25.7 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Jeneraal Xuud oo 48 saac u qabtay HirShabelle kadib arrintii ka dhacday Jowhar

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin adag kasoo saaray dhalinyaro lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, wuxuuna maamulka u qabtay in lagu soo sii daayo 48 saac gudahood.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in arrin la yaab leh ay tahay in afar will oo dhalinyaro ah la iska xirto, isagoona mas’uuliyada xarigaas dusha u saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe.

“Waxaa shalay Jowhar lagu xiray afar wiil, waxaa loo xiray xornimadooda iyo xuquuqda ay leeyihiin in ay soo bandhigaan oo dadka ay tusaan ayaa loo xir-xiray, qof walba oo bini-aadam ah oo aduunyada ku nool waa xor, xaqna wuxuu u leeyahay waxa uu rabo haddii ay xumaan aheyn in dadka uu tuso,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

“Edeb-darada loo xiranayo maxay tahay?, ma waxa lagu nisbeyn karaa qabiil ayaa xirtay. Arrintaas oo kale waa ka fogaadaan dadka mas’uuliyiinta in laga aargoosto ilmaha iyo dumarka, ciddii aad ka aargosan laheydeen waa taqaanan waa aniga idinla hadlaya.”

Waxa uu ku hanjabay in haddii 48 saac gudaheed lagu soo deyn waayo dhalinyaradaas, uu qaadi doono tallaabo cawaaqib xumadeeda uu qaadayo Cali Guudlaawe.

“Haddaa fidno iyo rabsho ka shaqeynayso waa lagala shaqeyna wixii hadda ka dambeya, ogowna in Johwar ay nabad noqoneyn, xawaadle ayaa dagan, waa isku dhar dhiganeyn, haddaad ka noqon gefka noocaas oo kale ah.”

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa hogaamiya gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, waxayna mararka qaar weerar ku qaadan deegaano ka tirsan maamulkaas.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Axmed Qoor Qoor oo u gooyay beesha Habar-Gidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Golaha Hogaaminta Beesha Habar-Gidir oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Galmudug uu laba habeen ka hor ka cudur daartay kulan uu la balansanaa Guddi ka socda Beesha Habar-Gidir. 

Guddigan ayaa damacsanaa inay Qoor Qoor u gudbiyaan go’aan ka dhan oo ka dhashay garab istaag la sheegay in uu u sameeyay madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ka soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Rooble. 

Qoor Qoor ayaa sheegay in uu xanuunsan yahay oo uusan cidna qaabili karin, hase yeeshee isla habeenkii ayuu qaabilay Agaasimihii hore ee hay’ada nabad sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaadiidka Craxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada ee Maamulka Galmudug Aadan Qoryooleey. 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in odayaasha Habar-Gidir ay qaateen go’aan ka dhan ah Madaxweyne Qoor Qoor kaasoo ah in uu cadeeyo mowqifkiisa ama in ay joojin doonaan dhamaan wadashaqeyntiisa arrimaha Galmudug. 

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa laba jeer ku guul dareestay in uu wadahadal ku dhameeyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo gaaray heerkii ugu adkaa, ilaa hadana ma cadeynin Mowqifkiisa ku aadan khilaafka labada masuul. 

Wuxuu sidoo kale ku fashilmay isku day uu heshiis been ah ugu qiyaami lahaa Rooble, isaga oo ku beddelanaya dhulka Dry Port ee aagga Afisyoone, kadib markii xilli dambe laga war-helay.

Qoor Qoor oo lagu tilmaamo madaxweyne goboleedka ugu shaqada iyo tayada xun, inta badanna iska fadhiya Muqdisho, ayaa hadda wajahaya cadaadis kaga imanaya kooxda Ahlu-Sunna ee deegaanada Galmudug oo dib usoo laba kacleyneysa.

100 qof oo lagu dilay dagaal xooggan oo ka socda Marib

Marib (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100 isugu jira mucaaradka Yemen iyo ciidamada dowladda taageersan ayaa 48-kii saac ee tegay lagu dilay dagaal sii xoogeysanaya oo ka socda magaalada muhiimka ah ee Marib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari iyo kuwa caafimaad.

Sidoo kale, duqeymo dhowr oo ay sameeyeen isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta oo sare u qaaday weerarka ay ku hayaan Marib, oo ah magaalada kaliya ee waqooyi ee ku hartay gacanta dowladda.

Lixdan iyo sideed Xuutiyiin ah iyo 32 taabacsan dowladda ayaa lagu dilay isku dhacyadii ugu dambeeyey, sida ay ilo-wareedyo militari u sheegeen AFP. Khasaarahan ayaa waxaa xaqiijiyey ilo-wareedyo caafimaad.

Mucaaradka ayaan inta badan sheegin khasaarahooda. Hase yeeshee Taleefishinkooda Al-Masirah ayaa ku warramay in 60 duqeymo lala beegsaday Marib, labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Boqolaal dagaal-yahan ayaa bishan la dilay kadib markii Xuutiyiinta ay soo cusbooneysiiyeen ololaha ay ka wadaan caasimadda gobolka hodanka ku ah shidaalka.

Marib oo 120 km bari ka xigta caasimadda Sanca ee Xuutiyiinta ay haystaan, ayaa ku taalla meel muhiim ah oo xiriirisay gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi, waxayna muhiim u tahay maamulka waqooyiga Yemen.

AFP + VOA

3 sabab oo Senator CABDI XAASHI uu mar kale si fudud ugu noqon karo guddoomiye

Soo noqoshada xubinta aqalka sare ee Sen. Cabdi Xaashi waxay astaan u tahay inuu si fudud ku hanto gudoomiyenimada Aqalka sare.  Gudoomiyaha ayaa waxaa si weyn u wata kooxaha mucaaradka iyo maamulada qaar, waxaa kale oo codad fiican ka helayaa qaybta reer Somaliland oo uu in badan u doodayey xuquuqdooda. Waxaase cad inuusan jirin Senator kula tartama xilka oo heli kara wareega koowaad codad wanaagsan, hadiiba uusanba soo bixin wareega kowaad. 

Sabaha soo socda awgood:

1- Cododka 11 ee Puntlnad oo dhankiisa aadaya
2- Codadka 8 ee Jubaland oo dhankiisa aadaya
3- Muuse Suudi, Prof. Dufle, iyo Prof. Abdi Ismaciil oo xaqiiq tahay inay isaga dooranayaan.

Codadka aan kor ku sheegay wax waa iska badali karaan, lakiin 90% waa hubaal inuu helayo codadkaas 22 ah. Codaka kale waa suurtagal inuu ka helo qayb fiican, kaliya waxaan xusay codadka ay u badan tahay inuu helo wareega koowaad iyo meelaha ay ka imanayaan.

Maamulada Puntland iyo Jubaland maahan kuwo khamaar ku galaya qof cusub oo aysan aqoon isu lahayn inuu kursiga ku soo baxo, labada maamulna waxay heshiis ka yihiin siyaasada guud ee dalka iyo doorashada cida la taageerayo.

Labada maamul waxay in badan fagaarayaasha uga doodeen qadiyada kooxda Cabdi Xaashi watay iyagoo mar walba garab sinayey kooxda Gud. Cabdi Xaashi, waxayana sabab u ahaayeen labada maamul iyo mucaaradkuba inuu soo gaaro meeshaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa dhankiisa raali ka noqonayn inuu kursiga aqalka sare ku soo baxo qof ka socda beesha ay saami wadaaga yihiin ee Garxajis, taas oo uu ku ilaashanayo kurigiisa RW kuxigeenimo marlabaad oo rajo ka qabo, waxaa arinkaan saacidaynayaa inuu qof aan Gar-Xajis ahayn soo baxo.

Madaama Somaliland kursigaan laga leeyahay ma jiraan loolan adag oo kooxaha siyaasadu ku bixinayaan qofaan Cabdi Xaashi ahayn.  Sidaas oo kale musharaxiinta la tartami doonta ayaa adkaanaysaa inay cod ahaan ku soo dhawaadaan wareega koowaad, sababtoo ah waxay noqon doonaan musharaxiintu ugu yaraan 3-5 musharax oo ay qabysamayaan codadkoodu.

Abdi Xaashi inkasta oo dagaal adag ay dhex mareen isaga iyo Madaxtooyadu, hadana wali waa nin qadarin badan u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana u badan tahay in marlabaad loo  cumaamado xilka gudoonka Aqalka Sare hadiiba uu marlbaad go’aansado inuu u tartamo.

F/G: Tani waa qiyaastayda iyo aragtidayd, waana suurtagal inay wax iska badalaan

W/Q: Diraac S Fagaase

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dab xoog leh oo ka kacay suuq Boocle ee Dharkeynley

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Suuq Boocle oo kuyaal degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Dabka ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ka bilaawday Goob lagu iibiyo Qalabka Electronic, isla markaana uu ku faafay goobo kale.

Dadka deegaanka & Qaar kamid ah Ganacsatada suuqa ayaa ku howlan daminta dabka waxaana la wargeliyay waaxda Dab damiska Dowladda Hoose iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay uga hortagaan in uu u gudbo goobo horleh.

“Dabka waxa uu kusii fidayaa qaybta Bacadlaha, waxaa la wacay dab damis, dabeysha ayaa dhinacaas u baxeysa, dedaalka xooggiisa waa in laga hortagaa in uu suuqa guud ahaan uu saameeyo dabkaan” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah Dadka ku howlan daminta Dabka oo goob ganacsi ku leh Suuq Boocle.

Goobaha ganacsiga waxaa laga saaray hantida taalla sida ay xaqiijiyeen dad ku howlan daminta dabkaas oo gurmadka lagu baqtiijin lahaa socota.

Mahad Salaad oo war kasoo saaray dagaalka Galmudug iyo soo rogaal-celinta Ahlu-Suna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad, oo baarlamanka Soomaaliya kasoo galay deegaanada Galmudug, ayaa ka hadlay dagaalka dib uga soo cusboonaaday halkaas ee u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Galmudug waxay leedahay maamul iyo madax la doortay. Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo furimo cadow ku furanyihiin kuwa dhabarka xabadda ka saaraya waa cadow dadka iyo dowladnimada Galmudug ku soo duulay waana waajib in gacan bir ah lagu qabto.”

Waxa uu intaas ku daray “Siyaasiinta maslaxada ka dhex raadinaya kala dhantaalidda iyo cuuryaaminta maamulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan. Guul ayaan u rajeynayaa reer Galmudug!”

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu iska istaagay, islamarkaana ay dhinacyadu iskood ugu kala tageen deegaanka Bohol, waxaana loo badinaya in lagu kala tagay qorax dhaca.

Dagaalka ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu iska hilmaamay shaqadiisa, islamarkaana noqday fadhiid degan magaalada Muqdisho oo ka shaqeeya danaha madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu xukunka qabsaday Qoor Qoor waxaa xoogeystay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deeganadaas, kuwaas oo laga nabad qabay muddadii ay Ahlu-Sunna joogtay, waxayna taasi dhalisay in Ahlu-Sunna mar kale ay taageero hesho.  

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo maanta ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug ku dhex-maray deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo hadda joogsaday, ayaa waxa uu markii hore ku billowday is-rasaasayn goos-goos ah, kadibna wuu sii xoogeystay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu iska istaagay, islamarkaana ay dhinacyadu iskood ugu kala tageen deegaanka Bohol, waxaana loo badinaya in lagu kala tagay qorax dhaca.

Xaalada guud ee deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, waxaana ka taagan cabsi ah in markale uu dagaal ku dhexmaro sidii saaka ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, ayada oo midaasi ay abuurtay xiisad dagaal, ayaga oo deegaankaas kaga dhawaaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Faroole oo weerar culus ku qaaday xukuumadda Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa xukuumadda Siciid Deni iyo dowladda hoose ee Garoowe ku eedeyay waxqabad la’aan baahsan.

Faroole ayaa sheegay in xukuumadda Deni ay ka gaabisay daboolida baahiyaha bulshada maamulkaas, asaga oo tusaale u soo qaatay duufaan kal hore ka dhacday degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Waxa uu sheegay in dowladda hoose ee Garoowe ay qorsheynayso inay dib u soo celiso Cagaf degmadaas la geeyay xili uu tagayay madaxweyne Deni, aysan dan ka laheyn wado xumada iyo xaalada ka taagan degmadaas.

“Eyl duufaan ayaa ka dhacday 7-dii December hal qof ma tagin, Xildhibaan, Wasiir iyo wax u dhaqaaqay ma tagin, aniga oo yaaban ayaa tagay, welina kama soo kaban oo dhul duufaan, waxaa la ii sheegay in Cagaf geeyen si wadada u mariyaan xili uu imanayay Deni,” ayuu yiir.

“Cagaftaas maxaa loo geyn waayey maalinkii ay labada Eyl kala xirmeen, xagee maalinkaas jireen, waxaa u sheegaya Dowladda hoose ee Garoowe waa isku imaan doonaaye, Cagaftaas Eyl ayaa qaadatay ee xoghayihiina ceshada, halkaas ayuu oolaya, waxaa u sheegaya madaxweynaha iyo wasiirka dowladaha hoose Cagaftaas reer Eyl ayaa leh.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Deni iyo maamulka dowladda hoose ee Garoowe ay ka gaabiyeen shaqadii loo igmaday, xili lagu wado in maamulkaas ka qabsoomto doorasho.

Maxaa sababay guul-darradii uu FARMAAJO kala kulmay doorashadii Afisyoone?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu soo geba-gebeeyey teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu doortay 11 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomalaiya.

Doorashadaas ayaa inta badan looga adkaaday murashaxiinta Aqalka Sare ee uu taageerayey madaxweyne Farmaajo, ayada oo ay soo baxeen kuwa badan oo ay kasoo horjeeda sida Cusmaan Abuukar Dubbe, iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa ayaa sheegay in sababta guul-darrada Farmaajo ay tahay ayada oo meesha ay ka baxday awoodii Villa Somalia kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu diiday faro-gelin hal dhinac ah oo ka dhacda doorashooyinka.

“Qorshe ayey diyaarsadeen (Villa Somalia) laakiin taasi bedelkeeda waxaa ka hortagay Ra’iisul Wasaaraha oo jideeyay hanaanka daah-furnaanta, waxaana dhamaatay hebel baa i wata,” ayuu yiri Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar.

“Dariishada laga wada baxay anagaa wax wadana iyo waa nala wata waa dhamaatay, madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday waxa uu mar walba ku haminayey in marwalba uu soo saarto xubno uu isku haleyn karo oo ku xisaabtami karo, waxaa’se meesha ka saaray go’aanka Ra’iisul Wasaaraha.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada gobollada Waqooyi ay muddo badan ka dhaqaaqi weyday Villa Somalia iyo xubno taabacsan, ayada oo ugu dambeyntii laga adkaaday, sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay Villa Somalia ku hungoowday dagaal adag oo ay la gashay xubno ay kamid yihii Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Dubbe oo ayagu ku soo baxay doorashadii shalay, waxayna taasi ka dhigan tahay in dagaalka lagaga adkaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaada.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug oo socda

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo ka dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug iyo dowladda oo dhinac ah, ayaa ka socda deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo goor sii horeysay oo maanta ah ku billowday Is-rasaasayn goosgoos ah ayaa hadda sii xoogeystay, waxaana wararka ay sheegayaan in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Warar horudhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo gaaraya 8 ka mid ah dhinacyada dagaalamay. Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Huurshe.

Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa midna weli war kasoo saarin dagaalka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud, ayaga oo qorshahoodu yahay inay dib u qabsadaan Galmuudg.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada booliska Galmudug ayaa 27-kii bishan loogu digay hoggaanka Ahlu-Sunna “inay joojiyaan abaabulka iyo colaadda ay ka hurinayaan” deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud.

“Waxaa deegaanka Huurshe soo gaaray taariikhdu markay aheyd 12-09-2021, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, iyagoo u yimid sida ay sheegeen siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, kadibna isla goobtii ka iclaamiyay abaabul iyo kicin dagaal, ilaa hadane ka shaqeynaya abaabulkaas dagaal oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Galmudug, Horumarka iyo Amniga Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-saxaafadeedka.

Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.

Saraakiisha sare ee ururka Ahlu Sunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna ayaa xilligaas sheegay in in malayshiyaadkooda iyo hubkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaana taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame.

Muxuu R/W ROOBLE ka yiri doorashadii maanta lagu soo gaba-gabeeyey Afisyoone?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa war kasoo saaray doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Aqalka Sare, taas oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray Senataradii ugu dambeeyey ee maanta lagu doortay Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo Xerada Xalane.

“Waxaan hambalyo u dirayaa mudaneyaasha maanta la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matalaya Somaliland,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Somailand ee Aqalka Sare oo uu muddo ka taagaan khilaaf xoogan.

“Waa ku faraxsanahay in doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ku soo idlaatay guul,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyey ergadii ka qeyb-gashay doorashada iyo sidoo kale guddigii maamulayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Waxaan hambalyo iyo ammaan u jeedinayaa ergooyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee sida hufan ee xilkasnimada leh doorashada u maamulay,” ayuu raaciyey.

Hadalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la dhammeystiray doorashada 11-ka xubnood ee ay Somaliland ku leedahay golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

JAWAARI oo farriin culus kasoo saaray doorashada golaha shacabka Somalia

0

Muqdisho (Caasimadam Online) – Guddoomiyihii hore golaha shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka.

Jawaari ayaa marka hore soo saaray fariin la xiriirta doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, taas oo qorshuhu yahay in dhowaan la guda-galo.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in golaha shacabka uu saldhig u yahay dowladnimada, maadaama lagu go’aamiyo xal ka gaarista go’aanada culus.

“Golaha shacabka waa meeshii saldhigga u aheyd dowladnimada dad badan ayaa yasaayo mararka qaarkood, laakiin haddii ay mas’ala adag dhacdo meesha la eeganaayo waa golaha shacabka oo la leeyahay go’aan ka gaara oo arrintaas xalliya,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan-yahay in xubnaha la soo xulayo ay noqdaan kuwa leh karti iyo aqoon, si loo doorto xuldhibaano tayo leh.

“Waxaa loo baahan-yahay in xubnaha golaha shacabka ay ahaadaan xubno qiimo iyo qadarintaasi leh, aqoontaas iyo fikrad dheer leh in meesha loo soo xulo waa lagama maarmaan,” ayuu markale yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyey in si deg-deg ah loo  bilaabo qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana heer gabagab ah jooga doorashada aqalka sare oo marxalado kala duwan laga soo maray.

Doorashada Somaliland ee Aqalka Sare oo la soo gaba-gabeeyey – Yaa soo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana la doortay kuraastii ugu dambeysay xubnaha ka imaanaya dhanka Somaliland.

Saciid Cabdi Xasan ayaa ku soo baxay kursiga 7-aad, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Intaas kadib ayaa waxaa codeyn gacan taag ah loo qaaday musharrax Saciid oo helay 42 cod, waxaana sidaas uu markale ku noqday Senatar ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kursiga 8-aad ku soo baxday Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay 30 cod, halka Muno Cumar Xasan oo horey uga fadhisay kursigaas ay heshay 13 cod.

Kursiga kale ee 9-aad waxaa ku guuleystay Sanatar Axmed Maxamed Saciid, waxaana la tartamayey labo musharax oo midkood uusan imaan goobta codeynta, wuxuu isna ku soo baxay cod gacan-taag ah, kadib markii uu tanaasulay Cabdirisaaq Axmed Cali oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kale oo kursiga 10-aad ku guuleystay musharrax Axmed Ibraahim (Qorane) oo isna ku soo baxay cod gacan taag ah, halka kursiga ugu dambeeyey ay iyana ku guuleysatay Deeqo Xassan Xuseen oo loo tanaasulay horeyna ugu fadhiday kursigaasi.

Tani ayaa ka dhigan in lasoo gaba-gabeeyey doorashada Somaliland ee Aqalka Sare, iyada shalay la doortay lixda Senatar ee kale, waxaana ku soo baxay kuraastaasi:

  1. Sen. Cabdi Xaashi Cabdullahi
  2. Sen. Saalax Axmed Jaamac
  3. Sen. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Sen. Cismaan Obokar Dubbe
  5. Sen. Leyla Axmed Ismaaciil
  6. Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi

Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, waxayna taasi soo dadajisay in la qabto dooerashada xubnaha gobollada waqooyi ku metelaya Aqalka Sare.

“Tartanka waan isaga haray markii ay odayaashu iiga baqeen inaan Siyaad Barre oo kale ku noqdo” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Xasan Cabdi Caynaanshe oo sanadkaan isku soo taagay inuu u tartamo xubin ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka noqday go’aankiisii ahaa inuu tartamo, kadib markii sida uu sheegay uu ka naxay ‘laaluushka iyo musuqa la isku dooranayo.’

Caynaanshe oo doonayey inuu u tartamo mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay in shalay markii uu tegay teendhada Afisyooni uu ku soo arkay aqoonyahanadii caanka ahaa oo odayaal ku baryaya laaluush si ay u doortaan, taas oo sida uu tilmaamay ku kaliftay in tartanka uu isaga haro.

Sidoo kale Musharax Caynaanshe waxa uu sheegay in odayaasha wax dooranaya ay u sheegeen in qiimaha ay ku dooranayaan uu ka badan yahay kan musharaxiinta kale, iyagoo baqdin ka muujiyey shakhsiyadiisa, sida uu sheegay.

“Ma aaminsani in nin saan arkay ku soo baxay uu Soomaali maanta wax u sheegi karo, waxaan doonayey in wadaniyada iyo Soomaalinimada aan aaminsanahay la igu doorto, hadii aan guuleystana waxaan u tartami lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare,” ayuu yiri Xasan Cabdi Caynaanshe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in musharaxnimadiisii uu ka noqday isagoo dhowraya sharafta ‘dadka wadaniyiinta ah’ kadib markii lagu xujeeyey lacag badan, sidoo kalena looga baqay sidii Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Caynaanshe.

“Odayaasha su’aalo ayey i weydiiyeen, waxaa jirta arrin ay i weydiiyeen oo ay ula tageen shaqsiyaad dowladda ka tirsan, waxay u sheegeen in qiimo ka badan kan dadka kale ay igu soo saarayaan, waxay kaloo odayaashu sheegeen in Maxamed Siyaad Barre aan u egahay oo ay iiga baqeen sidiisii, laakiin sababta ma garanayo oo anigu waligey dad ma dilin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cabdi Caynaanshe.

Hoos ka daawo

Farmaajo oo ergo Abgaal ah u diray R/W Rooble – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyinta Abgaal ee taageersan maamulkiisa islamarkaana lagu sheegay guddi nabadeed, waxa uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble. 

Guddigaan ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, guddoomiye ku-xigeenka xoogaga Wadaniyiinta Xuseen Carraale, Garaad Cageey iyo Boqoe Cabdullaahi Geedi Shadoor. 

Xubnahaan ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ula tagi doonaan laba qodob oo kala ah. 

1- In Yaasiin Cabdullaahi Fareey loo dhaafo in uu sii ahaado Agaasimaha kumeel gaarka ee hay’adda NISA, oo uu dhowaan u magacaabay Madaxweyne Farmaajo. 

2- In Madaxweyne Farmaajo ay ka keenayaan in uu booskiisa u dhaafo Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ilaa hada magacaabistiisa dood ka taagantahay. Sidaasna labada boos la isku dhaafsado. 

Xubnahaan ayaa habeen hore la balansanaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,  balse waxaa la sheegay in kulankaas uu dib u dhacay waxaana la filayaa in uu qabsoomo Sabtida todobaadka soo socdo. 

Xubnahaan ayaa dhamaantood 4-tii sano ee la soo dhaafay kamid ah shaqsiyaadka uu Madaxweyne Farmaajo u adeegsado siyaasadda Hawiyaha, gaar ahaan midda Mudulood, isaga oo lacag joogto ah siiya. Sidoo kale Intooda badan waxay la-taliyaal usoo noqdeen Farmaajo, si loogu daboolo lacagta ay ku qaateen taageeradooda. 

Lama oga go’aanka uu Rooble ka qaadan doono qorshaha xubnahaan ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ay wadaan oo la rabo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. 

Sarkaal ka tirsan Puntland oo xalay lagu dilay duleedka Garowe – Yaa ka dambeeyey?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada badda ee PMPF ee dowlad goboleedka Puntland lagu dilay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan, ‘waxaana dilkiisa ka dambeeyey’ askari kale oo la sheegay inay murmeen, ka hor dilka.

Marxuumka ayaa ahaa nin dhalinyaro, isla-markaana ka tirsanaa saraakiisha rayidka ee hay’adda amniga PMPF ee Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Aaden jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in askariga dilka gaystay isaga oo dhaawac laga soo qabtay deegaanka Budunbuto, kadib markii uu cararay halkaasi.

Gaanshaanle Sare Degelle ayaa intaasi ku sii daray in cadaaladda ay horkeeni doonaan eedeysanaha loo heesto dilkaasi, si looga qaado tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan ciidamada ilaalada madaxweyne Deni ay gabar dhalinyaro aheyd ku dileen gudaha magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

SWAN oo farriin deg deg ah kasoo saaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay si degdeg ah u soo dhameystiraan, una qabtaan doorashada kuraasta ka harsan Golaha Aqalka Sare.

Wakiilka oo shalay Warbaahinta kula hadlayay Xerada Afisyooni, intii ay ka socotay Doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la guda galo wejiga 2aad ee Doorashooyinka Qaranka.

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ee aan weli soo dhameystirin Doorashada Aqalka Sare inay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo dhameystiraan,” ayuu yiri James Swan.

James Swan ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in hadda Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba ay diiradda saaraan wejiga 2aad ee Doorashooyinka Federaalka, lana bilaabo u diyaargarowga Doorashada Golaha Shacabka, si waqtigii loogu talagalay iyo si waafaqsan heshiiskii 27-kii May loogu soo dhameystiro Doorashooyinka Qaranka, una noqdaan kuwo lagu wada kalsoonaan karo.”

Isagoo hadalkiisa sii xoojinaya ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan ku nuuxnuuxsado in tasiilaadkii loo baahnaa oo dhan la wada heli karayo, iyadoo laga helayo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, lacagihii laga qaaday musharaxiinta iyo kaalmada Dowladda Federaalka.”

Swan ayaa afka ku ballaariyay inaanay jirin sabab muuqata oo hortaagan in la bilaabo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Mana jiri karto sabab wejiga xigga ee howlaha Doorashada Golaha Shacabka, sida soo xulista Ergooyinka oo kale aysan si degdeg ah ugu bilaaban karin.”

Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka ayaa imaanaya, xilli weli uu taagan yahay khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaarihiisa, Maxamed Xuseen Rooble, taasoo ay dadka qaarkii qabaan inay carqalad ku noqon karto howlaha doorashooyinka.

Dagaalka Cumar Finish iyo C/llaahi Carab oo xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay loolanka iyo khilaafka ka dhex taagan wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab iyo duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish.

Dagaalkan oo billowday markii Cumar Filish uu dalbaday in maamulka gobolka lagu soo wareejiyo isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira oo wasiirka uu leeyahay, yaa hadda saameynaya ardayda Muqdisho.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faray Jaamacadaha Dalka in aysan qaban karin arday aan heysan Shahaadada dugsiga sare ee saxda ah oo ay soo saarto Wasaaradda Waxbarashada.

Agaasimaha ayaana ku amray Jaamacadaha dalka inay soo gudbiyaan xogta iyo macluumaadka ardayda ay diiwaan geliyeen muddo 20 maalin ah.

“Laga bilaabo sanad dugsiyeedkaan waxaa laga rabaa Jaamacadaha dalka inay Wasaaradda Waxbarashada usoo gudbiyaan xogta ardayda sanadkaan bilaabaya waxbarashada mudo ku siman 20 Maalmood, macluumaadka laga rabana waa tirada ardayda iyo documentyada ay ku diiwaan geliyeen,” ayuu yiri agaasime Ismaaciil.

Agaasimaha ayaa ugu hanjabay Jaamacaddii u hoggaansami weyso amarka wasaaradda Waxbarashada in lagala noqon doono aqoosiga.

“Jaamacaddii aan u hoggaansamin amarka wasaaradda waxaa lagala noqon doonaa aqoonsiga, waxaana jiri doono kormeel lagu sameyn doono Jaamacadaha seddexdii bil hal mar, Jaamacaddii lagu helo qalad waxay mudan doontaa ciqaab adag” ayuu mar kale yiri Agaasimaha Wasaaradda.

Hadalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa kusoo aadayo xilli khilaafka u dhaxeeyo Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu gaaray meel sare.

Khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka Waxbarashada salkana ku hayo Isbitaalada Yerdameli iyo Jazeera ayaa sababay in xogyahihii ardayda iyo Iskuulada Gobolka Banaadir laga xirto xogaha ardayda taas badalkeedana si toos ah loogu diro iskuulada.

Yey yihiin Senatoradii shalay lagu doortay MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu doortay lix ka mid ah 11-ka senator ee gobollada waqooyi ka soo geleysa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hartay shan kale oo lagu wado in berri la doorto.

Xubnaha shalay lagu doortay Afisyooni ayaa kala ah: 1- Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, 2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, 3- Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, 4- Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, 5- Layla Axmed Ismaaciil, 6- Iyo Bilaal Idiriis Cabdullahi.

Hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa afarta Senator ee ugu caansan taariikh nololeedkooda.

Waa kuma Cabdi Xaashi?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi, Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii.

Waxbarasho:
1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar
1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho
1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho
1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho
Shaqo:
1972-1974: Macalin Ceel Jaalle
1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.
1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS
1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.
1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka
1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka
1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.
1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.
1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.
1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.
2004-2009: Xubin Baanrlamaan.
2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.
2008-2009: Wasiirka Caafimaadka
2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

Hadaba waa Kuma Saalax Axmed Jaamac?

Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac:  Waxa uu dhashay sanadkii 1980-kii, waxaa uu ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master ee cilmiga siyaadda ka heysta Jaamacadda Carleton University.

Waxaa uu ka  shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay’adda Qaramada Midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu soo qabtay labo wasaarad oo xukuumadda federaalka ah, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaaradda dastuurka.

Waxaa uu sidoo kale isku duwe ka ahaa guddi dhanka Farsamada ka taagerayay doorashooyinkii 2016 kuwaas oo ka kala socday dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda Federaalka.

Saalax ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka isagoo ahaa La -taliyaha Sare ee Doorashada oo loo xilsaaray hirgelinta ajendaha dimuqraadiyadda ee Dowladda Federaalka.

Intii uu ka shaqaynayay Wasaaradda, Saalax wuxuu kaloo noqday La-taliyaha horumarinta Istiraatiijadda siyaasadda Siyaasadda.

Saalax Axmed Jaamac, ka hor inta uusan dowladda ku biirin waxa uu ka shaqeyay Adeegyada  horumarinta Bulshada.

Waxa uu sidoo kale wasiirka ka shaqeyay arrimaha dowlad dhisidda, Nabadeeynta, Xalinta khilaafaadka, isagoo qoraallo ka sameeyay Dimoqoraadiyadda iyo fursadaha dowlad dhiska ee dalalka nugul.

Waa Kuma Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar?

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Taariikhda Prof. Cabdi Samatar waa 59 jir ku dhashay magaalada Gebiley ee waqooyi galbeed, ee Somaliland.

Xagga waxbarashada, cilmiga waxbarashada ayuu ka bartay University of Wisconsin–La Crosse, cilmiga qorshaha magaalooyinka ayaa waxaa uu ka diyaariyey Masterka Jaamacadda Iowa State halka PhD uu ka dhigtay UC Berkeley.

Hadda waxaa uu Geography ka dhigaa University of Minnesota, cilmi baarana ka ah University of Pretoria, buugaag badan ayuu qoray waxaa ka “Africa’s First Democrats’.

Prof. Samatar waxaa uu caan ku yahay falanqeynta siyaasadda, isaga horay qeyb ka ahaa doorashada, noqdana guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo hufnaanta, waxaa shalay loo doortay Senator baarlamaanka 11-aad.

Hadaba Waa Kuma Cismaan Abuukar Dubbe ?

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sarena waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo.

Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada Somaliland.

October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma.

June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).

September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horreeyey xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas.

Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK. Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha.

September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London)

Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.

December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.

Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015.
Muddadaas uu ku shaqaynayey khabiirka wuxu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo ka Federaalka.

Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho.

Hogaamiye Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya Qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka Qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool).

Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo.

Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan. Waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.

DENI oo qaaday tallaabo ka dhan ah mas’uul dacwad ka gudbiyey xukuumaddiisa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland, oo hore dacwad uga gudbiyey wasaaraddo kamid ah xukuumaddiisa.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xilkaasi si kumeel gaar ah loogu igmaday Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka, oo asagu sii wadi doona shaqada Hay’adda.

Xil ka qaadista Cabdulqaadir Cali Xirsi, Guddoomiyihii Hay’adda Wadooyinka Puntland ayaa waxay imaneysa labo maalin kadib markii uu soo saaray qoraal ku eedeynayo in dakhligii hay’adda ay si toos ah ula wareegen Wasaaraddaha Maaliyadda, Howlaha Guud iyo Qorsheynta ee maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dacwadii ay Hay’addu ka gudbisay Wasaaraddaha ay sababsatay in laga joojiyo adeegii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaalka, Korontada, Biyaha, Internet-ka IWM.

“Hay’adda waxaa laga goostay korontadii laga soo bilaabo bishii June 2021-ka illaa iyo haatan wey maqan tahay korontadu. In dhakhliga hay’adda PHA usoo xarooda ay Wasaaradda Maaliyada soo dhaafi waydo, markii laga reebo mushahaarka Shaqaalaha, In dowrkii hay’adda PHA si toos ah ula wareegeen Wasaaradda Maaliyadda, Qorsheynta iyo Howlaha guud iyo gaadiida Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Guddoomiyihii Hay’adda Wadooyinka, ka hor inta aan laga qaadin xilka.

Waxa kale oo uu qoraalkaas uu ku sheegay in Wasaaradahaas ay si sharci darro ah ku bixiyeen qandaraasyo waddooyin lagu dhisayo, ayaga oo iska indho tiray hay’addii loo igmaday horumarinta iyo dayactirka wadooyinka Puntland.

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in maalintii uu qoraalkas soo saaray Guddoomiye Cabdulqaadir uu si adag uga horyimid Ku-xigeenkiisa lagu wareejiyay in xilkaas uu si kumeel gaar ah u hayo.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Cabdulqaadir uu mas’uul ka yahay wada-shaqayn la’aanta hay’addaaas iyo wasaaradaha dowladda.

“Eng. Abdulqadir isaga ha la weydiiyo PHA, isagaa cid walba ka sheegtay kana dhex saaray nidaamka dowliga ah iyo wada-shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha dowladda.Waxaan marag ka ahay in Xukuumadda Puntland ay ka go’nayd kicinta hay’ada iyo inay garwadeen ka noqoto mashaariicda hormarinta waddooyinka Puntland” ayuu Xayir ku yiri qoraalka.