26.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo saacado badan hawada ka baxay + Sababta

San Fransisco (Caasimada Online) – Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada kusoo laabtay in ka badan lix saac kadib markii ay ka baxeen, ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda.

Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa muddo saacado ah ka hor-imanayey farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.”

Markii ciladda ay bilaabatay ayaa afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka wuxuu yiri “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena.”

Abaare 6:30 pm ee xilliga Mareykanka iyo 1:30am ee xilliga Muqdisho ayey facebook xaqiijisay inay baraheeda dib hawada ugu soo laabteen.

“Dhammaan bulshada shacabka iyo ganacsiyada dunida ee nagu xiran, waan ka xunahay. Si xooggan ayaan uga shaqeyneynay inaan hawada kusoo celino baraheena, waxaana hadda ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno inaan soo celinay,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee twitter.

Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta.

Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay.

Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook.

Laba Senator oo caawa lagu doortay Jowhar iyo Senator kursiga ku fadhisay oo guul-darro culus lagu dhuftay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku metelaaya maamulkaas, waxaana la doortay laba kursi oo ka dhimaneed 8-da kursi ee laga soo doorto deegaanada HirShabeelle.

Labada kursi ee Jowhar lagu doortay kan koowaad waxaa ku soo baxay Senator Cali Shacbaan Ibraahim, halka kan labaad ay ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi.

Cali shacbaan Ibraahim ayaa kuso baxay kursiga 7-aad isaga oo ka guuleystay Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen. Cali Shacbaan ayaa wareega 3-aad uga adkaaday Xanafi isaga oo helay 62 Cod, halka uu musharax Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod.

Kursiga 8-daad ayaa waxaa ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi, waxaana kursigan maalmihii dambe ka taagnaa muran xoog leh, waxaana ugu dambeyn loo xiray dumarka, iyadoo inay u tartamaan laga reebay labo musharax oo rag ah.

Zamzam Cabdullahi ayaa codad aad u badan wareegii koowaad uga guuleysatay Naciimo Ibraahim oo horay kursigaan ugu fadhisay, waxayna Naciimo heshay 8-cod oo kaliya, halka Zamzam ay ku soo baxday 77-cod.

Waxaa sidaas lagu soo gabagabeeyey caawa doorashadii xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana guud ahaan senatorrada Aqalka Sare ee dalka ee hadda dooran ay gaarayaan 48-xubnood, waxaana dhiman lix xubnood oo aan weli la dooran.

Afar xubnood ayaa weli laga sugayaa dowlad goboleedka Jubbaland, halka labada hartay laga sugayo dowlad goboleedka Galmudug, maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la dhameystiro golaha Aqalka Sare ee dalka, si loo guda galo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

XIJAAR oo lagu eedeeyey shirqoolka iyo afduubka odayaal – Xildhibaan arrimo badan shaaciyey + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilidhibaan Cali She Cabddulaahi (Cali Afgooye) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ku eedeyay in uu degmada Afgooye kasoo afduubtay Nabaddoono.

Waxa uu sheegay in markii hore Odayaasha loogu yeeray toddobaad ka hor in uu la kulmayo Taliye Xijaar, hase yeeshe shirqool loo maleegay loogu taxaabay xasbi, ayada oo si bahdil ah loola dhaqmay Odayaasha, sida uu sheegay.

“CID-da markii la geeyay Odayaasha, wuxuu i dhahay soo noqo hal saac ama labo saac kadib, arrintaan wax weyn maaha Odayaasha waxyar ayaa wareysaneyna waana soo deynaynaa, arrintaas ma dhicin. Maalintii markaa tagay afar saac waxaa dhacay Bulac in uu meeshii ka maqan yahay oo Odayaashii kabaha laga siibay oo xabsiga la geliyay,” ayuu yiri Cali Afgooye.

“Maalintii kale ayaa subaxdii u tagay Buluc oo CID-da ah iyo odayaal kasoo jeeda degmada Afgooye, wuxuu noo sheegay in waxba jirin oo baaritaan yar lagu sameynayo oo Odayaasha uu tuhun ku jiro, waxaa u sheegay in Odayaashas aheyn Shabaab, aniga waa cadowgeyga Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinta loo xiray Odayaasha ay tahay mid siyaasadeed, si sharci darro ahna ugu afduuban yihiin Taliye Xijaar iyo Bulac, sida uu sheegay.

Waxa uu baaq cod dheer ah u diray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ka dalbaday in uu soo faro-geliyo arrinta Odayaasha uu sheegay inay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xijaar.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in mas’uuliyadda waxkasta oo soo gaara Odayaashaas dusha u ridanayo Taliye Xijaar, kuwaasi oo si shirqool ah ugu taxaabeen xabsiga, sida uu sheegay.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Sababta loo billaabi la’yahay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil iyo hadalka Rooble oo tuhun abuuray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, waxaa weli illaa hadda billaaban baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la tuhmayo inay ku maqan tahay gacanta Hey’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaalinta ayaa weli qaadin wax tallaabo ah oo ku aadan Kiiska Ikraan, mana aysan ka jawaabin codsiyo badan oo uga yimid shacabka iyo qoyska Ikraan oo ah in si deg deg ah loo guda galo kiiskaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo toddobaadkii tegay isna khudbad ka jeediyey xafladda xiritaanka doorashadii Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay hadal dad badan lama filaan ku noqday oo ahaa inaan baaritaanka weli la billaabin.

Rooble ayaa yiri “Maxkamadda ciidamada waxaan faray inay baaritaanka billaabaan, haddana waan ugu celinayaa inay baaritaanka deg deg u billaabaan.” Hadalkaas wuxuu xaqiijiyey in baaritaanka kiiska aan weli la guda gelin.

Dhinaca kale, waxaa maalmihii tegay xoogeystay warar laga helayo xafiisyada madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo sheegaya in isfaham qarsoon laga gaaray kiiska Ikraan.

Weli ma cadda nooca uu yahay isfahamka laga gaaray kiiskaan haddiiba uu jiro, waxaana muddooyinkii dambe socday dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul inkastoo aan weli saxaafadda lala wadaagin natiijada kasoo baxday wada-hadallada.

Sidoo kale, waxaa baryahaan istaagay hadalladii ay qoyska Ikraan Tahliil ka sheegi jireen saxaafadda, waxayna taasna keentay shaki ah inuu jiro is-faham.

Haddii ay run noqoto in Kiiska Ikraan Tahliil lagu dhammeeyey isfaham iyo wada-hadal, waxay taasi dhaawici doontaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo horey u ballan qaaday in qoyska Ikraan ay heli doonaan caddaalad.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu yiri Rooble, oo toddobaadkii tegay ka hadlay Muqdisho.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa hoos uga dhacay sidii la filayey haddii ay ahaan laheyd dhanka siyaasadda iyo midda cadaaladda.

Algeria oo qaaday tallaabo aysan fileyn Faransiiska oo aargudasho ah (Warbixin)

Algiers (Caasimada Online) – Algeria ayaa u diiday diaaradaha militariga Faransiiska inay adeegsadaan hawadeeda maalin kadib markii ay u yeeratay safiirkeeda Paris, ayada oo ka carootay hadallo aan la ‘aqbali karin” oo loo tiriyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Xiisadda kasii dartay dhammaadkii toddobaadkii tegay ayaa sidoo kale ka dambeysay kadib markii France ay qaadatay go’aan ay ku dhintay tirada dal-ku-galka la siiyo dadka kasoo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika oo Algeria ay ku jirto.

Paris ayaa go’aanka Visaha u qaadatay sababo la xiriira in dowladahooda ay diideen inay dib u qaataan muhaajiriinta laga soo ceeriyo Faransiiska.

Codsi ka yimid Faransiiska, oo ahaa in laba diyaarad oo militari loo ogolaado inay ku duulaan hawada Algeria, ayaa la diiday Axaddii, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga Faransiiska Colonel Pascal Ianni.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha lagu waday inay kasoo duusho France, tan kalena Chad.

Ianni ayaa sheegay inaysan weli caddeyn in Alegria ay gebi ahaan hawadeeda ka xireyso diyaaradaha militari ee Faransiiska iyo haddii duulimaadyadii Axadda ay yihiin kuwa kaliya ee go’aanka uu sameeyey.

Mamnuucista duulimaadyada ayaa ka dambeysay markii Algeria ay si deg deg ah ugu yeeratay safiirkeeda Faransiiska habeenkii Sabtida, sida ay sheegtay madaxtooyada.

Algeria ayaa ka carootay hadal loo tiriyey Macron oo ay ku sheegtay “faro-gelin aan la aqbali karin” oo lagu sameeyey arrimaha Alegria “iyo weerar aan loo dulqaadin karin” oo ka dhan ah dadkii Algeria uga dhintay dagalkii gumeystaha Faransiiska.

AP + VOA

DAAWO: Senator Dhagdheer oo shaaciyey qorshe yaab leh oo ka dambeeya dagaalka hoggaanka AHLU-SUNNA

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo ka hadlay dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca dib ugu soo labo kacleeyay xiligaan sidii madaxtinimada ku heli lahaayeen.

Waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir iyo hogaankan kale ee Ahlu-Sunna aysan daacad ka aheyn la dagaalanka Al-Shabaab, oo ayagu sheegay in abaabulkooda ciidan uga dan leeyihiin la dagaalanka argagixisada.

“Sheekh Shaakiroow Shabaab la dagaalami-meyside Mushkilo ha noo keenin xil baad rabtaaye Qoor-Qoor anagaa dooranay 2-sanaa u dhiman imoow waan ku dooraneynaa laakiin inaad macalimiintii dugsiyada Qur’aanka qoryo kusoo xirto sharaf ku heli meysid, iga qora haddii Dhuusamareeb gacanteenna ka baxdo wax Galmudug la dhaho ma jiraan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hogaanka Ahlu-Sunna oo ugu horeeyo Sheekh Shaakir in xilka ay raadinayaan u soo maraan waddo sax ah, islamarkaana la karaameyn doono, maadama ay tallada wax ku leeyihiin, sida uu sheegay.

“Qofka haddii uusan maamul rabin waxaa la yiraahda dowlad diid, anuu waxaa leeyahay ha la wada fariisto oo Sheekh Shaakir ha yimaado Dhuusamareeb oo waxaa leenahay Sheekha ha la karaameeyo.”

Senator Dhagdheer ayaa carabka ku adkeeyay in xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal, ayada oo la tixgelinayo hogaanka Ahlu-Sunna, oo uu ugu baaqay inay damiyaan xiisada dagaal ee ka taagan deegaano kamid ah maamulka Galmudug.

Hadalka Dhagdheer ayaa imanaya xili ay xiisada Ahlu-Sunna iyo Galmudug isku bedeshay dagaal sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac hor leh, islamarkaana deegaano dhowr ah ay ka baxeen gacanta maamulka Qoor-Qoor.

Hoos ka daawo muuqaalka

Wakiilada beesha caalamka oo war cusub soo saaray iyo farriin culus oo loo diray…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya oo shalay booqasho ku tegay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa qoraal kasoo saaray socdaalkooda iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka.

Booqashada Saaxiibbada Caalamka ee Kismaayo oo diiradda lagu saaray doorashooyinka Soomaaliya

Wefti ka kooban qaar ka mid ah saaxiibbada Soomaaliya ayaa maanta Kismaayo tegay, iyaga oo ujeedkoodu ahaa adkeynta taageerada wadajirka ah ee Beesha Caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya iyo in aan kala hadalno tallaabooyinka xiga ee geedi-socodka.

“Intii uu socda wada-hadalkii la laheyn Madaxweynaha iyo xubnaha golahiisa wasiirrada, waxa aan Jubbaland ku bogaadinnay in ay noqotay Dowlad-goboleedkiu u horreeyey ee billaaba qabashada doorashooyinka Aqalka Sare, waxa aana carrabka ku adkeynay in loo baahan yahay in doorashooyinka haray ee kuraasta Aqalka Sare loo dhammeystiro si deg deg ah,” ayuu yiri uu wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

“Waxa ay tani fududeyn doontaa in diiradda la saaro wajiga xiga ee doorashooyinka federaalka ah – oo ah kuwa Golaha Shacabka,” ayuu raaciyey mar uu warbaahinta kula hadlay magaalo madaxada ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland ee Kismaayo, ka dib kulan ay kooxdu la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ iyo kooxdiisa.

Madaxa ugu sarreeya QM waxa uu ku hadlayey magaca wefti ka kooban Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Norway, Merete Dyrud; iyo La-taliyaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Safaaradda Sweden, Johan Svensson.

Dhankooda weftiga booqashada sameynayey, waxa ay ku dhiirri-geliyeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubbaland in ay dardar-geliyaan geedi-socodkan iyaga oo dhisaya guddiyada xulista ergooyinka oo ka kooban odayaasha iyo wakiillada bulshada rayidka ah, iyaga oo sidoo kale diyaarinaya goobaha cod-bixinta ee Kismaayo iyo Garbahaarrey, caasimadda gobolka Gedo.

Inti ay Kismaayo joogeen, weftigu waxa ay la kulmeen guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal, iyaga oo booqday goobihii cod-bixinta ee doorashooyinka Aqalka Sare.

Ka-qeyb-galka iyo Fagaaraha Siyaasadda

Inti uu socday kulankooda, waxa uu weftigu carrabka ku adkeeyeen in geedi-socodyadani ay tixgeliyaan xuquuqda haweenka ee ah in ay si buuxda uga qayb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo metelaadda haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba sodonka ah (30%) in laga gaaro baarlamaanka.

“Waxaa intaa dheer, in ay muhiim tahay in in fagaaraha siyaasaddu uu noqdo mid u furan dhammaan Soomaalida,” ayuu wakiilka gaarka ah intaa raaciyey. “Tanna waxaa ku jira, xorriyada hadalka, adeegsiga warbaahinta, xorriyadda isu-imaatinka iyo qabanqaabada –  si loo hubiyo in geedi-socodka doorashadu noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo daah-furan.”

Weftiga ayaa sidoo kale ku dhiirri-geliney Madaxweynaha in uu xoojiyo dadaalladiisa in ka-qeybgelinta doorashada ee dhammaan saamileyda Jubbaland si loo gaaro dib-u-heshiisiin waarta.

“Waxa ay tani taageeri doonta in la hubiyo wadajir siyaasadeed si diiradda loo saaro hortabinnada kale ee muhiimka ah sida horumarka iyo amniga, kuwaas oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo weli khatar wayn ku ah nabadda iyo deggenaanshaha Soomaaliya,” ayuu Md. Swan xusay.

Booqashada Kismaayo waxa ay aheyd wareeggii u dambeeyey ee xiriirro joogto ah oo ay wakiillada saaxiibbada caalamku la lahaayeen Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Weftiga ayaa tobobaadkii hore booqday Puntland.

Sawirro: Sidee FARMAAJO loogu soo dhoweeyey Addis?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababab ee caasimada waddanka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Farmaajo ayaa waxaa garoonka Addis Ababa uga hortegay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, sida wasiirka maaliyadda dalkaasi, Axmed Shide.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ka qeyb-galayo munaasabada caleema saarka ra’iisul wasaare Abiy oo dib loogu dhaariyey xafiiska.

“Madaxweynaha ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka miro-dhalka ah ee ku dhisan is ixtiraamka Qarannimo iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa kulan duceedyo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ka qeybgalaya caleema saarka ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Safarkan waxaa Farmaajo ku wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun badan, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan gudaha xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

Si kastaba, safarkan ayaa noqonaya  kii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxo, tan iyo 25-kii bishii April, xilligaas oo Muqdisho ay ka dhaceen qalalaase iyo isku dhacyo hubeysan oo looga hortegay mudo kororsigiisii labada sano ahaa.

Xog: DF oo CIIDAMO horleh ka dajisay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Galmudug ayaa sheegaya in saaka ciidamo horleh oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho laga dajiyey garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi.

Ciidamadan oo ka tiran kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa gaaraya illaa 200 oo askari, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb, si ay uga qeyb-qaataan howl-gallo cusub oo ka bilaabanayo gobolka Galgaduud, gaar ahaan dagaalka Ahlu Sunna.

Galmudug ayaa haatan guluf dagaal ka wada caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana qorshaheeda uu yahay inay Ahlu Sunna ay dib ugala wareegto Guriceel.

Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa gobolka, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo sababi karo inuu dib u qarxo dagaal kale.

Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii ay soo cusboonaatay xiisadda ka taagan Galmudug, dowladda ayaa bilowday inay ciidamo ku daabusho gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji cusub u yeeshay xaaladda Galmudug oo horey dagaal adag kula jirtay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan maamulkaasi.

Xasan Daahir Aweys oo si yaab leh uga hadlay xiisadda Ahlu Sunna iyo Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys  oo weli u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muuqaal uu iska soo duubay kaga hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud, una dhexeyso Ahlu Sunna & Galmudug.

Xasan Daahir Aweys ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday labada dhinac ee is haya, gaar ahaan Macalin Maxamuud iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Sheekha ayaa shaaca ka qaaday in Macalin Maxamuud oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna uu u leeyahay aqoon gaar ah, wuxuuna tilmaamay inuu yahay shaqsi aan wax u ogoleyn dadka kale, isla-markaana uu kaliya wax la rabo naftiisa, caruurtiisa & walaalahiis.

“Waxa uu doonaayo qof la taqaano ma jiro qof uu wax ka siinaayana ma jirto waxa uu ka helo isaga ayey ku egyihiin iyo wixii uu isagu dhalay. Haddii uu wasiir doono waa wiilkiisa ama walaalkiis, haddii uu xoolo doono isaga soo dhaafi meyso,” ayuu yiri Sh. Xasan Daahir.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in madaxaweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu yahay qof iskala weyn Ummadda, wuxuuna sidoo kale ku eedeeyey in muddada uu joogay xafiiska uusan waxba ka qaban gobollada dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

“Qoor Qoor Ummadda dhan ayuu is kala weyn yahay wax uu qaban karaana aan la arag. Bal intaas ayuu meesha joogay muxuu ka qabtay?. Laba qolo ma heshiisiin karo laba qof xittaa ma heshiisiin karo wax kama qaban karo ” ayuu markale yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ahlu Sunna safiican ulama macaamiloon hadda marka ay wax uruursanaayeen kuma uu baraarugin meelahaas iyo meel jini ayuu wareegayaa. Sawir waaye caaqilna waa is-moodaa,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Ahlu Suna ay kusoo rogaal celisay gudaha Galmudug, waxayna dib ula wareegtay Guriceel & deegaan kale oo u dhow magaalada Dhuusamareeb.

Sidee lagu xaliyey muranka kuraasta Aqalka Sare ee HirShabeelle ka harsan?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saacadaha soo socda ka dhacaya doorashada labada kursi ee ugu dambeysay, kana harsanaa xubnaha Aqalka Sare ku metalata maamulkaasi, kadib markii xal laga gaaray murankii hareeyey kuraastaas, kaas oo sameeyey habsami u socodka doorashooyinka.

Guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay dhaceyso doorashada kuraastaasi, si loo dhammeystiro doorashada xubnaha harsan.

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii ay guuleysteen dadaallo muddooyinkii lasoo dhaafay socday oo xal loogu raadinayey is qab-qabsiga ka dhashay kuraastaasi.

Sidoo kale waxaa kursi ka mid ah labada kursi ee maanta la qabanayo doorashadooda si gaar ah loo xiray dumarka oo iyagu ku tartami doono.

Musharrixiinta tartameysa ayaa sidoo kale guud ahaan gaaraya illaa shan ruux, waxayna kala yihiin saddex rag ah iyo laba dumar ah.

Kursiga 1-aad (#UH14) waxaa ku tartamaya:

Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir.

Cali Shacbaan Ibraahim.

Cabdalla Cabdi Xuseen.

Kursiga 2aad (UH#08) waxaa ku tartamaya labo dumar oo keliya:

Naciimo Ibraahim Yuusuf.

ZamZam Cabdullaahi Axmed.

Dhinaca kale waxaa kursiga labaad ka tanaasulay musharraxiinta kala ah Abuukar Xasan Cali (Maqaney) iyo Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye oo labaduba qoraallo ay ku caddeynayaan inay isaga hareen tartanka u gudbiyey guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

Baaritaankii ugu weynaa oo kashifay hantida ay dibedaha dhigteen madaxda caalamka

Hantida iyo heshiisyada qarsoon ee hoggaamiyeyaasha caalamka, siyaasiyiinta iyo maalqabeenada ayaa lasoo saaray, kadib dokumentiyadii ugu ballaarnaa ee qaabilsan maaliyadda ee abid lasoo dusiyo.

Waxaana dokumentiydan lagu xusay in ka badan 35 madaxweyne oo hadda adduunka ka taliya, iyo kuwa horeba, kuwaasoo lala xiriiriyay in heshiis uu dhexmaray shirkado shisheeye, waxaana loogu magac daray Pandora Papers.

Waxay dokumentiyada shaaca ka qaadeen in boqorka Urdun uu si qarsoodi ah ugu keysaday 70 Malyan oo lacagta giniga gudaha dalalka UK iyo Mareykanka.

Waxay sidoo kale warbixinta muujineysaa sida ay u keydsadeen 312,000 oo lacagta giniga ah, oo ay leedahay ha’yadda canshuuraha, Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK, Tony Blair, iyo xaaskiisa, kadib markii ay xafiis ka iibsadeen London.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK iyo xaaskiisa, ayaa iibsaday shirkad shisheeye oo laheyd dhismahaas.

Warbixinta lasoo dusiyay ayaa sidoo kale muujineysaa hantida qarsoodiga ah ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u taallo Monaco, sidoo kale waxay dokumentiyada muujinayaan sida Ra’iisul Wasaaraha Czech Republic uu u wajahayo doorashada toddobaadkan la filayo inay ka dhacdo dalkaas, kaasoo ku guuldareystay in uu shaaciyo inta ay dhan tahay hantida uu geliyay shirkadaha shisheeye, taasoo uu adeegsaday inuu ku iibsado labo guri oo ku yaalla Faransiiska oo ay ku baxday 12 Malyan oo lacagta giniga ah.

Arrintan ayaa kamid ah warbixinadii sirta ahaa ee ugu dambeeyay ee daaha laga rogo 7-dii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa dokumentiyadan darsay ururka dabagalka warbaahinta ee ICIJ, kaasoo ay ka howlgalaan in ka badan 650 weriyeyaal.

Barnaamijka dabagalka ee BBC Panorama oo ay baaritaanka isla sameeyeen wargeyska The Guardian iyo warbaahin kale oo ay bahwadaag yihiin, ayaa waxaa u suuro gashay inay helaan 12 malyan dokumentiya ah, oo qaabilsan adeegyada maaliyadda shirkado ku yaalla dalal ay kamid yihiin British Virgin Islands, Panama, Belize, Qubrus, Imaaraatka Carabta, Singapore iyo Switzerland.

Madaxda qaar waxay wajahayaan eedeymo musuq maasuq, lacagaha sharci darrada ah iyo inay baal mareen shuruucda canshuur celinta.

Waxyaabaha ugu weyn ee lagu ogaaday warbixinta ayaa waxaa kamid ah sida madax iyo maalqabeeno caan ah ay si sharci ah, isla markaana qarsoodi ah ay uga furanayeen UK account-nada bangiyo, si ay hanti ugu yeeshaan halkaas.

Dokumentiyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in milkiilayaasha 95,000 shirkadood oo laga leeyahay dalalka shisheeye inay ka dambeeyeen hantida ay madaxdaas sida qarsoodiga ah kusoo iibsadeen.

Waxay warbixinta sidoo kale muujineysaa sida dowladda UK ay ugu guuldareysatay inay bilowdo tallaabooyin ay ku diiwaangelineyso dadka iska leh shirkadahaa shisheeye, inkasta oo ay ballan qaaday in arrintaas ay sameyneyso xilli ay isa soo tarayaan walaaca ah in dadka dalkaas ka iibsaday hantidaas, ay lacago si sharci darro ah ay kusoo heleen ay ku dhex qarinayaan shirkadahaas.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev iyo qoyskiisa ayaa lagu eedeeyay in hanti ay ka dhaceen dalkooda, waxay kamid tahay xogaha lasoo ogaaday.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in madaxweynaha Azerbaijan iyo dadka ku dhaw dhaw ay si qarsoodi ah ugu lug lahaayeen heshiisyo ganacsi oo laga fuliyay UK, kaasoo ay ku baxday 400 Malyan oo lacagta giniga ah.

Hantida boqorka Urdun

Dokumentiyada qaabilsan maaliyadda ee lasoo dusiyay waxay muujinayaan qaabka qarsoodiga ah ee hantida uu uggu keydsaday dalka UK boqorka Urdun, taas oo ka badan 100 malyan oo doolar.

Waxaa la ogaaday shirkado shisheeye oo ku yaalla British Virgin Islands iyo meelo kale in loolla baxsado canshuurta, taasoo uu adeegsaday boqorka Cabdullaahi II bin Al-Xuseen, si uu iibsado 15 guri, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 1989.

Waxaana kamid ah hantidaas guryo ku yaalla deegaanka Malibu ee gobolka California, dalka Mareykanka oo ay ku baxday 50 Malyan oo lacagta giniga ah iyo guryo kale uu ka iibsaday London iyo deegaanka Ascot ee dalka UK.

Madaxda kale ee ku xusan warbixinta

  • Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo lix qof oo kamid ah qoyskiisa ayaa si qarsoodi ah u hirgeliyay shirakado shisheeye oo iyagu leeyihiin, kuwaasoo gaaraya 11 shirkadood, oo mid kamid ah shirkadahan ayaa lagu qiyaasay inay ku fadhido hanti gaareyso 30 malyan oo doolar.
  • Xubno ka tirsan qoyska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo Golaha wasiirada ka ag dhaw iyo qoyskooda, ayaa la sheegay inay leeyihiin shirkado qarsoodi ah oo ku fadhiyo malaayiin doolar.
  • Shirkad dhanka sharciga ah oo uu aasaasay madaxweynaha Qubrus , Nicos Anastasiades ayaa u muuqata mid lagu helay lahaansho marin habaabin ah, oo la xiriirta shirkado laga hirgeliyay dibadda, waxaa lagu eedeeyay in isdaba marinta siyaasi Ruushka u dhashay, si kastaba, shirkadda sharciyeynta ayaa beenisay eedeymahan.
  • Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa la ogaaday in hantidiisa uu si qarsoodi ah ugu wareejiyay shirkad shisheeye, ka hor inta uusan ku guuleysan doorashadii 2019.
  • Madaxweynaha Ecuador, Guillermo Lasso, oo ahaan jiray maamule hore oo dhanka baananka ah, ayaa diiwaan gashaday hay’dad fadhigeedu yahay Panama, taasoo loo mariyo lacagaha la siinayo xubno ka tirsan qoyskiisa, iyadoo dadka maamulaya howlahaas ay joogaan Mareykanka ee gobolka Koonfurta Dakota.

Isha: BBC SOMALI

Sawirro: Iran iyo Azerbaijan oo dagaal uu ka dhex-qarxi rabo – Maxay isku hayaan?

0

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Jimcihii dhoolatus milateri ka billowday meel u dhow xadka ay la wadaagto Azerbaijan, iyadoo xiisadda u dhaxaysa labada dal ee dariska ah ay ka dhalatay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka ay Azerbaijan la leedahay Israel oo ah cadowga soo jireenka ah ee Tehran.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dhoolatusyada ay ka qeyb qaateen cutubyada gaashaaman iyo madaafiicda, iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo helikobtarrada. Waxay ka bilaabeen meel u dhow isgoysyada Poldasht iyo Jolfa ee xuduuda Azerbaijan.

Iran ayaa muddo dheer dhaleeceynaysay xiriirka milatari ee Azerbaijan ay la leedahay Israel, iyadoo si weyn uga soo horjeeday kala iibsiga hubka ee labada dhinac.

Tehran ayaa sidoo kale ka digtoonayd dadka wadaniyiinta ah ee ku nool Turkiga iyo Azerbaijan oo ku dhiirrigelinaya damacyada gooni-u-goosadka dadka Azeri ee laga tirada badan yahay ee ku nool Iran.

Ka dib markii Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev uu sheegay in ay wax lala yaabo tahay Dhoolatuska ay Iran qabaneyso, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran Hossein Amirabdollahian ayaa Khamiistii sheegay in qabashada dhoolatuska milatari ee  gudaha dhulkeeda ay qeyb ka tahay madaxbanaanideeda qaran.

Isagoo tixraacaya joogitaanka Israa’iil ee xuduudaha Iran, Amirabdollahian ayaa u sheegay safiirka cusub ee Azeri: “Iran uma dulqaadanayso dhaqdhaqaaqa nidaamka Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah amniga qaranka waxayna qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah.”

Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), Israel waxay Azerbaijan siisay ilaa $825 milyan oo hub ah intii u dhexeysay 2006 iyo 2019.

Dhanka kale, Iran ayaa Jimcihii cambaareysay booqashadii wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil uu ku tagay Baxreyn si uu u xuso xiriirkii la sameeyay, isagoo sheegay in safarkaasi uu raad ku reebay hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka Carabta oo “aan la tirtiri doonin”.

Farmaajo oo maanta u baxay safar dibada ah + Ujeedka

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow ka amba-baxay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya caleema saarka ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa kulan duceedyo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ka qeybgalaya caleema saarka ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun badan, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan gudaha xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

Safarkaan uu Farmaajo ugu baxay Itoobiya ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo khilaaf xun oo la xali waayey uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, lamana oga wajiga socdaalka Farmaajo uu u jaheyn doono khilaafka kala dhaxeeya Rooble.

Si kastaba, safarkan ayaa noqonaya  kii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxo, tan iyo 25-kii bishii April, xilligaas oo Muqdisho ay ka dhaceen qalalaase iyo isku dhacyo hubeysan oo looga hortegay mudo kororsigiisii labada sano ahaa.

Xog: Farmaajo oo maanta u baxaya safar dibadda ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan, waxaa maanta safar dalka dibadiisa ah u bixi doona Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxuuna safarka Addis Ababa noqonayaa kii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxo, tan iyo 25-kii bishii April, xilligaas oo Muqdisho ay ka dhaceen qalalaase iyo isku dhacyo hubeysan oo looga hortegay mudo kororsigiisii labada sano ahaa.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo waxaa lagu martiqaaday caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa talada dalkaas haya uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun badan, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan gudaha xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

Safarkaan u qorsheysan Farmaajo ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo khilaaf xun oo la xali waayey uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, lamana oga wajiga socdaalka Farmaajo uu u jaheyn doono khilaafka kala dhaxeeya Rooble.

Horay waxaa loo ogaa in mudo maalmo ah La-taliyaha amniga Farmaajo, taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin laga hor istaagay inuu ka soo dego Muqdisho, taas oo ku kaliftay inuu Istanbul – Turkiga uu Fahad ka soo kireysto diyaarad yar oo u khaas ah.

Fahad iyo Farmaajo oo is garab sanaya waxay Rooble la dagaaleen markii go’aansaday in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dilkii Ikraan Tahliil oo lagu eedeeyey hey’adii ay ka tirsaneed ee NISA.

Daawo: Muxuu Axmed Madoobe ka yiri xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday beesha caalamka oo wakiilka Qaramada Midoobey James Swan uu hoggaaminayey ayaa ka hadlay colaada ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waa caqabad weyn arrinta ka soo korortay Galmudug, ee Ahlu-Sunna iyo maamulka sharciga ah ee Galmudug, halkaas waxaa ka jira maamul sharciyad ku dhisan, caqabad kasta oo maanta lagu kiciyo xal ma noqoneyso, waxaan u soo jeedinayaa reer Galmudug inay joojiyaan gacan ka hadalka oo xal laga gaaro waxa la isku hayo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka uu kala hadlay qabsoomidda doorashada dalka, isagoo dalbaday in Ra’iisul wasaaraha looga dambeeyo howlaha socda ee doorashooyinka.

“Waxaan rajeyneynaa inaan dhameystirno Aqalka Sare si loo bilaabo doorashada Aqalka Hoose, laakiin waxa uu darenkeygu yahay in R/Wasaaraha loo daayo shaqadiisa oo golihii wadashatiga qarana uu wada shaqeeyo oo shirarkiisa ay uu joogto noqdaan, waa in xal laga gaaro waxyaabaha doorashada ku xeeran ee muhiimka ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Kulankii maanta ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo waxaa looga hadlayay dardar galinta howlaha doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare, taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Wafdiga maanta Kismaayo gaaray waxaa James Swan ku wehliyey, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, mas’uuliyiin kale oo ka socotay safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

 

Daawo: Xildhibaan Canab oo shaacisay arrin ka dambeysa raafka ka socda Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Canab Xasan Cilmi oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka 10-aad ee Federaal-ka ayaa si adag uga hortimid howlgal lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda koonfurta oo Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Canab ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay mid Shirqool ah, oo indhaha bulshada Sooamaliyeed looga jeedinayo fashilka maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dad ajnabi ah ma ah oo waa dad Soomaaliyeed, caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaa jooga kontan kun oo Itoobiyaan ah, maxaa dadka Soomaaliyeed ka ceyrinaya waddankii oo Oromo iyo Itoobiyaana loogu ogolaanaya caasimadii, waa arrin nasiib darro ah oo mal-dahaysa dowladnimada is-bedeshay iyo dareenka umadda Soomaaliyeed,” ayey tiri Canab Xasan Cilmi.

“Arrintaas waa shirqool siyaasadeed, waxaa aad uga xunahay in la beegsado umad Soomaaliyeed oo maato ah oo waddankoodii uga cararay dhibaatadii ka socotay oo 30 sanno deganaa magaaladaas.”

Sidoo kale waxay carabka ku adkeysay in midnimada Soomaaliyeed ay taallo gobolka Sool, islamarkaana ay reer Sool ka xun yihiin arrinta uu ku kacay maamulka Somaliland, dal iyo dibedba.

“Waxaa ugu baaqayaa culimadda iyo cuqaasha halkaas jooga inay hantidooda u bad-baadiyaan dadka Soomaaliyeed, magac xumada iyo fadeexada nagu dhacday waa wax hore noogu dhacay waa in aan ka kacno oo ka dhiidhino.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay Somaliland billowday musaafurinta dadka u dhashay Koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay inay ula mid yihiin Ajaanibta dalalka kale, islamarkaana ka ay gebi ahaanba ka saari doonaan guud ahaan deegaanadooda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Rooble oo war kasoo saaray raafka ka socda Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay ka hadlay masaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood, taasi oo lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyo Laascaanood, asaga oo sheegay inay tahay mid aad looga xumaado.

Waxaa uu ku baaqay in laga dhiidhiyo arrintaas, gaar ahaan dadweynaha reer Laascaanood ayaa faray inay ka hortaagan falkaasi, oo uu sheegay inay tahay mid ceeb ah, maadama dad Soomaaliyeed si qasab looga musaafurinayo dhul Soomaaliyeed.

Tallaabada ay qaaday Somaliland ayaa waxa si weyn uga horyimid Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka, oo arrintaas ku tilmaamay mid laga xumaado.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa oo asagna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka xun yahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, taasi oo uu ku sheegay mid ku cusub dhaqankeena suuban.

“Waxaan aad uga xumahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed waa wax ku cusub dhaqankeena suuban, mana ka turjumeyso ilbaxnimada iyo dhaqanka Dowliga ah,” ayuu yiri.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa shalay ilaa maanta Laascaanood ka waday howlgallo ka dhan ah dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyagoo isugu geeyey garoonka diyaaradaha, dibna loogu celiyay deegaanadii ay u dhasheen.

Somaliland waxay dadkaas ku eedeyneysaa inay ka dambeeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo loo geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka Somaliland, mana jiro cadeymo si dhab ah u muujinaya arrintaas.

Daawo: Dacwad ka dhan ah Somaliland ‘oo loo gudbinayo’ maxkamadda adduunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Koofur Galbeed ayaa si adag uga hadlay musaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xildhibaan Idiris ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday xukuumadda Muuse Biixi ay tahay mid ugub ah oo meel ka dhac ah, isagoona sheegay in uu diyaarinayo in arrintaas dacwadeeda la geeyo maxkamadda caalamiga ah.

“Waa arrin dhaqan xumo xadgudub ah, dacwad ayaa qoreynaa maxkamadda adduunka ku dacwooneyna, aniga waxaa metala baarlamaanka Afrika, madaxda baarlamaanka Afrika iyo Midowga Afrika waa u dirayaa, waa nasiib darro in dad hantidooda la dhaco, la jirdilo oo la soo masaafuriyo,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris.

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanka dadkaas lagu masaafurinayay uu bixiyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayada oo uu fuliyay Taliyaha qeybta gobolka Sool, oo ku eedeyay in lagula xisaabtami doono tacadiyada ka dhanka ah dadkaas.

“Waa nasiib darro, waa arrin qalad ah oo aheyd in ay ka hadlaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waana dadka Koonfurta Soomaaliya oo dhan ma aha arrintaan waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.”

“Waa arrin aan laga fileyn Soomaali oo weligeed ka dhicin, Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe abti baa loo yahay waa soo dhaweyn ayaga oo qaxooti ah ayey no-yimaadeen, oo meesha ayey ka guursadeen waxay aheyd in dadkaana sidaas u soo dhaweeyan.”

Arrintan ayaa imaneysa xili ay sare u kacday xiisada ka dhalatay masaafurinta ay Somaliland ka bilowday magaalada Laascaanood, kaasi oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo jeeda Koonfurta oo muddo badan deganaa magaaladaas.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Dowladda Mareykanka oo dalbatay in hay’adaha amniga DF madax looga dhigo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in deg deg loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ee salka ku haya hoggaanka hay’adaha amniga.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu dalbaday in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal xushmad ku dhex leh bulshada.

“Waa muhiim in Farmaajo iyo Rooble ay xaliyaan khilaafyadooda, xaqiijiyaan in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal karti iyo xushmad leh, ayna diiradda saaraan soo gabe-gebeynta doorashooyinkoa Soomaaliya ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii ay socdeen wada-hadalladii Farmaajo, wuxuu dalbaday in NISA madax looga dhigo qof sumcad iyo xushmad ku dhex leh bulshada, kadib markii isaga iyo Farmaajo isla ogolaadeen in meesha laga saaro labada agaasime ee ay kala magacaabeen.

Si kastaba, Farmaajo ayaa ku adkeystay in shaqsiyaad ka tirsan hay’adda ama xubno isaga ku dhow oo daacad u ah loo dhiibo agaasinka hay’adda, waxaana shaqsiyaadkaas ka mid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Qoraalka Mareykanka kasoo baxay maanta ayaa u muuqda mid si dadban u taageeraya mowqifka ra’iisul wasaaraha ee ah in NISA madax looga dhigo qof sumcad ku dhex leh bulshada, wuxuuna imanaya maalin kadib markii beesha caalamka ay soo saartay qoraal kan la mid ah.

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”