26.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Somaliland oo shaacisay in dadka kasoo jeeda koonfurta ay ula mid yihiin Itoobiyaanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland oo maanta wariyeyaasha kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa ka warbixiyey howl-gal ay ciidamada ammaanka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay dad u badan ganacsato, kana soo jeedo deegaan ahaan dhinaca koonfurta.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka & ajiniibta kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo masaafurin doonaan dadkaasi, kana soo saari doonaan guud ahaan deegaanadooda.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”.

Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in Somaliland ay bilowday daad gureynta dadkaasi, iyada oo adeegsaneyo gawaari xamuul ah, sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinaya ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood, waxaana taasi ay keentay in Somaliland ay ballaariso howl-gallada ka socda halkaasi.

Daawo: Wasiir BEYLE oo sheegay arrin ka yaabisay markii uu yiri “Dhaqaalaha dalka sagxadda ayuu yaallaa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah gaar ahaan dhaqaalaha, isagoo shaaciyey in guulo badan ay ka gaareen daqliga.

Wasiir Bayle ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inuu aad uga naxay, sida looga falceliyey hadal uu horey u siiyey warbaahinta oo ahaa in sagxadda hoose uu joojo dhaqaalaha dowladda, wuxuuna tilmaamay inuu la yaabay dad uu sheegay in ay u dabaal-dageen.

“Waxaa jirtay maalin aan iri sagxaddaan taaganahay oo aan dad Soomaaliyeed la hadlayey oo aan caloosheyda u soo xaaray oo aan ku iri, wax badan ma heynee na caawiya mushkilad taasi malaha oo wax waa la’is weydiin karaa, waxaanse la yaabay maalintii markaan sagxadda iri dadbaa dabaal degayba. Bal ka warran waxa ay u dabaal dageen Soomaaliya sagxadda ayey joogta?,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan laga soo gudbay xaaladdii adkeyd, isla-markaana ay dadaal ku bixiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka.

“Haddaba ha dabaal-dagin haddii aan iraahdo waddankeena wuu hooseeyaa, laakiin waa ka soo baxaynaa ayaa idin leenahay, waana ka soo baxnay dad u qalma inay ka soo baxaan waa nahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka maaliyadda xukuumada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in afar sano gudahood ay ku guuleysteen in laga cafiyo Soomaaliya qeyb ka mid daymihii lagu lahaa, laguna kalsoonaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Deyn cafintii wixii naloogu talagalay ayaan gaarnay waa nalagu kasoonaaday,” ayuu mar kale yiri wasiir Bayle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho, iyada oo weli lagu soo xulista xubnaha baarlamaanka.

Wareysi: Sheekh Shaakir oo shaaca ka qaaday ujeedka Ahlu Sunna ee Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si faah faahsan uga hadlay xiisadda u dhexeysa ciidamadooda iyo kuwa Galmudug ee ka taagan gobollada dhexe ee dalkeena.

Shaakir oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa marka hore ku eedeeyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug in meeshii ay kala dagaalami laheyd kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay Alhu Sunna, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuuxuu Sheekhu faah faahiyey ujeedada ay dib ugu soo laabteen Galmudug oo ay hadda ka wadaan abuul ciidan, wuxuuna tilmaamay inay doonayaan in loo midooobo Al-Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ka joogaan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

“Hadafkeena ugu weyn ee aan ka leenahay waddankeena Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug waxaa weeye in loo midoobo khawaarijta Al-Shabaab, lagana xoreeyo waddanka oo idil, Ummaddana ay hesho amni hadafkeeno kaas weeye,” ayuu  yuri Sheekh Shaakir.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in madaxda Galmudug ay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii loo igmaday, isla-markaana ‘ay NJO iska noqotay’ shaqadii maamulka.

“Galmudug system-keedii ayaa waxa uu noqday NJO dibadda inta looga yimaado mas’uuliyaa laga qaato haddane lala cararo. Mas’uuliyad Ummaddii loogu khidmeynayo ma aysan noqonin marka sidaas daraadeed in la helo mas’uuliyiin Ummadda u adeegayo oo diyaar u ah inay dadka wax u qabtaan taas waa muhiim,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan carqalad ku aheyn Galmudug horumarkeeda, balse ay doonayaan kaliya in la helo amni iyo xasiloonid waarta.

“Annagu ma nihin kuwa Galmudug carqalad ku ah ee waxaan ka shaqeyneynaa amnigooda iyo horumarkooda, ” ayuu markale wareysigan ku yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ciidamada taabacsan Ahlu Sunna ay la wareegeen magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan Galmudug.

Hoos ka dhageyso Sheekh Shaakir

Somaliland oo billowday howlgal lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda koonfurta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Booliska Somaliland xalay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo lagu soo qab qabtay dad badan.

Howl-galkan oo si gaar ah loogu beegsaday dadka ka soo jeeda deegaan ahaan koonfurta ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan ganacsato, sida ay inoo sheegeen ilo degaanka ah.

Dadka la soo qab qabtay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la isugu geeyey garoonka Cabdi Bille oo ku yaalla magaaladaasi, halkaas oo su’aallo lagu weydiinayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay diideen in la booqdo dadkaasi, waxaana howl-galkan uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee Laascaanood.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan howl-galladaasi ay bilowday Somaliland inay ku beegsato dadka ka soo jeeda koonfurta.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood.

Si kastaba, Somaliland oo ka duuleysay arrintaasi, si looga hortego amni darrada ayaa guddi u saartay kooxaha ka dambeeya dilalka iyo weerarada ka dhaca halkaasi.

Jubaland oo jawaab rasmi ah ka bixisay gefkii Cali Kadiye u geystay qoyska IKRAAN

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa looga falceliyey hadallo xanaf leh oo kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, Cali Kadiye oo si la yaableh oo dad badana ay ka caroodeen uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil.

Ugu horreyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray mas’uulkaasi oo uu tilmaamay inuu si cid ugu gefay qoyska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale wuxuu xusay in Jubbaland ay qoyska Ikraan iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ka raali-gelineyso hadalkaas oo uu tilmaamay inuu kasoo baxay dad aan xilkas aheyn, misana ay wakiisheen shaqsiyaad ka tirsan NISA, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka raaligalinayaa umadda Soomaaliyeed hadallada ay ku hadleen kuwa aan xilkaska ahayn ee ay sida sharci darrada ah ay uwakiisheen shaqsiyaad kamid ah NISA,” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi ku daray in arrintani ay ceeb ku tahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, maadaama uu isagu wakiishay mas’uuliyinta uu kasoo baxay hadalkaasi.

“Waan hubaa Madaxweyne Farmaajo ay ceeb ku tahay arrintan, maadaama uu hadalka kasoo yeeray kuwii uu isagu u wakiishay gobolka si dastuurka iyo shuruucda dalka baalmarsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guddoomiyaha maamulka degmada Luuqa, Cali Kadiye oo ka hadlayey arrinta Ikraan Tahliil Faarax uu shaaciyey in kiiskeeda uu gaaray in dalka loo dumiyo, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Mar haddii ay noqotay dhiigeedii iyo kiiskeedii wax Dowladda Soomaaliya lagu duminayo Habarta dhashay xataa Carabka in laga jaraa qabaa” ayuu yiri Cali Kadiye.

Si kastaba, arrintan ayaa abuurtay xasaasiyad xoogan, waxaana ka horyimid siyaasiyiin & qeybaga bulshada  oo sheegay inuu yahay mid colaad hurin ah oo aan la aqbali karin.

Rooble oo war kasoo saaray xiisadda Galmudug iyo soo rogaal-celinta Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay dagaallada kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor Qoor.

Ahlu-Sunna ayaa Jimcihii qabsatay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan iyo sidoo kale tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud, kadib markii shacabka ay aad usoo dhoweeyeen, ciidama qaarna u goosteen, ayaga oo iska diiday maamulka Qoor Qoor ee fadhiidka noqday.

Hoos ka aqriso qoraalka Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada  Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado  tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.

Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan .

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

Erdogan oo arrin xasaasi ah ku eedeeyey la-taliyaha Biden

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa si toos ah ugu eedeeyey sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka “inuu taageero oo uu maamulo” kooxaha mintidiinta ah, sida kooxda kurdishka ee PKK.

Erdogan ayaa weriyayaasha u sheegay in Brett McGurk, oo ah isku xiraha Golaha Amniga Qaranka Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika uu aad ugu dhow yahay kooxda PKK ee Turkey, iyo kooxda kale ee xiriirka la leh ee YPG ee dalka Syria.

“Waxa uu xaqiiqdii taageerayaa argagixiso,” ayuu Erdogan yiri. “Waa agaasimaha PKK iyo YPG. Dabcan hadalkeyga wuxuu walaacin doonaa dadka qaar. Waan ognahay taas.”

Erdogan ayaa sheegay in McGurk uu si toos ah ula shaqeynayo kooxaha argagixisada ee gobolka.

“Arrintan aad ayey ii dhibeysaa, wuxuu hub ka qeybinayaa gobol aan isku dayeyno inaan argagixisada ka xaalufino,” ayuu yiri.

McGurk oo maamulladii Trump iyo Biden u qaabilsanaa ergeyga ka hortagga argagixisada Daacish, ayaa loo arkaa inuu yahay maskaxda isku xireysay Mareykanka iyo kooxda YPG ee Syria intii ay dagaalka kula jireen Daacish.

McGurk ayaa si gaar ah u qabtay indhaha Turkey kadib markii uu horraantii 2016 aqbalay abaal-marin uu siiyey taliyaha YPG.

Turkey ayaa la dagaalameysay PKK tan iyo 1984-kii, markii kooxdan ay billowday ololaheedii ugu horreeyey ee ay dal Kurdish ah uga goyneyso Turkey. Kooxda ayaa iminka sheegta inay is-maamul ballaaran u dooneyo Kurdiyiinta Turkey. 

Dagaalka ayaa la rumeysan yahay in tan iyo markaas ay ku dhinteen 40,000 oo qof. Turkey, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa dhammaantood u aqoonsan PKK urur argagixiso.

Muxuu Ruushka oo ka yiri xaaladda siyaasada Somalia?

New York (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay muhiim tahay in laga hortago in xaaladda Soomaaliya ay kasii darto ayada oo dalka uu ku guda jiro qabashada doorashooyin.

Ku-xigeenka wakiilka joogtada ah ee Russia ee QM Anna Yevstigneyeva ayaa kulan uu qabtay Golaha Ammaanka oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya u sheegtay, in Soomaaliya ay baahan tahay waqti iyo xaalado deganaansho siyaasadeed, bulsho iyo amni, si ay uga soo baxdo waajibaadkeeda qabashada doorashooyinka.

“Halkan, Golaha Ammaanka waxaan u baahanahay inay na hagaan xaqiiqoyinka ka jira dalka, ayna Soomaaliya u kala hormariso ahmiyadaheeda sida ay yihiin,” ayey tiri Anna.

Waxa ay intaas ku dartay in shaqada ugu weyn ee mustaqbalka dhow hortaalla Soomaaliya ay tahay inay soo geba-gebeyso doorashooyinka qaranka.

“Nasiib-darro, mas’uuliyiinta federaalka waxay ku qasbanaadeen inay dib u jadwal gareeyaan taariikhihii hore ee la isku raacay kadib markii ay dhaceen xasillooni darrooyin siyaasadeed,” ayey tiri Anna Yevstigneyeva, oo intaas ku dartay “Hadda waxaa la qorsheynayaa in doorashooyinka lasoo gabe-gebeeyo kahor dhammaadka November.” 

“Sidoo kale, waa muhiim in laga hortago in xaaladda amni ay sii xumaato, taasi oo markii horeba aheyd mid muhiim ah,” ayey tiri Anna, ayada oo tix raaceysa weerarada kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka Anna Yevstigneyeva ee ku aaddan xaaladda Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo Moscow ay bilihii tegay u muuqatay inay aad u daneyneyso arrimaha Soomaaliya. 

Daawo: Saraakiisha Ahlu-Sunna ee qabsaday Guriceel oo shaaciyey qorshahooda, soona rogay amarro culus

0

Gurceel (Caasimada Online) – Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Ahlu-Sunna ee maanta la wareegay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray amarro dhanka socdaalka ah, sidoo kale waxay faahfaahin ka bixiyeen dagaalkii qaraaraa ee shalay ay ciidamada dowladda kula galeen deegaanka Bohol ee waqooyiga magaalada Dhuusamareeb.

G/Sare Cali Faarax Maxamed Bilaal oo ah Taliyaha hogaaminaya ciidamada Ahlu-Sunna ee maanta qabsaday degmada Guriceel ayaa warbaahinta la wadaagay amarro ay ku soo rogeen dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel.

“Maanta waxaan la wareegnay guud ahaan gacan ku heynta degmada Gurceel, waxaana na soo dhaweeyey bulshada deegaanka, horay waxaan ugu shaqey jirnay dadkaan iyo deegaankaan, hadana waxaan diyaar u nahay inaan u adeegno shacabkaan oo difaacano, waxaana ugu baaqeynaa inay is-dejiyaan,” ayuu yiri Sarkaalkaan u hadlay Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa amar ku bixiyey in garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel aysan ka soo degi karin diyaarad sida hub iyo ciidan.

G/Sare Cali Faarax oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ay shalay ciidamada dowladda kula galeen deegaanka Bohol ayaa sheegay inay ka guuleysteen weerar gardarro ay ku soo qaadeen ciidamadii uu Turkigu u tababaray Soomaaliya ee Gor Gor.

“Bohol waxaa ku sugnaa ciidamada AHSWJ, waxaana ku soo weeraray kuwo ku qaraabanaaya shaatiga dowladda, waxay ciidankii Qaranka ee dowladaha caalamka ay noo tababareen, sida GorGor oo kale ay u adeegsadeen si qaldan, laakiin ciidankii Ahlu-Sunna waa ka guuleystay duulaankaas,” ayuu yiri G/Sare Cali Faarax oo Gurceel warbaahinta kula hadlay.

Hoos ka daawo

Qoor Qoor oo hub iyo ciidan ka dejiyey DHUUSAMAREEB

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa galabta ka degay diyaarado siday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, senatorro iyo xildhibaano heer federaal ah oo ka soo jeeda Galmudug iyo ciidamo ka kala tirsan Haramcad iyo Duufaan oo dowladda federaalka ay u dirtay Galmudug, si looga difaaco Ahlu-Sunna.

Wafdigaas isugu jiray mas’uuliyiinta iyo ciidamada waxaa Dhuusamareeb soo ka dejiyey gelinkii dambe ee maanta seddax diyaaradood oo Muqdisho ka soo qaaday.

Tirada ciidamada uu Axmed Qoor Qoor la yimid Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay 200 oo askari, kuwaas oo isugu jira booliska gaarka ah ee Haramcad iyo ciidanka Duufaan ee ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya. Sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka GorGor ayaa horay u joogay Galmudug.

Senatorrada iyo xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug ee Qoor Qoor la tegay Dhuusamareeb waxaa ka mid ah Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey), Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo xubno kale.

Kulamo siyaasadeed oo ku saabsan xaaladda faraha ka sii baxaysa ee Galmudug ayaa caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo Qoor Qoor iyo xubnaha kala yimid Muqdisho ay la yeelanayaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaanka, waxaana kulamadaan looga hadlayaa sidii laga yeeli lahaa abaabulka ay Ahlu-Sunna ku qabsaneyso deegaanada Galmudug.

Ahlu-Sunna oo dib isku soo abaabushay ayaa maanta si nabad geliyo ah kula wareegtay gacan ku heynta magaalooyinka Gurceel iyo Matabaan oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxay dagaalyahanada Ahlu-Sunna isku uruursanayaan deegaano waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

Ciidamada Ahlu-Sunna waxay shalay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ku jebiyeen dagaal ay kula galeen deegaan lagu magacaabo Bohol oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkii shalay ayey ciidamada Ahlu-Sunna ku furteen gaadiid dagaal oo isugu jira Cabdi-bile, Booyad iyo Boobe, waxayna hoggaanka Ahlu-Sunna war-saxaafadeed ay ka soo saareen dagaalkaas ku sheegeen in lagu soo qaaday weerar gar-darro ah, iyagoo Ra’iisul wasaare Rooble uga dacwooday hurin colaadeed oo ay ku eedeeyeen Axmed Qoor Qoor iyo ah Fahad Yaasiin.

Ahlu-Sunna oo gacanta ku dhigtay degmada Matabaan

Matabaan (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa goordhow la wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, la-wareegista ayaa ku timid gadood ay sameeyeen shacabka ku nool magaalada, iyo taliye ku xigeenka booliska degmada Mataban Cabdullahi Aadan, oo isaga iyo ciidan uu wato ay ku biireen dhanka Ahlu-Sunna.

Inkasta oo Matabaan ay ka tirsan tahay Hiiraan iyo maamulka HirShabeelle, haddana shacabka ku nool magaalada badankood ayaa ku reer ah hoggaanka sare ee kooxda Ahlu-Sunna, oo ay si weyn u taageeraan.

Isla goor sii horeysay oo maanta ah ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa la wareegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah. Ciidamada Ahlu-Sunna ee la wareegay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka deegaanka Godwiil oo ay saakay soo gaareen.

Waxaa isdhiibay ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa magaalada Gurceel ee ka tirsanaa maamulka Galmudug, waxayna sarkaakiishii iyo ciidamadii maamulka Galmudug u joogay Gurceel u wareegeen dhanka Ahlu-Sunna.

Sida fudud oo ay Ahlu-Sunna ula wareegeyso deeegaanada Galmudug, ayada oo aanu ka dhicin wax dagaal ah, oo weliba ciidamada qaarkood ay ku biirayaan dhankooda, waxay astaan u tahay sida shacabka Galmudug u naceen hoggaan xumada Axmed Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa mudadii uu madaxweynaha ugu magacownaa Galmudug, wuxuu intiisa badan ku sugnaa Muqdisho, isaga oo ka shaqeynaya danaha madaxweynaha muddo xileed-kiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ahlu Sunna oo war culus kasoo saartay dagaalka ka qarxay degaanada Galmudug

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ee Galgaduud ayaa war rasmi ah kasoo saartay dagaalkii shalay Bohol ku dhex maray ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan culumada Ahlu Sunna.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa sheegay in dagaal gardaro ah lagu soo qaaday deegaanka Bohol oo ah meel dagan, islamarkaana ay dagaalka soo qaadeen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in Ahlu Sunna aysan marnaba diyaar u aheyn daadinta dhiigga Muslimiinta isla markaasna iyaga lagu soo duulay ayna ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Beesha Caalamka ayey Ahlu Sunna ugu baaqday inay ka hor tagaan dagaalka gardarada ah oo ay maleegayaan Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor.

Ugu dambeyntii, Ahlu Sunna ayaa sheegtay inay soo dhaweeneyso dadaalada nabadda lagu raadinayo iyadana ay diyaar u tahay inay ka qeybgasho joojinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna oo dhameystiran

 

Ahlu Sunna oo la wareegtay gacan ku heynta Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen magaalada, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah.

Ciidamada Ahlu Sunna ee la wareegay Magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka deegaanka Godwiil oo ay saakay soo gaareen.

Waxaa Magaalada isaga baxay ciidamo booliska ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana la xiray inta badan goobaha ganacsiga ee Magaalada, iyadoo jidadka ay isugu soo baxeen dadweyne aad u tiro badan oo ku faraxsan in Ahlu Sunna ay dib ula wareegto Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa gudaha u galay dhammaan xarumaha kala duwan ee Magaalada sida Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka .

Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug & saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin tallaabadaan Ciidamada Ahlusunna ay kula wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug oo ka ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku wajahan Guriceel, sida Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Macali Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir ayaa dabayaaqadii September-2021 waxa ay ciidan ku aruurinayeen deegaanka Bohol oo ka tirsan Dhuusamareeb iyaga oo iskudeyaya in ay qabsadaan mar kale Galmudug.

Daawo: Cali Kadiye: Habarta dhashay IKRAAN TAHLIIL Faarax carabka ha laga jaro”

0

Luuq (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Luuq Cali Kadiye oo ka hadlayey kulan ka dhacay Degmada Luuq ayaa si la yaab leh uga hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA.

Guddoomiye Cali ayaa sheegay in Ikraan Tahlil ay tahay Gabar Soomaaliyeed ayna ka xun yihiin wixii gaaray, wuxuuna xusay in kiiskeeda uu gaaray in dalka loo dumiyo, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ikraan waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay Luuq, Aabaheed ayaa ka shaqeyn jiray halkaan, waan ka xunahay wixii gaaray, ciddii gaarsiisayna Allah ayaa kula xiisabtamayo,” ayuu yiri guddoomiye Cali.

“Mar haddii ay noqotay dhiigeedii iyo kiiskeedii wax Dowladda Soomaaliya lagu duminayo Habarta dhashay xataa Carabka in laga jaraa qabaa” ayuu sii raaciyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka la dilo laga qaadan jiray diyo, islamarkaana laga xaaltami jiray balse kiiska Ikraan ayuu ku sheegay mid aan laheyn dhammaad.

“Farmaajaa dilay haddii ay dhahaan oo ay kusoo caddeystaan waa rag,” ayuu yiri mar kale guddoomiye Cali.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Cali ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wixii hadda ka dambeeyo .

“Ra’isul Wasaare Rooble ma naqaan mana aqoonsanid, anaga waxaa nahay reer Gedo cid aan ka cabsaneyno malahan, haddii uu Rooble faraha nala soo galo waan naqaan sidaan uga keeno waan idinku soo qaldoomay,” ayuu yiri Guddoomiye Cali.

Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha degmada Luuq ayaa waxaa diiday siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Gedo, oo sheegay inuu yahay mid colaad hurin ah, oo aanay la qabin.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Jubaland Aadam Aw-Xirsi ayaa yiri “Hadalka Guddoomiyaha Luuq ee “in Ikraan hooyadeed carrabka laga gooyo” ma aha hadal siyaasadeed oo dhinacyo badan loo dhigi karo. Waa hadal gurracan oo shaydaan ka yimid, waannu daba ordaynaa, inoomana dhahna. Mawlucuna sabeen tawxiid buu ka xirayaa.”

Waxa uu intaas ku daray “Reer Gedo ka mid ma aha Soomaalida maalmahaan xafiiltanka ku hafatay ee wixii ku soo dhaca isaga hadasha, mana aha kuwo xumaanta hurgumada reebi karta isugu sacbiya ama ku kala aamusa. Qoyska Reer Dr. Tahliil Faarax ee sharafta iyo wanaagga leh waxay mudan yihiin in inantoodii shaqada qaranka ugu maqnayd geeri iyo nolol meel loogu tiro.”

Somaliland oo u hanjabtay ergadii afka duubatay ee doorashadii Aqalka Sare

0

Hargeysa (Caasimada Onlin) – Maamulka Somaliland ayaa mar kale ka hadlay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ku matalayo Baarlamaanka Soomaaliya taasoo asbuucaan ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb gashay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in xubnaha la doortay aysan matalin Somaliland isla markaasna aysan wax shaqo ah ku laheyn.

“Reer Soomaaliya waxaan leeyahay, waxaan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaalinayo  ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, inamana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoobay la yiraa way ina matalayaan, inamana ma talaan,” ayuu yiri Saylici.

Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in Qaramada Midoobay ay goobjoog ka noqoto doorashadaas, waxayna xubnaha indhaha qarsaday ee doorashada ka qeybgalay ugu hanjabtay in la ogyahay lana xiri doono marka ay Somaliland tagaan.

“Waxaan aad uga xunahay in Jimciyadii Quruumaha ka dhaxaysay ay markhaati ka noqoto oo ay aaminto in 20 iyo 30 qof oo qarankan falaago ka ah in ay u aragto in ay na matalaan, waxaanu warka ku hayna kuwa indhaha qarsanayay waa kuwo Somaliland ka tagay, oo berri raba in ay soo noqdaan, waa dambiilayaal qaran kuwaasi, yaan la arkin reer Somaliland oo qaylinaya marka berri la xiro,”  ayuu yiri Saylici.

Ahayeenka Guddida Doorashooyinka Soomaaliya Amb: Safiina oo war laga waydiiyey sababta ergadu madaxa u duubteen ayaa ku jawaabay “in xubnaha ergadu ka taxadarayeen caabuqa Covid-19, oo ay yara qalad fahmeen habka loo xirto afsaarka, isla markaana ay siin doonaan wacyigalin dheeraad ah”.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna Waljameeca oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Bohol oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid dagan waxaana gacanta ku hayo ciidamo taabacsan Ahlu Sunna oo Shalay galab dagaal rogaal celis ah ku qabsaday deegaanka Bohol.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, dagaalada ka dhacay Bohol ayaa waxaa ku dhintay illaa 12 qof oo isugu jiro ciidamadii dagaalamay iyo dad Shacab ah, waxaana maleeshiyada Ahlu Sunna u suurta gashay inay gacanta ku dhigto illaa laba gaari oo mid kamid ah uu yahay Beebe.

Waxaa socdo abaabul dagaal oo labada dhinac ah, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale qarxo dagaal culus, iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan in qaar ka tirsan ciidamada Galmudug ay u goosteen dhanka Ahlu Sunna.

Odayaasha dhaqanka deegaanada Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa wado dadaalo lagu dajinayo xaaladda, balse waxaa muuqato in labada dhinac aysan diyaar u aheyn wada-hadal.

Madaxdii maamulkii Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, balse ay bilaabeen abaabulo kala duwan iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal.

Ahlu Sunna ayaa deegaanka Huurshe kaga dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, hayeeshee Galmudug ayaa u aragtay inay kusoo wajahan yihiin ahlu sunna Magaalooyinkii ay horay uga qabsatay ee Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Xog: Arrinta uu salka ku hayo weerarka lagu qaaday hoyga TALIYE Maxamed Aadan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka dhex raadinaya Koox hubeysan oo rasaas ku furtay Hoyga Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Ilaalada Guriga Taliyaha ayaa iska caabbin ku sameeyay weerarka maleeshiyada hubeysan ku qaaday Hoyga Taliye Maxamed Aadan Jaamac, inkasta oo hay’adaha ammaanka weli faah-faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay iyo natiijada baarista ay sameeyeen.

Ciidamo Booliis ah oo laga qaaday taliska Dhexe ee Gobolka Nugaal ayaa la geeyay Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal si ay u sameeyaan baaris la xiriirta sidii loosoo qaban lahaa maleeshiyaadka weerarka geystay.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimadda Online u sheegay in maleeshiyada weerartay hoyga Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ay ku heeb yihiin Nin shalay uu u xiray dil uu u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka PMPF-ta.

Hay’adaha ammaanka oo ku howlan Baarista iyo soo qabashada maleeshiyaadka weerarka geystay ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan natiijada kasoo baxda howlgalkooda sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska Puntland.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ayaan weli ka hadlin, waxaana weerarkaas uu kusoo aadayaa xilli Taliyaha uu shalay shaaciyay inay Gacanta ku dhigeen Nin duleedka Garoowe ku dilay Wiil Dhalinyaro ahaa  kana mid ahaa Saraakiisha Hay’adaha Amniga Puntland kaas oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan.

Saddex arrin oo caddeyn u ah in Mahdi Guuleed uu ka baxay taageeradii Farmaajo

0

Wuxuu mar ahaa siyaasiga ugu weyn ee taageersan, mar kalena wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga aan dhalan ee Nabad iyo Nolol, laakiin hadda waxaa muuqata inuu isbedel ku yimid.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumada xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kusii noqdo awood gaar u taagan, kana baxo isbaheysigii siyaasadeed ee uu kula jiray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo la noqday taageeradii weyneyd ee doorashada.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Mahdi Guuleed uu si cad isugu muujiyey inuu leeyahay rabitaan u gaara oo ka duwan dhismaha iyo dib u doorashada Farmaajo, waxaana maalmihii ugu danbeeyay soo baxay shaki ay kooxda Farmaajo ka qabaan.

Arrimaha soo socda waxay caddeyn u yihiin sida Mahdi Guuleed ugu xuub siibtay hoggamiye mowqif u gaara leh oo aan lagu tiri karin inuu la socto Farmaajo iyo kooxdiisa Doorashada:

QORISTA LIISKII SENATOORADA

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed wuxuu liiska Musharixiinta Senatorada kasoo jeeda Somaliland ku qoray xubno isaga aad ugu dhow, isagoo iska fogeeyay xubno aad ugu dhowaa Farmaajo oo uu doonayey inuu noqdaan musharixiin kusoo baxa Doorashada Aqalka Sare.

Shan Senator oo kusoo baxay Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda loo tirinayo inay taageere u yihiin Farmaajo waxaa 3 ka mida soo saartay Mahdi Guuleed oo dhinacyo kale gorgortan kula galay, waxaana Farmaajo markaas usoo haraya laba senator oo weliba midkood shaki laga gelin karo. 

Tusaale Kooxda Farmaajo ayaa dooneysay inay Liiska Musharixiinta kusoo baxdo Naciima Abwaan Qorane oo ka mida taageerayaashooda, laakiin waxaa dhacday inuu Mahdi Guuleed liiska ku qoray aabaheed Abwaan Qorane, iyadoo abwaanka la filayo inuusan ahayn qofkii ay rabeen kooxda Farmaajo.

AAMINAAD LA’AANTA MAHDI GUULEED

Shakiga ay kooxda Farmaajo ka qaadeen tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Mahdi Guuleed, wuxuu xoogeystay markii ay ku aamini waayeen Kharashkii ay ugu talogaleen inay kusoo saaraan Senatoorada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, kaasoo ay maamulkiisa wadeen xubnaha xafiiska Farmaajo sida agaasime ku xigeenka Madaxtooyada.

Mahdi Guuleed ayaa ka faa’iideystay hoos u dhaca awoodii Maxamed Farmaajo ee timid kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil ee keenay inuu dagaal siyaasadeed dhex maro isaga iyo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna helay awood iyo xoriyad dheeraad ah.

XIRIIRKA MUSHARIXIINTA MUCAARADKA

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed waxaa la ogaaday inuu iskiis u soo saartay Senatooro, isla markaana uu doonayo inuu soo saaro xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo wadahadal la furay ugu yaraan laba ka mida Musharixiinta Mucaaradka ee waaweyn, lana xaqiijiyey inay midkood is fahmeen.

Arrintan waxay caddeyn xoog leh u tahay inuu si aan la dareemin uga baxay taageeradii Farmaajo, haddana isu bedelay awood si gaara u taagan oo isbaheysiyo doorasho la galayo dhinacyada kale, hadba ciddii ay is fahmi karaan.

GABAGABO

Ugu danbeyn Mahdi Guuleed oo garabka Farmaajo ka baxa sida muuqata waxay soo afjari doontaa rajadii uu ka qabay in dib loo doorto ama uu saameyn weyn ku yeesho Doorashada, taasoo horeba daqarro waaweyn u soo gaareen.

Xigasho: Goobjooge.net

AHLU-SUNNA ‘oo heshay’ fursad ay dib ugu soo laabato

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna ayaa shalay ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed, ku-xigeenkii hore ee hey’adda nabad sugidda ee Soomaaliya, haatana ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga ee gobolka, ayaa sheegay in dagaalka ka dhacey Bohol ay tahay fashil ku yimid maamulka Galmudug.

Wuxuu Cabulsalaan intaa raaciyey in awoodda lagala hortagayo Ahlu Sunna, ay ku habboon tahay in lagala hortago ururka Al-Shabaab, kuwaasoo sida uu sheegay khatar weyn ku haya amniga iyo nolosha dadka Galmudug.

“Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto. Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaallada qabiillada ee deegaanka ku soo batay, Shabaabka oo caqabad ku nqodoay gobolka. Waxaana fursadaasi abuuray maamulka Galmudug. Waxay rabaan siyaasad ahaan in dib uqabsadaan mamaulkii horay loga saaray oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta,” ayuu yiri Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed.

Dagaalka ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu iska hilmaamay shaqadiisa, islamarkaana noqday fadhiid degan magaalada Muqdisho oo ka shaqeeya danaha madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu xukunka qabsaday Qoor Qoor waxaa xoogeystay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deeganadaas, kuwaas oo laga nabad qabay muddadii ay Ahlu-Sunna joogtay, waxayna taasi dhalisay in Ahlu-Sunna mar kale ay taageero hesho.

Jeneraal Xuud oo 48 saac u qabtay HirShabelle kadib arrintii ka dhacday Jowhar

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin adag kasoo saaray dhalinyaro lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, wuxuuna maamulka u qabtay in lagu soo sii daayo 48 saac gudahood.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in arrin la yaab leh ay tahay in afar will oo dhalinyaro ah la iska xirto, isagoona mas’uuliyada xarigaas dusha u saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe.

“Waxaa shalay Jowhar lagu xiray afar wiil, waxaa loo xiray xornimadooda iyo xuquuqda ay leeyihiin in ay soo bandhigaan oo dadka ay tusaan ayaa loo xir-xiray, qof walba oo bini-aadam ah oo aduunyada ku nool waa xor, xaqna wuxuu u leeyahay waxa uu rabo haddii ay xumaan aheyn in dadka uu tuso,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

“Edeb-darada loo xiranayo maxay tahay?, ma waxa lagu nisbeyn karaa qabiil ayaa xirtay. Arrintaas oo kale waa ka fogaadaan dadka mas’uuliyiinta in laga aargoosto ilmaha iyo dumarka, ciddii aad ka aargosan laheydeen waa taqaanan waa aniga idinla hadlaya.”

Waxa uu ku hanjabay in haddii 48 saac gudaheed lagu soo deyn waayo dhalinyaradaas, uu qaadi doono tallaabo cawaaqib xumadeeda uu qaadayo Cali Guudlaawe.

“Haddaa fidno iyo rabsho ka shaqeynayso waa lagala shaqeyna wixii hadda ka dambeya, ogowna in Johwar ay nabad noqoneyn, xawaadle ayaa dagan, waa isku dhar dhiganeyn, haddaad ka noqon gefka noocaas oo kale ah.”

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa hogaamiya gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, waxayna mararka qaar weerar ku qaadan deegaano ka tirsan maamulkaas.

Hoos ka daawo muuqaalka