26.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Dowladda Mareykanka oo dalbatay in hay’adaha amniga DF madax looga dhigo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in deg deg loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ee salka ku haya hoggaanka hay’adaha amniga.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu dalbaday in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal xushmad ku dhex leh bulshada.

“Waa muhiim in Farmaajo iyo Rooble ay xaliyaan khilaafyadooda, xaqiijiyaan in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal karti iyo xushmad leh, ayna diiradda saaraan soo gabe-gebeynta doorashooyinkoa Soomaaliya ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii ay socdeen wada-hadalladii Farmaajo, wuxuu dalbaday in NISA madax looga dhigo qof sumcad iyo xushmad ku dhex leh bulshada, kadib markii isaga iyo Farmaajo isla ogolaadeen in meesha laga saaro labada agaasime ee ay kala magacaabeen.

Si kastaba, Farmaajo ayaa ku adkeystay in shaqsiyaad ka tirsan hay’adda ama xubno isaga ku dhow oo daacad u ah loo dhiibo agaasinka hay’adda, waxaana shaqsiyaadkaas ka mid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Qoraalka Mareykanka kasoo baxay maanta ayaa u muuqda mid si dadban u taageeraya mowqifka ra’iisul wasaaraha ee ah in NISA madax looga dhigo qof sumcad ku dhex leh bulshada, wuxuuna imanaya maalin kadib markii beesha caalamka ay soo saartay qoraal kan la mid ah.

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”

Sawirro: Sidee Rooble loogu soo dhoweeyey Baraawe?

0

Baraawe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga diorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo dadweyne.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga hadlayay xaqiijinta amniga doorashooyinka la yeeshay saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo taliska ciidanka Amisom qeybta fegmada Baraawe. 

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardar gelinta amniga guud ee Baraawe iyo howlgallada la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah xarumaha adeegyada bulshada ee Baraawe.

TURKEY oo jawaab kulul ka bixisay HESHIIS ay galeen laba dal oo ay is-hayaan

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiis hub oo balaayin dollar ah oo ay saxiixdeen France iyo Greece, ayada oo ka digtay inuu halis gelin doono xasilloonida gobolka.

France iyo Greece ayaa Talaadadii tagtay saxiixay hesiis is-afgarad oo Athens ay Paris uga iibsaneyso saddex maraakiib dagaal, kaasi oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku qeexay inuu xoojin xooggan u yahay himilooyinka difaaca Midowga Yurub.

Hase yeeshee, Turkey oo xiriir aan wanaagsaneyn la leh dalka ay ka wada tirsan yihiin NATO ee Greece, ayaa cambaareysay heshiiska kuna qeexday mid ka dhan ah Ankara.

“Hubeynta Greece iyo go’doominta iyo fogeynta Turkey, intii iskaashi lala sameyn lahaa, waa siyaasad dhibaato leh oo dhaawici doonta Greece iyo Midowga Yurub, islamarkaana halis gelin doonta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey.

Macron ayaa Talaadadii sheegay in iibinta maraakiibta aan loola jeedin in loo arko halis ka dhan Ankara, isaga oo ugu yeeray mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Meditareeniyaanka, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans-ka.

France iyo Greece ayaa sanadihii dhowaa yeeshay xiriir aad u dhow, halka xiriirka mid walba uu la leeyhaya Turkey uu aad u xumaaday.

Xiriirka Paris iyo Ankara ayaa sanadkii tegay gaaray heerkii ugu xumaa markii madaxweynaha Erdogan Recep Tayyip Erdogan uu ku baaqay in la baaro caafimaadka maskaxda madaxweyne Macron, taasi oo aas uga careysiisay France.

Dhanka kalena, xiriirka Turkey iyo Greece ayaa leh taariikho dagaal iyo isku dhacyo ah.

AFP + VOA

Muxuu CUMAR Cabdirashiid ku macneeyey arrinta ay ku dhaqaaqday Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarkee ayaa si weyn u dhaliilay raafka ay Somaliland ku billowday dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo boqolaal ka mid ah shalay laga masaafuriyey magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa dadkaas ku gurtay gawaari xamuul ah, waxaana sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ay muujinayaan ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi.

Cumar Cabdirashiid ayaa tallaabada ay qaaday Somaliland ku tilmaamay inay ka dhigan tahay meel aad u hooseysa oo anshax ahaan iyo siyaasad ahaan ay gaartay Somaliland.

“Raafka qasabka ah ee lagu soo bandhigay Laascaanood waxay astaan u noqon doontaa meel aad u hooseysa oo ay Somaliland gaartay anshax ahaan iyo siyaasad ahaan. In si qaldan bulsho loogu eedeeyo duruufaha ku hareereysan magaalada, ma dhallin doono xasilloonida la raadinayo, waxbana kama qaban doonto isbeddellada siyaasadeed ee hoose,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter.

Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka iyo ajaaniibta kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”.

Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Sheekh Maxamed SHAAKIR oo iclaamiyey dagaal cusub

0

Guriceel (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa isagoo la hadlayey boqolaal ka tirsan ciidamadooda iclaamiyey dagaal horleh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Shaakir ayaa kula dar-daarmay dhammaan ciidamada Ahlu Sunna inay markale u diyaar garoobaan howl-gallo cusub oo ka bilaabanayo gobollada dhexe dalka.

Isaga oo ka hadlayey dagaalka Al-Shabaab ayuu yiri “Kuwaasi inaad dadka ka dhicisaan oo aad la dagaalantaan oo aad ka xoreydaan Soomaaliya diyaar ma u tihiin? Waxaan leenahay ciidamadan sharafta badan qiimaha badan waxay u taagan yihiin difaaca deegaanka,”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muhiimadooda koowaad ay tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanadaasi.

“Magaciinu waa qaali waa magacii aad ku metaleyseen Ahlu Sunna Waljamaaca waa magacii deegaanadan lagu xoreeyey. Ahlu Sunna waa dadkii sunnada Nebiga ku dhagay oo ahalka u ahaa,” ayuu markale ku yiri khudbaddiisa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wado deegaanada Galmudug, gaar ahaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dib u soo rogaal celinta Ururka Ahlu Sunna ayaa dhinaca kale xiisad horleh ka abuuray deegaanada Galmudug, kadib markii ciidamadeedu ay Jmcihii la soo dhaafay qabsadeen magaalada Guriceel shalayna ay la wareegeen deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb.

Xaaladda ayaa maanta yare deggan, hayeeshee waxaa labada dhinac ay haatan abaabullo xoogan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Daawo: Habar-Gidir oo war kasoo saartay DAGAALKA Ahlu-Sunna iyo Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Hoggaaminta Habargidir Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac, ayaa ka hadlay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug, isagoo dalbaday in goobihii ay qabsatay Ahlu-Sunna dib loogu soo celiyo gacanta dowlad goboleedka Galmudug, kadibna la isugu tago miiska wadahadalka.

Prof. Shirwac ayaa hoggaanka Galmudug ku dhaliilay sababta uu uga hor-tegi waayey qatartaan ku soo wajahneed maamulka, “Lama qaadan karo maamulkaas curdunka ah ee hiigsigiisu ahaa meel fog in la burburiyo, wixii la kala tabanayo ha lagu xaliyo maamulka gudihiisa, hadii aad weysaan cid idin dhageysata, hadhihin geedka salkaan ka jarayaa,” ayuu yiri.

Prof. Shirwac ayaa sheegay in golaha hoggaanka Habargidir uu diyaar u yahay xalinta tabasho kasta oo ka jirta deegaanka Galmudug, “Waxaan codsaneynaa in xalka loo wada istaago oo dhiig dambe aan la daadin oo aqligu shaqeeyo,” ayuu yiri Shirwac.

Guddoomiyaha ayaa ra’iisul wasaare Rooble ku amaanay baaqii uu ka soo saaray xaaladda Galmudug, waxuuna dowladda federaalka ka dalbaday in arrintaan aan la siyaasadeyn oo ciidanka lagu daabulayo laga joojiyo Galmudug.

“Waxaan Rooble iyo dhamaan dowladda federaalka waxaan u sheegayaa in hadii Galmudug ay burburto aysan doorasho dhici doonin, dhibaatooyinka jira doorashadaa xal u ah, ee aan isu taagno inay nabad noogu dhacdo, dabka yaan baasiin lagu sii daarin, waxaan nasoo gaareysa in ciidan loo daabulay Galmudug, cid dambe yeysan naga dhiman ee nabadda wax ku raadsha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Shirwac.

Hoos ka daawo

Barakac ka socda Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka uu barakac xoogan ka socdo magaalada Guriceel ee gobolkaasi, taas oo ay Jimcihii la soo dhaafay ay la wareegtay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda, iyaga oo cabsi ka qabo in dagaal uu ka dhaco Guriceel, maadaama laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Dadka haatan ka barakacaya Guriceel ayaa gaaraya deegaanada ku xeeran degmadaasi, waxayna u badan yihiin caruur iyo haween, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo muhiim ah.

Xaaladda guud ayaa marka la eego yare deggan, hayeeshee labada dhinac ayaa wada baabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ahlu Sunna ayaa sidoo kale Guriceel ku soo bandhigtay Macalimiin hubka qaatay, kuwaas oo ka soo muuqday warbaahinta, halka Dhuusamareeb laga dajiyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo loogu tala-galay inay xoojiyaan kuwa haatan ka how-gala Galmudug.

Xiisaddani ayaa ka sii dartay, markii Ahlu Sunna ay la wareegtay magaalooyin ka tirsan Galmudug, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Ceeldheere oo u dhow Dhuusamareeb.

Si kastaba, soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa xaalad horleh ka abuurtay Galmudug oo horey dagaal kula jirtay Al-Shabaab oo weli heysta deegaano ka tirsan maamulkaas.

Macallimiintii dugsiyada Galmudug oo hubka qaatay, iclaamiyey dagaal + Sawirro

Guriceel (Caasimada Online) – Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee Magaalada Guriceel qaarkood ayaa hubka qaatay, waxayna sheegeen inay u istaaggeen difaacidda Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Macalimiintan oo hubka qaatay ayaa galabta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Guriceel, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo Jimcihii la wareegtay gacanta ku haynta magaaladaasi.

Waxay sheegeen muddadii Ahlu Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in Shabaabkii aan ku dhiiran jirin inay yimaadaan deegaanada Galmudug ay muddadaasi culeys weyn soo gaareen dhulka Galmudug, isla-markaana ay la wareegeen inta badan deegaanada hoos yimaada magaalooyinka.

Hadafkooda ayay ku sheegeen inay la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen Khawaariijita, isla-markaana aanay duulaan ku ahayn Dowladda Federaalka iyo Galmudug, toona.

Ciidamadii Galmudug ee Guriceel ku sugnaa ayaa qaybtood shalay galab isku dhiibay Xoogaga Ahlu Sunna, halka qaarkii kalena ay u ruqaansadeen dhanka Magaalada Dhuusamareeb.

Dib u qabsashada Ahlu Sunna ee Magaalada Guriceel ayaa imaanaysa, xilli bishii November ee sanadkii 2019 ay magaaladaasi ku wareejiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.

Soomaalida Netherlands oo su’aalo xasaasi ah waydiiyay saraakiil ka socotay howl-galka EU NAVFOR + Sawirro

Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederlands, ayaa shalay la kulmay saraakiil ka socotay Howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub, oo magacacooda loo soo gaabiyo [EU NAVFOR].

Kulankan, oo ay soo qabanqaabiyeen dalladda isu-tagga ururada Soomaalida FSAN, waxaa uu xambaarsanaa muhiimad gaar ah, waxaanna qurba-joogta Soomaalida ee dalkaasi ku dhaqan ay fursad u heleen in ay weydiiyaan saraakiishii ka sooctay EU NAVFOR su’aalo ku saabsan howlgalada ciidamadooda ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

Su’aalaha la weydiiyay saraakiisha ka socotay howlgalka Midowga Yurub oo aad u fara badnaa, waxaan ka soo qaadanay dhowr:

Burcad-badeedu ma ahan sidii hore, waxaase ka daran burcad-badeeda maraakiib si sharci darro ah kaga kaluumeysta baddeena, isla markaana xaalufiyay khayraadkii badda, iyada oo qatartaasina la iska indha tiray, ciidamada Midowga Yurub arrintaasi maxay wax uga qaban la’ yihiin.?

Saraakiishu, waxay sheegeen in howlaha ay u xilsaaran yihiin aysan ku jirin ka-ilaalinta xeebaha Soomaaliya maraakiibta ama cid kasta ee sharci darro kaga kaluumeysata, balse bar-tilmaameedkoodu yahay oo keliya la dagaalanka burcad badeeda.

Waxaa kale, oo la weydiiyay sida ay u kala saaraan kaluumeysatada Soomaalida ee ku hubeysan qoryaha fudud si ay isaga difaacaan haddii weeraro ay kaga yimaadaan maraakiib & doomo sharci darro ku kaluumeysta; Saraakiishu waxay sheegeen in marka ay qabtaan doon hubeysan in ay baaritaan sameeyaan, si ay u xaqiijiyaan in ay yihiin burcad-badeed iyo in ay kaluumaysato yihiin.

Su’aal kale, oo la waydiiyay ayaa ahayd; Xilliga ay ku egtahay howlgaladooda & haddii ay jiraan mustaqbalka dhow tababaro ay siinayaan ciidamada badda Soomaaliya si ay howlgalada ugu wareejiyaan.?

Saraakiishu, waxay ku nuuxnuuxsadeen in howgalkoodu yahay 2 sannadle, kaddib na haddii loo arko in baahidii loo qabay joogitaankooda xeebaha Soomaaliya weli taagan tahay in loo jadiidiyo howgalka 2 sanno kasta; Qoddobka kale ee ku soo biiritaanka ciidamada badda Soomaaliya wuxuu sheegay in xiriir wanaagsan ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, ayna rajeynayaan goor ay ahaataba in ay howshaasi kala wareegaan ciidamo Soomaali ah.

Garyaqaan Muuse Xersi oo ah xeel-dheere sharciyada caalamiga ah, ayaa su’aalihii uu weydiiyay saraakiisha waxa ka mid ahayd: Ma nala wadaagi kartaan Map-ka aad ku shaqeysaan ee tilmaamaya zoonka ciidamadiinu ay ka howlgalaan, maadaama uu jiro qayb ka mid ah badda Soomaaliya oo ay muran geliyeen Kenya & Yeman, idinku dhulalkaas ma ka howlgashaan.?

Saraakiishu, waxay sheegeen in ay ku shaqeeyaan Maap ay siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Su’aalaha kale ee la weydiiyay waxay ahayd:

Maxaad ka qabateen arrinta ku saabsan qashinka & haraaga sunta nukliyeerka ee lagu aaso xeebaha iyo badda Soomaaliya..?

Saraakiishu, waxay sheegeen in howlgaladoodu aysan arrimahaasi quseyn, bartilmaameedkooduna yahay la dagaalanka burcad- badeeda.

Waxaa kale, oo la weydiiyay: Ma haysaan tiro koob sax ah oo muujinaya waxa ka dhacaya xaalufka badda, waase halkee zoonka ugu badan ee ay maraakiibta sharci darrada kaga kaluumeysata xeebteena ay kheyraadka ka qaataan.? Waxay mar kale ku celiyeen in aysan baaritaanada nuucaas ahi u xilsaarneyn.

Iman Ikar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, horay na isugu soo sharaxay baarlamaanka Dutch-ka, ayaa si koobban u sharaxay taariikhda & marxaladihii dalku soo maray, isaga oo xusay in marxaladuhu maalin ba ay meel soo joogeen, haddana ay muuqato rajo tilmaameysa in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso burburkii ayna cagta saartay waddadii ay ku soo ceshan lahayd dowladnimadii ka luntay.

Iikar, isaga oo ka hadlayay intii lagu jiray marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, in marxalad waliba ay xasuus & taariikh gaar ah xambaarsaneyd, wuxuu daah-furnaan ku tilmaamay kulamada nuucan ah oo kale ah ee looga hadlayo tillaabooyin lagu saxayo ama lagu bogaadinayo shaqooyin muhiim ah oo looga hadlayo masiirka dalka.

“Qoys-kayga oo uu aabaheey hormuud u yahay mar walba waxaan ka fikirnaa in cilmiga aan halkan ka kororsano inaan dalkeena Soomaaliya ku celino, annaga oo ka qeybqaadaneyna sidii dowladnimo adag, kuna dhisan sharci & kala dambeyn dalkeenu u yeelan lahaa, dhowr & 10 sanno ka hor aabaheey qoyskeena ayuu isugu yeeray wuxuu nagu yiri “Waxaan rabaa inaan dalkii ku laabto, kana qeybqaato dib u dhiskiisa” annaga oo dhan waxaan u codeynay in ay ahayd tillaabo wanaagsan, aabaheey wuxuu ka mid ahaa madaxdii ka soo shaqeysay gobolka Banaadir, si la mid ah walaalaheey oo halkan wax ka bartay qaar baa dalkii ku laabtay si ay wax ugu celiyaan, inkastoo aan halkan ku barbaaray waxna ku bartay haddana dareenkayga intiisa badan halkaas buu jiraa” Ayuu yiri Iman Ikar, isaga oo u soo jeediyay qurba joogta, gaar ahaan dhalinyarada dalkan wax ku baratay in ay dalkii ku laabtaan, ayna qeyb ka noqdaan rajada dib u dhiska & wacyigelinta bulshada.

Guddoomiyaha jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda C/qaadir Cali [Nuune] oo ka mid ahaa xubnihii kulankaasi ka qeybgalay ayaa dhinaciisa soo dhoweeyey kulanka jaaliyada & saraakiisha EU NAVFOR, wuxuuna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in qurba joogto, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalalka Midowga Yurub in ay indhaha ku hayaan howlgalada ciidamadaasi; 

howlgaladaas oo ay suurtagal tahay in mararka qaar ay ka dhashaan tacadiya soo gaaraya kaluumeysato Soomaali ah oo aan waxba galabsan.

Guddoomiye Nuune, wuxuu u mahadceliyay saraakiisha sida daah-furnaanta ah ee ay ula hadleen Soomaalida, isaga oo ku booriyay in ay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaalida, xittaa kuwa bur-cad badeedka ah in haddii ay qabtaan ay helaan xukun cadaalad ku dhisan.

“Waxaan uga mahadcelinayaa guddoomiyaha FSAN Dr. Cali Waare & team-kiisa in ay fursad inoo siiyaan la kulanka saraakiishan, waxaan saraakiisha la wadaagnay walaac aan ka qabno in howlgalada ay baddeena ka sameynayaan inaan lagu dhibaateyn kaluumeysatada Soomaalida” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune.

Saraakiishii ka socotay EU NAVFOR ayaa abaalmarin caalami ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha FSAN Dr.Cali Waare oo isagu soo qabanqaabiyay munaasabada, waxaanna kulankaasi soo xiray Qunsulka safaarada Soomaalida Brussels Cali Wolf, isaga oo uga mahadceliyey saraakiisha EU NAVFOR sida ay kaga jawaabeen dhammaan su’aalihii ay qabeen Soomaalida.

Faysal oo sheegay sabab yaab leh oo ku kaliftay reer Somaliland inay doorasho uga qeyb-galaan Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay sababta keentay in dad kasoo jeeda Somaliland ay Muqdisho uga qeyb-galaan doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay ku sugan yihiin xaalad niyad-jab ah, taasina ay ugu wacan tahay inay Muqdisho u aadaan inay doorasho ka qeyb galaan.

“Waxaa Muqdisho ka dhacay waad aragtaan doorashadii aqalka sare ee Somaliland, yaa dooranaya, salaadiin aynaan garanayn ayaa dooranaya, halkee ayaa lagu dooranaya Xamar, aqalka kale ee sare ee Soomaaliya waxaa lagu doortaa degmooyinka, imika waxaa inaga firfircoon kuwii Xamar tagay, ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaan maqlay Ardaa Ciidagalo ah oo lahaa waa nala dhacay cadaalad baanu u baahan nahay, Farmaajo waa nala dhacay, waa lagu tartamayaa, taasi waxay ku tasayaa in Shacabkeenii niyad jab ku dhacay, Shacabkeena niyad jabka ha laga daayo oo Dawladdu rajo ha u abuurto, rajo ayey dadku ku nool yahay.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa horey sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb gashay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in xubnaha la doortay aysan matalin Somaliland isla markaasna aysan wax shaqo ah ku laheyn.

“Reer Soomaaliya waxaan leeyahay, waxaan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaalinayo  ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, inamana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoobay la yiraa way ina matalayaan, inamana ma talaan,” ayuu yiri Saylici.

Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in QM ay goobjoog ka noqoto doorashadaas, waxayna xubnaha indhaha qarsaday ee doorashada ka qeybgalay ugu hanjabtay in la ogyahay lana xiri doono marka ay Somaliland tagaan.

Daawo: Puntland oo fariin xasaasi ah u dirtay Muuse Biixi kadib raafkii billowday

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo dadka reer Laascaanood ugu baaqay inay deg deg uga laabtaan go’aankii ay ku tarxiileen boqolaal qof oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo ku eedeynaya inay yihiin Shabaab.

Guddoomiye Cabdiladiif ayaa sheegay in qof ka yimid Bay iyo Bakool inta qof ku dilo Laascaanood in uusan isku sii dhex qari karin, taasna uu xaqiiqsaday intii ay Gaalkacyo ka qadeen howlgalkii ciribtirka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in kooxihii Gaalkacyo dadka ku laayn jiray ay ka soo jeedeen deegaanka, balse Al-Shabaab ay abuuri jireen tuhun marin habaabin ah, kaas oo dadka aan deegaanka u dhalan dusha looga saarayo dembi aysan gelin.

“Hadii dadkaan la tarxiilayo la leeyahay dadkii lagu dilay Laascaanood oo cid dishay aan la aqoon iyagaa laayey, taas anagaa soo xaqiijinay oo gobolka Mudug ayaan ku xaqiijinay, dadkii Mudug lagu dilay jiray gacan kama geysan hal qof oo koonfur ka soo jeeda, reer Mudug ayaa dadka layn jiray, hal qof oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo Shabaab ah ma aanaa qaban, ma dilin, mana joogo deegaankaan,” ayuu yiri Sanyare.

Waxa uu sheegay in sida isaga aysan ugu suurta geleyn inta Baydhaba tago oo qof ku dilo, inuu ku noolaado, aysan reer Koonfur Galbeed ugu suugta geleyn inay ku noolaadaan Laascaanood inta dad ku dilaan.

“Shabaabka ayaa dadka marin habaabinaya, waxa Laascaanood dadka ku laaya waxay idinkaga dhigayaa reer Koonfur Galbeed, laakiin anigu uma maleynayo, dadka hadii amni daro looga cabsado si kale ayaa loo koontorooli karaa, laakiin saan waa tallaabo aad u xun oo laga qowmameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Ugu dambeyntii guddoomiye Sanyare ayaa fariin u diray madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sheegay in reer Somaliland ay dhibkaan iyo qaxa dadka Soomaaliyeed uga horeeyeen, waxuuna ka  dalbaday in jidkii qaraaraa uusan maanta marsiin dad Soomaaliyeed oo aan waxba ka galabsan.

“Waxaan halkaan fariin uga dirayaa Madaxweyne Muuse Biixi. Muusow qaxooti waad istaqaanaan, anigu waxaan ahay dadkii Booda-dheere, Gaashaamo iyo Gorgor raashinka geyn jiray sanadkii 1988-kii, Soomaali idinkaa dhibaato ugu hor maray ee ka joog,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiladhiif Muuse Nuur.

Waxuu intaas ku sii daray, “Qof saakay gurigiisii ka soo shaqa tegay ee suuqa laga qabtee la tarxiilay, dhibaatada ay leedahay iyo cuqubada ka dhalan karta waa garneysaa, walaalow Ilaahey uga baq arrintaan oo dadkaas dhibaatada lagu hayo hoos u fiiri, nin oday ah oo qaar ka mid ah umadda Soomaaliyeed xukumaa tahay, ee dadka ku hoos jooga naxariis u samey.”

Hoos ka daawo

Xubno Al-Shabab ah oo lagu dilay howl-gal qorsheysan

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa laga fuliyey tuulooyinka, Kaaytoy, Mushaani, Xerta Doonka, Waagade iyo Kabtaanka op hoostaga magaalada Janaale ee gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaaminaysay howl-galkan ayaa shaaciyey in inta uu socday howl-galka ay dagaal la galeen Al-Shabaab, ayna ka dileen ilaa 12 xubnood, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay gacanta kusoo dhigeen boqolaal ruux oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Maamulka deegaanka Janaale ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa howl-galka ka dhacay nawaaxiga deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah, kuna yaal gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo noqdeen xeryihii ay markii hore ka baxeen ee nawaaxiga Janaanle  Shabeelaha Hoose.

Daawo: Mahad Salaad oo sheegay ‘qorshe xun’ oo ay damacsan yihiin Ahlu-Sunna

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo garbahooda ay taagan yihiin wasiiro ka tirsan Galmudug iyo maamulka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay si adag uga hadleen abaabulka ay Ahlu-Sunna ku qabsaneyso deegaanada Galmudug.

Ugu horeyn Mahad Salaad ayaa sheegay in ciidmada Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ay waayihii dambe dagaal kula jireen Al-Shabaab, balse hadda dhabarka laga toogtay.

“In ciidankii dagaalka kula jiray Argagixisada dhabar jebin lagu sameeyo waa mas’uuliyad darro, waa diin la’aan, waana qaran dumisnimo, waxaan ugu baaqeynaa kooxahaas diinta ku qaraabanaya inay ka waantoobaan daadinta dhiiga umadaan,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in dhowr dowladood oo dalka soo martay ay Ahlu-Sunna heshiisyo uga baxday, “Ujeedka nimankaas waa inay mar kale Matabaan iyo Mareergur inta u dhaxeysa ay Isbaarooyin dhigtaan,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray Mahad Salaad, “Waxaan idin leeyahay walaalayaaloow hadii xil wax tarayo ama xoolo wax idiin tarayaan, maamulladii dalkaan isaga dambeeyay ee qolo kasta heshiis ayaad la geleyseen, waana uga baxayseen ee ilaah imaanka ha idinku geliyo intii hore,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Dhanka kale Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo isna Dhuusamareeb warbaahinta kula hadlay ayaa nabadiid aan Shabaab waxaba dhaamin ku tilmaamay dadka uu sheegay inay abaabul dagaal ka wadaan deegaanada Galmudug.

“Midaam ma ahan in la daadiyo dhiigga walaalaha Soomaaliyeed, mana jirto mansab iyo darajo lagu gaarayo, culimo ma ahan nimankaan waa siyaasiyiin, Galmudug maanta uma baahna cid burburisa, nimankaas waxay doonayaa inay dib mugdigii ugu celiyaan dadka ku nool Gurceel iyo Matabaan,” ayuu yiri Senator Cabdixakiin Macalin.

Hoos ka daawo Muuqaalada

Daawo: Hadal kasoo yeeray Mahdi oo muujinaya halka ay kala joogaan Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo galabta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa ka hadlay guulihii ay reer waqooyigu ka gaareen doorashadii Aqalka Sare ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mahdi Guuleed ayaa hadalkiisa laga dheehan karay in garabka Farmaajo uu isaga haray, wuxuuna si dadban ugu weeraray inuu isku dayey inuu kursiga Aqalka Sare u diido wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, oo uu ku tilmaamay “Libaax dabar ka soo goostay.”

“Hadda kadib reer koonfurka u kala dhuuman meyno, ee waxaan hor dhigi doonaa shuruudo, anagoo mideysan ayaan dhihi doonaa maxay dani ugu jirtaa Somaliland, sanadkaan waxaa siyaasadda Somaliland ku meteli doona dad culus, golaha shacabkana sidaan oo kale ayaan ka rajeynayaa,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in hadda kadib ay xooga saari doonaan sidii macno iyo midnimo Soomaaliyeed ay u keeni la haayeen, “Barbarkey ka baxdaa waa Bakeyle galeen,” ayuu yiri.

“Waxaan bogaadinayaa doorka ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, oo guushaan iyo doorashadii noo qabsoontay door weyn ku lahaa, taageero hagar la’aan ahna na siiyey, aad ayuu isha ugu hayey, xil-weyn ayuuna iska saaray in doorasho xor ah ay dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahdi Guuleed.

Hoos ka Daawo  

DAAWO: DF oo jawaab caro leh ka bixisay go’aanka ay SOMALILAND ka qaadatay dadka reer Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si adag uga hadlay musaafurinta dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku  nool magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku heyso xukuumadda Somaliland.

Wasiirka oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa yiri, “Waxaan aad uga xumahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed waa wax ku cusub dhaqankeena suuban, mana ka turjumeyso ilbaxnimada iyo dhaqanka Dowliga ah.”

Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa nasiib daro ku tilmaamay in si gaar ah loo bartilmaameedsado dad gaar ah oo weliba si nadab ah ugu ganacsanayey magaalada, qaarkoodna hantidooda iyo guriyahooda laga soo dhex-saaray.

“Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay joojiyaan falalka noocaan oo kale ah oo dhaqanka Islaamka, midka Dowliga ah iyo kan Soomaaliyeed midna aan ka tarjumeynin,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha, hey’adaha u xuquuqda aadanaha iyo shacab-weynaha reer Laascaanood ugu baaqay in aysan ka aamusin oo aysan raali ka noqon buu yiri ‘falkaan foosha xun’ dowrkoodana ay ka qaataan xalinta arinkaan.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa xalay ilaa maanta Laascaanood ka waday howlgallo ka dhan ah dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyagoo maanta isugu geeyey garoonka diyaaradaha, si dib loogu celiyo deegaanadii ay u dhasheen.

Somaliland waxay dadkaas ku eedeyneysaa inay ka dambeeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo loo geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka Wasiirka

Ahlu-Sunna oo kusii siqeysa Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa kusii siqaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug maalin kadib markii ay gacanta ku dhigeen laba magaalo oo muhiim ah oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabeelle. 

Ahlu-Sunna ayaa Jimcihii qabsatay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan iyo sidoo kale tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud, kadib markii shacabka ay aad usoo dhoweeyeen, ciidama qaarna u goosteen, ayaga oo iska diiday maamulka Qoor Qoor ee fadhiidka noqday.

Waxay sidoo kale maanta qabsadeen deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 km u jira magaalada Dhuusamareeb, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo sheegay inay ku arkeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu-Sunna oo wata gaadiidka dagaalka.

Xoogag kale oo kuwa Ahlu Sunna ah ayaa la soo sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ay kaga soo siqayaan dhinaca deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan magaaladaasi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Dhuusomareeb, taasi oo haddii ay qabsadaan ka dhigan burburka maamulka Qoor Qoor uu hoggaamiyo ee Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa shalay galab ka degay diyaarado siday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, senatorro iyo xildhibaano heer federaal ah oo ka soo jeeda Galmudug iyo ciidamo ka kala tirsan Haramcad iyo Duufaan oo dowladda federaalka ay u dirtay Galmudug, si magaalada looga difaaco Ahlu-Sunna.

Lama soo werin wax iska hor’imaad ah oo ka dhacay deegaanka maadaama ciidamada dawladdu ay horey uga baxeen, kuwa Ahlu-Sunnana ay si nabada ku galeen Ceeldheere.

Xiisadda gobolka ka taagan ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo khamiistii markaasoo dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna deegaanka Bohol oo isna ku dhaw Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug in meeshii ay kala dagaalami laheyd kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay Alhu Sunna, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa maanta istaagay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray magaalada Guriceel kadib markii ay shalay halkaas qabsadeen kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Sarkaal ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in xaaladda Guriceel ay gashay darteed loo joojiyay duulimaadyadii tagi jiray Guriceel.

Muxuu R/Wasaare ROOBLE kala hadlay taliyeyaashii uu maanta la shiray? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UN-ka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha horyaala ee ugu horreyso sugidda amniga doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan bilaaban doonta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Cabdi Xasan Xajaar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay u gudbiyeen lifaaqyo ku aadan baahidooda dhinacyada sugidda amniga, isla markaana ay diyaar u yihiin fulinta howsha loo xil saaray ee ah ammaanka doorashooyinka.

Rooble ayaa xusuusiyey xubnaha guddiga musuuliyadda culus ee la saaray in ay ka soo dhalaalaan, maadaama wajiga labaad ee doorashadu uu yahay mid ka culus qeybtii hore.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay khilaafka ka taagan hoggaanka NISA iyo Wasaaradda Amniga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay uga hadashay khilaafka aan weli xalka loo la’yahay ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ku aadan hoggaanka wasaaradda amniga iyo hay’adda NISA.

“Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in si kastaba ay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah.

“Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherland, Norway, Qadar, Saudi Arabia, Sudan, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

Ahlu Sunna oo qabsatay magaalo kale oo muhiim ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Ahlu Sunna ay qabsatay deegaano dhowr ah, iyada oo dooneyso inay isku ballaariso deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaas oo hoostaga Galmudug.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jiray degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qaarka mid ah dadka dku dhaqan Ceeldheere ayaa Caasimada Online u sheegay inay gudaha deegaanka ku arkeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna oo wata gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax iska hor imaad ah uusan ka dhicin halkaasi, waxaana la sheegay in ciidamadii ku sugnaa ayka soo baxeen Ceeldheere.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Dhuusamareeb oo ay haatan isku horfadhiyaan labada dhinac.

Ahlu-Sunna ayaa Jimcihii qabsatay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan iyo sidoo kale tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud, kadib markii shacabka ay aad usoo dhoweeyeen, ciidama qaarna u goosteen, ayaga oo iska diiday maamulka Qoor Qoor ee fadhiidka noqday.

Arrintan ayaa sii xoojineyo walaaca laga qabo inuu ka daro dagaalka cusub ee ay haatan lugaha la gashay Galmudug oo horey ula dagaalameysay kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug in meeshii ay kala dagaalami laheyd kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay Alhu Sunna, sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland oo shaacisay in dadka kasoo jeeda koonfurta ay ula mid yihiin Itoobiyaanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland oo maanta wariyeyaasha kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa ka warbixiyey howl-gal ay ciidamada ammaanka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay dad u badan ganacsato, kana soo jeedo deegaan ahaan dhinaca koonfurta.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka & ajiniibta kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo masaafurin doonaan dadkaasi, kana soo saari doonaan guud ahaan deegaanadooda.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”.

Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in Somaliland ay bilowday daad gureynta dadkaasi, iyada oo adeegsaneyo gawaari xamuul ah, sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinaya ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood, waxaana taasi ay keentay in Somaliland ay ballaariso howl-gallada ka socda halkaasi.