26.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Muxuu ku liitaa maamulka HirShabelle shan sano kadib?

0

Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle ayaa xalay u dabaal-degtay aas-aaska sanad guuradeeda shanaad ee kasoo wareegtay markii la yagleelay maamulkaas oo ah kan ugu yar marka la eego dowlad goboleedyada sanadihii u dambeeyey ka dhismay gudaha dalka.

Haddaba maxay ku liidataa shan sano, kadib HirShabelle?

Madaxweynihii hore ee Cali Cabdullahi Cosoble oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu xusayey aas-aaska HirShabelle oo xalay lagu qabtay Jowhar ayaa sheegay in weli uu gaabis ka jiro horumarka maamulkaasi oo ka taliyo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cosoble ayaa ku dhaliilay hoggaanka sare ee maamulkaasi inay ka gaabiyeen dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta, wuxuunta tilmaamay inuu hoos u socdo maamulkaasi.

Ammaanka waxa uu tilmaamay inuu yahay mid aad u liita, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilligan aan lagu safri karin waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

“HirShabelle hoos ayay u sii socotaa, balse kor uma socoto, Aniga, Xildhibaanno, Wasiiro & Madaxweynaha haatan oo ku xigeen ii ahaa ayaa kusoo safarnay Jowhar iyo Muqdisho balse haatan malagu safri karaa, Hir-Shabeelle oo jiiseysa ayaan dhex fadhinaa, marka aan sidaas leeyahay deyro ma aha laakiin wax waa laga qaban karaa waa haddii loosoo jeesto” ayuu yiri Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu qalad ka jiro dhimaha HirShabelle, isla-markaana laga gaabiyey dhanka dib u heshiisiinta, si la’isugu dhoweeyey dadka.

“HirShabelladii aan soo dhisnay iyo midda aan joogo waa labo kala duwan, qaladaad badan oo ugu horreyn dhacay dhismaheeda ayaa jira, Dadku waxaa lagu dhisaa (Xaq & Xal), Hir-Shabeelle qoorta ayay isla gashay oo la isma weydiin 5-sanno kaddib maxaa xal ah, Diidmada Dadka Hiiraan ma aha naceybka Madaxweynaha balse waxa ay rabaan isla xisaabtan dhab ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey siyaasiga Cali Cabdullaau Cosoble.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is qab-qabsi uu ka jiro HirShabelle, kaas oo ka dhashay doorashadii Guudlaawe ee ka dhacday magaalada Jowhar ee maamulkaasi.

Daawo: Xasan Cali Kheyre oo war ka soo saaray xiisadda Galmudug iyo Ahlu-Sunna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug ee u dhaxeysa maamulka iyo ururka dib isku soo abaabulay ee Ahlu-Sunna ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in kooxo hubeysan ay dib uga curtaan deegaanka.

Kheyre waxa uu sheegay in si buuxda oo aan leex-leexad la heyn uu u taageerayo maamulka Galmudug ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, kaas oo la dhisay xilligii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa dalka.

“Arimaha ka soo cudboonaaday Galmudug ma ahan kuwo la aqbali karo, mana ahan kuwo la filaayey oo u daneynaya Galmudugta waqtiga iyo tacabka badan lagu bixiyey,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dadka reer Galmudug oo hadda dareemay nabad iyo dowladnimo ay kooxo hubeysan dib u qabsadeen deegaano nabad ahaa, kuwaas oo haatan wajahaya colaad iyo barakac.

“Si aan leex leexad laheyn ayaan u barbar taaganahay nidaamka dowliga ah ee maamul goboleedka Galmudug, cid kasta oo ka hor timaada dowladnimada meel ha looga soo wada jeesto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cali Kheyre.

Dhanka kale tallaabadii dadka shacabka ah looga soo tarxiilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayuu ku tilmaamay Kheyre mid ka fog Soomaalinimada, walaalnimada iyo bini’aadanimada, isagoo dadka reer Laascaanood ka dalbaday inay dib u saxaan wixii ka qaldamay.

Hoos ka daawo

Cabdikariin Guuleed oo soo jeediyey afar tallaabo oo xal u ah xiisadda GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war-saxaafadeed ka soo saaray xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug ayaa soo saaray baaq ka kooban afar qodob, oo talo soo jeedin u badan.

Cabdikariin Guuleed oo horay u soo hoggaamiyey maamulkaas ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo kaashanaya xog-ogaalnimada iyo waaya aragimada uu u leeyahay maamulkaas, isla markaana xeerinaya xaaladan kala guurka ah ee dalku ku jiro, uu ku baaqayo afartaan qodob:

1 – Galmudug waxay leedahay hey’ado dowladeed oo dastuuri ah oo dhammaan dadka reer Galmudug ay wada dhisteen, haddaba waxaan soo jeedinaynaa oo aan adkeynayaa in la dhowro jiritaanka hay’adahaas iyo midnimada Galmudug.

2 – Si he’adaha curdunka ah ee dowlad goboleedkaas aan u ilaashano, loogana fogaado daadinta dhiiga shacabkeena, waa in dagaalka iyo gacan ka hadalka is deg deg ah loo joojiyaa, waxii khilaaf iyo tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal iyo wada xaajood.

3 – Galmudug waxay leedahay hal cadow oo ah cadowga Al-Shabaab, waxaana lagama maarmaan ah in xoogga iyo awoodda loo mideeyo sidii looga wada hortegi lahaa, si looga sifeeyo dhammaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

4 – Waa in la dadajiyaa doorashooyinka, lagana fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara habsami u socodka doorashooyinka Galmudug iyo deegaanada kale ee Soomaaliyeed-ba, si dalku uga baxo firaaqa dastuuriga iyo xiliga kala guurka ah.

Afartaas qodob ayuu baaqiida ku aadan xalka xiisada Galmudug ku soo koobay madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xog: Qoor Qoor oo go’aan culus ka qaatay xaaladda Guriceel

Gurceel (Caasimada Online) – Madaweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa go’aamiyey in dagaal lagu qaado magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dhawaan gashay gacanta xoogagga Ahlu-Suna, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qaatay go’aankaan kadib kulamo uu la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug iyo Ugaaska Beesha Cayr, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyey in Ahlu-Sunna dagaal looga saaro magaalada Gurceel.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda dhaqaaqaan dhinaca magaalada Guriceel, waxaana boqolaal ka tirsan ciidamadaas kulan dardaaran ah la qaatay madaxweyne Qoor Qoor.

Ciidamada Galmudug ee qorsheenaya in lagu weeraro magaalada Guriceel ayaa waxaa laga reebay ciidamadii ka tirsanaa Ahlu-Sunna ee horay loo qarameeyey, iyadoo laga cabsi qabo inay dhabar jabin ku sameeyaan ciidamada dowladda, sidii dhacday markii la weeraray Bohol.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa magaalada Guriceel ku diyaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna.

Qoor Qoor ayaa ka war haynta maamulka Galmudug ugu dambeysay markii la doortay, waxaana mudadii uu xilka hayey xarun u aheyd magaalada Muqdisho, isaga oo ka shaqeynaya danaha Farmaajo, taasi oo sahashay in Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna ay deegaano badan ka qabsadaan maamulkiisa.

Daawo: Ugaaska Cayr oo si lala yaabay uga noqday baaqiisii nabadda ee xiisada Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ugaaska beesha Cayr, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo mar kale ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobollada dhexe ee u dhaxeysa Galmudug iyo ururka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in maamulka Axmed Qoor Qoor uu wax kasta uga dambeeyn doono, isagoo raali gelin ka bixiyey baaqiisii wadahadalka.

“Dowlad ayaa jirta reer Galmudug ay dhisteen, madaxweyne ayey leedahay, waxaana cadeynayaa in dowladda ay dhisteen reer Galmudug ay amniga iyo waxqabadka deegaanka masuul ka tahay, waxaan go’aansaday inaan dowladda Galmudug la shaqeeyo oo aana ka harin, maadaama aan Ugaaskii beesha caasimadda degta aan ahay, wixii dhib wada oo u jeed kale lehna, waa la arki doonaa,” ayuu yiri Ugaaska beesha Cayr.

Ugaaska oo maalin ka hor soo jeediyey in xiisadaan wadahadal lagu dhameeyo oo la joojiyo gulufka colaadeed iyo hub isku uruursiga deeegaanka ka socda, ayaa hadda sheegay in hadalkaas uu raali gelin ka bixinayo, taas oo dad badan ka yaabisay.

“Maadaama aan arkay saan-saan colaadeed, dad qaxaaya iyo dhibaato muuqata, waxaan go’aansaday inaan arrintaan ka hadlo, beesha aan ka dhashay iyo cidii kale ee dhib u qaadatay hadalkeygii hore waxaan rabaa inay ka daawoobaan oo raali ka noqdaan,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Inta badan dadka ka fal-celiyey hadalkaan dambe ee Ugaaska waxay la yaab ku tilmaameen sababta ku kaliftay in Ugaas Xasan uu raali gelin ka bixiyo baaqiisii wadahadalka oo u muuqday dariiqa kaliya ee u furaa, maadaama hadii la dagaalamo dhibka ugu badan uu soo gaaro beeshiisa Cayr, markii loo eego reer Galmudugta kale.

Dad badan oo doonayey ama jeclaa inaan lagu dagaalamin magaalooyin ay ugu horeyso Gurceel oo Ahlu-Sunna ay dib u qabsaday ayaa la fajacay hadalka Ugaaska oo ka laabtay baaqiisii waan-waanta.

Ciidankii ugu badnaa ayaa Muqdisho laga soo daabulay, kuwaas oo la isugu geeyey Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in Qoor Qoor uu qorsheynayo in Ahlu-Sunna lagu weeraro Gurceel.

Dadkii deganaa ee shacabka ahaa ayaa saacadihii u dambeeyey isaga cararay magaalada Gurceel, kuwaas oo deegaameystay dhulka fog ee miyiga ah, si aan loogu dul dagaalamin.

Hoos ka daawo hadalka Ugaaska Cayr

https://youtu.be/YF5ZKAlMOBo?t=3

Daawo: Odowaa oo sheegay arrin cabsi leh oo kusoo socota maamulka Qoor Qoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor uu halis ugu jiro inuu burburo, taasi oo uu sheegay inay tahay arrin marnaba la aqbali karin.

Odowaa oo hadal ka jeedinayay xaflad lagu taageerayay in la wada ilaashado maamulka Galmudug, ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalka Ahlu-Sunna ay ku qabsaneyso deegaano ka tirsan maamulka uu wiiqayo jiritaanka maamulka, islamarkaana loo baahan yahay in miiska wada-hadalka wax lagu xaliyo.

“Haddii la yiraahdo hadda Guriceel baa la qabtay berritana la qabsado Dhuusamareeb inaga ma jiri doono, Jidkaan jid aan ahayn hala yimaadan kuwa culimada sheganayo haddi ay tabasho qabana waan la qancinaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa.

“Sidaan mushkilada iskaga xalin laheyn aan ka fikirno, ceeb ayey nagu tahay in hooyo, walaasha qaxdo oo gabdho umulayaa ay ku umulaan quraca hoostiisa, dhamaanteen ceeb ayey nagu tahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba gorgortan lagu geli karin in magaalooyin la qabsado, ayna tahay in la dhowro shuruucda siyaasadda, sida uu sheegay.

“Ahlu-Sunna Waljamaaca jidkan jid aan aheyn ha la yimaadan, haddey tabasho qabaan waa la qaadaneyna oo waa la geynaynaa maamulka, laakiin magaalo ayaa qabsanay magaalo kale ayaa ku soconaa war la yeeli karo maaha.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in la damiyo colaada, islamarkaana la iskugu yimaado miiska wada-hadalka, si is-faham looga gaaro tabashada ay qabaan hogaanka Ahlu-Sunna oo ayagu sheegay inay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxaa kasoo baxay kulanii ra’iisul wasaare Rooble iyo amiirka Qatar? + Sawirro

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta magaalada Doha kulan la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiir Tamiim ayaa iska wareystay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii ay Soomaaliya uga sii taageeri lahaayeen dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Amiirka ku ammaanay taageeradooda dhinacyada horumarinta kaabayaasha dalka, maadaama ay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadaas.

Eng. Rooble ayaa xusay in Qatar ay tahay saaxiib muhiim ah oo leedahay Soomaaliya, kuna garab siinaya sidii dalku dib uga kaban lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay burburka. Isagoo ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan horumarinta kaabayaasha dalka.

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyey dadaalkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada, waxuna balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa Al-Thani, kaa soo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee dalkaas uu ka fuliyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee ku aadan qabsoomidda doorashooyinka, isagoo sheegay in dowladda Qatar ay ka go’an tahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Xog: SHARIIF oo dalbaday in laga wareejiyo hoggaanka Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ka dalbaday inay doortaan hoggaan cusub, isagana uusan intaan ka badan sii hoggaamin karin golaha.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, kulan seddex cisho kahor ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Shariif ku wargeliyey xubnaha golaha inuu ahaan doono xubin caadi ah oo golaha ka tirsan, islamarkaana uu kasoo qeyb geli doono kulamada.

Sida ay illo wareedyo ka tirsan golaha Midowga Musharaxiinta u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dood adag ayaa ka dhalatay codsiga uu soo gudbiyey Sheekh Shariif ee ah in laga wareejiyo hoggaanka Golaha.

Inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa diiday inay aqbalaan codsiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, taasoo ay ku tilmaameyn inay sababi karto burbur ku yimaado Golaha Midowga Musharaxiinta.

Xubnaha golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Sheekh Shariif ka codsaday inuu dib u dhigo iscasilaadiisa, islamarkaana golaha uu isugu yimaado kulan kale oo looga xaajoonayo arrintaan soo korortay.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, Sheekh Shariif ayaa waxaa ka go’an inuusan sii hoggaamin golaha, waxaana fasiraado kala duwan laga bixiyey sababta keentay go’aankiisa.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad u xoogeystay tuhunada ku saabsan in Shariif Sheekh Axmed uu ku milmay kooxda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo dhaawaceyo mabaadii’da loo sameeyey Golaha Midowga Musharaxiinta.

Dadka xogtan badankeed faafiyey ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Golaha Midowga Musharaxiinta iyo dad kale oo aad ugu dhow, waxaana la sheegay in Sheekh Shariif uu dhibsaday tuhunkaas iyo fariimaha laga faafinayo taasoo keentay inuu go’aankaan qaato.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa hadda qorsheenayo inuu si gooni u baxo oo uu toos u billaabo ololihiisa doorashada oo uusan waqti badan isaga lumin mucaaradnimada Farmaajo.

Daawo: Xasan Cali Kheyre oo war kasoo saaray khilaafka R/W Rooble iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka mudooyinkii ugu dambeeyey u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalkeena ka dhacay xaalado aan qaran ahaan noo qaadmin, bulsho ahaan noo qalmin, oo aan dhammaanteen ku qasbanahay inaan qeyb ka qaadano xal u helidooda,” ayuu yiri Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka u dhaxeeyo Rooble iyo Farmaajo, isagoo sheegay inuu khilaafkaan dalka u horseedi karo dib u dhac.

“Waxan aad uga xumahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira xafiisyada dalka ugu sarreeya, waxyeelo xoog leh ayey u geysteen dalka, waxaa luntay xasilloonidii dalka, waxaa dhaawac gaaray dhaqaalihii dalka, waxaa halis galay hay’adihii ammaanka, waxaa sii daciifeysa rajadii Beesha Caalamka ay ka qabtay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu saameyn xoog leh ku yeeshay doorashadii la filayey inay dalka ka dhacdo, taasina ay fursad u noqotay kooxaha argagixisada ah ee ku howlan daadinta dhiigga.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya si dalka loo badbaadiyo.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafka si dalka looga badbaadiyo xaaladaha qalafsan ee hadda taagan, waxaana ka digayaa in caalamka uu Soomaaliya uga quusto sidii uu uga quustay Afghanistan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Kheyre ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiyaan doorashada si dalka looga badbaadiyo xaaladda halista ah ee uu wajahayo.

“Xalka Soomaaliya waa hal mid oo kaliya, laba maahan, seddex maahan, xalka waa doorasho, waxaan ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiyaan doorashooyinka iyo in wax walba la iska dhigo oo muhiimada la saaro doorashada, si dalka looga saaro xaaladda cakiran, waxaan sidoo kale guddiyada doorashada ugu baaqayaa inay shaqadooda u gutaan si hufan,” ayuu yiri Kheyre.

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa xubnaha beesha caalamka ugu baaqay inay Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiyada doorashada kala qeyb qaataan fududeynta doorashada iyo bixinta dhaqaalaha ku baxayo doorashada.

Daawo: Dagaal ka dhashay cunto laga cunay maqaayad Muqdisho ku taal oo sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa dagaal noociisu ku cusub yahay magaalada ku dhex-maray ciidamo kan wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa markii hore ku billowday gacan ka hadal dhexmaray shaqaalihii maqaayada iyo dhalinyaro ka casheeyay maqaayadaas oo ayagu bixin waayey lacagtii cashada.

Kadib, waxaa daqiiqado gudaheed soo gaaray maqaayad askar u wacdeen dhalinyaradaas, ayada oo meesha iska hor-imaad ku dhex-maray ciidamada amaanka oo gacan siinayay maqaayada iyo kuwa kale.

“Dad gabdho iyo wiilal iskugu jira oo toddobo qof gaaraya ayaa ka casheeyay, kadib markii ay casheeyen wey wada baxeen, yarkii shaqaalaha Kashyerka joogay ayaa ka daba tagay oo lacagtii keena yiri, feer ayey ku bilaabeen, waxay dalbadeen qori oo meeshii askar timaado oo laga kala cararo,” ayuu yiri mas’uulka maqaayada.

Illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa iska hor-imaadkaas dhex-maray ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhaawacmay saddex qof, halka ay ku dhinteen labo qof oo kale.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu iska hor-imaad dhexmaro, hase yeeshe waxaa la yaab ku noqotay bulshada in ciidamo isku rasaaseyan dhalinyaro bixin waayey lacagtii cashada.

Hoos ka daawo muuqaalka

Muxuu Uhuru KENYATTA ka yiri fadeexadda culus ee kusoo baxday qoyskiisa?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii sheegay in baaritaanka kashifay hogaamiyayaasha caalamka ee lacagaha ku qarsaday dalal dibadda ah “uu sare u qaadi doono daah-furnaanta maaliyadeed,” hase yeeshee wuxuu diiday inuu ka jawaabo eedeymaha ku saabsan in qoyskiisa ay dibadda ku leeyihin 11 shirkadood uu u dhigma malaayiin dollar.

Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, islamarkaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axaddii, waxaana warqadahan oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah.

Baaritaanka ayaa muujiyey sida Kenyatta – oo u ololeeyey la-dagaalanka musuq-maasuqa – loogu eedeeyey isaga iyo lix xubnood oo qoyskiisa ka mid ah inay dibadda ku leeyihiin 11 shirkadood, oo lagu qiimeeyey inay haystaan hanti dhan 30 milyan oo dollar.

“Warbixinadan waxay wax weyn ka tari doonaan sare u qaadidda hufnaanta maaliyadeed iyo furfurnaanta aan uga baahannahay Kenya iyo dunida oo dhan,” ayuu Kenyatta ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, ee ka dhasha dembiyada iyo musuq-maasuqa, waxay ku horumaraan jawi qarsoodi iyo mugdi ah,” ayuu sii raaciyey, isaga oo aan ka jawaabin eedeymaha isaga ka dhanka ah.

Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, haddana shaac ka qaadistan waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa.

AFP + VOA

Somaliland oo jawaab kulul kasoo saartay hadalkii R/W Maxamed Xuseen Rooble

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ku saabsanaa dadkii laga soo masaafuriyey Magaalada Laascaanood.

“Iyada oo ay ugu wacan tahay hadallo nasiib-darro ah oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka sheegay arrimo ku saabsan mas’uuliyadaha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay dareensan tahay inay ku khasban tahay inay sharaxaad bixiso,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Debadda.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaraadda Arimaha Debadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu xog aan sal iyo raad toona laheyn uu ka bixiyey dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay inuu gudbiyey akhbaaraad aan sal iyo raad laheyn iyo eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka sharciga iyo lagama maarmaamaanka ah ee dowladda Somaliland ay ku masaafurineyso shakhsiyaad gaar ah, oo si aan sharci aheyn ku deganaa degmada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay sodonkii sano ee lasoo dhaafay hoy siisay qaxootigii ka soo qaxay deriska Soomaaliya, iyadoo raaceysa waajibaadka bani’aadamnimada ee Somaliland ee ku xusan xeerka caalamiga ah iyo shuruucda gudaha.

Somaliland ayaa qoraalka kasoo baxay ku sheegtay in musaafurinta dadkaan ay aheyd mid gaar ah, oo ku saabsan dhanka amniga iyo codsi ka yimid dadka deegaanka Laascaanood.

“Waa muhiim inaan adkeyno in go’aanka dhulka Somaliland looga masaafurinayo shakhsiyaadka la doortay uu ka dhashay arrimo quseeya amniga, oo ay ka mid yihiin codsi ka yimid bulshada iyo mas’uuliyiinta degmada Laascaanood. Warbixino sirdoon iyo la-tashiyo ayaa bixiyey tilmaamo cad oo ah in shakhsiyaadkan ay halis gelinayeen ammaanka bulshada deegaanka. Sidaas darteed, dowladda Somaliland waxaa qasab ku noqotay inay tallaabo qaado, balse hab si buuxda u ixtiraamaya xuquuqda aadahana dhinacyada, oo ay ku jirto cunno, biyo iyo gabbaad ku-meel gaar ah, iyo ayada oo aan waxyeello hanti iyo mid shakhsi la gaarsiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay inay xiriir dhow iyo iskaashi la leedahay dhammaan deriskeeda, iyadoo ay Somaliland si weyn uga taxadareysa arrimaha socdaalka iyo xakameynta xuduudaha, sida ay tiri.

Somaliland ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay kasoo bixi weysay waajibaadkii ka saarnaa dadkeeda, taasoo ay sheegtay inay ku kaliftay inay ciladadeedaha gaarka ah ay u weeciso dad kale.

Waxay sheegtay in Soomaaliya la siiyey lacago badan oo gargaar caalami ah si loogu hormariyo awoodeeda, balse ay awoodi weysay inay xataa sugto ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Somaliland ayaa sheegtay inay yihiin arrimo ka baxsan xuduudaha diblomaasiyadda in “dowladda deriska ah ee Soomaaliya ay faro-geliso arrimaha Somaliland.”

“Daan-daansiga noocan ah looma qaadan doono si fudud, wuxuuna caddeymo dheeraad u yahay in dowladda Muqdisho aan loo arkin saaxiib caalami ah oo la aamini karo, marka ay noqoto nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Farmaajo oo saddex qodob kala hadlay Abiy Axmed

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

War kooban oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy Axmed oo haatan ah saaxibo siyaasadeed ah ay ka wada hadleen saddex qodobo oo kala ah:-

1- Xaaladda Gobolka Geeska Afrika
2- Xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal
3- Iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku suganmagaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abby Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka munaasabadda caleema saarka Abiy Axmed oo markale loo dhaariyey xafiiska, wuxuuna ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo hadal badan dhalisay, maadaama uu ka been sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xiriir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo.

Soomaaliya iyo Itoobiya weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed.

Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

FARMAAJO oo khudbad yaab leh ka jeediyey caleemo saarka Abiy Ahmed + Sawirro

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda caleemo-saarka ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ka been sheegay xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey wax uu ugu yeeray “Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.”

Farmaajo sheegay inay muhiim tahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa buu yiri  “xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya” Labada Dal.

“Ethiopia iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xiriir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo.

“Waxaan ka wada shaqeyneynaa inaan abuurno Geeska Afrika oo ammaan ah, is-dhexgala islamarkaana barwaaqo ah, taasi oo u wada wanaagsan dhammaan dadka,” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo Ethiopia weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed.  

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Maxaa looga baahnaa dadka reer LAASCAANOOD, kadib tallaabadii SOMALILAND?

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa si adag uga hadashay dhacdadii Laascaanood, kadib markii ay Somaliland magaaladaasi kasoo masaafurisay dad ka soo jeeda koonfurta.

Fowsiya ayaa marka hore si kulul u cambaareysay tallaabada ay qaadday Somaliland ee lagu soo daabulay dadkaasi, waxaana sheegtay in arrintan ay tahay qalad weyn oo dhacay.

Sidoo kale Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaadday in shacabka ku dhaqan magaalada Laacsaanood looga baahnaa in aysan ogolaan tallaabadaasi, isla-markaana ay aheyd in ay is hortaag ku sameeyaan gawaarida lagu soo qaaday dadkaasi shacabka ah.

“Waxaan ku cambaareynayaa sida ugu adag waa qalad weyn oo dhacay aniga ila ma’aha in Ummadda Somaliland oo dhami inay waxaan raalli ku yihiin. Waxayse aheyd in shacbiga reer Laascaanood ay is hortaagaan baabuurtaasi oo aanay ogolaanin,” ayey tiri Fowsiya

Waxa kale oo ay intaasi ku sii dartay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay bar madow ku noqon doono taariikhda Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waa dhacdo xanuun leh oo bar madow ku noqon doonto taariikhda Soomaaliyeed. Weli lama arag waxaan oo kale waxa ay ku dhacdo,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu dambeyn Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland inay dadka lasoo masaafuriyey u ogolaadaan inay ku noqdaan Laascaanood, si ay ugu yaraan uga soo qaataan hantidooda, ugana soo rartaan wixii alaab ah ee ka yaalla magaaladaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dadkii ugu badnaa oo ka soo jeeda koonfurta ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood, kuwaas oo gaaray deegaanada Puntland.

QM oo bayaan culus kasoo saartay shacabkii laga soo masaafuriyey Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada isku dabaridka gargaarka Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa bayaan ay soo saartay kaga hadashay barakicinta qasabka ee ay haatan Somaliland ka wado Laascaanood, taas oo lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda koonfurta.

UNOCHA ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga wal wal-walsan-tahay xaaladda dadka laga soo masaafuriyey magaaladaasi, kuwaas oo isugu jiro caruur, dumar iyo rag.

Hay’addan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha isku dabaridka gargaarka ayaa sheegtay inay sidoo kale diyaarinayaan qorshayaal deg-deg ah oo lagu caawinayo dadkaasi.

“Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay hay’adda UNOCHA

Sidoo kale hay’adda UNOCHA ayaa ugu baaqday hay’adaha samafarlka inay gurmad deg-deg ah u fudiyaan dadkaasi, iyada oo la kaashanayo maamullada ka jira halkaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa markale lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-dabaridka gargaarka QM ee UNOCHA.

Bayaankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Somaliland dad badan oo kasoo jeeda koonfurta ay kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo gadiid looga soo qaaday magaaladaasi, waxaana hada lagu soo dhoweeyey deegaanada Puntland.

Si kastaba, Somaliland ayaa cambaareyn xoogan kala kulantay daabulida dadkaasi oo u badan ganacsato, muddo sanado, ahna ku dhaqnaa deegaanada maamulkaasi.

Safarka R/W Rooble ee Qatar ma xeelad siyaasadeed oo Farmaajo uu dejiyey baa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shalay labaduba safar ugu baxay dibedda, ayada oo Farmaajo uu aaday Addis Ababa, halka Rooble uu tegay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Socdaalka labada mas’uul ayaa abuuray su’aal ku saabsan waxa isku soo beegay, iyo suurta-galnimada ah haddii safarka Rooble ee Qatar uu yahay mid ku yimid safarka Farmaajo ee Addis Ababa dartiis, sida ay qabaan xildhibaanada qaar.

“Haddii Rooble uu u safri lahaa dal aan Qatar aheyn, wax su’aal ah kama dhalateyn in labada safar isku soo beegmeen, balse Qatar waxaan ognahay inay tahay saaxiibka koowaad ee Farmaajo iyo Fahad, marka maxay Rooble ugu yeertay oo ay dalka uga saartay isla waqtigii uu Farmaajo ka baxay,” ayuu yiri xildhibaan codsaday inaan la magacaabin.

Xubnahan ayaa rumeysan inay suurta-gal tahay in Farmaajo uu ka cabsaday in muddada uu dalka ka maqan yahay ay awoodo badan gacantiisa kasii baxaan, kadib markii horey loogala wareegay maamulka hay’adaha maaliyadda iyo warbaahinta dowladda federaalka.

Rooble iyo Farmaajo ayaa weli isku haya maamulka xarunta NISA, waxaana sidoo kale kala caddeyn cidda awood ahaan ku xoog badan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyo mas’uuliyiinta maamusha cidda ay taageersan yihiin.

Farmaajo ayaa horey waxaa u asiibay guul-darrooyin siyaasadeed intii uu dalka ka maqnaa la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda siyaasadeed ee Farmaajo.

Hase yeeshee, inkasta oo Fahad uu dalka ku sugan yahay, haddana awoodaha madaxweynaha iyo saameyntiisa aad ayey uga sarreeyaan tan Fahad.

Sidaas darteed, Farmaajo ayaa suurta-gal ah inuu Qatar kala hadlay inay safar ku casuunto Rooble muddada uu isna dalka ka maqan yahay, si ra’iisul wasaaraha uusan uga faa’iideysan maqnaanshihiisa, sida ay sheegeen xildhibaanada la hadlay Caasimada Online. 

Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo soo jeediyey hab loola macaamilo Ahlu Sunna

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamiga ee Shabaabku kasoo ifbaxeen ayaa ka hadlay xiisadda cusub u dhaxeyso madaxda Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.

Sheekh Cabdulqaadir, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadaha Islaamiga, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in madaxda Ahlu Sunna ay mar kale isa soo abaabulaan oo ay hub soo qaataan.

“Ra’isul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre shaqo fiican ayuu qabtay, ciidamadii Ahlu Sunna wuxuu ku daray kuwa dowladda isagoo heshiis la gaaray madaxda Ahlu Sunna, wax la aqbali karo maahan inay hadda hub soo qaataan, haddii qaar ka tirsan dadka Galmudug aqbalaan ma shaqeeneyso,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir.

Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku baaqay in Ahlu Sunna lala heshiiyo haddii ay heshis rabaan haddii kalana la iska celiyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Cid kasta oo wax garaneyso waa inay ka hortagaan Ahlu Sunna oo la diido, haddii ay diyaar u yihiin in la qanciyo la qanciyo haddii kalana la iska eryo waa markii dhabta loo hadlo, wax gar la yiraahdo ma jiraan, maamul waa maamul waa in la taageeraa,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu baaqay waxgaradka Galmudug inay u caqli celiyaan madaxda Ahlu Sunna isla markaasna ay Maanta badbaadiyaan Maamulka Galmudug.

Immisa balaayiin ah ayey shirkadda FACEBOOK ku khasaartay ciladii ku timid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Facebook ayaa saacado yar uun gudahood khasaartay lacag dhan 7 bilyan oo dollar, kadib cilad farsamo oo ku timid adeegyada shirkadda, sida Facebook, Whatsapp iyo Instagram, kuwaas oo hawada ka baxay muddo lix saacadood ah.

Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyey ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaddu ay lumisay dhaqaale dhan 49%, marka loo eego 15% oo ay khasaartay bartamihii September.

Sidoo kale shirkadda ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dhanka suuqyada caalamiga ah, sida kuwa New York, waxayna shirkaddu ku Khasaartay 5% qiimihii ay ka heli jirtay ciladda ku timid aawgeed, waana meelaha ugu badan ee wax lagu kala iibsado.

Lacagtaasi ayaa la sheegay inay saami ahaan ku tashaneysay shirkaddu, balse waxaa haatan soo wajahay culeys dhanka dhaqaalaha ah, maadaama saacado yar uun ay khasaartay balaayiiin dollar-ka Mareykanka ah.

Dhinaca kale ciladdan ayaa saameyn ku yeelatay dadka isticmaala aaladaha shirkadan ee Facebook, Whatsapp & Instagram, waana markii ugu horreysay oo waqti intaas la’eg ay hal mar hawada ka wada maq-naadaan adeegyadaasi.

Maamulka shirkadda Facebook ayaa sidoo kale raali-gelin ka bixiyey ciladdan oo saameyn ku reebtay isticmaalka macaamiishooda oo aan horay u helin wax wargelin ah.

Ugu dambeyn Facebook ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin xog ama koonto loo dusay, sidaasina ay ku timid ciladda, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar horay loo baahiyey oo sheegayey in gudaha loo galay cinwaannada qaar intii ay ciladdu jirtay.

Sawirro: Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyay Doha + Ujeedka Qatar ugu yeertay

0

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda sare ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani.

Qatar ayaa xiriir dhow la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo la-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyada oo su’aallo badan la’iska weydiinayo safarka Rooble ku tegay dalkaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qatar ayaa dooneysa inay soo fara-geliso xiisadda ka taagan Villa Somalia, si hoos loogu dhigo khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Sidoo kale wuxuu socdaalkan ra’iisul wasaaraha kusoo aadayo, iyada oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Farmaajo iyo Fahad, kaas oo saameeyey wada-shaqeyntooda.

Rooble ayaa horey u booqday dalalka, Jabuuti, Kenya, Masar, Sacuudiga & Ingiriiska isaga oo kulam gaar  gaar ah la soo yeeshay madaxda wadamadaasi.

Saaka ayey aheyd markii uu isna Farmaajo u baxay safar uu ku tegay Itoobiya, halkaas oo uga qeybgalayo caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.