sida wararka sheegayaan, Qoor Qoor ayaa aaminsan in kooxdaan ay tahay jabhad kusoo duushay deegaan nabad ah, sidaas darteedna uusan marnaba wax wada-hadal ah la geli doonin illaa ay ka baxaan deegaanada ay qabsadeyn.

Ahlu Sunna ayaa diiday inay isaga baxdo magaalada Guriceel oo ay dhawaan la wareegtay, waxaana fashilmay isku day la doonayey in magaalada looga saaro.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa magaalada Guriceel ku diyaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna.

Daawo: Beesha Murusade oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara go’aanka PUNTALND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada dhalinyaro ay maxkamadda Puntland ku xukuntay dil toogasho kadib markii lagu soo eedeeyey Al-Shabaabnimo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inuu soo farageliyo arrintaan.

Ehelladan oo kasoo jeedo Beesha Murusade ayaa sheegay in wiilashooda aysan ka tirsaneyn Al-Shabaab, islamarkaana lagu qasbay inay sheegtaan wax aysan aheyn.

“Wiilasheena meel ay joogaan ma naqaan, xukun been ah ayaa lagu xukumay, Puntland way diiday in loo soo wareejiyo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa Ra’iisul Wasaare Rooble inuu arrintaan soo farageliyo,” ayey tiri hooyo kamid ah dadkii isku soo baxay oo la hadashay idaacadda Kulmiye.

Dadka isku soo baxay ayaa Maamulka Puntland uga digay inay dalka u celiyeen qabiilkii laga soo gudbay, waxayna ku eedeeyeen Puntland inay dadkaan u beegsaneyso qabiil ahaan.

“Waxaan codsaneynaa in dadkaan dambiyada ay galeen lagu soo caddeeyo, haddii aan la caddeyn dilkooda iyo xukunkooda waa sharci darro, taasina waxay keeneysaa jahligii qabiilka ahaa ee laga soo gudbay in mar kale loo laabto, dadka dad ayey leeyihiin anaga dambiilayaal ma taageersanin, haddii aan lasoo deyn dadkaasna waxaa dhici doono aar gudasho,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii isku soo baxay.

Qoysaskaan ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Muqdisho kadib markii Maxkamadda Racfaanka Puntland ay ayidday xukun dil ah oo lagu riday dhallinyaradaan lagu soo eedeeyey inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin, kadib markii ay racfaan kasoo qaateen maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil toogasho horey ugu xukuntay.

Maamulka Puntland oo horey uga hadlay cabashada qoysaskaan ayaa sheegay in aysan jirin cid qabiil ahaan loo beegsanayo balse dhallinyaradaan ay yihiin kuwa ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay iyaga xataa qirteen.

R/W Abiy oo gole wasiiro ku dhowaaqay, qaadayna laba tallaabo oo lama filaan ah

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta codka kalsoonida siiyay xukuumadda Cusub, ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ka kooban 22 wasiir.

Abiy Axmed ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo wasiirka gaashaandhigga u magacaabay nin kasoo jeeda gobolka Tigray, oo dagaal xooggan uu kala dhaxeeyo Abiy Ahmed. Arrinta yaab leh ayaan aheyn inuu Abiy magacaabay wasiir Tigray ah, hase yeeshee inuu ku aaminay xilka wasiirka gaashaandhigga oo muhiim u ah dagaalka ayaa su’aalo badan abuurtay.

Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray -ga oo ay dawladdu samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonku dib u qabsan gobolka ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Saddex xubnood oo ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa kusoo baxay liiska golaha wasiirada cusub Abiy, taasi oo iyana lama filaan kale noqotay.

Saddexda xubnood ee mucaaradka ayaa kala ah: Professor Birhanu Nega oo ka tirsan xisbiga EZEMA, oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, Belete Mola oo ka tirsan xisbiga NAMA oo loo magacaabay wasiirka hal-abuurka iyo taknoolajiyadda, iyo Merdasa Tulu oo ka tirsan xisbiga OLF oo loo magacaabay wasiirka cayaaraha iyo dhaqanka.

Sidoo kale, Ahmed Shide oo ah Soomaali, islamarkaana aad ugu dhow Abiy Ahmed ayaa dib loogu magacaabay wasiirka maaliyadda.

Halkaan hoose ka akhriso liiska golaha wasiirada oo dhameystiran

1. Demeke Mekonnen Hassen – Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda
2. Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca
3. Ahmed Shide – Wasiirka Maaliyadda
4. Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka
5. Oumer Hussen Oba – Wasiirka Beeraha
6. Engineer Aisha Mohammed – Wasiirka Waraabka iyo Horumarinta dhulka
7. Engineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
8. Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada
9. Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka
10. Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka
11. Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha
12. Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda
13. Gedewon Timotewos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda
14. Dr. Lia Tadesse – Wasiirka caafimaadka
15. Belete Mola – Wasiirka Hal-abuurka iyo Taknoolajiyadda
16. Ambassador Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska
17. Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga
18. Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Kaabayaasha iyo magaalooyinka
19. Engineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
20. Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Cayaaraha
21. Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada
22. Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta

Daawo: Arrin been ah oo laga sheegay dagaalkii la sheegay inuu ka dhashay muufada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mulkiilaha Maqaayada Dabayare oo habeen hore uu ka dhacay dagaal noociisu ku cusub yahay magaalada Muqdisho kuna dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa beeniyay in dagaalka uu ka bilowday Muufo.

Maxamed Yuusuf Dabayare ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday kadib markii dhalinyaro cuntooyin kala duwan ka cuneen maqaayada ay diideen inay bixiyaan lacagta cashada, kuwaasi oo markii dambe wacday ciidamo millateri ah.

Ciidamada millateriga iyo kuwa amaanka oo uu la hadlay maamulka maqaayada ayaa iska hor-imaad ku dhex-maray gudaha maqaayada, taasi oo ay ku dhaawacmeen saddex qof, halka uu ku geeriyooday hal qof oo kale.

“Dadka isla dhex-maraya in Muufo la isku dilay, Muufo keli ah la iskuma dilin ee dadka waxay ahaayeen toddoba qof waxay cuneen raashin kala duwan kitchen, bariis, baasto iyo muufo intaba waa la cunay” ayuu yiri mulkiilaha maqaayada Dabayare.

“Anaga dad ganacsato ah ayaa nahay waxaa noo ciidan ah ciidamada amniga, wuxuu dagaalka ku bilowday ciidamo la wacday ee Muufo la iskuma dilin. Khasaaro xoog leh ayaa naga soo gaaray oo dadkii casheynayay ayaa naga kala cararay.”

Ma aha markii u horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu iska hor-imaad dhexmaro, hase yeeshe waxaa la yaab ku noqotay bulshada in ciidamo isku rasaaseyan dhalinyaro bixin waayey lacagtii cashada.

Hoos ka daawo muuqaalka

GABAR iska soo tuurtay DABAQ ku yaalla magaalada Muqdisho iyo sababta oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Waaberi kadib markii gabar ay iska soo tuurtay dabaq.

Gabadhaan oo aan weli la helin magaceeda ayaa da’deeda lagu sheegay illaa 20 jir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sababta ay gabadhaan isku soo tuurtay.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in gabadhaan ay aheyd shaqaale ka shaqeeneysay guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi.

Gabadha oo uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa waxaa hadda lagu daweenayaa mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu sheegay mid halis ah.

Sababta ay isku soo tuurtay ayey dadka deegaanka ku sheegeen inay tahay arrimo la xiriiro jaceyl ay u qabtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, balse warkaas lama xaqiijin karo illaa gabadha laga wareysto.

Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya inay gabadhaan isku soo tuurtay culeys ka heystay dhanka qoyskeeda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana bilooyinka ka ah dabaq laga soo tuuray gabar isla degmada Waaberi.

Maxaa ka jira in militariga ISRAEL ay tageen Azerbaijan oo ay is-hayaan dalka IRAN?

Baku (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa beenisay eedeymo kaga yimid Iran, oo ah in militari Israeli ah ay joogaan dalkaas, kadib markii Tehran ay dhoola-tus militari ka sameysay xuduudda labada dal, taasi oo sare usii qaaday xiisadda ka dhex-oogan deriskan.

Iran ayaa eedeymaha ku saabsan cadowgeeda Israel sameysay Khamiistii, waxaana maalin kadib ay taleefishinada dowladda muujiyeen taankiyo iyo diyaarado dagaal oo duqeynaya bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaas, meel ku dhow xuduudda.

Israel ayaa ah dal hub badan siiya Azerbaijan, oo sanadkii tegay dagaal kaga adkaatay deriskeeda Armenia, oo ay isku qabteen gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan Leyla Abdullayeva ayaa sheegtay in sheegashooyinka Iran aysan sal alehyn.

“Waan diideynaa tuhunada ah in dhinacyo saddexaad ay joogaan xuduudda Azerbaijan iyo Iran, eedeymaha noocan ah, gebi ahaan waa kuwa aan sal laheyn,” ayey tiri Leyla.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa toddobaadkii tegay u sheegay safiirka Azerbaijan in dalkiisa uusan u dul qaadan doonin joogitaanka iyo dhaq-dhaqaaqyada Israel ee “meel ku dhegan xuduuddeena,” wuxuuna wacad ku maray inay qaadi doonaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Hase yeeshee madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa cambaareeyey dhoola-tuska dagaal ee Iran isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, wuxuuna is-weydiiyey “maxay tahay sababta iminka, maxay tahay sababta xuduudeena?”

Azerbaijan iyo Iran ayaa muddo waxaa ka dhaxeeyay xiisad ka dhalatay taageerada Tehran ee Armenia ee dagaalka sanadaha badan jiray ee Karabakh.

Tehran ayaa sidoo kale muddo ka welwelsaneyd isku day gooni u goosed oo ay sameeyaan qowmiyadda Azerbaijan oo ah 10 milyan oo ka mid ah 83-ka milyan ee shacabka Iran.

AFP + VOA

Midowga Musharaxiinta oo dalab xasaasi ah u diray xukuumadda Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay tallaabaddii ay Somaliland kusoo masaafuriyey dadka ka soo jeeda koonfurta ee ku dhaqnaa deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan, ayna ka xun yihiin in si qasab ah loo soo barakaciyo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan waxaana ay tilmaameen in falkaas uu meel ka dhac ku yahay islaanimada iyo Soomaalinimada

“Wuxuu kasoo horjeeda goluhu in fal dambiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaameedsado Bulsho idil, dambi wadareedna loogu ciqaabo heyb iyo degaan ay kasoo jeedaan darteed, isla markaana ay u arkaan in falkaasi uu meel ku dhac ku yahay ,islaanimada, Soomaalinimada, Dimoqraadiyada, xaquuqul Insaanka iyo Sharciyada Caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday golaha midowga musharixiinta.

Sidoo kale golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday Somaliland inay joojiso tallaabooyinka ka dhanka ah shacabka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda koonfurta.

“Goluhu isaga oo ka damqanaya ku xadgudubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyay ayuu ugu baaqayaa madaxda Somaliland inay falkaasi ka fiirsadaan ,degdegna u joojiyaan ayaa lagu yiri’ Qoraalka Midowga Musharixiinta.

Ugu dambeyn musharixiinta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ay isku xilqaamay u gar-gaarida dadkaasi dhibaateysan.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay Somaliland Laascaanood kasoo saartay boqolaal dad ah oo ka soo jeeda dhinaca koonfurta, sababo la xiriira ammaanka magaaladaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

KOOX hubeysan oo saddex qof ku dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay kooxo hubeysan saaka ka geysteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Xaawo Taako, waxaana loo geystay saddex qof, xilli ay ku shaaxayeen maqaaxi ku taalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in laba ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen askar, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cali Muuse  Bulaal (Cali Dahab) iyo  Xasan Dacaar, haka qofka saddexaad uu ahaa shacab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey toogashada ay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, waxaana baaritaano kooban ay ka sameeyeen agagaarka Suuqa Weyn ee degmada Wadajir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaar ay sheegatay Al-Shabaab.

Ciidamada DF oo weerar ku qaaday duleedka Muqdisho iyo Saney Cabdulle oo loo xil…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus oo lagu qaadaayey isbaarooyinka waxay ka bilaabeen deegaanada dhaca inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana hadda kadib la joogteyn doonaa howlgalkaas, iyadoo loo xil-saaray ciidanka Korneyl Saney Cabdulle.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga go’ay isticmaalka wadada xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Xarardheere ee marta dhulka xeebta ah, taas oo isbaarooyin xad-dhaaf ah ay soo dhigteen maaleeshiyaad hubeysan.

Inta badan wadadaas waxaa isticmaala gaadiidka maxuulka qaada ee TM-ka loo yaqaano, waxaana maaleeshiyaadkaas laga sii daayey ku dhawaad 30 gaari oo rakaab ah, kuwaas oo madax furasho ay u heysteen.

Abaanduulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Saalax Yacquub ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay in qaar ka mid ah raggii ay isbaarooyinkaas u yaaleen ay gacanta ku dhigeen, qaarna ay weli ku daba jiraan.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay inay cagta mariyeen dhamaan wixii isbaaro yiilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Cadale, sido kalena ay gudbiyeen gaadiid badan oo waayahaan ku xayirnaa Muqdisho.

Jeneraal Saalax Yacquub ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka guutada 4-aad ee 27-aad oo Saney Cabdulle uu hoggaamiyo hadda kadib loo xil saaray ilaalinta marinkaas muhiimka u ah gadiidka xamuulka ah ee isaga gudba koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaa loo xilsaaray oo aagaas masuul ka ah taliyaha guutada afaraad, Korneyl Saney Cabdulle, wixii isbaaro ah oo hadda kadib lagu arko wadadaas isagaa masuul ka ah, isagaan kula xisaabtameynaa, waxaa laga rabaa in jid-gooyo dambe aan la dhigan wadadaas,” ayuu yiri Jeneraal Saalax Yacquub Abaanduulaha qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya.

Maalin ka hor ayey gaadiidleyda isticmaasha wadadaas waxay Muqdisho ka dhigeen banaan-baxyo xoog leh oo dowladda federaalka iyo HirShabeelle ay uga dalbadeen in wadadaas laga nadiifiyo isbaarooyinka.

Sidoo kale gaadiidleyda ayaa horay joojiyey safaradoodii, kadib markii ay ka quusteen marinka wadadaas, balse hadda waxay u muuqataa in laga jawaabay cabashadoodii, waxaana gaadiidkii ku xayirnaa Muqdisho ay horay u raaceen ciidamada ku jiray howlgalka.

Hoos ka daawo howlgalkii burburinta isbaarooyinka

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii Jowhar + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xalay saq-dhexe ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, xilli ay kasoo laabteen munaasabad lagu xusayey aas-aaska maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya inay dhaawacmeen xildhibaanada kala ah Maxmed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.

Xildhibaan Cumar Soomane oo ka tirsan golaha wakiilada HirShabelle ayaa war kasoo saaray qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg-deg ah u rajeeyey saaxibadiisa.

“Alle ayaan idiinka rajeynayaa in uu idiinka booga dhayo dhaawicii idiinka ka soo gaaray qaraxii bam baanada ahaa waxaan rajeynayaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan uga kici doontaan inshaa Allaah  Mudane Mohamed Abdi Ali,iyo Mudane Abdirahman Abdi Iidow” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri Xildhibaan Cumar Soomane.

Dhanka kale laamaha ammaanka ayaa saaka sameeyey howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

Bishii hore ee September ayey aheyd markii qarax bambaano lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana dhaawacmay illaa saddex xildhibaan.

Jowhar oo ay ka socdaan doorashooyin ayaa waxaa hadana sii kordhaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya gudaha magaaladaasi oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShabelle.

Al-Shabaab oo laba qof ku toogatay fagaare ku yaalla Jamaame + Magacyada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fagaare ku yaalla degmada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ku toogtay laba nin oo ay u soo jeediyeen eedeymo kala duwan.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Xasan Cumar oo ahaa 59 jir iyo Maxamad Mowliid Aadan oo isna ahaa 48 sano jir.

Al-Shabaab ayaa Cabdullaahi Xasan Cumar ku eedeysay in uu ‘sixiroole’ ahaa, isla-markaana ku dhibaateyn jiray bulshada deegaanka, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Maxamad Mowliid Aadan ayaa isnka kooxda waxa ay ku eedeysay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Jubbaland, laguna qabtay duleedka magaalada Kismaayo.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Jubbaland oo ku aadan toogashada askarigaas oo ay Al-Shabaab sheegtay inuu ka tirsanaa maamulkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Lafta-gareen oo qaaday tallaabo la xiriirta dadka ay soo masaafurisay Somaliland

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii u horeysay ka hadlay raafka dadka reer Koonfur Galbeed ee ka billowday Somaliland, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ugu horeyntii tallaabadaas ku tilmaamay mid ka baxsan dhaqanka Islaamka iyo midka bini-aadantinimada oo aan ku jirin, islamarkaana aad u fool xun.

“Dadkaas sida naloo xaqiijiyey 90% waa dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed, una tagay meesha si bini-aadantimo leh uga shaqeystaan, nolol ka suubiyaan, una tageen inay nabad ku helaan kuna noolaadan, ficilkii isaga ahaa sidda lagu bedalay ee dadkaas loo dhibaateyay aad iyo aad ayaa uga xumahay waana cambaareynaynaa,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday maamulka Somaliland in si sharaf iyo xushmad leh uga saaran deeganadooda dadkaas, ayaga oo aan ku xadgudbeyn xoolahooda iyo xuquuqdii aas-aasiga ah.

“Illaa hadda waxaa maqleyna in ficiladii guracnaa ay socdaan oo hooyo iyo cunugeeda la kala raafayo, oo dareenka dadka Soomaaliyeed soo jeediyay aan hal mar is-bedel lagu sameyn.”

Lafta-gareen ayaa sheegay in guddi ka kooban shan wasiir uu u saaray arrintaas, kuwaasi oo daraasad ka sameyn doona, islamarkaana ka shaqeyn doona sidii dib-u-dajin loogu sameyn lahaa dadkaas.

“Waxaa codsaneyna in maamulka Somaliland jawaab deg deg ah ka bixiyaan, dadkaas muwaadiniinta ahna haddii la soo rarayo aan la kala rarin ayaga iyo hantidooda, iyo caruurtooda la kala rarin oo ku soo noqdaan xoriyadii ay shalay ku tageen.”

Ugu dambeyntiina madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn ugu mahad-celiyay maamulka Puntland iyo shacabkooda sida ay ugu gurmadeen shacabka sida arxan darada ah looga soo mustaafuriyey magaalada Laascaanood ee maamulka Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

Muxuu ku liitaa maamulka HirShabelle shan sano kadib?

0

Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle ayaa xalay u dabaal-degtay aas-aaska sanad guuradeeda shanaad ee kasoo wareegtay markii la yagleelay maamulkaas oo ah kan ugu yar marka la eego dowlad goboleedyada sanadihii u dambeeyey ka dhismay gudaha dalka.

Haddaba maxay ku liidataa shan sano, kadib HirShabelle?

Madaxweynihii hore ee Cali Cabdullahi Cosoble oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu xusayey aas-aaska HirShabelle oo xalay lagu qabtay Jowhar ayaa sheegay in weli uu gaabis ka jiro horumarka maamulkaasi oo ka taliyo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cosoble ayaa ku dhaliilay hoggaanka sare ee maamulkaasi inay ka gaabiyeen dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta, wuxuunta tilmaamay inuu hoos u socdo maamulkaasi.

Ammaanka waxa uu tilmaamay inuu yahay mid aad u liita, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilligan aan lagu safri karin waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

“HirShabelle hoos ayay u sii socotaa, balse kor uma socoto, Aniga, Xildhibaanno, Wasiiro & Madaxweynaha haatan oo ku xigeen ii ahaa ayaa kusoo safarnay Jowhar iyo Muqdisho balse haatan malagu safri karaa, Hir-Shabeelle oo jiiseysa ayaan dhex fadhinaa, marka aan sidaas leeyahay deyro ma aha laakiin wax waa laga qaban karaa waa haddii loosoo jeesto” ayuu yiri Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu qalad ka jiro dhimaha HirShabelle, isla-markaana laga gaabiyey dhanka dib u heshiisiinta, si la’isugu dhoweeyey dadka.

“HirShabelladii aan soo dhisnay iyo midda aan joogo waa labo kala duwan, qaladaad badan oo ugu horreyn dhacay dhismaheeda ayaa jira, Dadku waxaa lagu dhisaa (Xaq & Xal), Hir-Shabeelle qoorta ayay isla gashay oo la isma weydiin 5-sanno kaddib maxaa xal ah, Diidmada Dadka Hiiraan ma aha naceybka Madaxweynaha balse waxa ay rabaan isla xisaabtan dhab ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey siyaasiga Cali Cabdullaau Cosoble.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is qab-qabsi uu ka jiro HirShabelle, kaas oo ka dhashay doorashadii Guudlaawe ee ka dhacday magaalada Jowhar ee maamulkaasi.